Wafdi Culus Oo Ka Kooban Hogaamiyeyaashii SNM Oo
Xabsiga Mandheera Ku Booqday Suxufiyiinta Haatuf
Jig-jigga: Dhex-dhexaadinta Colaadii
Daroor Oo Heshiis
Laga Gaadhay, Lagana Soo Saaray Go’aamo 12 Qoddob Ah
Maalinta Qaaxada Aduunka Oo Si Weyn
Looga Xusay Somaliland
Madaxweyne Rayaale Oo Magacaabay
Afhayeenka
Cusub Ee Madaxtooyada
Madaxweyne Rayaale Oo Ku Gacan-Saydhay
Baaqii Guurtida Ee Ku Saabsanaa Dhexdhexaadinta Khilaafkii
Ka Dhashay Komishanka
ASLI INTERNET
DALJIRE: “Daaqaddaa Ka Dhaqaaq Inta
Aanad Ku Diiddin”
By A. Geeljire
|
|
Wafdi Culus Oo Ka Kooban
Hogaamiyeyaashii SNM Oo
Xabsiga Mandheera Ku Booqday Suxufiyiinta Haatuf |
Axmed Siillaanyo Oo Deeq-Lacageed
Gudoonsiiyay Taliyaha Xabsiga Mandheera
Mandheera, March 25, 2007 (Haatuf) – Wafdi culus oo u badan
Hogaamiyayaashii ururkii SNM, ayaa shalay Xabsiga Mandheera ku booqday
Suxufiyiinta Haatuf ee halkaas ku xidhan iyo guud ahaan Maxaabiista
Xabsiga Mandheera, waxayna kooxaha weftiga ahi iska urursadeen oo ka
baqooleen magaalada Hargeysa.
Weftiga xabsiga Mandheera booqday waxa horkacayay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo),
oo muddo dheer gudoomiye ka ahaa ururkii SNM, imikana ah Gudoomiyaha
Xisibga KULMIYE, wuxuuna Axmed Siillaanyo Taliyaha Xabsiga Mandheera Muuse
Abokor Qoorsheel gudoonsiiyay deeq-lacageed oo dhan $500 (Shan boqol oo
doollar), lacagtaas oo maxaabiista xabsiga ku xidhan loogu iibinayo Geel
loo qallo.
Waxa kale oo kooxaha xabsiga booqday ka mid ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali
Faarax, Maxamed Xaashi Cilmi, Abiib Diiriye Nuur, Muuse Biixi Cabdi,
Maxamed Daahir Kheyre, Maxamed Muuse Abees, Cabdillaahi Muuse Cige,
Maxamed Cabdi Iskeerse iyo xubno kale. Weftigan intii aanay Hargeysa ka
amba-bixin waxay warqad ogolaansho ah ka qaateen taliyaha Ciidanka
Asluubta Cabdi Maxamed Gurey.
Weftiga xabsiga Mandheera booqday waxa halkaas ku qaabilay Taliyaha
Xabsiga Mandheera Muuse Abokor Qorsheel, waxaanay weftigaasi la kulmeen
Suxufiyiinta Haatuf oo loo ogolaaday inay muddo nusa-saaco gaadhaysa la
joogaan. Suxufiyiinta Haatuf waxay sheegeen inay askarta ilaalada iyo
maamulka xabsiga Mandheeraba ay si wanaagsan ula dhaqmeen, iyadoo ay
suxufiyiintu intaas ku dareen in markii ay ku xidhnaayeen xarunta CID-da
Hargeysa, ay dhibaato badani ka soo gaadhi jirtay madaxda xarunta CID-da,
balse ay taas ka raysteen markii loo soo gudbiyay xabsiga Mandheera.
Intaas ka dib, Axmed Siillaanyo oo booqashoodii Xabsiga Mandheera kadib
saxaafadda ugu waramay ujeedada socdaalkooda Mandheera, ayaa yidhi:
“Booqashadayadani waxay ahayd mid aanu ku soo siyaaranay suxufiyiinta
Haatuf ee ku xidhan xabsigan, waxa kaloo halkan nooga muuqatay in ciidanka
asluubta laftiisu ay hawlo badan qarankan u hayaan, hawlahaas ay qaranka u
hayaana ay cidhiidhi farabadan ku qabaan, iyaga laftooduna ay u baahan
yihiin taageero iyo wax la qabasho. Maxaabiista kale ee halkan ku xidhan
kuwa xaqdaro ku xidhan iyo kuwa dembiga gelayba iyaguna hawlahooda ayay
leeyihiin, booqashadayaduna may ahayn mid siyaasadeed, waxaanay ahayd mid
aanu ku soo siyaaranay, idinkana way idiin warameen, anagana way noo
warameen. Xubnaha weftigayagan halkan marayayna waxaanu u badnayn raggii
ka tirsanaa ururkii SNM ee halgankii dheeraa soo galay ayaanu intayada
waaweyni u badnayn, xisbina gaar kumay ahayn, dad badan oo qaybaha
bulshada ka midana waanu lahayn, dad aanu halgan dheer iyo taariikh badan
wadaagnay oo xabsiga Maandheera maanta ku jira ayaanu u nimid, si aanu u
soo booqano oo aanu u tusno dareenka aanu la qabno inaanu u muujino.
Ragga suxufiyiinta Haatuf ee maanta xasbiga ku xidhan dareenka ay ku
abuurtay caalamka iyo sida ay dhaawaca weyn ugu geysatay sumcadii dalka
iyo dawladnimadeena waa mid aydin horena uga warqabteen aad iyo aadna
waanu uga xunnahay, waxaananu wali taagannahay suxufiyiintaa iyo
maxaabiista kaleba wixii dulmi ku xidhan in bilaa shuruud lagu sii daayo,
taasaana ugu baaqaynaa xukuumada iyo maamulka Somaliland”.
Dhinaca kale, taliyaha xabsiga Mandheera oo isagana ay saxaafaddu
xog-wareysatay ayaa yidhi: “Run ahaantii tirada guud ee maxaabiista jeelka
ku xidhani waxay gaadhayaan 700 oo qof, inta kiisaska dilka u xidhanina
tiradoodu waa dhowr iyo labaatan, maxaabiistan badankooduna waa
maxaabiistii laga soo raray jeelka Hargeysa, marka laga reebo maxaabiista
dumarka oo iyaga la geeyey jeelka degmada Gabiley iyo maxaabiistii
argagixisada u xidhnaa oo iyagana la geeyey jeelka Berbera intoodii kaleba
xabsigan Mandheera ayaa loo soo wareejiyey”.
