An evening with Kayse Geedi (Chairman of UCID Party
branch in USA)
Xukuumadda Somaliland Oo Amartay Inay CID-du
Baadho Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi
BADHEEDHAHA: Lacagta Somalia ee
Bari Laga Isticmaalo
Boosaaso: Wershad Lacagta Shillin Soomaaliga
Soo Saarta Oo La Weeraray
Dagaalada Ka Dhanka Ah Shirkadaha Fadhataysiga
Macdanta Oo Ku Sii Fidaya Gudaha Majeerteenya
Taliyihii Saldhigga Bileyska Boorama Oo
Xilkii Laga
Qaaday Mid Kalena Loo Magacaabay
Taliyihii Hore Ee Ciidanka Bileyska
Somaliland Oo
Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Xabaalaha Qaranka
Wasiirka Kalluumaysiga Oo Lagu Eederyay Inuu
Maraakiibta Iyo Doonyaha Kalluumaysiga Isugu
Keenay Inta U Dhexaysa Berbera Iyo Saylac Kana
soo Kaxeeyey Xeebaha Bariga Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Oo Adeeg-Xumada
Cusbitaalada
Dalka Ka Jira Ku Sababeeyay Dhakhaatiir Yaraan
Durkinta Musdambeedka Dimuqraadiyadda
Xildhibaan: Cabdiraxman Yusuf Cartan
Doorasho doorasho daraadeed loo galay
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Dadka Soomaaliyeed Iyo
Somaliland Ha Coleysiinina
|
|
An evening with Kayse Geedi
(Chairman of UCID Party branch in USA) |
By Jamal Gabobe
On Saturday April 15, 2006 the Somaliland community in the
Pacific Northwest had the honor of being visited by Kayse Ali Geedi,
Chairman of UCID Party branch in USA and UCID Party campaign manager for
parliamentary eletions in Somaliland. Mr Geedi met with Somalilanders in
the meetings hall of the NW Somaliland Society.
The program schedule was as follows:
- Verses from the holy Quran recited by Abdirizaq A. Yasin
- Introduction by Jamal Gabobe (President of NW Somaliland Society)
- Brief update about the activities and programs of the NW Somaliland
Society by Abdirahim Koofiyad dheere
- Speech by Keynote Speaker Mr. Kayse Geedi.
- Break
- Poetry by Abdi Gaas
- Questions and Answers
Mr Geedi’s speech covered a lot of ground, but it was mostly focused on
the political and economic situation in Somaliland. He emphasized the dire
situation under Somaliland’s current administration, the urgent need for
change, and UCID party’s commitment to making a change and improving the
life of the average Somalilander.
During the break I had suggested to Mr. Geedi that may be he should take
only a few questions, but he said he came all the way to answer questions
that people may have about UCID and was ready to answer as many questions
as possible. Then a lively questions and answers session ensued. Mr Geedi
went to great lengths in answering questions from the audience.
Mr Abdi Gaas, a Somalilander who recently arrived in Seattle via Kenya
recited some memorable poems about the oppression and humiliation
that Somaliland was subjected to by people who we thought were our
brothers and the tremendous sacrifices and struggle that Somalilanders had
to go through in order to get their freedom back.
It was a worthy, informative and joyful evening.
Jamal Gabobe Top
Xukuumadda Somaliland Oo Amartay Inay CID-du
Baadho Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi |
“Ma Ogi Waxay Igu Haystaan, Dambi Aan Galay Iyo Cid Aanu Is-Haysanana Ma
Garanayo, Haddayse Dambi Igu Soo Oogayaan Maxkamad Baynu Leenahay’e Hala
Iga Soo Dacweeyo” Hargeysa, April 17, 2006 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa amar ku
bixisay inay qaybta dambi baadhista bileyska ee CID-du baadho Mujaahid
Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah aas-aasayaashii SNM, isla markaana ahaan
jiray wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland.
Sida uu Haatuf u xaqiijiyey Maxamed Xaashi, laba nin oo dhar cad ah ayaa
shalay u keenay warqad ay ku qorantahay waxa lagaa doonayaa qaybta dambi
baadhista ee CID-da, isaga oo markaasi ku sugnaa kaalinta Cajab ee
magaalada Hargeysa, Maxamed Xaashi isaga oo sharaxaya arrintaasi waxa uu
yidhi. “iyada oo markaasi loo diyaar garoobayo salaadii Maqrib ayaa laba
nin oo dhar cad ah oo aan lebisnayni waxa ay iigu yimaadeen kaalinta Cajab,
waxaanay igu yidhaahdeen noo soo yara kac, waanan u soo kacay, waxaanay ii
dhiibeen warqad uu ku saxeexan yahay taliyaha qaybta dambi baadhista
bileyska ee CID-du, Saleebaan Muuse Xasan, labadan nin may sidan wax
aqoonsi ah, waxaanay igu yidhaahdeen noo saxeex warqad koobi ahayd oo ay
siteena waan u saxeexay. Markii aan weydiiyey cida I doonaysa, waxa ay igu
yidhaahdeen warqada ka akhriso”.
Maxamed waxa uu intaa ku daray “Haddii dambi la igu haysto waa in
maxkamada la iiga yeedhaa, laakiin maaha in warqad suuqa la iigu keeno ama
marba xafiis baa lagaa doonayaa la yidhaahdo oo sharaftayda meel lagaga
dhaco, waxaasi waa waxaanu ka dagaalanay 25 sannadood ka hor, haddii kiis
jiro maxkamada hala I geeyo, iyada oo la raacayo dastuurka iyo qaynuunka
dalka u yaala, laakiin xaq la iiguma laha in shuqul faqash maanta la iila
yimaado”.
Maxamed oo la weydiiyey waxa uu u malayn karo loogu yeedhay waxa uu yidhi.
“ma ogi waxa ay igu haystaan, dambi aan galay iyo cid aanu is-haysanana ma
garanayo, haddayse dambi igu soo oogayaan maxkamad baynu leenahay’e hala
iga soo dacweeyo, oo maxkamadu ha ii yeedho, oo aan halkaasi iska difaaco”.
Lama oga ujeedada loogu yeedhay Maxamed Xaashi, waxayse warar xog-ogaal
ahi sheegeen inay arrintani ka dambayso Xeer Ilaalinta Qaranku, taasi oo
ay xukuumaddu ka codsatay in Maxamed Xaashi la baadho, ka dibna uu Xeer
Ilaaliyaha guud ciidanka baadhista dambiyada ee CID-da ku amray inay u
yeedhaan Maxamed Xaashi. Hase yeeshee weli lama oga sababta rasmiga ah ee
ay xukuumaddu uga dan leedahay baadhitaankan.
Balse waxa loo malaynayaa inay la xidhiidho maqaaal ku soo baxay Wargeyska
Haatuf maalintii Jimcihii, oo uu qoray Maxamed Xaashi, kaasi oo
cinwaankiisu ahaa “Miisaaniyadda 2006 ma ansaxsana, codka loo qaadayna waa
qayrul-Dastuuri”.
Sidoo kale Taliyaha CID-da Saleebaan Muuse Xasan wuxuu maalintii doraad
warqad yeedhis u soo diray xafiiska Haatuf Media Network, taas oo uu
gudoomiyaha Haatuf iyo tifaftiraha Wargeyska Haatuf kaga dalbanayo inay
yimaadaan xarunta CID-da maalintii shalay.
