Maraykanka Oo Maanta Qaramada Midoobay Hordhigaya
Qorshe Cuna-Qabataynta Hubka Lagaga Qaadayo Somalia
Boqor Buur-Madow Oo Ka Digay Qorshe Ay
Djibouti Xoolaha Soomaalida Heshiis Kula Soo Gashay Ganacsato
Sucuudiyiin Ah In Laga Dhoofiyo Dekedeeda
Golayaasha Baarlamaanka Somaliland Oo
Khabiir Ka Socda Kenya Casharo Siiyey
Axsaabta Mucaaradka Ah Ee Boorama Oo
Ka Hadlay Heshiiska Golayaaha Qaranka Qaarkood Ee Lagu
Gaadhay Magaalada Sheekh
Madaxweyne Geelle Muxuu Uga Dan
Leeyahay Doca-docaynta Somaliland?
Vacancy: Environment project manager
Taariikh Nololeedkii Marxuum Xaaji
Mahdi Maxamuud Hurre (Buubaa)
TACSI
Maxay Ku Kala Gedisan Yihiin
Hab-Dhaqanka Maamul
Ee Madaxweyne Rayaale Iyo Marxuum Cigaal?
|
|
Maraykanka Oo Maanta Qaramada
Midoobay Hordhigaya
Qorshe Cuna-Qabataynta Hubka Lagaga Qaadayo Somalia |
Maxkamadaha Muqdisho Oo Ku Casuumay
Mujaahidiinta Muslimiinta Dunida Inay Kala Soo Qayb-galaan Dagaalka Ay
Itoobiya La Galayaan
Muqdisho, November 29, 2006 (Haatuf) – Dawladda Maraykanka ayaa maanta la
filayaa inay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay horkeeno mashruuc xeer oo
qabyo ah oo ay ku doonayso in cuna-qabataynta hubka lagaga qaado dalka
Somalia ee ay dagaaladu halakeeyeen si midawga Afrika ciidamo nabad
ilaalineed ugu diro dalkaasi.
Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Maraykanka oo la yidhaahdo Ben Chng ayaa
sheegay in dawladiisa ay arbacada maanta hordhigi doonto amaanka ee
Qaramada Midoobay qaraar ku saabsan sidii cuna qabataynta hubka looga
qaadi lahaa Somalia, si ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Midawga
Afrika loogu diro halkaasi, kuwaasi oo xoojin doona dawladda Imbagathi ee
fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.
Qaraarkan ay dawladda Maraykanku wadato ayaa la sheegay inay taageersan
yihiin dawladaha Ingiriiska iyo Faransiiska oo iyaguna xubno ka ah golaha
amaanka ee Qaramada Midoobay.
Hase yeeshee, labada dal ee Ruushka iyo Shiinaha oo iyaguna Qaramada
Midoobay ayaan iyaga la ogayn inay tageeri doonaan qorshahan iyo inkale.
Sidoo kale mudne k tirsan Guddiga Siyaasada Arrimaha Debad ee aqalka
Odayaasha Maraykanka ayaa todobaadkan oo dhan olole uu taageero ugu
doonayo siyaasada dalkiisa ee ku aadan Somalia ka waday dalalka Itoobiya
iyo Kenya. Mudanahan oo magaciisa la yidhaahdo Russ Feingold ayaa
warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu masuuliyiinta labada dal kala
hadli doono sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa dalka Somalia iyo
ka hortaga argagixisada.
Dhinaca kale Maxkamadaha Muqdisho ayaa ayaa iyaguna ugu baaqay kooxaha
muslimiinta ah ee mujaahidiinta ah ee ka hawlgala dunidu inay yimaadaan
Somalia oo ay u diyaar garoobaan jihaad lagu difaacayo Somalia, haddii
cuna qabataynta hubka laga qaado Somalia.
Madaxa Amaanka u qaabilsan Golaha Maxkamadaha Yuusuf Indhacade ayaa isaga
oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. “Waxaanu ugu baaqaynaa muslimiinta
caalamka inay u diyaar garoobaan jihaad, waxaana u fasaxaynaa dalkayaga
muslimiinta caalamka haddii Qaramada Midoobay qaado cuna qabataynta hubka
ee saaran Somalia”.
Waxaanu intaasi raaciyey in qorshahan la doonayo in cuna qabataynta hubka
lagaga qaadayo Somalia ay dabada ka riixayso dawladda Itoobiya, iyada oo
uu Maraykankuna u ololaynayo. “Maraykanka ayaa u ololaynaya qaraarkan
xayiraada hubka lagu qaadayo, isaga oo uga dan leh si ay Itoobiya dagaal
ula gasho maxkamadaha”.
Hase yeeshee, Indhacade waxa uu beeniyey in Maxkamaduhu cadaw u yihiin
dawladda Itoobiya, isla markaana aanay waxba ka jirin war laga soo xigtay
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenaw oo maxkamadaha hore ugu eedeeyey
inay khatar ku yihiin nabadgelyada dalkiisa.
Ugu dambayn Indhacade waxa uu ugu baaqay dadka Itoobiyaanka inay iska
xoreeyaan wax uu ugu yeedhay maamulka madaxa adag ee haatan ka taliya
Itoobiya.
Labada dhinac ee Itoobiya iyo Maxkamadaha ayaa beryihii la soo dhaafay
hadalo kul-kulul isku weydaarsanayey warbaahinta, waxaana laga cabsi qabaa
inuu dagaal labada dhinac ku dhex maro gudaha Somalia goor ay noqotaba
waqti aan dheerayn.
Hase yeeshee, Hay’adda ka hortaga qalalaasaha adduunka ee ICG ayaa ka
digtay in dagaal ka qarxa Somalia uu ku fidi karo gobolka Geeska Afrika oo
dhan, isla markaana ay Somalia noqon karto meel ay ku dagaalamaan
dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya. Top
Boqor
Buur-Madow Oo Ka Digay Qorshe Ay Djibouti
Xoolaha Soomaalida Heshiis Kula Soo Gashay Ganacsato
Sucuudiyiin Ah In Laga Dhoofiyo Dekedeeda |
“Xukuumadda Somaliland Waa Inay Xoolahaas
Joojisaa Oo Aanay Ka Dhoofin Dekedda Djibouti Oo Xuduudaheena La Xidhaa”
Hargeysa, November 29, 2006 (Haatuf) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-Madow)
ayaa uga digay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland qorshe ay xukuumadda
Djibouti heshiis kula soo gashay ganacsato Sucuudiyaan ah oo ay doonayso
inay xoolaha Soomaalida kaga dhoofiso dekeddeeda magaalada Djibouti,
isagoo sheegay in muddo laba maalmood ah ay magaalada Djibouti ku
sugnaayeen ganacsato Sucuudiyaan ah iyo ganacsato kale oo Muqdisho ay uga
yeedhay xukuumadda Djibouti si ay qorshahan uga dhaadhiciso.
