“Talaabooyinka Ay Xukuumaddu Kula Kacday Komishanka
Iyo Saxaafadda Oo Laf-Dhabar U Ahaa Dimuqraadiyadda Ayaanu Dib Wax Isaga
Weydiinaynaa”
Diblomaasi Midowga Yurub Ah
Xisbiga UCID Oo Cambaareeyey Xukunka Xadhigga Iyo Xayiraada Ah
Ee Ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa Ku Ridday Haatuf
Warbixin Ay Hay’adda Xuquuqul Insaanka
Bariga Iyo Geeska Afrika (EHAHRD) Ka Diyaarisay Geedi Socodkii Dacwada
Suxufiyiinta Haatuf
Dawladda Imbagathi Oo Isu Diyaarinaysa
Hub Ka Dhigis Kama
Dambays Ah Iyo Cabsida Laga Qabo Dagaal-Weyne Ka Dhex
Qarxa Hawiye Iyo Daarood
“Xeerka Ciqaabta (Penal Code)
Soomaaliyeed
Waxa Loogu Talo-Galay In Lagu Khaarajiyo Saraakiishii Inqilaabkii 1961-Kii”
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse Iyo Mustafa Cabdi Cartan
Xaqdarro: Xukunka Xadhigga
Suxufiyiinta Iyo Xayiraadda Haatuf
Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad Ah
Ku Ansixiyey Xeerka
Diiwaan-Gelinta Cod-Bixiyeyaasha
Hogaamiyihii Mucaaradka Zimbabwe Oo
Xabsiga Loo Taxaabay
Axmed X. Daahirow Jawaabtaada Waxa Ku
Filan Dumarka Iyo Caruurta
Ajandaha Kalfadhiga 32-Aad Ee Golaha
Guurtida Oo Lagu Daray Qoddobo Xaasaasiya
|
|
“Talaabooyinka Ay Xukuumaddu
Kula Kacday Komishanka Iyo
Saxaafadda Oo Laf-Dhabar U Ahaa Dimuqraadiyadda Ayaanu
Dib Wax Isaga Weydiinaynaa”
Diblomaasi Midowga Yurub Ah |
Nairobi March 12, 2007 (Haatuf) Wakiilada
dalalka deeqda bixiya, gaar ahaan Midawga Yurub ayaa la sheegay inay dib
uga fiirsanayaan, waxna iska weydiinayaan mucaawinooyinkii ay Somaliland
siin jireen, gaar ahaan dhaqaalihii ay kaga caawin jireen dhinaca
doorashooyinka, sidaana waxa xaqiijiyey warar aanu ka soo xiganay ilo
diblomaasiyadeed oo u dhuun daloola Midawga Yurub xafiiskooda Nairobi.
Sida la sheegay waxa jirta lacag uu ururka Midawga Yurub u hayo meel
marinta diiwaan gelinta codbixiyayaasha Somaliland. Sidoo kale waxa jira
qorshe ay gacanta ku hayeen ururka Midawga Yurub iyo wakiilada wadamada
deeq bixiyayaasha ee fadhigoodu yahay Nairobi, taasi oo ay ku talo jireen
inay taageero dhaqaale u raadiyaan doorashooyinka soo socda ee Somaliland,
hase yeeshee waxay wararku sheegeen inay wakiilada wadamada Deeqda bixiya
ee Midawga Yurub ay dib wax iskaga weydiinayaan kana fiirsanayaan
taageerooyinka dhaqaale ee la maaganaayeen Somaliland, taasna waxa la
sheegay inay sababtay waxyaalihii bilihii u dambeeyey ka dhacay
Somaliland, gaar ahaan talaabooyinkii ay xukuumadda Somaliland kula kacday
Komishanka Doorashooyinka iyo xadhiga suxufiyiinta.
Arrimahaasi waxay shaki weyn ku abuureen wakiilada dalalka deeqda bixiya,
waxayna taasi keentay inay guddiga Midawga Yurub ee fadhigoodu yahay
Nairobi su’aalo iska weydiiyaan sababta keentay inay Somaliland oo
sannadihii ina dhaafay ku talaabsaday horumar wax ku ool ah oo dhinaca
dimuqraadiyada ah, inay mar keli ah dib ugu noqdaan meel aan loo fadhiyin,
waxaana ka mid ah waxyaalaha ay hoosta ka xariiqeen talaabadii foosha
xumayd ee ay xukuumadda Somaliland kula kacday Komishanka Doorashooyinka
Qaranka, ka dib markii ay xoog kula wareegtay xaruntii Komishanka,
xubnihii Komishankana inta ay qadaadka qabatay debada u tuurtay, iyada oo
aanu abuurnayn komishankii bedeli lahaa.
Waxa kale oo ay guddida Midawga Yurub hoosta ka calaamadiyeen
talaabooyinka ay xukuumadda Somaliland kula kacday saxaafada madaxa banaan,
iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay xadhiga suxufiyiinta Haatuf.
“Somaliland waxa aanu ku caawinaynay horumarka deg dega ah ee ay samaysay,
gaar ahaan dhinaca dimuqraadiyadda, hase yeeshee marka la eego imika ay
talaabooyinka ay kula kacday Komishanka iyo saxaafadu oo laf-dhabar u ahaa
dimuqraadiyada, waxay keenayaan inaanu dib wax isaga weydiino waxa keenay
talaabooyinkan”. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah diblomaasiyiinta Midawga
Yurub ee fadhigoodu yahay Nairobi.
Sida ay sheegeen wararka diblomaasiyadeed ee aanu ka soo xiganay
xafiisyada guddiga Midawga Yurub waxa uu guddiga Yurub magacaabay laba
xubnood oo ay u xilsaareen inuu midba si gaar ah ula socdo sida ay u
dhacdo iyo halka ay ku dambayso xaaladda Komishanka doorashooyinka iyo
geedi socodka xadhiga suxufiyiinta Haatuf.
Ta kale, wefti ka socda Midawga Yurub oo dabayaaqadii todobaadkii hore
socdaal ku iman lahaa Somaliland ayaa baaqday, ka dib markii ay ku war
heleen inuu madaxweyne Rayaale oo ay la kulmi lahaayeen u socdaalay dalka
Ghana, waxaana la sheegay inay madaxweyne Rayaale kala hadli lahaayeen,
waxna ka weydiin lahaayeen arrimaha dhacay iyo waxyaalaha sababay, waxaase
la sheegay inay weftigaasi Somaliland iman doonaan marka uu Madaxweyne
Rayaale dalka dib ugu soo laabto.
Dhinaca kale, warar aanu ka helnay dhinaca Ingiriiska ayaa sheegay inay
dhawaan fadhi gaar ah yeesheen xubno ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo
u ololeeya qadiyada ictiraafka Somaliland iyo sidii kaalmo toos ah loo
siin lahaa Somaliland, waxaana la sheegay inay fadhigoodaa wax iskaga
weydiiyeen arrimaha u dambeeyey ee Somaliland ka dhacay, xukuumadoodana ku
wargeliyeen.
Sida ay wararku sheegeen waxa jiray qorshe loo ololaynayey oo la
damacsanaa inay dawladda Ingiriisku caawimada ay Somaliland ugu talo
gashay si toos ah gacanta ugu geliso maamulka dawladda Somaliland, hase
yeeshee waxay wararku tibaaxayaan in taa dib looga hakaday, laguna talo
bixiyey in wixii caawimo ah la soo mariyo hay’adaha samafalka.
Marka la eego tibaaxo diblomaasiyadeed oo ka soo yeedhay meelo badan oo
dunida ah, waxa la sheegay inay talaabooyinkan u dambeeyey ee xukuumadda
Somaliland ku dhaqaaqday ay bar madaw ku noqdeen sumcada Somaliland. Top
Xisbiga UCID Oo
Cambaareeyey Xukunka Xadhigga Iyo Xayiraada Ah
Ee Ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa Ku Ridday Haatuf |
Hargeysa, March 12, 2007 (Haatuf) –
Gudoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbiga UCID, Xasan Suldaan C/laahi
Suldaan C/Raxmaan ayaa si kulul u cambaareeyey xukunka xadhiga iyo
xayiraada ah ee ay maxkamadda gobolka Hargeysa ku riday Wargeyska Haatuf
iyo afar ka mid ah suxufiyiintiisa.
