Saraakiil Sar-sare Oo Itoobiyaan Ah Oo Socdaal Ku
Jooga Somaliland “QARAN
In Lagu Soo Biiro Mooyee Xisbi Kale Kuma Biirayo, Rayaale Iyo
Xukuumadiisuna.. ”
Eng. Baashe Cabdi Gaboobe, Gudoomiyaha wacyi-gelinta iyo abaabulka QARAN -
Waraysi
“Sacaadadiin Degmo Iyo Gobol Midna Ma
Bixin Karo, Dawlada Dhexe Cid Aan Hayn”
Wasiirka Wasaaradda Reer Miyiga [Fu’aad Aadan Cade]
Muran Xoog Leh Oo Ka Taagan Laba Nin
Oo Ciidamada Mbagathi Dil Ku Fuliyeen
Radio Hargeysa Oo Habeen Hore Warka
Koowaad U Qaatay Xayeysiis Sigaar, Habeen Saddexaadkiina Mudaharaad aan
jirin Baahisay
Radio Hargeysa: Ceebtii Shalay,
Xaaladda Maamul-xumo Iyo Tacadiga Shaqaalaha
Wakiilada Oo Guda Galaya Doodda Wax Ka
Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Doorashada Golaha Degaanka, Oo Kuraas Looga
Qoondeeyay Haweenka Iyo Dadka Laga Tirada Badan Yahay
Tacadiga Ay Masuuliyiinta Iyo
Maalqabeenadu Kula Kacaan Dadweynaha
Xadhigii Mujaahidka Safarka Ah Cabdi Kurtin Mandheera Ugu Diray
DALJIRE: “Maqan Baan Dhigay”
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ha Lagu Daydo
Mustafe Shiine
EREY DHAAN-WADE
Madaxweyne Arrintaadu Waa Wadhaf Iyo
Shimbiro War Isuma Hayaan Su'aalaha La Xidhiidha Wershedeynta Gobolka Saaxil
Reer Berbera Waxay Sugayaan Duco
Qabeynta Wasiirada Saaxil Ee Kuraasta Sida Leexada Isugu Ruxaya
Qalinkii Muj Maxamuud Ducaale Saleebaan (Maxamuud-Talaabo)
|
|
Saraakiil Sar-sare Oo
Itoobiyaan Ah Oo Socdaal Ku Jooga Somaliland |
Hargeysa, July 8, 2007 (Haatuf) – Koox saraakiil sar-sare
ah oo ciidan ah oo ka socda dawladda Itoobiya, ayaa maalmihii u dambeeyay
socdaalo ku gaalaa-bixiyay qaar ka tirsan xeryaha iyo xarumaha ciidamada
bileyska Somaliland.
Kooxdan saraakiisha ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa 3 sarkaal oo sar-sare,
waxay dalka soo gaadheen Khamiistii toddobaadkii hore, waxayna
socdaalkooda ku simeen ilaa magaalada Berbera iyo gobolka Saaxil, waxaana
ka mid ah meelaha ay gobolka Saaxil ka booqdeen Dugsiga Tababarka Bileyska
ee Mandheera.
Sidoo kalena waxay saraakiishani booqdeen xarumaha iyo xeryaha Bileyska ee
Hargeysa iyo meelo kale.
Hase yeeshee, wax war ah xukuumadda Somaliland kama soo saarin ujeedada
socdaalka saraakiisha Itoobiya, waxaase la rumaysan yahay inay u socdeen
hawlo la xidhiidha dhinaca ciidamada Bileyska, iyadoo ay warar qaar
leeyihiin ujeedada socdaalka saraakiishani wuxuu la xidhiidhaa sahamin iyo
deraasad dhinaca tababarka Bileyska ah.
Taliyaha ciidanka Bileyska Somaliland oo bishii hore la hadlayay kooxo
Bileys ah oo tababar loo xidhay, ayaa carrabka ku dhuftay inay dhowaan
iman doonaan saraakiil Itoobiyaan ah oo dhinaca tababarka ka caawin doona
ciidamada Bileyska, iyadoo uu taliyaha Bileysku intaas ku daray in
tababarka Bileyska la gaadhsiin doono ilaa heer layli-sarkaal.
Inkasta oo ay xukuumadda Somaliland beenisay, haddana waxaa muddooyinkan
dambe la isla dhexmarayay inay dhinaca Itoobiya ka iman doonaan ciidamo
lagu tilmaamay tababareyaal, kuwaas oo fadhiisimo ku yeelan doona meelo ka
mid ah gobolada galbeedka. Hase yeeshee lama ogga inay weftigan
saraakiisha ahi arrimahaa xidhiidh la leeyihiin iyo inay hawlo kale u
socdeen. Top
“QARAN In Lagu
Soo Biiro Mooyee Xisbi Kale Kuma Biirayo, Rayaale Iyo Xukuumadiisuna..
”
Eng. Baashe Cabdi Gaboobe, Gudoomiyaha wacyi-gelinta iyo abaabulka
QARAN - Waraysi |
Hargeysa, July 8, 2007 (Haatuf) – In ururkayaga QARAN lagu
soo biiro mooyee isataraatiijiyadayada iyo barnaamijkayaga kuma jirto
inaanu xisbi kale ku biirno, hadaanu ku biirayno saddexda xisbi mabaanu
furneen QARAN” sidaa waxa yidhi gudoomiyaha abaabulka iyo wacyi galinta
Ururka siyaasiga ah ee QARAN Eng Baashe Cabdi Gaboobe oo shalay weriye ka
tirsan wargeyska Haatuf ugu waramayay xafiiskiisa, waxaanu faah-faahin iyo
sharaxaad ka siiyay mudadii uu ururkoodu jiray waxyaalaha u qabsoomay iyo
heerka ay taageerada Ururka QARAN wakhtigan xaadirka ah marayso.
Baashe Cabdi waxa uu waraysigan kaga hadlay arrimo dhinacyo badan
taabanaya, hase yeeshee waxa uu ugu horayn hadal hordhaca uu halkaas ka
jeediyay ku yidhi “Horta ururka QARAN waxaanu aasaasnay oo aanu ku
dhawaaqnay bishi April 2007 oo aanu kaga dhawaaqnay caasimada dalka
Somaliland ee Hargeysa. Ugu horayna waxaanu inta badan xooga saarnay,
sidii aanu bulshada uga wacyi galin lahayn xuquuqda iyo sharciyada ururka
ee distoorka qaranka ku qeexan, iyo guudaheenaba damaanad qaadka
distooriga ah ee ururada siyaasadda lagu furan karo, taas oo aanu
todobaadkiiba istiraatiijiyad ka dhignay in aanu hal mar shir-saxaafadeed
qabano oo aanu kaga hadalno wadciga iyo duruufaha Somaliland ku xeeran iyo
sidii looga gaashaaman lahaa ee eray midaysan looga yeelan lahaa, taas oo
ah mid ururkayagu kaga gadisan yahay saddexda xisbi ee jira, intaa ka
dibna markii aanu qiimaynay dareenka iyo taageerada ay shicibku nagu
siiyeen, aasaaska QARAN waxay dhiirigalin nagu siisay in aanu gobolada
dalka ee kalana usii gudubno oo aanu xafiisyo ka furano, iyadoo aanu
magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco ka furnay xafiis Ururku leeyahay,
kana dhisnay gudiyo hogaamineed, sidoo kalena gobolka Sanaag iyo degmada
Oodweyne oo wafti uu hogaaminayo gudoomiyuhu ay socdaal ku joogaan, si ay
uga soo furaan xafiisyo. Dhinaca kale waxaanu iyagana xafiisyo ka furnay
demada lug-haya iyo guud ahaanba demooyinka gobolka Hargeysa gaar ahaana
shanta degmo ee caasimadu ka koobantahay oo gudiyo aanu ka wada dhisnay.
wakhtigan xaadirka ahna waxaanu ku talo jirnaa sidii aanu socdaalo ugu
kala bixi lahayn gobolada Sool, Saaxil iyo Awdal anagoo taargad-kayagu
yahay inaanu ceelaayo iyo lawya caddo ka soo furno ururka QARAN, kana soo
dhisno gudiyo heer degmo iyo heer gobl, taas darteed ilaah hadda waxaanu
guulo ka gaadhnay kasbashada mushtamaca Somaliland oo aanu uga helnay
dhimaha ururkan”.
Su’aalihii halkaasi laga weydiiyayna waxa ka mid ahaa:
S: Ururkiinan siyaasiga ah ee QARAN xukuumaddu si weyn ayay uga biya
diidsn tahay jiritaanka sharciyadiisa, markaa maxaa idiinka meel yaala
arrimahaas, ee qorshaha idiinku jira?
J: Horta sharciyada Ururka QARAN iyo urur kasta oo siyaasadeed oo lagu
dhawaaqaa, xukuumada iyo cidkale toona laga baryi maayo sharcigooda oo
distoorka iyo shuruucda dalka ayay ku cadahay, wixii sharciyadu
ogoshahayna cid horjoogsan kartaa , cid muhmal galin karta toona ma jirto,
sida darteed QARAN ma difaacayo xuquuq uu isagu gaar u leeyahay ee waxa uu
difaacayaa xaqa uu umadda distoorku u siiyay, ururada siyaasada xaqaasina
waa muqadas, ay difaacan doonaan umadda reer Somaliland, Rayaale iyo
xukuumadiisuna haday wax sharciyada iyo xeer 14 burinaya hayaana ha
keenaan ama beenta ha iskaga baxaan oo kalsooni ay nagula tartamaan
hayeeshaan.
S: Waxa la sheegay in xisbiga kulmiye shir hoose oo aad wada gasheen aad
ku heshiiseen hadii ururkiina ay u suurtagali waydo galilta tartanka
doorashada golaha deegaanka saddexda xisbi oo kali ahi ay ku tartamaan in
Kulmiye aad isla meel dhigteen inaad ku biirtaan arimahaasi maxaa ka jira?
J: Horta shir aanu xisbiga kulmiye wada yeelanay oo aanu heshiis ku
gaadhnay ah inaanu
Isku biirno horta haba yaraatee waxba kama jiraan, waxaanse kuu sheegayaa
in anaga QARAN ahaan nalagu soo biiro mooyaane aanaan anagu urur ahaan
xisbi kale ku biirayn, maxaa yeelay hadaanu xisbi ku biirayno ururka QARAN
iyo mabaadi’diisaba maanu dhisneene saddexda xisbi ayaanu kala geli lahayn,
balse ururka QARAN istaraatiijiyad siyaasadeed ayuu leeyahay, iyo
barnaakij u khaasa, iyo hadaf fog, balse anaga damacayagu maaha kursi iyo
mansab.
