Madaxweyne
Rayaale Oo Dhagax Dhigay Bakhaar Lagu Keydinayo Qalabka Doorashooyinka
Aqoon-Isweydaarsi Lagu Soo Geba-Gebeeyay Jaamacadda Hargeysa
Nin Ay Dhalashadiisu Tahay Switzerland Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Hargeysa
KULMIYE Iyo UCID Oo Dalbaday In Xisbiyada Soo Baxay Dawlad Wadaag Ah Dhisaan Iyo In Doorashada Dib Loo Dhigo
Ururrada HORMOOD, SAHAN Iyo ASAD Oo Xaaraantinimeeyay Natiijadii Doorashada Iyo Go’aankii Gudiga Diiwaan-Gelinta
Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee Somaliland Soo Maray Sannadkii 2002
Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Tuullada Geel-Loo-Kor
Laydh La’aan Soo Foodsaartay Magaalada Boorama
Mwai Kibaki Oo Loo Dhaariyay Jagada Madaxweyne-Nimada Kenya
Dhakhaatiir Maraykan Ah Oo Lagu Laayey Cusbitaal Ku Yaal Dalka Yemen
Shir Ay Yeesheen Laanta UCID Ee Stockholm
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Dib-u-habaynta iyo horumarinta ganacsiga dalka
Waadiga Ciyaaraha
Ronaldinho Oo Uu Mustaqbalkiisa Ciyaareed Shaki Galay
Batistuta Oo Ku Biiraya Kooxda Fenerbahce eeTurkiga
Malawi oo ka maarmaysa tababarihii hore ee xulka dalkaas
Real Madrid Oo u Diyaara in ay Figo u Fasaxdo Inuu Koox Kale Ku Biiro |
|
Madaxweyne
Rayaale Oo Dhagax Dhigay Bakhaar Lagu Keydinayo Qalabka
Doorashooyinka
|
Hargeysa (Haatuf) Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay dhagax dhigay dhisme bakhaar loogu tala galay in gudiga doorashooyinka qaran ay ku kaysadaan qalabka doorashooyinka. Bakhaarka oo laga dhex dhisayo xarunta gudigaas ee Hargeysa.
Muuse Jaamac Maxamed (Muuse Xisbi) oo ka tirsan Gudiga doorashooyinka qaranka ayaa shalay u sheegay wargeyska Haatuf in dhismaha bakhaarkaas ay maalgelinayso dawlada Somaliland dhagax dhiga ka dib wuxuu maalintii shalay Madaxweyne Rayaale kormeer ku sameeyay xafiisyada ay ku shaqeeyaan gudiga doorashooyinka qaranku, isagoo markii dambe hadal kooban oo mahadnaq u soo jeediyay Gudigaas ugana mahad celiyay hawshii ay gudigaasi qabteen doorashooyinkii deegaanka, waxaanu Ilaahay uga baryay doorashooyinka soo socdana inay sidaa si leeg ugu guulaystaan.
Maalintii shalay oo ahayd isniin waxa uu gudoomiyay M/weyne Rayaale shirkii golaha wasiirada dawladda Somaliland ee caadiga ah maalinta isniinta.
Sida lagu xusay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland maalintii shalay oo uu ku saxeexanyahay afhayeenka xafiiskaas Cabdi Idiris Ducaale waxaa lagu ansixiyay shalay xeer maamula habraaca isticmaalka kharash wadaaga daryeelka caafimaadka bulshada oo ay soo gudbisay wasaarada caafimaadka ee Somaliland, waxaa kale oo lagu ansixiyay shirkii golaha wasiirada xukuumadda Somaliland ee shalay sharciga shaqaalah aan dawliga ahayn oo ay soo gudbisay wasaaradda caafimaadka iyo shaqadu ee Somaliland.
Xeerarkaas oo loo gudbin doono golaha wakiilada ee Somaliland si ay u ansixiyaan.
Sida warsaxaafadeedkaasi tilmaamay waxaa kale oo kulankiaa dawladda Somaliland ee shalay lagu falanqeeyay dhibaato ka taagan dhinaca oo ay wasaaradda badda iyo kaluumaysiga u qaabilsan soo hodhigtay golaha wasiirada, gaar ahaana waxaa la xusay dhibaato ka taagan xiis iyo Maydh oo ah ganacsiga xoolaha iyo faleenka oo ay dhibaato kaga timaado dhinaca Yemen.
Warsaxaafadeedka madaxtooyada Somaliland ee ka waramay shirkii golaha wasiirada wuxuu intaa ku daray in Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu ku amray in wasaaradaha arrimaha gudaha, Maaliyada, Kaluumaysiga iyo Difaaca ee Somaliland ay si degdega wax uga qabtaan wixii maamul la xidhiidha arrimahaas iyo badda Xiis iyo Maydh.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Ismaaciil Aaden Cismaan ayaa M Rayaale ku wehelinayay kormeerka xafiisyada Gudiga doorashooyinka iyo dhismaha bakhaarka kaydka.
Top
Aqoon-Isweydaarsi Lagu Soo Geba-Gebeeyay Jaamacadda Hargeysa |
Hargeysa (Haatuf): Aqoon iswaydaarsi muddo saddex maalmood ah ka socday xarunta jaamacadda Hargeysa ayaa shalay la soo gebagebeeyey, waxaana aqoon iswaydaarsigaasi mudadii uu socday lagu gorfaynayey mawduucyo ay ka mid yihiin: la dagaalanka fakhriga, horumarinta waxbarashada aasaasiga ah, yaraynta dhimashada hooyada iyo dhalaanka, la dagaalanka cudurka AIDS-ka, daryeela degaanka iyo kor u qaadida xuquuqda sinaanshaha dadka.
Aqoon iswaydaarsigaa oo ay maalgelisay hay’adda UNDP, waxa fulintiisa iska kaashaday hay’adda samafalka ah ee PENHA iyo jaamacadda Hargeysa, waxaana ka qayb qaatay aqoonyahano ka kala socda hayado kala duwan, kuwaas oo aaraah kala duwan iska dhaafsaday sida arimahaa loo meelmarin karo, isla markaana gebagebadii iyo xidhitaankii aqoon iswaydaarsigaa waxay ka qayb galayaashu ka soo jeediyeen talooyin farta ku fiiqaya sida arimahaa wax looga qaban karo, waxaan xidhitaankii kulankaa hadal ka jeediyey xubno ay ka mid yihiin gudoomiyaha jaamacadda Hargeysa, Dr. Cali Qaadi, Madaxa xafiiska PENHA ee Somaliland, marwo Sacdiya Muuse Axmed iyo C/laahi Sheekh Cali oo isna ah sarkaal ka tirsan hay’adda UNDP.
Mawduuca aqoon iswaydaarsigani ku saabsanaa oo halku-dhegiisu ahaa hiigsiga horumarka Miliniyamka, kaas oo uu geedi socodkiisu ka soo bilaabmay 1990, isla markaana socon doono ilaa sannadka 2015.
Top
Nin Ay Dhalashadiisu Tahay Switzerland Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Hargeysa |
Hargeysa (Haatuf): Martin Niederhonigen oo ah ganacsade u dhashay Switzerland, ayaa xalay abaaro 6:30 fiidnimo lagu dilay magaalada Hargeysa, kadib markii sida la sheegay ay rasaas ku fureen niman hubaysan oo aan ilaa hadda aan la aqoonsan cida ay yihiin, waxaana ninkaa la dilay isaga oo hortaagan Kaalinta la yidhaahdo Star oo ku taalla xaafadda Maxamuud Haybe. Hase yeeshee, dableyda dilkaa geysatay ilaa hadda gacanta laguma dhigin, inkastoo ay boolisku baadi-goobkooda ku jiraan.
Ninkan oo ganacsade ahaa, waxa uu dalka ku sugnaa muddo shan bilood gaadhaysa, iyadoo ay weheliyeen xaaskiisa iyo laba carruura oo uu dhalay.
Ciidamada Booliska oo ku hawlan baadhitaanka dilkan, iyagoo ku daba jira dambiilayaashii geystay dilkan, waxayna Madaxda Boolisku ka gaabsadeen in ay wax war ah ka bixiyaan dhacdadan dilka ah, iyagoo sheegay in aanay wax tafaasiil ah ka bixinayn arrintaa ilaa ay hawshooda baadhitaanka ah ka dhammaysanayaan.
Weriyayaal ka tirsan Haatuf oo booqday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Maydka ninkaa la dilay la geeyay, ayuu u sheegay Agaasimaha Guud ee Cusbitaalku in ay ninkaa laba xabadood kaga dhaceen madaxa, midina cunaha kaga dhacday, taasina ay sababtay dhimashadiisa.
Dhinaca kale, shaqaalaha Supermarket Star oo uu wax ka iibsaday ninkaa la dilay, ayaa weriyayaasha Haatuf u sheegay mar ay halkaa booqdeen in nimankii geystay dilkaasi ay u yaaceen dhinaca galbeed ee kaalintaas oo ay albaabadeedu u jeedaan, iyagoo dhexmaray maqaaxiyo yaryar oo ka soo horjeeda dhismaha Star, iyagoo intaa ku daray inuu budhcadda dilka geysatay nin keliya oo bilaa qori ahi ka daba cararay, balse ay rasaas ku soo rideen, kadibna uu dib iskaga soo laabtay.
Mar aanu booqanay guriga uu ninkaasi deggenaa oo ay Saddex Askari ilaalinayeen, ayaanu kula kulanay shaqaalihii u shaqaynayay ninka la dilay oo ku hawlan diyaarinta iyo tabaabushaha, sidii ay dalkoodii ugu diri lahaayeen meydka ninka la dilay iyo reerkiisa oo la degenaa.
