Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo
Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee
Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga
Afrika
Kulmiye oo cadeeyey
mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
Madaxweyne Obama Oo
Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub
Xukuumadda Madaxweyne
Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay
Koox Suxufiyiin Ah Oo
Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka
Iyo Nabada
Sirdoonka Iyo Habka Uu U
Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo
Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009
Dhalinyaradu Marnaba Ma
Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda
Dawladdu Xayaysiiska Caano
Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso
Wadooyin Ay Iska Kaashadeen
Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka
Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey
Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka
Curtay Somaliland
Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad
Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna
Galay
|
|
Iskaashatada Kaluunka Ee Saaxil Oo Cabasho Ka Muujiyey Doonyaha Waaweyn
Ee Loo Yaqaan Shariifka Ee Kaluunka JIlaabta
Berbera, September, 14, 2010
(Haatuf) - Iskaashatada Kalluumaysiga ee gobolka
Saaxil ayaa cabasho ka muujiyay doonyaha waaweyn ee loo yaqaano
Shariifka ee Kaluunka Jilaabta, gudoomiyaha iskashatadas ayaa sheegay in
sahil fishin ay tahay shirkada kaliya ee hada isku xidhan kaluunka ugu
badana bada ka soo saarta waxaanu sheegay in shirkadani hada leedahay 95
laash iyo agabkii kale ee lagu kaluumaysanayayba waxaanu sheegay in 95
ka laash hada ay shaqeeyaan 47 laash inta kalana ay ka cadilan yihiin
waxana maanta anu doonayna in aanu ka hadalno doonyaha waawayn ee loo
yaqaano shariifka badana ka kaluumaysta oo iyagu biyaheena iyo
kaluunkeena dhib badan ku haya waxa kale oo aanu ka cabanayna dad kale
oo iyagu isku sheegay inay yihiin iskaashatoyin kaluumaysi lakiin aan la
arag meel ay ka shaqeeyaan xafiis walba oo dawladii ledahayna tagan oo
waraaqo ka soo qata, inta badan wasaarada waqtigan aynu ku jirnana
carqalad ula yimid iskashatadii shaqaynaysay, waxanu yidhi xafiisyadii
iyo bakhaaradii aanu ku shaqaynaynay hada warqad u soo qaateen ay soo
siisay wasarada kaluumaysigu soona daadiyeen qalabkii u yiil
kaluumaysatada doonayaana inay iyagu qataan kuna danaystaan marka waxay
keeni karta khatar amni daro waxa kale oo ay sheegeen in kaluumaysato
shiisheeye ay ku hayaan biyaha somaliland waxana jirta imika in qaar ka
midda noocyada kaluunka uu dabar go,ay qaarkoodna ay imika gaabaabsi
yihiin waxana ka mida noocyada nooca loo yaqano saraaciimada iyo
aargosatada oo anad hadii aad walato xabad ka soo helayn badeena waxa
kale oo inta ku daray gudoomiyaha iskashatada sahil fishing develoment
association in kaluumaysatada wadaniga ahi ay kaluumaystaan badeena 10%
sagashanka hadhayna 90% ay ka kaluumaystaan ajnabigu waxa kale oo uu
sheegay inay uga fara dhuudhuuban yihiin dawlada amniga bada oo ay soo
sheegaan wax kasta oo aminiga wax yeelaya waajibna ay tahay madama ay
muwadiniin yihiin waxa kale oo inta ku daray gudomiyuhu in doonta ugu
yar ee kaluumaysatada ajinabiga ahi ay qadato 20tan oo kaluun ah ay
