“Heshiiska Aanu La Galay Jaamacadda Hargeysa,
Djibouti Lug Kuma Laha, Aathaartuna Waxay Muujisay..”
Jean-Marie, Madaxa Jaamacadda Faransiiska Ah Ee Montpellier 3
Shirkadda Biyaha Boorama Oo Deeq
Qaybisay
Maayarka Gabiley Oo Martiqaad U Fidyay
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ka Ee
Sadexda Xisbi Uga Soo Baxay Degaankaasi
Shirkada Dahabshiil Oo Markii Ugu
Horeysay
Muqdisho Ka Furtay Xafiis Lagu Sarifo
Lacagaha Qalaad
Dhallinyaro Loo Xidhxidhay Arrimo
Liddi Ku Ah
Xasiloonida Magaalada Xariirad
52 Arday Oo Ka Qallinjebiyay Dugsiga
Dhambaal
Marxuum Xoogsade Oo Shalay Ku
Geeriyooday Diridhaba
Garaad Cabdi Qani Oo Geeriyooday
Reer Burco Oo Si Weyn Uga Didday
Mashruuc
diiwaan-gelinta Guryaha Oo Ay Waday
Hay’adda UN-Habitat
Dayaca Hadheeyay Adeegga Caafimaadka
Ee Gobolka Sanaag Iyo Boqolaalka Milyan
Ee Jeebka Lgu Shubtay
Raali Gelin Ku Socota Shirkadda
Dahabshiil
“Sharci Ahaan Waxa Xaq Loo Leeyahay
In
Miisaaniyadii Sannadkii Hore Lagu Dhaqmo
Saddexda Bilood Hore Ee Sannadka”
Dugsiga 17-ka May: Shahaadooyin La
Gudoonsiiyay
127 Arday Oo Ka Qallin-Jebiyay Maadada Xisaabta
Waraabe Dad Cun Ah OO Fara-Baas
ku haya deegaanka Caynabo
Guddida Arrimaha Gudaha Ee Wakiilada
Oo La Kulmay Wasiirka Difaaca Iyo Taliyaha
Ciidanka Qaranka
Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha Oo Ku
Eedeeyey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Inuu Joojiyey
Mashruuc Daweynta Xoolaha Ah
BAAQ
Diblomaasi Masri Ah Oo Lagu Afduubay
Magaalada Qaza
|
|
“Heshiiska Aanu La Galay
Jaamacadda Hargeysa,
Djibouti Lug Kuma Laha, Aathaartuna Waxay Muujisay..”
Jean-Marie, Madaxa Jaamacadda Faransiiska Ah Ee Montpellier 3
|
Hargeysa, February 10, 2006 (Haatuf) –
Madaxa Jaamacadda Montpellier III ee dalka Faransiiska, Mr. Jean-Marie
Miossec ayaa sheegay in heshiishka ay la galeen jaamacadda Hargeysa uu
yahay mid ka dhaxeeya labada Jaamacadood ee Hargeysa (Somaliland) iyo
Montpellier III (Faransiiska), balse aanay Djibouti wax lug ah ku lahayn.
Mr. Jean-Marie waxa uu sidaas sheegay kadib markii ay munaasabad ka
dhacday maalintii dorraad Arbacadii xarunta Jaamacadda Hargeysa heshiis ay
ku kala saxeexdeen laba jaamacadood, kaas oo ay qallinka ku duugeen
Madaxda labada dhinac Mr. Jean-Marie iyo Cabdi Haybe Cilmi oo ah Madaxa
Jaamacadda Hargeysa. Heshiiskan oo ku saabsan in Jaamacadda Hargeysa lagu
kordhiyo Kuliyadda lagu dhigto Luqadda Faransiiska; in sannadkasta laba
arday oo Somaliland ah deeq warbarasho lagu geeyo dalka Faransiiska si ay
u soo bartaan cilmi-baadhista aasaarta qadiimka ah iyo in duruusta lagu
dhigo Jaamacadda Hargeysa lagu daro dhigista cilmiga aasaarta
(archeology). Arrimahaas oo ay sheegeen in ujeedadoodu tahay in la helo
khubaro aqoon u leh cilmiga aasaarta qadiimka ah oo Somaliland u dhashay
oo mustaqbalka ka qayb-qaata baadhista aasaarta taariikhiga ah ee ku
duugan Somaliland.
Waxa kale oo madaxa Jaamacadda Montpellier III, Mr. Jean-Marie sheegay
inay Somaliland tahay xuduntii aadamaha iyo xadaarada farshaxanka, waxaanu
daliil uga dhigtay raadraaca aasaarta ilaa hadda laga helay Somaliland,
gaar ahaan Laas-Geel, taas oo ah buu yidhi taariikh cusub oo dunida ku soo
korodhay oo aan hore loo hayn.
Munaasabadda labada Jaamacadood heshiiska ku kala saxeexdeen ayaa dhinaca
Faransiiska waxa uga soo qayb-galay xubnaha wafdiga Jean-Marie oo kala ah
Prof. Xavier Gutherz oo ah madaxa kooxda khubarada ah ee cilmi-baadhista
aasaarta ka wada Somaliland, gaar ahaan Laas-geel iyo Claude Gaignaire oo
ah Soo-saare Filimada Faransiiska ah oo imitaankiisa la sheegay inuu la
xidhiidho indho-indhaynta goobaha taariikhiga ah iyo guud ahaan
Somaliland, si uu uga sameeyo filim dhokumentari ah oo dunida loogu
bandhigo taariikhda iyo aathaarta Somaliland. Dhinaca Somaliland waxaa
munaasibaddan Prof. Cabdi Haybe ku weheliyay, Wasiirka Hidaha, Dhaqanka
iyo Dalxiiska, Cismaan Cali Bille, Foosiya Xaaji Yuusuf iyo Axmed Cali
Dirir xubno ka tirsan Golaha Sare ee Jaamacadda Hargeysa. Waxa kale oo
iyaguna munaasabaddan ka soo qayb-galay marti-sharaf ay ka mid ahaayeen
John Drysdale, khabiir u dhashay Britain oo madax ka ah Mac-hadka
Sahamiska iyo Cabirka Dhulka iyo Ismaaciil Cumar Aadan Boos, Wasiirkii
hore ee Gaashaandhiga, isla markaana ka mid ah aqoonyahanada Somaliland ee
wax ku soo bartay dalka Farasiiska.
Mr. Jean-Marie oo ka waramaya cilmi-baadhistii ka socotay Somaliland ee ay
khubarada Jaamacaddiisu ka wadeen, waxa uu yidhi: “Waxaan ka hadlayaa oo
aan sheegayaa in cilmi-baadhistii ka socotay Somaliland ee aasaartu
(Archeology) ay halkii ka sii socon doonto. Dabcan annaga oo rajaynayna in
hawl-galkii aad nala gasheen iyo gacan qabadka aad na siinayseen halkii
aad nooga sii wadi doontaan, dabadeed waxa aanu ku rajo weynahay in laba
sannadood kadib aanu ka soo saarno buug qoraal ah oo caalamka oo dhan lagu
akhristo oo ka sheekaynaya taariikhda iyo aasaarta Somaliland oo lagu qoro
dhowr af sida Faransiiska iyo Ingiriisiga oo adduunka oo dhan lagu iibsado,
qorshahaasina wuu socdaa wasiirkuna wuu ogyahay.
Waxa kale oo aan doonayaa inaan indhihiina u soo jiido ninkan oo la
yidhaahdo Claude Gaignaire oo ah nin filim soo-saare ah, maanta waxa uu
noo soo raacay si uu u sii arko una sii eego dhulka uu ka shaqayn doono,
waayo, wuxuu samayn doonaa filim ka sheekayn doona aasaarta Somaliland iyo
weliba guud ahaan qayb walba oo Somaliland ah taariikhdeeda iyo nolosheeda,
si adduunka loogu faafiyo Somaliland iyo waxay tahay,” ayuu yidhi Mr.
Jean-Marie.
Madaxa Jaamacadda Montpellier III, isagoo ka hadlaya xidhiidhada labada
dhinac ee Somaliland iyo Jaamacadda Montpellier III France ka dhexeeya,
horumarka ilaa hadda laga gaadhay dhinaca cilmi-baadhista Laas-geel iyo
tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado, waxa uu yidhi: “Waxaan ku
faraxsanahay sidan uu xidhiidhku u furmay ee uu u fiican yahay iyo
horumarka mar walba la samaynayo ee kooxda cilmi-baadhayaasha ee uu wato
professor Xavier Gutherz inay hawl-qabteen oo ay shaqeeyeen waxa ay ka
muuqataa warbixinaha uu wasiirku ina soo hor dhigay ee shaqooyinkoodu ay
qabteen ka soo baxay. Aad baan ugu faraxsanahay xidhiidhada geesaha badan
ee aynu wada galay waxaanan rajaynayaa in horumarku halkaa ka sii socon
doono labadeena dawladood ay aad isku sii dhex geli doonaan. Waxaan odhan
lahaa anigoo ah madaxii Jaamacadda Montpellier III, heshiisyada
cilmi-baadhista iyo cilmigan aynu wadno oo dhammi dabcan waxay ka soo
bilaabmeen wasaarada hidaha, dhaqanka iyo dalxiiska, wasaaradayada
[France] ee arrimaha dibadda, wasaarada Waxbarashada Somaliland iyo
wasaarado farabadan oo noo fududeeyay shaqadan aynu wadno. Shaqadaas waa
in halka laga duulayaa ay noqoto Jaamacadaha Somaliland oo uu salku
halkaas ahaado, waayo, waa halka keliya ee dadka cilmigan baranayaa ay ka
soo baxayaan, shaqada iyo halka laga duulayaana waa inay ahaato
Jaamacadaha.”
Waxa kale oo Jean-Marie ka waramay taariikhda Jaamacadiisa oo uu sheegay
inay ka mid tahay jaamacadaha ugu da’da waaweyn dunida, lana aasaasay
1287-kii, “Laakiin markii aanu Somaliland nimi waxaanu isu aragnaa inaanu
da’yar nahay, waayo, Somaliland waa xuduntii aasaaska bina aadamka”, ayuu
yidhi, waxaanu intaas ku daray oo uu sheegay in Jaamacadda Montpellier III
ay wax ka bartaan 22,000 oo arday, iyadoo maadooyinka lagu bartaa yihiin
farshaxanka, luqadaha, sayniska bina aadamka (Human Science) iyo Maareynta
Dhaqaalaha (Economic administration).
“Cilmi-baadhistii Laas-geel laga sameeyay waxay dadka baraysaa ama ay u
sheegaysaa inay Somaliland tahay xuduntii aadamaha iyo xuduntii xadaaradda
farshaxanka farta ayay tusaysaa, markaa waa taariikh cusub oo dunida ku
soo korodhay oo aan hore war looga hayn,” ayuu yidhi Jean-Marie isagoo
raaciyay “Markaa in la ilaaliyaa aad bay u haboon tahay. Markaa goobta
sidaas u muhiimka ah oo kale waxa laga yaabaa in meelaha agteeda ah laga
helo goobo kale oo Laas-Geel ah, taasina markaas waxay keenaysaa in laga
sameeyo kaam dhan oo xadaaradaas ah, waana loo baahan yahay, meeshuna waa
meel qiimaha aadkaa ah leh,” ayuu yidhi Jean-Marie.