Boqor Buur-madow oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska
Haatuf isagoo jooga magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa
uu ugu baaqay Xukuumadda Somaliland inay xuduudaheeda xidhato, isla
markaana shacbi iyo xukuumaddba la foojignaado in xoolahooda ay Djibouti
tagaan, isagoo tallaabadan ku tilmaamay inay mid lagu wiiqayo dhaqaalaha
yar ee ay Somaliland ka hesho xoolaha nool, isla markaana ay tahay mid
gebi ahaanba lagu xidhayo dekedda Berbera oo ah isha keliya ee dhaqaaluhu
ka soo Somaliland.
Boqor Buurmadow waxa kale oo uu sheegay in wakhtigan oo uu foodda inagu
soo hayo mawsimkii Xajka oo ganacsatada Sucuudigu u baahan yihiin xoolo
farabadan, ayay xukuumadda Djibouti doonaysaa in xoolaha Soomaalida ay uga
faa’iidaysato xayiraadda Sucuudigu hore u saaray xoolaha Soomaalida, taas
oo la ogaaday inaanu jirin wax xanuun ah oo ay qabaan xoolaha Soomaalidu,
balse ay tahay sababta loo diiday in xoolaha Soomaalidu ka dhoofaan
dekedda Berbera arrimo siyaasadeed oo ay dawladaha carabtu ay kaga soo
horjeedaan Somaliland, waxaanu Boqor Buur-madow ugu baaqay xukuumadda
Somaliland inay dadka u sheegto dagaalka ay Djibouti kula jirto dekedda
Berbera iyo curyaaminta Dhaqaala Somaliland, isagoo dhinaca kalena ugu
baaqay xukuumadda Somaliland inay xadka Djibouti ay la leedahay xidho si
aan qorshahaa ay maleegayso Djibouti ugu hirgelin.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud waxa uu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay oo uu
yidhi: “Maamulka Djibouti wuxuu intii burburkii dalkii Somalia la odhan
jiray uu dhacayba doonayay inay ka faa’iidaystaan khayraadka Somaliland
iyo Soomaaliyadii kale ee burburku ku dhacay. Waxaan doonayaa inaan uga
digo shacabka iyo Xukuumadda Somalilandba arrin soo kordhay oo beryahaaba
isa soo taraysay oo ay wadeen niman tijaar ah Sucuudi ah iyo xukuumadda
Djibouti ay doonayaan inay xoolihii Somaliland, kuwii Soomaaliyadda kale
iyo kuwii Kililka 5aad ee Soomaalida ka tegi jiray ee dekedda Berbera ka
dhoofi jirayba inay u wareejiyaan dekedda Djibouti xoolaheenii si
dhaqaalaheenu u wiiqmo. Runtii Djibouti maaha meel dhaqaale leh, waxay kor
ugu soo kacday oo ay ka faa’iidaysatay burburkii iyo dhibaatadii dhacday,
wax alaale iyo waxay ku nooshahay waa khayraadkii ummaddii dalkii laysku
odhan jiray Somalia ee ay inaguna ka mid ahaan jiray. Waxay indho-sarcaad
u dhigtay dadkii maal-gashiga, sidaad ogtahay wuxuu khasaare ka soo
gaadhay nimankii tijaarta ahaa ee Imaaraadka Carabta Dubai ee ku
maalgashaday malaayiinta, way ku khasaareen beentii ay u sheegeen.
Hadeerna waxay indho-sarcaad u dhigeen niman Sucuudi ah oo ay yidhaahdeen
xoolihii Somaliland iyo Somalia ayaanu keenaynaa Djibouti, taas oo ay soo
casuumeen niman tijaar ah oo jooga Xamar, markay ka quusteen ganacsatadii
reer Somaliland oo aan iyagu marna ka raali noqonayn inay dekedooda
Berberi burburto. Markaa waxaan leeyahay shacbiga iyo xukuumadda
Somaliland in lagu baraarugo lagana dagaalamo inay xoolaheenu ka dhoofaan
dekedda Djibouti.”
Mar la weydiiyay Boqor Cismaan Buur-madow goorta ay tijaarta uu sheegayaa
yimaadeen iyo inuu cid ka garanayo, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi:
“Adeer ma doonayo inaan magacaabo, waanan garanayaa oo waa rag ganacsato
ah oo aanu iswada naqaano, laba cisho ayaanay imika Djibouti ku sugan
yihiin, ilaa berina war baad ka maqli doontaan, meelihii xoolaha lagu
naaxinayay way sameeyeen, wayna dhammaystireen, xadhigga in imika laga
jaro oo xoolihii la dhoofiyo ayaa la doonayaa, waxaanay hadda xod-xodasho
u wadaan dadkii xoolaha ka dhoofin lahaa, markaa waxaan odhan lahaa
Somaliland waxa keliya ee ay ku nooshahay waa xoolahaa la doonayo inay ka
dhoofaan Djibouti, xukuumaddeenu waxay ku kala socotaa waa cashuurta yar
ee aynu ka helno, waxaan leeyahay xukuumadda Somaliland waa inay xidhaa
xadka Djibouti, shacbiguna waa inuu ka soo horjeestaa inay xoolahoogu ka
dhoofaan meel aan Berbera ahayn.”
Sida la ogyahay horaantii sannadkan iyo dabayaaqadii sannadkii hore ayaa
warbaahinta Somaliland lagu soo daabacay warar sheegayay inay dawladda
Djibouti heshiis kula soo gashay ganacsato Sucuudi inay xoolo ka soo
dhoofiyaan dekedda Djibouti, isla markaana maalgelin ku sameeyeen dhismaha
karantiinada xoolaha oo laga dhisay dalka Djibouti, qorshahaas oo ay
Djibouti ku doonaysay inay xoolaha Soomaalida dekedeeda ka dhoofiso, hase
yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa arrintaas dhawr jeer gaashaanka ku
dhufatay, warkaasna ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin. Haddaba Boqor
Buur-madow oo la weydiiyay sababta ay xukuumadda Somaliland u beeninaysay
arrintaas ayaa waxa uu ku jawaabay: “Waad arki doontaan oo waa war cad,
telefiishan Djibouti 24ka saacadood waa laga soo daynayaa xayeysiiskiina
wuu ka socdaa, waxaan leeyahay arrinkaasi maaha mid laga iska yidhi,
warkaas aan ku hadlayaana waa mid aan iska hubo, waxaan ka codsanayaa
xukuumadda Somaliland waa inay xoolahaas joojisaa oo aanay ka dhoofin
dekedda Djibouti oo xuduudaheena oo dhan la xidhaa.”
Boqorku waxa uu sheegay inuu arrinta Madaxweynaha Somaliland, Daahir
Rayaale Kaahin kala xidhiidhay oo la socodsiiyay, waxaanu yidhi: “Haa,
Madaxweynaha ayaan telefoon kula xidhiidhay oo waan u sheegay,” hase
yeeshee Boqor Buur-madow oo la weydiiyay waxa uu Madaxweynuhu ugu jawaabay
ee uu arrintaas ka yidhi ayaa yidhi: “Madaxweynaha waan u sheegay,
jawaabtiisiina ma doonayo inaan hadda halkan kaga hadlo, laakiin si fiican
ayaanu isku af-garanay.”
