Somaliland: Munaasabadda Ciiddal Adxa Iyo Busaaradii
Ugu Adkayd Ee Soo Martay Taariikhda
BADHEEDHAHA
Dhacdooyinkii Somaliland Ee 2007
BOQRAN CEERIGAABO – Maanso
Somalia: Goobo Laga Ciidday Iyo Meelo
Aan Laga Ciiddin
Wasiirka Macdanta Oo Ka Been-Sheegay
Ujeedada Dhabta Ah Ee Uu U Tegay Xeebta Galbeed, Wuxuu Lacag Ka Soo
Qaadanayay Laba Markab Kalluumaysi Oo Cusub
Maxamed Dheere Oo Ku Dhawaaqay In
Ciidamada Bileyska Mbagathi Laga Saaro Muqdisho
“Markii Wax Kastoo Xukuumadda Aanu
Isla Qaadanaaba Nagu Noqdeen Foosto Gun La’, Ayaanu Go’aansanay Inaanu
Wada-Shaqayntii Hakino”
|
|
Somaliland: Munaasabadda
Ciiddal Adxa Iyo Busaaradii Ugu Adkayd Ee Soo Martay Taariikhda |
Hargeysa, December 20, 2007 (Haatuf) – Kumanaan ka mid ah dadweynaha ku
dhaqan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa iskugu soo baxay
aroortii hore ee shalay masaajidada waaweyn ee magaalada Hargeysa
tukashada salaadda ciida.
Waxa wadooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa lagu arkayay kumanaan
carruur ah oo gaadiidka kala duwan ee magaalada saaran iyo kuwa
lugaynayaba, kuwaasi oo ku lebisnaa dhar aad u qurux badan, ha
ahaadeen’e kuwo cusub oo carruurta ciidal Adxadda loo iibiyay iyo kuwo
loo maydhay dharkoodii horeba. Hase yeeshee, ciiddan ayaa waxaa muuqatay
busaarad aad u adag oo aan nooceedu taariikhda Somaliland hore u soo
marin, waxaanay qofkasta oo aad aragtaa ku dareensiinayay sida uu ula
yaaban yahay busaaradda dalka ku habsatay iyo hoos u dhaca dhaqaale ee
soo waajahay. Waxaana jirtay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu dalka
maansheeyay sicir-barar aad xad lahayn iyo hoos u dhac dhaqdhaqaaqa
lacagaha adag oo bulshada reer Somaliland in badan oo ka mdi ahi
noloshoodu ku tiirsan lacagta adag ee eheladoodu qurbaha uga soo diraan.
Duruufahaas oo jira, ayay munaasibadda ciidda barakaysan ee Ciiddal Adxa
ay soo gashay, waxaana si weyn loo dareemay inay ciiddani tahay mid ka
duruuf duwan ciiddii soon-fur ee u dambaysay.
In ku dhaw toban kun oo qof ayaa iskugu yimid Masaajidka weyn ee Jaamaca
Hargeysa, kuwaasi oo intooda badan laga dareemayay duruufaha dhaqaale ee
dalka ka jira, iyada oo aad arkaysay saddexdii qof ee aad aragtaba in
laba mooyaan’e aanu ka kale dhar cusub iibsanin.
Salaadda ciida ee Masjid Jaamica weyn oo uu ku tukado sida caadada ah,
waxa ka soo qayb gala ciid walba madaxweynaha Somaliland, waxaana loo
baneeyay meesha ku xigta Imaamka masaajidka, halkaasi oo aan loo ogolayn
inay dadka kale fadhiistaan, inkasta oo gudaha masaajidka intiisa kale
ay gebi ahaanba buuxday.
Abaaro 7:05 daqiiqo ayuu yimid, madaxweynaha Somaliland oo ay hareeraha
socdaan wasiiradda arrimaha debada, gudaha iyo saraakiisha ciidamada
ammaanka ee dharcadda ahi, waxaana masaajidka gudaha ula soo galay ugu
yaraan afar askari oo ay lababa dhinac madaxweynaha ka joogeen, iyaga oo
aan iyagu ka qayb gelin salaadda.
Afarta askari ee madaxweynaha la soo galay masaajidku waxay ku
hubaysnaayeen qoryaha loo yaqaano BKM, waxaanay laba taagnaayeen
hareeraha Imaamka, halka labada kalena meel la siman oo safka ku xiga
madaxweynaha ee xagga dambe taagnaayeen.
Ugu yaraan lix gaadhi oo nooca tiknikada ah iyo toban gaadhi oo bileys
ah ayaa madaxweynaha u soo gelbiyay, kana soo gelbiyay masaajidka uu ku
tukanayay, waxaana dhammaan wadooyinka min madaxtooyadda ilaa masjid
jaamaca weyn ee Hargeysa la daadiyay ciidan bileys ah.
Wadada madaxweynuhu u sii marayay masaajidka ayaa la iskugu daray dib u
habayn iyo weliba rushayn si aanu boodh ugu kicin haba yaraatee.
Markii salaadda ciidda la tukaday, waxa khudbad af-carabi ah akhriyay
Imaamka Masaajidka, waxaanu dadweynaha ugu baaqay in la sameeyo midnimo,
waxaanu yidhi. “Dadweynaha Somaliland, xukuumad, axsaab iyo golayaalba
waxa loo baahan yahay in sidii Ilaahay yidhi, gacmaha la is-qabsado oo
wanaaga la isku taageersado, oo aan la kala tafaraaruqin” ayuu yidhi
sheekhu.
Khudbadda Sheekha ka dib, waxa isaguna halkaasi hadal kooban oo duco ah
ka yidhi, madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin. Waxaanu yidhi.
“Waxaan salaam hambalyo iyo ducaba u soo jeedinayaa dhammaan shacbiga
Somaliland iyo dadyawga muslimiinta ah ee dunidaba, waxaanan Ilaahay ka
baryayaa inuu sannadka sannadkiisa inagu gaadhsiiyo barwaaqo, horumar
iyo nabad”.
Dhinaca kale, hay’adaha khayriga ah ee dalka ayaa iyaguna xaafadaha
dadka danyarta ah ee magaalada Hargeysa iyo cusbitaaladda u qaybinayay
adhi ay ugu soo qaleeyeen kaawaanka shirkadda Maandeeq gacanta ku hayso.
Waxa ka mid ahaa hay’adaha khayriga ah ee xoolaha qaybinayay mid
shisheeye ah oo magaceeda la yidhaahdo Cansuyu, oo warar is-khilaafsani
ka soo baxeen halka ay ka diiwaan gashan tahay iyo cidda maalgelisaba.
Sida ay Haatuf doraad u sheegeen laba nin oo shisheeye ah oo
magacyadooda ku kala sheegay Mohamoud Camaelli iyo Tamar Akar, waxa ay
hay’adoodu ka diiwaan gashan tahay dalka Georgia oo ku yaala qaaradda
Aasiya, xadna la leh Russia, halka ay saraakiishii wakiilka u ahaana ku
sheegeen inay ka diiwaan gashan tahay dalka Turkiga, iyada oo ay
hay’addani wadatay, calanka dalka Turkiga.
Hay’addani, waxay u qaybisay meelo kala duwan oo iskugu jira
cusbitaaladda iyo xaafadaha danyarta ah in ku dhaw 150 neef oo ido ah,
ka dib markii ay shalay gelinkii hore ugu soo qashay kaawaanka gawraca
Hargeysa, laakiin dhammaan adhiga ay bixisay hay’addani waxa uu ahaa
adhi dhedig oo wada riman.
Waxa kale oo ay hay’addani ku qortay boodhka marada astaanta u ah ee ay
isku sawirayeen qolyaha waday, magaca Somali, halkii ay kaga qori lahayd
Somaliland.
Inkasta oo aanu isku daynay in aanu masuuliyiinta hay’addan wakiilka u
ah wax ka weydiino arrimahaasi iyo cida maalgelisaba, haddana way ka
gaabsadeen inay wax war ah ka bixiyeen, ka dib markii ay ka xanaaqeenba
in wax laga weydiiyo arrimahaasi.