S: Waxaa la sheegay inaad dhawaan wafuud ugu kala baxdaan deegaanada
gobolada Somaliland, arrintaasi maxaa ka jira?
J: Qorshahaasi waanu ku guda jirnaa, insha allaahuna waxaanu damacsanahay
inaanu todobaadkan socdaalo ugu baxno gobolada Saaxil, Awdal iyo Sool iyo
guud ahaanba deegaanada gobolada Somaliland, arrimahaasna
tabaabulshahoodii iyo diyaar garowgoodii ayaanu ku jirnaa.
S: Taageero intee le’eg ayaa shicibka caasimadda ka haystaan idinkoo
baryahan dambena shirar doceedyo kula jiray degmooyinka caasimadda?
J: Run ahaantii hadaan kuu sheego taageerada ururka QARAN iyo mudadii
koobnayd ee uu jiray waxaan is odhan karaa koboc balaadhan ayuu sameeyay,
maalinba maalinta ka dambaysayna guud ahaan shicibka Somaliland guud ahaan
taageeradiisu way sii kordhaysaa, gaar ahaana waxaaban odhan karaa ururka
QARAN waa ururka ugu taageerada badan caasimadda Hargeysa, waxaanse odhan
lahaa Rayaale iyo Colkiisa maaha inay siyaasad ka dhitaan cayda iyo
barobagaandada QARAN ee waa inay macno iyo aragti siyaasadeed oo u cuntama
umadda u soo ban dhigaan, balse maaha inay umadda wax qabad iyo siyaasad
uga dhigaan arrinta ay caadada ka dhigteen ee ah, urur waa sharcidaro,
waalagu mudaharaaday iyo dadkaa la kicinayaa, anagase urur ahaan wax weyn
bay na tareen, Rayaale iyo colkiisu yooyootan iyo qadaf kasta oo ay noo
gaystaan jawaab la’aan tayada shacabka ayaanu taageero kaga helnaa, oo
haday siyaasadoodii noqotay aflagaadada iyo fidinta been abuurka ah ee
indha adayga ku dhisan, QARAN waxaasi xaasha waa ka bari.” Top
“Sacaadadiin
Degmo Iyo Gobol Midna Ma Bixin Karo, Dawlada Dhexe Cid Aan Hayn”
Wasiirka Wasaaradda Reer Miyiga [Fu’aad Aadan Cade] |
Hargeysa, July 08, 2007 (Haatuf) – Reer miyigii oo
cabanaya oo barkadihii loo sameeyey ciid baa oodaysa wakhtiga xagaaga ah,
ceelkii laga cabi jiray ee la odhan jiray Ceel-Gaal biyihiisii way
xumaadeen oo dhanaanaaday,” sidaa waxaa yidhi Wasiirka Deegaanka iyo
horimarinta Reer Miyaga Md: Fu’aad Aadan Cadde, oo u waramaayey Wargayska
Haatuf, mar ay shalay ku booqdeen Xafiiskiisa, waxayna Su’aalihii iyo
jawaabihii u dhaceen sida:
S. Marka hore waxaad nooga warantaa inta meelood ee aad soo martay?
J. Dalka ma wada gaadhin ee inyar ayaan ka gaadhay, dalkana lama wada
gaadhi karo oo wax qarsoon maaha, sideedaba degma walba waa naloo joogaa,
oo cid-baa noo joogta, laakiin socodkayagu sidaa uma badna, wax walba
sabab ha u noqotee, inbadan waxaan ka hadlay inaanan kursiga iska fadhiyin,
reer miyi baanu nahoo in aanu miyaga wareegno, dhaqaalahayaga iyo itaalka
dawladaba waad ka warhaysaan, wax badan oo aanu qaban lahayn ictiraaf
la’aanta iyo dhaqaalo la’aanteen ayaa dib u dhigta socdaalkayaga dambe
wuxuu ahaa Banan ku kala yaala Balligubadle iyo Saylac dhibaato ka jirtay
ayaanu u tagnay, waxaan rajaynayaa in intii badnayd iska dhamaatay, inta
kale go’aanka maanta(shalay) ayaa lanaga sugayaa oo dadka u iclaaminay
kadib marka arrintaasi naga dhamaato oo uu si dhakhso u fulo ayaan
rajaynayaa, dabcan wasiirka daakhiliga hadaanu meesha marayn, wax badan
ayaa dhinaan lahaa, ninkaan idhaahdo shidaal keen, nimaan idhaado ciidan
keen waa wasiirka daakhiliga, hada safarad aan ku baxay isagaan idhi waar
cirka ka keen oo shidaal keen.
S. Wasaarada deegaanka safaradiinu ma mid aad dhulka la ootay ku
baabi’inaysaan baa ?
J. Horta arrintan ka dhaxasay Balligubadle iyo Salaxley sababta hore ayay
ahayd inaan go’aan ka gaadhno, aniga ayaa dib u dhigay, maxaa yeelay xagan
Saylac waxaa jira todoba Jasiiradood oo aynu leenahay oo aad moodo bal in
tii ugu waynayd ee Sacaadadiin oo ugaadhi ku nooshahay , dhir gaar ahina
ka baxdo,in bal iyadoon cidna lala tashan ama hudheelo laga samaysto, ama
meelo kale laga qaato, taas ayaa kaliftay in xagan aanu u baxno, iclaana
ka soo bixino, dawlada dhexe cidaan ahayn inaanay bixin karin, degmana
bixin karin, gobolna bixin karin, ugaadhina aanu soo eegno. Barkadihii uu
turkigu samayey iyo kuwii ingiriisku sameeyey, way ka jajabeen oo ay
ugaadhii baddii ka cabtay ka dibna dhimatay oo kontameeyo ka soo hadhay,
qaylo dhaantaa ayaanu markii hore ku orodnay.
Reer miyigii oo cabanaya oo barkadihii loo sameeyey ciid baa oodaysa
wakhtiga xagaaga ah, ceelkii laga cabi jiray ee la odhan jiray Ceel-gaal
oo biyihii xumaadeen oo dhanaanaaday, dhibaatada halkaa ka jirta oo dhan
ayaanu soo aragnay, waxaanu rajaynayaa itaalkasta dawladu ha lahaatee,
cidkasta halala kaashato, bal in waxyaabaha wax laga qabto weeyi, ka
warhayn ayaa muhiima.
Xaga waqooyiga(Hargeysa waqooyigeeda) anigu waxaan qabaa inaan ka gardaran
nahay, waliba hadaanu wasaarada nahay,in badan ayay noo yimaadeen way
qayliyeen, boqol iyo kontan oday ayaa noo yimid, aakhirkii markii ay
qayladii dami wayday, waanu tagnay wasiirka daakhiliga, badhasaabka,
wasaarada Reer miyiga, nimankaa go’aan baanu soo kala qaadanay,dad aad u
wanaagsan oo rag iyo dumarba leh, si fiican ayaa naloo soo dhaweeyey ,
naloo marti qaaday, waqti badan naguma qaadan, waxay nagu yidhaahdeen
niman yahay waanu dhacanahoo, xoolihii meel ay maraan ma hayno, meel ay
daaqaan ma hayno, Ninkii Beer lahaana wuu fiday oo intaas oo higtar ayuu
ku darsaday, dhulka waa la ootay, maalna laga ooday, dhulna biyihii baa ka
socda, roobkii da’aa wuxuu raacayaa boholo ama wado gaadhi sameeyey,
markaan soo duuduubo nimankaasi inay diyaar yihiin oo Xoog iyo xoolaba
hayaan, diyaar ay u yihiin in laga baabi’iyo, waxay maraysaa inay noo
yimaadaan niman daalan oo diifta ka muuqata aad yaabayso, oo ku odhanaya
sahan baanu u ahayn oo geelayaga Xeebta u dhadhacaya, markuu soo noqonayo
oo uu oogada ka soo noqonayo wadada uu mari lahaa way xidhan tahay, Buur
oo dhan way xidhan tahay , sharcigu siduu dhigayo buuraha iyo
dooxooyinkaba dawladaa iska leh, markaa nimankaa waxaanu ku heshiinay 14
maalmood oo ku beegan 17 july bishan aynu ku jirno aanu hawshaa la
dhamayno.
S: Waxaanu maqalnay inaad hawshii kala badh aad reer miyigii saarteen,oo
hawshii qayb dhan saarteen, taasi miyey jirtaa.?
J: Waxaanu soo balan qaadnay in boqolkiiba kontan kharashkii bixiyaan,
anaguna boqolkiiba kontan bixino dawlada Somaliland-na inay intii kala
bixiso, gaadiidka, Ciidanka, Shidaalkii iyo waxyaabo badan, waxay diyaar u
ahaayeen in kharashka oo dhan la saaro.
S: Dhanka dhuxusha, waxaa aad u soo batay in dhirta la shidaayo, kuwaa
dhirta shidaaya qaarkood waxay ku doodayaan inay liisan u haystaan,
arrintaas maxaa horumar ah oo aad ka samayseen?
J: Liisan waanu bixinay, waayo degmada aan anigu ka imid ee Xudun la
yidhaahdo dhuxul ayaa lagu shitaa, maxaa yeelay xaabadii way fogaatay,
walina maanu helin waxaanu ku badalno, markaa dhuxusha cid waliba way
keeni jirtay, imikise laba iskaashato ayaanu ka dhignay, labadaas oo qudha
ayaa liisan haysta, inta la helayo wax lagaga maarmo, Burcana mid baanu ka
dhignay, Berberana mid ayaanu ka dhignay , waanu soo koobnay, balse wax
lagu badalo ma hayno, waxaan I garab yaalaa waa shoolado, dawladu waxay
isku raacday in shooladaha iyo gaasta la jabiyey dadka loo qaybiyo, nasiib
wanaag Madaxweynaha waxaa uu dhagax dhigay warshadii dhuxul dhagaxda lagu
samaynayay, haddii warshadaasi inoo hagaagto geed dambe oo la shidayaa ma
jirto.
S: Si loo yareeyo dhirta la jaraayo, ka waran haddii iskaashatada aad
liisanka aad siiseen haddii aad ku qasabtaan inay markay geed gooyaanba,
mid kale beeraan ?