Dhacdadan dilka ah oo ay si weyn uga naxeen dadweynaha reer Hargeysa, oo uu fajiciso ku noqday, iyadoo aanay caddeyn sababta keentay dilkaas oo aanu noociisu hore uga dhicin magaalada Hargeysa, balse waxaa tafaashiisa laga sugayaa ciidanka ammaanka oo ku hawlan baadhitaanka dilkan lama filaanka ah.
Top
KULMIYE Iyo UCID Oo Dalbaday In Xisbiyada Soo Baxay Dawlad Wadaag Ah Dhisaan Iyo In Doorashada Dib Loo Dhigo |
Hargeysa (Haatuf): Labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ayaa dal-baday in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada ilaa bisha May ee sannadka 2003, isla markaana waxay labadan xisbi soo jeediyeen inay saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID wada jir u dhisaan dawlad wadaag ah.
Qoraal ay wada jir ugu saxeexan yihiin labada gudoomiye ee labadan xisbi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali-waraabe oo soo baxay 28-kii bishan ayaa ka waramay hindisayaasha ay labadan xisbi wada jirka u soo jeediyeen, iyadoo qoraalkaa lagu xusay qoddobo dhawr ah.
Qoraalkaas oo lagu socod siiyey dhinacyo ay ka mid yihiin gudoomiyaha guddiga doorasooyinka Qaranka, Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland iyo xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, isla markaana la ogaysiiyey dhinacyada kala ah, Madaxweyne Rayaale ioy labada shir-gudoon ee labada gole ee baarlamaanka (Guurtida & wakiilada) waxa uu isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:
"Talo soo jeedin: Labada xisbi, iyaga oo ka Shidaal qaadanaya xeer anshaxii (Code of conduct) ay ku heshiiyeen ururada siyaasadda Somaliland ee ku taariikhaysnaa 5/12/2002 ee ahaa in saddexda urur ee ku guulaysta doorashada degaamada , ahna xisbiyada qaran ee mustaqbalka ay ka tashadaan waqtiga ay suurtoobi karto doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka, iyaga oo tixgelinaya duruufaha dhaqaale iyo nabadgelyo ee hadda ka taagan Somaliland, iyaga oo tixgelinaya sifihii ay ku dhici lahayd doorashadu, iyadoo ay cadahay inaanay suurtagal ahayn hadda in doorasho la qabto ugu dambayn 23-ka Janaweri 2003 waxay xisbiyada UCID iyo KULMIYE soo jeedinayaan talooyinka hoos ku qoran:
1 - Doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa
Waxa muuqatay inaanay suurta gal ahayn in doorashada madaxweynaha ioy madaxweyne-kuxigeenku ku qabsoomaan mudada ku xusan distoorka oo ah inay dhacdo 23-ka, Jananweri 2003.
Sida ku cad xeerka doorashooyinka, qoddobkiisa 26aad, faqradiisa koowaad waxay ahayd in 45 cisho ka hor maalinta cod-bixinta loo gud-biyo xafiiska guddiga doorashada Qaranka liiska musharaxiinta madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee axsaabta Qaranka, sababta oo ah distoorku wuxuu farayaa in doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa dhacdo ugu dambayn 23-ka Janaweri.
Waxa cad in guddiga doorashada qaranku u baahan yahay fursad ay ku diyaar garoobaan, kuna saxaan wixii qaladaad ah ee ka soo baxay doorashadii degaamada, isla markaana ku diyaariyaan agabka doorashada, korna ugu qaadaan shaqaalahooda.
Waxay nala tahay in doorashadu ku beeganto waqtiga ugu haboon ee reer miyigu codka ugu badan bixin karo, taas oo ah waqtiga gu’ga, isla markaana ah waqtiga ugu haboon ee uu qurbagga jooga ugu badani iman karo, markaa waxaan soo jeedinaynaa in doorashada la qabto 31-ka May 2003.
2 - In xisbiyada qaranku wadaagaan talada dalka
Mar hadii ay soo baxeen saddexdii xisbi siyaasadeed ee uu qeexayey distoorku iyaga ayaa leh awoodda hogaaminta siyaasadeed ee dalka, saddexdan xisbi ayuun baana leh xilka siyaasadda guud ee dalka, sidaa darteed hadii ay duruuftu keento in la kordhiyo waqtigii ay dhici lahayd doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, isla markaana uu xukuumadda waqtigeedii distooriga ahaa dhamaado, loona baahan yahay doorasho lagu wada qanci karo, waxa lagama maarmaan ah inay saddexda xisbi ee qaran ay wada dhisaan xukuumad wadaag ah oo si wada jir ahu maamusha dalka mudada la kordhiyey.
3 - Taakulaynta xisbiyada
Dawladaha dunida ee ku dhaqma dimoqraadiyada iyo hanaanka xisbiyada badan waxa curfi iyo xeer u ah in dawladdu bixiso dhaqaalaha xisbiyada siyaasiga ah ee qaran si aanay u shiiqin axsaabta badani, sidaa darteed waxa naga talo ah in xukuumaddu samayso ku talo-gal miisaaniyadeed xisbiyada Qaranka ah, waxa kale oo aanu ku talinaynaa inay xisbiyadu u sinaadaan hantida iyo awodaha Qaranka"ayey qoraalkooda ku af-jareen.
Top
Ururrada HORMOOD, SAHAN Iyo ASAD Oo Xaaraantinimeeyay Natiijadii Doorashada Iyo Go’aankii Gudiga Diiwaan-Gelinta |
"Madaxda Idaacadda Waxaan leeyahay waa la dhaafay Wakhtigii Beenta"
Gudoomiyaha HORMOOD
"Somaliland maaha Dal ay laba beelood leeyihiin"
Gudoomiyaha SAHAN
"Ninkii Waxa Xun sheega yaan la odhan waxbuu duminayaa"
Gudoomiyaha ASAD
Hargeysa (Haatuf): Saddexda urur-siyaasadeed ee HORMOOD, SAHAN iyo ASAD ayaa shalay wada jir ugu dhawaaqay inaanay ku qanacsanayn natiijada ka soo baxday doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland ka dhacday 15-kii Bishan, isla markaana aanay aqbalayn go’aankii ka soo baxay guddiga diiwaangelinta axsaabta ee ku saabsnaa kala reebista ururada siyaasadda, taas oo ay guddiga diiwaangelintu ururada KULMIYE, UCID iyo UDUB u aqoonsadeen saddexda xisbi ee soo baxay.
Qoraal ay wada jir u saxeexeen saddexda gudoomiye ee HORMOOD, Axmed Muxumad Madar, SAHAN, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) waxay ku cadeeyeen mawqifka iyo sida ay u arkaan doorashooyinkii golayaasha degaanka ee dalka ka dhacay, taas oo ay tilmaameen musuqmaasuq iyo ku shubasho dhacday, isla markaana waxay ku doodeen in la baalmaray distoorka iyo sharciga doorashooyinka, laakiin qoraalkaasi isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:
"Kulan ay isugu yimaadeen ururada HORMOOD, SAHAN iyo ASAD waxay ku fallan-qeeyeen arimaha la xidhiidha natiijada doorashadii dawladaha hoose, go’aankii guddiga diiwaangelinta axsaabta, sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ee uu dalku marayo iyo guud ahaan sida ay arimahaasi u saameeyeen dimoqraadiyadda iyo midnimada guud ee ummadda iyo dalka.
Waxaanu aaminsanahay in, boob, kushubasho, xeer-jebin iyo xad-gudubyo ka dhaceen doorashadii dawladaha hoose ee ka qabsoomay gobolada iyo degmooyinka dalka qaarkood 15-kii Diisambar, 2002, isla markaana sidii aanu horeba u sheegnay natiijadii ka soo baxday ma aha mid lagu qanci karo. Laakiin waxa intaa dheer, iyadoo shuruudihii lagu kala saari lahaa ururada siyaasadda ay qabyo yihiin, isla markaana ay maqan yihiin inku dhow saddex-meelood oo meel (1/3) muwaadiniintii xaqa u lahaa inay codkooda ka dhiibtaan kala doorashada ururada u gudbaya xisbi qaran, taas oo marag ma doon u ah guddiga diiwaangelintu inay si toos ah ugu badheedheen jebinta xeerarka dalka iyo ku xad-gudubka dastuurka.
Hadaba ururada HORMOOD, SAHAN iyo ASAD, iyaga oo: B- Danaynaya midnimada iyo wada jirka Qaranka, T- iyagoo aaminsan in jiritaanka qaranimadu ay lafdhabar u tahay dhawrista iyo xurmaynta distoorka iyo xeerarka dalka iyo J- Iyadoo ay ka go’an tahay in si habsami iyo cadaalad ah loogu gudbo hanaanka axsaabta badan, lana kobciyo dimoqraadiyada, isla markaana ay ururadani is-hortaagayaan damac ku salaysan in dalka laga hirgeliyo xisbi leh sansaantii xisbigii Siyaad Barre, sida UDUB, waxay saddexdan urur ummadooda u gudbinayaan:
-
Inaanay ku qanacsanayn natiijada doorashadii dawladaha hoose maadaama habkii loo maamulay aanay waafaqsanayn xeerka doorashooyinka, isla markaana ay lahayd kushubasho, boob iyo xeer-jebin.
-
Inaanay sinaba u ogolaanayn go’aanka aan sharciga ku dhisnayn ee ay soo saareen guddiga diiwaabgelinta iyo qiimaynta axsaabta ee ahaa kala reebista ururada siyaasadda.
-
Inay lixda urur sharciyan u jiraan ilaa la dhamaystirayo shuruudihii lagu kala reebi lahaa ururada.
