Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1510 Sep.2, 2007

“Anigu Xilkan Umaan Kaambayn Garayn, Cidna Maan Dhaqdhaqaajin Ee Waa Layla Soo Doontay”
Prof. Ismaaciil Muuse Nuur, Xubin ka mid labada xubnood ee Guurtidu u soo magacaabeen Komishanka Doorashooyinka

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Xirfadaha Farsamada Gacanta Ee Somaliland Lagu Barto Oo Loo Sameeyay 1193 Arday Oo Ka Qalin Jabisay

Madax-Dhaqmeedyo Iyo Ganacsato Degaanka Xariirad Ah Oo Maamulka Saylac Iyo Telesom Ka Dalbaday Inay Sii Daayaan Dad Loo Xidhxidhay Khilaaf Ka Dhashay Laydhtiriigga Magaalada

Xaflad Loo Sameeyey Sanad Dugsiyeedka British International School Oo Shalay Lagu Qabtay Xarunta Dugsigaas

GARAB-DOOG

Golaha Guurtida Oo Kalsooni Buuxda Siiyey Magacaabida Labada Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Ay U Soo Magacaabeen Shirgudoonkoodu

Golaha Wakiilada Oo Sheegay In Si Dhakhso Ah Goluhu Cod Ugu Qaadi Doono Anisxinta Labada Xubnood Ee Ka Dhiman Komishanka

“Shalay KULMIYE Ayaan Ahaa Maantana UDUB Ayaan Kaalin Fir-Fircoon Ka Noqon Doonaa”
Wasiirka Cusub ee Caafimaadka Iyo Shaqada Cabdi Haybe Oo Xilkii Wasaaradda La Wareegay

DAL-JIRE: Kursiga Abtigii

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Madaxweyne Xisbiga Udub Iyo Madaxtooyada Kuma Taageersanin Xasan Gadh-Weyne Ee Waxaanu Ku Taageersanahay Mabda’
Cali Maxamed C/raxmaan – Sudan

 

 

 

 

 

 

 

 

 


“Anigu Xilkan Umaan Kaambayn Garayn, Cidna Maan Dhaqdhaqaajin Ee Waa Layla Soo Doontay”
Prof. Ismaaciil Muuse Nuur, Xubin ka mid labada xubnood ee Guurtidu u soo magacaabeen Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa, September 2, 2007 (Haatuf) – “Anigu iskumaan ololayn, kaambayna cidi iimay gelin, cidna maan dhaqdhaqaajin ee xilka aniga waa layla soo doontay, waanan aqbalay” sidaa waxa yidhi Prof. Ismaaciil Muuse Nuur oo ka mid ah labada xubnood ee komishanka doorashooyinka ay u soo magacaabeen golaha guurtidu oo bedeli doona Muuse Axmed Cumar (Madoobe) ee wakiiladu ansixintiisa diideen, isla markaana ka soo jeeda gobolka Awdal.
Prof. Ismaaciil Muuse Cumar oo wargeyska Haatuf wareysi kula yeeshay shalay xarunta golaha guurtida oo ay golaha hor-yimaadeen si loo aqoonsado magacaabidooda, waxa uu wareysigaasi u dhacay sidan:

S: Waxaad nooga warantaa dariiqa aad u soo martay xilkan komishanka ee ay golaha guurtidu kuu soo magacawday?
J: Horta odayaal ka tirsan golaha guurtida oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa ila soo xidhiidhay, kadib markii ay golaha wakiiladu diideen ansixintii xubnihii hore ee komishanka, markii ay eegeen duruufaha siyaasiga ah ayaa waxay u arkeen in aan noqon karo shakhsi ummadda gobolka Awdal iyo goleyaasha qarankaba ay iskugu iman karaan, kuna heshiin karaan, sidaas darteed ayaanan u aqbalay xilkaa ay ii soo bandhigeen.

S: Ma jirtaa in dawladdu ay xilkaagan kaambayn iyo olole u gashay?
J: Anigu waxaan madaarka Hargeysa ka soo degay maalintii Khamiistii gelinkii dambe, wax dawlad ah oo aan arkayna haba yaraatee ma jirin, masuuliyiina ismaanaan arag, saakana golaha guurtida ayaan hor imi, sabab ay dawladdu iigu ololaysayna ma garan karo, aniguna maba ogoliba inaan isku ololeeyo ama ay cidiba ii ololayso ee waxaan markasta aaminsannahay in aan aqoontayda iyo khibradayda wax ku doono, sidaas darteed wax kaambayn ah oo aan u galay xilkani ma jirto ee aniga waa layla soo doontay, sidaana waan ku aqbalay, ujeedadayduna waa in aan dalkayga wax u qabto, cid aan dhaqdhaqaajiyayna ma jirto.

S: Rajo intee le’eg baad ka qabtaa in xubinimadaada golaha wakiiladu ansixin doonaan?
J: Runtii rajo weyn ayaan ka qabaa inay golaha wakiiladu ii ansixin doonaan xubinimadayda, khibrad iyo aqoona waan u leeyahay jagadan lay magacaabay ku shaqaynteeda, sidaas darteedna sabab laygu diidi karo anigu ma arko, laakiinse golaha wakiiladu waa gole u madax banana go’aanadiisa ansixinta.

S: Socdaalkaagan imika oo aad ka soo dhooftay dalka Sweden iyo magacaabistaadan xilku ma xidhiidh bay lahaayeen?
J: Horta mar hore oo bil iyo badh ka hora ayaan socdaal fasaxa dalka ku imi, kadibna dibaan ugu noqday dalka Sweden, kadibna markay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Awdal xidhiidh iigula soo sameeyeen in xilkan aan qabtana anigoo fulinaya soo jeedintaasna waan soo dhoofay oo waan soo ajiibay.
Dhinaca kale Xasan Maxamed Cumar Looshada oo isaguna ka mid ah xubinta labaad ee ka soo jeeda bariga Sanaag ayaa isaguna sheegay in magacaabistiisani ay ka timid madaxdhaqmeedyada iyo xubnaha golayaasha qaranka ugu jira beeshooda, isla markaana aqbalay, isagoo intaas ku daray in aanay jirin cid ka soo horjeeda beeshiisa xilkani.