Mr. Jean-Marie isagoo ka jawaabayay warar iyo tuhuno sheegaya in Djibouti
lug ku leedahay cilmi-baadhayaasha hawsha ka wada Somaliland iyo weliba
heshiiskan labada Jaamacadood wada saxeexdeen, waxa uu yidhi: “Waxaan
doonayaa inaan halkan ka cadeeyo fariin uu wasiirku mar dhawayd aad noogu
sheegay. Anigu waxaan ahay nin Faransiis ah oo ka socda Jaamacad Faransiis
ah, waxaan heshiis la galay jaamacadda Hargeysa ee Somaliland, markaa
Djibouti ah oo ku dhex jiraa ma jirto. Waxa haddaba cad inaad ogaataan
inay ka dhaxayso Jaamacad Faransiis ah iyo Jaamacad Somaliland ah,
hadhowna ay mari doonto wasaarada arrimaha dibadda Somaliland iyo ta
arrimaha dibadda Faransiiska ee wax Djibouti ahi aanu nagu dhex jirin,
markaa waxa weeye maaha in hadhow laga soo dhex saaro Djibouti baa inaga
damiin ah oo ku dhex jirta, markaa taasi inaanay jirin ee ay halkaa ku
hadho, tahayna heshiis ay wada galeen Jaamacad Faransiis ah iyo Jaamacad
Somaliland ah ee Hargeysa University.”
Wafdiga Jean-Marie oo dorraad dalka dib uga dhoofay kadib markii ay muddo
saddex maalmood ah safar hawleed ku joogan Somaliland, ayaa ka hor intii
aanay dhoofin waxay la kulan la yeesheen Madaxweyne Ku-xigeenka
Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay kula kulmeen xafiiska Xarunta
Madaxtooyada Somaliland, waxaana kulankaas Madaxweyne Ku-xigeenka iyo
xubnaha weftiga Jaamacadda Faransiiska ku weheliyay Wasiirka Dhaqanka,
Hidaha iyo Dalxiiska, Cismaan Cali Bile, waxaanu Mr. Jean-Marie warbixin
ku saabsan arrimaha ay la kulmeen iyo wixii u qabsoomay intii ay dalka
joogeen, isagoo yidhi: “Waxa farxad ii ah imaatinkaygii Somaliland iyo
sidii diiranayd ee aad iigu soo dhawayseen. Muddadii aan joogay Somaliland
aad bay u gaabnayd, laakiin aad bay u waxtar badnayd. Hawshii
cilmi-baadhista ee aanu halkan ka wadnay waxa la isla afgartay in la sii
wado, waxaana laga yaabaa in la helo meelo kale oo Laas-geel agteeda ah.
Sidaas darteed, waxa loo baahan yahay in la helo dad reer Somaliland ah oo
hawsha wadi kara, markaa waxa la isla qaatay; in goobaha qaarkood loo
sameeyo jidad si loo sahamiyo goobaha kale hawshiina u sii socoto. Qaybta
labaad waxay ahayd inaanu heshiis la galnay jaamacadda Hargeysa, taas oo
ahayd qaybta ugu muhiimsanayd imaatinkayaga. Jaamacadda Camuud mar dambe
ayaanu ka wada hadli doonaa.”
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa warbixintaas
markii uu ka dhegaystay Madaxa weftiga Jean-Marie, waxa uu uga mahadnaqay
imaatinka uu ku yimi Somaliland madaxa Jaamacadda Montpellier oo uu
sheegay inay xukuumadda Somaliland ahaan ka dalbadeen, isagoo arrintaas ka
hadlayana waxa uu yidhi: “Sababtaan u dalbaday inaad timaadana waxa weeye
nimanka khubarada aasaarta ah ee wadanka baadhayay waa inay yeeshaan meel
ay dabada ku hayaan,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku, waxaanu intaas ku
daray “Runtiina qoladan uu watay Xavier shaqo fiican bay qabteen magacii
Somaliland-na waxay gaadhsiiyeen meel aanaan gaadhsiin karayn siniin,
aadna way ugu mahadsan yihiin. Waxa kale oo aan idin leeyahay haddii aanu
noqonay xuduntii adduunka ama halkii uu adduunku ka bilaabmay oo riyadii
Masar halkaa ku baaba’day waa Illaahay mahadii. Weliba waxaan idiin
sheegayaa halkii aad baadheen waa goob keliya, balse waxaa laga yaabaa
rasmiya markaad u sii socoto bariba, waa ka sii qanisan tahay. Anigu
waxaan qabaa hoyga ama saldhigga aasaarta qadiimka ahi inay ku duugan
yihiin gobolka Sanaag, siiba Ceerigaabo. Waxa weeye markii ay soo guureen
Faraaciintu waxay ka soo guureen gobolka Sanaag, dabadeed sidaas ayay u
socdeen ilaa Masar. Markaa ku soo tala-gala koox halkaa [Gobolka Sanaag]
ka hawl-gala si arrinku iskugu xdhimo oo halkaas wax badan baa laga
helayaa.”
Dhinaca Wasiirka Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hidaha, ayaa bilowgii kulankaas
ka waramay in goobihii ay soo mareen isaga iyo weftigu ay kula kulmeen
laba arrimood oo u baahan in wax laga qabto, kuwaas oo uu ta hore ku
sheegay in goobta Aqal-lamoodka ay dad oodteen, markaa waxa la doonayaa in
oodaas laga qaado. Ta kale waxay tahay in wadadii loo mari lahaa loo
sameeyo meesha la yidhaahdo Labeela. Top
Shirkadda
Biyaha Boorama Oo Deeq Qaybisay |
Boorama , February 10, 2006 (Haatuf) –
Shirkadda Biyaha Boorama u qaabilsan ee loo yaqaan SHABA, ayaa Arbacadii
la soo dhaafay Deeq cunto ah, lacag iyo xoolo noolba ah ku caawisay
goobaha caafimaadka ,nabadgelyada iyo xarumaha agoomaha ee Boorama ku
yaalla qaarkood.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar, Xaflad
lagu qabtay xarunta maamulka shirkadda Biyaha ee Boorama ayuu maamulka
shirkaddaasi ku qaybiyey cunto isugu jirta sonkor, bariis,saliidda cuntada,
xoolo nool oo isugu jira lo' iyo adhi iyo lacag caddaan ah oo dhan 100,000
shilin Somaliland ah ba uu ku wareejiyey maamulka Cisbitaalka Guud ee
Boorama,maamulka xabsiga dhexe ee Boorama iyo maamulka xarunta agoomaha
KAALMO ee Boorama.maamulka Cisbitaalka Guud ee Boorama Ismaaciil xaaji,
taliyaha xabsiga dhexe ee Boorama Cumar Siciid iyo Marwo Xaawa Rooble oo
munaasabadda wareejinta deeqdaasi ka hadlay ayaa dhammaantood waxay iskaga
daba mareen mahadcelin ay u jeediyeen shirkadda Biyaha Boorama oo ay ku
tilmaameen shirkadda keliya ee fiirada gaarka ah siisa xarumaha iyo
goobaha ay ku jiraan dadka u jiifa xanuunada kala duwan , maxaabiista iyo
agoomahu, kuwaasoo iyagu dadweynaha uga baahan mucaawinada cuntada iyo
daryeelka looga baahanyahay maadaama aan inta badan loo heli karin mar
walba dhaqaale ku filan oo daboola baahidooda dhinaca nolosha.
Masuuliyiintaasi waxa kale oo ay shirkadda ugu duceeyeen inay noqoto mid
hore usii marta.
Deeqdan lagu wareejiyey laamahaasi dawladda iyo shacbigaba isugu jiraa
waxay ka mid tahay deeq sannad walba marka uu dhammaado ay shirkaddu ugu
talo gasho sakada ilaahay waajibiyey oo ay sheegeen in deeqdani ka hadhay
deeq ay hore ugu talo galeen dadka ay ku waajibto sakadu oo intoodii
badnayd hore loogu qaybiyey kuwaasoo u badnaa dadka rayidka ah ee aan
waxba haysan . Top
Maayarka
Gabiley Oo Martiqaad U Fidyay
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ka Ee
Sadexda Xisbi Uga Soo Baxay Degaankaasi |
Arabsiyo, February 10, 2006 (Haatuf) –
Maayarka Gebilay ayaa Maalintii Arbacadii daraad 8/2.2006 markii ugu
horaysay intii ka dambaysay doorashadii golaha wakiilada S/L munaasabad
balaadhan oo ah xaflad martiqaad qado sharafa u fidiyay xildhibaanada
golaha wakiilada reer Gabiley iyo Alaybaday ee ka soo baxay sadexda xisbi
Kulmiye, Ucid iyo Udub.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gebilay Maxamed Xasan,
munaasabadan oo ahayd xaflad martiqaad qado ah oo ka dhacday Arabsiyo
iyadoo kadib na kulan fadhi ah gelinkii danbe lagu yeeshay guriga martida
ee golaha deegaanka ee degmada Gabiley waxa kale oo iyaguna ka qabgalay
wasiiro ka socday xukuumada sida wasiirka duulista hawada, wasiiru dawlaha
hawlaha guud iyo wasiir ku xigeenka boosaha iyo iskaadhsiinta madaxda
laamaha dawlada ee Gabiley, cuqaal odayaal xubno golaha deegaanka Gabiley
iyo marti sharaf kale .
Waxa ugu horayn xafladii martiqaadka qado sharafta kadib halkaasi ka
hadlay Maayarka degmada Gabiley oo ugu horayn ka jeediyay hadal dheer oo
uu kaga halay u jeedada martiqaadkan waxaana hadalkiisa ka mid ahaa.
“Waxa ii sharaf ah inaan maanta halkan ku marti qaado aniga oo ah
masuuliyiinta degmada xildhibaanada golaha wakiilada ee reer Gabiley iyo
Alaybaday sadexda xisbi qaran ka soo baxay oo ay ka soo qaybgaleen
wasiiradii ka soo jeeday deegaamada degmada iyo masuuliyiintii degmada
cuqaasha, odayaasha tiiyoo aad moodo inaanu la daahnay u jeedada
munaasabadan sidii aynu wada jir ugu hawlgalilahayn horumarinta dagmadeena
iyo qarankeena.”
Waxa isna halkaas ka hadlay chief Caaqil cabdi ciidle amaan oo yidho “
waxaad tihiin baarlamaankii ugu horeeyay ee la soo doortay wadajir iyo
wada socod ayaad wax noogu qaban kartaan anana waanu idin caawinkarnaa”
iyadoo uu oday Abiib Warsame isna halkaa ka hadlay.
Yuusuf Cabdilaahi oo ka tirsan golaha guurtida ayaa isna halkaas ka hadlay
oo yidhi “waxaan ugu mahadnaqaynaa maamulka degmada ee gartay inay
martiqaadaan xildhibaanada ka soo baxay golaha wakiilada ee degmada
Gabbiley munaasibadani” waxanu kula dardaarmay adkaynta in halkaa laga sii
anba qaado.
waxa isna halkaas ka hadlay xildhibaan Cali Obsiiye (Cali Gabiley) oo ka
mid ah xildhibaanada golaha wakiilada reer Gabiley ee martiqaadka loo
sameeyay oo yidhi: “maanta xafladani nina uma tirsana waayo waxa ka maqan
gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee golaha wakiilada Sh Cabdicasiis Maxamed
Samaale martiqaadkana kow ka ahaa laakiin maanta soomanaa” waxaanu intaasi
ku daray anagu waanu ku khasbanahay waxqabashada danta Gabiley inaanu
qabano wax kastana iyada ayaan ka horaysiinaynaa Marxuunkii Cigaalbaa
yidhi Hayadaha iyo gaalada dalka joogaa Gabiley way jecelyihiin oo way ku
yaacaan laakiin way ka soo yaacaan marka danbe way ka yaacaan oo waxay
yidhaahdaan magaaladu malaha Huteel kaliya oo hagaagsan oo la seexdo
walina waa sidii ee reer Gebiley gacmaha aan isqabsano degmadeenana aan
wax u qabano.”
