Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1109 May 17, 2006

Jaaliyaada Somaliland ee Seattle

Safarka Madaxweyne Rayaale Ee Addis Ababa Oo La Filayo Inuu Sare U Qaado Maqaamka Qaddiyadda
Aqoonsiga Somaliland

Banaan-bax Ballaadhan Oo Jaaliyadaha Somaliland Xuska
18 May Ku Muujin Doonaan Ictiraaf Doonka

Golaha Guurtida Oo Guddi Dhexdhexaadin Ah U Saaray
Xaaladda Dagaal Ee Ka Taagan Degmada Buuhoodle

Ayaan Xirsi Oo Laga Eryey Baarlamaanka Holland, Dhalashadiina Laga Qaaday

Mudane Dhugad Oo Dr. Gaboose Ku Eedeeyey Inuu
Dalka Soo Geliyey Oo Uu Ku Qaybiyo Lacago Lagu
Mijo Xaabinayo Qaranimada Somaliland

“Muddo Kordhinta Waxa Iska Leh Maxkamadda Sare,
Mana Jirto Hay’ad Kale Oo Wax Kordhin Kartaa, Guurtiduna Iskuma Kordhin Karto”
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Faysal X. Jaamac

Beesha Subeer Awal Oo Sharci-Darro Ku Tilmaantay
Muddo-Kordhinta Golaha Guurtida

“Waxa Nasiib Daro Ah In Caaqilka Loo Xidhay Arinkaasi Inuu Yidhaahdo Waxba Kama Ogi”
Jawaab celin: Axmed Maxamuud Buuni

Banaan-bax Lagu Taageerayo Muddo-Kordhinta Guurtida Oo Ka Dhacay Berbera

“Inkasta Oo Uu Madaxweynuhu Digreeto Ka Soo
Saaray Dhulka, Haddana Ilaa Hadda Mushkiladii
Dhulku Way Taagan Tahay, Dhaliisha Ugu Weyna Waxa Leh Dawladda Hoose”
Wareysi – Taliyaha Ciidanka Bileyska- Maxamed Cige Cilmi

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Muwaadinimadu Ma Waxa Weeyaan Ninkii Shaadh Dawladeed Xidhan Iyo Ninkii Lacagle?
Dadka Danyarta ah iyo dadka Reer Miyiga ahi miyaanay muwaadiniin ahayn?

Risiq-maanac iyo Gar-Diid

Somaliland Ma Quudhsibaa Mise Waa Qaran?

Dildilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

 


Ogeysiis

Akhristayaasha sharafta leh waxaanu ogeysiinayna in Jaaliyada Somaliland ee Seattle xaflad qabanayso May 21 oo loogu dabbaldagayo sannad guuradi 15aad ee la so noqoshada madaxbannanida Somaliland.

Goobta uu dabaaldaggu ka dhacayo:  New Holly Gathering Hall
                                                         7054 32nd Ave South Seattle WA 98118

Taariikhda iyo wakhtiga uu dabaaldaggu dhacayo: Axadda (May 21, 2006)
                                                                            Sagaalka ila 12ka habeenimo (9 pm –12pm)

Haddi ad faah faahin u baahantahay la soo xidhidh: 206-760-4907

Top


Safarka Madaxweyne Rayaale Ee Addis Ababa Oo
La Filayo Inuu Sare U Qaado Maqaamka Qaddiyadda
Aqoonsiga Somaliland

Addis Ababa, May 17, 2006 (Haatuf) – Sida ay Haatuf u sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ee booqashada ku joogay magaalada Addis Ababa ayaa halkaasi kala kulmay jewi siyaasadeed oo soo dhaweynaya.

Arrintan ayey diblomaasiyiintu ku macneeyeen waxoogay horumar ah oo laga gaadhay qaddiyada aqoonsi raadinta Somaliland, iyada oo wada hadaladii ay madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu la yeesheen masuuliyiinta Itoobiya ay labada dhinac isla meel dhigaan arrimo la xidhiidha kor u qaadida xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana ay ka mid yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka siyaasadeed ee labada dal, iyada ay wararku sheegeen in Itoobiya ay horumarin ku samaynayso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan xagga siyaasada, oo la filayo inay labada dhinac meel isla dhigaan waxyaabo badan.

Waxa kale oo ay wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa sheegayaan in weftiga madaxweyne Rayaale iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo koox wasiirada ka mid ahi ay kulan ku yeesheen xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, iyada oo ay ka dibna kulan gaar ah wada yeesheen Madaxweyne Rayaale iyo Ra’iisal Wasaare Zenawi.

Inkasta oo aanay warar rasmi ahi ka soo bixin wada hadaladaasi, haddana sida ay sheegeen ilo ku dhaw dhawi waxa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ganacsi ee labada dal ka dhaxeeya, arrimaha nabadgelyada gobolka, gaar ahaan iskaashiga amaanka ee labada dal, ganacsiga isaga gudba labada dal, iyo sidii loo balaadhin lahaa mashruuca Berbera Corridor.

Waxa kale oo arrimahan lagu sheegay warsaxaafadeed ay habeen hore soo saartay madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa kulan uu shalay la yeeshay masuuliyiinta Midawga Afrika iyo danjirayaasha shisheeyaha ee fadhigoodu yahay Addis Ababa ayay wararku sheegeen in wada hadaladaasi ku dhamaadeen jewi wanaagsan, iyada oo Gudoomiyaha Komishanka Midawga Afrika Alpha cumar Konare ay madaxweynaha Somaliland kulamadii ay yeesheen ay ididiilo gelisay madaxweyne Rayaale.

Danjirayaasha uu madaxweynaha Somaliland shalay kulanka la yeeshay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen safiirka dawladda UK u fadhiya Addis Ababa Mr. Bob Dewar iyo safiirka Maraykanka ee halkaasi, isaga oo madaxweynuhu kulamadan kula yeeshay danjirayaashaasi waxa uu kula kulmay Hoteelka uu degan yahay ee Sheraton.

Top


Banaan-bax Ballaadhan Oo Jaaliyadaha Somaliland Xuska
18 May Ku Muujin Doonaan Ictiraaf Doonka

London, May 17, 2006 (Haatuf) – Jaaliyadda Somaliland ee ku nool magaalooyinka London, Bristol, Sheffield, Liverpool, Cardiff, Birmingham iyo Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa ku qorsheeyay inay dhammaantood isugu soo baxaan banaanbax ay 19 May ka hor sameeyaan xarunta White Hall oo ka soo horjeeda xafiiska Ra’iisal-Wasaaraha Britain, Tony Blair, kaas oo ay ku muujin doonaan sidii ay Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd bulshada Caalamka, gaarka dalka Britain.

Sidaana waxa sheegay qabanqaabiyeyaasha banaan-baxan oo isugu jira wakiilada Xukuumadda Somaliland u jooga dalka Britain iyo masuuliyiinta ururada Jaaliyadaha Somaliland ee Ingiriiska.

Madaxweyne Somaliland Daahir Rayaale ayaa dhambaal qoraal ah oo uu dhammaadkii bishii April ee sannadkan u kala diray wakiilada Somaliland ee dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Kanada, Norway iyo wadamada kale ee Yurub wuxuu faray inay Jaaliyadaha Somaliland ee qabanqaabinaya banaan-baxyadaas munaasibadda 18 May kala qaybqaatan qabanqaabada iyo dhiiri-gelinta.

Dhinaca kalena, jaaliyaddaha magaalooyinka London, Bristol, Sheffield, Liverpool, Cardiff, Birmingham, Manchester, Toronto iyo kuwa ku nool wadamada Jarmalka, Holland, Kanada, Norway, Maraykanka iyo wadamada Khaleejka Carabta ayaa toddobaadadii ugu dambeeyay ku hawlanaa diyaarowga xuska munaasibadda 18 May ee ku sannad-guuradii 15aad ee ka soo wareegatay maalinta madax banaanida Somaliland lagaga dhawaaqay Burco 1991-kii, waxaanay la filayaa munaasibadahaas ay jaaliyaduhu ku soo bandhigi doonaa qadiyadda Ictiraafka ee ay Somaliland beesha Caalamka ka doonayso, iyadoo lagu casuumi doono ashkhaas isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano, culimo iyo dad magacyo waaweyn ku leh wadamadaas.

Xuska noocan kale oo sannadkasta ay Jaaliyadda Somaliland ee wadamada ku dhaqani ay qaban jireen, ayaa la sheegayaa inuu sannadkan ka ballaadhan kuwii sannadadii hore, iyadoo si xoog ah loogu diyaar-garoobay xoojinta munaasibaddan.

Top


Golaha Guurtida Oo Guddi Dhexdhexaadin Ah U Saaray
Xaaladda Dagaal Ee Ka Taagan Degmada Buuhoodle

Hargeysa, May 17, 2006 (Haatuf) – Golaha Guurtida ayaa fadhigoodii shalay guddi u saaray xaaladda ka oogan degmada Buuhoodle, ka dib markii goluhu dood iyo falanqayn ka yeeshay dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Buuhoodle.

Guddidan loo magacaabay oo ka kooban 11 mudane oo ka tirsan golaha guurtida, kuwaas oo la filayo inay maanta u amba-baxaan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer iyo tuulada Anglo oo uu dagaalku ka dhacay.