 


Xaflad Lagu Soo Bandhigay Xirfadaha Farsamada Gacanta Ee Somaliland Lagu Barto Oo Loo Sameeyay 1193 Arday Oo Ka Qalin Jabisay

Hargeysa, September 2, 2007 (Haatuf) – Xaflad loo sameeyay bandhiga xirfadaha farsamada gacanta ee Somaliland lagu barto ayaa shalay lagu qabtay dugsigii hore ee tababarka farsamada gacanta ee Hargeysa.

Xafladan oo loogu talo galay in lagu maamuuso qalin jabinta 1193 arday oo imtixaanka shahaadiga ah ee 31 xirfadood bartay, isla markaana ka qalin jabiyay dugsiyada farsamada gacanta ee dalka ka jira waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta xafiiska Imtixaanaadka, Manaahiijta, Agaasinka waxbarashada dadbadan ee Wasaaradda Waxbarashada, qaar ka mid ah hay’adaha gacanta ka geysta dugsiyada farsamada gacanta iyo marti sharaf kale oo badan.

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed ayaa sheegay in ardaydan ka qalin jabinaysa dugsiyada farsamada gacanta markii u horeysay la siin doono shahaadooyin, ka dib markii ay ka gudbeen imtixaan ay u fadhiisteen oo ka d hacay afar gobol oo ka mid ah dalka, kuwaasi oo kala ah Awdal, Hargeysa, S aaxil iyo Togdheer, labada gobol ee kalena ay waqti kale imtixaanka u fadhiisan doonaan.

Waxa kale oo munaasibadaasi ka hadlay, Agaasimaha Waxbarashada Dadban ee Wasaaradda Tacliinta, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in markii ugu horeysay ardayda dugsiyada farsamada gacantu qaadanayaan shahaadooyin la mid ah kuwa ay qaataan ardayda dugsiyada sare.
Munaasibadan waxa lagu soo bandhigay farsamooyinka kala duwan ee ay ardaydu bartaan oo ay ka mid tahay barashada daryeelka Shinida iyo wax soo saarkeeda, iyada oo nin macalin ku ah, isla markaana sida uu sheegay muddo 23 sannadood ah waayo aragnimo u lihi u si wanaagsan oo xirfad leh ugu soo bandhigay ka qayb galayaashii munaasibada sida loo daryeelo, isla markaana looga faa’iidaysto shinida.

Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Khadar Maxamed Nuur waxa uu ka waramay inay shinidu tahay dawlad dhan oo iska dhisan, isla markaana waxa uu tilmaan ka bixiyay habka ay u dhaqanto.
Waxa kale oo munaasibadaasi ka hadlay C/laahi Ciise oo ah Agaasimaha Dugsiga Farsamada gacanta ee Hargeysa, waxaanu ka waramay ahmiyadda ay farsamada gacantu u leedahay dalkeena, isaga oo iftiimiyaya sida ay dugsiyadii farsamada gacantu haatan u dunsan yihiin amaba aanay u shaqayninba, halka ay intii kale ee dugsiyadu shaqeeyaan.

Sidoo kale, C/laahi Yaasiin oo ah Agaasimaha Waaxda Manaahiijta ee wasaaradda Waxbarashada oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray ardayda ka qalin jabisay farsamada gacanta.
Natiijada imtixaanka.

Gobolka Hargeysa, waxa u fadhiistay 904 arday, oo 531 ka mid ahi hablo yihiin, waxaa gu dbay 818, gobolka Saaxil waxa u fadhiistay 226 arday oo 107 ka mid ah hablo yihiin, waxaa gudbay 204. gobolka Togdheer waxa u fadhiistay waxa u fadhiistay 8 5 arday oo 16 ka mid ahi hablo y ihiin, waxa gudbay 77. gobolka Awdal waxa u fadhiistay 108 oo 39 hablo yihiin, waxa gudbay 94. marka la isku geeyo, waxa gudbay 1193 halka ay uga fadhiisteen 1323 arday.

Top


Madax-Dhaqmeedyo Iyo Ganacsato Degaanka Xariirad Ah Oo Maamulka Saylac Iyo Telesom Ka Dalbaday Inay Sii Daayaan Dad Loo Xidhxidhay Khilaaf Ka Dhashay Laydhtiriigga Magaalada

“Haddii dhalinyaradaasi lagu xidhxidhay xaq-darada degdeg loo sii deyn waayo dhibaatada ka timaadda waxa qaadi doonta cidda xidhxidhatay" mid ka mid ah odayaasha degaankaasi

Boorama, September 2, 2007 (Haatuf) – Xubno isugu jira madax-dhaqmeedyo iyo ganacsato oo ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada Xariirad ayaa maamulka Saylac iyo maamulka shirkadda Telesom uga digay waxa ka iman kara haddii la siin deyn waayo dhallinyaro la sheegay in loo xidhxidhay muran ka dhashay ciddii dabka laydhtiriigga ah siin lahayd magaaladaasi.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, qoraal ay xubnahaasi soo gaadhsiiyeen Haatuf, ayaa u qorraa sida:

