Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1709 Apr.22, 2008

“Riyaalow Way Dhammaatay Waa Lay Doortay, Cabdillaahi Cirro-Na Waxaan Leeyahay Nina Qolo Aanu Ahayn Yuu Sheeganin”
Maxamed Kaahin Axmed

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Riyaale Wuxuu Doorasho U Diyaar Yahay Sannadka 2010

Masuuliyiinta Gobolada Sool Iyo Sanaag Bari Kaga Xukuumadda Rayaale, Ma Somaliland Baabi’inteedaa Loo Soo Diray, Mise Waa Si Kale?

Telefiishan Madaxtooyada Oo Jebiyay Qodobadii Ay Saxaafadda Somaliland Ku Heshiisay

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Shalay Lagu Arkay Xarunta Komishanka Doorashooyinka Iyo Dareenkii Ka Dhashay

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Su’aalo Ka Taagan Arrinta Qaraxyada Joogsan La

Ciidamada Itoobiyaanka Oo Xasuuq Fool-Xun Ka Geystay Masaajid Xarun U Ah Tabliiqiyiinta Muqdisho

Bulshada Reer Gabiley Oo Ka Cadhootay Qaadhaanka Ay Taageerayaasha UDUB U Ururinayaan Xafladda Loogu Wanqalayo Gobolnimadooda

Wakiilada Somaliland Oo Fadhi Albaabadu U Xidhan Yihiin Ku Faaqiday Khilaafka Huursan Ee Dhexdooda

Toddobaadka Ololaha Waxbarashada Adduunka Oo Somaliland Ka Bilawday

Itoobiya Oo Qatar Ku Eedeysay Inay Taageerto Kooxaha Somalida Ah Ee La Dagaalamaya Xidhiidhkiina U Jartay

Amarada ka soo baxay Wasiirada Riyaale ee lagu xidhay Oday Deyr Maxamed Cilmi iyo Gud. KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, iyo iskudayga laaluushku waxay hoosta ka xariiqeen awoodaha qayral sharciga

Hargeysa: Dhalinyarada Ku Mamay Dhaca Mobile-Da Iyo Waxyeelada Dadka Ka Soo Gaadha
Warbixin: Barkhad Muxumed Cumar, Haatuf Staff

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Mudo Kordhinta Golaha Guurtidu Waxay Dalkan Somaliland Dib U Celisay Mudo Hal Qarni Ah

Fadumo Siciid Waa Muwaadinad Dhab ah

Gobolka Gabiley Qaadhaan Ma Gayo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


“Riyaalow Way Dhammaatay Waa Lay Doortay, Cabdillaahi Cirro-Na Waxaan Leeyahay Nina Qolo Aanu Ahayn Yuu Sheeganin”
Maxamed Kaahin Axmed

Hargeysa, April 22, 2008 (Haatuf) – Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaaahin ayaa sheegay in hadalo uu ku weeraray wasiirka Daakhiliga loo turjumay mid uu beel ula jeeday, waxaanu xusay inaanu isago ula jeedin beesha uu ka soo jeedo wasiirku balse ay ku koobnayd shakhsiyada C/laahi Cirro, isagoo intaa ku daray in dadka intii ay SNM isku ahaayeen uun ay isku beel ahaayeen, intii nidaamka Siyaad Barre la shaqayn jirtey ay iyagu isku beel ahaayeen, waxaanu raali galin ka siiyey dadkii sida khaldan wax loogu turjumay.

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Rayaale muddadii xilku ka dhamaatay, kuna eegtahay 15 bisha May 2008, isagoo golaha wakiiladana ku tilmaamay golaha kaliya ee aanay sharciyadiisu dhamaanin.

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaasa uu shalay wargeysyada Haatuf iyo Saxansaxo ay kula yeesheen xarunta xisbiga KULMIYE.

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu yidhi “Arin aan maalin dhawayto kaga hadlay shakhsiyaadkii Faqash ka hadheenka ahaa ayaa si kale dadwaynaha loogu turjumay oo abaabul xoogle loogu galay, taas oo lagaga dhigay in aan reero iyo beelo caayey, horta ururkii SNM waxaa ku jiray dad badan oo ay ka mid ahaayeen, C/raxmaan Aw Cali, Siciid Cali Giir, Faarax Gamuute, Cali Dheen, iyo rag kale oo badan, hasa yeeshee marka Somaliland la joogo beesha dhexe ayaa ahayd beesha majooritiga ururka SNM taageeri jirtay, beesha dhexena waxa ay lahayd in halgamaysay, iyo in madidin u ahayd nidaamkii Siyaad Barre, anigu cidaan la hadlaayey C/laahi Cirro ayey ahayd, godkuu joogay oo lagu garaaci jiray iyo yaa wax ku garaaci jiray ayaan ka hadlayey, dee Axmed Xasan Barbaraawi oo aanu ilmaadeer ahaynba saraakiishii isaga la shaqayn jirtay ayuu ahaa, aniguna Muuse Biixi, Aadan Shiine, Mahdi Cali Faarax, Gacma Dheere, Xasan Yoonis Habane ayaanu isku qolo ahayne goorta uu qolo noqday ee uu raggaasi iga xigsaday anigu garan maayo HARGEYSINA waxa ay ahayd meesha madaafiicda ugu badani ku dhacaysay, galabtii ciidamada ururka SNM ka soo dhaqaaqeen tuulada Kabo qoray anigaa taliska qaybta galbeed in aan ciidamada soo diyaariyo lay xilsaaray, isaguna xiligaas godka ayuu madaafiicda ku soo garaacayey, halkan anigaa u dhashoo mujaahidiintaan la qolo ahaaye, iyagana Axmed Barbaraawi ayey isku qolo ahaayeen, anigana Yuusuf Cabdi Gaboobihii uu xidhay ayaanu isku qolo ahayn hadii dadwaynaha dareen kale la galiyey oo si kale wax loogu turjumay anigaaba dadwaynaha xaal ka siinaya oo leh arinku sidaa ma ahayn, C/laahi laftiisu aad buu u xanaaqayoo hadaan moodayo inay dhinbiil ku noqonaysana anigu maba idhaahdeen kalmadaasi, waxaanse leeyahay adiguna C/laahiyow raali ahow, balse marka laga hadlayo dagaaladii aduunka ee 1937kii iyo 1945kii dadkii uu xiligaasi laayay Hitler oo dhamaa, 20 million cid ka leex leexan kartaa ma jirto, ciqaabtii iyo xasuuqii 21ka sanadood uu taliskii Siyaad Barre dadka soo mariyeyna lagama leexleexan karo, nina qolo aanu ahayn yuu sheeganin, laakiin uu isirkiisu ka soo jeedo, taliyihii nabadsugida, golihii wasiirada iyo ciidamadii milatariga ee Siyaad Barre ayuu ahaa dadku ina SNM bay ahaayeen, badhna faqash ka hadhkiibey ahayd.”

Maxamed Kaahin waxa kale oo uu ka hadlay arrinta muddo-kordhinta iyo waxa laga yeelayo xilliga ay Madaxweyne Riyaale ka dhamaato muddadii xilka loo doortay, axaanu yidhi: “Madaxweyne Rayaale marka ay muddadiisu dhamaato dadwaynaha waanu iskugu yeedhaynaa, sidaa darteedna golaha wakiilada ee la soo doortay waa golaha kaliya ee la soo doortay, waana golaha kaliya ee aanay mudadiisa sharciyadu ka dhamaanin waa inuu doorkiisa ka qaato marxalada adag ee dalku marayo, waxaana muuqata in Madaxweyne Rayaale iyo xubnihiisa wasiiradu ay aflagaadaynayaan dawladihii deeq bixiyayaasha ee doorashooyinka kharashkoodii inaga caawinayey, SNM waxa ay ka dhalatay markii ninkii Madaxweyne ahaa uu ciidamadii u adeegsaday inuu dadka ku laayo, waxaanu ognahay in ciidamadii qaranka furimihii laga soo qaaday oo caasimada Hargeysa la soo dhoobay, gaadaa ka kacaay maalin galinkeed, madaxwayne Rayaale iyo guurtidiisuna gaadaha ka dhex kacaay waa KULMIYEE iyo UCID, Madaxweyne Rayaale waxa uu odhan jiray waa lay doortay, waa lay doortay, waxaanu leenahay way dhamaatay waa lay idoortay, oo bishii May ayaa soo dhawaatay ee xilku kaa dhamaanayey, doorashadiina waa la solayaa.”

 


 BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Riyaale Wuxuu Doorasho U Diyaar Yahay Sannadka 2010

Wargeyska Somaliland Times ee ay wargeyska Haatuf mataanaha yihiin, ayaa beri dhexdii ahayd waxa uu sii sheegay in Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale aanu diyaar u ahayn in doorasho dalka ka dhacdo oo uu damacsan yahay inuu meermeeriyo qolada mucaaridka, Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) iyo deeq-bixiyeyaashaba inta karaankiisa ah oo dhan ilaa uu gaadhayo hadafkiisa dhabta ah oo ahaa ilaa haddana ah in uu doorasho qabto marka ay wax walba isugu hagaagaan ee uu hubiyo in uu doorashadasi heli doono.

Riyaale waxa uu muuqday nin sii qorsheystay murannadda uu dadka dhex dhigi doono labada sannadood ee xilkiisa u dambeeya si doorashooyinku u habsaamaan. Waxa uu ku talo-galay in sannadka 2008 iyo 2009 ay ku dhammaadaan muran, jaah-wareer iyo kulano dhexdhexaadin ah oo marka wax lagu heshiiyaba uu isagu far yaro bidix ka baxo.
Ilaa hadda waxa muuqata in uu Riyaale ku guulaystay inuu dadka asqo u qaybiyo oo uu kolba carqalad cusub hordhigo geedi socodkii ay ummaddu ku doonaysay inay nidaam dimuqraadi ah dalkeeda ka hirgeliso. Waxaana arrintan u suurto-geliyay qodobo (factors) dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen kala daadsanaantii iyo tafaraaruqii mucaaridka, taas oo meesha ka saartay inay yeeshan istaraatijiyad ay ka midaysan yihiin oo ay kaga gacan sareyn karaan maamulka Riyaale ee ceebihiisu meel wal oo dalka ka mid ah ay daadsan yihiin, isla markaana ay ku shiikhin kari lahaayeen tabaha iyo xeeladaha Riyaale u adeegsanayey cimri-dhererka xukunkiisa.

Qodobka labaad ee Riyaale u saamaxay inuu mar walba shacbiga marsado wixii isaga kursigiisa u dan ahi waxay ahayd inuu shacbiga ku khuukhiyo nabadgelyada ayaa la xumaynayaa taas oo dadka ku khasbi jirtay inay xuquuqdooda ka tanaasulaan si aanay nabadgelyada la sheegaya u xumaanin.

Qodobka saddexaad ee isna muhiimka ahi wuxuu ahaa Riyaale oo weli dad badani u haysteen in aanu qof xun ahayn balse ay aqoon yari iyo waayo-aragnimno la’aani hayso.

Hase yeeshee Riyaale isagaa iska soo dhaweeyey oo waxa uu ku dhacay god uu cid kale u qoday, mana jirto si uu uga soo bixi karaa mucaaridka oo sidoodii dawlis kaga soo jiida mooyaane.