Mar la weydiiyey taliyaha xabsiga Mandheera sida uu u arko deeqdan
lacageed ee uu gudoonsiiyay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE,
Axmed Siillaanyo iyo duruufaha ka jira xabsiga inta ay baaxad le’egyihiin,
wuxuu yidhi “Horta mucaaridka iyo muxaafidka marba mid baa kursiga ku
fadhiya, anagana waxaa na saaran waajib wadaninimo oo askaranimo oo ah in
aanu ummaddayada u adeegno wixii dhibana aanu u gudbino, cid kastana
gaadhsiino dhibaatooyinka maanta na haystana waxaa noogu waaweyn xaga
dacwada maxaabiista biyaha ay cabayaan, laydh joogto ah, maxaabiis badan
ayaanu haynaa oo xukunadoodu adag yihiin oo dilal u badan, waana mamnuuc
in lagu hayo meel madaw iyo jeel madaw, gaar ahaan saqda dhexe markay
tahay sharciyan waxa loo baahan yahay in xabsigu helo koronto 6-da
galabnimo ilaa 6-da subaxnimo ku siman, ilaa haddana hal matoor ayaanu
haynaa, kaasina kuma filna laydhkii loo baahnaa, waxaanu baxaa ilaa dhawr
saacadood, baahida xabsigu way iska badan tahay, xitaa waxaa jiri jirey
ganacsato maxaabiista ku sadaqadaysan jirtay xoolo loo qalo markay jeelka
Hargeysa ku xidhnaayeen, sidaas darteedna waxaanu u soo jeedinaynaa
ganacsatada Somaliland wixii ay tari karayaan ee karaankooda ah inay ku
soo sadaqaystaan maxaabiista jeelkan Mandheera ku xidhan, dhinaca daawada
maxaabiistana baahi weyn ayaa naga haysata”. Top
Jig-jigga:
Dhex-dhexaadinta Colaadii Daroor Oo Heshiis
Laga Gaadhay, Lagana Soo Saaray Go’aamo 12 Qoddob Ah |
Jig-jigga, March 25, 2007 (Haatuf) –
Magaalada Jig-jigga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa shalay
lagaga dhawaaqay heshiis laba iyo toban qoddob ka kooban oo lagu soo
af-jaray dhexdhexaadintii iyo wada-hadalkii muddada bisha gaadhaysa laga
dhex waday labadii beelood ee dirirtu ku dhexmartay degaanka Daroor ee
kililka 5aad ee Itoobiya.
Sida uu Haatuf u sheegay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi-Qaadir oo ka mid ah
ergada mid ka mid ah labadaa beelood, oo aanu khadka telefoonka kula
xidhiidhnay isagoo Jig-jigga jooga, waxaa go’aamada heshiiska lagaga
dhawaaqay xaflad shalay lagu qabtay magaalada Jig-jigga, xafladaas oo ay
goob-joog ka ahaayeen ergada labada beelood ee heshiiska saxeexay iyo
madaxda dawladda Ismaamulka Soomaalida ee kililka 5aad ee Itoobiya oo uu
ka mid yahay Madaxweynaha dawladda iyo xubno maamulkiisa ah.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi-Qaadir, waxa kale oo uu sheegay inay ergada
labada beelood iyo madaxda maamulka Soomaalida ee Itoobiya ee arrintan ku
jirtay laba maalmood kadib ay tegi doonaan iyagoo wada-socda degaamada
Daroor iyo Gaashaamo, halkaasna u gudbin doonaan wixii lagu heshiiyay iyo
dhammaystirkooda.
Dhinaca kale, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-Qani oo aanu isku daynay
inaanu la xidhiidhno ayaanay noo suurta-gelin.
Hase yeeshee, go’aamada heshiiska lagu gaadhay oo nuqul ka mid ah Haatuf
la soo gaadhsiiyay, ayaa iyagoo faahfaahsan waxay u qornaayeen sidan:
“Kadib markii muddo sannad ku dhow uu socday khilaafka beelaha Gar-xajis,
marar kala gedisana Dawladda Degaanka Soomaalidu (DDS) u gashay dedaal
farabadan sidii uu u dhammaan lahaa khilaafkaasi, kaas oo ilaa maanta aan
ka dhaqan gelin beelahan.
Haddaba maadaama go’aanadii hore ee la qaatay aanay meel-marin, xal-waara
oo ay labada beelood si wada jira u gaadheena aanu jirin, ayaa waxa lagama
maarmaan noqotay in la helo nabadgelyo waarta si qorshayaasha D.D.S ee ku
aadan dhinacyada fidinta maamulka suubban, taabo-gelinta horumarinta
dhaqaalaha iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira dhinaca arrimaha
bulshada, ayaa waxa dawladdu ka soo saartay go’aamadan si xal waara loo
helo.
1. Dhulka= sida ku cad dastuurka dalka, dhulka dawladda leh, maamushana
2. Daroor= waa tuulo ama Qabalee ka tirsan degmada Awaare ee Gobolka
Dhagax-Buur, maamul u dhisideeda ama u samaynteeda waxa u xil-saaran DDS.
3. Dhul-daaqsimeedka Ay-qaad= Maadaama oo ay ahayd halkii dhibkii hore ka
bilowday, waxa laga mamnuucay dhismo baraago, Haro, Baco-Biyood, Waabab,
iwm, waxana loo isticmaali karaa oo keliya dhul-daaqsimeed lawada daaqo.
4. Waxa kale oo la mamnuucay samaynta degaano cusub oo laga sameeyo meel
khilaaf ka dhalin karta beelaha walaalaha ah, isla mar ahaantaana waxay
dawladdu aqoonsan tahay oo keliya qabaleeyada ama tuulooyinka sida
sharciga ah uga jira degmada Awaare.
5. Dagaalkii dhexmaray labada beelood wixii khasaare ahaa ee uu geystay
dad iyo duunyaba, waxay dawladdu taageertay soo-jeedintii waxgaradka
labada beelood ee ahayd: in aan waxba laysaga sheegan karin, lagana qaato
samir iyo nabad.
6. Waxay dawladdu ku jirtaa baadhitaan ay ku raadinayso dadkii abaabulay
degaalkan, hadday tahay dhinaca qaab-dhismeedka dawladda ama ashkhaas
gabbood ka dhigatay shacabka, waxa la horkeeni sharciga marka baadhidooda
la dhamaystiro.
7. Kadib markii ay DDS baadhitaan dheer ku samaysay dhibaatadii dhexmartay
labada beelood waxay xaqiijisay in Beesha Habar Yoonis ay masuul ka ahayd
dhibaatadaas oo dhan, jebiyeena heshiiskii hore ee la dhigay.
8. Waxay dawladdu si ku-meel-gaadha u joojisay raashinkii gargaarka ahaa
ee la geyn jiray dhulka ay deggan yihiin labada beelood, maadaama uu
raashinku qayb ka noqday dhibaatadii dhacday, loona adeegsaday hurinta
dagaalka.
