Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 234 December 29, 2002

BadheedhahWargeyska

Tartan Aqoon Korodhsi oo U Furmay Kooxaha Ciyaaraha Boorama

Markii Uu Taageeray Weftigii Somaliland Ee Joogay Koonfur Afrika Ayaa Dil Iyo Dhaawac Loo Geystay Qoyskiisii

"Somaliland Ayay Dan U Tahay Saldhig La Siiyo Maraykanka"
Al Sharq - Wareysi - Faysal Cali Waraabe

Warbixin Ay Qortay Hay'adda Cuntada Iyo Beeraha ee (FAO) Oo Carqalad Ku Ah Dhoofka Xoolaha Soomaalida

WHO Oo Ka Bilawday Barnaamijka Baahiyaha Aasaasiga Tuulo

COSONGO Sidee Bay Uga Warbixisay Doorashadii Somaliland Ka Dhacday?

Dunida Duulaanka Qorshaha Qarniga

Doorashooyinka Kenya: Guul-Darro Weyn Oo Soo Food-Saartay Xisbiga Haya Talada

Ku-Xigeenka Xoghaya Guud Ee Xisbiga Hanti Wadaaga Yemen Oo La Dilay

Warbixin Kooban Oo La Xidhiidha Doorashooyinkii Dawladaha Hoose

Mushkiladaha Afrikada Dhexe Iyo Bariga Dhexe Maxay Iska Shabahaan?

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Khibrad La'aan ayaa ugu Waacan Dawladda Heeshiisyada ay la Galayso Sharkiado Beenaalayaal ah.

'RAAD AROORYO YAAN DIB LOO RAACIN'

Arinkiinu yaanu noqon guriga iiga soo bax

15-kii Diisamber waxay noqon doontaa maalin la xuso

Fadeexad ka taagan sharciga iyo nidaamka cashuuuraha

WAADIGA CIYAARAHA

Manchester United oo dib u soo kabatay guushii 2-0 kuu jiidhay Birmingham

"Ciyaartoyga Aniga Aad ay Kartidiisa Ciyaareed ii Raaligelisay waa Bobo Vieri - Hogaamiyaha Runta ah" - Hernan Crespo - Wareysi Khaas ah


BadheedhahWargeyska

Somaliland Xaaladdee Ayaa Ku Qaabilaysaa 2003?

Rabitaanka dawladnimada ee dadka reer Somaliland ayaa u muuqda inuu yahay tiirka u adag ee lugaha u taaga maamulka dawladnimo ee ka jirta Somaliland, waa hiigsi iyo bartilmaameed ay dadka reer Somaliland rajaynayaan in ay hogaanka umada ee guud iyo maamulada ka hooseeya in ay arkaan iyagoo noqday kuwo ku hawlan wax ka qabashada danaha guud ee ummadda, hadda waxay degmooyinka Somaliland dadweynahoodu u codeeyeen cidii u soo bixi lahayd maamulka golayaasha d/hoose oo iyana iska dhex dooran doona maamulkii sare ee magaalooyinka Somaliland, arrintani waxay u muuqata ugu muhiimsan ee ay Somaliland yeelan doonto sanadda 2003 ay kaga duwanaan doonto sanadihii hore, waxa iyagana la filayaa in ay Somaliland sanadda 2003 ee cusub ay yeelato madaxweyne iyo ku xigeen lagu soo doortay qaabka xisbiyada. Taasoo iyana noqonaysa arrin bilaamaysa oo sanadka soo socda ee 2003 oo ka duwan qaabkii uu ku iman jiray hogaanka sare ee Somaliland, sidoo kale ayay noqonayn golayaasha baarlamaanka ee Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada).

Laakiin isbedeladaas oo dhami waxay macno samayn doonaan oo kaliya haddii ay wax qabad muuqda ka sameeyaan dhinacyada dayacan ee danaha guud ee ummadda sida daryeelka caafimaadka, helitaanka biyo nadiifa, oo la cabo, dib u hagaajinta wadooyinka burburay, nadaafada magaalooyinka iyo goobaha kale, waxbarashada, iyo heerarkeeda kala duwan, adkaynta iyo fulinta sharciga, dhaqaaleynta iyo adkaynta cududa ciidamada amaanka iyo kuwa difaaca, horumarinta deegaanka miyiga xoola dhaqatada ah iyo beeralayda, intaa waxaa sii dheer in la helo farsamo lagu helo aqoon caalamiya oo loo helo qaranimada Somaliland. Arrintan oo aan hore loogu guulaysan, arrimahaas oo wax laga qabtaa waxay muujin doonaan in qaab siyaasadeedka ay Somaliland u guurtay ee xisbiyada siyaasigu uu yahay mid lagu guulaystay, haddii kale waxay u ekaan doontaa magacyo isbedelay oo aan waxtar soo kordhin, arrintani waxay ku midho dhali kartaa iyadoo ay dadka reer Somaliland fahmaan sida ay lagama maarmaanka u tahay in la xisaabtamo oo la qiimeeyo waxqabad masuul, xisbi iyo maamulba, waxaa lagama maarmaana in maskaxda dadkeena ay ka baxdo inuu masuulka yahay qof ku yimid amar meel kale oo aanay cod ku lahayn qiimayntiisa waxqabad arrintani waxay meesha ka saaraysaa in masuulka cusub kartidiisa lagu qiimeeyo inta uu hanti gaar u urursaday, intuu guryo gaar ah dhistay, amaanta ku lug leh. 

Hantida uu masuul urursado intuu xilka hayaa, waxaa u egtahay tan sharciyaysay in boobka hantida umadda ay noqoto wax xalaala, waa laba arrimood oo aanay suurta gal ahayn in umaddeena isla hesho masuulka oo lagu amaano kolba intuu ka boobay hantida umada ee uu ka masuulka yahay iyo in la yidhaa maxaa dalka wax loogu qaban la'yahay, nidaamka cusub ee waxtar yeelan karaa waa dadweynaha oo iyaguna ka guura qiimayntooda hore oo u guura la xisaabtan iyo u heelanaanta horumarinta dalkooda Somaliland.

Top


Tartan Aqoon Korodhsi oo U Furmay Kooxaha Ciyaaraha Boorama

Boorama (Haatuf): Duqa magaalada Boorama Maxamed Muuse Bahdoon ayaa xalay dugsiga sare ee Al-Aqsa ee magaalada Boorama tartan dhica aqoonta guud iyo waxbarashada ah uga furay shan kooxood oo ka mid ah kooxaha ciyaartoyga ee ka jira magaalada Boorama tiradooduna gaadhayso ilaa labaatan kooxood. 

Shantan kooxood ee tartanku u furmay kana mid ah kooxaha serie C-da ah ama derejeda saddexaad ayaa u tartami doona koob iyo abaalmarino kale oo la siin doono cidda ku guuleysata. Duqa Boorama oo ka hadlay munaasabaddan ayaa waxa uu ugu horreyn ammaan usoo jeediyey ururka dibuheshiisiinta dhallinyarada Somaliland [SAYS], isagoo uga mahadceliyey dedaalka ay u soo galeen qabanqaabinta barnaamijyadan oo kale oo faa'iido u leh dhallinyarada. 

Maayarku waxa uu ka qayb-geleyaasha tartankan ku guubaabiyey inay si waanaagsan ugu tartamaan aqoontooda iyo waxbarashadooda dugsiyada, koox kastaana ka fiirsato cidda ay u xulanayso jawaab ka bixinta su'aalaha bakhtiya-nasiibka ah ee ku saabsan laamaha cilmiga sayniska, juqraafiga, isboortiga iyo suugaanta. Waxana duqu intaa ku daray inaanay kubaddu ahayn ta keliya oo lagu tartamo balse ay jiraan waxyaalo kale oo faa'iido u leh dhallinyarada oo lagu tartamo. Duqa ka hor, waxa iyaguna halkaa ka hadlay madaxa ama isuduwaha wasaaradda isboortiga ee gobolka awdal, Cabdiwahaab Yuusuf iyo martisharaf kale.

Top


Markii Uu Taageeray Weftigii Somaliland Ee Joogay Koonfur Afrika Ayaa Dil Iyo Dhaawac Loo Geystay Qoyskiisii

Waa Maxay Xidhiidhka ka dhexeeya Cadowga Somaliland iyo Argagixisada

Hargeysa (Haatuf): Waxay ahayd xaflad ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacada Hargeysa maalintii Khamiistii ee toddobaadkii tegay, ururka Somaliland muwaadiniintooda qurbaha ku nool ee loo yaqaan Somaliland Forum, ayaa qabanqaabiyay xafladaas oo lagu abaalmarinayay 20 arday oo ah ardaydii dedaashay waxbarashada Jaamacadda Hargeysa oo la siiyay waxbarashada sannada soo socota oo laga bixiyay kharashka waxbarashada.

Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Dr. Cali Qaadi, ayaa agaasimayay xafladaas, laakiin sacab faro badan ayaa u dhacay markii uu Dr. Cali Qaadi, farta ku fiiqay nin ka mid ahaa ka soo qaybgalayaasha xafladaasi. Dr. Cali Qaadi, wuxuu halkaa ka sheegay dhacdo uu ninkaasi hiil ka muujiyay oo ahayd in ninkaas oo lagu magacaabo Garaad uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo joogay dalka Koonfur Afrika xilligii uu Dr. Cali Qaadi raacay Madaxweynihi hore ee Somaliland, Alla ha u naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Dr. Cali Qaadi, wuxuu tilmaamay in Garaad uu ka hadlay oo uu ka dagaalamay dad ku mudahaaraday wefdigaa Somaliland ee halkaa ku sugnaa wakhtigaa. Dr. Cali, wuxuu intaa ku daray in difaacaa uu Garaad difaacay Weftigii Reer Somaliland awgeed uu la kulmay weerar, sida uu Garaad qudhiisu uu afkiisa ka sheegay ama uu u tusay dhaawacii ka soo gaadhay rag isaga iyo xaaskiisii ku soo weeraray gurigii uu deggenaa, weerarkaas waxaa lagu dilay Garaad xaaskiisii, waxaana lagu dhaawacay isag laf ahaantiisa.

Sida ay arrintani u dhacday, ayaa ahayd niman khamiisyo gashan oo toos u yimid gurigii uu degenaa Garaad qoyskiisu, kadibna hub u adeegsaday dilkii xaaskiisii iyo dhaawaciisii. Ciday doonaan ha ahaadaane falka loogu geystay Garaad iyo qoyskiisa Koonfur Afrika, waa fal argagixiso, cida fulisayna waa argagixiso, sababta loo weeraray Garaad iyo qoyskiisa waa Somalilandnimadiisa, waxay isweydiintu tahay waxa uu yahay xidhiidhka ka dhexeeya cadowga Somaliland iyio argagixisada? Waa arrin u baahan in la fahmo oo la darso Somaliland iyo dunida kaleba.

Top


"Somaliland Ayay Dan U Tahay Saldhig La Siiyo Maraykanka"
Al Sharq - Wareysi - Faysal Cali Waraabe

Dooxa (Al-Sharq) Gudoomiyaha ururka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dalabka maraykanka ee ah inuu ka samaysto saldhig milatari Somaliland ay tahay talaabo horseedi karaysa ictiraaf caalami ah oo ay Somaliland ka hesho caalamka. Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi uu la yeeshay wargeyska "Al-Sharq" oo ka soo baxa caasimada dalka Qadar ee Dooxa cadadkiisii 5294 oo soo baxay 14kii bishan December markaasoo oo uu Faysal booqasho ku joogay dalka Qadar.