Daahir Riyaale maaha nin ka waantoobaya camaladiisii foosha xumaa, mana aha nin qabsoomaya oo lagu dayi karo dhexdhexaadin iyo maslaxaad toona. Sidaas darteed Mucaaridku waa in ay ku adkeystan mawqifkooda ah in aanay Daahir Riyaale u aqoonsan doonin Madaxweyne wixii ka dambeeya May 15, 2008, shacbiga reer Somaliland-na waa inuu u diyaar-garoobaa sidii uu hab nabadgelyo leh ugu soo dhacsan lahaa xoriyadiisii iyo xuquuqdiisa xabsiga ugu jirta Daahir Riyaale, hana la ogaado in Riyaale aanu diyaar u ahayn doorasho ka hor sannadka 2010.
 

 


 Masuuliyiinta Gobolada Sool Iyo Sanaag Bari Kaga Xukuumadda Rayaale, Ma Somaliland Baabi’inteedaa Loo Soo Diray, Mise Waa Si Kale?

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal

Intii an lagu dhawaaqin qarannimada Somaliland ama goonisutaageeda 1991kii, iyo shirkii dibuheshiisiinta beelaha Somaliland 1993kii intii anu qabsoomin, reer Somaliland oo loo yaqaannay Woqooyiga dalkii la odhan jiray Soomaaliya, waxa deggenaa ilaa maantana wada dega beelo badan, oo colaadi soo kala dhexmartay intii lagu jiray dagaalkii xukunka lagaga tuuray taliskii Afweyne. Dadkii waagaa ku dagaalamay taageeridda iyo diidmada taliskii Afweyne, ayaa midba midka kale u haystay inuu qaldanaa, ama qoloba qolada kale ku eedeynaysay inay doonayaan inay xoog ku qabsadaan, dareenadaasi oo aakhirataankii keenay in la is aamini waayo, ilaa intii uu dhammanayey xukunkii Afweyne oo la ogaaday inuu taliskaasi ahaa uun mid isku dirayey dadweynaha ilaahay dhulka wada dhigay si ay uga faaiideysato kala qaybsanaantooda. Markii taliskii Afweyne ka baxay meesha, waxa baxay oo kale cadaawaddii, kala shakigii, iyo is aamin la'aantii taasoo maanta Somaliland ka dhigtay meel ka mid ah meelaha ugu deggen geeska Afrika.

Inkastoo ay wax waliba sidaa ku dhammaadeen, ama la iska saamaxay wixii soo kala qabsaday reer Somaliland, snmtii, Sda'dii iyo adeegayaashii taliskii afweyne ee waagaasi ayaa dhinaca kale markaad eegto, ama ad akhrisato wargeysyada kala duwan ee gobolada Soomaaliya, ama ad akhristao internetyada ama shabakadaha wararka ee ku hadla heer gobol, heer qabiil, heer magaalo, heer kooxeed, ilaa heer maamul-goboleedyo, waxaad ogaanaysaa inay weli jiraan dad an illoobin colaaddii waagaasi, dagaaladii soo kala qabsaday beelaha kale, taliskii afweyne, SNMtii, iyo wax kasta oo ka dhacay woqooyigii Soomaaliya, dadkaasoo sugaya uun inay maalin uun inay ka aargoostaan ciddii u geysatay waxay ka xusuusan karaan colaaddaasi dhammaatay.

Sidoo kale xukuumadda Somaliland ee waagaasi ayaa isku keentay dibna u wada heshiisiisay dadkii ku collaabay woqooyigii Soomaaliya, iyadoo xubno ka tirsan gobol walba oo Somaliland ka tirsani masuul sare uu ku leeyahay golayaasha qaranka ee Somaliland. iyo xukuumadda dhexe.

Tan iyo intii Daahir Rayaale xukunka dalka ku qabsaday doorasho lagu muransanaa, wuxu ilaa maalintii doorashadaasi la galayey Rayaale masiirkiisa siyaasadeed ku xidhay masuuliyiin ka socday gobolada Sool iyo Sanaag Bari kuwaas oo reer Somaliland aaminsan yihiin inay xaqdarro, ugu hiiliyeen, ilaa maantana dalka geliyeen khalkhal siyaasadeed, soona nooleeyeen colaad la iska illoobay, ama la iska saamaxay, arrimahaas oo haddii ay sii socdaan Somaliland ka dhigaysa inay go'doon siyaasadeed iyo aqoonsi la'aan ku sii jiraan, sida cid kastaaba garan karto raggaasi ama masuuliyiintaasi waxay u muuqdaan kuwa weli Rayaale ugu hiilinaya xaq-darro, dalkana geliyaan khalkhal siyaasadeed oo hor leh tuhun badanna leh.

Ragii kursiga dalka u sarreeya Rayaale u dhiibay 2003ii, ayaa waxa ka mid ahaa Guddoomiyihii komishanka waagaasi, mudane Cadami, iyo Guddoomiyihii makamadda sare ee waagaasi Siciid gacan labaduna kasoo jeeda G/Sanaag Bari, waxa maantana halkii u fadhiya masuuliyiin kale oo ay ka amid yihiin Guddoomiyekuxigeenka labaad ee golaha guurtida siciid Jaamac Cali, oo gacan ka heleya wasiirka Caddaaladda, mudane Casoowe, iyo wasiirka ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed.

Durba guddoomiye ku-xigeenka labaad ayaa golihihii guurtida Rayaale uga dhameeyey muddokordhin sharcidarro ah iyadoo guddoomiyekuxigeenkii Koowaad uu madashaasi fadhiyey. Mudane Xaabsade ayaa la tuhunsanyahay inay Rayaale ku heshiiyeen dagaal uu geliyo Somaliland iyo Puntland si muddokordhin Rayaale loogu sameeyo, Waiirka ciyaaraha maxamed Sciid maxamed ayaa isaguna Colaad dhinacyo badan leh ka dhex abuuray dhallinyarada ciyaaraha Awdal, Hargeysa, togdheer iyo kuwa kaleba, taas oo sababtay in shalay oo u dambaysay ururka dhallinyarada Havoyoco lagu shiiday Boorama oo ay ka wadeen hawl wacyigelin ah oo ku saabsan la dagaalanka kaneecada, iyadoo la ogaa ama reer Boorama xusuusanyihiin wixii dhacay sannadkii hore oo ay ciyaartoyda gobolada Somaliland Somaliland ku tartameen Hargeysa.

Wasiirka caddaaladda, Casoowe, oo isna lagu bartay caddaalad darro, ayaa xabsiyada dalka waxa ugu jira boqollal qof oo kasoo jeeda beelaha an degaankiisa ahayn, maadaama wasiirkaasi aanay cid uu caddaalad ama caddaalad-daraba ku xidhxidhaa dalka ka joogin, degaanadiisuna u kala qaybsan yihiin Puntland iyo Somaliland, basle xukunkiisa ama caddaaladiisu u egtahay mid uu cid gaar ah oo reer Somaliland ku xukumo kuna xidhxidho sharcidarro, meelna uu kaga dhaco xuquuqdii muwaadiniinta, isla markaana uu albaabada u laabo hay'adaha xuquual insaanka ee ka jiray Somaliland, arrimaahaaso Somaliland muuqaalka maamulkeeda ka dhigaysa mid foolxun, oo an caalamka ka kasbanayn ictiraaf.

Haddaba markaad eegto sida Daahir Rayaale danihiisa ugu adeegsanayo masuulyiinta labadaa gobol kaga jira golayaasha dawladda, iyo sida mar walba ay masuuliyiintaasi dalka uga ridayaan qalalaase siyaasadeed oo ay u dambayso taa muddo kordhinta, ayaa laga yaabaa inay dad badan oo reer Somaliland isweydiiyaan waxay ku heshiiyeen Daahir Rayaale iy masuuliyiinta labadaa gobol (Sool & Sanaag bari), kuwaas oo dhammaantood lagu tiriyo inay kasoo wada jeedaan beelaha darifyada ee Somaliland.

Su'aalo badan ayaa la iska weydiin karaan ujeedada hoggaanka dalka iyo dhinacyadaasi u abuurayaan khalkhalka siyaasadeed mar kastoo dadweynaha Somaliland niyeystaan isbedel siyasadeed iyadoo xaaladda dalka maanta ka taagan iyo kuwii lagasoo gudbayba ay si aad uga qaylinayaan ama uga qayliyey siyaasiyiinta, culimada diinta, aqoonyahanada, iyo waxgaradka beelaha dhexe ee Somaliland, kuwaas oo badankoodu taageri jiray dagaalkii xukunka lagag tuuray xukunkii afweyne.

Su’aalo badan ayaa la iska weydiin karaa xidhiidhka ka dhexeeya Rayaale iyo masuuliyiinta reer Somaliland ee goboladaasi, sua'aalahaasi oo ay ka amid noqon karaan ma Somaliland diidbaa ? maaadaama beelaha ay masuuliyiintaasi kasoo jeedaan ay qaybo ka mid ah puntland sheegato malaha maamulka Puntlandbaa soo diray ?ma caqlibay ka noqotay inay Rayaale dulmi ugu hiiliyaan mar kasta oo uu cidhiidhi galo, si ay shaqada usii haystaan sannado kale, shaqadaasoo anay meelo kale ka heli karayn?

Ma jecelyihiin in Somaliland la aqoonsado ? Qaarkood ma laga yaabaa inay xusuusanyihiin dhibaatadii ku dhacday wakhtigii uu socday dagaalkii SNMtu kula jirtay taliskii afweyne? Jawaabahah su'aalahaasi iyo kuwa la mid ah ayaan u daynayaa dadweynaha kale ee reer Somaliland.
 

 


Telefiishan Madaxtooyada Oo Jebiyay Qodobadii Ay Saxaafadda Somaliland Ku Heshiisay

Hargeysa, April 22, 2008 (Haatuf) – Telefiishanka laga maamulo Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka baxay heshiis ay Sabtidii saxaafadda madaxa banaan iyo ta dawladdu ku heshiiyeen in saxaafaddu aanay bulshada u baahinin hadalada meel-ka-dhaca ah ee cayda iyo aflagaadada tooska ah loogu geysanayo shakhsiyaad, taas oo muddooyinkii u dambeeyay ay warbaahinta isu mariyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Riyaale iyo Mucaaridka hadalo cay iyo aflagaado ah, isla markaana xasaasiyad ka dhex beeraya bulshada somaliland.

Telefiishanka Madaxtooyada ayaa habeen baahiyay barnaamij gaar ah oo uu ka hadlayay Xoghayaha Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB, Maxamed Ismaaciil Buulaale, kaas oo hadal cay iyo meel-ka-dhac toos ah ku weeraray masuul ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, oo ahaa Dr. Cumar Cilmi Dixood.

Barnaamijkan ayaa Xoghayaha UDUB waxa uu masuulkaas u weeraray si dhaqanka iyo anshaxa siyaasadeed ka baxsan, isagoo tada-khul ku sameeyay waxyaabaha qofka u gaarka ah ee lama taabtaanka ah, waxaanay cid kasta oo daawanaysay ay jidh-diidday hadalada meel-ka-dhaca ee aanu u miidaan-deyin xoghayaha UDUB, oo isagu caan ku ah hadalo nac ku beeraya dadka marka uu warbaahinta ku weerarayo masuuliyiinta Mucaaridka.

Lama garanayo sababta ku ajburtay masuuliyiinta maamusha telefiishanka Madaxtooyada inay sii daayaan barnaamijyada noocan oo kale ah ee ay saxaafaddu iskeed heshiis uga gaadhay inaan dadweynaha loo baahin hadalada naca iyo hiirtaanyada beeraya, isla markaana meel looga dhacayo sharafta iyo karaamada muwaadinka, waxaana la filayaa in shirka dambe ee ay warbaahintu u balansan tahay inay ku kulmaan ay arrintaas go’aan lagaga saari doono.