Sidoo kale, waxa jiray hay’ado khayri ah oo wadani ah oo iyaguna xoolo
ugu deeqay meelo kala duwan, sida danyarta xaafadaha magaalada iyo
cusbitaaladdaba.
Ciida sannadkan waxa ay kaga duwanayd kuwii sannadihii ina dhaafay
busaarad xad-dhaaf ah oo ka dhalatay, oo ka dhalatay qaasaawasalanka
sarifka lacagaha qalaad ee suuqyada lacag bedelashada magaalooyinka
dalka.
Dhinaca kale, Wasiirka xidhiidhka Golayaasha ,Mud.Cabdi Xasan Buuni ayaa
shalay dadweynaha gobolka kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal
Adxadda oo lagu kala qabtay goobo iyo masaajidyo kala duwan oo ku yaal
magaalada Boorama.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, Wasiirka iyo Guddooniyaha gobolka Awdal Maxamuud sh.Cabdilaahi
oo tukashada salaadda kaddib ereyo kooban u jeediyey dadweynihii kala
qaybgalay salaadda ciidda ,iyagoo labadaa masuulba ugu duceeyey
dadweynaha inuu Ilaahay ciidan ciiddeeda ku gaadhsiiyo nabad-gelyo,
barwaaqo iyo caafimaad , iyadoo dhinaca kalena dadweynaha faray wax
kasta oo wanaag ah ,isla markaana kula taliyey inay iska fogeeyaan wixii
ku keeni kara tafaraaruq.
Waa markii saddexaad ee wasiirka xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni
uu dadweynaha Boorama kala qaybgalo munaasabadahan oo kale ,halka
wasiirada kale ee Gobolkan u metela golaha wasiirada la arka uun marka
ay jiraan dareenno siyaasadeed iyo marka ay dano shakhsi u yimaaddaan
Boorama ,balse aanay fagaarayaashan barakaysan oo kale lagu arag .
Magaalada Boorama ayaa iyada munaasabadda ciidda barakaysan ee Al adxa
looga ciiday si ka hooseysa sidii looga ciiday ciiddii bisha soon fureed
ee aan soo dhaafnay ciiddan al adxa oo badi aanay ubadka iyo qoysasku
helin dhaqaale taas oo laga dareemayo labbiskooda ,kulannadooda ,iyo
xafladohooda farxadeed ,balse ciiddan waxa dhinaca kale la dareemi karaa
kor u kaca xafladaha aroosyada ,halkaas oo ay dhawrkii maalmood ee u
dambeeyeyba aanay gaadiidka sida laammanayaal isguursaday suuqyada
magaalada aad u dhex gaaf wareegayey.
Ciiddan ayaa sidoo kale aan shaqaalaha dawladda laga dareemin dhaqaale
gaar ah oo loo siiyey xaqal iid ,iyadoo dhinaca kalena ay qaarkood
waayeenba mushaarkii ay ku ciidi lahaayeen ,kuwaasoo iyagu mushaarkoodii
ugu deeqay degaanada Sool ee laga saaray maamul goboleedkii Puntland
maamulkiisii.
Magaaladda Berbera, ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa dadweynaha ku dhaqan
si weyn uga ciiddeen, iyaga oo tukashada Salaadda Ciidda ka sokow, isugu
soo baxay suuqyada, isla markaana ay meel fagaare ah kala hadleen
masuuliyiinta heer degmo iyo heer gobolba, waxana laga dareemayey xuska
iyo weynaynta munaasibadda ciidda barakaysan ee Ciiddal-adxa.
Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa iyana dammaashaadka
iyo farxadda munaasibadda ciidda kala mid ahayd magaalooyinka kale ee
dalka, balse aanay jirin masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ama axsaabta
qaranka oo dadweynaha la hadlay laakiin magaaladda Burco ayaa waxa si
weyn shalay looga dareemayay ciidda dadka oo isku salaamay "Ciid Mubarik
Macal Ciidayn". Waxa kale oo aad u badna Adxada oo inta badan dadka Reer
Burco shalay ay adxaysteen iyadoo maalmihii u danbeeyay Sayladda Adhiga
Burco ay aad u buux dhaafiyeen dadka iibsanayay Adhiga Adxada, qiimaha
neefkiina uu gaadhay $55dollar, dadweynaha Burco ayaa ku kala tukaday
goobo badan sida masjid jaamaca, garoonka kubada cagta, garoonka dugsiga
Maxamed Cali iyo meelo kale. Wax dhibaato ma jirin inkastoo jawigu ahaa
mid aad u qabow.
Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida Ceerigaabo, Laascaanood iyo
Gabiley ayaa iyagana si weyn looga xusay munaasibadda ciidda barakaysan
ee Ciiddal-adxada.
Ma Ninka Ceebta Sameeyey Ayaa Ictiraafka Hortaagan, Mise
Ka Ceebta Farta Ku Fiiqay? Sida la ogyahay xukuumadda
Madaxweyne Rayaale iyo xisbigeeda UDUB waxay ku cel-celiyaan weedha ah
“ictiraafka ayaa la hortaagan yahay”, iyagoo taa ku canbaareeya dhinacyo
ay ka mid yihiin qolyaha mucaaradka, Saxaafadda madaxa banaan iyo
shakhsiyaad kale oo si madax banaan uga hadla arimaha Somaliland,
waxaadna maqlayasaa masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB oo had
iyo goor ku hadaaqaya kelmado ay ka mid yihiin “KULMIYE ayaa ictiraafka
hortaagan, Saxaafadda ayaa ictiraafka hortaagan, hebel baa hortaagan IWM.
Isla markaana marka ay ciddi farta ku fiiqdo arimo car-qalad ku noqon
kara qaddiyadda ictiraafka Somaliland waxa caaddo u ah maamulayaasha
xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigeeda UDUB inay af-labadii
yeedhaan oo ay qaylo ka tollaan, iyagoo ku dhowaaqaya hayaay ictiraafkii
soo dhowaaday ayaa la horjoogsanayaa. Sidaa darteed su’aasha meesha taal
ee aynu maanta qormaddan ku fallan-qayn doonaa waxay tahay ma ninka
ceebta ictiraafka waxyeelaynaysa sameeyey ayaa ictiraafka hortaagan,
mise ninka ceebta farta ku fiiqay ee ka digaya arimaha car-qaladda ku
noqon kara qaddiyadda ictiraafka ayaa hortaagan?
Hadii aynu dib u yara jaleecno talaabooyin dhawr ah oo ay xukuumadda
Madaxweyne Rayaale qaadday sannadkan aynu ku jirno ee 2007, kuwaas oo
saamayn weyn ku yeeshay baadi-doonka qaddiyadda ictiraafka Somaliland,
talaabooyinkaas waxa ka mid ah: xadhigii ay xukuumaddu kula kacday
saxaafadda madaxa banaan, sida saddexdii suxufi ee reer Haatuf iyo ta
labaad oo ah talaabadii milateri ee ay xukuumaddu kula wareegtay ururkii
madaxa banaanaa ee SHURO-NET, ururkaas oo ay xukuumaddu u rogtay urur
dawladeed iyo ta saddexaad oo ah xadhiga lagula kacay hogaamiyayaasha
urur-siyaasadeedka iyo ta afraad oo ah la wareegiddii xarunta komishanka
doorashooyinka oo ay xukuumaddu iyadana kula wareegtay cudud milateri
iyo waxyaalo kale.