Waxa kale oo uu Faysal Cali Waraabe waraysigaa kaga hadlay arrimo kale oo khuseeya xaaladda Somaliland. Waxaanu u dhacay sidan:

Faysal isaga oo ka jawaabaya su'aal laga weydiiyay sababta ay Somaliland u heli wayday Ictiraaf caalami ah waxaa uu yidhi "Waxaa intii hore jiray dhinacyo ay dani ugu jirtay inay Soomaaliya sii ahaato dal mid ah balse taasi way isbedeshay ka dib weerarkii lagu qaaday maraykanka 11kii September iyadoo ay maslaxad u noqotay maraykanka inay Somaliland hesho gobonimadeeda".

Isagoo intaa ku daray inay Somaliland tahay asalka carabnimada soomaalida, waxaanu ka rajeeyay dalalka carabta inay bedelaaan mawqifkooda ku waajahan Somaliland.

Mar uu ka hadlayay sababta ay Somaliland u noqotay dal muhiim u ah maraykanka waxa uu yidhi "sababahaa waxaa ka mid ah cilaaqaadka taariikhiyga ah ee aanu la leenahay maraykanka iyo isagoo hore saldhigyo ugu lahaa Somaliland" waxaanu intaa raaciyayay inuu maraykanku Somaliland ka dalbaday saldhigyo milatari haatana ay dalka ku suganyihiin ciidamo hordhac u ahi.

Isagoo intaa raaciyay in maslaxada Somaliland ay tahay inay saldhigyo siiso maraykanka si taasi ay uga qayb qaadato sidii ay Somaliland u heli lahayd Ictiraaf caalami ah.

Faysal Cali Waraabe waxa uu si weyn u beeniyay in wax xubno Al-Qaacida ahi ay ku sugan yihiin Somaliland balse uu joogitaankooda ku egyahay dhinaca koonfurta soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay midnimadii hore ee soomaaliya waxa uu sheegay inay taasi ahayd tijaabo fashilantay markii daraasad lagu sameeeyayna ay cadaatay inaanay sii socon karayn.

Ugu dambayntiina waxa uu sheegay inuu ka qayb qaadan doono doorashooyinka Madaxtinimada Somaliland isaga oo ka codsaday carabta inay aqoonsadaan Somaliland isaga oo yidhi "ma doonayno inaanu ka go'no ummada carbeed. Balse waxaanu ku dedaalaynaa inaanu soo celino xidhiidhkii fiicna ee naga dhaxeeyay". 

Top


Warbixin Ay Qortay Hay'adda Cuntada Iyo Beeraha ee (FAO) Oo Carqalad Ku Ah Dhoofka Xoolaha Soomaalida

By Jamal Cabdi Gaboobe

Warbixin ay leedahay hay'adda cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa laga sii daayay idaacada BBC Nov 21, 2002, warbixintaasi waxay ahayd sidan:

"hay'adda qaramada midoobay ee cuntada iyo beeruhu waxay ka digaysaa dilaaca cudur ku dhaca lo'ada oo hore looga dabargooyay meelo badan, waxa lagu hawlanaa sanado badan sidii cudurkan lo'ada looga dabar jari lahaa, FAO hadda waxay ka cabsi qabtaa in dhoofinta lo'da ee loo dhoofiyo Indoonisiiya iyo malaysiya in keento faafista cudurka lo'ada ku dhaca ku faafo dalalka koonfur bari ee Eeshiya" cudurkan ay ka hadashay hay'adda FAO ee Rinder Pest waxay xustay inuu ka jiro Kiiniy iyo Soomaaliya, warkan waxaa cinwaan looga dhigay "Cudurka Lo'ada ee Soomaalida oo waxyeelanaysa Eeshiya".

Warbixintan FAO waxay u muuqataa mid sii xumaynaysa xaalada dhaqaale ee soomaalida oo dhinaca xoolo dhoofinta ka heli jiray dhaqaale ay noloshooda ku kabaan oo uu saamayn weyn ku yeeshay xayiraadii xoolaha soomaalida lagaga soo rogay dalalkii carabta ee ay u dhoofin jireen, warbixintan FAO ee lo'ada soomaalida ku sheegaysa cudurka lama ay socon warbixin iyo daraasad la tixraacayo ka hadlaysa cudurka Rinderpest ee ay sheegtay inuu hayo lo' ku nool Soomaaliya. Warbixintani waa mid saameyn kala duwan ku leh Kiiniya oo leh dawlad iyo Soomaaliya oo aan lahayn dawlad dhexe oo la aqoonsanyahay.

Top


WHO Oo Ka Bilawday Barnaamijka Baahiyaha Aasaasiga Tuulo

Hargeysa (Haatuf) Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa u bilawday tuulooyinka (8-da) oo ka mida deegaanka Hargeysa barnaamijka baahiyaha aasaasiga ah ee dadweynaha "Basic Needs Programme" madaxa hay'adda WHO u qaabilsan Somaliland iyo soomaaliya Mr. Ibraahim Baytulmal oo booqasho ku jooga Somaliland ayaa hawl la xidhiidha barnaamijkaa la dagaalanka saboolnimada iyo la daryeelka baahiyaha aasaasiga ee dadka ku tagay tuuladda Dararweyne oo 30km dhinaca woqooyi bari ka xigta magaalada Hargeysa.

Booqashadan oo madaxa WHO ee Somaliland iyo soomaaliya ay kula kulmeen dadweynaha beeralayda iyo xoolo dhaqatada isugu jira ee reer Dararweyne, waxay kala qayb galeen dadweynaha halkaa degan furitaanka xarun daryeelka caafimaadka hooyooyinka iyo carruurta oo hore halkaa looga dhisay.

Madaxa WHO ee Somaliland iyo soomaaliya waxa wehelinayay saraakiil ka socota wasaarada caafimaadka ee Somaliland.

Isla maalintii ay wefdigani booqdeen Dararweyne warku wuxuu intaa ku daray in la gaadhsiiyay deeq maro kaneecooyina oo loo qaybiyay dadka halkaas degen oo Dooxa ku yaal awgii ay kaneecada keenta cudurka malaariyada aad ugu badantahay.

Top


COSONGO Sidee Bay Uga Warbixisay Doorashadii Somaliland Ka Dhacday?

Hargeysa (Haatuf): Dalaayadda COSONGO oo ah hayad samafal wadaniya oo ay ku bahoobeen NGO-yo badani ayey shalay maamulayaasheedu ka warbixiyeen sidii ay doorashada golayaashu degaanku uga dhacday gobolada iyo degmooyinka Somaliland, iyadoo ay madaxda hayadaasi sheegeen inay ilaa 400 oo goob-joogayaal hayadooda ka tirsan u kala direen goobaha cod-bixinta gobolada iyo degmooyinka dalka ee ay doorashadu ka dhacaysay.

Madaxda COSONGO shir-jaraa'id oo ay ku qabteen xaruntooda Hargeysa ayey kaga hadleen arintaa, waxayna warbixintooda ku sheegeen inay guud ahaan dadweynuhu u codeeyeen si wanaagsan, laakiin waxay hoosta ka xariiqeen dal-daloolo ka muuqday hawshii doorashada.

Saraakiisha COSONGO ee shirkaa jaraa'id ka hadlay waxa ka mid ahaa: Ismaaciil Xuseen Cumar oo ah agaasimaha fulinta COSONGO, C/laahi SH. Xasan oo ah xoghayaha guud ee COSONGO iyo Cabdi Saxardiid oo isna ka mid ah saraakiisha sar-sare ee COSONGO, isla markaana ahaa ninka xidhiidhanayey hawshiii goob-joognimada. Sidoo kale waxa iyaguna shirkaa jaraa'id ka hadlay Xuseen Yuusuf Ducaale oo ah sarkaalkii kooxdii COSONGO ee gobolka Sanaag ka hawl-gashay hogaaminayey iyo Muuse Axmed Cumar oo isna hogaaminayey kooxdii ka hawl gashay gobolka Awdal.

Madaxda iyo hawl-wadeenada COSONGO waxay xuseen inay meelo badan goobaha cod-bixintu cidhiidhi ahaayeen, taasina ay keentay inay dad badani fursad u waayeen inay footeeyaan, sidoo kale waxay sheegeen meelo ka mid ah gobolada durugsan inaanay doorashadu ka dhicin , taas oo ay sababta ku tilmaameen sanaaduuqdii oo aan la geyn, waxa kale oo ay sheegeen isgaadhsiin xumo ka dhacday meelaha qaarkood. Sidoo kale waxay sheegeen inay goob-joogayaashu yaraayeen, taasina ay keentay inaanay goobo badan goob-joogayaashu tegin. Waxa kale oo ay tilmaameen waayo-aragnimo ka muuqatay dadka hawsha maamulaya intooda badan iyo dadweynaha footaynayaba iyo weliba waxyaalaha kale oo badan ayey xuseen, iyaga oo sheegay inay waxyaalahaasi noqdaan kuwo laga qaato waayo-aragnimo si looga gaashaanto inaanay mar kale dhicin.

Top


Dunida Duulaanka Qorshaha Qarniga

By Haatuf/UNDP

Kooxdii ilmo Geedo-diirte, ayaa maqashay in Hay'adda UNDP ay ku hawlan tahay mashaariic ay ka mid yihiin la dagaalanka Fakhriga, cidhibtirka cudurka AIDska iyio ilaalinta deegaanka. Waxa kale oo ay maqleen in marka hay'adaha lala xidhiidhayo la samaysto ururo iyo NGO kuwa loo yaqaano.

Maalin maalmaha ka mid ahayd ay kooxdii shir isugu timid, waxay isku wargeliyeen Baaqyadii dunida iyo qaraaradii UN-ka ee la odhan jiray Milliunnium Goals iyo qorshayaasha barnaamijka MDGs. Ilma geedo-diirte, waxay isku raaceen oo yidhaahdeen; 'waaryaadhaheen, kol haddii dunidii ka soo horjeedsatay dhirtii aynu shidi jirnay iyo geedihii aynu layn jirnay, gaajo ayaa ina laynaysa, markaa waxa loo baahan yahay in jiho kale oo aynu ku noolaano.' Sidaa markii laysku fahmay, ayaa shirgudoonkii yidhi; 'Ajandaha shirkeenani, wuxuu ku salaysan yahay amuurtaas, markaa kumaa talo haya.' Nin ka mid ah kooxdii shiraysay ayaa farta taagay. Shirgudoonkii ayaa hadalkii u ogolaaday, kadibna intuu istaagay ayuu yidhi; "Anigu waxaan odhan lahaa oo ku talinayaa in aynu samaysano NGO." Shirgudoonkii ayaa su'aalay oo ku yidhi; "Waxaad noo sheegtaa NGO, ama ururadu aad bay u farabadan yihiin oo dadkoo dhan baa furtay oo waa laynaga buuxiyay booskasta, markaas ururkan aad sheegayso, waa maxay noociisu?"

Ninkii Gudimo, ayaa ku jawaabay: "Wuxuu noqonayaa Argagixiso NGO, ama Terrorist NGO." Su'aal kale ayaa la weydiiyay oo muxuu ka shaqaynayaa? Wuxuu ugu jawaabay: "Ururkaynu samaysanaynaa maadaama uu argagixiso noqonayo, wuxuu ka shaqayn doonaa horumarka qaraxyada, afduubida, iwm."

Mar kale ayaa lagu celiyay; 'xageebaynu uga helaynaa Lacag aynu ku horumarino' Mr. Gudimo oo faahfaahinaya ururka ayaa yidhi; "Horta waxaan idiin sheegayaa in aanu dalkeena ka jirin, dalka Maraykanka iyio dunida oo dhammina Lacag badan ayayu qoondaysay argagixisada, idaacadaha iyo telefiishanadu, waxaan argagixiso ahayn lagama sheegsheego. Markaa waxaan u malaynayaa in haddii ururkaas argagixisada ah aynu samaysano oo hay'adahan UNDP aynu ula tagno oo ku nidhaahno na caawiya, NGO baanu samaynaye in ay inagu dari doonaan mashaariicda horumarineed."

