‘Soo
Dhaweyntu Waxay Ii Muujisay Inaan Ahay Nin Dal Iyo Tol leh’
Maxaa Dhici Kara Haddii Mar Kale Reer
Hargeysa Hoggaanka Dalka Ka Fogeeyaan Gobolada Bari?
Maraykanka Oo Dejiyay tubta Qaranimada
Kosovo
Maalintii doorashada Serbia caqabada ku ahayd jiritaanka,
Kosovo ayay Somaliland Booqasho ku timid Jendayi Frazer
Qaybtii 13aad ee sheekadii boqorka
cajaa’ibka
Tirada qaxootiga Soomaalida oo
Djibouti ku sii kordhaya
Shirkad Ka Mid Ah Shirkadaha Dhismaha
Ee Hargeysa Oo Boorama Ka Wada Dhismaha Guryo Farabadan Oo An La Ogeyn Cidda
Iska Leh
Fariin Hanjbaad Ah Oo Loo Diray
Safaarada Finland ku leedahay
Nairobi oo lagu xidhiidhiyay iska horimaadyada Muqdisho ka dhacaya
“Waad Hilmaansantee Somaliland Cida Ku
Xad Gudbaysa, Kuna Tumanaysa Sharciga Dalka U Yaal Ee Loogu Taag La’yahay Ku
Dhaqma. Waa Adiga Iyo Xisbigaaga UDUB” Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee
Xisbiga KULMIYE
“Maayer Cabdale iyo Golaha Degaanka Berbera Halbaanu Leenahay,
Unicefna Halbaanu Leenahay, Maareeyaha Wakaalada Biyahana Halbaanu Leenahay”
Xubno kamid ah Bulshada Berbera
Ma Jirto Cid Bixin Karta Biyaha
Berbera Ama Ama Sheer Ka Bixin Karta Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Degaanka
ODHAAHDA AKRISTAHA: “Ninka
Xaq-Darrada U Adkaysan Waayay Ayaa Mujaahid Tababaran Aan U Arkaa, laakiin
Wasiirku…”
UDUB caalamka ma dhego la'aan bay ugu
warntaa War jiraaba cakaaru imin
|
|
‘Soo Dhaweyntu Waxay Ii
Muujisay Inaan Ahay Nin Dal Iyo Tol leh’ |
Wasiirka maaliyadda oo shalay wasiiro iyo dadweyne kale ku soo dhaweeyeen
madaarka
Hargeysa, February 7, 2008 (Haatuf) - Wasiirka Maaliyada Somaliland,
Xuseen Cali Ducaale [Cawil], ayaa shalay ku soo laabtay dalka ka dib
markii uu in ka badan bil iyo badh ku maqnaa dalka Kenya, isla markaana
intii uu halkaasi joogay habeen ay koox budhcad ahi dhaawacyo ugu
geysatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Wasiirku markii dhaawacyadaasi loo geystay ka dib waxa uu galay cusbitaal,
waxaanu ku jiray cusbitaalkaasi intii ka horeysay laba todobaad horteed
markii uu yimid xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaanu sida la
sheegay ka mid ahaa kooxo Wasiirada xukuumadda ka tirsan oo Somaliland
uga ololaynayay shirkii ururka midowga.
Wasiirka Maaliyadda waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay, xubno
Wasiiro ah, Mudanayaal ka tirsan golayaasha baarlamaanka iyo boqolaal
qof oo la sheegay in loo sii diyaariyay soo dhaweynta Wasiirka, kuwaasi
oo xidhnaa garamo uu sawirkiisu ku yaalo, isla markaana ay ku xardhan
yihiin ereyo ah ka mid yihiin ku soo dhawoow dalka iwm.
Wasiir Cawil Markii uu soo degayba waxa qariyay, kuna soo ururay
wasiiradii iyo dadweynihii soo dhaweynayay, waxaana xataa suurta gal
noqon weyday inuu qadar ku nasto qolka VIP-da ee madaarka, waxaana loo
soo galbiyay gurigiisa magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay mid mid u
salaamayeen dadkii soo dhaweeyay, saxaafadana ugu waramay.
Wasiirku isaga oo xaaladiisa caafimaad ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan
aad iyo aad ugu faraxsan nahay in aan dalkii ku soo noqday anigoo
caafimaad qaba dhibaatadii igu dhacdayna Ilaahay caafimaad iga siiyay ,
maantana dalkaygii ku soo noqday oo aad la ii soo dhaweeyay, taasina ay
ii muujisay in aan ahay nin dal leh oo dad iyo tol leh, aad iyo aad
ayaan ugu mahad celinayaa saaxiibadaydii wasiirada iyo Madaxweynaha oo
maalin walba ila soo hadli jiray iyo saaxiibadaydii ila soo hadli jiray
ee maalin walba caafimaadkayga I waraysan jiray”.
Waxaanu wasiirku intaasi raaciyay “Boqolkiiba boqol weeye xaaladayda
caafimaad nabarkii I gaadhayna waa la I tolay, meeshiina way I bogsatay”.
Hase yeeshee, Wasiirka Maaliyadda isaga oo ka hadlaya in la daba galay
kooxdii budhcada ahayd ee dhaawacyada u geysatay iyo inkale waxa uu
yidhi. “CID-da Kenya way daba socdeen falkaasi, waxaana maalmihii u
dambeeyay ay lahaayeen raad ayaanu helay, laakiin waxaad moodaa dalkaasi
iyaga laftooda ayaa buuq badan galay, laakiin waxaan filayaa in bishan
badhtamaheeda inay wax uun soo saari doonaan”.
Laakiin Wasiirka Maaliyaddu isaga oo ka hadlaya sidii wax ugu dhaceen
waxa uu yidhi. “Habeen ayuu ahaa xiligii dhaawacu igu dhacay, waxanay
ahaayeen niman iska hubaysan oo faashash sita, nasiib wanaag markii ay
sadex nabar bowdada igaga dhutfeen ayay yaaceen sagaalkoodiiba, waxa
dhici lahayd haddii ay sii joogi lahaayeen nabaro ka waaweyn ayay ii
geysan lahaayeen. Aad iyo aad ayaan Ilaahay ugu mahad celinayaa sida uu
iiga badbaadiyay nimankaasi, maalin walba Nairobi dad baa lagu laynayaa
oo duhurka cad ayaa la is laynayaa ”
Maxaa Dhici
Kara Haddii Mar Kale Reer Hargeysa Hoggaanka Dalka
Ka Fogeeyaan Gobolada Bari? |
Faallo: Maxamed Cumar
Somaliland dadkeedu waxay ku kala nool yihiin lix gobol, iyadoo
caasimadana ka dhigtay magaalada Hargeysa oo ah Magaalada ugu weyn dalka.
Waa meeshii ay isku raaceen reer Soomaaliland inay ka dhigtaan magaalo
madaxda laga xukumo dalka tan iyo markii ay garteen inay ka baxaan
midninimadii Somalia ee xaqoodii ay ku waayeen.