Warqada yeedhista ah kumay qornayn sababta uu taliyuhu u doonayo labada
masuul ee Haatuf, hase yeeshee waxa la aaminsan yahay inuu doonayey inuu
wax ka weydiiyo war Wargeyska Haatuf ku soo baxay maalintii Jimcihii, oo
cinwaankiisu ahaa “Hogaamiyaha Ciidamada Al-Itixaad oo todobaadkii hore ka
noqday booqasho uu ku yimid Somaliland”.
“Waxaan CID-da u geeyey nuqulka xeerkii Saxaafadda ee Golayaashu
ansixiyeen 2004, madaxweynuhuna saxeexay, taliyaha CID-dana waxaan u
dhaafay fariin aan ugu sheegayo in haddii ay eedayni jirto amaba ay kiis
tahay in wax laga qoro argagixisada uu dacwad maxkamadda ka furto, sida uu
dhigayo xeerka Saxaafadu”. Sidaa waxa yidhi gudoomiyaha Haatuf, Mujaahid
Yuusuf Cabdi Gaboobe oo aanu wax ka weydiinay sababta CID-du ugu yeedhay
iyo waxa ay is-yidhaahdeen mar uu shalay tegay xafiiska CID-da.
Mr. Gaboobe wuxuu intaa ku daray “Anigu ma garanayo inta dambiyo ka jira
dalka ee u baahan in ninkan CID-da xukumaa uu wax ka qabto, sababta uu ugu
soo meeraysanayo Haatuf”.
Waraaqaha yeedhista ah ee taliyaha CID-da Saleebaan Muuse Xasan uu
bilaabay inuu u kala diro dadka qaar waxay u muuqdaan kuwo laga soo amrayo
meel sare, oo looga dan leeyahay in lagu cabudhiyo saxaafadda xorta ah,
isla markaana lagu cabsi geliyo ashkhaasta sida adag u dhaliila xukuumadda
Madaxweyne Rayaale oo muddooyinkan dambe ay hadheeyeen fadeexado maamul
xumo ah oo is-daba joog ah iyo musuq maasuq baahay. Top
BADHEEDHAHA: Lacagta Somalia ee
Bari Laga Isticmaalo |
Waxa maalmahan u dambeeyey la maqlayey masuuliyiinta dawladda ee magaalo
madaxda gobolka Togdheer ee Burco oo dadka uga digaya isticmaalka lacag
cusub oo faalso ah oo ka soo gelaysa dhinaca Somalia.
Run ahaantii warkani waa mid qosol gariirkiisa leh, oo marna waxaad
isweydiinaysaa lacagta Burco laga isticmaalaa miyaanay markeeda horeba
ahayn shilin Soomaaliga faalsada ah ee ay soo daabacdaan qalqablayaasha
Somalia iyo xitaa nodhadhkii ka hadhay taliskii Siyaad Barre ee ilaa
haatan laga Isticmaalo magaalada Burco iyo gobolada Somaliland ee kale ee
dhinaca Bari ka xiga Togdheer?
Haddii dhinaca kale laga eegana arrintani waa mid xanuunkeeda leh oo waxay
dib inoo xasuusinaysaa xaqiiqada jirta, taasoo ah inay Burco weli
isticmaasho Shilinka Somalia ee baaliga ah, iyadoo lacagtii Somaliland ay
haatan 12 gu baarka ka goysay.
Haddaba, markasta oo la soo hadal qaado arrintan lacagta Somaliland ee aan
weli laga isticmaalin gobolada bariga, waxa masuuliyadeeda dusha laga
saaraa dawladda Somaliland, taas oo aan la isku khilaafsanayn masuuliyadda
koowaad ee socodsiinta lacagta dalkan inay lahayd dawladdu horreyso iyo
dambaysaba.
Balse waxa iyaduna meesha ku jirta oo badanaa laga war-wareegaa in
shicibka gobolada barina ay qayb ku leeyihiin socodsiin la’aanta lacagta
Somaliland ee deegaanadooda, iyada oo ay Burco noqotay caqabadii
hortaagnayd fiditaanka isticmaalka lacagta Somaliland.
Waxa iyaduna xaqiiqo ah in laba iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey ee
isticmaalka lacagta Somaliland ku ekaa magaalada Sheekh iyo wixii ka soo
galbeedeeya ay masuuliyiinta dawladda ee hayey xilalka u sareeya ee laga
maamulo dhaqaalaha dalku ay dhamaantood ahaayeen niman ka soo jeeda
gobolada Bari, gaar ahaan Burco iyo Ceerigaabo oo ay waliba ilaa hadda ay
gacanta ku hayaan hanaankii dhaqaale ee dalkan.
Inkasta oo aan tan macnaheedu ahayn in masuuliyiintaasi aanay xaq u lahayn
inay jagooyinkaasi qabtaan, laakiin maadaama deegaamadoodii ay yihiin kuwa
fartu ku godantahay, waxa la garan la’yahay sababta ay mar kali ah, haba
ku guuldaraystaan’e isugu dayi waayeen qorshe lagu hirgelinayo isticmaalka
lacagta ee gobolada bari.
Sidoo kale waxa iyaduna xanuunkeeda leh dhibaatooyinka dhaqaale baabi’inta
ah ee lacagta Somalia ku hayso dadweynaha Burco iyo gobolada bari ee kale,
kuwaas oo noqday maqal ay xarfaanta Majeerteeniya lacagta adag kaga
gurtaan, iyaga oo ku bedelanaya tooda faalsada ah.
Dhibaatada kale ee meesha jirtaa waxay tahay dawladdii oo aan wali
goboladaasi ka hirgelin nidaamkii cashuureed ee keeni lahaa in dadku u
baahdaan lacagta Somaliland. Tusaale ahaan odoroska dakhliga ee cashuuraha
bariga magaalada Burco ee miisaaniyadii 2005 waxa u ahaa lacag ku dhaw
dhaw 398 milyan oo shillinka somaliland ah, halka magaalada Gabiley-na ay
ahayd 339 milyan, Hargeysana 9 Bilyan.
Markaad eegto odoroskan waxaad arkaysaa in cashuuraha berriga ee Burco iyo
kuwa Gabiley ay isku dhaw dhaw yihiin, iyada oo weliba la ogsoon yahay in
Gabiley lafteeda cashuurihii laga heli lahaa aan laga soo wada xaraynin.
Sidaas oo ay tahay ayaa haddana Burco ay taaga dhaantaa gobolada Sool iyo
Sanaag ee bari ka sii xiga.
Lama odhan karo xukuumaddu waxay weyday awoodii iyo farsamadii ay gobolada
bari kaga hirgeliso isticmaalka lacagta Somaliland, sababta oo ah nabadii
iyo doorashooyinkii ka dhib badnaaba way ka hirgaleen deegaanadaasi.
