Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2456

September 14, 2010                                                                      Shuwal 05,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Haatufta Maanta

Heesihii Somaliweynta maalintii dhawayd meesha Gabta la yidhaa laga qaadayey ma waxay durtaba dhaleen in ciidamo cadaw ahi intey xeebta ka soo dagaan ay masaafad 120 Km ah dalka gudihiisa iska soo socdaan. Aaway Taliyayaashii Qeybta ee Milatariga, Booliska iyo waliba ciidamada Ilaalinta Xeebaha ee dhamaantood Xukumayeen niman isku wada Raas ahi?

Meesha ay nimanka Al-shabaab iyo ONLF-ta isku jiraa ka soo dageen ee Buulo- Cadde  yaa ka qaaday ciidankii joogi jiray?

Waa kuwii halkaas ka caagee ee tallow ma waxay ogaadeen in Xuseen Kiinyaati loo dhiibay Sirdoonka, Ina Xudhuuna Kootarabaankii Lughaya ugu soo dagi jiray wali ku mashquulsan yahay oo ay Koontoroolada Doolar ku soo mari karaan?

Inta Galbeedka Lagu mashquulsan yahay, dhexda iyo bariga Aar May ka hilaaceen? Xumuumada hadii loo sii sheegay arintani inay dhici doonto, markii ay dhacdana ay iyadu la habsaantay Talaabooyinkii ay wax kaga qaban lahayd, sideebaa hadaba la yeelayaa?

Somaliland-tan Ilaahay baa ilaashanayoo waxa u heshiiyey Somaliweyn, Al-shabaab, Wahaabiyad iyo Walaweyn. Laakiin intuba waxba ka qaadi maayaan.

 __________________________________________________________________________

Shirkadan Faransiiska ee Bollore African Logistics  Waxay inaga iyo caalamkaba u sheegtey in dekedii Berbera laga qandaraasey oo ay Ethiopia deked uga dhigi doonto. Hadaba la iskuma hayo in faa’ido badani inoogu jirto maalgalin shisheeye oo dalkan loo helo iyo Ethiopia oo isticmaaha Berbera labadaba. Laakiin goormaa la shaaciyey Qandaraaskan ay shirkada Faransiiska ahi leedahay waanu helney? Shanqadh yaraa hawsha intaas leegi, ma inagaan waxba ogayn mise bahashaba hoosbaa loo Xaraashey ilayn qolodii Shirkadan lafteeda waa kuwii sitida u qabtey, markii ay horaantii sanadkan ula shirtimid maalgalin yar oo caanteyn ah oo ay ku dooneysay inay kula wareegto dekeda oo waliba maalmulkeedana iyada loo daba fadhiisto? Xukuumada cusub hadii la Masabidayo malaha arintan kamay aamusnaateen, ee tallow ma ninkii Xirsi iyo Ninkaan garanayo ee ku qabso ku qadi mayside ku liibaani jiray ayaa waxaan Odaygu ogayn Faransiiska la saxeexday?