Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1568 Nov.8, 2007

Xisbiga Saddexaad Ee Ugu Weyn Sideeda Xisbi Ee Baarlamaanka Yurub Oo Ku Baaqay In EU-Du Aqoonsato Somaliland

Ciidanka Bileyska Oo Ka Hawl-Galay Laascaanood

Prof. Ismaaciil Muumin Aare Oo Wakiillada Ugu Baaqay Inay Is-Hortaagaan Xeerka Lagu Cabudhinayo Saxaafada Madaxa Banaan

Xukuumadda Oo Ansixisay Xeer Ay Kula Wareegayso Maamulka Iyo Mulkiyadda Wargeysyada Xorta Ah

BADHEEDHAHA

Ururka Qaran Oo Dadweynaha Ugu Baaqay In Mudaharaad Iskugu Soo Baxaan Magaalooyinka Waaweyn Isniinta Berito

“Maamulka Majeerteeniya Haduu Isir Ku Sheeganayo Dadweynaha Gobolka Sool Iyo Bariga Sanaag, Muxuu Kililka 5-Aad Ee Itoobiya Iyo NFD Isir Ugu Sheegan-Waayey”

“Waxaan Go’aansaday In Loolankii Aan Ugu Jirey Musharaxnimada Madaxweyne Ku Xigeenka Uga Tanaasulo Danta Xisbiga”
Cali Guuleed – Shirjaraa’id

Madaxtooyadu Waxay U Baahantahay Afhayeen Cusub oo Aan Saxaafadda U Hanjabin

Yusuf Tallaabo Maxaa Ka Soo Socda?

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Xisbiga Saddexaad Ee Ugu Weyn Sideeda Xisbi Ee Baarlamaanka Yurub Oo Ku Baaqay In EU-Du Aqoonsato Somaliland

Berlin, November 11, 2007 (Haatuf) – Xisbiga Saddexaad ee ugu weyn axsaabta siyaasadda ee dalalka Midawga Yurub ayaa si rasmi ah ugu baaqay wadamada xubnaha ka ah Midawga Yurub inay aqoonsadaan Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xisbigan oo magaciisa la yidhaahdo ELDR European Liberal Democratic Reform oo ka hawlgala 27-ka wadan ee uu ka kooban yahay Midawga Yurub, isla markaana ah isbahaysi axsaab siyaasadeed oo ka kala jirta wadamada Midawga Yurub oo ay midaysay afkaarta la yidhaahdo Liberalism (Ilaalinta afkaarta xorta ah iyo isu tanaasulka ku dhisan) ayaa shirweynihiisii sannadkan oo lagu qabtay 18-19 October, magaalada Berlin ee xarunta dalka Germany waxa laga soo saaray baaq lagu taageerayo qaddiyadda madax banaanida Somaliland, iyada oo xubnaha wadamada Midawga Yurub-na u xisbigu ugu baaqay inay si guud iyo si gaar ahba u aqoonsadaan qaranimada Somaliland.
Shirweynahan oo shantii sannadoodba hal mar uu xisbigu qabsaday, waxa ka soo qayb gala ergooyin tiradoodu kor u dhaaftay 600-700 oo qof, waxaana lagu doortaa hogaanka siyaasadeed ee shantii sanadoodba mar hagaya siyaasadda xisbigaasi ee wadamada Midawga Yurub ee uu ka hawlgalo xisbigu.

Xisbigan waxa uu kaga qayb galaa doorashooyinka ka dhaca wadamada Midawga Yurub si gaar ah oo dal dal ah iyo si guud oo ah tartanka loo galo xubnaha aqalka Baarlamaanka Midawga Yurub oo ay tiradiisu dhantahay 785 Mudane, waxa uu ku leeyahay 104 Mudane, halka ay labada xisbi ee mudanayaasha ugu badan lihina ay kala leeyihiin 178 oo uu leeyahay xisbiga la yidhaahdo Socialists Party of European Socialists iyo xisbiga Conservative European People’s party oo isaguna leh 216 Mudane.

Sidoo kale, xisbigan shirweynihiisii Berlin ku taageeray qaddiyadda madax banaanida Somaliland waxa ay xubnihiisu jagooyin sar-sare ka hayaan 11 dal oo ka mid ah 27-ka dal ee Midawga Yurub, iyada oo ay shan dalna xubnaha xisbigani Ra’iisal Wasaare ka yihiin, waxaanay kala yihiin wadamada Estonia, Denmark, Filand, Belgium, iyo Romania.
Sida ku cad warbixinta xisbiga waxa xubno ka ah in ka badan 170,000 oo ka mid ah dhalinyarada afkaarta xorta ah ee Midawga Yurub.

Haddaba, Xisbiga ELDR ayaa war murtiyeedkiisa uu ku taageeray qaddiyadda madax Banaanida Somaliland waxa uu ku yidhi. “Go’aanka shirweynaha xisbiga ELDR ee Berlin ee 18-19 October ee Somaliland.

1. Afar maalmood ka dib markii ay madax banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadda UK, waxay heshiis midaw ah la gashay dalka cusub ee isna madax banaanidiisa qaatay ee Somalia.
2. Ka dib markii uu dhacay Kelidii taliyihii Siyaad Barre, isla markaana ay Koonfurtu gashay xaalado qalalaase iyo dagaalo hor leh, Maxmiyadii Ingiriisku waxay ka baxday midnimadan, waxaanay jeexatay jid cusub oo barnaamijkeedu yahay dimuqraadiyad iyo suuq xor ah.
3. Somaliland waxay ku dhawaaqday in aanay midnimo dambe kula sii jiri doonin jaarkeeda (Somalia).
Xisbiga ELDR waxa uu ugu baaqayaa Midawga Yurub iyo wadamada xubnaha ka ah inay aqoonsi diblomaasiyadeed siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay si firfircoon ugaga ololeeyaan Midawga Afrika inuu aqbalo Somaliland aqoonsigeeda, iyo in aanay ahayn gooni u goostayaal, balse ay yihiin dal dimuqraadi ah oo ka baxay midnimadii ay kula jiray dal fashilmay (failed state)”.
Waa markii ugu horeysay ee xisbi ka tirsan xisbiyadda siyaasadeed ee wadamada reer Yurub si rasmi ah ugu dhawaaqo taageerada qaddiyadda Somaliland tan iyo intii lagu dhawaaqay sannadkii 1991-kii.

Talaabadani ayaa la filayaa inay wax ka bedeli doonto siyaasadda ay dalalka Midawga Yurub kula dhaqmaan Somaliland, haddii ay Xukuumadda Somaliland si wanaagsan uga hawlgasho, isla markaana isticmaasho xubnaha xisbigan ee wadamada Midawga Yurub mansabyada sar-sare ka haya.

 


Ciidanka Bileyska Oo Ka Hawl-Galay Laascaanood

Hargeysa, November 11, 2007 (Haatuf) - Ciidankii Bileyska ee u horeeyay ee Laascaanood ayaa shalay la hawlgaliyay, loona qaybiyay agabka Bileyska. Cciidankan oo tiradiisu tahay 138 boqol (sodon iyo sideed askari) ayaa qaybta Bileyska gobolka Sool waxa loogu qabtay xaflad ay ka soo qaybgaleen saraakiil ka socota taliska sare ee Bileyska Somaliland, iyo masuliyiin kale oo ay ka mid yihin waftiga xukumada ee iyagu ku sugan magaalada Laascaanood, waxaana halkaa warbixin kooban ka bixiyay taliyaha ciinka qaybta Bileyska ee Gobolka Sool Xuseen Tarwale, wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub oo ciidanka la hadlay ayaa u sheegay in ay dhawraan shuruucda dalka, dadkoodana si cadaalada ugu adeegaan, ayna dhwraan sharafta iyo karamada ciidamada, saacadaas laga bilaabana ay u hawlgalan sidii ay u sugi lahaayeen amniga magaalada lascaanood iyo ta shacbiga umada Somaliland-ba, isla markaana ay noqdaan ciidan u feejigan amaanka gobolka, waxaana uu intaa ku daray in ay dhawran dhisibilinka oo aan la arag askari bilaa dirays ah oo qori sita shacabkana dhex maraya.

Waxaana uu ugu danbayntii kula dardaarmay in ay sugida amniga Gobolka ildheer u yeshaan,iyaguna dhinacooda ay ka shaqaynayaan daryelkooda, tababarkooda iyo dhisidooda, iyada oo uu intaa ku daray in ay ciidamada Somaliland mushaharadooda bil walba qataan marka ay ku egtay oo anay jirin ciidan mushaharku ka daaho.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Axmed Cabdi Xabsade, waxana uu si adag ula dardaarmay ciidanka Bileyska ee maanta loo hawl galiyay Magaalada Lascaanood, waxaana uu yidhi “waxa laydiinka baahanyahay in aad dhawrtaan oo ilaalisan masuuliyada aad qadeen iyo dhaarta aad dalka u dhaarateen, shaqadan aad dirayska u qaadatena waa shaqo adag oo u baahan karti iyo masuuliyid dheerada”.

Waxa uu intaa ku daray in ay Bileysku yihin kuwa ay umadu nabada u daba fadhido, sidaa darteed looga baahanyahay in ay ilaaliyaan nabada iyo cadaalada, kana fogaadaan laaluushka iyo kala jeclaysiga dadka, ayna shacabka ugu adeegaan si siman.