Gudoomiyuhu waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu xalay na soo gaadhsiiyey oo
uu arrintaasi ka hadlayo, waxaanu qoraalkaasi isaga oo dhamaystiran u
qornaa sidan:-
“Waxa nasiib darro ah xukunka ku suxufiyiinta iyo Wargeyska Haatuf, iyada
oo aan loo marin sifo sharciga waafaqsan, maadaama lagu tuntay xeerkii
saxaafadda yiilay.
Haddaba, xukunkan ku dhisan ciqaabta iyo asbaabta lagu dhisay waxay si
buuxda laf-jab weyn ugu keeneen geedi socodkii hanaanka dimuqraadiyadda
iyo xoriyatul qawlkii milgadeena qaranimo.
Sidaynu la wada socon waxay qadiyadan Haatuf dhaawac culus ku keentay
siyaasadii arrimaha debada, ka dib markii qurba jooga reer Somaliland ay
soo dhaaftay intii ay qarin karayeen, gaadhsiiyeena sida baarlamaanada,
hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dhamaan cid walba oo danaynaysay arrimaha
Somaliland.
Haddaan wax ka taataabto qiimaha xorriyadda saxaafadda xorta ah iyo
kaalinta wax ku oolka ah ee Wargeyskan Haatuf kaga jiro dalkan Somaliland
waxa aan xusuustaa Gudoomiyaha shabakada Haatuf Media Network, ee loogu
abaal guday ciqaabtu inuu halkgankii ka sokow, ka qayb galay ugu yaraan 15
shir oo caalami ah, Somaliland-na u soo hooyey sumcad weyn Qarankan
Somaliland oo ku xardhan taariikhda, baal dahab ahna ka geli doonta
sharafkeedana mudan, shacabka reer Somaliland-na u ogyihiin. Iyada oo aanu
ognahay in meelo aanay gaadhin xukuumadda Somaliland, sida Ra’iisal
Wasaaraha Britain Tony Blair uu la kulmay uu gaadhay, kana raariday
qadiyada gooni isku taaga Somaliland.
Haddaba, waxaan xukuumadan maanta talada haysa ugu baaqayaa inay wuxuun
xeeriso oo muwaadiniinta biri-ma gaydada ah sharafkooda, xorriyadooda ee
dastuurka Somaliland u damaanad qaaday aan lagu tuman iyaga iyo
muwaadiniinta kaleba xorriyadooda.
Marka aynu qiimayno inta ay ina yeelayso oo aynu ognahay inay aad u culus
tahay qadiyadan Haatuf, waxaan mar labaad ugu baaqayaa:
- In si dhakhso ah loogu soo celiyo xorriyadoodii suxufiyiintan lagu
qaaday xukunka ku dhisan ciqaabta oo aanu jidayn dastuurku in lagu qaado
saxaafadda.
- In laga digtoonaado in awooda dawladeed loo adeegsado muwaadiniinta
sharfan si baal marsan shuruucda dalka” Top
Warbixin Ay
Hay’adda Xuquuqul Insaanka Bariga Iyo Geeska Afrika
(EHAHRD) Ka Diyaarisay Geedi Socodkii Dacwada Suxufiyiinta Haatuf |
Kampala, March 12, 2007 (Haatuf) – January
02/2007 ayaa la weeraray xarunta xafiisyada Haatuf Media Network, waxaana
halkaa laga soo xidhay Gudoomiye Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Cali Cabdi Diini.
Weriyaha Haatuf ee Awdal Maxamed Cumar Sheekh ayaa isna laga soo xidhay
gurigiisa oo ku yaala Boorame 14/01/2007, waxaana lagu soo xidhay saldhiga
Koodbuur ee Hargeysa. Xadhigan ayaa lagu xidhiidhiyey maqaalo si taxane ah
Wargeyska Haatuf ugu soo bixi jiray Wargeyska Haatuf November 2006 ilaa
January 2007, kaasi oo ka warami jiray musuq-maasuq iyo xigteysin maamul
oo uu ku kaco madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo xaaskiisu.
Suxufiyiinta xidhan oo la filayey in maxkamadda gobolka Hargeysa la
horkeeno 04/02/2007 ayaa loo diray xabsiga Mandheera, oo ku yaala meel u
dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.
Cali Cabdi Diini waxa lagu eedeeyey inuu meel kaga dhacay karaamada
madaxweynaha, iyada oo Yuusuf Cabdi Gaboobe-na lagu eedeeyey inuu is-hortaagay
bileyska markii la doonayey in la soo xidho. Qoraagii maqaalka xadhigu ka
dhashay Maxamed Rashiid Muxumed Faarax ayaa isna weli dhuumasho ku jira.
Sabtidii February 24/2007 Gudoomiyaha hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Bariga
iyo Geeska Afrika Xasan Shire Sheekh iyo Agaasimaha Fulinta ee hay’adda
Xuquuqda Aadamaha ee Bariga iyo Geeska Afrika Nuura Rehmer ayaa ku tegay
safar qaatay sideed maalmood.
Safarkan waxa xidhiidhinaysay xubin ka mid ah isku xidhka oo magaceeda la
yidhaahdo Ismahaan Cabdisalaan oo ka mid ah dalada ururada haweenka ee
NAGAAD iyo isku xidhaha isku xidhka Somaliland, Gudoomiyaha SAMOTALIS
Ibraahim Muuse Wacays iyo Gudoomiyaha Hornwatch Saleebaan Bulaale.
Tani waa hawlaha samafalka iyo shaqada aan daalka lahayn ee xubnaha isku
xidhka Somaliland suuragelisay.
Ujeedada safarka
Waa diidmada garsoor cadaalad ah oo uu helo Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo
saaxiibadiisa eedooda ayaa suuragelisay baahida safarkan.
Waxa la rumaysan yahay in deraasada tooska ah iyo iskaashiga ururada
bulshada Somaliland suuragal ka dhigtay in loogu ololeeyo dalka gudihiisa
iyo hab caalami ahba, iyada oo ujeedadiisu.
Hawlgalka meesha ka dhacay waxa ka mid ah.
1. in la ururiyo warar lagu kalsoon yahay oo ku saabsan sooyaalkii kiiska
iyo dariiqii ay masuuliyiinta xukuumaddu xadhiga u mareen iyo qaabkii loo
hayey suxufiyiinta Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe, Cali Cabdi Diini iyo
Maxamed Cumar Sheekh
2. In la helo sharciyad lagu kalsoonaan karo iyo deraasad sax ah oo ku
saabsan habka wada shaqayneed ee hay’adaha qaranka.
3. In warar laga helo ururada bulshada, wararkaasi oo ku saabsan xaalada
jirta, iyadoo loo eegayo ixtiraamka loo hayo xuquuqul insaanka iyo ku
dhaqanka sharciga.
4. In laga qayb galo dhegeysiga maxkamadda, iyo in la derso tayada habkii
maxkamadu u dhacaysay, iyada oo loo eegayo sida uu sharcigu qof walba u
xaq siinayo.
5. In lala kulmo masuuliyiinta muhiimka ah, waxna laga weydiiyo kiiska iyo
waajibaadka ka saaran, waana in la socodsiiyo arrimahaasi isku shabaka
isku xidhka caalamiga ah, iyada oo la tixgelinayo sida loola dhaqmay
suxufiyiinta xidh-xidhan iyo ololaha loo galay in la sii daayo iyo
damaanad qaadkoodaba.