Hargeysa waa meesha maanta fadhiisinka u ah dawladda Somaliland, waxaana
ku nool tirada ugu badan ee dadka ku dhaqan tirada ugu badan dadweynaha
dalka, marka la barbar dhigo magaalooyinka kale ee dalka, isla markaana
waxa ka soo baxa ama la geeyo dhaqaalaha ugu weyn ee soo gala
Somaliland.
Hargeysa dhinaca kale waxay tahay meesha laga hago siyaasadda dalka
Somaliland, isla markaana ah magaalada ay joogaan ciidamada dawladda u
adeega ee faraha iyo noocyada badan leh,Ciidamadaa soo waagii hore ee
Somaliland la dhisayey ka koobnaa ciidan beeleedyo la qarameeyey, balse
maanta iska dhiga ciidammo dawladeed oo shicibkii ay ka soo dhex baxeen
uga hiiliya xukuumadda, qaarkoodna loo adeegsado dulmiga iyo caddalad
darada xukuumadda laga sheeganayo inay difaacaan.
Somaliland intii aanay la soo noqon madax bannaanideeda waxa la odhan
jiray gobolada woqooyi, taasoo calaamad u ahayd in woqooyigu leeyahay
laba gobol oo kala Bariga iyo galbeedka.
Xukuumaddii ugu horreysay ee Somaliland yeelatay 1991kii ,ayaa waxa
ahayd xukuumaddii lagu sharfay halgankii SNM la gashay taliskii Afweyne,
kana xoreeyey reer woqooyigii xukunkaa miltariga ahaa. Shirkii ugu
horreeyey ee Burco, lagagana dhawaaqay goon isu taaga Somaliland ,ayaa
dhinaca kale reer Burco ama gobolada Bari u ahaa magac weyn oo u soo
hoyday markii Marxuum C/raxmaan Amed Cali loo magacaabay madaxweynihii u
horreeyey ee Somaliland yeelato.
Nasiib darro wax yar kad dib markii uu marxuum c/raxmaan Tuur xukunkii
dalka qabtay, waxa markiiba la kawsaday dagaallo beeleed, kuwa
siyaasadeed , iyo kuwa kale oo noocyo kala duwan lahaa ,isla markaana
sababay inay xukuumaddaasi ka dhammaan weydo isbaarooyin , dayday, iyo
falal kale oo ciidamdii Dawladdu lahayd, oo ka koobnaa xoogaggii SNM,
madaxweynaha u fasixi waayaan inuu shaqadiisa qabsado oo wakhtigiii
labada sannadood ahaa kaga dhammaado xafiis la'aan, nidaam la'aan, iyo
xasilooni darro ilaa laga gaadhay shirkii Boorama ee 1993kii.
Shiweynahabeelaha Somaliland ku yeesheen Boorama, oo ay ka soo wada qayb
galeen madax dhaqameedyada iyo siyaasiyiin dalka ayaa lagu dhisay dawlad
kale oo uu madaxweyne ka ahaa marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.
Cid kasta oo goob joog ka ahayd shirweynahaasi waxay ogeyd sidii foosha
xumayd ee xilka madaxweynenimada looga qaaday Marxuum C/raxmaan Tuur,
rag magac ku lahaa gobolkan Awdalna ugu hiiliyeen marxuum Cigaal.
Marxuum C/raxmaan tuur oo aan markii xilka laga qaaday wax yar kad dib
aan waraystay, ayaan ku qanacsanayn sidii xilka looga qaaday, iyadoo
isla maalintaasina an waraysi kale ka qaaday musharraxii madaxweyaha
Somaliland ee isla shirkaasi oo ahaa Cumar Carte qaalib, balse Cumar
Carte wuu diiday inuu ka jawaabo dareenkiisii maalintaasi.
Tan iyo wakhtigaa hoggaanka dalku wuxu gacanta ugu jiraa gobolada
Galbeedka oo kala ah Awdal , Saaxil ,iyo Hargeysa ,ilaa imikana ma
muuqato in gobolada Bari Hargeysa looga oggol yahay xukunka dalka.
Tuhunka caynkan ahi wuxuu sababay in siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda
gobolada Bari ay u galaan xukuumadda Somalia ee degi weyday, maamulkii
Somaliland-na si fiican uga dhaqan geli waayo goboladaasi oo xitaa laga
isticmaalo lacagta Somalia ,maanta arrimahaasi Somaliland geliyeen
dagaal aan la ogeyn si uu ku dhammaan doono oo la doonayo in
Laascaaanood lagaga fara maroojiyo Somalia.
Haddaba markaad eegto siyaasadda Somaliland ee maanta ,waxa haya
madaxweyne ka soo jeeda gobolka Awdal ,iyadoo ay sax ahayd in reer Awdal
la tuso inaan qolo ama qabiil keli ahi Somaaliland madaxweyne u ahaan
Karin.
Waxa doorashooyinkii 2003-dii dalka ka dhacay la tuhunsan yahay inuu ku
guuleystay musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Siilaanyo ,balse
dareenkii reer Awdal oo reer Somaliland tix-geliyeen ayaa lagu keenay
Rayaale ka dib markii siyaasiyiin reer Hargeysa ah, culimo, salaadiin ,iyo
waxgarad kaleba lagu khasbay ama lagu qanciyey inay kursiga iskaga
hadhaan.
Haddaba maanta oo reer Somaliland arkeen xukunka madaxweyne Rayaale ,iyo
rajada lagaga baxsan karo waxyaalaha laga sheeganayo maamulka dalka ee
haatan ayaa waxa dalka ka jira mucaarad xoog badan oo ay hoggaamiyaan
siyaasiyiin ka soo jeedda Gobolada Bari, kuwaas oo maanta la ogyahay
waxa ka haysta xukuumadda Hargeysa fadhida. Qaarkood xabsiga Madheera
ayaa lagu tuuray siddii hoggaamiyayaasha Qaran, ku kalena durba waxa
haysta qalalaase iyo cadaadis lagu kala daadinayo taageerayaashiisa iyo
siyaasiyiintiisaba, waxana inta badana eedda iska leh siyaasiyiin ka soo
jeedda deegaanka Hargeysa, kuwaas oo la tuhunsanyahay inuu ka socon
la’yahay shirweyne xisbigaasi yeelan lahaa.
Waxa kale oo la ogyahay sida ragii ka qayb galay SNM ee u hiilin lahaa
xisbigaasi mucaaradka ahi ay isaga mucaarad ugu yihiin, iyadoo arrimahan
ay ka muuqato sida ay reer Hargeysa mar kale u doonayaan inay mucaaradka
uga horjoogsadaan hoggaanka amaba guusha doorashooyinka soo socda.
Si kastaba ha ahaatee ,waxay dad badani isweydiin karaan maxaa iman kara
haddii mar kale guusha mucaaradka xoog lagaga qaato?
jawaabaha su'aashaasi iyo kuwa la mid ahiba waa kuwa dalkan u soo jiidi
kara kala qaybsanaan , iyo arrimo kale oo daciifin kara ictiraafka
dimqraadiyadda aynu sheegeynno, qarannimada,iyo amniga ,arrimahaas oo
gobolada Bariga mar kale ku sii riixi kara Somalia, Somaliland-na ku soo
qaban kari weydo nabad iyo dagaal midkoodna.
