Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2472 |
October 03, 2010 Shuwal 24,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Guddoomiyaha Laasqoray Oo Qirtay In Laba Wiil Oo Uu Dhalay Uu Midi Ka Mid Yahay Budhcada Afduubka Ku Haysata Shaqaalaha Nation Link, Halka Ka Kalena Uu Ku Jiro Maxaabiista Ku Xidhan Mandheera “Gacan Shisheeye Ayaa Ka Dambaysa Waana Arin Lagu Xumaynayo Masuuliyiintayada Mandaqadaasi Ka Soo Jeeda Si Bilaa Shuruud Ah Ayaana Lagu Soo Dayn Doonaa Muwaadiniintaa, Ceeb Maaha In Aan Idhaahdo Wiilkayga Ayaa Ku Jira Qoladaa Wax Afduubtay” Guddoomiyaha Laasqoray Maxamed Maxmauud Timir Hargeysa, October 3, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha degmada Laasqoray Maxamed Maxamuud Timir ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in dablayda deegaankaasi ku afduubtay shaqaalaha shirkada Nation link uu ku jiro wiil uu dhalay, tilmaamayna in masuuliyiintooda xilalka ka haysa Somaliland ee ka soo jeeda Bariga Sanaag falka Afduubkaasi lagu xumaynayo isaga oo intaasi ku daray in dhalinyaradaasi fulisay afduubka ay gacmo shisheeye adeegsadeen. Waxa kale oo uu tilmaamay Guddoomiyaha Laasqoray in maxaabiista falalka Budhca baddeednimo u xidhan uu ku jiro wiil kale oo uu dhalay, sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Laasqoray Mr. Timir uu aad uga dayriyey gaadiid la’aan ka taagan degmadiisa, isla markaana waxa uu walwal iyo walaac ka muujiyey colaada ka aloosan deegaanka Gal-gala ee bariga Sanaag oo uu tilmaamay in aan deegaankaasi ka tirsanayn Somaliland. Mr. Timir ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ehelkii ay ka dhasheen raga ku afduuban Laasqoray uu raaligalin ka siinayo dhacdadaasi foosha xun, tilmaamayna inay ka hawlgali doonaan siddii Bilaa shuruud loogu soo dayn lahaa. Guddoomiyaha Degmada Laasqoray oo wakhtigan xaadirka ah ku sugan Hargeysa oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa isaga oo dhacdadasi ka waramaya waxa uu yidhi “Falkii ka dhacay magaalada Laasqoray 26-kii September ee Afduubka loogu geystay shaqaalihii shirkadda Nation link maaha mid aanu dhaqan u lahayn waxaananu Ehelkii ay ka dhasheen ragaasi u cadaynaynaa in aanu si bilaa shuruud la’aan ah aanu ku keeno, wakhtigan xaadirka ahna odayaal dhaqameed ayaanu u saarnay siddii loo sii dayn lahaa, cuqaal iyo salaaadiin ayaa ku hawlan imika”. Mar aanu waydiinay inuu ku jiro wiil uu dhalay dablayda afduubtay ragaasi waxa uu yidhi “Waa Run aniga inan aan dhalay ayaa ku jira, dhamaantayo raga masuuliyiinta ku jira xukuumadda ee ka soo jeeda mandaqadaasi waa dad u ehel ah, waxaanu u aragnaa inay yihiin dad la soo adeegsaday oo lagu xumaynayo masuuliyiintayada mandaqada ka soo jeeda waxaanan ku garanayaa inay ku xumayn tahay marka uu inanka kale ee aan dhalay ee ku xidhan Barbara uu u afduubayo ragan aan waxba galabsan, aniga oo la jooga eheladii raga la afduubay wakhtigan xaadirka ah waxa ay taasi cadaynaysaa in arinkaasi uu ahaa mid masuuliiintaydada lagu xumaynayo, ninka la yidhaa Axmed Maxamuud oo dhawaan idaacada