Mudane Cumar Faarax Budeeye oo ah gudoomiyaha guddida golaha guurtidu u saaray xaalada dagaal ee ka dhacday degaanadaasi ayaa sheegay in guddidoodu ay maanta u socdaali doonaan gobolka Togdheer, isaga oo intaa ku daray inay magaalada Burco kaga biiri doonaan saddex caaqil oo ka kala tirsan beelaha degaankaasi.

Sida ku cad qoraalka magacaabista guddidaas oo uu ku saxeexan yahay C/laahi Ibraahim Habane oo ah xoghaya guud ee golaha guurtida, guddidaas oo ka kooban 11 xubnood oo kala ah:
1. Cumar Faarax Budeeye
2. C/rashiid Sh. C/laahi Aadan
3. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax
4. Yuusuf Sh. Axmed Nuur
5. Sh. Khaliif Sh. Xasan Gudal
6. Cali Cumar Axmed
7. Caydiid Cabdi Maxamed
8. Cawil Xuseen Axmed
9. C/qaadir Aw Xuseen Mire
10. Cumar Nuur Xasan
11. Cali Ismaaciil Jaamac.
 

Top


Ayaan Xirsi Oo Laga Eryey Baarlamaanka Holland,
Dhalashadiina Laga Qaaday

Hague, May 17, 2006 (Haatuf) – Ayaan Xirsi Magan oo ah gabadh Somaaliyeed oo aflagaadooyin ku kacday diinta islaamka ayaa la eryay xubnimadii Baarlamaanka Holland, isla markaana lagala noqday jinsiyadii dalkaas, kadib markii ay ku cadaatay in been ka sheegtay sababihii lagu siiyay magan-gelyada iyo dhalashada dalka Holland, isla markaana waxay Ayaan Xirsi qiratay inay beentaas ku tallaabsatay.

Shir jara'id oo ay shalay qabatay waxa ay ku sheegtay in ay iska casishay xubinimadeedii barlamanka dalka Holland isla markaana ay iskaga bixi doonto dalka Holland.

Ayaan Xirsi oo ka hadlaysa go’aankeeda tegista waxa ay tidhi: "Maanta waxaan iska casilay xubinimadii barlamaanka dalkan, waanan iskaga tegi doonaa dalka Netherlands aniga oo murugaysan, waxaan ka xidhxidhan doonaa boorsooyinkayga oo waan tegi doona..."

Waxay Ayaan shirkeeda jaraa'id ku sheegtay in ay tegi doonto dalka Maraykanka isla markaana ay ka shaqayn doonto oo ay shaqo ka heshay.

Ayaan Xirsi ayaa go'aankan shaaca ka qaaday kadib markii Wasiirka Arrimaha Sodaalka iyo Jinsiyadda (Immigration) ee dalka Holland Mrs. Rita Verdonk ay shaaca ka qaaday in sharcigii laga qaaday Xildhibaanad Ayaan Xirsi Magan.

Go'aankan ayaa soo baxay kadib markii ay wasaarada Socdaalka iyo arrimaha Jinsiyadda ee dalka Holland, baadhitaan ku sameysay war soo baxay oo sheegaya in Ayaan Xirsi ay been ka sheegtay xogtii lagu siiyey sharciga dalka Holland.

Ayaan Xirsi Magan oo ah gabadh ka soo jeeda dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Majeerteeniya, isla markaana uu dhallay Xirsi Magan oo ka mid ahaa ururka SSDF ee uu madaxda ka ahaa Cabdillaahi Yuusuf, balse Ayaan waxay hadda ka mid ahayd Xildhibaanada xisbiga VVD Baarlamaanka dalka Holland ugu jira, waxaanay ku shaacbaxday aflagaadada iyo dhalleecaynta Diinta Islaamka, taas oo colaad badan u soo jiiday keentayna in ammaankeeda si adag loo ilaalayo, iyadoo laba toddobaad ka horna dadweynaha xaafadda ay degaynayd ka ashkatoodeen ilaalida xoogan ee ciidamada amnigu ku sugayeen ammaankeeda, taas oo ay dadkaasi ku ashkatoodeen inay cabsi xoog ah ku beertay, sidaas darteed Maxkamaddu ku xukuntay inay xaafaddaas Ayaan Xirsi ka guurto.

Arintani waxay ka dambaysay markii Ayaan Xirsi Cali oo la sheegay in magaceeda saxda ahi uu yahay Ayaan Xirsi Magan oo ahayd mudane ka tirsan baarlamaanka Netherlands ay qiratay in ay ka been sheegtay sheekadii ay isku dhiibtay sannadkii 1992.

Wasiirka socdaalka Netherlands, Rita Verdonk ayaa Ayaan ku wargelisay in baasaboorkeedana lagala noqon doono maaddaama ay ku qaadatay si aan sax ahayn.
Ayaan Xersi Magan oo markii ay Netherlands tagtay sheegatay in ay toos uga timid Soomaaliya, isla markaana ay ka baxsanayso nin lagu khasbayo in ay guursato ayay caddaatay in labaduba ay been ahaayeen.

Ayaan waxay soo martay dalka Kenya iyo Jarmalka iyo weliba dal saddexaad intii aanay tegin Netherlands.

Waxay hadda ka hor wadajir u sameeyeen filim ay diinta Islaamka ku dhaleecaynayaan nin magaciisa la odhan jiray Theo can Gogh oo isaga lagu dilay Netherlands, sababtaa filimkaas awgii. Intii dilkaa ka dambaysay Ayaan waxay ku nooleyd dhuumasho.

Waxa kale oo caddaatay in aanu jirin nin lagu khasbayey.

Muslimiin badan ayay Ayaan aad uga cadheysiisay marka loo eego qaabka ay diinta wax uga sheegto, iyadoo dadka Soomaalida ah qaar badan aan laguba soo hadal qaadi karin oo ay u arkaan qof diinta Islaamka ku geftay.

Ayaan oo ka tirsan xisbiga VVD ee Liberal-ka ah, oo ka tirsan Isbahaysiga dawladda, waxay soo caan baxday sannadkii 2004, markii uu nin muslimiinta ad-adagi ahi uu dilay Theo van Gogh oo agaasimay filim ay sheekadiisa Ayaan lahayd, oo diinta Islaamka ku eedeynayay in ay haweenka cabbudhiso.

Beenta ay Ayaan ka sheegtay is-dhiibideedii oo uu soo shaacbixiyay sarkaal sare oo xisbigeeda ka tirsan, ayaa waxa ka dambeeyay Telefiishan Netherlands laga leeyahay oo Ayaan ka sameeyay barnaamij uu ku dabagelayo taariikhdeeda, kaas oo wareystay xubno qoyskeeda ka tirsan, oo u sheegay in aan Ayaan lagu khasbin guur, wax ay ka soo baqatayna aanay jirin.

Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Reuters waxay Ayaan qiratay in ay ka been sheegtay markii ay magangelyada weydiisaneysay.

Laakiin Ayaan waxay ku doodeysaa in arrintaa la ogaa tan iyo sannadkii 2002, markii xisbiga VVD uu xubin baarlamaan iyada u soo rashaxayay.

Markii ay dalka soo gashay waxay sheegatay in ay ka timid Soomaaliya, laakiin waxa caddaatay in ay ka soo gashay dalka Jarmalka, ka horna ay soo martay Kenya.

Dadka magangelyo doonka ah waxa nidaamku yahay in ay iska dhiibaan dalka ugu horreeya ee ay yimaadaan marka ay dalkooda ka soo cararaan.

Ayaan oo hadda 36 jir ah, waxa dhalay Xersi Magan oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ah.

Dad badan oo muslimiin ah ayay ka cadheysiisay marka ay samaysay filim muujinaya haweeney qaawan oo jidhkeeda ay ku xardhan yihiin aayadaha quraanka, kana eed sheeganeysa.

Tan iyo markii filimkaa la dhigay Ayaan waxay ku nooshahay dhuumasho iyada oo ilaalo u khaas ahna loo sameeyay.

Wararka qaar ayaa iyaguna sheegaya in laga yaabo inay tegto Majeerteenya, gaar ahaana magaalada Boosaaso oo ay u dhalatay asal ahaan.

Top


Mudane Dhugad Oo Dr. Gaboose Ku Eedeeyey Inuu
Dalka Soo Geliyey Oo Uu Ku Qaybiyo Lacago Lagu
Mijo Xaabinayo Qaranimada Somaliland

“Lacagta Soo Gasha Gacanta Gaboose Anigaa Caddaynaya Somaliland-nay, Waana La Yaqaanaa Shakhsiyaadka La Qaybsada, Wadaadada Muqdisho Ayaanay Ku Xidhan Yihiin”

Hargeysa, May 16, 2006 (Haatuf) – Mudane Dhugad oo ka tirsan golaha Guurtida ayaa ku eedeeyey kuna cambaareeyey Dr. Maxamed Cabdi Gaboose inuu lacago lagu mijo-xaabinayo qaranimada Somaliland uu ka soo qaado dalka talyaaniga iyo wadaadada Itixaadka ee magaalada Muqdisho.