“Ganacsatada Sucuudigu xooley doonayaan, xoolaheenuna way caafimaad qabaan
waanay ogyihiin, xoolahay rabaanna waa kuweena, ganacsatada Sucuudigana
waynu is-naqaanaa Djibouti weligood xoolo kamay qaadan xoolana ma leh,
xoolaha Somaliland iyo kuwa Somaliyana way yaqaanaan, hadday xoolo rabaan
annaguna suuqii baanu rabnaa, hadday karaamadayada, sharaftayada,
dantayada iyo khayraadkayaga ka horyimaadaana waxa weeyaan ceeb kale ma
jirto siday xoolahayaga nooga joojiyeen ayaanu annagu xoolahayagu inay si
koontarabaan ah ugu tagaan inaanu ka joojino ayaa xil naga saaran yahay,
xalka qudhi waxa weeyaan inay annaga toos noola macaamilaan oo dadka reer
Somaliland ee ay weligood wada macaamilayeen la xidhiidhaan oo ay la
macaamilaan weeye. Xukuumaddu arrinkaas dadka hakala hadasho ayaan
leeyahay oo yaanay u aamusin, shacbiga iyo xisbiyaduna waa inay ku
baraarugaan, carabtuna way yaqaanaan Berbera, Berberina wax go’ lagu ka
weyn, Djibouti way danaysanaysaa inaguna inaynu danteena ilaashaano ayaa
muhiima,” ayuu yidhi Boqor Cismaan Buur-madow oo ka jawaabayay su’aal la
weydiiyay oo ahayd in xal aan xidhista xuduudda Djibouti ahayni jiro.
Boqor Buur-madow oo la weydiiyay in isaga laftiisa damac ka jiray
dhoofinta xoolaha ee dhinaca Sucuudiga oo uu beryahan dambe ku
mashquulsanaa, waxaanu isagoo su’aashaas ka jawaabaya yidhi: “Adeer
weligayba adhiile ayaan ahaa, imikana nimanka Sucuudiga ah waan la
xidhiidhi jiray, xoolaan u diri jiray, imikana waan la xidhiidhay, waanan
u sheegay in wax ay Djibouti xoolo u keeni karaysaa aanu jirin. Arrinka
kale ee khatarta lihi waxa weeyaan caws meel ay ka gooyaan ma leh, waxay
doonayaan inay xaalufiyaan oo ay gawaadhida u soo dirtaan cawska oo ay ka
qaataan Somaliland, waayo cawskii ay Sucuudiga u dirteen qaali buu ku
noqday. Anigu dedaalkii aan ku jiray ee xoolaha iyo nimankii ganacsatada
ee aan xidhiidhka la lahaa dedaalkoodii way wadaan, balse indho-sarcaadka
ay Djibouti dhigayso waa inuu beenoobo oo aynu cawskeena iyo xoolaheena
ilaashano weeyaan.”
Dhinaca kale, warar aanu ka helnay ilo xog-ogaal ah oo Djibouti ku sugan
ayaa sheegay in ganacsato tijaar ah oo Sucuudiga ka timi ay dhowaan
yimaadeen dalka Djibouti oo ay dhawr maalmood halkaas ku sugnaayeen,
kuwaas oo sida la sheegay uu ka mid yahay ganacsadaha weyn ee dhinaca
Xoolaha ee magaciisa la yidhaahdo Mukeerish iyo ganacsato kale oo ka
socotay Baanka Islaamiga ee dalka Sucuudi Carabiya, waxaana joogistooda
magaalada Djibouti lagu sheegay inay la xidhiidho qorshe ay doonayaan inay
xoolihii xilliga Xajka kaga dhoofsadaan dekedda Djibouti, xoolahaas oo la
sheegay inay dhinaca Somaliland iyo Itoobiyaba uga iman doonaan. Top
Golayaasha
Baarlamaanka Somaliland Oo Khabiir Ka
Socda Kenya Casharo Siiyey |
“Anagu Qaabka Aanu Hadda Abaaraynaa Waa
In La Aqoonsado Somaliland, Waxaananu Ku Dedaalaynaa Inay Ka Qayb Gasho
Kulanka Ugu Horeeya Ee IGAD Oo Ay Goob Joog Ka Noqoto”
Hargeysa, November 29, 2006 (Haatuf) – Mudanayaasha golaha Wakiilada
Somaliland ayaa tababar ku saabsan habka ay baarlamanaadu u shaqeeyaan,
xeerarkana u dejiyaan uga furay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Furitaankii tababarkaasi oo uu khudbad ka soo jeediyey Gudoomiyaha golaha
Wakiilada Somaliland C/Raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) ayaa kaga waramay
ujeedada tababarkan, uu ku sheegay in muddada uu socdo ay mudanayaashu ku
falanqayn doonaan habka ay baarlamaanadu xeerarka u dejiyaan, isla
markaana ay u wada shaqeeyaan golayaasha iyo xukuumaddu, isaga oo isla
markaana sheegay inuu casharo ka bixin doono Prof. Meul Petter oo ka mid
ah baarlmaanka dalka Kenya oo khibrad ay u hawlgaleen, golayaasha
baarlamaanku.
Dhinaca kale, waxa isaguna halkaasi hadal ku soo jeediyey Meul Petter oo
khabiirka, casharada bixin doona tababarka, waxaanu sheegay in Somaliland
ay buuxisay shuruudihii qaran looga baahnaa, islamarkaana taagan tahay
meeqaamkii lagu aqoonsan lahaa, wakhtigan xaadirka ah, Somaliland.
Dhinaca kale, mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa tababar la mid
ka golaha wakiilada, iyagoo isla shalay galab uu uga furmay xarunta
golahooda.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Guurtida Sheekh Axmed Nuux oo furitaankii
tababarkaasi khudbad ka soo jeediyey ayaa sheegay in golaha Guurtida
Somaliland uu qayb libaax ka soo qaatay dib u dhiskii dawladnimada iyo
geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, isaga oo intaa ku daray inay
gole ahaan soo dhawaynayaan tababaro noocan oo kale ah oo mudanayaasha loo
qabto.
Intaa ka dib waxa isagu halkaasi khudbad isugu jirta, habka ay golayaashu
u shaqeeyaan iyo xaaladaha Afrika ku soo kordhay geeska Afrika ka soo
jeediyey Prof. Meul Petter oo ka mid ah baarlamaanka dalka Kenya, waxaanu
khudbadiisii ku bilaabay “Golihiinan Guurtidu door weyn ayaad ku lahaydeen
dejintii iyo dib u dhiskii dalkiinu soo maray,a nigu mac-hadka IRI kama
tirsani,balse isaga ayaa iga codsaday inaan waaya aragnimada aan u
leeyahay masuuliyada golayaasha baarlamanka idinla qaybsado, anigoo muddo
dhawr iyo toban sannadood ah ka soo tirsanaa baarlamanka Kenya, waxaanan
muddo dheer gudoomiye ka soo ahaa xisbigii KANU ee dalka Kenya soo xukumi
jiray, Somaliland-na ayey soo martay wax badana way soo qabsatay.