Waxa isna ka hadlay xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale iyo xildhibaan Xasan
Cawale Caynaan iyo wasiiru dawlaha Hawlaha guud. gabagabadiina waxa ka
hadlay wasiirka wasaarada duulista hawada mudane Awnuur Aamin waxaanu u
mahadnaqay maamulka Gebilay ee martiqaadka sameeyay waxaanu sheegay inay
horu martahay talaabadii la qaaday intii ka danbaysay doorashadii
baarlamaanka waxanay ugu danbaytii guriga martida ee Gebilay ku yeesheen
kulan gaar ah.
Shirkada
Dahabshiil Oo Markii Ugu Horeysay
Muqdisho Ka Furtay Xafiis Lagu Sarifo
Lacagaha Qalaad |
Muqdisho, February 10, 2006 (Haatuf) –
Maamulaha Shirkadda xawaalada Dabahshiil Qeybta Muqdisho C/llaahi Nuure
Aw-Diini ayaa sheegay in shirkada xawaalada Dahabshiil ay tahay shirkad
xawaaladeed oo baaxad weyn isla markaana u adeegta Dalka & Dadka
Soomaaliyeed.
Mudane Cabdilaahi Nuure Awdini waxa uu sidaa sheegay mar uu u waramayey
shalay weriyaha Haatuf ee Muqdisho oo ku booqday xaruntiisa isaga oo ka
Waramay Sababaha Ay U Fureen Xafiis cusub oo lagu sarifo lacagaha qalaad
oo ay shirkada Dahabshiil ka furtay Muqdisho, waxaanu sheegay in ay
qiimaynayaan macaamiishooda oo ay diyaar u yihiin in marwalba ay daboolaan
waxyaabaha ay macamiishoodu u baahan yihiin. “Waxa iska jira in dad badani
ay yidhaahdaan maxaa ku kalifay xafiiskan cusub balse waxaan jecelahay in
meel kasta oo Dahabshiil ka furantahay uu xafiiskanina daba socon doono
taas oo aan u yeelayno shacabka Soomaliyeed oo maanta u baahan in la gacan
qabto, shirkada Dahabshiil oo ah shirkada ugu baaxada badan ee Somaliya ka
jirta iyo xaga amaanada oo aad arkayso in dadku ay xitaa biilkooda ay ka
yar yaraystaan oo lacagaha ay dhigtaan amaanada ay ka qabaan darteed oo ay
guryahooda kaga kalsoon yihiin. shirkada Dahabshiil waxa kale oo ay qayb
ka qadataa hawlaha lagu horumarinayo bulshada taas oo aad arkayso in ay ka
qayb qaadato taakulaynta goobaha ay bulshadu ku nooshahay taasi oo noqotay
mid soo jiidatay macaamiil farabadan iyo amaanada loo qabo oo lagu
kalsoonaan karo, waxaana laga yabaa oo ay shirkadu ku talo jirtaa in ay
noqoto meelaha Muqdisho gacanta ku hayn doonta jaangoynta Doolarka, kaas
oo hada dad badani ay ku dhib qabaan dhawrka qof ee siday doonaan ka yeela
sicirka suuqa oo waxa ay doonaan ku saleeya iyagoo aan u eegayn kobaca
dhaqaalaha dalka xafiskana waxaan qabaa inuu taasi wax weyn ka tari doono”
ayuu yidhi wuxuuna sheegay inay kaalin hormoodnimo shirkadu kaga jirto
shirkadaha kale ee xawaaladaha isagoo xusay in taasi ay ku timid adeega
hufnaanta leh ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed isaga oo ku nuux-nuuxsaday
in shirkadoodu tahay mid hadh & habeen u taagan daboolida kaalinta looga
fadhiyo.
“Dahabshiil waxay dabooshay baahida jirta ilaa xad waxeyna u suura galisay
shacabka Soomaaliyeed in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo gaadhsiiso
lacagaha ay u soo diraan eheladooda gudaha iyo dibada ku kala nooli” ayuu
yidhi maamulaha xawaalada Dahabshiil C/llaahi Nuur oo intaa ku daray in
waxqabadkooda ay ka markhaati yihiin guud ahaan shacabka
Soomaaliyeed.Wuxuu sheegay Aw-diini in ay ka go’an tahay dar-dar galinta
adeega Shirkadaasi ay u heyso bulshada Soomaaliyeed isagoo tilmaamay in
danta guud laga hor mariyo wax kasta, isaga oo ugu baaqay shaqaalaha
shirkada xawaalada Dahabshiil oo looga bartay adeeg hufan iyo macaamil
wanaagsan inay kor u qaadaan kaalinta ay bulshadu ka sugeyso, isagoo
hoosta ka xariiqay in shirkadda Dahabshiil ay wado hawlo fara badan oo ay
ku caawiso bulshada Soomaaliyeed kaalin weyna kaga jirto taakulaynta
bulshada Soomaaliyeed sida wax u qabashada dadka ay la soo deristay
abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee jira. Ugu
dambayna wuxuu sheegay in mar dhow ay soo bandhigi doonaan Ganacsi
qaabeysan oo casri ah haatana ay wadaan daraasad la xidhiidha taaba
gelintiisa. Top
Dhallinyaro Loo
Xidhxidhay Arrimo Liddi Ku Ah
Xasiloonida Magaalada Xariirad |
Boorama, February 10, 2006 (Haatuf) – In ka
badan 13 dhallinyaro ka tirsan degaanka tuulada Xariirad ee degmada Saylac,
ayaa loo dhaadhiciyey xabsiga Boorama toddobaadkan kadib markii lagu
eedeeyey inay ku kaceen falal edeb-darro ah oo liddi ku nabadgelyada
degaankaasi Xariirad ee Xasaasiga ah.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar,
warar xog-ogaal oo aan ka helay ciidanka amniga ayaa sheegaya in
dhallinyaradaasi ay falkan geysteen mar toddobaadkii aynu soo dhaafnay
gudihiisa maamulka degmada Saylac oo beddelayey guddoomiyihii hore ee
magaaladaas, loona samaynayey maamul cusub.
Falka la sheegay in dhallinyaradaasi loo qabqabtay ayaa waxa uu ka dhashay
baa la yidhi markii kooxdaasi dhallinyarada ahi ay falal edebdarro ah iyo
gacan ka hadal ah u geysteen gabadh dhallinyaro ah oo uu dhalay
guddoomihyihii hore ee magaaladaasi Xariirad.
Maamulka gobolka Awdal oo weriyuhu wax ka weydiiyey dhacdadan ayaan u
xaqiijin in falka dhallinyaradani la xidhiidho xurguf dhinaca degaanka ah
oo u dhaxaysa beelaha wada dega degaanka Xariirad, isla markaana la
doonayey in lagu waxyeeleeyo nabadgelyada, balse uu ahaa uun fal aan
ujeeddo lahayn.
Inkastoo dhallinyaradan la qabqabtay ay labada dhinac ama labada beeloodba
kaga jiraan xubno ka tirsan, balse falka loo haysto ayaa dad badan oo ku
nool degaankaasi tuhunsan yihiin inuu la xidhiidho xamaasad ka dhalatay
isku shaandhaynta maamulka magaaladaasi oo uu u soo amray Duqa Degmada
Saylac Aadan C/Laahi Boodhle, taas oo khatar dhinaca nabadgelyada ah keeni
lahayd haddii waxba laga qaban waayo falka dhallinyaradaasi ku kaceen.
Magaalada Xariirad waxay ka mid goobaha gobolkan Awdal ay ku soo laabteen
qaxootigii dalka ka baxay wakhtigii dagaaladii sokeeye ee la ridayey
xukuumaddii milateriga ahayd ee Siyaad Barre, kuwaas oo ku kala noolaa
xerayaha qaxootiga ee dalalka Itoobiya iyo Djibouti. Top
52 Arday Oo Ka
Qallinjebiyay Dugsiga Dhambaal |
Hargeysa, February 10, 2006 (Haatuf) – 52
arday oo dhammaystay barashada kumbuyuutarka oo muddo lix bilood ku
baranayeen Dugsiga Dhambaal ee Culuumta Kumbuyuutarka ayaa shalay
shahaadooyin la gudoonsiiyay.
Xaflad munaasabadaas loogu talo-galay ka dhacday Hotel Maansoor ee
magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qayb-galay Gudoomiye Ku-xigeenka
Waxbarashada gobolka Hargeysa, Cali Cabdi Gaas, Maamulaha Dalada
Madaariska gaarka ah, Sheekh Ciise Maxamed, Macalimiinta iyo ardayda
dugsigaas, waalidiinta ardayda iyo marti-sharaf kale.
Maamulaha dugsiga Dhambaal, Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa hadal dheer uu
halkaas ka jeediyay kaga waramay taariikhda dugsiga iyo waqtigii la
aasaasay, waxaanu maamuluhu sheegay in dugsiga la aasaasay bishii May
2004, ilaa muddadaasna ay ka qallinjebiyeen arday lagu qiyaasay 380 arday,
kuwaas oo bartay culuumta isticmaalka Kumbuyuutarka.
Waxa kale oo uu Maamuluhu sheegay in dugsigu u qaybsamo laba qaybood,
kuwaas oo mid tahay qaybta waxbarashada ardayda gaarka ah (private) iyo
qaybta la siiyo ardayda danyarta iyo agoomaha oo ay iska dugsiga iska
kaashadaan Ganacsade Sheekh Aadan Maxamuud (Aadan Siiro), isagoo Axmed
Maxamuud xusay in mustaqbalka dhow ku dari doonaan qayb kumbuyuutarka oo
sii horumarsan.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Gudoomiye Ku-xigeenka
Waxbarashada gobolka iyo Maamulaha Dalada Madaariska gaarka ah, waxaanay
laba masuul ardayda ku dhiirigeli yeen inaanay waxbarashada ka caajisin ee
ay dedaalkooda sii labalaabaan, iyadoo bay yidhaahdeen dunidu haatan heer
aad u sareeya ka gaadhay tignoolajiyada oo wax walba loo adeegsado ka
shaqaysigiisa aalada kumbuyuutarka. Top
Marxuum
Xoogsade Oo Shalay Ku Geeriyooday Diridhaba |
Waxa Lagu Xasuustaa Taageeradii Uu U
Fidiyey
Dadka Reer Somaliland Markii Ay U Qaxeen Itoobiya
Hargeysa, February 10, 2006 (Haatuf) – Illaahay ha u naxariistee waxa
shalay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya Marxuum Maxamed
C/laahi Kaahin oo loo yaqaanay Xoogsade oo ka mid ahaa ganacstada waaweyn
ee Itoobiya, balse dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland.
Marxuum Xoogsade oo sida la sheegay geeridiisu ahayd mid kedis ah, waxa uu
geeriyooday isaga oo ku soo jeeday ka qayb-galka aaska Walaashii oo ku
geeriyootay magaalada Gebilay.