Maraykanka Oo
Dejiyay tubta Qaranimada Kosovo
Maalintii doorashada Serbia caqabada ku ahayd jiritaanka,
Kosovo ayay Somaliland Booqasho ku timid Jendayi Frazer |
Washington DC, February 7, 2008 (Haatuf) – Dawladda Maraykanka ayaa markii
ugu horeysay si rasmi ah u qeexday inay ogolaatay qaranimada iyo madax
banaanida dalka Kosovo oo ah, taasi oo ah dalkii ugu dambeeyay ee
qaarada Yurub ay dawladda Maraykanku aqoonsato madax banaanidiisa.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xalay Wasaaradda
Arrimaha Debada Maraykanka oo ay soo saartay ka dib markii ay dawladaha
Yurub shaaca ka qaadeen inay ciidamo u diri doonaan Kosovo, si ay uga
nabad geliyaan weeraro kaga yimaada dawladda xoogga weyn ee Serbia ee
haysta taageerada Ruushka.
Talaabadani waxay ka dambaysay ka dib markii uu musharixii mucaaradka
mayal adagi ku guulaystay doorashadii todobaadkan gudihiisa ka dhacday
dalka Serbia, kaasi oo sheegay in aanu marnaba aqbali karin madax
banaanida Kosovo ee ay wadamada reer galbeedku dabada ka riixayaan.
Kosovo waxay noqon doontaa wadankii ugu dambeeyay ee qaaradda Yurub
madax banaani buuxda la siiyo, waxaana haatan ciidamo ka ilaaliya
weeraro kaga yimaada Serbia u diraya dalalka waaweyn ee xubnaha Midawga
Yurub.
Sidoo kale, dawladda Maraykanka ayaa iyadu xalay soo saartay qorshaha
lagu dhaqi doono dalka cusub Kosovo, waxaanay soo saartay waxay ugu
yeedhay jidka qaranimada Kosovo oo ka kooban 12 qodob, kuwaasi oo ay ka
mid yihiin wada noolaanshaha dadka kala isirka ee reer Kosovo, kuwaasi
oo isku maamuli doona hab dimuqraadi ah ku dhaqanka Sharciga, ilaalinta
xuquuqda aadamaha iyo xoriyaadka aas-aasiga iyo nabad iyo barwaaqo ku
wada noolaanshaha mandaqadooda.
Waxa kale oo lagu sheegay qorshahan loo bixiyay jidka qaranimada Kosovo,
in dalalka Midawga Yurub ay u diri doonaan ciidamo ilaaliya, isla
markaana ay qaramada Midoobay iyo maamulka haatan ee Kosovo dalkaasi ka
dhaqan doonaan qorshaha jidka qaranimada ee 12 qodob ka kooban, waxaana
qodobadaasi lagu dhaqan gelin doonaa muddo 120 gudahood ah.
Muddada gudaheeda maamulka Qaramada Midoobay ee Kosovo isbedeli maayo,
beesha caalamkuna dusha ayay kala socon doontaa.
Baarlamaanka shacabka ee Kosovo ayaa muddadaa gudaheeda diyaarin doona
dastuurka ay yeelanayso Kosovo, isaga oo la tashanaya beesha caalamka
iyo dhaqan gelinta tubta qaranimada Kosovo.
Marka laga gudbo muddada ku kala guurka ee 120 maalmood ah, waxa ku eg
waqtiga maamulka Qaramada Midoobay ee Kosovo, waxaana kala wareegi doona
maamulka Kosovo ee baarlamaanka iyo Xukuumadda ah.
Muddo sagaal bilood gudahood ahna waxa laga diyaarin doonaa doorashooyinka
dawladaha hoose iyo guud ee baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha.
Qaranimada Kosovo waxay jidka u xaadhay Somaliland, iyada oo maalintii
doorashada Serbia oo caqabad ku ahayd Madax banaanida Kosovo ay
Somaliland booqasho ku timid kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debada ee
Maraykanka u qaabilsan Afrika.
Qaybtii 13aad
ee sheekadii boqorka cajaa’ibka |
Boqorka waxa kale oo aad looga hadal hayaa jasiirada oo
dhan wixii dad iyo jin deganaaba waxay noqdeen kuwo aad u xaq dhawra, oo
waxay si weyn uga heleen ninkan daacadnimadiisa iyo sharafta u leeyahay,
oo wuxuu aad u soo jiitay maskaxdooda, marka u la hadlayana waa nin
hadalkiisa ay fahmi karayaan oo ka dhaadhicin kara ujeedooyinka u
leeyahay, waxa kale oo ay ka arkeen inuu yahay runta aan ka gaban oo
sheega ka dibna waxay u aqoonadeen nin qiimo weyn agtooda ku leh inui
yahay.
Dadka jasiirada degan waxa ay boqorka u doorteen inuu ka mid noqdo
golaha hogaaminta oo ka qayb galo oo weliba madaxa golaha maamulka noqdo,
waxa kale oo u boqorku hayaa maamulkii beeraha iyo xoolaha nool ee
odayga inanta uu ka qabaa leeyahay, labada hawloodba waxa uu ku noqday
nin si fiican u maamula.
Dadka jasiirada degani waxay sidaa u yeeleen ka dib markay ogaadeen
iyaga oo tixraacaya taariikh nololeedkiisii hore ee boqornimo, haatanse
aanu joogin dhulkii u ka tali jiray ayay la noqotay in ay ninkan ku
sharfaan inuu ka mid noqdo xubnaha ugu sareeya jasiirada.
Boqorka isla markiiba waxa u ka helay jasiirada soo dhoweyn fiican ka
dib markii ay si aad ah isku barteen bulshadii halkaas ku dhaqnayd una
dhiibteen inuu hogaaminta –sare ka qayb qaato.
Maalin maalmaha ka mid ah oo dadka meesha degani ay xusayeen mid ka mid
ah caadooyinka ay dhaqan ahaan u leeyihiin waxay ku marti qaadeen
boqorka cajaa’ibka ah inuu kala soo qayb galo ka bacdina halkaas waxay
ku siiyeen bilad sharaf.
Boqorka waxa kale oo aad u jeclaaday dhammaan shaqaalaha ka shaqeeya
beeraha iyo xoolaha odayga u inanta ka qabaa leeyahay ee u isagu {boqorku}
madaxda u yahay, oo dadka iyo jinkuba noqdeen kuwo ka dambeeya oo
ixtiraam u muujiya, balse boqorku ilaa xad marka u la hadlayo qoomka
jinka ah ee meesha {jasiirada} degan waxa u isticmaalaa isaga oo aad
iskaga ilaalinaya inuu erayo ay iskaga hor yimaadaan ku yidhaahdo hadal
badana lama galo, waxana u sidaa u yeelay oo ogyahay in jinka kiisa aan
muslinka ahayni dhibaato badan yahay, hadduu isku furfurana kolay shaki
jirayo laakiin waxa ay is barteen dhawr nin oo jinka ka mid ah kuwooda
hogaamiya oo weliba mid ka mid ahi yahay chief Caaqil kuwa kalena yihiin
cuqaal.