"Annagoo ka mid ah dadka ku magaalada Xariirad waxaanu ka xunnahay xadhigga sharci-darada ee lagu haysto laba nin oo isla magaaladaasi ku nool, kuwaas oo ay xadhigooda isku bahaysteen shirkadda Isgaahsiinta Telesom iyo Maamulka degmada Saylac. Waxan leenahay nimankaasi oo ka mid ah dadkii ku soo laabtay Xariirad kana mid ahaa qaxootigii dalalka jaarka ah ku noolaa, waxa lagu haystaa mishiin ay hay'adda UNDP ugu deeqday si ay ugu tababaraan dhallinyarada qaxootiga ka soo laabatay, isla markaana masaariifta laga siiyo dabka korontada ah ee ay siiyaan magaalada. Waxa hawshaas ku qabsatay shirkadda Telesom, una diidday inay sii wadaan tababaradaasi iyo dabgelinta magaalada, arrintaas oo ka hor imanaysa heshiis hore maamulka gobolka Awdal ugu dhigay ama ugu kala xadeeyey dabka magaalada iyo meheradaha la gelinayo. Markii aanu weydiinnay maamulaha degmada Saylac, wuxuu noogu jawaabay aniga badhasaabku ima xukumo, waxana dhacday in gaadiid ay iska leedahay shirkadda Telesom lagu qaaday dhallinyaradaasi oo lagu geeyey xabsiga degmada Saylac. Arrintaasina waa arrin ay isku ogyihiin maamulka shirkadda iyo guddoomiyaha degmadu, iyagoo doonaya in la baabi’iyo dugsigaasi iyo mustaqbalka ubadka wax ku baranaya. Xukuumadda sare iyo tan gobolka ayaanu ka codsanaynaa inay arrintan soo farageliso waxna ka qabato.

Ugu dambayntiina waxaanu leenahay Telesom dawlad ka noqon mayso Saylac ee isgaadhsiinteeda ha ku ekaato, dhallinyaradaasina degdeg halloo sii daayo, haddii kale wixii ka yimaadda waxa masuuliyaddeeda qaadi doonta cidda sharci-darada ku xidhxidhatay."

Magacyada odayaasha saxeexay qoraalka

Cumar Barre Samatar
Cumar Muumin Maydhane
Caaqil Cali wabar Cawaale
Carab Cali Boodhle
Ibraahim Suge Good
Daahir Yuusuf Dugsiiye
Muumin Tukaale Yabaal
Siciid Cumar Waaliye

Top


Xaflad Loo Sameeyey Sanad Dugsiyeedka British International School Oo Shalay Lagu Qabtay Xarunta Dugsigaas

Hargeysa August 2, 2007{Haatuf} Xaflad loo sameeyey sanad dugsiyeedka British School ee magaalada Hargeysa ayaa sahalay lagu qabtay isla dhismaha iskuulka.

Xafladan ayaa ahayd munaasabad si weyn loo soo agaasimay taas oo ka dambaysay sida maamulka iskuulku uu sheegay inay fikradan qabashada xaflada in lagu qabto isla dhismaha iskuulka ay ahayd arrin ay keeneen ardayada wax ka barata iskuulka.

Xafladan ayaa waxa ka soo qatyb galay wasiiro, aqoonyahano, culimo, waalidiinta ardayda, macalimiintooda iyo marti sharaf kale, furitaanka sanad dugsiyeedka British Intenatoinal School ayaa waxa uu ka kooban yahay hoose/dhexe iyo dugsi sare, waxaana xafladaa shalay lagu gudoonsiiyey shahaadooyin ardaydii mutaysatay ee ku sifoowday akhlaaq wanaaga, aradaydii imtixaanka ugu darajada fiicnayd.

Xafladan oo uu xidhiidhinayay Maxamed Ibraahin, waxa uu ka waramay heererka uu ka kooban yahay iskuulku iyo waxyaabaha lagu kordhin doono mustaqbalka waxanu ku soo dhoweeyey Maamulaha British International School Maxamed Faarax Jihaad, maamulahau isaga oo ka hadlaya sidii loo aasaasay iskuulka iyo waxa ay ku soo kordhiyeen sanad dugsiyeedkan cusub, tayada waxbarashada ay hada u dhigaan ardayda iyo mustaqbalka waxyaabaha ay doonayaan inay ku soo kordhiyaan ilaa heer jaamacadeed, waxana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “sidii aan horeba idiinku sheegay haddii aan caruurta iyo waalidku wada socon ay ka wanaagsan tahay caruurta iyo waalidka wada socda caruurtuna keligood meel isma taagi karaan.

Markaa xafaladii tan ka horeysay ee aynu isku nimid iyo maanta way kala duwan tahay oo tan maantu waa fikradii ardayda iyagaana keenay inay u dhacdo habkan aad arkaysaan’ ka dib maamulahu waxa uu intaa ku daray oo yidhiiskuulka waxa aanu ku soo kordhinay waxa ka mida meel buugaagta u khaasa{Library} cusub oo la dhisay looguna talo galay inay ardaydu wax ku akhristaan marka aanay fasalka ku jirin, sqahnta saacadood ee ay fasalka ku jiraan ardaydu waxba uma tarayso haddii aanay wakhtiga dheeraadka ah ee aqaladooda joogaan ama ay fasaxa yihiinaanay ka faa’iidaysan dee sahnta saqacadood ee macalinku hortaagan yahay waxba uma tarayso.

Markaa gelinka dambe oo akale ardaydu way u iman karaan wax akhriska.

Halkaas oo ay yaalaan wax alaale waxay buugaag u baahan yihiin, waxana weeyaan ardayda imanaysaa inay ka faa’iidaysto” ayuu yidhi, isaga oo intaas raaciyey “ardaydu waa inay ku talo galaan gaar ahaan fasalada 3aad iyo 4aad ee sare inaanay sanadkan wakhtigooda khasaarin.

