Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2448

September 05, 2010                                                                       Ramadan 26,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Caafimaadka Caasimada Oo Halis Daaqaysa Iyo Dawladda Hoose Oo Soo Ururisay 20 Ton Oo Dawooyin, Raashin Iyo Sharaab Dhacay

Hargeysa, September 5, 2010 (Haatuf) –   Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa ayaa maalintii shalay dab qabadsiisay Daawooyin, Sharaab, iyo Raashin dhacay oo tiro badan, kuwaas oo laga soo ururiyey goobaha caafimaadka iyo meheradaha ganacsiga.

Daawooyinkan iyo Sharaabkan oo dawladda Hoose gubtay ayaa sheegtay inay dhan yihiin 20 ton oo iskugu jira noocyada kala duwan ee Daawooyinka iyo sharaabka dhacay, kuwaas oo ay muddo Afar bilood ah ku qaadatay inay soo ururiyaan, isla markaana ay ku soo xareeyaan Istoodhka dawladda hoose si loo gubo.

Agaasimaha Fayo dhawrka arimaha Bulshada ee dawladda Hoose Khadar Cismaan Guuleed oo maalintii shalay warbaahinta ugu waramayey goobta lagu ururiyo isla markaana lagu gubo Khashinka ayaa waxa uu yidhi “Maanta (shalay) anagoo ka shidaal qaadanayana hadalkii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo in magaalada qashinka laga guro,  waxaanu maanta (shalay) ka shidaal qaadanay in aanu la kowsano soona gubno dawooyinkii  dhacay ee aanu soo qabqabanay in aanu gubno  khudrad iyo sharaab dhacay, kuwaas oo aanu maanta ka gurayno istoodhka dawladda Hoose, isla mar ahaantana aanu ku soo gubayno meesha khashinka lagu gubo, halkan waxa idiinka muuqata dawooyinka dhacay oo ah kuwo wakhtigoogu dhacay waxany dhibaato u keenayaan dadka reer Somaliland, dhamantoodba oo ay yihiin kuwa kaliya ee laga qaadayo xanuunada, kuwaas oo dhibaatooyin badan dadka u geysan kara ama xanuun ha noqoto ama waali ha noqoto ama cuduro kale ha noqoto, waayo waad garanaysaan waxaynu ku shaqaynaa waa dhiig, dhiiga qofkuna biyo ma xamili karo daawo dhacdayna maxaad u malaynaysaan, faleebadan aan imika hayo oo kale sida caanaha, kookaha fayroobka la isku muddo waxaas oo dhami waa la mid.

Sidaa darteed waxaanu ka codsanaynaa dadweynaha inay noo soo sheegaan meel alaaliyo  meeshii Dawo dhacday taalo ama meeshi sharaab dhacay yaalo inay noo soo sheegan, taas oo ah wanaageena iyo sharfteena sababtoo ah qofku haddii uu waayo noolashiisii waxba uma hadhsana.

Ganacsatada, Tukaamada, dadka baaycmushtarka waxanu ka codsanayna inay iska eegaan alaabaha ay iibsanayaan ee ay Compani-gu u keenayo ama ay dekeda kala soo baxayaan inay iska hubsadan, sababtoo ah waad ogtihiin maanta inta qof ee reer Somaliland ee waalan inta miyirka qabta waad ogtihiin inta bukaan jifka ah waad ogtihiin  waxaas oo dhami waxa weeyaan alaabta dhacday ee aynu iibsanayo, waayo dadku waxba ma akhriyaan waxbana ma eegaan oo wuxuun bay iibsadaan wakhti Ramadaan ah ayeynu ku jirana oo qofkii waxba ma akhriyo oo wuu Sooman yahay, waxa ka xun qofka ka faa’idaysanaya waa kiis, waxaan maxkamad ahayn saari maayo dawladan waanu la kaashanaynaa dukaankii laga helo alaab dhacaday ama laga  helo Raashin dhacay waa in uu noo soo sheega oo yidhaahdaan meesha alaabo dhacday ayaa yaala anga gacan ka siinayna oo ka rayrayna, haddii kale ganaax ayay mudan doonaan”.