Boqorku wax u sidaa u shaqeeyaba wakhtina waxa u ka qayb galaa shirarka
xubnaha hogaaminta deegaanka Jasiirada, wakhtiyana shaqadiisa maamul ee
beeraha iyo xoolaha nool ee odayga sodoga u ahi leeyahay.
Muddo sanad iyo dheeraad laga joogo ka dib waxa boqorka iyo gabadhiisa u
dhashay wiil kaas oo loo sameeyay damaashaad iyo duco, baahi weyn oo
boqorka laftiisu u qabay inuu Illaahay caruur siiyo, isaga oo aanay
gabadhiisii hore u dhalin wax ubad ah, waxaanay noqdeen kuwo aad ugu
farxay wiilka u dhashay boqorka iyo gabadhiisu.
Waxa dhacday in maalin isaga oo boqorku jooga beer ka mid ah beeraha u
maamulkooda hayo ayaa waxa u yimi nin ka mid qoomka jinka ah ee
jasiirada degan isla markaana ahaa kuwa boqorka ay is barteen ee ugu
mudan jinka waxana u la socodsiiyey boqorka in maalinta 1aad ee
todobadka soo socda leeyihiin oo u dabaal dagayaan ciidd ka mid ah
ciidaha ay sida weyn u soo dhoweeyaan.
Markii u boqorku weydiiyey ciidaasi waxa ay tahay waxa u ugu sheegay
inay tahay mid si weyn ay u xusaan oo rag iyo dumariyo caruurba ay ka
wada qayb qaataan isla markaana loo baahan yahay buu yidhi inaad nagala
soo qayb gasho boqorow.
Boqorku isaga oo yaaban ayuu ninkii u celiyey hala gaadho maalintaas iyo
waayahay ayay ku kala tageen.
Markii ninkii fariinta u keenay ka tagey ayaa boqorku weydiiyey nin ka
mid ah dadka jasiirada degan waxa ay qabtaan ama sameeyaan jinku
maalintaas u sheegayay ninku
Intaa ka bacdina waxa loo sheegay boqorka inay tahay maalintan ay
sheegayaan ciid ay leeyihiin oo jinku sameeyo dabaal-deg ay ku lifaaqan
tahay dhoola-tus ay dadka u faanayan oo tusayaan quwadaha iyo
farsamooyinka ay dadka dheer yihiin ee kaga horeeyaan.
Boqorkii wax ku ka yaababa waxa u yidhi “la arki doonaa waxa maalintaas
ay sameeyaan” ka dib ayuu nin shaqaalihiisa ahi ku yidhi “boqor
maalintaa waxa ka mid ah oo ay sameeyaan, dadka ay casuumaan waxay u
xidhaan kabo birra”, markuu hadalkaa ku yidhi ayuu boqorkuna yidhi isaga
oo dhoola-cadaynaya oo la kaftamaya “ waar iyaga iska daayoo aniga ayaa
kabaha birta ah gashanaya.
Tirada
qaxootiga Soomaalida oo Djibouti ku sii kordhaya |
Djibouti, February 6, 2008 (Haatuf) – Dadka qaxootiga
Soomaalida ah ee ka soo barakacay Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia ayaa
ku sii kordhaya dalka Djibouti.
Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee
UNHCR tirada dadka qaxootiga Soomaalida ah ayaa sii kordhaysa, iyaga u
haajiraya dalka Djibouti iyo wadamada Carabta.
Hay’addu waxa ay sheegtay in dalka Djibouti ay yimaadeen in ka badan 700
oo qof oo qaxooti Soomaali ahi sannadkii 2007, kuwaasi oo Djibouti ka
soo galay xadka Lawyacado ee ay Djibouti la wadaagto Somaliland.
Hase yeeshee waxa ay hay’adu intaasi ku dartay in 400 oo ka mid ahi ay
bishii January yimaadeen. Sidoo kale dad badan oo qaxooti ah ayaa doonyo
ku yimid magaalada Obock ee waqooyiga Djibouti ku taala sida laga soo
xigtay masuuliyiinta dekedaha Djibouti.
Booqasho ay ku tageen magaalada Lawyacado ee xadka u dhaxeeya Somaliland
iyo Djibouti masuuliyiin ka kala socota hay’adda UNHCR iyo dawladda
(Djibouti) waxa ay saraakiisha xuduuduhu u sheegeen inay jiraan qaxooti
joogto ah oo aan garanayn dal meel ay ku socdaan ay yimaadaan xadka
iyaga oo magangelyo doon ah.
Qaar ka mid ah qaxootigan ayaa qarda jeexa taagaga xadka si ay uga
baydhaan in saraakiisha xuduuduhu joogaan, hase yeeshee hay’adda UNHCR
iyo masuuliyiinta dawladda Djibouti ayaa arrinta soo fara geliyay, isla
markaana Djibouti ku qanciyay inay ogolaato inay dadkani si sharci ah
ugu soo gudbaan Djibouti hab qaxootinimo ah.
Hay’adda UNHCR iyo masuuliyiinta Djibouti ayaa isla gartay in dadkan
inta hore lagu hayo meesha la yidhaahdo Cali Cadeh oo marka hore hoy u
ah in ka badan 7,000 kun oo qof oo 3,500 oo qof ka mid ahi ay ka mid
yimaadeen Koonfurta iyo badhtamaha Somalia halka ay 2,800 oo qof oo ka
mid ahna ay UNHCR sheegtay inay ka yimaadeen Somaliland.
Shirkad
Ka Mid Ah Shirkadaha Dhismaha Ee Hargeysa Oo Boorama Ka Wada
Dhismaha Guryo Farabadan Oo An La Ogeyn Cidda Iska Leh |
Boorama, February 7, 2008 (Haatuf) – Mid ka mid ah shirkadaha dhismaha
qaabilsan ee laga leeyahay degaanka Hargeysa oo aan magaceeda la sheegin
ayaa tan iyo bishii hore Boorama ka wadda dhismayaal guryo cusub, qaarna
dhammaystirtayb.
Guryahan haatan dhismahoodu socdo oo
tiradoodu gaadhayso ilaa shan guri oo waaweyn, qaarna loo diyaariyey in
laga dhigo dabaqy, ayaan ilaa imika magaca shirkadda dhismahan
qandaraaska lagu siiyey calaamaddeeda lagu arag goobaha dhismayaashaasi,
iyadoo dhinaca kalena masuuliyiinta hawsha dhismaha wadda la ogyahay uun
inay yihiin shirkadaha dhismaha ee degaanka Hargeysa, shaqaalaha reer
Boorama ee ka hawlgala dhismayaashaasiina aanay haba yaraatee ka hadal
cidda iska leh iyagoo hadalka kuugu soo gaabinaya garan maayo ee ma
shaqaysanaysaa ayuun baa la igu yidhi.