Dariiqada Hawlgalka
Hab-socodkii dacwada suxufiyiinta Haatuf ee xidh-xidhan iyo dooda ka
taagan ku dhaqanka sharciga saxaafadda Somaliland iyo laalista maxkamadu
laashay sharcigii sharciyadii iyo doorka ay ururada bulshada Somaliland ku
yeelan karaan.
February 26/2007, waxa soo baxay cadaadis la iskugu tegay oo masuuliyiinta
xukuumada la saarayo, cadaadiskaasi oo gaadhsiisnaa heer qaran, gobol iyo
heer caalamiba. Waxaana masuuliyiinta xukuumadda loogu baaqayey inay
suxufiyiinta xidhani helaan garsoor xor ah oo loo siman yahay oo maxkamad
furan kiiskoodu ka dhaco, sida ku cad xeerka saxaafadda Somaliland.
Markii ay yimaadeen weftigii ka socday ururka Xuquuqul Insaanka Bariga iyo
Geeska Afrika ee la yidhaahdo EHAHRD-net waxay qorsheeyeen iskuna xidheen
xubnaha isku xidhka xuquuqda aadamaha ee Somaliland. Waxay weftigu
markiiba bilaabeen dacwad heerkeedu sareeyo, taasi oo ay la kulmeen
dhinacyo kala duwan oo ku lug leh xadhiga suxufiyiinta, kuwaasi oo ay ka
mid yihiin masuuliyiin sar-sare oo xukuumadda ah, xubno caan ah oo ka mid
ah baarlamaanka iyo xubnaha ururada jira ee bulshada.
Arbacadii 28/02/2007 EHAHRD waxay kulankoodu ugu horeeyey la yeesheen
wasiirka arrimaha debada Somaliland, maalintii ku xigtayna wasiirka
cadaalada, labadaasiba way soo dhaweeyeen weftiga, inay kala shaqeeyeen
dhaq-dhaqaaqyadii ay wadeen ee ku saabsanaa maxaabiista xidh-xidhan, sida
inay soo booqdaan suxufiyiinta xidh-xidhan iyo inay indha-indhayn ku
sameeyaan sida ay dacwadu u dhacayso.
Weftigu waxay bartilmaameed ka dhigteen, isla markaana ay nidar ku galeen
inay madaxweynaha ku wargeliyaan, sida ay bulshada caalamku uga xun tahay,
una danaynayso xadhiga saddexda suxufi, iyo saamaynta xun ee ay ku
yeelayso aragtida xun ee ay dunidu ka qaadanayso dalka Somaliland. Top
Dawladda
Imbagathi Oo Isu Diyaarinaysa Hub Ka Dhigis Kama
Dambays Ah Iyo Cabsida Laga Qabo Dagaal-Weyne Ka Dhex
Qarxa Hawiye Iyo Daarood |
“Waxa Iman Kara Xasuuq Iyo Aargoosi,
Haddii Aan Laga Hortegin Xoogagga Dhafoor-Qiiqa”
Muqdisho, March 12, 2007 (Haatuf) – Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda
waxa ka socda laba diyaar garaw oo iska soo horjeeda, waxaana la
saadaalinayaa in maalmaha fooda inagu soo haya, uu isbedel weyni saameeyo
jawiga magaalada Muqdisho.
Labada diyaar garaw mid waxa ku hawlan dawladda C/laahi Yuusuf oo doonaysa
inay dhawrka todobaad ee fooda inagu soo haya hub ka dhigis kama dambays
ah ku samayso kooxaha iyo dadka hubaysan ee reer Muqdisho. Sidoo kale
dhinaca kalena waxa socda abaabul la isugu diyaarinayo in dagaal lagala
hortago C/laahi Yuusuf iyo ciidamadiisa.
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ee dawladda Imbagathi Salaad Cali Jeelle
oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay
dawladiisu muddo soddon maalmood gudahood ah si kama dambays ah u sugi
doonto amaanka Muqdisho, hubkana dadka uga dhigi doonto.
Sida ay sheegeen wararka aanu ka helnay magaalada Muqdisho in ku dhaw shan
kun oo askari oo soo dhamaystay tababar ciidan ayey dawladda C/laahi
Yuusuf labadii maalmood ee ina dhaafay afka kaga shubtay magaalada
Muqdisho, waxayna wararku tilmaamayaan in dhamaadka todobaadkan ay
magaalada Muqdisho ka bilaabayaan hawlgalo culus oo la sheegay inay ku
sugayaan amniga magaalada, kuna samaynayaan hub ka dhigis kama dambays ah,
taasna waxa la saadaalinayaa inay dhimi doonto ama hoos u dhigi doonto
falalka argagaxa leh ee ay sida joogtada ah magaalada Muqdisho uga
fuliyaan kooxo hubaysan oo aan la suuradin halka ay ka soo jeedaan, iyadoo
ay magaalada Muqdisho tan iyo markii ay qabsadeen ciidamada huwanta
dawladda Imbagathi iyo Itoobiya ay ka dhacayeen dagaalo la isticmaalayo
qoryaha darandooriga u dhaca iyo hoobiyayaasha wax lagu duqeeyo, waxayna
hawlgalada caynkaas ah oo si joogto ah magaalada Muqdisho uga dhacaa
sababeen khal-khal weyn oo dhinaca amaanka ah iyo barakac laxaad leh.
Inkasta oo la saadaalinayo in todobaadada soo socda isbedel weyn lagu
sameeyo dhinaca amaanka oo ay ciidamada cusub ee dawladda Imbagathi gacan
bir ah ku qaban doonaan nabadgelyada magaalada Muqdisho, haddana waxa
dhinaca kale wadnaha farta lagaga hayaa dagaalo riiq dheeraada oo ka dhex
qarxa beelaha ku kala abtirsada jabhadihii SSDF iyo USC (Daarood iyo
Hawiye).
Hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye ayaa todobaadadii la soo
dhaafay magaalada Muqdisho ka waday olole ku saabsan abaabul dagaal oo ay
ku quraan saarayaan khilaafaadka u dhaxeeya beelaha Hawiye, waxayna dadka
beeshooda ku wargelinayeen dareemo dhiilo leh iyo xaalado halis ah oo ku
soo fool leh, waxaana ka mid ah waxyaabaha ay ku guubaabiyaan inay suurta
gal tahay inay markale haleesho xasuuq iyo aargoosi weyni, haddii bay
yidhaahdeen aan laga hortegin xoogagga dhafoor-qiiqa SSDF ee Muqdisho ku
soo qul-qulaya.
Abaabulka iyo muusanawga ay wadaan hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha
Hawiye waxa dabada ka riixaya dadka jaaliyadaha debada ee beelaha Hawiye
iyo hogaamiyayaashii kooxeedyadii awoodooda la wiiqay, waxayna dadka
xaaladda Muqdisho u dhuun-daloolaa farta ku fiiqayaan inuu dagaal lama
huraan yahay, waxayna wararku leeyihiin waxa socda abaabul laba dhinac ah
oo ay qolyaha Hawiye-na doonayaan inay ka takhalusaan xukuumadda dawladda
C/laahi Yuusuf iyo xulafadeeda, halka ay dawladda C/laahi Yuusuf iyo
xulafadeeduna doonayaan inay ka takhalusaan kooxaha hubaysan ee Muqdisho,
waxaase la isweydiinayaa labada qolo midka laga takhalusi doono.
Hogaamiyayaasha Hawiye iyo xataa saraakiishooda Milateri waxay rumaysan
yihiin in haddii hubka xoog lagaga dhigo ay taasi ku tahay halis weyn, si
ay taa uga hortagaan aanay dagaal ka fursanaynin.
Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah saraakiishii Milateri ee
dawladdii Somalia ayaa hadal uu saxaafadda siiyey waxa uu ka digay inaan
hubka xoog lagaga dhigin dadka.