9. Dawladdu waxay la wareegaysaa isgaadhsiinta sharci-darrada ah ee taalla
degaanka ay degaan labada beelood (Gar-xajis), maadaama dawladdu ka war-heshay
in Raadiyeyaasha (Fooniyaha) aaggaa yaala loo adeegsaday dagaalkii goobtaa
ka dhacay, isla mar ahaantaana uu khatar ku yahay amniga dalka, adeegsan
karaana argagixisada caalamiga ah iyo ururada nabad-diidkuba.
10. Odayaasha iyo waxgaradka labada beelood waxa la farayaa ama loo
sheegayaa inay kala diraan ciidan-beeleedkooda u urursan colaadda, kana
hawl-galaan sidii laysugu keeni lahaa, loona midayn lahaa shacabkii
colaadu kala kaxaysay.
11. Go’aamadan beesha jebisa ama ruuxa jebiya waxa laga qaadi doonaa
tallaabo waafaqsan sharciga dalka iyo kan degaanka. Waxana loo aqoonsan
doonaa dagaal oogayaal nabad-diidda. Waxa kale oo intaa dheer in laga
qaadi doono ganaax dhan 300,000 (saddex boqol oo kun oo Birr).
12. Dhammaan dhaqan-gelinta go’aamadan waxa si wada jira u fulin doona
Guddi ka kooban labada beelood iyo dawladda.”
Saxeexyada xubnaha ergada labada beelood iyo xubnaha dawladda DDS ee ku
saxeexnaa go’aamada heshiiskan, ayaa u dhignaa sidan: Top
Maalinta
Qaaxada Aduunka Oo Si Weyn Looga Xusay Somaliland |
“Cusbitaalada qaaxada qofka kaalmo ka geysta
wuxuu helayaa sadaqatu-jaariya oo weligii u soconaysa”
Hargeysa {Haatuf}25 March 2007 fagaaraha qayriyada ee magaalada Hargeysa
ayaa shalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayey maalinta qaaxada aduunka
oo ku beegan 24 March, sidoo kalena waxaa munaasibaddan mid la mid ah lagu
qabtay qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee gobolada Somaliland.
Munaasabada xuskan ayaa waxa si wada jira u soo qabanqaabiyey wasaarada
caafimaadka Somaliland iyo hay’adaha ay xidhiidhka wada shaqayneed
leeyihiin ee taageerada ka geysta barnaamijyada wasaarada caafimaadka ee
World Vision.
Waxaa kasoo qayb galay munaasibada xuska maalinta qaaxada aduunka madax ka
kala socota wasarada Caafimaadka, maamulka Cusbitaalka Qaaxada, Hay’adda
World Vision Hargeysa, KJRC, Health and Limited, Xisbiga UCID iyo dad
wayne aad u farabadan, iyadoo halkaa laga jeediyey hadalo wacyi galin ah
iyo sidii wax looga qaban lahaa dadka u buka xanuunka Qaaxada, iyo sidii
looga hortegi lahaa cudurkaas. Waxa iyana
halkaa barnaamij murtiyeed ku saabsan cudurka qaaxada ku soo bandhigay
koox dhallinyaro ah taas oo xambaarsanayd wacyi gelin iyo inaan la
takaroon qofka uu asiibo cudurkaasi.
Waxaa ugu horayn halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka
Mr: Anwar isaga oo sheegay sidii bulshada looga wacyi galin lahaa xanuunka
Qaaxada iyo dhibaatada ay leedahay isla markana waxa uu xusay oo sheegay
in gobolada dalka dhamaan laga hirgeliyey Cusbitalada qaaxada iyo
daawaynteedii oo bilaa lacag ah iyadoo buu yidhi uu ka hortagu ka fiican
yahay daaweynta. Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Wasiir Xigeenka wasaarada
Caafimaadka JSL mudane Mahdi Cismaan Buuni isagoo ka waramay dhibaatada u
leeyahay Cudurka Qaaxadu iyo sidaynu uga hortagi lahayn.
Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu intaa ku daray “ in ay socoto wacyi
galinta iyo cisbitaaladii qaaxada oo ka furan dhamaan gobolada dalka oo
dhan dawadiina laga helayo oo lacag la’aan ah, waxa iyaguna halkaa ka
hadlay Dr: Ismaaciil Aadan C/laahi madaxa qaaxada JSL, William Kipetu oo
ka socday Hay’adda World Vission Xafiiskeeda Hargeysa,Axmed Xasan Madar
wakiilka KJRS, Cismaan Maygaag Agaasimaha Cisbitaalka Qaaxada, Siciid
Ismaaciil Mux’ed maamulaha Cisbitaalka Qaaxada Hargeysa, Xasan Suldaan
Gudoomiyaha gobolka Hargeysa ee UCID.
Iyagoo dhamaantood dadwaynihii halkaa joogay u sheegay in laga hortago
Cudurka Qaaxada,isla markaana qofka cudurkaasi qabaa aanu qarsan. waayo
waxaad qarsataaba way ku qarsadaan, ka hor-taga ayaana ka fiican daawaynta
darisku aanu qarsan.
xuskan maalinta qaaxada aduunka ayaa halku dhega sanadkan waxaa loo qaatay
“inta qof qaaxo qabaa jiro, waa inala daris”. Waxa lagu soo gunaanaday
munaasabadaas halku dhegyada kala ahaa “dawada qaaxadu waa bilaash “waa
laga bogsan karaa qaaxada”
Dhinaca kale, Xuska maalinta Qaaxada ee caalamiga ah, ayaa sidoo kale
shalay lagu qabtay cusbataalka qaaxada ee Analena ee magaalada Boorama.
Munaasibaddaas waxa ka soo qayb galay madaxda caafimaadka G/Awdal,
Gudoomiyaha deegaanka, Xubno ka socda hay’adda Wold Vision iyo dadweyne
farabadan.
Sida uu ku soo waramay Haashim Good oo ka tirsan Shabakada Wararka ee
Awdal News, Agaasimaha Cusbataalka Qaaxada ee Analena Dr. Maxamed Faarax
ayaa wuxuu sheegay in xanuunka qaaxadu yahay ka ugu badan wadamada
saxaraha ka hooseeya, isagoo yidhi: “Xanuunka Qaaxadu waa ka ugu badan
wadamada Saxaraha ka hooseey, sanadkiina 8 milyan ayaa qaada, maalintiina
shan kun, waxaana ugu wacan dhaqaale la'aan, mushkilada xanuunka qaaxada
ayaa lagu tilmaamay in ay tahay mushkilad Bulsho, waxaana weeyi in
bulshada qabaheeda kala duwan laga wacyi geliyo, weedha sanadkuna waxay
ahayd (Qaaxada Meel ka Jirtaa meel walba way ka jirtaa)."
Dr.Maxamed Faarax wuxuu intaas ku daray in cusbataalkoodu daweeyo 250 qof,
oo ay 130 qof oo ka mid ahi jiifaan waadhka.