Sidaana waxa uu ku sheegay Md. Dhugad shir ay maalintii doraad beesha habar-Yoonis ay ku yeelatay magaalada Hargeysa,kaasoo mudane Dhugad uu sheegay in Gaboose iyo nin kale oo ay ilmaadeeryihiin oo la yidhaa cawil ay magaalada Burco ka wadaan abaabul iyo kacdoono.

Kulankaasi oo ay soo qabanqaabiyeen mudanayaasha golaha guurtida kaga jira beesha Habar-Yoonis waxa kale oo ay Cuqaasha iyo wax-garadka Beelaha Habar-yoonis sheegeen in muddo kordhinta Golaha Guurtida ay ayidsan yihiin, isla markaana ay taageersan yihiin xubnaha beeshooda kaga jira golaha Guurtida, iyaga oo intaa ku daray inay xaal ka siinayaan shacabka Somaliland shakhsiyaadkii magaca beesha Habar-yoonis sheegtay ee cambaareeyey muddo kordhinta Guurtida.

ugu horeyna halkaa waxa ka hadlay Mudane Dhugad oo ka tirsan golaha Guurtida oo si kulul u weeraray siyaasiga Maxamed Cabdi Gaboose iyo nin lagu magacaabo Cawil oo uu ku eedeeyey inay ka shaqaynayaan arrimo lagu mijo xaabinayo qaranimada Somaliland. Mudane Dhugad oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Laba Nin oo la kala yidhaahdo Dr. Gaboose iyo Cawil oo maalin dhoweyto ka hadlay magaalada Burco oo yidhi beelaha Habar-yoonis ayaanu metelaynaa, labadaa nin ee sidaa yidhi waa laba nin oo Ilmaadeero ah, midkoodna beesha Habar-yoonis afkeeda kuma hadli karo, Dr. Gaboose wakhti imika laga joogo labaatan sanadood ayuu beelaha Habar-yoonis ku soo biirey, ilaa maalintii uu ku soo biirey mar kaliyaata beesha Habar-yoonis cagaha may dhigin, marna Galbeed buu u raraa, marna Bari buu u raraa, maalinba dhinaca uu doono ayuu u dhaqaajiyaa, Habar yoonis oo mucaarad ah ayuu Hargeysa ka tegay oo wuxuu yidhi Beeshaa muxaafid ayaynu ka dhigaynaa, in badan ayuu ka soo shaqeeyey oo ay beeshuna kala shaqaysay, markii beeshu soo hoyatay wasiirka arrimaha gudaha ayaa laga dhigay, markii lix bilood ka dib xilkii laga qaadayna hadana waxa uu doonay inay beeshu mucaarad noqoto oo dagaal dambe ay gasho oo uu qaban-qaabiyey, waxa la yidhi lo’do uu dibiga baadida ahi ku jiro maalintiina geedkii hadhkiisa uma daayo, habeenkiina xeradiisa uma daayo, habeenkii marka uu lo’da xerada u diido ayuun buu libaax iyo dhurwaagu ku laayaa dibada. Dr. Gaboose laba goor oo hore ayuu halkan xisbi ka furtay, mid waynu ogaynoo waa xisbigii dawladnimada horteed dhacay, maalintii la yidhi xisbigaagii wuu soo bixi waayey ayaa noogu dambeysay, dibna looma arag. Qofka saarayda ahi marka sacabka la tumo ayaa waxa ku kaca masaladii saarka, saarkaa maanta ku kacay Dr. Gaboosena waxa uu uga jeedaa dad uu ururiyo oo mucaarad ka dhigo oo uu ku ciyaaro, Dr. gaboosow hadaad Habar-yoonis sheegatay anagaa ah oo xilkeediina na saaran yahay, sodonkii sanno ee ay beeshu soo dagaalamaysayna anagaa intaaba dagaalkeeda, danaheeda iyo qorshaheedaba ku jirnay, anigaygan boqol xabadood ayaa igu yaala, muruqyadaa i-wada go’an, ragaasaa beesha xil ka saaran yahay, markii aanu dagaalamaynay Dr. Gaboose Abtigii Maxamed Siyaad Bare ayuu dawaynayay oo uu la joogay oo dhakhtarkiisa ayuu ahaa, xaguu maanta ka sheegtay Dr. Gaboose inuu yidhaahdo beesha Habar yoonis ayaan metelayaa, Somaliland waxa ku jira oo aanu ognahay saddex milyan iyo badh dollar, bilyan iyo badh waxay ka yimaadeen Talyaaniga oo walaalkiibaa ka wakiil ah oo inaadeerkiiba ka wakiil ah, milyan iyo badhkaasi Hargeysa ayay soo galaan, gacanta Gaboosuu soo galaa, xafiisyo badan oo Hargeysa uga furan ayaa lagu qaybiyaa, ciidan ay qorteena ayaa imika jira oo ah Itixaad, Dawladihii soo dirtay ayaa ku leh sow kan golihii guurtidu dhisan, laba milayn iyo badhka lacagta ah ee gacnta Gaboose soo gasha anigaa cadaynaya Somaliland-nay, waxaana la yaqaanaa shakhsiyaadka la qaybsada lacagta, wadaadada Muqdisho ayaanay ku xidhan yihiin”. Isaga oo intaa ku daray inuu arrimahaa cadayntooda hayo, hadii looga baahdo.

Dhinaca kale, waxa isaguna halkaa ka hadlay Sh. Axmed Dhimbiil oo ka mid ah culimada magaca weyn ee Beesha Habar-yoonis “Waxaynu halkan ku cadaynaynaa anaga oo ah wax-garadka madax-dhaqmeedyada, cuqaasha beelaha Habar-yoonis inaanu taageero iyo ayidaad u samayno muddo kordhintii golaha Guurtida iyo wareegtadii madaxweynaha iyo go’aankii Maxkamadda sare ka soo baxay, Beesha Habar-yoonisna maaha beel laba wiil ay afkeeda ku hadli karaan” ayuu yidhi Sh. Dhimbiil.

Dhinaca kale, waxa isaguna halkaa hadal ka soo jeediyey Chief Caaqil Diiriye Ibraahim Gamadiid, waxaanu yidhi “Anaga oo ka wakiil ah ardaayada beelaha Habar-yoonis waxaanu u cadaynaynaa shacabka Somaliland inaanaan aqoonsanayn shakhsiyaadka magaca beesha ku maxaabsanaya ee u adeegsanaya dhinacyada siyaasada, waxaananu si buuxda uga raali-gelinaynaa shacabka Somaliland shakhsiyaadka magaca beesha u adeegsanaya waxyaabaha aanay beeshani aaminsanayn, waxaanuse leenahay waxaanu ayidsannahay muddo kordhinta guurtida iyo xubnaha beesha kaga jira golaha guurtida”.

Chief Caaqil Aadan Xasan Tarabi ayaa isaguna yidhi “Beelaha Habar-yoonis maaha kuwo afkooda ay ku hadli karaan ashkhaas siyaasi ahi, beeshuna way ka maqaam weyn tahay wax lagu sheego arrimo aanay aaminsanayn, anigoo ku hadlayana magaca madax-dhaqmeedka beesha Habar-yoonis maaha go’aanka beesha waxay inamada yaryari joornaalada ku qoreen ee go’aanka beesha Habar-yoonis waa mid cad oo ayidsan tahay muddo kordhinta Guurtida iyo go’aankii maxkamadda sare”.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Chief Caaqil Cismaan Abokor, Chief Caaqil Maxamed Ceel-u-joog, Caaqil Yuusuf Nuur iyo Chief Caaqil Axmed Aadan Cayngal, iyo Mudane Cumar Nuur oo ka tirsan glaha guurtida, kuwaas oo dhamaan xubnaha ku raacay arrimaha ay sheegeen.
 

Top


“Muddo Kordhinta Waxa Iska Leh Maxkamadda Sare,
Mana Jirto Hay’ad Kale Oo Wax Kordhin Kartaa,
Guurtiduna Iskuma Kordhin Karto”
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Faysal X. Jaamac


Hargeysa, May 17, 2006 (Haatuf) – Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Faysal X. Jaamac oo socdaal caafimaad oo uu dalka dibada kaga maqnaa ka soo laabtay Todobaadkan horaantiisii ayaa beeniyey inuu xilka gudoomiyenimo iska casilayo, isla markaana aanu marnaba warqad qoraal oo is-casilaad ah aanu u gudbin madaxweynaha, isla markaana go’aankii muddo kordhinta golaha guurtida ku tilmaamay arrin sharciyada iyo distoorka waafaqsan.

Sidaana waxa uu gudoomiyaha Maxkamadda sare ku sheegay wareysi uu maalintii shalay xafiiskiisa ku siiyey Wargeyska Haatuf, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay arrimo ku saabsan xeerka dhulka, guddida cadaaladda iyo arrimo kale.

Ugu horeyn, gudoomiyuhu isaga oo ka waramaya safarkiisii caafimaad ee uu dibada kaga soo laabtay waxa uu yidhi “Anigu runtii socdaal caafimaad ayaan u baxay, dawladuna gacan weyn ayay iga siisay safarkaygaa caafimaad ee dibada, dalka Ingiriiska iyo Imaaraadka ayaana arinta caafimaad u tegay, inkasta oo dhakhaatiirtii Ingiriisku aanay ku guulaysan inay xanuunkayga wax ka qabtaan, laakiin dhakhaatiirta Imaaraadku way ku guulaysteen inay xanuunkaygii wax ka qabtaan, waxaana la i-dhigay cusbitaal weyn oo ku yaalay Dubai oo la yidhaahdo World Cares Hospital oo ah cusbitaal aad u qiimo badan, runtiina si weyn ayay xanuunkayga wax uga qabteen, baadhitaan balaadhana way igu sameeyeen, dawladaana iga qacan siisay”.