Jeneraal mar uu ka hadlayey xaaladda magaalada Muqdisho waxa uu ku
tilmaamay mid faraha ka baxday oo maalinba maalinta ka dambaysa ka sii
daraysa, laakiin Jeneraal Galaal mar la weydiiyey, sida uu u arko in loo
sameeyo hub ka dhigista waxa uu sheegay in hub ka dhigista loo sameeyo
qorshe heshiis lagu yahay iyo in hub ka dhigista loo maro dariiq nabadeed,
lagana fogaado in xoog lagu isticmaalo, taasi oo uu ka digay cawaaqibkeeda.
Dhinaca kalena waxay wararka Muqdisho ka soo baxay sheegeen inay Muqdisho
iyo nawaaxigeeda dib ugu soo guryo noqdeen rag badan oo ka tirsan
taliyayaashii ururkii maxkamadaha ee burburay, kuwaas oo la sheegay inay
abaabul dagaal ka wadaan gudaha Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Taliyayaasha maxkamadaha ee Muqdisho ku soo noqday waxa ka mid ah Yuusuf
Indhacade oo hore u ahaan jiray Hogaamiye kooxeed ka taliya gobolka
Shabeelada hoose, markii dambena ku biiray kooxihii Maxkamadaha, wuxuuna
Yuusuf Indhacade muddo ku maqnaa dalalka Sucuudiga iyo Ereteriya, waxaana
la sheegay inay weheliyaan oo iyaguna Muqdisho soo galeen rag kale oo ka
mid ah taliyayaashii Maxkamadaha, waxaana ka mid ah Mukhtaar Abu Maansuuri,
waxayna raggaasi sida la sheegay ka soo galeen Muqdisho dhinaca badda,
iyaga oo doonyo la socda.
Waxa kale oo ragga Muqdisho soo galay ka mid ah hogaamiyihii kooxdii
maxkamadaha ka tirsanayd ee la magac baxday Al-Shabaab, Aadan Xaashi
Cayrow, sidoo kale waxay warar aan la xaqiijini tibaaxayaan inuu
Gudoomiyihii Golaha Shuurada ee Maxkamadaha Xasan Daahir Aweys isna
Muqdisho soo galay, waxayna raggaasi Muqdisho ka wadaan abaabul ay dib ugu
habaynayaan dagaalyahankoodii, si ay dagaal ugu qaadaan ciidamada C/laahi
Yuusuf iyo xulafadiisa Itoobiya.
Ilaa hadda lama saadaalin karo sida ay xaaladu ku dambayn doonto, markase
la eego dhinaca Hawiyaha waxa ka socda muusanaw iyo abaabul qabiil,
dareenka caynkaasi ahina waxa la sheegay inuu yahay mid si fiican uga
muuqda dadka reer Muqdisho oo qofkii aad salaantaaba ama ku salaamaaba uu
ku dareensiinayo inay jirto xaalad halis ah oo ku soo fool leh.
Top
“Xeerka
Ciqaabta (Penal Code) Soomaaliyeed
Waxa Loogu Talo-Galay In Lagu Khaarajiyo Saraakiishii Inqilaabkii
1961-Kii”
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse Iyo Mustafa Cabdi Cartan |
Sida la ogsoonyahay gabayaaga iyo heesaagu
bulshada inteeda kale way ka aragti dheer yihiin oo hadba dhacdooyinka ka
aloosan meesha ay ku nool yihiin ayey si gaar ah wax uga iftiimiyaan. Waxa
laga yaabaa in aan dadka badankiisu ahmiyad siin waxyaabahaa ka soo
burqanaya maanso-yahanka laakiinse xili dambi dib la isu weydiiyo.
Suugaatuna waa kayd da’iba da’ ka dhaxasho oo taariikhdii ummadduna barbar
socoto. Waxase ummaddaba aynigeed jabay marka wixii shalay laga damqada
inta si kala loo soo maldaho oo hadba inta talada haysaaa iska dhaadhiciso
in cidii igmatay aanay waxaba ka duwaneyn xawayaanka dareen iyo diidmo
toona.
Reer Somalilandow illaa hadda cidina ma isweydiisey Xeer Ciqaabeetkan
dadkii iyo dalkiiba jahawareerka ku riday asalkiisa, iyo hiddihiisu muxu
yahay? Goormuu dhaqan galay?Arrinta ugu weyneyd ee loogu talagalay in lagu
maareeyo maxay ahayd? Xeerkani halkuu tariikhdii madoobayd ee qaranka
Soomaaliyeed kaga jirey?. Runtu waxa weeye sheekado way ka qoto dheertahay
xadhiga Suxufiyiinta Haatuf.
Inta aynaan su’aallahaas ka jawaabin, bal waxooga an dib ugu laabano
horraantii todobaataneeyyadii:
Waxan uga socdaa in aan akhristaha xasuusiyo muddo hadda ku dhow
afartameeyo sannadood ayaa waxa soo baxday silsiladii la odhan jirey
SIINLEEY oo ay isugu jawaabayeen niman abwaano ah oo ay ka mid yihiin
Cabdi Aden Qays, Maxamed Ibrahim Warsame 'Hadraawi", Maxamed Xaashi Dhamac
"Gaariye", Cali Saleeban, Reeraash iyo qaar kale.
Cabdi Aden Qays oo oo markaa ku sugnaa magaalada Jibuuti ayaa soo direy
gabay uu heeseeyey isagoo saaxiibkii Hadraawi la hadlaya waxa midhihiisa
ka mid ahayd:
"INA WALANWALOW SAMIR HAWEENKA ISA SEEGTE SIDEED NABAR ADOO QABA WAA KAA
KII SAGAALAAD SEEDAHA KU GOOYE."
Iyadoo xaal sidaas yahay ayaa Profasoor Calin sarbeebtii isna u rogay
xisaabtii kakkulasta oo wuxu yidhi:
“TIRO SIMAN SAGAAL GO, SODON KEEN, SIDEED HO..."
Ninkan haddba ka badbaadaya riddooyinkan sagaalka nasiib badanaa oo naf
adaga. Sannadkii 1972 ayaa ardaydii iyo macalimiintii kuliyaddii Lafoole
waxay alifeen riwaayad magaalooyinkii dalkii Soomaaliya intooda badan laga
dhigay. Sheekadii warankii weerarka ahaa mar labaad ayuu riyawaadana ka
soo dhex mudh yidhi. Ninkii la goobayey oo heesayaa isna wuxu yidhi:
"MAXA WARAN LA ILA DOONA, HABEENIMO LA ILA WAAYEY, NASIIBKAY KA
WAABERIISTEY.."
Akhristow bal isweydii sideedan iyo sagaalkan nabar maxay kala ahaayeen?
Xeerka xadhiga suxufiyiinta Haatuf loo cuskaday ayaa ka mid ah sagaalka
aad hore u qabtay ee abwaanadu tilmaameen. Waa laba arrimood oo aan sinaba
isu geyine ee sidaa ma ula socotaan?!?!?!?!?
Ogsoonaada Xeerka Ciqaabta Guud waa nabarka labaad ee abwaanadu ka
dhawaajiyeen!! Ka kowaadna xilimuu ku cuskaday? Haddii aan la is
diidsiineyn waxa gantaalkan lagu helay maalintaad adoo dheeman mar la arag
ah walwaalaya ay si lama filaan ah musqul Xamar ku taal kaaga siibatay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare go'aankiisa ah in aan Xeerka Saxaafaadu ku
salaysanayn " ..caqli, aqoon, sharci, iyo dhaqan midna... isla markaana ka
soo horjeeda Shareecada Islaamka iyo Distoorka Qaranka.."
miyaanu meel ka dhac ku ahayn golayaashii sharci dejinta iyo waaxdii
fulinta ee intuba ansixiyey Xeerka Saxaafadda? Maxkmadda Gobolka Hargeysa,
Maxkamadda Racfaanka, iyo Maxkmaddda Sare saddexduba way ku xadgudbeen
Distoorkii Qaranka ka dib markay isku raaceen ku dhaqanka xeerka Ciqaabta
Guud ee asalkiisu ka soo farcamay isku dhafan shuruucdii Talyaanigu
Soomaali koonfureed u dejiyey iyo xeerkii Ciqaabta ee Baaniyaalka.
