Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 238 January 3, 2003

Shirkadda FAA oo ku hawlan markabkii 5aad ee Raashinka Caawimada Oo Berbera looga dadgureeyo dhinaca Itoobiya

Wasiirka Caafimaadka Oo Amar Ka Soo Saaray Buugga Tallaalka Ee Safarrada Dibadda

Gudiga Doorashooyinka Oo Ka Waramay Hawl-Galka Golayaasha Deegaanka

20-Guurada Hawl-Galkii Lagu Jebiyay Mandheera 1983-kii

Sadaam Xuseen Xukunka Ma Ka Tegidoona Inta Goori Goor Tahay Si Uu Ciraaq U Badbaadiyo

Ciidanka Mucaaridka Ku Kacsan C/Laahi Yuusuf Oo Firxadkoodii Ka Soo Tallaabay Xuduudda Bariga Somaliland

Wasiirradii U Safray Senegal Oo Afka Xidhay

Dad Itoobiyaan Ah Oo Magaalada Sheekh Lagu Ururiyay Si Loogu Safriyo Boosaaso

IFTIINKA ISLAAMKA

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin

Furfur Baa Lagu Abuuray UDUB-Ta Sanaag

DHALINYAHEY TOOSOO GUDO XILKAAGA

Maraykanka Oo U Digay Saddex Ka Mid Ah Hogaamiye-Kooxeedada Muqdisho

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo acaankii Dhergiga

Waadiga Ciyaaraha

Djamel Belmadi oo ku biiray Manchester City

Tababaraha Liverpool, Houllier oo ka hadlay rajada kooxdiisa ee horyaalka

Birmingham oo hantiday Dugarry

Benjamin Mwruwari iyo Ciyaartoy kale oo Afrikaana oo Ka Habsaamay Kooxahoodii Fasax kadib


Shirkadda FAA oo ku hawlan markabkii 5aad ee Raashinka Caawimada Oo Berbera looga dadgureeyo dhinaca Itoobiya

Waxa dekedda Berbera ku soo xidhay Markab 20,500 Tons oo Qamadiya u sidda Itoobiya

Berbera (Haatuf): Markab magaciisa la yidhaa Nalinee Naree oo sida 20,500 tons oo Qamadi ah oo loo wado dhinaca dalka Itoobiya, ayaa ku xidhan dekedda Berbera. Weriyaha Haatuf ee Berbera, C/raxmaan X. Daahir (Casaan) oo markabkaas ka soo waramay, ayaa sheegay in Qamadiga uu siddaa uu yahay mid aan jawaano ku cabaysnayn (bulk), hase yeeshee uu markabkaasi sidday qalabka lagu cabeeyo jawaanada oo ay leedahay shirkad la yidhaa Necfar oo uu ka wakiil yahay Farxaan Xaaji Cali oo ah maamulaha shirkadda FAA ee qandaraaska daadguraynta raashinka caawimada ah ee Markabkan ee Itoobiya u soo maray dekedda Berbera.

Weriyaha Haatuf ee Gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir (Casaan), ayaa maamulaha shirkadda FAA ka wareystay hawlaha Markabka Raashinka ah ee Nalinee, wuxuuna Farxan sheegay in Markabka Nalinee ee hadda ku xidhan dekedda Berbera uu yahay markabkii shanaad ee raashin u sidda Itoobiya oo ay shirkadda Itoobiya maamusho daabulka raashinka uu sido ee dhinaca Itoobiya, waxaanu Farxaan X. Cali intaa ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay wada-shaqaynta bulshada leh gaadiidka iyio xukuumaddaba, haddii ay tahay shaqaalaha dekedda wuxuu farxaan sheegay in ay aad gacan uga siiyeen agaasinka hawsha raashinka. Farxaan X. Cali, maamulaha shirkadda FAA, wuxuu intaa raaciyay in raashinka ay ugu deeqday dalka Itoobiya Midowga Yurub (EU) oo iyadoo soo gaadhsiisay Berbera raashinka qamadiga ah.

"Markabkani, waa kii ugu horeeyay ee sannadkan cusub. Toban Markab oo kalena halkan ayay soo marayaan, waxayna ku xidhan tahay kolba sida dhakhsaha ah ee aynu raashinkan ugu gudbino dalka aynu walaalaha nahay ee Itoobiya."

Sidaa waxaa u sheegay Weriyaha Haatuf ee Gobolka Saaxil, Maamulaha Shirkadda FAA, Farxaan X. Cali.

Farxaan X. Cali, isagoo ka waramaya Qorshaha Daabulka Raashinka iyo Maraakiibta ay maamulayso shirkadda FAA raashin daabulkooda dhinaca Itoobiya, wuxuu sheegay inuu rajaynayo in 16 cisho ay ku dhammaato daadgureynta raashinka uu sido Markabka hore, haddii qayb ka mida raashinka bakhaar la dhigana in ay maalmo tiro yari ku darsamaan iyio inuu filayo bishiiba hal markab yimaado.

"Bishiiba in hal markab yimaado, haddii ay taasi sidaa noogu fusho in aanu nidhaa laba ka soo dhiga bishiiba." Sidaa waxaa ku xogwaramay Maamulaha Shirkadda FAA oo u waramay Weriyaha Haatuf, C/raxmaan X. Daahir.

Farxaan X. Cali, waxaa kale oo uu sheegay in Markabkan raashinka caawimada u sidda Itoobiya, marka la isu geeyo dakhliga uu toos iyo si dadbanba u soo galinaayo Somaliland in lagu qiyaaso hal malyuun iyo lix boqol oo kun oo doollar ($1,600,000). Farxaan X. Cali oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi; "Bishiiba haddii ay dalkeena soo gasho intaasi, waa mid wax ku ool ah, maadaama uu xoolihii yaraa ee aynu manaafacsanaynay muddo ay xidhnaayeen, kani waa faraj Illaahay inoo furay."

Weriyaha Haatuf ee Gobolku, waxa kale oo uu sheegay in imaatinka markabkani uu saddexdii cisho ee u dambeeyay magaalada Berbera soo nooleeyay xarakadii dhinaca kiraysiga gaadiidka xamuulka oo ay Berbera isugu yimaadeen ilaa kun gaadhi iyo in waxoogaa ismaandhaafi ka jiray dhinaca qiimaha kirada.

Top


Wasiirka Caafimaadka Oo Amar Ka Soo Saaray Buugga Tallaalka Ee Safarrada Dibadda

Hargeysa (Haatuf) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada ee Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa qoraal amar ah ka soo saaray buuga talaalka ee loo qaato safarada dalka dibadiisa gaar ahaan xiliga Xajka, qoraalkaas oo soo baxay 29/12/02, wuxuu u qornaa sida hoos ku qoran.

"iyada oo xiligii xajku fooda inagu soo hayo, oo ay jiraan shuruudo ku xidhan talaal qaadashada lagana yaabo in si aan sharci ahayn loo helo buugga talaalka, waxaa dhamaan madaxda warqadani tooska ugu socoto iyo sida dadbanba lagu adkaynayaa in aan la aqbali karin buug talaal oo aan rasmi ah uga soo bixin wasaaradda caafimaadka iyo shaqada.

