Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1505 | Aug.27, 2007 | |||||||
Madaxweyne Rayaale Oo Booqasho Kedis Ah Ku Soo Maray
Talisyada Guud Ee Ciidanka Qaranka Iyo Bileyska Somaliland Xukuumadda Imbagathi Oo Mamnuucday Duulimaadyada Diyaaradaha Ee Ka Dhaxeeya Somalia Iyo Somaliland Caqabada Waraaqaha Socdaalka Ee Somaliland Ka Jira, Dhibaatooyinka Ka Soo Fool Leh |
Hargeysa, August 27, 2007 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay kormeer gaaban si kedis ah ugu soo maray labata talisyada guud ee ciidanka qaranka iyo ciidanka bileyska Somaliland ee Hargeysa, halkaas oo ay madaxweynaha ku soo dhoweeyeen taliyayaasha labada ciidan Nuux Ismaaciil Taani iyo Maxamed Saqadhi Dubad iyo saraakiil ka tirsan ciidamadaas. Madaxweyne Rayaale oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen koox wasiiro ah, waxa uu sidoo kale booqasho ku soo maray dhisme laga hirgelinayo Miiska Saraakiisha halkaas oo uu guri-guri u maray dhismayaasha ay ka kooban tahay xarunta Miiska Saraakiisha, waxaanu halkaas mahadnaq uga soo jeediyay Taliska Ciidanka Qaranka ee iyagu dedaalka u galay inay dhistaan xaruntaas, waxaanu Madaxweynuhu dedaalkaas ay sameeyeen ciidanka Qaranku mid waxtar leh oo ay ka faa’iidaysan doonaan. Sidoo kale Madaxweyne Rayaale waxa uu markii dambe ka qayb-galay aaskii alle haw naxariistee Marxuum Xildh. Maxamed Cumar Jabaabul oo isla maalintii shalay lagu aasay xabaalaha qaranka Hargeysa. Waxaana sidaas lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, kaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u qornaa sidan: ‘’Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin,waxa uu saaka Booqasho gaaban ku soo maray Taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, waxana Madaxweynaha halkaas ku soo dhaweeyay Wasiirka gaashaan-dhiga C/Laahi Cali Ibraahim, Taliyaha Ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiisha sar-sare ee Ciidanka Qaranka. Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaalada Ciidanka Qaranka, isagoo warbixino kala duwan ka dhegaystay Taliyeyaasha iyo Madaxda sar-sare ee Ciidanka qaranka “Booqashada Madaxweynuhu waxay sare u qaadaysaa mooraalka iyo niyada Ciidanka” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani. Booqashada Madaxweynaha JSL uu ku tagay Taliska ciidanka qaranka waxa ku weheliyay dhawr Wasiir oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Laahi Ismaaciil Cali[Cirro],Wasiirka Ganacsiga Md Cismaan Qaasim Qodax, Wasiirka Dib udejinta Abshir Axmed Xasan, Wasiirka macdanta Iyo Biyaha Qaasim Sh.Yuusuf Ibraahim iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaan-dhiga Md Axmed Maxamed Filanwaa Madaxweynaha JSL waxa kale oo uu maanta booqasho ku soo maray Miiska Saraakiisha iyo Taliska guud ee Ciidanka Booliska, waxana uu soo eegay dhismaha ka socda Miiska Saraakiisha oo imika gabo-gabo ku dhow.
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu maanta ka qeyb-galay Aaskii Alle
ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Cumar Jaamac [Jabaabul]oo ka tirsanaa
golaha Wakiilada lagana soo doortay Gobolka Sanaag,oo maanta duhurkii lagu
aasay Xabaalaha qaranka ee Magaalada Hargeysa.
Mugadisho, August 27, 2007 (Haatuf) – Xukuumadda Imbagathi ee dalka Somalia ayaa mamnuucday gebi ahaanba duulimaadyada dalkeeda iyo Somaliland iskaga goosha. Sidaana waxa lagu sheegay warqad dagreeto ah oo uu shalay soo saaray agaasimaha duulimaadka hawada sare iyo saadaasha u qaabilsan xukuumadda Imbagathi oo shalay soo saaray warsaxaafadeed uu arrintaasi kula socodsiinayo shirkadaha diyaaradaha ee iskaga goosha dalalka Somaliland iyo Somalia in la joojiyay isku socodka xagga hawada ee labada dal. Agaasimaha guud ee duulista hawada iyo saadaasha Imbagathi Maxamuud Sheekh Cali waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in la joojiyay duulimaadyada Muqdisho ilaa Hargeysa, Muqdisho ilaa Berbera, Hargeysa ilaa Muqdisho, Berbera ilaa Muqdisho. Waxaanu intaasi raaciyay in talaabadani isla shalayba dhaqan gelayso. Ma jiro wax war ah oo ay talaabadani ka soo saartay xukuumadda Somaliland, hase yeeshee waxa ay wararku intaasi ku dareen in talaabada xukuumadda Imbagathi ka dambaysay markii ay Somaliland diiday isticmaalka Passport-ka cusub ee ay xukuumadda Imbagathi soo samaysatay, isla markaana ku soo rogtay in qofkasta oo qaataa uu mutaysan doono sideed sannadood oo xadhig ah.