Su'aashii ugu dambaysay ee la weydiiyay, waxay ahayd 'horta ururada argagixisada ee la sheegayo, war ma ka haysaa in ay yihiin qaar Lacag lagu helo?' wuxuu ku jawaabay; "Walaahi, anigu ma ogi, laakiin idaacadaha waxaan ka maqlay ninka argagixisada u Madaxda ahi inuu yahay maalqabeen isnacay, markaas haddaynu ururkan argagixiso NGO furno, waxaan u malaynayaa in Lacag lagaga dhergayo."

Shirgudoonkii ayaa yidhi, aynu u coddeyno soo jeedinta hindisahaas. Markii loo coddeeyay, aya waxa lagu Ansixiyay aqlabiyad gaadhaysa maynis siiroo (-0%), shirkiina waxa laga saaray guddi farsamo oo soo samaysa ururkii argagixiso NGO. Saddex daqiiqo kadib, ayay soo noqdeen guddidii farsamo, iyagoo sida fayl weyn. Shirkii ayaa la furay, gudidii oo uu gudoomiye u ahaa Gudimo, ayaa la weydiiyay; ma soo samayseen ururkii? Gudidii ayaa tidhi, waanu soo samaynay oo wuxuu ku jiraa galkaas, galkii ay shirka soo hordhigeen. Gudidii ayaa sacabka loo tumay, kadibna waxa laysku raacay in hay'adii loo tago. Laba nin ayaa la biday in ay Ingiriisida wax ka yaqaaniin, kadibna labadii nin ayaa loo xilsaaray in ay ururkii qaadaan oo hay'adaha u doonaan mashaariic lagu horumariyo ururkan Argagixiso NGO.

Subax hore ayay ku soo kallaheen xafiiskii hay'adda UNDP. Gabadh xafiisyada hore joogtay ayay ku yidhaahdeen, waxaad noo tilmaantaa xafiiska laga bixiyo mashaariicda horumarinta. Gabadhii ayaa u tilmaantay xafiis ay dhex fadhido, gabadh gaalad ah oo Kumbuyuutar garaacaysa. Labadii nin oo sita fayl weyn, ayaa xafiiskii soo galay, gabadhii xafiiska fadhiday oo mashquulsan, ayaa af ingiriisi kula hadashay oo ku tidhi mashquulbaan ahay ee maxaan idiin qabtaa. Labadii nin ayaa af-garan waayay Ingiriisidan ay ku hadashay, intay is eegeen labadoodii ayay xusuusteen kelmad Ingiriisiya oo ahayd "Terrorist than you." 

Gabadhii ayaa yaabtay oo dhawr goor ku celcelisay "What.. What." Labadii nin ayaa aamusay oo intay naxen is yidhi, malaha waar cay baad ku tidhaahdeen gabadha. Gabadhii oo iyana dhinaceeda u naxsan, ayaa dareentay in aanay labada nin afka ingiriisida garanayn, waxay u yeedhay gabadh u kala turjubaanta, markii gabadhii timi ayay labadii nin ku tidhi waydii waxay rabaan. Nimankii ayaa lagu yidhi, maxaad rabtaan? Mid ka mid ah ayaa ugu jawaabay oo yidhi; "Waxaanu doonaynaa horumarin" Gabadhii ayaa ku tidhi oo maxaad ahaydeen? Wuxuu yidhi; "Anagu waxaanu nahay dadkii dhuxulaysatada ahaa ee dhirta layn jiray, markaas waxa na soo gaadhay fariinta ah ilaalinta deegaanka, waxaana naloo sheegay in dunidu dhirtii nabadgelinayso oo laga horumarayo. Mashaariic fakhriga lagaga baxayana la samaynayo, markaa maadaama shaqadayadii horumar la'aan keenayso, waxaanu doonaynaa in wax nalaga siiyo mashaariicda cusub ee horukaca keenaya." 

Markii uu dhameeyay ayay gabadhii ku tidhi; "NGO, ma leedihiin?" Haa waanu leenahay oo waa kan faylka ku sidno, ayay yidhaahdeen. Intay qalin iyo waraaq soo qaadatay ayay ku tidhi; "Maxaa la yidhaa ururkiina?" kolkaasay ku yidhaahdeen "Terrorist NGO."

Gabadhii ayaa sidii oo la qaniinay kor u booday oo fajacday, kolkaasay intay kor u qaylisay ku tidhi; "Anagu meeshan uma joogno in aanu NGO Argagixisada caawino, hawlaha argagixisadana Lacag uma hayno, markaa raali baad naga ahaan doontaan."

Labadii nin ayaa intay soo kaakaceen ayay ku yidhaahdeen "Manoo tilmaami kartaan hay'ado caawinaya ururada argagixisadu samaysato."

Gabadhii ayaa tidhi: "Anigu ma ogi cid caawinaysa, laakiin waxaan ogahay cidda la dagaalamaysa, hadaad cid idin qab-qabata doonaysaan xagaa Maraykanka u kaca." Labadii nin ayaa iska soo baxay.

"Waaryaadhaheen kuwani maaha hay'adihii NGO-yada argagixisada horumaniyay" iyagoo waxaas ku sheekaysanaya ayay soo baxeen.

Ninkii xafiiska hay'adda joogay, ayaa gabadhii u soo galay, kolkaasay u sheegtay in ay u yimaadeen laba nin oo sita NGO Argagixiso. Ninkii ayaa yidhi; "Iigu yeedha nimankaas sii socda" labadii nin ayaa loo yeedhay oo loo geeyay ninkii hay'adda haystay, kolkaasuu weydiiyay waxay doonayeen. Labadii nin ayaa mar kale uga waramay waxay doonayeen, wuxuu su'aalay maadaama ay dhuxulaysato ahaayeen, waxa ku kelifay in ay samaystaan ururkan, waxay ku yidhaahdeen waxa nasoo gaadhay fariinta Milleinnium Development Goals, waxaananu maqalnay hay'addiinan UNDP, ayaa ku shaqaynaysa, markaas waxaanu rabna in aanu ka qaybqaadano barnaamijka la yidhaa MDGs, qaybta fakhri ka saarka.

Ninkii hay'adda joogay oo yaaban, fahmayna in nimankani ay dedaalayaan, laakiin war la'aan iyo qorsha la'aani hayso, ayaa intuu si deggen ugu waramay ku yidhi; "Argagixisada miyaad taqaaniin?" "Maya ee idaacadaha ayuun baanu ku maqalnaa" ayay yidhaahdeen. Ninkii hay'adda haystay, ayaa ku yidhi waaryaadhaheen khatar baad gasheen, waxan aad sheeganaysaan dunida oo dhan ayaa la dagaalamaysa, waxaanay ka mid tahay waxyaalaha aadka loo neceb yahay, mashaariicda horumarna kuma jirto ee waxay ku jirtaa mashaariicda dib udhaca loo yaqaan, markaa dhako kale oo kaga bixi kartaan saboolnimada keena. Intay labadii nin yaabeen oo ay rumaysteen in ay wuxuu ninku u sheegay ayay faylkii tureen ayku yidhaahdeen; "Adeer nin wanaagsan baad tahay, waananu kula shaqaynaynaa ee bal noo waran oo maxaa la rabaa?"
Ninkii ayaa ku yidhi, "Anagu hay'ad ahaan ma jirto waxaanu gaar u rabnaa, dunida ayaa shirtay, shirkaasna waxa laga soo saaray qaraaro iyo baaqyo. Baaqyadaas oo uu ka mid yahay kan aad sheegaysaan oo loo baxshay MDGs, waxaana loo xilsaaray hay'addan UNDP la yidhaahdo, waxa la rabaanna waa 18 amuurood, waxa layska dhicinayaa waa 1)fakhriga, 2) HIV AIDS, 3) Nabaadguurka, 4) Caafimaad darada carruurta iyo hooyada, 5) Ku xadgudubka haweenka, 6)Maamulxumadu, waxaana loo biyaysanayaa in la helo; 1) carruur iyo dumar caafimaadqaba, 2) in la helo bulsho xaqdhawta haweenka iyo dadka laga badan yahay, 3) in la helo bulsho hodan ah, 4) in la helo bulsho leh maamulo iyo dawlado wanaagsan, 5) in la helo degaan fayo qaba, 6) in aan la arag qof aydhis qaba.

Lixdaa amuurood ee la damaacisan yahayna waa 1) Dumarka in lagu daro baarlamaanada iyo talooyinka sarsare, 2) Carruuraha in loo doono xarumo lagu daweeyo iyo nafaqo ay ku koraan, 3) fakhriga in loo doono fursado ganacsi iyoi mihnado dadka iyo suuqyo ka gata, 4) dawladaha in loo sameeyo dekedo iyo meelo dhaqaale ka soo galo, 5) deegaanka in laga ilaaliyo nabaadguur, 6) HIV in laga firdhado siyaabo uu ku faafayo.

Markaa saaxiibayaal amuuraha MDGs la yidhaahdaa waa 18 amuurood, lix lagu duulayo, lix laga duulayo iyo lix la doonayo, markaa dalkiina iyio dadkiinu docdee ayaa ka gelaysaan, bal sheegay waxaad u malaynaysaan in aad kaga guulaysanaysaan amuurahan:

Kooxdii oo u muuqday niman wax fahmay, ayaa yidh: "Imikaanu fahanay, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa 'war la helyaaba talo la hel', markaa hadaanu war helnay, talona waa haynaa."

Top


Doorashooyinka Kenya: Guul-Darro Weyn Oo Soo Food-Saartay Xisbiga Haya Talada

Nayroobi (W. Wararka) iyadoo ay iska soo daba dhacayaan natiijooyinka ka soo baxaya doorashooyinka guud ee dalka Kenya ayaa waxa muuqata inuu si weyn ugu horeeyo isbahaysiga mucaaridka ee Rainbow, iyagoo helay inta badan codadka mudanayaasha baarlamaanka iyo kuwa madaxtinimadaba, taasoo soo gebagebaynaysa muddo 39 sanadood ah oo uu ka talinayay dalkaasi xisbiga Kanu.

Waxaa kale oo doorashooyinkani soo gebagebaynayaan muddo 24 sanadood oo uu xukunka hayay madaxweyne Danial Arap Moi oo aanu dastuurku u fasaxayn inuu mar saddexaad isu soo sharaxo jagada madaxtinimada dalkaasi, waxaana jagada madaxtinimada ku tartamayay Moi Kibaki oo ka socda axsaabta mucaaridka ah iyo Uhuru Kenyatta oo uuu dhalay madaxweynihii ugu horeeyay ee Kenya, isagoo ka sharaxan xisbiga Kanu ee talada dalkaasi haya.

Wararka u dambeeyay ee soo baxayaana waxay sheegayaan inay mucaaridku heleen codad ku dhaw 75% codadka la tirayay, halka uu xisbiga Kanu ka haysto 25% codadka la bixiyay tanina waxay guul darro weyn oo lama filaana ku tahay xisbiga Kanu oo muddo dheer kaligii ka talinayay Kenya.

Madaxweynaha xilka ka tagaya Moi oo codkiisa dhiibtay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu talada ku wareejiyo cidii soo baxdaba, taasina ay muujinayso dimuqraadiyada ka hirgashay Kenya, waxa kale oo uu la hadlay ciidamada dalkaasi isagoo kula dardaarmay inay madaxweynaha cusub ula shaqeeyaan si daacadnimo ah. Waxaanu xilka ka degayaa isagoo 78 jir ah. Waxaanu gelayaa nolol cusub oo hawlgabnimo ah.