bixisana 200$ hantiga ay qadatayna uu qiimihisu yahay 40,000$ taas ood
arkaysid inay qasaare wayn inagu tahay marka waxaan ka codsanayna
xukumda cusub inay gurmad degdega u soo dirto waxa sida yidhi (jaamac
axmed cashuur) oo ah gudoomiyaha iskashatada sahil fishing develoment
assocition . waxa kale oo isna halka ka hadlay xubin ka tirsan gudida
iskashatadan oo la yidhaahdo magaciisa (ismaaciil daahir kaahin) waxana
hadaladisii kamid ahaa horta walaalayal way mahad sanyihin gudida halkan
isugu timi waxananu dooneynaa in aanu baaq gaadhsiino dawlada waxananu
nahay laba department mana dooneyno in aanu xaqirno qofna anagana nala
xaqiro anagu odhan meyno majiraan kaluulayaal ee way jiraan rag kale oo
aan ahayn wayjiraan oo nagu dhexjira oo xafiisyada dawladana aan ka
dhamaan oo marba waraaqo ka soo qaata marka waxa jirta in la badalay
wasiirkii hore ee kaluumaysiga iyo agaasimayaashisiba qaar cusubna la
keenay oo aan iyagu war badan ka hayn kaluumaysatada iyo xaladahooda
wasiirkii cusba warbaa loo sheegay marka wasiirku isagoo aan waxba
hubsan inuu warqad iska soo bixiyaa mahe waa in u hubsada marka waxa
imika iyadoo aan waxba nalaga waydiin dadkayagii qalabku u yaalay ee
masuulka ka aha ayaa layska jabsaday bakharadii qalabkayagiina debeda
loo daadiyay markii rag naga midi ay yidhaadeen waar arrintani siday u
dhacdayna askari inta loogu yeedhay ayaa la xidhay ila imikana way
xidhan yihiin allabtii noo taalayna garan mayno meel aanu ugu hagaagno
dee dawladina meeshii noogumay iman oo may odhan dawlada aya u bahan ee
baneeya ee nin shicib ah oo aanu garanayno ayaa sida yeelay waxana imika
meeshii ka muuqata in dhisme ka socdo dhismahaas oo ay fulinayaan dad
shicib ahi dee qof shicibina dawlad waxba uma dhiso ee dawladu iyadaa
dadka wax u dhista marka imika waxay u muuqata lahaansho la soo siiyayba
mar hadii u dhisanayaba meeshana rag bay xoolo u yaleen oo iyagiina
xidhan marka waxanu dawlada ka codsanayna inay soo faro galiso oo ay
arrintan wax ka qabato hadii kale isku dhac ayaa ka imanaya marka
wasiirka kaluumaysiga iyo agasimaha guudba waxaanu leenahay intaydaan
waxba bixin bal horta kaalaya kaluunlaha dhexdiisa oo waraysta waxna ka
ogaada xaladaha taagan marka cidi aad wax siinayso iyo cidii kaleba xaqa
iyo xuquuqda kaluumaysigana masuul ayaad ka tihiine kala siiya imikana
arrintan taagani waxay keeni karta isku dhac dadkuna waxa fiican inay
nabad ku wada nooladaan waxa kale oo aanu u sheegayna dawlada dadkii
xalaasha quudan jiray waxa ka hadhay kaluumaysatada oo waa dabato
xoogoda oo xalaalan way cunaan marka wuxuun bay u baahan yihiin
wasaaradii oo shaqaysa iyo cid kala hagta bakhaaradan imika ay waxani ka
dheceena anaga xaq u leh oo mudo badan gacanta ku haynay hadii cid la
siinayo anaga ayaa xaq u leh ,
iskashatadan sahil fishing ayaa maanta waxay soo bandhigeen ruqsadooda
ka ganacsiga kaluunka iyo ta iskaashatadaba oo ay samaysteen sanadii
1995 ilaa waqtigaana ay ahayeen iskaashato ka sharciyaysan dawlada
mudada inta leegna ka hawlgalayay gobolka sahil iyo nawaaxigiisa
sheegayna inay yihiin qaar u dhago nugul hanaanka dawladnimo ee
somaliland kana hor taga wax kasta oo amniga xeebaha somaliland wax
yeelaya iyagoo kaashanaya ama ogaysiinaya ciidamada bada ee somaliland
loona yaqaano coast gard ka.
|