|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2448 |
September 05, 2010 Ramadan 26,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Qiimaha Xulka France Oo Hoos Udhac Ku Yimid Tan Iyo Maalintii Zidane Ciyaaraha Ka Fadhiistay Xulka qaranka ee dalka Faransiiska oo kamid ah xulalka ugu macaga wayn qaarada yurub ayaa baryahan danbe waxa ay ku fashalinmeen guulihii looga bartay. Ciyaartii finalka ee koobkii aduunka ee 2006 dii oo lagu qabtay dalka jarmka ayaa ahayd munaasibdii ugu heerka saraysay ee lagu arko xulka dalka Faransiiska. In kastoo xulka France si xidhiidha ugu wada guulasytay marqudha koobabaka kala horyaalka aduunka, horyaalka yurub iyo koobka qaaradaha sanadihii 1998kii ilaa 2002dii. Xiligaas xidigaha u ciyaari jiray xulka Faransiiska wax ugu magac waynaa Zidnide Zidane oo ah halyayga kubada cagta ee dalka faransiiska waxa kale oo soo raacayay xidigo ay kamid yihiin tababaraha xiligan laylya qaranka ee Louren Blanck iyo Thiery Henry oo ilaa hada xidhan funaanada qaranaka faransiiska. Si kastaba ha ahaatee laga soo bilaabo maalintii u Zidane ka fadhiisay xulka faransiiska waxa si joogta ah looga waayay xulka faransiiska guulii ay ka gaadhi jireen ciyaaraha caalamiga ah iyo kuwa qaarada yurub. Koobkii yurub ee 2008dii waxa ay ciyaaraha kama danbeysta ah ku gaadheen si aad u adag waxana ay ku hadheen guruubka. Koobkii aduunka ee sanadkan waxa ay ugu soo baxeen gool muran badani ka dhashay oo uu gacan uu Henrry baas ku siiyay Class kulan kala bax ahaa oo ay la ciyaarayeen dalka Ireland, koobka aduunkana waxa ay faransiisku kala kulmeen fadeexad waxana ay ku soo hadheen wareega koowaad waxana intaa usii dheerayd is qabqabsi dhexmaray ciyaartoyda iyo maamulkii hogaaminayay oo uu ku jiro tababar Dominich. Hada oo ay bilaabmeen ciyaarihiii isreeb reebka koobka yurub ee 2012ka ka dhici doona dalalka Ukrain iyo Poland, ayaa waxa xulka faransiiska soo waajahday ciyaartoodii ugu horaysay guuldaro ay kala kulmeen wadanka Belarus oo ah wadamada ugu hooseeya xaga kubada cagta qaarada yurub. Zidane ayaa ka dhexmuuqday garoonka ay ku tababartaan xulka France maalmihii ugu danbeeyay waxana la sheegay in uu ula joogay si uu niyada ugu dhiso oo ugu booriyo sidii ay mar kale sumcadii faransiiska usoo celin lahayeen ciyaartoyda hada matasha qaranka faransiisku. Si kastaba ha ahaatee xulkii qiimaha lahaan jiray ee faransiiska ayaa waxa ay kasoo hadhi waayeen ka fadhiisigii ciyaaraha ee Zidane. |