Top


Ku-Xigeenka Xoghaya Guud Ee Xisbiga Hanti Wadaaga Yemen Oo La Dilay

Sanca (W. Wararka) waxa maalintii shalay lagu dilay xarunta Yemen ee Sanca Ku xigeenkii Xoghayaha Guud ee Xisbiga Hanti Wadaaga Ee dalkaasi Jaarul-lah Cumar, Ka dib markii uu nin hubaysani rasaas ku furay isagoo ka soo baxay khudbad uu ka jeediyay duhurnimadii shalay shir sanadeedka Xisbiga Islaamiga ee Al-Islaax.

Waxaana soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan dilka Jaarul-lah iyadoo xisbiga Al-Islaax ay si weyn u beeniyeen inay lug ku lahaayeen dilka Jaarul-lah, balse ciidamada amaanku waxay gacanta ku dhigeen mid ka mida ilaalada gudoomiyaha baarlamaanka Yemen Sh. Cabdala Al-Axmar oo ahaa ninka furay rasaasta uu ku dhintay Jaarul-lah, iyadoo ay socoto baadhitaan ku saabsan sababta keentay dilka Jaarul-lah. 

Jaarul-lah oo ahaa ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga hanti-wadaaga Yemen oo ah xisbiga ugu weyn ee mucaaridka dhawaan ayaa xabsiga laga soo daayay. Waxaanu ka mid ahaa masuuliyiin lagu marti qaaday shir-weyne uu lahaa xisbiga Al-Islaax, dilkiisana wuxuu ahaa mid lama filaan ah, kaasoo dhacay in yar ka dib markii uu jeediyay khudbadiisii shir-weynaha Al-Islaax, waxaanay tani dhirbaaxo ku tahay isu soo dhawaansho dhexmari lahaa labada xisbi.

Iyadoo uu ninka fuliyay dilku ku soo dhawaaday Jaarul-lah u rasaasna ooda kaga qaaday, waxaanu geeriyooday iyadoo aan lala gaadhin dhakhtarka oo loola cararay. Xisbiga hanti-wadaagu waxa uu xukumayay dalkii la odhan jiray koonfurta Yemen intii aanay la midoobin woqooyiga Yemen 1990kii. Wax xubno ahna kuma laha baarlamaanka dalkaasi. Dhacdadana waxay xiisad cusub ka abuuraysaa dalka Yemen.

Top


Warbixin Kooban Oo La Xidhiidha Doorashooyinkii Dawladaha Hoose

Gaboodka Haweenka Ee Negaad 

Hargeysa (Haatuf) gabood ay ku midoobeen ururada haweenka ee NAGAAD ayaa shalay shirjaraa'id ku qabtay xafiiska ururkaas ee magaalada Hargeysa.
Saado Xaashi Cawad oo ah Agaasimaha fulinta ee NAGAAD ayaa halkaas ka soo jeedisay warbixin isugu jirta kaalintii uu ururka NAGAAD ka qaatay hawlihii doorashooyinka golaha deegaanka ee degmooyinka Somaliland, dhinacyadii ay ka dhamastirnayd codeyntii dhacday iyo waxyaabaha u baahan in la hagaajiyo.

Warbixintii ay halkaas ka soo jeedisay Saado Xaashi Cawad oo ah Agaasimaha fulinta ee gaboodka NAGAAD waxay ahayd Sidan:

Ururada bulshada rayidka ahi kaalin firfircoon ayey ka qaateen sidii ay dalkeena uga suurto geli lahayd dorashooyin xalaal ahi. Haddaba, tan iyo mudadii lagu dhawaaqey in doorashooyin madax banaan laga qabto dalka Somaliland, waxa gaboodka Nagaad isagoo kaashanaya ururda wadaniga ah, iyo bulshada rayidka ah uu ku darsadey qorshihiisa horumarineed ka qayb qaadashada hawlaha kala duwan ee lagu hirgelinayey doorashooyinka khaasatan dhinaca tabobarada iyo wacyi gelinta bulshada ee ku wajahan qaabka doorashooyinka, shuruucdooda iyo xorriyaadka muwaadinkasta u leeyahay ka qayb qaadashadeeda. Himilda Nagaad ee ku wajahan arrintan waxay tahay dhidibbo u aasidda qaranimada Soma1iland iyo nabad ku noolaanshiyaha bulshada. 

Taasina waxay suurto gelisay in gaboodka haweenka ee Nagaad u bisleeyaan sidii ay goobjoogayaasha madaxa baanaan ee bulshada rayidka uga qayb qaadan lahaayeen hawlaha doorashooyinka, kuwaas oo tababar la xidhiidha xilkooda iyo waajibaadkooda uu siiyey gaboodka - Nagaad waxaanay ka bawl galeen dhamaan goobihii ay ka dhacdey doorashadu, waana mid ku cad taariikhda qaybtii mihiimka ahayd ee gaboodku ka qaatey hawshaas. 

Gobolada ay NAGAAD Ka Hawlgashey

Gaboodka Nagaad waxay ka hawl gashey intabadan gobolada dalka ee bari iyo galbeedba sida Awdal, Hargeisa/Woqooyi Galbeed, Sahil, Togdheer iyo Sool (Caynabo) iyadoo u kala dirtey kooxo hawlwadeenno ah oo kormeera iyo goobjoogayaasha wadaniga ah iyo wacyi gelin dadweynaha la siinaayey, waxa ay ka howlgashay goobahan hoos ku xusan:- 

Gobolka Awdal

Kooxaha Nagaad ee dhinaca A wadal waxa ay ka howl galeen gobolka 
dhamaan gobaha codbixinta ee gobolkaas , halkaas oo ay dabooleen intii badnayd goobaha codbixinta ee dagmooyinka Boorama, Baki, Lughaya, iyo Saylac iyada oo ay dhinacna ka wade en wacyi galin. 

Gobolka Hargeysa 

Hargaysana Nagaad waxaa ay booqdeen dhamaan goobaha codbixinta intooda badan oo ah degmooyinka, Farawayne, Gabilay, Baligubadle, Salaxlay iyo Hargeysa oo nagaad goobjoog ka ahayd degmooyinka (Maxamud Haybe, Ahmed Dhagax, iyo Qayb ka mid ah degmada Koodbuur) 

Gobolada Bariga 
Gobolka Togdheer 

Waxa ay kormeer ku soo martay Nagaad gobolka Togdheer oo ay joogeen goobjoogayaal ka tirsanaa Nagaad iyo COSONGO. 

Gobolka Sool 

. Waxa kale oo ay Nagaad kormeer howleed ku tagtay gobolka Sool oo ay nagaad u joogeen goobjoogayaal 28 goobood ee laga codbixiyey gobolkaas, ee degmada caynabo. 

Waxvaabihii ka soo baxav kormeerkii.

Waxyabihii ay ku fiicnayd doorashadu: 
Dhamaan goobaha codbixinta waxa ay uga socotay si nabadgeliyo ah. Dadka oo tixgelinaayey Nidaamyadii doorashooyinka loo dej iyey. Inta badan howlwadeenadii doorashooyinku way wada joogeen gob aha codbixinta. Ku waas oo ka koobnaa, Commission, goobjoogayaashii bulshada rayidka ah ka socday, wakiiladii Xisbiyada iyo ciidankii nabad geliyaduba. 

Dhamaan Agabkii looga baahanana wuu wada yaalay gobaha codbixinta oo dhan. 
Goobaha qaarkood way fumaayeen ilaa habeenimadii. 

Waxyabahii ay u baahnaa in la hagaajiyo. 

Goobaha Codbixinta oo yaraa miyi iyo magaalaba, taas oo aanu dadbadani jaanis u helin in ay codkooda dhiibtaan. Wakhtiga oo cidhiidhi ahaa, taas oo goobaha codbixinta la xidhay lixdii galabnimo intooda badan. Howlwadeenada doorashooyinka qaarbaan goobahoodii joogin sida xisbiyada oo habsan ahaa, goobjoogayaashii oo la gaadhsiin Kari waayey, lakiin xubnaha commisionku way ku dhamayeen dhamaan goobaha codbixinta. Waxa jiray gaadiid xumo culays ku haysaycodbixiyaasha iyo howlwadeenadaba. Diwaan geliyaasha qaarkood oo uu Afsoomaligu ku adkaa, taas oo keenaysay dib u dhac ku yimaada sida ay howshu u socotay. Mudadii ololaynta oo aanay xisbiyadu aad ugu samayn wacyigalin calamadahooda iyo bamaamijyadooda siyaasadeed. 

Waxqorista iyo akhriska aad u hooseyey dadka codbixiyayaasha, gaar ahaan haweenka. 

Ugu dambeyn gaboodka Nagaad waxay u mahad celinayaan ururada wadaniga ah ee xubnaha ka ah gaboodka, guddida doorashooyinka, Ururka MidowgaYurub iyo dawladda Somaliland. Waxaanu heegan u yahay gaboodka Nagaad isagoo aan ku xidhaynin wax shuruud ah hirgelinta iyo ka qayb qaadashada barnaamijyada xaqiijinta jiritanka Somaliland iyo horumarkeeda".

Top


Mushkiladaha Afrikada Dhexe Iyo Bariga Dhexe Maxay Iska Shabahaan?

Faallo - Caraale Maxamed Jaamac

Mushkiladaha Siyaasadeed ee mandaqadda bariga Afrika waxay meelaha qaarkood ka shabahaan mushkiladaha bariga dhexe ee ilaa hadda loo caal-waayey.

Sida la ogyahay colaadda guunka ah ee ka dhex-taagan Israa'iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta waxay salka ku haysaa falsafado ay ka mid yihiin: ismaandhaaf Dhuleed, diin iyo ujeedooyin kale oo siyaasadeed oo la odhan karo waa kuwo ciriqoodu fog yahay. Laakiin colaadda geyigaa ka ooggan waxa siyaalo kala duduwan ugu lug leh dadyowga kala aaminsan diimaha Yuhuudda, Masiixiga iyo Islaamka.

Marka laga hadlayo colaadda dhinaca caqiida waxa bartilmaameed u aha magaalada barakaysan ee Qudus oo ah magaalada uu ku yaal masjidal-Aqsa, iyadoo ay muslimiintu aaminsan yihiin inay meeshaasi tahay xarun barakaysan oo mamnuuc ka ah gacmo aan ahayn gacmaha islaaamka, halka Yuhuuddana ka go'an tahay inay gacanta ku hayso magaalada muhimka ah ee Qudus.
Mushkiladda bariga dhexe inkasta oo sannado badan oognayd, isla markaana ay dunidu mudada intaa le'eg diiradda ku haysay sidii xal loogu heli lahaa, hadana ilaa hadda maaro looma helin, waxaadna moodaa inay, mar-ba marka ka dambaysta cirka sii qabanayso, laakiin dadka reer falastiin kontomeeyo sannadood ayey dhagaxa tuurayeen, taasina waxay geyeysiisay dhibaatooyin aan xad lahayn.

Dadka reer Falastiin waxay isu arkaan inay hiil iyoo hooba ka waayeen dadyowga ay walaalaha yihiin ee Carbeed iyo weliba guud ahaan caalamka islaamka, laakiin dawladda Israa'iil waxay tuur-tuurka kacdoonada Falastiiniyiinta jawaab uga dhigtaan quwad milateri oo aanay waxba ula hadhin, iyadoo ku garaacda dadka sacaba leyda reer Falastiin dubaabado, madaafiicda goobta iyo diyaaradaha wax duqeeya.