Isu-duwaha Wasaarada Caafimaadka ee G/Awdal Dr. C/raxmaan Jaamac Hadi oo
isna halkaas ka hadlay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa: “Xanuunkan aan
dhaxanta u bixinay, dhibta uu dadkeena ku hayaa way gaaban doontaa,
sababta oo ah bulshadeenu way u baraarugtay, qofka hargab ku dhacaa inta
uu kuu yimaad ayuu ku leeyahay iga baadh Dhaxan (Qaaxo), Arintaasna waxa
suurageliyay markii la arkay in dadku ka bogsan karo, beryihii hore waa la
qarsan jiray.”
Duqa Boorama C/raxmaan Shide ayaa isna ku amaanay dhakhaatiirta
cusbataalka qaaxada ee Analena sida ay shaqada heeganka ugu yihiin,
“Xuskana waxaan ku amaanayaa dhakhaatiirtaasi sida ay shaqadooda uga soo
baxeen, Waa in la diiwaan geliyaa bukaanada soo mara dhakhtarka,
xaaldahoodana waa in lala socdaa, dadka xanuunka qabana waxaan ku
dardaarayaa in ay daawada u qaataan sida dhakhaatiirtu u sheegtay, si ay
dhakhso uga bogsadaan.
Zeba Mbuvi oo ka socotay hay’adda World Vision ayaa sheegtay in boodhadhka
iyo wacyi gelinaha ay sameeyeen ay ugu talo galeen xuska maalinta qaaxada,
“Keliya looma baahna daaweyn balse waa in bulshada laga wacyi geliyaa si
looga hortago xanuunkan qaaxada” ayay tidhi Ms. Zeba.
Goobta xuska lagu qabtay waxa lagu soo bandhigay Riwaayad iyo Ciyaaro ka
hadlaya xanuunka qaaxada, iyo dhibta ay bulshada ku hayso qaaxadu, iyo
weliba in loo baahan yahay in laga hortago cudurka qaaxadda iyo in dadka
laga wacyi geliyoba. Top
Madaxweyne
Rayaale Oo Magacaabay Afhayeenka
Cusub Ee Madaxtooyada |
Hargeysa, March 25, 2007 (Haatuf) –
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay soo saaray Xeer
Madaxweyne oo uu ku magacaabay Afhayeen cusub oo Madaxtooyada ah, isla
markaana ah la taliyaha madaxweyanaha ee dhinaca warbaahinta.
Sida waxa lagu sheegay war-saxafadeed shalay ka soo baxay xafiiska
madaxweynaha, waxa loo magacaabay inuu noqdo Afhayeenka Madaxtooyada
Somaliland, nin magaciisa la yidhaahdo Siciid Cadaani Mooge, war-saxaafadeedkaasina
isagoo dhammaystiran waxa uu u qornaa sidan:
“Madaxweyanaha Jamhuuriyada Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin waxa uu soo
saaray xeer Madaxweyne No: 0276/032007 oo uu ugu magacaabay Mudane, Siciid
Caddaani Mooge inuu ahaado la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha
warbaahinta iyo Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, iyadoo
booskaasi hore u hayey, Marxuum Cabdi idiris Ducaale oo dhawaan
geeriyooday”.
Afhayeenkan cusub ee lagu magacaabo Siciid Caddani Mooge, ayaa sida la
sheegay inuu hore mar uga soo shaqayn jiray Idaacadda BBC-da laanteeda
Af-Soomaaliga. Top
Madaxweyne
Rayaale Oo Ku Gacan-Saydhay Baaqii
Guurtida Ee Ku Saabsanaa Dhexdhexaadinta Khilaafkii
Ka Dhashay Komishanka |
“Shir-gudoonka Wakiiladu Kalsoonidii Way
Na Siiyeen, Madaxweynuhuna Wuxuu yidhi…” Gudoomiyaha Guurtida
Hargeysa, March 25, 2007 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland, Daahir
Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inuu ku gacan-saydhay baaqii Golaha
Guurtida ee xal-u-helidda khilaafka cirka isku shareeray ee ka dhashay
Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxayna taasi keentay inay Golaha Guurtidu
dib gacmaha uga laabtaan hawl dhexdhexaadin ah oo ay damacsanaayeen in
khilaafka lagu soo af-jaro.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal),
ayaa shalay madasha fadhiga Golaha Guurtida kaga dhawaaqay inay Guurti
ahaan dib gacmaha ugala baxeen hawshii dhexdhexaadinta ee khilaafka
Komishanka, kadib markii Madaxweyne Rayaale ku adkaystay inuu khilaafka
arrinta Komishanka keliya u marayo dariiq sharci, taas darteedna aanu
aqbalayn dhexdhexaadin.
Gudoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka waramaya sida wax u
dhaceen, ayaa wuxuu yidhi: “Bal inta aynaan gelin qaybinta nuqulada
xeerarka, waxaan jecelahay inaan idiinka waramo arintii dhex-dhexaadinta
khilaafka ee golaha wakiilada iyo madaxweynaha oo ahayd in aan u
baahannahay wada shaqayn taam ahi inay golayaasha dhexmarto, hawlaha
qarankana aynu sidaa ku wadno, wixii aanu weydiisanay shirgudoonka golaha
wakiilada iyo madaxweynahaba wuxuu ahaa intaa waanu dhex-galaynaa, naguna
ogaada, kalsoonina na siiya. Shirgudoonka golaha wakiiladu kalsoonidii way
na siiyeen, madaxweynuhuna wuxuu yidhi arrintaas waxaan u arkayaa xalkeeda
inay sharciyada marto. Waxa kale oo jira waraaqo madaxweynaha iyo
shirgudoonku ay is-dhaafsadeen, haba ka horeeyeen dhex-gelidayada eh oo
doodihii ka dhex-dhacayey ah, markaa madaxweynuhu wuxuu ku daray waanu
isla qaadanay, markaa arintii halkaasi bay joogtaa, anagu mar haddii
sharciyadii timi madaxweynuhuna ku adkaystay, halkaas baynu taa dhignay”.
Marka laga yimaado hadalka kooban ee uu Gudoomiyaha Guurtidu ka sheegay
Madasha fadhiga golaha, waxa horeba u jiray warar xog-ogaal ah oo ku
saabsan mawqifka Madaxweyne Rayaale ee ku waajahan baaqyadii
dhexdhexaadinta, taas oo la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale bilowgiiba ka
booday sheekada odhanaysa waa in khilaafka aloosan lagu dhameeyo
wada-hadal iyo waan-waan, wuxuuna Madaxweyne Rayaale taas kaga jawaabay
inaanu ku qanacsanayn wax dhexdhexaadin la yidhaahdo, taas dhigeedana uu
damacsan yahay inuu Maxkamadda Sare u gudbiyo go’aankii ay golaha
Wakiiladu muddada labada sannadood ah xilka ugu cusboonaysiiyeen
Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kadibna marka ay Maxkamadda Sare
go’aankaa u soo buriso uu Madaxweyne Rayaale damacsan yahay inuu golaha
wakiilada dib ugu celiyo xubnihii uu komishanka u soo magacaabay ee Golaha
Wakiiladu dib ugu soo celiyeen, waxayna warar xog-ogaal ah oo laga soo
xigtay dhinaca Madaxtooyadu sheegeen inuu Madaxweyne Rayaale tabaabushe
ugu jiro sidii uu xubnahaa uga ansixin lahaa Golaha Wakiilada wax kasta oo
ay ku kacayso, una fadhiisin lahaa xafiiska Komishanka.
Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Madaxweyne Ku-xigeenka
Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa labaduba hore ugu baaqay in waan-waan iyo
wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka cakiran ee ka dhashay Komishanka
Doorashooyinka Qaranka, baaqyadaasina waxay ahaayeen kuwa aad loo soo
dhaweeyay, hase yeeshee Madaxweyne Rayaale oo xilligaas ay baaqyadaasi soo
baxeen safar dibadda ah ku maqnaa ayaan isagu soo dhawayn.
Laakiin Gudoomiyaha Guurtidu baaqaas oo keliya kuma ekaan ee wuxuu
markiiba magacaabay guddi golaha Guurtida ah oo ka hawl-gala xal-u-helidda
khilaafka taagan, waxayna guddidaasi markii u horeysay la kulmeen
Shir-gudoonka Golaha Wakiilada oo ay weydiisteen inay Kalsooni siiyaan,
wayna siiyeen. Intaas kadibna waxay sidoo kale u tageen Madaxweyne Rayaale
oo ay weydiisteen inuu kalsooni siiyo si ay hawsha dhexdhexaadinta u
bilaabeen, taasna Madaxweyne Rayaale ganafka ayuu ku dhuftay.
Ilaa hadda lama hubo inuu Madaxweyne Rayaale qoraal rasmi ah oo ku saabsan
daadefaynta go’aankii Golaha Wakiilada u gudbiyay Maxkamadda Sare iyo in
kale, waxaase jira warar xog-ogaal ah oo sheegay inay taasi Madaxweyne
Rayaale ka go’an tahay, isagoo kalsooni ku qaba inay Maxkamadda Sare
markiiba burin doonto go’aankii golaha Wakiilada.
Dhinaca kalena, Shir-gudoonka Golaha Guurtidu waxa uu guddi-hoosaadyada
Golaha u qayb-qaybiyay xeerar uga soo gudbay dhinaca Golaha Wakiilada oo
ay ka mid yihiin Xeerka Nidaamka Garsoorka Carruurta, Xeerka
Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha, Xeerka Musuq-maasuqa iyo Xeerka hay’adda
ka hortaga Masiibooyinka NERAD. Top
Cali Duul-Duul
Sheekaba sheeay keentaaye, waxa la yidi beri baa nin wuxuu magaalo ka
xaday muraayada laysku eego, dabadeed wuxuu la tegay muraayadii meel
baadiye ah oo aan laga aqoon muraayada, taas oo ahayd degaankii uu u
dhashay ninkaasi. Dabadeedna dadkii ayaa marba qof isku eegay muraayadii,
dabeedna wuxuu ku arkay sawirkiisii ama wejigiisii, dabeedna qofba
gaarkiisii ayuu uga iibiyey muraayadii, isaga oo ka dhaadhiciyey in qof
kasta oo ka dhaadhiciyey in qof kasta uu isagu keligii leeyahay muraayada,
maadaama ay sawirkiisa soo saareyso, dabeedna intuu qofkii ugu
fara-dambeeyey muraayadii kaga tegay oo intuu lacagtii uu kaga iibiyey
beesha muraayada qaatay ayuu iska baxsaday ninkii xariifka ahaa.
Intaas ka dib ayaa waxa dhacday inay beeshii fooda isla gasho oo hubka
laysu gurto, iyada oo ruux waliba ku doodayo in laga iibiyey keligii iyo
ta kale oo ah in uu qof waliba delo ka dhigto in ay sawirkiisa mooyiye mid
kale soo saaraynin, taas oo marka la hor-dhigo qofka ay soo saarto
muuqiisa oo khaas ah. Arintaas oo macquul u eeg.
Haddaba, taa waxaan uga jeedaa had iyo gooraale waxaan arkaa ama caado
inoo noqotay khilaaf dhexmara golayaasha qaraka ama dhexmara saxaafada iyo
xukuumada ama dhexmara qaybaha kala gedisan ee bulshada, taas oo qolo
waliba sheeganayso in uu qodob dastuuriya ku taagan yahay, murankaas oo ah
mid aan xal laga gaadhin weligii. Haddaba yaabaye dastuurkeenu ma sidii
muraayadii beesha madaxa isu gelisaa, miyaanu meel ku af go’in.
Nimanyahow meselo yablahoo
Maara baan nacaye
Markastaba wixii dooga waa
Inaad macnaysaaye
Kala maage madaxtooyo iyo
Mudaneyaashiiye
Mid waliba mid uu damacsan yahay
Mool inuu galo’e
Waxaa laysla wada maagan yahay
Mawjad iyo daade
Muraadadii la kala doonayaa
Layska maanacaye
Waxa laysu miilaynayaa
Mur iyo deebaaqe
Mid waliba wuxuu miqayaa
Mine uu dhigo’e
Ha yeeshee midkii lala helaa
La makalayaye
Mab’da kale ma yaal iyo waxaan
Marin ku sheegaye
Masaariifta iyo shilimadaa
Laysku mirayaaye
Miisaaniyad qariban baa ina diley
Mihindiskeediiye
Maxaa laysla meel-dhigay ma jiro
Muran xal keenaaye
Mid kalena hadaan sheego
Waa inaan macneeyaaye
Madow iyo cadaan aadamaha
Midab kastaad raacdo
Miidhyaha waxay u qadershaan
Si aanad moogayne
Meleteriga kuma leexdo iyo
Meyjar janaraale
Madaxweyne iyo kii ku xigay
Kuma malehdaane
Waxyaalahay mar hore kala qaateen
Kama maroorshaane
Musuqmaasuq baa layga
Qorey kuma madixaane
Mar waa layga caayiyo
Malaha mooskii buu gelaye
Macluumaadka ay soo helaan
Way ku mahadshaane
Maandhaha riyaaloo u aada
Kooxay maangado’e
Wax mandheera laysugu diraa
Meesha maba oole
Bal sidaad u maarayn adaa
Doontay miinada’e
Qurba-jooga maqanow macnaan
Kuu mijilayaaye
Maqaalada qorteen baan arkoo
Malaha miisaane
Macaarif is-jecel iyo ragaan
Meel fog kala aadin
Oo makhaayad qudha wada leh
Baa dhinac ma jeertaane
Mucaarid iyo way siman yihiin
Duul muxaafidiye
Maqaal qudhay ka soo wada gurteen
Miri lacageede
Masaariifna way wada cunaan
Waana loo marage
Maskaxdayda may gelin waxaa
Qolo uu maydhaane
Maxaa laysla meel dhigay ma jiro
Muran xal keenaaye
Mid kalena hadaan sheego waa
Inaan macneeyaaye
Intii aan wasiir lagu melmelin
Ama la maydhaamin
Aan gudaha masuul looga dhigin
Meel saran qoraye
Magaciisa guud baan qabay
Macalin xeel dheere