Passport-Ka Imbagaati Iyo Wasaaradda Arrimaha Debada Ee
Somaliland Oo Ethiopia Fiise U Weydiisa Dad Reer Somalia Xujaajta Somaliland marka ay sannad walba tegayaan dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya waxa ay qaataan Passport-kii hore ee Somalia, iyada oo ay sababtuna tahay, dawladda Sucuudiga oo aan ogolayn Passport-ka Somaliland in dalkeeda loogu safro, sidaasi darteedna waxa ay xujaajta Somaliland isticmaali jireen Passport-kii hore ee Somalia, haatanse isaga laftiisa la isku dacaree, waxaanu qiimihiisu haatan ka marayaa suuqyada Somaliland lacag ku dhaw $300 oo dollarka Maraykanka. Taasi oo ah kala badh qiimaha tigidhka Xajka. Passport-ka Somaliland oo
isagana marka hore sida lagu helaa ay adag tahay, oo aanay inta badan
dadweynuhu fursad u helin qaadashadiisa, ilaa Madaxweynuhu ogolaado
mooyaan’e ayaa isagana haatan qiimihiisu sare u kacay saddex laab intii
markii hore lagaga soo qaadan jiray Baanka Dhexe oo uu yaalo oo ahayd $30
qofkiiba, haatanse wuxuu marayaa $100 qofkiiba halkii Passport-ba. Nidaamka qalafsan ee loo raaco qaadashada Passport-ka Somaliland iyo aqoonsi la’aanta dalku waxay sii kordhisay baahida ay dadka reer Somaliland u qabaan inay helaan waraaqo ay ku socdaalaan, haddii ay taasi sii socotana waxa ay ku kelifi doontaa inay Passport-ka xukuumadda Imbagathi doontaan, ilaa haatana xukuumadda Madaxweyne Rayaale ma jirto wax arrintaasi uga qorshaysani. Qorshe la’aantanina waxa ay ku soo beegmaysaa waqti ay baahidii ugu badnayd u qabaan waraaqo socdaal kumanaan qof oo reer Somaliland ah oo doonaya inay u safraan dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay u soo gutaan waajibaadka xajka. Sidaasi darteed dadweynaha caadiga ah ee jecel inay xajka tagaan sannadkan, isla markaana dalkooda jecel oo aan danaynayn inay qaataan Passport-ka Imbagathi ayaa walaac fara badan ka qaba arrintan. Dhinaca kale, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Wasaaraddaha Arrimaha Debada ee Somaliland iyo Itoobiya, waxa sare u sii kacaya maalin walba dadka fiisayaasha ka qaata xafiiska xidhiidhka ee Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa. Sida la sheegay in ku dhaw 100 qof ayaa maalin walba xafiiskan u doonta fiisayaal, kuwaasi oo ay marka hore waraaq u soo qorto wasaaradda Arrimaha Debada ee Somaliland, taasi oo ay ku dalbanayso in qofka loo qoraa yahay Somalilander u safraya Itoobiya, sidaasi darteedna loo baahan yahay in loo fiiseeyo Passport-ka uu sito. Inta badan Passport-rada ay Itoobiya fiisayaasha ku siiso dadkan ayaa ah kii hore ee Somalia, oo ay ku lifaaqan tahay warqada cadaynta ah ee inuu qofkaasi Somaliland u dhashay. Inkasta oo aanu xafiiska Itoobiya ee magaalada Hargeysi fiise siinin qof sita Passport Soomaali aanay la socon warqadda Wasaaradda Arrimaha Debada ee Somaliland, haddana dadka ka qaataa fiisayaashu ma wada aha muwaadiniin reer Somaliland ah, balse waxay qaataan warqadda ay wasaaradda arrimaha debada ee Somaliland ku sheegayso inay muwaadiniin yihiin. Dadka ajnebiga ah ee magaca Somaliland fiisaha ku doontaa waxa ay u badan yihiin dad reer Somalia ah oo ka kala yimid gobolada waqooyiga bari (Puntland) iyo Koonfurta dalka Somalia, kuwaasi oo doonaya inay u safraan Itoobiya, balse sita waraaqo sheegaya inay muwaadiniin reer Somaliland ah yihiin oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha debada ee Somaliland. Dadkan reer
Somalia ka hor inta aanay warqadda Wasaaradda Arrimaha Debada Somaliland
