Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2448

September 05, 2010                                                                       Ramadan 26,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Shilalka Gaadiidka Hargaysa Oo Soo Badanaya, Waddo Xumada Jirta Iyo Masuuliyad Darada Wadayaasha Baabuurta

Hargeysa September 5, 2010 (Haatuf) - Gaadhi Noociisu yahay Parado Lambarkiisuna yahay 34050 iyo gaadhi Landcruser ah nooca loo yaqaan (Layla Calaawi) Lambar: 36259 ayaa xalay fiidkii inyar uun ka dib xilligii afarku isku duqeeyay waddada laamiga Shacabka ee ag-marta Hotelka Rayaan ee magaalada Hargeysa.

Labada gaadhi ayaa shilka is duqayntoodu ka damabaysay, kadib markii uu gaadhiga Landcruser-ka ah oo doonayay inuu wadada laamiga soo galo, isaga oo dhinaca galbeed ee banaanka ka soo galayay halka gaadhiga Barado-da ahina uu dhinaca galbeed ee laamiga haadkiisa u socday una ujeeday dhinaca suuqa (Jihada bari) ka dibna isku dhaceen labada gaadhi, taas oo sababtay in gaadhigii Landcruser-ka ahaa wadadii ka baxay, iyada oo sida dad goob-joogayaal ahaa oo ku dhawaa goobtaasi ay sheegayaan, in gaadhigaasi laba jeer is rogay ka dibna xaga banaanka dhinaca kale isku rogay.

Hadaba wariye Haatuf ka tirsan oo gaabtaasi shilka gaadiidku ka dhacay booqday, ayaa halkaasi kula kulmay darawalkii waday gaadhiga Baradada ah C/raxmaan Maxamed Maxamuud, oo sheegay inuu wadada si caadiya u socday, isla markaana markii uu hormarayey Hotelka Rayaan uu gaadhigaa kale dhinaca galbeed ee banaanka u wadada ka soo galay ka dibna shilku dhacay, waxana uu intaas ku daray inuu siday saddex qof oo kale wax khasaare ahina soo gaadhin dhamaan.

Sidoo kale gaadhiga Landcruser-ka ah ayaan ciddi wax ku noqon khasaare ka soo gaadhin dadkii la socday iyo wadihii gaadhiga toona, halkaas oo saacad ka dib markii u shilka gaadiidkani dhacay ay soo gaadheen ciidamada nabadgalyada wadooyinku (Taraafig)

Sidoo kale Shilka labadan gaadhi ee xalay ka dhacay hoteelka Rayaan ee shacabka magaalada Hargeysa, ayaan wax khasaare ahi ka soo gaadhin Meherado yar yar oo waddada u dhawaa iyo dadkii marayay wadda dhinacyadeeda.

Shilalka gaadiidka ee caasiamada Hargeysa ka dhaca ayaa sanadahan u dambeeyayba aad u sii kordhaya, ka dib saxmada gaadiidka oo aad u badan yaryar iyo waaweyn-ba, islamarkaana gaadiidka ka soo dagaya dakeda Berbera oo maalinba maalinta ka dambaysa ay caasimada ku soo kordhayaan gaadiid badan, iyada oo ay caasimada ka jirto waddo xumo, iyada oo waddooynku ay aad liidataan, islamarkaana cidhiidhi oo haadadku yaryar yihiin, taasoo sababta gaadiidka shilal badan gala, islamarkaana ka soo gadhaan dhaawacyo iyo dhimasho dadka halka gaadiidka laftiisa maalin kasta shilal sababa duqayn ahi ka dhex dhacdo dhacdo.

Si kastaba ha ahaatee talsikii Rajiimkii Siyaad Barre ee dalkan ka ton jiray xilligii Somaliland ka mid ahayd dalkii la isku odhan jiray Somalia ayaan maamulkaasi wax horumarin ah ka samaynin dhinacyada adeega bulshada ee aasaasiga ah sida wadooyinka iyo waxyaabo farabadan oo sal u ah waxbaqadka baahiyaha aasasiga ah, iyada oo wadooyinka Hargeysa ka hirgeliyay yihiin qaar aad u yaryar oo cidhiidhi ah, islamarkaana laba baabuur uu qudha ay dirqi isku dhaafi karaan, sidoo kale xukuumadihii Somaliland ee kala dambeeyay dayactir uun ku sameeya wadooyinka caasimada dhexdeeda, balse aan ka hirgelin wadooyin waaweyn,

Hadaba xukuumadan cusub ee madaxweyne Axmed Siilaayo ayay dadweynaha caasimada Hargeysa ku nool iyo guud ahaanba dalka reer Somaliland ka sugayaan waxqabad muuqda sidii ay horeba u balanqaadeen xilligii ololaha doorashada xisbiga Kulmiye ku ololaynayay inuu horumar dalka gaadhsiin doono.