Falalkani waxay dhaceen xilli la rumaysan yahay inuu ictiraafka
Somaliland soo dhididayo oo ay dhegaha dadku maqlayaan bulaan badan oo
diblomaasiyadeeda oo ku saabsan ictiraafka Somaliland, taas oo
macneheedu yahay in la maqlay dhawaaqyo badan oo diblomaasiyadeed oo leh
“waa in qaddiyadda Somaliland hoos loo eegaa iyo Somaliland waxay mudan
tahay in la ictiraafo” , iyadoo weliba ay si badheedh ah u soo if-baxeen
kooxo ka trisan dawladaha waaweyn oo u ololaynaya sidii Somaliland loo
ictiraafi lahaa, sida kooxda mudanayaasha ah ee ka tirsan baarlamaanka
Ingiriiska ee la magac-baxay All Party Committee oo ka kooban saddexda
xisbi ee ugu waaweyn asxaabta dalka Ingiriiska (Conservative, Labour &
Liberal). Hase yeeshee sida ay farta ku fiiqayaan yeedha-yeedhaha
dhinaca diblomaasiyadda iyo tibaaxaha warred ee maalmahan soo baxayaa
waxa jira guux iyo saluug weyn oo ku saabsan hab-dhaqanka siyaasadeed ee
xukuumadda iyo saamaynta ay talaabooyinka caynkaas ahi ku yeesheen
firfircoonidii diblomaasiyadda ee ay kooxaha beesha caalamku ugu jireen
qadiyadda ictiraafka Somaliland.
Sida ay tibaaxeen warar ka soo baxay ilo xog-ogaal ah wufuudda ay
xukuumadda Somaliland debedaha u dirto, ee uu kow ka yahay wasiirka
arimaha debeddu waxay tan iyo bilihii u dambeeyey safarrada ay debedda
ugu baxaan kala soo guryo-noqonayeen weji-gabax, taas oo la sheegay inay
marka u horaysaba ka jawaabi kari-waayaan, marka la waydiiyo su’aalo ay
ka mid yihiin, maxaad siyaasiyiinta QARAN u sii dayn-waydeen, SHURO-NET
ka warama, xeerka cabidhinta saxaafadda ka warama, doorashooyinka ma
qabanaysaan iyo su’aalo kale oo muhim ah, taasina waxay sababtay inay
wufuudda Somaliland iyo ciddii ay muraadka u lahaayeen halkaa isla
dhaafi-waayaan.
Doodda kale ee muhimka ee iyana bilihii u dambeeyey miiska saarnayd
waxay tahay inay xukuumadda Somaliland soo bandhigto xisaab-xidh ku
saabsan miisaaniyadda dawladda iyo in la helo miisaaniyaddii rasmiga
ahayd ee ay golaha wakiiladu ansixiyeen, taas oo sida la sheegay aanay
maamulayaasha xukuumaddu Somaliland ilaa hadda jawaab wax shaafida ka
bixin , waayo sida la ogyahay beesha caalamka waxa ka soo yeedhay inay
Somaliland qorshaha dhawrka sannadood ee soo socda ugu deeqayaan lacag
gaadhaysa shan boqol iyo konton malyuun oo dollar (5, 50 million), taas
oo qorshuhu yahay inay gasho miisaaniyadda qaranka, laakiin waxa la
sheegay inay masuuliyiinta Madaxweyne Rayaale ilaa hadda ka war-wareegayaan
inay soo bandhigaan xisaab-xidh sax ahaa oo sannad-miisaaniyadeedkii
2006 iyo odoroskii rasmiga ahaa ee miisaaniyadda dawladda 2007, iyadoo
ay deeq-bixiyayaashu dunidu bixinta deeqda shardiga koowaad uga dhigaan
inaanu meeshaa musuqmaasuq ka jirin, hadii uu jirona horta laga suuliyo
inta aan waxba la siin, waxayse doodda caynkaas ahi miiska timi, iyadoo
la ogyahay inuu Madaxweyne Rayaale ganafka ku dhuftay inay xukuumaddiisu
ku dhaqanto miisaaniyaddii rasmiga ahayd ee ay golaha wakiiladu
ansixiyeen 2007, wuxuuna Madaxweyne Rayaale ku dhaqanka miisaaniyaddii
sharciga ahayd ee baarlamaanku xalaaleeyey ka door-bidday inuu dakhligii
dalka ka soo baxayey u kharash-gareeyo sida uu isagu rabo.
Dhawaaqyada had iyo goor ka soo baxa asxaabta mucaaradka ama waxyaalaha
ay saxaafadda madaxa banaani ka digto wax kale maahee waxay xukuumadda
Madaxweyne Rayaale ugu baaqaan ama uga digaan inay ka joogsato falalka
caynkaas ah, waxa kale oo ay ka digaan inay wax ka qabato dhaqamada
musuq-maasuqa ee ragaadiyey kobaca dhaqaale ee miisaaniyadda dawladda,
inay ilaaliso xuquuqda aadamaha, inaanay ku xad-gud-bin xoriyatul-qawlka
iyo xuquuqaha siyaasadeed ee mujtamaca ay xukuumadda u tahay, inay ka
joogsato xeerarka cabudhinta saxaafadda madaxa banaan, IWM. iyadoo la og
yahay in waxyaalaha ugu muhimsan ee ay beesha caalamku inoo soo jaleecdo
ama inoogu soo joogsato ay kow ka yihiin, abuuridda hab-dhaqanka
dimoqraadiyadda iyo hanaanka asxaabta badan, iyadoo ugu yaraan saddex
doorasho oo muhim ahi ay dalka ka dhaceen, taasina ay ka mid tahay
waxyaalaha ay beesha caalamku ku majeerteen Somaliland iyo sidoo kale
saxaafadda madaxa banaan ee dalka ka jirta.
Sida la ogyahay saxaafadda xorta ahi waxay qaddiyadda ictiraafka
Somaliland ku tuurtay meelo fog-fog oo dunida ka mid ah, isla markaana
waxay kow ka tahay meelaha laga hillaadiyo ee ay markhaatiga koowaad u
soo qaataan kooxaha u ololeeya iyo dawladaha danneeya qaddiyadda
ictiraafka Somaliland, laakiin xukuumadda Madaxweyne Rayaale waxa u
caado ah inay saxaafadda xorta ah ku eedayso inay ictiraafka car-qalladayso.
Tusaale ahaan nin ka mid ah hogaamiyayaasha asxaabta siyaasadda
Somaliland ayaa maalin maalmaha ka mid ah ku tiraabay “Somaliland u
burburi-mayso qof la xidhay”, laakiin weedha caynkaas ah waxa ka
fiicnayd isagoo yidhaahda “xukuumaddu waa inay xadhigga sharci darrada
ah ama xadhigga siyaasiga ah joojisaa”, waayo hab-dhaqanka caynkaas ah
ayaa qaddiyadda Somaliland dhimasho iyo dhaawac ku keenaya.
Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Haatuf ka tirsan, inmuddo ah-na socdaal debedda
ah ku maqnaa, isla markaana ka qayb galay shirar badan oo caalami ah
ayaa waraysi uu maalin dhowayd siiyey wargeyska Saxan-saxan ee Hargeysa
ka dayriyey inuu Madaxweyne Rayaale daacad ka yahay qaddiyadda
ictiraafka Somalland, wuxuuna yidhi “intii debedaha marayey waxaan soo
ogaaday inaanu Madaxweyne Rayaale daacad ka ahay qaddiyadda Somaliland
ee uu ajande qarsoon leeyahay, laakiin wixii faah-faahin ah ee arintaa
ku saabsana goorteeda iyo goobteeda ayaan caddayn doonaa”.
Hase yeeshee weriye ka tirsan wargeyska Haatuf ayaa maalin kale Yuusuf
Cabdi Gaboobe weydiiyey inuu faah-faahin ka bixiyo hadalka caynkaas ah,
wuxuuna ku jawaabay “horta waanigii idhi goorteeda iyo goobteeda,
laakiin waxa tusaale inoogu fillan sidii uu Madaxweyne Rayaale uga
dhego-adaygay codsiyadii faraha badnaa ee uga imanayey dunida ee loogu
baaqayey inuu ka joogsado falalka ka dhanka ah xuquuqda aadamaha iyo
cabudhinta saxaafadda madaxa banaan. Masalan waxa jiray wasiirro iyo
xildhibaan baarlamaan oo ka tirsan dawladaha waaweyn ee reer galbeedka
oo qorraallo u soo diray Madaxweyne Rayaale, qoraalladaas oo ku
saabsanaa cawaaqib-xumadda ay arimahaasi ku keeni karaan geedi socodka
qadiyadda ictiraafka Somaliland, isla markaana waxay uga digayeen
inaanay Somaliland noqon meel gacmaheeda ku burburisa wixii ay soo
qabsatay 17-kii sannadood ee la soo dhaafay, waxyaalahaas oo ay dunidu
ugu soo joogsatay, ayna ku heshay sum-cad weyn oo sababtay inay dalal
door ah oo dunida ah iyo kooxo door ah oo beesha caalamka ahi u arkaan
inay lagama maarmaan tahay in la ictiraafo Somaliland waxyaalaha ay
qabsatay awgeed, laakiin taa waxa wiiqay dhega-adayga ay xukuumadda
Rayaale ka dhego-adaygtay ciddii uu ictiraafka Somaliland baadida u ahaa”.