qaadan waxa loo diraa laanta socdaalka ee Somaliland, taasi oo warqad soo
siisa, ka dibna waxay ku soo noqdaan wasaaradda arrimaha debada, oo ay
warqada codsiga fiisaha loogu dalbayo ka qaataan. Dawladda Itoobiya oo arrintan ka war heshay ayaa walaac weyn arrintaasi ka muujisay, iyada oo ka cabsi qabta inay kooxo ka tirsan Maxkamadihii lagaga adkaaday Muqdisho ku soo dhex dhuuntaan arrintan. Sidoo kale, xafiiska Itoobiya ku leedahay Hargeysa ayaa Passport-ka Somaliland aan ku xidhin wax warqad cadayn iyo dalab ah oo ay wasaaradda arrimaha debadu u soo qorto, balse u fiiseeya dadka sita, hase yeeshee dadka reer Somaliland ee Passport-kooda sita ayaa sheegay in halka lagaga qoro fiisaha qofka qaadanaya dhalashadiisa ay Itoobiya ku qorto “Som” oo u taagan Somalia, taasi oo aanay jeclaysan maadaama oo aanay waxba kaga duwanayn kuwii sitay Passport-ka Somalia oo iyagana loogu qoro “Som”. Hase
yeeshee, mar aanu arrintaasi wax ka weydiinay sarkaal codsaday in aan la
magacaabin oo ka tirsan xafiiska Itoobiya ku leedahay Hargeysa, ayaa
sheegay in nidaamkoodu dhigayo in dal walba ay ku qoraan saddexda xaraf ee
ugu horeeya magaca dalka ay muwaadinkiisa fiisaha siinayaan, sidaasi
darteedna haddii ay Somaliland ula timaado magaceeda sida loo soo gaabiyo
ay ugu qori doonaan.
Hargeysa, August 27, 2007 (Haatuf) -Xaflad lagu Xusayey sanad-guuradii lixaad ee ka soo wareegtay markii dhaawac ka soo gaadhay Abwaan Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan ayaa Khamiistii toddobaadkii hore lagu qabtay goobtii lagu dhaawacay oo ku taal Xaafada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaana ee Iskuulka Xale dhiniciisa Galbeed. Munaasibadaas oo ay u jeedadeedu ahayd sidii loogu mahad-celin lahaa Msuuliyiin ka qeybqaatay siidii loo daweyn lahaa Cabdilaahi dhaawaca soo gaadhay, oo ay ka soo qeyb-galeen dadweyne aad u tira badan oo isugu jiray Waalidiin, Haween, Arday, Aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan bulshada, Waxaana Khamiistii toddobaadkii hore Munaasibadaa aawadeed la fasaxay Dugsiga Sare ee Dayib Gurey oo uu Cabdilaahi ka mid yahay Macalimiinta wax ka dhigta. Abwaan Maxamed Saleebaan oo ka hadlay Munaasibadaa ayaa sharaxaad ka bixiyey taariikh nololeedkii Abwaan Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan, waxaanu tilmaamay inuu Cabdilaahi ku dhashay tuulada Xaaxi oo ka tirsan Degmada Oodweyne ee Gobolka Togdheer horaantii sideetamaadkii,halkaas oo uu ka bilaabay Mal-caamad quraantiisii, bishii May 1988 markii xogagii xaq u dirirka ee SNM soo galeen dalka waxa isaga iyo iyo qoyskoodu ka mid ahaa qoysaskii u qaxay Xerada qaxoontiga ee Daroor, sadex sanadood dabadeed 1991-kii ayuu Cabdilaahi ku soo guryo noqday Magaalada Hargeysa. Maxamed Saleebaan waxa xusay isaga oo hadalkiisa sii wata inuu halkaasi ka bilaabay Cabdilaahi Waxbarashadiisii Dugsiga Hoose/dhexe, mudadii Sideeda Sanadood ee uu dhex mushaaxayey wax-barashada hoose/Dhexe waxa uu isaga kala wareegay Dugsiyada Ex-farsamada gacanta iyo Iskuulka Axmed Gurey, 1998 – 1999 ayuu Cabdilaahi u wareegay Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali. Maxamed Saleebaan Cumar oo ka hadlayey Wakhtigii uu dhaawacu asiibay Abwaan Cabdilaahi waxa uu yidhi “ 23 August 2001 oo maanta laga joogo muddo lix sanadood ah ayaa jihada koonfur Galbeed ee Dugsiga Xalane ay ku dhaawaceen Cutub ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland oo qadar Alle ayuu ahaa”. Abwaan Cabdilaahi Xaaji Xasan oo isagu ahaa shakhsigii loo dabaal dagayey sanad Guuradii lixaad ee