Shirkaduhu waa in ay xil iska saaraan in ay hubiyaan in qofka xajka tagaya intaan tigidhka xajka loo goynin uu haysto buuga caafimaadka" Qoraalkaasi hay’adaha uu ku socdo waxaa ka mida Wasiirka Duulista Hawada, Wasiirka arrimaha Dibada, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dhamaan shirkadaha Diyaaradaha ee dalka.

Dr: Xasan Ismaaciil Yuusuf 
Wasiirka Caafimaadka iyo shaqada

Top


Gudiga Doorashooyinka Oo Ka Waramay Hawl-Galka Golayaasha Deegaanka

Hargeysa (Haatuf) Guddiga doorashooyinka ee qaran ayaa shalay soo saaray qoraal ka hadlaya hawlgalka golayaashii deegaanka ee la doortay, iyo xubnihii kuraasida helay ee ay ururadoodii siyaasadeed aanay u soo bixin heerka xisbiyada, qoraalkaas oo uu ku saxeexnaa ku simaha gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Cabdilaahi Caabdi X. Cumar wuxuu qornaa sidan:

"Sidaad la socotaan, waxaa 22/12/2002, lagu dhawaaqay natiijooyinkii Golayaasha Deegaannada, waxaana sida ku cad qodobka 41 aad ee xeerka Gobollada iyo 
Degrnooyinka, Larnbar 23/2002, fadhiga u horreeya ee golayaasha Deegaanadu ku qabsoomayaan 30 maalmood gudaheed 00 ka bilaamanta Maalintii lagu dhawaaqay 
go'aamada Doorashada, taasoo ku soo aaddan 22ka bisha Janaayo ee 2002 oo ah Maalinta Salaasada, iyadoo ay tahay in la raaco, lagana tusaale qaato sida waafaqsan qodobka kor ku sheegan. 

Waxaa kaloo loo baahan yahay iney dhexdooda ka xaajoodaan, kana gaadhaan heshiis, Axsaabtii soo baxday iyo Ururadii ka hadhay tartankii Doorashooyinka, Hase yeeshee, Doorashadii Golayaasha Deegaannada ee Degrnooyinka qaarkood kuraasi ka helay, taasoo qodobka 34aad ee xeerka Doorashooyinku ku waajibinaayo iney ku kala biiraan Saddexda Xisbi ee la ansixiyey midkood, intaan fadhiga Deegaannada ee ugu horreya leysugu iman."

Top


20-Guurada Hawl-Galkii Lagu Jebiyay Mandheera 1983-kii

Diyaariye - Maxamed/Amiin J. Xuseen

Maanta oo ay bisha January tahay 3 waxay ku beegantahay sanad guurada 20aad ee ka soo wareegtay hawlgalkii lagu jebiyay Jeelka Mandheera oo ahaa jeelka 3aad ee ugu weyn dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya kaasoo dhacay 3/1/1983kii hawlgalkaas oo ay fuliyeen koox ka tirsan Halgamayaashii SNM, iyagoo hawlgalkaa ku furtay dad badan oo maxaabiis ahaan ugu curduduubnaa jeelkaas oo uu taliskii Siyaad Barre u adeegsan jiray cabudhinta iyo cadaadinta dadkii ku noolaa goboladii waqooyi (Somaliland).

Hawlgalkaas oo loogu magac daray (Badbaado) waxa uu ku beegnaa 3 January 1983kii, waxaa hogaaminayay halgamayaashii SNM ee hawlgalkaa fuliyay Ilaahay ha u Naxariistee Muj: Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyagoo ka soo ambabaxay saldhigii Gaashaamo oo uu taliye ka ahaa Muj: Maxamed Kaahin Axmed, kuwaas oo ku guulaystay hawlgalkii ay fulinayeen, iyagoo u soo babac dhigay ciidamadii cududa isbidayay ee ka amar qaadanayay taliskii Muqdisho ee Siyaad Barre.

Hawlgalkan oo ah mid aan qoraal kali ah lagu soo koobi karayn waxa aynu maalmaha soo socda soo bandhigi doonaa isagoo faahfaahsan balse maanta qormadan oo hordhac ah waxa ugu horeyn munaasibadan hadal kooban ka yidhi Muj: Boobe Yuusuf Ducaale oo ah qoraa wax ka qora taariikh halgameedkii SNM in badanasoo shaqeeyay qaybtii warbaahinta ee SNM maqaal taariikheedkana noo soo gudbiyay.

Waxaanu yidhi "marka laga hadlayo Mandheera inta muhiimka ahi waxa weeye dabcigii uu lahaa halgankii SNM ay soo gashay, oo aad arkayso in labada arrimood ee ugu muhiimsan hawlgaladii ay fuliyeen xoogagii SNM inay ahaayeen hawlgalkii jebinta jeelka Mandheera oo SNM ugu suntanaa (Hawlgalkii Badbaado) iyo hawlgalkii lagu baxay Muj: C/laahi Askar oo isna loo yaqaanay hawlgalkii (Bad-Jeex).

Labadaa hawlgal waxay tilmaamayaan awoodii ay SNM lahayd oo ku dhisnayd laba tiir oo kala ah taageeradii ay dadku siinayeen halgankii SNM iyo Ilaahay oo u hiilinayay maadaama ay xaq ku socdeen." Ayuu yidhi Muj: Boobe isaga oo iftiiminaya baalka uu hawlgalkaasi ka galay taariikhdii SNM.

Hawlgalkan waxa si faahfaahsan uga waramay Ilaahay Naxariistii Janno ha ka waraabiyee Shahiid C/|Xakiim Maxamed Aaden oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii kooxda SNM ee hawlgalkaa fuliyay isaga oo bishii January 1992kii uga waramay C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo markaa ka mid ahaa weriyayaasha Radio Hargeysa cajalada waraysigaasi ku duubanyahayna waxa noo soo gudbiyay Muj: Boobe Yuusuf Ducaale oo lagu yaqaan ururinta taariikhda halgankii SNM.

Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee Muj: C/Xakiim Maxamed Aaden (Sumuli) waxa uu ku geeriyooday Degmada Sheekh sanadkii 1995kii.

Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay isagoo ka hadlaya sidii ay hawlgalkaa u soo qaadeen iyo sidii ay u fuliyeenba " Hawlgalkaasi wuxuu ahaa laba weji, oo kala ah mid siyaasi ah oo ah sidii looga dhaadhiciyay dadkii meeshaa degenaa inay gacan na siiyaan oo na qariyaan anagoo ogolaysiinay taa odayaashii iyo rag kale ka tirsanaa saraakiishii milatari ee ciidankii meeshaa deganaa, iyo sidoo kale gaadiid nala shaqeeyayba Markaa ka dib ayay noo suurta gashay in aanu ciidan gayno agagaarka buurta Gacan libaax" ayuu yidhi Muj: C/Xakiim.

Ka dib wuxuu u gundo degay sidii ay ku soo ambabaxeen iyo siduu jawigu ahaa, waxaanu yidhi "Ciidanku wuxuu ka dhaqaaqay Gaashaamo oo uu taliye ka ahaa Muj: Maxamed Kaahin Axmed oo hawshaas kaalin weyn ka qaatay. Madaxdii maalintaa na sagootiday waxaa ka mid ahaa Xasan Aaden Wadaadiid oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii SNM. hawlgalkaana waxa hogaaminayay Alla ha u naxariistee Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), waxaanu ka dhaqaaqnay Gaashaamo 11:00 habeenimo. Markaanu marayno meel Gorayo Xun la yidhaahdo ayuu gaadhigii naga xumaaday isagoo noo dhaqaaqi waayay, markaas ayaanu dib u soo noqonay, balse todoba maalmood ka dib ayaanu dib ugu noqonay.