Waxa kale oo aanu ku soo kordhinay iskuulka meeshii wax laga cunayay wakhtiga Break time-ka sababtoo ah iyadoo sanadkii hore ay dhibaatooyinka nagu dhacay waxaa weeyaan waxay wax ka soo cuni jireen dibada markaa dhibaato badan ayaa naga soo gaadhay, markaa laga billaabo berrito inay halkan wax ku cunaan oo cunto annagu aanu og-nahay inay caafimaad leedahay ay halkan ka iibsadaan, markaa ardayda la fasaxo markii hore hablaha iyo inamada isku class-yo ayay fadhiisan jireen, laakiin sannadkan taa waanu joojinay oo habluhuna gooni bay u joogayan inamaduna gooni bay u joogayaan” waxaana maamulahu halkaa waalidka uga sheegay in maamulka iskuulka iyo waalidkuba ay ardayda la socdaan, hadday tahay akhlaaqda waxbarashada ardayga siduu ku yahay i.w.m.

Waxaa isaguna xafladaa hadal kooban ka jeediyay wasiirka wershadaha Maxamed Saleebaan weyne isaga oo ka waramay faa’iidada ay waxbarashadu leedahay waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “waxaan u hanbalyaynayaa cid kasta oo fikaradda iskuulkan lahayd, cid kasta oo ku howshootay oo suuragal noqotay inuu iskuulkani halkan ka dhismo, cid kasta oo abaabulkan khayriga ah gashay, cid kasta oo ku darsatay fikrad awood iyo ra’yi inuu iskuulkan maanta aynu fadhinno furitaankiisa sanadkiisii labaad isugu nimid inuu hirgalo iyo cid kasta oo taageero ka gaysatay intaba waxaanu u diraynaa salaan iyo mahadnaq. Waxaa hubaal ah iskuulkan British Internatniol School inuu yahay waax-weyn oo halbowla ah oo ku soo biirtay tacliinta dalka JSL” ayuu yidhi wasiirku waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi “waxa uu imika ka hadlayay Maxamed Faarax Jihaad sida caruurta loo barbaariyo barbaarintu waxa weeyaan ta Aabaha iyo hooyada uun maaha barbaarintuye intaas oo qof baa isagu imanaya, class oo kala xaafado ah kala afkaar ah markaa meel la isugu keenayaa, oo mid ciyaar badnaanayaa, mid aad buu wax u baranayaa, mid wuu qaylo badnaanayaa, mid wuu dagaalamayaa, mid edaab buu yeelanayaa.

Hadaba macalinka isaga laftiisu intaas oo dhan meel isugu keeno oo waddo keliya wada mariyo oo soo baxdo arday asluubtood iyo akhlaaqdooda leh oo la garan karo inay ka timid Brithish Internoil School, anigoo huba ragga hawshan wada oo aqoon fara badan u leeyahay Ina Faarax jihaad inay yihiin rag aqoon u leh tababarkeedana qaba” ayuu yidhi waxaa iyaguna halkaa ka hadlay Rashiid Xasan Nuur, Axmed Xaashi Oday Sheekh Almis iyagoo aad uga hadlay heerkiisa tacliineed iskuulkan iyagoo sheegay in haddii aanu nahay waalidiintii ardaydan Brithish Internatoil School aanu anaguna la shaqayn doono macalimiinta iyo maamulka iskuulka, waxaa kale oo ay waalidiintaasi sheegeen in dawladda looga baahan yahay haddii aanay wax kale ku caawinayn, bal inaanay kala bakhaylin (Moral Support) markaa meelaha caynkan oo kala ah marka la idiin yeedho dee wax u sheega iyo guubaabinta, wasiiradiibaa yimid ayaa la odhanayaa, iyaga oo sheegay in maalin dhawayd 10 arday oo suudaan loo dirayay 7 arday ay ka soo baxeen iskuulada gaarka ah 3na kuwa dawladda markaa halkaas ayaa laga garan karaa heerka ay kala marayaan, waxayna waalidiintaasi ku soo gabagabeeyeen hadalkooda in xagga diinta ardayda loo sii kordhinayo si ay cilmiga diinta uga faa,iidaystaan iyaga oo maamulkana u sheegay in xaga dhaqanka, xoolaha dhirta, xilliyada kuwaana ardayda la baro.

Waxaa isaguna halkaa hadal kooban ka jeediyey Yuusuf Ciise Talaabo, isaga oo sheegay faa’iidada uu cilmigu leeyahay in islaamku cilmigii ay dajiyeen uu yahay ka ilaa imika ay gaaladu ku shaqayso islaamku uga horreeyay dhinacyada kala duwan ee cilmiga isla markaana uu yahay cilmiga ka keliya ee qofka haga,

Wasiirka isaga oo ka hadlaya xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo Somalia waxaa uu yidhi“maanta waddankeena waxaad ku arkaysaa tabliiqigeenii kii baydhabo ayuu u tegay kii baydhabana halkanuu hadana u soo raacayaa, hay,adihii saminaaro ayuu halkan ugu wada qabanayaan, reer koonfureed iyo reer Somaliland markaa waxaan leeyahay ina kala joojiya,
qolo waliba halkeeda haku ekaato dadka qaar baa ku odhanaya hawiyaha iyo daaroodka hawiyaha ayaynu is xignaa, midna isma xigno ayaan leeyahay Somalia halkeeda ha ku ekaato puntland halkeeda ha ku ekaato.

Top


GARAB-DOOG

Doog iftiima la'aani waa ubax dilaaca la'aan-Axmed Saleebaan Bide

Wadankeena waxa jooga dad badan oo khabiir ku noqday cilmiyada ay barteen sida dhakhaatiir,saraakiil ciidan,abwaano,suxufiyiin,siyaasiyiin iyo culimo hadaba maadama oo ay bulshadu qabto baahida ugu culus ee aqoonta waxaa haboon in ay shaqsiyaadkaasi abaabulaan kuliyado halkaas oo ay ugu gudbiyaan cilimooga jiilasha cusub si aqoontu markiiba u baahdo una midho dhasho.