J: Horta sanadkii waxaanu bixinay toban kun oo geed, in dhulka laga beero,
tuulo kasta ee doonaysa, Cisbitaalada, Ciidamada meel walba miyi iyo
magaalaba cidii doonaysaa inay dhir beerto ayaanu siinaa sanadkii, oo
markii hore waxay ahayd 5ta june oo ahayd maalinta deegaanka ee aduunka,
laakiin maadaama uu roobkii maalintaa inaga jeestay, waxaanu u rarnay 15
April.
Mida kale waxaynaan haynin inaynu isku sheegno maaha, geed waynu goyn
naqaanaa , geedse ma beerno, waxaanu hada maraynaa in aanu nidhaahno marka
10 geed oo galool ah u timaadaan, lix geed shita, afarna iska dhaafa
ayaanu ku bilownay, maantase dadkii baa usoo jeestay oo waxaa jira dhul
dadkii deganaa diideen dhuxusha ayaa jirta.
S: Wasaarada deegaanku waa wasaarad balaadhan, imikana waxaad ka
cabanaysaa dhaqaale yaraan, markaa miyaad marka miisaaniyada la sameenayo
u gudbisaan dhaqaale yaraanta idin haysata?
J: Wax badan ayaa la qabsan lahaa hadii dhaqaale la haysto, horta wasaarad
balaadhan ayaanu nahay, qaar ayaa u haysta Wasaarad aan macno lahayn,
hadaanu nahay Reer miyigii, ugaadhii, daaqii, bay shaqo ku leedahay, degmo
walba hada badi waa naloo joogaa, kuwa ugu shisheeya Laas- Qoray, Badhanba
waa naloo joogaa.
Waxaa nasiib daro ah in Hay’addi UN-ta u shaqada lahayd deegaanka ayna
wali inoo iman, haddii hay’adaasi timaado hay’ado badan oo waaweyn ayaa ku
soo xidhmaya. Top
Muran Xoog Leh
Oo Ka Taagan Laba Nin Oo Ciidamada Mbagathi Dil Ku Fuliyeen |
Muqdisho, July 8. 2007 (Haatuf) – Laba nin oo midkood
ciidamada Imbagaati hore uga tirsanaa iyo nin kale oo ay saaxiibo ahaayeen
ayaa maalintii Khamiistii ina dhaaftay, ciidamada Imbagaati meel fagaare
ah ku toogteen, ka dib markii lagu eedeeyay inay dileen laba nin oo ka
tirsanaa ciidamada Imbagaati.
Odayaal dhaqameedyo ka tirsan beesha ragaas la dilay ayaa warbaahinta u
sheegay in dilka labadaas nin uu ahaa sharci daro.
Wakiilka Ugaaska beesha Saleebaan Habar-Gidir ugaas Cali ugaas Daa’uud
ayaa sheegay in dilka loo geystay labadaas marxuum uu ahaa mid sharci daro
ah oo aan waafaqsanayn shareecada Islaamka iyo qaynuunka caalamiga midnaba,
dilkooduna waxa uu noqon doonaa mid lagala xisaabtamo cidii geysatay.
Ehelada labada nin ee xukuumada Imbagaati dilka ku fulisay ayaa ku
eedeeyay xukuumadu inaanay ragaas wax maxkamada aan la marin, maadaama ay
ahaayeen dad shiciba waxay ahayd in maxkamad furan la hor keeno si ay isu
difaacaan, isla markaana eheladoodu ay u dhegaystaan, waxananu u aragnaa
in qaabka dilkaasi u dhacay uu ahaa mid qabyaaladeed, waxaana wax lala
yaabo noqotay dad rayid ah in la yidhaahdo waxa xukuntay maxkamad milatari,
arrinkana waxanu gaadhsiinay madaxweyne C/llaahi Yuusuf waanu na diiday
inuu arrintaa nagala kulmo, sidaa waxa yidhi Cali Ugaas.
Top
Radio Hargeysa
Oo Habeen Hore Warka Koowaad U Qaatay Xayeysiis Sigaar, Habeen
Saddexaadkiina Mudaharaad aan jirin Baahisay |
Hargeysa, July 8, 2007 [Haatuf] – Idaacadda ay xukuumaddu
gacanta ku hayso ee Radio Hargeysa ayaa warkeedii koowaad ee habeen hore u
qaadatay xayeysiis Sigaar, taasi oo ahayd wax laga naxo, waayo xataa
shirkadaha soo saara tubaakada sigaarka ayaa dusha kaga qora iska ilaali
khatartiisa, laakiin Idaacada Radio Hargeysa halkii ay dadka uga digi
lahayd khatarta tubaakada ayay warka koowaad ka dhigatay xayeysiiska
tubaakada.
Sidoo kale, Idaacadda Radio Hargeysa habeen saddexaadkii waxay warka
koowaad u qaadatay mudaharaad ay sheegeen inuu ka dhacay magaalada
Oodweyne oo lagala horyimid wefti ka socday ururka Qaran oo uu
hogaaminayay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, hase yeeshee warkaas markii aanu
baadhnay waxa aanu soo xaqiijinay inaanu haba yaraatee wax mudaharaad ahi
ka dhicin Oodweyne, xataa laba qofna ha ahaatee. Taasi darteedna waxay
xaqiiqdu iskugu soo biyo shubatay inuu warkaasi ahaa been abuur ay
dhoo-dhoobeen Idaacadda Radio Hargeysa. Iyada oo weftiga Qaran ee uu
hogaaminayo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose si balaadhan loogu soo dhaweeyey
Oodweyne.
Xayeysiiska Sigaarka ee ay Radio Hargeysa warka koowaad u qaadatay waxa uu
ahaa war laga soo diray magaalada Burco oo ku saabsanaa bakhtiyaa-nasiib
ay dhigtay shirkadda Sigaarka iibisa ee MSG, iyada oo ujeedada ay
shirkadaasi u samaynaysay bakhtiyaa-nasiibka uu ahaa suuq gelinta sigaarka
ay ka ganacsato. Top
Radio Hargeysa:
Ceebtii Shalay, Xaaladda Maamul-xumo Iyo Tacadiga Shaqaalaha |
Hargeysa, July 8, 2007 (Haatuf) – Idaacadda
ay xukuumaddu gacanta ku hayso ee Radio Hargeysa ayaa shalay baahinteedii
subaxnimo dib uga dhacday xilligii ay hawada geli jirtay, sidoo kale 2:21
duhurnimo ayay hawada ka baxday mar qudha, waxayna dib ugu soo noqotay
2:30 duhurnimo.
Sida looga bartay idaacadda Radio Hargeysa waxay baahinteeda subaxnimo
hawada soo gashaa 6:30, hase yeeshee maalintii shalay waxay hawada soo
gashay 7:15 subaxnimo, waxaana taas sababtay kadib markii uu damay
mishiinka korontada (dabka) ee ay idaacaddu ku shaqayso, waxaana la
sheegay inay mishiinka cilad weyni ku timi, taasina waxay keentay khalkhal
soo food-saaray baahinta idaacadda.
Sida la sheegay idaacaddu waxay lahayd laba mishiin, laakiin mid ka mid
ahi hore ayuu u fadhiistay oo muddaba ma shaqayn, waxaanu u fadhiistay
cilado xaga farsamada ah oo soo gaadhay. Sidaas darteed waxa la sheegay in
in muddo ahba ay idaacaddu isticmaalaysay mishiinka labaad oo isna la
sheegay inuu aad u daalay, kadibna uu subaxnimadii shalay markii la
shidday uu isna mar keliya dam yidhi, waxayna maamuleyaasha idaacadda
dantu ku khasabtay inay mar kale dib u xanjo-xanjeeyaan mishiinkii
hawl-gabka ahaa ee aan muddada shaqayn, kaas oo marba damaya.
Markii uu bakhtiyay mishiinkii keliya ee meesha yaalay, baahintii
idaacadduna ay hawada ka baxday ayaa maamulka sare ee idaacaddu isku
yaacyaaceen, kuna hambaabareen mashiinka muddada daallanaa ee bakhtiyay,
waxase la sheegay inay mid ka mid ah farsamo-yaqaanada mishiinka ku
eedeeyeen inuu cilladeeyay mishiinka kadibna la xidhay, oo loo
dhaadhiciyay saldhigga bileyska ee Daloodho. Hase yeeshee markii la
baadhay arrinta waxa la sheegay in wax dambi ah lagu waayey ninka la
xidhay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi-qaadir Cilmi Ducaale, balse la
doonayo in fadeexadda maamul-xumo ee meesha ka dhacday cid uun dusha laga
saaro, ciddiina ay noqotay Cabdi-Qaadir Cilmi oo weli arrintaas u xidhan.
Qaar ka mid ah shaqaalaha idaacadda Radio Hargeysa, ayaa u sheegay
masuuliyiinta ku hawlanayd baadhista fadeexadda dhacday inay jirtay
mu’aamarad ay maleegayeen Agaasimaha Waaxda Farsamada idaacadda iyo ninka
Makaaniga ugu qoran Miishanada Idaacadda, kuwaas oo la sheegay inay
yidhaahdeen mishiinka ciid baa lagu shubay, waxaana ku shubay Cabdi-Qaadir
Cilmi Ducaale oo ah farsamayaqaan daara mishiinka, taas oo la sheegay inay
been-abuur ahayd, sababtoo ah waxaa la sheegay inay idaacaddu maalintii
dorraad tiraba laba jeer hawada ka baxday kadib markii uu bakhtiyay
mishiinkaasi.
Waxa kale oo ay warar xog-ogaal ahi sheegeen in mu’aamarad tanoo kale ah
toddobaad ka hor shaqada lagaga eryay makaanigii mishiinada idaacadda oo
magaciisa la yidhaahdo Cabdi Kuus, waxaana ninkan shaqada laga eryay
markii ay maalin maalmaha ka mid ah shidaalka daadisay tuunbo ku xidhnayd
mishiinka oo shidaalka siinaysay, kadibna ciladaas waxaa si cadaaladda ka
fog loogu sadqeeyay Cabdi Kuus oo muddo dheer u soo shaqaynayay.