Xeerarka noocaas ahi Shareecada Islaamka iyo jiritaanka Soomaliland intaba
waa ku liddi.
Su’aal: Maxkamadda Gobolka iyo Maxkamadda racfaanku xaq miyey u leeyihiin
fasiraada iyo laalista xeerarka golayaasha sharci dejintu hore u
ansixiyeen? Jawaabtu hadday maya tahay sow sifihii loo maray iyo xukunka
lagu riday suxufiyiinta Haatuf waxba kama jiraan iyo xaqdaro ma ah?
Koleyba sumcad xumo wax aan ahayn lagama korodhsan xadhigga wariyeyaasha
Haatuf’e xoriyadooda shuruud la’aan ha loogu soo celiyo.
Sida ku cad xeerarka saxaafadda ee dunidu inteeda badani ku dhaqanto wixii
gef ah ama meelka dhac ee saxaafadda madaxa bannani geysato waxa lagu
maareeyaa sharciyada MADANIGA ah waana mid caalamku ka siman yahay. Sida
aynu ogsoonahay dacwaddii dilka ahayd ee lagu soo oogay ninka Maraykanka
ah ee la yidhaahdo O.J. Simpson markii lagu waayey, waxay markiiba
dacwaddii isu bedeshey madani, xukunkiina wuxu ku dhammaaday in O.J.
Simpson uu bixiyo adduun magdhow ah.
XEERKA SAXAAFADDA SOMALILAND
Dalkeena waxa ka dhaqan galay xeer saxaafaddeed oo ay ansixiyeen
golayaasha sharci dejintu, Madaxweynuhu saxeexay, warbaahinta rasmiga ahna
lagu faafiyey.
Distoorkii ummaddu u codaysayna wuxu qeexayaa in uu reeban yahay ku
dhaqanka shuruucda lidka ku ah shareecada Islaamka iyo qaranimada iyo
jiritaanka Somaliland. Xaqiiqada jirta haddii ay sidaas tahay maxaa
garsoorka iyo hay'adaha hoos yimaada ku kalifey in ay adeegsadaan Xeerka
Ciqaabta Guud? Xadhiga suxufiyiinta Haatuf wuxu galaaftay sumcaddii aynu
adduunweynaha ku lahayn siiba markii laga war helay in maxkamaddu xukunka
ku riday xabsi gudihiis taas oon caalamka aynu ku noolnahay dhaqan u ahayn.
Dhaawaca arrintani dalka u geysatay ka soo kabashadeeduna muddo dheer ayey
inagu qaadandoontaa. Mar haddaan eedaysanayaashu ahayn dad khiyaamo qaran
ku oogantahay, maxaa kalifey in xabsi dhexdii lagaga dhawaaqo go’aanka
maxkamadda? Waa dhacdo adduunyada ku uguba.
Iyadoo tan hore ummaddu la amakaagsantahay ayaa maarayntii Gudigii
Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Wakiiladu u kordhiyey muddadii ay xilka
sii haynlahaayeen muran iyo isafgaranwaa ka dhex abuurtay waaxdii sharci
dejinta iyo tii fulinta. Miyaanay haboonayn in axsaabta qaranka,
golayaasha, iyo xukuumaddu marka hore ku heshiiyaan tirada, saami qeybsiga,
iyo muddo kordhinta intaba. Xalku wuxu ahaa in dhinacyada arrintu
khuseysaa wadatashi iyo isu tanaasul sameeyaan ama muddo kordhinta
Komishankii hore ha noqoto ama xulidda ku cusuba ha noqote.
Marka horeba waxay ahayd in la isla meeldhigo cidda leh awooda muddo
kordhinta. Sideebay wada shaqayni uga dhex abuurmaysaa Xukuumaddii iyo
Golihii sharci dejinta? Mar haddii hawshu ahayd mid muddaysan xilwareejini
waa hubaal, hase ahaate iyadoon ciddii xilka la kala wareegi lahayd kal
dhimantahay maxaa xukuumadda ku ajburay in maalin Jimce ah oon cidiba
shaqaynayn ay xilwareejin sameyso? Haddii sidan arrimuhu ku sii socdaan
waa burburkii dalka oo bilowday.
Sida xeerka saxaafaddu qeexayo haddii shakhsi mihnadiisu saxaafadda la
xidhiidhaa xad-gudub geysto sifaha loola dhaqmayaa waa in ahaato mid
wafaaqsan xeerka madaniga ah. Distoorka dalka iyo shareecadda Islaamka
midna ma ogola in muwaadinka sumcadiisa, karaamadiisa shakhsiyeed,
sharaftiisa, iyo dadnimadiisa midna meel lagaga dhaco ama lagu waxyeeleeyo
warbaahinta. Arrimaha noocaas ah waxa la yidhaahdaa ceebayn, magac dil iwm.[
defamation, libel, slander etc] waxana lagua dhaqaa xeer madani ah sidaan
kor ku soo sheegay. Mar haddii arrintu sidaas tahay Wargeyska Haatuf waxan
uu soo daabacay oo wax ka qoray fadeexad musuqmaasuq [Corruption scandal].
Qarnigii dhammaaday fadeexadihii dhulgariirka siyaasadeed abuuray waxa ka
mid ahaa tii 1963 ku habsatay Wasiirkii Gaashaan dhiga Ingriiska ee la
odhan Jirey Mr. John Profoumo ee sababtay iscasilaadii Ra’iisul Wasaare
Harold Macmillan; waxa kaloo jirtey fadeexadii “Watergate” ee Madaxweyne
Richard M. Nixon galaafatay; sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii Talyaaniga Mr.
Bettino Craxi isna fadeexad musuqmaasuq ayaa maxkamad lagu soo taagay.
Haba yarate ma jirto xukuumad fadeexad la’aan muddadeedii ku dhammaysatay.
TAARIIKHDA XEERKA CIQAABTA GUUD:
Xeerka Ciqaabta Guud wuxu ka mid ahaa shuruucdii dalkii la isku odhan
jirey jamhuuradda Soomaaliya waxana la ansixiyey 1962. Xiligaas waxa
wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa Abdirezak "Taarwale" Haji Hussein; wasiirka
Cadaaladdana waxa la odhan jirey Axmed Geele Xassan [May 1962-April 1965].
Kani ma aha Geele dad-qalkii Maxkamadda wareegta ee sarajooga dilka ku
xukumi jirey.
Meesha waxa ku jirta mucjisad ka weyn xadhiga suxufiyiinta Haatuf. Sida
dadka qaarkii xusuusanyahay Dec. 10dii 1961 waxa Somaliland ka dhacay
afgambi dhiicisoobey. Sarakiishii "Somaliland Scouts" ee afgambigu ka
dhicisoobey waxa lagu oogay dacwad deldelaad ah, kiiskuna wuxu dhammaaday
1963. Sida aad aragtaan Xeerkan Ciqaabta Guud waxa loogu talagalay in
ragii afgambiga hormoodka ka ahaa lagu khaarajiyo.
Taas ma dhicin oo eedaysanayaashii ayaa noqon waayey muwaadiniin u
dhalatay dalkii dacwada ku soo oogay.
Si loo cabiro dareenka dadweynaha reer Somaliland ayaa waxa xamar ka yimid
1962 wefti uu hoggaaminayo Abdirezak iyo xubno ka tirsanaa golihii
wakiilada ee wakhtigaas. waxa iyana xiligaas isasoo tarayey warar sheegaya
in Saraakiisha reer Somaliland dil toogasho ah lagu xukumidoono. Weftigii
oo Hargeysa ku sugan ayaa habeen niman waxgarad ahi ka hadleen fagaaraha
khayriyada Hargeysa. Waxa ugu horeyntii madasha ka hadlay nin Alle
naxariiste la odhan jirey Cumar Hadraawi oo ka yara walaacsan toogashada.