Idinku waxaad ku guulaysateen inaydin distuur samaysataan, mana jirto
mujtamac caalamka ku nool oo aanu dhexdooda ka dhicin, iska horimaadyo iyo
khilaafaad, waad ogtihiin intii dawladood ee geeska Afrika ku fashilmay
inay xaliyeen khilaafyadoodii siyaasiga ahaa. Arrinta ugu muhiimsani waxa
weeye in la dhiso hay’ado ka hawlgala khilaafaadka siyaasiga ah, sidaa
darteed Somaliland baa taala inay ka doodaan oo falanqeeyeen waxay soo
mareen iyo siday wax u dhisanayaan. Waxa diideen inuu Ingiriisku idin sii
haysto, iyo inaad ka mid ahaataan Somalia, rabitaankiinana waxa laga
dheehan karaa dastuurkiina, saddex bilood ee ugu dambaysay waxa dalkayaga
soo galay 250,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah, hub baanay noola soo galeen
khrash badan ayaana naga baxay maxay ku doonayaan baarlamaan iyo
madaxweyne, wuxuuna doonay madaweynuhu inuu Nairobi uun fadhiyo, waxaananu
ku nidhi Soomaali halka kama xukumaysid, orod tag Muqdisho, sidaa darteed
Somaliland iyo Somalia way ii kala qaybsan yihiin, waxaana u hawl galay
sidii ay dawladda iyo baarlamaanku u aqoonsan lahaayeen Somaliland, gudi
baana hordhigayaa aqoonsiga Somaliland, wasiirka arrimaha debada inaan u
yeedhay, madaweynihiinu waa kii Kenya soo maray, Tanzania, imikana
xaaladiinu waa u bisil yihiin, in IGAD idinka war hayso, wasiirka Arrimaha
Debada wuxuu noo balan qaaday inuu IGAD horgeynayo, loona ogolaanayo
Somaliland inay kursi goob jooganimo ku yeelato, aniguna halkan umaan iman
tababar keliya ee waxaan u imid sidii Somaliland u noqon lahayd dal
caalamku aqoonsado, waxaanan dalka Ingiriiska u sheegay inay tusaale u
noqdo aqoonsiga Somaliland, waxayna yidhaahdi idinku Kenya bilaaba,
golihii Guurtida iyo wakiilada waxa idiin qaybsan hawshii xeer dejinta,
idinka iyo xukuumaddana xilkii fulinta sidaas ayuu dastuurkiinu cadaynayaa,
waxaan aad uga helay guddiyadii tur-xaan bixinta khilaafaadka golayaasha
aad u saarteen, golaha wakiilada iyaga waa la soo doortay, idinkuse waxaad
ku timaadeen magacaabid, hab beeleed, inkastood habkan ku soo dhisanteen,
haddana in isbedel lagu sameeyo, hab beeleedkaasi ayaa haboon, dooda aan
idiin la socdaana waa sidii isbedel u samayn lahaydeen, idinkaanay idiin
taalaa, sidaad doorbideen”.
Intaa ka dib ayaa mudanayaasha Golaha Guurtidu su’aalo ku weydiiyeen.
Ugu horeyn waxaa su’aal weydiiyey Mudane C/laahi Sheekh, waxaanay u
dhacday sidan. “Sideed u aragtaa xaalada ku soo korodhay Geeska Afrika iyo
in Uganda, Kenya iyo Itoobiya aqoonsadaan Somaliland?” waxaanu Mr. Petter
ku jawaabay “Anagu haddaanu nahay Kenya waxaanu ka mid nahay wadamada IGAD
oo isugu yimaada kulamo, maadaama aydaan IGAD ku jirin, horta dedaalkayaga
ugu horeeyaa waxa uu yahay in ururka IGAD codkiinu gaadho, imika dedaal
dhexdhexaadina ay dawladayadu ku jirta sidii dagaal loo baajin lahaa,
marna ay maxaakiimta u tegaysaa, marna Itoobiya, marna Uganda.
Qayb dawladda Somaliyeed ayaa tidhi wakiilka Kenya u qaabilsan Somalia yuu
tegin Xamar ama lagu dilaay’e, dawladda Itoobiya in ilaa hadda waxaanu
doonaynaa inaanu ku qancino in aanu dagaal dhakhso ahi bilaabmin, anagu
qaabka aanu hadda abaaraynaa waxa weeye in la aqoonsado Somaliland,
waxaananu ku dedaalaynaa in kulanka ugu horeeya ay ka qayb gasho
Somaliland ee IGAD oo ay tagto oo ay goob joog ka noqoto Somaliland,
kooxaha kale ee Somalia isku hayana in laysku celiyo”.
Waxa isaguna su’aal halkaa ku weydiiyey Mudane X. Cabdi Waraabe, wuxuu
yidhi. “Afrika markii la qayb qaybiyey ayaa shan meelood loo qaybiyey
Soomaalida anagu waxaanu ka xorawnay Ingiriiska afar maalmood anagoo wax
shuruud ah ku xidhin baanu la midawnay Somalia markii aanu u dhiibnayna
maanu odhan dawladda inoo qaybiya, midawgaa bilaa shuruuda ah masiibaa
nagaga dhacday, oo kamaanu macaashin, kolkii diyaaradii Hargeysa ka kacday
ay dib noo duqaysay, nala xasuuqay waxaan nidhi intii Somaliland ka soo
wada jeeday ayuu dawladnimo wada dhisano, oo is-cafino, sidaasaan ku
walaalawnay IGAD inay naga dhega adaygeen oo godob bay naga gashay, olada
Itoobiya iyo Kenya waxaanu u malaynayaa Soomaalida labada dalba degta
awgood idinka aha oo daw aqoon leh baa tihiin, maanta waxaanu magan
idiinka nahay labanambar, xaq darada ay IGAD xaqirtay ergaanu idiinka
nahay ee caalmaka nagu dirtay, laba dabkaa aad ku soo tabacteen ee
madaxweynuhu aad ku soo doorateen Itoobiya kolba u cararaya ee gambadii
Soomaaliyeed lagu baabi’inayo ee Kenya gogol dhigeedii ahayd, colaada
halkaasi ka aloosan Kenya way gaadhi, anagana wax naga soo gaadhi, dabka
ay IGAD shiday inay joojiso haddaan Guurtida Somaliland nahay baanu magan
idiinka nahay, labadaa qodob hadaad ku dedaashaan waa dhamaystirkii
ictiraafkii Ilaahayna waa haysaa, ka IGAD haystayna idinkaa ka warkeeni
doona.
Shirkaa IGAD ee soo socdana waxa kaa rajaynayaa inaad dedaal ka gasho
sidii uga qayb gali lahayd, abaalkiina oo lagu tumanayo, wax weyn baanu ka
tari lahayn.