Kooxo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ayaa maalintii shalay wasiirka
Warfaafinta xafiiskiisa ku booqday si ay wax uga weydiiyaan xaaladda
idaacadda, hase yeeshee wasiirku wuu diidday inuu la kulmo weriyeyaasha,
wuxuuna askarta ilaalada idaacadda ku amray inay dibadda u saaraan
weriyeyaasha soo galay kaanboolka idaacadda.
Sidoo kale mar aanu wasiirka Warfaafinta telefoon kula xidhiidhnay si aanu
wax uga weydiino arrinta idaacadda ka dhacday, wuu iska diidday inuu ka
hadlo, telefoonkana wuu dhigay.
Waxa kale oo ay wararku sheegeen inay kooxo ka mid ah shaqaalaha iyo
weriyeyaasha Radio Hargeysa aanay muddo saddex bilood ah wax mushahar ah
qaadan, lamana ogga sababta.
Wasiirka Warfaafinta Axmed X. Daahir Cilmi, markii uu la wareegay xilka
wasaaradda waxa uu inta badan shaqadii ka eryay weriyeyaashii waaweynaa ee
Radio Hargeysa, iyadoo qaarkood lagu eryay su’aal ay Madaxweynaha
weydiiyeen, halka qaar kalena lagu eryay xijaab ay soo xidheen, kuwaas oo
ahaa gabdho.
Weriyeyaasha iyo shaqaalaha laga eryay wasaaradda Warfaafinta bilihii ina
dhaafay, waxay tiradoodu gaadhaysaa dhawr iyo labaatan. Hase yeeshee waxay
warar xog-ogaal ahi sheegeen inay ilaa iyo hadda mushaharooyinkii
shaqaalaha la eryay ku soo dhacaan khasnadda wasaaradda Warfaafinta.
Waxa kale oo la sheegay in tirada gaadiidka ay iska leedahay wasaaradda
Warfaafintu gaadhayso ilaa toban gaadhi, hase yeeshee shan ka mid ah
gaadiidkaas oo ay masuuliyiinta sar-sare ee wasaaradda Warfaafinta iyo
Idaacaddu gaar u wataan mooyaane, ay intii kale dayac-tir la’aan u
istaageen, taasina ay keliftay in weriyeyaasha iyo shaqaalaha idaacaddu,
gaar ahaan gabdhuhu habeen lug ku tagaan guryahooda iyadoo shaqaalaha
qaarkood xaafadahoodu aad uga durugsan yihiin xarunta idaacadda Radio
Hargeysa.
Arrimahaas iyo waxyaalo kale oo badani waxay muujinayaan xaaladda
maamul-xumo ee hadhaysay idaacadda ay xukuumaddu gacanta ku hayso iyo
wasaaradda Warfaafinta, iyadoo wasiirka Warfaafintu Axmed X. Daahir lagu
tilmaamo nin si weyn uga idaad haysta aqalka Madaxtooyada, taasina ay
tahay sababaha uu ugu dhiiraday tacadiga uu sida joogtada ah ugula kacayo
shaqaalaha Warfaafinta tan iyo maalintii uu xilka la wareegay sannadkii
hore. Top
Wakiilada Oo
Guda Galaya Doodda Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Doorashada
Golaha Degaanka, Oo Kuraas Looga Qoondeeyay Haweenka Iyo Dadka Laga
Tirada Badan Yahay |
Hargeysa, July 8, 2007 (Haatuf) – Golaha
Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay loogu qaybiyay nuqulka waxka
badalka iyo kaabista xeerka doorashada goalaha degaanka xeer No 20/2001/
oo ajandaha kalfadhiga 4aad ee goalah lagu soo daray, balse ay 25 mudane
oo golaha ka tirsani ay mooshin ku soo jeediyeen gudagalka dooda wax ka
badalka xeerkaasi doorashada golaha deegaanka, kaas oo ay gudida arrimaha
guduhu isbadal ku soo sameeyeen, qaabka ay doorashada golaha deegaanku u
dhacayso iyo in saami go’an laga siiyo kuraasta haweenka iyo dadka lga
tirada badan yahay.
Fadhigan shalay oo uu gudoominayay ku simaha gudoomiyaha golaha wakiilada
isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka koowaad Md Cabdi Casiis Maxamed
Samaale ayaa waxa uu ugu horayn madashaasi ka akhriyay magacyada 25 ka
mudane ee mooshinka guda galka dooda wax ka badalka iyo kaabista xeerka
doorashada golaha deegaanka soo jeediyay. Intaa ka dibna waxa golaha
warbixin ka siiyay isbadalka xeerka ay ku soo sameeyeen gudoomiyaha
guddida arrimaha gudaha ee golahaasi Md Siciid Cilmi Rooble oo ay
gudidiisu wax ka badal iyo kaabid ku soo samaysay xeerka isla markaana ay
fikirka mooshinkiisa iyagu iska lahaayeen.
Gudoomiyaha gudida arrimaha guduhu iyagoo faah faahin ka bixinaya noqulka
wax ka badalka xeerka doorashada golaha deegaanka ay ku soo sameeyeen waxa
uu yidhi, “ horta nuxurka wax ka badalka xeerkan aanu ku soo samaynay waxa
ugu wayn, laba qodob oo kala ah, qodobka 22aad ee xeerka doorashada golaha
deegaanka oo tilmaamayay habka ay doorashadu u dhacasyo oo ahayd mid
dadban, waxaanu u badalnay in doorashada golaha deegaanku ay u dhacdo
habka doorashada ah ee (One Man, One Vote) taasi oo la mid noqonaysa
habkii doorashada golaha wakiilada loogu soo tartamay, iyo saamigii ay
xisbiyadu u kala qaateen deegaanadii bariga Sanaag iyo gobolka Sool ee
aanay doorashooyinku sida tooska uga dhicin,
Dhinaca kale waxaanu isbadal ku soo samaynay qod 2aad oo aanu ka dhinay in
xisbi kastaa kuraasi mucayina uga qoondeeyo doorashada golaha deegaanka
haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay, oo doorashooyinkii hore ee
deegaanka aan wax saamiya oo kuraasiya ka helin, gobolka Hargeysa waxaanu
u xadidnay in shan kursi looga qoondeeyo 25ka kursi, oo afar ka mida la
siiyo haweenka hal kursina la siiyo beelaha laga tirada badan yahay, 20ka
kursi ee kalana doorasho toosa loo galo, degmooyinka derajada waxa looga
qoondeeyay (A) 4 kursi, saddex kursi haweenka, 1 kursina beelaha laga
tirada badan yahay, deegmooyinka darajada (B) iyo (C) waxa looga
qoondeeyay 3 kursi haweenka, 1 kursi dadka laga tirada badan yahay.
Kuraastaasi loo xadiday waxay xisbiyada iyo ururadu u kala qaadanayaan
wadarta guud ee tirada codadka ansaxay ee degmada ay ka kala helaan, waxa
kale oo aanu iyagana kaabid ku soo samaynay qod 25aad ee dabaajiga
lacageed ee laga qaadayo musharaxa doorashada madax weynaha isu taagaya oo
laga dhigay 5, 000,000 milyan oo Shiling, musharaxa doorashada golaha
deegaanka 5,00, 000 S/shilling.
Qod 5aad ee shuruudaha codbixiyaha doorashada waxaanu ku soo darnay inuu
codbixiyuhu ka diiwaan gashan yahay goob codbineed, haystana kaadhka
codbixinta, si waafaqsan xeerka jinsiyada xeer No 22/2002”.
Gabagabadii fadhigaasi ayuu kusimaha gudoomiyuhu Md Cabdi Casiis M.
Samaale waxa uu sheegay in fadhiga maanta uu goluhu ku guda gali doono
dooda waxa ka badalka iyo kaabista xeerka doorashada, golaha deegaanka,
maadaama uu kalfadhiga ajandahana uu kamid ahaa qodobada ku sii jiray. Top
Tacadiga Ay
Masuuliyiinta Iyo Maalqabeenadu Kula Kacaan Dadweynaha
Xadhigii Mujaahidka Safarka Ah Cabdi Kurtin Mandheera Ugu Diray |
Qaybtii 21-aad
M. Amiin Iyada in muddo ah aynu ku kala
maqnayn barnaamijkii taxanaha ahaa ee tacadiga, isla markaana aanu idiinku
maqnayn xogo iyo macluumaad la xidhiidha, waxa aanu maanta halkan idiinku
soo gudbinaynaa qaybtiisii 21-aad.
Sideedaba tacadiga waxa sameeya qof awood dhaqaale amaba xileed leh, oo
dulmi u geysta qof markaasi ka awood yar amaba aan iska difaaci karin
awooda loo adeegsanayo.
Qaybtan maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa magacyada liiskii bishii
June ay guddida nabadgelyada gobolka Hargeysa xabsiyada dhigeen, ee loo
diray jeelka Mandheera.
Sida ku cad warqad uu guddida Nabadgelyada u soo diray, taliyaha xabsiga
Mandheera Muuse Abokor Qoorsheel, ugu yaraan shan qof oo lagu eedeeyay
dambiyo kala duwan ayaa ku jiray waqtiga uu warbixinta soo diray taliyuhu
jeelka Mandheera, oo ahayd 02/06/2007, kuwaasi oo aanay guddida
nabadgelyadu xukun ku ridin, balse rumaan ahaan halkaasi loo geeyay.
Shaxdan hoose waa liiskii shantaasi qof iyo mid walba waqtigii loo
gudbiyay Mandheera.
SN Magaca oo saddexan DDL EEDA T/Xadhiga
1 Axmed Xaashi Jaamac 5/28/05 Khal-khal gelin 02/03/005
2 Jaamac C/laahi Yuusuf 5/28/05 Khal-khal gelin 02/03/005
3 C/Kariim Axmed Aadan 6/20/06 musixir 07/06/006
4 C/Xakiim Axmed Ismaacil 16/10/06 Tuugo 16/12/006
5 Ibraahim Faarax Cali 7/0.4/1/07 70 geel ah 28/01/007
Liiska magacyada ahi waa inta ay guddida nabadgelyada gobolka Hargeysa
rummaanka ugu direen jeelka Mandheera, waxaanay iskugu jiraan sida ku cad
taariikhda xadhigooda laba sannadood, sannad, todoba bilood iyo lix bilood.
Dadkani sida muwaadiniinta kale ee reer Somaliland waxay xaq u leeyihiin
inay helaan garsoor dhex ah, oo la horgeeyo, isla markaana lagu cadeeyo
dambiga loo haysto ama lagu waayo, laakiin akhriste haddii aad ogolaato
xadhiga xaaraanta ah ee lagu hayo muwaadiniintan, dabcan adigana beri ayay
ku huran tahay.
