Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2447

September 03, 2010                                                                       Ramadan 24,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Bare Samo Bayaanshay

Maasadan oo uu tiriyey abwaan Miyir Cali Xuseen waa maanso mug iyo miisaanle oo abwaan miyir ku maamuusayo macalinkiisii qaayaha lahaa’ mudane boobe yuusuf ducaale oo ah hal-abuur qoraaya oo qaranka bilay, waxaanay maansadii Bare Samo Bayaanshey tidhi:-


Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’i waaye iga hano
Baydka maanso curatoo
Taariikhdaada bilaniyo
Buruudkaaga hodankaa
Beel-daajinaysoo
Dhegka-bawsigaygaygiyo
Illaa barashadeennii
Beerkayga jiiftoo
Beryo aan la foognaa
Bulshadiyo hankaagaba
An u soo bayaanshee
Baydkeeda ila maqal
Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’i waaye waxad tahay
Bar-tilmaansigaygiyo
Barahaan higsanayee
Beegsiga habkiisana
Bogga aan ku haystee
Ii bayaanshay himilada
Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Boqorkii ku uumaa
Hibo baaxad waynliyo
Buruud kuugu deeqoo
Beeshoo nagaatoo
Baxsantani Hargeysina
Baro ay u tahayoo
Barashada Furqaan iyo
Cilmi loo banbaxayoo
Maxamuud bahdiisina
U baaqeen bulshada oo
Boogihii gumeystuhu
Dadka uu badaayee
Ba’an borabogaandiyo
Baabkiisi hoosiyo
Beentiyo khiyaalkii
Badawsigu ku dheehnaa
U bayaamiyeenoo
Bogga ay ka dooxeen
Baahidiyo aqoontiyo
Jahligiina baanteen
Illamaa Berbera iyo
Buurta Sheekh dusheediyo
Burco iyo Hargeysiyo
Booramiyo Cammuud iyo
Badhan Ceerigaababa
Dugsiyada bineeyeen
Bulshadana han kiciyeen
“Wax-bartaay” yidhaahdeen
Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’i waaye waxad tahay
Barbaartii la kulantiyo
Ubixii la beeree
Aqoontaa bilawga ah
Nasiibkood ku beegee
Bulshaduna ku faraxdee
Beeraqeeda dhaliyee
Beryo naawilaysee
Barriiqii xornimadiyo
Gudcur kii ku beegmoow
Been lama bineeyee
Runtaa beegsi fiicane
Taariikhdaa ku boqortoo
Baashashkeeda muuqdiyo
Boga sare kutaaloo
Bi’iwaaye waxaad tahay
Bahdii ugu horaysee
Boogihii xasuuqiyo
Baroortii haweenkeen
Beerkooda damaqdee
Barre dawladiisii
Baawarki awoodiyo
Is-bidaysay xoogana
Amarkoodii buriyee
Barta dhimasho taaliyo
U banbaxay dagaalkiyo
Halyeeyadii isu-baaqee
Banka qaatay ficilkee
Baryo ayda joogee
Bahalaha cunaayee
Boqorkana wakiishee
Bismilaah ku dulee
Barre dawladiisii
Ku baabiiyey maalmaha
Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’iwaaye waxaad tahay
Bahdii calanka bilaniyo
Baxsaneey xornimadiyo
Bu’da qaranka dhalisee
Samo lagu badhaadhiyo
Barwaaqada nadoojee
La bogaadshay dabadeed
Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’iwaayae waxaad tahay
Axdigeena beelaha
Wasiirkaanu boqornee
Danta qaranka bilayee
Balayaada ka dhawree
Baashiisii nuurshee
Kazoo baxay xilkiisee
Bulshaduna ducada iyo
Mahadiyo Bogaadada
Bedel ugu dhigtaad tahay
Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’iwaaye waxad tahay
Qoraa lagu badhaadhoo
Bulshadani ku faraxdoo
Barbaartuna ku raysoo
Buugaag qormeeyoo
dhaqankii na barayoo
Taariikhdii bayaanshoo
Suugaantii bidhaanshoo
Ka soo baxay xilkiisii
Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Ani biri-magaydadaydoow
Bulshadaa xushmayniyo
Bilad-sharaf ku siisoo
Boga iyo calooshana
Kuugu beertay muxuboo
Maamuuska bilan iyo
Xurmo kuugu baaqdoo
Bi’i waaye waxad tahay
Barihii aqoontiyo
Ii balaadhshay himilada
Bare samo bayaanshoow
Booboow hal-dooroow
Bi’i waaye abidkaa
Buruudkaagan hodankiyo
Hibadaadan badantaa
Boqor kaama qaadoo
Kuma bado Ilaahay
Balaayiyo xumaatoo
Barwaaqiyo samaatiyo
Bashbash abid ku nooloow
Aakhiro barteedana
Bashiir kugu janneeyoo
Boqorkaa ku guulee
Aamiin Aamiin Aamiin
Abwaan miyir cali xuseen
Gudoomiyaha duugreeb organization.
252-24046313