Cirro inuu maqaar-saar yahaan
Miinka ku cadayne
Makhribkiyo habeenkuu gudaa
Sida mas ciideede
Markuu soo noqdana weli ma maqal
Meeris uu tolaye
Mudadii xilkaba loo igmaday
Moraha ma caanayne
Mukhaabaraad wixii aan ahayn
Wayska maanacaye
Maadadii la baray baa ahayd
Muujin haw socone
Ma maroor dal lala doonayaa
Maanso iga toosin
Maxaa laysla meel dhigay ma jiro
Muran xal keenaaye
Mid kalena hadaan sheego waa
Inaan macneeyaaye
Yar murqanyayaa iyo hadana
Malaa awaalyaaba
Muska jiidhyayaa iyo hadana
Mooska jebiyaaba
Hir uu muqayaa iyo hadana wax
Isyar moodsiiyaaba
Maayarkii burcaa meel ka dhacay
Madashii weynayde
Laas-qorey wuxuu kula matakhay
Midaan ku toosnayne
Maxaa laysla meel dhigay ma jiro
Muran xal keenaaye
Mid waliba martabad wuu
Rabaa miiganoo sara’e
Mansabkiyo kursiguu waa waxaan
Cidi ka maarmayne
Waa muraayad layska arkoo
Oo mooro loo dayo’e
Miskiinimo in lagu raadiyaa
Waa macduunimo’e
Rabiyow adigu noo miciin
Maalig baa tahaye. Top
DALJIRE:
“Daaqaddaa Ka Dhaqaaq Inta Aanad Ku Diiddin”
By A. Geeljire |
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo
dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba
duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec
yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is
dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku
arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha
yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo.
Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo
oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay.
Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda
oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe: Hoyaalay hooyaalay hooyaalay hooyee…… Ba’da gabayga anigoo yar baan……
Doolaal: Waar waxba maad yarayne adigoo yarba lama sheegine, Ma inagoon
qaniinin baad inagu qaylisay durba? Ahaaa! Wallee waan loo tag helin.
Adeerow iska qayil oo gunuuska naga daa gabayna garan mayside.
Dubbe: “Nimankaan bursiimada Libaax badh iyo waax siiye. Booskii
yimaaddaba kuwii aan ugu bushaareeye. Hadduunbay Budhkiyo ii sitaan
baalcaddow Warane.” Ayuu yidhi Gacmadheere. Nimankiinii aan lahaa dalka ha
hoggaamiyaan ayuum baabay taladoodi noqotay xintan, xadhig, xoogsasho iyo
xagxagasho xeer. Hadduumbaabay hanjabaad iyo tolla’ayay ka bixi waayeen.
Anigaa Ilbixi waayay ee yaanan cidna eersan.
Doolaal: Waar maxaad la calaacalaysa? Yaa se budhka kuu sita ee aad
sheegaysaa?
Dubbe: Waa runtaaye nin weyni inuu wixii la gudboon yeelo mooyee calaacal
looga wanaagsane. Ma kor baan u qaaday? Isma lahayne.
Doolaal: Oo haddaa ma hoos baad u dhigtay? Inaad dhaqaaqayso oo faraha
iskula hadlayso waan garanayay.
Dubbe: Dhaqaaqaa? Muxuu iska hadlay. Waar dadkaba anaa u dambeeyey ninyow.
Mar haddii aad maqasho siyaaradii Sheekh Isaxaaq ayaa halkan lagu dhigay
iyo deegaan hebel iyo beel heblaayo ayaa siyaaro dhigtay oo ay soo dhaafto
siyaarada Sheekhu KU-Xigeenka iyo Aar Guruxeed, arrintu waa “Awoowow shar
naga hay.” Waxaan ka yaabayaa in xisbiyadiiba laysla jiidho.
Doolaal: Ma haddaad qabyaaladna u boodday? Intaad dimiquraadiyad iyo wax
ku meeraysanaysana waad dhaantay sidane.
Dubbe: “Nin cunaha la qabtay ama x….r ama dh…..s” baa la yidhi. Oo maanaa
qabyaalad ku booday mise Madaxweynahaa yidhi Sool iyo Sanaagna way maqan
yihiin Awdalna waan la fuqayaa haddii aniga layla hadlo. Ma anigaa keenay
mise Madaxweynahaa yidhi haddii aad wax iga sheegtaan waa qabyaalad
reerkayaga loo jeedo. Ma anaa keenay mise Madaxweynaha ku yidhi, sida la
sheegay, Xildhibaanada Awdal qabyaalad iigu codeeya. Ma anigaa keenay mise
Madaxweynaha yidhi “ha karaama seegina habaar laygu kari waaye.” (Ina X.
Daahir halkaa wuxuu odhan lahaa. “ Heey, Habaarku waxba iga qaadimaayee,
inniguumbaa is daaliyay uune.” Gabay xume.) maanigaa keenay mise
Madaxweynahaa yidhi dekeddiina waxaad doonaysaan kama soo dejin kartaan oo
shirkad ajnebi ah bay u xidhantay . Ma anigaa keenay mise Madaxweynaha
lagu eedaynayo inuu sidii maxaysatada qolal yar ka iibsado bacadlaha oo
dukaano ka dhigo. Ma anigaa keenay mise Madaxweynaha mawaadiniinta shaqada
aqoontooda ku hela iska hor taaga qaar ay is xigaanna UNDP Nairobi ka
wasdeeya.
Waar wadada cab waaryaa. Anigu inaan xisbiyada ahay waad ogtay oo aan
leeyahay dimuquraadiyadda ha la dhawro oo ha la raaco. Dadka
walaalnimadooda yaan la xumayn oo ha la wada tashado sidii caadada inoo
ahayd.
Doolaal: Waar talana garan maysid ee ma Madaxweynaha ayaad maxaysato ku
sheegaysaa?
Dubbe: Oo maanaa ku sheegay sawkii Abshir (darawalkii Xaafaddu)
warbaahinta ka sheegay. Anigu, lagu eedeeyay baan idhi dee. Haddaanay
jirin ma jidho uun ha yidhaahdo dee.
Doolaal: Waar dadkan yaa madax u noqon jiray? Waxaan ceeb iyo aflagaaddo
ahayn laga faa’iidi maayo.
Dubbe: Oo yaa la soo khasbay? Idinkaaba ka dhiishaa dhaansaday oo weliba
kibir la dhibi shaxanayee. Horta la yaab ma lihidin. Umaddani wax lagu
kibro way tahay.