Ugu danbayntiina waxa uu kula dardaarmay in ay xilka sida uu yahay uga soo baxaan.
Waxaa isaguna halkaas kelmado kooban oo mahad naqa ka yidhi Maxamed Axmed Xaaji Nuur oo ka mid ahaa waftiga hooganka bilayska Somaliland, waxaana uu aad u amaanay ciidanka oo uu sheegay in ay daruuri noqotay in ay gobolka sida ugu dhakhsaha badan uga hawlagalan iyguna ay dhisida ciidanka waqti u huren ayna ku hawlanyihin dhisida iyo tayaynta ciidana Bileyska ee gobolka iyo guud ahaanba dalkaba waxaanu intaa ku darya in uu cidankani yahay mid ka hawlgali kara amniga gobolka , dhinaca kale waxa ay wafitaga xukumada ee gobolka kusugani oo baryahanba ku jiray shirar hoose oo ay la leyihin qar ka mida waxgaradka magaalada ayaa manta waxa ay la shireen culimada gobolka oo ay kala shireen sidi nabada iyo degenashaha gobolka loga shaqayn laha ayna gacan uga waxyaba horumarka iyo nabadaynta gobolka iyada oo ay culimaduna dhinacoda soo dhoweyeen wada shaqaynta gobolka ee amniga iyo horumarintaba wixi nabad iyo wanagana ay soo dhowaynayaan

 


 Prof. Ismaaciil Muumin Aare Oo Wakiillada Ugu Baaqay Inay Is-Hortaagaan Xeerka Lagu Cabudhinayo Saxaafada Madaxa Banaan

Hargeysa, November 11, 2007 (Haatuf) - Musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE Prof Ismaaciil Muumin Aare oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa sheegay in shacbiga ku nool Gobolka Awdal wakhti badan lagaga soo jiidanayey taageerida Axsaabta Mucaaridka [KULMIYE iyo UCID] in la isku cuno oo libaax iyo Waraabe joogo, balse waxa uu xusay inay maanta ogaadeen inuu dalku is-bedel u baahan yahay.

Sidaasna waxa uu Prof. Ismaaciil Muumin Aare ku sheegay wareysi uu siiyay qaar ka mid ah warbaahinta Internet-ka (Hadhwanaagnews), wareysigaas oo ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xadhigga siyaasiyiinta ururka QARAN, xeerka cusub ee xabudhinta saxaafadda ee xukuumaddu u soo gudbisay golaha wakiilada iyo arrimo kale.

Prof. Ismaaciil Muumin waxa uu ka dalbaday Golaha Wakiilladu inay dib-u- celiyaan Xeerka cusub ee saxaafadda lagu cabudhinayo ee dhawaan Xukuummadu u gudbisay Wakiillada, isla markaana waxa uu uga digay Xukuumadda isku daygeeda ay ku xidhay dallada xuquuqal Insaanka Shuronet oo sheegay inaanay xidhi karin.

Hase yeeshee Prof. Ismaaciil isagoo ka hadlaya isbedelka taageerada dadka reer Awdal ee xisbiyada Mucaaridka, waxa uu yidhi: “Dadka reer Awdal way ku baraarugeen siyaasada iyo xaalada dalku halka ay mareyso, taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal maalinba maalinta ka danbeysa aad iyo aad ayey u soo kordhayaan. Dareenkii dadku aad ayuu u kacsan yahay, waxay ogaadeen ummadda reer Somaliland ee Walaalahood ah inay waayadan danbe si aad iyo aada uga hadheen, gaar ahaan xaga horumarka iyo wacyiga qoomiga ahba.”
Ismaaciil Muumin Aare waxa uu ku dooday arrimaha si aadka dareenka u geliyey dadweynaha reer Awdal ay tahay inay dawladdu dimuqraadiyadii iyo rajadii aynu ka qabnay in dalkan la ictiraafo wax-yaabo si ba’an u dhaawacaya ay ku dhaqaaqday oo ay dawladu khatar gelinayso dadka Saxaafadda iyo Ururada xuquuqda aadamaha ee bulshada rayidka ah.

“Waxa layaab leh iyada oo uu hore u jiray Xeer Saxaafadda ahi oo uu Madaxweynuhu saxeexay, Barlamaankuna an-sixiyey, in haddana doraad la sheegayey in xeer kale oo Saxaafadeed ay dawladdu u soo gudbisay Wakiillada, oo loola jeedo in lagu cabudhiyo Xoriyatul qowlka oo ah arrin muhiima dhinaca dimuqraadiyada” ayuu yidhi Ismaaciil Muumin Aare oo ku tilmaamay xeerka saxaafada ee ay xukuummadu u gudbisay wakiillada inay ula jeedo cabudhinta saxaafada.
Prof. Ismaaciil Muumin Aare waxa uu ugu baaqay Golaha Wakiillada inay is-hortaagaan oo aanay aqbalin Xeerkaas lagu cabudhinayo saxaafadda ee la soo mal-maluuqay ee ay Xukuumaddu u soo gudbisay Golaha Wakiillada.

“Dawlada Madaxweyne Rayaale waxaan ugu baaqayaa inay joojiso cabudhinta Saxaafadda iyo xoriyatul qawlka oo aanay ummadda rajada ka dilin” ayuu yidhi Ismaaciil Muumin Aare.
Prof Aare waxa uu Xukuummada Somaliland u soo jeediyay halka ay kaga hawlan tahay cabudhinta Saxaafadda inay keento idaacad dalka oo dhan wada gaadha, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidh. “Dadka reer Sool iyo Ciidamadii guusha soo hooyeyba waxay dhageystaan Radio Gaalka-cayo, iyo Radio Muqdisho, oo dalkoodiina waxba kama maqlayaan oo Idaacadii Radio Hargeysa ma gaadho, halka ay Xukuummaduna ku hawlan tahay inay cabudhiso Saxaafadda waxay ahayd inay Idaacadda Radio Hargeysa gadhsiiyaan gobolka Sool si ay ciidamada iyo dadka gobolkaasi ay u dhageystaan. Waxaad ka warqabteen inay Xukuumadii dhameyd shaqo ka dhigatay Dallada Isku-xidhka Ururada Xuquuqal Iinsaanka ee Shuro-net, iyada oo ay hawlo badan inoo yaalaan, hay’adaha Madaxa banaan waa meelaha xoriyatul qawlka iyo codka ummadda laga muujiyo.”
Murashaxa Jagada Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE, Prof Aare waxa uu sheegay inaanay Xukuummadu xidhi karin dallada Shuro-net. “Dallada Shuro-net waad ogaydeen in xoog Military lagaga qaaday furayaashi xaruntooda, waana hay’ad yar oo madax banaan waa shuclada Ururada Xuquuqada aadamaha, sidaa laguma xidho, kumana xidhmi karto, waanay jireysaa ummadfa codkeeda ayey ku hadashaa dareenka ummadda ayey fidisaa oo dhibaatada Bulshada ayey soo bandhigtaa” ayuu yidhi.

Prof. Aare Mar uu ka hadlayey Hogaamiyayaasha Urur Siyaaadeedka Qaran ee mudada sadexda bilood ah ku xidhan xabsiga Mandheera waxa uu yidhi. “In niman magac leh oo Madax qaran ah oo dalkan qiimo weyn ku leh inay Xabsiga Mandheera ku xidh xidhan yihiin, oo ay cidkasta Madaxweynaha ka codsatay inuu nimankaas siidaayo mana garanayo waxa laga doonayo ee waxaas oo dhan loo diidayo ergadoodii. Madaxweynaha waxaanu leenahay muwaadiniinta xidh-xidhan [Hogaanka Ururka Qaran] deg-deg ha loo soo daayo, waana siyaasiyiin xaqna u leh inay cabiraan fikirkooda siyaasadooda, mana aha in fikirka la isku cabudhiyo. Dr Gaboose, Maxamed Xaashi, iyo Jamaal Caydiid waxay halkaasi ugu xidhan yihiin ummadu way ka yaaban tahay, isla yaaba ayaanu leenahay [Xukuummada] oo soo daaya siyaasiyiinta laydinka codsaday tobanka jeer ee aad qabasheen, anigu magaranayo waxay u heystaan waana damiir Xumo, Ilaahayow haa iyo maya ha naga wada yeedhsiin maanta waan soo deynayaa berina ma soo deynayo, waxaasina maaha wax ummada u dhadhamaya ee nimankaasi deg-deg ha loo soo daayo.”

Mar la weydiiyay Su’aal ahayd, Ismaaciil waxa lagu dhawaaqay liiska Magacyada guddida Qaran ee Gobolka Sool, maxaad is-leedahay way ka tari karaan gudidaasi Xaalada Gobolka Sool? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Arrintaasi waa mid wanaagsan waana tii dhawaan Madaxweynaha iyo Gudoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ay ka shireen waana arrin heer qaran ah, markaa anigu gudidaasi waxaan u arkaa talaabo hore loo qaaday,waana arrin muhiima in talooyinka Qaranka loo midoobo, markaana waxaan qabaa inay wax-weyn ka qaban doonaan, waayo waynu u midneysan nahay”.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd, Markii aad Xisbiga KULMIYE ku soo biirtay way ku kala qaybsameen reerka aad Dhasho ahaan ka soo jeedo, isla markaana Suldaankii ka mid ahaa Garabkiini ku soo Biiray Xisbiga KULMIYE dhawaana waxa uu sheegay inuu ka noqday fikirkiisi hore arrimahaas maxaad nooga sheegi kartaa? Waxa uu ku jawaabay “Suldaanku ka muu noqonin, ee waxay ahayd Salaadiintii iyo cuqaashi beesha aan ka soo jeedo way jirtay inay Dawladu Weerar ku qaaday oo odayada waa la qalday oo Madaxweynihii iyo Wasiirkii arrimaha gudaha ayaa idiin yeedhaya, oo lacago ayaa la bixinayaa ayaa habeenimo lagu soo kotara-baaniyey [odayaasha] oo iyagu ismay ogayn, oo ninba meel ayaa laga soo kotarabaaniyey. Meel ay ka noqdeen iyo mabda’a ay diideen midna ma jirto ee waa la qalday oo dad aan xishoonayn ayaa odayada sidaa dadka u soo horjeediyey, waxaan leeyahay dhaqanka ha la ilaaliyo oo odayada ha laga xishoodo”.

