Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2455

September 13, 2010                                                                      Shuwal 04,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Isticmaalka Mobilada Oo Wax Weyn Ka Bedelay Hab Nololeedka Shacabka Somaliland

Korodhka Isticmaalka Mobilada Ee Dhalinyarada Ku Nool Magaalooyinka iyo Miyiga Somaliland. 

Hargeysa, September 13, 2010 (Haatuf) – Sanadadii u dambeeyey waxa si weyn isku soo tarayey isticmaalka Mobilada ee shacabka Somaliland ee ku dhaqan Miyi iyo Magaaloba, kuwaas oo mid kastaaba uu sito telefoonka gacnta oo u gaar ah, kaas oo noqday shay muhiim ah oo qiimo balaadhan uu ugu fadhiya.

Faa’iidada Mobileska ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxa uu wax weyn ka bedelayaa Hab nololeedka Shacabka ku dhaqan Somaliland, kuwaas oo u adeegsada Siyaabo Fara badan, isla markaana ay soo badanayso maalinba maalinta ka dambaysa Hababka kala gedisan ee loo Isticmaalo Mobileska.

 Telefoonka Gacanta ayaa si siman ay u isticmaalaan dadka ku dhaqan magaalooyinka, kuwaas oo ku wada xidhiidha, isla markaana u fududeeyey inuu horumariyo Ganacsigooda.

Dadka Xoolodhaqatada iyo beeralayda ayaa iyaga laftigoodu uu telefoonku wax tar balaadhan u leeyahay, kuwaas oo faa’iidooyinka la tilmaami kara ay ka mid yihiin in qofka xoolo dhaqatada ahi ee doonaya inuu xoolo u soo iibgeeyo sayladaha xoolaha ee Magaalooyinka uu si fudud u ogaanayo qiimaha xoolaha uu doonayo inuu iibiyo inta qiimihiisu uu taagan yahay, marka uu Telefoonkisia gacanta uu kula soo xidhiidho qof jooga magaaladaasi ama isla saylada. Sidoo kale dadka aanu u dhaweyn Bangiyo ay ku kaydsadaan Lacagtooda ay si fudud ugu kaydan Karaan Mobilkooda isla markaana ugala bixi karaan iskuguna diri karaan (Moble Banking).

Magaalooyinka ayaa iyagu Isticmaalka Mobiladu si layaableh ugu fidayaan, kuwaas oo dhinacyo badan ay u adeegsadaan dhalinyaro tiro badan oo sheegay inay ku wada hadlaan, Fariimo Iskugu Dira, ku dhageysta Music ama Qur’aan, sidoo kale ku xidhiidhsada internet.

Mobileku waxa uu qayb ka qaataa Radinta Shaqo, taas oo dhawaan hay’adda USAID barnaamuj ay maalgelisay oo loogu magac daray Shaqadoon ay dhalinyaro badan ka fariidaysteen kaas oo ujeedadiisu ay tahay in dhalinyarada Somaliland ku nooli ay helaan fursado ay ku raadsadaan shaqo, tababaro, shaqooyin ku abuurtaan iyo inay helaan shaqooyin ay ka helaan khibrad korodhsi. Iyadoo la isticmaalayo SMS JobMatch System.

Daraasad dhawaan uu soo saaray Bangiga Aduunka (World Bank) ayaa lagu sheegay in mobile telephones ay horumariyaan, isla markaana ay yareeyaan Fakhriga ka jira dhulka miiga ah ee awoodooda dhaqaale ay diciifkka tahay. Taas oo lagu ogaan karo telefoonka xaaladda nololeed ee ka jirta dhulka miyiga ah, dad badan u socdaalay meelaha Miyiga ayaa sheegay inay ogaadeen isla markaana ay ku haboontahay telefonada gacanta lagu qaato inay ku haboon yihiin inla ogaado Imkaaniyaadka asaasiga ah ee ka jirta dhulkaasi. Taas oo kor u kac ku keentay in dad badan oo ku dhagan dhulka Reer Guuraaga ahi ay qaataan telefoonada Mobileska loo yaqaan. Sila markaasna ay uurto gal noqoto inay helaan adeegyo badan, koboca ganacsiyada daka gaar ah,  faa’iidana u keentay dhaqaalaha hosoe ee dadka reer miyiga ah.

Sidoo kale waxa la ogaaday inay wax ka taraan Waxbarasho la’aanta, Dhaqaale xumida iyo Adeegyada Bulshada oo ay kor u gaadaan sida “in la helo koronto” iyo isgaadhsiinta casriga ah ee (ICT) inay kor u qaado.

Faa’iidooyinka Isticmaalka Telefoonada Gacantu ay u leeyihiin dalka ama Dhulka Miyiga waxa ka mid ah:

1.         Koboc Dhaqaale, Economic growth, gaar ahaana wadamada Soo Koraya, in sanadii 2005 daraasad lagu sameeyey dadka sita Mobileska la shaaciyey in 100-kii qofba 10-ka mid ahi ay sitaan mobile phones, taas oo korodh ku keenta wax soo saarka dalka 6%."

2. Fursado Shaqo (Job creation), waxa sanadii (2006) la ogaaday in shirkaddaha Telefoonada ee dalka India ay abuureen 3.6 million oo shaqo. Si toos ah iyo si dadban"

3. Waxsoo saarka (Productivity:

 In Ganacsgigu uu fido "... gaar ahaana wax soo dejinta iyo dhoofinta, isla markaana uu horumariyo ganacsatada yaryar, Telefoonada Gacantu waxa ay saamayn ku yeesheen qiimayn lagu sameeyey dadka wax Iibsada demand iyo in lagu raadsado Macaamiil cusub".

 Washaqaale Raadin: waxa la sheegay in tani ay muhiim u leedahay wadamada Serbia, kuwaas oo heerka shaqo la’aantu ay gaadhay (20%) ama Thailand, kuwaas oo ku hela shaqooyin badan oo kumeelgaadh ah"

 Mobile-ka Oo lacag lagu Kaydsado: "Mobiles phones waxa ay yareeyaan kulanada Fool ka foolka ah.

Haddii aynu dib ugu laabano taariikhda Telefoon wax la yidhaa ayaa waxa fikradiisa iska:- Alexander Graham Bell, kaas oo dhashay March 3, 1847, una dhashay dalka Maraykanka.