-
Inaanay dalka ka qabsoomi karin doorasho madaxweyne ilaa inta la helayo axsaab buuxisa shuruudaha ku xusan xeer No.14/2000, kaas oo qeexaya in dhammaan lixda gobol ee dalka doorasho ka dhacdo.
-
Waxaanu u aragnaa in loo badheedhay in dalka la kala gooyo, midnimadiisana halkaa lagu dhaawacayo hadii go’aanka noocaas ah lagu adkaysto ee lagaga maarmay codadkii HARTI"ayey qoraalkooda ku soo xidheen.
Laakiin markii qoraalka la akhriyey ka dib gudoomiyayaasha saddexda urur ee HORMOOD, Axmed Muxumad Madar, SAHAN, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isu daba maray khudbado ay ku faah-faahinayaan mawaaqifta ururadooda, iyaga oo si kulul ugu nuux-nuuxsaday dhaliishooda ku saabsan sidii loo maamulay doorashada iyo go’aanka kala reebista ururada siyaasadda ee guddiga diiwaangelinta iyo qiimaynta axsaabta.
"Koley aniga iima cusba ka qaylinta cadaalad daro, musuq-maasuq iyo maamul-xumo dalkan ka dhacda, inbadana ummadda waan uga qaylinayey inay ka gil-gishaan waxyaalaha maanta dhacay oo kale ", sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabay gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), wuxuuna intaa ku daray "Dalku waa 23 degmo, laakiin 7 degmo oo ay magaalo madax gobol ku jirto cod lagama qaadin, weliba waa toddoba degmo oo isku reer ah, markaa miyeynu ka maaranay Harti iyo dhulka uu dego, laakiin hadii aynu ka maarano jamhuuriyadda inta soo hadhay maxaynu u bixinaynaa, sidaa darteed anagu urur ahaan waxaanu qabnaa ilaa ay codkooda dhiibtaan dadka toddobadaa degmo ku nooli inaanay xalaaloobayn natiijada ka soo baxdaa doorashooyinka, weliba waa marka la iska dhaafo wixii musuqmaasuq iyo ku shubasho dhacay, Somaliland-na jiri mayso hadii dalka qaar la waayo".
"Waxaan shalay maqlayey waxa la jabsaday bakhaaro ay yaaliin agabkii doorashooyinku, laakiin arinta 29-kii bisha laynoo sheegay waxay dhacday bisha 16-keedii, taasi miyaanay quudh inagu ahayn, waxaanuse qabnaa alaabtaa waa la meelaystay oo doorashadii lagaga hawl-gelye, ta soo socotana waa lagaga hawl-gelayaa"ayuu intaa ku daray gudoomiyaha ASAD, wuxuuna intaa raaciyey "Waar yaan ninkii wax xun oo dhacay sheega la odhan wuu gardarran yahay, nabadgelyada ayuu duminayaa, dab ayuu shidayaa, laakiin waxaanu leenahay waa in jiritaanka Somaliland loo hawl galaa oo aynu gedigeen gacmaha is qabsanaa".
Sidoo kale gudoomiyaha ururka HORMOOD, Axmed Muxumad Madar ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Hadii aynaan xusuusnayn shalay wixii dhacay maanta ma garan karo xaaladda aynu ku jirno", wuxuuna gudoomiyaha HORMOOD aad ugu dheeraaday muhimadda ay leedahay cadaaladdu, isaga oo xusay in cadaalad daro awgeed la soo galay halgan dheer oo dagaal, laakiin waxa uu ku dooday inay taasi weli taagan tahay oo aan laga gudbin. "Iswaydiintu waxay tahay cadaalad daradii shalay la diiday maanta ma aqbali karnaa, laakiin anigu waxaan leeyahay sidii aynu cadaalad daradii hore u diidnay waa inaynu maantana u diidnaa"ayuu yidhi gudoomiyaha HORMOOD, isaga oo ku cel-celiyey inay cadaalad daro ka dhacday doorashooyinkii dawladaha hoose. Laakiin waxa uu mar kale yidhi "Ummadda reer Somaliland waxaan kula dardaarmayaa inay had iyo goor noqdaan kuwa xaqa taageera, xaq darada diida, isla markaana ay noqdaan inay dalka cadaaladi ka dhacdo, axsaabtana waxaan leeyahay mushkiladda maanta inala soo deristay waa inaynu ku xalilo si nabadgelyo ah oo sharciga waafaqsan, golayaasha maanta inoo dhisanina canaan ayey ku leeyihiin dhibaatada maanta taagan oo hadii aan wax laga qaban dalka Somaliland ku keeni karta burbur".
Gudoomiyaha HORMOOD waxa kale oo uu farta ku fiiqay guud ahaan war-baahinta dalka, gaar ahaana idaacadda Raadyow Hargeysa oo si weyn u dhaliilay barnaamijyada ay baahiso, isaga oo yidhi "Hadii aad u fiirsato barnaamijyada ka baxaya Raadyow Hargeysa waxaad moodaa inaanay waxba ka dhinayn habkii ay barnaamijyadu uga bixi jireen idaacaddii daaquudkii Siyaad Barre, keliya waxa hadhay uun in ururadeena xaqa doonaya laynoo qaado samadiidow dabbin kuu dhigan lagugu dili doono, laakiin madaxda idaacadda waxaan leeyahay waqtigii dadka la qaldi jirey ee beenta loo sheegi jiray way dhamaatay", wuxuuna gudoomiyaha HORMOOD hadalkiisa ku soo gebagebeeyey "Hadii ay xaq iyo xaq daro is qabtaan ilaahay waxa uu guusha siiyaa xaqa, markaa ilaahay kuwa xaqa ku dirira ha inaga dhigay."
Intaa ka dib gudoomiyaha ururka SAHAN, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa isna hadalka qaatay, wuxuuna ugu horayn aad uga hadlay dhibaatooyinka dhinaca siyaasadda ee had iyo goor soo food saara dalalka sooo koraya, isaga oo tilmaamay cadaalad daro iyo nidaamyo keli talis ahi inay dalalka soo koraya bariinsadeen, wuxuuna xusay faraqa siyaasiyan u dhexeeya dalalka soo koraya iyo kuwa hore u maray. Sidoo kalena waxa uu tusaale u soo qaatay nidaamkii keli taliska ahaa ee soo maray dal-weynihii Somaliya. "Waxa la aaminsan yahay cadaalad daradu inay tahay makiinada burburisa xasiloonida nolosha,"ayuu yidhi, Dr. Gaboose, laakiin wuxuu mar kale yidhi "Dalalka soo koraya cidii cadaalad daro ka cabata waxa la soo kicinayaa basas iyo hooyooyin, durbaana waa la raadinayaa ciddii cabatay waxa laga dhigayaa cadaw, sidaa darteed waxaan u malaynayaa in berito layna odhan doono ururada Qaranka dumiska ah hala qabto".
Gudoomiyaha SAHAN, isaga oo ka hadlaya cadaalad darada ay ururadaasi ka cawdeen wuxuu yidhi, "Ummadda reer Somaliland waxaan leeyahay hadii aad maqashaan ururo cawday oo cadaalad daro sheegtay ogaada cidda ay xaakin cadliya ka dooonayaan waa shacbiga, taas oo aan leeyahay shacbigu waa inaanay sidii xiligii Siyaad Barre durbaanka iska tumine waa inay dhegaystaan oo ay yidhaahdaan dadka cabanayaa maxay ka cabanayaan".
Gudoomiyaha SAHAN waxa uu aad ugu dheeraaday labada guddi ee doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta axsaabta, kuwaas oo uu aad ugu dhaliilay maamul-xumo, musuqmaasuq iyo sharci jebin ay ku talaabsadeen markii ay doorashadu socotay iyo sidii ay u qiimeeyeen sharciyan kala reebistiisii ururada, isaga oo si gaar ah u xusay qoddobada qeexaya kala reebista ururada, kuwaas oo uu sheegay inay guddiga diiwaangelintu si cad u jebiyeen. Laakiin dhinaca kalena gudoomiyaha SAHAN waxa arimahaa si kulul ugu dhaliilay madaxweyne Daahir Rayaale, isaga oo yidhi, "waxaan filayey madaxweyne Daahir Rayaale inuu sharciga habeen iyo maalin ilaalin doono, waayo isagu wuxuu ahaa ninka koowaad ee ka faa’iidaystay sharciga iyo distoorka ee dalka Madaxweyne ugu noqday, laakiin maalin dhowayd wuxuu ku jawaabay ururada laga adkaaday waa inay ogolaadaan, balse waxaan leeyahay adeer adigu madaxweyne ayaad tahay ee ma garsoorkii ayaad tahay, anaga oo weliba tuhunsan inay telefoonadu xagaaga ka soo dhacayaan," wuxuuna intaa ku daray, "Ururada marka la kala reebayo waxa lagu kala reebayaa inay ururadu gobolkasta ka helaan 20%, laakiin gobolka Sool waxa laga codeeyey hal degmo oo qudha oo ah degmada Caynaba, markaa degmada Caynaba miyey meteli kartaa ereyga gobol, ummadda ku dhaqan gobolka Soolna xaqeedii iyo karaamadeedii ma waxa qaadatay degmada Caynaba, balse waxay iswaydiintu tahay guddiga diiwaangelintu ma waxay noqdeen hay’adda bixisa gobolnimada iyo degmonimada, ta kale axsaabta la yidhi ha soo baxeen waa axsaab qaran, distoorkuna waxa uu leeyahay waa inay doorashada axsaabta Qaranka ka qayb galaan ummadda oo dhami, laakiin hadii ay ummaddii Somaliland saddex meelood oo meeli maqan tahay xisbiga soo baxay ma noqon karaa xisbi qaran, jawaabtu waa maya, waxaanuna leenahay Somaliland ma aha dal ay leeyihiin laba beelood oo keliyi ee waa dal leh ummad iyo xuduudo".