Waxa haddana la weydiiyay sida muuqata Xukuummada tallada haysaa ma doonayso inay dadka ku nool Gobolka Awdal inay Axsaabta kale taageeraan, laakin adigu waad ku dhiiratay, sidee ayey suurta-gal u tahay ama aad taageerayaal uga heli kartaa Gobolka Awdal? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Dadka reer Awdal, dadka reer Somaliland ayey ka mid yihiin oo mucaarid iyo muxaafid-na way leeyihiin, oo dadkii oo in yar u jira Caasimadii ayaanay warba u hayn, oo way rajo dhigeen oo way quusteen oo guryaha ayey galeen, Xagii Somaliland-na waxa looga haystay dad shaarubihii qoyeen oo nimco galay, anagu [Xubnaha Mucaarid ah ee Awdal] deyrkaas ayaanu jabinay inaanu dadka reer Somaliland ka sii liidano, oo aanu la aamusnay, iridana soo xidhanay ayaanu dadka u sheegnay. Meeshan [Awdal] ood ayaa loo jiiday, oo cid wax loo sheegtaana ma jirto, ummadii way sharaftay Madaxtinimadii dalka ayaa loo dhiibay, oo inay cawdaan way ka xishoonayeen oo ooda ayey soo jiiteen, anaguna oodii ayaanu ka furnay. Markaa taageerada ay reer Awdal ay noo hayaan [KULMIYE] duco ayey noogu darayaan, oo oodii ayaanu ka gurney oo dadkoodi ayaanu ku darnay”

“Shacbi-weynaha ku nool Gobolka Awdal waxay Axsaabta Mucaarid ah ku dhaliilaan inaan Beelaha Darafyada u ogolayn Hogaaminta Mansabyada sare qabtaan arrintaa maxaad ka odhan lahayd?” ayaa la weydiiyay haddana, waxaanu su’aashaas kaga jawaabay “Taa oo kaliya maaha waxbadan ayaa axsaabta Mucaarid ah dadka lagaga soo jiidanayey Libaax ayaa halka fadhiya waraabe ayaa halka jooga oo halkaa waa laydinku cunayaa oo wax-kasta waa loo sheegayey iyaguna waxba may arag, sidaa daraadeed dadku fakir khalada way ka heysan karaan, laakin maanta way ogyihiin inay xaqiiqadu tahay in dalkani u baahan yahay is-bedel, axsaabta mucaaridka ahna ay ka mid tahay wax-yaabahaas.”

 


 Xukuumadda Oo Ansixisay Xeer Ay Kula Wareegayso Maamulka Iyo Mulkiyadda Wargeysyada Xorta Ah

War-Murtiyeed Ay Wada-Jir U Soo Saareen Shanta Wargeys Ee Madax Banaan Ee Ka Soo Baxa Somaliland

Hargeysa, November 11, 2007 (Haatuf) – Wargeysyada madaxa banaan ee ka soo baxa Somaliland, ayaa mawqif adag iska taagay xeer cusub oo saxaafadda ah oo ay dhawaan xukuumadda Madaxweyne Rayaale u soo gudbisay golaha wakiilada Somaliland, kaas oo ay sheegeen inuu yahay mid gebi ahaanba albaabada loogu xidhayo saxaafadda madaxa banaan, gaar ahaan wargeysyada iyo Madbacadaha, isla markaana xukuumaddu kula wareegayso maamulka iyo mulkiyadda lahaanshiyeed ee wargeyska.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ay wada-jir u soo saareen Wargeysyada kala ah Jamhuuriya, Haatuf, Ogaal, Geeska Afrika iyo Saxan-saxo, kaas oo sidoo kale lagu sheegay inuu xeerkani ka horimanayo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku dhaqanto iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee Saxaafadda madaxa banaan iyo xoriyatul-qawlka ee dastuurku xaqa u siiyay muwaadinka.

War-murtiyeedkan oo ay ku saxeexan yihiin masuuliyiinta sar-sare ee shantaa wargeys, waxa uu u qornaa isagoo dhammaystiran sidan;
“Waxay xukuumaddu dhowaan golaha wakiilada u soo gud-bisay xeer ay ugu talo-gashay inay ku dhaqdo saxaafadda xorta ah, gaar ahaan wargeysyada madaxa banaan, laakiin nuxurka uu xanbaarsan yahay uu yahay in lagu tirtiro saxaafadda xorta ah, gaar ahaan wargeysyada madaxa banaan. Xeerkaas oo ka kooban 120 qoddob markii aanu derisnay nuxurka iyo macnaha qoddobada uu ka kooban yahay waxa noo muuqatay inuu xanbaarsan yahay ujeeddo halis ku ah saxaafadda xorta ah iyo madax banaanida xoriyatul-qawlka, waxaana nooga soo baxay waxyaalahan:
• Xeerkani waxa uu si gaar ah u khuseeyaa oo loo samaystay wargeysyada madaxa banaan iyo mishiinada lagu daabaco, wuxuuna xanbaarsan yahay awoodo albaabada loogu xidhayo wargeysyada madaxa banaan iyo aalladaha lagu soo saaro, waayo sida ku cad qaar ka mid ah qoddobadiisa xeerkan laguma dhaqayo wargeysyada iyo Majalladaha ay leeyihiin hayadaha dawladda, asxaabta siyaasadda, hay’adaha samafalka IWM.

• Qoddobada uu xeerkani ka kooban yahay meel keliya lagagama xusin xeerka jira ee saxaafadda Somaliland ee uu baarlamaanku ansixiyey, madaxweynuhuna saxeexay, sidaana dhaqan-galka ku noqday dhawr sannadood ka hor.

• Xeerkani wuxuu si badheedh ah ugu hor-imanaya qoddobka 32aad ee dastuurka dalka u yaal, qoddobkaas oo si cad u qeexaya xoriyadda saxaafadda iyo xaqa ra’yidhiibashada muwaadiniinta. Sidaa darteed xeerkani waa qayral-dastuuri.

• Xeerkani wuxuu dhigayaa inuu wasiirka warfaafintu awood u leeyahay xayiraadda, xidhista iyo la wareegidda mulkiyadda wargeysyada madaxa banaan iyo mishiinada lagu daabaco, isla markaana wuxuu xeerkani awood u siinayaa wasiirka warfaafinta inuu faro-gelin ku sameeyo hawlaha maamul, maaliyadeed iyo qoraal (Faaf-reeb) ee wargeysyada madaxa banaan, tusaale ahaan xeerkani wuxuu dhigayaa in wax kale iska daayoo xataa wiilasha yar yare e joornaalka iibinaya aanay iibin karin ilaa ay ruqsad (Ogolaansho) ka soo qaataan wasiirka warfaafinta. Sidoo kale wuxuu xeerkani dhigayaa in xataa qoraallada ra’yi-dhiibashada ee dadweynaha la soo mariyo wasiirka warfaafinta oo aan la daabici karin ilaa uu ogolaado oo uu faaf-reeb ku sameeyo, sidoo kale ilaa xayeysiisyada lagu daabacayo jaraa’idka wuxuu xeerkani dhigayaa in la soo mariyo wasiirka warfaafinta oo aan la daabici karin ilaa uu ogolaado.

• Xeerkani waxa kale oo uu dhigayaa inay wasaaradda maaliyaddu awood u leedahay, jaangoynta iyo koontaroolidda dhaqaalaha wargeys-yada iyo inay dabagal ku samayso buugaagta xisaabaadka iyo foojarada lagu maamulo dhaqaalaha wargeysyada.

• Xeerkani wuxuu mam-nuucayaa in wargeysyada madaxa banaan wax kaalmo ah loo fidiyo gudo iyo debed-ba, oo aan xataa wax qaadhaan ah lagu caawin karin marka wargeys la ganaaxo, taasina waxay ka soo horjeeddaa qoddobada dastuuriga ah ee dhigaya in la dhiiri-geliyo, lana kobciyo madax banaanida saxaafadda, sidoo kale ar-xan darrada caynkaas ee uu xeerkani dhigayaa waxay baal-marsan tahay dhaqanka wanaagsan ee ay bulshadeenu caanka ku tahay ee ku salaysan hanaanka is-kaalmaynta.

• Xeerkani waxa uu xadidayaa xoriyadda dhaq-dhaqaaqa iyo xil-gudashada suxufiyiinta, wuxuuna dhigayaa in xataa weriyayaasha u shaqeeyo hayadaha saxaafadeed ee maxaliga ah iyo kuwa u shaqeeya wakaalada ajnebiga ah marka ay doonayaan inay u safraan gobolada iyo degmooyinka aanay bixi karin ilaa uu ogolaado wasiirka warfaafintu, wuxuuna ogolaan karaa ama diidi karaa inay tagaan marka ay u sheegaan ujeedada ay u safrayaan.