Yuusuf Jaamac Buraale oo ah diblomaasi weyn oo reer Somaliland ah, ayaa
isna isagoo maalin dhowayd ka hadlaya meel fagaare ah ka dayriyey
siyaasadda Madaxweyne Rayaale ee ku wajahan qaddiyadda ictiraafka
Somaliland.
Hadaba marka la isku dar-daro wararka isa soo taraya ee ka dayrinaya
qaabka uu hogaamiyaha dalku (Madaxweyne Rayaale) u waajaho qaddiyadda
ictiraa-raadinta Somaliland iyo falalka boogta ku noqday qaddiyadda
ictiraafka ee ay xukuumaddu ku kacday sannadkan aynu ku jirno, waxay
markaa su’aashu meesha taal noqonaysaa ma cidda leh ceebta inaga daaya
oo aynu wax hagaajinno ayaa ictiraafka hortaagan, mise xukuumadda sidaa
u dhaqmaysa ayaa hortaagan? Jawaabta waxay ila tahay idinka ayaa ku
fillan.
Dhacdooyinkii
Somaliland Ee 2007 |
Maxamed Cumar – Qaybtii 3aad
May 2007
Bishan May 2007da, waxay ka mid ahayd bilaha ugu xiisadaha daban lahayd
marka laga eego dhinaca siyaasadda dalka, iyadoo isla markaana ama
bishaasina ay dhaceen murankii ugu adkaa ee soo kala dhex galay
xukuumadda Rayaale, Golaha wakiilada, iyo axsaabta Mucaaradka.
Haddaba iyadoo ay badnaayeen dhacdooyinka bishaasi ee dhinacyada badan
leh ayaan soo qaadanaynaa oo keliya inta ugu muhiimsanaa ee saamaynta ku
leh siyaasadda, dhaqaalaha, iyo nolosha guud ee dalka.
Bisha May ee sannadkan ayaa waxa uu ku bilowday weerarkii ugu xumaa ee
madaxweyne Rayaale ku qaaday Golaha Baarlamaanka isla markaana uu
madaxweynuhu gaashaanka ku dhuftay talooyin ku saabsanaa Miisaaniyadda
iyo labadii xubnood ee komishanka ee baarlamaanku diiday ansixintooda.
May 6
Waxa la eryey wakiilkii shirkadda TDI ee isku xidhaysay isgaadhsiinta
telefppnada Soomaaliland ,iyadoo loo magacaabay masuul kale, wakiilka la
ereyey ayaala odhan jiray C/raxmaan Ibraahim Waaberi.
Waxa kale isla maalintaasi maxkamadda sare dhegeysatay dacwad u
dhaxaysay Komishankii hore ee qaranka iyo dawladda taas oo
aakhirataankii maxkamadda sare meesha ka saartay sharcinimada
komishankaa hore.
May 10
Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay nin lagu soo eedeeyey inuu
dilay maayarkii magaalada Ceel Afweyn, lana yidhaahdo Cilmi Ismaaciil
Yuusuf.
May 13
Dawladda ayaa diidday in adhi farabadan oo ku sugnaa dekedda Berbera ay
ka dhoofaan halkaasi.
Isla maalintaasi Shirguddoonka Baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in
Madaxweyne Rayaale uu baarlamaankii baabi’iyey, isagoo diiday
madaxweynuhu inuu aqbalo warqad ay u qoreen.
Isla Maalintaasi, Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa si foolxun ula
dhaqmay suxufiyiin iyo xubno ka socday ururada xuquuqal insanaaka ee
Shuro-net.
Isla maalintaasi Muj. Jidhif ayaa looga yeedhay maxkamadda gobolka
Hargeysa.
May 14
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo sheegay in wasaaraddisa laga dhigo
doono shirkad Private ah, iyadoo weliba heshiis la gashay shirkad la
yidhaahdo Intercel oo ay Shirkadda TDI keentay.
- Somaliland forum oo eedeymo usoo jeedisay maxkamadda sare iyadoo lagu
eedeeyey meel-ka-dhacyada xuquuqda muwaadiniinta.
May 16
Madaxweynaha oo magacaabay laba wasiir iyo wasiir ku-xigeen, kuwaasoo
kala ahaa wasiirka gaashaandhigga Cabdilaahi Cali Ibraahim, wasiirka
hiddaha iyo dalxiiska Cabdulcasiis Waaberi Rooble iyo wasiir ku-xigeenka
ganacsiga.
May 17
Madaxtooyada oo is hortaagtay maadays la dhigi maalinta xuska 18 May ee
la aasaasay Somaliland.
--Wafdi ka yimi Ghana oo caddeeyey inaanay aqoonsan doonin Somaliland.
---Maayar-xigeenkii Berbera oo geeriyooday
--- Wasiirka daakhiliga oo sheegay in qaraxyo ka dhacay Hargeysa aan
cidna loo qaban .
-- Booliska Hargeysa oo xidhxidhay afar dhallinyaro ah oo la sheegay
inay meel iska fadhiyeen.
May 18
-- Xuska munaasabadda Gooni isutaagga Somaliland oo lagu qabtay
fagaarayaasha dalka.
May19
-- Diyaarad aan la garanayn oo Hargeysa iyo Burco ku dul wareegtay
saacado.
--- Ururka Xuquuqal insaanka Somaliland Shuronet oo soo saaray bayaan
lagu caambaaraynayo guddiyada nabadgelyada ee dalka ka jira.
May 21
--Booliska saldhigga dhexe ee Hargeysa oo lagu eedeeyey inay boobeen
raashin deeq ahaa oo masaakiin loo qaybinayey.
May 23
-- Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Aadan Maxamuud Mire (Waqaf) oo ku
biiray xisbiga UCID
MAY 28
-- Wasaaradda caddaladda oo amar ku bixisay inaan la xusin maalinta loo
aqoonsaday maalinta ilaalinta xuquuqda insaanka ee Somaliland.