Dhanka kale way qurux badan tahay in ay culimadu gole u gaar ah samaystaan shuruudiisuna tahay in uu shaqsigaasi jaamac diinta ah ka soo baxay ama uu heer caalim gaadhey, culimadaasi waa in ay dib mariyaan arimaha yaryar ee ay ku kala aragti duwan yihiin waana in ay isu taageersadaan arimahay isku waafaqasan yihiin wixii kalena xiligay haboonaato isla eegideeda u daastaan. Golahaas culimadu waa in uu iskiis isaga dhex doorto iimaan caam ah oo mudo xadidan xilkaas haya.Golahaasi waa in uu noqdo mid ka war haya danyarta oo boqol iyo lixdankii aqalba loo sameeyo shaqsi xaaladooda baahiyeed la socda kuwaas oo toos u hoos taga golaha culimada. Boqolkaas guriba waxay yeelan karaan magac u gaar ah sida ISMA ILOWDO ama mid ka sii fiican ujeedaduna waxa weeye in dadka deriska ahi iska war hayaan dadka wax haystaana sadaqada iyo sakadaba helaan meel ay u mariyaan dadka u baahan shaqsiga loo xil saarayo aqaladaasna magiciisa haddii la doono ha loo bixiyo garb doog. Dhanka kale waxaa haboon in malcaamadaha iyo iskuulada isku meel laga dhigo oo manhajka wax barashada lagu daro barashada quraanka iyo sunada iyo luuqadahaba maxaa yeelay ma qurux badna in inanka quraanka dhigtaana daasad ku fadhiisto kan xisaabta dhigtaana miis ku fadhiisto. Arintaasi waxay fursad u siinaysaa in macailmiinta cilmiga diinta dhigaa ay ku xidhmaan bulshada inteeda kale helaana guno la mid ah tan macalimiinta kale hesho.Shaqsigii raba in uu ubadkiisa si dheeri ah wax u baraana isagay jirtaa.

Beryo ayda lagu dhaqan
Dhar la'aan la soo mood
Majaraha ragii dhigay
Rag dhisaa ka daba dhalay
Dhaxal la isu dhaafona
Dhab ahaanba loo ay.
Dhirtiyo garashada dadkuba
Way isku dherersadaanoo
Dhakhsoba way ugu koraan
Ruuxii dhididkii dedaal
Dhafoorada aan ka tirin
Cisiga waa kala dhan oo
Ceebtaa ugu dhegi fudayd
Dhiishaba caanaha ku jira
Naas baa laga dhiijiyoo
Noloshuna waa dhigaasoo
Caqligu wuu kala dhigdhigay
Dadkana ruuxaan ku dhiiran
Miciyo dhiiglay tustaay oo
Hadana aan dhumuc lahaynoo
Dhalool in ay tahay la baray

Dheeftii dhib loo maraa
Ileyn dhadhankeed macyee
Rag sagaal ku wada dhalay
Orodkana ku kala dhacan
Dhegxumona u kala dhow
Noloshuna u kala dhigan.

Maxamed Yuusuf Mire

Top


Golaha Guurtida Oo Kalsooni Buuxda Siiyey Magacaabida Labada Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Ay U Soo Magacaabeen Shirgudoonkoodu

Hargeysa, September 2, 2007 (Haatuf) – Golaha Guurtida ayaa fadhigoodii shalay kalsooni buuxda ku siiyey labada xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka ay u soo magacaabeen shirgudoonka golaha guurtidu, kadib markay golaha wakiilada kalsooni ka waayeen labadii xubnood ee hore ayay soo magacaabeen Ismaaciil Muuse Nuur iyo Xasan Maxamed Cumar oo ka soo kala jeeda Bariga Sanaag iyo gobolka Awdal.

Fadhigan shalay oo uu gudoominayay ku-simaha gudoomiyaha golaha guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux Fure, waxaana ka soo xaadirey mudanayaal tiradoodu gaadhayso 43 mudane, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen madasha fadhiga labada xubnood ee cusub ee lagu soo bedelay xubnihii hore oo kala ah Prof. Ismaaciil Muuse Nuur iyo Xasan Maxamed Cumar, waxaanu ku-simaha gudoomiyaha goluhu mudanayaasha madasha fadhigaasi uga sheegay in markii ay golaha wakiilada kalsooni ka waayeen xubnihii hore ee komishanka doorashooyinka loo magacaabay ay dib u soo magacaabeen sida sharcigu dhigayo labadan xubnood. Sidaas darteedna ay u gudbiyeen madaxweyne Rayaale xubnahaasi. Waxaanu gudoomiye ku xigeenku mudaneyaasha u soo jeediyey inay aqoonsi buuxa siiyaan xubinimadooda komishanka doorashooyinka, sidaas awgeed u duceeyaan in aan golaha wakiiladu markale dib ugu soo celin ansixinta xubnahaasi, kadibna waxa goluhu kalsooni guud ku ogolaaday aqoonsiga magacaabista labadaasi xubnood.

Hase ahaatee C/laahi Huruuse oo isagu ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida kaga jira beesha bariga Sanaag ayaa diiday inuu wax aqoonsiya siiyo magacaabista Xasan Maxamed Cumar oo isagu ka mid ah xubinta degaanka bariga Sanaag ka soo jeeda oo uu ku tilmaamayu in aan beesha bariga Sanaag wax wada tashiya lagala yeelan magacaabistiisa, balse mudanayaashii kale ee madasha fadhigaasi ka soo xaadirey ayaa iyagu dhamaantood wada aqbalay xubinimada Xasan Maxamed Cumar.