Way adagtahay in aan xog ku filan idinka wada siiyo dhammaan dadkani, hase
yeeshee si aad kiisaskooda wax uga ogaato, bal aynu soo qaadano ka ugu
muddada yar Ibraahim Faarax Cali.
Sida ay noo sheegeen eheladiisu, Mr. Faarax waa nin da’ ah oo ku jira
dabayaaqadii 70 jirkiisa. Noloshiisii dhalinyarnimada wuxuu ku qaatay
halgankii ay xoogagii ururkii SNM la galeen kelidii taliyihii dadka reer
Somaliland xasuuqa iyo xad-gudubyada bani’aadminimada ka baxsan kala
kulmeen. Intii uu halgankaasi ku jirayna muu guursan, wuxuuse markii ugu
horeysay guursaday 1991-kii ee mucangagii Maxamed Siyaad Barre laga
xoreeyey ciida Somaliland, sidaasi darteed inankiisa ugu weyni waa 15 jir.
Mujaahidkani ma laha walaal la dhashay, waxaana cid ugu xiga inaadeerkiisa
afraad, raaska uu ka dhashay sidaa uma badna waa sida ay ehelkiisu noo
sheegeen’e.
“Maadaama oo aanu lahayn ilmaadeer u dhaw oo lagaga cabsoodo iyo walaal
iyo wiil is-garab taaga, ayuu Cabdi Kurtin mag aan lagu lahayn ugu soo
xidhay bishii January ee sannadkan, ka dib markii uu ka soo qabtay
istaanka gaadiidka Hawdka Hargeysa u baxa jooga, isaga oo doonaya inuu
reerkiisa oo uu hawdka miyiga Hargeysa uga soo safray. Laakiin nasiib
darro, ninkan magaciisa la yidhaahdo Cabdi Kurtin ayaa soo xidhay, ka
dibna safar uu reerkiisa u geeyo iska dhaaf’e wuxuu ku eedeeyey in lagu
leeyahay mag lagu kala hagaagay oo dhexmartay reer kale oo aanu isku qolo
ahayn, isaga oo uga dan leh, nin waalaa oo isaga iyo Mujaahidiin kale oo
gaadh haya sannadkii 1982-kii SNM-ta inta uu Faqash iskaga soo dhigay ku
yidhi habeen madaw “Qudhmiseey is-dhiiba”, ka dibna ay mujaahidiintii
gaadhka haysay rasaas ku fureen, markii dambena la yidhi tii Mujaahid
Faarax ayaa ku dhacday, dabadeedna markii tolkii iyo dadkii is-arkeen la
yidhi xilli mag la kala qaato lama joogo, haddana markii dambe ee dalka la
soo galay ayaa la isku soo noqday, waxaana la yidhi xaaladii halgankii bay
ahayd ee mar haddii tol la yahay ha la iska dhaafo boqolaal kale ayaa
sidaas oo kale inooga dhintay’e, balse Mujaahid adeerkay Mujaahid Faarax
wuxuu ku adkaysanayay in magta la bixiyo, taasise ma suurto gelin, balse
aakhirkii waxa la yidhi reerkii uu ka dhashay ninkii hala siiyo sideetan
kun oo shillinkii hore ee Somalia ah oo samarsiis ah, sidii baana la
yeelay, inkasta oo aanu Mujaahid Faarax ku qanacsanayn, laakiin dheg’ee
jalaq looma siin oo Cabdi Kurtin laftiisa ayaa ka mid ahaa raggii Mujaahid
Faarax aragtidiisa in magta la wada bixiyo ahayd kaga soo horjeestay.
Laakiin nasiib darro muddo dabadeed ayaa saddex nin oo uu ku jiro Cabdi
Kurtin walaalkii ay qoladayada ka dileen reerkii ninkii ay rasaastu kaga
dhacday Mujaahidka adeerkay ah, ka dib markale la isku soo noqay, waxaana
lagu heshiiyay in magtii ninkii hore saddexda nin ee ay naga dileen
midkood la isku tuuro magtiisa, labada kalena ay bixiyaan. Sheekadaasina
halkaasi ayay ku dhamaatay magihiina waa la kala qaatay, laakiin nasiib
darro Cabdi Kurtin waa kaasi adeerkay oo safar magaalada ku yimid istaanka
ka qabsaday, cid walibana way ugu tagtay arrintaasi oo rag kala duwan oo
Reer Sheekh Isaxaaq oo dhan ah oo waliba ay ku jiraan qolada uu Cabdi
Kurtin ka qabaa ay ku jiraan ayaa ugu tegay arrinka adeerkay, laakiin
Cabdi Kurtin taasi uma dhadhamin oo isagu ma garanayo halgan iyo wax kale
toona, balse isaga dalkaa loogu yimid oo waxaabu malaha isleeyahay haddii
aad adigu u taliso raggii soo halganka u soo galay, sidaad doonto ka yeel
kan aanay jirin cid kaaga daba timaadaa kanuun ha u xidhnaado dhimashadii
walaalkaa…….”. sidaa waxa ku tiraabtay Tiriig Axmed oo uu adeer u yahay
Mujaahid Ibraahim Faarax Cali oo haatan ku xidhan jeelka Mandheera, markii
uu Cabdi Kurtin soo xidhay bishii January ee sannadkan, isla bishaasi ay
guddida Nabadgelyadu ugu rumaan garaysay Jeelka Mandheera.
Markii ugu dambaysay Cabdi Kurtin waxa uu joogi jiray saldhiga dhexe ee
Hargeysa, haatanse wuu ka dalacay, waana taliye ku xigeenka Qaybta
Bileyska Gobolka Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee, Mujaahidkani waxa uu ka mid yahay boqolaalka
muwaadiniinta ee iyada oo aanay maxkamadi xukumin jeelasha dalka iyo
saldhigyada bileyska ku xidhan.
Mar aanu kiiska Mujaahid Ibraahim Faarax loo haysto wax ka weydiinay
Taliye Cabdi Kurtin waxa uu ku jawaabay “Ha I weydiinin aniga arrintan,
cidii kuu soo sheegtay weydii, imika bax, waar hala saaro ninkan iwm”.
Sidoo kale, Taliyaha Qaybta galbeedka Gobolka Hargeysa Aadan Guun oo
isaguna ka tirsan Guddida Nabadgelyada ee rumaanka u dirtay Mujaahidka oo
aanu isagana wax ka weydiinay ayaa ku gaabsaday “Adeer ninka Maxbuuska ah
anagu ma hayno, haddii aanu halkan [saldhiga dhexe] ku jirin annagu war
uma hayno ee Asluubta weydii”
Haddaba, akhristow isweydii, intee in le’eeg ayaynu sii eegan karnaa
inaynu xaaladan ku jirno. Mase la odhan karaa, waxa la gaadhay waqtigii
aynu dulmiga diidi lahayn ee aynu madaxdeenu marka ay dunuubta noocan oo
kale ah galaan loo ciqaabi lahaa?
Ama ha dhawaato ama ha dheeraato’e waxa iman doonta maalin ay madaxdeena
maanta dulmiga iyo tacadiga inagula kacda, amaba shalay u adeegtay kuwii
ina xasuuqayay la horkeeni doono cadaaladda, isla markaana lagu ciqaabi
doono dambiyada ay galeen.
Nasiib wanaagna qodob dastuuri ah ayaa damaanad qaadaya in tacadiga lagula
kaco muwaadiniintu aanay muddo dhaaf lahayn, oo xataa hebel oo dhintay ay
maxkamadi ku xukumi karto inuu ahaa dambiile geystay tacadi. Laakiin waxa
inaga maqan oo aynu u baahanahay inay baarlamaanka aynu dooranay sameeyaan
xeerkii lagu ciqaabi lahaa masuuliyiinta ku kacda xad-gudubyada ka dhanka
ah xuquuqda aadamaha.
La soco xogo kalena
DALJIRE: “Maqan
Baan Dhigay” |
Qore: A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan
kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku
sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba
saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana
loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay
diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay
daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay
diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo
duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay
doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay
qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe: Allaylehe dadkii reer Hargeysa ee wacnaa ee Madaxweynaha is yidhi
soo dhoweeya waxbaa ku dhacay.
Doolaal: Hee. Maxaa ku dhacay?
Dubbe: Dee mar hadduu Ina Rayaale yidhi sacabkan yar ee xun ee dariiqyada
la taagan tihiin waaban shuufay ee uf. Oo uu kooxo durbaano sita ka soo
kaxaystay Boorame, muxuu kaga tegey? Bal iyagoon inuu wax taroba ka
doonayn ayay weliba sacab ugu daraya oo weliba siigada gawaadhidiisa
dheeraynaysa liqaya ayuu taa ku samaynayaa. Allaylehe abaalkood baa helay.
Haddaba shicib yahow wanaagsani miyaa laga yaaba inaydin mar dambe itaydin
laba lugood is daba dhigtaan oo cadceedda safaf dhaadheer is taagtaan u
codaysaan ninkaa? “qofka aan quusan naftiisaa quus ah.” ayaa hore loo
yidhi.
Mase laga yaabaa inaydin dhegeysataan Wasiir reerkiinna ah oo idin leh
ninkan lixda sanadood dalka xukumayay wax-qabadkiisii ama wax-qabadla’aantiisii
ha eegina oo ha kula xisaabtamina ee wasiirnimo ayuu innoo oggolyahay ee
doorta. Iyo haddii nimaan isaga ahayn la doorto oo beelaha kale ah waa
lays dilayaa. Iyo beel heblaayo oo xukunka qabata waxa inoo dhaama Ina
Rayaale oo haya?
Doolaal: Waar muxuu ku hadlayaa? Waar iminka yaad u khudbadaynaysaa? Ma
olole doorasho ayaad ku jirtaa? Inaynu qayilayno miyaad illawday? Waar
koox fannaaniina oo meesha qurxinaysay bay ahaayeen ee waxan aad shubaysaa
ma jiraan. Iyagaa isa soo abaabulay.
Dubbe: Kuwee? Iga walla waxay ahayd dhaadasho iyo dhoolla tusad. Waar
halkaasuu la marayaa ficiltankii iyo qabyaaladdii. Bal yuu la ficiltamayaa
ma dadkii kursiga saaray?