ka soo wareegtay markii ay Cutub ka tirsan Ciidanka Qaranku ay Xabad bowdada kaga dhufteen oo dhaawac halisa gaadhsiisay, oo isna ka hadlay munaasibadaasi ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaan qeybihii kala duwaana ee ka soo qeybgalay Xuskiisa. “Waxa maanta laga jooga sanad guuradii lixaad ee ka soo wareegtay Maalintii u dhacay khilaafkii Xukuummadii Marxuum Cigal iyo Salaadintii ay wakhtigaa Siyaasada ku kala qeybsameen.” Ayuu yidhi Cabdlaahi. Abwaan Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo ka hadlayey sida uu dhaawacu u soo gaadhay waxa uu yidhi.“Subaxnimadaa abaaro 7:30 ayaan buqcada aynu maanta taaganay ayaa Askari meel sidaa iiga sii fogayn taagan oo qori haysta ayaa luga iga toogtay, markaan waxaan gartay inuu Askarigu wax shiishayo, runtii maan-dareen sanayn Askari u heegana Difaaca Qaranka oo loogu tala-galay jiidaha hore ee ay Ciidamada Somaliland joogaan inuu tago ayaa shacbigiisa kula soo guryo noqonaya Hubkii Cadowga, si kastaba ha ahaatee tii Alle ayaa dhacday dhulka ayaan galay, waxaan isku taxaluujiyey inaan kaco laba jeer ayaan dhulka galay, waxaan arkay dhiig fara badan oo dhulka qul-qulaya iyo jilibka oo laba u qeybsamay ” Cabdilaahi Ibraahim waxa uu tilmaamay markii la kabay lugtiisa la arkay inay is-dhaftay, isla markaana si mar labaad loo kabo loo qaaday Magaalada Berbera , waxaa xusay inay halkaasi ku qabileen Wasiirka Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud [Xasan Gadhweyne] oo wakhtigaa ahaa Badhasaabka Berbera iyo Duqa magaalada Berbera oo run ahaantii intii aan berbera yaalay kafaalo–qaaday kharashka noloshayda ku baxayay. “Muddo aniga oo soconaya 30/7/2002-da subaxnimo oo ay goobtu tahay laynka Militeriga oo aan doonayey inaan dooxa ka dhaco oo u sii socda Handicap-ta Hargeysa, ayaan turun-turooday oo mar labaad ayaan hadana jabay” ayuu yidhi Abwaan Cabdilaahi Ibraahin oo sharxaad ka bixinayey sida uu marka labaad u jabay. Cabdilaahi waxa uu tilmaamay inay
dhakhaatiirta Somaliland Cadeeyeen inaan u baahan yahay qaliin dhinaca
dibada, ilaa wakhtigaa aan idinla hadlayo Ciidamada Qaranka Somaliland
weli may Cadeysan inay gacantooda igu dhaawaceen. Nasiibwanaag 2003-dee
ayey qirteen inay iyagu i dhaawaceen. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “2004-tii bishi Julay ayaa layqaaday Cisbitaal ku yaala Magaalada Adis Ababa, waxaanay dhakhiirta halkaasi joogtay sheegeen inaan u baahanay inan muddo hal sano ah, halkaasi joogo, oo aan weliba rajo lagu qabin inay guuli ka soo hoyan kartto inaan ku bugsado” Abwaan Cabdilaahi Ibraahim waxa uu u mahad-celiyey cidkasta oo gacan ka geysatay sidii lugtiisa loo daweyn lahaa, Masuuliyiinta sida aadka ah uu ugu mahadnaqay waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Somaliand Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasin, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], Gudoomiyaha Shirkada Telesom Cabdikariin Maxamed Iid, Maxamed Siciid Gees, Wasiirkii Hore Caafimaadka Cabdilaahi Xuseen Iimaan [Darawal] Dr.Cumar Cilmi Dixood. Agaasimaha Cisbitaalka Guud Dr. Yaasin Carab Cabdi, Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan, Boobe Yuusuf Ducaale, Tafatirihii hore Wargeysa Haatuf Xidhibaan Axmed Ducaale Bulaale, Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale, Maxamuud Xaaji Xasan Khaliif, Maxamuud Jaamac Gudaal, Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Muuse, Mujaahid Maxamed Kaahin, Mujaahid Muuse Biixi iyo tiraba shan iyo toban qof oo kale .