• Xeerkani wuxuu weriye ama qoraa u aqoonsanayaa qofkii ay ogolaato wasaaradda warfaafintu ee ay kaadh weriyenimo siiso, iyadoo markii la doono lagala noqon karo aqoonsiga la siiyey hadii uu yahay weriye u shaqeeya saxaafadda maxaliga ah iyo hadii uu yahay weriye u shaqeeya wakaaladaha ajnebiga ah-ba.

• Xeerkani markii aanu derisnay wuxuu ka hor-imanayaa xeer-nidaamiyaha garsoorka dalka, wuxuuna jiddaynayaa in saxaafadda lagu dhaqo xeerarka ciqaabta iyo weliba qoddobo kale oo tilmaamaya ciqaabo cul-culus oo u gaar ah saxaafadda madaxa banaan, halka uu xeerka saxaafadda ee dhaqan-galka ahi dhigayo in wixii dembi ah ee uu suxufigu ku galo mihnidda saxaafadda loo raaco xeerka madaniga ah iyo in wixii anshax-marin ah loo raaco xeer-hoosaadka saxaafadda.

• Xeerkani waxa kale oo uu dhigayaa in mad-bacadaha wargeysyada lagu daabaco loo qabsan doono qoraallada ku soo baxa wargeysyada, taas oo ah cabsi-gelin lagu samaynayo mad-bacadaha lagu daabaco wargeysyada, loogana dan leeyahay inaanay mad-bacaduhu daabicin wargeysyada Madaxa banaan.

• Xeerkani wuxuu dhigayaa inaan waxba laga qori karin duruufaha nololeed iyo dhaqan-dhaqaale ee bulshada, sida Sicir-bararka, musuq-maasuqa, shaqo la’aanta, maamul-xumada, cadaalad darrada, tacadiyada loo geysto muwaadiniinta, xad-gudubyada ay madaxdu ku geystaan awoodaha dawlad-nimo IWM.

Haddaba haddii aanu nahay bahda wargeysyada madaxa banaan ee Somaliland iyo guud ahaan saxaafadda xorta ah waxaanu u aragnaa inuu xeerkani gebi-ahaanba aamusiinayo, meeshana ka saarayo xoriyadda madax banaanida saxaafadda iyo xuquuqda ra’yi-dhiibashada muwaadiniinta ee uu dastuurka dalka u yaal jiddeeyey.
Waxa kale oo aanu u aragnaa inuu xeerkani horseed u yahay, uuna xanbaarsan yahay ujeeddo al-baabada loogu xidhayo saxaafadda xorta ah, gaar ahaan wargeysyada madaxa banaan oo aanay dib dambe u shaqayn doonin, iyadoo ay awel-ba saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland la daalaadhacaysay duruufo ad-adag oo kala duwan iyo tacadiyo ay kala kulmaan mihnadooda saxaafadeed.

Waxa kale oo aanu u aragnaa inay talaabaddani daba socoto talaabooyinkii ay hore xukuumaddu ugu duudsiday xuquuqo kala duwan oo ay bulshadu leedahay, sida talaabadii ay ku fulisay xafiisyada komishanka qaranka ee ay xoogga kula wareegtay sannadkan horaantiisii, iyo sidoo kale talaabadii ay dhowaan xoogga kula wareegtay xafiiskii dalladda xuquuqal insaanka ee SHURO-Net iyo sidoo kale Siyaasiyiinta ururka QARAN ee u xidhan waxa ay aaminsan yihiin.

Waxa kale oo aanu u aragnaa inuu xeerkani gogol-dhig u yahay oo uu xanbaarsan ujeedooyin ka sii balaadhan keliya tir-tiridda wargeysyada madaxa banaan iyo qalabka lagu daabaco, iyadoo la ogyahay doorka ay saxaafadda xorta ahi, gaar ahaan jaraa’idku ka soo qaateen dhismaha Jamhuuriyadda Somaliland, haddii ay tahay dhinac nabad-gelyo, hadii ay tahay dhinac horumar iyo hadii ay tahay dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.

Marka la isku soo duubana waxaanu u aragnaa inuu xeerkani yahay talaabadii ugu dambaysay ee ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale si kama dambays ah ugu xuubsiibanaysay nidaam digtaatoori ah iyo inay taasi tahay dhamaadka nidaamka dimoqraadiyadda iyo hanaanka asxaabta badan ee ay ummaddu hirgelinteeda tacabka badan u soo hurtay.

Gebo-gebo
Sidaa darteed waxaanu ugu horayn baarlamaanka ugu baaqaynaa inay xeerkan halkiisa ku celiyaan, ayna iskaga xishoodaan inay ka doodaan, waxna iska waydiiyaan xeer caynkaas ah, iyagoo ummadda wakiilka ka yihiin uga tudhaya in lagu dhaqo xeer xanbaarsan ujeeddo tacadiya.
Sidoo kale waxaanu shacbiweynaha reer Somaliland, Asxaabta siyaasadda, ururada xuquuqal insaanka iyo ururada saxaafadda, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah-ba ugu baaqaynaa inay xeerkan jariimadda ah door mug leh ka ciyaaraan sidii looga hor-tegi lahaa, hadii kale waxa uu dhaqan-galka xeerkani keeni doonaa cawaaqib-xun oo saamayn ku yeesha mus-taq-balka iyo jiritaanka ummadeed ee qaranka Somaliland, wuxuuna xeerkani hadii uu dhaqan-galo noqon doonaa gabood-falkii ugu xumaa ee loo geysto madax banaanida saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka muwaadiinta Somaliland.

Masuuliyiinta war-murtiyeedkan saxeexay:
1- Faysal Cali Sheekh, Gudoomiyaha Jamhuuriya
2- Cali Cabdi Diini, Tifaftiraha Haatuf
3- Muuse Faarax Jaambiir, Gudoomiyaha Ogaal
4- Maxamed Xuseen (Rambo), Tifaftiraha Geeska Africa
5- C/laahi Max’ed Daahir (Cukuse), Gudoomiyaha Saxansaxo”

 


 BADHEEDHAHA

Ma Waxaad U Soo Qoysatay Digtaatooriyad Aan Biyo Is-marin

Waxa Xoghaynta Golaha Wakiilada Somaliland maalmo ka hor soo gaadhay xeer ay xukuumaddu soo diyaarisay oo la sheegay in la doonayo in lagu dhaqo saxaafadda.
Xeerkan Cinwaankiisu wuxuu u qoran yahay “Xeerka Saxaafadda iyo Waxyaabaha la Daabaco”, wuxuuna ka kooban yahay 120 qoddob oo inta badan ka hadlayaa awoodo uu wasiirka Warfaafintu ku maamulayo saxaafadda madaxa banaan iyo suxufiyiinta ka shaqeeya. Sidoo kale xeerku wuxuu xambaarsan yahay ciqaabo calculus oo la sheegay in lala beegsan doono hay’adaha saxaafadda iyo suxufiyiintaba.

Inkasta oo xeerkan lagu tilmaamay in lagu dhaqayo saxaafadda guud ahaan, haddana nuxurka uu xambaarsan yahay sidaa wuu ka duwan yahay, wuxuuna si gaar ah hoosta uga xariiqayaa saxaafadda madaxa banaan gaar ahaan Wargeysyada, iyadoo uu dhinaca kalena xeerkani wasaaradda Warfaafinta awood u siinayo inuu kantaroolo, sida uu doonana ugu tagri-falo guud ahaan saxaafadda iyo xuquuqda suxufiyiinta ka hawlgala noocyada saxaafadda xorta ah.
Sannadkii 2004 ayaa Baarlamaanka Somaliland ansixiyay, Madaxweynuhuna saxeexay xeer ay saxaafadda Somaliland leedahay, xeerkaas oo ah ka keliya ee ilaa hadda jira, dhaqan-galkana ah qaynuuniyan, laakiin mar keliya uun baa lagu war-helay xeerkan cusub.

Inkasta oo uu xeerkan cusubi maalin dhawayd soo gaadhay darka golaha Wakiilada, haddana muddo dheer ayaa la oggaa inay xukuumaddda Madaxweyne Rayaale ku taamaysay inay saxaafadda madaxa banaan ku soo rogi doonto sharci adag iyo awoodo wax lagaga qabanayo laguna tacadiyayo xaqa madax banaanida dastuurku siiyay.
Wasiirka Warfaafinta, Axmed X. Daahir Cilmi, ayaa meelo dhawr ah oo fagaarayaal ah kaga tiraabay inay saxaafadda ku soo rogayaan sharci adag, isagoo yidhi: “Dib dambe looma arki doono saxaafad wax iska qor-qorta.” Wasiir ku-xigeenka Cadaaaladda, Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo), ayaa isna sidaas oo kale meelo fagaareyaal ah kaga tiraabay. Waxa kale oo iyaguna muddooyinkan dambe si isdaba joog ah u soo baxayay warar sheegaya inay Madaxweyne Rayaale iyo inta badan golihiisa wasiiradu ku musanaabayaan haddii aynaan wax ka qaban saxaafadda madaxa banaan, talo-ba teena noqon mayso.
Markaad eegto xeerkan ay xukuumaddu ku tilmaantay in lagu dhaqayo saxaafadda, runtii laguma tilmaami karo xeer wax lagu dhaqayo ee waxa nuxur ahaan lagu tilmaami karaa jawaan lagu gurayo saxaafadda madaxa banaan kadibna afka laga xidhayo, waxaana iska cad haddii uu xeerkaasi dhaqan-galo inay noloshii saxaafadda madaxa banaani maalmo yar ku dhammaanayso, waayo, xeerkani waxba uga tudhi maayo saxaafadda madaxa banaan iyo suxufigaba, haddii ay dhaqaale tahay iyo haddii ay madax banaani shaqo tahayba oo intaba wuxuu amrayaa inay xukuumaddu gaar ahaan wasiirka Warfaafintu siduu doono ugu tagri-fali karo.
Laakiin inta aynaan hoosta ka xariiqin sababta Xukuumadda Rayaale wakhtigan xaadirka ah ku keliftay inay soo saarto xukun degdeg ah oo ay kula wareegayso madax banaanida iyo maamulka hay’adaha saxaafadda iyo weliba ujeedooyinka la rumaysan yahay inuu waddada u xaadhayo iyo sidoo kale cawaaqibka uu yeelan karo dhaqan-galkiisu, waxaynu qaar ka xusi doonaa qoddobada uu xeerkaasi ka kooban yahay si ay dadku wax uga ogaadaan nuxurka xeerkani xambaarsan yahay.
Tusaale ahaan:

