Madaxweyne Rayaale Oo Qasriga Madaxtooyada Ku
Qaabilay Wefti Ka Socda Hay’adda Inter Peace
BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Taariikhda Halgankii
SNM Ka-Gilgilashadii Dulmigu Ma Khaladbay Ahayd?
Qudbigii Suugaanta – Gabay
Waxa tiriyay Bashiir Good
Dhaq-Dhaqaaqyo Milateri Iyo Abaabul Dagaal Oo Ka Soo Cus-Boonaaday Dhinaca
Maamul-Goboleedka Puntland
Musharaxa Obama Oo Gobolka Koonfurta
Korolina Kaga Adkaaday Labada Musharax Ee Kala Ah Hillary Clinton Iyo John
Edwards
Ku-Simaha Maayarka Burco Oo Guddi U
Magacaabay Xalinta Muranka Iyo Cabashada Wakaaladda Biyaha
Eng. Cali Xoor-Xoor Oo Sheegay In
Sannadkii 2007 Badeecadihii Ganacsi Ee Ugu Badnaa Soo Mareen Dekedda Berbera
Wakiilka Kulmiye Ee Gobolka Awdal Oo
Eed Kulul U Jeediyay Laanta Af-Soomaaliga Ee BBC-da, TV Boorama Iyo
Warbaahinta Dawladda
“Xukuumadda Somaliland Waxaanu
Leenahay Been Ma Sheegto Taariikhdu, Shacbigow-na Waa Taariikhdaadii Waxa
Ciidda Hoosteeda La Gelinayaa”
War-saxaafadeed Ururka SDWO
|
|
Madaxweyne Rayaale Oo Qasriga
Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefti Ka Socda Hay’adda Inter Peace |
Hargeysa, January 28, 2008 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland, Daahir
Rayaale Kaahin, ayaa xalay qasriga Madaxtooyada kula kulmay wefti ka
socda hay’adda Inter Peace oo ka shaqaysa nabadeynta iyo hirgelinta
dimuqraadiyadda.
Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu saaray Afhayeenka
Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge, waxaanu war-saxaafadeedkaasi u qornaa
sidan:
“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu caawa [xalay] ku
qaabilay qasriga Madaxtooyada Wefdi ka socda hay’adda qaabilsan
Nabadaynta iyo hir gelinta Dimuqraadiyada ee magaceeda loo yaqaano
(Inter Peace) oo booqasho sharaf ugu yimid Madaxweynaha.
Hay’addaasi Inter Peace, waxa ay tahay ta loo igmaday in ay ka hir
galiso Jamhuuriyada Somaliland doorashooyinka loogu tallo galay in ay
dalka ka dhacaan sanadkan aynu ku jirno ee 2008, kuwaasi oo ay ka mid
yihiin doorashooyinkii Golayaasha Deeegaanka iyo Madaxtooyada.
Jerry McCann oo hogaaminayay wefdigaasi waxa uu Madaxweynaha JSL ugu
mahad naqay soo dhawaynta fiican ee uu u fidiyay isaga iyo wefdigiisaba
iyo wakhtigiisa qaaliga ah ee uu u huray inay la kulmaan.
Mr Jerry waxa kale oo uu intaa raaciyay in ula jeedada socdaalkoodu
yahay in ay dar dar geliyaan sidii loogu dhaqaaqi lahaa qorshayaashii
loogu tallo galay in lagu fuliyo diiwaan gelinta shacbiga Somaliland iyo
adeegyada kale ee loogu tallo galay in lagu fuliyo doorashooyinka fooda
inagu soo haya.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumad ahaan ay
diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa qorshayaasha loogu tallo galay in
lagu amba qaado doorashooyinkaasi , taas oo xukuumadu ay doorkeeda ka
qaadan doonto haddii ay noqoto dhinac dhaqaale iyo xaga Nabad gelyaba ,
iyada oo mar walba la tashi la yeelan doonta Komishanka doorashooyinka
iyo Asxaabtaba.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu tibaaxay in xukuumada Somaliland ay ka
go’an tahay in ay si Nabad gelyo ah uga dhacaan dalkeeda doorashooyin
Xor ah oo la mid ah kuwii hadda ka hor dalka ka qabsoomay , si loo
fuliyo geedi socodka dimuqraadiyada Jamhuuriyada Somaliland ku caano
maashay.
Kulankaasi dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga hay’adda Inter Peace waxa
kale oo goob joog ka ahaa Madax ka tirsan Komishanka Doorashooyinka oo
uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komishanka Mudane Maxamed Yuusuf Axmed.
Alla Mahad leh.”
BADHEEDHAHA
WARGEYSKA: Taariikhda Halgankii SNM
Ka-Gilgilashadii Dulmigu Ma Khaladbay Ahayd? |
Ujeedada ugu weyn ee loo aasaasay ururkii SNM waxay ahayd
in dadku iska dhiciyaan dawladii hororka ahayd ee Siyaad Barre ee
dulmiga, dilka iyo dhaca joogtada ah ku hayn jirtay.
Maadaama waxa laga dagaalamayay uu ahaa dulmi iyo xasuuq, cidna maanta
raali-gelin laga siin maayo halgankii hubaysnaa ee ururka SNM uu
Somaliland iyo Somalia-yaba kaga xoreeyay nidaamkaasi bahalka ahaa,
balse halgankaasi waxa uu shacbiga labadaas dal ee dulmigii haystay laga
kor qaaday iyo shucuubta dunida inteeda kaleba ka mudan yahay xishmad
iyo qadarin buuxda, walibana reer Somaliland waxa waajib ku ah inay
Illaahay ka sakow SNM ugu mahad-naqaan xoriyadda iyo nabadda ay maanta
ku noolyihiin, waayo beelaha Somaliland maanta way is-cuni lahaayeen
sida kuwa Somalia haddii aanay SNM markii ay dalka xoreysay 1991 ku
dhaqaaqi lahayn soo af-jarista colaadihii ba’naa ee wakhtigaasi ka dhex
taagnaa beelaha reer Somaliland oo aanay SNM markiiba xabad joojin iyo
nabad ugu baaqi lahayn beelahaasi.
SNM markii ay guulaysatay waxay kala dooratay laba dariiq oo midna ahaa
kii dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-walaaleynta beelaha Somaliland, ka
kalena ahaa in la kala aargoosto, waxaanay SNM dooratay oo Illaahay
waafajiyay labadii dariiq ka hore.
Waxay ahayd in inanka jooga Boorama iyo inanka jooga Laas-caanood ay
labaduba qadariyaan wanaagaasi cidii ku talisay oo ahayd SNM balse maaha
in maanta la yidhaahdo taariikhdii SNM haddii lagu xardho manhajka
Waxbarashada ee dugsiyada dalka waxa xanaaqaya beelaha cidhifyada oo
waliba ay xukuumaddu arrintaas marmarsiiyo ka dhigato si ay uga
xuub-siibato masuuliyadda ka saaran inay jiilasha soo koraya iyo kuwa
soo socdaba ay u ogaan lahaayeen sababihii kelifay in SNM la aasaaso iyo
halgankeedii hubaysnaa iyo waxyaabihii foosha xumaa ee xilligaas ka
dhacay Somaliland, sida xasuuqii loo geystay dadka rayidka ah iyo
colaadihii uu nidaamkii Siyaad Barre kala dhex dhigay beelaha iyo sidii
looga heshiiyay iyo siday Somaliland ku timid. Ujeedadu maaha SNM-baa la
jecelyahay ama la necebyahay balse waxa weeye sidii taariikhda looga
faa’iidaysan lahaa ee ay ummaddu uga digtoonaan lahayd inay mar dambe
gacanta u gasho digtaatooriyad qabyaalad ku dhisan, taas oo haddii ay
dhacdo ay dadku halis ugu jiri doonaan in haybtooda loo xasuuqo sidii
dhacday xilligii dawladii Siyaad Barre ee la gumaadayey beesha Isaaqa.