Mr. Petter oo ka jawaabaya ayaa isaguna yidhi:. “Wixii ay doonistiinu
tahay idinkaa u door leh waxaan anigu idiin balan qaadayaa inaan sidii aan
horeba dedaalka ugu jiray u gali doono, aniga oo Somaliland iyo Somalia
way ii kala cad yihiin, caalamka waa u muuqataa, nidaamka dawladnimada iyo
dimuqraadiyada ee ka hirgeliseen Somaliland iyo siday u dayacantahay.” Top
Axsaabta
Mucaaradka Ah Ee Boorama Oo Ka Hadlay
Heshiiska Golayaaha Qaranka Qaarkood Ee Lagu
Gaadhay Magaalada Sheekh |
Boorama, November 29, 2006 (Haatuf) — Mid ka
mid ah Masuuliyiinta Axsaabta Mucaaradka ee Boorama ayaa markii ugu
horreysay faallo ka bixiyey aragtidiisa ku saabsan heshiiska dhawaanta
lagu soo gebogebeeyey ee turxaan-bixinta Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed,
gudoomiyaha Abaabulka ee xisbiga Kulmiye u qaabilsan gobolka Awdal, Axmed
Yusuf Faarax, ayaa xog-waran uu arrintaasi ka siiyey Haatuf ku tilmaamay
mid aan macno lahayn isla markaana xukuumadda u sii fasaxaya inaanay waxba
ka beddelin siyaasadeeda. Xogwarankan waxa
kale oo uu guddoomiyaha abaabulka Kulmiye, ku daadefeeyey xisbiga kale ee
mucaaradka ah ee UCID, kaas oo uu ku tilmaamay mid qorshahan kula safan
dhinaca xukuumadda, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa: “Waxaan runtii
hadalka heshiiskaasi u arkaa mid aan waxba ka tarayn sida ay u shaqayso
xukuumadda Somaliland iyo golayaasheeduba, iyadoo heshiiskaasi hadduu
jirana aan u arka uun “isdhiibid” uu golaha wakiiladu isku dhiibay
Xukuumadda Rayaale iyo Xisbiga UDUB. Waxa kale oo aan odhan karaa Golaha
Wakiiladu xaq uma lahayn inuu kulan la yeesho Golaha guurtida ee
wakhtigiisii dhaammaaday, cidina aanay soo dooran, arrinta heshiiskaasina
uu awood kale u kordhiyey xukuumadda. Waxan ka warqabnaa in arrinta
kulankan uu ka dambeeyey xisbiga UCID oo weligiiba lagu xanto inuu
gacansaar la leeyahay xisbul-xaakimka, isla markaana maalmahan u
dambeeyeyna hadallo qurux badan ay Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe
iyo Madaxweynuhu isweydaarsanayeen, kulamo aan la ogeyn waxay ku
saabsanaayeenna ay gaar u wada yeesheen. Waxaan rumaysanahay in UCID
weligiiba ka hor yimaaddo talooyinka xisbiga KULMIYE ku doonayo inuu dalka
maamulkiisa uu wax kaga qabto, maanta oo shirguddoonka Golaha wakiilada ay
ku badan yihiinna aan laga sugayn wax ka farxiya shicibka, ee uu la safan
yahay Golayaasha Rayaale ee Guurtida iyo wasiirada.” Top
Madaxweyne
Geelle Muxuu Uga Dan Leeyahay Doca-docaynta Somaliland? |
Warbixin – Maxamed Cumar – Boorama
Qaybtii 2aad
Inkastoo aanay dhallinyaradaasi ama labadaa wiil aanay ku raagin xabsiga
saldhigga Lawyacaddo, la iskana sii daayey haddana waxay bilow u ahayd
olole Xukuumadda Djibouti ku doonayso inay sumcad iyo dhaqaaleba kaga
kasbato dalalka milaterigoodu saldhigga ka dhigteen ciidda Djibouti.
Shan iyo toban maalmood oo aan xilligaas joogay magaalooyinka Saylac iyo
Lawyacaddo, ayaa waxa maalin kasta isoo hormarayey diyaaradaha
helikobtarada ah iyo kuwa dagaalka ee ciidamada xulafada la ah Maraykanka
oo subaxdii iyo galabtiiba iska soo gelaya hawada degaanka Saylac iyo
baddaha ku xeeran, iyagoo joog hoose iyo xawli hooseba ku duulaya. Inta
badan maan arkin meel ay ka soo duulayaan iyo meesha ay ku socdaan, balse
saacadaha ay ku jiraan hawada Somaliland iyo xeebaheeda galbeedba waxaad
maqli karaysay guuxa iyo qaraxyada ka dhacaya dhulka ku xeeran jasiiradda
Saacaddiin. Qaar ka mid ah kalluumaysatada wadata laashashka liita oo ka
soo baxay badda Saylac oo aan wax ka weydiiyey waxa dayaankan iyo guuxan
badda ka dhacayaa uu yahay ayaa mid ka mid ah igu yidhi: “Maalin kasta
guuxaasi wuxu nagu hayaa cabsi, marmar baan is nidhaahnaa malaha badday
idinku darayaan, diyaaradaha qaar baa intay aad noogu soo dhawaadaan aanu
is nidhaahnaa malaha shabaagta ayey idiin jarayaan ciidamadu meesha way ku
tababartaan.”
Haddaba markaad eegto dhaqdhaqaaqyada waagaasi ee bilowga u ahaa
tababarada ciidamada xulafada Maraykanka ee Geeska Afrika ka samaynayeen
dhulka xeebta galbeed, waxa laga fili karaa xukuumadda Geelle inay bilowdo
fulinta arrimaha uu ka damacsan yahay Somaliland, kuwaas oo haatan ku
socda xawli soo dedejin kara tallaabooyin aan la saadaalin karin oo ay
xukuumadda Djibouti ka qaaddo Somaliland, iyadoo la saadaalin karo inay
hawsheedaa ka bilowda xeebaha Galbeed ee Gobolkan Awdal, oo ay ugu
cadhaysan yihiin sida Madaxweyne Rayaale ka yeelay ina abtigii Geelle oo
ka filayey in dadka reer Saylac, ee abtirsiin ahaan ka soo jeeda ardaayada
Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, uu sed-buursiimo ama saami
xoogle ka siin doono Xukuumadda Rayaale taasina ay dhici weyday balse
xitaa waayey saamigii ay ku lahaan jireen xukuumadii Marxuum Maxamed
Ibraahim Cigaal.
Madaxweyne Geelle, oo hoggaaminta Djibouti ka dhaxlay adeerkii marxuum
Xasan Guuleed Abtidoon, wuxu dalkiisa ka dhigay meesha ugu deggen Geeska
Afrika, uguna dhaqaalaha badan, halka ina abtigii Rayaale oo xukunka ka
dhaxlay Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal la ogyahay meesha uu maanta
marinayo Somaliland dal ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba,
haddana cadhada kala haysata labada madaxweyne ayaa ah mid aan si dhib yar
looga gudbi karin sannadaha soo socda, lana filayo in colaadda labada dal
sii xoogeysato.
Haddaba markaad eegto aasaaska ama meesha ay ka timi dareenka colaadeed ee
labada dal ayaa iyaduna ah mid u baahan in la iftiimiyo.