Haddaba dadkii shacbiga ahaa u guntaday in ay deegaanadooda ka hirgeliyaan
doorashooyinkii iyo nabadaba, kamay idlaan kartidii iyo dareenkii
wadaninimo ee ay lacagta Somaliland ku socodsiin lahaayeen’e ee waxa
keliya ee dawladda looga fadhiyaa inay la timaado qorshihii iyo dedaalkii
ay dadka ku horkici lahayd si isticmaalka lacagta Somaliland uga hirgalo
gobolada bari ee Somaliland. Top
Boosaaso: Wershad Lacagta Shillin Soomaaliga
Soo Saarta Oo La Weeraray |
Boosaaso, April 17, 2006 (Haatuf) – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku
dhaawacmay xarunta wershad soo saarta lacagta shilin soomaaliga oo ku
taala magaalada Boosaaso ee maamulka Majeerteeniya, ka dib markii ay soo
weerareen maleeshiyo aan la aqoonsani.
Wershadan oo la sheegay inay saamiyo ku leeyihiin masuuliyiinta
Majeerteeniya, waxa la weeraray habeen hore saqdii dhexe, ilaa haddana
lama garanayo cida ay ahaayeen maleeshiyadaasi, balse waxa looga shakisan
yahay inay yihiin maleeshiyo ka tirsan dagaalyahanka deegaanka Majiyahan
ee uu dhawaan maamulkaasi ku soo duulay dhulkooda.
Wershadan oo ay ilaalinayeen maleeshiyo xoogani, ayaa beryahanba waxa ay
soo saaraysay lacag shilin soomaali faalso, ah taasi oo ka cadhaysiisay
dadka ku dhaqan deegaamadaasi, isla markaana ku eedeeyey maamulka
Majeerteeniya inuu abuurayo sixir barar, ka dib markii uu ogolaaday inay
wershadani ka hawlgasho halkaasi.
Waxa kale oo ay wararku sheegeen in loo malaynayo maleeshiyadani inay
tahay mid ka timid magaalada Boosaaso dhexdeeda, oo ay yihiin dad ka
cadhaysan lacagtan faalsada ah ee lagu samaynayo magaaladoodii.
Hogaamiyayaasha kooxaha ee ku hirdamaya Somalia ayaa sannadihii la soo
dhaafay lacago faalso ah debada ku soo daabacan jiray, balse wershadan
cusub ee laga sameeyey Boosaaso waa markii ugu horeysay ee mid ka mid ah
hogaamiyayaasha kooxaha Somalia wershad lacagta faalsada ah ka hirgeliyo
deegaamada uu ka taliyo, waxaanu Cadde noqonayaa hogaamiye kooxeedka
keliya ee leh wershad soo saarta lacagta shilin soomaaliga faalsada ah.
Dhinaca kale, dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan gobolada bari ayaa
beryahanba ka cabanayey lacagta shilin soomaaliga faalsada ah ee kaga soo
qul-qulaysa dhinaca Majeerteeniya, taasi oo ay sheegeen inay ku hayso
dhaqaale burbur weyn, iyada oo inta lacagtaasi loo keeno, lagaga bedesho
lacagta adag ee dollar-ka ah.
Inkasta oo ay lacagahan faalsada ahi ku soo qul-qulayaan magaalooyinka
bariga Somaliland, haddana xukuumadda iyo baanka Somaliland wax talaabo ah
oo ay ilaa hadda ka qaadeen ma jirto.
Top
Dagaalada Ka Dhanka Ah Shirkadaha Fadhataysiga
Macdanta Oo Ku Sii Fidaya Gudaha Majeerteenya |
Garoowe, April 17, 2006 (Haatuf) – Hal askari oo ka tirsan maleeshiyada
maamul goboleedka Majeerteenya ayaa dhintay kuwo kalena way dhaawacmeen,
dagaal ku dhexmaray deegaano ka tirsan maamulkaasi iyaga iyo maleeshiyo
beeleed ka soo jeeda deegaanka Qandala ee Somalia, kaasi oo ka dambeeyey
ka dib markii shirkad magaceeda la yidhaahdo Range oo uu maamulkaasi
heshiis kula galay inay saliid ka baadho deegaamo ka kala tirsan
Somaliland iyo deegaamada uu ka taliyo ee Somalia iyo weliba kuwa aanu ka
talin ee koonfurta fog ee Somalia.
Waxaanay wararku sheegeen in khubaro ka socotay shirkadaasi oo halkaasi
tagtay ay dib ugu soo noqdeen magaalada Boosaaso, isla markaana waxa uu
maamulka Majeerteenya doonyo ku daldalayaa maleeshiyadiisa, gaar ahaan
kuwa madaxtooyada oo la sheegay inay badi isku beel yihiin ninka hogaamiya
maamulkaasi Cadde Muuse. Waxaana ay wararku intaa ku darayaan in xiisado
abaabul colaadeed deegaamadaasi ka taagan yihiin, isla markaana ay beelaha
halkaasi degaa isku diyaarinayaan sidii ay iskaga difaaci lahaayeen
maleeshiyada Puntland, isla markaana aanay shirkadan uu Cadde la heshiiyey
waxba uga baadhin deegaankooda.
Dagaaladan iyo xiisadahan cusubi waxa ay ku soo beegmeen, waqti ay
maleeshiyada Majeerteenya jab weyn kala kulantay weeraro ay ku soo qaadeen
dadka ku dhaqan deegaamada Majiyahan ee Somaliland, kuwaas oo ay dagaalo
iskaga horyimaadeen dadka deegaankaasi oo iska caabiyey.
Waxaana maleeshiyada Majeerteenya dagaaladan kaga dhintay ilaa sideed ka
tirsan ciidankooda, iyada oo ay ka dhaawacmeen in ka badan lix iyo toban.
Dhinaca kale waxa ay wararku sheegayaan inuu sidoo kale dareen colaadeed
ka jiro meelo ka mid ah gobolka Nugaal ee ay ku taalo xarunta maamulka
Majeerteenya, iyada oo ay dadka ku dhaqan deegaamadaasi isku diyaarinayaan
inay dagaal kala hortagaan qorshaha uu maamulka Cadde ku doonayo inuu
saliid kaga baadho deegaamadaasi.
Dagaaladan iyo rabshadahan ayaa ka dambeeyey ka dib markii uu bishii
November ee sannadkii hore uu madaxweynaha maamulkaasi Cadde Muuse uu
heshiis shidaal baadhiseed la galay shirkad magaceeda la yidhaahdo Range
Resource, taasi oo horaantii sannadkan ay yimaadeen Boosaaso khubaro ka
socotaa.
Inkasta oo ay rabshadahan iyo dagaaladan ka dhaceen deegaamadaasi, haddana
shirkada Range ayaa weli ku adkaysanaysa inay heshiiskaasi dhamaystirto,
iyada oo iska indha tiraysa xaqiiqada jirta, iyo in xataa ugu yaraan dhul
aanu maamulkani ka talin heshiis kula galay.
Top
Taliyihii Saldhigga Bileyska Boorama Oo
Xilkii Laga
Qaaday Mid Kalena Loo Magacaabay |
Boorama, April 17, 2006 (Haatuf) -- Taliyihii hore ee saldhigga Bileyska
Boorama ayaa dorraad si rasmi ah xilkii ugu wareejiyey taliyaha cusub ee
saldhigaas loo soo magacaabay.
Sida uu ku soo waramayo weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar,
taliyihii hore oo xilkaa hayey muddo sannad ku dhawad ah lana yidhaahdo
Cismaan ayaa waxa beddelay Muuse C/Laahi Hanfi (kaadhiin ) oo hore jadagan
u hayn jiray intii aanu beddelin Taliyaha haatan xilka laga qaaday.
