“Waan Raacsanahay Fikradda Ah In Aanay Somalia Mar
Dambe U Midoobayn Siday Awal Ahayd”
Wasiirka Arrimaha Debada Ee Itoobiya, Seyum Mesfin
Diyaarad Ah Nooca Ciidamada Oo Aan La
Garanayn Oo Habeen Hore Waaberigii Ka Degtay Magaalada Berbera
Tacsi
Ciidanka Amniga Boorama Iyo Maamulka
Waxbarashada Oo U Hawl-galay Qab-qabashada Dabley Tacshirad Huwisay Dugsi
Lagu Muransanaa Gacan Ku Hayntiisa
Kumaanyaal Neef Oo Adhi Ah Oo Ka
Gudbay Soohdinta Djibouti Iyo Somaliland Lana Filayo Inay Kuwa Kale Ka
Gudbaan Kaddib Markii Laga Qaaatay Cashuuro
Ardaydii Ka Baxday Kulliyada Sharciga
Ee U Horeysay Oo Ku Biirtay Ururka Qareenada Ee SOLA
Deeq Qalab Waxbarasho Ah Oo Loo
Qaybiyey Qaar Ka Mid Ah Dugsiyada Degaanka Boorama
“Goormuu Weriyihii Noqday Cadow
Hubaysan Oo Soo Weeraray Wadanka, Maxayse Tahay Baahida Keentay Xeerkan
Saxaafada Ee Cusub”
Gudoomiyaha SNM, Muj. Xasan Ciise Jaamac
Xukuumadda Somaliland Oo Mar Kale Ku
Celisay In Aan Dalka Lagu Soo Geli Karin Baasaboorka Imbagaati
Wasiirka Waxbarashada Oo Soo Saaray
Amar Uu Ku Joojinayo Aasaaska Jaamacado Cusub
Wakiilada Oo Gudda Galay Dooda Xeerka
Miisaaniyada Ee Ay Curiyeen
ODHAAHDA AKHRISTAH: Dawlad Mas’uul Ah
Oo Dadka Matasha
Maxay Ku Wada Socdaan Rayaale Iyo
Xaabsade?
Dhibaatada Ay Madaxda Ciidammada Ahaa
Ku Hayaan Dalalka Geeska Afrika, Waa Cudurka Kaa Gala Fardaha Haddii Laga
Gubo Dameer!!!
|
|
“Waan Raacsanahay Fikradda Ah
In Aanay Somalia Mar Dambe U Midoobayn Siday Awal Ahayd”
Wasiirka Arrimaha Debada Ee Itoobiya, Seyum Mesfin |
Paris, November 27, 2007 (Haatuf) – “Geeska Afrika waa gobolka ay marwalba
xaalado cakirani ka jiraan. Xaaladda Somalia waa mid gebi ka laalaada,
heshiiskii nabadda ee Itoobiya iyo Ereteriya todoba sannadood horteed
kala saxeexdeena waxa laga cabsi qabaa inay colaad hor lihi ka abuuranto.
Kacdoono ayaa ka jira gobolka Somalida ee Itoobiya oo ah wadanka ugu
muhiimsan ee geeskuna ciidamadiisa kalama bixi karo Somalia, iyada oo
aanay bedelin ciidamo ka socda Midawga Afrika amaba Qaramada Midoobay,
oo taageera dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia, inkasta oo la
aqoonsan yahay. Daneeyayaal kale oo gobolka ah iyo caalamka kale ah
mashquulkooduna wuxuu dabka ku sii shidayaa xaaladda taagan. Arrimahaasi
dartood, Wasiirka Arrimaha Debada ee Itoobiya Seyum Mesfin oo booqasho
ku jooga Paris ayaa ugu haboon in laga waraysto, waraysigaasina wuxuu u
dhacay sidan”. Sidaa waxa waraysi dheer oo dhinacyo badan leh ku
bilawday Robert Wiren oo ka tirsan Wargeyska LES NOUVELLES D'ADDIS oo ka
soo baxa dalka Faransiiska oo waraysi dheer oo dhinacyo badan leh la
yeelatay Wasiirka Arrimaha Debada ee Itoobiya Mr. Seyum Mesfin.
Waraysigani waxa uu Mesfin kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin
xaaladda guud ee Geeska Colaada u dhaxaysa dalkiisa iyo Ereteriya,
ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Somalia, waqtiga uu dalkiisu kala
baxayo, dhibaatooyinka haatan ka taagan dalka Itoobiya, mucaaradka
dalkiisa, Somaliland iyo sida ay dawladiisu u aragto marka ay noqoto
xagga aqoonsiga iyo siyaasadda iyo jabhadda ku kacsan dawladda Itoobiya
ee ONLF.
Hase yeeshee Waraysigan oo ahaa mid aad u dheer oo aanu cadadyadayada
dambe idiinku soo gudbin doono, waxa aanu maanta idiinku soo gudbin
doonaa mid ka mid ah su’aalaha la xidhiidha Somaliland ee la weydiiyay
Wasiirka Arrimaha Debada ee Itoobiya, waxaanay u dhacday sidan:-
S: Dhibaatadu waxa weeyaan inay beesha caalamku isku dayday inay dawlad
xagga sare laga keenay soo dhisto, laakiin waxa jirta fikrad kale oo ah
meel iskeed u dhisan. Taasi waxay tahay in la dhiiri geliyo maamulada
jira, sida Somaliland iyo Puntland, Bay iyo Bakool. Dhibaatadu waxa
weeye in Qaramada Midoobay ay marwalba ilaaliso riyo ah midnimada
Somalia, taasi oo aan ahayn wax haatan jira. Dhibaatada kalena waxa
weeye Itoobiya waxa ay safiir u dirsatay Muqdisho, halkaasi oo ay
dawladeedu la daala-dhacayso inay xukunto dhulkeeda, laakiin Hargeysa
kuma laha Safiir, halkaasi oo ah meel nabad ah 12-kii sannadood ee ina
dhaafay. Markaa miyaan la odhan karin waxa la dhiiri geliyaa kuwo aan
jirin, halkii laga dhiiri gelin lahaa kuwa nabada samaystay?
J: Aan tilmaamo tan. Waad saxsan tahay, Somaliland waxay ahayd jasiirad
nabdoon tobankii sannadood ee u dambeeyay. Beesha caalamkuna halkii ay
ka aqbali lahayd siyaasadeeda dabnaha ayay ka xidhatay, waxaanay ku
jirtaa xaalad ah eeg oo sug Hargeysa iyo Somaliland. Waxaanay isku
dayaysay inay gacan siiso kuwa Somalia burburinaya ee dagaal oogayaasha
ah. Laakiin taasi macnaheedu maaha in aanay beesha caalamka arkin amaba
aanay si kale ugu lug lahayn oo aanay isku dayaynin inay Soomaalida ku
dhiiri geliyaan inay iyagu xalistaan dhibaatooyinkooda. Iyaga ayaa ka
masuula run ahaantii inay bedelaan xaaladda haatan ee uu dalkoodu ku
sugan yahay. Waxa aad sheegtay inay beesha caalamku dawlad dusha kaga
keentay Somalia, halka ay taasi ka soo horjeedkeeda ka tahay. Labadii
sanadood iyo badhkii u dambeeyay ay qaybaha kala duwan ee Soomaalida,
culimaa’udiinka, hogaamiyayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada
bulshada, oo ay ku jiraan in badan oo ka mid ah dagaal oogayaashu waxay
u dhaqaaqeen inay wada hadal iskugu yimaadaan, waxaanay Soomaalidu
samaysatay dastuur ku meel gaadhka ah, kaasi oo lagu soo dhisay dawlad,
baarlamaana lagu dhisay. Tani waa isbedel. Ta labaad waxa dhacay intii
lagu jiray xagaagii, waxa la qaban qaabiyay shirweyne socday 45 maalmood,
oo ay iskugu yimaadeen in ka badan 2000 oo qof ayaa haddana Muqdisho
iskugu yimid, kuwaasi oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo debadiisa,
waxa ay soo jeediyeen talooyin badan, kuwaasi oo aan iyagana la
dhayalsan karin. Waxaana talooyinkaasi oo wax ku ool ahaa loo gudbiyay
baarlamaanka, kuwaasi oo iyaguna ansixiyay, waxaana haatan loo soo
gudbiyay dawladda sidii ay u dhaqan gelin lahayd. Waxa kaleoo haatan
tegay Ra’iisal Wasaare Geedi, waxaananu rumaysanahay in haatan la isku
diyaarinayo dawlad cusub sidii loo soo dhisi lahaa, dhismaha nabaduna
wuu sii socon doonaa.