Haddaba Xukuumadda Madaxweyne Rayaale halkii ay dadkeeda ku hanuunin
lahayd Sooyaalkii taariikheed ee SNM iyo Somaliland-ba, ayay iyada
lafteedii horsed u noqotay faafinta cayda iyo naceybka SNM iyo
halgameyaasheedii.
Daahir Rayaale Kaahin waxay ahayd in uu waliba is-dhawro maadaama dadka
qaar ku eedaynayaan inuu door ku lahaa dad sannadihii 1988-1989 lagu
xasuuqay magaalada Berbera iyo dilal khaarajin ah oo isla xilligaas ka
dhacay magaalada Burco, iyada oo aanu Madaxweynuhu ilaa hadda ka hadal
eedaymahaasi hore loogu soo jeediyay. Waxaana hubaal ah in haddii uu Mr.
Riyaale mawqif adag iska taagi lahaa cidda Boorama ka tumaysa dubaanada
naceybka SNM-ta aanay jirteen cid dambe oo ku dhiirata inay taariikhda
halgankii SNM oo laga saaro Manhajka ka dhigtaan mawduuc ay kolba
boodhka ka tumaan si ay calool xumo cusubi marwalba u kala dhextaalo
dadka.
Waxa kale oo iyaduna shakigeeda leh sababta ay xukuumaddu u aqbashay in
lagu soo daabaco buugaagta loogu talo-galay dugsiyada Somaliland kelmad
mahadnaq ah oo ay hay’adda UNESCO ujeedinaysay wasiirka Waxbarashada ee
Xukuumadda Mbagathi.
Sidaas darteed Madaxweyne Riyaale iyo wasiiradiisa waxa la gudboon inay
ka waantoobaan hadalada iyo ficilada turxaanta ku beeraya bulshada
dhexdeeda oo ay bal marka hore iyagu iska ilaaliyaan wax kasta oo
wiiqaya midnimadda ummadda dhexdeeda ama waxyeelaynaya gooni-isu-taagga
Somaliland, haddii kale waxay dalka iyo dadkaba dhaxalsiin doonaan
cawaaqib-xumo ay adkaan doonto in dib looga soo kabtaa.
Xogta Ku Duugan Buug Ka Mid Ah Manhajka Waxbarashada Somaliland Iyo
Khaladaadka Ku Jira
Hargeysa, January 28, 2008 (Haatuf) – Waxa maalmihii ina dhaafay
warbaahinta Somaliland intooda badan, gaar ahaan Wargeyska Jamhuuriya ku
soo baxayay warar sheegaya in buugaagta manhajka waxbarashada Somaliland
laga saaray taariikhdii ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee
SNM, oo ahaa ururkii xoreeyay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, markii ay
dadka reer Somaliland wehel la ahaayeen 31 sannadood oo ay ku hoos
jireen midnimo cadaaladda awood qaybsiga ka fog iyo dulmi joogto ah iyo
xasuuq aan arxan lahayn.
Inkasta oo markii mawduucan soo baxay ay dad badani ka hadleen, isla
markaana Xukuumadda Somaliland lagu dhaliilay in aanay manhajka
waxbarashada Somaliland ku jirin ururkii hogaaminayay halgankii
qadhaadhaa ee la iskaga xoreeyay kelidii taliyihii u dambeeyay ee
Koonfurta Somalia, haddana Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Xasan X.
Maxamuud Warsame (Gadhweyne) ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay
xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in taariikhda SNM ku jirto manhajka
waxbarashada Somaliland, isla markaana aan loo baahnayn in gebi ahaanba
lagu wada qoro taariikhda SNM buugaagta, balse ay ku qorantahay intii
loo baahnaa Manhajka waxbarashada dalka.
Hase yeeshee, Wargeyska Haatuf, oo baadhitaan ku sameeyay arrintaasi
waxa uu soo ogaaday in waxoogay ka mid ah taariikhdii halgankii
qadhaadhaa ee ay SNM horseed ka ahayd ku jirto Manhajka Waxbarashada
Somaliland.
Buugga tababarka macalimiinta ee fasalada 1-aad ilaa 4-aad ee Dugsiga
hoose ayaa waxa uu ka mid yahay buugaagta uu Wasiirka Waxbarashada
Somaliland tusaalaha u soo qaatay markii uu ka hadlayay taariikhda SNM
iyo halka ay kaga jirto Manhajka Waxbarashada Somaliland.
“- 1981-kii waxa la xidhay 40 qof oo isugu jiray dhakhaatiir, macalimiin
iyo baayacmushtari doonayayna inay hagaajiyaan cusbitaalada iyo
magaalooyinka guud ahaan.
- Xidhistii la xidhay Ismaaciil Cali Abokor oo ahaa Madaxweyne ku xigeen
iyo Cumar Carte oo ahaa Wasiirka Arrimaha Debada
- Baayacmushtarigii oo niyad jab ku dhacay markii Kaantaroolo badan lagu
soo rogay
- Iyada oo la ilaaway horumarkii gobolka loo qaban lahaa
- Iyada oo Waqooyiga la keenay qaxooti badan
- In 1983 la beero qaad iyo ka baayacmushtarigiisa
- Iyada oo dadka waqooyiga lagu soo rogay xukun milateri. Arrimahaas oo
dhami waxa ay keeneen in la aas-aaso dha-dhaqaaqii wadaniga Soomaaliyeed”
ayaa lagu yidhi Buugga.
Ka dibna waxa la taxay liiska 11 magac oo ka mid ah aas-aasayaashii SNM.
1. Axmed Ismaaciil Cabdi Duqsi
2. Maxamed Xaashi Cilmi
3. Xasan Aadan Wadaadiid
4. Cumar Maygaag Samatar
5. Maxamed Cismaan Yuusuf
6. Ibraahim X. Ducaale (DUDUMO)
7. Ibraahim Cismaan Yuusuf
8. Dr. C/Salaan Yuusuf
9. Cismaan Axmed Xasan
10. Xasan Ciise Jaamac
11. Axmed Jimcaale.
Marka uu buuggu 11-kaa dhameeyo waxa uu ku xigsiinayaa waxoogay
tafaasiil ah oo u qoran sidan:
“Raggaa aas-aasay badankoodu waxay ahaayeen shaqaale dawladeed oo
waqtiyadii horena qaban jiray shirarka xilliyadda Xajka la gudanayo,
waxyaalaha ay ka hadli jireen waxaa ka mid ahaa cadaadiska uu u geysan
jiray kelidii taliyihii dadkii waxgaradka ahaa, taa oo keentay inay
debada dalka uga wada yaacaan.
