|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2447 |
September 03, 2010 Ramadan 24,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
10-Ka Ciyaartoy Ee Ugu Da’yar Xulalka Yurub Ee Ka Qayb Galaya Isree Reebka Euro-2012 Tobanka ciyaartoy ee ugu da’dayar xulalka Yurub ee isku ari doona ciyaaraha isree reebka koobka qaramada Yurub ee dhaci doona 2012-ka. wadamada ay ciyaartoydani u kala ciyaari doonaan dalalka Belgium,Bosnia ,England ,France,Germany ,Italy,Russia,Sweden, Switzerland iyo Turkey hadaba hadii aynu ciyaartoyda mid mid u soo qaadano. Xulka ingiriiska waxa u ciyaari doona 1 Jack Wilshere oo u ciyaara kooxda Arsenal da’diisuna waa 18 sano waxana uu ka ciyaara khadka dhexe hore qaranka waxa uu ugu soo ciyaaray Hal kulan. 2Thomas Mueller waxa uu u ciyaaraa kooxda Bayern Munich da’diisuna waa 20 sano waxa uu ka ciyaaraa weerarka hore qaranka jarmalka waxa uu ugu soo ciyaaray 8 kulan. 3 Sercan Yildirim waxa uu u ciyaaraa kooxda Bursaspor waana ciyaartoy weerka ka ciyaara horena waxa uu xulkiisa Turkiga ula soo qaatay 6 ciyaarood waana ciyaartoy 20 jir ah. 4 Romelu Lukaku waxa uu weerarka uga ciyaaraa kooxda Anderlecht horena waxa uu xulka Belium ugu soo ciyaaray sadex ciyaarood waana ciyaartoy Romelu waa ciyaartoy aad u da’yar oo jira 17 sano. 5 Pavel Mamaev waa ciyaartoy u dhashay dalka Russia una ciyaara kooxda CSKA Moscow wana uu uga ciyaaraa khadka dhexe Pavel in kastoo uu yahay ciyaartoy da’diisu tahay 22 sano waligii umuu safan qaranka Ruushka 6 Mamadou Sakho waa ciyaartoy u dhashay dalka Faransiiska una ciyaara kooxda ka dhisan dalkiisa ee Paris St-Germain waxana uu ka ciyaar khadka dhexe, in kastoo aanu hore ugu safan qaranka Faransiiska hadana waxa uu ku jiraa sanadkii 20aad. 7 Miralem Pjanic waxa uu u dhashay dalka ku yaal bari yurub ee Bosnia-Herzegovina waxanu khadka dhexe uga ciyaaraa kooxda Olympique Lyonnais ee dalka Giriiga dalkiisa wax uu hore ugu soo ciyaaray 16 kulan waxa uu ku jiraa sanadkii 20aad ee cimrigiisa.8 Ola Toivonen waxa uu u dhashay dalka Sweden waxana uu u ciyaaraa kooxda PSV Eindhoven ee ka dhisan dalka Holland Ola waa ciyaartoy 24 jir ah kana ciyaara weerarka waxana uu hore ugu ciyaaray dalka Sweden 8 kulan. 9 Xherdan Shaqiri oo u dhashay dalka Switzerland waxa uu khadka dhexe uga ciyaaraa kooxda FC Basel waana ciyaartoy aan hore ugu ciyaarin xulkiisa hase ahaatee da’diisuna waxa ay maraysaa 18 sano.10 Mario Balotelli oo ah ciyaartoy madow ah oo kasoo jeeda qaarada Africa gaar ahaan dalka Ghana ayaa waxa uu u safan doonaa dalka Talyaaniga 20jirkan qaatay dhalasha dalka Talyaanigu waxa uu weerarka uga ciyaaraa oo dhawaan ku biiray kooxda Manchester City ee ka dhisan dalka Talyaaniga Balotelli waa ciyaartoy inbadan u sabray sidii uu mar uun uga dhex muuqan lahaa xulka Talyaaniga. |