Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2448

September 05, 2010                                                                       Ramadan 26,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Ciidamada Amaanka Burco Oo Gacanta Ku Dhigay 8 Nin Oo Looga Shakiyey Inay Xidhiidh La Leeyihiin Ururka Al-shabaab Ee Ka Dagaalama Somalia

Burco, September 5, 2010 (Haatuf) - Ciidamada Booliska magaalada Burco ayaa Hawgal ay shalay galinkii hore qaadeen ku qabqabtay dad gaadhaya ilaa 8 nin oo ay sheegeen inay ku tuhunsan yihiin inay Xidhiid la leeyihiin Kooxaha Argagixisada ee ka Dagaalamaya Somalia, warar ku dhaw dhaw Arimaha ragaas la qab qabtey ayaa Haatuf u xaqiijieyey in 4 ka mid ah ragaasi ay ka soo jeedaan dalka Somaliya, halka afarta kalena dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland, kuwaas oo uu ka mid yahay nin dhalinyaro ah oo Burco ku haysta meherad, kaas oo uu dhalay Maxamed Maxamuud Nuur (Faruur) oo isagu ka mid ah saraakiisha sar sare ee kooxaha ka dagalamaya Somalia, iyada oo wiil u dhalayna dagaaladii dhowaan Xamar ka socday lagu dilay.

Dadkan ciidamada nabad galyada gobolka Togdheer qabteen ayaa isugu jiray Macalimiin Wax ka dhigta Dugsiyadda Waxbarashadda gaarka loo leeyahay iyo kuwo Meherado Ganacsi ku haysta gudaha magaaladda Burco, Kuwaas oo laga soo qabtay goobohoodii shaqo.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland Col. Cabdi Raxmaan Liibaan Fooxle oo isagu Haatan ku sugan magaaladda Burco oo saxaafadu wax ka waydiisay Hawgalkan ay Ciidamadda amaanku shalay ku soo qabqabteen dadkaas looga shakiyey inay xidhiidhka la leeyihiin kooxaha ka dagaalama Somalia iyo Tiradda ay ku qabqabteen, Ayaa sheegay inuu yahay mid lagu xoojinayo amaanka Gobolka, Isla markaana lagu qabtay dad lagu tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxahaasi.

Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Togdheer Yaasin Maxamed Cabdi, ayaa ShirJaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa kaga hadlay Talaabadan Boolisku ku qab qabteen dadkan la sheegay in lagu Tuhunsan yahay inay Xidhiidha la leeyihiin Kooxaha Somalia, kaas oo sheegay in dadkan Baadhitaan lagu samayn doono oo cidii dambi lagu helo lagu qaadi doono, kawa kalena la sii deyn doono.

Hawlgalka Boolisku shalay qaaday ayaa noqonaya kii ugu Balaadhnaa ee Ciidamaddu ka Sameeyaan Gudaha magaaladda Burco, isle markaana, ku Qab qabtaan dad intaa gaadhaaya.

Waxa hore Ciidanka Boolisku Burco uu Qabteen dad ay sheegeen inay Damacsanaayeen Qaraxyo ay ka fuliyaan magaaladda Burco, Balse ilaa hadda ku xidhan jeelasha oo aan wax Maxkamad ah la soo taagin.

Si kasta ha ahaatee ilaa hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Sarakiisha ciidamada iyo madaxda gobolka Togdheer, hadana wararka ka imanaya magaalada Burco ayaa sheegay inay jiraan dad kale oo lagu daba jiro oo lagu xidhiidhinayo inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama Somalia.