Habeenkaa dambe 10:00 fiidnimo ayaanu ka dhaqaaqnay Gaashaamo habeenkii oo dhan ayaanu sii guuraynaynay, meesha la yidhaahdo Go’da Weyn ayaanu ugu galnay markay Saacadu ahayd 5:00 subaxnimo 15 isjiid oo ciidamadii faqashta ah oo halkaa hurda.

Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno.

Gaadhigu wuu naga biyo la’aa magaalada dacalkeedaanu joojinay aniga iyo nin mujaahida ayaanu magaaladii, anagoo qoryahayagii sidana dib ugu soo noqonay, foosto hudheel hortiis taala ayaanu biyo ka shubanay, waxa noogu yimid nin askari ah isagoo nagu yidhi maxaad ahaydeen? Waxaanu nahay boolis la socda ciyaartoy ka yimid Ceerigaabo ayaanu ku nidhi.

La soco 

Top


Sadaam Xuseen Xukunka Ma Ka Tegidoona Inta Goori Goor Tahay Si Uu Ciraaq U Badbaadiyo

Abshir Cabdillaahi Xasan

Xiligii ay dawladda Maraykanku dagaalka ku qaadilahayd dalka Ciraaq ayaan shaki ku jirin in uu soo dhowaaday. Sida ka muuqata diyaar garawga ciidamada Maraykanka iyo wararka sirta ah ee laga helayo meelo lagu kalsoonyahay ayaa tilmaamaya in ay dawladda Maraykanku doonayso in ay dagaal ku qaado dalka Ciraaq oo ay xukunka ka tuurto Saddaam Xuseen. Hadaba wararka xagga milatariga ku saabsan ee sheegaya in ay wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanku hub laxaad leh iyo maraakiibta dagaalkaba ku soo ururinayso mandaqadda Bariga Dhexe ayaa muujinaya in uu dagaal ka dhicidoono todobaadada fooda inagu soo haya dalka Ciraaq. Wararku waxa kale oo ay intaa ku darayaan in uu Maraykanku ku tallo jiro sidii uu bishan Jeenawari qalabkiisa milatari ee uu ku dagaal gelyo u soo dhamaystirilahaa, si uu badhtamaha bisha Feebarwari u bilaabo dagaalka.

Sida laga war-qabo, dawladda Marykanku waxa ay saldhigyo milatari ka samaysatay dawladaha la jaarka ah Ciraaq ee waliba Carabta ah, si ay si dhib yar ugaga duusho oo ay u qabsato dalka Ciraaq. Waxa kale oo ay dawladda Maraykanku ciidamadeeda geynaysaa dalka Turkiga. Hadaba, waxa ay wararku sheegayaan in uu Maraykanku u baahanyahay ilaa 300 oo kun oo ciidan ah in uu keeno dalalka ay Ciraaq jaarka yihiin, waxa kale oo ciidamadaa dheer kuwa Ingriiska oo iyagana lagu wado in ay dhowaan gobolka Bariga Dhexe yimaadaan si ay garab u siiyaan ciidamada Maraykanka. 

Waxa imika ku sugan mandaqda Bariga Dhexe ciidamada sir-doonka Maraykanka ee loo yaqaano (C.I.A)da oo lagu qadaray ilaa 500 of qof. Waxa ay ciidamadani u sii gogol-xaadhayaan weerarka ay dawladda Maraykanku ku qaadidoonto dalka Ciraaq bisha fooda inagu soo haysa. Boqol ka mid ah ciidamadan sir-doonka ah ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga, halka boqolkalana ay joogaan gobolka waqooyiga Ciraaq ee la yidhaahdo Kurdistaan, qaar kale oo C.I.Ada ka tirsanina waxa ay ku suganyihiin Koonfurta Ciraaq inta kalena waxa loo kala qaybiyay caasimadaha Carbta iyo Yuhuuda halkaas oo ay shirar joogta ah ku galaan si ay u qiimeeyaan baahida ciidamada Maraykanka ee weerarka qaadidoona iyo sidii ay u soo ururin lahaayeen warar sir ah oo Ciraaq ku saabsan iyo waliba habka ugu haboon ee uu weerarku u dhicidoono.

Sida la ogsoon yahay, dawladda Maraykanku waxa ay dhammaan dawladaha Carabta u dirtay fariin ay kaga codsanayso in ay isku diyaariyaan dagaalka Ciraaq lagu qaadayo, fariintan ayay dawladda Maraykanku madaxda Carabta ugu sheegtay sida ay hogaanka Maraykanka uga go'an tahay in uu weeraro Ciraaq iyo sida madaxda Carabta looga baahanyahay in ay ciidamada Maraykanka gacan weyn uga siiyaan xagga saldhigyada iyo loojistikada kale. Waxa kale oo ay fariintu u sheegaysaa madaxda Carabta in ay aqbalaan siyaasadda Maraykanka ee ku aadan dagaalka Ciraaq lagu qaadayo iyo waan-waanta Maraykanku wado ee ku saabsan Bariga Dhexe. Waxa kale oo uu Maraykanku madaxda Carabta ka codsanayaa in ay bedelaan habka war-baahintooda oo ay meesha ka saaraan cadaawadda loo hayo Maraykanka oo ay si weyn gacan uga geystaan la dagaalanka argagixisada caalamiga ah.

Markii ay fariintaa akhristeen, ayay Madaxda Carabtu bilawday in ay digniin u gubiyaan Ciraaq oo ay u sheegaan weerarka lagu qaadayaa baaxadda uu leegyahay iyo in aanay Carabtu wax ka qaban karayn iyo inuu Saddaam Xuseen ogaado in isaga lagu socdo, sidaa daraadeedna uu bad-baadiyo Ciraaq. Laakiin Saddaam Xuseen waxa uu leeyahay ciidamada Maraykanka waxa ku dhicidoona jab iyo burbur la mid ah kii Fiyatnaam ka qabsaday. Waxa kale oo uu Saddaam leeyahay cirka iyo dhulka gobolka Bariga Dhexe waxa aan ka dhigi naar holcaysa oo ay ciidamada Maraykanku ku gubtaan.

Hadaba dadka arimaha Ciraaq sida aadka ah ula socdaa waxa ay leeyihiin Ciraaq waxa ku dhicidoona hoog, jab iyo burbur aanay ka soo waaqsan. Kuwa sidan lihi waxa ay arintooda ku salaynayaan oo ay leeyihiin ciidamadii Ciraaq intii ay toban sano ka hor ahaayeen aad ayay imika uga yaryihiin, halkii ay Ciidamada Ciraaq marka la isku geeyo kuwa rigliga ah iyo kuwa keydka ahba ka ahaayeen hal malyuun oo askari, waxa ay imika iskugu soo biyo shubteen in ka yar 450 kun oo askari oo qudh ah. Intaa waxa dheer iyada oo ay Ciraaq ku jirtay cunaqabatayn aad u adag oo xagga hubka ah mudo toban sanadood ah, taas oo keentay in uu hubka ay ciidamada Ciraaq haystaan noqday mid duugoobay oo waayay dayactir hagaagsan, sidaa daraadeedna aan looga filayn in uu u bir-dhigo hubka casriga ah ee ay ciidamada Maraykanku wataan. Waxa kale oo hoos u dhacday miisaaniyadii loogu talagalay ciidamada qalabka sida ee dalka Ciraaq oo intii cunaqabataynta ka horeysay ahayd 5 bilyan oo doolar imikana maraysa 500 oo malyuun oo doolar oo qudh ah taas oo la yidhi waxa ay la qiimo tahay iibka laba diyaaradoo oo kuwa dagaalka ah.