Mr. Bullaale oo isagu shir jaraa’id arrimahan kaga hadlayay ayaa waxa kale oo warkiisa lagu daabacay wargeyska Maandeeq ee ku hadla afka dawladda, hase yeeshee wargeyskaasi waxa uu sidii heshiisku ahaa hadaladii meel-ka-dhaca ahaa ee masuulkaasi ku hadlay ku sameeyay faaf-reeb, isagoo waafajiyay anshaxa saxaafadda.

Shirkii Sabtidii ay Saxaafaddu go’aamada ku wada gaadhay ayaa masuuliyiintii ka hadashay waxay ku celceliyeen inaan telefiishan Madaxtooyada laga maamulaan marnaba u hoggaansami doonin go’aamada lagu heshiiyo, hase yeeshee Agaasimaha Telefiishankaas ayaa isagu ku adkaystay inuu sida warbaahinta kale u ixtiraami doono wixii la wada-gaadho.

 


 Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Shalay Lagu Arkay Xarunta Komishanka Doorashooyinka Iyo Dareenkii Ka Dhashay

Hargeysa, April 22, 2008 (Haatuf) – Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Maxamed Ismaaciil Oomane, ayaa barqadii tegay xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Hargeysa.

Mr. Oomane ayaa markii uu soo galay ganjeelka xarunta Komishanka aan ka degin gaadhigiisa waxaanu isla markiiba dib uga laabtay halkaas, isagoo aan la kulmin xubnaha Komishanka Doorashooyinka.

Inkastoo aanu wakhtigaas xarunta ku sugnayn gudoomiyaha Komishanku haddana waxaa iyagu wakhtigaas xarunta ku sugnaa gudoomiye ku-xigeenka Komishanka Xirsi Cali X. Xasan, xubno kale oo ka tirsan guddidaas.

Waxaa maalmahan dambe soo baxayay warar sheegaya in Madaxweyne Riyaale uu dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare, taas oo ku saabsan go’aankii ay golaha Guurtidu 10/4/2008 muddo xilka ugu kordhiyeen Madaxweyne Riyaale inuu sii hayo hal sanno marka ay 15-ka May dhammaato muddadii shanta sanno ahayd ee xilka loo doortay, iyadoo Komishanka iyo saddex xisbi heshiis 9-kii bishan ugu gaadheen jadwalka diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinku dalka ka dhacayaan. Hase yeeshee go’aanka Guurtida ay burburinaya heshiiskaas saddexda xisbi iyo komishanka, kadib markii ay Guurtidu muddo-kordhintooda dib ugu riixeen wakhtigii ay xisbiyada iyo komishanku ku heshiiyeen inay doorashada Madaxtooyadu 31/12/2008, waxaanay dib ugu riixeen 6/4/2009.

Mid ka mid ah masuuliyiinta Guddida Doorashooyinka Qarankan oo xilligii shalay uu gudoomiyaha Maxkamadda Sare yimid xarunta Komishanka ku sugnaa halkaas, oo aanu weydiinay sababta ujeedada booqashada Mr. Oomane ee xarunta Komishanka, ayaa sheegay inaanu ka warhayn.

Hase yeeshee masuuliyiinta sare ee Komishanka oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aanu u weydiino ujeedada booqashada Mr. Oomane, ayaa noo sheegay inay jirtay balan u dhexeysay gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo xubnaha Komishanka, taas oo uu sheegay in Komishan ahaan ay Mr. Oomane ugu yeedheen siduu komishanka uga xaajoon lahaa garyaqaano ay hore uga dalbadeen in Garsoorku u soo magacaabo si ay ugala shaqeeyaan ama ugala taliyaan dhinaca arrimaha sharciga.

Booqashada Mr. Oomane ee shalay uu ku tegay xarunta Komishanka ayaa dareen ka dhashay, iyadoo dadkii xilligaas ku sugnaa Komishanka oo ay ka mid ahaayeen suxufiyiin warbaahinta ka socotay ay hoos isu weydiiyeen ujeedada booqashada gudoomiyaha Maxkamadda Sare, taas oo ku soo beegan xilli ay soo baxbaxayaan wararka sheegaya dacwad uu Riyaale u gudbiyay oo la xidhiidha muranka iyo khilaafka ka dhashay muddo-kordhintii Guurtidu u samaysay Riyaale.


 


BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Su’aalo Ka Taagan Arrinta Qaraxyada Joogsan La’

Guud ahan dadweynaha reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Hargeysa ayaa muddooyinkan dambe waxay ku dhako-faarsanaayeen cidda dhabta ah ee ka dambeysa qarax saqajaanno yaryar oo kolba meel magaalo madaxda dalka ka mid ah lala beegsanayey oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Golaha Guurtida iyo meel aan ka fogeyn taliska bileyska Somaliland.

Markasta oo qarax noocan ahi magaalada ka dhaco, dawladda waxa u caado noqotay inay dad u xidh-xidho muddo yar kadibna ay dadkaasi faraha ka qaado oo ay sii dayso.
Dadku BBC-da uunbay ka maqlan Dubad Saqadhi oo leh cidbaa loo qabqabtay qaraxii, wax yar kadibna waxa dhacda in si shanqadh la’I ah loo sii daayo ashkhaastii u xidhneyd qaraxaa.

Haddaba waxa jira su’aalo badan oo ay dadku dhexdooda iska weydiinayeen qaraxyadan.

Dabcan su’aasha ugu muhiimsan ee ay dadku isweydiinayan waxay ahayd waa maxay sababta hortaagan in dawladdu soo ogaato cidda dhabta ah ee qaraxyadan ka dambeeya, haddii ay taas ogtahayna maxay u qarinaysaa ee ay dadka ugu sheegi la’dahay?

Haddaba markii ay dawladdu xisbiga KULMIYE ku soo eedaysay inuu ka dambeeyay qaraxyadii golaha Guurtida iyo deyrka guriga Jaamac Sweden, lama moodeyn inay dawladdu iska hadlayso’e balse waxa la is-lahaa waxay haysaa caddeymo ku filan oo ay cidihii qaraxyada ku lugta lahaa ay Maxkamad ku hor keeni karto. Laakiin taasi may dhicin, balse waxa caddaatay inay dawladdu dadka jaah-wareerinaysay.

Kadib markii uu qaraxii Guurtidu dhacay waxa saldhigyada bileyska ee Hargeysa lagu soo xidh-xidhay dad badan oo markii ay dharaaro ku jireen laga sii daayey. Sidaasay ku dhammaatay hadal-heyntii qaraxyadii Jamhuuriyadda wareeriyey ilaa iyo wakhtiga dambe ee qarax cusub la maqlayo, Illaahay inaguma keeno’e.

Dabcan waxa jira dad badan oo iyaguna qaba in dawladda cid ka mid ahi ay qaraxyadan ka dambeeyeen oo ay waliba uga dan lahaayeen sidii dalka khal-khal loo gelin lahaa si Madaxweyne Riyaale muddada loogu kordhiyo.

Aragtidani waxay sii xoogeysatay markii ay Guurtidu muddo-kordhintii Riyaale u cuskatay arrimo nabadgelyada dalka la xidhiidha awgeed ee ay dawladduna difaacday soona dhaweysay go’aankaa muddo-kordhinta ahaa ee ay Guurtidu Madaxweynaha ugu duugtay hal sanno muddadii uu xilka sii haynayey iyada oo aanay haba yaraatee dalka ka jirin wax nabadgelyo-darro ah oo lagu sababeyn karo muddo-kordhintaa.

Waxa kale oo dadka qaba in dawladda ama dad ka tirsan maamulka Riyaale ay ka dambeeyaan qaraxyadani ay dooddooda ku darsadaan qodob la xidhiidha habka uu Mr. Riyaale u dhaqmayey labadii sannadood ee u dambeeyey isaga oo marba marka ka sii dambaysaba u dhaqmayey sidii hoggaamiye-kooxeedyada aan maskaxdoodu wax kale ku fakirin awoodda oo ay sii haystaan iyo lacagta oo ay dadka ka urursadaan mooyaane.

Dadku waxay dhako-faar ka qaadeen sida aanay xukuumaddu isuguba hawlin qarax saqajaankan kolba soo noqnoqonaya ee ay laanta Af-Soomaliga ee BBC-du aad u jeclaysato inay buunbuuniso oo ay kala mid dhigto kuwa ka dhaca Muqdisho ama Baqdaad ee lagu hoobto.

Inkastoo sumcad xumo ay Somaliland ugu filan tahay in qaraxyo lagu sheeg sheego, haddana waxa dadka isu qaban la’ tirada badan ee dadka ah ee dawladda wax u soo dhega-dhageeya (basaasiinta) ee ilaa budhcad baddeedii wax ku soo dhacday Majeerteeniya intay soo ogaadeen ku qabqabtay iyaga oo Wajaale ka tallaabaya, iyo haddana sida aanay dawladdu wax uga ogaan kareyn waxa ka dhacaya xaruntii fadhiga u ahayd ee Hargeysa.

Masuuliyiinta dawladda u qaabilsan ammaanka ayaa qaraxyadan waxay ku sheegan Shaani, lamana garanayo waxay taasi uga jeedaan iyo in Shaanidu tahay wax ka duwan sharaabka la cabbo iyo in kale. Waxaanay ahayd in kol haddii ay garanayaan shaygan qarxaa waxa uu ka sameysan yahay inay taas ka dhigtaan khadka koowaad ee ay u raacayaan sidii ay xogo kale u heli lahaayeen. Laakiin waxaad mooddaa in “Shaani” wax dhaafsiisan oo ay ogaayeen aanay jirin.

Waxa kale oo dhici karta in kelmadda Shaani ay tahay af-garasho cid koobani isla ogtahay macnaheeda dhabta ah.

Xukuumadda waxa looga fadhiyaa in aanay u dhaqmin sidii koox dadka badhkood xuurto ku haysata oo dagaal kula jirta koox kale oo ay iska soo horjeedaan. Balse waxa loo baahan yahay in xukuumaddu ay isu aragto xukuumaddii xilku ka saarnaa sugitaanka amniga dalka oo idil ee wax ka qaban lahayd qarax saqajaankan ummadda jaah-wareershay.
 

Top


 Ciidamada Itoobiyaanka Oo Xasuuq Fool-Xun Ka Geystay Masaajid Xarun U Ah Tabliiqiyiinta Muqdisho

Waxay Qadaadka Ka Gawraceen Labaataneeyo Culimaa’udiin Ah, Waxaanay Kaxaysteen Ardaydii Masjidka Wax Ka Baranaysay

Muqdisho, April 22, 2008 (Haatuf) – Ciidamada Itoobiya ka jooga dalka Somalia, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa dorraad gelinkii dambe weerar xoog ah ku qaaday masaajid xarun u ah dariiqada Tabliiqiyiinta oo ku yaal degmada Heli-waa oo ka tirsan magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay inay ku laayeen dad isugu jira culimaa’udiin iyo dad ku cibaadaysanayay masaajidkaas.

Sida wararka Muqdisho laga helay sheegayaan ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxaha Muqaawamada ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay u dagaal lagu hoobtay ku dhexmarayay goobo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimashada dad tiradooda lagu qiyaasay in ka badan boqol qof, halka ay inta la ogyahay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafay laba boqol oo qof.

Dagaalkan ayaa ku baahay cidhifka waqooyi ee magaalada Muqdisho ilaa iyo xaruntii Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somalia, halkaas oo xarun u ah ciidamada Itoobiyaanka ah ee jooga Muqdisho.

