Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2456

September 14, 2010                                                                      Shuwal 05,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Lama Filaan

Waa Qiso xambaarsan jacayl iyo muruugo badan oo dhex martay laba gabdhood iyo wiil jamacad wada dhiganayay kana waramaysa jiritaanka calafka. W/Q: Qoraa Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi) mukho4me@hotmail.com (Q.11aad)

Qalbigayga nuurkiisii Hodaneey marna ha u malayn in inta aad iga maqan tahay in aan moogahay xusuustaada markaan ku garwaaqsadana waa damqashadaydii iyo halkeedii, qalbigeguna waa qalbigii dunida oo idli kaa yaqiinsaday waa qalbigii aad gacan saarka uusan igala tashan kula lahaa waa qalbigii aad waxwalba u ahayd waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad xubnihiisa ku saaqi jirtay waa qalbigii markasta oo uu niyada kugu qabto kula kulmi jiray isagii oo waxkasta iyo hurdo kasta ka hor marinaaya kulankaaga balankaatada Hodaneey gacaliso waxan kuu jecelahay si anan qiyaasi karayn.

Hodan aad ayay ula dhacaday hadalka gacaliyaheeda ee nuxurka wayn xambaarsanaa waxayna aad u qarwaaqsanyd inuu si dhaba u jecel yahay habeenkaasina waxa uu u ahaa habeen kamida kuwa noloshooda ugu farxada badan ee soo mara ee aanu midna ilaawi Karin hadalada murtida iyo dareenka leh ee ay is waydarsanayeen niyada ay isku dhisanyeen iyo balanta ah inay nolol ilaa heer mustaqbal ah wadagaan iyakoo jacayl dartiis noqday laba aan kal jeedsan Karin kuna sigtay inay isku dul oyaan ayuu mudalbkii dul yimid una keenay cabitaan qabow iyo cashar heer sare ah iyako wadaagay mid walibana kan kale gacantiisa ku sinayay afkana ugu guraayay jacaylku marka uu raalida yahay xiisa badanaa hadii uu mid ku yaraa xataa oo  niyad saafi ah laysku muujiyo waxa la arkaa isagoo kii kale ku wayn oo la simayn yahay jacaylkooduna waxa uu ahaa mid waxwalba lays waydaarsado oo kalmado xiiso iyo qiiro galin leh laysku oo dhan jiray marwalba waxayna habeekaas kala tageen iyakoo uu jacaylkoodii intii hore ka sii koray kana sii xoog batay halkii uu markii hore tagnaa iyakoo balantooda mustaqbalka ka wad hadlaaya ayay wedhahani is waydarsadeen waxaana ku horeeyay Khaalid oo yidhi…

Sidaan ahay sifafaalaheygiyo, sarta aan ka jeexo sii daayo faraskee saxan saxo udgoon, saatirkay I siyay baan halamsanayaa gacaliso,waxaan tabaayo warkayga ka maqan waa adiga hadaan adiga ku haystana nafta way damaashaada ee gacalooy diyaar ila ahow aan wada riyaaqnoon guri wada yagleel gacaliso, waxaan marwalba danaynayaa inaan dhinacaaga joogo naftu waxay jeclataa inaad sidayda oo kale adna ii ahaato xidhiidhkana dhinacaaga ka adkaysid waxaan door bidayaa inaan kuu imaado oo ku soo booqdo maxaa yeelay hadii aan ku wayo noloshu waa micnaawi oo ceesh iyo cabitaan midna iima dhadhamayaan sidaa darted bal tixdan geeraarka ah dhaayahaaga la raac oo sadar sadar u dhagayso.