Marxuumka oo ahaa maalqabeen weyn oo ka ganacsada wax soo saarka beeraha
ee Itoobiya, gaar ahaana bunka oo uu beero waaweyn oo bunka lagu beero ku
lahaa Itoobiya, isla markaana waxa uu marxuumku debeda ka soo dejin jiray
noocyo ka mid ah raashinka. Marxuumka oo ahaa nin deeqsi ah oo dadka si
muuqata iyo dadbanba wax u tari jiray ayaa waxa lagu xusuustaa taageeradii
iyo waxtarkii uu u geystay dadkii reer Somaliland ee ku barakacay
dagaaladii dib u xoreynta dala ee qaxaxay 1988- 1991-kii, isaga oo
dadkaasi qaxoontiga ah u fidiyey deeq raashin ah oo waxtar weyn u ahayd
dadkaasi qaxay.
Waxa kale oo uu taageero hiil iyo hooba isla barbar taagay ururkii SNM
mudadii uu ku sugnaa Itoobiya, isaga oo sidoo kalena lug weyn ku lahaa
heshiiskii dhexmaray dawladii Itoobiya ee Mingiste iyo madaxdii SNM.
Taariikh nololeedkii marxuumka waxaanu wax ka weydiinay Muj. Maxamed
Ismaaciil Washington oo ka mid ahaa saraakiishii ururkii SNM, waxaan ku
sheegay marxuum Xoogsade inuu ahaa shakhsi deeqsi ah oo afgaaban, isla
markaana ahaa nin kaalin weyn ka soo qaatay halgankii xoreyntii dalka. Muj.
Waashington wuxu intaa ku daray in marxuumku sidoo kale qayb libaax ka
qaatay cilaaqaadkii ururkii SNM iyo maamulkii Mingiste ka dhexeeyey
xiliyadii halganka. Waxa kale oo uu intaa ku daray in Xoogsade qaatay
xiligii shacbigu ay ka qaxeen dagaaladii xoreynta magaalooyinka waaweyn,
taas oo uu sheegay in sanadkii 1989-ki ilaa 90-kii uu raashin jaban oo
isugu jiray gelay iyo caano boodhe uu soo gaadhsiiyey goobihii ay
dadweynuhu ku soo qaxeen, waxaanu intaa ku daray in aaska marxuumka
Xoogsade ay dadweyne farabadani uga baxeen gobolada Somaliland ka kooban
yahay si ay aaskiisa uga qayb galaan.
Wariyaha Haatuf ee Gebilay ayaa isaguna warbixin kooban nooga soo diray
taariikh nololeedkii marxuumka waxaanu ku bilaabay:
“Alle ha u naxariistee taajirkii waynaa ee dalka Itoobiya marxuum Maxamed
C/laahi Kaahin (Xoogsade) ayaa maalintii shalay ee khamiistii galinkeedii
hore ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimada kililka shanaad.
Marxuumka sida ay ii sheegeen qaraabadiisa dagan magaalada Gabiley waxay
dhimashadiisu ka dambeysay kadib markii marxuumku oo habeenkii khamiistu
soo galaysay ee habeen hore ku sugan guri uu degan yahay oo ku yaal
magaalada Diridhaba lagu war galiyay dhimashada walaashii marxuumad
Xaliimo C/laahi kaahin oo afartii saac ee galabnimo ee maalintii Arbacadii
doraad ku geeriyootay magaalada Gabiley oo ay deganayd, wakhtigaas oo sida
la sheegay marxuum xoogsade oo wata mid ka mida baabuurtiisa u gaarka ah
safarada uu ugu soo kicitimay waabarigii maalintii khamiistii doraad
dhinaca magalada Gabiley si uu uga qayb galo aaska walaashii marxuumad
Xaliimo C/laahi Kaahin oo ah hooyada prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo
prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo isla maalintii khamiistii sagaalkii
bishii November lagu aasay magaalada Gabiley wakhtigaasoo marxuumka iyo
gaadhigiisa uu watay ay soo gaadheen sida la sheegay barqadii hore
duleedka magaalada Tog-wajaale oo marxuumka uu ku haleelay xanuun kadis ah
oo la xidhiidha dhinaca wadnaha, kadibna deg deg loogula cararay dhinaca
cisbitaalka guud ee magaalada jigjiga, halkaasoo uu marxuumku ku
geeriyooday, halkaas oo la sheegay in dib looga qaaday maydkiisii oo la
geeyay magaalada Diridhaba si loogu aaso.
Diridhaba oo ah rugtii ganacsigiisa ayaa la sheegay in lagu aasi doono
maanta oo Jimce ah ka dib tukashada salaada jimcaha, iyadoo lagu aasi
doono xabaalaha qaranka ee magaalada Diridhaba, alle ha u naxariistee
marxuum xoogsade wuxuu ifka kaga tegay laba xaas iyo sadex iyo toban
caruura oo u dhalay oo iskugu jira todoba raga iyo lix haween ah, da'da
marxuumka waxa lagu qiyaasay ilaa sagaashameeyo, tafiirta uu ka tegay
wixii uu dhalay iyo wixii ay sii dhaleena waxa lagu qiyaasay dhawr iyo
todobaataneeyo qof oo iskugu jira rag iyo haween, iyadoo wararka qaarna
sheegayaan in dhimashada walaashii oo deganayd magaalada Gabiley
sanooyinkan dambana bukaan jiif ahayd oo marxuumku dhawrkii biloodba mar
uu soo mari jiray oo sida la sheegay uu aad u jeclaa inay sabab u ahayd
dhimashadiisa oo la sheegay inuu aad uga naxay tiiyoo ay jirto xanuun la
xidhiidha dhinaca wadnaha oo uu marxuumku 1981kii uu u tegay dalka
maraykanka caafimaadkiisa, wakhtigaasoo la sheegay in operation casri ah
oo ku taagnaa lacag aad u badan lagu sameeyay taasi oo la sheegay in uu
marxuumku sanad kasta hal mar uu socdaal ugu tagi jiray dalka Maraykanka
si uu xaaladiisa caafimaad u soo baadho.” Top
Garaad Cabdi
Qani Oo Geeriyooday |
Djibouti, February 10, 2006 (Haatuf) – Alla
ha u naxariistee Marxuum Garaad Cabdi Qani Garaad Jaamac ayaa shalay ku
geeriyooday caasimada dalka Djibouti, halkaas oo uu in muddo ah ugu maqnaa
caafimaad, iyada oo la sheegay inuu xanuunkiisu la xidhiidhay dhinaca
wadnaha.
Maanta ayaa la filayaa in maydka Garaadka la geeyo magaalada Laascaanood
ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo lagu aasi doono marxuumka, waxaana
aaskiisa ka qayb geli doona dad badan oo ay isaga imanaya meelo kala
duduwan.
Mudanayaasha beesha Sool kaga jira baarlamaanka Somaliland ayaa shalay u
baqoolay dhinaca Laascaanood si ay uga qayb galaan aaska Garaadka.
Garaad C/Qani oo ka soo jeeda saldanada ugu faca weyn beesha Sool waxa uu
muddo dheer soo hayey xilka Garaadnimada, wuxuuna ahaa shakhsiyad caan ah
oo taariikh weyn leh.
Garaad C/Qani waxa uu dhashay 1935-kii, waxaana masuuliyada Garaadnimada
loo caleema saaray 1986-kii, waxaanu xilka ka dhaxlay Garaad Cali Garaad
Jaamac. Top
Reer Burco Oo
Si Weyn Uga Didday Mashruuc
diiwaan-gelinta Guryaha Oo Ay Waday
Hay’adda UN-Habitat |
Burco, February 10, 2006 (Haatuf) Dadka reer
Burco ayaa si weyn uga diday mashruuc diiwaan gelin guryaha ah oo ay
magaalada Burco ka wadday hay’adda UN-Habitat.
Mashruucan diiwaan gelinta guryaha oo ay iska kaashanayeen hay’adda
UN-Habitat iyo dawladda hoose, waxa uu magaalada Burco ka socday labadii
bilood ee u dambeeyey, hase yeeshee waxa galay hakad ka dib markii ay
dadka reer Burco ka muujiyeen dareen didmo ah, waxaana saddexdii todobaad
ee u dambeeyey magaalada Burco ka oognaa dood iyo buuq ku saabsan
mashruuca diiwaaan gelinta guryaha ah ee ay waddo hay’adda UN-Habitat,
taas oo keentay inay odayaasha, iyo waxgarad badan oo reer Burco ahi
golaha deegaanka u gudbiyaan dacwad ay kaga dalbanayaan in la joojiyo
mashruucaa, hase yeeshee inkasta oo uu golaha deegaanka Burco muddo dhawr
casho ah u fadhiyey shir albaabadu u xidhan yihiin, oo ay arrintaa kaga
hadlayaan, haddana wax go’aano ah may shaacinin, waxaase maalintii shalay
magaalada Burco baaq ka soo saaray kooxo isugu jira aqoonyahano, odayaal
iyo waxgarad kale, baaqaas oo uu noo soo diray weriyaha Haatuf ee gobolka
Togdheer Axmed Aadan Yuusuf waxa uu u qornaa sidan:-
“Anaggoo ah aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Burco waxaanu dadweynaha reer
Somaliland u soo bandhigaynaa dhibaato ina soo waajahday waqtigan xaadirka,
dhibaatadaas oo ah hay’adda UN-Habitat oo hadda magaalada Burco ka
bilawday mashruuc ay halisi ku hoos jirto, taas oo ay Habitat ku sugayso
guri kasta oo Burco ku yaala, halka uu kaga dhaco aqalka adduunyada (Dhulka
Caalamka). Qalabka ay isticmaalaysana waxa ka mid ah, qalabka loo yaqaano
GPS oo ka mid ah Satalaydka Maraykanka iyo kamarad lagu sawirayo guri
kasta.
GPS-ku waxa uu si toos ah ugu gudbiyaa dayax gacmeedka Maraykanka xogta
muhiimka ah ee laga qaaday guri kasta.
Hay’adda UN-Habitat waxay sheeganaysaa inay dawladda hoose ee Burco ka
caawinayso diiwaan gelinta mulkiyadaha, laakiin arrinku waa mid intaa ka
xeel dheer, kaas oo ay Habitat u adeegayso shisheeye, una ururinayso xoggo
badan oo ay ka mid yihiin kuwa soo socdaa.
1. Waxa uu gidaarka gurigu ka samaysan yahay, sida shub, dhagax, leben,
dhoobo, jiingad iwm.
2. Saqafka gurigu waxa uu ka samaysan yahay, sida Shub, Jiingad ama wax
kale
3. Seeska gurigu inta uu hoos u qodan yahay
4. Cabirka guriga dherer iyo balac
5. Jaarka guriga
6. Qofka deggan saddexdiisa magac iyo mulkiilaha saddexdiisa magac
7. Meeshu waxa ay tahay, deegaan, meel banaan, kharaabad, goob waxbarasho,
goob caafimaad, goob diineed iwm
8. Tirada dadka guriga deggan, lab iyo dhedig, iyo da’da qof kasta
Warkan waxaanu ka haynaa cadaymo kala duwan oo aanu ka helnay xafiiska
UN-Habitat ee Burco ee ay ka wado mashruuca GS-ka, taas oo aanu qoraal
buuxa ka hayno xogtooda iyo qalabkooda oo uu ugu khatarsan yahay GPS iyo
weliba qoraalo kale oo badan oo documents ah.