1978 – 1981 dhaqdhaqaaqan aasaasiga ahi waxa uu ku koobnaa Jiddah,
aakhirataankiina shir weyne ayaa la iskugu yimid waxaana la falanqeeyay
magacii loo bixin lahaa ururka siyaasiga ah, shirkiina waxa la soo dhex
dhigay saddex magac oo la magaca ah SNM, isla markaana lagu dhawaaqa
ururkii siyaasiga ahaa ee SNM. Dhammaadkii 1980 aasaasayaashii ururka
waxa ay u kala ambabaxeen Yurub iyo Ameerika si ay taageero ugu so
helaan ururka.
March 1981, weftigii Ingiriiska u kicitimay oo ururkaa ka tirsanaa soo
dhaweyn diiran ayay kala kulmeen dadkii Soomaalida ahaa ee deganaa
arliga Ingiriiska, waxa aanay qaban qaabiyeen sidii loo qori lahaa
dastuurka, shirweyne ayaa lagu qabtay London waxa Axmed Jimcaale loo
doortay Gudoomiyhii XIsbiga, Gudoomiye ku xigeen looga dhigay Xasan
CIise Jaamac ahaana qoraagii jariidada ay xisbigu soo saari jirtey, lagu
magacaabi jiray Somali Uncensored”. Ayuu buuggu ku soo koobay aas-aaskii
SNM.
Waxa kale oo uu ku tilmaamay aas-aaskii garabkii hubaysnaa ee SNM sidan.
Ciidamadii Soomaalida waxa badankooda madax u ahaa saraakiishii
Koonfurta.
Saraakiishii waqooyiga waxa lagu hayay cadaadis aan kala joogsanayn,
taas oo abuurtay niyad jab ku dhacay saraakiishii waqooyiga,
saraakiishii waqooyigu waxay bilaabeen inay hoos hoos u shiraan, kana
tashadaan sida ay u ridi lahaayeen dawladda, arrintii waxa ay aad u sii
xumaatay markii general Gaani dilay Kornayl Siciid C/laahi Cige oo ahaa
saraakiishii ruug cadaaga ahaa ee waqooyiga. Saraakiishii reer waqooyiga
waxa ay bilaabeen inay Itoobiya u talaabaan si ay u sameeyaan garabkii
hubaysnaa.
Kooxdii ugu horeysay ee sarkaal ee tallaaba 1982-kii
1. Kornayl Aadan (Shine)
2. Kornayl Axmed (Dhagax)
3. Kornayl Maxamed Kaahin
4. Kornayl Aadan Saleebaan
5. Kornayl Maxamed Xaashi (Lixle)
[NB. Maaha in aanaan magacyada Mujaahidiintaasi dhamaystiri karin,
laakiin waa sida ay buugga ugu qorantahay].
Kooxdii labaad ee sarkaal ee talaaba waxa ay ahaayeen
1. Kornayl C/Qaadir Koosaar
2. Kornayl C/Raxmaan Aw Cali
3. Kornayl Axmed Waysa Cadde
4. Kornayl Aadan Dhamac
5. Kornayl Xuseen Axmed Guuleed
6. Kornayl Jaala Diid
7. Kornayl Ibraahim Koodbuur
8. Kornayl Ibraahim C/laahi (Dhegaweyne)
9. Kornayl Mahdi Cali Faarax
10. Kornayl Xasan Yoonis Habane
11. Kornayl Axmed Mire
12. Kornayl Muuse Biixi Axmed
13. Kornayl Dayib Guray iyo qaar kaloo badan.” Ayuu Buuggu qoray.
Laakiin Buuggu ma sheegin qaabka uu Mujaahidiintani gaarka ah
magacyadooda ku soo xushay, kuwa kalena uga tegay iyo in sida ay u kala
horeeyaan xagga liiska ugu kala horeeyeen talaabista iyo inkale.
Balse, haddana Buuggu waxa kale oo uu qoray. “Waxa kale oo jiray garab
hubaysan oo la odhan jiray afraad, looguna tala galay inay ka barbar
dagaalamaan jabhadii Ogaadeenka, fadhigooduna waxa uu ahaa Wajaale,
Jabhadaasina waxa ay bilawday inay layso dadkii reer Waqooyiga ahaa ee
agagaarka deganaa, hogaamiyahoodii Mujaahid Maxamed Cali ayaa ka goostay,
isaga oo ciidankiisii wata, waxa aanu isla markiiba ku biiray jabhadii
SNM”. Halkaasi Buuggu ma kala cadayn Jabhadda Ogaadeenka iyo Jabhadda
Afraad ta iyadu dadka layn jirtay.
Buuggu ugu dambayn halka ugu dambaysa ee uu SNM kaga hadlay waxa weeye,
mar uu ka hadlayay hawlgaladii ay SNM fulisay, waxaanu u qoray sidan:
“Ciidamadii SNM waxa ay dagaal joogta ah ku soo qaadi jireen askartii
xadka deganayd ee Soomaalida waxa aanay u geysteen khasaare aad u fara
badan, weerarada kale ee ay qaadeenna waxa ka mid ah:
1. Hawlgalkii Mandheera ee lagu sii daayay maxaabiistii ku xidhnayd June
1983-kii.
2. Hawl galkii lagu badbaadiyay Kornayl C/laahi Askar oo ka dhacay
Hargeysa 12 October 1983-kii hawlgalkaana waxa hoggaaminayay Ibraahim
Koodbuur iyo Cabdisalaan Turki”.
Guud ahaan xogaha ku saabsan SNM ee ku jira Buugga Manhajka Waxbarashada
ee Tababarka Macalimiinta Fasalada 1-4 ee Cilmiga Bulshada, ma sheegin
halka uu ka soo qaatay xogta.
Sidoo kale qorayaasha Buuggu xataa taariikhda Jaraa’idku qoreen ee ku
saabsan dhacdooyinkaasi uu Buuggu ka waramayo kama ay xigan, Sida Haatuf
iyo Somaliland Times oo dhawr jeer dhacdooyinkaasi wax ka qoray, isla
markaana xataa taariikhda iyo magacyada dadka nool iyo kuwa dhintay
midkoodna la iskuma deyin in la saxo.
Qudbigii
Suugaanta – Gabay
Waxa tiriyay Bashiir Good |
Tixdan oo aan ka tiriyey geeridii Abwaan Xasan Sheekh
Muumin waxay taataabanaysaa kaalintii suugaaneed ee uu abwaanku kaga
jiray halabuurka Soomaaliyeed. Xasan wuxu ahaa tiirarka ugu waaweyn ee
riwaayadyahanka Soomaaliyeed, isaga oo si gaara ugu tilmaanaa doorka uu
ka qaato wacyigelinta, gaar ahaan dhiirri gelinta tacliinta iyo naqdiga
aafooyinka bulshada. Wuxu ahaa nin afka ku xarragooda oo sarbeebtiisu
xambaarsan tahay falsafad gundheer oo uu si farshaxanimo leh uu uga soo
mullaaxdo suugaanta hiddaha iyo dhaqanka. Xasan wuxu ku geeriyooday
magaalada Oslo, Norway, 16 January 2008, waxana lagu aasay magaalada
Boorama, Somaliland, 26 January 2008.