Inkastoo aanay jirin warar dheereeraad ah oo la xidhiidha sababta
wakhtigan loo bedelay taliyaha saldhigga Boorama, balse warar ku dhawdhaw
maamulka sare ee ciidanka amniga gobolku sheegayaan in sababta loo
beddelay noqon karto xaaladda amniga Boorama oo waayadan dambe ka soo
daraysay, cabashada qaar ka mid ah dadweynaha oo soo badatay iyo
xidhiidhka wada shaqaynayd ee isaga iyo madaxda ka saraysa oo aan
wanaagsanayn.
Inkastoo Cismaan Haari intii uu xilka hayey, kuna beegnayd wakhtigii
doorashada baarlamaanka cusub ee Somaliland uu gacan adag ku qabtay
maamulka amniga magaalada, balse intii ka dambaysay ayaa waxa Boorama ku
soo badanayey dagaalka kooxa kooxaha ah, gacan ka hadalka qoysaska
magaalada, khilaafka jagooyinka iyo dhismayaasha oo batay.
Taliyaha Cusub ee ciidanka Amniga Boorama, Muuse Kaadhiin oo jadagan ama
xilkan soo hayey muddo dheer ka hor intii aan la beddelin ayaa isaga
magacaabistiisa dad aan wax ka weydiiyey u arkaan in amniga magaalada
Boorama looga maarmi waayey, isla markaana uu ka go’aan qaadasho adagyahay
taliyaha hore oo dad badani u arkaan inuu yahay nin miskiin ah, iskana
dhawra eedeymo uga iman kara qaar ka mid ah dadweynaha, ha ahaadeen
dembiilayaal ama dhibbanayaalba. Top
Taliyihii Hore Ee Ciidanka Bileyska
Somaliland Oo
Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Xabaalaha Qaranka |
Hargeysa, April 17, 2006 (Haatuf) – Alla ha u naxariistee waxa shalay
xabaalaha qaranka ee magaalada Hargeysa lagu aasay taliyihii hore ee
ciidanka Booliska JSL Marxuum C/qaadir Muuse Maxamed oo habeen hore ku
geeriyooday gurigiisa oo ku yaala xaafada Shacabka ee Magaalada Hargeysa.
Marxuum C/qaadir Muuse Maxamed oo hada ahaa la taliyaha sharciga ee golaha
degaanka Hargeysa, waxa aaskiisa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan
xukuumada, taliyayaasha ciidamada booliska iyo asluuubta, madax-dhaqmeedyo
iyo dadweyne farabadan, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada,
wasiirada maaliyada, caafimaadka, beeraha, hawlaha guud, taliyaha ciidanka
booliska, taliye xigeenka ciidanka booliska.
Ugu horeyn la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada iyo xidhiidhka
dadweynaha Cali Maxamed Warancade oo aanu kula kulanay shalay munaasibadii
aaska taliyihii hore ee ciidanka booliska oo aan wax ka weydiinay waxa uu
ka xasuusto marxuum C/qaadir, waxa uu yidhi “Run ahaantii C/qaadir waxa uu
ka mid ahaa raga qiimaha leh ee ka baxay dalkan Somaliland, waxaana lagu
xasuustaa dhaqdhaqaaqyadii ururkii SNM xiligii dawlada Siyaad Bare
kaalintii uu ka geystay iyo isagoo ka mid ahaa ragii madaxda ahaa ee lagu
eedeeyey inay ka dambeeyeen dhagax-tuurkii ardayda ee sanadihii
sideetamaadkii, laguna xidhay. Markii Somaliland ay la soo noqotay
madax-banaanideedii 1991-kii waxa uu ka mid ahaa ragii dhismaha Somaliland
qaybta libaax ka qaatay ilaa wakhtigii ay dagaalada sokeeye ka dhaceen
dalkana waxa uu ka mid ahaa ragii mawqifka adag iska taagay. Run
ahaantiina waxa uu ahaa marxuum C/qaadir nin ka baxay ummadda Somaliland,
qoyskii iyo xaaskii uu ka baxayna waanu ka tacsiyadaynaynaa, illaahayna
samir iyo iimaan ha ka siiyo”.
Taliye xigeenka Ciidanka Booliska Maxamed Shiil Dhidar oo ahaa nin ay
marxuum C/qaadir soo wada shaqeeyeen, ayaa isaga oo ilmo indhihiisa ka
da’ayso yidhi “Marxuum C/qaadir waxa uu ahaa nin xag diineed iyo xag
muwaadinimaba ku wanaagsan, qaranka Somaliland-na nin qaaliya ayaa ka
baxay. Marxuumku waxa uu ciidamada Booliska ka soo tirsanaa sanadihii
60-maadkii, waxa uu ka soo halgamay dib u dhiskii ciidanka booliska
Somaliland, waxaanu iskugu nimid bilowgii ciidanka, isga ayaana qaadanayay
doorka ugu weyn oo taliye ku xigeenkii ciidanka booliska ayuu wakhtigaas
ahaa, wax badan ayaanu u soo qabtay qaranka Somaliland”.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ah Suldaanka Beesha uu ka baxay marxuum
C/qaadir oo aanu wax ka weydiinay waxyaabaha uu ku xasuusto marxuumka,
waxa uu yidhi “Horta marxuum C/qaadir illaahay waxaan uga baryayaa inuu
janadii fardowsa ka waraabiyo, waxaanan tacsi u dirayaa guud ahaan
shacabka Somaliland, saddexda gole qaran, ciidanka booliska, ciidanka
qaranka, ciidanka asluubta. Runtii marxuumku waxa uu ahaa nin aad iyo aad
u qiimo badan oo ehlu diin ah, waxaanu kamid ahaa ragii dhidibada u aasay
ciidanka booliska Somaliland”.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu ka
mid ahaa madaxdii aaska ka soo qayb-gashay ee aanu xabaasha dusheeda kula
kulanay ayaa yidhi “Marka u horeysa illaahay samir iyo iimaan haynaga
siiyo marxuumka, C/qaadir waxa uu ahaa nin iinsaan ah oo aad u fiican,
ummaddana u soo shaqeeyey, xilal badana soo gutay, cadaalad ku shaqeeya,
hawshiisa ka adkaa. Waxa uu ahaa qof alle yaqaan ah oo wadaniya, waxa uu
ahaa nin waajibkiisa iyo xilkiisa aad u yaqaanay, oo marka uu shaqadiisa
qabsanayo raxmad iyo fahmo u lahaa dareenka dadweynaha uu ku kasbanayo.
Waxa uu ku darsaday edaab iyo akhlaaq wanaag farabadan oo uu lahaa, manuu
ahayn dadka awooda ku hanjaba ama ku caga-jugleeya ee is-muujiya. Illaahay
naxariistii janno ha siiyo, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo”.
Taliyaha ciidanka Booliska JSL, Maxamed Cige Cilmi ayaa isaguna yidhi
“Marxuum C/qaadir waxa uu ahaa tiirarka waaweyn ee ciidanka booliska ee
mcalimiinta u noqday, ciidanka waxaan leeyahay ciidanka booliska meel weyn
ayuu kaga jirey, C/qaadir isaga oo caruur ah ayaa laga kaxeeyey
Somaliland, adeerkii oo Adhiile ah ayaa kaxeeyey, Cadan buu geeyey, Cadan
baanu wax ku bartay. Markii uu soo noqdayna waxa uu ka mid noqday
ciidankii Turbataariyada la odha jirey 1963-kii, markii ciidankaa la
baabiiyeyna waxa uu ku soo wareegay ciidanka Booliska ilaa uu ka gaadhay
gaashaanle dhexe, isla markaana waxa uu noqday taliyaha ciidanka booliska
Somaliland oo anigu aan bedelay. Waxa C/qaadir uu ahaa nin muumin ah oo
dhowrsoon illaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo”.
Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo isaguna sifayn
ka bixinaya shakhsiyaadii Marxuum C/qaadir waxa uu yidhi “Runtii C/qaadir
waxa uu ahaa nin masuul ah, xaga shuruucda iyo bileyskaba, wax badana
anaga dawlad hoose ahaan uu noo qaban jirey, la taliyaha xaga sharciga
ayaanu noo ahaa. Runtiina maaha nin aanu iloobi doono, ehelkii iyo
qaraabadii uu ka baxayna waxaanu diraynaa tacsi, illaahayna waxaanu uga
baryaynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo”.
Muuse Cabdi Faruur ayaa isaguna waxa uu ydihi “C/qaadir waxa uu ahaa dadka
uu u baahan yahay dalkeenu inay u shaqeeyaan, amaana waxaa ugu filan intaa
uu madaxda ahaa weli guri uu leeyahay kamuu dhisan Hargeysa, aqalkii
dawladuu ku jiraa, xaaskiisa kalena guri kiro ah ayay ku jirtaa, amaan
intaas ugu filan”.
Maxamed Baarjeex iyo Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ka soo jeeda beesha
marxuumku ka geeriyooday ayaa iyaguna si qoto dheer uga xog-waraay
taariikh nololeedkii marxuumka iyo shakhsiyadiisaba, hase yeeshee waxaynu
taariikh nololeedkii marxuum C/qaadir Muuse Maxamed idiinku soo gudbin
doonaa cadadyada dambe ee Wargeyska. Top
Wasiirka Kalluumaysiga Oo Lagu Eederyay Inuu
Maraakiibta Iyo Doonyaha Kalluumaysiga Isugu
Keenay Inta U Dhexaysa Berbera Iyo Saylac Kana
soo Kaxeeyey Xeebaha Bariga Somaliland |
Boorama, April 17, 2006 (Haatuf) -- Warar ka imanaya degaanada Saylac iyo
Lughaya ayaa sheegaya in waayadan dambe doonyaha kalluumaysiga ee ka
imanaya dhinaca Yemen iyo meelo kaleba ay ku soo badanayaan xeebaha
galbeed ee Somaliland, isla markaana kalluumaysatadii reer Somaliland
dhibaato kala kulmeen sidii ay uga kalluumaysan lahaayeen dhulkaasi.
Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha kalluumaysigaasi, waxay intaa ku
dareen in doonyahan badan oo inta badan haysta rukhsadda wasaaradda
kalluumaysigu iyo kuwaan haysaninba la tuhusan yahay inay ka yimaaddeen
xeebaha Bariga Somaliland, kuwaas oo sida laga soo xigtay sheegay in amar
lagu siiyey inay u wareegaan badda u dhaxaysa Berbera ilaa Saylac.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Boorama, Maxamed Cumar,
inkastoo aanay jirin warar rasmi ah oo ku saabsan arrintaasi oo ka soo
baxay maamulka dawladda ee gobolka iyo laamaha dawladda ee la xidhiidha
kalluumaysiga, waxase waayadan dambe caado u noqotay in ciidamada qaranka
Somaliland ay maraakiib iyo doonyo kalluumaysi oo badan dhawaanahanba ka
soo qabqabteen xeebta u dhaxaysa Lughaya iyo Saylac. Doonyahaasi oo laga
lahaa dalka Yemen badankoodii waa la xukumay, qaarna waxa sii daayey
wasiirka kalluumaysiga intii aanay xukuumadda Somaliland saamaxaadda iyo
digniinta siinin shaqaalihii iyo doonyihii la qabtay.
Hore ayaa xubno ka tirsan kalluumaysatada gobolkan Awdal qaarkood uga
cawdeen in xukuumadda, gaar ahaanna wasaaradda kalluumaysigu, doonyaha
kalluumaysiga ku khasbeen inay ka kalluumaystaan inta u dhaxaysa Lughaya
iyo Saylac, taas oo markii dambena ay sheegeen in eedeymo loogu soo
jeediyey xukuumadda iyo madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale inuu doonyo
iyo maraakiib badda xaalufinaya uu liisammo siiyey, taas oo ay xubnahaa
kalluumaystada ahi sheegeen inaanay waxba ka jirin eedeymahaasi ee ay
tahay arrimo meelo kale ka socda una baahan in la ogaado. Top
Wasiirka Caafimaadka Oo Adeeg-Xumada
Cusbitaalada
Dalka Ka Jira Ku Sababeeyay Dhakhaatiir Yaraan |
“Cidi Ma Joogto Xarunta Wasaarada Oo Dhakhaatiirtii Waxay U Shaqo Tageen
Hay’adaha” Hargeysa, April 17, 2006 (Haatuf) – Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada
Somaliland, Cismaan Qaasim Qodax, ayaa dhibaatooyinka naafeeyay adeegyada
caafimaadka Cusbitaalada dalka ku tilmaamay inay sabab u yihiin
dhakhaatiir la’aan soo waajahday cusbitaalada dadweynaha, kadib markii ay
dawladdu awoodi kari wayday inay siiso mushahar ku filan, taasina ay
keentay inay shaqadii cusbitaalada ay ka hayeen ka tagaan oo ay xarumo
gaar ah furtaan, qaar ka mid ahina shaqooyin ka helaan hay’adda sama-falka
ee dalka ku sugan.
Sidaana waxa uu wasiirku u sheegay weriyeyaal ka tirsan wargeyska Haatuf
oo shalay ku booqday xafiiskiisa, si ay wax uga weydiiyaan dadweyne la
sheegay inay mudaharaad ka sameeyeen cusbitaalka magaalada Berbera ee
xarunta gobolka Saaxil maalintii Sabtidii dorraad, kadib markii ay dad
eheladooda ah oo shil gaadhi ku soo dhaawacmay oo la dhigay cusbitaalkaas
loo waayay cid gaargaar caafimaad u samaysa dadkii dhaawaca ahaa, taasina
ay keentay inay mudaharaad cabasho ah ku maraan dariiqyada Berbera.
Mr. Cismaan Qaasim oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidhay arrinta
mudaharaadkani ka dhashay, waxa uu yidhi: “1988 ayaa wadanka ugu dambaysay
wax la yidhaahdo heer aqoontii leh oo ka soo baxa jaamacadihii ama
dugsiyadii tababarka ee Kal-kaaliyeyaasha caafimaadka kuwii Hargeysa iyo
kii Xamar. Waa muddo 19 sannadood ah inta laga joogo muddadaas wadanka
umay soo bixin wax dhakhaatiir iyo kal-kaaliyeyaal sare ahba. Intii yarayd
ee waqtigaas ka soo hadhayna hablihii hadaad u fiirsato waqtigaas ka soo
baxay mid walba toban carruur ah ayay leedahay oo waa hooyo,
dhakhaatiirtii laftigoodii way gaboobeen. Dhaqaale yaraanta wadanka ka
jirta iyo cidhiidhiga jira, ma awoodno inaynu siino mushahar ku filan
shaqaalaha, markaa ninka dhakhtarka ah lacagta mushaharka ah ee uu qaataa
waa 350,000 Sh.Sl oo ah wax u dhigma $50 dollar, taasi waxay sababtay in
dhakhaatiirtii furtaan rug caafimaad u gaar ah, inay hay’adaha samafalka
ee inoo yimid u shaqeeyaan, markaana laga waayo meelihii cusbitaalada
dadweynaha ahaa ama MCHyada, dabadeed cid joogta oo ka shaqaysa laga waayo.