Top


Golaha Wakiilada Oo Sheegay In Si Dhakhso Ah Goluhu Cod Ugu Qaadi Doono Anisxinta Labada Xubnood Ee Ka Dhiman Komishanka

Hargeysa, September 2, 2007 (Haatuf) – Fadhigii Shalay ee golaha wakiilada ayaa mudanayaasha loogu qaybiyey nuqulka ajande ka kooban saddex qodob oo loogu talo-galay in goluhu dhamaystiro mudada ka dhiman bisha Ramadaan ee fooda inagu soo haysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin ansixinta labada xubnood ee ka dhiman komishanka doorashooyinka iyo dhamaystirka wax ka bedelka iyo kaabista xeer Lr: 20 ee xeerka doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo madaxtooyada.

Fadhigan shalay oo uu gudoominayay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee wakiilada Md. C/casiis Maxamed Samaale ayaa waxa ugu horeyn madasha fadhigaas laga akhriyey digreetadii qoraalka ahayd ee uu madaxweyne Rayaale ugu soo gudbiyey golaha wakiilada labada xubnood ee cusub ee ay shirgudoonka golaha guurtidu ku soo bedeleen labadii xubnood ee hore ee ay golaha wakiiladu ansixintooda diideen, kuwaas oo xubnaha cusubi yihiin Prof. Ismaaciil Muuse Nuur iyo Xasan Maxamed Cumar oo ka soo kala jeeda Bariga gobolka Sanaag iyo gobolka Awdal.

Intaas kadib, waxa uu gudoomiye ku xigeenka 1-aad Md. C/casiis Samaale uu mudanayaasha u sheegay in labadaasi xubnood ee komishanka doorashooyinka ay u gudbiyeen dhokomentiyadooda iyo Cv-yadoodaba guddida arrimaha gudaha, isla markaana sheegay in guddida arrimaha guduhu golaha si dhakhso ah u horkeenaan labadaasi xubnood si goluhuna cod ugu qaado ansixintooda.
Gebagabadii fadhigaasi ayaa mudanayaasha golaha loogu qaybiyey ajandaha ka kooban saddexda qodob.

Top


“Shalay KULMIYE Ayaan Ahaa Maantana UDUB Ayaan Kaalin Fir-Fircoon Ka Noqon Doonaa”
Wasiirka Cusub ee Caafimaadka Iyo Shaqada Cabdi Haybe Oo Xilkii Wasaaradda La Wareegay

Hargeysa, September 2, 2007 (Haatuf) – Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada Cabdi Haybe Maxamed ayaa shalay xilkii wasaaradda kala wareegay wasiiru-dawlaha Caafimaadka iyo Shaqada Axmed Cali Shire.

Xaflad munaasabadaas loogu talo-galay oo shalay lagu qabtay xarunta Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay wasiir ku-xigeenka wasaaradaas Mahdi Cismaan Buuri, Agaasimayaasha waaxaha wasaaradda, Dhakhaatiir, Kaal-kaaliyeyaasha caafimaadka iyo marti-sharaf kale.

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Axmed Cali Shire oo xafladaas ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday dhowr iyo afartankii Sanadood ee u danbeeyey inuu liitay horumarka adeegyada Caafimaadka ee la sameeyey, isla markaana waxa uu xusay in lixda Gobol ee Somaliland ka kooban tahay ay ka furan yihiin goobo Caafimaad oo midkasta baahiyo farabadan oo ku gadaaman ay ka jiraan.

“Waxa ii muuqda inaan la buuxin markasta baahidii dadweynaha [Caafimaadka] ee meesha taalay, hadaad eegto qiyaas ahaan dalkeena Caafimaadka horumarkiisu aad iyo aad ayuu u liitaa” sida waxa uu ku yidhi Wasiiru Dawlaha Caafimaadku.

Axmed Cali Shire waxa uu sheegay inay Wasaaradu dalka oodhan xarumo ku wada leedahay oo ay shaqeeyaan, isla markaana mid kasta baahiyi ka jirto oo ay wax ka dhiman yihiin haday tahay qalabka Caafimaadka, dawada iyo shaqaalahaba.

“Inaga [shaqaalaha] wax-ba iskamay bedelin, waxa inoo yimi Wasiir aynu ka rajeynayno xawaaraha aynu ku soconay inuu inoo sii siyaadiyo” ayuu yidhi Wasiiru Dawlaha Caafimaadku.

Axmed Cali Shire oo ka hadlayey shakhsiyada loo soo magacaabay jagada Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada waxa uu yidhi. “Sida, aan aad iyo aad ugu kal-soonahay Xawaaraha aynu ku shaqeynaynay uu ka sii siyaadayaa, oo waxaynu filaynaa aqoon iyo karti iyo Waayo aragnimo uu leeyahay Wasiirka Cusub. Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada u liis-gareysan ee ka hawl-gala waa 1,053 qof, waa shaqaale aad iyo aad u badan oo isugu jira dhakhtar ilaa nadiifiso,” ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Caafimaadku isaga oo sharaxaad ka bixinayey shaqaalaha Wasaarada ka shaqeeya.

Wasiiru-dawlaha Caafimaadku waxa uu walaac ka muujiyey yaraanta goobaha Caafimaadka ee ay shaqaaluhu ka hawl-galaan, waxaanu yidhi: “Waxa ay qabanayaan shaqaalaha Wasaaarada iyo meelaha ay ka hawl-galaan, waxaad moodaa inay aad u kooban tahay, waayo marka la yidhaahdo magacan Caafimaadka iyo kaalinta uu kaga jiro adeega bulshada ayaa aad iyo aad u balaadhan. Wasiir waxa lixda Gobol ee ay Somaliland ka kooban tahayba ka shaqeeya lix Cusbitaal oo aan odhan karo waxay soo shaqeeyeen in badan, waxa jira 74 MCH iyo Goobaha Caafimaadka oo 151 ah.”