Waxa hadaba hubaal ah in aanay Ciraaq lahayn awood milatari oo ay ku hor-joogsato ciidamada Maraykanka ee ku hubaysan hubka ugu dambeeyay. Waa ay adag tahay in Saadam Xuseen iyo saaxiibadii ay af ku difaacaan Ciraaq oo ay jabiyaan ciidamada Maraykanka.

Inta badan hogaamiyayaasha siyaasadeed iyo kuwa milatari ee dawladaha carbtu waxa ay arkaan in arrin qudhihi ay suurtagal tahay maalmahan, taas oo ah in uu Sadaam Xuseen si deg deg ah uga baxo Ciraaq. Madaxda dalalka Khaliijka ayaa iyaguna aad u sii rajaynaya in ay mucjiso lama filaanihi dhacdo oo uu Sadaam Xuseen weydiisto magangelyo siyaasadeed mid ka mid ah seddexdii dal ee ay madaxda Ciraaq hore u qorsheeyeen oo ka ah Dimashaq ama Qaahira ama Tiriibolida Liibiya.

Hadaba haddii uu mawqifka Carbeed sidaa yahay, Ciraaqna aanay awood ay Maraykanka ugu bir-dhigto lahayn, waxa qudha ee Sadaam Xuseen la gudbooni waxa uu yahay in uu Ciraaq bad-baadiyo oo uu naftiisa la baxsado inta goori goor tahay.

Top


Ciidanka Mucaaridka Ku Kacsan C/Laahi Yuusuf Oo Firxadkoodii Ka Soo Tallaabay Xuduudda Bariga Somaliland

Khatarta Cadde Muuse iyo Hanjabaadda C/laahi Yuusuf

Hargeysa (Haatuf): Kooxo ka mid ah ciidamada mucaaradka ah ee ka horjeeda ninka madaxda ka ah maamul-goboleedka Garoowe, Cl/laahi Yuusuf Axmed ayaa, iyaga oo firxad ah doraad ka soo talaabay meelo ka mid ah xuduudka bariga Somaliland, waxayna taasi ka dambaysay markii uu dagaal ba’ani dhexmaray ciidamada C/laahi Yuusuf iyo ciidamada mucaaradka ah ee ka horjeeda oo uu hogaaminayo nin la yidhaahdo Janaraal Cadde Muuse Boqor, waxaana la sheegay inuu C/laahi Yuusuf wato ciidan iyo tikniko badan.

Sida ay wararku sheegeen labadii maalmood ee ina dhaafay firxadka ciidamada mucaaradka ee uu horkacayo Cadde Muuse waxay ku dhuumanayeen meelo ka mid ah gudaha Somaliland, iyadoo ay waraku intaa ku dareen in bilowgii ay ciidamada labada dhinac ee is-baacsanayaa iskala soo talaabeen meelo ka mid ah xuduudda degaamada bariga fog ee Somaliland, gaar ahaan jiidaha gobolka Sanaag, laakiin waxa la sheegay inaanu maalintii shalay wax dagaal ahi dhicin, waxayse wararku intaa ku dareen in markii ugu dambaysay ay ciidamada mucaaradka Cadde Muuse ee ka soo firxaday ninka dagaalka qanniga ku ah ee Col. C/laahi Yuusuf ay ku sugnaayeen degaamo ka mid ah gobolka Sanaag, inkasta oo aanay ilaa hadda soo bixin warar rasmi ah oo cadaynaya goobta ay ku sugan yihiin iyo sida ay xaaladoodu tahay. 

"Sidii aanu horeba u sheegnay waxa naga go’an inaanu xuduudaha dalka sugno, iminkana taasi waa mid meel taal," sidaa waxa yidhi masuul ka tirsan dawladda Somaliland oo aanu wax waydiinay saamaynta ay bariga Somaliland ku yeellan karaan hadii ay sii socdaan dagaalada u dhexeeya Col. C/laahi Yuusuf iyo mucaaradka ku kacsan, laakiin masuulkaasi wuu ka gaabsaday inuu carrabka ku dhufto mawqifka ay dawladda Somaliland ka qaadanayso arintaa, isla markaana dawladda Somaliland ilaa hadda war rasmi ah kama soo saarin dareenka ay dagaaladaasi ku yeesheen degaamada bariga Somaliland, iyadoo ay dadka degaamadaa ku dhaqani werwer ka qabaan inay dagaaladaasi ku soo fidaan.

Sida ay wararka jiidaha bariga Somaliland ka so yeedhay sheegeen sarkaalka madaxda ka ah mucaaradka janaraal Cadde Muuse waxa uu ku jiraa khatar weyn, iyadoo uu go’doon yahay, isla markaana waxa la sheegay inuu C/laahi Yuusuf ku hanjabay hadii aanay Somaliland iska soo saarin inuu meeshiisii ku weerari doono, iyadoo ay wararku intaa raaciyeen inuu taliyaha mucaaradka, Cadde Muuse dhaawac waxoogaa ahi ka soo gaadhay dagaaladii Axaddii dhacay.

Axaddii toddobaadkan ayaa ciidamo uu horkacayo ninka madaxda ka ah maamul-goboleedka Garoowe iyo ciidamada mucaaradka ee uu horkacayo Cadde Muuse dagaal culusi ku dhexmaray degaamada dhinaca bari ee dhulka maamul-goboleedka Puntland, dagaaladaas oo sida la sheegay ay labada dhinac-ba ka soo gaadheen khasaare balaadhan oo dhaawac iyo dhimashoba leh, isla markaana waxay wararku sheegeen inay labada dhinac-ba kala qabsadeen kooxo maxaabiis ah oo aan tirada la sugin ilaa hadda. Hase yeeshee sida la sheegay labadii maalmood ee Isniintii iyo Salaasadii wax dagaal ahi ma dhicin, waxaana la guranayey raqdii dagaalka.

Inkasta oo la sheegay inuu labada dhinac-ba khasaar xoog lihi soo gaadhay, hadana waxay wararku tibaaxeen in dhinaca mucaaradka si weyn loo naafeeyey, iyadoo ay ciidamada C/laahi Yuusuf hafiyeen kooxaha mucaaradka, taas oo la sheegay inay ka tiro bateen, isla markaana waxay wararka qaar sheegeen in ciidamada mucaaradka uu saadku ka kala go’ay, taasina ay ka mid tahay waxyaalaha sababay in laga itaal roonaado.

Sida la sheegay ciidamada mucaaradka ee Cadde Muuse waxay u kala go’een laba qaybood oo ay qaybi u soo firxatay dhinaca Somaliland, halka ay qayb kalena ku sugan tahay buuraleyda degmada xeebta bariga Puntland ku taal ee Qandala. Hase yeeshee waxay wararku sheegeen inuu Col. C/laahi Yuusuf awoodda saaray ciidamada u soo goosmay dhinaca Somaliland oo uu ka mid yahay taliyaha mucaaradka, Cadde Muuse, waxaana la sheegay inay ciidamada C/laahi Yuusuf kala xidheen labada qaybood ee ciidamada Cadde Muuse si aanay isugu talaabin.