Meelaha dagaalku sida xoogga ah u dhacay ayaa waxa ka mid ahayd xaafadda Huri-waa oo dagaal qadhaadh oo faraha la isula tegay uu ku dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka soo horjeeda, waxaana la sheegay inuu halkaas ka soo gaadhay khasaarihii ugu badnaa ee soo gaadha ciidamada Itoobiya muddadii ay joogeen Somalia, kadibna ay ciidamadaasi si wasiisi ah weerar ugu qaadeen masaajidka Al-Hidaaya oo xarun u ah Tabliiqiyiinta, kaas oo ay markii hore ku garaaceen madaafiic, kadibna ay markii dambe ay ciidamada Itoobiya ugu galeen masaajidka dadkii, halkaas oo ay ka kaxaysteen in ka badan labaatan culimadii tabliiqiyiinta ah oo uu ka mid ahaa Amiirkii Jamaacadda Muqdisho ee Tabliiqiyiinta, Sheekh Siciid Yaxye, kuwaas oo ay si arxan darro ah qadaadka uga gawraceen, meydkoodiina laga helay meel u dhow masaajidkaas Al-hidaaya. Sidoo kale waxay wararku sheegeen in ciidamada Itoobiyaan ay halkaas ka kaxaysteen ilaa afartameeyo dhallinyaro ah oo wax ka baranaysay masaajidkaas.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya uu soo gaadhay khasaare kii ugu cuslaa ee ay kala kulmaan Muqdisho, waxaana sida la sheegay dagaalkaas saddexda cisho kaga dhintay in ka badan konton askari, halka ay kaga dhaawacmeen 80 askari.

Gawraca ay ciidamada Itoobiyaanku kula kaceen culimada Tabliiqiyiinta oo iyagu aan shaqo ku lahayn dagaalada ka dhacay Muqdisho iyo Somalia toona, isla markaana dunida uu Maraykanku ka mid yahay u aqoonsan tahay culimo nabadeed oo cunuf shaqo lahayn, ayaa ka cadhaysiiyay dadka degan magaalada Muqdisho, siyaasiyiinta iyo guud ahaan dadka Soomaalida ah, waxaana falkaas lagu tilmaamay inuu ahaa xasuuq si axmaqnimo ah loogula kacay dad aan hubaysnayn.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha Isbahaysiga Mucaaridka Asmara, ayaa si kulul u cambaareeyay falkaas ay ku kaceen ciidamada Itoobiya, waxaanu beesha caalamka ugu baaqay inay cambaareeyaan dawladda Itoobiya oo aan indhaha laga qarsan xasuuqa ay Itoobiyaanku ka wadaan magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif waxa uu ku hanjabay inay dib uga fiirsan doonaan wada-hadaladii dib-u-heshiisiinta ee ay la wadeen beesha caalamka, si miis loo soo wada fadhiisiyo dhinacyada isku haya Somalia.

“Waa ayaan darro, waanuna ka xunnahay in Mujtama Dawliga ah aanu ka hadlaynin dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed loo geysanayo, iyadoo la wado in arrinta lagu xaliyo hab siyaasadeed iyo hab diblumaasiyadeed, Isbaheysigayaguna waa ka fiirsanayaa wada hadalladii iyo barnaamijkii siyaasadeed ama diblumaasiga ahaa ee uu la waday Mujtama dawliga ah haddii aan jawaab munaasab ah laga bixin arrintaas” ayuu yidhi Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanku ay dorraad Masjidka Al-Hidaaya ee Degmada Huriwaa ku dileen dad aad u badan oo ay weliba ku jireen rag Culumaa’udiin ah oo qaarkood la gowracay, sidoo kalena ay xidheen dad kale oo u badnaa Arday wax ka baranaysay Dugsi Masjidkaas ku dhex yaala.

Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu ku celceliyay in haddii aan tallaabo laga qaadin Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dhibaataynaya Shacabka Soomaaliyeed in ay ka fiirsanayaan wada hadallo ay ka qeybqaataan, wuxuuna weliba sii qadimay nooca ay yihiin tallaabooyinka ay beesha Caalamku qaadeyso, isagoo soo jeediyay in xayiraado gaar ah lagu soo rogo dadka ka dambeeya xadgudubyadaas, in dhaqaalaha tirada badan laga joojiyo Ciidamada Itoobiya, dalka Soomaaliyana laga saaro.

Sidoo kale afhayeen u hadlay Midowgii Maxkamadaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dawladda Itoobiya inay xasuuq u geysteen dad shacbi ah iyo culimaa’udiin kuwaas oo ay labaataneeyo ka mid ah culimadaas dhegta dhiigga u dareen, afartan ardayna ay kaxaysteen oo aan la garanayn meesha ay geeyeen.

Waxa kale oo uu Afhayeenku cambaareeyay hadal ay dawladda Mbagathi dorraad ku sheegtay in dagaalka ay ciidamada Itoobiyaanku ku jiraan yahay mid ay isku difaacayaan.

Dadkii laayay ee culimada ahaa, ayaa shalay lagu aasay goob ku dhow masaajidka Al-hidaaya.

Waxa kale oo dhacdadan ka hadlay gudoomiyaha golaha dhaqanka beelaha Muqdisho, Maxamed Xasan Xaad, waxaanu cambaareyn xoog leh dusha u tuuray falkan ka dhacay Muqdisho, taas oo uu ku tilmaamay xasuuq aan loo kala aabo-yeelin, isla markaana burburinaya rajadii laga qabay wada-hadalo nabadeed oo horraanta bisha May lagu qaban lahaa dalka Djibouti.

Sidoo kale dhacdadan waxa cambaareeyay ururada xuquuqda aadamaha ee ka dhisan Muqdisho, kuwaas oo ku dhacdadan ku tilmaamay mid aan hore loo arag oo lagu si cadaawadi ka muuqato loo xasuuqay dad aan waxba geysan oo xormo gaar ah lahaa.
Dhacdadan foosha-xun ayaa ilaa hadda waxaan ka hadal masuuliyiinta dawladda Mbagathi oo iyagu u muuqda inaanay awood ay kaga hadlaan lahayn, isla markaana dhinac ah dagaalada ka holcaya Muqdisho iyo qaybaha kale ee Somalia.


 


Bulshada Reer Gabiley Oo Ka Cadhootay Qaadhaanka Ay Taageerayaasha UDUB U Ururinayaan Xafladda Loogu Wanqalayo Gobolnimadooda

Gabiley, April 22, 2008 (Haatuf) – Dadweynaha ku degaanka Gabiley ee dhowaan Madaxweyne Riyaale u magacaabay gobolnimada cusub, ayaa dareen cadho leh ka bixiyay isla markaana ku tilmaamay magac-dil qaadhaan ay kooxo isugu jira cuqaal iyo shakhsiyaad ka tirsan xisbiga UDUB ay lacag kaga ururinayaan magaalada Hargeysa, taas oo ay ugu yeedheen inay u qaadhaamayaan xaflada loogu wanqalayo gobolnimada Gabiley.

Dadweynaha reer Gabiley ee arrintan ka cadhooday oo isugu jira ganacsato, aqoonyahan iyo waxgarad kaleba, ayaa sheegay inay arrintani tahay mid sumcadda lagaga dilayo dadka reer Gabiley, waxaanay ku baaqeen inaanay aqbalayn qaadhaan loogu wanqalo Gabiley una arkaan magac-dil reer Gabiley lagu samaynayo, sidaas darteed waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay bixiyaan dhaqaalaha loogu wanqalayo gobolnimada Gabiley.

Taageerayaasha xisbiga UDUB ee Madaxweyne Riyaale ee Gabiley ayaa dhowaan ku kala jabay qaadhaan loo ururinayo xaflad loogu damaashaadayo gobolnimada Gabiley, waxaana odayaal reer Gabiley ah oo ay ka mid yihiin Aw Ciise Gacan-low iyo Cabdi Ciidle Ammaan oo ay xisbiga UDUB iyo dawladduba ku ogaayeen soo ururinta qaadhaankaasi ka cadhooday ganacsade Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo isna dhinaciisa ka bilaabay qorshe kale oo uu ku donayo in qaadhaanka lagu koobo ganacsatada ka soo jeeda degaanka Gabiley. Qorshahaas oo ay odayaashan iyo Badhasaabka Hargeysa Cali Asad u arkeen mid lagu dhabar-jebinayo qorshahoodii ahaa in qaadhaanka laga soo ururiyo ganacsatada beelaha Sacad Muuse.

Ololaha qaadhaan ururinta oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyay laga dareemayay magaalada Hargeysa waxa odayaasha ku wehelinayay Maayarka Gabiley Xuseen Jameeco iyo badhasaabka gobolka Hargeysa Cali Asad. Waxa kale oo la sheegay in wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Cirro laftarkiisu wax ka waday ololahan. Laakiin wasiirka Madaxtooyada Nuur Aamin Ismaaciil oo ka soo jeeda deegaanka Gabiley ayaa isaga la sheegay in aanu arrintan waxba kala socon.

Haddaba Ismaaciil Cabdilaahi Suweyn oo ka mid ah aqoonyahanka reer Gabiley, ayaa isagu arrintan ku tilmaamay mid magaca iyo milgaha lagaga dilayo dadka reer Gabiley. “Muddo sideed bilood ah ayaan wax mushahar ah la siinin shaqaalaha dawladda hoose ee Gabiley, iyadoo la ogyahay inay Gabiley tahay grade “A” isna bixiso dhaqaale ahaan, xataa waxaa dhaqaalaheeda lagu kabaa degmooyinka kale ee “A” ah. Iyadoo Gobolnimada Gabiley aanu ognahay in xisbiga Madaxweyne Riyaale ku raadsanayo cod uu kaga helo reer Gabiley, isla markaana gobolnimadaasi aanay weli sharciyayn Baarlamaanku, haddana waxay dadka reer Gabiley ka cadhoodeen degmada “A” ah ee haddana xafladii gobolnimadeeda loo qaadhaamayo,” ayuu yidhi Mr. Ismaaciil Cabdillaahi.

Waxa kale oo uu aqoonyahankani sheegay inay ganacsatada, aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ee Gabileyba u diyaar-garaynayaan dhaqaale loogu sameeyo xafladda loogu wanqalayo gobolnimada Gabiley. “Ganacsatada, aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Gabiley waxay ula diyaar yihiin dhaqaalaha ku baxay xafladda loogu damaashaadayo gobolnimada Gabiley. Waxaanay ku baaqayaan inaanay aqbalayn qaadhaan loogu wanqalo Gabiley, sidaas darteedna waxay u arkayaan arrintaas mid lagu magac-dilayo bulshada reer Gabiley.”
 


 Wakiilada Somaliland Oo Fadhi Albaabadu U Xidhan Yihiin Ku Faaqiday Khilaafka Huursan Ee Dhexdooda

Hargeysa, April 22, 2008 (Haatuf) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay fadhi albaabadu u xidhan yihiin oo ay saxaafadu dibada ka joogtay dood xidhan ka yeeshay habkii khilaafaadka Golaha Ka dhex jira turxaan saar loogu samayn lahaa, taasoo sida ay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in fadhigaasi xidhnaa Goluhu dood kulul ka yaashay qaabka wax ka badal iyo kaabid loogu samayn lahaa xeer hoosaadk Golaha oo inta badan lagu sababeeyey in khilaafaadka iyo geedi socodka hawl qabadka Golaha uu inta badan Saamayn ku leeyahay xeer hoosaadku.