La soco…
BOQRAN
CEERIGAABO – Maanso |
Abwaanka Aadan Tarabbi Jaamac
Boqran, waa maanso uu curiyay Abwaanka wayn, ee Aadan Tarabbi Jaamac, oo
ka mida abwaanada fara kutiriska ah ee wadankeena ee magacoodu gaadhay
bulshada soomaaliyeed,maansadani waxay soo baxday 10.6.2007. Waxaana
dareenka Abwaanka ku dhaliyay mar uu xilliyadaas safar ku tagay
magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Aadan Tarabi waxa xusuustiisa ka
minguuri wayday sidii gobonimada lahayd ee loogu soo dhaweeyay magaalada
taas oo ku reebtay dareen ma guuraan ah. Sidoo kale Sanaag waa gobolkii
ay ku raad-dhaqaajisay maansada iyo hibada hal-abuurnimo ee Abwaan Aadan
Tarabi isaga oo joogay intii u dhaxaysay 1974-1978. Boqran waa cilmi
baadhis ku saabsan . Taariikhda gobolka Sanaag, Sifaynta dhaqanka
bulshada deegaanka iyo duco uu ku soo af-meerayo maansadiisa. Gobolka
Sanaag waa kobta ay ku aasan yihiin ummado badan oo Soomaali ah
awoow_yaashooda ay ku abtirsadaan, sida:
Sheekh Isaxaaq Binu Axmed
Sheekh Daarood Ismaaciil
Sheekh Ciise Binu Axmed
Sheekh Samaron Binu Siciid
Sheekh Gurgure
Sheekh Magaadle
Sheekh Ma-dhibe
Sheekh Aw-loo Bogay
Sheekh Dir & Sheekh Hawiye oo iyana ka tagay Sanaag
OROMO iyana wuu ku aasan yahay awow good waxaad xagga danbe ku arki
doontaa goobaha taariikhiga ah wixii aan katagayna dibbaan ka xusi
doonaa
Axmed baandayoow gabay
Ama maanso baabkeed
Murti baarigeediyo
Bacdhawgiyo ujeedada
Indhaweyd ba’laydaan
Baarkeeda fanan jiray
Baadilkayga kaydkii
Buuxayee Ilaah dhigay
Bishmahayga kama tirin
Laakiin badashadeediyo
Hibadii ballaadhnayd
Suugaanti kama bixin
Intaan lay bud-dhigin wali
Balse aan u noolahay
Buunka waan u sidayaa
Markay baaliiyowdaba
Boodhka waa ka tumayaa
Ilaahyna way baray
Balwadiyo jiiftada
Basar maanso leedahay
Ragbaa baqal jaraystee
Faras waa baroor godan
Sange booddo-dheerbaan
Hadba badhi cabsiiyaa
Ama baaldi sixinaba
Afartaa badweynti
Billaalahaan ka soo daray
Iyo badalligeedii
Caawana bildhaalay
Waxaan uga bullanayaa
Aan idiin bayaanshee
Bismillaahi kama tagin
Marka hore bannaan iyo
Dhulku waa bad iyo wabi
Iyo buuro ku qotoma
Balse Ceerigaabooy
Bugcaddaad ku taallaa
Boqran weeye magaceed
Soomaaliduba beerkiyo
Waa bog iyo wadanoo
Beertoodu waa shalay
Beesha Afrikaankuba
Tay ka soo baqooshaay
Badaw baynu nahayoo
Taariikh ma baadhnee
Beyaan lagu tix raacoo
Lagu baadi-dooniyo
Bays ganacsi baa jiray
Basra iyo Madduu naa
Isku beeb ahaayoo
Safarkeenu barigaa
Maser-buu u bixi jiray
Iyagaana badanaa
Iman jiray barteennaa
Moxorkeena bari iyo
Baalka gorayadeennaa
Bushcuradday sitaanbaa
Lagu kala badalan jiray
Dayib aan gaboobayn
Qurux lagu ballaysimay
Biri way jabtaayee
Biixi aan dillaacayn
Baxrasaafka dhamastaba
Bad-maaxiinta Suuriya
Doonyaha Bombaybaa
Baahidawgu iman jiray
Dawadaan baddelinee
Fircoon lagu baxnaanshee
Bal uu yahay sidii uu
Barigii uu noolaa
Baraxadday ka qaadeen
Intan weeye bariyee
Buntlaan laysku odhan jiray
Badheedhii asxaabtiyo
Baabii’ kufaartee
Badar lagu dagaalamay
Beeruhu Masagan bay
Barigaa ahaayeen
Badarkuna ka tagi jiray
Balaglaha gumaysiga
Buruud-jabi Islaamkiyo
Biqle-dhabashadiisaa
Afrikaanka Baynoow
Bam dayuurad weerari
Badhtankowgu tuurtana
Ba’ waw horaynoo
Waa bookhan Midhisheed
Biriijkii darwiishkii
Binadiidiisi baa taal
Booraamo dhaadheer
Bohalaysu wada furan
Hoostana bakhaar ah
Wada buuxabaa jira
Bidde-laa ye waa ceel
Balse Sayn-fardoodoo
Geed ka wada bullanaysoo
Jiidali ka baxaybaan
Booqashada la yaabaa
Baar-qab ceel ka doobshoo
Markay bogi u guul tahay
Berritiyo kalkeedii
Inta uu ka soo baxo
Buubsada golmoontoo
Badh markuu abaahiyo
Dib u gala biyiibaa
Buraan laygu sheegaa
Badhan iyo Hadaaftimo
Boqortooyo guunay
Berigaa ahaydoo
Iyagana wax badanoo
Bes u aasmay baa jira
God-x ardhane bilaashbaa
Loo baadhi waayee
Maxaa looga baqayaa?
Geel-weyt o balladhiyo
Inta baacay qodan tahay
Haddii lagu baraarugo
Baytimaalka hoos yaal
Waa lagala bixi laa
Barawixinta taariikh
Lagu soo bsn-dhigi laa
Buqda Wada-yaxeediyo
Batalladada Hareedeed
Bixin iyo Dayaxa iyo
Biya-dhacay ma aragteen
Farta lagu bayaanshee
Bari hore se lagu qoray
Waafle yaw baxaanbaxay
Baalayda duushee
Ka gudbaysa badahee
Shinbirahaysu baaqee
Ballantuw cayiman tahay
Buurtii Rab shiga baad
Boqran gaar u leedahay
Bulladiyo ciyaaraha
Shirbadiyo hoolibi
Hanna haybsan booddada
Bariyaa horyaal u ah
Boqollaal kun boqollaal
Boqollaal kun oo geed
Baarax iyo udgoon badan
Butureenku ka mid yahay
Tay ka wada baxeeneey
Hawwo lagu badbaadoo
Ruuxii bukaan qabay
Tuu kaga bogsanayaay
Baydida xijiga iyo
Buuraha dalxiiskiyo
Baro awliyaadlay
Xeeb baaxad waynoo
Badhkood uu dakado yahay
Biyo wada durdura baad
Boqran gaar u leedahay
Dooxooyin baadloo
Baalaadh gammaankiyo
U ah baro san xoolaha
Bana geelu daaqaad
Boqran gaar u leedahay
Hiddo lagu barbaariyo
Dhaqan aan burburinbaad
Boqran gaar u leedahay
Baydh yaqaan Abwaanoo
Baandheeya maansada
Suugaan yahan ku bili laad
Boqran gaar u leedahay
Billaawe-cadde geesiya
Baasaha colaadeed
Boqol aanay marin baad
Boqran gaar u leedahay
Bakhayl kaama dhalanine
Boqol-soore deeqsiya
Nin bartiisa hurabaad
Boqran gaar u leedahay
Wadaad been ma sheegaa
Diintaw ban-baxayboo
Baaliqoo af-tahanaad
Boqran gaar u leedahay
Birma-gaydo culusiyo
Aqoon-yahan bislaadoo
Wax u kala baxeeniyo
Boos waaya-aragaad
Boqran gaar u leedahay
Gabadh boqol halaadiyo
Iyo baar-qabkoodii
Lagu beegsadaayoo
Beel-deeq u dhalatoo
Basar iyo asluub loo
Biyo dahab la moodaad
Boqran gaar u leedahay
Barbaartays dugsanaysiyo
Bulshadoo midawdaad
Budhla-duul qabiiliyo
Buunbuuniskeedaad
Beri hore ka gudubtaad
Boqran gaar u leedahay
Oday nabad ku baaqoo
Ka hor taga balaayada
Baajiya colaadaad
Boqran gaar u leedahay
U bahawday caymkee
U adkeeya baydana
Barbarkay ka dabacdoow
Aday boori kugu taal
Aniguna bushaaree
Barbarkaad jirtaanbaa
Bishu iiga dhalataa
Afartaa bad-wayntii
Bilaalahaan ka soo daray
Aan ka sii baqoolee
Boqarkayna uumaan
Baaqaw cuskanayaa
Sida loo baryaabuu
Rabbi wax u baxshaayoo
Baaqan mayso ducaduye
Baabacada kor u dhiga
Baafiyaha xagaagiyo
Jiilaal kuguma baahoo
Basanbaas abaareed
Boodh kaama kaca’ oo
Bane iyo dabayl iyo
Baraf kuguma soo dhaco
Bacad kaa dallaalimo
Bushka cudur wax dila iyo
Boogaha xanuunkana
Kaa baab xijaabaye
Ilaah kaa badbaadshaad
Balo oo dhan leedahay
Baashay ka hoortiyo
Barbarkay ka curatiyo
Waqal kaama baydhoo
Mayay soo bariistiyo
Jirku waa bariisoo
Onkodkii baxaayiyo
Biligtii hillaacdaa
Baradaada noqotoo
Biyo badanta dayrtiyo
Gu’gu kaama baaqsado
Birsimo ha lulanina
Bayleey lo’daadiyo
Adhigoo naq boobii
Burcad iyo ka soofeen
Geeluna mid badiyoo
Barakaysan noqayoo
Bawad caanihiisuna
Siduu beri ahaan jiray
Burka diirta leeftiyo
Baal-qulaanlihiisiyo
Shaf-caddaaga boodiyo
Ayax booba geedaha
Waa bidee ka nabad gala
Balliyada dugsiinana
Raxmad biyo batalaqiyo
Wada baalalay dhaha
Marka weelku buuxsamo
Barkadaha ku shuba sixin
Baddu kaama xidahntoo
Inta kaaga beegani
Biinooyo waawayn
Bedenku kaama joogsado
Kaaga soo butaac malab
Berrigiina kuu furan
Gaadiidka baxayee
Buuxa ee galbeediyo
Bari kaaga soo raran
Baabuurta maantii
Boqollaal is daba mare
Bulshadaadu waa gobe
Mid busaarad aragtaba
Boqorkeennu kama dhigo
Ballanaye Sanaageey
Bidmilaahi Aamiin
Sharax Kooban Oo Ku Saabsan meelaha taarikhiga ah Qaar
Madduuna: waa magaalo ka horraysay dalkan dhismihiisa cid dhistayna aan
la garanayn. Waxay 6 Kiiloo-mitir jihada Koonfureed ka xigtaa magaalada
Ceel-afweyn.
