Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2447

September 03, 2010                                                                       Ramadan 24,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Xoghayaha Cusub Ee Dawlada Hoose Oo Xilkii Kala Wareegay Xoghayihii Hore

Hargeysa, September 3, 2010 (Haatuf) - Xooghayaha Cusub ee Dawlada Hoose Hargeysa Deeq Xirsi ayaa shalay xilkii kala wareegey xoghayihii hore Maxamed Aw Aadan Wayrax, taas oo ay ka soo qayb galeen Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), Maayer Ku xigeenka Caasimada Maxamed C/laahi Uurcade, shaqaalaha dawladda Hoose iyo marti sharaf kale.

Xaflada ay xilka kula kala wareegeen labada xoghaye oo lagu qabtay hoolka shirarka xarunta dawladda hoose ayaa waxa furitaankii munaasibadaasi ku soo dhaweeyey xoghayihii hore si uu faahfaahin uga bixiyo intii uu xilka hayey maayer ku xigeenka caasimada.

Waxaanu ugu horayn ku bilaabay hadalkiisa xooghayiihii hore Maxamed Aw Aadan Wayrax oo uu yidhi “Dawlada hoose way qalabaysantahay waaxaheega, sida aad adiguba ogtahay xafiis walba Computer ayaa yaala qalabkoodii kale ayaa yaala, waa xafiisyo shaqaynaya gadiidka dawlada hoose haddii aan soo qaato afar iyo sodon gaadhi ayaa yaala lix gaadhina wey fadhiyaan oo waa afar halkaasi sideed gaadhina shirkada qashinka gurayey ayaa lagu wareejiyay markaa afar iyo sodonkaa waxa ku  jira cagafyada ayaa ku jira cagafyada intii aanu dawlada hoose joogay waxan soo iibinay sadex cagaf laba cagaf oo sheewalo ah iyo cagaf yar oo sheewal ah ayaa ku jirta saddexda aanu soo iibinay waxa kale oo jira cagafyo yaryar oo ah kuwa wadooyinka lagu dhiso oo iyaguna laba ah laban way fadhiyan labana wey shaqeeyan hantida ma guurtada ah ee dawlada hoose guyryo bdan  oo ma guurto ah ayey dawlada hoose ku leedahay  magaalada qaar barigii hore ee aan joogay  la dhisay sida gobanimo oo kale iyo kuwii hore ee ay Dawlada hoose lahaan jirtay ilaa kun iyo sided iyo sodon guri ayey leedahay dawlada hoose oo magaalada ku yaala . dhinaca kale Xooghayihii hore waxa u sheegay inay bixiyaan shidaalka Cusbitalka TBda iyo  masaajidka Mustijaamaca iyo wixii kale ee ay u baahdaan sida shidaalkiisa iyo biyihiisaba. dhinaca kale Xooghaya Cusub ee Dawlada hoose Deeq Xirsi Canbuur  ayaa isaguna  halkaa ka  hadlay waxanu yidhi “Xoghayaha aan badalayo Maxamed Aw Aadan, Maayir ku xigeenka,  Aagaasimayaasha Caasimada, Guddoomiyayaasha degmooyinka, xildhibanada Golaha degaanka, shaqaalah dhamaantin waad salamantihiin, waxaan u mahad naqaya xoghayihii hore oo aan uga mahad naqayo sidda wanaagsan ee u xilka igu wareejiyay taasina waa isbadalka ka dhaca adduunka maanta maxamed ayaa xilka  wareejiyay barina aniga  wareejinaya oo waa isbadalka ka dhaca adduunka maxamed waxa u si kaftan igu yidhi sidii Rayaale ee sharafta lahayd ayaan xilka kugu wareejinaya ana waxan ku idhi sidii Siilaanyo ayaan si wanaagsan ku ambabixinaya.