Qudbigii suugaanta
Duniyeey qadaraleey
Qabar xumi ma oolee
Maantana qab baa dhacay
Qaylaa habeen timid
Ababshihii qoraalkiyo
Qodinkii aqoontiyo
Qudbigii suugaantiyo
Gorod baa la qaadoo
Qaddarkii haleeloo
Qalinkiisi joogsaday
Qorraxduu ahaa iyo
Qaxootiga madaw iyo
Qorfuhuu ku lee’daa
Qalbigay maroorshoo
Hiygaan ka qawdhamay
Allaylehe qod baa dhacay
Qaran baa habeensaday
Afka qiimihiisiyo
Suugaantu qurux iyo
Waxay qara lahayd iyo
Qudbigeedii baa tegey
Qalinkiyo tawaadii
Quudinaayey baa lumay
Af Soomali qurux badan
Oo qaayo loo dhilay
Far xariira lagu qoray
Qudbigii hadduu tegay
Ayaa soo qormaynoo
Sidii qayli darartiyo
Qaabil caanaheedii
Waayeel qulbaayiyo
Qudhqudhsiin dhallaankii
Murtideena qaniga ah
Sheekooyin qaydhiin
Sida aale qadaw iyo
Qooqaani roobi iyo
Qodaalkii dhulkeenii
Ku quwaystay oo baxay
Yaa qaniini oo jabin
Oo quud macaan iyo
Qumbo malab ka fuuqsani
Quruumaha wixii dhacay
Ilaa qaafo soo jiray
Taariikhda qaabka ah
Qasnadeeda yaa furi
Oo luul ka soo qubi
Ayaa dheeman qaaliyaa
Kolba meel ka soo qodi
Kuul qubatay caynkeed
Qawyada habeenkii
Kolba qaar ka soo heli
Ayaa qaaxo iyo cudur
Huuryo iyo qaniiniyo
Xumihii qarsoonee
Nin dantii quminayaa
Ku qadhaabanaayiyo
Wixii qooma aadmiga
Ee qabkiisa dhaawaca
Ayaa qeexi oo dhili
Oo sarbeeb ku kala qali
Yaa jacayl ku qaydaran
Buuraha qarkoodiyo
Qod laalay ku yaaliyo
Hulo qaabo-qawsayn
Dabayluhu qulqulayaan
Tixa loo qiyaasiyo
Qormo macallin weyn iyo
Liishaan ku soo qaban
Sida kuul qardhaasa leh
Qalanjooyin loo bogay
qoortooda soo sudhi
Qalbigooga soo luli
Inta uu Qurbaankiyo
Quraan ruuggu ducadiyo
Qaadkiyo lubaankiyo
Meerinaayo quulada
Inaguna qushuuc iyo
Hawraar u qalantiyo
Gaby qiimo weyn iyo
Aan qasiido goynoo
Dikri aan u qaadnee
Qummanow saciidiyo
Xaddiyo qalweeyoo
Beylow qaraamida
Soo qabo halkeedoo
Qalabkuu jecelaa iyo
Kamankii ha quustoo
Muusigu ha qululoo
Qaaliyada dhulkeeniyoo
Oslo qoorigeediyo
Qoomka soo koraayiyo
Qaaradaha ha gaadhoo
Codkii qaaligiiyuu
Qururxdiisa joojuu
Qajeel soo gardaadshiyo
Hibo ha ugu qaadee
Mawliidow qormeeyoo
Xadhig bilan ka qaadoo
Qabnadii warkiisiyo
Sheekadiisa qubanta
Xertii gaacidaydaay
Kaalayoo ila qalindara.
- Bashir Goth, 23 Jan. 2008.
- Email: bsogoth@yahoo.com
Fiiro Gaara: Halabuuurka iyo fanaaniinta aan magacdooda tixda ku xusay
waa dad saaxiibaday ah oo aan murti-wadaag hore lahayn iyo qaar jacaylka
suugaanta iyo fanku na kulmiyey. Waxaanay kala yihiin:
1- Siciid Cabdillaahi Iimaan, waa Abwaan ku nool dalka Imaaraadka
Carabta horena aan uga wada qayb galay silsiladdii Xaamiim.
2- Daahir Maxamuud Xaddi, waa Abwaan ku nool Somaliland ahna
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Awdal, horena aan uga wada qayb galay
silsiladdii Xaamiim.
3- Dr. Cabdiraxmaan Bayle, waa nin aan jeclayn in lagu tilmaamo Abwaan
laakiin suugaanta curiya, ururiya oo jecel, waana dhaqaale yahan ka
shaqeeya Bangiga Afrika, dhawaana wuxu tiriyey heesta Qaylo Dhaan ee uu
u tiriyey tiiraanyada Calanka Soomaaliyeed haysata.
4- Axmed Xasan Caynaan (Mawliid), waa fanaan ku xeel dheer tumista
kamanka, waana ninka uu Xudaydi yidhi waxan ku wareejay dhaxalkii
kamanka, wuxuna ku nool yahay Imaaraadka Carabta.
5- Hibo Maxamed Guddoon (Hibo Nuura), waa fanaanada caanka ee ku soo
baxday riwaayaddii Shabeel Naagood ee Xasan Sheekh Muumin sameeyey. Hibo
iyada ayaa qaaday heesaha ugu badan ee Xasan tiriyey, waxaanay ku soo
kortay guriga Abwaanka yaraanteedii.
Dhaq-Dhaqaaqyo Milateri Iyo Abaabul Dagaal Oo Ka Soo Cus-Boonaaday Dhinaca
Maamul-Goboleedka Puntland |
Garoowe, January 28, 2008 (Haatuf) – Sida ay sheegeen warar aanu ka
helay xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe iyo meelo kale waxa
maalmihii u dambeeyey degaamada maamul-goboleedka Puntland ka socday
dhaqdhaqaaqyo milateri iyo abaabul dagaal oo isa soo taraya, iyadoo
dhinaca kalena la sheegay in ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidaha
gobolka Sool ilaa labadii maalmood ee u dambeeyey la geliyey heegan, ka
dib markii sida la sheegay laga war helay dhaqdhaqaaqyo milateri oo ay
ciidamada maamul-goboleedka Puntland ka wadaaan jiidaha kulaalaya
fadhiisimada ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.
Sida la sheegay meelaha ay ciidamada maamul-goboleedka Puntland
dhaqdhaqaaqyada ka sameeyeen waxa ka mid ah degmada Ganbadhe iyo jiido
koonfur-galbeed ka xiga magaalada Laas-caanood, hase yeeshee wararku ma
sheegin wax talaabo ah oo ay ciidamada Puntland qaadeen iyo warar
xaqiijinaya inay weerar soo qaadayaan.
Sida ay sheegeen wararka aanu ka helay magaalada Garoowe waxa hogaaminta
ciidamada maamul-goboleedka Puntland la wareegay nin la yidhaahdo
Kornayl Cadhays oo dhowaan ka yimi dhinaca Muqdisho.
Kornayl Cadhays waxa uu ka mid ahaa saraakiisha milateri ee laf-dhabarta
u ah ciidamada dawladda C/laahi Yuusuf ee ka dagaalamayay magaalada
Muqdisho, hase yeeshee dhowaan ayaa loo soo diray dhinaca
maamul-goboleedka Puntland, iyadoo sababta uu C/laahi Yuusuf ugu soo
diray Garoowe ay tahay inuu la wareego hogaaminta ciidamada
maamul-goboleedka Puntland, waxaana la sheegay inuu Kornayl Cadhays
hadda qaban-qaabinayo dagaal ay ciidamada Puntland ku qaadaan magaalada
Laas-caanood iyo nawaaxigeeda, taas oo ay huwanta maamul-goboleedka
Puntland iyo dawladda C/laahi Yuusuf damacsan yihiin inay dib u
qabsadaan magaalada Laas-caanood.