Dhinaca kalena gudoomiyayaasha saddexdan urur waxa kale oo ay saddexdooduba afka ku dhufteen qoraal ay wada jir u soo saareen labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, qoraalkaas oo ay labadaa xisbi ku dal-badeen in doorashada madaxweynaha dib loo dhigo, isla markaana waxay ku baaqeen inay saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID wada jir u dhisaan dawlad cusub, laakiin gudoomiyayaasha ururada ASAD, SAHAN ioy HORMOOD dhawaaqa ka soo yeedhay KULMIYE ioy UCID way naqdiyeen, waxayna ku tilmaameen arin ay ku degdegeen.
"Labada xisbi ee maanta leh doorashada dib haloo dhigo waa kuwii doorashadii dawladaha ugu degdegsanaa"ayuu yidhi gudoomiyaha ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan, sidoo kale gudoomiyaha HORMOOD, Axmed Muxumad Madar oo qoraalka labadaa urur ka hadlaya ayaa isna yidhi "Labadan urur ee KULMIYE iyo UCID qoraalo hore oo ay saxaafadda ku soo saareen waxay ka marag kaceen xaq daradii doorashada, laakiin waxaan leeyahay ilaahow Haa iyo maya meel hanaga wada yeedhsiin, markaa ninka leh waxa dhacday xaq daro. Hadana xaq darada waan aqbalayaa ma garanayo waxay ujeedadiisu tahay".
Gudoomiyaha ururka SAHAN, Maxamed Cabdi Gaboose ayaa isna ka hadlay qoraalka labadaa xisbi, wuxuuna yidhi "Waa maxay labadan xisbi ee dhakhsaha badan ee leh lacagta Qaranka badhkayaga hanala siiyo, ta kale labadan xisbi ee maanta leh doorashada dib haloo dhigo miyaanay kuwii doorashadii dhacday lahaa maalin qudha dib looma dhigi karo".
Top
Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee Somaliland Soo Maray Sannadkii 2002 |
Guud ahaan iyadoo ay dhacdooyinka ugu waaweyn ee soo maray Somaliland 2002, ay ugu waynayd geeridii hogaamiyihii siyaasadeed ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, M/weynihii Somaliland oo geeriyooday 3/05/02 oo ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka koonfur Afrika, waxaa alla ha u naxariistee 6dii May lagu aasay magaalada Berbera iyadoo si balaadhan ay uga soo qaybgaleen madax iyo masuuliyiinba dadka reer Somaliland iyo masuuliyiin ka socotay dalalka jaarka ah.
3 May 2002 waxay ahayd maalin uu kaalin weyn galay distuurkii ay u codeeyeen dadka reer Somaliland, waxaana isla maalintaa loo dhaariyay xilka madaxweyne k/xigeenka Somaliland oo noqday madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin. Somaliland waxay ka samato baxday saadaashii shisheeyaha ee jawiga Somaliland ka dib geerida cigaal, waxaa iyana arrin weyn oo la xusuusan doona ah codayntii golayaasha deegaanka ee Somaliland 15/December, 2002, waxa isna baxay oo geeriyooday alla ha u naxariistee Sh. Yuusuf Sh. Cali Madar oo ahaa halgamayaashii Xorriyadda Somalilaand iyo macalin dad badan wax baray. marka la dhaafo qodobada waaweyn, horaantii sanadan waxa dhamaaday muddadii hogaanka Somaliland ee lagu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Hargeysa horaantii 1997, sidaa daraadeed ayaa gudi uu golaha guurtidu u saaray ururinta talooyinka ururada siyaasada ee Somaliland ay la kulantay xubno wasiiro ah 8 January 2002, waxaanay gudigaasi xarunta Guurtida ee Somaliland kula kulantay wasiiradaa ay xukuumadu u xilsaartay arrintaas halkaas oo guddidii Guurtida ay xubnihii G/wasiirada xukuumada u sheegeen dalabka ay dawladu ku doonayso in muddada loo kordhiyo, taasoo ku dhamaatay sanad loogu daray xukuumada oo ku eg horaanta sanadda cusub ee 2003, oo berri bilaabmaya 9kii bishii February ee sanadda 2002, waxa gegada diyaaradaha ee Hargeysa airport ka soo degay siyaasiga reer Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku soo laabtay dalkiisa Somaliland isagoo ka soo kicitimay magaalada London ee dalka Ingiriiska halkaas oo uu muddo ku maqnaa isla sanadkaa ayuu Siilaanyo gudoomiye u noqday xisbiga KULMIYE oo ka mida 3 xisbi qaran ee Somaliland.
8 April sanadda 2002, ururada mucaaridka ee Somaliland ayaa Hargeysa kula kulmay Mr. Dave Peters oo ka socday xarun ilaalinta dimuqraadiyada ee (NED) oo saldhigoodu yahay maraykanka waxaanu Mr. Dave qiray inay Somaliland ka jirto dimuqraadiyad dhab ah.28 April 2002, wefti salaadiin reer Somaliland ah ayaa ka ambabaxay Burco, waxaanay tageen Itoobiya, ilaa magaalada Harar, halkaasoo ay kulan kula yeesheen madaxda Itoobiya.
3 August 2002, wuxuu Madaxweyne Rayaale magacaabay xubin haweena oo ka mid noqota golaha wasiirada ee Somaliland iyo wasaarad cusub oo ay wasiirka noqotay, Drs. Edna Aadan Ismaaciil ayaa noqotay wasiirka wasaarada qoyska iyo horumarinta bulshada.
7 August 2002, wefti 6 xubnooda oo ka yimid Muqdisho ayaa xarunta wasaarada arrimaha dibadda ee Somaliland kula kulmay xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Somaliland.
19 August 2002, ayuu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku dhawaaqay isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin in ay u taaganyihiin tartanka madaxnimada Somaliland ee horaanta 2003.
1 October 2002, midowga Yurub saraakiil ka wakiila oo shir jaraa’id kaga hadlay Nayroobi ayaa si cad u sheegay in qaddiyada Somaliland tahay mid ka gaara qadiyada kooxaha Soomaaliya, ee shirka loogu qabtay Eldoret Kiiniya.
18 August 2002, M/weyne ku xigeenka Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa si cad u sheegay in ciidanka amaanka Somaliland (boolis) uu u baahanyahay dib u habayn si uu hawlihiisa u guto.
29 August 2002, siyaasiga Cumar Carte Qaalib ayaa ku soo laabtay Somaliland isagoo ka soo kicitimay dalka Sacuudi areebiya oo uu fadhigiisa rasmiga ahi ahaa 10kii sanadood ee u dambeeyay isagoo Cumar Carte noqday musharaxa HORMOOD.
2 September 2002, wuxuu M/wene Rayaale ku qaabilay xarunta madaxtooyada Somaliland Dr. Qaanim Al-Najaar oo ah khabiir qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadamaha.
19 September 2002, wefti isugu jira mudanayaal ka tirsan golayaasha somalilaand oo nabadayn u joogay gobolka Sool ayaa ku guulaystay inay xabad joojin ka saxeexaan laba beelood oo ay colaadi ku dhexmartay gobolka Sool.
5 October 2002, fadhi ka dhacay golaha wakiilada ee Somaliland ayuu gudoomiyaha gudiga dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland Mudane Saciid Cilmi Rooble uu si ba’an uga warbixiyay musuqmaasuq iyo sharci weydaarasho ka jira maamulka dawladda ee Somaliland.
7 October 2002, ayuu madaxweyne Rayaale ku qaabilay xafiiskiisa shirkad magaceeda la yidhaa Spot International oo fadhigeedu yahay Ingiriiska, wada hadalkaas oo ahaa dhinaca batroolka.
10 October 2002, wasiirkii arrimaha gudaha ee Somaliland C/laahi Cumar Cige ayaa si rasmiya u beeniyay war kiciyay dareenka dadka reer Hargeysa oo ahaa Nin dadqal ah.
15 October 2002, mudane Faysal Axmed Maxamed oo ah gudoomiyaha gudiga shuruucda golaha wakiilada ee Somaliland ayaa warbixin ugu sheegay golihiisa in qiil loo waaya muddo kordhin loo sameeyo golaha Guurtida Somaliland.
19 October 2002, wefti ka kooban 13 xubnood oo dhamaantood ah haween reer Somaliland ah oo sita baasboorka Somaliland ayaa ka ambabaxay Somaliland una kicitimay Yugaandha weftigaa waxaa hogaaminaysay Marwo Edna Aaden Ismaaciil oo ah wasiirka qoyska iyo horumarinta bulshada ee Somaliland.
October 22, 2002, Madaxweyne Rayaale wuxuu magacaabay Dr. Axmed Jaamac Samatar (WHO) oo noqday W/K/Xigeenka wasaarada caafimaadka isagoo ah xubinta kaliya ee golaha wasiirada Somaliland kaga jirta beelaha reer Somaliland ee loo yaqaan Gabooyaha.
5 December 2002, ayay lixda urur siyaasadeed ee Somaliland iyo gudiga doorashooyinku ku heshiiyeen 2ba xeer dhaqan oo mid uu yahay ururada dhexdooda midna uu yahay ururada siyaasada iyo gudiga doorashooyinka.
7 December 2002, M/weyne Rayaale iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku tagay magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool ayay ciidan hubaysani ka soo weerareen dhinaca Majeerteeniya.