Fadhigan shalay oo uu gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa la sheegay in shirgudoonka fadhigaasi ka akhriyey, qodobadii ka soo baxay fadhiyadii xidhnaa ee Golihii hore uga yeeshay turxaan saarka khilaafaadka Golaha iyo habkii wax ka badel loogu samayn lahaa xeer hoosaadka, taas oo sida ay tibaaxuhu sheegeen in shirgudoonku mudanayaasha u sheegay in dariiqada wax ka badelka xeer hoosaadka ay la tashi kale yeelan doonaan Gudida joogtada ah, arintaas oo sida ay tibaaxuhu sheegeen ay mudanayaasha qaarkood ku doodeen in wax ka badelka xeer hoosaadka goluhu dood ka yeesho kadibna go’aan Gole wax ka badel iyo kaabid loogu sameeeyey hase yeeshee waxay ilo xogogaal ahi oo u dhuun daloola fadhigaa xidhnaa noo sheegeen in shirgudoonku ku adkaystay in la tashi ay kale sameeyn doonaan, qaabka wax ka badelka loogu samaynayo xeer hoosaadka guddida joogtada, dhinaca kale waxay tibaaxuhu sheegeen in mudanayaasha golaha wakiilada qaarkood halkaasi ka soo jeediyeen doodo ku wajahan qiimaynta Xaalada dalka iyo Khilaafyada siyaasiga ah ee jira sidii Goluhu uga qayb qaadan lahaa, isla markaana loo hakin lahaa arimaha turxaan bixinta Golaha, waxaana la sheegay in fadhi dambe oo xidhan goluhu maalinta arbacada dib iskugu soo noqon doono.

 


 Toddobaadka Ololaha Waxbarashada Adduunka Oo Somaliland Ka Bilawday

Hargeysa, April 22, 2008 (Haatuf) – Toddobaadka caalamiga ah ee u ololaynta waxbarashada adduunka oo ah mid sannad kasta mar laga xuso adduunka, ayaa dorraad si rasmi ah uga bilaabmay dalka Somaliland oo ah sannadkii labaad ee laga sameeyo ololahan.

Ololahan waxbarashada oo socon doonta muddo toddoba maalmood ah, waxa ujeedadu tahay in la isku baraarujiyo xaqa cid kastaa u leedahay inay waxbarasho hesho, gaar ahaan ubadka yar yar ee soo koraya iyo si la isku xasuusiyo qiimaha waxbarashadu bini’aadamka u leedahay. Waxaana ka qaybqaadanaya oo maalgelinaya hay’addo fara badan oo isugu jira qaar ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwa caalami ah iyo kuwo wadani ahba, waxaana fulinaya ururka isku xidhka ardayda Somaliland ee SOLSA oo kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada Somaliland.

Toddobaadkan caalamiga ah ee u ololaynta waxbarashada, waxa sannadka kasta la qaataa hal-ku-dheg bartilmaameed laga dhigto, si looga midho dhaliyo hiigsiga adduunyadu gaadhay ee ah in sannadka 2015-ka qof kasta oo adduunka ku nooli uu helo waxbarasho bilaash ah. Waxaana sannadkan hal-ku-dheg looga dhigay in hoggaamiyayaasha bulshadu ka warqabaan dugsiyada oo aanay noqon kuwo ku kooban macalimiinta oo qudha.

Haddaba, toddobaadkan ololaha waxbarashada Somaliland, ayaa waxa shalay laga bilaabay dugsiga ardayda Somaliland ee baahiyaha gaarka ah qabta, xaruntiisa magaalada Hargeysa. Waxaana halkaa lagu sameeyey xaflad khudbado laga soo jeediyey oo ololahan ku saabsan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Md. Cali Cabdi Odowaa oo halkaa ka hadlay, ayaa ka waramay ujeedada loo sameeyey toddobaadkan iyo faa’iidada ku jirta, isagoo sheegay in uu yahay olole loogu jiro in dadka waxna qorin waxna aan akhriyin ay ka baxaan xaaladaa oo ay u gudbaan heer aqooneed iyo qiyaas la eegayo in adduunku ka wada socdo bulshadiisu xuquuqda ay u leeyihiin waxbarashada inay meel kasta ka jirto iyo in aanay ka jirin. Sidoo kalena sannadkan ay dheertahay siyaasiyiinta oo lagu dhiirigelinayo inay dib ugu noqdaan dugsiyada, si ay u qiimeeyaan heerka waxbarsho.

Agaasimuhu waxa kale oo uu xusay in inta uu socdo ololahani la qiimayn doono qaar ka mid ah dugsiyada Somaliland heerka aqoontu joogto iyo maamulkoodaba, iyadoo goobahooda loogu tagi doono.

“Haddii aannu Wasaaradda Waxbarashada nahay ololahan na hoos yimaada ee aannu qabanqaabinayno waxaannu ka bilawnay dugsiga naafada oo ardaydu isugu jirto qaar maskaxda wax ka qaba iyo kuwo laxaadka wax ka qababa,” ayuu yidhi Md. Cali Cabdi Odowaa, waxaannu intaa raaciyey, “Dugsigan waxa gacanta ku hayey muddo ilaa lix sanno ah hay’ad la yidhaa IAS oo ay ahayd hay’ad taqaanay sida dadka noocan ah loola macaamilo ama manhaj waxbarasho loogu sameeyo, hay’addii waxay tidhi shan sanno ayaanu gacan siinaynay dugsigane nagala wareega ma hayn karno intaa wax kabadane, dugsigu imminka wuxuu hoos yimaada Wasaaradda Waxbarashada. Carruurtan naafada ahi waa dadkeenii xagga bulshada ugu daciifsanaa, markaa in aynu xil iska saarno oo aynu u samayno wacyigelin lagaga wada qaybqaadano ganacsatadeena, dawladeena iyo cid kasta oo naxariisi ku jirto.”

Guddoomiyaha ururka SASE oo ah urur ay waalidiinta carruurtoodu dhigato dugsiga samaysay, kadib markii ay ka tagtay hay’addii gacanta ku haysay ee IAS Mr. Xasan Axmed Ibraahim (Xasan-anbasi) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in guddigoodu gacan ka geysto habsimi u socodka hawlaha dugsiga iyo maamulkiisa.

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Hay’adda IAS ayaa markii hore dugsiga maalgelin jirtay, hay’addii hadda ma joogto oo Wasaaradda ayaa la wareegtay dugsiga, laakiin anaga oo guddi isugu jirta ah waalidiin, dad dugsiga jaar la ah iyo shakhsiyaad kale oo dugsiga danaynaya ka kooban, ayaanu hawsha gacan ka geysanaa oo maamulkeeda iyo waxqabadkeedaba intabadan garabtaagan. Waxaana inoo ballan ah haddii aynu waalid nahay, macalimiin iyo wasaaradba in aynu had jeer iska xilsaarno sidii aanay waxbarashadu ugu koobnaan magaalooyinka ama dadka wax haysta ama aan naafada ahaynba, laakiin ay u noqon lahayd mid qof walba gaadha.”

Agaasimaha Dugsiga ay dhigtaan carruurta baahiyaha gaarka ah qaba Mr. Xasan Xuseen Cabdi oo isna xafladaa dugsiga lagu qabtay ka hadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyey marxaladihii uu dugsigu soo maray waqtigii la aasaasay ilaa iminka. Waxaannu sheegay inay dugsiga hadda dhigtaan carruur tiradoodu gaadhayso 85, iyadoo ay jiraan 42 kale oo naafanimadoodu aad u culustay oo ay ugu tagaan guryahooda si ay wax u baraan.

“Dugsigu waxa uu leeyahay qalabka dadka naafada ah lagula tacaalo, si xubnaha jidhkoodu u kala baxaan. Waxa kale oo uu dugsigu leeyaha cunto quudin,” ayuu yidhi Mr. Xasan Xuseen Cabdi, waxaanu intaa raaciyey, “Waxaan idiin soo jeedinayaa dugsigani yuu noqon wax hay’addi bilawday oo markay ka tagto baaba’a.”

Maxamed Cabdi Sh. Axmed oo ku hadlayey magaca hay’addaha maalgelinaya ololahan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in hay’addaha ka qaybqaadana ololahan waxbarashada loogu jiro ay isugu jiraan kuwa ka tirsan Qaramada Midoobay, kuwo caalami ah iyo qaar wadani ahba, kuwaas oo dhammaantood u tafoxaytay sidii uu toddobaadkani midho dhal u noqon lahaa.

“Adduunku wuxuu ku heshiiyey in sannadka 2015-ka dhammaan carruurta adduunka ku nooli waxbarasho bilaash ah hesho, taasi oo ah mid guud oo dhammaan ay soo wadagalaan dadka wax haysta, kuwa aan waxba haysan, meelaha fogfog ku nool iyo weliba ku laxaadka la’,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Cabdi Sh. Axmed.


 Itoobiya Oo Qatar Ku Eedeysay Inay Taageerto Kooxaha Somalida Ah Ee La Dagaalamaya Xidhiidhkiina U Jartay

Doha, April 22, 2008 (Haatuf) – Dawladda itoobiya ayaa sheegtay inay xidhiidhkii diblomaasiga ahaa ee ay la lahayd dalka Qadar ay u jartay ka dib markii ay taageertay dawladda Qadar argagixisada mandaqada Geeska Afrika.


Wasaarada arimaha dibada ee Dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay go’aansatay in ay xidhiidhkii Diblamaasi ee ay la lahayd Dawladda Qadar u jartay kadib markii ay ku eedysay inay taageerto Kooxo ay sheeegtay inay yihiin Argagixiso, iyadoo arintaa ka hadlaysana waxay tidhi “ dawladda fadaraalka itoobiya waxay go’aansatay in ay xidhiidhkii i diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Dalka Qadar ay u jartay ka dib markii ay Xukumada Itoobiya Daraasada dheer ku ogaatay in Qatar ay tahay meesha ay ka shidaal qaataan waxa lagu tilmaamo Argagixisada Somalia”.

Dawlada Itoobiya waxa kale oo ay ku eedeysay Dalka Qatar inay Lacag Boqolaal Mallyuun gaadheysa ay siiso Dalka Ereteria taas oo iyaduna u sii gudbisa Kooxaha Somaalida ah e la Dagaalamaya Dalka Itoobiya,waxaaney hadalka ka soo baxay Dalka Itoobiya lagu sheegey inay in badan dulqaad sameysay iyo samir intii karaankeeda ahaa islamarkaana ay Qatar wadey arimo ka soo horjeeda Itoobiya iyo xasiloonida mandaqada geeska afrika..

Itoobiya waxa kale oo ay intaa ku dartay in ay tahay Qatar meesha dabka Soomaaliya ka holcaya laga shidaayo, isla markaana taageero toos ah iyo mid dadbanba ay siiso Argagixisada Soomaaliya iyo kuwa dalalka kale ka hawlgalaba ay taageerto.

Dawlada Itoobiya waxay aad ugu eedaysay dawlada Qatar ka dib markii Televion ka Aljasiira uu soo daayey barnaamijyo ka hadlaya dhibaatada Haysata dadka Gobolka ay Soomaalidu degto kuwaas oo la kulmay jabhada ONLF. Kana soo diyaariyey barnaamijyo iyo Sairo.
 