Mushkiladda ugu daran ee dalka haysataana waxa weeyaan taas oo masalan
Berbera oo kale ee laga qaylinayaa dawo la’aani ma jirto, waqtigii ugu
dambeeyay dalka dhowr iyo toban koontiinar oo daawooyin ah ayaa Berbera
yimi, cusbitaalka Berbera uun baa siday u dhammaayeen keligii qaatay
Laakiin daawadu haddii cid wax ku daawaynaysaa jirin dee waxba ma tarto.
Dadkan cabanayaa waxa weeyi waxa laga waayay cusbitaalkii dhakhaatiir u
adeegta dadkii oo magaalada Berbera hal dhakhtar baa jooga cusbitaalka,
isu-duwihii gobolkana ah. Mushkilada labaad waxa weeye magaalooyinkii
yaryaraa oo dhan dadkii way ka soo baxeen, dhakhaatiirtiina waxay u soo
baxeen meel dad badan oo meesha dadka badani way bukaan badan tahay oo
meesha qofka xaruntiisa gaarka ahi ka helayso bukaan-jiif badan ayuu
tegayaa. Hargeysa oo kale dhakhaatiirta joogtaa waxa lagu qiyaasaa
maalintii inay eegaan 50 bukaan-socod oo qofkii ka qaadaan 20,000 sh.sl,
taas oo wadar ahaan noqonaysa hal milyan oo u dhiganta $150 dollar, markaa
ninka xadiga lacagtaas meel gaar uu u leeyahay ka helaya ee la leeyahay
sideed saacadood $50 dollar ku shaqee, dee kuma shaqaynayo. Markaa
mushkiladaas Berbera ee mudaharaadku waxay ahayd hal dhakhtar baa jooga,
waanad qiyaasi karaysaan waxqabadkiisa. Waanay iska dhacdaa siyaalo badan
oo kale oo abaabul iyo dad kaloo ujeedooyin badan lihi way ka dhex
shaqaystaan.”
Wasiirka mar la weydiiyay su’aal ahayd, “dhakhaatiirta aad sheegtay inay u
shaqeeyaan hay’adaha samafalka, ma cusbitaalo hay’aduhu leeyihiin ayay ka
hawl-galaan, mise jirtaa qorshe aad hay’adaha kaga codsateen inay idinka
caawiyaan xaga mushaharka dhakhaatiirta cusbitaalada ka hawl-gala?”
waxaanu wasiirku taas kaga jawaabay “Inta badan waxaanu hay’adaha ka wada
hadalnaa dhaqaalahan aad siddaan waxa laydinku soo siinayaana waa inaad
wax ugu tartaan caafimaadka dalka. Masalan hay’adda WHO oo kale waxay
ahayd xafiiskeedu inuu ahaado wasaarada caafimaadka sida dhaqankeega
adduunka loogu talo-galay, in dhakhaatiirta iyo wasaarada ay ka caawiso
xaga farsamada xaga kor u qaadka nololaha aasaasiga ah, xaga qalabka iyo
tababarada, kuna siiso wasaarada gudaheeda. Imika waad aragteenoo [xarunta
wasaarada caafimaadka] cidi ma joogto, dhakhaatiir miidhan baa joogi
jirtay, dhakhaatiirtii imika waxay ka shaqeeyaan hay’adaha. Ayaan-darrada
na haysataa waxa weeyaan inankii dhakhtarka ahaa markuu hay’addii u tago,
waxa la leeyahay waa inuu siyaasadii hay’adda fuliyo, waxaanu noqdaa uun
shilke inta lanaga qabsaday dib naloogu soo isticmaalay. Laakiin sharciyan
waxa weeyaan inay cusbitaalada ama wasaarada ku siiyaan gunada, taanu in
badan ka codsanaynay ee aanu ku daba-joogno ee aanu hadda uun ku dhow
nahay inaanu ka midho dhalino taas weeyaan.”
Mar la weydiiyay su’aal ahayd “Markaa ma waxaad leedahay hay’adihii waxay
wadanka ku soo kordhiyeen inay dhakhaatiirtii cusbitaalka kaxaystaan?”,
waxa wasiirka Caafimaadka iyo Shaqadu kaga jawaabay oo uu yidhi: Wallaahi
wax badan baa ishelayoo nin baa beri yidhi “nin lacag haysatan waad
sheegaysaan, dad baahanina way jiraan, si ay labadaasi isu waajahaan ma
garan”, markaa waxa weeye baahina way jirtaa oo dhakhaatiirta laftoodu
nolol bay raadinayaan, hay’adihiina shaqadii bay hayaan, markaa waxa weeye
dhakhtarka laftiisa marka uu ku waayo in meeshii wax lagu siiyo ama
haykalkii dawladnimo ee uu ku dhex jiray uu ka heli waayo wax badan
masaariiftiisii, way kelifaysaa inuu shaqo tago, hay’adiina way u baahan
tahay wax u shaqeeya. Markaa waa ninkaas lacagta haysta iyo qof baahanoo
labadaasi iswaayi maayaan oo sidaas ayay isugu imanayaan.”
“Waxa la sheegayaa in daawooyin hay’adda WHO dalka keentay muddo saddex
bilood ah kastamka ku xaniban tahay, cashuur-dhaafkii aad u samayseena
aanu wasiirka Qorshayntu u gudbin dhinaca Maaliyadda, arrintaas maxaad
kala socotaa?” ayaa mar kale la weydiiyay Mudane Cismaan Qaasim, waxaanu
isagoo su’aashaas ka jawaabaya yidhi: “Annagu wasaaradii Caafimaadka
ayaanu nahay wixii hay’adaha caafimaadka ku shaqada leh ee daawooyin iyo
cashuur-dhaaf qalab caafimaad ah ee naloo keeno wuxuu cashuur-dhaafku
nagaga baxaa maalin ama laba, dabadeed waxaanu u gudbinaa Wasaarada
Qorshaynta, iyaduna Maaliyadday u sii gudbisaa. Markaa annagu intaanu
ognahay hay’adihii aanu u samaynay cashuur-dhaafka, cid qoraal noogu
keentay ama cabasho noogu timid oo tidhi waxaa naga haysta wixii aad
cashuur-dhaafka noogu samayseen wasaarada Qorshaynta maanaan arag oo
noomay iman, hadal suuqa ku jirana waxba ka jawaabi maynoo dadku wuu
hadalo badan yahay, laakiin hay’adihii aanu wax u samaynay ee aanu
Qorshaynta ugu gudbinay nagumay soo noqon, markaa anigu waxaan u
qaadanayaa uun wax dhibaato ahi inaanay jirin.”