Doolaal: Xaasha anagu maanaan kibrin ee waataa albaabadaydu cid walba u
furan yihiin ee waxa la doono nalagu samaynayo ee aanaan juuq u odhanayn.
Samir weyninaa ma dhul baannu nahay?
Dubbe: Waar meeshan aad tidhaahdo waan galaa ee Madaxtooyada sow nin
maanta iigama sheekayn. Adna ma waxaasaad ku qabtaa? “waar raggu go.” buu
yidhi ninkii jiray
Doolaal: Maxaa lagugu yidhi ee aan been ahayn? Maxaa lagu qabaa? Waaba
xundhurta dalka, waa xabagta isu keen haysa eh.
Dubbe: Waar anagu xayraan aan iska ahaannee, gumaysi baabaanaan qabin iyo
nin hurdadiisa uun la sugayo. Oo khuurada hoosta ma ka maqashaan?
Nin meesha kabuhu kaga madheen sidaada ayaa iiga sheekeeyay. Meeshaa
labada inan ee xoghaynta Odayga ayuumbuu ammaanay. Nimankaasi waa madax
buu yidhi.
Wuxuu yidhi maalin qudha ayaan daaqadda yar ee lays tubo sawirkeeda ku
siinayaa wax ka badan ka bixi mayside. Wuxuu yidhi:
“nin baan raacay. Markaannu galnay daartii ee gaadhigii dhigannay ayuu
yidhi “waar maanta Madaxweynihii la heli maayo.” Maxaad ku garatay, miyaad
faallisay? baan idhi. “ mayee,gaadhigii Cali Xoor-Xoor, Maareeyaha Dekedda
ayaa jooga. ayuu yidhi.”
Haaaaa. Waan gartay.Waar haaye haaye. Yacnii fii fuluus fii xisaab baad
leeday? baan idhi. Maxaynu yeelnaa shaydaan wax la yeelye? baan raaciyay.
“Yeelkadeedee aan ku soo quusannee inna wad.” Ayuu yidhi. Daaqadii
xoghaynta oo sideedii laga buuxo ayaanu is taagnay. “odaygii ma la hayaa?”
Baanu nidhi. “Weli.” Baa sangaabta naloo taabtay. “iska yar suga laakiin.”
Ayaa naloogu wafeeyey.
Bullaale, Xoghayaha Guud ee UDUB oo ka tuuraya oo yar xiiqsan oo aad
garanayso in wax ku si yihiin ayaa isa soo taagay. “Waa xisbigiiye,
Odaygii ma la hayaa?” ayuu yidhi. “mayee maanta soo degi maayo.” Ayaa
loogu jawaabay. “Waar inaadeerow qoladii saxaafadda ayaa iga laalaaddee. U
sheeg dee.” Ayuu si hiinraag ku jiro u yidhi. “Maxaa jiray?” baa la
weydiiyay. Intaanu jawaabin ayuu Xuseen Cali Xirsi Afhayeenkii UDUB oo la
socday ka boobay oo Yidhi. “Shir saxaafadeed baannu qabannay oo Kulmiye
ayaannu maraqooda cabnay. Waxay yihiin baanu u sheegnay. Caawa daawo caawa.”
Ayuu yidhi isagoo dhoollo caddaynaya oo in lala qoslo rajaynaya.
“Illaa gabay baan u raaciyay ee gabaygana dhegeysta caawa.” Ayuu Bullaale
yidhi. “yar suga haddaa. Haddii kale Cawil sii mara ama Cabdiraxman
Ducaale (Guddoomiyaha Bangiga Dhexe)” ayuu ka daba keenay.
“Waar labadaa nin heli maynee,oo dabadoodaba lama gaadho eh, Digaaleba (xisaabiyaha
Madaxtooyada) noogu sheega ama Daahirow adiguba na khaaraji.” Ayuu si
walaac ku jiro u yidhi. “Bal yar fadhiista qolkaa shishe.” Ayaa lagu
dejiyay.
Dhawr Suldaan oo cimaamado cas cas oo bakooradahii laga guray oo haybaddii
ka kala yara dhimantay ayaa isa soo taagay. “Daahirow waanakan.” Buu mid
ka mid ahi yidhi.
“waan idin arkaa Suldaan laakiin waxba idiinma hayo.” Ayuu si ixtiraam ku
jiro u yidhi.
“dee meesha waannu ku jactadnay oo iminka wiig baanu soo noqnoqnaynay
baylah badanna waanu lahayn ee bal u sheeg dee. Xataa idin qaabili maayo
ha na yidhaahdo. Iyaba waa sed eh.” Ayay ku cawdeen. (waannu ka naxnay.
Waar nimanku miyaanay reero dhan madax u ahayn waa maxay gunnimadani baanu
nidhi)
“anigu maxaan sameeyaa. Gaadhsiiyay farriintiiye. Iskaga taga dee
markalaydin soo noqone.” Ayuu ku soo celiyay.
“Dee iminka waqtigii oo dhan haatan naga lunye bal halkaasaanu ku yar sugi
ee u sheeg adeer.”ayay yidhaahdeen. “Waar Hudheelkiibaa naloo haystaa dheh.”
Ayuu mid kale u raaciayay.
“wasaalaamu calaykum Xaaji. Ilaahay mahaddi Xaaji Cabdi” Xaji Cabdi
Waraabe oo isa soo taagay Ayaa salaam lagu boobay. U dhaqaaq dhanka
daaqadda. “Daahir. Uxxxmm. Haa adeer.” Ayuu u yidhi Xaajigu si kooban.
“Xaaji waa nabade. Adigu fiidka marka cagtu go’do kaalay buu ku yidhi.
Kollayba hawl buu kuu lahaa adiga.” Ayuu Daahir ugu jawaabay Xaajiga.
“Gaadhi ma kuu soo dirnaa Caawa?” ayuu u raaciyay. “maya ee inankaa i soo
qaadi ee dan uga baxa adeer. Markaan cishaha iska soo rido ayuumbaan iman
adeer. Haa” Ayuu yidhi isagoo sii tukubaya.
“Waar Daahir. Shirkii berri ee Golaha Wasiirada ma u haysaa ajandahii?”
ayuu nin Wasiir ahi weydiiyay xoghaynta.
“Maya.Illaa iminka ma hayno wax ajande ah. Baag (W.Ku-xigeenka Beeraha)
ayaa lahaa waxbaan keenayaa eh haddaanu keenin. Bal halkaa ka sii eeg.”
Ayuu ugu jawaabay.