Xogta ay ururinayso UN-Habitat inteeda badan waxba kagama xidhna cashuurta
ay dawladda hoose ka qaado ardiyadaha guryaha, balse waxa laga leeyahay
ujeedo kale, iyadoo ay Burco hore u lahayd qorshe magaalo (Town Plan),
taas oo ay magaaladu u qaybsan tahay A, B, C, D IWM, waxayna ahayd in kaas
uun la horumariyo oo kombuyuutar lagu shubo, isaga oo ka madax banaan
satalaytka Maraykanka.
Satalaytka Maraykanku wax badan ayuu sawiray magaalada Burco ama
magaalooyinka kale ee Somaliland, juquraafi ahaana waa la yaqaanaa halka
ay magaalo kastaa dhacdo, laakiin cidina ma taqaan, taako kasta oo Burco
ah cidda deggan, inta imika la rabaana waa intaas oo la helo, taas weeye
danta laga leeyahay mashruucan.
Arrintan waxaanu kala hadalnay golaha deegaanka Burco oo aanu nidhi waa in
arrintan lagu joojiyo ummadda oo loo dhigo si kale oo ka dhib yar, hase
yeeshee waxba kama suurto gelin taa, dadka qaarna waxay sheegeen in
mashruucan laga hirgeliyey Hargeysa, saxna kuma noqon karo Hargeysa ayaa
laga hirgeliyey, ee waxa uu sax ku noqon karaa inaanu wax dhibaato ah
lahayn, waxaanay GPS-tu wax ku xawishaa hab dhis satalayt ah oo suurto
gelinaya in farta lagu fiiqo goobta la doonayo (their precise location on
the earth), hab dhiskanina waa mid afar iyo labaatanka saacadood ku xidhan
satalayt Maraykanku leeyahay oo maalintiiba dhulka ku wareega laba jeer.
Satalaytka GPS-ka cidda maamusha ee ku hawl gashaana waa gaashaandhiga
Maraykanka. Milateriga Maraykankuna waxa uu GPS-ka u adeegsadaa inuu ka
hago gantaalihiisa loo yaqaano Cruise Missiles marka la rido, iyaga oo
hore loogu sii sugay yoolka halka lagu ridayo, shaqadaa muhiimka ahna waxa
qabta qalabka yar ee GPS-ka ee imika Burco lala dhex joogo.
Haddaba, waxa isweydiin leh golayaasheenu ma ka war qabaan mashruucan
halista ah ee ay xogteenii oo dhami ku gelayso gacan shisheeye, waxaanuna
ka rajaynaynaa inay deg deg uga hawlgalaan arrinkan oo ay ka qabtaan wixii
kaga haboon.
Waxa kale oo aanu dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan reer Burco u soo
jeedinaynaa inay arrintan go’aan cad ka qaataan oo ay iska joojiyaan
mashruucan halista ah, waayo inagu weligeen xog kuma aynu kaydsan
satalaytka Maraykanka”.
1. Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
2. Dr. C/laahi Sheekh Maxamed Cismaan
3. Eng. Faarax Xuseen Axmed
4. Axmed Ismaaciil Yuusuf
5. Faarax Yuusuf Nuur
6. Aadan Axmed Ducaale
7. Jaamac Cabdi Carab
8. Nuux Maxamed Raage
9. C/Qani Aw Saaxi
10. Yuusuf Maxamed Cige
11. Yuusuf Cali Axmed
12. Cismaan Ismaaciil Cali
13. C/Raxmaan Sheekh Maxamed Cismaan
14. C/Casiis Maxamed Jaamac
15. Shariif Maxamed Abokor Maxamed
16. Caaqil Ibraahim Shiil
17. Faysal Cali Faarax,
18. Maxamuud Cabdi Aadan
19. Xasan X. Muuse Shire
Top
Dayaca
Hadheeyay Adeegga Caafimaadka
Ee Gobolka Sanaag Iyo Boqolaalka Milyan
Ee Jeebka Lgu Shubtay |
Ceerigaabo, February 10, 2006 (Haatuf) –
“Arrinta lacagtu way jirtaa waxayna ahayd dhaqaalihii loogu talo galay
Cusbitaalka iyo xarumaha caafimaadka gobolka, waana kabkii lix biloodkii u
danbeeyay ee sannadkii 2005, waxayna isugu jirtay guno dhakhatiirta ah,
lacagtii loogu talo galay daawada iyo qalabka. Tii raashinka bukaanka
waanu ka saarnay iyo tii gunada, inkasta oo ahayd in dhakhaatiirtu qaadato
waxaanu siinay isu-duwihii hore iyo agaasimiha Cusbitaalka. Lacagta soo
hadhay oo dhammayd 18 milyan oo Somaliland shillin ah oo ahayd tii dawada
iyo qalabka, waa arrin laga naxo marka la yidhaahdo lacagtii aanu is-lahayn
wax ku qabta ee meel u dhignay in ay faraha la galaan maamulka iyo dad
ganacsato ah oo u heshiiyey, aniguna uma arko sababta lacagtaas loo qaatay
wax sharciga meela ka soo gala.” Sidaa waxa yidhi isu-duwaha wasaarada
Caafimaadka gobolka Sanaag Dr. Cabdi Jibriil Xagar oo weriyaha Haatuf ee
gobolka Sanaag, Cabdirashiid Xasan Cabsiiye uga waramay lacag caafimaadka
gobolka Sanaag leeyahay oo isu-duwuhu sheegay in si sharci darro ah jeebka
loogu shubtay.
Isaga oo Dr: Xagar sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi: “Labadii sano ee u
danbyeeyey xarumaha caafimaadka gobolka iyo Cusbitaalka ma ay gelin
lacagtii loogu talo galay, Cusbitaalka teeb wax lagu qoro ma yaalo, xataa
qaabkii shaqaaluhu ma jiro. Runtii markii aan lacagtaas qabtay waxaan is
lahaa xoogaa daawo ah ha lagu soo iibsho, lacagtaas ta xigta waxay
imanaysaa June 2006 markaa waxan odhan lahaa ha la iska xidho mar haddii
aan waxba loo hayn. Lacagtaasi waxay ahayd lacagtii laga soo ururiyey
dadka jilicsan ee caanaleyda ama qof tamaandhada iibiya sidaas darteed
waxaanu ka dalbanaynaa masuuliyiinta maamulka gobolka in ay soo celiyaan
lacagtii.
Bal eeg xafiiska aynu fadhino [xafiiska uu wareysiga ku bixinayey ee
Cusbitaalka] waxa yaal kuraasidii iyo miisaskii loogu yimi dalka, waxaad
moodaa in khalad laga fahmay lacagta Cusbitaalka wax caadi ahna ay noqotay
in jeebka lagu shubto.
Arimahaas oo dhan waxa caddayn u ah Farmasiga Cusbitaalka sida ay ii
sheegeen labo jeer oo daawo mucaawino ahi timi mooyee lama dhigin wax
daawo ah oo kale hay’adii COOPI dabadeed. Waxaan xasuustaa waxyaabihii ugu
yaabka badnaa, gabadh gubatay waxaanu waynay meel aanu uga soo qaadno
xabad faleebo ah, iyada oo xaaladdu sidaas tahay bay geeriyootay, markaa
maxay tartay lacagtii loogu talo galay, saddex bilood kasta lacag ka badan
afartan milyan (40,000,000 SL. SH) ayaa loogu talo galay caafimaadka
Sanaag.
Isuduwaha oo la weydiiyay su’aal ahayd “lacagta waxaad u dhibtay nin
ganacsade ah, sidee maamulka gobolku uga qaaday?” waxa uu isu-duwuhu ku
jawaabay oo uu yidhi: “Lacagta annaa shaqsiyan u dhiibay ninka ganacsadaha
ah, meel dawladi kaga amri kartana may muuqan, ilmana soo hadlin intii aan
Berbera ku maqnaa oo may odhan lacagtii Badhasaabka iyo Maayar baa leh cid
sii oo ku wareeji.”
“Dacawad arrintan lacagta ku saabsan miyaad u gudbisay maxkamada?” ayaa la
weydiiyay, waxaanu kaga jawaabay isu-duwuhu oo uu yidhi: “Haa waxaan u
gudbiyey maxkamadda gobolka.” Mar kale ayaa la weydiiyay su’aal ahayd
“Isuduwe ganacsadaha aad u dhiibtay lacagta muxuu ku doodayaa markii aad
weydiisay lacagta?”, waxaanu Isu-duwuhu yidhi: “Wuxuu leeyahay maamulka
gobolka ayaa ii soo qoray warqad ay leeyihiin ku wareeji isuduwhii hore ee
la bedelay Maxamed Daahir Barre, laakiin waxay ahayd warqad yar oo qallin
ku qoran, shaabadna aan lahayn, waxaana qoray guddoomiye ku xigeenka
gobolka.”
S: Ma jirtaa guddi arintan loo saaray?
J: Haa way jirtaa aniga ayaa u tegay golaha degaanka oo arinta uga waramay,
waxayna u sareen guddi ay dhexdooda ka magacaabeen.
S: Arrintaasi wax niyad jab ah miyey ku keentay shaqadaadii?
J: Xaqiiqatan haa waxaan u arkaa in qayb ka mid ah dadka meesha jooga ama
maamul ha noqdeen ama yey noqon aanay doonayn in wax la qabto, Cusbitaal
jiro, daawo la dhigo, shaybaadh la hagaajiyo markaa runtii wax badan ayaa
iska kay bedelay, dad badana waan u sheegay mar haddii arrintu sidaas
tahay anigu waan iska noqonayaa waayo, dhul badan oo wax qabsan karaya
ayaan ka imi.
S: Isuduwe haddii dhibaatadaasi ku haysato dadweynihiina ku rabaan maxaad
ku talin lahayd?
J: Waa dhibaato guud oo wadanka oo dhan haysata markaa waxaan odhan lahaa
baarlamaankii la soo doortay waa in ay ka hawl galaan oo kala hadlaan
madaxweynaha iyo wasiiradaba.
Arintan lacagta caafimaadka iyo khilaafkeeda oo ka dhexeeya masuuliyiinta
maamulka gobolka, madaxda wasaarada Caafimaadka iyo nin ganacsade ah oo
sarrifle ah wuxuu weriyuhu wax ka weydiiyey ku-xigeenka gudoomiyaha
gobolka C/casiis Xasan Siciid oo yidhi: “Horta bal inta aanay arrintu
saxaafadda gaadhin aynu iswareysano Isuduwaha” intaas oo keli ah ayuu kaga
jawaabay in arintaas faah-faahin ka bixiyo.
Sidoo kale ganacsade Cabdi Carab oo isagu ah ninka lacagta gacanta ku
hayey oo weriyaha Haatuf ee Sanaag weydiiyey su’aalo arrintan ku saabsan
ayaa ka gaabsaday in uu arintaas si qeexan uga waramo, wuxuuna yidhi:
“Anigu kiiskaas la igu dacweeyay ma qabo, war intaas dhaafsiisana kama
bixinayo.”
Xisaabiyaha Caafimaadka gobolka Sanaag Maxamed Cawed Faarax ayaa isaguna
qoraal afar bog ah oo uu soo gaadhsiiyey xafiiska Haatuf wuxu kaga hadlay
lacagta sannad walba loogu talo galay caafimaadka iyo sida looga duwo
takri falo, qoraalkaas oo aad u dheer waxa meelihii ugu muhiimsanaa ka mid
ah:
“Sannadkii 2004, waxa caafimaadka gobolka loo soo diray 175,800,000.