Ka dib waxa hadlay nin isna la odhan jirey Alle ha u naxariiste Jaamac
Saalax. Jaamac hadalkiisii wuxu ku bilaabay oo yidhi, " Wallaahi baan lagu
dhicin in la toogto. Ma annaga oo nool ayaa ubaxii dalkayaga nalagu hor
toogan?
Wallee in aan taasi dhacayn." Ubaxa uu Jaamac Saalax ku dhaaranayey waxa
ka mid ahaa Cawil Cali Ducaale- Wasiirka maaliyadda ee Somaliland oo
maanta ka mid ah xisbiga talada dalka haya. Waxan filayaa in Cawil Cali
Ducaale xasuusanyahay maalintii afgambigu dhicisoobey ee isaga oo dhaawac
fudud qoorta kaga yaalo laga soo qabtey Berbera lana keenay "Payment Ward"
ka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa. Maalintaa dadweynihii Hargeysa ku dhaqnaa
waxay isku xeereen Cisbitaalka si aan halkaa loogala bixin. Cawilow
xildhibaanada ku dhuumalaysana xaydaabka Golaha wakiilada ma waxa isla
garateen Xisbi ahaan in aad Somaliland ka dhaqan gelisaan Xeerkii adiga
iyo saaxiibada la idin kula beegsaday deldelaada?
TAARIIKH LAMA ILLAAWAAN
Iyaba waa cibaaro Alle filimkan mareegtiisu dib u socotaa muxu daaranyahay?
Shan iyo afartan sanno ka hor arrinta sidaa looga dhiidhiyey maxaa dib
inoogu soo celiyey? Su'aalahan jawaabtood waxaynu ka sugi xildhibaanada
saddexda maalmood gaafwareegayey xaydaabka Golaha Wakiilada si aanu u
qabsoomin kooraamka shirkii dib loogu eegayey xeerka saxaafadda.
Mudanayaashu iayaga oo mahadsan ha is waafajiyeen mabda'a aynu
aaminsanahay ee ka midaysanahay ee ah in wixii la isku odhan jirey
Jamhuuriyadda Soomaaliya lagu kala guuray, iyo ku dhaqanka Xeerka Ciqaabta
ee loo sameystey in muwaadiniin inaga mid ah lagu deldelo. Haddii taa la
waayo macnaheedu sow ma aha: waar ma qabtaane maalin dhowna ka dhegeysta
idaacadda "Sama diidow dabinbaa ku dhigan lagugu dili doono."
Xildhibaanow bal ummadda ka dhaadhiciya sababta aad ugu dhegantihiin
xeerkii dalka aynu kala go'nay. Bal si kale an u dhignee: mar haddaad
aaminsantihiin ku dhaqanka xeerarkii Soomaaliya ka badheedha oo dhaha lama
kala go'ine weli gobol ka mid ah ayeynu nahay?
Xildhibaanada sidaa u dhaqmayoow ummaddii idin igmatay waxaad u sheegteen
hadba inta xukunka haysa ayaa dadka iyo dalkuba u afduuban yihiin?
Miyeydaanse maqal gabaygii Alle ha naxariiste Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan
Jaamac uu lahaa:
Waxan ahay ni waayaha adduun wax uga muuqdaane Waxyi iguma soo dego
haddana wax ima seegaane Nin Wadiifad haystaa hadduu wadi aqoonwaayo
Wakhtiguu u jecelyahay ayaa kursiga laga wareejaaye
Nin kalo gabyey isna wuxu yidhi:
Aahin yaa shacbu low kunta tadrii maa waraa'a sitaarin min mawji hamsin
“Shacbiyow haddii aad ogtahay hoos u xanshashaqa daaha dabadiisa”
La nafa alnowmu min jufuunika sawtun haalanii samcahu “Cod maqalkiisu iga
argagixiyey hurdoba dhaban maad dhigteen”
Aahin yaa shacbu kam min cumrika tamdii fii dalam al-assa wa axsaani An-nafsi
“Shacbiyow intee baad noloshaada ku qaadantoona mugdi iyo tiiraanyo”
GEBAGEBO IYO GUNAANAD
Hirdanka iyo loolanka ka dhexeeya axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumadda
Somaliland macneheedu ma aha in ummadda jahawareer siyaasadeed lagu rido.
Mabaadii’da iyo afkaarta ha lagu kala duwanaado, laakiinse waa in laga
midaysnaada isku aragtina laga yeeshaa mustaqbalka iyo halka aynu
higsanayno. Waa in aan marnaba la ilaawin duruufaha siyaasadeed ee
mandiqadda ka jira iyo siyaabaha ay arrimahaasi saamayn inoogu yeelan
karaan.
Danta ummadda ayaa marwalba ka horeysa ta xisbiga iyo ta shakhsigaba. Xil
qabashaduna waa waajib wadani ah oo muwaadinku xaq ayuu u leeyahay in uu
aqoontiisa, waayo aragnimadiisa, iyo hantidiisaba dalkiisa wax ugu qabto
waana u siman nahay.
Wa Billaahi At-Tawfiiq Top
Xaqdarro:
Xukunka Xadhigga Suxufiyiinta Iyo Xayiraadda Haatuf |
Ninkii qayrkii loo xiirayow adna soo qoyso!
Soo dhigo qoorta ha laguu xiiro’e. Mashqaca Haatuf la ruubay waa arami
aasan oo aanay cidina ka badbaadi doonin, haddii aan maanta si toos ah
looga badheedhin. Waa fallaadh jiidanaysa gunaadyo wada sun iyo waabay
miidhan ah oo boogaysan. Bi’i waa’ adduunyooy maxaad laba bogleysaa! Wax
kaleba ka fekerey, hase yeeshee marnaba qorshaha kuma derin in aflagaado
madaxweyne cid lagu xukumi doono Somaliland oo weliba xabsiga loogu dhigi
doono sidaas indho la’aanta ah! Aflagaaddo Madaxweyne! Aflagaaddo!!
Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo xertii wargeyska madaxa bannaan ee
Haatuf saddex ka mid ah, ayaa maanta u qoolan aflagaado madaxweyne, sir
ciidan oo ay bixiyeen iyo fadqalallo abuur qabyaaladeed wax loogu yeedhay!
Xayiraad ayaana lagu soo rogey adeeggii warbaahineed ee Haatuf! Waa xukun
maxkamadeed!
Xaggee lagu socdaa? Maxaa loo gol leeyahay? Miyaanay waxani ahayn fool
xumooyinkii laga dagaallamay ee halaagga iyo hooggu ka dhaceen?! Waa dhako
kale!
Waa tubtii kelitalisnimada iyo hannaankii candadawlnaa ee xoogga iyo
jujuubka ku salaysnaa. Talis milateri ayaynu arrimahaas uga soo joognay.
Xooggii uu talada dalka ku qabsaday ayuu wax ku jujuubi jirey. Hase
yeeshee maamulka Somaliland miyaanu ahayn kii doorashada ku yimi ee xilkan
uu dhayalsanayo ee uu dhabqinayo sida muddaysan loogu dhiibtay (shan
sannadood oo badiba galbaday). Ma ushii gacanta loo geliyey ayuu maamulku
ka dhiganayaa jeedal iyo dubbe xanuun badan oo lagu garaaco dadkii
hawadinta hawlahooda dawladnimo u igmaday daadihintooda! Malaa dadka
laftiisa ayay si wax ka yihiin! Si weyn weliba!
Haddii ay Haatuf soo bandhigtay musuqa iyo xaraan quudashada ay
caadaysigeeda ku walfeen nimanka mindida daabka haysta iyo sida taasi (xatooyada
iyo musuqu) u naafeeyeen madaxtooyadeenna lafteeda, sow dhab maaha oo fool
xumooyinkaasi kama jiraan meel kasta iyo xafiis kasta oo maamulkeenna ka
mid ah. Waynu wada ognahaye xaggee bed qabta; halkee nool oo ka badbaaddey
dawladdeenna qudhun qadhaadhkaas la qooshanayo ee Haatuf qaawisay! Haddii
taas dharkii laga dhigayna ma “dayrkii Makaa” la gubey waa maxay
dinnaahyeyntu! Riyo hadday dib leeyihiin dabadooda ayay ku qarin lahaayeen!