Mar la weydiiyey inuu madaxweynaha qoraal is-casilaad ah u gudbiyey oo uu ku sababeeyey arrimo caafimaad awgood waxa warkaasi ka jira gudoomiyaha Maxkamadda sare waxa uu yidhi “Arintaasi marnaba may dhicin, subaxdii aan ka dhoofayay madaarka Berbera ayuu habeenimadii nin aanu saaxiib nahay magaalada Burca uu igala soo hadlay, markaasuu igu yidhi shaqadii miyaad ka tagtay, markaasaan ana ku idhi maya ee arin caafimaad ayaan u socdaalayaa, markaasuu igu yidhi waxa la sheegay inuu madaxweynuhu kuu yeedhay oo uu ku yidhi waadigan oo xilkii gudan kari weyday caafimaad awgiiye, istiqaalad soo qoro, warkaasi ma jiro ayaan ku idhi ninkaa aanu saaxiibka ahayn, waxaanay ahayd 30/4/06 oo ahayd maalintaan ka dhoofay madaarka Berbera, waana war been ah oo la fidiyey”.

Mar la weydiiyey markii uu madaxweynuhu qoraalka codsiga ah ee muddo kordhinta u soo qoray Maxkamadda oo uu isaguna dalka ka maqnaa waxa hadana saxeexiisa ku soo daray go’aankii Maxkamadda sare ka soo baxay iyo inuu sii ogaa, waxa uu yidhi “Codsiga madaxweynuhu waxa uu na soo gaadhay intii aanan socdaalka u bixin, markaas maalmihii ka horeeyey ayaanu Maxkamadda ku yeelanay fadhi aanu u dhex-nahay, markaasaanu go’aankaa gaadhnay, waanan ku saxeexannahay”.

Mar la weydiiyey sida uu u arko arrimaha Maxkamadda sare looga soo jeedinayo go’aankii muddo kordhinta oo sheegayay in maxkamaddu ay xaq u leedahay oo kaliya kala saarida marka la isku qabto qodobo sharci, balse aanay xaq u lahayn inay wax kordhiso, gudoomiyuhu waxa uu yidhi “Madaxweynuhu isagaa naga codsaday in muddo kordhin sharciga waafaqsan ay maxkamaddu qaraar dastuuri ah ka soo saarto, tallo bixintayadii waxay noqotay in muddada loo kordhiyo maadaama ay mudadoodii dhamaanayso, markaanu sharcigii eegnayna waxay nala noqotay in mudada loo kordhiyo golaha guurtida, waxaa jiray dad badan oo igu yidhi afarta sannadood way badan tahay, afarta sannadood waxa sheegaya dastuurka, haddii la doonayo in wax laga bedelo mudadooda waxay ahayd intaanaan qaraarka soo saarin in mudada wax laga dhimo, anaguna waxaanu qaraarkayaga ku tilmaamnay mudadii ay joogeen muddo le’eg ayay xilka haynayaan oo afar sanno ah”.

Isaga oo gudoomiyuhu ka jawaabayay su’aal ahayd cida sharciyan iska leh muddo kordhinta, waxa uu yidhi “Muddo kordhinta waxa iska leh maxkamadda dastuuriga ah, marka uu codsigaasi uu yimaado, laakiin hay’ad kale oo wax kordhin kartaa ma jirto, codsiga madaxweynuhuna distoorka ayuu ku cad yahay”. Isaga oo intaa ku daray inaanay sharciyan golaha guurtidu mudadooda isku kordhin karin, balse waxa uu sheegay inay taageeri karaan go’aanka maxkamadda sare ka soo baxa.

Mar la weydiiyey axsaabta mucaaradku go’aanada ay kaga horyimaadeen muddo kordhinta guurtida bal inay u soo gudbiyeen Maxkamadda sare, waxa uu yidhi “Saaxiibadayada mucaaradka wax war aanu ka haynaa ma jirto, gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo aanu dibada ku kulanay wax war ah oo uu sheegay ma jirto”.

Gudoomiyaha mar la weydiiyey sida uu u arko dhaliilaha golaha wakiilada axsaabta mucaaradku ay u jeediyeen maxkamadda sare oo leeyihiin waaxdii garsoorku waxay ku milantay oo ay jeebada ugu jirtaa xukuumadda, waxa uu yidhi “Arintaas waxba kama jiraan, hadaad u fiirsato qodobka dastuurka ee 105-aad, waxa uu odhanayaa ninka gudoomiyaha Maxkamadda sare loo magacaabayaa waa inuu yahay shakhsi ka madax banaan siyaasada, cidna jeeb ugama jirno, cidna jeeb ugama jiri doono, laakiin xaqiiqada qodob sharciya uun baa na khuseeya”.

Mar la weydiiyey sida uu u arko guddida cadaalada oo lagu eedaynayo inay mushkiladaha ka jira Maxkamaddaha ay qayb ka yihiin oo mid kastaana uu dantiisa gaarka ah wato, balse waxa ay toosinayaan jirin, waxa uu yidhi “Ilaa hada imay soo gaadhin cabasho ku saabsan guddida cadaalada, anigu cid ka cabanaysa maan arag”.
Isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd sida uu arko in guddida cadaalada loo sameeyo gudoomiye gaar ah oo laga hoos saaro Maxkamadda sare, waxa uu yidhi “Anigu waxba kama qabo, hadii guddida cadaalada loo samaynayo gudoomiye gaar ah oo ay ka madaxbanaanaanayaan Maxkamadda sare, anagu laftayada waxay naga dul qaadayaan hawsha inta badana cabashooyinka noo yimaada, waxay u badan yihiin”.

Mar la weydiiyey cabashooyinka loo jeedinayo Maxkamadda sare ee la xidhiidha joojintii dacwadaha dhulka ay ku joojiyeen iyo xeerka dhulka ee golaha wakiilada horyaala ee soo bixi la’a oo lala xidhiidhinayo in Maxkamadda sare ay mashruuc ka dhiganayso arrimaha dhulka, waxa uu yidhi “Anigaa amarkayga ku joojiyey dacwadihii dhulka, markii aanu dacwadihii kale ka wadi kari weynay ayaa waxa khasab noqotay inaanu helno sharci aanu u cuskano go’aanada naga soo baxaya ee dacwadaha dhulka, imikana waxaan maqlayay sharcigii dhulku waxa uu horyaalaa gole hebel, qolooyinkeenan xeer dejintana waxaan hore ugu yidhi waar waxaad u baahan tihiin aqoonyahano shuruucda idin hortaala soo gudbiya oo idin kala talisa, xitaa waxaan u gudbiyey sagaal nin oo aqoonyahano ah oo reer somaliland ah oo qurbaha iska jooga, xeerarkii gaabis bay ku yihiin wakiiladii iyo guurtidii, markaa wax noo soo gudbiya oo aanu dhulka wax kagaga qabanaana ma jiro, xeerkaasina waxa uu ka mid yahay xeerka xaniban ee marka la isugu yimaadana la odhanayo halkan ayuu yaalaa, dadka maxaanu ku kala saarnaa malo awaal uun baanu ku wadnaa”.
 

Top


Beesha Subeer Awal Oo Sharci-Darro Ku Tilmaantay
Muddo-Kordhinta Golaha Guurtida

Hargeysa, May 17, 2006 (Haatuf) – Beesha Habar Awal oo ka mid ah beelaha Somaliland, ayaa go’aanka muddo-kordhinta Golaha Guurtida ku tilmaamantay mid aan sharciga iyo dastuurka dalka u yaalla waafaqsanayn, isla markaana uu yahay go’aankaas Madaxweynaha iyo Golaha Guurtidu isku raaceen mid xaaraan ah oo aanay cidna ku metelin.

Sidaana waxa ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen guddida beesha Subeer Awal, kaas oo ay ku sheegeen inay Beeshu taageerayso geedi-socodka dimuqraadiyadda ee Somaliland ka hana-qaaday oo ay ku tilmaameen inuu yahay wadada keliya ee lagu gaadhi karo himilooyinkii ummadda reer Somaliland, isla markaana dalka lagu badbaadin karo.

Bayaankaas ay guddidu soo saartay waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan: “Maanta oo ay bishu tahay 14 may 2006 waxaa shir isugu yimid salaadiinta, aqoonyahanka, culimada iyo gudida beesha Habar Awal, shirkaasi waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda guud ee uu dalku maanta ku sugan yayahay, gaar ahaan go’aankii dhawaan ka soo baxay madaxwaynaha iyo golaha guurtida ee ay isdoorteen isna magacaabeen.