Sannadkii 2005 waxa la soo diray lacag dhan: 175,800,000. Waxa kale oo
baanka Ceerigaabo soo gaadhay lacag dhan 41,600,000. Isu-geyntooduna ay
dhan tahay labadaa sano 393,200,000 Shillin Somaliland ah.
Lacagtaas saddex boqol iyo kow iyo konton milyan iyo lix boqol oo Shillin
Somaliland (351,600,000) waxay jeebabkooda gashay isu-duwayaashii hore iyo
agaasimaha Cusbitaalka. 41,600.000 SH.SL waxa baanka kala baxay maayarka
Ceerigaabo, intii aanu u dhoofin dalka Ingiriiska, lacagtaas oo uu ku
sheegay in uu dayn ugu lahaa Cusbitaalka, waxba kalama aanu socon sida uu
ugu yeeshay. Dhaqaalaha intaa le’eg in jeebka lagu shubto waxaa keenay oo
masuul ka ah madaxda maamulka oo ku cuno duuban lacagta caafimaadka”.
Hadaladaas iyo kuwo kale oo ka hadlaya meelaha uu ka naafoobay caafimaadka
gobolka ayaa ka mid ahaa hadaladii uu qoraalkaasi xanbaarsanaa.
Haddaba arrintan oo sheekadeedu socotay ilaa iyo bishii hore ma aha mid ay
ka xog la’ yihiin madaxda sare ee caafimaadka, waayo agaasimaha guuud ee
wasaarada Caafimaadka oo gobolka socdaal la xidhiidha talaalkii jadeecada
ku yimi dabayaaqadii bishii hore ee January ayaan arintaas wax talaabo ah
ka qaadin, taasina waxay keentay in ay arintu waqtigan noqoto mid loo soo
bandhigo dadweynaha iyo saxaafadda, si ay wax uga qabtaan madaxda sare ee
qaranka iyo baarlamaanka dadweynuhu u soo doorteen in ay ku metelaan
siyaasadda.
Agaasimaha guud oo socdaalkiisu ahaa kii ugu horeeyay ee uu Ceerigaabo ku
yimaado tan iyo intii uu xilka hayay waxaa loo tiriyaa in uu ka mid yahay
madaxda masuulka ka ah in caafimaadka Sanaag noqdo mid aan khilaaf iyo
musuq-maasuq ka bixin isla markaana gaba adeegii loogu talo galay.
Top
Raali Gelin Ku
Socota Shirkadda Dahabshiil |
Waxaanu isla garanay inaanu ku haboonayn
shirkada Dahabshiil maqaalkii uu qoray Cali Qoryoolay, ee ku soo baxay
Wargeysyada Haatuf iyo Jamhuuriya doraad 08/02/2006.
Dhaliisha ugu weyna waxaanu u soo jeedinaynaa tifaftirayaasha Haatuf iyo
Jamhuuriya oo ka il-duufay xilkoodii tifaftirka iyo hubinta qoraalada.
Inkasta oo ay jaraa’idka madaxa banaani xil weyn oo Qaran inoo hayaan oo
aan kuna bogaadinayno dedaalkoodii, haddana waxa fiican inay ka
feejignaadaan qoraalada naca iyo xumaanta abuuri kara.
Dastuurka Somaliland iyo shareecada Islaamka midna ma ogola in qofka
magaciisa iyo karaamadiisa wax loo dhimo.
Sidaa daraadeed waxaanu raali gelin u soo gudbinaynaa gudoomiyaha
Dahabshiil oo aanu ka raali gelinayno wixii qadaf iyo meel ka dhac ah ee
ku jiray maqaalkaa.
Cumar Cabdi Fidhin
Nuux Cali Cawaale
Carab Hirad
Maxamed Dhuux Cumar (Astralia)
Maxamed Axmed Xasan
C/laahi Sheekh Maxamed
Cumar Daa’uud Siciid
Muuse Biixi Cabdi Top
“Sharci Ahaan
Waxa Xaq Loo Leeyahay In
Miisaaniyadii Sannadkii Hore Lagu Dhaqmo
Saddexda Bilood Hore Ee Sannadka” |
Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Oo
Shalay La Kulmay Gudoomiyaha Baanka Dhexe
Hargeysa, February 10, 2006 (Haatuf) – Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada
ayaa shalay kulan kula yeeshay xafiiskooda gudoomiyaha Baanka Dhexe C/raxmaan
Maxamed Ducaale, kulankaas oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo qaatay
mudo laba saacadood ah.
Kulankaa ka dib oo aanu wax ka weydiinay arrimaha ay kaga wada hadleen
kulankooda gudoomiyaha baanku isaga oo ka waramaya kulankaasna waxa uu
yidhi “Guddidu way ii yeedheen, waxaananu ka wada hadlaynay inaanu
macluumaad ilaha dhaqaalaha ku saabsan iska xog-wareysano maadaama ay
yihiin guddidii dhaqaalaha, arimhaasina ayay iga wareysanayeen, waxanan
uga waramay siday wax u jiraan, kulankayaguna waxa uu ku saabsanaa danaha
guud ee ilaba dhaqaalaha, wax gaar ahna kamaanu wada hadlin, sidii ilaha
dhaqaalaha wadanka loo kobcin lahaa loona hagaajin lahaa ayaanu ka wada
hadalnay”.
Gudoomiyaha baanku isaga oo ka jawaabay su’aal la xidhiidhay lacagta
giinbaarta Somaliya ee lagu qaato Burco bal inay ku talo jiraan inay ka
bedelaan dadweynaha lacagtaa, waxa uu yidhi “Anagu arintaas kolay baan
baanu nahay, xilka weynina dawlada ayuu saaran yahay in naloo dhiibo
lacagii oo dabacan dawladu way ku fekeraysaa, anaguna dabcan waanu ku talo
jirnaa wixii laga qaban karo ee bedelkaa lacagta in laga qabto, anagoo la
kashanayna gudidan dhaqaalaha wixii ku xidhan”.
Dhinaca kale, gudoomiyaha gudida dhaqaalaha golaha wakiilada Maxamed X.
Maxamuud Cumar Xaashi oo aanu wax ka weydiinay arimo ku saabsan safarkii
ay dhowaan kaga soo laabteen gobolka Saaxil iyo arimihii ay kaga wada
hadleen kulankoodaa waxa uu yidhi “Waxaanu u tagnay magaalada Berbera
arimo ku saabsan miisaaniyada 2006 ee nala horkeenay, wixii xog ah ee aanu
soo urursanay iyo wixii aanu soo aragnayba waxaanu horgayn doonaa fadhiga
golaha wakiilada, halkaas oo aanu ka soo jeedin doono warbixinta kama
dambaysta ah, dhamaan goobaha dakhli soo saarka waanu soo wada marnay,
macluumaadkii aanu ka soo wada helnayna waanu isku geynaynaa”.
Gudoomiyaha gudidu isaga oo ka waramaya arimaha miisaaniyada 2006 waxa uu
yidhi “Miisaaniyada waxaanu haynay mudo sagaal maalmood ah, waxaanan
maqlayaa oo suuqa la geliyey dacaayado odhanaya wixii socon waayaba
baarlamaankii baa miisaaniyadii haysta. Waxay ahayd in miisaaniyada na loo
keeno bishii October ee sanadkii hore, sida ku talo-galku ahaa, wakhtigaa
nalooma keenin waxaana naloo keenay bishan aynu ku jirno. Misaaniyada
intaa le’eg ee la doonayo in la soo daraasadeeyo anagu waxaanu maraynaa
mudo sagaal maalmood ah, wakhtiga aanu haynay iyo inta noo hadhayba dedaal
badan ayaanu u galaynaa, taas oo aanu doonayno wakhtigii loogu talo galay
oo bisha March dabayaaqadeeda ah inay miisaaniyada cusubi hirgasho,
qaynuun ahaan iyo sharci ahaanba waxa xaq loo leeyahay in miisaaniyadii
sannadkii hore lagu dhaqmo, saddexda bilood ee January, February iyo
March, inay wax istaagaan markaa maaha, in dadka lagu yidhaahdo baarlamaan
baa haya oo ay miisaaniyadu ku maqan tahayna midna maaha, anaguna insha
allaahu waanu soo dedejin doonaa hawsha miisaaniyada”.
Top
Dugsiga 17-ka
May: Shahaadooyin La Gudoonsiiyay
127 Arday Oo Ka Qallin-Jebiyay Maadada Xisaabta |
Hargeysa, February 10, 2006 (Haatuf) – Xaflad
lagu maamuusayey 127 arday oo ka qalin jebiyey dugsiga 17-ka May ayaa
shalay lagu qabtay Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa.
Dufcadan oo ah tii 21-aad ee ka qalin jebisa dugsigaasi tan iyo markii la
aasaasay 1992 ayaa waxa ay ardaydaasi barteen cilmiga xisaabta, waxaana
halkaas shahaadooyin ku gudoonsiiyay Xubno ka tirsan Mudanayaasha Golaha
Wakiilada Somaliland iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca dhaqaalaha.
Munaasibaddaas waxa ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay maamulaha
dugsigaasi Xasan Axmed Yuusuf oo ka waramay aasaaskii dugsigaasi iyo
marxaladihii u soo maray “Ardayda dugsiga wax ku barataa waa laba qaybood
qaybta, manhajka xukuumadda wax ku baratta oo marka ay dhamaystaan
imtixaanka la galaan ardayda dugsiyada dawladda. Qaybina waa qaybtan aynu
maanta [shalay] u fadhino ee gaarka ah. Waxa muddada uu dugsigu furnaa ka
qallinjebiyay arday dhan 4,013 arday, waxaana bilaash ah oo lacag aan wax
kaga bartay 327 arday, kuwaasi oo u dhigma 9.7% waxa aanu dhigno waxa ugu
horreeya xisbaabta oo aynu odhan karno waa waxa ugu horreeya ee culuunta
maanta taala wadankeena. Dugsiga markii ugu horreysay waxa la aas-aasay
1992-kii, 17-kii May, waxaana lagu bilaabay arday aad u yar, maantana
waynu aragnaa inta arday sannad kasta ka qalin jebisa, waxaana taa sababay
macalimiinta oo ah kuwo u jajaban habka ay wax u dhigayaan”.
Maamuluhu waxa uu kula dardaarmay ardayda inay waxbarashadooda halkaa ka
sii wataan, isla markaana waxa uu rajeeyay inay guul ka gaadhaan
ujeedadooda waxbarasho.
Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo
ahaa aas-aasihii dugsigaasi. “Ugu horreyn waxa aan u mahad naqayaa Mudane
ka soo qayb galay xafladan, bahda saxaafada dhamaantiin waan idin
salaamayaa, waxaan aad ugu faraxsanahay ardaydan maanta ka qalin jebisay
dugsiga 17-ka May oo ah dugsigii ugu horreeyey ee aan anigu aas-aasay
inaan maanta aniga oo Mudane ah ka qaybgalo xaflad qallinjebinta ee u
horeysay, aad baan ugu faraxsanahay, aniga oo idinkula dar-daarmay inaad
waxbarashadiina halkaa ka sii wadataan,” ayuu yidhi Mudane Xasan Cawaale
Caynaan, isagoo intaas ku daray “Waxa kale oo aan idinku dardaarayaa waa
dhinaca nabada oo la’aanteed aanay waxba hagaagayn. Waa inaad ogaataan
inay nabadu tahay ta ugu muhiimsan.”