Sida ay sheegeen warar aanu iyagana ka helay magaalada Boosaaso waxa
dhaqdhaqaaqyada Milateri ee halkaa ka socda ka mid ah baabuur yar yar oo
qoryo la saarayo, baabuurtaas oo dhowaan dhinaca debedaha laga soo
iibiyey, ayna soo iibiyeen dadka debedaha ku dhaqan ee reer Sool.
Sidoo kale warar aanu ka helay magaalada Burco ee xarunta gobolka
Togdheer ayaa sheegay in dhawrkii maalmood ee u dambeeyey shidaalka si
xaamiya loogu iib-geynayey dhinaca Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee
Puntland, taas oo ay dadka qaar baahida shidaal ee dhinaca Puntland ka
soo korodhay u macnaysteen inay qayb ka tahay dhaqdhaqaaqyada milateri
iyo abaabulka dagaal ee laga waddo degaamada Puntland, waxayna dad
badani saadaalinayaan inuu dagaal dib uga qarxi doono gobolka Sool,
iyadoo uu dhinaca debedahana ka socdo olole weyn oo ay wadaan
jaaliyadaha debedaha ee reer Sool, iyagoo ururiyey dhaqaale badan oo ay
ugu talo galeen in la siiyo saanad milateri, sida: hub, gaadiid, Shidaal
iyo raashin-ba.
Musharaxa Obama
Oo Gobolka Koonfurta Korolina Kaga Adkaaday Labada Musharax Ee Kala
Ah Hillary Clinton Iyo John Edwards |
Carolina, January 28, 2008 (W. Wararka) – Senator Barack
Husein Obama oo ka mid ah musharaxiinta xisbiga Dimoqraadiga ee u
tartamaya musharaxnimada madaxweynenimada ee xisbiga Dimoqraadiga ayaa
doorasho maalintii shalay ka dhacday gobolka la yidhaahdo Koonfurta
Carolina ee dalka Maraykanka kaga guulaystay haweenayda iyana ku jirta
tartanka musharaxnimada madaxweynaha Senator Hillary Clinton, oo ah
gabadha uu qabo madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton. Waxa kale
oo isna tartanka gobolkaa lagaga guulaystay siyaasiga la yidhaahdo John
Edwards, iyadoo ay saddexdan musharaxba ku tartamayaan xisbiga
dimoqraadiga gudihiisa.
Senator Barack Husein Obama doorashada ka dhacday gobolka South Carolina
waxa uu dadkii codadkooda dhiibtay ka helay 55%, halka ay Hillary
Clinton heshay 27%, sidoo kale John Edwards waxa uu helay 18%, iyadoo la
sheegay inay taageerayaasha xisbiga Dimoqraadiga ee ku dhaqan gobolka
Koonfurta Carolina 90% codkooda dhiibteen, una kala codeeyey
musharaxiinta kala ah.
Gobolka koonfurta Carolina oo ah gobol ay aad ugu badan yihiin dadka
madowga ah ee asalkoodu ka soo jeedo qaaradda Afrika (African-Americans)
waxay dadkaasi intooda badan codkooda siiyeen Obama oo uu aabihii asal
ahaan ka soo jeedo gobolka la yidhaahdo Nyanza ee dalka Kenya, halka ay
hooyadiina ahayd Maraykanka cad, kana soo jeeday gobolka Kansas ee dalka
Maraykanka, waxaana Mr. Obama iyo Hillary Clinton dhexmaray doodo
kul-kulul oo uu mid-ba midka kale ku reebayo.
Guusha uu Mr. Obama ka helay gobolka Koonfurta Carolina ayey dad badani
ku tilmaameen mid yididiilo gelinaysa rajada uu Mr. Obama ka qabo inuu
ku guulaysto tartanka uu ugu jiro musharaxnimada xisbiga Dimoqraadiga ee
madaxweynenimada, iyadoo ay maalinta loo yaqaan Super Tues-day ay 22
gobol oo Maraykan ahi dooran doonaan qofka noqonaya musharaxa
madaxweynenimo ee dalka Maraykanka.
Mr. Obama waa qareen bartay culuunta sharciga, wuxuuna aqalka Senate-ka
Maraykanka ku biiray sannadkii 2004.
Inkasta oo ra’yi ururin laga sameeyey meelaha qaarkood uu Mr. Obama aad
ugu horeeyo, hadana dadka qaarkood ayaa shaki gelinayo sida uu ugu
guulaysan doono tartanka kama dambaysta ee loogu gud-bayo musharaxa
madaxweynenimo.
Top
Ku-Simaha
Maayarka Burco Oo Guddi U Magacaabay Xalinta Muranka Iyo Cabashada
Wakaaladda Biyaha |
Burco, January 28, 2008 (Haatuf) – Wakaaladda biyaha Burco oo muddo sadex
Bilood ah uu ka taagnaa is qabsi iyo murug u dhaxeeya maamulka iyo
shaqaalaha Wakaaladda ayaa shalay loo magacabay guddi xalisa muranka iyo
khilaafka taagan wakaaladdaas.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolada Bari, Axmed Aadan
Yuusuf, guddidan oo uu magacaabay Maayar ku xigeenka degmada Burco, ahna
kusimaha Maayarka Axmed Cabdi Falay oo isla isaguna uu gudoomiye ka
yahay oo ka kooban siddeed xubnood oo Golaha Degaanka Burco ka mida ayaa
isla shalay gelinkii horeba gudo galay hawsha, iyada oo ay xarunta
Wakaaladda shir ugu qabteen maamulka iyo shaqaalaha.
Kulankan oo ahaa kii u horeeyay ee muddada saddexda bilood ah ee
dhibkani jiray ay sameeyaan Golaha Degaanka Burco ayaa xubnahan ka socda
golaha degaanka ee hawshan galay ay kulankaas kala kulmeen ceebo iyo
musuq ay shaqaaluhu ku cadeeyeen gole degaan ahaan inay qayb ka yihiin
sida daraadood uu xalku yahay (eelka kii dhigay u ergootoy).
Xubnaha guddidan ayaa iyagu ugu horayn dhagaystay cabashada shaqaalaha
iyada oo ay shaqaaluhuna soo saareen shan xubnood oo u hadla.
Ibraahin Maxamuud Cali oo ka mid ahaa xubnaha u hadlay shaqaalaha ayaa
waxa uu yidhi: “Waxa aanu biyaha Burco ku gaadhsiinay iskaa wax u qabso
1999-kii mana jirin cid ka baxsan dadweynaha oo na caawisay markii aan
biyihii magaaladii wada siinay ee wakaaladii dakhli heshay waxa dhexda
ku duubatay xuurtana ku qabsatay dawladda hoose ee Burco, taas oo aan
kab iyo wax kale toona ku biirin halka ay maanta maraysona wakaaladuna
ma garanayo nin reer Burco ah oo ka soo celinaya waayo waxa ay ku
dhacday ceel afar boqol oo baac ah waxaanay u baahantahay cidii ka soo
saari lahayd.”