Haatuf iyadaa xukuumaddeenna runta uga dhow. Wax jiritaan muuqda iyo
oollimaad xooggan leh oo caddaymo wata ayay wax ka soo quftay iftiimin
ahaan oo ina hor keentay, waana qayb ka mid ah xilalka iyo waajib
gudashada saxaafadda in dhusinka hoose ee obocda dhulka loogu tago
xaqiiqooyin ku qaadhsanaa oo inta laga soo qufo dibadda la keeno si anshax
leh oo aan ahayn “ku tidhi ku teen iyo muhmal mala awaal ah”, laguna sooro
haqabtir ahaan dhaayaha iyo maanka macaamiisha ka indho saaban xogta ku
qarsoon “daahyada waaweyn” dabadooda. Haddii kale saxaafaddu way macne iyo
muunad beelaysaa marka ay dusha sare in taalla ee lala og yahay uun soo
kor ka xaadiso, inaguna soo celiso “war la qabaa xiiso ma leh”!
Saxaafadda iyo suxufiyiintu sow maaha in ay la dareen wadaagaan bahda
Haatuf oo uga hiiliyaan nactooyada iyo xaqdarrada lala beegsaday. Bahda
Haatuf ma gelin dunuub u dhiganta xadhig sannado ah iyo in wargeyska
hawshiisa laga xayirro. Ha loo oogsado in aan Haatuf shaqada laga
fadhiisin, hana loo kaco sidii loo sii dayn lahaa suxufiyiinteeda xukun
xabsiyeedku ku dhacay. Shacabka oo dhami waa inuu xaq darradaas cadaadis
ka sameeyaa oo maamulka culays lagu saaraa inuu arrintaas dib uga caga
taagleeyo, dib uga noqdo. Muddaharaadyo nabadeed oo aan rabshado wadani
waa mid ka mid ah tallaabooyinka ku habboon falka noocan oo kale ah in
laga sameeyaa.
Maxaa dadka “bahdii” ka wada saaray. Boorame waa in laga diidaa falkan oo
kale. Hargeysi waa in ay maya tidhaahdo. Burco waa in ay diidney
tidhaahdaa. Sanaagna oogsataa. Haddii dhacdhaca dawladdu bato, xuquuqda
waddanigana ay cagta hoosteeda geliso ma aha in hoos looga hogtaa ee waa
in diidmo qayaxan lagala horyimaaddaa. Muddaharaad samaynta iyo
bannaanbaxyadu waxa ay xoojiyaan habka is cabbirka dadka, isu hiilintiisa
iyo is daawaysigiisa, waxanay xakameeyaan damaca adeegayaashooda ay u
igmadeen hawlaha dawliga ah maamul gelintooda.
Waa ceeb iyo wax “caari” ah in maanta la isku xidh xidhaa aflagaaddo
madaxweyne. Waa ku meel-ka-dhac weyn hannaanka furfuranta ee Somaliland
geeddi gelinayso iyo xorriyadda hadalka iyo is cabbirkaba. Ma waxaa dib
loogu noqonayaa “car” juuq dhehdii iyo afkaaga hayso ama afweyne raac ama
Afgooye aaddii shalayto! Sidee xaal inaga yahay!
BAAQ:
Haatuf oo aan hawsheeda laga xayirin
Suxufiyiinta oo xabsiga laga sii daayo!
Wax badan baan dammiin dhega la’aa daasadaw tumaye
Ama ninay indhuhu dagam yihiin day waxaa idhiye
Caammiye nin daadihinayuu diidayaan ahaye.
Dab baan moodey gaaraaabidhaan daymadii hore’e
Dacar iyo unuun baan macaan ugu dudaayaaye
Doofaar ilkihii baan u filay dul iyo yaaquude
Dambas iyo ramaad baariddaan naar ka deyayaaye!
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc)
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
Golaha
Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Xeerka
Diiwaan-Gelinta Cod-Bixiyeyaasha |
Hargeysa, March 12, 2007 (Haatuf) – Golaha
Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyey
xeerka diwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha oo ay xukuumadu u soo gudbisay
golaha wakiilada, kaas oo ka dibna ay guddida shuruucda golaha wakiiladu
wax ka bedel iyo kaabid markii ay ku soo sameeyeen ay golaha horkeeneen ,
kaas oo goluhuna ay doodii ay ka yeesheen todobaadkii hore xeerkan
diwaangelinta, nuxurkii doodaha mudanayaasha ka soo baxay laysku soo
ururiyey, ka dibna lagu soo daray qodobada xeerka.
Fadhigan oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed
C/laahi (Cirro), ayaa waxa marka hore goluhu cod u qaaday in xeerka diwaan
gelinta cod-bixiyayaasha oo ka kooban 43 qodob, qodob qodob loo ansixiyo
iyo in duuduub lagu ansixiyo, taas oo ka dibna uu goluhu isku raacay in
qodob qodob loo ansixiyo xeerka, waxaanay mudanayaashu qodob qodob ku
ansixiyeen 43-ka qodob ee xeerku ka kooban yahay, marka laga reebo qodobka
7-aad ee xeerka diwaan-gelinta oo isagu jabay, kaas oo ka hadlaya foomka
diwaan-gelinta muwaadiniinta iyo shuruudaha looga baahan yahay. Hase
yeeshee waxa qodobkaasi lagu daray iyada oo lagu sheegay in komishanka
doorashooyinku awood u leeyahay inuu ku dari karo foomka diwaan-gelinta,
xog kasta oo dheeraad ah oo ay u arkeen inay muhiim u tahay inay doorasho
dimoqraadi ahi qabsoomto, iyaga oo la tashanaya axsaabta qaranka, sidaas
darteed markii ay mudanayaasha qaarkood sheegeen in qodobkaasi ka
hor-imanayo dastuurka qaranka ayuu gebi ahaanba qodobkaasi 7-aad ee xeerku
jabay, hase ahaatee 42-kii qodob ee kale ayaa mid mid loo ansixiyey.
Intaas ka dib, waxa uu goluhu si duuduub ah cod ugu qaaday xeerka
diwaan-gelinta codbixiyayaasha, marka laga reebo qodobka 7-aad ee xeerka,
waxay mudanayaashu cod aqlabiyada ku ansixiyeen kuna ogolaadeen 39 mudane,
halka ay 2 mudane ka diideen, 2 mudanena ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu
codayn, sidaasi ayaanu ansax ku noqday xeerka diwaan-gelinta cod-bixiyayaashu.
Xeerkan diwaan-gelinta codbixiyayaashu ee ay golaha wakiiladu ansixiyeen
waxa uu ka hadlayaa qaabka farsamo ee hawsha diwaan-gelintu u soconayso oo
uu tilmaamay in hawsha diwaan-gelintu ay soconayso muddo lix bilood ka hor
doorashada horteed, waxa kaloo uu xeerkani sheegayaa in dhamaanba xeerarka
iyo qodobada ka hor imanaya xeerkani ay burayaan, waxa kaloo uu xeerkani
tilmaamayaa in muwaadin kastaa uu ka codayn karo goobtii markii hore laga
diwaan-geliyey, iyada oo la sheegay in qofka ku xadgudba qodobada xeerkan
lagu ciqaabayo si waafaqsan xeerka ciqaabta guud ee dalka. Waxa kaloo uu
xeerkani tilmaamayaa in maalinta hawsha diwaan-gelinta cod-bixintu ay
dalka ka bilaabmayso uu madaxweynuhu dikreeto ku soo saari doono marka uu
helo soo jeedinta komishanka doorashooyinka qaranka. Waxa kaloo uu
xeerkani tilmaamay guddi fasrsamo oo diyaarin doonta dhamaystirka hawlaha
uu xeerkani waajibinayo, kuwaas oo uu magacaabi doono komishanku, kuwaasi
oo ka kooban 7 xubnood oo ka kala tirsan laba xubnood oo komishanka
qaranka ah, laba xubnood oo wasaarada arrimaha gudaha ka socda, saddex
xubnood oo axsaabta siyaasiga ah ka socda, iyada oo xeerkana lagu xusay in
guddidaa farsamo uu gudoomiye u noqon doono mid ka mid ah labada xubnood
ee komishanka qaranka ka metelaya fuddidaasi farsamo.