Qoddobka 11aad: Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxa ay bixinaysaa kaadhadhka loo yaqaan ‘Press Facility Cards’.
Qoddobka 13aad: Iyada oo la xeerinayo shuruudaha qoddobka 11aad ee sharcigan, codsiyada lagu codsanayo kaadhka saxaafadda waxa loo qoranayaa wasaaradda Warfaafinta iyada oo ay la socdaan dhukumentiga kale ee loo baahan yahay. Haddii diidmo la sababeeyay kaga soo noqoto ama warceliniba ka soo noqon waydo muddo dhan 30 maalmood, waxa uu codsaduhu u racfaan qaadanayaa cidda ku haboon muddo ku siman 30 beri gudahood markii uu diidmada helay ama ay ka soo wareegtay codsigiisa warcelin la’aantu ku dhacday.
Qoddobka 18aad: a) Suxufigu weriye waa uu u noqon karaa dhawr hay’ad saxaafadeed oo maxalli ah ama ajnebi ah isla mar keliya haddii uu ruqsad labadii sannadoodba mar la cusboonaysiinayo ka haysto wasaaradda Warfaafinta. b) Suxufigu xaq ayuu u leeyahay inuu ka waramo/ka warbixiyo dhacdo kasta oo maxalli ah ama caalami ah iyada oo aanu dabrayn xidhiidhka dalkaasi laga warbixinayaa la leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland.
Qoddobka 25aad: Wasaaradda Warfaafintu waxa ay u aqoonsan kartaa suxufi inuu weriye u yahay wakaalad wareed, wargeys, idaacad ama telefishan ajnebi ah muddo sannad ah markiiba oo la cusboonaysiin karo. Waxa weriyeyaashaasi awood loo siinayaa in ay hawshooda ka fushadaan dalka gudihiisa. Xaqani waa in uu ahaado mid laba-dhinacle ah. Wasaaraddu waa diidi kartaa, waana la noqon kartaa aqoonsi-bixinta.
Qoddobka 26aad: Weriyeyaasha saxaafadda maxaliga ah iyo kuwa ajnebiga ahiba waxa ay xaq u yeelanayaan xurmooyinkan: d) Socdaalo wadanka oo dhan ah oo xog doon ah oo la sii ogeysiiyey Wasaaradda Warfaafinta.
Qoddobka 28aad: Wasaaradda Warfaafintu iyada ayaa xaq u leh inay kaadh aqoonsi saxaafadeed siiso weriye ajnebi ah, ama ka noqoto mid ay bixisay ama diido in ay cusboonaysiiso iyada oo aan sababayn lagu lahayn. Haddii kaadhkan lagala noqdo waxa iyadana buraysa xaq-u-lahaanshaha degganaanta ama ku-noolaanshaha ku lahaa weriyaha ajnebi dalka, haddii aanay jirin sabab kale oo aan ka hor imanayn inta uu ogol yahay sharcigani oo oggolaanaysa.
Qoddobka 42aad: Mulkiilaha wargeys ama majallad waa inuu: a) Yahay muwaadin b) Haystaa xuquuqda muwaadin buuxa c) Aan maxkamadi hore ugu helin in uu dembi karaamo ama sharaf gelin, haddii aan maxkamad ama dhegeysi kale ka tirtirin. e) Raasamaal ku kordhiyaa/kaabaa wargeyska ama majallada sida ay qeexayaan xeer-nidaamiyeyaasha Wasaaradda Warfaafinta. Wargeysyada Axsaabta siyaasiga ah, ururada caalamiga ah, wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda waa ka dhawrsoon yihiin sharcigan oo saamayn kuma leh
Qoddobka 43aad: a) Marka fasax qoraal ah laga helo wasiirka Warfaafinta, muwaadin mulkiile ahi waa ku wareejin karaa mulkiyadda wargeyskiisa ama majalladiisa muwaadin kale oo buuxinaya shuruudaha ku qeexan sharcigan.
Qoddobka 46aad: Tifaftiraha sare waxa uu oggolaan karaa qoraalo/maqaalo dadweynuhu u soo gudbiyeen. Waa uu diidi karaa daabacaadda qoraalladaa haddii ay ka horimanayaan qoddobada sharcigan. Qorayaasha la diiday in la daabaco qoraalladooda waxa ay racfaan u qoran karaan Wasiirka Warfaafinta.
Qoddobka 51aad: Wargeysyada iyo majalladaha waxa ka reebban in ay ka qaataan kaalmooyin ama hadiyado haba yaraatee cid aan reer Somaliland ahayn.
Qoddobka 52aad: Waxa ka reebban inay liisas tabaruc u furtaan ganaax ku waajibey, cashuuro ama cawed-celin shaqaalahooda ama daabacaad-baahiyeyaashoodu ku leeyihii.
Qoddobka 54aad: Wasaaradda Maaliyadda ayaa faaqidaysa buugaagta xisaabaadka ee wargeysyada miisaaniyadooda iyo foojarradooda si loo sugo in ay raaceen hab-dhaqanka qaybtani tilmaamayso. Saraakiisha wasaaradda Maaliyaddu waxa ay dhawraysaa sirta wargeyska laga reebo meelaha sharciga lagu gefey.
Qoddobka 85aad: Mulkiilaha iyo Agaasimaha mas’uulka ahi iyaga ayaa si buuxda uga mas’uul ah oo loo raacaa qoraal kasta oo aan waafaqsanayn sharciga oo madbacadooda ka soo baxa.
Qoddobka 100aad: Maxkamaddu waxa ay amri kartaa xidhida wargeys, madbacad, xafiis baahineed ama hoy kale oo loogu talo-galay in laga faafiyo daabacane ama waxyaalo kale oo u dhigma haddii aanay haysan ruqsadaha uu jidaynayo sharcigani.
Qoddobka 101aad: Maxkamaddu waxay amri kartaa in la dhaqan-geliyo ciqaabahan soo socda, ka sokow kuwa kor ku xusan: a) Laga joojiyo eedaysanaha ku-sii-shaqaynta saxaafadeed, daabacaadda iyo fidinta daabacane ama keenista iyo dhoofintooda, kiraynta iyo iibka filimada iyo si kasta oo kale oo wax lagu soo bandhigo oo lagu carab-dhebey sharcigan muddo aan ka badnayn sannad. b) La-wareegid hantiyeed (waras-garayn)
Qoddobka 102aad: wargeys ama daabacane kale muddo ku-meel-gaadh ah waa loogu xayiri karaa amarka wasiirka Warfaafinta ama ku-xigeenkiisa haddii lagu daabacay ama lagu faafiyay iyada oo la baalmarayo shuruudaha uu qeexayo sharcigani. Maxkamad ayaa lala tegayaa si loo kala ogaado in hantida la hakiyey lala wada wareego iyo in kale. Cidda ay khuseysaa rafcaan ayuu ka qaadan karaa xayiraadda ama uu ku soo oogi karaa ciddii wax xayirtay qaan-dhaw isagoo abbaaraya maxkamadda ku haboon.” Iyo qoddobo badan oo kale.
Sida ka muuqata qoddobadan aynu kor ku xusnay iyo qoddobo kale oo badanba, haddii ay xukuumaddu ku guulaysato dhaqangelinta xeerkan waxa iska cad inay meesha ka baxayso madax banaanida saxaafaddu, isla markaana albaabada loo xidhayo hay’adaha iyo xarumaha saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland ka jira.
Hase yeeshee su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay waa maxay adeegyada ay qabtaan saxaafadda madaxa banaan iyo guud ahaan suxufiyiintu?
Marka jawaabta su’aashan si kooban loo sheego, saxaafaddu guud ahaan, gaar ahaana ta madaxa banaan haddii ay tahay wargeysyo, idaacad, Telefiishano, iwm, waxay si joogto ah u gudbiyaan wararka iyo macluumaadka la xidhiidha xaaladaha nololeed, siyaasadeed, dhaqaale, horumar iyo adeegyada bulshada ee kale.
Saxaafadda madaxa banaani sidoo kale waxay had iyo jeer xambaarsan tahay dareenka iyo fikirka ay dadku ka qabaan arrimaha iyo dhacdooyinka ku xeeran. Sidoo kale dhaqanka iyo waajibaadka saxaafadda madaxa banaan waxa ka mid ah inay hadh iyo habeen tooshka ku ifiso nidaamka maamul ee dalkaas ka jira, iyadoo dibadda soo dhigtaa xadgudubyada iyo xatooyada ay kula kacaan dadkooda madaxda dawladda iyo cid kastoo masuuliyad ummadeed haysa, waxaana waajibaadka aasaasiga ah ee saxaafadda madaxa banaan ka mid ah inay ummadooda u gudbiyaan ugana waramaan qaabka ay masuuliyiinta xilka loo igmaday u maamulayaan masiirkooda qarannimo.
Hase yeeshee nidaamyada iyo xukuumadaha digtaatooriyada iyo musuqmaasuqa ku dhaqma ee dunida qaarkeed ka jiraa way neceb yihiin saxaafadda madaxa banaan iyo ra’yi dhiibashada xorta ah ee muwaadiniinta, waxaana caado u ah inay bakhtiiyaan ileys kasta oo saxaafad madax banaan iyo xoriyatul qawl salka ku haya. Sidaas daraadeed inkastoo Somaliland lagu tiriyo dalalka dimuqraadiyadu ka jirto, iyadoo nuxurka dimuqraadiyadda ay inta badan dadyowga dunidu ku tilmaamaan inay ka turjunto cabiraadda ra’yiga xorta ee muwaadiniinta iyo madax banaanida saxaafadda, haddana xeerkan ka soo baxay Xukuumadda Somaliland, wuxuu u muuqdaa hordhaca digtaatooriyad ay maagan tahay xukuumaddu Madaxweyne Rayaale, waxaase meesha taal haddii uu dhaqan galo xeerkani oo ay Xukuumadda Somaliland ku guulaysato inay albaabada u xidho saxaafadda madaxa banaan, taas macnaheedu maaha dabakaayooyin yaryar oo la xidhay ee waxaa afka oodda laga saaray xoriyatul-qawlkii iyo ra’yi dhiibashadii dalka ka jirtay, iyo gebi ahaantii hanaankii dimuqraadiyadda ee ay dadka reer Somaliland ku naaloonayeen, iyadoo dunida dimuqraadiyadda ku dhaqanta ay madax banaanida saxaafadda iyo xoriyadda ra’yi dhiibashadu tahay muraayadda laga daawado nidaamka dimuqraadiga ah.
 