Su’aasha Somaliland, waan kugu raacsanahay in gebi ahaanba la dayacay,
inkasta oo ay dadkan (reer Somaliland) isku dayayeen inay dhisaan
gobolkooda. Waa inay helaan taageero. Laakiin qaddiyadda Somaliland iyo
Somalia inteeda kaleba waxa xaqiiqo ah in ay Soomaalida laftoodu tahay
cid xalin karta dhibaataddan. Qofna ma horjoogsan karo waxa ay dadka
reer Somaliland doonayaan. Wax walibana waxay ku xidhan yihiin wada
hadal, xalka Somaliland-na waxa loo fasiran karaa inuu ku xidhan yahay
Somalia inteeda kale. Qaddiyadda Somaliland-na laguma xalin karo xoog
iyo qalalaase toona. Waa inay wada hadal la galaan oo ay waajahaan
su’aasha meesha taala inay dib ula midoobaan Somalia. Waan kugu
raacsanahay in aanay Somalia markale dib u midoobayn sidii ay awal ahayd”.
La soco qaybo kale oo uu Wasiirku kaga hadlayo arrimo kale oo ku saabsan
Somaliland iyo Somalia, Ereteriya, ONLF iyo waxyaabo kale.
Diyaarad Ah
Nooca Ciidamada Oo Aan La Garanayn Oo Habeen Hore Waaberigii Ka
Degtay Magaalada Berbera |
Berbera, November 27, 2007(Haatuf) – Diyaarad ah nooca
ciidamada ayaa habeen hore waaberigii ka degtay garoonka diyaaradaha ee
magaalada Berbera, halkaas oo la sheegay in ay ku rogtay alaab aan
nooceeda la aqoonsan oo kortoon ku jirtay.
Diyaaradan ayaa waxay garoonka soo fadhiisatay xili lagu jiray gelinkii
dembe ee habeenimada, wakhtigaasi oo aanay garoonka ku sugnayn cid ka
mid ah shaqaalihii madaarka, waxaase keliya goobtaas ku sugnaa sida ay
wararka sheegeen saraakiil ka socotay hay’ada sirdoonka qaranka, kuwaas
oo ka markoodii horena ka soo kicitay dhinaca magaalada Hargeysa, isla
markaana alaabtaasi isla goobtii kula wareegay, iyaga oo u soo qaatay
dhinaca Hargeysa, soona saaray gaadhi xamuul ah oo noociisu yahay Dyna
ama shaamboo-xayraana.
Diyaaradaasi ayaa sida ay sheegeen dad goob-joogayaali waxay garoonka
Berbera shalay ka kacday 8:00 subaxnimo, isla markaana waxay dadkaasi
xaqiijiyeen in diyaaradaasi ahayd mid ciidan, balse aanay garanayn cida
lahayd ama halka ay ka timid, iyada oo aan alaabta ay sidayna cid
aqoonsatay jirin ama baadhayba. Waxa kale ay dadkaasi sheegeen in
diyaaradani dhowr jeer oo hore ay xiliyadaasi dambe ee aanay madaarka
cidi joogin soo fadhiisatay, isla markaana qalab aan la aqoonsan ku
dejiyeen. Wali ma jirto cid sheegtay oo ka tirsan dhinaca
xukuumada shixnada ay siday diyaaradaasi iyo hay’ada loo keenayba, balse
waxay dadku isweydiinayaan ujeedada ay diyaaradan uga soo degi weyday
Madaarka magaalada Hargeysa oo muddooyinkan dambe isagu shaqeeya, kadib
markii laydh loo soo sameeyey, goor habeenimo ahna shaqeeyay oo ay
isticmaalaan diyaaradaha shirkadaha dalku leeyihiin.
Yusuf Cabdi Gaboobe, Jamaal Cabdi Gaboobe, Axmad Cabdillahi Jire iyo
Maxammad Cabdillahi waxay tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadi Marxuum
Siciid Oomaar Rooble oo ku geriyooday magaalada London. Waxaanay ilaahay
ka baryayaan inuu marxuumka jannadi ka waraabiyo; ehelkii iyo qarabadiina
samir iyo iimaan.
Inna Lillah Wa-Inna Ilayhi Raajicuun.
Ciidanka Amniga
Boorama Iyo Maamulka Waxbarashada Oo U Hawl-galay Qab-qabashada
Dabley Tacshirad Huwisay Dugsi Lagu Muransanaa Gacan Ku Hayntiisa |
Boorama, November 27, 2007 (Haatuf) -- Maamulka
Waxbarashada iyo ciidanka amniga ee ka hawlgala Boorama ayaa ku
guuleystay inay debciyaan xiisad ka dhalatay gacan ku haynta dugsi ka
mid ah dugsiyada ku yaalla degaanka Boorama, halkaas oo shalay kooxo
hubaysani tacshiirad ku rideen kulan lagula kala wareegayey dugsigaasi
maamulkiisa.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, murankan oo ka dhashay cidda masuulka ka noqon doonta maamulka
iyo ilaalinta dugsigaasi oo ku yaalla degaanka Hayayaabo ee galbeedka
Boorama, ayaa dabley hubaysani rasaas ku rideen maamulka waxbarashada
iyo dad kale oo ku sugnaa dugsigaasi kaddib markii ay ka biyo diideen
cidda masuulka ka noqon doonta dugsigaasi.
Sid ay shalay weriyaha u sheegeen guddoomiyaha waxbarashada Gobolka
Awdal Daahir Maxamuud Xaddi iyo taliyaha saldhigga Booliska Boorama,
Muuse C/laahi Hanfi, ciidanka iyo maamulka iyo waxbarashada oo is wata
ayaa aakhirataankii ku guuleystay inay soo qabqabtan dableydaasi oo la
sheegay inay ahaayeen saddex qof isla markaana laga qaaday qoryihii ay
wateen kaddibna la xidhay.
Maamulka iyo taliska saldhigga ayaa waxa kale oo ay sheegeen in
dhacdadani oo ahayd mid ashkhaas u hiilinayey gabadh laga guursaday
aanay cidi wax ku noqon murankii dugsigaasina halkaasi ku dhammaaday
kaddib markii ay xallinta khilaafkiisa ka qaybqaateen Maamulka Gobolka
Awdal, kan degmada Boorama iyo madaxdhaqameedyo kale oo degaankaasi.
Dhinaca kale waxa shalay Boorama Booqasho hawleed ku yimi wefdi ka
socday Hay'adda Save The Children ee dalka Denmark oo ay horkacaysay
haweenay ka tirsan guddiga fulinta ee hay'addaasi. Guddoomiyaha
waxbrashada gobolka Awdal, Daahir Maxamuud Xaddi ayaa weriyaha Haatuf u
sheegay in ujeedada booqashada wefdigani tahay mid xaqiiqo raadis ah
isla markaana hay'addaasi ku hubsanaysay sida ay u hirgaleen
mashaariicdii dhinaca waxbarashada ee ay gacanta ka geysteen.
Top
Kumaanyaal Neef
Oo Adhi Ah Oo Ka Gudbay Soohdinta Djibouti Iyo Somaliland Lana
Filayo Inay Kuwa Kale Ka Gudbaan Kaddib Markii Laga Qaaatay Cashuuro |
“Waxan Djibouti Ku Haysanaa Qiime Gaadhaya 46 Doolar Neefkiiba" Mid Ka Mid
Ah Dilaaliinta Adhiga
Boorama, November 27, 2007 (Haatuf) – Kumanyaal neef oo adhi ah ayaa
shalay ilaa habeen hore ka gudbay soohdinta Somaliland la leedahaay
dalka Djibouti kaddib markii halkaasi ay muddo ku xanibeen ciidamada
qaranka ee ka hawlgala jiidda xeebaha Galbeedka.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dilaaliinta adhiga oo sheegtay haatan
inay ku sugan yihiin maxjarka ama sayladda xoolaha lagu kala iibsado ee
Djibouti gudaheeda ayaa dhinaca kale waxay muujiyeen sida ay shirkadda
adhiga ka ganacsata ee Somaliland u xanibtay suuqii xoolaha, isla
markaana ay shaqo la'aani ugu dhacday dad badan oo reer Somaliland ah.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, nin ka mid ah Raggaasi, oo ka gaabsaday in la magacaabo, ayaa
isagoo weriyaha Haatuf u waramaya yidhi; “Waxa xalay [habeen hore] ilaa
maanta [shalay] soohdinta Somaliland la leedahay dalka Djibouti ka soo
gudbay in ka badan 13 kun oo neef oo adhi ah, adhigaas oo ka kala yimi
Soomaaliya, Somaliland, Itoobiya iyo meelo kaleba, kaas oo ah adhigii
lagu kala iibsan jiray Harta Sheekha, ee Berbera ka dhoofi jiray.