Beyahan miyaanad dareemin? Imisaan kuu sheegay? Haye. Iminkana haddaba
siduu ku socdo ciidan koofiyadcas ah oo reer Awdal sooc ah oo golxad iyo
gundhati xidhan ha keeno madaxtooyada. Berigii hore ee uu sidan dhaamay ee
aanu mijo-roorka ka dhaansan lama ogaan jirin wax u yimi iyo wax kale.
Sidoodabana reer Awdal haddaan la kicin dad sanqadh iyo qaylo badan ma
aha. Dad i maqlaay i arkaadana yaqaan ma aha. Nin ay sheekaysteen berigaa
hore nin Ilaalada Madaxtooyada ah ayaa iiga sheekeeyay. Wuxuu yidhi “waar
meeesha cid badani uguma timaaddo ninka ee mar mar baa gaadhi MarkII ahi
isa soo taaga markaasay ka soo degaan oo yidhaahdaan. “Haw ma joogo?”
markaasaanu nidhaa. kuma? Markaasay yidhaahdaan. “Daahir dee. Xaafaddaan
nahaye.” Markaa dad xasarad leh may ahayn.”
Waar taan hayayba illaabay eh anigoo isle u sheeg gaadhi waddada ku
qallibmay ayuumbaan markaan ku arkay kooxdaa xusuustay.
Doolaal: Halkuu ku dhacay? Waxse ma lagu noqday?
Dubbe: Waddadaa Berbera ayuu ku dhacay baa la yidhi laakiin dhaawac fudud
ayuumba la sheegay. Sideedaba dadkeenu nabadgelyada gawaadhida khalad bay
ka fahamsan yihiin. Gaadhigan ballaadhan ayuumbay arkayaan ee uma
fiirsadaan intay dib uga durkaan inuu gebigiisuba taako iyo badh in le’eg
ku taagan yahay. Bal shaagga eeg. Waa taako iyo badh. Markuu dhaqaaqo ee
xawli ku socdana waxay noqotaa taako nuskeed. Markaa gaadhigu cagaba dhul
kuma hayo ee dadku waxay ku xisaabtamaan baaxadda gaadhiga. Waar shaagga
eega oo qunyar socda.
Doolaal: Ninyow waa runtaaye umaan firrsanba ee show bahalku dhulkaba
inyar buu kaga taagan yahay. Waar intaa yaa kuu sheegay maanta? Horta
anigu mid gaala oo aan beri raacay ayuumbaan ka maqlay “speed kills.” Oo
macnaheedu yahay xawliga dheeri waa dilaa.
Dubbe: Cidda ii sheegtay iska daayoo. Ka warran farriintii Wasiirkii
Etoobiyaanka ahaa. Maxaa laydinka saxeexay?
Doolaal: Oo kaa ma warbaa ku hadhay? Sawtii warsaxaafadeedka laga soo
saaray.
Dubbe: Oo waxaa tidhaahdaan ama soo qortaan ma cidbaa rumaysata? Waanu
iska amusnaa idin dhegeysanaa uune. Arrintiinu waa “warqaddii maqnayd baan
dhigay.” Anaguna waanu yaabnaa uun. Intuu yaab naga soo reebi?
Doolaal: Waa maxay warqadda maqani?
Dubbe: Reer miyiga, weliba geeljiraha ayaa waayadii dambe turub bartay.
Markaasay faraqa ku qaataan. Waxa ka lunta mid waraaqihiisa ka mid ah ama
ka jeexjeexanta. Ka dib markay ciyaarayaan ayay illayn korka ayay ka
hayaane yidhaahdaan. “warqaddii maqnayd baan dhigay.” Iminka waxa dadka la
barateen jawaabo isku mid ah oo aan macno lahayn. Waa nimankiina yidhi
wasiirku wuxuu u yimi inuu Madaxweynaha u sheego farriintii Meles oo ah
inuu cilaaqaadkeenii sidii hore yahay. Berigaa idinku odhan jirteen Meles
wuxuu yidhi baaba intaa dhaanteen. Iminkaa tiiyoo farriin ah noo sheegteen.
Maalintii dhoweyd ee uu Madaxweynuhu Meles isla sawiray maxay is
yidhaahdeen. Isna ma gaal Jarmal ah buu ahaa oo wershed sibidh bay ka wada
hadlayeen?
Waar waxa jira dadka u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn xisbiyada qaranka
u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn. Golaha Wakiilada u sheega. Oo
haddaydaan u sheegayn. Guurtida u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn Labada
Shirguddoon ee Baarlamanka u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn ninkaa aad
tidhaahdeen Oomane ayaa la yidhaahdaa ee idiin eexda u sheega.
Doolaal: Xukuumadda iyadaa la doortay oo maamulka iyo siyaasadda debedda
ka masuul ah oo cadaw badan baynu leenahay. Markaa lama sheegi karo wax
walba.
Dubbe: Waar cadawna garan maysaan cadyow miidhani. Waxba haw sheegina
haddaad rabtaane wax yar baaba iskaga keen hadhaye. Ninka Oomane ee
Maxkamadda sare ee Mujaahidka ahaa sawkii Ina Rayaale labada casho
jawaabta ku siin jiray. Jawaabtii Golaha Wakiilada muxuu la qabanayaa?
Doolaal: Maxkamaddu jadwalkeeda ayay ku socotaa cidina ma dedejin karto
cidina dib uma dhigi karto.
Dubbe: Dee mayee hayla yaabine. Maxkamadduu kiisaskii mucaaradku geystay
2003dii weli kamay jawaabin. Ina Rayaalena wuxuu weydiisto intay degdeg
uga jawaabaan ayay weli u raxeeyaan oo u wafeeyaan oo qaar aanu weydiisan
ugu daraan. Ma dawbaa taasi?
Bal haddaba garannay oo Guddoomiye Faysal waxaad tidhaahdeen wuu
xanuusanayay. Kii ka horreeyayna waxbaad ku sheegteen. Qaadigiina waa la
ogaa oo waxan la hadal hayo kuma jirin isagu. Haddaba ninkan Mujaahidka
ahaa ee berigii halgankii buugga yar sidan jiray ee qodob baa la jebiyay
wadnaha dadka ku caddeeyey iminka muxuu qodobaddii u arki waayay? Muxuuse
caddaaladdii isaga indha tirayaa? Waar mujaahidka Illaahay ka yaab dhaha
oo dadka u xaqsoor oo sheeg waxaad u dhaarin weyday shanta xubnood ee
Komishanka Doorashooyinka qaranka. Mujaahid “baqaa bari ka row.”
Doolaal: Eebaheenow muxuu kolba meel isku qaaday. “maxaan waraabow uuuh
kaa maqlay.” Buu yidhi ninkii jiray. Maxaa iminkana arrimaha maamulka
maxkamadda ku geliyay?
Dubbe: Aan kuu daayaba eh waydinka yidhaahda “jaarkaaga Illaahay baa kuu
doora.” Ee maxaa Djibouti u hambalyayn weydeen sannad guuradeeda 30aad?
Haddaad xukuumadda collowdeen shicibka miyaad collowdeen?
Doolaal: “Kaba tolow ma halkaasaad ka kudday?” ayaa la yidhi. Halkaad
inala martay haddana?
Dubbe: Waar kiiska hayska waaline waataa markaa macawisaha aydin ka arradi
weydeen ee weli masaajiddada ku timaaddaan ka soo guran jirteen na odhan
jirteen “waa walaalaheen eh.” Maxaa iminka indhaha isaga ridaysaan? Ma
macawisii bay joojiyeen?
Anaga hambalyaynayna. Waar Djibouti yey hambalyo. Oo Ina Cumar Geelow
Hambalyo sidaad dadkaaga wax ugu qabatay. Woxoogaaga yar yar ee jira ee
xagga dimuquraadiyaddana u dedaal. Ka neefi.
Niman wanaagsan oo madaxa baa meesha inooga iman jiray xagaagga. Kollay
Xasan baa la xidhiidhiye. Waar nagu salaan Xasanow nimankii wanaagsanaa ee
aad na bartay.
Doolaal: Waar maxaad u jeeddaa iminka waa ninka?
Dubbe: Sawtaa odhan jirteen. “haddaanaan xidhiidhka jaarkeena hagaajin oo
ku guulaysan mid ka shisheeyana ku guulaysan mayno.” Ma iminka af
Talyaanina ku hadasheen reer Djiboutina af garan weydeen? Alla nimanku
indha adagaa. Wuxuu yidhi Xaaji Dallaayad. “Sow Tuug alaab lagu hayaa kii
habrada maaha.” Idinku waaba kaalaxdeen marraa waaxid.
Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Ha Lagu Daydo Mustafe Shiine |
Qofkii aan garanayn ha loo sheegee Mustafe
Cabdi Ciise Shiine waa wiilka da’da yar ee guddoomiyaha u ah Ururka
Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) isla markaana ah tifaftiraha wargeyska
Maandeeq.
Haddaba Shiine waxan ku hambalyaynayaa geesinnimadii uu muujiyey markii la
xidhay weriyayaashii wargeyska Haatfuf, siduu BBCda iyo warbaahinta kaleba
uga difaacay isagoo waxaas oo xil dawladeed ah haya. Ma aha nin u habrada
xilka dawladda uu u hayo ee waa nin u badheedha difaaca xaqa iyo
caddaaladda, taas baana looga baahan yahay inay weriyayaal badani kaga
daydaan.
Arrimahaas oo ay suuro gal ahayd inuu xataa xilkiisa ku waayi lahaa halka
weriye su’aal weydiiyey madaxweynaha ama wasiir uu xilkiisii ku waayey.
Shiine sidoo kale waa nin ku dhiirran u jawaabidda saraakiisha sida kulul
u weerara xukuumadda, nimankaas oo haddii aan la waabin u qaadanaya in
laga cabsanayo oo xadhkaha goosanaya.
Hambalyo, weriyeyaal ku dayda Shiine oo xaqa iftiimiya.
Caasha Cali Axmed (Dheemman)
Somaliland Waa Muqadas UDUB-Na Maamuuskeeda
Dadkaa Leh
Qalinkii-Qabaxle. Cumar Cilmi Axmed. Hargeysa
Waxaan qalinka u qaatay inaan u caqli celiyo ninka la yidhaahdo Cismaan
Cumar Dool, Oslo Norwey oo maqaal ku qoray bogga odhaahda akhristaha,
warside Haatuf tirsiga 1458 salaasa july 2007 maqaalkaas oo uu hal ku dheg
uga dhigay “Udub way tegaysaa ee Somaliland may ka dambayn”?