Hargeysa, August 27, 2007 (Haatuf) – Alle haw naxariistee waxa shalay xabaalaha qaranka ee magaalada Hargeysa lagu aasay marxuum Maxamed Cumar Jabaabul oo ka mid ahaa Wakiilada Somaliland ee gobolka Sanaag laga soo doortay, kana tirsanaa xisbiga UDUB, kadib markii uu marxuumku habeen hore ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala Caasimada Hargeysa, taas oo sida la sheegay uu u geeriyooday xanuun kaga soo booday wadnaha. Marxuum Maxamed Cumar Jabaabul oo ay aaskiisa ka
soo qayb-galeen Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Daahir
Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, shirgudoonka wakiilada C/raxmaan
Cirro, labadiisa gudoomiye ku xigeenka, gudoomiyaha Maxkamadda Sare,
gudoomiye xisbiga Kulmiye Axmed Siillaanyo, wasiirada duulista iyo hawada,
Maaliyadda, Diinta iyo Awqaafta, iyo boqolaal ka tirsan dadweynaha
magaalada Hargeysa. Wasiirka Duulista iyo Hawada Cali Warancade oo isaguna munaasibadaasi aaska ka hadlay ayaa yidhi “Marxuum Jabaabul waxa uu ahaa adoon wanaagsan oo dad la socod leh, illaahayna waxaanu uga baryaynaa janadii fardawsa inuu ka waraabiyo”. Md. Mahdi Buubaa ayaa isaguna yidhi “Marxuum Jabaabul waxa uu ahaa nin goluhu tabo oo dad la socod leh oo afgaaban”. Md. C/raxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) ayaa isaguna yidhi “Illaahay haw naxariisto marxuum jabaabul, waxa uu ahaa nin bulsho wade ah, oo maslaxada ka taliya, isla markaana aanu muddo dheer cariga Ingiriiska wada deganaan jirnay, hadana aanu isku xisbi iyo gole ahayn, waxaananu u aragnaa in aanu garab iyo gaashaan ku weynay geeradiisa”.
Hargeysa, August 27, 2007 (Haatuf) – Maanta ayaa mar kale loo balamay in golaha Wakiilada la horkeeno labada xubnood ee Komishanka lala doonayo, kadib markii ay arrintaasi shalay dib u dhacday iyadoo ay sababtuna ahayd mudane ka tirsan golaha Wakiilada oo geeriyooday. Subaxnimadii hore ee shalay oo loo balansanaa inuu kalfadhigu furmo lana horkeeno labada xubnood waxa madasha golaha Wakiilada ku xeerooday gulufyo isdaba jooga oo isugu jira ciidamo, Saraakiisha sar-sare ee ciidamada Bileyska iyo wasiiro tiro badan, kuwaas oo afka iskaga shubay xarunta golaha Wakiilada, lama garanayo sababta ay dhammaan saraakiishii bileyska, kuwii Sirdoonka iyo wasiiraddii xukuumaddu uga xaadireen madasha Golaha Wakiilada, waxayse u muuqatay in culays iyo hadidaad la dulsaarayay Mudaneyaasha golaha Wakiilada, waxaana ka mid ahaa Wasiirada sida gaar ah uga muuqday madasha wasiirka Daakhiliga, Cabdillaahi Ciro, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Qaasim Sh. Yuusuf, wasiirka Ganacsiga Cismaan Qaasim iyo qaar kale oo badan. Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubad iyo dhammaan saraakiisha sar-sare hoggaanada kala duduwan iyo saraakiisha hoose ayaa ka mid ahaa kooxihii iska buuxiyay xarunta golaha Wakiilada, hase yeeshee inkasta oo uu kal-fadhigu furmay haddana lama guda-gelin hawshii coddeynta, waxayna dhammaan mudaneyaasha golaha Wakiiladu u dareereen aaska Mudanaha geeriyooday (Illaahay naxariistii janno haka waraabiyee Marxuum Maxamed Cumar Jabaabul), kadibna