8 December 2002, lixda urur siyaasadeed ee Somaliland ayaa si wada jira u cambaareeyay weerarkii Laas-caanood loogu geystay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.
15 December 2002, Doorashooyinkii golayaasha Deegaanka ayaa ka dhacay Somaliland.
16 December 2002 Peter Schuckink oo ah goob jooge ka socday dalka Sweden ayaa Haatuf u sheegay in doorashooyinka deegaanku ay uga dhaceen Somaliland si nabadgelyo ah oo ay dadku muujiyeen xilkasnimo.
19 December 2002 labada gole ee baarlamaanka Somaliland (Guurti iyo wakiilada) ayaa si wada jir ah u ansixiyay xeer xukun degdega oo ay xukuumadda Somaliland ku soo rogtay gobolka Sool.
22 December 2002, Gudiga qaran ee doorashooyinka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday doorashada golayaasha deegaanka ee Somaliland taas oo ay ku horeeyaan ururada UDUB, KULMIYE iyo UCID.
22 December ururada ASAD, SAHAN iyo HORMOOD ayaa si ba’an u cambaareeyay natiijadii doorashooyinka.
December 24-2002, gudiga diiwaan gelinta ee ururada siyaasada ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ururada UDUB, KULMIYE iyo UCID ay noqdeen xisbiyada qaran ee Somaliland ee u tartami doona doorashada madaxtooyada iyo kuwa Baarlamaanka sanadda 2002 oo ay maanta tahay maalintii ugu dambaysay Rabi ha ka dhigo reer Somaliland kuwo khayr ku sagootiya, sanadka taga, farxadna ku qaabila sanadka cusub aamiin
Top
Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Tuullada Geel-Loo-Kor |
Berbera (Haatuf) Qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen markuu uu tuulada Geel Loo Kor oo qiyaastii Berbera u jirta 27km kii qalibmay gaadhi ka mid ah kuwa xamuulka ka qaada oo ku sii jeeday Berbera.
Gaadhigan oo siday xamuul canbe uu ku keenay magaalada Garoowe waxa inuu qalibnmo u sabab ahaa sida uu weriyaha Haatuf ee Berbera u sheegay wadahii gaadhigaasi iyadoo uu ku qarxay mid ka mida taayirada hore sidaana uu u gadoomay isagoo ka dhacay jar ku dhawaa.
Marxuumada dhimatay oo ahayd gabadh yar oo da’deedu tahay 14 jir waxa magaceeda la odhan jiray Safiya Xadiis waxaanay la socotay aabaheed oo ay ka wada yimaadeen magaalada Jawhar. Maydkii gabadhaa yar waxaa qaaday maamulka gobolka Saaxil oo u gurmaday shilkaa baabuur iyagoo maamulka D/Hoose ku aasay magaalada Berbera. Labada Haween ah ee ku dhaawacmay shilkaa baabuur waxaa lagu daaweynayaa cusbitaalka Berbera.
Top
Laydh La’aan Soo Foodsaartay Magaalada Boorama |
Boorama,(Haatuf) Magaalada Boorama ayaa beryahan dambe waxa lasoo dersay dhibaatooyin la xidhiidha adeegyada isgaadhsiinta iyo dabka laydhtiriigga oo si isdabajoog ah uga googo’a taasoo marmarka qaarkood magaalada ka go’doomisa adduunka intiisa kale. siduu ku soo waramay weriye Maxamed Cumar, Magaalada Boorama oo ka mid ahmagaalooyinka ugu waaweyn dalka ayaa waxay ka mid ahayd kuwa ugu isgaadhsiinta wanaagsan leh. Dadweyne u badan ganacsatada iyo dadka meherada ha kuleh magaalada ayaan maalmahan dambe xitaa aan la xidhiidhi Karin dalka intiisa kale ama magaalomadaxda Hargeysa .Dhibaatooyinka la xidhiidha dhinaca dabka laydhtiriigga ayaa waxa inta badan keena mishiinada dabka dhaliya oo badankoodu duug ah ama an loohaysan dayactir,iyadoo dadka gaarka ah ee leh mishiinadaasi anay awood u lahayn inay keensadaan matoorro cusub ama dabdhaliyayaal awood u leh inay magaalada si isdabajoog ah u shidaan . Dhinaca isgaadhsdiinta shirkadda keliya ee isgaadhsiinta qaabilsan oo ah shirkadda Telesom ama ayaan ilaa imika wax war ah ka bixin sababta keentay googo’a isgaadhsiintooda.
Inkasta oo dadaal badan ay ugu jiraan shakhsiyaaad iyo shirkado kaleba oo ay ku doonayaan inay ka gurmadaan xaaladda laydh-tiriigga iyo isgaadhsiinta Boorama hase yeeshee ilaa imika ma dhicin cid reer Boorama ka furata dhibaatada ka haysata dhinaca isgaadhsiinta iyo dabka laydhtiriiggaba.
Top
Mwai Kibaki Oo Loo Dhaariyay Jagada Madaxweyne-Nimada Kenya |
N\ayroobi (W. Wararka) Mwai Kibaki ayaa loo dhaariyay Jagada Madaxweynenimada ee dalka Kenya maalintii shalay ka dib markii uu ku guulaystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaasi maalintii jimcihii.
Xafladii lagu dhaarinayay Kibaki oo lagu keenay baaskiilada curyaan ayna ka soo qaybgaleen dad ka badan 1000 qof oo lagu qabtay badhtamaha xarunta Nayroobi waxa kale oo ka qaybgalay madax ka socota qaar ka mida dalalka Afrika sida Yugaandhaa, Tanzania, Rwanda, K/Afrika, iyo diblomaasiyiin ka kala socotay dalalka caalamka waxa uu madaxweyne Kibaki khudbad uu ka jeediyay ku balan qaaday cidhibtirka musuqmaasuqaa iyo kobcinta dhaqaalaha Kenya. Waxa kale oo uu amaanay xisbiga KANU oo ka soo talinayay Kenya muddo 39 sanadood ah balse ku guuldaraystay doorashooyinkii dhawaan dalkaasi ka dhacay.
Madaxweynaha uu xilku ka dhamaaday Daniel Arap Moi oo isaguna khudbad xafladaa ka jeediyay ayaa u tahniyadeeyay Madaxweynaha la doortay oo uu ku tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo laga xusi doono Kenya. Dadweynaha ka soo qaybgalay xafladaasi oo ay ka muuqatay xamaasad weyni ayaa la sheegay inay 50 ka mid ahi dhaawacmeen markii ay iska horyimaadeen ciidamada booliska oo isku dayay inay nidaamiyaan sida ay xafladu u dhacaysay.
Dalal badan oo caalamka ayaa soo dhaweeyay isbedelkan ka dhacay Kenya, waxaana ka mida dawladda Maraykanka oo sheegtay inay ku faraxsantahay sida nabadgelyada ah ee uu isbedelku uga dhacay Kenya.
Top
Dhakhaatiir Maraykan Ah Oo Lagu Laayey Cusbitaal Ku Yaal Dalka Yemen |
Sanca (W. Wararka) Saddex dhakhaatiir ah oo u dhashay maraykanka ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay markii weerar lagu qaaday cusbitaal ku yaala magaalada Jalba oo ku taala dalka Yemen.
Cusbitaalkaas oo ay lahayd Jimciyad samafal oo Kiristaan ah kana socota dalka Maraykanka waxa la sheegay inay dhakhaatiirtaasu dhinteen markii uu nin hubaysani rasaas ooda kaga qaaday, masuuliyiinta Yemen ayaana sheegay inu ninkaasi xubin ka yahay xisbiga Islaamiga ah Islaax.
War ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Yemen ayaa sheegay in ninka dilka gaystay oo gacanta lagu dhigay oo qirtay inuu xubin ka yahay xisbiga Al-Islaax, balse afhayeen u hadlay xisbigaasi ayaa si weyn u beeniyay inay wax lug ah ku leeyihiin dilkaasi.
Dawladda Maraykanka ayaa iyaduna dhinaceeda cambaaraysay dilkaasi, waxaana la sheegay in baadhayaal ka socda maraykanka ay gaadheen caasimadda Yemen ee Sanca, war ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Yemen ayaa ka codsaday dawladda Yemen in cadaalada la mariyo cidii ka dambaysay dilkaasi.
Dhacdadani waxay ku soo beegantay maalin ka dib markii la dilay ku xigeenkii xoghayaha guud ee xisbiga hantii wadaaga Jaaru-lah Cumar oo ay cidii dishay baadhayaan ciidamada amaanka ee Yemen.
Top
Shir Ay Yeesheen Laanta UCID Ee Stockholm |
Stockholm (UCID) Waxaa magaalada Stockholm lagu qabtay kalfadhigii 1:aad ee laanta UCID ee Stockholm doraad oo ay taariikhdu ahayd 29:kii Dec. 2002. Kaasi oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka tirsan Laanta UCID ee Finland iyo xubnaha Laanta Stockholm.
Kalfadhigan oo qabsoomay ayadoo xisbigu guul ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka 15:kii Dec. 2002, halkaasi oo uu Xisbiga UCID ku guuleystay inuu ka mid noqdo xisbiyada Qaranka ee Somaliland iyo iyadoo ay ka soo wareegtay sannad, markii la aasaasay Laanta UCID ee Stockholm , ayaa xubnuhu iyagoo farxsan iyo reynreyn ku jirto ugu dabaaldegeen madasha weyn ee kalfadhiga lagu qabtay.