Rabshiga: Waa buur ku dhex taalla badda illaa maantana ay shinbiraha
adduunka oo dhami isugu yimaadaan. Shinbirahaasi halkaas way ku
saxaroodaan, waana la iibsadaa. Iyo baalasha
Geel-weeto: Waa god ku yaalla buuraha jihada waqooyi kaga began
magaalada Ceeri-gaabo, waxaana la rumaysan yahay in uu xagga hoose ku
leeyahay shub wayn oo kala xidhan.
God-xardhane: Waa god la aaminsan yahay in magaalo hoostiisa ahaan
jirtay.
Midhishi: Waa meeshii ugu horaysay ee Afrika diyaaradi weerarto.
Bidde-laaye: Waa ceel la rumaysan yahay in rag badan oo shaqaalihii
Sayid Maxamed Cabdalle Xasan ah la yidhi dahab ku soo aasa, hase yeeshee
lama garanayo meel ay raggaasi ku aaseen dahabkii. Raggaasi markii ay
soo aaseen ayaa Sayidkii laayay.
Jiidali: Waxa ku aasan Sh; Subeer Awal, waxaanay berigii hore ahaan
jirtay dhul oomane ah hase yeeshee haatan waa durdur. Waxa kale oo
meesha ka baxay geed ay ka lulato Sayn-fardood barakadii Subeer Awal
awgeed.
Badhan iyo hadaftimo baqorttoyo taarikhiya ayey ahayd
Cilimi baadhis uu sameeyey ABWAAN AADAN TARABI JAAMAC
Somalia: Goobo
Laga Ciidday Iyo Meelo Aan Laga Ciiddin |
Muqdisho, December 20, 2007 (W. Wararka) – Dalka
Soomaaliya oo ka mid ah dalalka laga ciidday shalay ayaa haddana siyaabo
kala duwan looga ciidday Muqdisho iyo Gobolada kale ee dalkaas.
Shalay ayaa markii waagu uu beryay waxaa la maqlay Takbiirta, waxaana
laga maqlay qaar ka mid ah masaajidada Muqdisho iyadoo masaajidadii kale
ee hore looga bartayna aan laga maqal wax takbiir ah iyaga oo waliba
furan inkastoo qaarkood ay xidhnaayeen kadib markii dadkii halkaasi tagi
lahaa ay isaga carareen goobahaasi dagaallo halkaasi ka dhacay awgood.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu tukaday Masaajido fara ku tiris ah,
waxaana jiray degmooyin aan gebi ahaanba laga ciiddin, waxaa ka mid ah
degmooyinka Ciidda farxaddeeda laga dareemayay Kaaraan, Shibis, C/casiis,
Boondheere, Xamar weyne iyo Xamar jajab, waxaana lagu tukaday salaadda
qaar ka mid ah Masaajiddaasi, inkastoo kuwa hore loogu tukan jiray aan
lagu tukan kadib markii Koox Suufiyo ah ay diideen in shalay ay Ciid
tahay laakiin dadkii salaaddii Ciidda waa ay ku tukadeen Masaajiddii la
furay.
Sidoo kale Degmooyinka aan laga ciiddin ayaa waxaa ka mid ah Huriwaa,
Yaaqshiid, Dayniile, qeybo ka mid ah Hodan, qeybo ka mid ah Hawlwadaag
iyo wardhiigleey, waxaana degmooyinkaasi dadkii ku sugnaa ay yihiin kuwa
hore uga cararay halkaasi kuwii ku soo hadhayna waxa ay iyaguna mar
walba ku jiraan guryahooda oo ay ilaalo ka hayaan isla markaana ka
dhuumanaya xilli walba rasaasta iyo madaafiicda suuragalka ah in wakhti
kasta ay ku soo dhacdo.
Ciiddihii hore ayaan aheyn sidan oo kale, waxaana la arki jiray iyadoo
Fagaareyaal waaweyn inta la isugu yimaado lagu tukado salaadda kadibna
halkaa la iska raaco oo munaasabadda Ciidda awgii la isugu hambalyeeyo,
waxaana sanadkan aan muuqan arrintaasi meel ay ka dhacday.
Ma jirin xattaa hal masjid oo ka mid ah Masaajidda Muqdisho oo lagu
arkay Mas’uuliyiinta dawladda Mbagathi iskaba daa in ay farxadda dadka
kala qaybqaataane, waxaana sidoo kale Muqdisho maanta ay aheyd meel aad
moodo in lagu kala yaacay laakiin Xaafadaha qaar aad ka dareemeyso
dhaqdhaqaaqa Ciidda.
Dhinaca kale Gobolada Dalka ayaa iyaguna looga ciidday si aan horey
looga ciiddi jirin kadib cabsi ay ka qabaan dadkaasi Ammaan xumida ka
jirta Somalia oo idil oo ay ka baqeen in maleeshiyada dawladda Mbagathi
oo maalmahan ay dhac iyo bililiqo u geystaan.
Inkastoo laga ciidday Gobolada kale ee Somalia qaar ayaa haddana waxaa
jiray khilaaf la garan waayay gaar ahaan goobaha ay ku badan yihiin
Suufiyada, waxaana ka mid ah Gobolada aan shalay laga tukan Salaadda
Ciidda Khilaaf ay qabaan awgii qeybo ka mid ah Sh/hoose, Hiiraan, Mudug,
G/guduud iyo qaar ka mid ah Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.
Baydhabo ayaa iyaduna laga ciidday waxaana Baarlamaanka halkaasi ku
sugan Khudbad u jeediyay Nuur Cadde oo ah ra’iisal wasaare aan
xukuumaddiisu weli dhaqdhaqaaq samaynin muddana codsaday in loogu daro
sababo jira awgii, waxaana uu halkaasi uga soo hambalyeeyay Shacabka
Somalia inkastoo wax la taaban karo aanu u ballan qaadin Shacabkiisa,
waxaa sidoo kale shalay Baydhabo ka hambaleeyay Guddoomiyaha
Baarlamaanka Aadan Madoobe.