Maxamed Cabdi Xaad oo isna ka mid ahaa xubnaha shaqaalaha ayaa isna
yidhi “Wakaaladda biyaha Burco, waxa ka jira cunsuriyad iyo qabyaalad,
taas oo dhaawacday kalsoonidi lagu qabay Wakaaladda, waxaanan qabaa
hadaad tihiin golihii deegaanka Burco in aydin wax ka qabanaysaan waayo
qaar idinka mid ah waxa halkan Wakaaladda looga raraa fadhiyada waaweyn
ee lagu raaxaysto ee fadhi carbeedka iyo qalab ay ka mid yihiin jiingado
guryaha lagu dhiso, markaa maxay tahay waxa aad ka qabanaysaan dhibkan
bulshada iyo anagaba na haysta. Hadaad taas wax ka qabanaysaan hadaad
doorasho ku keenteen maamulkan u codeeya hadaad soo magacawdeena dee cid
waxan wax ka qabata keena.”
Cabashadan iyo musuq-maasuqan ay shaqaaluhu maamulka Wakaaladda iyo
golaha degaanka Burcoba ku cadeeyeen ayaa xubnaha Maayar ku xigeenku
magacaabay ku noqotay weji gabax. Gudoomiyaha guddidan ahna ku simaha
Maayarka ayaa isagu la hadlay shaqaalaha una sheegay in ay waxan si
degdeg ah wax uga qabanayaan mudo saddex maalmod gudahood ah waxana uu
yidhi: “waanu dhegaysan hadalkiina waxbaanuna ka qabanaynaa waxa aan
idinka codsanayaa inaad shaqadii aad dadweynaha u hayseen bilowdaan,
shaqadiina ay socoto. Arrinta maamulka iyo idinkaba dhakhso ayaanu u
dhamaynaynaa insha allah, nagumana dhaafayso muddo sadex casho ah. Waxa
kale ee aan idinkucelcelinayaa waa in aanay shaqadu dayacmin waayo dadku
waa dadkiinii.”
Intaa ka dib waxa ay qaateen Maareeyaha iyo maayar ku xigeenka oo tan
iyo wakhtigaa ay fiintu dhex miranaysay labadooda waxana ay geeyeen
hudheelka Shamaxle halkaas oo ay shir albaabadu u xidhan yihiin ku
yeesheen muddo dhawr saacadood ah.
Arrintan Wakaaladda Biyaha Burco oo ah mid taagan mudo saddex bilood ah
ayaan magaalada wax shaqo ah oo caadiya aanay wakaaladu ka wadin taas oo
uu hore maamulka Gobolku u soo fara galiyay wax ka qabashadeeda balse
markii danbe maamulka Gobolku faraha kala baxay markii warkeedu gaadhay
wasaarada Arrimaha Gudaha oo ay wakaaladdu hadda hoos tagto iyo
Madaxweynaha, kuwaas oo aan ilaa hadda bulshadu ka hayn wax ka qabasho
arintaas.
Eng. Cali
Xoor-Xoor Oo Sheegay In Sannadkii 2007 Badeecadihii Ganacsi Ee Ugu
Badnaa Soo Mareen Dekedda Berbera |
Berbera, January 28, 2008 (Haatuf) – Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali
Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor) ayaa sheegay in sanadkii ina dhaafay ee
2007-du ahaa sanadkii ay ugu badnayd xadiga badeecadaha ganacsi ee ka
soo degay dekadda Berbera marka loo eego badeecadihii soo maray
sanadihii ka horeeyey.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, Axmed Aadan
Dheere, sidaasna waxa uu maareeyuhu ku sheegay shir jaraa’id oo uu
maalintii shalay ku qabtay Xafiiskiisa Dekedda Berbera.
Mareeyuhu waxa kaloo uu kaga waramay guud ahaanba howl qabadkii dekedda
ee sanadkaasi oo uu xusay in aanay jirin wax dhibaatooyin la taaban karo
ah oo ka dhacay dekedda sanadkaasi marka laga reebo dhaawacyo aan
sidaasi u cuslayn oo ka soo gaadhay qaar ka mid ah shaqaalaha howlaha
adeegyada ee Dekada waxaanu ugu horeyn maareeyuhu ku bilaabay shirkiisaa
jaraa’id “Hadaan ka waramo sanadkii ina dhaafay ee 2007-dii iyo
dhaqdhaqaaqii howlaha Dekeda waxaan odhan karaa wuxuu ahaa sanadkii ay
ugu badnayd xadiga badeecadu taa macnaheedu maaha inay dekeda soo mareen
badeecado qayral caadi ah oo ka farabadan qiyaas ahaan tii aanu filaynay
waxase jirta in badeecadu sanadba sanadka ka danbeeya soo kordhayso
marka hadaba sandkan ina dhaafay ee 2007 la eego farqiga la tilmaami
karo dhinaca badeecada koontiinrada ayaa waxa kuwii sanadkii kan (2007)
ka horeeyey ee2006 dheeryihiin 1500 oo koontiinar, guud ahaana korodhka
badeecaduhu wuxuu dheeraa kuwii sanadkii ka horeeyay qiyaas ah ilaa
80,000 oo Tone.
Dhinaca xoolaha nool ee ka dhoofay Dekedda tirada Adhigii sanadkii ina
dhaafay dhooftay waxay dhantahay 1,350,000 oo neef halka uu sanadkii
2006-dii ka ahaa 1,199,000. oo Neef halkaa waxaad arkaysaa in faraqa ku
kordhay noqonayo 150,000 oo neef, Sanadkii 2005-tiina waxa uu ahaa
1,500,000 oo neef, dhinaca Lo;da iyada waxaad moodaa inay badnayd
sanadihii ka horeeyey oo tirada dibida dhooftay sanadkii 2005tii waxay
dhamayd 148,000 oo Neef, 2006-diina waxay dhamayd 97,000 oo Dibi halka
ay 2007 ka noqonayso tirada dhooftay 88,000 oo Neef, Awrta marka la eego
tirada sanadkan aynu ka hadlayno ee 2007-da ayaa ka yar marka loo eego
tiradii Awrta dhooftay kii ka horeeyay ee 2006-da waxaanay noqotay
sanadkan 2007 tirada Awrtu 14,000. oo Awr, halka ay 2006-diina ka ahayd
24,000. oo Awr, xooluhuna sidoodaba waxay badankoodu dhoofaan sanadka
lixdiisa bilood ee danbe oo ah xiliga ay goostaan naqa roobabka ee ay
naaxaan.
Ma jirin wax dhibaatooyin (accident) ah oo waaweyn oo ka dhacay sanadkaa
dekeda waxaan ka ahayn dhaawacyo aan sidaas u badnayn waxase jiray oo
aanu waxbadana ka qabanay dhinaca dayactirka agabka lagu shaqeeyo
waxaana kamid ahaa kuwa aan soo qaadan karo Taaga maraakiibta soo xidha
oo aanu dayactir ku samaynay sidoo kalena waxaanu dayactiray kaalka ay
weelku kaga xidhaan dekedda, kolay waa wax layska garan karo meel howli
ka socoto oo goob adeeg ah in howlahaasi keenayaan dhimaal qalabka oo
intaaba waanu wadnaa dayactirka waxa kaloo jira qalab cusub oo aanu
dekedda kusoo kordhinay sida liftarada oo ay kamid tahay ta lagu qaado
koontiinarada miisaanka culus.