Ka dib markii ay xubnahaasi shirkaasi ka qayb galay darseen distoorka iyo shuruucda dalka u yaala, arkeena in si cadaan ah loogu tuntay distoorkii, waxa ay beeshu ku talaabsatay go’aanadan soo socda:-
1. In go’aankaasi madaxwaynaha iyo golaha guurtidu soo saareen yahay mid xaraan ah , cid aanay ku matalin .
2. In arinkani ku saabsan golaha guurtida yahay mid qaranka oo dhanl saameeya, tahayna in golaha wakiilada iyo saddexda xisbi qaran ka wada tashadaan.
3. Waxaanu golaha wakiilada ka codsanaynaa inay soo dedajiyaan xeerka horyaala ee doorashada golaha guurtida.
4. In xukuumaddu ka noqoto, raali galina ka bixiso go’aankan khaldan
5. Waxay beeshu taageeraysaa geedi socodka dimuqraadiyada somaliland oo ah wadada kaliya ee lagu gaadhi karo himilooyinkii ummadda kuna badbaadi karo dalku.
6. Waxaanu hambalyeynaynaa go’aanada ka soo baxay xisbiyada qaranka, beelaha ururada bulshada oo dhamaantood cambaareeyay go’aankan xaraanta ah.
Cumar Cabdi Fidhin Gudoomiyaha Beesha Subeer Awal
Xubnaha:-
1. Cabdi Raygal Beegsi
2. Mustafe Maxamed Yoonis
3. Ismaaciil Mahdi Xuseen
4. Yuusuf C/Laahi Kaariye
5. Maxamed Fahmi
6. Axmed Ibraahim Abu Khaliil
7. Ibraahim Nuur Garaw
8. Cabdi Cilmi Maxamed
9. Ibraahim C/Laahi Xuseen
10. C/Risaaq Caqli
11. Maxamed C/Laahi Obsiiye
12. Axmed Xuseen Nuur
13. Cabdi Biixi Jaamac
14. Muuse Yuusuf Maxamed
15. Cismaan C/Laahi Cigaal
16. Ciise Maxamed Xuseen
17. Cali Cismaan Cabdi ( Xaraaro

Top


“Waxa Nasiib Daro Ah In Caaqilka Loo Xidhay Arinkaasi
Inuu Yidhaahdo Waxba Kama Ogi”
Jawaab celin: Axmed Maxamuud Buuni

Aniga oo tixraacaya maqaalka ku soo baxay wargeyska Haatuf ee tirsigiisu ahaa 1108, kuna taariikhaysan 16/5/06, ujeedadiisuna ahayd dacwada dhulka ee Jig-jiga yar.

Haddaba, labada caaqil ee arintaa ka hadlay waxay ka fogaadeen xaqiiqada iyo arinka sida ay u galeen, isla markaana waxay ka fogaadeen dhabta arinta dhulkaa oo ay ogaayeen. Waxa jirta inay arinkaa hore u galeen, kana qabsadeen guddida nabadgelyada, iyada oo ninka hada xidhan uu u xidhan yahay,una ogolaadeen guddida nabadgelyadu, iyaga oo yidhi anaga ayaa ka waramayna jagada. Ka dib labadaa caaqil ee bayaanka qoray waxay muddo 8 bilood ah la maqnaayeen arinkii, markaa may ninka keenaan ama ay meesha ka raraan.

Waxa markii ay arintu halkaa maraysay bileysku soo xidheen ninka la yidhaa Chief Caaqil Juqow, una soo xidheen arinta ninkaa iyo dhulkaa uu sharci darada ku deganaa.
Haddaba, waxa nasiib daro ah in caaqilka loo xidhay arinkaasi inuu yidhaahdo waxba kama ogi mana garanayo meesha nalaga soo dacweeyey.

Dhinaca kale, Suldaanka reerka Suldaan Maxamed Suld. Diiriye, tiraba laba goor baan kala hadlay arinta dhulka, wuxuu isna go’aan iiga dhigay ninku waa deyday, balse sidii aad adigu dhulkaagii kaga qaadan karto kaga qaado. Sidoo kale, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Axmed Jaambiir Suldaan, ahaana ninkii labada nin ee caaqilada ah horkeenay guddida nabadgelyada, si loogu sii daayo ninkaa Good Maxamuud Maxamed, hadii aan ka jawaabo hadalka gabadha ee ay leedahay ma garanayo cida nagu haysata, hadana ay sheegayso saddexdii sanno ee ugu dambeysay inay dacwadi ku socotay kol ay bileysku u yimaadaan iyo kol ninka la daydayayo oo la xidhayay miyaanu hadalkaasi ahayn hadal ay iska tidhi.
Haddaba, waxaan xukuumada iyo ummadda reer Somaliland u soo bandhigayaa sida ay xaqiiqadu tahay, waana sidan:

1. Jagada waxaan iibsanay 15/1/1993, waxaana jagada iga iibiyey iguna wareejiyey niman walaalo ah oo kala ah Ismaaciil Xuseen Xirsi iyo Fu’aad Xuseen Xirsi.
2. Dacwadayaduna waxay ka bilaabantay degmada Kood-buur taariikhdu markay ahayd 8/81998, isla markaana guddida degmadu waxay noo soo direen awladda hoose 4/12/02, waxaana gudida dacwaduhu go’aan guddi fulineed u direen ku xigeenkii xiligaas oo ahaa C/raxmaan Yuusuf Axmed, taariikhdu markay ahayd 10/7/03, iyada oo gudida dacwaduhu go’aankaa ay hayeen ama ay wadeen muddo sannad ah, kana soo saareen go’aan D.DH/45/02, ka dib markii uu dacwoodihii ninkii naga iibiyey cadeeyey, keenayna cadayntii dhulkaa iyo xiligii la siiyey, lana siiyey aabihii xiligii Ingiriiska. Guddida dacwaduhu markay go’aankaa gaadheen muu qaadan, racfaana kamuu qaadan, wuxuuna ku dacwooday inaanu deganayn dhul dad leeyahay ee uu degan yahay dhul dan guud ah. ka dib cadayntii qorshaha awladda hoose ayaa cadeeyey in aanay dan guud ahayn 30/1/03.
Go’aanadii Guddida Fulinta D/hoose:
1. Fulin go’aan 98/03, taariikh 06/10/03 guddida fulinta ee D/hoose.
2. Fulin go’aan 475/04, taariikh 10/2/04, ku xigeenka duqa.
3. Taliska booliska XOG/TCB/218-176/04, taariikh 4/10/04. taliska guud ee booliska.
4. Guddida nabadgelyada gobolka XOG/GNG/4-207/04, taariikh 18/12/04, go’aankeeduna yahay fulin, lagana raro ninka degan dhulka, loona aqoonsaday inuu leeyahay Ismaaciil Xuseen Xirsi ninka iga iibiyey, sida warqada ku cad.
5. Mar labaad guddida nabadgelyadu waxya soo saareen fulin go’aan XOG/GNG/5/2/1/05, 04/1/05.
6. Waxa kale oo jira codsiga ah fulin go’aan oo uu dhibanuhu ku codsanayo in dhulka looga raro kuna taariikhaysan 07/6/05.
7. Warqada uu qoray gudoomiyaha gobolka, sumadeeduna tahay XMGH/403/7/05, taariikh 4/7/05. ujeedadeeduna tahay sababta loo fulin la’yahay go’aamadaasi iyo isla daraafka uu ku dulqoray wasiirka arrimaha gudaha oo ah deg deg ha loo fuliyo.
8. Warqada Maxkamadda gobolka MGH/D-35/06, taariikh 3/5/06, ujeedadeeduna tahay in xoog lagu fuliyo go’aanka D/hoose.

Haddaba, ugu dambeyn, miyaanay gef ahayn inay aflagaadeeyaan guddida nabadgelyada, iyaga oo arinkoodu yahay ku qabso ku qadi mayside.
Axmed Maxamuud Buuni.
 

Top


Banaan-bax Lagu Taageerayo Muddo-Kordhinta
Guurtida Oo Ka Dhacay Berbera

Berbera, May 17, 2006 (Haatuf) – Kumanaan ka mida dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa aroornimadii hore ee maalintii shalay isugu soo baxay jidadka magaalada banaanbax balaadhan oo ay ku taageerayaan go’aanka muddo-kordhinta golaha guurtida ee muddada afarta sanadood ah ay sii haynta xilka ku korodhsadeen.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, Axmed Aadan Dheere, isu-soo baxan taageerista ah oo socday intii u dhaxaysay 7:00 ilaa 8:30.am ayaa banaan baxayaashu waxay socod lug iyo gaadiid ah ku mareen jidadka waaweyn ee magaalada iyaga oo sita boodhadh ay ku qornaayeen waxaanu taageersanahay muddo kordhinta golaha guurtida, isla markaana kor ugu dhawaaqayey hadalo taageero iyo ayidaad ah.

Taageerayaasha oo socodka banaan baxooda ku soo gebagabeeyey xarunta maamulka gobolka Saaxil, ayaa waxa halkaa hadalo mahadnaq iyo bogaadin isugu jira uga soo kala jeediyey wasiirka Waxbarashada Somaliland, Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne), gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamed C/laahi Maxamed iyo duqa magaalada Berbera Siciid Daa’uud Cilmi.

Banaan baxan taageerada ah oo dhacay subaxnimadii hore intii aanay cadceeddu kululaanin ayaa dadka ka qaybqaadanayey waxa ay u badnaayeen shaqaalaha hay’adaha dawladda iyo ardayda dugsiyada.
 