Dhismayaashan oo inta badan isu wada eg xagga dhismaha iyo naqshadda
guud, ayaa waxay ku kala baahsanyihiin istaanka looga baxo Hargeysa ee
Boorama ku yaalla ilaa agagagaarka sariibadda hilibka iyo qudaarta ee
Boorama, iyadoo muddada dhismayaashaasi qaarkood lagu dhammaystiray uu
ahaa wakhti kooban maadaama si hagar la'aan ah qalabka dhismaha loogu
dhammaystiray.
Ilaa imika lama oga cidda shakhsi ahaan iska leh dhismayaashaasi, iyadoo
dhinaca kalena aanan wax xog ah laga haynin in mulkiilayaasha guryahaasi
yihiin qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda Somaliland iyo imay yihiin
shakhsiyaad qurbajoog ah ama inay yihiin ganaacsato u dhalatay degaanka
Boorama ama gobolkaba.
Sidoo kale waxay guryahani ka simanyihiin isu ekaanshaha qalabka
dhismaha loo adeegsasday, sida albaabada oo wada biro ah, daaqadaha iyo
xaddiga dhulka ay ku fadhiyaan oo isu wada qiyaas ah, waxayna
dhismayaashani buuxiyeen dhul ama jagooyin bannannaa muddo dheer oo
malaha dadkii lahaa ay u waayeen itaal iyo dhaqaale ay ku dhistaan.
Si kastaba ha ahaatee qaar badan oo ka mid ah dadweynaha Boorama ayaa
isha ku haya cidda yeelan doonta guryahaasi marka ay dhammaadaan, kuwaas
oo wakhtigan xaadirka ah qaarkood la yaabbanyihiin kharashka ay
tuhunsanyihiin inuu gaadhayo boqollaalka kun ee Doolar ee guryahan lagu
bixinayo haddii uu leeyahay shakhsi keliya iyo haddii ay dad kala duwani
leeyihiinba. Top
Fariin
Hanjbaad Ah Oo Loo Diray Safaarada Finland ku leedahay
Nairobi oo lagu xidhiidhiyay iska horimaadyada Muqdisho ka dhacaya |
Nairobi, February 7, 2008 (Haatuf) Safaaradda Dalka Finland ku leeyahay
magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegtay inay heshay
fariin loo soo mariyay aaladda Internet-ka oo looga digay inay la kulmi
doonto weeraro argagixiso, iyada oo lagu xidhiidhinayo arrimaha dalka
Somalia.
“Waxa aanu helnay fariin digniin ah oo la noo soo mariyay boosta
internet-ka (Email), fariintaasi oo xambaarsan hanjabaad ah ay nagu
xidhiidhinayaan inaanu Itoobiya u janjeedhno marka ay timaado arrimaha
Somalia ka taagan waqtigan xaadirka ah” Sidaa waxa tidhi, Heli Sirve oo
u fariinta hanjabaada ah ee loo soo diray uga waramaysay wakaalada
wararka ee Reuters.
waxaanay Haweenayda safiirada uga ah dalka Finland magaalada Nairobi
intaasi raacisay in hanjabaadan ay ku wargeliyeen bileyska Kenya ee la
dagaalanka argagixisada, isla markaana ay ka dalbeed in la baadho
fariintan oo ay heleen dabayaaqadii todobaadkii tegay.
Safiiradu waxa kale oo ay sheegtay in aanay cadayn cida soo dirtay
fariintan hanjabaada ah, isla markaana aanay garananyn sabab
safaaradoodu loogu hanjabo in la soo weerarayo.
ilaa hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambaysay fariintaasi iyo
meesha looga soo diray toona.
Safaaradda Finland ee magaalada Nairobi ayay arrintani ku abuurtay
walaac sida la sheegay ay ka qabaan in la soo weeraro.
Sannadkii 1998-kii ayay ahayd markii safaaradii Maraykanku ku lahaa
dalka Kenya la qarxiyay, isla markaana ay ku dhinteen dad tiradoodu ka
badan laba boqol oo qof.
Dawladda Maraykanka ayaa waqtigaasi ku eedaysay kooxo asal raac
muslimiin ah oo xidhiidh la leh Al-Qaacida inay ka dambeeyeen weerarada
loo geystay safaaradihii Maraykanka ee Nairobi Kenya iyo Daarasalaam
Tanzania.
Hanjabaada waqtigan loo diray Safaaradda Finland waxay ku soo beegantay
ay xaalado colaadeed oo qabiilo is-ugaadhsanaya isku bedelay ka jiraan
dalka Kenya, kuwaasi oo ka dhashay doorashooyinkii madaxtinimada
dalkaasi ee 27/12/2007.
“Waad
Hilmaansantee Somaliland Cida Ku Xad Gudbaysa, Kuna Tumanaysa
Sharciga Dalka U Yaal Ee Loogu Taag La’yahay Ku Dhaqma. Waa Adiga
Iyo Xisbigaaga UDUB” Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE |
Hargeysa, February 7, 2008 (Haatuf) - Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee
Xisbiga KULMIYE Axmed Cumar C/laahi (Xamerje) ayaa jawaab kulul ka
bixiyay eedaymo uu shalay xisbigooda u soo jeediyay Gudoomiyaha
siyaasadda ee xisbiga talada haya ee UDUB.
Mr. Xamerje waxa uu arrintaasi kaga hadlay warsaxaafadeed uu xalay soo
saaray, waxaanu ku yidhi, warsaxaafadeedkiisa “Sida aynu la wada socono
waxa warbaahinta maxaliga ah ku soo baxay warsaxaafadeed uu soo saaray
05/02/08 Gudoomiyaha arrimaha siyaasadda ee xisbiga UDUB, Cumar Jaamac
Faarax Warsaxaafadeedkaas oo uu ku dhaliilayo xisbiga mucaaradka ah ee
KULMIYE waxa uu kaga hadlay weftigii wasiirka Afrika u qaabilsan
dawladda Maraykanka Assistance secretary of State for African Affairs ee
Somaliland yimid 03/02/2008, in xisbiga KULMIYE uu ku yidhi yaan la
aqoonsan Somaliland.
Isagoo tusaalayaal u soo qaatay qodobo dhawra oo intuba ah dhaliilo
hubaashii ceeb laga xishoodo ku noqonaya xisbiga talada haya oo aan
garanayn macnaha waxa uu dhaliisha ka dhigayo inay tahay dhaliisha daaha
ka saaran xsibiga UDUB.
Haddaba marka laga hadlayo qaddiyada gooni isku taaga Somaliland waa mid
qof walba oo SOmalilander uu xilka saaran yahay, lamana qaadan karo
xisbiga KULMIYE oo hubaashii uga lexe jeclo badan xisbiga UDUB
jiritaanka qaranimada Somaliland, in xisbiga UDUB yidhaahdo KULMIYE waxa
uu diidan yahay aqoonsiga Somaliland.
Tusaale ahaan.