Adhigaasi iyo aniguba naftayada ayaanu uga soo cararay Berbera, halkan
[Djibouti] ayaan ka shaqaynaa isla adhigii aanu Berbera kaga shaqayn
jiray. Adhyaha ilaa xalay soo galay waxa ciidanku ka qaateen lacag
cashuur ah oo dawladda iyo ciidankuba isku bahaysteen oo ah afar Doolar
neefkiiba. Hase yeeshee adhiga maanta ilaa berrito ka soo galaya
dalkeena ayaa tiradiisu gadhaysaa ilaa 20 kun oo neef, waxana isla
maantaba lagu kordhiyey cashuurtii afarta Doolar ahayd ee aanu shalay
bixinay oo la yidhi shan doolar bixiya, taas oo loo macneeyey in halka
doolar ee lagu daray la siinayo ciidanka qab qabtay adhiga, ee na
ciqaabay inta kalena la siinayo dawladda dadkeedii iyo xoolaheediiba
laga soo duubay dalkii aanu u dhalanay. Ilaahay wuu nooga hiiliyey
cashuurtaasi iyo qiimahaasi Berbera oo maanta neefkiiba waxa naloo
joogaa 46 doolar, halkii Berbera uu ka ahaa 36 doolar, oo aan daba
joogno dad ajnebi ah si aanu noloshii aanu Berbera ku haysanay. Adhiga
Somaliland ee laga keenay halkani waa kii Harta Sheekh lagu kala iibsan
jiray, waxana muuqata in guud ahaanba xoolihii Soomaalidu halkan isugu
yimaaddeen, macal adhigan la sheegayo in Berbera shirkadda Carbeed ka
soo rarato."
Ardaydii Ka
Baxday Kulliyada Sharciga Ee U Horeysay Oo Ku Biirtay Ururka
Qareenada Ee SOLA |
Hargeysa, November 27, 2007 (Haatuf) – Dufcadii 1-aad ee dhamaysatay
Kulliyadda Sharciga ee Jaamacada Hargeysa, ayaa shalay ku biirtay ururka
qareenada Somaliland ee SOLA.
Waxaana sidaa lagaga dhawaaqay xaflad balaadhan oo shalay ka dhacday
Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, xafladaas oo ay ka soo qayb-galeen
sharci-yaqaano ka socda guddida fulinta ee SOLA ardayda dufcadii ugu
horeysay ee ka baxday kulliyada sharciga, macalimiinta iyo masuuliyiinta
kulliyada sharciga ee Jaamacada Hargeysa, gudoomiyaha guddida shuruucda
golaha wakiilada, wakiilo ka socday axsaabta qaranka iyo marti sharaf
kale.
Munaasibadan waxa hadalo ka hadlay sharci-yaqaano, kuwaas oo hadaladooda
ku sheegay in baahida sharci ee dalka ka jirta uu midawgani wax ka tari
karo, isla markaana sharciyaqaanada ku biirey ururka SOLA ay xoojin iyo
wax ka bedel ku keeni doonaan ururka, taas oo horseedi doonta in la helo
urur sharciyaqaan oo daboola ama ka talo bixiya muranada sharci iyo
daldaloolooyinka sharciga.
Ku-simaha guddoomiyaha ururka SOLA C/raxmaan Ibraahim Caalin (Ilka-case)
oo ugu horeyn halkaas hadal ka jeediyey ayaa u mahad-naqay ka soo
qayb-gelayaashii, isla markaana waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan
yahay midowga ururka SOLA iyo garyaqaanada dufcadii u horeysay ee ka
baxda kulliyada sharciga ee jaamacada Hargeysa, kuwaas oo tiradooda ku
sheegay 19 arday, waxaanu k/simaha gudoomiyuhu intaas ku daray in ururka
kale ee qareenada ee la yidhaahdo Gargaar aanu ahayn mid iyaga ka fog,
ayna dhici doonto maalin ay isku yimaadaan oo ay midoobaan.
Mar k/simaha gudoomiyuhu ka hadlayay waxqabadka ururka SOLA waxa uu
sheegay in xubnihii ugu badnaa ka mid ahaayeen guddidii dib u eegista
shuruucda dalka, guddidaas oo uu sheegay inay abuureen hay’ada UNDP iyo
wasaarada caddaaladu, sidoo kale waxa ururku si mutadawacnimo ah uga
hawl-galay muwaadiniin badan oo jeelasha rumaan ugu jirey.
Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay xoghayaha guud ee ururka SOLA
Maxamed-Siciid, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay midowgan, kaas oo
uu xusay inuu isagu qof ahaan muddo badan ka shaqaynayay, isla markaana
uu isku dayay inay midoobaan ururada qareenada Somaliland, midowgan
maantuna wuxuu ii yahay buu yidhi farxad weyn. Waxa kale oo uu sheegay
xoghayuhu inuu ku rajo weyn yahay in xubnaha ururka SOLA ay shirweyne
isugu yimaadaan, si buu yidhi xubnahan cusub ee ururka ku soo biirey ay
hogaanka ururka uga mid noqdaan.
M/siciid waxa uu ka warbixiyey kaalinta qareeno ahaan iyo ka urur ahaan
ee ku aadan inay dalka ka qaataan, isagoo hoosta ka xariiqay in qareenka
doorkiisu aanu ahayn oo kaliya qareenimo ama qof kasta difaaco,, balse
waxaa uu tilmaamay inay tahay door ka qaataan arin sharci kasta oo dalka
ah, sida muranada sharci, toosinta iyo talo ka bixin arimaha sharc,
iyada oo buu yidhi ay hay’ad kasta dawli ama aan ahayn shirkadaha
ganacsiba ay u baahan yihiin cid dhinaca sharciga ka caawisa samayntiisa
iyo talo ka bixintiisaba.
Waxa isna halkaas ka hadlay Xuseen Axmed Caydiid oo ku hadlayay
qareenada ku biirey ururka SOLA ee ka mid ahaa dufcadii 1-aad ee
kulliyada sharciga Jaamacada Hargeysa ka soo baxday, waxaanu mahad-naq
balaadhan u jeediyey masuuliyiinta iyo xubnaha ururka SOLA, sida ay ugu
soo dhoweeyeen ururka inay ku soo biiraan, isla markaana amaanay tacabka
ay si geliyeen ururka ee ay uga dhigeen meel lagu soo hiran karo.
Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Qar. Aadan Cilmi, Qar. Jaamac
Shabeel, Md. C/raxmaan Dheere oo ah guddoomiyaha gudida shuruucda
wakiilada, Prof. Aadan X. Cali oo ka socday kulliyada sharciga ee
Jaamacada Hargeysa.
Ugu dambayntiina waxaa xafladaas soo xidhay maayar xigeenka caasimada
Maxamed C/laahi Uurcade, oo isna ka mid ahaa qareenada ku biirey ururka
SOLA.
Deeq Qalab
Waxbarasho Ah Oo Loo Qaybiyey Qaar Ka Mid Ah Dugsiyada Degaanka
Boorama |
Boorama, November 27, 2007 (Haatuf) – Mid ka mid ah ururada waddaniga ee
ka hawlgala degaanka Boorama ayaa deeq buugaag iyo qalab waxbarasho
isugu jira u qaybiyey dugsi hoose oo ku yaalla tuulada Jirjir oo
qiyaastii 15km Boorama ka xigta dhinaca Galbeed.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, dugsigan oo ay ku jiraan in ka badan 135 arday, ayaa waxa
deeqdan gaadhsiiyey urur samafal oo loo yaqaan Ururka Horumarinta Jirjir.
Munaasabad deeqdan lagu siinayey ardayda dugsigaasi oo ay ka soo
qaybgaleen maamulka dugsigaasi iyo maamulayaasha ururka, xubno ka socday
wasaaradda waxbarashada, madaxdhaqameedyo iyo marti-sharaf kale ayaa
waxa ka hadlay Cheif Caaqil Cabdilaahi Diiriye Samatar.
Caaqilku waxa uu ardayda iyo macallimiintaba u sheegay in deeqdan
qalabka waxbarasho ah loogu talogalay sidii ubadkeenna beeraha iyo
xoolaha ku eega degaankani waxbarasho u heli lahayeen sidaa darteedna
loo baahan yahay inay qalabkaasi ka faa’iideystaan.
Xoghaya Ururka Deeqda bixiyey oo la yidhaahdo Cabdi Cismaan Dhegoweyne,
ayaa sheegay in Deeqdan oo ah tii ugu horreysay ee ardaydani hesho ay
tahay mid la doonayo in ardayda lagu dhiirrigelinayo inay wax bartaan
maadaama meeshu ay tahay baadiyena, ay dhinaca kale xoolahooda ka
raacdaan ama beeraha ka qotaan.
Maamulaha dugsigaasi oo isagu warbixin ku saabsan dugsigaasi halkaa ka
jeediyey ayaa waxa uu ururka Horumarinta Jirjir uga mahadceliyey deeqda
qalabkaasi, waxana uu uga mahadceliyey oo kale mushaharka ay siiyaan
saddex macallin oo dugsigaasi wax ka dhigta, halka dawladduna ay hal
macallin siiso mushaharka, sidaa darteedna waxa uu wasaaradda
waxbarashada ee gobolka ka codsaday inay kordhiyaan taageerada dugsiga
ee dhinaca macallimiinta, isla markana dugsiga lagu daro dugsiyada
gobolka ka dhisan ee ardayda lagu quudiyo inta lagu jiro waxbarashada.