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha
dhaqaalaha Cumar Xuseen oo yidhi. “Saaxiib waxa kuu ah ardayda aad wax
wada barataan, waalidna waxa kuu ah qofka wax ku baraya, waxa wax lagu
farxo ah in Somaliland oo Jamhuuriyad madax banaan, waxaana wax laga
xumaado ah in dab iyo kibriid ay dadka qaar isku qabtaan markaa anagu
noloshayadii waanu soo dhamaynay, balse kuwa lagu ciyaarayo mustaqbalkooda
waa idinka, haddii aad qabiil ka bixi weydaan C/laahi Yuusuf baa idin
qabsani.”
Waxa isaguna halkaa ka hadlay Mudane Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley)
oo yidhi. “Ugu horeyn waxa aan u mahad naqayaa Mudane Xasan Cawaale oo
aynu odhan karno waa aabaha waxbarashada ee Somaliland, maanta Somaliland
waxay magac ku lahayd aabayaasha tacliinta, aabihii tacliintu wuxuu ahaa
Maxamuud Axmed Cali, Ilaahay ha u naxariistee, barbaartuna waa inay
niyadda ku hayso taasi, sidaas oo kale ayaan u rajaynayaa Mudane Xasan
Cawaale, waxaanan xusayaa inuu dugsigani yahay mid hormood ah.”
Khudbadaha masuuliyiinta kadib, waxaa halkaas bandhig faneed qurux badan
ku soo bandhigay koox ardayda dugsiga 17-ka May ka tirsan,
bandhig-faneedkaas oo ay ugu magac-dareen “Tacab iyo Tacliin”, ayaa aad
uga qosliyay ardayda dugsiga, waalidiinta iyo dadweynihii xafladdaas ka
soo qayb-galay. Top
Waraabe Dad
Cun Ah OO Fara-Baas
ku haya deegaanka Caynabo |
Caynabo, February 10, 2006 (Haatuf) –
Waraabe dad cun ah ayaa muddooyinkan dambe fara-baas ku haya dadka ku
dhaqan degmada Caynabo iyo nawaaxiga la xidhiidha, iyada oo la sheegay
inuu Waraabaha dad cunka ahi weerar ba’an ku hayo dadka, isla markaana
waxay wararku sheegeen inuu dad badan dhaawacyo u geystay, qaarna ay
dhinteen.
Dhawrkii todobaad ee u dambeeyey waxa ka mid ah dadka uu Waraabuhu
dhaawacyada gaadhsiiyey Saafi Ducaale Carraale, Cabdi Cali Saleebaan, Cali
Cabdi Geedi iyo Faadumo Muuse Qarbooshe.
Sidoo kale dadka Waraabuhu cunay ee geeriyooday waxa ka mid ah Xamse Cabdi
Digaale oo u dhintay dhaawacyo uu soo gaadhsiiyey Waraabe dad cun ah oo
weeraray. Dadka deegaankaa ku dhaqan waxa ka soo yeedhaya qaylo dhaan ku
saabsan weerarka uu ku hayo waraabaha dad cunka ahi, iyada oo la sheegay
inuu ku hayo weerar joogto, sidaa darteed loo baahan yahay in laga qabto
dhibaatada uu Waraabaha dad cunka ahi ku hayo dadka deegaankaa ku dhaqan.
Top
Guddida
Arrimaha Gudaha Ee Wakiilada Oo
La Kulmay Wasiirka Difaaca Iyo Taliyaha
Ciidanka Qaranka |
Hargeysa, February 10, 2006 (Haatuf) –
Guddida arrimaha gudaha ee golaha Wakiilada ayaa sheegay inaanay
dhibaatada jirtaa ahayn dhulka, balse ay tahay ku dhaqan la’aan sharciga
dhulka ah masuuliyiin iyo shiciba.
Waxaanay sidaa ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen guddidaasi oo uu
ku saxeexan yahay gudoomiyaha gudidaasi Siciid Cilmi Rooble oo ay kaga
hadleen mushkilada ka taagan dhulka oo ay sheegeen in xeerkii gobolada iyo
degmooyinka ee arrintaa ka hadlayay ay guddidu gacanta ku hayso, ka dib
markii ay xukuumadu wax ka bedel ku soo saamaysay oo ay ku soo celisay
golaha wakiilada.
Guddidu kadib markii ay warsaxaafadeedka soo saareen waxay la kulmeen
maalintii shalay wasiirka gaashaandhiga Jaamac Gaas Mucaawiye iyo Taliyaha
guud ee ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo ay ka xog-wareysteen
arimo ku saabsan mushkiladaha dhulka oo la xidhiidha ee xarumaha ciidanka
Qaranka. Kulanka ka dib oo aanu wax ka weydiinay gudoomiyaha guddida waxay
kaga wada hadleen kulankooda ayaa sheegay in kulanka ay la yeesheen
wasiirka iyo taliyuhu uu ka mid yahay kulanada ay guddidu la yeesheen
masuuliyiinta qaranka, Hase yeeshee wuxuu ka gaabsaday inuu wax
faah-faahin ah ka bixiyo wixii ay kaga wada hadleen kulankoodaa, wuxuuna
sheegay arrimihii ay kaga wada hadleen inay warbixin guddidu ka siin
doonto golaha wakiilada, isaga oo intaa ku daray arrimaha ay su’aalaha ka
weydiiyeen wasiirka iyo taliyaha ay ku saabsanaayeen dhaliilaha ciidanka
qaranka looga soo jeediyo arrimaha dhulka, laakiin waxa uu sheegay
jawaabaha ay ka bixiyeen labadaa masuul su’aalihii la weydiiyey inay u
bandhigi doonaan golaha wakiilada. Warsaxaafadeedka ay guddidu soo
saareena isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:
“Guddida arrimaha gudaha, nabadgelyada iyo difaaca waxay waayadan dambe ku
hawlanaayeen xeerkii gobolada iyo degmooyinka ee No 23 oo ay xukuumadu ku
samaysay wax ka bedelid, xeerkaas oo ah ka ay ku shaqeeyaan gobolada iyo
degmooyinku. Arrimaha dhulka ee mushkilada weyni ka taagan tahayna waxa
jirta in xukuumadu soo jeedin wax ka bedel ah u soo gudbisay golaha
dhowaan, shirgudoonka goluhuna uu isu soo dhaafiyey guddida oo hada
gacanta ku haysa.
Inkasta oo xeerkaas dhulka uu golihii hore ansixiyey uuna dhaqan-galay,
mushkilada kaliya ee lagala kulmayna ay tahay qaybta dacwad qaadista
dhulka, waxay guddidu qabtaan iyaga oo ku marti qaadi doona cid allaale
cidii u ehel ah, xalinta mushkilada dhulka oo ay ka nid noqon doonaan
Maayaradii hore, Engineero, culimo iyo cidii kale ee ku deeqaysa tallooyin.
Sida dad badani qabaana dhibaatada dalkeena guud ahaanba haysataa ma aha
xeer la’aan ee runtii waa xeerarkii way jiraane waxa jirta faafin la’aan
iyo ku dhaqan la’aan. Dadkeena oo guud ahaanba masuul iyo shiciba aan
qiimaynin sharciga iskana baal-mara iyo hay’adihii uu xilkooda ahaa
ilaalinta shuruucda oo qudhadoodu aan xil iska saarin. Hadii dhibaatada
ina haysata run laga sheego, mushkiladuhu ma aha dhukla sida in badani
qabto ee mushkiladuhu waa masuuliyiinta ku shaqada leh iyo qayb ka mid ah
shacbiga, dadkana waxa ku dhiirnaya inay baalmaraan sharciga waxay tahay
iyada oo aanay arkin cidii dembiga gashay oo ciqaab ku mutaysatay hadii ay
tahay masuul iyo hadii ay tahay shiciba oo ciqaabi ku dhacayso.
Sidaas darteed, guddida arrimaha gudaha, nabadgelyada iyo difaacu waxay ku
war-gelinaysaa dadweynaha Somaliland:
Inay soo saari doonaan xeerkii dhulka oo ciqaabtiisa wata.
Inay ka waantoobaan inay sharciga gacantooda ku fuliyaan, fahmaana in
dawladu wakiil uga tahay, kaas oo ay ka dhalan karto fawdo khatar gelin
karta xasiloonida.
In uu golaha wakiiladu u dhexeeyo shacbiga iyo xukuumada, yahayna gole
metela shacbiga reer Somaliland meel ay joogaanba. Sidaas darteed ay
haboon tahay inay wixii mashkilad ah ee la soo derista ee ay kaga
cabanayaan xukuumada ay u soo gudbiyaan golaha wakiilada, inta aanay dhib
kale iyo fawda kale geysan.
In aanu wakiiladu ku metelin shacbigii wixii fawdo ah iyo wax alaale wixii
kale ee khatar gelin kara nabadgelyada iyo xasiloonida dalka Somaliland.
Guddidu waxay cambaaraynayaan dhacdadii 4-tii bishan ka dhacday degmada
Axmed Dhagax iyo cid kasta oo ka qayb-gashayba, waxayna tacsi u dirayaan
eheladii dadkii shilkaas ku geeriyooday ay ka tageen iyo cidii kale ee ay
dhibaato ka soo gaadhayba, gar ahaana ciidamadii u soo gurmaday deminta
shilkaasi.
Guddidu waxay si buuxda u taageeraysaa go’aankii ay xukuumadu ka soo
saartay shilkaa ee ka soo baxay madaxtooyada 6/2/06.
Guddidu waxa kale oo ay cadaynaysaa in aanu golaha wakiiladu marnaba is-hortaagin,
isna hortaagi doonin xukuumada inay gudato waajibkeeda ku aaddan dhinaca
nabadgelyada, xaqna ay u leedahay inay adeegsato ciidamada iyo qalabkii
kale eel oo baahdaba, markii ay timaado dhibaato iyo fawdad gelin karta
dalka khalkhal iyo xasilooni daro, hadba inta kaga aadan, iyada oo
xukuumada ay waajib ku tahay dhacdooyinka ka hor inay qaado tallaabooyin
ka hortag ah oo xal u helid ah, si looga badbaado aafooyinka.
Guddidu iyaga oo dib u milicsanaya jawaabo ka soo baxay masuuliyiin ka
tirsan xukuumada oo tilmaamaya inay xukuumadu talaabooyinkii nabadgelyo ee
dhacdadii 4/2/06 looga baahnaa ay u qaadi weyday sababo la xidhiidha
go’aankii ka soo baxay golaha wakiilada ee khusaynayay dhacdadii hore ee
cusbitaalka oo ay uga jeedeen hadii ay xukuumadu qaado tallaabooyin ku
haboon dhacdadan waxay ka baqatay in golaha wakiiladu eed dhakada ka saari
doono.
Guddidu waxay ku jawaabaysaa sidan:
Golaha wakiiladu uma abuurna mana caadaysan in uu xukuumada iska hortaago
xilkeeda ilaalinta nabadgelyada ee dadka iyo dadkaba ee uu distoorku
siiyey. Guddidu waxa kale oo ay tilmaamaysaa inay labadii dhacdo ee kala
dambeeyey ay aad ukala duwanaayeen, iyada oo dhacdadii hore ay ka dhacday
cusbitaal dhexdii, isla markaasna aanay jirin iska hor-imaad shacbi oo
xiligaas hubaysnaa amase dagaalamayay oo lagu kala gurmadaa, halka tan
dambe ay ahayd dagaal hubaysan oo shacbi oo laba dhinac ah oo ay weheliso
gubid iyo boob hanti dadweyne oo ay cudur daarna aanay u noqonayn
hadaladaasi.