“Dee iminka saddex wiigba ajande ma jirin. Malaa kanna waa la mid.” Ayuu
iskula sii hadlay intuu dhaqaaqay. (waar ma dalkan baa bilaa ajande noqon
kara. Ayaannu is weydiinay. Subxaan Allaah)
“Waar Daahir. Inaadeer Burco ayaan u bixi lahaa oo shidaal yar baanu ka
doonayay eh. Waxaanu ahayn qoladii wasiirrada ahaa ee uu yidhi xaggaa u
baxa iyo arrintii yarayd ee dhulkii Airportka Burco ee laysku haystay. Ma
arki karnaa iminka?” ayuu yidhi wasiir kale oo rabay inuu “hawl qaran” soo
qabto.
“Waxba iiguma kiin ballamin aniga. Berrito u kaalaya maanta lama helayo
eh” ayuu isagoo waraaqo ku foorara ku yidhi wasiirkii. “Dee inaadeer
saddex casho ayaannu dib u dhacnay meeshana arrintu wallaahi aad bay u
cakirantay baa la yidhi. Waa gurmad xaalkayagu.” Ayuu dhawaaq dheer ku
yidhi. (Hadday sidaasi gurmadkiinna tahay caadigiinuna waa sidee tolow)
Intaanu jawaabin ayuu wasiir kale oo ka tuurayaa isa soo taagay. Cod kii
ka dheer buu ka dul laliyay oo yidhi. “Waar Daahir. Agaasimihii dhintay
maalintii dhawayd ayuu yidhi odaygu waxoogaa yar baan xaaskiisii
siinayaaye, runtii marxuumku isagaaba nagu lahaa oo Habeen-Dhax ( Travel
allowance) is gaadhay buu lahaaye. Ma kuu dhiibay?” “maya waxba aniga iima
sheegin. Laakiin waan kuugu sheegi berri.” Ayuu ugu jawaabay.(waar ninku
ma dukaan buu meesha ku haysta? Kii waliba ma kuu dhiibay ayuumbuu
leeyahay e.)
“Waar waa odayaashii. Waar bal warrama.” Waxa nagu yidhi nin ka mid aha
dhawr xildhibaan oo UDUB ah oo isa soo taagay. Salaantii baanu u celinay.
Daaqaddii sida Xajar AL Aswadka Xaramka sanka la wada saari jiray bay
sanka saareen. Su’aashii caadiga ahayd bay ku bilaabeen “Daahirow. Odaygii
ma lahayaa?” bay yidhaadeen. “Maya maanta.” Ayuu deggenaan ku yidhi. “Waar
bal soo dhowow.” Ayuu mid yidhi. “dee ninkii Cawil ma hayno. Waxaanu ahayn
qoladii gurigan Odaygu ku jiri jiray markuu KU-Xigeenka ahaa fadhiista.
Dhawr mooshinna way socdaan. Ballankii horena Cawil ma fulin oo maalintii
la codeeyay baa noogu dambaysay. Addis Ababa ayuu qabtay baa naalagu yidhi.
Xeerkii hore markii la gudbiyay ee aanu codaynanyna sidaasaanu ku weynay
Cawil. Dee bal markaa wax badan baa isku murugsane. Odayga u sheeg. Oo
farriin nooga soo qaad dee.” Ayuu si xidhiidh ah isu daba dhigay.
“Xildhibaanadii way ku sugayaan dhe dee.” Ayuu mid kale raaciyay. “Waar u
sheeg in qaad badan laynagu leeyahay dee.” Ayuu mid saddexaad yidhi.
“Arrinkiinna wuu og yahay. Salaasada ayaynu halkan ku kulmaynaa fadhi ayuu
idin yidhi.” Ayuu laabta ugu qaboojiyay. “ Dee haaye tii horena wuu nagaga
baxay oo qolo caddaan ah oo weftiya baa ii joogta buu yidhi. Dee waqti ma
jiro dheh. Hawshuna waa badantay.”
“Rag baa lays hayaa dhe dee.” Ayuu mid afraad ku tiraabay intuu gacanta oo
farahu is haystaan kala baxsanyihii inankii ku fiiqay sidii gujo.
“Waar inna wadiya warku waa dhan yahay eh, hadalka laguma tunto eh.” Ayuu
mid kale yidhi intuu hor dhaqaaqay kooxdii.
(waar waxba haw hanjabina maxkamaddaba wuu tegiye. Sawkan Oomane u jooga.
Wallaahi inuu idinka maarmi. Baanu hoosta ka nidhi)
Laba dhinac isu waraysanaya ayuu hadalkoodii nagu soo duulay. “waar lix
bilood waraaq yar oo C/raxman Ducaale uu iigu qoray baan weli ka laalaadaa
oo la sii socdaa oo aan la soo socdaa uun.” Ayuu ka kale ku leeyahay. “waa
maxay waraaqdu?” ayuu su’aalay. “Gaadhiga ayaa iga taayirro beelay ee afar
taayir ii iibi baan ku idhi. Warqadaasuu iigu qoray Bangiga. Eeg. Waa
Octobertii hore. Iminka March baa dhamaatay. Weligaa waxaasoo kale miyaad
aragtay?” ayuu si yaab ku dheehanyay u weydiiyay….
“Waar waa “ilaa daaradda” ee iska aamu ninyow. Ma keligaa baad moodaysaa”
Waar Laandta (Somaliland) oo dhan baa waraaq yar oo miidhan guntiga ku
sidata.” Ayuu si hiifa u yidhi. “qaar baa siday u siteen iminka wax ku
qoranba la arkayn.” Ayuu raaciyay
Doolaal: Waar naga jooji haddaba sheeko dhanaanta. Bes. Shuushshshshs.
Dubbe: Waar shush ha na odhane ilayn carruur ma nihin oo namaad dhaline.
Waxaan la yaabay meesha miyaan sidan moodayay. Salaadiinta jabtay ee is
gumaysay, odayaasha indhuhu gudheen, ragga madaxda ah ee yaayul xumada la
taagan. Meeshuna meel biyo laga cabbana ma leh, maqaaxina ma leh. Oon baa
kugu dilaya ayaa lagu leeyay.
Dee sideeduu ninkani u kibray oo wax kale isu qaatay. markay ummadda oo
dhammi baryo uun la hoos taagan tahay. Oo haddaa ninyow waxan Faysal Cali
Waraabe yidhaahdo uun “waa layga aqbalay oo arji baanu u dhiibnay oo
nalaga aqbalay, oo ciidanka dhis baanu nidhi oo nalaga aqbalay oo….” muxuu
dadkan meesha ku madhay ugu sheegi waayay halkuu wax mariyay? Ninbaa
berigii Ingiriisku joogay sigaar koontarabaan ah oo uu awr ku sidday oo
Hargeysa ku soo waday lagu qabtay halkaa Masallaha. Markii askartii
joojisay ayuu kor isula hadlay oo yidhi “Waar Ciidagale halkay soo marin
jireen?” iminka waar Faysal; weydiiya halkuu wax mariyo isagaa buugga
aqbalaadda loo furay oo wax laga aqbalaaye.
Waa innoo Toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire Top
|