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Cabdi Haybe Maxamed oo munaasibadii uu xilka Wasaarada kula wareegayey hadal ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi: “Anigu waxaan ka mid ahaan jiray xubnaha Xisbiga KULMIYE, Maantana UDUB ayaan u wareegay oo marfishyada qayilaada laga hadal hayey, meesha ay baahida wadanku taalo in laga shaqeeyo waa mid meesha taala. Shalay-toolena KULMIYE ayaan ahaa maantana UDUB ayaan u soo wareegay oo kaalin fir-fircoon oo UDUB ah ayaan noqon doonaa.”

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Somaliland Cabdi Haybe Maxamed waxa uu tilmaamay in ummadda loo shaqeynayo, isla markaana loo wareegayo meesha ay baahidu taalo. “Wasaaradu waa wasaarad balaadhan, kolayba tabashooyin badan way jiraan dhinaca sare oo guud, oo qof kasta oo muwaadin ahi uu ogyahay.”

Mudane Haybe waxa uu ku taliyey in shacabka reer Somaliland ay dedaalaan oo ay muruqooda iyo maalkooda ay isku daraan oo aynu wax ku qabsano.

“Kaal-kaaliyaasha Caafimaadka ayaa shaqada laga sugayaa, ee wasiirku waa siyaasi oo anigu waxaan ka soo jafi karo dawladda iyo hay’adaha ayaan kolay ka hawl-galayaa” ayuu yidhi Wasiirku
Mar uu la hadlayey shaqaalaha ka hawl-gala goobaha Caafimaadka waxa uu yidhi: “Waxaan leeyahay Shaqaalaha idinku badaa ha gelina, UDUB iyo KULMIYE ee wadanka ayeynu u shaqeynaynaa.”

Wasiirkan cusub ee Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Cabdi-haybe Maxamed waxa uu ka mid ahaa xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, hase yeeshee Madaxweyne Rayaale ayaa Arbacadii toddobaadkii ina dhaafay u magacaabay xilkan wasiirnimo, taas oo dad badan layaab ku noqotay.



 


DAL-JIRE: Kursiga Abtigii

Qore: A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay. Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodii Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay, ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Doolaal: Waar iminka labadan nin ee Komishanka maxaa idinku saliday ee haddana u diiddeen? Mase qaadateen taladii Xaaji Cabdi idin siiyay maalintii dhoweyd?
Dubbe: Adna waxaagu had iyo jeer waa habsane aan labada nin ee cusub ka wada hadalno ee labadii codka waayay wakhti haynagaga lumine. Talada aad sheegaysaana maxay ahayd? Muxuu Xaajigu yidhi?
Doolaal: Dee wuxuu idin yidhi “Dawladnimada barta oo Madaxweynaha qaylada iyo hadalka xun ka daaya.”
Dubbe: Horta hadal xun maaha laakiin ma inaan Xaajiga u jawaabo ayaad iga filaysay?
Doolaal: Maxaa jawaabba keenay waa talo baanu ku nidhiye?
Dubbe: Waar aniga af aan Xaajiga ugu jawaabaa iguma yaallo oo ma hawaysan karee waxaynu se ka hadli karnaa oo dee yacnii yar taataaban karnaa arrinka uu soo qaaday Xaajigu. Ma inagu xan baa?
Doolaal: Dee mooji. Haddaa waa maxay?
Dubbe: Waar xan maahee waa faallo eh. Xaajigiina inna maqli maayee horta taladiisii qaadannay. Laakiin miyaanay ahayn inuu Xaajigu dadka adeer u wada noqdo oo aanu ka kursiga fadhiya uun adeer u noqon? Weliba kan iminka fadhiyaa nin adeernimadiisa laysku hallayn karo maaha. Horta sheekaba sheekay keentaaye nin baa ii warramay oo yidhi. “Beri baanu Madaxweyne – Maxamed Ibrahim Cigaal (AHN) - aannu abti u noqonay. Dabadeed markuu geeriyooday baanu nidhi waar maxaynu yeelnaa? Rag baa yidhi. “Waar aan ninka dhaxlay u tagno oo illayn haddii ninkii aynu abtiga u ahayn dhintay kursiga ayaynu abti u nahaye innoo geeya.” Rag kale ayaa yidhi. “Waar kani mid isaga iyo kursigiisa toona abti loo noqon karo maahee haynugu lug goynina..........”
Doolaal: Haye? Oo dabadeedna?
Dubbe: Kkkkkkkk. Oo ma dabadeed bay leedahay? Ninbaa laga hayaa. “Adiguba haddaad daad tahay beerta Cali Madaxay ma geli lahayd?” Waar kaa nimaan Illaahay badini abti iyo adeer toona u noqon kari maayee waa la yaabay wixii ka gaadhaye iska daayo aan tii Xaajiga wadnee . Halkan uu Xaajigu leeyahay hadal xun ha ku odhanina Madaxweynaha ma xuma; laakiin ma xusuusantay inuu Ina Rayaale maalin qudha Xaajiga suulka kaga joogsaday, maalintiina uu maahmaah aan laga kacayn ku dhuftay?
Doolaal: Maxay ahayd anigu ma xusuusniye?
Dubbe: ’aar miyaad illawday markuu Xaajigu kursiga Guddoomiyaha Guurtdia doonayay ee uu Ina Rayaale dhawrka nin ee kale ee UDUB dhabarka soo taabtay ee ay Xaajiga ku eryeen. Bal haddaba maalin buu Xaajigu ku qarxiyay Ina Rayaale eh bal ragga uu lix sanadood suulka kaga taagnaa ee uu weliba Xaajiga iyo Guurtida iyo Maxkamadduba dul buuxiyeen iyo weliba kun dugaag oo yar yari muxuu u malaynayaa? Qoodhaa iyo xeradaa miyaanay raggaasi rag adag ahayn? Waar waanu ladanay intaanu hadal ku meeraysanayno.
Doolaal: Oo maxaa samayn laydeen horta dadkuumbaad u hanjabtaane?
Dubbe: Waar anagu cidna uma hanjabnee iska dhaafoo. Horta Ilaahbaan kugu dhaarshee miyaad weligaa is tidhi meesha ay joogaan Xaaji Cabdikariin, Sheekh Axmed Nuux, Sheekh Khaliif iyo rag kale oo aanan halkan ku soo koobi karin ayaa laga waayi cid dadka dhexdhexaadisa oo debedda iyo bulshada dhexdeeda laga raadsan doonaa cid? Miyaanay nasiib darro inagu dhacday ahayn?
Doolaal: Alif Alif.Waar waatan islaantii hadalka badnayd inagu soo socota. Waar aamusa cidla hayna mooddee. Waar garaabada ka hor geeya yay inoo soo geline.
Dubbe: Waa tuma? Ma Dulmar baad sheegaysaa? Waar daa islaanta. Adiga wixii xigmad leh oo dhanbaa lagugu salidaye. Xikmad yare. Waxaanse ka naxaa kaa adiga iyo qaar kale oo aan garanayaa meel ku xidhateen ee u sheekaysaan. Maxaanse uga nixi isagaa idinka liitee?
Dulmaray ma nabad baa?
“Hooyo belo ma ogin. Idinku ma nabad qabtaan?
Haaye markaad halkaa soo socotay waad isla hadlaysay ee maxaa dhacay?
“Hooyo xisaab baan ku jiray oo iga gedmatay. Waxaan xisaabinayay dadka aan aqaano ee UDUB ka soo baxay siddeetan way ka badan yihiin. Markaa waxaan lahaa siddeedankii uu ku helay doorashada berigii ka soo wada baxe ee saw markaa iska tegi maayo.”
Kkkkk. Ma hubtaa inay ka baxeen?
“Xaggaanan ka hubin hooyo. Aan kuu tiriyo.”
Mayee iska daayo ma hubtaa uun?
“Waataan carruurta waayaa waan kuu tirinayaa. Allaahum masalli calaa Maxamed. Caqliga ha waayin. Aniga iyo shan aan dhalay qabo. Tii aan habar yarka u ahaa ee marka horeba meesha i geysay iyo saddex ay dhashay qabo. Intaasi waa imisa? Caqliga ha waayin. Cabdillaahi jawaan iyo Abiib Timacadde iyo ninkii citiraafkana qabo.........”
Bes bes. Ukaadi haddaba dulmaray dhaaftay siddeedankiiye. Kkkkk. Waar yaa alla yaqaan.
“Maya lix baa dheeraayoo mid waxaan u gooyay Cabdi Haybihii inaga baxay. Wallee ninkaa waa u baqayaa.......”
Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo
A. Geeljire.