 Amarada ka soo baxay Wasiirada Riyaale ee lagu xidhay Oday Deyr Maxamed Cilmi iyo Gud. KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, iyo iskudayga laaluushku waxay hoosta ka xariiqeen awoodaha qayral sharciga ah ee xadhiga muwaadinka iyo ku tagrifalka hantida qaranka ee ka wareegay gacanta hay’adaha Garsoorka iyo Hanti-dhowrka. - Wasiirada awooddaas haysta, ma jiraan wax ka horjoogsan kara inay bixiyaan amarada lagu fuliyay qaraxyada magaalada ka dhacay.

Hargeysa, April 22, 2008 (Somaliland.org/Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji) iyo Oday Deyr Maxamed Cilmi oo isaguna ka tirsan odayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa waxa xukuumadda Somaliland ku eedeysay inay ka dambeeyeen qaraxii ka dhaxay xarunta Golaha Guurtida, 09 April. Hase yeeshee, waxay labaduba sheegeen in aan la ogeyn wax maxkamad ah oo dacwad lagaga soo oogey, balse, booliskii xidhay uun ay siidaayeen, waxayna ku tilmaameen xadhigooda mid ay ka dambeysey siyaasad oo ay amarkiisa bixiyeen Wasiirro beelahooda ka soo jeeda.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Mr. Xamarji ayaa isagu sheegay inuu tegey Xarunta CID-da markii uu ogaadey in boolisku doondoonayo, isla markaana waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) uu telefoon ku soo amray xadhiggiisa, sidaana lagu xidhay. Waxana uu sheegay in muddo Afar maalmood ah oo uu xidhnaa aan haba yaraatee, waxba la weydiin, BBC-dana uu ka maqlay keliya in loo haysto qaraxii Guurtida.

Xamarji waxa uu intaas ku daray in maalintii la siidaayey habeennimadeedii Wasiirka Arrimaha Guduhu ugu yimi halkii uu ku xidhnaa oo ah xarunta CID-da, isla markaana uu u sheegay in uu siideynayo, balse, waxa uu sheegay Xamarji inuu ka diidey, kana dalbaday in uu u baahan yahay in caddaaladda la horgeeyo oo maxkamadda horteeda uu kaga caddaado dembiga lagu eedeeyey ama uu ku caddaan waayo.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isaguna arrintan faahfaahin ka sii bixiyey. Waxana uu sheegay in sidoo kale, Deyn Maxamed Cilmi oo ah oday caan ah oo reer Burco ah uu ugu tegey xarunta CID-da ee uu ku xidhnaa Wasiirka Hawlaha Guud, mudane Siciid Sulub, isla markaana Wasiirku u sheegay Deyr in uu isagu soo xidhay, iminka uu isagu siideynayo.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Khamiistii ka hadlayey xaflad loo sameeyey sannadguurada 2aad ee Wargeyska Geeska Afrika oo lagu qabtay Hotel Ambassador, waxa uu sheegay in labada wasiir ay la gorgortameen masuuliyiintaas intii ay xidhnaayeen oo u sheegeen inay siideynayaan, lacagna ay qaataan.

Guddoomiyuhu ma sheegin waxa lagaga beddelanayey lacagtaas. Hase yeeshee, warar xog ogaal ah ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu weydiistey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka, Mr. Xamarji in aanu saxaafadda la hadlin marka uu siidaayo, lacagna uu qaato, balse, uu ku gacan saydhay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxa kale oo uu xusay laba caaqil iyo Oday iyaguna reer Hargeysa ah oo la xidhay maalmihii la soo dhaafay, kuwaas oo uu sheegay in sababta loo xidhay ay ahayd iyaga oo ka soo horjeestey go’aanka Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey Madaxweyne Riyaale, isla markaana taageeray mawqifka xisbiyada iyo Komishanka. Waxana uu ku tilmaamay xaqdarro xadhigga odayaashaas, isaga oo sheegay in telefishanada habeenkasta laga siidaayo odayaal iyo dad la soo ururiyey oo taageeraya go’aanka Guurtida.

Axmed Siilaanyo, waxa uu u soo jeediyey ciidamada Booliska Somaliland in ay ogaadaan in sharciga loo siman yahay, isla markaana ay sharciga ilaaliyaan, maadaama ay yihiin boolis qaran, balse, aanay cid gaar ah u adeegin.

Guddoomiyuhu waxa uu ku dhalliilay saxaafadda oo faafisay eedayntii hore ee Wasiirka Arrimaha Guduhu u jeediyey xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiinta loo xidhay qaraxii Guurtida in aanay dabagal ku samayn, isla markaana aanay weydiin wasiirka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo isaguna xafladdaasi ka hadlay ayaa qaraxyadaas ku eedeeyey Xukuumadda. Waxana uu ugu baaqay inay joojiso qaraxyada.

Faysal Cali Waraabe isaga oo dadka u xaqiijinaya in nabadgelyo xumo aanay dalka ka dhacayn, waxa uu yidhi, “Dadka dibadaha waxaan leeyahay iyo kuwa gudahaba ee reer Somaliland, wax dhibaato ah oo dalka ka dhacayaa ma jirto”.

“Bahashan Shaanida yar (Qaraxyada) ee la tuurayona xukuumaddaa wadda’e ha joojiso,” ayuu raaciyey. Waxana uu sheegay in dad reer Boorame ah uun lala beegsanayo, isaga oo xusay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cabdi Xasan Buuni iyo Wasiirka Warfaafinta oo labadaba la sheegay in guryahooda bam lagu qarxiyey wakhtiyo kala duwan.

Faysal waxa uu sheegay in taasi ay muujinayso in waxani ay ka socdaan meelkeliya, loolana jeedo in dadka loo tuso in Daahir Riyaale loo eryanayo reernimo.

Dhaqanka Qaraxyada:
Qaraxii ka dhacay xarunta Golaha Guurtida, Arbacadii 09 April oo dhacay 12:00 duhurnimo saacado kadib markii uu xidhmay fadhi goluhu doonayey inuu ku ansixiyo go’aan uu muddada xilka ugu kordhinayo Madaxweyne Riyaale oo dib loo dhigay maalintaas ayaa xukuumaddu si toos ah ugu eedaysay Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, iyada oo wasiirka Arrimaha Guduhu sheegay in ay qaraxaas u qabteen nin ka tirsan xisbiga KULMIYE, kaas oo ah oday Deyr Maxamed Cilmi.

Qaraxa oo ka dhacay qol ka tirsan xafiisyada Golaha Guurtida oo cidlo ahaa, ma jirto cid wax ku noqotay. Waxana uu Taliyaha Boolisku sheegay isla maalintaa inay u qabteen Lix qof oo saddex ka mid ahi ay ahaayeen shaqaalaha Golaha Guurtida, marka laga reebo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa oo isaga la xidhay maalin kadib, waxana uu sheegay in dhakhso maxkamad loo horgeyn doono dadkaas.
Hase yeeshee, dhammaan dadkii loo qabtay qaraxaas ayaa la siidaayey iyada oo aan maxkamad la horgeyn, mana jirto cid loo hayo.

Deyr Maxamed Cilmi iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka, Xamarji, waxa ku weheliyey oo la xidhnaa labada nin oo kale oo mid ka mid ah lala qabtay Oday Deyr. Waxayna sheegeen in ninka kale oo ka mid ahaa dhallinyarada Jabhaddii SNM, laguna naanayso Qulka uu u sheegay in isaga 7 jeer loo xidhay qaraxyo ka dhacay Hargeysa, markasta oo qarax ka dhaco magaaladana isaga la qabto, haddana la siidaayo iyadoo aan marna maxkamad la geyn.

Marar badan ayaa qaraxyo sidan oo kale ahi ka dhaceen magaalada Hargeysa sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo xukuumaddu sheegto markasta inay dad u qabqabatay, waxaana la ogyahay in aanay jirin ilaa iyo hadda cid maxkamad lagu soo taagey eedaynta qaraxyadaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka warramayey qaraxii ka dhacay Guurtida ayaa sheegay in qaraxaas iyo mid ka horreeyey oo 06 April ka dhacay Guriga Jaamac Sweden oo xubin ka ah Komishanku inay ka duwan yihiin qaraxyadii hore, isaga oo qaraxyadan dambe si cad dusha uga saaray xisbiga KULMIYE. Sidoo kale, qarax ka dambeeyey habeenimadii Sabtida laga maqlay duleedka Taliska Guud ee Booliska ayaan ilaa iyo hadda cidna lagu eedayn, isla markaana la ogeyn cid loo qabtay.

Waxayna dad badani u arkaan qaraxyadan kuwo faashil ah oo ay ka dambayso xukuumadda lafteedu, laguna soo beego xilli ay jiraan xaalad siyaasadeed oo ay xukuumaddu doonayso inay dadka ku jeediso mucaaridka ama ay ku abuurayso xaalad nabadgelyo oo ay foodsaaro uga dhiganayso inay qaaddo tallaabooyin ay dad ku xidhxidhayso.

Tusaale ahaan, qaraxyadan oo aan wax khasaaro ah geysan, waxay kuwan u dambeeyey u dhaceen sidan:
30/03/08 – Habeenkii Axaddu soo gelaysey waxa bam aan cidina waxba ku noqoni uu ka dhacay Guriga Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cabdi Xasan Buuni. Waxana uu ku beegnaa maalintii 2aad ee Shirweynaha 2aad ee Xisbiga KULMIYE.
05/04/08 – Waxa Qarax bam oo aan cidina wax ku noqon lagu sameeyey Guriga, Jaamac Sweden, xubin ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, laguna dhalliilo inuu si badheedh ah ugu xagliyo Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB, isaga oo ka mid ah Saddexda xubnood ee Komishanka ee Madaxweynuhu soo xulay. Waxana uu dhacay kadib markii Guddoomiye ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan uu maalinnimadii shaaca ka qaaday in xukuumaddu faragelin joogto ah ay ku hayso Komishanka, isla markaana uu iscasilayo. Hadalka Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxa uu ka dambeeyey markii xukuumadda iyo Xisbigeeda UDUB oo kaashanaya xubno ka tirsan Komishanku ay ishortaageen go’aan Komishanku ka gaadhey 04 April cabasho labada xisbi ee mucaaridka ahi ku gudbiyeen liisaskii guddiyada Komishanka ee Saddexda Gobo lee Galbeedka Dalka, kaas oo la doonayey in subaxnimadii 05 April ay wada saxeexaan Komishanku. Waxa kale oo uu Guddoomiyekuxigeenku hadalkiisaa ka hor-degey oo uu sii fashiliyey go’aanka khilaafka adag dalka geliyey ee Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey Madaxweynaha, kaas oo wakhtigaa uu u soo bandhigay Komishanka.

08/04/08 – Waxa qarax ka dhacay xarunta Golaha Guurtida. Waxana uu dhacay qaraxaasi, kadib markii Komishanku baajiyey Fadhi Guurtidu doonaysey inay muddada xilka ugu kordhiso Madaxweyne Riyaale, kaas oo loogu talagalay in si kedis iyo lama filaan ah loo meel mariyo, balse, Komishanku.

