Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2448

September 05, 2010                                                                       Ramadan 26,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

U Diyaar Garowga Ciidal Fidriga Oo Aad Looga Dareemayo Suuqyada Hargeysa

Hargeysa, September 5, 2010 (Haatuf) - Suuqyada Waaweyn ee Caasimada Hargeysa ayaa aad looga dareemayaa u diyaar garowga dadweynaha ee ciida ciidal fidriga, taas oo haatan bisha Ramadaan ay gabogabo ku dhawdahay. Suuqyada ganacsiga Dharka iyo Kabaha ee bacadlaha ayey dad aad u faro badani kusoo xoomeen dabayaaqada maalmaha Bisha Ramadaan, kuwaas oo walidiintu ay gacmaha hayaan caruurtooda si ay ugu soo iibiyaan Dhar.

Xiligan ayaa goobaha lagu iibiyo Dharka iyo Kabaha ayaa ah kuwo aad isla markaba dareemi karto cidhiidhiga iyo saxmada dadweynaha wax iibsanaya ee is dhaafdhaafaya gudaha Bacadlayaasha.

Sidoo kale marka aad hore u dhex gasho waxa aad areemaysaa ama aad arkaysaa ciidamada amaanka oo iyana si fiican u sugaya amaanka.

Wariye ka tirsan Wargeyska Haatuf oo suuqyada bacadlaha Hargeysa booqday Ayaa goobahaas ku soo arkay dadweyne aad u faro badan oo isugu jira waalidiin caruurahooga u iibinya  dharka, dhalinyaro, haween ku sugna goobahaas, isla markaana ka iibsanaya dharka ciida.

Ciidan ayaa laga dareemaya in dadweynaha qaar sida kuwa danyarta ah oo aad uga walaacsan qiimaha lagu iibinayo dharka, kuwaas  ayaan la mid ahayn qiimayaashi lagu iibin jiray   iidihii ina dhaafay  mid ka mid ah waalidiinta ku nool magaalda Hargeysa oo waramay sida u qiimaha dharku u kor ugu kacay suuqyada bacadlaha “doorkani lama mid aha iidihii hore sababtoo ah qiimaha dharka ee aan caruurta u iibin jiray ayaan la mid ahayn oo hada qiimahihii dharku  sarae ayuu u  kacay oo la mid maha qiimayaashi hore aan ugu iibsan jiray ” sida waxa tidhi hooyo ka mdi ah dadkii halaas ku sugna . sidoo kale     mid ka mid aha gacsatada Bacadlayaasha  oo la yidhaahdo Muuse Axmed Aadan oo ka waramaya sida u dareenkiisu  yahay waxa u yidhi “maalintan oo kale waa fursad aad u qaali ah oo aanu dhamaan Ganacsatada Badcadlayaashu ka wada faa’iidaysataan waxa, noo yimaada dad doonaya in ay iibsadan dharka iida anaguna waanu kaga  iibina oo qiimo macquul ah ayaanu kaga iibina”  Dhinac kale mid ka mdi ah jumladlayaasha dharka oo ka hadlaya sida u qiimaha dharka isku badalay  ” waa runta oo qiimaha sanadkan kor ayuu u kacay . marka la isbarbardhigo sanadkii hore isku mid maaha , taasna waxa sababay cashuurtii macaashal  macaashka oo la kordhiyay, tusaale ahaan  halkii  markii hore nalga qaadi jiray 250,000 Shl (Laba boqol iyo kunton kun ) , imikana waxa nalag qaada 500,000  (Shan boqol oo kun )”  Magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba magaalooyinka kale ee dalka ayaa si weyn looga dareemaya busaarad sanadahan u danbeeyey daashaday ,taas oo sabab ay u tahay camal la’aan  faro badan oo saamaysay badi dadka , gaar ahaan dhalinyarada.