Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2459

September 17, 2010                                                                      Shuwal 08,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Dugsiga Sare Ee Nuuradiin Oo Wacdaro Ka Muujiyey Imtixaanaadka Shahaadiga Dugsiyada Sare Ee Somaliland

Hargeysa, September (Haatuf) - Dugsiyada sare ee Nuuradiin oo ka mid ah iskuullada gaarka loo leeyahay ee ku yaal caasimadda Hargeysa, ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah wacdaro ka muujiyey imtixaanaadka shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2009/2010 ee dugsiyada sare ee dalka, kadib markii 8 ka mid ah ardaydiisu ka mid noqdeen 20ka arday ee ugu dhibcaha sarreeyey ardayda dugsiyada sare ee Somaliland.

Dugsiyada Nuuradiin oo sannad-dugsiyeedkan iyo kii ka horreyeyba wacdaro ka muujiyey imtixaanaadka shahaadiga, ayaa noqday dugsiga keliya ee 8 xubnood ku yeesha 20ka ardey ee ku guulaystay dhibcaha ugu sarreeya, waxaannu tobankan ardey ee ugu horreeyey dugsiyada sare  ee dalka ka helay afar ardey oo kala galay kaalmaha 2aad, 3aad, 4aad iyo 10aad.

Sidoo kale, mid ka mid ah tobanka ardey ee ugu sarreeyey fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee dalka, waxa uu ka mid yahay ardeyda dugsiyada Nuuradiin ee safka hore ka galay imtixaanaadka shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2009/2010.

Maamulaha guud, ahna aasaasaha dugsiga Nuuradiin Mr. Mahad Ibraahim Maxamedoo Jamhuuriya, wax yar kadib shalay markii la shaaciyey natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah wax ka weydiiyey dareenkiisa la xidhiidha guusha ardeydiisu ka soo hooyeen imtixaanka, ayaa isagoo wejigiisa laga dareemayey farxad aad u weyn, waxa uu ku tiraabay, “Aad iyo aad ayaan ug faraxsanahay guusha taariikhiga ah ee ardeyda dugsiyada Nuuradiin soo hooyeen, runtiin waxaan aaminsanahay in taasi ku timi baryada Illaahay dedaalka ardeyda tayada macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada Nuuradiin iyo hagar la’aanta ah ee aannu u dhisno akhlaaqda iyo garaadka waxbarasho ee ardeyda aannu gacanta ku hayno.”

Geesta kale, maamule Mahad Ibraahim Maxamed, waxa uu isla gelinkii dambe ee shalay martiqaad dhiirigelin iyo mahadnaq ah u sameeyey 14 ka mid ah ardeyda ka qallin-jebiyey dugsiyada sare iyo dhexe ee Nuuradiin ee kaalmaha hore ka galay imtixaanaadka shahaadiga fasallada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka, kuwaas oo uu ku ammaanay magaca iyo sumcadda ay u soo hooyeen dugsigooda, naftooda iyo waalidiintoodaba.