“Goormuu
Weriyihii Noqday Cadow Hubaysan Oo Soo Weeraray Wadanka, Maxayse
Tahay Baahida Keentay Xeerkan Saxaafada Ee Cusub”
Gudoomiyaha SNM, Muj. Xasan Ciise Jaamac |
Hargeysa, November 27, 2007(Haatuf) – Gudooomiyaha Ururka SNM Mujaahid
Xasan Ciise Jaamac ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay xeerka cusub ee
ay xukuumadda Rayaale dhawaan u ansixisay in lagu dhaqo saxaafadda
madaxa banaan ee Somaliland, isla markaana ay u gudbisay golaha
Wakiilada, waxaanu sheegay in xeerkani uu yahay mid gebi-ahaantiiba lagu
cabudhinayo xoriyada iyo madax banaanida saxaafadda dalka ee dastuurku
jideeyay gaar ahaan wargeysyada madaxa banaan ee dalka oo u xusay in
awoodii oo dhan uu gacanta u gelinayo wasiirada warfaafinta iyo
maaliyadda.
Muj. Xasan Ciise wuxuu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay ka soo
saaray Hargeysa, waxaanu Mujaahidku xusay in aanu suxufigu u baahnayn
xeer lagu dul buuxiyo, balse keliya ay saxaafaddu u baahan tahay
nidaamin.
Mujaahid Xasan Ciise waxa uu hoosta ka xariiqay oo isweydiiyay maxay
tahay baahida keentay in xeer cusub loo samaysto saxaafadda, qoraalka
gudoomiyaha SNM waxa uu isaga oo dhammaystiran u qornaa:
“Nin Gunti Waxa La Moodaa inuu wax qarsanayo, dawlad gunti xuna
hadalkeedaba daa’.
Waa Maxay Baahida keentay xeerka saxaafadda ee cusub?
Xeerka saxaafadda ee cusub ee ay xukuumadani daabacday laga heli maayo
qodob odhanaya saxaafadda ayaan cabudhinayaa. Laga heli maayo saxaafadda
madaxabanaan ayaan tirtirayaa. Laga heli maayo tifaftirayaasha iyo
weriyayaasha aan ii guul wadayn ayaan xabsiga u taxaabayaa. Sababta oo
ah xeer laga helaaba ma jiro adduunka. Bil cakis dawladaha adduunka ugu
xun ayaa sharciga u qorani uu aad u qurux badanyahay.
Su’aashu markaas ma aha sharcigani si wada fool xun ma u qoranyahay.?
Su’aashu waxa weeye xukuumadan aynu arkaynaa sidee ayay u isticmaali
kartaa xeerkan.? Sharcigani ma bixinayaa fursado ay xukuumadan oo kale u
fasiran karto inuu u banaynayo talaabooyin liddi ku ah madaxbanaanida
saxaafadda Somaliland? Jawaabtu waa HAA!.
Xeerka saxaafadda ee cusubi, waxa uu awood aan caadi ahayn siinayaa
wasiirka warfaafinta. Guud ahaan wargeyska aanu fasax siinin soo bixi
maayo, saxafiga aanu kaadhka suxufinimada u ogolaanina ma shaqayn karo.
Xeerkani waxa kale oo uu awood la yaab leh siinaynaa wasiirka maaliyadda
oo kormeer ku yeelanaya maamul hoosaadka wargeysyada. Waxa ah wax lala
yaabo in xeerkani odhanayo weriyaha wadaniga ahi ruqsad ha u qaato inuu
u kala safro wadanka uu u dhashay gudihiisa. Weriyihii ma waxa uu noqday
cadow hubaysan oo soo weeraray wadanka? Qofka shisheeyaha ah ee VISA-ha
dalxiiska ah ku yimaada dalka ayaa sharci u leh inuu sida uu doono u
mushaaxo wadanka.
Xukuumadan yaa u sheegay in saxaafaddu xagga sharciga ay kala mid tahay
hawlaha kale ee xalaasha ah ee wadanka ka socda.? Weriyuhuna uma baahna
xeer cusub oo lagu dul buuxiyo, mar haddii uu isna sharciga ula mid
yahay muwaadin kasta oo kale. Waxa keliya ee ay saxaafadu u baahantahay
waa nidaamin, Sida nidaamka oo la sii hagaajiyo looga baahanyahay meelo
kale oo badan, mar haddii aynu nahay wadan soo koraya. Taasina waxa ay
in badan ku timaadaa dawladda oo ku dhiirisa cidda hawsha ku gudo jirta
inay samaystaan nidaam ay dadka iyo dalkaba ugu sii adeegaan.”
Top
Xukuumadda
Somaliland Oo Mar Kale Ku Celisay In Aan Dalka Lagu Soo Geli Karin
Baasaboorka Imbagaati |
Hargeysa, November 27, 2007 (Haatuf) – Xukuumada
Somaliland ayaa mar kale ku celisay in aan madaarada dalka iyo dekedaha
dalkaba lagu soo geli karin baasaboorka iyo waraaqaha socdaalka ee
dawladda Imbagaati, isla markaana cidii ku timaada dib looga celinayo
dalka.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal war-saxaafadeed oo uu shalay
warbaahinta u qaybiyey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo
Gaadiidka Cirka Cabdi Cali Obsiiye.
Qoraalka warsaxaafadeedkaasi agaasimuhu soo saaray oo daba socday hadal
dhowaan ay xukuumada Imbagaati ka soo yeedhay oo odhanayay in dadweynaha
Somaliya ay ku dhoofi karaan oo kariya waraaqaha iyo baasaboorka dawlada
Imbagaati kali ah ama ay xajka ku taki karaan, balse waxa
warsaxaafadeedka wasaarada duulistu shalay soo saartay qoraalkiisa oo
dhamaystirani u qornaa sidan:
“Waxaa loo sheegayaa dadweynaha reer Somaliland iyo adduunweynahaba in
madaarada iyo dekedaha Somaliland lagaga dhoofi karo passport-ka
Somaliland ama Passport-kii hore ee cagaarnaa ee Somaliya oo kaliya,
Somaliland guddo iyo dibadba lama ogola in lagu yimaado madaarka iyo
dekedo.
Somaliland passport-ka iyo waraaqaha lagu dhoofo ee Imbagaati waa ka
mamnuuc, sidaas darteed cidii ku timaada dalka waa lagu celinayaa”.
Wasiirka
Waxbarashada Oo Soo Saaray Amar Uu Ku Joojinayo Aasaaska Jaamacado
Cusub |
Hargeysa, November 27, 2007 (Haatuf) – Wasiirka
Waxbarashada Somaliland Xasan X. Maxamuud Warsame ayaa soo saaray amar
qoraal ah oo nuxurkiisu yahay in wakhtigan xaadirka ah aan la ogolayn
aasaasida Jaamacado Cusub oo dalka laga aasaaso, isaga oo taas wasiirku
sabab uga dhigay in Jaamacadaha maanta dalka ka jiraa dabooli karaan
baahida hadda jirta ee Jaamacadeed.
Sidaana waxa uu wasiirku ku sheegay qoraal uu shalay ka soo saaray
magaalada Hargeysa, waxaanu wasiirku qoraalkiisa ku xusay in aan la
ogolayn aasaasida jaamacado cusub ilaa dib loo qiimeeyo baahida
waxbarashada sare ee dalka, lana hirgeliyo guddidii tacliinta sare,
sidaas darteed waxa uu muwaadiniinta ku talo jirta aasaas jaamacado
cusub u soo jeediyey inay hantidooda ku maal-geliyaan dugsiyo farsamo
iyo kuwo xirfadeed oo baahi balaadhan loo qabo.
Qoraalka wasiirku na soo gaadhsiiyeyna waxa uu isaga oo dhamaystiran u
qornaa sidan:
“Dib-U-Eegida Aasaasida Jaamacadaha:
Wasaaradda Waxbarashadu waxay mahad iyo bogaadin u soo jeedinaysaa
muwaadiniinta reer Somaliland ee doonaya in ay jaamacado ka aasaasaan
dalka, taas oo ka turjumaysa dareenkooda wadaninimo, isxilqaan dheerad
ah. Hase yeeshee waxa dhamaan dadka soo codsaday in ay jaamacado
aasaasaan iyo kuwa ku talo jira la ogeysiinayaa in aan waqtigan xaadirka
ah loo ogolayn aasaasida jaamacado cusub ilaa dib loo qiimeeyo baahida
dalka dhinaca waxbarashada sare, lana hirgeliyo (Commission for Higher
AEducation).
Waxa kale oo aan ku kalsoonahay in ay jaamacadaha maanta jiraa dabooli
karaan baahida hadda jirta.
Dhinaca kale, waxaan muwaadiniintan u soo jeedinaynaa hantida ay
jaamacado ku samayn lahaayeen in ay ku maal-geliyaan dugsiyo farsamo iyo
kuwo xirfadeed, kuwaas oo baahi balaadhan oo ka badan kuwa jaamacadaha
loo qabo.
Mar-labaad waxaan idiin soo jeedinaynaa mahad iyo bogaadin balaadhan”.