Guud ahaan Dalka Soomaaliya ayaan shalay laga arkin Goobo ay Salaadda
Ciidda horkacayeen Mas’uuliyiinta dawladda Mbagathi iyaga oo weliba
sheegta in inta badan Ammaanka Dalka ay gacanta ku hayaan taasi oo la
yaab ku noqotay Bulshada Somalia kadib markii xattaa Magaalada Baydhabo
laga waayay wax damaashaad ah oo dawladda Mbagathi ay u samaynayso
Farxadda Ciidda.
Waa Sanadkii koowaad oo ciid sidan oo kale ay soo marto Shacabka
Soomaaliyeed iyo dawladda Mbagathi oo hadana aanan laga dareemin in ay
ciidd tahay goobaha ay dawladdaasi ku sugan yihiin maadaama ay
sheegayaan in ay Dalka oo idil maamulaan.
Top
Wasiirka
Macdanta Oo Ka Been-Sheegay Ujeedada Dhabta Ah Ee Uu U Tegay Xeebta
Galbeed, Wuxuu Lacag Ka Soo Qaadanayay Laba Markab Kalluumaysi Oo
Cusub |
Hargeysa, December 20, 2007 (Haatuf) – Waxa soo shaac-baxay warar
xog-ogaal ah oo xaqiijinaya in wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland,
Qaasim Sheekh Yuusuf uu ka been-sheegay ujeedada dhabta ah ee uu dhawaan
u tegay xeebta galbeed ee Somaliland, taas oo uu wasiirku war-saxaafadeed
uu 16/12/2007 soo saaray ku sheegay inay ahayd mid la xidhiidha sahan
xagga saliidda iyo khayraadka badda ah oo bishan December 2007 ka
bilaabmaya biyaha badda Somaliland.
Hase yeeshee waxa haatan ay Haatuf xaqiijinaysaa in wasiirka Macdantu uu
xeebta kula kulmay masuuliyiinta laba Markab oo cusub oo rukhsad loo
siiyay inay halkaas ka kalluumaystaan isla markaana uu wasiirku lacag
lagu qiyaasay tobanaan kun oo dollar ka qaaday nimankii labada markab
watay.
Wasiirka Macdanta iyo biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf waxa socdaalkiisan ku
wehelinayay wasiirka Kalluumaysiga Cali Qoorseef.
Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu waxay war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in
labada wasiir ay kormeer ku soo sameeyeen xeebta Berbera ilaa Saylac
11-14/12/2007 iyaga oo dadka ku wargelinayay inay ilaashadaan kana
faa’iidaystaan khayraadka badda.
Laakiin war-saxaafadeedka laguma xusin wixii ay is-yidhaahdeen dadka
kalluumaysatada ee xeebaha ku nool iyo weftiga Xukuumadda ee goobahaasi
booqanayay iyada oo ay kalluumaysatadu si kulul uga cabanayeen
maraakiibta kalluumasiga ah ee ay dawladdu u fasaxday inay ka
hawl-galaan badda Somaliland.
Kalluumaysatadaasi waxay labada wasiir u sheegeen in maraakiibtaasi ay
baddii xaalufiyeen kadib markii ay burburiyeen deegaankii kalluunku ku
noollaa ama ku tarmi jiray.
Kalluumaysatadu waxa kale oo ay ku cawdeen in maraakiibtan oo tiradoodu
kor u dhaaftay 30 Markab ay jiidhaan shabaakta ay kalluumaysatada
Somaliland badda dhigtaan.
Wasiir Qaasim wuxuu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in wasaaraddiisu ay
heshiis kula gashay shirkad la yidhaahdo TGS/NOPEC sahaminta khayraadka
dabiiciga ah ee badda sida shidaalka iyo macdanta ee bariga Somaliland
oo ay hawshaasi qabteen bishii February ee sannadkan haatanna ay
shirkaddaasi soo gebo-gabaysay diyaarinta wixii ka soo baxay sahankii ay
soo sameeyeen (Seismic survey data), oo ay shirkaddaasi wakhtigan
xaadirka ah bilaabayso sahan cirka iyo baddaba ah oo laga qaadayo biyaha
Somaliland intii ka hadhsanayd.
Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu marnaba wax tafaasiil ah kamay bixin
shirkadda TGS/NOPEC iyo magaceedana la soo gaabiyay wuxuu u taagan yahay,
cidda iska leh iyo shaqooyinka ay hore u soo qabatay toona.
Waxa kale oo uu wasiirku heshiiskan shirkadda la galay iyada oo aan
qandaraas lagu bixin, lamana garanayo sababta qandaraaska intaasi le’eg
ay wasaaraddu qarsoodiga ugu bixisay ama sababta ay shirkaddan TGS ugula
xilatay.
Khubaro ay Haatuf arrintan wax ka weydiisay ayaa heshiiskan ku tilmaamay
mid shakigiisa leh, waxaanay khubaraddaasi sheegeen in marka heshiisyada
noocan ah oo kale la galayo ay dawladuhu sameeyaan Tendhar caalami ah
(International tender), si ay u suurta-gasho in dawladda dhulkeeda la
baadhayaa ay u dooran karto shirkadda ugu haboon ee hawsha u fulin karta.
War-saxaafadeedka wasaaradda Macdantu kamuu hadal cidda bixinaysa
kharashka hawsha caynkaasi ah lagu fulinayo oo khubaradu ku qiyaaseen
boqolaal kun oo doolar.
Tan iyo intii uu Qaasim la wareegay xilka wasiirnimo ee Macdanta iyo
Biyaha sannadkii 2004, waxa wasaaradda dhaqan u noqday inay si qarsoodi
ah heshiisyo ula gasho shirkaddo shisheeye ah iyada oo cidda keliya ee
inta badan wasiirka wax kala og heshiisyadaasi ay tahay Madaxweynaha.
Heshiisyadan wali lama horkeenin baarlamaanka si loo ansixiyo ama loo
diido. Inkastoo golaha Wakiiladu ay marar farabadan Xukuumadda ka
dalbadeen inay u soo gudbiyaan nuqulada heshiisyadaasi, haddana wasiir
Qaasim iyo Madaxweynuhuba arrintaasi way ka dhego adaygeen taas oo
heshiisyadaasi ka dhigaysa waxba kama jiraan dhinaca sharciyadda ilaa
iyo inta laga ansixinayo baarlamaanka.
Maxamed Dheere
Oo Ku Dhawaaqay In Ciidamada Bileyska Mbagathi Laga Saaro Muqdisho |
Muqdisho, December 20, 2007 (W. wararka) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
ahna duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa daboolka
ka qaaday in ciidamada Bileyska ay ka baxaan Muqdisho, isagoo sheegay in
cabashooyin badan ay kaga yimaadeen shacabka ku dhaqan Muqdisho.
Maxamed dheere wuxuu sheegay in ciidamada ku hadhaya Muqdisho ay yihiin
oo kaliya kuwa ilaalada u ah madaxda dowladda KMG Soomaaliya iyo sidoo
kale ciidamada ka shaqaynaya ammaanka gudaha magaalada Muqdisho.
Wareegto uu soo saaray Maxamed Dheere ayuu ku sheegay in askarta laga
saarayo Muqdisho shalay oo bisha December tahay 19, isla markaana ciddii
lagu arko iyadoo hub ku dhex wadata gudaha Muqdisho oo aan ahayn
ciidamada la sheegay in tallaabo laga qaadi doono.
"Askarigii lagu arko isagoo ku sugan Muqdisho kana soo hadha kuwa la
sheegay waxaa lagu amri doonaa inuu hubka dhigo, haddii uu dhigi waayana
waxaa laga qaadi doonaa talaabada sharciga waafaqsan" ayuu yidhi Maxamed
Dheere oo sheegay in amarkan uu yahay mid muhiima ee aan la iska odhan
uun.
Maxamed Dheere, wuxuu sheegay in rag sita dirayska ciidamada dowladda
KMG Soomaaliya ay geystaan dhac iyo sidoo kale dhibaatayn ay ku hayaan
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafadaha Muqdisho, ayna soo gaadheen
isaga laf ahaantiisa cabashooyin ku aaddan dhacaas ay geystaan raggaas
labisan dharka ciidamada.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay xaqiijin doonaan ciidanka inay dhac
geystaan iyo inay geystaan dhacaas laga cabanayo kooxo ku labista dharka
ciidanka, kuwaas oo dib ugu soo laaban doonin ee laga saarayo caasimadda
isagoo aan sheegin halka la geynayo ciidamadan.
