|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2447 |
September 03, 2010 Ramadan 24,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Kooxaha Inter Milan Iyo AC Milan Oo Gudbiyey Liiska Ciyaartoyda Uga Qeybgalaya Champion-ka Kooxaha sida aadka ah uu xafiiltanku uga dhaxeeyo ee ka wada dhisan Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga AC Milan iyo Inter Milan ayaa gudbiyey liiska ciyaartoyda sanadkan uga qeybgali doonta Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee loo yaqaano Uefa Championes League. labada kooxood waxa ay magacaabeen min 31 ciyaaryahan kuwaas oo ay ku jiraan dhalinyaro soo da’yar oo ay Inter kalasoo baxday kooxdeeda dhalinyarada. Hadii aan ku horeyno Inter, waxa ay liiskeeda kusoo darsatay lix ciyaaryahan oo ay ka keentay kooxda labaad Juunyerka Inter, waxana ay kala yihiin Joel Obi, Paolo Orlandoni, Davide Santon iyo Ludovic Biabiany. Liiska Inter uga qeyb gali doona Champion-ka ayaa waxa ay kala yihiin: - Julio Cesar, Ivan Cordoba, Javier Zanetti, Dejan Stankovic, Lucio, Thiago Motta, Samuel Eto'o, Wesley Sneijder, Sulley Muntari, Luca Castellazzi, Maicon, McDonald Mariga, Esteban Cambiasso, Joel Obi, Paolo Orlandoni, Diego Milito, Marco Materazzi, 25 Walter Samuel, Cristian Chivu, Goran Pandev, Coutinho, Amantino Mancini, Cristiano Biraghi, Andrea Romanò, Davide Santon, Obiora Nwankwo, Lorenzo Crisetig, Simone Dell'Agnello, Felice Natalino, Ludovic Biabiany iyo Alberto Gallinetta Dhanka kale kooxda Milan ayaa iyaduna magacawday xidigaha uga qeybgalaya xilli ciyaareedkan koobka kooxaha horyaalada Yurub oo ay iyadu caanka ku tahay kuna guuleysatay 7 jeer. Milan waxay magacawday dhamaan laacibiinteeda, hase yeeshee weeraryahanka da,da yar Alexandre Pato ayey ku qortay magaciisa qaybta ciyaartoygda da’yarta inkastoo uu liiska ku jiro. Milan oo xagaagan noqotay kooxda kaliya ee sida rasmiga ah uga faa,ideysatay suuqa kala iibsiga ciyaartooyada Yurub markii ay soo iibsatay laacibiinta kala ah Zlatan Ibrahimovic iyo Robinho, Milan ayaa weerarka waxa ay u qorotay Ronaldinho, Inzaghi, Zlatan Ibrahimovic iyo Robinho, iyo Pato oo lagu daray liiska dhalinyarada. Liiska ay championka u xulatay Milan: Goolhayaasha: Abbiati, Amelia, .Roma Difaacyada: Nesta, Papastathopoulos, Oddo, Jankulovski, Zambrotta, Bonera, Thiago Silva, Yepes, iyo Antonini. khadka dhexe: Gattuso, Seedorf, Flamini, Abate, Pirlo, Ambrosini iyo Boateng. Weerarka: Inzaghi, Ibrahimovic, Robinho, Ronaldinho. Iyo Pato. |