Marka hore ninka caaya dadka isna caayan marka xiga, waxa ii muuqda siduu
Cismaan caynku u hayo ee weliba dabagelisku u dheer yahay. Cismaan qaate
wuxuu la sare kacay oo maqaalkiisa ku soo bandhigay amar naftii ku qancin
ah oo yidhi “Waaba lama huraan in la bedelo Rayaale iyo dawlada joogta”
sidaana wuxuu ka dhigay wax qabad la’aan iyo musuqmaasuq.
Arrin kale wuxuu dhaliil ka dhigay inay Udub u dhamaatay hadana wuxuu
yidhi: xisbiga Udub olole inuu ku jiro.
Cismaan waxaan leeyahay dawlada waxa dhistay shacbiga Somaliland, iyaga
ayaa farsamo yaqaan iyo shaqqale ka ahaa, shacbiga iyaga ayaa cid kasta
ugu aqoon badan madaxdooda iyo dawladooda, waxayse khaatiyaan ka taagan
yihiin kooxo canaasiir ah oo isku dira dadka iyo dawaladooda.
Kooxahaasi waa isku dabeecad, malaha xishood dabra, ma yaqaaniin
waalidkood, madaxdooda iyo hidaha dhaqan ee dadkooda, reerkooda, ma
yaqaanaan wax la dhis adna, dhiso dad iyo dalka waxay ku colaadiyaan
tartankii doorasho ee laga helay, ma yaqaanaan Qadar Allah, shaydaan baa
balag u lulay jeer oo ay gaadhaan anaa Allah ka doorasho wanaagsan iyo
muxuu hebal madax u noqday.
Kooxahaasi waxay if iyo aakhiro toobad seeg ku noqdeen dabo oradka kursi
diiday iyo waxaaan Allah u Qorin.kooxahaasi marka ay shacbi weynaha
tilmaamayaan waxay soo qaataan murtida dhaqan ee tidhaahda “Taladii uma
dhalato talo uma korodho” kooxahaasi talo ay leeyihiin uma dhalato, mid la
siiyana waxba uguma kordhaan, waxa kaliya ee qudha ee ay yaqaanaan ku
tiraab mucaarid iyo iskula faq halqabsiga maahmaahda dimuqraadiyada
Buuryo-qabka.
Cismaan waxan leeyahay ruuxaaga jooga Oslo Norwey marnaba ugama war roona
dadka ku nool dhulka hooyo xaqiiqadda noloshooda dhaqan dhaqaale iyo ta
siyaasadeed. Hadalkaagase waxaan ka dhadhansaday ereyo ay isticmaalaan
kooxaha ku ibtiloobay mucaarid meel aanay jirin wax mucaarad lagu noqdaa,
ka sokow cadowga dawladnimada Somaliland. Ereyadaas waxa ka mida dadka
xuquuqdoodii la duudsiyey, nidaam fadhiid ah, hebel waa sidaa iyo waxaasuu
wadaa, aduunka ayaa ah iyo dawladaha yurub ayaa sidaas ah.
Distoorkii baa la jabiyey ha lagu dhaqmo dimuqraadiyad.
Cismaaan waxan leeyahay yaanay iskaga kaa qaldamin xisbinimada iyo
dawladnimadu kala garo waxa u dhexeeya ee ay ku kala duwan yihiin
madaxweyne iyo gudoomiye xisbi mucaarad.
Kala garo dirkaaaga dhaqan iyo Dimuqraadiyada shisheeyaha, kala garo
guusha doorashada xisbiga udub iyo in laga badiyay xisbiga kulmiye, kala
garo in shacbigu doortay madaxweyne Daahir Rayaale iyo gudoomiyihii SNM
Axmed Siilaanyo oo laga badiyay tartankii doorashada.
Cismaan waxan leeyahay iska dhaaf malo awaalka ah “in madaxweyne Rayaale
iyo xisbigiisa Udub ay si qurux badan u wareejin doonaan xilalka marka la
gaadho doorashada soo socota oo aanu shaki ku jirin in aqlabiyad badan lgu
muquunin doono”.
Cismaanow laguma weydiin mana aha arrin doorashada madaxweyne Rayaale taal
arrinta Udubiyo ee cidi ma kuu sheegtay in xisbiga mucaaradka ah ee aad u
ololaynsaa leeyahay ujeeddo ka duwan waxad adigu Aaminsantay.
Guntii iyo geba-gabadii iyo hadal waayeel, adigoo raaliya, Maanka iyo
Garashadaa Hoos iyo Dib ugu soo Celi Xaqiiqadda Dawladnimo Shalay, maanta
iyo Berri.
Madaxweyne
Arrintaadu Waa Wadhaf Iyo Shimbiro War Isuma Hayaan
Su'aalaha La Xidhiidha Wershedeynta Gobolka Saaxil |
Anigoo ah muwaadin Xassan Suleiman Abdi
mara-yareh, kuna nool dalka Sweden magaalada Stockholm, waxaan jecelahay
in aan mar labaad dadka reer Somaliland, gaar ahaan reer Berbera halkan
ugu soo gudbiyo fariin ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira
degaankooda.
Waxaan muddo sannad iyo badh laga joogo isla wargeyska Haatuf ku soo qorey
maqaal aan kaga hadlaayey macdanta gymsum & limstoneka loo yaqaan oo ah
(industry mineral) ee ku jirta degaanka Suryo-malable, iyo macdano kale oo
ku jirra degaano kale oo Somaliland ah, sida kuwa kale ee loo yaqaan
Gemstones, kuwaas oo aan wax ka bartay.
Waxaan maqaalkan ku iftiiminayaa waajibka looga baahan yahay golaha
degaanka Berbera, mudaneyaasha laga soo doortey Berbera, guud ahaan golaha
wakiilada iyo madaxda wasaaradaha Hawlaha Guud, Maaliyadda, Qorsheynta
Qaranka, Ganacsiga, Wershadaha, Macdanta iyo guud ahaan golaha Wasiirada.
Horta waxa jira qoraalo ama dokumentiyo tilmaamaya noocyada macdantaas
gymsumka ee ku jira degaankaas, kuwaas oo waqti hore la sahamiyey, ha ugu
badnaadaan sahankii waqtigii ingiriisku wadanka maamulaayey, iyo kii UNDP
u xilsaartey shirkad Talyaaniya oo ay masuul ka ahayd dawladda Talyaanigu
taas oo fulisey sahankeeda 1967.
Waxa intaas raaca in la derso nooca heshiiska iyo shirkada fulineysa, waxa
jira shirkado magac keliya oo ay wataan qof ama laba ruux oo dilaaliin ah,
kuwaas oo madaxda Afrika inta ay wax isku darsadaan la siiyo heshiis aan
cid kale la siin karin muddo dheer, ka dibna u iibgeeya shirkadaha waaweyn
heshiiskaas, ka dib hela oo macaasha lacag badan oo ay qeybsadaan madaxda
wadanka siiyey heshiiska iyo kuwa iibiyey heshiiska. Waxa kale oo jira
shirkado yaryar oo aan qaar ka mid ah aniguba la kulmey isla markaana
heshiiska qaata, khatartana u badheedha shuruudna ka dhigta in ay dadka
degaanka ay ka hawlgelayaan u dhashey heshiis la galaan, degdegna ula
baxaan macdanaha qaaliga ah, isla markaasna ka yaaca goobahaas, iyagoo
markaas madaxa isu geliya dadka deegaanka deggan oo isugu dhiiba lacag iyo
hub, marka ay islaayaan bay ku marmar soodaan nabadgelyo darro ayaa
dhacdey oo meeshana ka xamaan urursadaan, waa marka ay la baxaan dheemanta,
waxa ka mid ah shirkado ka hawlgaley Ghana, fashilaadoodiina laga daawadey
TVga dalkan Sweden.
Waxa haboon in masuuliyiinta aan soo magacaabey iyo dadweynuhu
isweydiiyaan su'aalahan, shirkada hadda balan qaadey in ay ku
maalgelineyso $300 million sida madaxweynuhu inoo sheegey:
a) Goorma ayey shirkadu qaadatey go'aanka ay ku qanacdey in ay ku
maalgeliso miisaaniyada intaas le'eg?
b) Goorma ayey shirkadu sahamisey cadadka (quantity industrial mineralkaas)
iyo mudadda ay isticmaali karaan si kharashka ka baxaaya iyo wax soosaarku
inta uu le'egyahay ay u hubiyaan?
c) Wasaaradaha Hawlaha Guud, Qorsheynta, Macdanta, Golaha Degaanka Berbera,
Maaliyada, golaha wasiirada ganacsiga iyo wersheduhu ma hayaan nuqul ama
dokumenti ku saabsan cadadka macdantan iyo daraasadii lagu sameeyey si loo
fuliyo heshiiskan marxaladiisa ugu dambeysa ee lagu soo saareyo?, (intaas
oo wasaaradood, waxbaa ka wada khuseeya si hay'ad waliba ugu darsato
qorsheheeda mustaqbalka ee wax qabad)
d) Noociyada iyo sharciyada shirkada fulineysa wasaaradaha khuseeyaa ma
soo baadheen iyo dalka ay shirkadu ka diiwaan gashantahay, wax qoraal ah
wasiirkee baa ka haya? (si loogu lifaaqo qoraalka loo gudbinaayo golaha
wakiilada, si ay u ansaxiyaan)
e) Ma la hubiyey hantida iyo waayo aragnimada shirkadan iyo meelaha ay
dunida ka soo hawlgashey iyo meelaha ay hadda hawlo ka wadaan?
Hadii masuulka aad aamintey ee kuu dhaartey been kugula dhaqmo, awoodiisa
iyo wax qabadkiisuna ku saleysnaado qawqawda maqashii waxna ha u qaban,
waa mid subxaana leh, taasina waxa ay noqoneysaa dembi aan la iska
saamaxin if iyo aakhiroba.