Farxad iyo isu hambalyeyn badan kadib, waxay xubnaha ka soo qeybgalay shirka kalfadhiga Laanta UCID ee Stockholm u gondadegeen ajandahii kalfadhiga hor yaalay, waxayna lafa gureen arrimo muhiim aad ugu ah, oo khuseeya guud ahaanba Somaliland, Xisbiga UCID iyo gaar ahaan Laantaba.
Arrintii doorashooyinkii dhacay 15:kii Dec. 2002, waxay dhammaan xubnihii goob joogga ahaa ay hambalyo iyo boggaadin u dirayaan shacbi weynaha Somaliland ee sida nabadgelyada iyo xasiloonda lahayd u gutay waajibaadkoodii, una dhiibtay codadkoodi.
Waxa kale oo ammaan taas la mid ah u soo jeediyeen Guddiga doorashooyinka ee Somaliland, oo ay ku aamaaneen sida xilkasnimada lahayd ee ay xilkoodii uga soo dhalaaleen, una maamuleen doorashooyinkii deegaanada Somaliland.
Waxay hambalyo iyo boggaadin taas la mid ah u soo jeediyeen cidkasta oo ka qayb qaadatay, suurta gelisayna inay doorashada dawladdaha hoose ka dhacaan dalka, sida ciidamada nabadgelyada, Akadamiyada nabadda, iyo xisbiyadii tartamayba.
Xubnuhu waxay aad isula qireen in hoggaanka sare ee xisbiga UCID uu muujiyay dadaal iyo firfircooni dheeraad ah. Taasi oo la'aanteed suurtogal aanay noqoteen guushii uu Xisbiga UCID ka soo hoyay doorashooyinka dalka ka dhacay.
Waxa kale oo xubnuhu xuseen in xubnaha UCID ee qurbojooga ahi ay si aan hagrasho lahayn ugaga qeybgaleen hawlaha Xisbiga, haddii ay dhaqaale ururrin tahay iyo haddii ay dhinaca warbaahinta tahayba, taageero laxaad lehna uu Xisbigu ka helay qurba-joogga.
Waxay xubnuhu isla garteen in ay muhiim tahay in dadweynaha u codeeyay SAHAN, ASAD iyo HORMOOD ay aad muhiim u tahay in loo soo jiido dhinaca UCID, loona olaleeyo sidii loo hannan lahaa kalsoonidooda.
Waxaa kalfadhigu isku raacay guddiga cusub ee maamulka Laanta Xisbiga UCID ee Stockholm, waxayna kala yihiin sidan:
-
Maxamed Xersi Axmed, Guddoomiye,
-
Badri Cabdi Rooble, Xoghaye.
-
Cumar Xaaji Bile Aden, Lacag haye.
-
Faysal Cadami, Xoghayaha Warfaafinta.
-
Cabdiraxmaan Saciid Xassan, Xubin Guddi.
Intaas kadib, kalfadhigu wuxuu u gudbay xilwareejin uu guddoomiyii hore ee Laanta, Mudane Axmed Cabdillahi Cawaale, uu xilkii ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub, mudane Maxamed Xersi Axmed, wuxuuna Axmed Cadillahi Cawaale, halkaas ka jeediyay hadal kooban. Waxaa uu Cawaale aad ugu mahadnaqay dhammaan xubnaha Laanta UCID ee Stockholm, oo uu ugaga mahadcelinay sidii wanaagsanayd ee xilkasnimada lahayd ee ay ula soo shaqeeyeen, intii uu xilkaas hayay.
Waxaa uu mudane Cawaale, kula dardaarmay Guddida iyo xubnaha kale ee UCID’ba in magaalada Stockholm ay tahay xudunta wadamada waqooyiga Yurub, wax badanna aynu ka faa'iideysan karo horumarka ay gaadheen dalalka waqooyiga Yurub. Sidaas awgeed, loo baahan yahay in Guddiga iyo xubnaha UCID ee Stockholm ay ahaadaan kuwo firfircoon, dadaal badanna muujiya, si ay waxtar ugu soo hooyaan Somaliland iyo xisbiga UCID'ba.
Guddoomiayaha cusub, oo isna hadal gaaban halkaas ka jeediyay, ayaa ballan qaaday, in wixii tamartooda ah, aanay waxba iska hagaran dooni, kuna rajo weyn yihiin, inay Laantu noqon doonto mid kaalinta hadda ay kaga jirto dhaqdhaqaaqa horumarinta Somaliland iyo UCID'ba, inay ka sii kordhiso mooye, aanay hoos uga soo dhicin heerkan ay marayso, ayna Inshaa allaahu noqon doonta, mid ka dhex muuqata Laamaha kale ee UCID ay ku leedahay adduunyada hareeraheeda.
Gebagebadii, waxaa shirka ka muuqatay farxad iyo rajo wanaagsan oo aad u heer saraysa.
Badri Cabdi Rooble
Xoghayaha Laanta UCID ee Stockholm
Source: UCIDPARTY.COM
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 56aad
Ganat: Telefoonka janaraal Amaane ee dhexda laga qabtay waxa la yidhi wuxuu idinku lahaa hala miisto budada taal xarunta kaydka hubka, sidaa miyaanay ahayn?
Mingistu: Anigu cid budada miisata ma garanayo (isaga oo qoslaya), kaydkuna kaydkii hubka ma ahayn ee waxa uu ahaa kaydkii hubka, laakiin isagu (Amaane) inuu sidaa yidhi way jirtay, sidaana waxa uu yidhi dhawr goor isaga oo la hadlayey janaral Gisaw Balaaynah, sidoo kale marar badan oo kale ayuu hadalo yidhi oo naloo soo sheegay, tusaale ahaan mar uu Ugaadeeniya la hadlayey wixii uu yidhi ayaa naloo soo sheegay, sidoo kale mar uu la hadlayey Ereteriya wixii uu yidhi ayaa naloo soo sheegay, laakiin mar uu la hadlayey janaraal Gisaw Balaaynah waxyaalihii uu ku lahaa waxa ka mid aha, "Waxan socda oo dhami inaga waa inoo sharaf-dhac, aniguna waxaan doonayaa inaan ilaaliyo xuquuqda iyo sharafta janaraalada iyo midh-midh ka mid ah gaashaanlayaasha iyo laba aliflayaal ah", laakiin janaraal Gisaw ayaa ugu jawaabay "Mudane waxaad yeeshaan iskaashada oo na hogaamiya, anaguna idinka ayaanu amarka idinka qaadanaynaa, sidaa darteed wax walba inta aad ragga kula jooga kala tashataan oo aad ka wada hadashaan, isla markaana ka heshiisaan ayaa ila haboon."
Janaraal Amaane isaga uu u jawaabaya janaraal Gisaw waxay isu cel-celiyeen su’aalo iyo jawaabo koob kooban, waxaana ka mid ah hadaladii ay is-dhaafsadeen "Yaan la tashanayaa ?"Ayuu yidhi janaraal Amaane, janaraal Gisaw-na wuxuu yidhi "waxaad la tashataa saaxiibada kula shaqeeya"; markaas ayuu hadana Amaane yidhi "Waa kuwee saaxiibkaygu shaqada ee aad sheegaysaa?", markaas ayuu janaraal Gisaw-na yidhi "Waa gaashaanle Mingistaha aad wada shaqaysan", dabadeedna Amaane wuxuu yidhi "Ma kuwan budo miiska ah ayaad sheegaysaa."
Ganat: Markaa janaraal Amaane sababta aad ku colowdeen ma taas ayey ahayd?
Mingistu: Kaftan ahaan ayaan taa u soo qaatay maadaama aad soo hadal qaaday oo aad I waydiisay, laakiin janaraal Amaane may ahayn hadalkaasuu yidhi iyo hadalkaasuu yidhi, ee waxaanu ahayn niman ay dusha ka saarran tahay masuuliyadda iyo danta dalku, markaa danaha dalka ayaanu isku seegnay. Tusaale ahaan ayaamahaa mooryaantu (Jabhadda) waxay Asmara u soo jirsadeen ilaa 10 Km, ka dibna way hareereeyeen, dabadeedna waxaanu nidhi "Arinta Ereteriya sidee baynu ka yeelnaa mooryaantii ayaa hareeraysaye, ciidamo ma u dirnaa oo ma ka saarnaa, mise si kale ayeynu yeelnaa," laakiin janaraal Amaane xiligaa waxa uu ahaa wasiirka gaashaan-dhigga, balse ma jirto wax alaale wax uu ka qabtay xaaladda Ereteriya ka jirtay, isla markaana marka aanu la hadalo wuxuu odhan jiray, "Masuuliyaddii la ii dhiibay ee aan qaaday waanigan ku hawl-gelaya, ta kale marka laga yimaado masuuliyadda aan hadda hayo horena waxaan u soo ahaan jiray sarkaal idinka oo dhan idin soo hogaamin jiray, sidaa darteed hawsha ii daaya oo shuquladayda faraha hala oo gelina" sidaa ayuu odhan jiray isaga oo aad u xanaaqsan oo dagaalamaya, laakiin arintaasi way dhibi jirtay oo maanu eeggan karayn inaanu gacmaha ka laabano dhibaato dalka ku soo socota, laakiin muddo ayaanu iska aamusnayn, laakiin aamusnaantayadu waxay keentay inay wax badani sii xumaadaan oo ay mar-ba marka ka dambaysa arintu sii murugto, dabadeedna maalintii dambe ayaanu qabanay shir-weyne uu janaraal Amaane goob-joog ka yahay, ka dibna markii la soo qaaday xaaladda Ereteriya ayuu janaraal Amaane yidhi "Ciidamo ma jiraan ciidamo la geynayaa Ereteriya," dabadeedna aniga ayaa arintaa ka hadlay, waxaan ku jawaabay hadal culus, taas oo aan idhi, "Masuuliyad ayaanu qaadnay, waxaynu nidhi dalka ayaanu ilaalinaynaa, isla markaana hawshayadu ma ah hogaamiye-nimo oo qudha ee hadii aanu nahay ciidamada waxaanu ku khasbanahay inaanu dalka difaacno oo aanu ilaalino xuduudihiisa, balse maanta ama berito ayaa laga yaabaa inay shuftadu (Jabhadda Ereteriya) ku dhawaaqaan xornimo gaar ah, taasna wax yar baa hadda uga hadhsan, markaa ballantii aanu u qaadnay shacabka iyo ciidamada sidee baanu ka yeelaynaa, miyaanu ka baxaynaa, mise dalkii uu Xayle Salaase mideeyey inta aanu shufto gacanta ka saarno ayaanu meel iska fadhiisanaa, laakiin hadii aanu sidaa yeello waxa dhici doonta inuu askariga banaanka jooga halkan inoogu soo geli doonooo midkasta oo inaga mid ah caloosha soodh ka gelin doono, janaraal Amaane adigu ma taasaad doonaysaa, laakiin marka la is-barbar dhigo naftayada iyo midnimada naftayadu waxay noqonaysaa wax yar, waxaase iswaydiin leh sidee bay Itoobiya u kala go’aysaa inaga oo joogna, taa waa in wax laga qabtaa," laakiin janaraal Amaane hadalka caynkaas ah ee aan jeediyey inyarna kumuu jixin-jixin, wuxuuna mar kale yidhi "Hadii aad doontaan taangiyo waad diri kartaan, laakiin ciidamo lama dirayo"..