Sidaas darteed guddidu waxay u aragtaa weedhahaas ka soo baxay
masuuliyiinta ka tirsan xukuumada laguna baahiyey warbaahinta kuna
waajahnaa golaha wakiilada in aanay meesha qabanayn ayna ahayd weedho ay
dabaylo sitaan, goluhuna u qaadan doono daandaansi ay xukuumadu bilaabayso.
Ugu dambayntii guddidu waxay ku hambalyaynaysaa madaxweynaha go’aankii uu
ka qaatay dhacdadaasi, fulinta go’aankaasina waxay cibro iyo digniin u
noqon doontaa cidii dambe ee ku kacda fool xumadaas oo kale”. Top
Ururka
Dhakhaatiirta Xoolaha Oo Ku Eedeeyey
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Inuu Joojiyey
Mashruuc Daweynta Xoolaha Ah |
Hargeysa, February 10m 2006 (Haatuf) – Ururka
Dhakhaatiirta Xoolaha ee ULPA ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland in
uu suuro-geliyo dib u bilaabista Barmaanij Daaweynta xaalaha ah oo ay
hay’ada Coopi ka waday gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag, kaas oo ay
sheegeen in uu barnaamijkaasi uu joojiyey wasiirka xanaanada xoolaha Dr.
Idiris Ibraahim Cabdi.
Sidaana waxay ku sheegeen warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay xoghayaha
ururka ULPA Dr. Cali Maxamed Cabdi, warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirana
waxa uu u qornaa sidan:
“Barnaamijka Daaweynta Xoolaha ee ka socday gobolada bariga wuxuu ka mid
ahaa mashaariicda gurmada deg-dega ah ee midowga Yurub ugu deeqeen
gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool. Barnaamijkan oo ay fulinaysay hay’ada
Coopi, iyada oo ay kaalinayaan ururka dhakhaatiirta xoolaha ee ULPA iyo
dhakhaatiirta wasaarada xoolaha ee ka hawl-galaha goobaha uu mashruucani
ka socday. Mashruucan oo ahaa hawl-samofal ah oo xoolo dhaqatada
goboladaasi si lacag la’aan ah xoolahooda loogu daawaynayay. Barnaamijkan
oo socday muddo Afar Bilood ah, waxa ka faa’iidaystay in ka badan 1900 oo
qoys oo xoolaho dhaqato ah, iyada oo la daaweeyey in ka badan 210,000 oo
neef oo isugu jira geel, adhi, lo’ iyo dameero, iyada oo laga daaweeyey
xanuunada ay ka mid yihiin Shilinta caalka, dhuuga, canbaarta, dhibiijada,
jabtida, iwm. Xoolo dhaqatada, madax-dhaqmeedyada iyo madaxdii
degmooyinkaas ayaa aad uga mahad ceshay hawl-galkan, iyaga oo weliba
codsaday in loo sii wado hawshan waxtarka leh.
Haddaba, waxa dhowaan wadanka yimi madaxii mashruucan ee hay’ada ka socday,
isaga oo u sheegay wasiirka in mashruucii lagu daray laba bilood oo kale
oo hawsha daaweynta xooluhu sii socoto iyo weliba barmaanijka
caafimaadinta xoolaha oo laga bilaabi doono degmada Baki ee gobolka Awdal.
Nasiib darro-se halkii laga filayay wasiirka mahad naq iyo wada shaqayn,
ayaa wuxuu ku armay madaxii mashruuca in gebi ahaanba u joojiyo hawshii
daaweynta oo dhan, isaga oo aan sheegin wax sabab ah. sidaas ayaa kooxihii
dhakhaatiirta ahaa ee hawsha waday ay si dhakhso ah uga soo baxeen
gobolada ay ka shaqaynayeen, iminkana dhakhaatiirtii hawsha waday iyo
baabuurtii oo ay saaran tahay dawadii iyo qalabkii waxay ku sugan yihiin
magaalada Hargeysa. Ninkii ka madaxa mahaa mashruuca ee ka socday hay’adu
wuxuu dib ugu laabtay Nairobi, ka horna wuxuu isku dayay wasiirku inuu is-hortaago
mashruucan, laakiin waxa fasaxay oo amar bixiyey madaxweynaha
hirgelintiisa markii la ogeysiiyey. Waana markii labaad ee wasiirku
carqaladeeyo hawshan taakulaynta ah ee ku waajahan xoolaha oo badi nolosha
dadkeenu ku tiirsan tahay. Hadda waxaanu filaynaa in madaxweynuhu mar
labaad arinta dhex-galo oo ogolaado in hawshii dib loo bilaabo. Mashruucan
oo kale aya isla goboladan hore looga fuliyey sannadkii 2004. mashaariicda
marka hore waxay la xidhiidhaan wasaarada, wasaaradaana heshiiska la
saxeexata, markaa ka bacdi ayaanu ka urur ahaan ka qayb qaadanaa kolba
wixii barnaamij ah ee marka la fulinayo. Mashruucan hada wuxu ka kooban
yahay saddex kooxood oo koox waliba tahay Afar dhakhtar.
Haddaba, si ay wada shaqayntayadu u hagaagto koox kasta waxaanu ka dhignay
saddex dhakhtar oo ururka ah iyo hal dhakhtar oo wasaarada ah oo jooga
degmooyinka ay hawshu ka socoto. Annaga oo eegayna xaalada dalka, ayaa
waxaanu dejinay qorshe ay dhakhaatiir badani uga qayb galaan. Labadii
biloodba waxaanu sarnaa dhakhaatiir cusub, iminka waxa shaqaynay difcadii
saddexaad. Kooxuhu markay degmooyinka joogaan waxay ku shaqeeyaan magaca
wasaarada, mar qudha hadii uu wasiirku soo mari lahaa goobahaas iyo
degmooyinkaas waxa loo soo dhoweyn loo lahaa sida madaxweynaha, laakiin
taasi ma dhicin. Waxaanu idinka rajaynaynaa inaad nagala shaqaysaan wax
kasta oo suurta gelinaya in barnaamijkan ku waajahan xoolo dhaqatadeena si
dhakhso ah loogu bilaabi lahaa iyo sidii madaxweynaha loo gaadhsiin lahaa
maadaama uu yahay qofka keli ah eel oo doortay masuuliyada iyo maslaxada
ummada”.
Iska Horimaad Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Muqdisho
Muqdisho, February 10, 2006 (Haatuf) – Laba qof ayaa ku geeriyooday 3
kalena dhaawac ayaa soo gaadhay, ka dib markii dagaal shalay uu dhex maray
maleeshiyooyin taageersan wasiirka amniga Qaranka ee Somaliya Maxamed
Qanyare iyo kooxo hubeysan oo isbaadho u taalay xaafadda Raadaarka ee
degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Canjeex Labada
qof ee geeriyooday ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen kooxaha
maleeshiyada ah ee isbaadhadu u taalay, iyadoo gacan ku heynta bartii
isbaadhadu taalay la sheegay in ay la wareegeen maleeshiyooyinka taabacsan
wasiirka amniga, ka dib istacshiiradeyn xoogan oo ka dhacday halkaasi.
Sababta isku dhacan ayaa waxa la sheegay in ay salka ku heyso nin ka
tirsanaa kooxaha isbaadhadu u taalay oo maleeshiyada Maxamed Qanyare ay ku
soo xidheen Maxkamadda Xararyaale, taasoo keentay in kooxihii isbaadhadu u
taalay ay weeraraan maxkamadda, iyadoo arinkaasina uu sababay in iyana
kooxdaasi lagu weeraro barta ay u taalay isbaadhadu, waxaana howlgalka
lagu weeraray isbaadhada hogaaminayay Faarax Garamgaram sida uu saxafada u
sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo ku sugnaa goobta dagaalku uu ka
dhacay.
Isbaadhadaasi ayaa gaadiidka waxa lagaga qaadi jirey lacagaha baadda ah,
iyadoo iminka halkaasi aanu wax lacag ah lagu qaadeyn, iyadoo goobtaasina
ay wali isku horfadhiyaan dhinacyadii dirirtu dhex martay.
Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan sii socoshada arintaasi, iyagoo ka cabsi
qaba in kooxihii laga qabsaday halkaasi ay dib isku soo abaabulaan. Top
Kulan ay yeesheen koox ka mid ahayd golaha hore
ee wakiilada JSL, waxay ka tiraanyoodeen dhacdadii fal-dambiyeedkii ka
dhacay Degmada A/dhagax bishan afarteedii. Xubnahaas oo ku magacaaban
waxay cambaraynayaan fal-dembiyeedkaa ay ku kaceen dad aan xilkas ahayn,
meelna kaga dhacay sharaftii iyo karaamadii qaranka Somaliland iyo
bulshadiisaba, falkan foosha xumi wuxu keenay dhaawac dhimasho iyo
burburin hantiyeed, waxaan tacsi u diraynaa dadkii ku geeriyooday
ehelkoodii, waxaananu leenahay samir iyo iimaan illaahay ha idinka siiyo,
intii ku dhaawacantayna illaahay caafimaad deg deg ah ha siiyo.
Waxaanu taageersannahay go’aankii madaxweynuhu uu ka soo saaray falkaa ka
dhacay Dumbuluq, waxaanan bulsha weynta Somaliland u soo jeedinaynaa inay
ka waantoobaan gacan ka hadalka hubaysan ee dhaawaca u keenaya geedi
socodkii dimoqraadiyadeena iyo nabad ka hana qaaday dalkan Somaliland.
Waxaanan xukuumada kula talinaynaa inay samayso baadhitaan qoto dheer si
looga gun gaadho dhacdadaas foosha xun ee qaranka iyo bulshadaba
dhaawacday”.
Magacyada Xubnaha:
1. Maxamuud Axmed Bare (Garaad)
2. Ismaaciil Mire Axmed
3. Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil
4. Rashiid Cige Xasan
5. Maxamed Aadan Gombolos
6. Axmed Xasan Dhunkaal
7. Cali Ismaaciil Jaamac
8. Cabdi Faarax
9. Maxamed Muuse Diiriye
10. Maxamed Xuseen Dhamac
11. Aadan Yuusuf Guuleed
12. Baashe Yuusuf Cade
13. Jaamac C/Laahi Been
14. Xasan Cumar Colow
15. C/Laahi Cabdi Siciid. Top
Diblomaasi
Masri Ah Oo Lagu Afduubay Magaalada Qaza |
Qaza, February 10, 2006 (W.Wararka) –
Wararka ka imanaya magaalada Qaza ee degaanada Falastiniyiinta ayaa
sheegaya in koox aan haybtooda ilaa iminka la garanaynin ay qafaasheen
Xusaam Al-Musale oo isagu madax ka ahaa qunsiliyada Masar ee Qaza.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in kooxdani ay qafaasheen diblomaasigan
xilli uu ku sii jeeday xafiiskiisa magaalada Qaza.
Ma jiraan ilaa iminka koox Falastiniyiin ah oo iyadu sheegatay in ay ka
damaysay qafaalashada diblumaasigani. Top
|