Cumar Jaamac waxa uu soo qaatay KULMIYE weftiga ku yidhi xukuumaddu
kumay dhaqmin miisaaniyadii sannadkii hore
waxa kale oo uu sheegay in xukuumadu aanay sharciga ku dhaqmin oo ay is
hortaagto
In si sharci darro ah loo xidhay siyaasiyiintii ururka Qaran
Iyo in weliba in xukuumaddu suuqii ganacsiga ka dhigtay mid cid gaara ah
u xidhan (monopoly).
Haddaba, markaad eegto qodobadan uu soo qaatay Gudoomiyaha arrimaha
siyaasada ee xisbiga UDUB waxa uu kaga gar naqayaa waa qaladaadkii
gudaheena ee maxaa kor loogu qaadayaa. Haa!
Haddaba waxaan kuu sheegayaa Xoghaye weftigani inoo yimid inaanay wax
seegani jirin, hadalkayaguna waxa uu u dhigan yahay qaladaadka jira ee
idiin gaarka ah hana loo qariyo ee waxba aad hilmaantay inaan u
taaganahay qaloocaaga inaan toosiyo aniga oo ka dhawaaqaya inaad
hagardaamaynayso geedi socodka dimuqraadiyada.
Haddaba Xoghye waxaan idin kula talinayaa in hubaashii ay weftiyo badan
inoo iman doonaan
Wax wal oo aad xumaysaana in la sheego waxaan u ah xisbi Qaran
Guntii iyo gebagebadii waxaad sheegtay inaan is hortaagay aqoonsigii
Somaliland, laakiin waad hilmaansantee Somaliland cida ku xad gudbaysa,
kuna tumanaysa sharciga dalka u yaal ee loogu taag la’yahay ku dhaqma.
Waa adiga iyo xisbigaaga UDUB
“Maayer
Cabdale iyo Golaha Degaanka Berbera Halbaanu Leenahay, Unicefna
Halbaanu Leenahay, Maareeyaha Wakaalada Biyahana Halbaanu Leenahay”
Xubno kamid ah Bulshada Berbera |
Anaga oo kamid ah Dadweynaha ku dhaqan magaalo xeebeedka Berbera
waxaanu aad iyo aad uga xunahay Ogolaanshaha Maayer Cabdale
Maxamed-Carab ugu ogolaaday Hay’ada Unicef iyo cidii kale eek u
wehelisaba in Biyaha magaalada laga saaro gacantii dawlada oo laga
dhigto Meherad wadaag ah, runtii waa mid aanaan ka filayn oo u qaadan
waa nagu noqoqtay markaanu maqalay waxa wargeyska Haatuf bogiisa hore ku
qoran “maayeka Berbera oo ogolaaday in biyaha Berbera Noqdaan Meherad
lagu shuraakoobayo” taasi yaab iyo amakaag .........waxa yaabka yaabkiis
iyana nagu noqotay markaanu raadinay wargeyskii ay arintani ku qorayd ee
aanu akhrisanay ayaa waxa nagaga soo baxday in cida wax wadaagaysa ay
kamid yihiin xubno kamid ah golaha Degaankawaa sida qoraalka ku taalay
eh, waxba taas ku dheeraan mayno oo waa taariikh lama ilaan waan ah
waana dhito u taal, cid akasta oo taageerta ficilkan lagu doonayo in
Meherad wadaag ah laga dhigto biyaha danyarta Reer Berbera ka
gaboodsadaan Jawiga Dabiiciga ah ee Xagaaga, Ilaahaybaa ugu deeqay
Biyaha Dubaar waa Xikmad Illaah,.....hadaba waxaanu leenahay cida sidaas
ku talisay iyo cida ku raacday midkoodna kuma wareejin karo waana lama
taabtaan Deeqda UNICEFN-a waxa ka weyn Deeqda ilaaha-weyn ee Buurtaas
nooga dilaaciyey Ishaa Dubaar, waxaanu Fariintayadan gunaanad uga
dhigaynaa Unicef iyo hawlwadeenadeeda Hal baanu leenahay Wasaarada
Macdanta iyo Biyahana Halbaanu Leenahay, Maayerka iyo xubnaha Golaha
degaankana Halbaanu Leenahay, Maareeyaha wakaaladana Halbaanu Leenahay ,
Unicef waxaanu leenahay Lacagta ay Hayso ee ay leedahay ku aamini mayno
Meel Xukuumadu gacanta ku Hayso Hadii aanay Dowladayada ku aaminayn
hayska haysato, Wasaarada M. iyo biyahana waxaanu leenahay Macal Asaf
waanu ka xunahay iyadoo laydin ceebaynayo oo la leeyahay waxba laguma
aamini karo in aad sacabka u tuntaan Cidii siaas idin lahayd (UNICEF),
Meeyarka iyo Golaha degaankana waxaanu leemnahay Ma waxaanu Idin
moodaynay mise waxaad noqoteen mise waxaan loo noon doonin, waxaanu idin
moodaynay markaad na doortay lahaydeen kuwii wax noo qaban lahaa
waxaadse noqoteen kuwa laga inaabsaday waxaanaanse u noqon doonin in
aanu dib idiin doorano, Maareeyaha wakaalada waxaanu leenahay Hadaanad
sidii Duur ama Maxamuud-biyoole yeeli karayn wakaalada biyaha Berbera
way isbixinaysaaye aad yar oo dhalatay xilka dhulka iska dhig waa waxaan
dhici kreyn in shirkad ganacsato ah oo sheer wadaag ahi meharad ka
dhigtaan adna aad maareeye ka ahaataaye
Maacyayada xubnaha
1- Cali Xaashi Maxamed
2- Maxamed Cilmi Axmed
3- Maxamed Axmed Cige
4- Ibraahin Cali Xasan
5- Hugur Aadan Madar
6- Axmed Maxamed Aadan (qamash)
7- Shiine Maxamed Xuseen
8- Aamina Maxamed
9- Canac Cusmaan
10- Sh. Axmed Faarax Cabdi
11- Maxamed C/laahi Muuse (Indho)
12- Aadan Muxumed Xasan (Akal)
13- Faarx Saleebaan
14- C/rashiid C/raxmaan cali
15- Cabdi Faarx Ducaale
Ma Jirto
Cid Bixin Karta Biyaha Berbera Ama Ama Sheer Ka Bixin Karta
Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Degaanka |
Berbera, February 6, 2008 (Haatuf) Xildhibaanada Jaamac Guuleed iyo
Cawil Cali Sugule oo ka tirsan golaha degaanka ayaa sheegay in aan
nidaamka biyaha magaalada Berbera waxba laga bedeli karin, isla markaana
aanay ka dhigi karin wadaag maamulka iyo dadweynaha toona aanay wareejin
karin, iyada oo ay biyuhu ka mid yihiin adeegyada looga fadhiyo maamulka
dawliga ah ee degmooyinka.
Xildhibaadani waxa kaloo ay si kulul u naqdiyeen Hay’ada Unicef iyo
wasaarada macdanta iyo biyaha, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay muddo
dheer geed dheer iyo ku gaabanba u fuushay sidii ay gacanta xukuumada
uga hor-saari lahaayeen biyaha magaalada Berbera.