Top
Wakiilada Oo
Gudda Galay Dooda Xeerka Miisaaniyada Ee Ay Curiyeen |
Hargeysa, November 27, 2007 (Haatuf) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa
fadhigoodii shalay ku guda galay dooda xeerka miisaaniyada qaranka oo ay
guddida dhaqaalaha golaha wakiiladu soo sameeyeen, kadibna ay golaha
horkeeneen nuqulka xeerkaasi miisaaniyada todobaadkii hore, fadhigii
doraadna ay gudidu warbixinta xeerkaasi golaha ka soo jeediyeen.
Fadhigan shalay oo uu gudoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada Md. C/raxmaan
Cirro ayaa waxa madasha fadhigaas doodaha xeerka miisaaniyada qaranka ka
qayb-galay mudanayaal kooban, kuwaas oo doodahooda si guud ugu abaarayay
38-ka qodob ee xeerkaasi ka kooban yahay, iyagoo inta badan doodahooda
iskaga aragti ahaa xeerkan ay guddida dhaqaaluhu soo curisay inuu yahay
mid baahi weyn looga qabay habka diyaarinta iyo odoroska miisaaniyada
qaranka.
Ugu horeyn Md. Maxamuud Axmed Obsiiye oo isagu doodiisa halkaas ka
dhiibtay ayaa ku doday “Runtii xeerkan miisaaniyada qaranka ee ay
guddida dhaqaaluhu soo curiyey waa mid baahi weyn loogu qabay soo
diyaarinta miisaaniyada, waxaanan soo jeedin lahaa in golaha wakiiladu
yeesho xafiis gaar u ah samaynta arimaha miisaaniyada qaranka, isla
markaana xeerkii xadaynta mushaharka goleyaasha qarankana si dhakhso ah
loo soo dhamaystiro, sidaas darteed waxaan soo jeedin lahaa in xeerkan
miisaaniyada goluhu ansixiyo”.
Md. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale ayaa isaguna ku dooday “Xeerkan
miisaaniyadu waa mid uu qaranku u baahnaa, waxaanse soo jeedin lahaa in
xeerka lagu cadeeyo in kaydka dhaqaale ee qaranka u yaalaa uu
miisaaniyad kasta ka muuqdo, si loo ogaado kaydka xisaabeed ee qaranka u
yaala, hadyadaha gaarka ah ee masuuliyiinta dawlada lagu gudoonsiiyo
dalalka dibada ahna waa in xeerka lagu soo daro qaabkii lagu ogaan lahaa
hay’adaha gaarka loo siiyo”.
Ugu dambeyntii waxa isaguna halkaas doodiisa ka dhiibtay Md. Maxamed
Xuseen X. Ciise, waxaanu ku dooday in xeerkan miisaaniyada baahi weyn
loo qabay, sidaas darteedna goluhu ansixiyo sharciyadiisa.
Top
ODHAAHDA
AKHRISTAH: Dawlad Mas’uul Ah Oo Dadka Matasha |
Qore: Ahmed Arwo
(RESPONSIBLE AND REPRESENTATIVE GOVERNMENT) QORMADII KOWAAD
Taariikhda aadmiga iyo hab nolaleedka loogu baahday maamul dawladeed,
waxuu soo maray qarniyo badan oo xoog loogu taliyo, dhaca iyo dilkuna
yahay dhabada loo maro xukun ummadeed. Waxa talada si xooga ula wareegi
jiray ninka ugu cududa weyn, oo noqda mid aan ogolaan cid awoodiisa la
qaybsata. Waxa uu dadkiisa ka dhigi jiray addoon, aqbal keen ah.
Maskaxda keliya ee talisaana waxay ahaan jirtay tiisa.
Waxa Illaahay soo diray rasuullo iyo nebiyo bulshada bara hab maamul
wanaaga iyo in loo baahan yahay bulsho ku dhaqanta cadaaladda, maskaxdu
taliso oo cududa la xakameeyo, iyagoo sharciga Eebbe soo bandhiga oo sax
iyo qalad kala saara. Waxayna ay Illaahay ka keeneen inaan xaqu lumen,
cidda gardarro iyo fal xumo la timaada, haddaan ifka lagaga jarin in
xisaabta aakhiro dambeyso. Waana amuur wax badan ka yaraysay dulmigii
taagnaa. Waxaana la aaminsan yahay in cabsida Illaahay iyo xisaabta
aakhiro dambiyo badan baajisay ilaa maantana ay tahay tiirka ugu weyn ee
xakameeya awood sheegadka aadmiga oo ay hagto islaweyni, kibir iyo
shaydaan-addeec.
Inta badan aadmigu ma raacin dariiqa toosan, Waxayna noqdeen dar
shaydaan iyo kibir xaqa ka indho-saabo. Waxaana marwalba meel walba ka
unkamay dagaal oogayaal midiidin ka dhiga shacbigooda, oo maal iyo
moodba badheedh u xalaashada. Waxa bilaabmay nidaamka dagaal oogaha oo
xoogaysatay deedna isu rogay boqortooyooyin hab dhaqankoodu ka fogeyn
kii dagaal oogaha.
Halgankii taariikhda aadmiga oo dhabadaas holaca iyo dulmigu jiifo soo
martay, waxa in badan samo-talisku sameeyey kacdoon ay ku doonayaan
samatabixin iyo hab nolaleed nabad iyo cadaalad dhalin kara. Waxa leysku
raacsan yahay in kolka laga yimaaddo nebiyadii Illaahay soo diray, in
dawladdii islaamka ee Khulafada afarta ah ee Abuubakar ugu horreeyey, ay
tahay dawladdii ugu horreysay ee muujisay mas’uuliyadda iyo inay
horseedo danaha guud ee dadweynaha. Waxa hore u jirtay in maamul
magaalooyin ka tirsan Giriigii hore iyo Romankii ay xiliyada qaar hab
sifahaas oo kale lihi ka dhashay, ma se ay noqon mid dal dhami ka
hirgalay.
Waxa bilaabantay fikradda ah in la helo dawlad mas’uul ah oo dadka
matasha. Haddaan mataal gaaban u soo qaadano nidaamkii uu Abuubakar
unkay, waxa aan cidi ka murmeen inuu noqday Hogaamiye dawladeed, kii ugu
horreeyey ee mushar go,an loo sarjaro, iyadoo taasi ayna ka badnayn mid
u dhiganta oon dhaafsanayn nolasha danyartu ku nooshahay. Lacagta
dawladda waxaan mushaharkiisa ahayn gacantiisa ma soo gelin. Sidoo kale
ayey raaceen khulafadii ka dambeysay.
Dhinaca shuurada amba la tashiga oo ah sifaha ah dawlad dadka matasha,
waxa xiligaas jiray nidaamka dhaxaltooyada ee boqorada, haddaba
Rasuulkeena Maxamed SCWS, ma marin tubtaas, ee waxuu uga tegay in si
wado tashi ah ay asxaabtiisu ku doortaan cidda hoggaanka islaamka
qabanaysa. Dareenka Abuubakar ee mas’uuliyadda, waxa laga dheehan karaa
qudbadda taariikhiga ah ee uu akhriyey, kolkii xilka loo dhiibay. Taas
oo noqotay middii ugu horreysay ee nin madaxi dadkiisa u muujiyo in
xilka ay iyagu u dhiibeen, iyaga u hayo, iyaguna ka qaadi karaan.
Aan si kooban u soo qaadano qudbadii Abuubakar Al-sadiiq Illaahay raali
ha ka noqdee, waxuu yidhi:
“Dadweynow idinka ayaa i doortay oo Madaxdiina iga dhigay, inkasta oo
aanaan ka fiicnayn mid qudha oo idinka mid ah. Haddaan wanaag sameeyo i
taageera, haddaan qaldamo i toosiya.
I maqla, runtu waa daacadnimo, beentuna waa daacad-darro.
Dhankeyga ka idiinku itaalka yar ayaa ugu itaal roon, ilaa inta aan
xaqiisa siinaayo. Kan idiinku xoogga badan, dhankeyga ayaa ugu itaal yar
ilaa inta aan ka qadaayo xaqa cid kale leedahay.
Haddii laga leexdo addeeca iyo tubta Eebbe, waxaa Illaahay innagu soo
dejin doonaa dhib iyo fool xumo. Haddii dadku noqdo qaar xumaan falga
caadaysta, waxa innagu soo degi doonta dhib iyo masiibooyin aan laga
waaqsan.
I addeeca oo i maqla inta aan addeecaayo oon hayo tubta Illaahay iyo
Rasuulkiisa. Haddaan taas ka leexdo I diida oo waxaad xor u tihiin
inaydaan i maqlin ina addeecin …”
Bal akhristow u fiirso dareenka mas’uuliyadeed ee Abuubakar, bal ku dul
naso miisaanka uu siinaayo tixgelinta dadweynha uu matalaayo, bal
qiimeeya sida kibir iyo faan uga madhan yahay, bal dhugo culayska uu
siiyey caddaaladda oo uu hiil ugu noqday cid kasta oo itaal yar, bal
fiiri sida cid kasta oo awood sheegatay uu u itaal tiray si uu xaq
darrada uga joojiyo, ee aanu cidna uga habran xaqqa. Bal cabir ereyga
runta ee uu ku mataaneeyey cadaaladda, iyo beenta oo uu ku sidkay
cadaalad-darada. Bal qadari sida uu isagu xidhay wanaag falka iyo adeeca
madaxda, iyo sida uu u bayaamiyey inaan qalad iyo wax ka baxsan
shareecada lagu raacin.Waa qudbad ninka mas’uuliyad ummadeed u
tafaxaytaa wax ku qaadan karo.