Ajandaha
Kalfadhiga 32-Aad Ee Golaha Guurtida Oo Lagu Daray Qoddobo Xaasaasiya |
Hargeysa, March 12, 2007 (Haatuf) –
Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay loogu
qaybiyey nuqulka ajandaha kalfadhigooda 32-aad oo maalintii doraad si
rasmi ah u furmay, kaas oo jandahooda lagu soo daray qodobo xaasaasiya ah
iyo xaaladaha taagan.
Fadhigan shalay oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan
Maxamuud Aadan oo mudanayaasha loogu qaybiyey nuqulka ajandaha kalfadhiga
32-aad oo ka kooban 9 qodob oo ay ka mid yihiin warbixinada guddida
joogtada, arrimaha siyaasada dibada iyo gudaha, xaalada nabadgelyada, is-waafajinta
xeerarkii hore u jirey ee lagu dhaqmo iyo dastuurka qaranka, samaynta
guddida cadaalada, midaynta manaahiijta dalka, ansixinta xeerarka
ilaalinta ku tagri-falka hantida qaranka.
Intaa kadib, waxa mudanayaasha lagu war-geliyey inay muddo laba maalmood
ah soo akhristaan ajandaha kalfadhiga 32-aad, qoraalka ajandaha kalfadhiga
32-aad oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan:
1. “War-bixinta guddiga joogtada
2. War-bixinta weftiyadii hawl-gallada golaha
3. Arrimaha Siyaasadda
i Xal-u-helida xaaladan taagan
t Dibada
I. Macluumaadka inagaga soo kordhay maxay yihiin?
4. Nabadgelyada iyo horumarinteeda
5. In la is-waafajiyo xeerarkii hore u jirey ee lagu dhaqmo iyo dastuurka
6. Samaynta guddiga cullimada
7. Middaynta manaahiijta dalka (dan dawliga ah iyo tan gaarka ah).
8. Ansixinta xeerarka:
- Xeerka ilaalinta ku-tagri-falka hantida qaranka
- Xeerka garsoorka caruurta
- Xeerka abbuurida hay’adda Nerad
9. Waxyaabo kale (any other business). Top
Hogaamiyihii
Mucaaradka Zimbabwe Oo Xabsiga Loo Taxaabay |
Harare March 12, 2007 (Haatuf) – Hogaamiyaha
Xisbiga Mucaaradka ah MDC ee dalka Zimbabwe Mr. Morgan Tsvangirai iyo
xubno kale oo xisbigiisa ka mid ah ayaa shalay xabsiga loo taxaabay,
waxayna Mr. Morgan iyo xubnaha weheliyey bileysku qab-qabteen iyaga oo ka
qayb qaadanaya banaan baxyo ka dhacayey magaalada Harare ee caasimada
dalka Zimbabwe. Banaan baxyadaasi oo ay soo qaban qaabiyeen kooxo iskugu
jira kaniisado, mucaaradka iyo ururada rayidka, waxa lagaga soo horjeeday
dawladda madaxweyne Robert Muggabe ee ka talisa dalka Zimbabwe.
Intii aan la qab-qaban hogaamiyaha mucaaradka iyo xubnaha weheliyey, waxa
la sheegay inuu iska horimaad rabshada wataa ka dhacay magaalada Harare,
iska horimaadkaasi oo dhexmaray kooxo dad ah oo dhagxaan tuurayey oo ka
mid ah taageerayaasha mucaaradka iyo ciidamada bileyska oo isticmaalayey
suntan dadka kaga ilmaysiisa. Dawladda Robert Muggabe ayaa hore u soo
saartay qaraaro ay ku mamnuucayso isu soo baxyada siyaasadeed iyo shirarka
aan fasaxa loo haysan, waxayna dawladda Zimbabwe qaraarada ay hore u soo
saartay u isticmaashay xadhiga hogaamiyaha xisbiga mucaaradka iyo xubnaha
kale ee hogaamiyayaasha xisbigiisa ah.
Madaxweyne Robert Muggabe iyo xukuumadiisa waxa sannadihii u dambeeyey
cadaadis xoog lihi ka soo food saaray dhinaca dalalka reer galbeedka, oo
ka soo horjeeda siyaasadaha Robert Muggabe, sidoo kale xukuumadda Muggabe
waxa intaa u sii dheeraa cadaadis si joogto ah uga imanayey mucaaradka
gudaha dalka, kuwaas oo si ba’an xukuumadda ugu dhaliila hoos u dhac
dhaqaale iyo maamul xumo dalka saamaysay.
Madaxweynaha Zimbabwe Robert Muggabe oo bishii February ee ina dhaaftay 83
jirsaday ayaa dhawaan ku dhawaaqay in aanu weli diyaar u ahayn inuu ka
dego kursiga madaxweynaha ee uu markale diyaar u yahay inuu sii fadhiyo
mansabka madaxweynaha. Top
Axmed X.
Daahirow Jawaabtaada Waxa Ku Filan Dumarka Iyo Caruurta |
Mujaahid Axmed Siillaanyo waa astaan qaran,
waana halyay qaran, isla markaana waa ninkii markii halganka loogu heesi
jiray “Siillaanyo Dhalay oo Dhimay Siyaad”.
Haddaba waxa ayaan-darro ah ninkii kula dagaalamayay markuu caayo raggii
xoriyadda keenay, Axmed Xaaji Daahir halkuu joogay markuu Siillaanyo
halgamayay, xagee buu joogay markii Radio Hargeysa faqashta laga kiciyay?
Raggii Raadyow Hargeysa faqashta ka kiciyay ee kuu xoreeyay waa abaalkood
inaad maanta aflagaadaysaa, adigana waxaa laguu dhiibay muftaaxii
idaacadda oo aanad meela u soo marin, dhibaatooyinka Somaliland kow ayaad
ka ahayd, imikana intii aad wasiirka ahayd dhibaatooyin badan ayaad
geysatay, arrintaaduna waa baroorta orgiga ka weyn.
Axmed Aflagaadow, baarlamaanka shicibka ayaa kalsoonidii siiyay mid weliba
dhowr kun oo cod ayuu ku joogaa, 82 xildhibaan sharaftii shicibka ayay
huwan yihiin, adigana nin baa ku keenay, markaad Raadyowgii iyo TV Rayaale
aad u adeegsato cayda xildhibaanada iyo xisbiga KULMIYE, waxaad
ogsoonaataa inaan dib laguu eeganayn, meesha libta aad ka haysatana waa la
garanayaa.
Xaasha’e Axmed Siillaanyo ma gayo nin adiga kuu jawaaba, waxaase adiga kuu
jawaabaya dadkii uu nafta u huray, waxaanuna ballaan ku qaadnay dumar
ahaan inaanu Mujaahidiintii hiil iyo hooba la garab istaagno siday iyaguna
naftooda noogu hureen.
Haddaba Axmed Siillaanyo waa ninkii markii uu helay doorashada siiyay
Rayaale kursiga markuu muran geliyay ee doorbiday dadkiisa iyo dalkiisa,
taasna Siillaanyo abaal waa loogu hayaa (weligiina waa Madaxweyne).
Guntii iyo gebadii, Axmed X. Daahirow adiga hadday cay noqoto iyo hadday
wax kale noqotoba, waxaa kugu filan dumarka iyo caruurta.
Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland Top
|