Waxaanay xildhibaanadan uga digeen hay’ada Unicef in aanay deeqda ay
adduunka kaga soo qaaday biyaha Berbera aanay noqonin kuwa abuura
dhibaato iyo xasilooni daro ka dhex dhacda maamulka iyo dadweynaha
magaalada Berbera. Waxaanay ugu baaqeen haddii ay jirto hanti ay unicef
u hayso Biyaha Berbera in aanay shuruud kaga dhigin nidamka wadaaga ah
ee waa inay gelisaa Biyaha wixii ay deeq bixiyayaasha kaga soo qaadatay.
Xildhibaanada oo habeenkii xalay khadka telephone-ka kula soo xidhiidhay
Haatuf waxa kale oo ay sheegeen in aanay Biyuhu noqon karin meherad
macaash laga doono oo ay maal-gashadaan dad faa’iido doon ahi, isla
markaana ay cid kasta oo biyaha Berbera ugu deeqaysa hanti hay’ad iyo
ganacsataba ay soo dhoweynayaan.
Xildhibaanadani waxay sidoo kale, maareeyaha wakaalada Biyaha u soo
jeediyeen inuu ka waantoobo hadal haynta barnaamijka biyaha uu goor
walba la soo taagan yahay isma bixinayaan, maadaama aanu marnaba wax
xisaabaad ah soo hordhigin golaha degaanka ee ay hoos yimaadaan biyuhu
sida uu qabo xeer 23 ismaamulka goleyaasha degaanka ay biyuhu soo
gaadhaan Berbera oo sanadka intiisa badan ah meel kulul, isla markaana
looga baahan yahay biyo badan oo biyaha 50% ay ku yimaadaan kala
sareynta dabiiciga ah ee dhulka (gravitation) ayaa waxay u sahlaan dadka
reer Berbera inay biyaha ku helaan qiimo jaban oo aad uga hooseeya
biyaha shidaalka lagu soo saaro.
ODHAAHDA
AKRISTAHA: “Ninka Xaq-Darrada U Adkaysan Waayay Ayaa Mujaahid
Tababaran Aan U Arkaa, laakiin Wasiirku…” |
Xaq-darrada 8 sannadood oo aan u shaqaynayay hay’adda Halo Trust xaqood
ayuu gaalkii la toogtay xaq darro igaga haystaa, xukuumaddana waan u
dacwooday mana hayo.
Sida halkan ku cad, waxaan ka mid ahaa shaqaalaha Halo Trust ee miinada
ee Hargeysa ka hawlgala muddo 8 sannadood ah 20/10/1999 ilaa 25/08/2007
ka dib gaalkii dhawaan la toogtay ayaa si xaq darro ah iiga joojiyay
shaqadii, xaqaygiina ku haysta ilaa imika xaqdaro. Waxaan u dacwooday
sida sharciga ah wasaaradda ku shaqada oo ah Wasaarada Caafimaadka iyo
SHaqada, markay baadheen iyagoo hay’adda SMAC la kaashaday waxay u
qoreen gaalka warqad ay xaqayga 8 sannadood ah ee uu sharci uu iigu
diidaa jirin I siiyo, Agaasimaha guud ee shaqada iyo shaqaalaha iyo SMAC
wuu iska soo diiday, Wasiirka Caafimaadka iyo SHaqada ay qudhoodu ay
sidii oo kale ayuu waraaq amar ah ugu qoray, dhegahay ka furaysteen,
Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqadau waraaq qoraala ayuu u gudbiyay
madaxweyne ku xigeenka oo uu kaga hadlay inuu iga siiyo xaqaa, isaga oo
ilaalinaya gacanta ku haya muddada aan dacwoonayay odhan 6 bilod waa
halkii aan ku joojin lahaa dacwadayada, wax kasta aan yeelo’e, haddaanu
iiga qaadin xaqaygaa.
Waxa kaloo qof kasta garan karaa qof shaqaale 8 sannadood ahaa inuu
yahay qof shaqadiisa ka adag, balse waxaanu ka adkay aanu intaas oo
sanno joogeen, sidaa darteed waxaan ka soo shaqeeyay anigoo madax
hay’adda ka ahaa dhammaan gobolada JSL iyo degmooyinkeeda oo dhan, wuxuu
kaloo qofka shaqaalahayaga ahi xaq u leeyahay sida heshiisku dhigayo 2
dignoonood oo ta hore 6 bilood shaqanayso, ta kalena 1 bil.
30 nin oo gaalkaa la toogtay xaq darro ku wada eryay ha iga horeeyo ama
ha iga dambeeyee may helin, waxaanu nagu yidhi, raggiinan meesha waa ku
raagteen iyo sidiinaan idiin necebahay, waana ta toogashada keentay.
Waxa kalo oo la iis heegay inuu ninkaa toogtay ku jiray bisha dambe ayaa
shaqadan kugu dambaysa, isaga oo aan danbi gelin, waxaanu ahaa
(Supervisor) maamule khabiir ku ah, waxaanu ragayagaa ku bedelay, haween
miinaystayaal ah uu ku sheegay oo direys iyo kabo qudha siiyay, raggana
hawdka u raaca oo ay horaantoodii miino ku qaraxday.
Waxaan xukuumadda u sheegayaa sida qoraalka Wasiirka caafimaadka ku cad
inuu ninkaa gaalka ahi uu xaalad abuur yahay, anagana xuquuqdayada uu
duudsiyay, masuul waxaa ka ah xukuumadda JSL.
Waraysiga uu Wasiirka Arrimaha Guduhu siiyay BBC-da ee uu ku amaanayo
ninka bileyska ah ee toogtay mujaahid Cabdi Madoobe ee uu yidhi waa
bileys tababaran, waxaan leeyahay tababar daayo maaha nin shaqadiisa
garanaya, waayo wuu ogaa in maalinta toogashadu timid maalintii ka
horeysay cadho ay ku kala tageen gaalka iyo ninka shaqaalaha ahi,
subixii markuu isagoo hubaysan dhaafayay muxuu u baadhi waayay haddii
shaqadiisa garanayay.
Ma markuu is-dhiibay ee hubkii rag kale ka qaadeen, isna gacanta lagu
dhigay ayuu toogtay ninka xaq-darrada u adkaysan waayay ayaa Mujaahid
tababaran aan u arkaa.
Aadan Cali Cali
UDUB
caalamka ma dhego la'aan bay ugu warntaa War jiraaba cakaaru imin |
Waxa nasiib daro ah in maanta, udub ay cid kale wax saarto. waxaan
akhriyay war bixin ay udub ku dhaleecaynayso xisbiga
kulmiye. oo ay leedahay jendy ayuu naga dacweeyay.
waynu wada ogsoonahy in m/weyne riyale markastuu, baxo uu dadka ku
yidhaahdo waxaan iib gaynayay, qadiyadeena "wax
walba way naga, aqbaleen. wanuna is fahmnay" iyo hadalo la mid ah oo aan
afka baarkiisa dhaafsiisanayn. somalidu waxay
ku maahmaahdaa."Qofkii soo joogso laga kariwaayo soo jifsaa laga helaa"
Udub dadka runta u sheegaa laga kari wayay
maanta se waxaynu helnay dadkii ay beenta inoogasheegi jireen oo inoo
sheegay waxay u sheegeen.