Tiro ma leh inta goor ee ay dunidu albaabada u furtay wada hadalo ama kulamo loogu yeedhay xal u helinta mushkiladda bariga dhexe, laakiin wada hadal kasta oo la soo qaadaa waxa uu ku dhamaadaa hal bacaad lagu lisay. Laakiin sababaha xal looga gaadhi waayey mushkiladda bariga dhexe siyaalo kala duwan ayey u micneeyaan dadka mushkiladaha dersaa. Sidaa darteed dadka qaar, gaar ahaan dadyowga muslimiintu waxay leeyihiin mushkiladdu waa mid diimeed ee meelna loogama qaadi karo, balse aqlabiyad badan oo dadka adduunka ah oo muslin iyo gaaloba leh waxay aaminsan yihiin ama ay u arkaan inay mushkiladdu tahay mid dhul, laakiin waxa kale oo aan iyana meesha ka madhnayn hirdan siyaasadeed oo aan keli ku ahayn Yuhuudda iyo Falastiin, iyadoo ay dawladaha reer galbeedku, gaar ahaan dawladda Maraykanku taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin Israa'iiliyiinta.

Sidoo kale mandaqadda bariga Afrika waxay ka mid tahay meelaha aanay mushkiladaha siyaasaddu ka qoob qaadin sida bariga dhexe. Tusaale dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey waxa Somaliya ka oognaa qalalaase siyaasadeed iyo dagaalo ahliya oo maaro loo waayey.

Inkasta oo Somaliya ku hirdamayaan hogaamiye-kooxeedyo iyo qabqablayaal dagaal, hadana arintu intaa way ka qoto dheer tahay, waxaana gacmo badan oo siyaasadeed oo ku dul hirdamaya mushkiladda Somaliya, kuwaas oo mandaqadda ka leh dano iyo istaraatijiyado siyaasadeed oo kala duwan. Laakiin danahaas iyo ujeedooyinkaasi waxay u qaybsan yihiin, kuwo siyaasadeed, dhaqaale, jograafi iyo kuwa diimeed-ba.

Dhawr nooc ayey u qaybsamaan dhinacyada ku loolamaya gobolka, waxaana ka mid ah dhinacyada ku loolamaya mandaqadda dawladaha reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo Yurub. Sidoo kale dawlado ka mid ah kuwa Afrika ayaa iyaguna ku loolamaya mandaqadda, dawladahaana waxa ka mid ah Masar, Itoobiya iyo liibiya. Waxa kale oo aan iyagana loolankoodu meesha ka maqnayn dawladaha gacanka Carabta. Laakiin loollanka siyaasaddu kuma eka mushkiladda Somaliya ee waxa mararka qaarkood dhacda inay dagaalo ka dhex-aloosmaan labad ka mid ah dawladaha mandaqadda, ka dibna ay dhinacayada iyo dawladaha aynu soo xusnay la kala saftaan, taasina ay mushkiladda sii huriso.

Marka la eego mushkiladda siyaasadeed ee Somaliya, inkasta oo khilaafka jilayaal ka yihiin hogaamiyayaasha kooxuhu, hadana hoosta kaga lamaan aragtiyaha kala duwan ee duwalka arinta ku lug leh, ha noqdeen kuwa mandaqadda ama ha noqdeen kuwa ka baxsane. Taasina waxay keentay in mushkiladda Somaliya xal loo waayo inka badan dhawr iyo toban sannadood, taas oo inkasta oo dib-uheshiisiinta kooxaha Somaliya ku hirdamaya loo qabtay inka badan dhawr iyo toban shir, hadana ilaa hadda waa loo caal la' yahay. Hase yeeshee loollanka siyaasadeed ee duwalku ma ah mid goor dhow bilaabmay ee waa mid soo taxnaa ilaa waqti dheer, tusaale ahaan dabayaaqadii Qarnigii ina dhaafay waxa gobolka si weyn uga aloosnaa qalalaase siyaasadeed iyo colaado milateri oo salka ku hayey nidaamyadii kala mabaadi'da ahaa shuuciyadda iyo hantigoosiga oo ay kala hogaaminayeen labadii gaashaan-buurood ee NATO iyo WAARSO oo ay hor-joogayaal ka kala ahaayeen dawladihii Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ee burburay. Taasina waxay keeni jirtay mar-ba laba ka mid ah dawladaha mandaqaddu inay colaad foodda is-daraan, sida Colaaddii sannadkii 1977-kii dhex-martay labadii Talis ee Mingistu Xayle Maryam (Itoobiya) iyo Siyaad Barre (somaliya).

Marka laga yimaado mushkiladda Somaliya ee sal-dhigi wayday loollanka iyo hirdanka siyaasadeed ee mandaqaddu waxa uu saameeyey Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo dhawr iyo toban sannadood gaadhaysa ahayd dawlad gooni u taagan, laakiin uu loollanka siyaasadda ee mandaqadda hadheeyey iyo danaha hirdamaya ee dawladahaa, taas oo ay Somaliland ilaa hadda sababta ku la'dahay xaqa ay u leedahay inay mandaqadda iyo dunidaba ka hesho aqoonsi caalami ah.

Si kastaba ha ahaatee mushkiladaha siyaasadeed ee bariga Afrika iyo bariga dhexe inkasta oo ay kala qoto fogyihiin, waxyaalo badana ku kala duwan yihiin, hadana waxa la odhan kataa meelo badan bay iska shabahaan.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa

Tifaftiray A. Ducaale

Q: 54aad

Mingistu: "Tusaale ahaan kacaankii dalka Spain markii uu qarxay dagaalkii labaad ee dunidu ururkii guddiga ahaa ee ka jiray gudaha Spain inta ay dhinac isugu baxeen oo ay go'aan qaateen ayey ku dhaqaaqeen talaabooyin waaweyn oo taariikhda galay, waana wax la ogyahay dalalka reer Yurub inay u soo tafaxayteen si ay u bakhtiiyaan waxay ku soo qaadeen dagaal ay ku baabi'inayaan, laakiin hogaamiyayaashii kacaankii Spain si ay difaacaan waxay samaysteen urur guddi ah oo arimo badan oo taariikhda galay samaystay. Sidoo kale dalalka ay ka mid yihiin Bulgeeriya, Hindiya iyo Ingiriiska laftiisa ayaa inta ay isu tageen samaystay ama aasaasay guuto caalamiya si ay isugu difaacaan maadaama ay dagaalo socdeen, waxaana taageero isla barbar taagay shucuubtooda sida ay dalkeenaba shicibku noo taageereen. Sidaa darteed kacaamadii dalalkaa ka dhashay burjiwaasiyiintii inta ay qabqabteen ayey xidh-xidheen, isla markaana waxay u saareen guddiyo arimahooda soo baadha, guddiyadaasina inta ay xaakimeen ayey gam ka siiyeen. 

Hadaba Professor Masfin inta uu waxyaalaha ay sameeyeen kacaamadii Yurub tusaale u soo qaatay ayaan xusuustaa isaga oo leh "Iyadoo uu qorigii gacantiina ku jiro, isla markaana uu waqtiga iyo jawigu idiin saamaxayo maxaad u sugaysaan xukunka qalinkayaga, sidaa darteed inta aad ku marmarsiinyoonaysaan guddi baa wax baadhaya iyo wax la mid ah ayaan ka baqayaa inuu idinka iyo anagaba daad ina wada qaado, maxaa dhacay miyaanu qorigu gacantiina ku jirin, ta kale sharci iyo awood kaleba anaga inta aad daaqadda naga tuurteen ayaad ma leedihiin nimanka maxkamad soo taag, maxay tahay maxkamadda aad na leedihiin cid soo taaga". 

Laakiin ninka la yidhaahdo Dr. Barakaat ayaaba ka sii darnaa Professor Masfin, waa isagu wuxuu yidhi "Nimanka waa in la laayo, khasabna ma aha in sharciga la raaco, maxaa yeelay waaba la cadeeyey inuu yahay sharci maadaama uu yahay go'aan uu shicibku taageersan yahayna waa la ansixin karaa", laakiin Dr. Barakaat isaga laftiisu ujeeddo iyo mawqif siyaasadeed ayuu lahaa, markii dambena waxa jiitay dareen qoomiyadeed ama jinsiyadeed, waayo waxa uu ku biiray jabhaddii shacbiya (Ereteriya), sidaa darteed arimaha noocaas ah iyo wax la mid ah ayaa na haystay oo waxa jiray dad badan oo dabada naga riixayey, waxaana u malaynayaa inaanay taa dad badani fahamsanayn.

Ta kale markii aan maqlay rag ka mid ah xubnihii hoose ee golaha dhergiga oo ku waramay anagu goob-joogayaal ayuun baanu ahayne cod-bixinta go'aanka shaqo kuma aanu lahayn, kamana aanu qayb gelin aad baan ula yaabay, waana dhaliilay, waayo ninkii intaas oo saacadood shirka fadhiyey ee gacanta u taagay ansixintii go'aanka inuu maanta yidhaahdo goob-jooge ayaan ahaa waa wax aan qurux badnayn oo lala yaabo, laakiin waxay iswaydiintu tahay Negeyle, Ugaadeeniya, Aqoordaat iyo gobolo kale oo ka sii fog-fog diyaaradihii ka soo daad-guraynayey xubnaha maanta sidaa leh miyey tahay wax la qaadan karo waxa loogu yeedhayey waxa aanu go'aaminayno kaalaya markhaati ka noqda, taasi miyey tahay wax macquul ah, hadii sida ay yidhaahdeen ay arintu tahay maxaa looga baahnaa may iska maqnaadaan, markaa waan la yaabanahay beenta inta le'eg sheegaan, maxaa beenta ku wata, miyaanay odhan karin "Amaane dembigaa ayuu galay ama waxaas ayuu sameeyey, dabadeedna waanu dilay".

Gannat: Sidaa aad sheegayso hadii ay xubnihii hoose ee dhergigu idinka cod bateen miyeydaan awoodi karayn inaad shirka joojisaan ama aad iskaga baxdaan? .

Mingistu: Maalintaa sida uu jawigu ahaa iyo sida ay maanta xaaladdu tahay ma aha laba xaaladood oo la is barbar dhigi karo, mana haboonaa in la isaga tusaale qaato. Waayo maalintaa dhibaatada taagnayd oo ahayd mid culus waxay u muuqatay dhibaato golaha dhergiga laftiisa dumin karaysay, isla markaana dalka wax xun geyeysiin karaysay. Sidaa darteed maalintaa waxa muuqatay arin waxyeelo u geysan karaysay midnimada golaha dhergiga, isla markaana waxay ahayd xaalad baabi'in karaysay rajada golaha dhergiga., waayo xubin kasta oo golaha dhergiga ka mid ahi marka uu hoolka dhexdiisa ka baxo ee uu ku laabto qaybtii uu ka yimi waxa awoodi karayey inuu xiisad kiciyo, ka dibna sidaa lagu burburo, iyadoo ay jawigii hoolku ahaa jawi xasaasi ah oo uu mid waliba midka kale hoos u eegayey, laakiin waxa jiray xubno dhawr ah oo golaha dhergiga ah oo taa dareensanaa, kuwaas oo lahaa inaynu dalka dayacno ma aha. Hase yeeshee arintu sida ay doonto ha ahaatee markii la yidhi cod hala qaado inta gacmaha kor loo taagay sida cawska la yidhaahdo Shibo (Shibo waa caws ay dadka Itoobiyaanka ahi shitaan maalinta sannadka cusub ee miilaadiga "Happy new year") ayuu go'aankaasi taageero helay oo sidaa ku meel-maray.

Ganat: Adigu (Mingistu) ma jirtaa cid aad codkaaga siisay oo aad tidhi hala dilo ama hala daayo?