Maqaalkan oo hordhac u ah taxane aan ku eegi doono dariiqa dheer ee hab
dawladeedka lagu tilmaamo mid mas’uul ah oo dadka matala (Responsible
and Representative Government), waxa si dul xaadis ah aan ugu soo mari
doona habkan casriga ah iyo dimuquraadiyada, anigoo miisaan gaar ah siin
doona dalkan Ingiriiska oo barlamaankiisa lagu naaneyso Hooyada
Barlamaanada. Mawduucan oo aad u ballaadhan oo mug weyn, waxaan u soo
bandhigi doonaa hab fudud oo ku habboon inay bulsho weyntu fahmi karto,
si waxtarkeedu u baaho, oo aynaan ku koobnaan aqoonyahanka iyo
indheergaradka, kama se tagana inay u faa’iideyso aqoonyahanka aan
fursad u helin dhugashada mawduucan. Waxayna fure u noqon kartaa
siyaasiinta xilalka kale duwan haya, iyo inta laabta ka jecel.
Waa inoo maalin kale iyo hulasho fikradeed, Insha Allah.
Ahmed Arwo, Cardiff, U.K
Maxay Ku Wada
Socdaan Rayaale Iyo Xaabsade? |
Qore: Xildhibaan Cabdiraxman Yuusuf Cartan Muuqaalka
Laascaanood Ee Sanadkii 2002
Waxa Laascaanood ka dhisan maamulka Somaliland oo heer gobol iyo degmo,
waxa dhisan ciiidan bilays iyo ciidan Qaran oo ku gaashaaman baabuurta
teknikada oo ay ku qoran tahay astaanta ciidanka qaranka Somaliland,
waxa xafiisyada dawladda oo dhan ka babanaya calanka Somaliland .
Dhinaca bari ee magaalada waxa ku sugnaa booliska puntland ee loo yaqaan
daraawiishta oo ka koobnaa odayaal hawlgab u badan oo ahaan jiray
booliskii Soomaaliya oo aan wax agab dawladeed haysan oo deganaa guri
laba qol ka kooban.
Waxa kale oo sanadkaas ka oognaa Laascaanood isku dhac halis ah oo
faraha ka baxayey oo ka dhexeeyey beelaha Fiqi-shini iyo Reer Cilmi iyo
beelaha Jaamac Siyaad iyo Naalaye Axmed.
Hargeysa: 2dii September 2002
Markay taariikhdu ahayd 2/9/2002, waxa Hargeysa ka gurmaday si ay u
bakhtiiyaan dagaalada sokeeyey ee faraha ka sii baxayey rag tiradoodu
gaadhayso 70 kana kooban salaadiin, xubno golaha guurtida ah,
siyaasiyiin (u badnaa mucaaridka), aqoonyahan iyo culimaau’diin ka soo
jeeda dhammaan beelaha reer Somaliland (aan reer Sool ku jirin). Kadib
markii Ilaah ku guuleeyey daminta fidnadii, waxay akhyaartaasi bilaabeen
sidii ay si kama danbays ah reer Sool ugu soo dabbaali lahaayeen
xayndaabka Somaliland , ugana qaybqaadan lahaayeen doorashooyinka
golayaalsha deegaanka oo ku muddaysnaa 15kii Diisambar 2002, iyo
Madaxtooyada oo ahayd 14kii Abriil 2003.
Markii ay akhyaartaasi joogeen Laascaanood in ka badan 78 habeen (2
bilood iyo 18 cisho) ayaa Madaxweyne Rayaale amar ku bixiyey inay
odayaalshu si deg deg ah u soo afjaraan hawlaha ay Laascaanood u joogaan.
Isagoo amaray inay si toos ah u yimmaaddaan madaxtooyada si ay
Madaxweynaha u wada afuraan (waxay ahayd Ramadaan).
Laascaanood 19 November 2002
Inkastoo ay odayaalsha fajiciso ku noqotay amarka madaxweynaha ee aan
sababysnayn ee ay Laascaanood kaga soo baxayaan, amarkaas waa ay jiibeen
xubnihii guurtida iyo salaadiinta badankoodii. Taasi waxay keentay in
arooryadii 19kii bilsha Nofembar oo maalin Ramadaan ah inuu weftigii
suluxa ahaa ka kolonyaysto Laascaanood si ay isla maalintaas ula afuraan
Madaxweynaha.
Hargeysa 23kii November 2002
Rag badani waxay filayeen inay Laascaanood dib ugu noqdaan si ay u soo
dhammaystiraan hawlshii qiimaha lahayd ee ay halkaas ka bilaabeen.
Haseyeelshee, waxa soo baxay warar sheegayey in wefti wasiiro ka koobani
ay odayaalsha Laascaanood u daba-marayaan, markii odayaalshu arrintaas
maqleen ayay madaxweynaha wax ka weydiiyeen, wuxu odayaalshii u sheegay
in aan arrintaas waxba ka jirin.
Waxase cid walba af-kala-qaad ku noqotay, markii ay ka soo wareegtay
afar cisho intii odayaalshu ka sokeeyeen Laascaanood oo ku beegan
23/11/2001, inuu Hargeysa ka ambabaxo wefti wasiiro ka kooban oo uu
hoggaaminayo Cabdillahi Dareewal ayna ka tirsan yihiin Liibaan Ducaale
Casayr, Saleebaan Cali Koore, Xasan Cabdi Khayre, Axmed Bootaan Daaniye.
Weftigaasi dareen ayuu ku dhaliyey reer Sool iyo dadka kaleba. Taasi
waxay keentay in markii ay Wasiiradaasi gaadheen meel u dhow tuulada
Adhi-caddeeye ay weerartay maleeshiyo halkaas deganayd. Halkaas waxa ku
dhintay nin deegaankaas ka soo jeeday. Arrintaasi weftigii wasiirada
khalkhal ayay gelisay taasoo keentay in wasiiradii Sool u dhalshay ay
Laascaanood ku galeen si qardo-jeex ah, kuwii kalena ay dib ugu soo
noqdeen magaalada Caynaba halkaas oo ay ku xanibnaayeen muddo shan
maalmood ah. Waxa weftiga lagu cadaadiyey in qiimo kasta ha ku kacdee ay
Laascaanood hore ugu maraan.
Markii ay Laascaanood isugu tageen, warbixintii ugu horraysay ee
wasiiradu Rayaale siyeen waxay ahayd, “dadka iskaa daayo xitaa xoolaha
ayaa Somaliland taabacsan”.
Taasi waxay keentay in saqdii dhexe, maalin Jimace taariikhduna tahay
6/12/2002, ay Hargeysa ka boqoolaan wefti balaadhan oo uu hoggaminayo
Madaxweynuhu. Safarkaasi wuxu dhacay iyadoo qaar ka mid ah wasiiradii
Laascaanood ku sugnaa si gaar ah kula taliyeen in Madaxweyuhu safarkiisa
Laascaanood ka fiirsado.
Laascaanood: 7dii December 2002
Weftiga Madaxweynaha waxa la socday ciidan xooggan oo ku qalabaysan
saanad iyo gaadiid casri ah. Weftiga waxa la dejiyey guri u dhow
sadhigga ay deganaayeen ciidankii Somaliland ee Laascaanood hore u
deganaa, kaas oo u xil saarnaa sugidda ammaanka guud ee magaalada iyo
gaar ahaan agagaarka guriga weftigu degan yahay.
Garoowe: 7dii December 2002
Safarka cir ka soo dhac ah ee Madaxweynuhu ku tegay Laascaanood waxay
dhafoor taabad ku noqotay maamulka Puntland, gaar ahaan Axmed Cabdi
Xaabsade oo isagu ahaa wasiirka Daakhiga Puntland. Wuxu soo diray laba
baabuur oo tekniko ah oo uu ku amray in weftigaasi aanay nabad ugu hoyan
Laascaanood. Waxad moodaysay in werarkaasi uu quminayey muraadkii
Rayaale ka lahaa Laascaanood.
Laascaood 7dii December 2002
Imaatinkii madaxweynuhu waxay Laascaanood ku abuurtay cabsi iyo cadho.