ka sheegay inay u haystaan ragaasi raga ku xidhan Mandheera hadalkiisaasi waa mid fadeexad ku ah nin weyn, wax ka jiraana ma jiro”. Mar aanu waydiinay waxa uu ku cadaynayo in masuuliyiintooda lagu xumaynayo iyo in arintan dhalinyaradaasi cida ka dambaysaa ay tahay gacmo shisheeye waxa uu yidhi “Qofka marka uu xisaabtamo maadaama aanu ka soo jeedno mandaqadaa masuuliyiitayada aanu dabalaydaasi isku beesha yihiin waa ku ximayn gacmo shisheeye ayaaana ku jira rag mandaqada ka soo jeedaana way jiraan anigu odhan meeyo hebel iyo hebele oo magacaabi maayee”. Mar aanu waydiinay maxaabiiska ku afduuban Laasqoray in loo hasyto budhcad baddeeda ku xidhan Mandheera waxa u leeyahay anaga ayaa nalagu xumaynayaa sida ay isku qabanayaan ayaa waxa uu ydihi “Inankayga ku xidhan Barbara budhcad baddeda waa lagu soo maalgaliyey, Maxamuud Xirsina Adeeer labaad ayuu uu yahayd dablaydaasi, ninkii idaacada VOA-da ka lahaa rag baanu ku badalanaynaa Mandheera nagaga xidhan waxa adeer u ah wasiirka gaashaandhiga Cadami, miyaanay taasi ku xumayn ahayn, budhcad baddeeda xidhana waxa nala soo galay saddex Markab oo laga keenay Xarar Dheere oo Laasqoray iyada xiligaasi la soo qabtay la keenay”. Mar aanu wax ka weydiinay deegaanka Galgala ee colaadu ka socoto ee ay ku dagaalamayaan Puntland iyo kooxda Atam sida uu u arko iyo waxyaabaha ka jira in looga soo dejiyo hub Laasqoray waxa uu yidhi “Galgali Somaliland kama tirsana, degmo Somaliland ka tirsan ayaa noo dhaxaysa deegaanka Galgala, maadaa Galgali ka baxsan tahay Somaliland haddii laga adkaado kooxdaasi iyo haddii ay guulaystaanba waxaan ka walwal qabnaa in buuraha Somaliland ay ku soo fidaan, waxaana kuuu cadaynaya in aanay Galgali ka tirsanayn Somaliland, 40-Km ayay koonfur ka xigtaa Boosaaso, xeebtayaduna ma aha bar hubka laga soo dejiyo”. Mar aanu waydiinay inay nusqaan tahay in wiilkii uu dhalay uu yidhaa waa naloo soo adeegsaday isla markaan aay ceebtahay inuu yidhaahdo inankii aan dhalay ayaa naloo soo adeegsaday waxa uu ydihi “Waxa muhiim ah in xaqiiqda la sheego haddii aan idhaahdo kuma jiri inankaygu ayaa ceeb ah, mar haddii dadkayagii ehelka ahaa lasoo adeegsadayna, gacmo shisheeye ayaa ka dambeeya”. Mar aanu waydiinay in wiilkiisa ka tirsan dablayda uu la hadlay iyo waxa uu ku yidhi ayaa waxa uu yidhi “Waan la hadlay inankayga wax la taaban karo isna iima sheegin waxaan saxaafadiinuna qoraysaa wax daliil noqon kara maaha”. Mar aanu waydiinay in maamulkooda Laasqoray uu ku fashilmay inuu talaabo ka qaado budhcadaasi raga afduubtay waxa uu yidih “Caqabada 1aad ee jirtaa waa gaadiid la’aan gaadhi kaliya oo aanu adeegsanaana ma jiro sidaa darteed baanu u go’aansanay in aanu hawlgalino cuqaasha iyo odayaasha dhaqanka inay ka hawlgalaan, wakhtigan xaadirka ahna iyagaa ku gudo jira”. Mar aanu waydiinay waxyaabaha ujeedada uu socdaalka ugu joogo Hargeysa waxa uu yidh “Hargeysa waxa aan u joogaa in la dardar galiyo gaadiid aanu isticmaali lahayn iyo nidaamkii maamul ee kala gadisnaa sida dawladda hoose iyo ciidamadaba”. Wariye Maxamed Sagax |