Madaxweyne Rayaale waagii uu ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii Marxuum Cigaal
waxa inta badan farxad muujiyey dadka reer Djibouti ee aaminsan qaarkood
inay Daahir Rayaale iska xigaan Marxuum Cigaal. Riyadaasi waxay keentay in
reer Djibouti ammaan, taageero iyo martiqaadyaba kala daalaan Madaxweynaha
Somaliland ee maanta, taas oo dhinaca kale ka cadhaysiisay Maxruum Cigaal,
oo si badheedh ah madaxweyne ku-xigeenkii waagaasi, Daahir Rayaale, ku
canaantay xidhiidhka dhaw ee uu la samaystay madaxweynaha Djibouti iyo
xukuumaddisaba............
La soco Top
Vacancy:
Environment project manager |
Vacancy Announcement
Position: Environment project manager
Nagaad umbrella organization is a non-profit making, non-governmental,
voluntary and humanitarian umbrella organization that was established by
31 local Somaliland Women Organizations in 1997. Nagaad umbrella
organization strives for the development of women in Somaliland and its
programmes are aimed at strengthening of Nagaad's organizational capacity
as well as it's member organizations by ensuring adequately skilled,
competent and diverse Human Resource to carry out effective and
sustainable projects.
Nagaad Umbrella Organization is looking for a suitable person to fill the
position of a Project Manager for Nagaad Umbrella Environment in Hargeysa
Office. The Project Manager will directly report to the Program
Coordinator.
DUTIES AND RESPONSIBILITIES:
Under the overall guidance of the Executive Director through the program
Coordinator of Nagaad Umbrella the Environment project manager shall
perform the following tasks and responsibilities:
1. To lead and manage the proper and effective Execution of the
Environment project in Somali land
2. Implement project activities as per project plan and Nagaad procedures
3. Prepare Activity plans and budgets and approve from the Executive
Director trough the Program Coordinator
4. Provide Guidance and support to the project staff to enhance the
development of the Organization
5 Prepare project proposals on the field of Environment activities
6 To effectively plan and Monitor the smooth implementation of the
Environment project
7 Establish Monitoring and evaluation System for the project
8 Conduct field of activity Visit for monitoring purpose
9 Prepare and Submit Monthly, Quarterly, and annual project activities
reports to the program coordinator
10 To liaise and coordinate with relevant Government Authorities and the
other Actors in Environment projects
11 Perform any other tasks and duties that may delegated by the Program
Coordinator and the Executive Director
Required Skills and Qualifications:
· Minimum of a degree/ Diploma in Environment, Ecology, Health or
Agriculture
· Minimum of 3 years experience working in a similar job.
· Minimum of 3 years experience working with the International or Local
NGOs
· Good interpersonal relations and teamwork.
· Excellent written and verbal communication in English.
· Excellent in computer applications
Interested candidates should submit their CVs, written application and
copies of their certificates to Nagaad Administration Office in Hargeisa
not later than Sunday 3rd Dec. 2006. Nagaad’s an umbrella for women
organizations, and women are especially encouraged to apply. Top
Taariikh
Nololeedkii Marxuum Xaaji Mahdi Maxamuud Hurre (Buubaa) |
1. Marxuum Mahdi Buubaa wuxuu ku dhashay
magaalada Hargeysa taariikhdu markay ahayd 1921.
2. Marxuumku yaraantiisii isagoo kuray ah waxa uu u safray magaalada
Berbera, halkaas oo uu ugu dhacay dagaalkii labaad ee adduunka.
Dagaalkaas dabadeed wuxuu ku soo laabtay magaalada Hargeysa, halkaasna
wuxuu ka bilaabay barashada gaadiidka, taas oo waqtigaas ahayd farsamada
ugu sarraysa ee la barto.
Muddo ka dib ayuu marxuumku u dhoofay magalaada Jijiga. Waqti ka dibna,
wuxuu u gudbay dhinaca Boorame, halkaas oo markuu muddo joogay uu u sii
dhaafay magaalada Jabuuti iyadoo weli dagaalkii labaad aanu dhammaanin.
3. Ganacsigii ugu horreyay ee rasmiga ahaana wuxuu ka bilaabay magaalada
Boorame oo uu degay. Taasi waxay muujinaysaa inuu xoolihiisii ku aaminay
meel aan deegaankiisii ahayn, taasina ahayd mucjiso. Dadkii kula
yaabanaana markii danbe ku daydeen ilaa waqtiganna ay kuwo badani degan
yihiin. Sidaana wuxuu ku noqday deegaanka rasmiga ah ee Boorame oo ilaa
hadda lagu xushmeeyo isaguna uu ku dhaadan jiray.
Marxuumka oo Boorame ku sugan ayaa loo magacaabay xubin ka mid ah golaha
deegaanka magaalada Hargeysa taariikhdu markay ahayd 1953. Iyadoo si
isdabajoog ah loogu dooranayay waqtiyadii danbena xubin golahaa deegaanka
Hargaysa ah. Waxaanu ka soo qabtay xilal kala
4. oo ay ka mid ahaayeen guddiga waxbarashada, bulshada, iyo shuruucda
dhulka.
Halgankii gobanimodoonka
1. Waqtigaa oo uu Hargeysa u soo wareegay oo ay bilaabmeen dabaylihii
gobaninodoonku, waxa uu marxuumku ka mid ahaa halgamayaashii hiilka iyo
hooga la daba joogay halgankaas. Waqtigaas oo ganacsigiisii ku soo fiday
Hargeysa.
2. Kaalintiisii saamaynta lahayd ee hormooodnimada warshadaynta dalka (Wershadda
Pepsi Cola), ee sideetanaadkii oo la sameeyay warshaddii Pepsi Cola si
looga baaqdo sharaab dibedda laga keeno, meeshana ay ku jirtay shaqo
abuuris dalka ah. Wuxuu marxuumku ku dhiiraday inuu xoolihiisii geliyo
kana noqdo saamiile wayn, isagoo ka duulaya danta guud ee dalka. Marxuumku
wuxu ka soo qabtay warshaddaas xilal kala duwan oo ay mid ahaayeen
guddoomiye-ku-xigeen iyo guddoomiye. 3. Hadda
oo lagu guda jiray dibu furida warshaddaasna wuxuu ka ahaa guddoomiye,
iyadoo saamilay badan oo qurbaha iyo dalkaba joogtaa ku aamineen
wakiilnimadiisii.
4. Marxuumku dhinca wax soo-saarka dalka wuxuu u ahaa astaan ku dayasho
mudan, tusaale ahaan beerta uu ka sameeyay Uubaale oo dad badani waqtigaa
kula yaabanaayeen meesha uu ka samaynayo beertaas. Taas oo waxsoo
saarkeedii noqday mid lagu wada dayday, isagoo dhowaanna ku soo biiriyay
inuu geel ku dhaqo. Halgankii Hubaysnaa ee
SNM ee 1988-1991
1. Marxuumku wuxuu kaalin libaax oo hormoodnimo ahayd ka soo qaatay
halgankii SNM ee dibu xoraynta dalka. Isagoo ka qayb qaatay
shirwayneyaashii Caydaroosh, Madalweyn, Balligubadle, Sallaxlay iyo
Dhoqoshay. Waxa kale oo iyana xusid mudan kaalintii dhaqaalaha iyo
wacyigelinta halgankaas. Dibu-ula soo
noqoshadii xorriyadda iyo madax-banaaninada
Somaliland (1991).