Top


 Ururka Qaran Oo Dadweynaha Ugu Baaqay In Mudaharaad Iskugu Soo Baxaan Magaalooyinka Waaweyn Isniinta Berito

“Hadday Adeegayaashu Ina Xukumayaan Waxa Ka Wanaagsanayd Waa Nin Somalilander Ah’e Inaynu Ina Dafle U Yeedhano”

Hargeysa, November 11, 2007 (Haatuf) - “Hadday Faqash ina xukumayso waxaaba ka wanaagsan Ina Dafle wuu nool yahay oo NSS-ta oo dhan isaga ayaa xukumi jiray’e, isagaa soo tababaray oo sodon sannadood in ka badan soo xukumayay’e. waxaanay garanayaan intuu ku ababiyay ee qabo, xidh, cabudhi iyo intuu ku ababiyay. Markaa hadday kuwaa adeegayaasha ahi dalkeena xukumayaan, ilayn waa nin Somalilander ah’e waxa ay ku wanaagsanayd inaynu isagaba u yeedhano Ina Dafle halkay iyagu inaga xukumi lahaayeen’e”. Sidaa waxa yidhi, Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka mid ah masuuliyiinta urur siyaasadeedka Qaran oo shalay ka hadlayay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa.

Shirkan jaraa’id oo ay wada jir u qabteen golaha ku meel gaadhka ah ee hogaaminta urur siyaasadeedka Qaran waxa ay ku baaqeen in ay dadweynaha ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland mudaharaad nabadeed oo ay kaga soo horjeedaan meel ka dhacyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee ay xukuumaddu kula kacayso dadweynaha iyo xadhiga masuuliyiinta ururkooda Qaran isugu soo baxaan maalinta Isniinta ah ee 12/11/2007.
“Mawduuca ugu weyn ee aanu ku hadlaynaa waxa weeyaan awooda dadweynaha ee cabirka ra’yigooda, kaasi oo ah mudaharaad salmi ah inay ra’yigooda ku cabiraan, sidaad la socotaana waxay madaxda Qaran si xaq-darro ah ku xidhan yihiin muddo saddex bilood ah, markaa dadweynaha iyo dhammaan dhinacyada kaleba waxa ay na leeyihiin hadal in badan ayaa la soo waday, oo cid waliba ergo ka gashay, markaa miyaanay jirin wado kale oo looga wareegaa, oo aad ku cabirtaan dareenkiina iyo dareenka dadweynaha sida ay uga xun yihiin xadhiga raggaasi. Sidaasi darteed waxa aanu leenahay maalinta Isniinta ee 12/11/2007, inaanu banaan bax balaadhan oo gobolada Somaliland oo inteeda badani inay soo baxaan oo ay dareenkooda ka cabiraan, sida ay uga xun yihiin xadhiga xaq-darrada ah iyo ergo diidnimada uu maalinba walba inta rag ka ergaysay ee milgaha lahaa, laga soo bilaabo ilaa ergadii guddidii dhex-dhexaadinta ilaa maalintii dhawayd ee ay labada gudoomiye xisbi mucaarad la kulmeen, ee ay ku jireen shirgudoonada labada gole, wufuudii debadaha inagaga timid waxaasi oo dhan ay ergo ka galeen waar raggaasi hala soo daayo. Waxba iskuma haysataan oo muran sharci baad isku haysataan’e, wixii idin khuseeyana ku dhamaysta maxkamadaha dastuuriga ah.

Waad ogaydeen oo sidii loo xidhay, maxkamad dastuuri ah looma marin oo waxa loo adeegsaday maxkamado goboleed. Ninka xukumay oo aad maanta moodayso inay dawladdu si gaar ah u adeegsato oo waxa u dambaysay dhacdadii SHuro-Net ee intuu raacay wasiir ku xigeenka cadaaladda ninka isku sheegaya ee aan ansaxsanayn. Ee isagu sharci darrada ku jooga ee intay u yeedheen ninkii Agaasimaha guud ee ay la tageen xafiiskii Shuro-Net ee la yidhi waakan waarankii xaakinkii hore ee Qaranba xidhay waa kan, haddaad dhiibi weydo adigana waanu ku xidhaynaa.
Markaa waxaanu leenahay reer Somaliland-ow maalinba garab baa la cunayaay’e aynu arrinkan ka dhiidhino oo aynu iska qabano oo aynu nidhaahno si nabadgelyo ah aynu banaan baxaa Isniinta xoojino”. Baashe Cabdi Gaboobe, oo ka mid ah xubnaha hogaaminta ee urur siyaasadeedka Qaran oo shirkaasi jaraa’id ka hadlayay.

Ka dibna waxa isagu halkaasi ka hadlay, Cali Ducaale oo ka mid ah masuuliyiinta urur siyaasadeedka Qaran, waxaanu yidhi. “waxa aynu qaadanay dimuqraadiyadda, nidaam caalami ah oo ay ku dhaqmaan dadka ilbaxa ahi, nidaamkaasi oo aynu kaga baxayno dhibaatooyinkii ina soo maray, markaa dadka reer Somaliland waxa aan u sheegayaa inaynu nidaamkaa ilaashano, sababta oo ah waxa iman kara madax inagu celisa god dacaweedkii hore ee aynu ka soo baxnay. Markaa waxa uu xilku saaran yahay ummaddeena inay xil iska saarto, waxa ay dastuurka ku qoran. Nidaamka kastaa si loola dagaalamo ayuu u baahan yahay, nidaamka dimuqraadiga ahi uma baahna in lagula dagaalamo qori, ama aad wax jajabiso, waxa lagula dagaalamaa mudaharaadkaasi iyo dareenkaaga oo aad cabirto, maanta waxa aynu arkaynaa dawladeenii uu ku tumanaysa dastuurkeenii intii badnayd, waxaana ugu waaweyn xuquuqdii aadamaha, ee dastuurkeenu sheegayo, waxaana laga dhigay in urur siyaasadeed oo la samaysto oo dastuurku fasaxayo in raggii biri-ma-gaydada ahaa xabsi lagu rido, waad arkaysaa nidaamkii ganacsiga, waxa kale oo aad rakaysaan ururadii xuquuqda aadamaha.
20 daqiiqo horteed waxa la iiga soo diray bileyska telefoonka, oo la ila leeyahay waxaad wado ka joogso, aniguna waxa aan idhi, wax aan wadaa ma jirto, laakiin haddii aad doonto qorigaaga soo qaado.
Waxa aan ka xumahay Haatuf oo qortay inaanu codsanay banaan bax, laakiin waxa aan leeyahay banaan baxa xaq ayaanu u leenahay’e, maaha in aanu codsanay. Jaraa’idkow ma waxaad sugaysaan inta la idin dal-dalayo”.
“Dhulkeena waxa laga kaxeeyay nidaam aad u dhib badan, dadkeenuna waxay weli qabaan tababarkii nidaamkii hore, oo wax walba ay dawladda ahaayeen, oo waxay dawladu sheegto ayuun baa xaq ah, maanta waynu ka soo gudubnay kaasi, wax walba oo lagu dhaqmayaana waxay ku xusan yihiin dastuurka. Dad badani waxay ogyihiin talaabooyinka aanu ku dhaqaaqayno, annaguna waxa aanu halkan ka sheegaynaa in aanu mudaharaad aanu xaq dastuuri ah u leenahay isniinta samayno, oo aanu cabashadayada ugu soo bandhigno, sida uu dhigayo dastuurka Somaliland qodobkiisa 32-aad ee xuquuqda aa-aasiga, kaasi oo u qoran sidan “Muwaadin kastaa wuxuu xor u yahay inuu abaabulo ama ka qayb galo banaan bax uu ra’yigiisa ku soo bandhigayo” markaa maadaama oo ay hogaamiyayaashii Qaran ay galeen bishii afraad ee ay dulmi ku xidhan yihiin, arrimahaasi oo dhan ayaanu ummadda iyo caalamka iyo ummaddana gaadhsiinaynaa gobolada oo dhan inay maalintaasi nagala qayb qaataan mudaharaadka”.
Intaa ka dib waxa la weydiiyay masuuliyiinta Qaran ee shirkaasi jaraa’id qabatay su’aalo dhawr ah oo ay ka mid yihiin, “sida ay jaraa’idku ka soo weriyeen hogaamiyayaashiina xidhan, haddii ururkiina Qaran socon waayo, waxaad ku biiraysaan axsaabta mucaaradka ah, fikirkaasi ma la qabtaan?”.
Hase yeeshee, Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka mid ah hogaanka ku meel gaadhka ah ee Qaran waxa uu yidhi. “Haa, fikirkaasi maaha mid cusub, waa mid aanu weligayoba qabnay, waayo sababta oo ah dawladda waxa noo dhaxeeyay dastuurkaasi, kina way ku tumanaysaa, gogol loo gudboon yahayna way ku shaashoonaysaa. Annagu maalina maanu diidin in aanu maxkamad dastuuri ah tagno, maantaanu diyaar u nahay shalay baanu u ahayn,. Godobteedana hore ayaanu u sheegnay oo hadday isleeyihiin waad ka baxsanaysaan godobteeda, waxa aanu leenahay maalin baa iman doonta la is-xisaabiyo oo maxkamado nin walba ay xukumaan. Hadday maanta iyagaa maxkamadoodii iyo wax walba iyaga gacanta ku haya oo mindida daabkeedii gacanta ku hayee ay yidhaahdaan ma jiraan ururo la furan karaa, dee annagu waanu ogolnahay, laakiin godobteeda iyaga ayaa qaadan doona aakhirka, wayna iman doontaa maalin dib loo eegaa.
Midna waan idiin sheegayaa maanta nimankani inoo taliyaa waa nimankii la soo raran jiray (la soo gumaysan jiray) nin hadduu adoon ahaan jiray oo la raran jiray horta qiimaba ma leh. Nimankii raran jiray waxay ahaayeen nimankii aynu odhan jirnay Faqashta, oo hadday ahaan lahaayeen niman manaasib waaweyn hayay wax uun bay ahaan lahayd, laakiin waxa ay ahaayeen adeegayaal loo diray inay dadkooda soo wada basaasaan, oo ay duleeyaan, bal u fiirsada siday yihiin. Ninka taariikhdiisu caynkaasi tahay maxaad ka filaysaa inuu adiga kugu sameeyo. Dee hadday Faqash ina xukumayso waxaaba ka wanaagsan Ina Dafle wuu nool yahay oo NSS-ta oo dhan isaga ayaa xukumi jiray’e, isagaa soo tababaray oo sodon sannadood in ka badan soo xukumayay’e. waxaanay garanayaan intuu ku ababiyay ee qabo, xidh, cabudhi iyo intuu ku ababiyay. Markaa hadday kuwaa adeegayaasha ahi dalkeena xukumayaan, ilayn waa nin Somalilander ah’e waxa ay ku wanaagsanayd inaynu isagaba u yeedhano halkay iyagu inaga xukumi lahaayeen’e.”