Dhinaca kale waxa shir-jaraa’id oo loogu diyaar garoobayo maalinta uu Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay maalinta nadaafada oo ku beegan maanta ka hadlay Badhasaabka Gobolka Xamarje, Maayir ku xigeenka Uurcade, kuwaas oo si weyn ugu booriyey saxaafada madaxa-banaan inay doorkeeda kaga aadan arintaasi ay ka qaadato.

Mr. Xamarje oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa aan tixgalinta u soo jeedinayaa media-ha madaxa banaan oo doonaynaa in aanu gacmaha is qabsano, oo aynu si wada jir ah wax u wada qabano, waxa barigii hore la odhan jiray “Daawanaayood Waa Dalkaagii”, waana halku dhaga maalintan Axada ee maanta oo bishu ay tahay 5/9/2010 in aynu nadaafada iyo xashiishka si fiican loogu foojignaado, waxa aanu anaguna balan qaadaynaa anaga oo isku dhan, Dawlada Hoose, maamulka fulintu, gobolkuba in aanu Jaa’isado bixin doono sida ay shanta degmo ugu kala awood bataan ayaanu jaa’isado ku bixin doonaa, dhamaan wasaaradaha nagala soo hawlgalaya jaa’isadaan ku siin doonaa sida loogu kala karti bato, sidaa daraadeed waxa aanu ku wacyi galinaynaa in Maanta, Ciidanka Bileyska oo hawlkara oo tobankii dambe ee Ramadaan hawl weyn ku jira, isla markaana la baaxaadagaya amaanka maatida dharka iida iibsanaya siddii ay amaankooda u sugi lahaayeen, waxaanan ku dardaarayaa inay nagala qayb qaataan amniga guud ee magaalada”.

Sidoo kale waxa isna shirkaasi jaraa’id oo lagu qabtay Hoolka dawladda hoose ee magaalada hargeysa ka hadlay maayir ku xigeenka caasimada Uurcade, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “Waxa aynu la wada soconaa in madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland uu ku dhawaaqay maalin cayiman oo ah maalinta Nadaafada oo ah Bari (Maanta) haddii ale yidhaa, 45-kii cishana maalin laga dhigay, waxa aynu jecelnahay haddii aynu nahay caasimadii inaynu hormuud ka noqono arimahaasi oo aynu ka hawlgalo, oo olole balaadhan laga galo, iyadoo aan nadaafada magaalada aan la odhan Karin waa boqolkiiba boqol, inkasta oo ay dedaaleen shirkaduhu waa ay ka xoogweyntahay labada shirkadoodba oo waxa ay noqotay in ilaa heer qaran loogu dhawaaqo oo Somaliland laga wada qayb galo, Nadaafadu waa ka badh nolosha oo haddii aanay nadaafadi jirin nololi ma jirto, waxa aanu codsanaynaa in cagafyada iyo dadweynuhuba ay si weyn noogala soo qayb galaan ololaha balaadhan ee qaran inaga oo ah caasimadii oo roobab badani ay ka de’een oo ay ka xoogbadan tahay dawladda hoose, oo ay dadweynaha iyo cagafyada ay gaar ka u leeyihiin ay nagala soo qayb galaan anaga ayaa shidaalka ku shubanaynee, waxa aanu jecelnahay in Iskarogooyinka degmo walba jooga in guddoomiyaha degamadaasi ay ololaha nadaafada ay kala qayb galaan”.

Khadar Cismaan Guuleed Agaasimahaa Arimaha Bulshada Ee Fayo Dhawrka ee dawladda hoose.

Si kastaba ha ahaatee dawladda hoose ayaa iyadu u xil saartay inay caasimada qashinka ka guraan shirkaddo maxali ah, kuwaas oo lacago ay adeegyadaasi ku qabanayaan ka qaada Shacabka iyo dawladda hoose oo iyana sheegtay inay labada shirkaddood midiiba ay ku kabto lacag dhan $5000 Dollar, balse maalintii shalay oo wariyeyaal ka tirsan Haatuf ay tageen goobta lagu gubay Daawadaasi dhacay ayaanay jirin wax Qashin ah oo ay dhawaanahan geeyeen goobtaasi kuna gubeen shirkadaha loo xil saaray.