1. Waqtigaas oo uu si isdaba jooga ah oo aan hakad lahayn isugu xilsaaray
kana mid ahaa odayaashii u howl galay qabsoomiddii shirweynihii
dibu-heshiisiinta ee lagu qabtay Burco, kaas oo lagu go’aansaday dib-ula
soo noqoshada gobanimada iyo qaranimadii Somaliland 18 May 1991.
2. Shirweynihii dib ula soo noqoshadii gobanimada waxa ka danbeeyay shirar
badan oo turxaan bixin iyo nabadayn ahaa, marxuumkana waxaa lagu
xusuusanayaa kaalmihii uu ka soo qaatay shirarkaas iyo kulammadaas, kuwaas
oo ay ka mid ahaayeen: - Shirkii Sheekh, kii Berbera, Oodweyne, shirarkaas
oo ahaa dhammaantood turxaan bixintii beelaha Somaliland uu kana dhashay
shirweynihii shanta bilood socday beelaha Somaliland ee lagu qabtay
Boorame 1993. shirkaas oo lagu soo saaray axdi qarameedkii lagu dhaqayay
dalka distoorka ka hor.
3. Waxa aan iyana la illaawi karin kaalintii uu ka qaatay shirkii
nabadeynta ee Burco 1994.
4. Marxuumku intaas oo howl ah oo uu soo qabtay marnaba kama uu doonayn
inuu wax xil ah ama kursi ku helo.
Kaalintiisii Diinta Islaamka
1. Marxuumku Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu ahaa shakhsi mu’min ah oo
cibaado badan, isagoo Xajka iyo Cumradaba ku noqnoqday. Wuxuu ahaa run
sheeg ballan adag.
2. Marxuumku wuxuu caan ku ahaa necbaanshaha beenta iyo ballandarrada.
Tafiirtii Marxuumka
1. Marxkuumku wuxuu ifka kaga tegay 50 qof (wixii uu dhalay iyo waxay sii
dhaleen) iyo saddex haween ah.
Taariikhdan waxa soo ururiyay
1. Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi waraabe)
2. Cabdi Ugaas Muxumed (Taliyaha Ciidanka Asluubta JSL)
3. Macalin Xuseen Sh. Maxamuud Sh. Haaruun
4. Cabdi Aw Maxamuud Aw Cadde
5. Caydiid Cabdillaahi Diiriye Top
Wasiirka Caafimaadka Iyo Shaqada Somaliland,
Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), Xasan Cali Abokor, Maxamed Cali
Yuusuf (Maydhax) iyo Maxamuud Axmed Ismaaciil, dhamaan dadkaasi waxay
tacsi u dirayaan qoyskii, eheladii iyo dhammaan ummadda reer Somaliland oo
ay ka tacsiyadaynayaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum
Mujaahid XASSAN YOONIS HABANE oo 27/11/2006 ku geeriyooday magaalada
Hargeysa, waxaanay Illaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisii jano ka
waraabiyo, qoyskii, ehelkii iyo dhammaan ummadda Somalilandna samir iyo
iimaan ka siiyo. Aamiin … Aamiin ..
TACSI: HALYEYGII SOMALILAND MUJAAHID XASAN YOONIS HABANE
GEERIYEEY XISHOODLAAY !
Jamaal X. Maxamed Musse-Geedi iyo xaaskiisa Nimco X. Maxamud
Axmed Muuse Geedi (SanJab)
Siciid Cumar X. Siciid iyo Xaaskiias Nimco Maxamed Cabdi
Maxamed Axmed Sh. Muuse
Dhamaan dadkan oo kala jooga Canada, Maraykanka
Waxanu tacsi u diraynaa dhamaan qoyskii, eheladii iyo dhamaan shacabka
reer Somaliland ee uu ka geeriyooday Halyeygii Somaliland marxuum XASAN
YOONIS HABANE oo 27/11/2006 ku geeriyooday Magaalada HARGEYSA.
Waxanu leenahay marxuumka illaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo,
qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan shacabka Somaliland ee uu ka baxayna
illaahay samir iyo iiman haka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin ayaanu leenahay.
TACSI: MARXUUM XASAN YOONIS HABANE OO KA MID AHAA HALYEEYADII U DACAREEYEY
CIIDAMADII FAQASHTA IYO XULAFADOODII INAY XASUUQAAN BEESHA ‘ISAAQ’(
1981-1991).
INA-LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
Aniga oo ah Xoghaya Guud ee Xisbiga UCID Mudane Axmed Muuse Geedi (Sanjab)
ku hadlaya magacayga, ka xaaskeeda iyo ka Xisbiga, waxan ka
tacsiyadeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan shicibweynaha reer
Somaliland geeridii naxdinta badnayd ee ku timid Mudane, Mujaahid, Taliye
XASAN YOONIS HABANE oo ka mid ahaan jiray Taliyeyaashii Garabka Hubeysan
ee SNMTA ee xeeladaha dagaal ee la yaabka badnaa ku muquuniyey Ciidamadii
FAQASHTA iyo Xulafadoodii, ka bacdina ka badbaadiyey beesha ISAAQ Xasuuqii
u qorsheysnaa. Farsamadaas oo dhashay GOONI-ISU-TAAG-SOMALILAND. Min 1991
ilaa hadda, Mudane Xasan wuxu ka mid ahaa Madaxdii RUKUNADA u taagtay
Dawladnimada Somaliland. Waxan HALYEEGAAS ILAAHAY uga u baryayaa inuu
janadii fardowsa ku hooyo, inagana dhamaanteen samir iyo imaan inaga siiyo.
Inteena wali noola, waxan ilaahay u baryayaa inuu ina garansiiyo in xaq u
dirirku yahay wax waajib inagu ah. INA-LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN.
ALLAA MAHAD LEH.
Mudane Axmed Muuse Geedi ( sanjab)
Xoghaya Guud ee Xisbiga UCID.
TACSI
Wakiilka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal iyo masuuliyiinta laamaha kala
duwan ee xisbigaasi waxay iyagoo ka wakiil ah shacbiga Gobolka Awdal iyo
taageerayaasha xibigaasi, tacsi u dirayaan guud ahaanba shacbiga
Somaliland, taageerayaasha xisbiga, dawladda, qaraabadii, saaxiibadii iyo
eheladii ay ka kala geeriyoodeen marxuumiinta kala ah
Daa’uud Maxamed Geelle iyo Xasan Yoonis Habane, waxayna Illaahay uga
baryayaan inuu jannadii ka waraabiyo inta uu ka tegeyna samir iyo iimaan
ilaahay ka siiyo. Aamiin... Aamiin…
TACSI
Dhamaan xubnaha xisbiga ucid ee laa’amaha uk iyo. yurub waxay Tacsi u
dirayaan. Dhamaan eheldii qaraabadii iyo Asxaabti gaar ahaan ururkii SNM
iyo dhamaan Shacabka Jamhuuriyad Somaliland iyagoo uga Tacsiyadaynaye ku
timid marxuun mujaahid Xasan Yoonis Habane oo ka mid ahaa Saraakiishii
udub dhexaadka u ahayd urukii SNM ku geeriyooday magaalada Hargaysa
ilaahay ha u xaxariiso dhamaan teena Samir iyo Cibro qaadasho haynaga siyo
Amiin.