“Markii Wax
Kastoo Xukuumadda Aanu Isla Qaadanaaba Nagu Noqdeen Foosto Gun La’,
Ayaanu Go’aansanay Inaanu Wada-Shaqayntii Hakino” |
“Aflagaadadii UDUB Ka Soo Yeedhay Raali-Gelinta Guddida Gobolada Bari Ka
Bixiyeen Waanu Ka Gudoonay” Maxamed Cabdi Iskeerse – Wareysi
Hargeysa, December 20, 2007 (Haatuf) – Ku-simaha Gudoomiyaha Xisbiga
KULMIYE Maxamed Cabdi Aadan iskeerse ayaa munaasibada ciidda Carafo
shacbiga Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiga KULMIYE hambalyo u diray
isla markaana waxa uu dhinaca kale beeniyey in Xisbiga KULMIYE ka soo
hor jeedo aqoonsiga Somaliland, waxaanu sidoo kale ku tilmaamay
habdhaqankii lagu soo guura galiyey hogaamiyayaasha ururka Qaran ee
xabsiga Mandheera ku xidhnaa tallaabo kalsooni daro ah oo ay xukuumaddu
uga qabtey in ummadu ku qamaamto xabsiga Mandheera.
Ku-simaha Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Cabdi Iskeerse waxa uu
sidaasi ku sheegay mar uu xalay Wargeyska Haatuf uga xogwaramay uu yidhi.
“Aniga oo ku hadlaya Magaca KULMIYE, Guddidiisa fulinta iyo dhamaan
taageerayaashiisa waxan hambalyo u dirayaa shacbiga reer soomaali land
iyo muslimiinta caalamka ku kala dhaqan , waxaanan leeyahay Ciid
mubaarik ilaahayna waxaan uga baryayaa in ciiddan ciiddeeda ay shicibka
Somaliland ku gasdhaan nabadgelyo iyo ictiraaf bashbash iyo barwaaqo ku
noolaadaan , anigoo sidoo kalena munaasabada ciidda carafo ciidamada
qaranka ee difaaca kaga jira xuduuda iyo xaasaskoodana hambayo u diraya.
Waxa kale oo aan hambalyaynayaa hogaamiyayaasha ururka qaran ee xidhnaa
inay munaasabada ciidda la ciiddeen xaasaskooda iyo caruurtooda iyaga
muddo shan bilood ku dhowaada xabsiga Mandhera xukun sharci darro ah ugu
xukunaayeen, waxaanu leenahay Ilaahay ha idiinka dhigo nabar gardaro.
Intaas ka dib Haatuf ayaa waxa uu weydiiyay su’aalo ku simaha
gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Maxamed Cabdi Iskeerse, su’aalihii iyo
jawaabihiina waxay u dhaceen sidan:
S: Sideed u aragteen raali gelintii guddida taakulaynta qaranka ee
dhaqaale ururinta sool iyo bariga Sanaag ay idinku siiyeen eedihii
gudoomiyaha siyaasada ee xisbiga UDUB idiinka soo jeediyay inaan
xisbigiina KULMIYE ogolayn dhaqaalaha loo ururinayo gobollada bari?
J: Horta xisbiga KULMIYE dhaqaalaha loo ururinayo gobolladsa bari hiil
iyo hooba wuu la barbar taagan yahay, waxaanse ku leeyahay aflagaadadii
xisbiga UDUB raali gelinta ay ka bixiyeen guddida taakulaynta qaranku
waanu ka gudoonay, beentuna dabo la qabto ayay leedahay.
S: Xisbiga UDUB waxa kale oo uu idinku eedeeyaa inyadaan ogolayn in
Somaliland ay ictiraaf hesho arrintaas sideed u araggteen?
J: Horta markasta oo rajada aqoonsigu soo dhawaataba, xukuumadu waxay
qaadaa talaabooyin isbaaro ku ah hirgelinta aqoonsiga, annaguse xisbi
ahaan haddaanu KULMIYE nahay anagoo hormood ka ha ololaha ictiraafka
lagu raadinayo xataa daraafka qoraalka ah ee loo gudbiyo wufuuda iyo
hay’addaha xaqiiqa raadinta ee dalka soo gaadha, anagu xisbi ahaan
saamaynta ugu weyn ku leh, wayse muuqataa KULMIYE iyo xukuumada Rayaale
midka cadowga ku ah aqoonsiga.
S: Sideed u aragtaan talaabadii saqdii dhexe ee habeen hore xabsiga
mandheera lagaga soo qaaday hogaamiyayaashii ururka QARAN ee xabsiga
mandheera ku xidhnaa?
J: Talaabadaasi lagu soo guura geliyay hogaamiyayaasha qaran waxay ahayd
arrin argagax leh, waxaanse filayaa in xukuumadu ay ku keliftay cabsi
iyo kalsooni darro ay ummada uga qabtay in xabsiga mandheera ay ku
gadoodaan haddii maalin la soo daayo, taas darteed ayay xukuumadu habeen
madow la soo guuraysay.
S: Xidhiidhka Djibouti iyo Somaliland wakhtigan xaadirka ah u dhexeeya
oo lagu tilmaamo mid meesha ka baxay, waxa la sheegayay in xisbigiina
KULMIYE hirgelin dambe qaadayo qorshayaal aad ku damacsan tihiin inaad
xidhiidh dhow aad la yeeataan dawlada Djibouti taas maxaa jira?
J: Horta wadanka Djibouti waa dal aynu sokeeye iyo walaalo-ba nahay
dadka reer jabuuti iyo reer Somaliland waa dad dhal iyo dhasheeda oo aan
kal maarmi karin, in xidhiidh lala yeesho oo iskaashi dhex maro
Somaliland iyo jabuuti waa daruuri, mawqifka KULMIYEna waa mid soo
dhoweynaya xidhiidhka dawladaha deriska ah sida itoobiya, wuu inaga
dhexeeyaa cilaaqaad qaan-gaadh ahi, cilaaqaadka iyo iskaashiga dawladaha
deriska inala ah, hogaanka jabuutina waanu ku hambalyaynaynaa uu dalka
iyo dadkiisa gaadhsiiyay.
S: Waxaad sheegteen dhowaan inaad joojiseen wada shaqayntii aad la
lahaydeen Madaxweyne Rayaale arrimahaa maxaa sababay?
J: Waxa keliya ee aanu joojinay waa kulamadii aanu iskugu tagi jirnay,
iyo baaqyadii aanu wadajirka u soo wada saari jirnay, waxaananu
waxaananu mawqifkaas u qaadanay markii heshiis kasta oo aanu xukuumada
la galaba uu wax midho dhala yeelan waayay, wax natiijo ahna ay ka soo
bixi waayeen, oo wax kastoo xukuumada aanu isla qaadanaba nagu noqdeen
foosto gun-la’ oo biyo lagu dhaaminayo, ayaanu go’aansanay inaanu wada
shaqayntii xagayaga hakino ilaa inta arrimashaasi wax iska badelayaan
Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa wada shaqayntii iyo kulamadii aanu
iskugu iman jiray waanu joojinay.
S: Dhaqaalaha loo ururinayo taakulaynta gobollada bari ee sool iyo
sanaagoo ay xukuumadau maamulka guddida qaranka loo saaray ay madax ka
tahay waxa lagu tilmaamayaa in xukuumadu dhaqaalahasi ay arrin
siyaasadeed u adeegsanayso arrinahaa sideed u aragtaan?
J: Arrintaasi taakulaynta gobollada Sool iyo Sanaag bari waa arrin qaran
oo mawqif midaysan laga taagan yahay dhaqaalahaasi la ururinayo, hadba
sida loo maamulo ee wax loogu qabtana insha allaahu waanu qiimayn doonaa,
indhahana waanu ku haynaa. Top
|