 


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Madaxweyne Xisbiga Udub Iyo Madaxtooyada Kuma Taageersanin Xasan Gadh-Weyne Ee Waxaanu Ku Taageersanahay Mabda’
Cali Maxamed C/raxmaan – Sudan

Aniga oo u waramaya Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin, ugana waramaya wasiirka tacliinta Xasan X. Maxamuud (Gadh-weyne), Md. Madaxweyne nin odaya oo ka mid ah beesha wasiirku ka soo jeedo ee Maxamed Ciise, gaar ahaan reer Sahal, isla markaana ah nin muwaadina, xisbiga UDUB-na taageerayaashiisa waaweyn ah, madaxtooyadana aad u taageersan, aniga iyo rag badan oo odayaal ahi waxaanu aad u diidannahay wasiirka tacliinta Xasan Gadhweyne.

Md. Madaxweyne waxaan kaloon kuu sheegayaa xisbiga UDUB iyo madaxtooyada kuma taageersanin Xasan Gadh-weyne ee waxaanu ku taageersannahay mabda’a iyo wakhtigu siduu yahay, sidaas darteed waxaan kaa codsanayaa in aad ninkaa wasiirka tacliinta xilka ka qaado oo aad noogu dhiibto cid kale oo xilka ku munaasiba, wadi kartana oo isku wadi karta xukuumada iyo reerka. Haddii ay suurtoobi weydo in xilka laga qaado ha ku aadanaado xilkiisa wasiirnimo, sababta oo ah hawlo badan oo qoyska dhexdiisa ku yimi waxa loo sameeyey isaga awgii oo tii Berbera imika ka dhacay ugu dambeysa.

Xasan Xukuumadu waxay u aragtay waxaanu ahayn, isaguna wuxuu isu arkay waxanu ahayn, anaguna waxaanu u aragnaa wuxuu yahay ee wax baanu xaq dhowraynaa, xukuumadu Xasan ha u aragto inuu wasiir u yahay, Xasana reerka uma noqon karo Suldaan iyo Caaqil, gudoomiye iyo waxgarad intaba reerku way leeyihiin oo iyagaa hawshooda qabsan kara, wixii aanu qaban kari weyno xukuumada iyo isaga hadaanu wax uga baahano anaga ayaa soo wargelin si lanooga taageero arrimahaas.
Haddaanaan xisbiga iyo xukuumada sidayada u taageersanayn oo aanaan wakhtiga eegayn iyo danta ummadda iyo sidii sharafta lahayd ee madaxweynaha noo dhexaysay Xasan meesha waa uga tagi lahayn, nimanka odayaasha ah ee reerkana waxaan leeyahay inagoo Xasan ka tashan karma xukuumadeenana uga caban karma yaan waxyaabaha qaar loo samayn diidmada aynu Xasan diidayno oo danaha ummadda ku qaribin.

Marlabaad waxaanu xukuumada ka codsanayaa ha naloo daayo talada reerka, madaxweynana waxaan aad ugu rajo weynahay in aad arintaa ii tixgelin doonto.

Top