Top


“Inkasta Oo Uu Madaxweynuhu Digreeto Ka Soo
Saaray Dhulka, Haddana Ilaa Hadda Mushkiladii
Dhulku Way Taagan Tahay, Dhaliisha Ugu Weyna
Waxa Leh Dawladda Hoose”
Wareysi – Taliyaha Ciidanka Bileyska- Maxamed Cige Cilmi

Hargeysa, May 17, 2006 (Haatuf) – Taliyaha Ciidanka Bileyska Korneyl Maxamed Cige Cilmi ayaa faah-faahin ka bixiyey iska-hor-imaadyo ka kala dhacay Ceerigaabo iyo Allay-baday oo dhowaan dad lagu xidhxidhay iyo dhacdadii magaalada Wajaale ka dhacday, isla markaana waxa kale oo uu sheegay in gudoomiyihii Wajaale Guddida Nabadgelyadu ay ku xukuntay Sanad Xadhig ah, xabsiga Mandheerana loo gudbin doono, isaga oo intaa ku daray in mushkilada dhulka ay dhaliisha ugu weyn leedahay D/hoose ee Hargeysa.
Sidaana waxa uu ku sheegay taliyaha ciidanka bileysku wareysi khaas ah oo Wargeyska Haatuf kula yeeshay xafiiskiisa shalay.

Ugu horeyn, taliyaha ciidanka bileyska JSL, Col. Maxamed Cige Cilmi isaga oo ka hadlaya xaalada guud ee nabadgelyada dalka, waxa uu yidhi “Guud ahaan marka la qiimeeyo xaalada nabadgelyada ee dalku ma xuma, markaan soo qaato caasimada dalka waxay noqotay magaalo cid kasta u furan oo aan qabo maanta dadka ajnebiga ahi inay ka badan yihiin dadkii u dhashay, sababo badan ayaana keenaya, dalalka inala deriska ah dad badan ayaa ka soo gala, nabadgelyada ayaana loogu soo hiranayaa, dadkaasina dhibaatadooda ayay wataan oo nooc waliba wuu ku jiraa, sidaas darteed bileysku keligii nabadgelyada waxba kama qaban karo, hadaan shicibku la shaqayn, waxa kale oo aan shaki ku jirin in inaga dhexdeenu aynu xaalado dalka ka abuurayno, mid siyaasadeed iyo mid ujeedo gaar ahba leh, dhexdeenu ma fayooba, bulshadu nabada way jeceshahay, hadana ma taqaano sida wax looga qabto, nabadgelyada ugu xuni waxay ka taagan tahay arrimaha dhulka oo ganacsi noqday, qaabka loo maamulaana aanu hagaagsanayn, dhaliisha ugu badan D/hoose ha lahaatee oo aad arkayso jago kaliya oo shan qof loo wada sharciyeeyey oo lacag lagu shubay oo hadhawto fooda isla galaya, waxaad arkaysaa dhul inta la iska qabsado laguna dagaalamayo, inkasta oo uu madaxweynuhu digreeto uu ka soo saaray dhulka oo odhanaysa dhulka Dawladaa leh, inkasta oo taasi natiijo keeni doonto, hadana ilaa hada mushkiladii dhulku way taagan tahay. Halkan aan imika taliye ku xigeenka ciidanka u diray saddex qolo ayaa isku haysata oo hubaysan, waana Xero-digaagtii, buurta kala jeexan dhowr qolo ayaa isku haysata, meesha qashinka lagu shubo ee Buurta Naasa Hablood waa la isku haystaa, Masalaha waa la isku haystaa, ciidanka bileyskuna way ku dhex-dhinteen, dadkiina dollar bay arkeen oo iimaankiiba wuu ka tegay, waxaanu ummadda u sheegaynaa dhulka dawladaa ka masuul ah ee sifo sharci ah u soo mara. Ma waxaad aragtay bileyskii oo xabad iyo dhagxaan lala dhacayo, dadweynaha waxaan ka codsanayaa inaanay ciidanka bileyska ka hor-iman ee ay wax la qabtaan”.

Mar la weydiiyey taliyaha sababaha ciidanka bileysku u xidhxidhay dadweyne ka tirsan degmada Allay-baday, waxa uu yidhi “Dad badan oo reer Allay-baday ayaa soo saaray baaq ay ku taageerayaan muddo kordhinta golaha guurtida, dad kale ayaa ka dhinac booday kuwaas, ka dibna qolona baaq nabadeed ayay soo saartay, qolana baaq dagaal la socdo ayay soo saartay, dabadeedto ciidanka bileysku dad bay soo xidhxidheen, markii ay rabshadu dami weydayna waxaanu dirnay badhasaabkii ku xigeenkii gobolka Hargeysa iyo ciidan bileys ah, waanay dhameeyeen oo imika xaaladii nabad bay ku soo noqotay”.

Taliyaha mar la weydiiyey maadaama qoladii baaqa ku taageeraysay muddo kordhinta golaha guurtida dibad baxoodii loo ogolaaday, miyaanay cabudhin noqonayn marka loo diido qoladii ka soo horjeeday muddo kordhinta, waxa uu yidhi “Arintaasi ma jirto, markay odayada qaar ka dhawaaqaan kuwii baaqa soo saaray laaya oo yaanu qof ka bixin, bileysku dee talaabo ayuu qaadayaa, waliba hebel hebel ayaa loo sheegayaa raggaasi, badhasaabka ayaanaydin ka wareysan doontaan oo waliba laga yaabo in raggaasi la soo xidhxidho oo caasimada loo soo gudbiyo”. Isaga oo intaa ku daray in aan weli la sii dayn sagaalkii qof ee ciidanka bileysku ku xidhxidhay degmada Allay-baday.

Taliyaha mar la weydiiyey dhowaan magaalada Ceerigaabo oo ay ciidanka bileyska oo nin eryanayaa gabadh gurigeeda ku jirta ay raasaastii ay rideen ku dhimatay, waxa uu yidhi “Marka ciidanka bileyska la laayo ee la dilo nama weydiisaan oo nama tidhaahdaan maxaa loo laayey, markaanuse qof dembiilo ah qabanayno kolay rasaastu cid kale way ku dhacaysaa, arintaasina way dhacday, labadii bileyska ahaana way xidhan yihiin”.

taliyuhu isaga ka jawaabaya dhacdadii iska hor-imaadka ahayd ee dhowaan ka dhacday magaalada Tog-wajaale oo ay askar ciidanka qaranka ahna lagu dhaawacay, waxa uu yidhi “Arintaasi dhul bay ka dhacday, meel halis ahna way gaadhay, askarina way ku dhaawacantay waa la kala xukumay, xukunkiina cid baa qaadan weyday, rabshadii way soo noqotay, laakiin markii dambe awood dawladeed ayaa lagu kala xoreeyey labadii dhinac”.

Mar la weydiiyey gudoomiyihii Wajaale oo hada ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo sheegay in xadhigiisu ka dhashay cadaalad daro iyo shirqool uu ku sameeyey taliyaha saldhiga bileyska Wajaale, waxa uu yidhi “Arimahaasi waxba kama jiraan, gudoomiyaha Wajaalena fidmada halkaas ka dhacday waa ninka sameeyey, sannad baanu xukunay habeen hore oo Mandheera ayaanu u diraynaa, hadaan shalay la qaadinba”.

Mar uu taliyuhu ka hadlayay cabashada ka imanaysa guddidii wanaag-farista iyo xumaan reebida ee laga joojiyey wacdigii ay ka wadeen xaafadaha magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi “Dhowaan wasiirka diinta iyo awqaafta ayaa u yeedhay culimada magaalada, waxaana la isla qaatay in la sameeyo guddi culimada u dhexaysa ilaa iyo maalintaa guuxii dhinaca diintu wuu yaraaday, laakiin culimada makarafoonada dhigata jidadka iyo xaafadaha magaalada dad badan ayaa ka cabanaaya, ninka diinta islaamka fidinayaana dariiqooyin uu wacdiga u fidayo ayuu leeyahay, laakiin ciidanka bileyska waxa loo fasaxay ninkii nidaamka diinta ka baxa ee kicin iyo abaabul ku kaca, bileyskuna xaq buu u leeyahay inuu qabto”. Isaga oo intaa ku daray su’aal uu u soo jeediyey wariyeyaasha oo uu yidhi ama Tv ahaada ama joornaal ahaadoo, idinka ma loo baahan yahay in aad ka fiirsataan waxyaabaha dalka iyo shakhsiyaadka aflagaadada ku ah. Ta labaad markastaba waxa iweydiisaan dhaliil bileyska ku saabsan, wax wanaagsan oo bileysku qabto ima weydiisaan maxay ku dhacday, maxaa maalin kaliya la idiinka waayey inaydin bileyska ku amaantaan dembiilayaasha xabsiyada ku jira ee ay qabteen.

Mar la weydiiyey taliyaha tuugada caruurta lagu xadayo oo lagu arkay rag shaadir iyo xijaab soo xidhay oo caruur ay xadayeen lagu soo xidhay iyo arimahaasi sida uu arko, waxa uu yidhi “Dadkan caruuraha xadayaa waa tuugo inagu cusub, welibana way sii badan doontaa, hadaan shicibku bileyska gacan siin, qof waliba dembi baa dhacay buu leeyahay, bileyskuna meel kasta ma joogo, idinkan wax iweydiinaya ma dembi baad soo sheegteen, bileysku shicibka la’aantii waxba ma soo qaban karo. Waxaan qabtay maxaad u ogaan weydeen, intaad ogaanayso qof shaadir xidhay, miyaa laguu waxyooday, maxaad ku ogaatay adigu kaa, intaas oo dembiile ayaan xalay qabtay, saldhigyadu way buuxaan, maxaad u ogaan weyday arimahaas”.