Riyale hadii uu ictiraaf radin u baxay muxu ula kulmiwayay shacbkiisii
isku xilqaamay so dhawayntiisa ee uu uga door biday
qoob ka ciyaarka?
sidaynu wada ogsoonahy M/weyne waxa lagu yaqaanaa markuu
danqaran,hadaf,IWM hiigasanaayo inaanu koox wax ku
doonan, ee uu qaran ahaaan wax kudono calamkuna wuxu tix gelinayaa anay
ahayn koox,xisbi ay tahay qaran
manta M/Riyale ma kaxaystaa cid aan ahayn wasiiradiisa?
Jawaabtu waxay thay m/wenuhu riyale wuxu a xaystaa xisbigiisa iyo
wasiiradiisa isagoo iyaga laftooda sii kalagura una kala
horaysiiya. ninba ninku umada, horumarinta dalka, hiiigsida himilooyinka
, aqoon helista ka naceb yahy
Taaana waxa ku cadaynaya hadii ay kalaaragti duwanan la hayeen way is
khilaafi lahyeen
welina socdaaladii uu madaxweynuhu ku baxay intii u xukunka hayay wax
natiijo ahoo aan dhafsisnayn "WAANU IS
AFGARANAY " . Lagama hayo
waxa lagu yaqaanaa umad,qaran,dal waa inay yeelato hadaf midaysan oo ay
ku hiigsanayaaso waxay rabto
Waxaynu wada ogsoonahay dalkan (somaliland) inuu yahay dal yar markaloo
eego Q/africa hadana uu yahy dalka ugu
xasiloonida, deganaanshaha iyo nabada badan.
Taana waxa sababay "ALLE KA SOKOW" Halgankii dheeraa ee ay umadani soo
gashay, ee ay horkacayeen. Mujahidiintii SNM
oo aynu maanta aragno halka tariikhdoodii marayso
SNM waxay ahayd dad kadagalamaya samata-bixinta, badbaaadinta , iyo
mustaqbalka, dadkooda & dalkooda. Wyanu wada
ogsoonahaay wixi dadkan iyo dalkan ba lagula kacay oo ahaa mdi loogu
talogalay inlagu tirtiro dadka ku dhaqnaa gobollada
somaliland .
SNM na may ahayn wax cirka ka soo dhacaay ee waxay ahyd dadkii damiirka,
dhiiga iyo dad nimada la haa ee ka danqaday
waxa lagu hayo dadkooda ee sida adhiga kawaanka loogu sameeyay,
weli calamka kamay dhicin meel lga sameeyo kawaan bini aadmka lagu qalo
oo aan somaliland ahyn, sanadahii 1985 ilaa
1989 gobolada somaliland waxay noqdeen suuqa lagu gowraco dadka
dadkaasina may ahyn qar meelkale laga keenay ee
waxay ahaayeen dadkii udhashay/kasoo jeeday G.somaliland,
waxaana mudan in laqoro tariikhdooda loona dhiso taalo ay jiilka danbe
ku xasuustaan wayo qaran waxa lagu yahay waa
inaaad taqaana mesha dalkaagu ka yimi iyo taariikhdiisa oo aaad dakaka
dhaadhicin kartaa waxad tahy
somaliland waxay soo martay 2 halgan o gobo nimo doon ah. Mid wuxu ahaa
halgan siyasadeed midna wuxu ahaa halgan
hubaysan
halgankii lixdankii wuxu ahaa halgan siyasadeed
Halgankii SNM wuxu ahaaa halagan hubaysan o ka dagalamaya dad ladulmiyay,
dhalan rogay, xasuuqay oo la dabar
goynayo
maantana waynu la soconaa dadkii aynu masuulka uga dhignay hogaanka
dalka inaYy qiil ka dhigteen. SNM qabiil bay ahyd
oo waxay u dagaalamaysay qabiil.
SNM Qabiil may ahyn qabiilna umay dagalamayn.
Dadka taa qiilka ka dhigtaa laba siyaabood bay u fasiraan mar dhowr
rerood o somaliland ka mid ah bay SNM ku
tilmaaamaan marna rer bay kusii tilmamaaan. Qolada leh SNM isaaq bay
ahyd waxan leehay Cabdi rahman aw cali farah ma
isaaq buu ahaa se SNM maxa ku daray hadaanu somalilandnimo u dagalamyn
iyo dadkiisan la xasuuqayo ka dagalamyn
Qolada tidhaaahda SNM waxay ahyd reer siilaaanyo waxan u sheegaya siyad
bare wuxu yidhi
"Isaaq inta kale waan ka gar daranahy ee H/jeclo maxa ka maqan" taas oo
macneheedu yahy laba nin baa golaha kacanka
kaga jiray & wasiiro ee may idayaaan
taasi waxay ku cadaynaysaa inay SNM ka koobnayd dhaman gobolada
somaliland haloogu kalabato sidii loogu kala
damqashada badna /wadanisana ,
waxa jiray laba walaalo ah o nina SNM yahy nina faqash taan waxa sababay
ninkastoo calooshii u shaqayste/bilaa damiir ah
wuxu galay faqash kuwaana waxa u badnaa dhamaaan xukumada manta min M/weyne
ila agasimo oo ah mafiye isku
bahaysatay dulmiga tacadiga iyo tirtirida tariikhda dalka iyo dadkaba
Maanta miyaynu aqbalaynaa wasirkii dhamaaa ee wax barashadu inu
yidhaahdo .
1)War uma hayo waxa lagu qoray iyo waxalaga bedelay
2) uniceff ba u xil saran dabacad manhajka
3) shan bayj banu ku soo urinay T/SNM
4) SNM hanoo keento tariikhdeedii anagu ma haynee
5) manhajka waxa lala mideeyya somalia
waxasi wa waxaynu ka dagalanay somaliland manta hadii ay weli manhaj
lawadaagayso somalia ta macneheedu waa inay
weli tahay gobol ka tirsan somalia
masuuliyeentena manta kamaynu sugayn inay yidhahdan somaliland iyo
somalia waa isku manahaj e waxanu idinka
sugaynay inad dalka lacagta wada gadhsiisaan oo ti siyad kabedeshan
qaramada midoobayna ku amartaan inay ergey gaar
ah usomagacawdan somaliland nin aan waraq/vise ama codsi aan ka helin
somaliland na aanu iminkarin dalka
lakiin taasi waxay noqotay "Ruux haraadani dhalanteed roob mood"
waxaan leeyahy dalkan waxa ka taliya maafiya is urursatay oo aan qabiil
iyo gobol ay metelaan jirin
waxan kula talinaya xisbiga udub inaya dantooda ka hor mariyaan danta
umada, qaranka ayna iska dayan wax ka sheegista
halyayada dalka iyo mujahidiinta
BY: Moha'edbashe Ibrahim Yusuf
Kuala-lampur Malaysia
Top
|