Ugu dambayntii wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada, Cismaan Qaasim Qodax oo
la weydiiyay inay hay’adaha sama-falka ee daawooyinka ay keenaan
cashuur-dhaafka loo sameeyo daba-gal ku sameeyaan, waxa uu isagoo ka
jawaabaya yidhi: “Haa wixii dalka gudihiisa ah daba-gal waanu ku samaynaa.” Top
Durkinta Musdambeedka Dimuqraadiyadda
Xildhibaan: Cabdiraxman Yusuf Cartan
Doorasho doorasho daraadeed loo galay |
Doorashadii Baarlamaanka ee qabsoontay 29kii bishii Sebtember, 2005, waxay
dhammaystiraysay marxalad muhiim ah oo shacabka Somaliland si xilkasnimo
ah uga soo gudbay. Madaxda dalkuna aad ayay ugu faanaan hawshaa culsus ee
lagu guulaystay, gaar ahaan, madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo
munaasibado dhawr ah kaga tiraabay inuu yahay kan dalka ka hirgeliyey
saddex doorasho oo xidhiidh ah. Waa ay tahay wax lagu faano, waxana xaqiiq
ah in arrimahaasi ay ku qormayaan sooyaalka taariikhda ee dalkan da`da yar.
Haseyeeshee waxa loo baahan yahay inay madaxdu fahamto inaan doorashada
loo samayn doorasho uun daraadeed, balse doorashadu ahayd wasiiladdii loo
marayey maamul wanaagga, wasiiladdii dadku u heli lahaa fursad ay ku
xushaan wakiiladooda iyo hoggaamiyeyaashooda, fursadii lagu dhisi lahaa
haddii ay maqan yihiin ama lagu toosin lahaa haddii ay jireen hay‘adaha
dimuqraadiga ahaa (sida baarlamaanka, golayaasha degaanka, madaxtooyada)
ee ka lib keeni lahaa dhalinta isbeddel dhab ah.
Doorashada iyo dhibteeda looma gelin doorasho uun daraadeed, waxa loo
galay in madaxdu ku shaqeeyaan rabitaanka kuwii soo doortay, in dadku la
xisaabtamaan madaxdooda.
Golayaalshii degaanka ee la doortay way ku guuldaraysteen inay ka
turjumaan himaladii dadkii soo doortay. Waxay noqdeen kuwo dantooda gaarka
ah u heellan oo si fool xun ugu tagrifala dakhliga ka soo gala cashuuraha
ay danyarta ka ururiyaan.
Dad badan ayaa ku qanacsan inay uga sii daraan mooyaane aan waxba ka
beddelin xaaladdii ay ku sugnaayeen dawladaha hoose doorashada ka hor. Kol
haddaan laga helin ujeedadii laga lahaa, waxay noqonaysaa doorasho u
dhacday doorasho uun daraadeed.
Doorashadii madaxtooyada
Waxa la galay doorashadii madaxtooyada oo ay ku tartamayeen laba
madaxweyne iyo laba madaxweyne xigeen. Aad ayaa natiijadu isugu dhoweyd;
dawladaha waaweyn bay adag tahay siday ugu kala baxaan lambarada sidaa u
yar. Waa ku mahadsan yihiin xilkasnimada ay muujiyeen Axmed Siilaanyo iyo
Cabdiraxman Aw Cali oo kaadhka mucaaridka ku tartamayey. Guushii waxay
raacday Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf, hambalyo. Maxaa is beddelay? Ma
ka jawaabeen himilooyinka boqolaalkii kun ee codbixiye ee gobol walba iyo
qabiil walba ka soo jeeday ee kalsoonidooda siiyey? Mase ka jawaabeen
himilooyinka boqolaalka kun ee murashaxiintii laga helay taageersanaa ee
sida bisaylka leh u aqbalay natiijadii doorashada?
Madaxtooyadii la doortay iskuma dayin inay ciddi caaradeed ka beddelaan
sidii arrimuhu ahaan jireen doorashada ka hor. Waxba kama beddelin tiradii
iyo tayadii golihii wasiirada ee laga dhaxlay marxuum Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal, waxba iskama beddelin dhuumaha ay sida conveyor belt-ka
soo marto hantida ka soo baxda ilaha dhaqaale ee ugu waaweyn dalka taas oo
ku aroorta qasriga madaxtooyada sidii laga dhaxlay marxuumkii. Lunsiga iyo
ku tagrifalka hantida qaranka ee ka jirta heer kastoo maamul, inay ka
xumaato mooyee kama soo rayn doorashada ka dib.
Haddii hawluhu sidoodii hore ku soconayaan, doorashada iyo dhibteeda ma
waxaynnu u samaynay doorsho uun daraadeed?
Baarlamaanka Cusub
Baarlamaanka Cusub maxaa dadku ka filayey? Maxayse xukuumaddu ka doonaysay?
Dadku wuxu ka filayey inuu isbeddel keeno, in goluhu wax ka qabto fasaadka
xadh-kaha goostay, in hay‘ado dimuqraadi ah oo isbeddel horseedaa ay dalka
ka hanaqaadaan. Ugu yaraan siddeeddii kun ee ii codeeyey himiladaas ayay
ku naaloonayeen. Waxana filayaa dadweynihii codka bixinayey kuwaas uun bay
la mid ahaayeen.
Madaxtooyada oo ah tii ku timid codka dadweynuhu maxay golaha wakiilada ka
filaysay? Sidii ay muujisay doorashadii shirguddoonku, madaxtooyadu waxay
ku taamaysay inaan golaha wakiiladu ka duwanaan golayaasha degaanka ee la
soo doortay. Gaar ahaan, in shirguddoonku noqdo muxaafid, oo haddii ay
wada noqon waayaan, guddoomiyuhu noqdo xisbiga UDUB, si golaha cusubi ula
mid ahaado golihii ka horreeyey, dhaameelkoodana iska gurtaan sidii kii ka
horreeyey. Hawluhuna isaga socdaan siday weligood u socon jireen.
Xukuumadddu waxay qiyaasi kari la‘ayd siday ula shaqayn karayso gole uu
hoggaamianayo shirguddoon mucaarid ahi. Taas ayaa ugu wacnayd inay
xukuumaddu ka wareegto habdhaqankii xisbinimo una wareegto adeegsiga qaab
beeleed iyo madax dhaqameedyadii, xubnaha xisbiyada mucaaridka ahna ku
kasbato sifooyin aan sharci ahayn. Haddaba doorashada ma doorasho
daraadeed uun baa loo galay?
Arrimahaas aynnu kor ku soo sheegnay oo dhammi waxay muujinayaan in si
kastoo doorashooyin u dhaceen aan maamulka jiraa damacsanayn inuu qaado
tallaabo qudha oo ku wajahan maamul wanaajinta, in maamulku waxa ka qabto
kobcinta hay’adaha dimuqraadiga ah sida xisbiyada, baarlamaanka,
golayaasha degaanka, iyo ka jawaabista rabitaankii boqolaalkii kun ee
codkooda bixiyey si isbeddel u yimmaado. Waxa kale oo si cad u muuqata
inaan maamulku diyaar u ahayn inuu wax la qabsado cid kastoo ku hamiyaysa
in wax laga beddelo xaaladda dalka.
