|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2448 |
September 05, 2010 Ramadan 26,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Dawladda Ruushka Oo Shacbi Weynaha Dalkeeda Kula Talisay In Ay Kordhiyaan Cabista Sigaarka Si Dhaqaale Dowlada Uga Soo Galo Wasiirka Maaliyada ee dalka Ruushka Alexei Kudrin, ayaa shacbi weynaha dalkiisa ka codsaday uguna baaqay in ay si aan xadlahayn waali ah u cabaan kahmriga iyo sigaarka. Wasiirka oo dadweynaha kala hadlayay Telifishanka dalkaa ayaa ku dooday in hindasahan cusub ee uu soo bandhigay in looga dan leeyahay sidii loo kordhin lahaa dakhliga ka soo gala dawlada cashuuraha laga qaado shirkadaha sigaarka iyo khamriga ka ganacsada, taas oo uu sheegay in lagaga qaban doono horumarinta adeegyada bulshada ee kala daadsan. Wasiirku waxa uu yidhi isaga oo arrimahan ka hadlaya "Hadii qof waliba uu cabo Baakidh sigaar ah, waxa ay la macno tahay taageero weyn oo aad ka geysatay halganka lagula jiro kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyadda bulshada iyo xadaynta taranka dadka”. Dalka Ruushka ayaa lagu soo waramayaa in ay si weyn kor ugu kacday isticmaalka cabista Khamriga iyo Sigaarka, iyada 65% Ragga dalkaa ku nooli ay qiijiyaan sigaarka khamriguna uu hadh belay, sidoo kale Dumarka dalkaas ayaa iyana la sheegay in aanay dab yar shidaynin. Qiimaha sigaarka ayaa ah isna mid qaali ku ah dalka Ruushka iyada oo halkii baakidh ee Sigaara oo weliba ah nooca aan shaandhaysnayn la siiyo lacag gaadhaysa 40 rubles, oo u dhiganta ( $1.30), iyada oo ay u yar yihiin shirkadaha sigaarka soo dejiya maraca laga reebo shirkado maxali ah oo kooban. Si kastaba ha ahaatee, sanadihii Sideetamaadkii iyo Sagaashamaadkii ayay shacabka Ruushka ah ee ay tubaakadu dishootay ay sameeyeen banana baxyo ay kaga cabanayaan sigaar yari dalkaa soo food saartay, taas oo ku khasabtay Madaxweynihii dalkaa ee xilligaa Mikhail Gorbachev, in dibadda ka dalbado maraakiib sigaar ah. Cuddurada iyo dilalka ka dhasha cabista badan ee Alcohol-ka ayaa lagu soo waramayaa in ay sanad walba galaafato nolosha dad tiradooda lagu qiyaasay Shan Boqol oo Kun oo qof oo Ruush ah. |