Sida la sheegay C/laahi Yuusuf waxa uu ku hanjabay inuu meeshooda ku soo weerari doono hadii aanay dawladda Somaliland iska soo saarin mucaaradka ku kacsan ee dhinacooda u soo firxaday. Hase yeeshee dawladda Somaliland lama oga waxa ay taa ka yeeli doonto, sida la sheegayna ciidamada Cadde Muuse ee firxadka ahi waxay wataan inku dhow toban tikniko ah.

Isniintii doraad waxa magaalada Burco soo gaadhay ilaa sagaal qof oo dhaawac ah, kuwaas oo ku soo dhaawacmay dagaalada halkaa ka qarxay, waxayna madaxda Somaliland sheegeen in iyaga oo dhinaca aadaminimada ka eegaya ay dhaawacaa ogolaadeen in la soo geliyo dalka, waxaana dadkaa dhaawaca ah ka mid ah qof dumar ah oo sida la sheegay dhaawac halis ahi soo gaadhay.

Top


Wasiirradii U Safray Senegal Oo Afka Xidhay

Hargeysa (Haatuf): Wasiirada arimaha debedda iyo waxbarashada, Maxamed Siciid Gees iyo Axmed Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa wefti wasiiro ah oo saddex xubnood ka koobnaa oo u kicitimay dalka Senagaal ee galbeedku Afrika ayaa Arbacadii doraad ku soo laabtay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay muddo toddobaad ka badan dalka debedda kaga maqnaayeen, iyaga oo 24-kii bishii Diisambar ee sannadkii 2002 dalka ka dhoofay. Hase yeeshee sida ay wararku sheegeen weftigaa wasiirada ah oo uma ay suurta gelin inay iyaga oo isu dhan galaan dalkii uu socdaalkoodu ku wajahnaa, laakiin sida ay wararku sheegeen mid ka mid ah saddexdaa wasiir oo ah wasiirka horumarinta qoyska, marwo: Edna Aadan-dhakhtar ayaa sida la sheegay gashay dalka Senagaal, balse labada wasiir ee waxbarashada iyo arimaha debedda (Gees iyo Ducaale) waxay sida la sheegay ku xanib-meen caasimadda dalka Itoobiya ee Adis-ababa, waxaana loo malaynayaa inay Adis-ababa dib uga soo laabteen, ka dib markii ay u suurta geli wayday inay galaan dalkii u safarkoodu ku ismanaa.

Weriyayaal Haatuf ka tirsan ayaa wasiirada arimaha debedda iyo waxbarashada, Maxamed Siciid Gees iyo Axmed Yuusuf Ducaale shalay labadoodaba la kulmay si ay wax uga waydiiyaan safarkoodii Senagaal iyo wararka sheegaya inay ku xanibmeen jidka dhexe oo ay u suurta geli wayday inay galaan dalka Senagaal, laakiin wasiiradu way diideen inay wax war ah haba yaraatee bixiyaan, waxayna weriyayaasha la kulmay ugu jawaabeen "Ma jiro wax war ah oo aanu saxaafadda siinaynaa".

Socdaalka ay wasiirada saddexda ahi 24-kii Diisambar ugu kicitimeen dalka Senegaal waxay dawladdu ujeedada socdaalkooda hore ugu tilmaantay inay u sii gogol-xaadhayaan socdaal lagu wado inuu madaxweyne Rayaale ku tago dalka Senegaal, iyadoo uu madaxweyne Rayaale laftiisuna hore dadka ugu bishaareeyey inuu madaxweynaha dalka Senegaal u fidiyey martiqaad rasmi ah, laakiin markii lagu war helay inay weftigii wasiirada intoodii badnayd ku banjarmeen jidka dhexe waxay taasi dhalisay su’aalo iyo faallooyin badan, iyadoo ay dadka arimaha siyaasadda u dhuun-daloolaa tac-liiqo kala duwan ka bixiyeen safarka ribbaday ee wasiirada. 

Wararka qaarkood waxay tibaaxeen in sababta ay labada wasiir jidka ugu xayirmeen ay tahay, ka dib markii ay waayeen ruqsadii ay ku geli lahaayeen dalka Senegaal, laakiin lama oga sababta ay fiisaha waayeen iyo halka ay wax iska dhaafeen. Balse wararka qaar ayaa leh mawqifka dawladda Senegaal ee safarkaa la xidhiidha ayey wax iska bedeleen, wararkuse ma iftiimin sababta ay wax isaga bedeleen.

Dadka arimaha siyaasadda Somaliland u dhuun-daloola qaarkood waxay tuhun ka qabaan inay labada dawladood (Somaliland iyo Senegaal) isla seegan qorshaha safarka, taas oo ay faallooyinka qaar leeyihiin heerka ay siyaasiyan dawladda Senegaal ugu talo gashay booqashada iyo sida ay dawladda Somaliland isu macaash-siisay ayaa is yeellan waayey, taas oo la leeyahay sida ay dawladda Somaliland arinta martiqaadka ugu sayaxday iyo heerka ay gaadhsiisay dhinaca Senagaal kama gaadhsiisnayn, isla markaana wararka qaar baa leh waxa jira cadaadis dawladda Senagaal lagu saaray inaanay heerka intaa le’eg ee diblomaasiyadeed ku qaabilin Somaliland, sidaa darteed waxay dadka qaar aaminsan yihiin inay sababahaa iyo kuwa la mid ah awgood dawladda Senegaal wax uga bedeshay mawqifkeedii. 

Laakiin su’aal kale ayaa iyaduna leh "Malaa arintuba may ahayn sidii uu madaxweynuhu ugu sayaxay" ee madaxweynaha waxa qaaday qiiradii kaambeynka doorashadii golayaasha degaanka, taas darteed ayuuna dadka ugu bisheereeyey inuu socdaal wax-tar leh ku tegayo Senegaal, iyadoo aanay arintu sidaa u shishlayn. Laakiin tibaaxo kale oo wareed ayaa iyaguna leh meesha sheeko kale ayaa ku jirtay, taas oo ay dadka qaar leeyihiin ugu yaraan mid ka mid ah labada oday ee waxbarashada iyo arimaha debedda (Gees & Ducaale) , iyadoo weliba farta lagu fiiqayo Axmed Yuusuf Ducaale ayuu ku jiray damac ah inuu ururka UDUB dhexdiisa iskala soo sharaxo madaxweyne Rayaale, taas darteed ayuu madaxweyne Rayaale si aanay u sixmaydayn isaga masaafuriyey, iyadoo uu shirweynihii golaha dhexe ee UDUB ee madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin loogu caleemo-saaray labada musharax ee keliya ee aan cidi ka daba odhan. Shirkaasina waxa uu qabsoomay maalin ka dib markii ay Axmed Yuusuf Ducaale iyo Maxamed Siciid Gees ka dhoofeen madaarka Hargeysa.

Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene waxa la filayey in marka ay weftigu soo guryo-noqdaan ay wax badan kala cadaan doonaan, laakiin waxa iyaduna dareen cusub keenaysa markii ay labada oday saxaafadda afka ka xidheen, taas oo fasiran karo inay arimaha la tibaaxay wax ka jiraan, iyadoo aanay dawladda Somaliland-na ilaa hadda wax war ah ka soo saarin safarkii weftigaa. Sidaa awgeed waxay su’aasha meesha taal tahay maxay weftiga iyo dawladduba afka u xidheen inay ka waramaan halka uu ku dambeeyey socdaalkii weftigii Senagaal.