La soco cadadka dambe.
Top
Soo Xulla Madaxdii Lagu Ilaawi Lahaa Wixii Ina Soo Maray
Talo iyo tusaalayni ma dhammaato, shakina kuma jiro in 11kii sannadood ee Somaliland jirtay qalin iyo waraaqo isku dhammaadeen, iyada oo dhaliilaha faraha badan ee Maamullada hoose iyo Maamulada sare ay muwaadiniinta reer Somaliland la dagaalamayeen, waxaanu u mahadnaqaynaa (Mass-Media) saxaafadda Somaliland iyo raadiyowga Hargeysa oo faafinaayay odhaahda dadweynaha.
Waxaanu rumaysanahay, haddii aanay jirin saxaafadda Somaliland 11-kii sannadood e kala guurka Somaliland in aynaan gaadhneen horumarka dhinacyada badan, sida; Siyaasadda, arrimaha bulshada iyo barashada xirfadaha danaysi ee siyaasiga xun; waayo, marka ay saxaafaddu tooshka inoogu iftiimiso Maamulxumo dhacday, musuqmaasuq la sameeyay, iwm ayay muwaadiniinta iyo aqoonyahanadu haddii ay joogaan dibadaha ama wadanka gudihiisaba ay lahaayeen, "Madaxweyne, hebel, hebel ummadda ka qabo dhibaatada, sidaa haloo xaliyo, iwm;" lamana soo koobi karo dhibta ka soo gaadhay saxaafadda madaxabannaan iyo shaqaalahooda, sheegitaanka wixii jira.
Haddaba, maanta oo ummadda reer Somaliland aad ugu faraxsan tahay doorashada Golaha Deegaamada dawladaha hoose, ayaa waxaanu ka codsanaynaa xisbiyada siyaasiga ah:
-
In Degmo walba reeraha degaa ka wada muuqdaan golaha deegaan
-
In Xisbi waliba u soo xulo degmo walba dad mutacalimiin ah oo Maamulka garanaaya, isla markaasina ku sifoobay cadaalad, akhlaaqad wanaag, dulqaad, sharaf-dhowrasho, iwm.
Waxaanu gudoomiyayaasha la socodsiinaynaa in madax-xaafadeedkii hore ay dhinac walba Dawladda Hoose iyo Bulshadaba, waxyeelooyin aan laga soo kaban Karin muddo dheer u gaysteen, sidaasi daraadeed waxaanu idinka codsanaynaa in aad noo soo xushaan Madaxdii lagu ilaawi lahaa, wixii hore noo gaadhay.
Xisbi kasta, waxaanu ku qiimayn doonaa dadkiisa golaha deegaanka ku jira.
Talo soo jeediyayaal
-
Faysal Cabdi Xasan,
-
Xaaji Axmed Cumar Maxamed,
-
C/fataax Maxamuud Cabdi,
-
Sulub Bare Saleebaan,
Hargeysa, Somaliland
Top
Dib-u-habaynta iyo horumarinta ganacsiga dalka |
Yuusuf Cabdi Xandule (Haliil), Hargeysa
Inkastoo ganacsigu yahay lafdhabarka dhaqaalaha dalka Somaliland, haddana ma jirto cid dhab ahaan ku hawlan wax ka qabashada dhibaatooyinka kala duwan ee hortaagan in ganacsiga dalku kobco, horumarna sameeyo.
Haddaba, wadan kasta oo ka tirsan dunida aynu ku noolnahay, waxa ka jira cid lagu ogyahay in ay si joogto ah ula socoto xaaladda dhaqaale ee dalkaasi, halkay kolba marayso si looga taxadiro wixii dhibaato ah ee ku timaada, isla markaana wax looga qabto intay goori goor tahay, waxaana inta badan ku shaqo leh ilaalinta iyo hagista dhaqaalaha hay’addo dawladeed, sida; wasaaradaha ganacsiga iyo kuwa gaarka ah, sida; sida rugaha ganacsiga wadamo badan, ayaa iyaguna leh goleyaal Qaran oo ka taliya arrimaha dhaqaale ee dalalkooda.
Somaliland ahaan marka aan u soo noqdo, waxay ila tahay in ganacsigii dibad u dhoofinta iyo waaridka (Export - import) ee ganacsatadeenu aqoonta iyo xirfadda weligoodba u lahaayeen u hadda gacanteena ka baxay amaba istaagay sida xoolihii la dhoofin jiray ganacsiga gacanta kale ku wareegay iyo ka istaagayba, waxay saameyn ku yeesheen noloshii dadweynaha oo hoos-u-dhac ballaadhani ku yimid, kadib markii la waayay dakhligii bulshada ka soo geli jiray dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee la yaqiinay.
Sidaas darteed, waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay in la soo celiyo aqoontii iyo xirfadihii ganacsi si aynu ganacsigeena suuqaq iyo xidhiidho dibadeed ugu baadi doono, isla markaana la nidaamiyo ganacsigeena gudaha dalka oo haatan u socda hab fawdo ah.
Haddaba, si taas loo helo waxa lagama maarmaan ah in ganacsatadu isu yimaadaan oo ay sameystaan urur u gaar ah oo u horseedi kara, isaga oo la kaashanaya wasaarrada ganacsiga, sidii suuqyo iyo maalgelin dhaqaale loogu heli lahaa ganacsiga wadaniga ah, waxaanan leeyahay, shaqo la’aanta aafaysay mujtamaceena waxa lagaga bixi karaa, iyada oo loo soo wada jeedsado sidii ganacsigeena loo kobcin lahaa.
Haddaba, marka hore si ay ganacsatadu danahooda ganacsi wax uga qabtaan, taas oo ay ku jirto danta dadweynuhu.
Waxaan mar kale ganacsatada dalka ugu baaqayaa in ay dhistaan urur ay ku bahoobaan oo ka shaqeeya dib-u-habeynta ganacsiga dalka, iyo horumarintiisa guud.
Top
Saddexdii ciyaartoy ee Afrika laga dhex xuli lahaa xidiga Afrika ee sannadkan 2002 oo la magacaabayo
Maanta ayaa la filayaa in la ogaado oo ay soo baxdo inuu El Hadj Diouf u muuqdo ninka ugu dhow oo uu noqdo xidiga sannadkan ee ciyaaraha kubadda cagta ee Afrika, waxaana la filayaa inuu Diouf ka mid noqdo 3-da ciyaartoy ee magacyadooda soo baxayaan maanta, kuwaas oo laga soo dhex xulay 22 ciyaartoy oo guud ahaan Afrika dalalkooda ka kala yimi.
El Hadj Diouf, waxaa la filayaa in magacaabistiisa iyo ka mid noqoshada saddexda magac ee soo baxaya maanta inay tahay talaabo uu ugu sii dhawaanayo inuu markii labaad noqdo xidig sannadeedka kubadda cagta ee Afrika (Caf). Magacaabistan oo lagaga dhawaaqi doono caasimadda Masar ee Qaahira.
Weeraryahankan ciyaarta kubadda cagta ee reer Senegaal, Diouf, waxaa la rajaynaya in aanu ku soo bixin oo keliya saddexda qof ee laga sii dhex xulayo ciyaartoyga noqonaya xidiga, balse waxay dad badani ku hanweyn yihiin inuu isagu ku soo bixi doono kaalinta koowaad, taas oo ka dhigi doonta ciyaartoyga labaad ee si xidhiidha laba sannadood oo is xiga kaalintaa ku guulaysta. Waxaa isagu laba sannadood oo xidhiidha (1991 iyo 1992) ku guulaystay kaalinta koowaad ee xidignimada kubadda cagta ee Afrika Abedi Pele oo reer Ghana ah, laakiinse waxa aan aad loo saadaalin karin cida la soo baxaysa Diouf xiligan Qaahira laga magacaabayo saddexda ciyaartoy.
Ciyaartoyda reer Senegal, kaalin libaax ayay ku leeyihiin ciyaartoyda Afrikaanka ah ee loo xulay cida noqonaysa xidigii Afrika ee dhinaca kubadda cagta sannadkan 2002, taas oo ay ku heleen sidii ay ciyaar-wanaaga uga muujiyeen reer Senegal ciyaarihii koobka Adduunka ee sannadkan.