Ugu dambeyn mar la weydiiyey taliyaha saldhigyada bileyska marka dadku dembiyada u soo sheegaan ma soo raacaan, waxa uu yidhi “Arintaasi ma dhici karto, bal adigu ii soo sheeg saldhiga lagaa raaci-waayo, talaabo ayaan ka qaadayaa”.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Muwaadinimadu Ma Waxa
Weeyaan Ninkii Shaadh Dawladeed Xidhan Iyo Ninkii Lacagle?
Dadka Danyarta ah iyo dadka Reer Miyiga ahi miyaanay
muwaadiniin ahayn?

Aniga oo ah hooyo reer Somaliland ah, deggana tuulada Sayla Bari ee Koonfur bari ee Hargeysa waxa igu dhacday arrin aad u fool xun, arrinta oo aan ka sheekayn doono.
Waxaan u cabanayaa masuuliyiin ay arrintani khusayso, waxaanan ka cabanayaa cadaalad darro igaga timid nin shaadhka dawladda ee ii adeegsaday, ninkaasi oo la yidhaa Axmed Maxamed Xasan, kana shaqeeya xafiiska dambi baadhista ee CID-da, kaasi oo si badheedh ah iigu soo duulay, reerkayga doonayeyna inuu xidho odaygagay Axmed Cumar Maahi, soona kaxaystay gaadhi uu leeyahay nin ay saaxiib yihiin, askartana ka soo kaxaystay suuqa, isaguna soo raacay, markay tuulada in yar soo dhaafeen ayaa waxa ka horyimid ninkii ay doonayeen oo xoolihiisii wata, ka dibna sidii ayey ku soo xidheen, markay taariikhdu ahayd June 22, 2005, ninkaas oo uu keenay saldhiga dhexe, isaga oo aan cidna u sheegin, waxa cunta ahna aanu u geyn, ninkii markii muddo 31 maalmood ah xidhnaa ayey odayaal soo damiinteen, ka dibna way soo raaceen, oo miyigii ayey yimaadeen, ka dibna waxa shaadka dawladda ugu hanjabay nin, kaasi oo markii ay weydiiyeen maxaad ku haysataa ninkan, oo ugu jawaabay ninkani wuxuu haystaa beer walaalkay leeyahay, ka dibna labadii nin ee odayaasha ahaa ee soo damiintay way u garqaadeen, waxaanay meeshii ku dhaariyeen laba markhaati oo uu watay ninkaa damaaciga ahi, dabadeedna waxay yidhaahdii C/laahi Cabdi Xasan (Xawaareeye) ayaa yidhii beerti Axmed Cumaroow adigaa helay, anagaase kaa qaadnay oo Axmed Maxamed ayaanu kaaga qaadnay, ka dibna waxa uu Axmed Cumar weydiiyey maxaad iiga qaadeen, rafcaan baan idinka leeyahay, dabadeedna sidii ayaa lagu kala tegay, ninkii Axmed Maxamed oo awalba awood sheegashada ku jira ayaa yidhi anigaa awood kaga qaadiye iska daaya, markaa waxa uu u tegay nin ganacsade ah oo sigaarka soo dejiya, waxaanu ku yidhi inaadeer waan duulimaad tagayaaye gaadhigaaga I sii isna wuu siiyey, waxaanu soo kaxaystay 7-ba askari iyo walaalkii iyo laba inan oo uu dhalay markay taariikhdu ahayd 24/10/2005, Ramadaantii ayuu eedaankii subax ka soo baxay Hargeysa una soo baxay inuu soo qabto Axmed Cumar Maahir, gaadhiga waxa wade ka ahaa CAbdi Cismaan Maxamed, todobada askarina waxa watay Maxamed Faarax Boos, nimankaas oo labadaa jeerba wax waaran maxkamadeed ah may sidan, iyo amar dawladeed toona oo aan ahayn ninkaa aanu is-haynay oo la sheegay inuu laaluush bixiyey, isaga oo adeegsanaya shaadhka dawladda markaa waxa uu lixdii subaxnimo soo xidhay inan aan dhalay oo la yidhaahdo Maxamed Axmed iyo adeerkii la yidhaahdo Cali Cumar Maahir, markii ay labadaa nin soo qabteen waxa ay dileen ninkii ay markii hore ku soo baxeen ee Axmed Cumar Maahir, ninkaas oo ninkan shaadhka dawladda adeegsanayey inan uu adeer u yahay uu laba xabadood ku dhuftay ilaa imikana uu dhul jiif yahay wax gar iyo garawshiyo toona aanu marin, labadii kalena way xidhan yihiin ilaa hadda.

Haddaba waxa isweydiin leh labada nin maxay galeen? Markii ay nimankaasi jeelka ku jireen muddo 55 maalmood ah ee aan waxba lagu soo cadaysan ayuu gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysi damiin u qaaday, ka dibna iyaga oo aan intii damiinka ay ku joogeen wax dambi ah aan samayn, wax aan weli lagu soo cadaysan oo lix markhaati la keenay, Maxkamadda horteeda oo aanay waxba ku soo cdaysan ayuu haddana ninkii shaadhka dawladda adeegsanayey Maxkamadda rafcaanka warqad damiin kala noqosho ah ka soo goostay, ka dibna sidii ayuu ugu celiyey, nimankaa markhaatiyaasha ahaa waa nimankii askarta ahaa ee soo xidhan.

Markaa ninkii la toogtay weli waa dhul jiif, iyada oo Maxkamadda muddaysay kiiskiisa muddo dhan shan iyo sodon maalmood oo min shan cisho ah, mudadaasna maalin kasta la keeno Maxkamadda horteeda ninkii dhaawaca ahaa oo aan jiif iyo joogtoona qabanayn iyo labadaa nine e bilaa dambiga ku xidhan, weliba waxa u sii dheer cadaadin xagga askarta oo ninkaasi ku balamiyey nimankaasi oo sidii ay dil galeen lugaha iyo gacmahaba laga xidho ninkii ninkan dhulyaalka ah dilayna aan katiinad baad sheegaysaaye kabaha ayuu ku yimaadaa Maxkamadda isaga oo iska laafyoonaya mararka qaarkood waxa loo kaxeeyaa suuqa ninka shaadhka dawladda isticmaalayaana waxa uu isku halaynayaa mid ka mid ah madaxda gobolka Hargeysa oo ay isku xafiis iyo xoghayn yihiin, iskuna sodog yihiin oo uu ku magacaabay inuu isagu soo diray ciidanka ninkaas oo odayaashiina qaar dhafoorka bastoolad kaga qabty oo yidhi haddii aad arrintayda faraha kala bixi weydaan waan idin khaarajin, taas oo aan qano dil xadhig, dhac iyo furasho. Markaa waxaan madaxda dawladda si sharafle uga codsanayaa inay arrintaasi wax ka qabato, isla markaana ninkaas oo shaadhka dawladda adeegsanaya oo leh ilaa la sii daayo ninkii toogashada geystay lama sii dayno karo nimanka kale ee sharci darrada u xidhan.
Aamina Macalin Muxumed

Top
 


Risiq-maanac iyo Gar-Diid

Waxaa beryahan dambe soo kordhayay risiq maanacnimo lagula kacayo dadka danyarta ah iyo shaqo yar oo aqooni heshay, iyadoo loo adeegsanayo xil sare oo dawladda loo hayo.
Wasiir ku-xigeenka Beeraha, waxa uu ku kacay arrin dhaqanka iyo diintaba ku xun, isagoo adeegsanaya awooda dawladda uu u hayo isagoo xaqa dadka jilicsan iyo agoomahana ku duudsiyaya.

Haddaba waxa dhacday inuu Wasiir ku-xigeenku arrin fool-xun kula kacay agoon yar oo uu waalid u yahay, arrinkaas oo gartiisii la galay. Waxaa cadaatay inuu foolxumadaa si cad oo badheedh ah u sameeyay Wasiir ku-xigeenka Beeraha, Baag, kadib markii uu arkay inay gartii ku go’day, waxa uu wasiirkii ku hanjabay in aanu arrintaa gar iyo garowshiiyo toona ka qaadanayn, waxaanu ku dhawaaqay waxaa doontaanba sameeya, gar iyo garowshiiyo toona idiinma hayo, isagoo ku hanjabaya awooda dawladda iyo xadhig.

Markaa anigoo ah Chief Caaqil, Axmed Ibraahim Ilbir, ahna odaygii Wasiirka iyo kuwa la dumayba, waxaana leeyahay masuuliyadda dawladda iyo tan dhaqanka toona laguma duudsiyi karo xaq uu qof leeyahay.

Haddaba arrinta uu Wasiirku ku jiraa waa mid dhaqan u taalla lagumana muuquunin karo awood dawladeed, wixii dhib iyo fadqalado ka yimaadana isagaa ka masuul ah.
Chief Caaqil, Axmed Ibraahim Maxamed (ILBIR), Hargeysa, Somaliland

Top


Somaliland Ma Quudhsibaa Mise Waa Qaran?