Khatarta laga werwerayo:
Intii ay soo baxeen xaqiiqooyinka muujinaya in xukuumaddu ku lug leedahay qaraxyadan oo aan wax khasaare ah geysan marna intii la maqlayey, waxa soo baxay werwer dad badani ay ka qabaan in ay suuragal yihiin mu’aamarado iyo shirqoollo lala beegsado siyaasiyiinta mucaaridka oo lagu fuliyo gacan-qarsoon, iyada oo dadka werwerkan qabaa ay ku doodayaan in dhaqanka dadka reer Somaliland aanay ku jirin shirqool iyo in gacan dahsoon wax lagu dilo. Sidaa darteed, qaraxyadani ujeeddada siyaasadeed loo adeegsanayaa ay yihiin wax ka baxsan dhaqanka dadka reer Somaliland, horseedna ay u noqon karaan shirqoollo waaweyn oo soo socda.
Xigasho: C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
 


  Hargeysa: Dhalinyarada Ku Mamay Dhaca Mobile-Da Iyo Waxyeelada Dadka Ka Soo Gaadha
Warbixin: Barkhad Muxumed Cumar, Haatuf Staff

Amaandarada ay sameenayaan qaar ka tirsan dhalinyarada Xaafadaha Hargeysa, ayaa baryahan dambe soo badanayaa, iyadoo xitaa imika ciidamo badan ay gaaf wareegaan.
Waxaad arkaysaa iyadoo goor fiid ah ay dhalinyaradu cantoobsanayaan moobilada ay dadku sitaan iyo waxa kale ay ka qaadi karaan, taasi waxay keentay in habenkii la kala shakiyo, oo xitaa ruuxii kaa hor yimaada ama ku garab socda aad ka shakidid.

Cabdirashiid maxamed waa wiil dhalinyaro ah waxaa goor ay fiid tahay isaga oo maraya wadada dheer ee xero awr ee Iidaacada tagta meel aan ka fogayn isgoyska xero awr ayaa waxaa ka daba yimid dhawr ruux oo aanu iska dhaadeen ka dibna way gagabiyeen oo dulkay ugu rideen, markaa ayaa miyir ugu dambeysay, cabdirashiid oo aan gurigooga oo xawaadle ah ku booqday ayaa isaga oo wali xanuunkii soo gaadhay la ildaran ayaa iga waramay sidii ay arintu u dhacdayd s “ aniga oo goor fiid ah guriga ku soo socda oo maraya wadada Laamiga ah ee Idaacada tagta ayaa dhawr nin iga daba yimaadeen ka dibna budad ila boobay markaasaa aniga miyirkaygii iigu dambeeysay” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Waxaa kale oo uu ii sheegay in iyadoo la garan la’yahay oo dad badan ku urursan yihiin, uu wadadii soo maray, ka dibna uu dirqi ku gartay nin wadada marayey, sidaa daraadeed waxa uu ii baryey nin baabuur taxi ah wata sidaasaa gurigoodii lagu keenay isaga oo wali isla maqan, haatan Cabdirashiid Lug ayaan wali wax dhaqdhaqaaq ah samaynin, mar-marka qaarkoodna waxaa la ii sheegay in laga dayriyo xaaladiisa oo la moodo in ay naftu ka baxday.

Cabdirashiid Maxamed wax uu sitay maba jirin, markii ay wax ka waayeen ayey sii qaraaceen oo ay quluul ugu tureen.

Arrimahani maaha maanta kuwa cusub ee waa kuwo baryahanba si isdaba jooga ah u dhacayey, oo joogto noqday, waxaana soo baxay dhalinyaro ku mamay Mobile-ada dadku sitaan taas oo ay qofkii ku waxyeelayaan, Axmed waa ardayd dhigta Jaamacada Admas waxaa uu ii sheegay in isaga oo ka soo baxay Majaasid u dhaw suuqa Hoose Salaadii Cishaa’i rag ka soo horbaxay ay isku qabteen ka dibna ay baadheen oo ay kala baxeen Mobile-kiisii iyo Lacagtii Jaamacada oo uu Jeebka ku sitay, taas oo ay kala baxsadeen, waxogay jug ahna ay gaadhsiiyeen.

Tuugtan dadka mobile-ada dadka ka qaadaysaa kuma eega Mobile-ka oo qudha ee xitaa qofka ayey waxyaalo culus u geystaan, meelaha fof-fog ee Boliska ka durugsan uun wax kuma dhacaan ee xitaa Saldhigyada Booliska agtooda ayey ku dhacaan, Siciid Axmed waxa uu marayey meel aan ka fogayn Saldhiga Koodbuur marka ay mobile-ka ka dhaceen.

Kuma koobna Dhicista Mobile-ka iyo waxaad sidato ee mar marka qaarkood marka wax lagaa waayo adiga laftigaaga ayaa waxyeelo laguu gaysanaya, waxaa kale oo dhacdooyinka la ii sheegay ka mid ahaa in Gabadh maraysay Xaafada Ganad agteeda in ay wiilal waliba garanayey in ay mobilekii ay ka qaadeen waliba nabarana u gaysteen.

Waxaa kale oo jirta in Nin dheer oo dhuuban uu caadaystay in uu dadka ku waxyeeleeyo inta u dhaxaysa Xaafadaha Jigjiga-yar dhankeeda waqooyi iyo ilaa Xaafada Sheedaha, ninkan oo aan cidnaba dhaafayn oday iyo dumartoona, xitaa Waxa uu dariiqa u galayaa odayada Salaada Cishaa’i ka soo baxa, dhacdan oo ay la kulmeen dad badani waxay ii sheegeen in uu yahay Nin Dheer oo dhuuban oo madaxa Duuban, waxaanu had iyo goor dadka ku qabtaa Toori dheer, xaga ay dadka qaar kalana sheegaan in uu sito Qori taas oo uu dadka ku qabto, ilaa hada lama garanaayo sababta ay Boolisku u heli laayihin ninkan dadka dhibay, waxaan la kulmay dad uu Mobile-lo ka qaaday, “ aniga iyo gabadh aanu Saaxiib nahay oo waxyar u jira Xaafadayada ayuu naga soo hor baxay, waxaanu nagu yidhi is-furta oo waxaad haysaan dhulka dhiga, waxaan u sheegnay in aanaan waxba sidan balse nagama yeelin oo waxaa uu ku dhaartay in uu Toorida nagalinaayo, si aan naftayda u badbaadino waxaan dhulka u dhigay Mobile-kii, waxaase uu rumaysan waayey inantii tidhi ma lihi Mobile, waxaanu cadaadis nagu saaray in Mobie-lka kale ay dhiibaan, Markii aanu dhaaranay ee aanu u barooranay ee oohini naga dhamaatay ayuu yidhi aamusa oo intaan fogaanayo ha dhaqaaqina haddii kale wixii idin gaadha idinka isku gaystay” sidaa waxaa tidhi inan ka gaabsatay in ay magaceeda sheegto, waxayna ii sheegtay in ay markii la dhacayay ay wax yar u jireen Gurigooda, dhacdana waxay dhacday laba Bilood ka hor.

Hadaba hadana wax laga qaban arrimahan waxay fadarayn doontaa Xaafadaha kale ee Caasimada, maahana in waxan oo kale la eegto, waxaa kale oo ay noqotay wax dadka lagu cabsi galiyo, cid ilaa hada wax ka qabtayna ma jirto, lamana garayo sababta ninkaa loo soo qaban kari waayey.

Dadka mobile-ada laga dhacay ee sifooyinkan kala duwan looga qaatay ee aan la kulmay waxaa ugu dambeeyey Habeenkii isniintu soo galisay ee isla todobaadkan ayaa aniga oo marayey Maansoor Hotel agteeda ayaa waxaan la kulmay Buuq iyo qaylo ka dhacaysa meesha aan ag-marayey, markii aan ku leexday waxaan wax ka waydiiyey wiil dhalinyaro ah oo layidhaahdo Axmed Muxumed oo ii sheegay in ay inantu I hor socotay markii mobilt-ka laga qaadayey, waxaanu ii sheegay in aanu difaaci karayn oo ay badnaayeen waxa kaliya uu isku dayey in uu isagu Mobile-kiisa iyo naftiisa ka badbaadiyo, waxaa kale oo iga yaabisay meesha inantan lagaga qaaday Mobile-ka oo ahayd Laami dhexdeed oo xitaa Baabuurtu marayeen, waxaa kale oo u dhawaa Askar Malatari ah oo qarka wadada fadhiyey sababta ay qaylada iyo buuqa u maqli waayeen ma garan, mar aan dad kale waydiiyey ee aan idhi ma xilligan ayaa lays dhacayaa, waxay ii sheegeen in ay habeen walba dad mobile laga qaado, oo aanu aragno habeen walba dad qaylinaya oo waliba waxay eegtaan dadka Basaska ka soo daga, waxaase aniga i yaab galiyey meeshan dadka lagu dhacayo oo ah meel ay Hay’aduhu ku badan yihiin, islamarkaana guryaha Xaafadaha ay Waash-maano ilaaliya leeyihiin sababta Inamadan yar yar loo qaban la yahay iyo Booliskan Habeenkii wareegayaa ay waxan u qaban laayihiin !.

Waxaanad moodaa in Habeenadan Askarta wadooyinka la taxay ay hadana sii badato dhaca Dadka, iyo waxay Askartu ilaalinayso, malahayga waxaan is idhi waxaa loo diray uun in ay Baabuurta Baadhaan oo kaliya, waayo waxaad arkaysa iyagoo baabuurta joojinaya, isla markaana qaarkood Xaafadaha dhex lugaynaya hadana meelaha u dhawna dad lagu waxyeelaynayo.


 ODHAAHDA AKHRISTAHA: Mudo Kordhinta Golaha Guurtidu Waxay Dalkan Somaliland Dib U Celisay Mudo Hal Qarni Ah

Maxamed Faarax Daheeye Gobolka Awdal Borama Somaliland

Sida aynu la wada socono waxaa gooni isku taagtay jamhuuriyada somaliland oo lagu dhawaaqay 1991kii taasi oo ahayd qarnigii 20aad, maanta oo ay taagantahay xiisadan mudo kordhinta ee golaha guurtida xilka ugu kordhiyeen madaxwaynaha sida ay iyagu sheegeen waxa ay ku soo beegantay 2008 horaanta qarniga 21aad sidaa darteed miyaan la odhan karin halqarni ayey somaliland din u noqotay marhadii madaxwaynihii doorashada ku yimid ay xilkii u kordhiyeen gole aan wax sharciyad ah ku fadhiyin ee ay dhamaatay wakhtigii beeluhu ay soo dhamaatay iyagu ku dhawaaqaya iney xilka isku kordhiyaan. Hadaba waxaan madaxwaynaha waydiinayaa sida madaxweyne kuugu cuntamaysaa adiga oo doorasho ku yimid in maanta markuu wakhtigii uamda xilka kuu igmatay dhamaaday ay gole wax sharciyad ah ku fadhiyin oo iyaga laftooda is magacaabay ay adigana kuyidhaahdaan xilkaan kuu kordhinayaa muddo hal sano ah? Halkaad ku hilmaantay doorashooyinkii aad hirgalisay aad magaca ku heshay mudadii aad xafiiska joogtay. Madaxwayne maxaad maanta u sheegi wadamadii caalamka ee aad ictiraafka ka raadinaysay adigoo ahaa maxwayne shacbigu soo doorteen haatan ay xilka kuu kordhiyeen hal gole oo wakhtigoodii dhamaaday cid ay matalaana jirin.

Hadaba adeer Daahirow Madaxweyne waxaan kugula talin lahaa in aad kursiga aad doorashada ku timid, mar labaadna wadadii doorashada aad usoo marto ee aanad sharaftii iyo karaamadii shacbiga kugu soo doorteen iska qaadin, dadkana fawdo u hor seedin, dushaadana dalkani ku burburin, taladuna waxa ay maanta gacantooda ku jirtaa sadexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka qaranka wixii ay isla gartaan ee la tasha mudada yare e kuu hadhay intaaney kaa dhamaan, hana isku halayn odayaasha mushahar ku dirirka ah iyo wasiiradan kursi ku dirirka ah, madaxwayne xasuuso maahmaah tidhaahda( ninmaan kun furidoonin yaanuu kuu rarin ) madaxwayne dhagayso qaylada ka soo yeedhaysa shacbiga somaliland dibad iyo gudaba iyo wadamada caalamka, gaar ahaan deeq bixiyayaasha oo warwar ka muujinaya xaalada cakiran ee ay sababaeen golaha guurtida ee wakhtigoodii dhamaaday.