Mingistu: Anigu waxaan hogaaminayey shirka, sidaa darteed shirarka kaleba la yeelo ama aan aniguba yeeli jiray marka aan shirarka hogaaminayo hawsha shirgudoonku waxay tahay inaan ajandaha soo dhigo, ka dibna aan doodda daadihiyo, sidaa darteed ayaan dooddii qaybiyey, laakiin dooddii way kululaatay ayey dhammaantood heleen fursad ay ku hadlaan, sidaas ayuuna mid waliba ra'yigiisa u dhiibtay, sidaa darteed nin waliba inta uu hadlay ayuu wixii uu odhan lahaa yidhi, ka dibna markii ay dhameeyeen ayaan wixii ay yidhaahdeen isugu soo ururiyey, dabadeedna waxaan ku idhi "Waa kuwaa wixii aad ku hadasheen, markaa iminka saw halkaa kuma joojino". Sidoo kale markii aanu codka qaadaynay waxaan ku idhi "iminka diyaar ma u tihiin inaad codaysaan", dabadeedna markii in cod la qaadayo loo wada sheegay wixii shirka ka soo qayb galay oo dhan ee la isla ogolaaday in cod la qaado ayaa, iyadoo la wada ogyahay cod-qaadistii la bilaabay, sidaa awgeed haba yaraatee may jirin arin keliya oo aanay ka soo qaybgalayaasha shirku raali ka ahayn oo la qabtay ama lagu talaabsaday. Tusaale ahaan waxa la lahaa "Kuwiina leh hebel hala dilo gacmihiin taaga", ka dibna inta codaysay inta la qoro ayaa la tiro koobayey inta ay yihiin, ka dibna waxa looga gudbayey inta ka soo horjeeda oo la lahaa "Inta ka soo horjeeda ama diidan gacmaha taaga", ka dibna waa la tirinayey. Laakiin codadka inta aanu tirino ayaanu u eegaynay sharciga guduhu sida uu dhigayo, markaa hadii ay codadku gaadhaan inta xeerku dhigayo in la dilo waa la dilayay, hadii ay gaadhi waayaana waa la sii daynayey, taana waxa lagu ansixinayey go'aan, sidaa awgeed anigu Mingistu ahaan codka aan bixiyaa ama bixin-waayaa haba yaaraatee waxba kama bedeli karayn xaaladda...

La soco cadadka dambe.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Dib u eegista Miisaan Taariikheedka SNM 

Muwaadin Ibraahin Cigaal, Hargeysa 

Madaama ay soo baxday Natiijadii axsaabta tartamaysay, horena uu u jiray xisbi qaran oo ah kii dhaliyay gobanimadda, sababtana u ahaa in la qabto doorashooyin, si looga gudbo qaab beeleedka, balse aanu isaga tartanka ka qayb gelin, iyadoo uu hore Caalamka uga qiimeysnaa, waxaan xasuusinaya cidaha loo-xilsaaray oo aanay ogaan garab-mar ku sameynin kaalin taarikheedka uu bud-dhigga u yahay Ururkaasi oo aan Afrikaba hore uga suurto galin.

Sidaas darteed, waxaan ku boorinaya Gudoomiyaha Gudiga-Diwaan-galinta xisabiyada inuu dib u eego Miisaan taariikheedka SNM, isla markaaa uu si dhab u soo saaro inuu yahay xisbiga xisbiyada Qaranka kaalinta uu Dalka ku leeyahay awgeed.

Waxa taasi cadydeynaya oo marag ka ah fur inoogu filan tirada guud ee dalka ka cod bixisay oo ah 440,000 Qof, waxa markaasi ba muuqanaysa in aan Dalka laga cod bixin oo ay baaqatay 76% oo cod bixin lahayd, waxa ay taasi qireysaa in ay jireen Ummaddo badan oo dusha ka daawaneysay waxa soconaya, iyo nugeylka Siyaasiga loolanka ku jira, halka ay qaarkood kaalintey wax ku noqon lahaayeen ka shakiyeen oo ay cidlo caasira afka saareen, ninna loo fu-furi mayo, balse Caqliga Saliima ahi wuu garanaya.

Top


Khibrad La'aan ayaa ugu Waacan Dawladda Heeshiisyada ay la Galayso Sharkiado Beenaalayaal ah.

Maxamud Caydiid Lafcanbe
Toronto, Canada

Illaa hadda dawladda madaxweyne Rayaale waa sharikaddii labaad ee heshiis dawladdu la saxeexatay ayada oo aan jiritaanka sharikadda la soo baadhin. Sideedaba Xukuumadda madaxweyne Rayaale waxaa caado u ah inay ku deg degto qalinka halkay baadhitaan ka samayn lahayd. Runtii arrintaasi magaca dawladeedna waa ku ceeb, ka mustaqbalka Somalilandna ee batrool ama macadan la qodona waa u khatar. Saxeexa deg deg ah ee sharikad aan jirin heshiisyada dawladaddu la galayso ma aha mid hadhaya ee waa mid waligii ku daba soconyaa.

Dawladda Somaliland ee talada dalka haysa runtii ma leh ujeeddo iyo ka jeeddo midnaba. Waxay ka dhigantahay doonni shiraac leh dadkiina ku joogo oo badweyn dhex taalla meel ay u socoto iyo meel ay ku noqonaysaana jirin, dabayshuna u kaxayso maalinba jihada ay socoto. Illaa hadda madaxda dawladdu may kala baran xeerarka caalamiga ah ee u yaal sharikadaha batroolka adduunka. Talo waxay ka tahay ninkii ajnabi ah ee sheegta sharikad batrool in saxeex lagu taago. Adduunka waxaa u yaal xeer caalami ah oo ka dhexeeya sharikadaha soo saara batroolka una baahan in madaxweynaha iyo wasiirkiisa macdanta bal ay xooga soo akhriyaan soona fahmaan inta aan sharikad kale oo dalka timaadda heshiis kale la galin. 

Runtii waa wax lala yaabo laguna qoslo dawlad aan fahamsanayn xita waxay saxeexayso, dawladdu ma la timid qareen (Attorney) heshiisyada intaan la saxeexin la eega qodobada iyo heshiiska guntiisa? Waxaan aad u jeclaan lahaa mudane Daahir Rayaale Kaahin oo iiga jawaaba midhkaa!! Shirkii jaraa'id ee dhawaan u madaxweynuhu ku qabtay guriga madaxtooyada, mar sharikadahaas wax laga wayddiiyay wuxuu ku jawaabay in cid wax inaga qaadaysa aanay jirin, kambaniga aan waxba soo saaraynina u iska tagayo!! Mudanow madaxweyne ma ogtahay heshiisyada aad la gasho sharikado aan jirin in saxeexu Somaliland waligeed daba soconaayo? Mase ogtahay heshiisyada nocaas oo kale ahi in ay mar walba hor joogsanayaan sharikadihii runta ahaa ee wax qaban lahaa ama wax inoo soo sari lahaa, oo sharikad aan jirini ka sheeganayso iskana hortaagayso sharikad kasta inay Somaliland saxeexeedii haysto. Sababtuna ay tahay heshiis kii aad la gashay iyo saxeexaad siisay!!! Sidaa ay dawladdu heshiisyada aanay uga fiirsanayn ayay waxyaabo ka khatarsanna aanay uga fiisanyn. ILLAHAY kama dhigo inay Somaliweyn laga saxeexo sharikad batrool!!

Dawlad waxaa lagu ogyahay in ay soo lafa gurto intaanay ballan qaad cidna la galin. Nasiib wanaag sharikaddii tan ka horaysay waxaa soo fashiliyay in aanay jirin Somalilandforum bal se dawladdu way ku adkaysatay in sharikaddaasi tahay wax jira, markay xaqiiqdii caddaatayna wax hadal ah lagama maqal dawladdii. Sharikaddii u damabaysana waxaa la soo ogaaday in cinwaankeedu yahay aqal ku yaala xaafadaha Hindada ee London. Dawladda waxaa haysa khibrad la'aan siyaasadeed sida darteed shacabka reer Somaliland ha ogaadaan in ay doortaan madax aqoon iyo khibradba u leh Siyaasadda. 

Top


'RAAD AROORYO YAAN DIB LOO RAACIN'

Waxa dalka Jamhuuriyadda Somaliland December 15th, 2002 ka dhacday Doorashooyinkii dowladaha hoose ee dalka, iyada oo aynu ka warqabno in ay ugu dambaysay dalka nidaamka doorashooyinka sannadii 1969 wakhtigaas oo doorashooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhaca guud ahaan dalkii Soomaaliya uu cagta mariyey nidaamka keligii taliyihii Siyaad Barre oo xukunka ka tuurey Dowladdii la soo doortay, iyada oo sababta inqilaabkaas loo tiriyo inta badan in hoggaankii dalka ee wakhtigaas oo uu saameeyay musuq-maasuq iyo wax is dhaaf-dhaafin aan xad lahayn oo dariiqa u xaadhay in isbedel caam ahi dalka ka dhaco guud ahaan.

Haddaba, waxa dhegaha inta caafimaadka qabta ee jecel wanaaga iyo horumarka Somaliland ku farxeen oo ku raaxaysteen dhawaaqii doorashooyinkii Golaha Degaanka ee dalka, kuwaasi oo ummadda wanaaga jeceli ku faani doonaan qarniyada soo socda, waxaana Hambalyo iyo duco mudan shacabka Somaliland ee xaqiijiyey himilada dhabta ah ee qarankanu ku fadhiyo macno ahaan. Hase yeeshee haddii aanu nahay shacabka Somaliland ee qurba-joogta ah, waxa aanu aad iyo aad uga murugooney wax is dhaaf-dhaafinta iyo musuq-maasuqa lagu sameeyay doorashooyinka ee ciideeyay xaqii iyo xorriyaadkii muwaadiniintu sida xorta ah ugu kala footeeyeen ururadii tartamayay. 

Waxa muuqata in uu dalkanu u baahnaa isbeddel caam ah oo ka saari kara jaha-wareerka, dhaqaale-xumada, musuq-maasuqa, Biyo la'aanta, caafimaad-xumada, waxbarasho la'aanta iyo guud ahaanba nidaamka maamul ee ragaadiyey hay'addaha dalka. Hase yeeshee, waxa soo fadalo cad-cad in mar kale ay guntiga dhiisha iskaga dhigeen Madaxweyne Rayaale iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB sidii ay u qabsan lahaayeen talada dalka 5-ta sanno ee soo socota, iyaga oo ka faa'iideysanaya awooda dowladda iyo dhaqaalaha taagta daran ee bulshada laga ururiyo.

Haddaba, waxaanu u soo jeedin lahayn Madaxweyne Rayaale in uu iskaga baydho dariiqii foosha xumaa ee dalka lagu soo maamulayey 10 sanno ee u dambeeyay, isla markaana ka tashado talooyinka kudladaha marin-habawsan ee ku cuno-duubban Madaxtooyada iyo Maamulka sare ee dalka, kuwaasi oo ku riyooda himilooyin xaqiiqda ka fog, kuwaasi oo sida muuqata wakhtigan kiishada ugu dhacay damaca Madaxweyne Rayaale ee in uu 5 Sanno xukumo Somaliland, xubnahaasi oo ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB-na waxa ay u laqimaan oo ka iibiyaan Madaxweyne Rayaale talooyin dhalanteed iyo musuq-maasuq ku dhisan. 

Mudane Madaxweyne adiga iyo Guddiga Doorashooyinku ma waxa aad ka dhaadhicinaysaa dadka garaadka iyo aqoonta leh in Gobolka aad u dhalatay ee Boorame uu ka cod badan yahay Berbera - Burco iyo degaamada hoos yimaada oo la isku darey? Taasi waxa ay u muuqataa tallaabooyinkii uu qaadi jirey nidaamkii Siyaad Barre ee hoos loogu dhigi jirey abid Gobollada Somaliland qaarkood oo ay ugu horreeyaan kuwan ay maanta saameysay tallaabadaada maamul, iyada oo ay muuqato sida loo maamulayey codadka degaamadu in tahay siyaasaddii nidaamkii Barre oo aad looga shaqeeyay, taasi oo laf-jab ku noqonaysa qarankii iyo ummadii aamintay hoggaanka dalka ee tijaabada ah.