Diouf saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin, sida; Salif Diao oo u ciyaara kooxda Liverpool iyo Pape Bouba Diop oo dhawaan loo aqoonsaday ciyaartoyga ugu wanaagsan Senegal, ma aha nin la dhayalsan karo, waxaa jira iyaguna ciyaartoy kale oo reer Senegal ah oo ka ciyaara Faransiiska, sida; Khalilou Fadiga. Laba ciyaartoy oo reer Nayjeeriya ah, ayaa iyaguna magacaabista ku soo galay gool dhaliyayaal Julius Aghahowa iyo xidiga soo kacay ee John Utaka. Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyga keliya ee ugu dhow ee aadka ugu dhow inuu kula tartamo Diouf uu yahay xidiga reer Masar ee Axmed Xusaam (Mido). 19-jirkan ka soo jeeda boqortooyadii Faraacida, Axmed Xusaam (Mido), wuxuu leeyahay diiwaanka ciyaar wanaag ee sannadkan kiisa ugu fiican, waxaanu u ciyaaraha kooxda Ajax ee Holland oo la hoyatay koobab badan, waxaanu noqday mid ka mida ciyaartoyda Yurub ka ciyaara kubadda cagta kuwooda ugu suuqa diiran sannadkan. Waxaa iyaguna ka mida, wiilka cusub ee mujisada ah ee reer Zimbabwe, waa Benjamin Mwaru Wari iyo Paul Kpaka oo reer Sierra Leon ah.
Maalintii Isniintii shalay, ayaa xubnaha xidhiidhka kubadda cagta ee Afrika (CAF) laga codsaay in ay u footeeyaan cida lagu abaalmarinayo Jaa’isadda xidiga Afrika ee sannadkan, jaa’isadaa cida ku guulaysata waxaa la gudoonsiin doonaa 31-ka March ee sannadka soo socda. Gudoonsiintaa oo ka dhici doonta magaalada Johannesberg ee Koonfur Afrika. Liiskii 22 ciyaartoy ee uu Afrika ka soo xulay xidhiidhka kubadda cagta ee Afrika shalay, ayaa laga soo reebayay 3 ciyaartoy oo qudha.
Top
Ronaldinho Oo Uu Mustaqbalkiisa Ciyaareed Shaki Galay |
Ciyaartoyga reer Brazil Ronaldinho oo ku soo caan baxay kaalintiisii kooxdooda reer Brazil ee hanatay koobkii adduunka ee sannadkan, ciyaarihiisa kama dambaysta ahaa lagu qabtay Japan iyo Kuuriyada Koonfureed, ayaa ay soo baxeen inuu weli joogo dalkiisa Brazil oo uu ku guuldaraystay inuu ka soo xaadiro layligii tababar ee kooxda uu u safto PSG ee Faransiiska ah.
Ciyaartoygan ka ciyaara khadka dhexe ee reer Brazil Ronaldinho, arrintiisa waxaa laga ogyahay inuu ku hawlanaa sidii uu koox kale ugu wareegi lahaa, waxaanu ku guuldaraystay inuu kooxdiisii ku soo laabto, kadib fasaxii ciida misiixiga.
Jariirad la yidhaa Zero Hora, ayaa qortay in Ronaldinho aanay isku fiicnayn tababaraha kooxda reer Paris ee uu hadda ka tirsanaa Tababare Luiz Fernandez. Ciyaartoygan caalamiga ah ee ka ciyaara khadka dhexe, waxaa ka mid ahaa waxyaalihii uu u tegay dalkiisa inuu ka soo qaybgalo ciyaar saaxiibtinimo oo ay kooxdiisa Qaran la yeelanaysay koox kale, waxaana la filayay ciyaartaa kadib inuu ku oo laabto xarunta Faransiiska ee Paris. Afhayeen u hadlay Naadiga PSG, ayaa yidhi; "Ma jiro cudur-daar xanuun ama dawo qaadasho oo loo sababayn karo maqnaanshaha Ronaldinho."
Top
Batistuta Oo Ku Biiraya Kooxda Fenerbahce eeTurkiga |
Kooxda Westham ayuu u muuqday in ay carqaladi gashay heshiis ay doonaysay in ay la saxeexato Gabrail Batistuta, kadib markii ay jariirad ka soo baxda Talyaaniga oo la yidhaa Corriere del Sera ay sheegtay in 33 jirka Batistuta uu suuldhabaalayn ku helay dhinaca Turkiga, taas oo loogu balanqaaday in la siiyo mushahar dhan 3 milyan oo lacagta Yurub ee Euros bil walba. Balanqaadkaas oo ka yimid kooxda Fenerbahce ee Turkiga, laakiin afhayeen u hadlayay kooxda Fenebahce wuu ka gaabsaday inuu wax warar ka bixiyo xogtaa ay qortay Correra del Sera ee dalka Talyaaniga ka soo baxdaa.
Hore waxaa u jiray warar badan oo xusayay in weeraryahankan caalamiga ah ee Batistuta uu ku biiri doono mid ka mida kooxaha ingiriiska, Afhayeenkiisuna wuxuu wargeys Talyaaniga ka soo baxa ugu waramay in ay u dhowdahay in Fulham uu la saxeexdo heshiis.
Batistuta wadankiisa Argentina, wuxuu ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya, waxaanu hadda heshiis ciyaareed weli kula jiraa kooxda Roma ilaa iyo bisha Juun ee sannadka 2003, laakiin waxaa dhici karta in kooxda Talyaaniga ee Roma aanay ka maanicin Batistuta haddii uu koox kale u wareegayo. Gabriel Batistuta, waxa uu ciyaarihii Serie A ee sannadkan u saftay shan ciyaarood oo keliya, wuxuuna dhaliyay ilaa afar gool.
Top
Malawi oo ka maarmaysa tababarihii hore ee xulka dalkaas |
Maamulka kooxda xulka kubadda cagta ee Qaranka Malawi, ayaa indhahooda u leexiyay dhinaca tababarihii hore ee Koonfur Afrika Clive Barker, si uu gacanta ugu qabto xulka Malawi.
Wargeyska Daily Times, ayaa ku waramay in ay xidhiidhka kubadda cagta ee Malawi (FA) u arkaan in Barker uu yahay tababaraha buuxin kara kaalintii uu baneeyay Kim Splidsboel oo ka tegay shaqadii uu hayay, kadib markii uu ka cowday in mushaharsiinta hawsha uu hayo aanu toosnayn.
Gudiga farsamo ee xidhiidhka kubadda cagta ee Malawi (FA), ayaa go’aansaday in Barker oo hadda tababaro koox ka mida kooxaha dalka Malawi in isagu lala galo heshiishka uu tababaraha ugu noqonayo kooxda xulka Qaranka ee Malawi.
Wargeyska Daily Times, ayaa qoray hadalkan oo uu toos uga soo xigtay gudiga farsamo ee xidhiidhka kubadda cagta ee dalkaas ee Malawi. Hadalkaas oo u qornaa sidan: "Waxaanu rumaysanahay in Clive Barker uu yahay ninka ku haboon in loo qaato jagadaa, maadaama uu isagu aqoon u leeyahay kubadda cagta ee Afrika iyo ciyaartoydeeda."
Gudiga farsamo ee kubadda cagta Malawi, waxa kale oo ay talo ku bixiyeen in xidigihii kubadda cagta ee Malawi, Ernest Mtawali iyo Kinnah Phiri in kalkaaliyayaal looga dhigo tababaraha xulka kubadda cagta ee Malawi.
Top
Real Madrid Oo u Diyaara in ay Figo u Fasaxdo Inuu Koox Kale Ku Biiro |
Wakhtigii uu u sii ciyaarayay Luis Figo kooxda Real Madrid, ayaa u eg in ay hadda soo geba-gaboobayso oo ay noqonayso maalmo tirsan. Kooxda Real Madrid, waxay Luis Figo kula jirtay heshiis ciyaareed oo ku qiimaysnaa 38 milyan oo Giniga Isteralaliiniga ah, heshiiskaas oo bilaabmay bishii August 2002. Laakiin, waxaa la rumaysan yahay in ay Real u diyaar tahay in ay ku wareejiso Ciyaartoyga reer Boortaqiis ee Figo wakhtigan xaadirka ah Lacag dhan 10 milyan oo gini oo keliya. Ciyaartoygan Luis Figo ee ka kaalinta baalaha una dhashay dalka Boortaqiiska, dalalka uu kooxahooda u wareegi karo 30 jirkani, waxaa ka mid ah dalka Talyaaniga.
Kooxdan reer Spain ee Real Madrid, waxay ka baahi baxday ciyaartoy leh xirfad ciyaareed oo aad u wanaagsan oo ay ku soo biirisay kooxdeeda, waxaana ka mid ah ciyaartoydaas xiddiga reer Brazil Ronaldo oo ku soo biiray bishii August 2002. Ronaldo, wuxuu Real Madrid ku yimid heshiis uu qiimihiisu dhan yahay 20 Milyan oo Gini, iyadoo ay kooxda ay haysato ciyaaryahano kale oo ay ka mid yihiin Zinedine Zidane, Roberto Carlos iyo Raul.
Kooxda Real Madrid, waxay horeba u maqashiisay bandhigeeda qorshahan ay ku iibinayso Luis Figo kooxaha Arsenal, Manchester United iyo Liverpool, laakiin waxaa carqalad ku noqday iibsiga Figo, mushaharka uu qaato oo ah mid aad u sareeya oo gaadhay 4 milyan oo Gini sannadkiiba.
Top
|