Shacbiga Somaliland waxaan uga tacsiyadaynayaa gafka ay ku kaceen golaha guurtidu iyaga oo madaxwayne doorasho ku yimid ka dhigay mid rabitaankooda ku shaqeeya si ay ugu fushadaan danahooda gaarka ah, shacbiga waxaan leeyahay nabada ha la inoo ilaa liyo wayo nabadu cid kasta waa u dan.


  Fadumo Siciid Waa Muwaadinad Dhab ah

Suldaan Daakir Xasan Khaliif, Burco

Aniga oo magacaygu yahay Suldaan Daakir Xasan Khaliif kana mid ah hogaamiye dhaqameedyada reer Somaliland, gaar ahaan suldaan kamid ah salaadiinta beesha Madhibaan, waxaan aad iyo aad ugu diisaday sida geesinimadu ku dheehan tahay ee ay yeeshay muwaadinada u dhalatay dalka Somaliland ee ka hawl gasha hay’ada QM ee UNDP iyada oo ka biyo diiday habka ay wax u wadaan maamulka hay’adaasi, gaar ahaana barnaamijkooda wax qabad ee ku wajahan horumarinta dalka, waayo tan iyo intii aynu dib ula soo noqonay xornimadeenii ku hungowday dalkii la dhan jiray Somalia 1991 ilaa maanta waxa dalkeena ku soo qulqulaya hay’ado kala duwan kuwaas oo ka fulinaaya dalka mashaariico fara badan oo muuqda iyaga oo ku sababaynaya dimquraadiyada curdinka ah ee ka hana qaaday dalka iyo nabad gelyada wacan ee ka dhex ifaysa guud ahaan qaarada Africa, hadaba hay’ada UNDP waa hay’adaha ugu waaweyn ee dalka sida fiican wax uga qabta, hadaba si’aasha qof wal oo muwaadin ahi is weydiinayaa waxay tahay yaa u sabab ah wax qabadka hay’adan ee ay dalka ka qabato? Yaa mar walba dabada ka wada inay sidaa wax u qabato wax muuqda oo shacbi iyo dawladba raali gelinaya?

Su’aashaas iyo qaar kaloo badan waxa jawaab buuxda u ah muwaadinada Marwo Faadumo Siciid.
Hadaba ayay tahay Faadumo Siciid?

Faadumo waa shaqsiyad intaan aqoon u leeyahay aad uguheelan horumarinta dalkeeda iyo dadkeedaba, shaqsiyad aan odhan karo waxa ka dhab ah muwaadinimada waliba ma yidhi nin aqoon mug leh u leh faadumo balse waxa soomaalidu ku maahmaahdaa Isha ayaa macalin a, waxa ay Ili aragto ayay Ilkana gooyaan.
Waxaa sodoo kale ah wax lama ilaawaan ah wixii ay ka hirgelisay Faadumo intii ay ka hawl gashay hay’adan tan iyo intii aan bartay Faadumo waliba aan ku bartay wax –qabadkeeda iyo fifircoonideeda ay u hayso dalkeeda hooyo iyo weliba sida ay uga go’an tahay waxqabadka iyo hawl-karnimada taasna waxa u daliil ah markhaati buuxana u ah saxaafada kala duwan ee ka shaqaysa dalka.

Hadaba waxa is xasuusin mudan ahna wax waxaan indha halaga qarsan karin waxqabadka muwaadinadan oo ay kow ka tahay:
1. Dhisida jeelka Hargeysa oo ilaa hada dhismihiisii faraha lagu hayo/
2. Qalabaynta ciidanka booliiska sida siinta gaadiidka ay shacbiga ugu adeegaan/
3. Sare u qaadida tayada dumarka bilayska ah iyo kobcinta garaadkooda askarinimo.
4. Dhisida jeelka Berbera.
5. Dhisida jeelka Ceerigaabo.
6. Dhisida jeelka Gebiley.
7. Gacan ka geysashada jaamacadaha dalka, gaar ahaanjaamaca Hargeysa qaybteeda shuruucda.
8. dhisida qaar ka mid ah wasaaradaha dalka iyo kuwo kale oo faro badan oo aynaan halkan ku soo koobi karin.
9. hadaba waxaan dhamaan u soo jeedinayaa bulsho-weynta reer Somaliland iyo dawladaba inaanay iska indha tirin waxqabadkamuwaadinadaa hiil iyo hoona lala garab istaago iyada iyo inta la fikirka ah ee ka hawl gala hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka shaqeeya,
Sidoo kalana waxaan u soo jeedinayaa dhammaanba muwaadiniinta ka hawl gala hay’adaha dalka jooga la yimaadaan waxqabad muuqda oo la mid ah waxqabadka Faadumo u muujisay dalkeeda, dadkeeda iyo dawladeeda, sideedaba taariikhda ayaa dadka kala saarta safna gelisa baalasheeda dahabka ah safna gelisa kuweeda maarta ah ugu dambayn waxaan u soo jeedinayaa marwo Faadumo Siciid inaanay niyad jabin hawshan ay qaranka u haysana fara ayna kala bixin xamishana dhamaanba dhibaatada u soo gaadhaysa shacabkeeda iyo dalkeeda, oo waqtigan xaadirka ah u baahan waxqabad, marlabaadna waxaan ku celinayaa inaan shacab, dawlad, mucaarid iyo muxaafidba la garab istaagno muwaadinadaa iyo inta kale ee la midka ahba hiil iyo booba.

Ugu dambayn waxaan leeyahay masuuliyiinta hay’ada UNDP waxaad ku qasban tihiin inaad tixgelisaan dalabyada ku wajahan dalka ee ay idiin soo hor hdigaan muwaadininta idiin shaqeeya. Salaadiin ahaan diyaar ayaanu nahay wax walba oo ay nooga baahdaan muwaadinintayadu.
 


 Gobolka Gabiley Qaadhaan Ma Gayo

Axmed Saleebaan Dhuxul.

Somaliland waxay maraysaa marxalado siyaasadeed iyo dhaqaale saamayn badan ku yeeshay dadwaynaha Somaliland, waa wakhti u baahan in si wadaniyadi ay ku jirto dalka loo qiimeeyo, waa waqti loo baahnaa in taaba galinta qaranimada laga fikiro oo aan laga fikirin wax maslaxad u ah qof kaliya ama lagu raali galinayo iyadoo wax loo dhimayo qaranimadii iyo nabad nabad galyadii Somaliland ay ku tagnayd, baryahan dambe waxaa si wayn muwaadiniinta dhagahooda ugu soo dhacayey hadalo iyo go’aano aan dan u ahayn qaranimada.

Go’aanadan qaranimada dhaawaca u gaystay waxaa ka mid ahaa go’aanka guurtidu muddo kordhinta ugu sameeyeen madax wayne riyaal sababna ay uga dhigeen nabad galyo daraa dalka ka jirta oo ka hor imanaysa talaabooyinkii aynu aqoonsiga ku doonayey dimuqraadiga ah ku dhaqmay oo aanay dhibaato ka jirin, in la yidhaahdo wakhtigi madaxweynaha la kordhiyaa mudo ka hor imanaysa wakhtigii dadku ay doorteen oo ahaa waana arin lagaga been sheegayo kalsoonidii dadku ay ku bixiyeen mudada cayiman ee maamulka loo qabtay, aan iswaydiino waxyaabaha xukumadani ay damaanad qaaday waxaa ka mid ahaa maadama taladii iyada loo dhibay in mudadaasi la doortay ay ku diyaariso masrixii lagu tartami lahaa doorashadan hatan la sugaayo, xilkeedii way ka soo bixi wayday waana loo kordhinayaa waa arin aan umadan u qalmin.
Guurtidana waxaa inagaga filan saddex milyan iyo dheeraad qof dantooodii kala waynaatay raali galinta Madaxweyne Riyaale oo kaliya, taariikhdaana ka warami doonta.
Dhanka kale waxaa qoomame iyo arin la yaab ah laba dhacdo oo toddobaadyadan dhacay, waxayna kala yihiin: Gobolkii Gabiley ee dhawaan la magacaabay oo qaadhaan baryo iyo yaan ya ah loo ururinayo lacag lagu sameeyo dabaal dagii gobolnimo waxaa is qaban la gabiiley oo ah halka labaad ee qarankaba Somaliland dhaqaalaha ugu badani ka soo xeroonayey in wax loo qaadhaamo taasi oo shaki galinaysa awooda gobolnimo oo cid waliba ay qirsan tahay in gabiilay gobol u qalanto.

Dhacdada labaad waxay ahayd in niman odayaal ah iyo dadkale inta la soo ururiyo ay aflagaadeeyeen halgamayaashii iyo ururkii xoreeyey dalkan ee SNM meeshu waa Gebiley, SNM –na way caayayaan waa arin caqliga fayow iyo damiirka wanaagsaniba uu ka diidayo, waxaadse ogaataan gabiilay waxay ahayd cidi ka qaadi karimaysoo waxay ku suntan tahay halgankii umada iyo nabadayntu umada walaala ah ee reer Somaliland, waxaana gabiilay ay ahayd goobihii ay ka dhaceen gabood faladii ugu xmaae talisk siyaad Bare uu ku qaaday ee dad nool inta la soo uiruriyey nolosha lagu gubay, waxaan filayaa dadka gobolka gabiilay in aanay marnaba noqon kuwa ku xisaabtama maanta ee ay mustaqbalka bari k afikiraan.

Gobolnimada Gebiley dadka oo dhan way soo dhawaynayaan hase ahaatee cadaynta xuduudaheedu waa arin qarsoon xaqna dadku ay u leeyihiin in loo cadeeyo si looga hortago in hadhow dhibi ka timaado iyadoo cid ama dhul kale aan loo duudsiyeyn iyadana waxa ay leedahay aan laga duudsiyen, waxaaan leeyahay wakhtigan xasaasiga ah ee u diyaar garowga doorashooyinka waxaa kaliya ee inoo yaalaa waa in dalka ay ka dhacaan doorasho xor ah oo waliba keenta isbadal siyaasadeed oo si dimuqraadi ah dalkeena uga dhaca in ay tahay rajada aqoonsida caalami ah, bal aad ugu fiirso waxan nahay wadan aqoonsi doon ah , aan dhaqaale lahayn afrikaana oo nidaam dimuqraadi ah qatay haddii doorashada soo socotaa, ay keento isbadal siyaasadeed oo si dimuqraadi ah ku dhacaa uu keeno in labada xisbi ee mucaaridka mid kood talada aqbalo, xisbiga talada hayaana si nabad galyo ah, ku wareejiyo miyaanay Somaliland dhigin Record cusub iyo dhaqan ka duwan kan afrikaan kaba, miyuuu markaasi jiraa in beesha caalamku Somaliland ay siinayso tixgalinta kowaad ee ku dhaqanka dhabta ee dimuqraadiyada, dalkuna ku helayo aqoonsiga dhamaanteen aan doonayno.

Arintan ka fikir jawaabta kuu soo baxdana eeg Hubsiimo halbaa la siistaa, ilaahow talada na waafaji.
 

Top