Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2447

September 03, 2010                                                                       Ramadan 24,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Lama Filaan

Waa Qiso xambaarsan jacayl iyo muruugo badan oo dhex martay laba gabdhood iyo wiil jamacad wada dhiganayay kana waramaysa jiritaanka calafka. W/Q: Qoraa Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi) mukho4me@hotmail.com (Q.3aad)

Hallo Khaalid

Hallo Hodan

Ii waran Khaalid ma fiican tahay cafimadkaaga, dalxiiskii kadibna laguma aragba ee halkeed maratay sow asxabta lama xidhiidhiyo.

Hodan aad baan u fiicanahay walal casharadii iyo courses-ka aan qadanayay ayaa igu batay sidaa darteed ayaan haleel u wayay ee maalin walba niyada ayaan kugu qabtaa.

Waxba malaha ee waayaha ayaa iska badan oo imika cidiba isma haleesho.

Haa Hodaneey qofwalba waayihiisa u gaarka ah ayaa mashquuliyay.

Khaalid maanta waan ku soo salamay uun ee goorma ayaynu kulanaa oo iswaraysanaa

Walaal habeen danbe waa jimce ee hadaad firaaqo hayso waa inoo habeen danbe 7:00 fiidnimo.

Wayahay ee macasalaama.

Wayahay ee waxan kaa ilaaway ma anaa kuu yimaada, mise adaa ii iman Hodan

Intay yara qosashay ayay tidhi

Maya ee anaa kuu imanaya Khaalidow

Wayahay ee jaw

Ok jaw.

Allow qof aan waxba ogayn ha cadaabin Khaalidna farxada ka dhacaysa mamalaynaysid iyo riyooyinka mala awaalka ah ee uu naftiisa ku maaweelinaayo Hodana talaa ku caddaatay waxa ay ula tagtana way garan ladahay iyadoo isla hadlaysan ayay mar leedahay u tag marna ka baaqo oo iska joog ileen naf wax jecel weeyaane qof kay iyadu rabtay ayay qofkale ugu sheegyaysaa jacaylna u ogalaanaysaa in qof aan iyada ahayani la wadaago nolol iyo jacayl wiilkii ay calmatay lakiin jacaylka dhamaantii ayaa iska ah in qofi qof kale jeclaado ka la jecel yahayna midkale caashaqa iyo jacaylkuba waa iska daba wareeg Hodan inta ay indhaha isku qabatay ayay go’aan saatay inay balantay ka qaaday Khaalid iyo Hodanba siddeedii u fuliso kuna dhaqaaqdo siddii ay labadoodaba iskugu keeni lahayd waxayna u diyaar garoowday kulanka ay la lahayd Khaalid oo isna farxadi u dhaamaatay kuna hanwaynaa inuu maanta jacaylkiisa sheegto isagoo naftiisa ku qancin jiray inay Hodana ka heshay oo ay iyadu soo xasuusatay markii ay is hayn kari wayday lakiin arin sida uu moodayo maaha ee waxa ay u wadaa jacayl ay saxibadeed ka wakiil tahay.

Goobta uu kulanku ka dhacayaa waa guri u sii diyaariyay Khaalid dayaxuna waa afar iyo tobanaad jawiguna waa dirimaad aan dhaxan lahayn iyadoo si qurux badan u soo labisaatay ayay gurigii timid markii horena uu Khaalid Baska ka soo kaxeyay isagoo habeenkaas u diyaara inuu qaabilo naf uu jecel yahay iyaduna jecel lakiin aan midna midka kale u ogayn.

Aragti uu Khaalid arko Hodan waxa ugu danbeeyay dalxiiskii uu ku jeclaaday ee Buurta Daallo waxaana darenkiisa soo jiitay midabkeeda dhalaalaya iyo dharka bilicda leh ee ay soo xidhatay Hodan oo iyadu ugu soo talo gashay inay jeceshaay lakiin aan calafku is raacin waxayna daqiiqado yar kadib fadhisteen qolkii fadhiga oo aad u sharaxan naftuna ay ku dagayso quruxda iyo qalabka yaal awgiis waxaana markiiba hadalkii bilaabtay Hodan oo tidhi:..

La soco............