Ugu dambayntii, waxa aan ugu baaqayaa shacabka Somaliland in ay muujiyaan nabad-jacayl, horumar jacayl, xumaan-diidnimo, musuq-maasuq diidnimo, isla markaana u guntadaan mar kale halgan dheer oo lagu xaqiijiyo himilada shacabka, iyada oo ay muuqato in wixii laga dagaalamay ee kaymaha loo galay, loona hurey wixii hanti boqolaalka sano la soo dhaqayeyna dib loogu sii siqayo maanta, waa in aynu xaqiijinaa in aanu dalku mar kale cagta saarin dhabbadii nidaamkii Faqashta, intii ka soo aflaxdayna ayha marna ku naaloon waxa ay ku riyoonayaan ee ah in ay dalka ku xukumi karaan dhalanteed iyo musuq-maasuq.

Allaa Mahad Leh, 

Faysal Abdi Osman 
Colorado, USA

Top


Arinkiinu yaanu noqon guriga iiga soo bax

Mustafe Maxamed Xuseen, Burco.

Sida aynu ognahay maanta Somaliland waxa ka socda beretan siyaasadeed oo loogu tartamayo qabashada awoodda, laakiin waxaan odhan lahaa dalka ay dawladda iyo ururada siyaasaddu ku tartamayaan waa in horta la sugo xuduudihiisa oo uu noqdo dalka gacanta lagu wada hayo maamul ahaan. Waxa kale oo aan ku talinayaa in la sameeyo awood dhexdhexaad ah oo u xaqsoorta ururada siyaasadda ee banaanka jooga iyo ciddda talada haysa. Sidoo kale waa in la sameeyo hantid-hawr qaran oo xor ah awoodna leh si aanay cid gaar ahi ugu takri falin hantida ummadda ka dhexaysa. Intaas iyo waxyaalo kale oo la mid ah marka la helo ayaa la heli karaa xaqsoor dhab ah, aniga oo ururada u soo jeedinaya in wax dadkoodu kula qanacsan mooyee inaanay wax kale oo talaabo ah qaadin. Laakiin waxaan baaq u dirayaan ummadda reer Somaliland gudo iyo debed-ba aniga oo leh bulsho yahay doorashadii ay ururadiina siyaasaddu idinku saacideen, waxa loo maamulay si aan u arko inay aad u qaldan tahay., sidaa darteed waxaan idiinku baaqayaa inaanu qofna aayihiisa iska duudsiyin, kana markhaati kaco sida ay wax u dhaceen, isaga oo ka badheedhaya wanaajinta aayihiisa.

Waxyaalaha qaldan ee dhacay waxaan wax badan u tirinayaa dawladdu inay samaysay, sidaa darteed waxaan u arkaa inuu dalku u baahan yahay golayaal iyo maamul qaan-gaadh ah iyo in wax la wanaajiyo, hadii taa la waayose waxaan u arkaa in la saacidayo sil-siladii dhibka iyo qaxarka.

Anigu waxaan u arkaa maamulka Rayaale inuu lumiyey midhihii ay soo hooyeen weftigii cuslaa ee mudada saddexda bilood ah fadhiyey gobolka Sool, waayo maamulkii iyo ciidankiiba way iskaga soo baxeen, sidoo kale gobolka Sool iyo degmada iyo weliba dgemooyinka Samaag bari oo aanay doorasho ka dhicin Buuhoodle waa laga xidhay doorashadii golayaasha degaanka, taasi aniga waxay iigu muuqataa in gobolka Sool, degmada Buuhoodle iyo sanaag bari si sahlan loogu wareejiyey Puntland.

Waxa kale oo ka mid ah qaladaadka aan arkay tirada codadka degaamada dalka oo u muuqda kuwa la isku xaddayo, lagana been sheegay. Sidoo kale waxaan u arkaa inuu maamulka talada hayaa awoodii iyo dhaqaalihii dalka ee uu amaanada u hayey si qaldan ugu takri falay, ugana faa'iidaystay doorashada iyo danahooda siyaasadeed. Ta kale guddiga doorashooyinka iyo maxkamadaha dalka uma arko inay ka madax banaan yihiin maamulka talada haya. Sidaa awgeed arimahaa aan soo tilmaamay iyo kuwo kale oo la mid ah cidii sharciyeysa waxaan odhan karaa waa aayo la'aan.

Ugu dambayn ururada siyaasadda iyo maaulka talada haya ee isku haysta awoodda dalka, waxaan kula talin lahaa arinkiinu yaanu noqon guriga aad ku jirto yaa igu filane iiga soo bax ee hoos haloo eego aayaha dalka iyo sida uu xaalku yahay.

Ta kale Waxaan leeyahay salaadiintii, duqaydii iyo wax garadkii dalkow idin mee.

Top


15-kii Diisamber waxay noqon doontaa maalin la xuso

Siciid Axmed ismaaciil.

Sida la ogyahay 15-kii Diisambar waxa dalka Somaliland ka dhacday doorashadii golayaasha degaanka, iyadoo ay ka qayb galeen lix xisbi. Maalintaas oo aan u arko maalin taariikhda baal dahab ka geli doonta, waayo iyadoo ay dalka waqti hore ugu dambaysay doorashooyin si xor ah u dhaca aye hadana dadku si fiican u footeeyeen, laakiin marka aad eegto sidii akhlaaqda wanaagsanayd ee ay dadka reer Somaliland uga qayb geleen doorashada waxaad moodaysay inay weligood doorasho soo geli jireen. Sidaa darteed ururada ku guulaysan waayey inay ku soo baxaan doorashada waxaan kula talin lahaa inay ku qancaan natiijada, mana aha inay aflagaado u geystaan guddiga doorashooyinka.

Marka la eego dalalka Afrika waxa had iyo goor ka dhaca khilaafaad siyaasiya oo ka dhasha doorashooyinka, taas darteed waxaan ururada siyaasadda iyo ummadda Somaliland kula talinayaa inay ka dignoodaan, laakiin Somalidu waxay tidhaahdaa "Gari laba nin kama wada qosliso", sidaa darteed ninkii laga badiyaa waa inuu gar qaataa oo aanu cadhoon, ururaduna waa inay maanka ku hayaan inay dalku dalkoodii yahay oo uu xil weyni ka saaraan yahay, markaa ururada laga guulaysto loogama baahna dudmo iyo cadho hanjabaadi ka muqato, taas hadii ay sameeyaana waxaan u arkaa inay waayayaan kalsoonida ummadda.

Ugu dambayn waxaan u hambalyeynayaa saxaafadda wadaniga oo si fiican oo wadaniyadi ka muuqato uga qayb qaatay hawlihii doorashada, aniga oo si gaar ah ugu mahad naqaya wargeysyada Haatuf iyo Jamhuuriya iyo weliba guddiga doorashada, waxaana ilaahay inooga rajaynayaa inuu doorashada dambena inagu gaadhsiiyo nabad qab.

Top


Fadeexad ka taagan sharciga iyo nidaamka cashuuuraha

Dr Ismail Ibrahim Ahmed, BtecSomaliland@aol.com

Wasaaradda Maaliyadda oo hore ugu fashilantay qorshe cashuuraha kastamada lagu kordhinayey 280% ayaa haddana ku dhaqaaqday olole la doonayo in isla cashuurtii si dadban loo qaado. Qorshahan wuxuu ku salaysan yahay sharci aan hore loo faafin oo ay wada diyaariyeen hay'adii UNDOS (oo loo yaqaannay "Undo Somaliland"), khubaro Talyaani ah, saraakiishii hore ee Wasaaraddii Maaliyadda oo cidhifyada adduunka laga soo ururiyey iyo shaqaale ka tirsan Maaliyadda Somaliland oo iyagu lagu doortay aqqonta iyo waayo aragnimada ay u lahaayeen nidaamkii cashuuraha ee taliskii Moqdisho.

Ujeeddada laga lahaa qaabkan cashuuruhu waxay ahayd in shuruucdii iyo nidaamkii Talyaanigu u sameeyey Soomaaliya lasoo nooleeyo oo Somaliland noqoto meel lagagana dhaqmo nidaamkii dhaqaalaha ee taliskii Siyad Barre. Nidaamkan waxaa ka dhashay in maanta Somaliland, oo Afrika inteeda kale kaga horreysa horumarka ay ka gaadhay dimuqraadiyadda, ganacsiga iyo ammaanka dalka ka jira, ay yeelato shuruucda iyo maamulka cashuuraha ee qaaradda ugu liita.

Article 38 - Cashuuraha Danyarta
Qaybta cashuuraha tooska ah ee sharcigani wuxuu amrayaa in si naxariis darro ah loola xisaabtamo dadka xoogsada iyada oo aan loo kala eegin mid wax haysta iyo ku aan haysan. Wuxuu qorayaa in qof kasta oo ay sannadkii soo gasho wax ka badan $12 (72,000 SL SH) haddii uu miyi joogo oo aanu waxba qorayn iyo haddii uu magaalo ku noolyahayba uu xisaab-celin qoraal ah sameeyo.

Qofka maalintii ay soo gasho 200 shilin waxaa qodobkani farayaa in ay 6% khasnadda dawladda dhexe kusoo shubaan. Qofka maalintii 6,000 shilin (hal dollar) ay soo gasho waxaa isaga laga doonayaa marka doollarka afar meelood loo qaybiyo meel ahaa (25%). Inkasta oo adduunyada loo aqoonsan yahay in qofka maalintii hal doolar soo gashaa uu yahay sabool ay tahayna in la caawiyo, xeerkani wuxuu ku talinayaa in qofku marka hore lacagta dawladda bixiyo. Dadka saboolka ah waxaa cashuurtan u dheer raashinka ay iibsadaan oo marka horeba ay laga qaado cashuuraha dawladda hoose iyo kuwa kastamada.

Digniin culus ayuu sharcigani ka bixinayaa cidda xisaab la iman weydan, wuxuuna leeyahay ciqaab ayaa lala beegsanayaa dadkaa ("whoever fails to furnish the return of income which he is required to furnish under the terms of this law [sic]... shall be punished"). "Ciqaabtani" sharcigu dalbanayo weli cidna sida ay u qoran tahay looguma fulin , laakiinse dad masaakiin ah oo aan haysan lacag ay dawladda dhexe siiyaan ayaa xabsiyada loo taxaabay.

Article 91 -Xeerka Sanamyada
Sharciga cashuuraha tooska ah oo laga soo turjumay Af-Talyaani waxaa qodobkiisa 91 ku yaalla in ciddii bixin weyda cashuuraha laga doonayo xoolahooda la xaraasho marka laga reebo: (a) alaabta ama sanamyada ay caabudaan ("religious items and objects for worship"); (b) fargashiyada meherka ("wedding rings"); (c) suudhka iyo gogosha sariirta ("suits of clothing and personal linen"); (c) billadaha ("medals").

Kooxdii sharciga dejisay kamay qarsoonayn in aan Somaliland sanamyo laga caabudin, laakiinse sida ay qaar ka mid ihi faafiyeen ula kac ayey waxaa ugu qoreen sharciga. Qodobkani hore ugumuu jirin sharcigii Af-Talyaaniga ku qorraa, kolkaa lama garanayo waxa ay sannadkii 91 ee Somaliland xornimadeeda lasoo noqotay ugu magacdareen xeerkan sanamyada.