Top


Dad Itoobiyaan Ah Oo Magaalada Sheekh Lagu Ururiyay Si Loogu Safriyo Boosaaso

Warbixin - C/raxmaan X. Daahir

Sheekh (Haatuf) bulshada magaalada sheekh ee gobolka saaxil ayaa buuq iyo cadho ka muujiyay dad u dhashay Itoobiya oo lagu ururiyay magaalada Sheekh Xaafad ka mida iyagoo loo safrinayay magaalada boosaaso ee Majeerteeniya, sidaa waxa ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka C/Raxmaan X. Daahir (Casaan) booqasho hawleed ku tagay magaaladaas.

Warkani wuxuu intaa raaciyay in koox dilaaliin ah oo u dhashay deegaankaasi inay dadkaa halkaa ku ururiyeen si ay ugu sii gudbiyaan magaalada boosaaso, sarkaalka madaxda ka ah saldhiga booliska ee Sheekh Baashe C/laahi Ibraahim ayuu weriyuhu kala yeeshay waraysi, waraysigaasina wuxuu u dhacay sedan:

S: Taliye waxaad marka hore nooga warantaa dadka ajaanibka ah ee magaaladan lagu soo rogo ee bulshada reer sheekh ay ka gadooday?

J: waxaan beryahanba dadka ka maqlayay dad itoobiyaana oo xaafadaha magaalada mid ka mida lagu soo rogo, arrintaa oo ay dadweynuhu xiisad ka kiciyeen ayaa waxaan hore ula xidhiidhay, Berbera, waxa la go’aansaday dad markaa halkan ku sugnaa oo Itoobiyaana in dib loo celiyo, taliyaha laanta socdaalka ayaa igu amray inaan xidho Itoobiyaanka, ka dibna waxaanu ku wareejinay laanta socdaalka ee Berbera.

S: arrintani ma imika bilaabantaybaa mise mudday socotay?

J: arrintani waa mid muddo laba bilooda socotay, waxaanay nagu bilaabantay markii Burco, Hargeysa iyo Berbera koontarabaankii dadka la dhoofiyo, waxay dadka hawshan ka shaqaystaa qaab cusub oo sharciga dawladdu soo saartay kaga baxsanayaan, inta ay halkan niman wakiilo ah dhigteen ayay baabuur u gaara intay shan qof soo saaraan, ayaa marka ay fooda magaalada marayaan la lugaysiiyay, waxaana lagu soo geliyay magaalada qarsoodi,.

S: Siday tibaaxeen warar xogogaal ahi in qolada booliska ah ee aad hogaanka u tahay aad qolada dadka dhoofisa khidmad ka qaadataan, arrintaasi maxaa ka jira? 

J: Runtii arrintaa waxbaa kama jiraan, markaan qof ahaan kaaga waramo ama boolis ahaan kaaga waramo anigu ma ogi, waana iska warbadnida dadka waana danaysiga magacyo gaara, haddiise ay jirto waan laga yaabaa mid anaga ah oo gaarkii u socda waa la heli karaa, markaan boolis ahaan wax arrintaas la xidhiidha oo aan anigu ogahay ma jirto.

S: lacag waddo marin ah oo ay booliska siiyaan ma jirto ayaad leedahay?

J: Haayoo, adeer ma jirto.

S: maxaad ka qabateen wakiilada (Dilaaliinta) iyagu magaalada jooga ee saamiga dad dhoofinta qaata? 

J: Way xidhanyihiin qaar ka mida kaariyaashaasi, waxaananu doonaynaa in aanu sharciga horgeyno.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA

Xulashada Asaxaabtii Nebiga (SCW): Cabdilaahi Binu Mascuud

Siciid I. Guraase

Kulankii ugu horeeyay ee uu Cabdullaahi Ibnu Mascuud la kulmay Rasuulka (scw) 
Wiilkii dhalinyarada ahaa wuxuu ahaa mid aanan qaan gaadhin maalintaas. Wuxuu magaallada Makka golaheeda ku foofinayay xoolo, weliba isagoo dadka ka fog. Wuxuu kaxeenayay xayn arri ah oo uu daajinayay, waxaana adhigaas lahaa ninkii la odhan jiray Cuqbata Binu Abii Mucaydh. Dadka waxay ugu yeedhi jireen "ina ummi Cabdi", hase ahaatee magaciisa waxaa la yidhaahdaa Cabdullaahi, aabihiisna Mascuud. 

Wiilkan wuxuu maqli jiray wararka ku saabsan Nebiga la filayo in laga soo dhex saaro tolkiisa. Ma uuna sii daneynin arrintan iyada ah, iyadoo ay ugu wacneyd labo arrimood. Waa tan koowaade, isagoo da’yaraa iyo isagoo ka fogaa mujtamaca reer Makka. Wuxuu ka caadi dhigtay inuu kaxeeyo arrigii uu lahaa Cuqba laga billaabo xilliga subaxa horemana soo noqon jirin ilaa laga gaadho habeenka. Maalin maalmaha ka mid ah wuxuu arkay wiilkii reer Makaad, waa Cabdullaahi Binu Mascuudee labo nin oo da’ dhexaad ah ayna ka muuqato akhyaarnimo iyo degganaansho, kuwaasoo ku soo socda dhinaciisa meel fog. 

Wuxuu kaloo arkay inay nimankii ay aad u daalanaayeen, dhinaca kalena uu harraadkii iyo oonkii hayey darteed ay ka qallalaan debnihii iyo dhuuntii. Labadii nin markii ay u yimaadeen wiilkii yaraa way salaameen, waxayna ku yidhaahdeen: "wiilyahoow, waxaad adhigan nooga listaa wax aan ku dammino haraadkayaga, sidoo kalena aan ku qoyno xididdayada qalalay". Wiilkii ayaa wuxuu ku yidhi: "ma sameynayo, maxaa yeelay adhiga ma lihi oo waa la igu amaanaystay".

Labadii nin mayna dhibsan hadalkii uu wiilkii yaraa yidhi, waxaana wejiyadoodii ka muuqday raalli ahaansho ay wiilka u qabaan. Mid ka mid ah labadii nin ayaa wuxuu wiilkii ku yidhi, waxaad i tustaa neef adhi ah oo aan weli qoodhii saaran, wiilkii yaraa wuxuu ishaaray waxar yar. Ninkii ayaa u dhaqaaqay xaggii waxarta isagoo sibra xiray, wuxuu salaaxay candhadeedii isagoo xusaya magaca Alle. 

Mid ka mid ah mucjisooyinkii Rasuulka (scw)
Wiilkii yaraa oo yaaban ayaa eegay ninkii isagoo ku leh: " goormay waxarihii yar yaraa ee aan weligood saaran orgiyadii inay caano keenaan?!". Hase ahaatee, wax yar kama soo wareegan jeer uu neefkii candhadiisii soo weynaado, dabadeedna soo burqadaan caanihii oo fara badan oo aan kala go’ lahayn. 