Sababtoo ah weftigii guurtida iyo salaadiintu niyada samida badan
dhalisay waxa ka danbeeyey safarkan kediska ah ee aan ulajeedadiisa la
iclaamin. Wax aan wanaagsanayn ayaa dadka u soo uray waxana la sugayey
inay wax dhacaan. Wixii la sugayey ma raagan, waayo markii weftigii
madaxweynuhu, ay iyagoo gataati dhac ah ay maryo-furteen oo garamo iyo
macawiso uun la xidhay (gelin danbena ay tahay) ayay rasaastu dhinaca
walba ka reentay. Waxa la kala garan waayey rasaastii ay ridayeen
ilaaladii weftiga la socotay, tii ciidankii qaranka iyo rasaastii
ciidanka soo duulay. Anfariirkii ayaa nin wasiirada ka mid ahi
madaxweynihii isku duubay si uu ula baxsado sidaasna jujuub loogu saaray
mid ka mid gawaadhidii gelbinaysay. Si halhaleel iyo habqan ah ayaa
looga baxay magaaladii, qaar badan oo weftigii ka mid ah ayaa halkii
lagaga cararay, wasiiro iyo wariyeyaal weftiga la socday oo markaa suuqa
ku sugnaa ayaa laga tegay, kaloonyadii madaxweynaha iska daa cid ay la
hadalsho eh, iyadoo aan koob shaah ah cabin ayay ka soo huleelshay
Laascaanood. Rafaad iyo qarda-jeex kadib, firxadkii weftigu waxay
habeenimadii yimmaaddeen magaalada Caynabo.
Burco 8dii December 2002
Markii laga war helay in madaxweynihii dagaal ku qabsaday Laascaanood,
intii horena la waayey meel uu ku sugan yahay, dadweynaha reer
Somaliland aad iyo aad bay uga cadhoodeen waxayna u arkayeen ihaanad.
Haseyeelshee aad ayaa loo nefisay markii laga war helay in madaxweynihii
isagoo nabad-qaba Caynabo yimid.
Dareenka dadka Burco iyo Hargeysa oo kacsanaa daraadeed, waxa
madaxweynaha lagula taliyey in aanu Hargeysa dib ugu noqon ee inta
cadhada dadku degayso uu safar aan hore loo qorshayn ugu baxo Sanaag.
sidaas ayuuna yeelay.
Go’aandii ka dhashay safarkii Rayaale ee Laascaanood ee 2002
• In maamulkii Somaliland ee Laascaanood loo soo raro Caynabo
• In ciidankii qaranku iyo booliska laga soo saaro Laascaanood dibna
loogu soo raro magaalada Oog
• In maamulkii Puntland si buuxda ula wareego gacan-ku-haynta
Laascaanood.
Ma u eg tahay in waxa loo dam iyo dig lahaa ay mid qudhay ahayd: inaan
sanaaduuqdii doorashada la dhigin Laascaanood,waana lagu guulaystay.
Laascaanood 15kii October 2007
Ka dib markii uu Ciidanka Qaranka Somaliland muddo shan sano ah ku
sugnaa jiidda u dhexaysa tuulooyinka Oog iyo Adhi-Caddeeye, ayaa dagaal
aan muddo badan qaadan uu Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyo
Beeleed ka amar qaadata Mudane Dhakool iyo Xaabsade ay gacanta ku
dhigeen Laascaanood.
Taasi waxay keentay in markii ugu horraysay laga qaxo Laascaanood. Waxa
kale oo ay midaysay Garaadadadii iyo Duubabkii dhulbahante kuwaas oo
Boocane ka soo saaray mawqif adag oo Somaliland diid ah.
Mar hore iyo iminka toona, qabasashada Milateri ee Laascaanood ma
wehelin tallaabooyin siyaasi ah oo lagu hananayo dadka miisaanka ku leh
dhulkaas. Maamulka Somaliland ma lahayn qorshe siyaasi oo uu dejiyey
muddadii shanta sano ahayd ee ay ciidamada labada dhinac isku hor
fadhiyeen duleedka Laascaanood. bilcakas, waxa masuuliinta Somaliland ka
soo yeedhaya weedho iyo awaamiir wax sii kala fogaynaya ay ka mid ahayd
in la xidhayo dadkii ka qayb-galay shirka Boocane.
Kaalinta Masuuliyiinta Reer Sool
Ka dib markii Laascaanood ku dhacday gacanta Somaliland , waxa halkaas
loo diray dhammaan xubnaha beelsha dhulbanahate kaga jira golayaasha
qaranka, (Wakiilada, Guurtida, Wasiirada), masuulintaasi markii ay
Laascaanood galeen nin kastaa wuxuu magaalada ka galay dhinicii
ardaagiisu magaalada ka deganaa, cid ay wax u sheegaan ama qanciyaan ama
hawlgal kale oo siyaasi daayoo is-aragoodii ayaa adkaaday. Taasi waxay
keentray inay si degdeg ah uga soo yaacaan Laascaanood.
Waa ay jirtaa tabashooyin dhinaca masuuliintaas ka soo yeedhaya oo ay ku
tiraabayaan in aan madaxweynuhu markii horena talada qabashada
Laascaanood kala tashan markii danbena aanu si wanaagsan ula ballamin
una ambabixin, wax arrin ah oo ay dadka ula tagaana aanu u sii dhiibin.
Intii ay Laascaanood joogeena waxa boorsada u hayey Siciid Sulub iyaguna
dad marti ah bay u ekaayeen. Taasi waxay marag ka tahay ujeedada xadidan
ee madaxweynuhu ka leeyahay qabashada Laascaanood.
Masuuliinta ka soo jeeda gobolka Sool, dad faro ku tiris ah uu ka mid
yahay Mudane Dhakool ayaa madaxweynaha dagaalka la abaabulayey. Mudane
Dhakool waa xubinta keliya ee Madaxweynuhu u igmaday qorshaha qabsashada
Laascaanood, isaga ayaa abaabualayey, maleeshiyo beeshiisa ah, kharashka
iyo saanadda dagaalka daabulayey ahaana xidhiidhiyaha Rayaale iyo
Xaabsade.
Mar kale ayaa Mudane Xaabsade ka muuqdaa sawir uu Rayaale muraadkiisa ku
qunsanyo, iyadoo iminka loo marayo “xoraynta” Laascaanood, maleeshiyada
beelshiisuna tahay tan hor boodaysa ciidanka qaranka.
Maxay wadaagaan ka bixitaankii Laascaanood
10 Diisambar 2002 iyo qabsashadeedii 15kii Oktoobar 2006?
1. labada jeerba Rayaale ayaa kursiga ku fadhiya
2. labada jeerba muddaddi madaxtinimadiisu gabaabsi bay ahayd oo waxa ka
hadhasanayd maalmo faro-ku-tiris ahi
3. labada jeerba waxa la kulaalayey doorashooyinkii loogu tartamayey
awoodda dalka
4. labada jeerba hormoodka mucaaridadu wuxu ahaa xisbiga Kulmiye oo
Axmed Siilaanyo hoggaaminayo.
10kii Diisambar 2002, markii maamulka Somaliland laga soo raray
Laascaanood waxa doorashadii deegaanka ka hadhsanaa 5 cisho keliya, tii
madaxtooyadana afar bilood.
1. Madaxweynhu wuxu si xarafad leh uga hortegay in wax sanaaduuq ah la
geeyo Laascaanood isagoo ka baqayey in raggii la tartamayey ay kaga cod
badtaan, sidaas daraadeed wuxu door biday in gobolka Sool loo hibeeyo
Puntland.
2. 15kii Oktoobar 2006 ayay ciidamada Somaliland qabasadeen Laascaanood
iyadoo muddadii madaxtinimadii Rayaale gabaabsi tahay, wareegii labaad
ee doorashadana ay ka hadhay bil iyo badh deegaanka iyo shan bilood oo
tii madaxtooyada.
3. madaxweynuhu mar labaad ayuu go’aansaday in mushkilada Laascaanood
ahaato farsamo uu xukunka ku sii joogo wuxuna aaminsan yahay in:
a) haddii maamulkiisu ku guulaysto fara-ku-haynta Laascaanood inay taasi
madaxweynaha ka dhigayso halyey, wax weyn uga tarayso in dib loo doorto
b) haddii lagu guul darraystona ay isaga faa’ido u tahay oo aanay
doorashooyinku qabsoomayn xilliyada dhaw ee soo socda. Wuxu se ilaawayaa
in arrinkan isaga iyo Somalilandba galaafan karo.
Haddii xaal sidaas yahay qabashada Laascaanood waxay u egtahay qadiyad
shariif ah oo ay hagayso ujeedooyin aan xalaal ahayni.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan,
Xubin G.Wakiillada Somaliland, Hargeysa. Top
Dhibaatada Ay
Madaxda Ciidammada Ahaa Ku Hayaan Dalalka Geeska Afrika, Waa Cudurka
Kaa Gala Fardaha Haddii Laga Gubo Dameer!!! |
Masaa’ibka qowm helaa, waa mid kale,
mahadiintiisa’e, Dawladihii Geeska Afrika, waxay gacanta u galeen niman
Ciidammada Dalalkaa saraakiil ka soo ahaan jirey, Dal kasta oo ka mid
ahna, waxa lagu xasuuqay boqollaal kun oo muwaadiniin ah ilaa laga soo
gaadhsiinayey talada kuwaan Alle, ku soo habaarey imika, ee Dalalkoodii
oo saboolnimo, horumar la’aan iyo nolo-xumo Bulsho la tiicaya, haddana
dhibaatooyin dagaal, xaalado nabad gelyo darro iyo shuruucdii Dalalkaas
oo ay ku tuntaan, ku caanka noqdey.