Waxay aniga ila tahay:
Markii aan dhowr jeer oo kala duwan, hubsadey been in uu ummadiisa u
sheegey madaxweynuhu, taas oo Nebigu (NNKHA) yidhi masuullkii iyo
muslimkii been sheegaa ummaddayda ka mid ma'aha, dadkan aan la joogno ee
aan muslimka ahayna aan arkey, masuulkii been lagu ogaadaa in aanu shaqo
heer sare mar dambe ka qaban dalkan Sweden, beentaas uu madaxweynuhu
ummadiisa u sheegey tii ugu dambesey ay ahayd mid ku saabsaneyd socdaalkii
uu ku yimi Sweden oo uu si cad uga been sheegey, caddeynteedii la hayo?
Markii aan ku booqdey aniga iyo saddex ruux oo kale Hotelka Sheraton,
Stockholm goor habeen ah, isla markaana aan wax ka weydiiyey arrimaha
heshiiskan, noogana waramey, isla markaana aan u barbardhigey
warbixintiisii uu dadka iyo jaraai'dka siiyey, berigii uu Jarmalka ka soo
noqdey ee ku saabsanaa heshiiska maalgelintan iyo shirkada.
Marka aan dersey shirkadaha ka diiwaan gashan kana tirsan dalalka European
Union sida tan ka soo jeeda dalka Jarmalka iyo miisaaniyada culus ee
intaas le'eg ee ay ku maalgelineyso heshiiskan, iyo sida aanu masuul
labaad oo ka tirsan wadanka Somaliland wax qoraal ah ama daraasad ku
saabsan heshiiskan uga war haynin, madaxweynaha mooyaane, markii aan
isbarbardhigey warbixinta Rayaale iyo qaabka ay u hawlgalaan shirkadaha ka
diiwaan gashan EU in aanay is waafaqeynin.
Markii aan wax ka weydiiyey shirkado kale oo aan xidhiidh la leeyahay,
waqtigii argagaxisadu wax ku leyneysey dhulkeena damacsanaa in ay soo
darsaan macdan kale oo ku jirta gobolkaas, iyo taladii EU siiyey
shirkadaas.
Wax ay ila tahay sidan.-
In ayaamaha doorashadu socoto, shaqaale la qori doono derbi dhista, ka
dibna la odhan doono waanu eriney shirkadii, ama farsamo kale lagu baajin
doono mashruuca doorashada ka dib, waxa aan ummadda xasuusineyaa in
doorashadii madaxweynaha ee hore, la keeney laba carab oo khaliijiyiin ah,
ummadana loo sheegey in ay madaarada Berbera iyo Hargeysa shirkado ay
raggani masuul ka yihiin la wereegeyaan, laguna maalgelinaayo $25 million
oo dollar, waxaana iiga markhaatiya Haatuf iyo Jamhuuriya iyo wasiirkii
ina Cabdi dheere ee berigaas Duulista ka masuulka ahaa.
Waxa aan ku talineyaa:-
In golaha Wakiiladu iyagoon aan waxba ka sugin dawladda ay la soo
xidhiidhaan Chamber of Commerce Germany iyo European Unionka, hubiyaana
sharciyada, maaliyadda iyo waayo aragnimada shirkadan aan dokumentiga
heshiishkeeda Rayaale mooyee nin kale waxba ka ogeyn, si ay maxkamad ugu
soo taagaan isaga iyo shirkadaba hadii ay been abuur aan sharciyeysnayn
tahay.
In golaha degaanka Berbera ay dabagal ku sameeyaan macnaha heshiiskan iyo
sharciyadiisa, taas oo ay masuul ka yihiin wixii degaanka ka fulaaya kuna
ilaaliyaan dawlada mustaqbalka dhulkaas.
In Golaha wakiiladu magacowdaan dhowr baadhe oo deggan dalalkan EU kuwaas
oo una dhashay dalka S/land, haystana jinnsiyada dal ka mid ah EU, isla
markaana soo fashilin kara waxa ka jira heshiiskan, iyagoo kaashaneya
sharci yaqaano iyo la taliyeyaalba maxkamadna ka furi kara halkan una
gudbin kara maxkamadda dhammaan dadka heshiikan ku jirey hadii uu noqdo
been, taasina waa arrin fudud, kharashkana dadka halkan ku dhaqani
bixiyaan, kaas oo aan badneyn, oo halkan been intaas le'eg la iskuma
sheegi karo oo waa ogtihiin.
Waxa cad in Rayaale kursiga madaxnimada ku fadhiistey iyadoo la
dhameystirey lana ansixiyey dastuurkii, lana dhisey asxaab siyaasiya,
komishankii doorashooyinkuna shaqeynaayo, maanta oo u madaxweyne ahaa shan
sanadood waxa uu ina dhaxalsiiyey komshankii oo aan jirrin doorashadiina
dhowdahay, iyadoo nin konton qof soo maamuley xitaa garan karo sannad ka
hor in laga tabaabusheysto dhismaha kommishanka, marka aad eegto muhiimada
ay leeyihiin, waxna laga reebo kuwii hore si looga faa'iideysto (organisation
orientering) waa hab maamulka looga faa’iideysto shaqo wadareed walba laga
wada helo labaatan jirka iyo 60 jirka si waayo aragnimada la isugu gudbiyo,
taasina waxa ay ku tuseysaa sida aanu wax lix jeclo ah uga lahayn wadankan,
golihii wakiiladana sharcinimadii ay ku dhisnaayeen aanu weli u aqbalin
ilaa iyo immika isagoo noogu cadeeyey Stockholm in aanay sharciba ku iman
shirgudoonka golaha wakiiladu, taasna aanu u qaadaney in aanu wax ama wax
kala garaneyn ama uu sii hurinaayo khilaaf uu dan moodey.
Waxaan qabaa in madaxweynuhu uu dadka wadankan ku taagtaagsado oo aanu
kala xishoon waxa ninka rag ahi kala xishoodo ummad aamintey oo is cafidey,
waxaanu u muuqdaa nin cadow ku ah dimoqraadiyada dhisan ee uu dhaxley,
Waxa cad in ummadani aad u dulqaad badantahay, waxa muslim iyo gaaloba la
yaaban tahay maanta Rayaale, Swedishkii daneynaayey Somaliland baa ka
yaabey oo yidhi, xagee lagu arkey dunida Somaliland mooyee miisaaniyad
golihii wakiiladu ansixiyey oo dawladii diidey in ay ku dhaqanto, maxaa
looga baahanyahay golaha wakiilada ansaxintooda, hadii dawladu sida ay
rabto loogu sharciyeynaayo, miyaaney se oggeyn ummaddu in hadii dawlad loo
ansixin waayo laba jeer miisaaniyada ay dawladaasi dhacdey, waayo waxa ku
cadaata in ay hawsha loo direyba ee dawladnimo aanay lahayn xirfadii lagu
fulinaayey.
Waxaan leeyahay madaxweynaha,
Nin ku sugey gar kuu dhigey, nin sarbeebey kaa qari, nin ku sireyna wax
kuu sheeg, markaas la soco ummadani wey kaa horeysaa, waayo madaxweyne
ayey kaa dhigatey adiguna waxaad ka dhigtey dad aan jirrin oo kuu
khaldamey, markaas waa wadhaf iyo shimiro war isuma hayaan.
Xasan Suleymaan Cabdimarayareh
Sweden, Stockholm.
Reer Berbera
Waxay Sugayaan Duco Qabeynta Wasiirada Saaxil Ee Kuraasta Sida Leexada
Isugu Ruxaya
Qalinkii Muj Maxamuud Ducaale Saleebaan (Maxamuud-talaabo) |
Sida aynu ka war hayno magaalo xeebeeda
Berbera oo ku taalla bogcad aad u mihiim ah juquraafi ahaan iyo dhaqaale
ahaanba, iyadoo afka ku haysa marin badeedka aadka u muhiimka ah ee Baabal
Mandab kaas oo si fudud loogaga gudbi karo dalalka khaliijka iyo bariga
dhexeba, iyo weliba dhinaca barigana sidaa si la mid ah looga gudbi karo
badwaynta Indian Ocean. Intaa waxaa u dheer inay leedahay marso caalami
ah, gegada diyaaraduhu caga dhigtaan ee ugu dheer Afrikada bari, kaydka
shidaalka qaranka iyo khayraat dabiiciga ah oo ka badan in lagu soo koobo
qoraal sidan oo kale u gaaban iyo wax la mid ah toonna.
Haddaba waxaas oo nimco iyo badhaadhe ahi ma ka muuqdaan Saaxil iyo
dadkeeda midna, mise arrintu sidaas way ka duwan tahay?
Maya’e qofkasta oo taga Berbera markuu warkan maqlo wuxuu odhanayaa anigu
magaaladaan soo arkay maaha tan laga sheekaynayo ee waxaan soo arkay
magaalo iyada iyo dadkeeduba ay u baahan yihiin gurmad qaran, dadka
arrimahan ka faalooda ee reer Berbera masuuliyada dhibaatadan naxdinta iyo
murugada leh waxay dusha uga tuuraan wasiiradda ka tirsan xukuumadda
madaxwayne Rayaale ee dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka (wasiiradda
Ciise Muuse) kuwaas oo qaarkood aan degaanka laga jeclayn taariikhdooda
siyaasadeed ee ku aadan waayihii la soo maray muddooyinkii hore, halka
kuwo kalena dadkuba aanu wejiyadooda garanayn.
Haddaba mar haday amuuruhu yihiin sidaa aynu soo sheegnay wasiiradda
xeeladoodii iyo aqoontoodiiba isugu geeyay sidii ay u sii fadhiyi
lahaayeen kuraasta wasiirnimo ee ay mudada badan sida leexada isugu
ruxayeen iyo weliba ka been sheegida gobolka iyo dadkiisa ee ay
Madaxweynaha ugu gudbinayaa warbixinta aan jirin ee jeebkooda ah ee ay
leeyihiin Madaxweyne anagaa ogoo wax waliba waa hagaagsan yihiin ma sii
jiri doontaa, mise sida ay reer Berbera in muddo ahba sugayeen dhawaan
ayuu madaxweyne Daahir Rayaale odhan doonaa Duco qabayaal xilku waa meerto,
kuna bedelan doonaa wejiyo cusub oo la fili karo inay xukuumad iyo
shacbiba wax badan ku soo kordhiyaan oo faa’iido leh?
Jawaabaha su’aalahan waxaynu u dhaafaynaa maalmaha soo socda (insha allah)
iyo inuu Madaxweyne Rayaale la yimaado isbedel dhab ah oo ay reer Saaxil
ku qancaan. Top
|