Ninkii kale ayaa wuxuu soo qaaday weel isagoo weelkii ka buuxiyay caanihii, ka dibna wuxuu isagii iyo saaxiibkiisba ay dhameen caanihii, wiilkii yaraana waxay waraabiyeen caanihii, isagoo aanan rumeysanaynin waxa uu arkay. Wiilkii yaraa wuxuu yidhi, markii aan caanihii ka dharagnay ayaa wuxuu ninkii barakaysnaa ku yidhi neefkii adhiga: "is duuduub" oo sidaadii hore noqo, isla markiiba candhadii ayaa sideedii hore noqotay. Markay arrintu halkaa mareyso ayaa waxaan ku idhi ninkii barakeysnaa: "waxaad i bartaa ereyadii aad tidhi". Wuxuu igu yidhi, waxaad tahay wiil wax la baray. 

Tani waa hor u dhacii sheekadii uu ku soo islaamay Cabdullaahi Ibnu Mascuud. Ninkii la barakeeyay ee aan ka soo hadalnay wuxuu ahaa Rasuulka (scw) oo sameeyay falkaas mucjiso, ninkii la socdayna wuxuu ahaa Abiibakar Assidiiq. Maalintaas ay ka baxayeen magaallada Makka golaheeda waxaa sabab u ahaa iyagoo ka cararay gaaladii Qureysh rafaadkii ay u gaysatay xumaantiisa iyo dhibaatooyinkii darnaa ee ay la maageen iyaga. 

Sidii uu wiilkii yaraa uu u jeclaaday Rasuulka iyo saaxiibkiisa, ayaa haddana Rasuulka (scw) iyo siixiibkiisaba u jeclaadeen wiilkii yaraa, iyagoo aad ula dhacay amaano wanaagiisa iyo go’aankiisii adkaa, waxayna ku ogaadeen inuu yahay wiil kheyr qaba. Kama soo wareegan muddo dheer jeer uu Cabdullaahi Ibnu Mascuud durbadiiba ka islaamo, wuxuuna naftiisa u bandhigay inuu u adeego Rasuulka, isagoo Rasuulkana (scw) ka ogolaaday arrinkaa. 

Cabdullaahi Binu Mascuud oo soo islaamaya
Maalintaa wixii ka danbeeyay, wuxuu wiilkii nasiibka badnaa ka gudbay shaqadii foofinta adhiga, isagoo noqday adeegaha inta uu Eebbe (sw) abuuray sayidkooda. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu naftiisa ku laasimiyay ag joogidda Rasuulka (scw) sida qofka iyo hadhkiisaba ayna u kala hadhin. 

Cabdullaahi wuxuu ahaa kii markasta Rasuulka (scw) la socdo, marka uu gurigiisa joogo iyo marka uu socotada yahayba. Wuu toosin jiray haddii uu seexdo, marka uu Rasuulka (scw) maydhanayana wuu asturi jiray. Kabaha ayuu u gelin jiray, kolka uu Rasuulka (scw) doono inuu baxo, sidoo kalena kabaha ayuu ka bixin jiray kolka uu doono inuu aqalka soo galo. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu Rasuulka (scw) u qaadi jiray cadeyga iyo usha, qolka uu doonayo inuu galana isagaa ku hormari jiray kahor intuuna Rasuulka (scw) gelin. 

Wuxuu ku barbaaray gurigii Nebiga (scw), wuxuuna noqday xooghayihii sirta Nebiga
Rasuulka (scw) aad ayuu u jeclaan jiray Cabdullaahi Ibnu Mascuud, wuxuuna u fasaxay inuu u soo galo xilligii uu Cabdullaahi jeclaysto, wuxuu kaloo Rasuulka (scw) u fasaxay inuu is-dul-istaago siraha Nebiga (scw), isagoo uuna Rasuulka arrinkaa dhibsan, dhinaca kalena aan ka cabsan Cabdullahi inay arrintaas wax denbi ah kaga timaaddo, jeer maalintii danbe looga bixiyay xooghayihii sirta Nebiga (scw). 

Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu ku barbaaray gurigii Rasuulka (scw), wuxuu qaatay hanuunkii Rasuulka (scw), sidoo kalena wuxuu ka akhlaaq qaatay sifooyinkii suubanaa ee Rasuulka (scw), wuxuu Rasuulka kaga dayday dhammaan astaamihiisii wanaagsanaa, ilaa laga yidhaahdo: "Cabdullaahi wuxuu aad ugu eg yahay Rasuulka (scw) xagga hanuunka iyo xagga muuqaalkaba".

Cabdullaahi Ibnu Mascuud Ilaah ka raalli noqdee wuxuu ka soo baxay madrasadii Rasuulka (scw), wuxuuna ka mid ahaa saxaabada kuwooda ugu aqoonta badan xagga akhriska wacan ee qur’aanka, wuxuu kaloo ahaa saxaabada kuwooda ugu fahmada badan xagga macnaha qur’aanka, dhinaca kalena ugu aqoonta badan ula jeeddada loo soo dejiyay shareecada Islaamka. Waxaana arrimahan noo caddeynaya sheekadii ninkii qaabilay Cumar Binu Khadaab (rc) isagoo istaagay Carafa, wuxuuna ku yidhi: "waxaan ka imid -amiirkii mu’miniintoow-magaallada Kuufa, waxaana magaallada uga soo tagay nin misxafyada dadka kor ahaan uga yeedhinaya (isagoo aanan eegin masxafka). 

Cumar ayaa si siyaado leh uga carooday hadalkii, wuxuuna yidhi: "waa kuma ninkaas?!". Ninkii ayaa wuxuu yidhi ninkaas waa Cabdullaahi Ibnu Mascuud. Markii uu Cumar maqlay hadalkan, waxaa dentay caradiisii, wuxuuna ku soo laabtay xaaladdii uu markii hore ku sugnaa, dabadeedna wuxuu Cumar yidhi, wallaahi ayaan ku dhaartaye, garan maayo inuu jiro qof Cabdullaahi Binu Mascuud kaga xaqnimo badan inuu qur’aanka dusha ka akhriyo, arrinkaasna sheeko ayaan ka hayaa.

Cumar hadalkii ayuu sii watay oo wuxuu yidhi:"Rasuulka Alle (scw) ayaa wuxuu habeyn ku fiidsanayay guriga Abuubakar (rc), waxayna ka wada xaajoonayeen danaha muslimiinta, markaas iyada ahaydna waan la joogay. Rasuulka (scw) ayaa baxay, dabadeedna waan ka daba baxnay. Isla markiiba waxaan la kulanay nin salaad u taagan, kaasoo aanan garan kuu yahay.

Qofkii jecel inuu akhriyo qur’aanka isagoo ah sidii uu u soo degay oo kale, ha u akhriyo sida Ina Ummi Cabdi (waa Cabdullaahi Binu Mascuude)", Rasuulka (scw) ayaa istaagay isagoo dhageysanaya ninkii tukanayay, ka dibna innaga ayuu na soo jileecay isagoo Rasuulku (scw) leh: " Qofkii jecel inuu akhriyo qur’aanka isagoo qoyan sidii uu u soo degay oo kale, ha u akhriyo akhrinta Ina Ummi Cabdi (waa Cabdullaahi Binu Mascuude)", intaa ka dib Cabdullaahi Binu Mascuud wuu fadhiistay isagoo duceysanaya, Rasuulkuna (scw) uu ku leeyahay: "weydiiso waa lagu siine....weydiiso waa lagu siine". Cumar ayaa wuxuu yidhi, waxaan naftayda ku idhi wallaahi inaan ku kallihi doono berito Cabdullaahi Binu Mascuud si aan ugu bishaareeyo aamiinta Rasuulka (scw) ee uu ducadiisa u yidhi (ducada Nebigana waa la ajiibaa).