Kuwa ugu daran haddii aan soo qaadno, metalan aan eegno Melez Zinaawi oo
Itoobiya ah, Cumar Al Bashiir oo Sudan ah, Cabdillahi Yuusuf oo Somaliya
ah iyo Riyaale oo Somaliland ah. Itoobiya, waa Dal hodan ah, wabi iyo
bado fadhiya leh, waa dal dhul beereed aad u ballaadhan oo roobban leh,
tirada dadkaas oo dhawr iyo soddon malyuun kor u dhaaftey, haddii uu
helo Dalkaasi Dawlad qaanuun oo Aqoon iyo waxqabad leh, Adduunka iska
daaya Itoobiya’e ayey cunteysiin lahaayeen.
Sidaas oo ay tahay, Macdanta, shidaalka iyo Xoolaha noolina u dheeraan
lahaayeen. Nimcada intaa leeg Melez in uu ummadda u so saaro waxa uu ka
doorbiday in uu xasuuqo oromada, iyo Dadka killalka shanaad ku dhaqan ee
asalkoodu Somalilda yahay, waxaanu wax ku bartey jaamicaddii lafoole ee
Afgooye, Somaliya!! Shicibkiisii oo ka firdhanaya nolol xumada waa tan
budhcad badeedda Bugland, badda ku daadineysa ee Maydkooda xeebaha yaman
laga soo gurayo.
Haybaddii dhammayd ee Dawladda ugu Da’da weyn Afrika oo Itoobiya ahna,
shilimmo Mareykan siiyey oo uu eyga Mandaqadda ugu noqdfo ayuu siistey
taas oo dagaalka uu kaga jiro Muqdisho oo guul-darro ku dhammaan doona ,waqtiga
uu doono ha qaate, sababta oo ah – ummadna lagaga adkaan karin Dalkeeda
hooyo Gudihiisa ayuu dabka ciidankiisa jaba daba galaa, Addisababa, ka
soo jeedsan doonaa. Mustaqbalka madow ee ay Siyaasaddan Melez u dhigtey
Beeshiisa Tegreygu, waxay noqoneysaa , in sidii Beeshii Afweyne, badhna
hadowga Dabku leefo badhna qaxooti ku itaalaan, inta kalena riciyad u
noqdaan, Issias Afawerke oo ay Eriteriya u tallaabaan. Itoobiya mar kale
ayey sii burburi doontaa, oo waxa isugu hadhi doona Oromada iyo qbaa’il
ay Qotada, digoodi, Jaarso iyo kuwo yaryar oo kale.
Cumar Xassan Al Bashiirka Suudaan, wuxuu ku qabsadey Dalkaasi, inqilaab
milateri, wuxuu ku ballan qaadey waqtigii uu qabsadey in uu Maamulka
Rayid ku wareejin doono marka uu ka sifeeyo Dalka Maamul-xumada, musuqa,
nabad gelyadana sugo. Waxa mudan in la sheego, waxa uu si weyn wax uga
qabtey kor u qaadidda hab-nololeedki dhaqan dhaqan/dhaqaale ee Dalkaasi
, oo wuxuu soo saarey Batrool la dhoofiyo, lacagtii ka soo gashayna waxa
uu kaga fa’iideeyey wax soo saarkii beeraha, iyo warshadeyn ka dhalatey,
waxyaabaha laga sameeyo hoobada ka hadha safeynta batroolka, sida
xadiidka caagga, shamaca iyo waxyaabo kale. Waxase qaadey damac beeleed
oo qabaa’ilka cadcad ama midabka Carabta leh in uu ku xukumo beelaha
kale ayey kaga dhegtey, khayraadkii Dalkana uu ku koobey, Dibudhaca
koonfurta Sudaan ka soo jirey waa mid cunsuri soo ahaa qarniyo, sidoo
kale mushkiladda Darfuur inkasta oo ay tahay qaddiyad uu Maraykanku ku
dhabar garaacayo Sudaan oo uu ku cidhiidhsanayo in uu Shiinaha dibadda
ka dhigo, dhaqaalaha Suudaan ee uu isagu sheekha ka yahay imika, haddana,
waa mid uu Maamulka bashiir indhaha ka lailiyey Bulshada Dalka iyo
Dadnimadaba la wadaagta. Isku soo duuboo, Suudaan waa dal hodan ah,
shiodaal iyo webiba leh, warshado casriya iyo jaamacado Adduunka laga
qaddariyoba leh, waxase diley, sabooleeyey, janan wax dil la soo barey
oo u hamuumaya ee aan ummad sida loo dhiso aqoon.
Somaliya, Hawiye isaga oo ogaa waxa laga dhaxli karo sarkaal milateri oo
Afweyne sama diidowdiisii dhegohooda ka sanqadheyso, iyaga oo ogaa dhawr
iyo kontonka sarkaal ee Hawiye uu Cabdillahi Yuusuf ku diley Gobolka
Siidaamo, Dagaalkii 77kii markii lagu soo jabey, iyaga oo ogaa in ay
xerfadda qudha ee uu leeyahay tahay fidno oo aanu xasilin ilaa uu dhiig
faraha la galo, haddii uu qabaa’ilka kale ka waayona uu kuwiisa la dhex
galo, sida dagaalkii uu Cadde Muusahan wankiisa ah imika uu baqaha ugu
soo geliyey Somaliland, iyo Dilkii Suldaanka!! may dhacdeen haddii aanay
dad xumaanta u adeegaya waqtigan ahayn inay Xilka hoggaan u dhiibtaan.
Maantana waabay isa sii kabo raaciyeen oo Xeer-Ilaaliyihii Geelle ee
Maxkamadda Badbaadada Afweyne ayey Dawladdiina u dhiibeen. Habar dugaag
ayaa xamar beelihii Hawiye casuumad iyo Gogol ugu dhigeen, abalgudkooda
oo noqdey noqonna doona in ay lafohooda wadaagaan!! Yaa salaam sallim!!
Somaliland iyadu lix iyo toban sannadood ammaan ayey ahayd, waxase isugu
soo habar wacdey hadhaagii Nabadsugidda Afweyne, waxa keliya ay ay soo
kordhiyeenna waxa uu noqdey, Suuqyadii Harta sheekh ee Ganacsiga oo
Cirka marayaa inay Xidhmaan, Haamihii shidaalka qaranka oo komishan iyo
saamiyo lagula heshiiyo oo loo xidho Topotal, iyada oo Ganacsatadii
Dalku Maal iyo Aqoonba la joogo, Xoolihii dhoofi jirey oo Carab
Sucuudiya oo Saldhiggiisu yahay Djibouti iyo Jidda loo xidhay, si aan
xoolaha meelo kale oo Sayladaha Caalamka aan loo geyn, una sheegato
Djibouti in ay iyadu leedahay xoolahan!! Dekaddii Berbera oo laga
caydhiyey Ganacsatadii wax ka dhoofin jirtey ama kala soo degeysay
markii uu korneylka dhegaha Riyaale kaga marani kordhiyey cashuur aan
Gole Baarlamaan ansixin. Dalku qorshe qarameed horumarineed ma laha,
Golaha wasaradu lixdanka kor buu u dhaafay, dalka oo lix gobol ah
saddexba maamul lacageed u gooni ah ayey leedahay, oo Hargeysa Awdal iyo
Saaxil shilinka Soomalilad ayaa laga isticmaalaa, Sool, Sanaag iyo
Togdheerna shilinka Federaalka!! Idaacad Dalka laga wada dhegeysto ma
laha, Dhaqaale saddex Gobol kama soo xeroodo, ilihii Dakhliga Dawladda ,
ganacsato ayaa lagula heshiiyey badhkood, wasaaraduhu waa magac lagu
naasnuujiyo shaqaale aan Bulshada waxba u qaban ee Maamulka u adeega.
Haddana Dawlad Madax bannaan iyo Sumalow darbane loogaga heeso idaacad
yar oo aan Hargeysa dhinacna u dhaafin ayaa lagu maaweeliyaa!!
Ummaddan Geeska Afrika ku nooli haddaba, waxa ay kor Madaxa ugu qaadi
weydey, duri maskaxda kaga wada dhacay, kuwoodii aqoonta lahaana, in
dhaameelka dhulka loogu daadiyo, oo afarta suxulba ugu gurguurata iyo in
halgannadii ku dawakhdey ama ku geeriyootey ayey noqotey. Sidaas oo ay
tahay, haddana sida ay u itaalka daran tahay uma Alle la’a, ee hayska
sugto inta Eebbe, korreeye uu Dawada u soo dejinayo.
Dr. Cali Cabdi Muxumed, Hargeysa
Top
|