1. Mujaahid mahamed Xusen Meecaad
2. Mujaahid mahamud Salaxan
3. Mujaahid Abdirahman Gees
4. Mujaahid mahamed Xiis
5. Mujaahid Siciid Abdi yususf (Siciid Xabashi)
6. Mujaahid Abdi aw Xuseen (Abdiindhoole)
7. Mujaahid Mohamed Mahamud (mataan)
8. Mujaahid Adan Saytuux
9. Cabdiqani Siciid Adan
10. Mahadi Jamac Rooble
11. Ahmed X Jamac Mecaad
12. Mahamed Ali uurdoox
Dadkaas oo ku nool magaalada Sheffield waxay Tacsi u dirayan qarabadii iyo
eheldii ee ka gareyooday Xasan Yoonis Habane.
TACSI KU SOCOTA QOYSKII
MUJAAHID XASSAN YUNIS HABANE
Anagu ka midah muwadininta Reer Somaliland eek u dhaqan Dalka Saudi
Arabia, Waxaanu tacsi u dirayna qoyskii,asxaabtii,eheladii, iyo dhamaan
umada reer Somaliland geerida naxdintaleh ee ku timid Marxuum Mujaahid
XASSAN YUSNIS HABANE. Waxaanu ilaahay uga baryaynaa marxuum Xassan inuu
denbigiisa dhaafo, Naxariistiisana ka wraabiyo.
Tacsida waxa diraya:
1. Abshir Cabdillaahi Xasan
2. Sulaymaan Yuusuf Cilmi
3. Cabdilaahi Nuur
4. Aadan Cabdi Diirye.
5. Ali Mooge (Cali Wajaale)
6. Ismaaciil Nuur
7. Haybe Adan Caateeye
8. Muuse Muhumed Sabriye
9. Caydiid Xaashi Cige.
10. Maxamad Xasan (Barbaraawi)
11. Axmad Cali Cige IIdle
12. Ibrahim Mawliid Cabdi
13. Cumar Muxumad Maax
14. Maxamad Xasan Barre
15. Nuux Cumar.
16. Maxamuud Carab Obsiiye.
17. Maxamad Xasan Guray Dheereeye.
18. Khadar Xaashi Cige.
19. Cali Muxumad Muude
20. Aadan Faarax Muude
21. Maxamad Ismaciil Hoori (Dankali)
22. Faysal Yoonis
23. Cabdillahi Sheekh Muuse
24. Idiris
25. Maxamad Cabdi Xaddi
26. Daauud Coomay.
27. Axmad Ibrahim
28. Maxamad Cumar.
29. Maxamad Jaamac Bulaale
30. Abshir Muxumad Qaasaali
31. Haybe Oomaar
32. Cabdillahi Cumar
33. Jaamac Xuseen Hure
34. Ahmed Yuusuf
35. Maxamad Cali Samir
36. Daahir Aw Cali
37. CabdiKariim Ciise Suldaan
38. Zame Haybe Aadan
39. Ilyaas Cumar Aadan
40. Muxyadiin Cumar Aadan
41. Habiib Cabdi Aadan
42. Ibrahim Haybe Aadan
43. Abdillahi Abshir Abdillahi
44. Xamze Abshir Cabdillahi
45. Xasan Abshir Cabdillahi
46. Shucayb Abshir Cabdillahi
47. Jaamac Ibrahim Guuleed.
48. Maxamad Cali Nuur.
49. Axmad Aw Cali – Aw Dheeli
50. Maxamad Ciise Nijaar
51. Daahir Miigane Nuur
52. Daahir Axmad Mixile
53. Axmad Geelle
54. Maxamad Ismaaciil Joodare
55. Maxamad Beegsi
56. Mukhtaar Axmed
57. Aadan Sulub Ciise
58. Axmad Xuseen Ismaaciil
59. Maxamad Cabdi Biirshe. Top
Maxay Ku Kala
Gedisan Yihiin Hab-Dhaqanka Maamul
Ee Madaxweyne Rayaale Iyo Marxuum Cigaal? |
Faqidaad – M/Rashiid Muxumed Faarax
Qaybtii 5-aad
Musuq maasuqyadii uu Marxuum Cigaal sameeyey ee uu dalka kaga tegay kuwii
ugu waaweynaa waxaa ka mid ahaa:
- Lacagta $30 (soddonka Dollar ah) ee Baanka Somaliland u sarifo dadka
madaarada ka soo dega, taasi oo lagu sarifo 3500 Sl Sh, (Saddex kun iyo
shan boqol oo Somaliland ah) qof walba. iyada oo lacagta adag ee dawladda
ku soo gasha cashuurta ee baanku kaga qabto qiimaha 3500 Sl Sh ah, halkii
dollarba ee haddii dawladdu lacag adag u baahatana Baanku ku siinayo
qiimaha suuqa xorta ah ee ah 6500 Sl Sh ah, halkii dollar, taasi oo Baanku
ka helo malaayiin dollar oo aan miisaaniyadda dalka gelin.
- Keenistii dalka ee shirkadda TOTAL iyo heshiiskii uu la galay ee sharci
darrada ay ku tilmaameen golihii Wakiiladda ee kan ka horeeyey, isla
markaana diideen ansixinta shirkaddaa. Isagoo madaxweyne Rayaale ka
dhaxlay wadadaa uu u jeexay oo imika labada arrinba sidoodii u socdan ayuu
haddana ku soo kordhiyey Rayaale musuq maasuqyo kale oo ay ka mid yihiin
- Iibka iskaraabka dalka oo aanay lacagta ka soo xeroota oo lagu qiyaasay
malaayiin dollar-na aanay gelin miisaaniyadda dalka.
- Iibka ceelasha saliida iyo batroolka oo lacagta laga qaadaanaa aanay
gelin miisaaniyadda dalka, oo inta la ogyahay dhawr shirkadood laga qaaday
dhawr milyan oo dollar.
- Iibka Guryaha iyo dhulka dawladda oo ay ka mid yihiin
- Dekedda Berbera dhexdeeda oo laga iibiyey Ilma Faarax Xarbi
- Guryaha dawladda ee Baar Hargeysa agteeda, oo laga iibiyey Baxsane
- Xerada Taraafikada oo laga iibiyey Aadan Baradho
- Bogcada jagada ah ee TOTAL laga iibiye ee kaalinta ay ka dhisanayso ee
la isku qabsaday
- Iibka kaluunka baddaha Somaliland ee maraakiibta Masaaridu ku xaalufisay
badaha dalka oo dhan.
Top
|