 


 “Maamulka Majeerteeniya Haduu Isir Ku Sheeganayo Dadweynaha Gobolka Sool Iyo Bariga Sanaag, Muxuu Kililka 5-Aad Ee Itoobiya Iyo NFD Isir Ugu Sheegan-Waayey”

Hargeysa, November 11, 2007 (Haatuf) – Guddida Siyaasada golaha guurtida Somaliland ayaa fadhigii shalay ee golaha guurtida soo hordhigay qodobo talo-bixina oo ay ka soo saareen doodihii mudanayaashu ka yeesheen xaaladaha gobolka Sool iyo xuduudaha bariga Somaliland, taas oo shirgudoonku todobaadkii hore guddida siyaasada ee golaha guurtida u xilsaaray inay nuxurka doodahaasi isku soo dubaridaan, kadibna qodobo talo-bixin ka soo jeediyaan.
Fadhigan shalay oo uu gudoominayay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee guurtida Sh. Axmd Sh. Nuux ayaa waxa waxa ugu horeyn golaha warbixin kooban ka siiyey qodobada talo-bixinta ah ee ay ka soo saareen doodihii mudanayaashu ka yeesheen xaalada gobolada Sool iyo bariga Sanaag guddoomiyaha guddida siyaasada ee guurtida Md. Siciid C/laahi Yaasir oo sheegay golaha in doodaasi ay ka soo saaraan saddex qodob oo kala ah in wufuud wacyigelina loo diro gobolada Sool, bariga Sanaag iyo degaanada Buuhoodle, in golaha guurtidu ugu deeqo ciidamada qaranka ee jiidaha Sool iyo bariga Sanaag iyo dadka ku barakacay Laascaanood iyo in baaq taageero ah goluhu u fidiyo xukuumada.

Intaas kadib golaha waxa ka akhriyey soo jeedinta iyo talo-bixinta ay guddida siyaasadu ka soo saartay doodii goluhu ka yeeshay xaaladaha gobolada bari xoghayaha guddida siyaasada Axmed Daahir Jirde, taas oo ka koobnayd qodobadan:
1. Waxaanu ku talo-bixinaynaa in abaabul wacyi-gelina laga sameeyo gobolada Sool, bariga Sanaag iyo degaanad Buuhoodle, wufuud golaha ka socotana loo diro degaanadaasi.
2. In goluhu baaq taageero ah u diro ciidamada qaranka ee jiida Sool iyo difaaca xuduudaha dalka guusha ka gaadhay.
3. Waa in goluhu baaq taageero ah ka soo saaro doorkii xukuumadu ka qaadatay hawl-galada milateri ee gobolka Sool.
4. Waxaan soo jeedinaynaa in goluhu taakulo dhaqaale oo dhan 88 milyan Sl.sh ugu deeqo ciidanka qaranka ee jiida Sool iyo dadweynaha ka barakacay Laascaanood, taas oo laga jarayo mudane kasta mushaharkiisa labadii biloodba hal milyan.
5. Waxaanu caalamka ugu baaqaynaa in aanay xuduudaha Somaliland gorgortan kala geli karin maamulka Majeerteeniya.
6. Waxaanu u sheegaynaa maamulka Majeerteeniya ee damaca isirka ku sheeganaya degaanada gobolka Sool, hadii dhul iyo dad isir lagu sheeganayo waxay degaanada kililka 5-ad ee Itoobiya iyo NFD Kenyaba ay isir ugu sheegan waayeen dadka ku dhaqan iyo degaanadaasba.
7. Waxaanu maamulka Majeerteeniya uga digaynaa in aanay soo faro-gelin degaanada gobolka Sool iyo bariga Sanaag oo ah dhul Somaliland ah.
Intaa kadib, ayay mudanayaasha golaha guurtidu doodo xaasaasiya ka yeesheen qodobada soo jeedinta ah ee ay guddida siyaasadu ka soo saartay xaaladaha gobolada bariga Somaliland, taas oo mudanayaasha guurtida qaarkood ay isku furo saari-gaadheen madasha fadhiga, iyada Md. Maxamed Ducaale Qurux uu ku sigtay inuu faro-saaro Md. Maxamed wali Warsame oo ka tirsan mudanayaasha golaha guurtida kaga jira gobolka Sool oo isagu madasha fadhiga kaga dooday in aanu raali ka ahayn ciidamada qaranka ee magaalada Laascaanood ku jira, isla markaana soo jeediyey in ciidanka qaranka Laascaanood dib looga soo saaro, waxaanu yidhi “Waxaan qabaa in ciidamada qaranka dib looga soo saaro gudaha magaalada Laascaanood, maxaa yeelay laascaanood xuduudii maaha”.
Md. Siciid C/laahi Yaasir oo isagu ka hadlaya hawlgalada ciidanka qaranku ku joogaan jiidaha gobolka Sool ayaa yidhi “Ciidamada qaranku waajibaadkooda ayay gudanayaan, inay hore u sii socdaan mooyaane dibna u soo noqon maayaan, ninka sidaa ku fikiranayaana waa nin aragtidiisu gaaban tahay”.

Gabagabadii fadhigaasi ayuu Md. Sh. Nuux golaha u sheegay in shirgudoonku soo jeedinta guddida siyaasada shirgudoonku naaqishaad ku soo samayn doono, kadibna golaha soo hordhigi doonaan.
 


 “Waxaan Go’aansaday In Loolankii Aan Ugu Jirey Musharaxnimada Madaxweyne Ku Xigeenka Uga Tanaasulo Danta Xisbiga”
Cali Guuleed – Shirjaraa’id

Hargeysa, November 11, 2007 (Haatuf) – Cali Guuleed (Cali Marshaal) oo ka mid ah guddida fulinta xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inuu ka tanaasulay damiica musharaxnimada jagada Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye ee uu loolanka ugu jirey, taas oo uu sabab uga dhigay loolanka siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye ka abuurmay oo loo tarjuntay khilaaf iyo wax kala jiidasho.

