Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2466 |
September 26, 2010 Shuwal 17,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ka Faa’iidaysiga Magaca Khaldan Ee Da’yarta Iyo Telefonka Gacanta (sheeko) Waa goor habeenimo ah oo khadar uu ku jiro shaqo xilgaa aad u mashquulisay waxana waxana soo dhacay Telefoonkiisii gacanta oo yaalay meel aan ka dheerayn markii uu damcay in uu ka jawaabo oo qaabilo qofka soo garaacaya ayaa waxa la hadashay gabadh meesho uu joogay oo dadku ku badnaayeen shaqana ka socotay awgeed si fiican umuu maqlayn Khadar, cida lasoo hadlaysa, laakiin markii uu u gartay in ay tahay ruux dumar ah ayuu si kalsooniyadi ku dheehantahay ugu dhawaaqay gabadh ay wada sheekaysan jireen oo yidhi “walaal ma Hudaa? Jawaabtii uu helay ayaa noqotay Haa walaal ee iska waran aduu ma fiicantahay. Intaa markii la iswaydaar saday ayuu khaalid ka cudur daartay in aanu hada wakhti u hayn hadal ee uu hadhow lasoo hadlo, deedna gabadhii ayaa ku tidhi walaal Telefankaygii wiil aan ilmaabti nahay ayaa inga qaatay ee hadii aad ii baahato hadhow kana an kaala hadlayo iga soo qaraac. Intaa markii la iswaydaar saday ee uu haye kusoo khatimay hadalkii ayaa uu shaqadiisii halkii kasii watay. Ilaa uu kasoo rawaxay goordanbe oo habeenimo ah isaga oo dhinacna eegin ayuu furaashkiisii ku dul dhacay. Waayo waa naf sidii cadceedi usoo baxday aan marqudha kabaha iska saarin oo daalku ehel u noqday. Bisha lagu jiraa waa bil ramadaan e markii uu waxoogaa jiifay ayaa waxa loo toosiyay Suxuurtii. Markii uu afka saaray ee salaadii subax jamaca lasoo tukaday ayuu dib ugu soo laabtay gogoshii si uu hurdada qaybtii ka dhinayd usii wato. Waxa uu hudadii ka bogtay abaaro 9:30kii barqo nimo xiligaas oo uu qalbiga ku hayay in uu akhriyo laba jis oo qur’aan ah oo uu inta Ramadaanba soo waday, hase yeeshee markii uu jiskii koowaad badhtanka kaga jiro ayaa waxa soo dhacay Telefankii, lambarkuna waa kii xalay markii uu qabtay waxa kaga soo baxday “Hello ii waran Khaalid waa Hudee, markii la si salaamadiyay ayaa waxa uu markale ka cudur daartay in uu la hadlo waayo waxa uu badhtanka kaga jiray akharinta kitaabka Alle ee Qur’aanka ah. Waxana uu ku yidhi hadhow ha inoo ahaato hada quraan ayaan akhriyayaaye. Iyo haye, isaga oo shaki ku jro oo Tashuus galay lana ama kaagsan qofkan sheeganay magaca qofka uu garanayo ee hadana kasoo hadlaya labarka kale ayaa waxa uu dhamaystay akhrintii Qur’aanka. Waxana uu garaacay Labarkii soo wareeriyay waxana uu kala kulmay soo dhawayn iyo isaga oo magaciisa sifiican loogu dhawaaqayo, isla markaana la Adeegsanayo magaca qofkii xidhiidhku ka dhexeeyay. Shakigii iyo ama kaagii ayaa kusii batay khaalid waxana uu ka baqay in uu garaaco labarkii inantii ay wada sheekaysan jireen waayo waxa lagu yidhi waxa qaatay Inaabtigay oo Borama ku maqan. Waxa ay arintii sidii ahaataba waxa markii danbe soo dhawaatay ciidii, bisha Ramadaan, (CIIDAL FIDRI) waxana uu noqday khaalid nin kusii waara riyadii iyo shakigii ku dhacay isaga oo markaa aaminay in gabadhii Huda ee xidhiidhku ka dhexeexay ay ka dabayso sheekada oo gabadh ay saaxiibo yihiin inta ay labarka soo siisay ku tidhi ninkaa la sheekayso sida ka dhacda dalkeena badanaa, hayeeshee ugu danbayntii waxa balan la dhigatay gabadhii ku duulaysay magaca Huda, ee Telefanka Koontara baanka ah wadatay. Balanktii laqabsaday ayaa waxa lagu beegay maalinta ciida Habeenka ku xiga, ama habeenka labaad ee Ciida, khaalid isaga inta uu shakigii ka batay ayuu waxa uu ku dhaqaaqo ayuu garan laa yahay, hase ahaatee soomaalidu waxa ay tidhaa wax kow layidhi dhamaan og e, waxa la gaadhay maalintii ciida iyo farxadii dadka islaamka. Waxana Message ku qoran luuqada Carabiga looga soo diray Lambarkii gabadhii ay sida dhabta ah u wada sheekaysan jireen ee Huda, qoraalka ku qoran afka Carbeed oo xambaarsanaa salaam, ayaa waxa uu dab kusii shiday wiilkii gubanayay ee Khaalid waxana uu layaabay labarkan lasheegay in wiil uu latagay Boramaha ee hadana Fariinta looga soo diray, iyada oo amuuro ay halkaa marayaan ayaa waxa soo dhawaaday xiligii balanta uu la dhigtay gabadha sheeganasa magaca ayna lahayn ee doonasa in ay ku shukaansato khaalid. Waxana uu u diyaar garoobay, sidii uu ula kulmi lahaa, Lasoco… |