Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2456 |
September 14, 2010 Shuwal 05,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Cudurka Durayga Iyo Siyaabaha Lagu Kala Qaado Cudurada Caruurta ku dhaca ayaan maanta kusoo qaadi doonaa maqaalkan wana aynu ku hormari doona Hargabka, maadaama oo uu yahay ka ugu dhicis badan caruurta. Hadaba iyaga oo ay jiraan boqolaal fayras oo ee keena hargabka, waxa suurto gal u ah carruurtu inay qaadaan hargabyo isku dabo xiga. Waxay hargabyada caadi ahaan yimaadaan xilliga jiilaalka, marka ay dadku waqtigooda ku qaadanayaan gudaha guriga. Waxay sababtani tahay inay fayrasyada hargabka si aad u fudud ugu faafaayaan meelaha diiran ee oodan. Waxa hargabyada la iskugu soo gudbiyaa qunfaca, hindhisidda iyo hadalka. Haddii aad soo neefsatid qiyaas yar oo hawo ah oo ay ku jiraan waxoo gaa fayras ihi, waxaad qaadi kartaa fayraska. Waxay kale oo ay hargabyadu ku faafu karaan marka qof bukaa taabto sheey, sida gacan-qabsiga lagu furo albaabka ama telefoonka. Waxa calaamadaha lagu garto hargabka ka mid ah sanko oo xidhmo ama da’o, hindhisida, dhuun-xanuun, qufac, xumad yar iyo daal, waxuna caadi ahaan ku dhammaada 2-14 maalmood gudehood. Waxaad cudurka gudbin kartaa laga soo bilaabo maalinta koowaad ay calamadahaada soo baxan ka hor ilaa afar maalmood ka dib markii ay dhammaadaan. Waxu jirka ilmaha la dagaalamayaa hargabka isaga oo la daawaynin laakin waa inaad hubisaa inuu cabo dareere badan. Paracetamol-ka waa xanuun-dile waxuuna ka caawinayaa inuu kaa dhimo xumadda. Waxa carruurta u heli kartaa nooca shiroobada ah. influenza. Waxa ifilada durayga keenta fayruska influenza. Waxu ku soo gudbaa oo keliya xidhiidh taabasho oo lala yeesho qof bukaan ah oo uu hayo cudurku, ama shayo ay kamid yihiin taabasho, ama dhibco qoyaan ah oo ka soo duula dadka qaba cudurka qunfacooda iyo hindhisiddooda.Waxay ifiladu keeni kartaa xumad sare oo ka sareysa 38.3°C ama 101.0°F madax-xanuun, cuntada oo laga go’o, qunfac iyo daal badan. Carruurta qabta ifilada weey matagaan wayna shubmaan. Ifilada ma laha daawo sidaas darteed waa inaad la xanaaneeyaa caruurta Waa inay aad u nastaan qaataana dareere badan si ayna u biyo-bixin. Waxa loo isticmaali karaa paracetamol-ka in lagu yareeyo xumadda waana xanuun-dilaa ah. Waa inaan la siinin aspirin carruurta.ka yar 10 jir. |