Ma aha sharcigani mid inta la qoray aan lagu dhaqmin oo meel iska yaalla. Waxaa i horyaalla warqado Wasaaradda Maaliyaddu kasoo baxay oo tixraacayaa xeerarka sharcigan oo uu ku jiro Article 91, kuwaasoo aniga shakhsiyan ay igaga doonayaan lacago aan caqli gal ahay oo ay maxkamadda u gudbiyeen markii aan su'aalo ka weydiiyey qaabka ay wax u wadaan.

Cashuurta Jirridda
Sannadkan dadka ganacsatada qaar waxaa loo qaybiyey foomam kasoo baxay xafiiska cashuuraha berriga oo lagaga dalbayo in ay bixiyaan cashuur aan horeba loo maqal oo la yidhaahdo "Stem Tax" (Cashuurta Jirridda). Cashuurtani ma aha "Income Tax" ama "Corporation Tax" ee waa tu cusub oo iyaduna la xidhiidha dakhliga qofka oo lagu kordhiyey cashuur bararkii hore u jiray. Ugu yaraan 25 nooc oo cashuuro ah ayey dawladda dhexe iyo dawladaha hoose hore u qaadi jireen.

Waxaa laga yaabaa in ay cashuurtan Jirridda loo qaato in ay la xidhiidho xisbiga dawladda ee Udub laakiinse sida foomamka ka muuqata waa mid xisbiga ka hor jirtay. Waxay u egtahay in magacyo loo kala waayey cashuurahan badan oo markaa mid Soomaali ah loo alifay.

Maxaa xal ah?
Muddadii uu Madaxweyne Daahir Riyaale xukunka hayey isbedello muhiim ah oo dib u habeyntii maxkamaduhu ka mid ahayd ayuu sameeyey. Nasiib darro se cashuuraha iyo maamulka dhaqaalaha oo ahaa meelihii ugu darraa ee u baahnaa in degdeg ah wax looga qabto ayaa arrintoodu kasii daraysaa oo aan weli waxba laga qaban. Muhimad gaar ah ayaa cashuuruhu u leeyihiin dawladda Somaliland waayo 100% dakhliga dawladda wuxuu kasoo baxaa cashuurta oo ma jiraan deeqo miisaaniyadda lagu kabo oo dibadaha ka yimaaddaa.

Haddaba waxaa Madaxweyne Riyaale la gudboon in uu arrintan degdeg wax uga qabto oo marka hore la baadho cidda fadeexaddan cashuuraha ka jirta ka dambeysay. Waxaa loo baahan yahay in shaqaale daacad ah oo tayo leh la geeyo ilaha dhaqaalaha. Maanta waxaa dalka ku shaqo la' arday International GCSE kasoo qaatay dugisyada sare ee dalka oo leh aqoonta hawlaha ka dayacan Maaliyadda.

Waxaa muuqata in axsaabta mucaaridka ahi aanay muhimad weyn siinayn arrimahan dhaqaalaha. Niyad jab ayey dad badan ku noqotay in maanta oo axsaabtani maamulkii dibadda ka joogaan aanay xataa sameynin ballan qaad ah in ay darsayaan fadeexadda ka jirta cashuuraha. Ballanqaadyada ah in wax walba la hagaajinayo waxaa xaqiiqada uga dhow oo la rumeysan karayaa marka arrimaha taagan mid walba culayska ay leedahay la siiyo.

Top


WAADIGA CIYAARAHA

Leeds oo 2-0 ku suuldaartay Chelsea

James Milner ayaa noqday gool dhaliyihii ugu da'da yaraa horyaalka Ingiriiska

Goolkii labaad ee uu dhaliyay 3 cisho gudahood, 16-ka jirka James Milner oo uu u dhaliyay kooxda Leeds, ayaa noqday mid qiimo weyn sii geliyay guushii ay Leeds kaga adkaatay 2-0 kooxda Chelsea.

Jason Wilcox, ayaa koonaha kubad ka soo salaxay, waxaana madaxa ku dhaliyay Woodgate, halkaas oo ay kooxda Leeds qaybtii hore ee ciyaarta ku hogaamisay hal gool. Jame Milner oo u soo galay ciyaarta Leeds oo uu bedelay Harry Kewell, 15 daqiiqadood markii uu ciyaarta ku jiray Milner, ayaa darbad xoog badan uu la beegsaday goolka kooxda Chelsea, goolwalaha Chelsea Ed de Goey, wuxuu u waayay tamar uu ku joojiyo kubada uu soo laaday James Milner oo shabaga cuskatay, halkaas oo uu ku noqday ciyaartoyga ugu da'da yar ee goolal ka dhaliyay ciyaarihii horyaalka kooxaha kubadda cagta ee Ingiriiska.

Tababaraha kooxda Chelsea, Dandio Raniere, ayaa isbedelo ku sameeyay ciyaartoydiisii u safatay ciyaartaa si uu kor ugu soo qaado ciyaarta kooxdiisa Chelsea, waxaanu soo geliyay xilligii nasashada kadib Jimmy Floyd, Delucas iyo Albert Ferrer, De Lucus, ayaa fursad fiican helay daqiiqadii 56aad ee ciyaarta oo uu isku dayay inuu dhammaystiro weerar ay weerarka Chelsea ku soo qaadeen goolka kooxda Leeds.

Ugu dambeyntii, fursadii ugu dambeysay waxay nasiibkooda ka qaadeen Chelsea kubad uu birta ku Dhuftay goolka Lees Eider Gudjohnsen.

Top


Manchester United oo dib u soo kabatay guushii 2-0 kuu jiidhay Birmingham

Diego Forlan ayaa Manchester United u saxeexay goolka ay kaga hor martay qaybtii hore ee ciyaarta, wax yar ka hor xiligii nasashada oo ay 1-0 ku hogaamisay ciyaartii ay la yeelatay kooxda Birmingham.

Guusha ay gaadhay kooxda Manchester, waxay keentay in ay yeelato 21 dhibcood oo ay la simanto Kooxda Arsenal oo maanta la ciyaari doonta Liverpool. Goolka labaad, waxaa u dhaliyay Man. United, David Beckham qaybtii dambe ee ciyaarta oo ay ka hadhsanayd 17-daqiiqadood dhammaadkii ciyaarta.

Kooxda Birmingham, ayaa marar badan oo ciyaartay ah samaysay iska caabi wanaagsan oo weerar iyo difaacba leh. Devlin iyo Lazaridis, ayaa isku dayay in ay meel dheer laad kala tiigsadaan goolka Manchester, laakiin u may suuragelin.

Goolka ay ku bilowday Manchester ciyaartaa, waxaa isku dhiib-dhiib wanaagsan jaanta isla helay John O'shea, Paul Scholas iyo Jaun Veron, waxaa kubadda isna markii dambe laad gudubba ku hordhigay Silvestre oo kubadda gaadhsiiyay Beckham oo intuu dejiyay u gudbiyay kubadda Forlan oo isagu dhammaystiray goolkii hore ee Manchester ay ciyaartaa dhalisay.

Gaba-gebadii ciyaarta, ayuu Beckham helay kubadda uu goolka labaad ugu dhaliyay Manchester United oo 2-0 guusha kagala carowday Birmingham. Ciyaarta, waxaa garsoore ka ahaa M. Dean.

Top


"Ciyaartoyga Aniga Aad ay Kartidiisa Ciyaareed ii Raaligelisay waa Bobo Vieri - Hogaamiyaha Runta ah" - Hernan Crespo - Wareysi Khaas ah

S: Xaaladee ayay Kooxda Inter ku gelaysaa nasashada xilliga Jiilaalka ah?

J: Inter, waxay gelaysaa xilligan nasashada, xaaladda ugu wanaagsan iyadoo ku jirta, waxaanu kaalinta koowaad ku jirnaa tartan walba, xaqiiqdu waxay tahay in aanu haysano fursadii aanu ku lahayn bartilmaameedka aanu leenahay ee ku siin kara dareen qayru-caadi ah, waa mid ka dhigaya in aad wanaag dareento.

S: Xagee ayaad ku qaadan doontaa fasaxan nasashada?

J: Waxaan ku qaadan doonaa fasaxayga maalmo yar cadceedda, kulaylka iyo badda Jasiirad ku taala kulaylaha. Laakiin, ma rabo in aan dayaco shaqada, waxaan u baahanahay in aan si degdegga diyaar u ahaado soo noqoshadooda.

S: Sideed adigu u aragtaa sannadkan 2002?

J: 2002 waa sannad la yaab leh, sababtoo ah, qadhaadhkii xilligii la kulankii Lazio oo ay raacday waayo-aragnimo aan la filaynin, waxaan imid Inter anigoo wakhti bilaha ahaa ee ugu danbeysay la soo joogay Roma, waxaan ahaa qof niyadjabsan iyo xilli xun oo qadhaadh, xataa waxaa la bilaabay in aan layliga ciyaareed la qaato, mar labaad saxiibadayda aanu isku kooxda ahayn, warka sheegayay u wareejintayda Milan oo qof walba ku noqday arrin ka fajicisa, waxaanay aniga isiisay in aan wax u bilaabo sidii hore si ka wanaagsan, in aan la qabsado Inter way fududeyd, waayo waxaa hore u joogay tiro badan oo reer Arjantiin ah oo ah kooxdayada, hadda waxaan joogay Talyaaniga 7 sannadood, u malayn mayo hadda in aan u baahanahay in aan ku dhexjiro ciyaartoy aanu isku dalnahay, laakiin xaga kaftanka iyo in aan la ilaawin afkii hooyo, waxan halkan ka helay xaalad gurigaygii oo kale ah oo ku caawinaysa, meel waloo kooxda ah waxaa jooga, kula shaqaynaya oo kaa caawinaya sidii aad u xalin lahayd nooc kasta oo mushkilad kula soo derista. Tani waa faa'iido aad u weyn, inta uu toddobaadku socdo waxa aad isku koobi kartaa layliga, axaddana waxaad tegi kartaa goobaha dabaasha, waxaad dareemi kartaa jawi wanaagsan.

S: Maxaa xasuusa ee uu kugu reebi karaa sannadkan 2002?

J: Dhinaca xirfadayda heerkeeda 2002, waxaan xusuusan doonaa koobkii Adduunka ee Kuuriya/Jabaan, waxay ahayd Niyadjab aanan cabiri karayn. Bilowgii, waxaanu ahayn kooxaha u muuqda kwua imanaya ciyaaraha kama dambaysta ah, iyadoo la qiimaynayo sidii aanu isreebreebkii hore u soo baxnay, waxaanu ka koobnayn tiro badan oo ciyaartoy wanaagsan ah, waxaa kaloo xusuus wanaagsan ii ah soo wareegii aan u soo wareegay kooxda Inter.

S: Keebaa saaxiibadaada cusub ee aad isku kooxda tihiin aad kuu raaligeliya?

J: Ciyaartoyga aniga aad ciyaartiisu ii raaligelisaa waa Bobo Vieri, hogaamiyaha Runta ah. Bilowgii waxay yidhaahdeen, isfahamkiina ayaa adkaanaya, laakiin labada ciyaarood kadib hirdanadii ugu loolanka adkaa aragtidoodaasi way isbedeshay, isfahamkiina wuu sii wanaagsanaaday ciyaarba ciyaarta ka dambaysa, marka aan la ciyaarayo Bobo, waxaan qaataa kaalin taakulayn weerar, si fiican ayaan taa u keenay, bandhigeeduna wuxuu noqday goolal badan oo dhashay, xagiisa ciyaaraha horyaalka, xagaygana ciyaaraha horyaalada.

S: Maxaad rajaynaysaa ama aad ku ducaysan lahayd sannadkan cusub?

J: Waxaan ku ducaysan lahaa Caafimaad, kaas oo aan ku gaadho awood aan ku beegsado mid ka mid ah bartilmaameedka aan u soo dagaalamaynay.

Top