Soo bandhigiddii miisaaniyadda qaranka ee 2006
Soo gudbintii miisaaniyadda qaranka ee 2006 ayaa iyaduna marag ka ah in
maamulka jiraa ka caga jiidayo isbeddel nooc kastuu yahayba.
Waxa taas u daliil ah: waxa la filayey madaxweynuhuna uu dhowr jeer
fagaare ka sheegay inuu dhisayo xukuumad kooban oo tayo leh. Hase yeeshee
miisaaniyadda 2006 waxay muujisay in madaxweynuhu go‘aansaday in arrimuhu
u socdaan sidii ay ahaayeen. Waxa la eegayey in xukuumaddu doorashada ka
dib ka hawlgelayso wax ka qabashada fasaadka iyo lunsiga hantida qaranka.
Taasna miisaaniyadii golaha la soo hor dhigay ayaa muujisay, waayo
xukuumaddu waxay geed dheer iyo mid gaabanba u foolshay sidii ay golaha u
marsiin lahayd ansixinteeda iyadoo adeegsanaysa sifooyin aan sharci ahayn
anshaxa dawladnimona ka fog.
Waxa xukuumadda loo ansixiyey miisaaniyadda iyadoo ay maqan yihiin xisaab
xidhyadii sanadihii 2002, 2003, 2004.
Golaha wakiilada oo cusub ishaarooyin badan ayuu madaxweynaha u diray uu
ku muujinayo sida goluhu diyaar ugu yahay inuu la shaqeeyo xukuumadda.
Hase yeeshee waxad mooddaa in wasiirada xukuumaddu ku guulaysteen in
golaha iyo madaxweynaha kala ilaaliyaan, iyagoo ka dhaadhicinaya in
isbahaysiga mucaaridku yihiin kuwo xukuumadda ku maqan.
Inkastoo miisaaniyadii la si daayey iyadoo uu maqan yahay xisaab xidhyadii,
haddana dooddii golaha wakiiladu ka yeesheen miisaaniyadda 2006 waxay aad
u iftiimisay boogaha tirada badan iyo musuqmaasuqa gaamuray ee laciifiyey
dalkan. Sii deynta miisaaniyadda waxa kale oo loo fasiran karaa farriin
golaha cusub ee mucaaridku hoggaaminayaa u dirayo Madaxweynaha in golaha
la doortay jecel yahay inay la shaqeeyaan madaxweyne la doortay.
Taasi waxay fursad u tahay in Madaxweynuhu ka soo baxo gidaarka birta ah
ee ay ku wareejiyeen wasiiradiisa xarfaanta ah ee nasteexa isaga dhigayaa.
Golaha wakiilada ee cusubi wuxu aaminsan yahay in ay Soomalinad ugu
badinayso markay dhismaha dalka iska kaashadaan hay‘adihii dadku soo
doortay (madaxtooyada iyo baarlamaanka).
Haddii ay ku adag tahay inuu madaxweynuhu iska xoreeyo wasiirada xuurtada
ku haysta waxa kaga filan golaha wakiilada oo uu hor keeno.
Haddii aannu sidaas yeelin arrimuhuna sidoodii hore ku sii socdaan, waxay
xaajadu noqonaysaa maxaa daal la korodhsaday amase doorashooyin loo galay
doorashooyin uun daraadood.
[cycartan@yahoo.com] Top
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Dadka Soomaaliyeed Iyo
Somaliland Ha Coleysiinina |
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Dadka Soomaaliyeed Iyo
Somaliland Ha Coleysiinina
Anigoo ka mid ah akhristayaasha wargeyska Haatuf, waxan marmarka qaarkood
la yaabaa qoraalada ku soo baxa wargeyska oo aan is idhaahdo waa kuwa
cabsigelin iyo shaki ku kala beeri kara Soomaalida meel kasta oo ay joogto
iyo reer Somaliland. Waxaan waayadan dambe si gaar ah u akhriyaa afkaaraha
ku saabsan waxyaalaha maanta caalamka ka taagan, gaar ahaanna geeska
Afrika. Waxyaalaha aan is idhaahdo khalkhalbay shacbiga gelinaysaa iyo
shaki waxa ka mid ah arrimaha la xidhiidha waxa argagixisada loo yaqaan
iyo ururada Al-Itixaad,OLF, ONLF, Al-qaacida, iwm. Haddaba sida Haatuf wax
uga qoro arrimahaasi ayaa waxa ugu dambaysay qoraal war ah oo ku soo baxay
wargeyska cadadkii Jimcihii 11.4.2006, kaas oo ka sheekaynayey in xubno ka
tirsan hogaanka Al-itixaad ay booqasho ku yimaaddeen Somaliland. Warkaas
oo lagu xusay shakhsiyaad reer Soomaaliya ah oo wargeysku ku sheegay inay
Al itixaad ka tirsan yihiin, waxaan u arkay inay tahay war uu ka muuqdo
nacaybka soomaalida dhulkeenna timaadda iyo cadaawad Somaliland loo soo
jiidayo. Ninka lagu xusay warkaasi oo la yidhaahdo Axmed Nuur Jimcaale,
waa Soomaali, shirkad ka mid ah shirkadaha Soomaalidana madax ka ahaa,
xoolihiisii iyo xoolihii soomaalida kale ee uu hayeyba laga dhacay, lana
ogaaday inaanu shaqo ku lahayn ururada lagu sheegay argagixisada, lamana
sii daayeen haddii uu dembiile dad laayay uu yahay, imikana dalalkii ka
qaaday xoolihiisii iyo kuwii soomaaliduna ay u dacwoonayaan sidii loogu
soo celin lahaa hantidaasi Soomaalida ka maqan.
Waxaa kale oo aan u arkaa nin shaqo la' oo weliba gaalo badan la colowday.
Inkastoo aanan ninkaasi wejigiisa arag ama aanan ogeyn meel uu ku
suganyahay balse waxay aniga ila tahay in xitaa haddii ay jirto oo
ammaankiisa Somaliland ula soo baxsado la magangeliyo, mana aha in farta
loogu fiiqo cadowga eryenaya.
Haddaba dawlad baan leenahay, xilna wuxu inaga iyo dawladdaba saaran yahay
markaan wadajir u ogaanno cidda dhibta innoo leh ee maaha in la yidhaahdo
Soomaali argagixiso ah ayaa Somaliland yimi, sababtoo ah waxay keenaysaa
in Somaliland Soomaalidu la collowdo oo cidiba innoo iman weydo innaguna
aan meel aan Hargeysa iyo Boorama ahayn tegi kari weyno oo aan go'doon ka
noqonno Soomaalida inteeda kale meel kasta oo ay joogtaba gaar ahaanna
dalalka deriska ee ay Soomaaliya ka mid tahay.
Sidaa darteed waxan walaalahayga Haatuf u soo jeedin lahaa dadka ha innaga
didinina ee soo dhaweeya, ciddii dhibaato iyo argagisxiso ahna aan
ciidamada dawladda iyo shicibkaba la kaashanno sidaan iskaga qaban lahayn
arrinkeenuna yaannu noqonin qabta waa Soomaali argagixiso, ciddii kale ama
dalkii kale ee raadsanaya argagixisadana waxba innagama gelin ee dawladda
ha kala heshiiyo.
Wa bilaahi tawfiiq .
Qore, C/Laahi Sh. Xuseen Galab, Boorama, Somaliland Top
|