Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2473

October 04, 2010                                                                      Shuwal 26,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Guddoomiyaha Ururka Horseed Oo Ka Waramay Xaalada Dalku Marayo

Hargeysa, October 4, 2010 (Haatuf) - Shabakadda Wararka ee Almis News ayaa waraysi ay la yeelatey Guddoomiyaha Ururka wadiniga ah ee Horseed Md. Calawi Cabdi Gaboobe ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana waraysigaasi ka qaaday Tafatiraha shabakada Almis News.Info, waxaanu u dhacay isaga oo dhamaystiran sidan:-

S: Guddoomiye bal nooga waran xaalada amaan ee dalka?

J: Xaalada amaanka iyo nabad galyada dalka Jamhuriyada Somaliland aad ayey u wanaagsan tahay, hase yeeshee sida la wada ogyahay waxa jira cadaw faro badan oo damacsan in uu jaanis inala eegta, cadawgaasina waxa uu ka xun yahay xasilooniada iyo daganaanshaha dalka Jamhuriyada Somaliland. Waxa xaqiiqo ah in dalka Jamhuriyada Somaliland uu ka mid yahay wadamada caalamka kuwooda ugu nabad galyada wanaagsan, hase yeeshee waxa la inooga baahan yahay shacbi iyo dawladba in aynu heegan u ahaano difaac iyo sugida amaanka dalkeena, waana in aynu ka feejignaanaa tabaha iyo xeeladaha qarsoon ee cadawgu inoo soo maleegayo oo aynu gacan bir ah iskaga qabano si aanay hantaaqo yari inaagu imanin, waxaana hubaal ah inuu qaranka Jamhuriyada Somaliland guuleysan doono Insha Allaahu.

S: Guddoomiye sideed u aragtaa mudo kordhinta Golaha Guurtida ee wakhtigan?

J: Mudo kordhinta Golaha Guurtidu waa talaabo aad u khaldan oo aan la qaadan Karin, kordhinta intaa leeg ee ku dhaw mudadii wax lagu soo dooran jiray oo shanta sanadood waxyari ka dhiman yihiin, waana ceeb oo waxay ahayd in laga xishooda bulshada Dalka Jamhuriyada Somaliland, oo hadii laga tagi waayo hal sano oo kaliya lagu soo koobo mudadaasi, hadii kale waxay noqonaysaa in wali lagu jiro tubtii iyo wadadii hore ee shacbigu ka biyo diideen.

S: Guddoomiye sideed u aragtaa furista Ururada siyaasada?

J: Qadiyada furista ururada dad badan ayaa sugaya inay jaaniskaasi ka faa’idaystaan si ay uga qayb galaan  talada dalka, waxaana laga dhursugayaa Hay’adaha sharci dajintu halka ay wax mariyaan.

S: Sideed u aragtaa Arinta Qadiyada Ictiraafka Somaliland?

J: Ictiraafka Jamhuriyada Somaliland waa Himilada ugu wayn ee uu ku taamayo qarankani in uu helo, waxaanu ka mid yahay xuquuqda ugu mihiimsan ee ay bulshada caalamku inagala masuugtay inay qirto, hase yeeshee hadii la helo hogaamiye daacad ah iyo shacbi hawl kar ah waynu heli karnaa Ictiraafka.

S: Waxaad ka warankaa Siyaasiyiinta ku dhawaaqay inay u taagan yihiin mansabka madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa mustaqbalka?

J: Muwaadin kata oo Somalilander ahi xaq ayuu u leeyahay in uu isku soo taago kursiga madaxwaynaha iyo mansabyada kaleba, waxaanu ku qayaxan yahay Distuurka Jamhuriyada Somaliland oo odhanaya qofkasta oo mawaadin ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorta lana dooran karo.

S: Guddoomiye waxaad nooga waran xaalada maanta ay marayso miciishadu, oo wakhtigan waxbadani iska badaleen?

J: Way jirtaa inay xaaladda miciishadu adkaatey oo waxa cirka isku shareeray qiimaha waxyaabaha quutal-daruuriga ah, qiimaha sarifka Doolarka oo dad badan oo dadkeenu si wayn ugu tiirsan yihiin biilka dibada looga soo diro waxa ku yimid hoos u dhac saameeyey nololasha dadka dabaqada hoose iyo ta dhexeba iyada oo aanu wax is badal ahi ku iman sixirka Badeecadaha, arintaasi oo warwar ku abuurtey shacbiga reer Somaliland.

S: Isbadalkii dalka laga filaayey ee laga rajaynayey madaxwayne Siilaanyo miyaa la helay oo waa lagu guuleystey mise waa lagu hungoobay?

J: Runtii waxay yara noqonaysaa dagdag oo ma odhan karo waa la heley oo waa lagu guuleystey, sidoo kale lama odhan karo isbadalkii wuu fashilmay sababta oo ah wali madaxwayne Siilaanyo waxa uu haystaa Jaanis dheer oo waxqabad la taaban karo uu ku muujin karo, taariikhda ayaana xusi doonta Madaxwayne Kasta wuxuu la yimaado.