Dhinaca tababarada shaqaaluhu ma badnayn oo ilaa dhowr iyo toban nin
ayaanu koorasyo dhinaca Hargeysa ah u diray sanadkii ina dhaafay, may
jirin wax kacdoono iyo carqalad shaqaalaha ah oo dhacay howluhuna guud
ahaan waxay u qabsoomayeen sidii nidaamku ahaa ee loogu tala galay” ayuu
ku gebagebeeyay Maareeyuhu hadalkiisa.
Intaas kadib waxa ay weriyayaashu waydiiyeen maareeyaha dhowr su’aalood,
su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyey maareeyuhuna waxa ay u dhaceen
sidan:-
S: Waxa jiray dhisme bakhaar weyn oo aad sandkii hore ka bilowdeen
dhulka kaydka dekeda hase yeeshee aan howshiisu halkii dhaafin maxaa
hakiyey dhismihii bakhaarkaas?
J: Waxa howshaasi aanu u hakinay waxa jirta ciid ay dabaylaha xagaagu
keeneen dhinaca koonfur Galbeed oo noogu muuqatay inay keeni karto
dhibaato dhinaca qodnaanta Dekedda ah taasoo kontonkii Sanadood ee u
danbeeyey aan wax qodaal ah(xafaarad) lagu samayn halmar mooyaane
dekedda markaas howshaas waxa aanu u hakinay horta in aanu taas ka
horeysiino hubinana inay culays ciideed ku kordhinayso aanu ku
kebisaynay goobta Bakhaarka aanu doonaynay in aanu ka dhisno waxaana noo
qorshaysan in hawsha Xafaaradu qabsoonto Sanadkan gudihiisa markaas waa
sidaas sababta hakadka galisay dhamaystirka Bakhaarkaas.
S: Waxaad sheegtay in sanadkii ina dhaafay ahaa kii ay ugu badnaayen
dhaqdhaqaayada badeecadaha ganacsi ee soo maray dekedda isla markaana
waxaad xustay in aanu jirin dhibaatooyin ku yimaada hawlihii adeegyada
badeecadahaasi ku dhacay sidaas markay tahay miyaanu jirin korodh
dhinaca dakhliga Dekedda ka soo galay badeecadahas hadduu jirayse maxaad
ku qabateen?
J: Waxa kaloo intaas dheeraa hoos u dhaca qiimaha sarifka doolarka oo
isaguna saamayntiisa lahaa horta badeecada korodhkeedu waywadataa oo
dhinac socota howl iyo adeeg siyaada ah oo qiimahiisa leh waa la
garanayaa taas, wax qabadkayagiina waan soo sheegay, waxa kaloo iyaduna
jirta in sanadkii ina dhaafay korodh dhinaca qiimha shidaalka ah oo
miisaankiisa leh marka loo eego howlqabadka dekedda iyoxadiga howlahaas
markaa waxaan odhan karaa muu ahayn korodhka dakhli ee jiraa mid lagu
tilmaami karo inuu u dhigmo arimahaas culayskooda.
S: Waxa jirta in had iyo jeer cabashooyin dhinaca ganacsatada ah taas oo
la yidhaahdo iyada oo ay badan yihiin shaqaalaha Dekeddu ayaa haddana
dadka badeecadaha kala baxayaa ay ugu jiraan tira yar oo aan ka badnayn
saddex qof oo la leeyahay iyaguunbaa idiin hubinaya badeecadiina,
arintaasi ma jirtaa?
J: Arrintaasi ma jirto badeecaduhuna waxay dekedda uga baxaan sida ugu
dhakhsaha badan taas oo badankooduna kuba baxaan waxa loo yaqaano
Directly Delivery.
Wakiilka
Kulmiye Ee Gobolka Awdal Oo Eed Kulul U Jeediyay Laanta
Af-Soomaaliga Ee BBC-da, TV Boorama Iyo Warbaahinta Dawladda |
"Sharaf Maaha In Martidii Reer Somaliland Iyo Dalka Djibouti Ka Timi La
Qariyo, TV-ga Boorama lagu sheegaana..,Madaxweyne Rayaale-na May Ahayn..
"
Boorama, January 28, 2008 (Haatuf) -- Wakiilka xisbiga KULMIYE ee G/Awdal
Aadan xaaji maxamuud aye ayaa idaacadda af-soomaaliga ee BBC-da iyo
telefiishan ku yaal Boorama ku eedeyey inay qariyeen waajibaadkii
dhaqanka ahaa ee martida kuu timaadda laga yeeli jiray, isagoo dhinaca
kalena Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ku canaantay ka
maqnaanshihiisa aaska Marxuum Xasan Sh. Muumin.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, Wakiilka xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal, oo shalay shir
jaraaid ku qabtay Boorama ayaa ugu horreyn waxa eedeyn dusha uga tuuray
cidda gacanta ku haysa wakiilnimada BBCda ee Somaliland, isagoo
hadalkiisa ku yidhi "Waa wax laga xumaado in dad marti ah oo ay
dhaqankeenna iyo diinteennu ina farayaan inaan si fiican u soo dhaweynno,
laga duudsiyo waxay xaq u lahaayeen. Waxaa idaacaddaasi laga sheegay in
guddi heer gobol ahi ay ka qayb qaateen aaska marxuumkaasi.
Qayb uunbay ka ahaayeen kumaankumka qof ee ka kala yimi dunida
daafaheeda, mana ahayn in maamulayaal degmo lagu soo koobo aaskiisa.
BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ahi, waxay warka ku saabsan aaska
murxuumkaasi ka xigatay nin shaqaale dawladeed ah, weriyana ahayn, isla
markaana ay ku jirto shakhsi nacayb iyo xisbi nacayb ku salaysan
siyaasad.
Reer Awdal dhaqan iyo diin uma aha hoos u dhigidda iyo fogeynta martida,
balse waxay ahayd in la sheego ka soo qaybgalkii xoogga lahaa ee reer
Somaliland, Reer Itoobiya iyo dawladda Jabuuti-ba ka geysteen aaska
marxuumkaasi. Ceeb ayey ku ahayd madaxweynuhu inuu ka maqnaado aaskan oo
kale laguna qaddarinayo mid ka mid suugaanyahanada caalamiga ah ee
maanta ka baxay. Waxa kale oo jira telefiishan shakhsiyaad reer Boorama
ahi leeyihiin oo isagana aan lagu muujin guud ahaan ummaddii magaca iyo
maamuuska lahayd ee ka soo qaybgashay aaska marxuumkaasi aan maanta
ahayn qolo, koox, Xisbi iyo wax la mid ah, sidaa darteedna uu TV-gani ka
doorbiday inuu barnaamijyadiisii ku soo dari waayo habmaamuuskii iyo
qaddarintii lagu maca salaameeyey, isagoo TV-gaasi qariyey xitaa ka soo
qaybgalkii Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiintii xisbigaasi,
ergedii reer Jabuuti ee ka socotay Madaxweyne Geelle iyo xitaa
qaraabadii la socotay maydka marxuumkaasi.
Ugu dambayntiina waxan leeyahay ka maqnaanshaha Madaxweyne Rayaale ee
aaska marxuum Xasan Sheekh Muumin waa mid reer Boorama dareemeen inay
tahay tu dhaawac dhinacyo badan leh u geysan doonta.”