Sidaana waxa uu Cali Guuleed ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye, halkaas oo ay ka soo qayb-galeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo iyo xubnaha guddida fulinta iyo boqolaal ka tirsan taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo isugu jiray Rag iyo Haween, waxaanu Cali Guuleed shirkiisaa jaraa’id uu saxaafada ugu qaybiyey qoraal uu halkaasi ka akhriyey, waxaanu ka cudur daartay in aanay saxaafadu wax su’aalo ah ka weydiinin shirkiisan jaraa’id, waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan:
“Sida aad la socotaan waxa nagu soo fool leh doorashooyinkii Dawladaha Hoose iyo Ta Madaxtooyada, taasi waxay la timid in dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo uu xisbiga Kulmiye ugu diyaar-garoobaayo doorashooyinka uu si hor leh ka bilaabay, sida qabanqaabada shirweynihii xisbiga. Waxa kale oo ay keentay in madaxda xisbiga intii danaynaysay in ay ka qayb-galaan doorashada madaxtooyada tartan aan turxaan lahayn ka dhex bilaabmo, mid toos ah iyo mid dadbanba.
Haddaba, anig aoo ka mid ah intii danaynaysay tartankaa waxa aan jecelahay bal kaalinta aan xisbiga kulmiye kaga jiro in aan wax yar oo kooban ka yidhaahdo:
Dadka u haysta in aan ahay qurba-joog siyaasada xisbiga jen-biga kaga soo booday waxa aan u sheegayaa waxa aniga xisbiga iiga soo horeeyey dhawrkii qof ee saxeexay waraaqdii xisbiga lagu diwaan-geliyey, dadka maanta xisbiga ka muuqdaa oo u badan siyaasiyiin magac leh waxa ay ka soo wareegeen ururo ay ka mid yihiin Hormood, Sahan, Asad, iwm. Si kastaba ha ahaato ee waxa maanta ka asal ah oo lagu xisaabtamayaa wixii uu qof walba xisbiga gashaday. Haddaba, dadka xisbiga wax gashaday (adduun iyo arinba) hadii miisaanka la saaro qof iiga miisan waynaanayaa waa yar yahay, hadana iyadii oo ay sidaasi tahay weligay xisbiga mansab ma weydiisan, waxaana marag ma doon ah in aan xisbiga inta ugu waxtarka badan ku jiro.
Igama aha isfaani, cid ugu tar-sheego, waxaase aan uga socdaa aniga iyo inta kale ee xisbigan wax gashatay maanta qof aan xisbiga waxba gashan u daba fadhiisan mayno.
Hordhacaa ka bacdi hadii aan ku soo noqdo ujeedada dhambaalkaygan, waa:
a) Markaan arkay xiisada ka abuurantay loolanka siyaasadeed ee ka taagan xisbiga Kulmiye.
b) Markaan aqoonsaday in loolanka dimuqraadiga ah ee ay ahayd in Kulmiye lagu amaano loo turjuntay khilaaf iyo wax kala jiidasho.
c) Markaan yaqiinsaday in ay guushu ku jirto midnimada iyo isku duubnida Kulmiye.
d) Waxa aan go’aansaday in damacaygii shakhsiga ahaa ka horeysiiyo danta xisbiga iyo ta qaranka, aniga oo aaminsan in uu khayrku ku jiro isu-tanaasulka waxa aan go’aansaday in tartankii aan ugu jirey jagada Madaxweyne ku xigeenka aan ka tanaasulay, iyada oo aan inna wax calool xumi ahi igu jirin.
e) Waxaanan ku balanqaadayaa in aan taageero buuxda siiyo labada musharax ee xisbigu soo saaro.
f) Waxa kale oo aan ku balanqaadayaa in aan qayb-libaax ka qaato sidii uu Kulmiye guusha u gaadhi lahaa.

Gebogabo:
Waxa aan ku soo gabagabaynayaa intii aan siyaasada ku jiray khaasatan sanadkii u dambeeyey waxa aan taageero shardi lahayn ka helay ardayda jaamacadaha, waxgaradka iy bulsho aanan soo koobi karin, kuwaas oo laga yaabo marka ay maqlaan tanaasulkayga in ay ka xumaadaan, aniga oo taageeradooda tixgelinaya aadna uga mahadcelinaya waxaan leeyahay yoolkeenu waxa uu ahaa sidii xukuumadan kalidii taliska noqotay loo bedeli lahaa, taasina waxba iskama bedelin, sidaas awgeed waxa inoo balan ah in taageeradii aad xisbiga u hayseen aad sii kordhisaan”.

 


 Madaxtooyadu Waxay U Baahantahay Afhayeen Cusub oo Aan Saxaafadda U Hanjabin

Tan iyo intii ka dambaysay markii uu geeriyooday Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Mr. Cabdi Idiris Ducaale, waxa la dareemi karayay inuu isbedel ku yimid xidhiidhkii iyo wada shaqayntii saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland iyo madaxtooyada Somaliland. taasna waxa la sheegayaa inuu sabab u yahay Afhayeenka Madaxtooyada ee hadda Mr. Siciid Cadaani Mooge oo ah nin xidhiidhka uu guud ahaan saxaafadda la leeyahay aanu fiicnayn, xiitaa isbedel ayaa ku yimid warsaxaafadeedyadii madaxtooyada hore uga soo bixi jiray iyo kuwan hadda ka soo baxa.
Tusaale ahaan marka war-saxaafadeed madaxtooyada ka soo baxa Marxuum Cabdi Idiris Ducaale, waxa uu xarumaha Wargeysyada gaadhsiin jiray warsaxaafadeed shaambadaysan oo ay ka muuqato nidaam dawladeed. Halkii uu Marxuumku sidaas ka ahaa, waxa hadda bedelay in warsaxaafadeedkii Madaxtooyada lagu soo diro khadka Emailka isaga oo aan shaambadaysnayn, taas oo qof kastaa dareemi karo inay ka baxsan tahay nidaamka dawladeed.

Intaas waxa dheer Marxuum Cabdi Idiris Ducaale, waxa uu caan ku ahaa degenaan iyo dabeecad wanaag, balse Siciid Cadaani waxa weeye nin kulul oo aan haba yaraate dabeecad lahayn. Tusaale ahaan marka uu Madaxweyne Rayaale amaba Marxuum Cigaal shir jaraa’id qabanayo, inta ka horaysay ee la sugayo, waxa suxufiyiinta iyo Cabdi Idiris dhex mari jiray kaftan iyo haasaawe, kaas oo qolo weliba kaftan ku sheegi jirtay waxa ay tabanayso, waxaana haasaawaha lagu sababayn jiray qosol iyo is faham. Laakiin Siciid Cadaani hadda wuxuu ku caan baxay hanjabaad, handadaad iyo cago-juglayn, isaga oo saxafiyiinta indhaha kaga dhaca.

Taas waxa hadda uu Siciid Cadaani ku darsaday hanjabaad uu u jeediyo suxufiyiinta guud ahaan Madaxtooyada iyo xukuumaddaba wax ka qorta amaba naqdida ee qormooyinkooda ku soo bandhiga boggaga Internetka ama jaraa’idka, waxaana jira saxafiyiin badan oo la hadal hayay inuu muddooyinkii u dambeeyay ku hayay hanjabaad iyo cago juglayn, taasina waxa ay sii kala fogaynaysaa xidhiidhkii saxaafadda iyo madaxtooyada.
Axmed Maxamed Cali, Hargeysa

 


 Yusuf Tallaabo Maxaa Ka Soo Socda?

Waddamada adduunka intooda badan waxa ka jira xeer la yidhaaho “Leadership Code” oo ilaaliya hab dhaqanka qofka masuulka ah oo laga filayo inuu ahaado mid ay bulshada inteeda kale kaga dayato samaha iyo dhaqan wanaagga. Qofka masuuliyadda ummadda u dhaxaysa haya waxa laga filayaa inuu noqdo mid tusaale u noqda faca soo koraya sidaa darteedna waxa looga baahan yahay inuu noqdo mid ku sifooba wanaag oo dhan, si gaara waxa laga filayaa inuu noqdo qofka ugu horreeya ee sharciga ilaaliya sidiisana ugu dhaqma.

Waa wax ka reeban anshaxa wanaagsan ee dawladnimo in nin wasiir-ku-xigeen ahi soo kaxaysato Garsoore maxkamadeed oo inta farta ku fiiqo uu dadka ugu hanjabo “kanaan idinku dirayaa hadaadan sidaan doono yeelin”. Gartay oo Talaabo caadifad iyo jibo aan manco badan ku fadhiyin ayaa madax martay, laakiin siday ka noqotay ninkan garsooraha sheeganaya. In badan baan arkay askari la soo kaxaysto waase markii noloshada iigu horrasay ee aan arko garsoore gacanta la soo qabsado. Waa arrin uguba oon hore caalamka meelna uga dhicin. Taasi miyaanay ina tusayn kala daadsanaanta iyo is dhex yaaca ka jira nidaamka dawladnimo ee dalka.

Tallaabo waxa lagu yidhi adaa meesha kala wada, waana intaa ta keenaty inuu jiboodo oo wuxuudoono ku hadlo waxayna maanta la maraysaa inuu dalka ku soo rogo xukun deg-dega oo jeebkiisa ah. Caadifadaasi jabani waa waxyaalihii burburiyay dawladii Cabdiraxmaan Tuur, ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee, waxayna ahayd in laga taxadiro mar dambe. Waxase is weydiintu tahay waxa uu Riyaale dadka noocan oo kale ah u soo urursado iyada oo ay dalka ka buuxaan dad aqoon iyo akhlaaqba isku darsaday oo diyaar u ah inay la shaqeeyaan Madaxweynaha iyo xukuumadiisa.

Yususf Tallaabo haddaan hadda xad loo yeellin waynu garananyaa waxa ka soo socda waana “Isaaqbaa ficiisa iyo isaaqabaa facaas ah ama sidaa iyo sidaa wada” Bal aan sugno.
Axmed Ismaciil
 

Top