markii aaska laga soo dareeray waxay xukuumadda iyo taageerayaashoodu mar labaad bilaabeen weerar laba kaclayn ah oo ay ku gela-lafayaan mudaneyaasha golaha Wakiilada si ay cod ugu helaan labada xubnood ee uu Madaxweyne Rayaale dhabta ku hayo, waxaana ilaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay waa-soo-dhawaadkii socday weerar lug iyo farasba leh oo aan loo xiiq-tiran, hase yeeshee sida ay tibaaxeen warar xog-ogaal ah ilaa hadda xukuumadda kama dhicin culayskii saarnaa, waxayna weli maamulayaasha xukuumadda iyo mudaneyaasha la jeeniga ahi baadi-doonayaan codad, codadkaasna waxa lagu baadi-doonayaa dhaqaale, iyadoo habeenkii xalay albaabada loo furay khasnadaha dawladda. Kooxo weriyeyaal ah oo dusha kala socday dhaqdhaqaaqyada iyo ololaha codad urursiga ee maamulayaasha xukuumadda iyo mudaneyaasha la jeeniga ah, ayaa sheegay in makhrinimadii xalay albaabka loo furay Baanka, lagana soo raray shixnado lacag ah oo dollar u badan, waxaana lacagtaa tuurta ku sidday kooxo isugu jira mudaneyaal iyo masuuliyiin xukuumadda ah. Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda, Axmed Daa’uud ayaa ka mid ahaa xubnaha firfircoon ee ka dhex muuqday ololaha isagoo ah khasnad hayaha mashruucan iyo dhammaanba mashaariicda caynkaas oo kale ah, waxaana Axmed Daa’uud lagu tiriyaa xubnaha khusuusiga ah ee uu sida weyn ugu kalsoon yahay Madaxweyne Rayaale. Goobaha habeenkii xalay la camirtay ee ololaha laga waday, laysagana dab-qaadayay waxaa ka mid ah guriga weyn ee dhinaca waqooyi uga jeeda xarunta Baarlamaanka, gurigaas oo u goglan Madaxweyne Rayaale, waxa habeenkii xalay laga hogaaminayay ololaha. Sidoo kale xarunta Madaxtooyada iyo xafiiska UDUB ee dhinaca Koonfureed uga jeeda Madaxtooyada ayaa iyaguna ka mid ahaa meelaha laga hogaaminayay ololaha. Sidoo kale, Baanka oo ah meesha lacagta laga soo xantoobinayay ayaa isna ka mid ahaa saldhigyada laga daadihinayay kaambaynka. Marka aad eegto xukuumadda Madaxweyne Rayaale min maamule hoose ilaa Madaxweyne uma ay kala hadhin kaambaynkan, mana jirin wasiir iyo masuul kale oo habeenkii xalay gurigiisa jooga ama nastay ee waxay dhammaantood isaga dab-qaadayeen goobaha laga hagayo kaambaynka iyo meel kasta oo nin Mudane ah lagu tuhunsan yahay, wuxuuna baayac-tanku gaadhay qiimeyaal aad u sareeya, iyadoo ay marba marka ka dambaysa qiimuhu kor u sii kacayay, waxaana marka sixirku go’o gacanta lulayay xubno Mudaneyaal iyo wasiiro isugu jira. Inkasta oo ay xukuumaddu weerarka ballaadhan ee caynkaas ah qaaday haddana suurta-gal umay noqon inay jebiso dhufaysyada ad-adag ee ay cidhbaha isa saareen kooxaha mudaneyaasha ah ee ka soo horjeeda qorshaha xukuumadda, waxayna warar xog-ogaal ahi sheegeen inuu xukuumadda ka horyimid caabi xoog leh oo kaga yimi mudaneyaasha ka soo horjeeda, waxaana saacadihii dambe ee waa-soo-dhawaadkii xalay la kala gataati-dhacay iyadoo aanay weli xukuumaddu hayn rajo ay ku gama’do, waxaynuse ka war-sugaynaa saaka iyo waxa ka dhaca madasha golaha Wakiilada, halkaas oo uu subaxan saaka ah ku giblan yahay dhammaan ra’yul-caamka dadweynaha ku dhaqan caasimadda shicib iyo dawladba. |