“Xukuumadda
Somaliland Waxaanu Leenahay Been Ma Sheegto Taariikhdu, Shacbigow-na
Waa Taariikhdaadii Waxa Ciidda Hoosteeda La Gelinayaa”
War-saxaafadeed Ururka SDWO |
London, January 28, 2008 (Haatuf) Ururka Ilaalinta Dimuqraadiyadda
Somaliland (Somaliland Democracy Watch Organization – SDWO) ee
fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in
manhajka waxbarashada Somaliland laga saaro taariikhdii halgankii
xornimo doonka Somaliland ee SNM, isla markaana wuxuu dhaleecayn ugu
jeediyay xukuumadda Somaliland inay ogolaatay in manhaj keliya loo wada
sameeyo Somaliland iyo Somalia, isagoo dhinaca kalena shacbiga ugu
baaqay inay ka mudaharaadaan taariikhdooda iyo halgankoodii in laga
saaray manhajkii waxbarashada.
Sidaana waxa uu ururku ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay ka soo
saaray magaalada London ee xaruntiisu tahay, kaas uu ku saxeexan yahay
Gudoomiyaha ururkaas Guuleed Cabdi Sheekhaash, waxaanu war-saxaafadeedkaasi
u qornaa sidan:
“Ummad waliba waxay leedahay taariikh soo jireen ah oo ka turjumta
marxaladahii kala duwanaa ee uu dal kastaa soo maray, haday tahay wakhti
fiican iyo hadii ay tahay xili adagba.
Haddaba dalkan Somaliland wuxuu soo maray marxalado aad u kala duwan
hadii laga soo bilaabo xiligii halgankii xoriyada lagaga qaadanayey
gumaysigii cadaa ee Ingiriiska ilaa iyo halgankii qadhaadhaa ee xoriyada
lagaga qaadanayey gumaysigii madoobaa ee Siyaad Bare.
Halgan dheer oo qadhaadh oo naf iyo maalba ku baaba’ay ayaa loo soo
maray xoriyadan hadda la hadhsanayo, waxaa loo soo maray xasuuq loo
badheedhay, baabi’in iyo tirtirid magaalooyinka waaweyn oo lagula kacay
dadkii ka soo jeeday gobolada Somaliland ka kooban tahay qaar ka mid ah,
waxaan filayaa inaan cidna looga waramayn dhiigii dib loogu xoreeyay
xornimadan ay Somaliland maanta ku naaloonayso.
Waxa nasiib daro iyo wax aad looga xumaado ah in taariikhdii ururkii SNM
ee xoriyad doonka ah ee dalkan dhiigga ku xoreeyay maanta la yidhaahdo
halaga tirtiro manhajka waxbarashada fasalka 8aad ee dugsiyada
Somaliland, waxaana wax laga argagaxo ah jawaabtii uu ka bixiyey
wasiirka waxbarashadu Mr Gadhweyne ee uu yidhi halgankaasii wuxuu
saamaynayey qayb inaga mida oo keliya isagoo u jeeda reer qudha, sidaas
darteed taariikh lagama dhigi karo in la sii wadwadaana ma haboona oo
burbur bay keeni kartaa. Wasiirka waxaan odhan lahaa la iskuma diidana
in halgankii SNM uu ka dhashay cadaadiskii iyo xasuuqii lagula kacay
reerka qudha ee aad sheegayso ee miyaa la isku diidanyahay inuu
halgankaasi dhalay sababayna in Somaliland guud ahaanteed xoriyadeedii
ay dib ula soo noqoto oo ay nabad iyo barwaaqo iyo dimoqraadiyad maanta
lagu wada noolaado.
Halgan marna looma wada dhamaan karo cid uun baa bilowda, markaa in la
tirtiro taariikhdii dhiigga badan loo soo qubay waa ku ceeb maanta in
shacbiga Somaliland ogolaadaan. Shacbiga waxaan leeyahay waa inaad ka
dhiidhidaan oo mudaharaado balaadhan oo ay horkacayaan ardayda dugsiyadu
dalka laga abaabulaa oo aan marna loo suurto gelin inay ku guulaystaan
xukuumadda Somaliland iyo hay’ada qaramada midoobay ee horseedka ka ah
aasida iyo tirtirida taariikhda halgankii qadhaadhaa ee SNM.
Hadaan tusaale u soo qaadano dalalka Scotland iyo England waxay ka wada
tirsan yihiin oo ay ku midoobeen boqortooyo la isku yidhaahdo United
Kingdom (UK), horena waxa dhacday in dadka English ka ahi ay ku duuleen
qarniyadii hore oo ay si xun u jebiyeen dadka Scotish-ka ah, haddana
taariikhdaas lama tirtirin ee waa taariikh qoran oo xataa laybareeriyada
laga heli karo oo si faahfaahsan uga hadlaysa dagaaladaas qabaa’ilka
ahaa, ee aan la odhan mar hadii hal dal la isku yahay taariikhdaas hala
tirtiro ama hala qariyo.
Waxa haboon in shacbiga lagu baraarujiyo ujeedada dhabta ah ee ka
danbaysa in hay’adda qaramada midoobay ay buugaagteena ka saaraan
halgankii SNM, sababta ay u cuskanayaana ay tahay in wakhtiga soo socoda
taariikhdii SNM iyo sidii ay Somaliland ku timidba ay tirtiranto marka
uu jiilkii ogaa halgankii SNM uu dhamaado 50ka sano ee soo socda wixii
ka danbeeya, ka dibna dadka danbe ee dhashaa iyagoon ogeyn SNM
taariikhdeedii waxay ahayd iyo dhiigii loo soo maray xoreynta Somaliland
ay si dhib yar ula midoobi karaan koonfurta Somalia.
Waxaan dhaleecayn weyn u soo jeedinaynaa xukuumadda Somaliland oo
ogolaatay in la mideeyo manhajka waxbarashada Somaliland iyo Somaliya.
Wax la qaadan karo maaha in ummad dhan taariikhdeedii loo baabi’iyo reer
hebel baa ka maqnaa. Dhinaca kale waxa la yidhi waan baahanahay looma
bahalo cuno, hadii UN tii inagu xidhay inay buugaag inoo daabacdo horta
taariikhdiinii SNM ha la aaso, waxay ahayd in loo dhaafo buugaagtooda oo
meel laga keenaba aan inagu daabacano kuwo qaranimadeena iyo
taariikhdeenaba aan waxba u dhimaynin.
Shacibigana waxaan leeyahay xisbi iyo siyaasado kale yaanay idin
mashquulin sida mudaharaadada loogu abaabulo arimaha kale ee siyaasadda,
waa in mudaharaado balaadhan oo cabashooyin ah dalka oo dhan laga
abaabulaa oo la wadaa ilaa buugaagtaas la gubayo, waxaan leeyahay
daawanaayoow waa taariikhdaadii waxa ciida hoosteeda la gelinayo ee loo
soo banbaxay in la aasso.
Waxaan ku soo gebegebeeyay maansadii alla ha u naxariistee mujaahid
Axmed Jiiniyas – Dharaaraa ina soo maray shantoo dhaban la saariyo ku
ekeyd dhibaatadu inta dhagar la geystiyo waxa dhacay ma maqasheen.” Top
|