Waxay ahayd 1991 markii Somaliland lagaga dhawaaqay gooni isu-taageeda magaalada Burco, taas oo ahayd mid aan hore loogu talo gelin intii uu halgankii hubaysnaa socday ee lagula jiray dawladii Kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre ee Somalia, laakiin madaxdii SNM iyo madax-dhaqameedyadii Beelaha Somaliland ayaa ku guulaystay inay dalkan Somaliland ee maanta jira dhaliyaan sababo kalifay oo aynaan iminka halkan ku soo koobi karin, in dalkan Somaliland xornimadiisii lixdankii sida hawsha yar uga luntay ula soo noqdo, taas oo ay xaq u lahaayeen dadka dalkan ku dhaqani.

Haddaba markii ay Somaliland mar labaad dhalatay waxaa la odhan karaa waxaa u baryey waa cusub iyo safar cusub, taas oo uu hogaanka u qabtay madaxweynihii ugu horeeyey ee soo mara dalkan Somaliland Marxuum Cabdi-raxman Axmed Cali (Tuur), oo xilka haysay muddo laba sannadood ah, balse markii uu madaxweynahaasi markii uu xilka ka degay isla markiiba uu caasiyo (Wacad-furo) balantii iyo dhaartii uu u galay dadkan qarni badhkii ku dhowaad sugayey inay mar uun dhadhamiyaaan midhihii xornimadii sida dhibta yar uga luntay.

Markii ay taasi dhacday waxaa dalkan haddana madaxweyne loogu doortay marxuum Maxamed x. Ibrahim Cigaal.

Madaxweyne Cigaal [Alle ha u naxariistee] oo la odhan karo wuxuu ahaa mid aad uga duwanaa madaxweynihii ka horeeyey, sababo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen:
1. Isaga oo dadkan iyo dalkan u horseeday inay nabad ku waaberiistaan.
2. Nabadaas oo iyaduna sababtay wada-noolaashihii dadka iyo horimarkoodii gaar ahaaneed.
3. Qaybsanaan ku timaadda dadkii Somaliland oo uu maamulkiisu sababay.
Qodobka 3aad oo ahaa ka meesha ku soo kordhiyey su'aal ka taagan qarinamada Somaliland?
Su'aashaa aynu u soo noqonee haddana markii marxuum Cigaal geeriyooday waxaa madaxtinamadda Somaliland la wareegay Madaxweyne ku-xigeenkiisii Daahir Rayaale Kaahin oo ilaa hadda ah madaxweynaha dalkan Somaliland.

Haddaba, Madaxweyne Rayaale muxuu soo kordhiyey?
Waxaa la odhan karaa madaxweyne Daahir Rayaale laba qodob ayuu ku soo daray Somaliland:-
1. Isaga oo ku soo daray, aaminsiiyeyna mabaadi'da Somaliland u taagan tahay raaskiisa (qabiilkiisa).
2. Iyo dalkan oo uu axdi qarameedkii uu u guuriyey diqumuqraadiyad horseeday xisbiyada badan oo dalka ka hirgala.

Hase yeeshee, taas macnaheedu maaha inuu meesha ka saaray su'aashii ka taagnayd qaranimada Somaliland?

Maxaa yeelay wali dadkani iyo dalkani sidii hore ayuu u kala qaybsan yahay.
Haddaba Somaliland ma quudhsibaa mise waa qaran?

Dalkan Somaliland wuxuu jiray muddo 15 sannadood ah oo ah kala-badh muddadii 30ka sannadood ahayd ee dadka reer Somaliland sugayeen Madax banaanidoodii sida dhibta yar uga luntay, hase yeeshee waxa weli jirta dhib dadkan haysata, taas oo ah garashada Qarannimada?
Qaranimo maxay tahay maxayse tartaa?

1. Qaranimo waxay tahay dad meel wada degan, calankoodana wada aaminsan, dadku noocay doonaan ha ku kala duwanaadaane sida: diinta, dhaqanka, midabka, iwm.
2. Qaranimo waxay tartaa inay dadku isku filnaansho wada gaadhaan dhan kasta sida: ammaanka, caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo horumar dhan walba ah mid guud ahaan iyo mid gaar ahaaneedba.

Haddaba qaranimo waa taas, Somalilandna waxaynu odhan karnaa waxay maanta u taagan tahay qodob kaliya oo ka mid ah kuwaa aynu kor ku soo xusnay.
Somaliland=ammaan
Haddaba su'aasha ah Somaliland ma quudhsibaa mise waa qaran? Waxaa jawaabteeda leh dadka Somaliland hadhkeeda ku jira, kuna jiri doona iyo madaxweynahan masuuliyadda Somaliland saaran tahay.
Haddii maanta aan jawaabtaa la isweydiinna dadkan iyo dalkani waxay ku socdaan, meel aan la garan taariikhina sheegin.
God bless Somaliland
Caalin Muhumed Faarax, Hargeysa, Somaliland.

Top


Dildilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Mengistu: Dagaalka Goriiluhu waa qaab dagaal oo aan kala go’ lahayn weerarkiisu dhaqdhaqaaq badana leh. Waxa iyagu (saraakiishii ciidanku) rabeen in meel uun ay iska dejiyaan ciidanka. Khaasatan anaga waxa dhaawaca na soo gaadhsiiyay waa dhaqdhaqaaqeenii jiitamayay. Waxa kale oo isna jiray isna Musuqmaasuq. Xaqiiqada marka aan sheegana musuqmaasuqa ciidanka dhexdiisa ka jiray aadbuu u yara, si guud marka loo eegana wax yar buu ahaa. Balse ujeedadaydu ma aha haba yaraate inaanu jirin musuqmaasuq. Haa, musuqmaasuqu wuu jiray baan leeyahay, gaar ahaan waxa uu aad u sii balaadhay xiliyadii ugu dambeeyay. Cid la musuqmaasuqa ma jirin, ciidankuna muu ganacsan karayn, beero ma lahayn. Balse guud ahaan adigu waxa uu ahaa nin hub qaatay oo xuduudaha dalkiisa ilaashanaya oo naftiisa inuu u huro diyaar u ah, lamana odhan karo dalkiisuu dib u khiyaamaynayay.

Balse saraakiishii ciidamadii joogay furinta hore ee dagaalku khiyaamada ay sameeyeen waa mid aan hore loo arag. Waxa la sheegi jiray “guuto heblaayo waa la baabi’iyay; ururkaa waa la baabi’iyay”. Iyagoo aan inta sare ee masuulka ka ah ogeysiin ayay wixii loogu soo talo galay cunni jireen. Wixii sahay ah ama hub ah ee ciidankaasi loogu talo galay inta ay iibiyaan ayaabay lacagtana jeebada ku shuban jireen.

Wakhti shidaal la’aani inta ay dhacday ay soo codsadeen in diyaarad loogu soo qaado, si Baadhayaasha (inspectors) ay u hubiyaana ugu sahlanaato waxa kale oo ay soo codsadeen in la soo ranjiyeeyo. Addis Ababa oo ay ka jirto shidaal la’aani oo dadka koote raashinka loogu qaybinaayo ayaabay iyagu 24-ka saacadood gawaadhida ay shicibku leeyihiin Asmara gudaheeda ku dhex xaragoonaayeen. Luuq yar inta ay la galaan ayay sii iibiyaan.
Ganat: adIga fikirkaaga marka aad cabirto guul daradii ugu weynayd ee ciidanka soo gaadhay meeshii ugu muhiimsanayd halkee in ay tahay ayaad u malaynaysaa?
Mengistu: Guul daradii ugu weynayd ee ciidanaka soo gaadhay waxay ahayd tii ka soo gaadhay Misuwac. Saraakiishii hogaaminaysay ciidanku aad bay u ogaayeen istaraatijiyadayadu waxa ay ahayd. Haddii aanu dagaalka ku guuleysano oo aanu libinta qaadno waxyaabaha aanu mudnaanta siin doono iyadoo qoraal ah ayaanu sii siinay. Wax baadhitaano lagu soo sameeyay ayuu ahaa. Haddii xataa nalaga guuleysto sidoo kale ayaanu ku sii talo-gal uga sii sameynay wixii aanu yeeli lahayn. Taas oo ay ujeedadayadu ahayd inagoo ku khasbanayn in aanu ka sii baaraandegno oo aanu sii qorshaysano goobaha aanu ka duulimaad tagi lahayn haddii ay tahay dagaal muddo yar soconaaya iyo kuwa muddada dheer qaadanaayaba. Markaa waxaanu isla afgaranay in ay muhiim tahay in aanu dhulka hawdka oo dhan gacanta ku dhigno.

Sababtoo ah dhibaato inta badan waxa ay ka timaada dhinaca hawd. Kuliyadaha tababarka ciidamada cadowgu intooda badani waxa ay ku yaaleen dalka Suudaan gudaheeda. Sahayda iyo hubkuba halkaasay u soo marayeen. Goobaha lagu daawaynayayna waxay ugu yaaleen Suudaan. Haddii ay dibadda u sii safrayaana dhinaca ayuunbay uga sii bixii jireen.
La soco cadadka dambe………….
 

Top