Subixii markii la gaadhay, waxaan ku kallahay Cabdullaahi Binu Mascuud, waana u bishaareeyay, hase ahaatee waxaan ogaaday inuu Abuubakar iigaga hormaray bishaareenta. Sidaas ayeey asxaabta ugu tartami jireen sameynta falalka wanaagsan,. Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa isagoo ka sheekeenaya sidii uu Abuubakar ugu dadaali jiray u tartamidda camal falka kheyrka wuxuu yidhi: "wallaahi ayaan ku dhaartaye weligeey Abuubakar kheyrka ulama tartamin illaa wuu iga badin jiray". 

Aqoontii xeesha dheereed ee Cabdullaahi Binu Mascuud
Cilmiga Cabdullaahi Binu Mascuud ee la xidhiidha aqoonta kitaabka Alle wuxuu gaadhay inuu naftiisa ku odhan jiray:"Ilaaha xaqa ah ayaan ku dhaaranayaaye, ma soo degin aayad qur’aan ah illaa haddey jirto waxaan ogahay halka ay ku soo degtay, waxaan kaloo ogahay sababta ay ku soo degtay, haddii aan ogahay inuu jiro qof qur’aanka iga yaqaana oo ay suurtagal tahay inaan u tago waan u tagi lahaa". 

Hadalkan uu Cabdullaahi Binu Mascuud yidhi ma ahayn mid uu si ka bad-badin ahaan uu u leeyahay, oo waaba kan Cumar Binu Khadaab (rc) oo la kulmay dad socoto ah isagoo safar ku jira, iyadoo habeenka mugdigiisana uu qarinayo aragtida dadka. Dadkii socotada ahaa ee ay Cumar iska hor yimaadeen ayaa waxaa ku jiray Cabdullaahi Binu Mascuud (rc).

Cumar ayaa wuxuu amray nin si uu ugu dhawaaqo dadkaas socotada ah, ninkii ayaa isagoo dadkii socotada ahaa u dhawaaqaya yidhi: "Halkeed ka timaadeen?" Cabdullaahi ayaa si isqarin ahaan ugu jawaabay isagoo leh: "dooxada fog". Cumar ayaa weydiiyay dadkii socotadaa ahaa, isagoo leh: "Halkeed u soctaan?". Cabdullaahi Binu Mascuud oo jawaabaya ayaa yidhi: "gurigii gaboobay (kacbada)". Cumar ayaa wuxuu dadkii la socday ku yidhi, dadkani waxaa ku jira nin caalim ah..., wuxuuna amray nin kale in su’aalo diineed la weydiiyo. 

Nin ayaa dhawaaqay isagoo su’aashan weydiinaya: "qur’aanka aayadee ugu weyn?". Cabdullaahi ayaa ugu jawaabay aayadda magaceeda la yidhaahdo aayatul-kursi-, uuna Alle ku leeyahay: "Alle Ilaah aan isaga ahayn ma jiro, waana Ilaaha nool, makhluuqaadkana maamula. Ma qabato lulmo iyo hurdo toona, waxaa u sugnaaday waxa ku sugan cirarka iyo dhulka..... (aayadda 254, suuradda al-baqara)". Ninkii ayaa mar labaad weydiiyay su’aal kale, wuxuuna yidhi: "qur’aanka aayadee ugu xikmad badan?" Cabdullaahi ayaa yidhi waa aayadda uu Alle ku leeyahay: "Eebe wuxuu farayaa caddaalad, samafal iyo qaraabada wax siintooda, wuxuuna Eebbe reebi xumaan, munkar iyo gardarro, wuu idin waaninayaa si aad u xasuusataan" (aayadda 90, suurada Al-naxl). Cumar ayaa haddana ninkii ku yidhi, u dhawaaq oo waxaad weydiisaa aayadda qur’aanka ugu kulmin badan, wuxuuna Cabdullaahi yidhi aayadda uu Alle ku leeyahay: "ruuxii wax yar oo kheyr fala wuu arki, ruuxiise wax yar oo shar sameeyana wuu arki" (aayadaha 7-8, suuradda Az-zalzalah). Cumar ayaa haddana ninkii ku yidhi, u dhawaaq oo waxaad weydiisaa aayadda qur’aanka ugu cabsida badan. 

Cabdullaahi ayaa ku jawaabay aayadda uu Alle ku leeyahay: "arrinku ma ahan sida aad yididdiilanaysaan iyo sida ay yididdiilanayaan ahlu-kitaabka midna, ruuxii sameeya xumaan waa laga abaal marin, mana helayo Eebbe sokodiis wali iyo gargaare toona" (aayadda 123, suuradda Annisaa.). 

Cumar ayaa ninkii ku yidhi, u dhawaaq oo waxaad weydiisaa aayadda qur’aanka ugu rajada badan. Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa ku jawaabay aayadda uu Alle ku leeyahay: "Nebiyoow waxaad ku tidhaahdaa addoomadayda ku xad gudbay naftooda ha ka quusanina naxariista Eebbe, Eebbe waa kan dhaafa denbiyada dhammaantood, waana danbi dhaafbadane weliba naxariis badan" (aayadda 53, suuradda Az-zumar). Cumar Binu Khadaab oo aad u jeclaystay ninkii su’aalaha ka jawaabayay, ayaa wuxuu dadkii socotada weydiiyay su’aashan: "ma waxaa idinla socda Cabdullaahi Ibnu Mascuud?!". 

Dadkii socotada ahaa ayaa yidhi haa oo waxaa nala socda Cabdullaahi, isaga ayuuna ahaa qofkii su’aalaha ka jawaabayay. Cilmiga xeesha dheer, cibaado badnida iyo adduunyo naceybka Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxaa weheliyay oo intaas u dheereed isagoo ahaa geesi halyeey ah, lehna go’aan adag, wacdarro la yaab leh la soo baxa markay xaaladdu qadhaadhaato. 

Waxaa taas ku deeqsiinaya, inuu Cabdullaahi Binu Mascuud ahaa muslimkii ugu horeeyay ee la jahray akhriska qur’aanka Rasuulka Alle (scw) gadaashiis, iyadoo ay gaaladii qureyshna ay arkayaan.

Maalin ayaa waxaa magaallada Makka ku kulmay asxaabtii Rasuulka (scw) -wakhtigaasna waxay ahaayeen kuwo aan awood lahayn oo tiro yar - waxay is yidhaahdeen, wallaahi gaaladii qureysh weli ma ayna maqlin iyadoo qur’aanka kor ahaan loo akhrinayo, ee yaa maanta intuu baxo qureysh maqashiinaya qur’aanka!?

Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yidhi annigaa maqashiinaya qur’aanka. Saxaabadii ayaa ku yidhi, adiga qureysh waan kaaga baqaynaa, ee waxaan doonaynaa nin ay tolkiisa ay meesha joogaan, kuwaasoo ilaaliya oo ka qabta haddey xummaan la doonaan. Cabdullaahi Ibnu Mascuud ayaa yidhi, anniga ii dhaafa kuwaas, maxaa yeelay Ilaah ayaa sharkooda iga reebaya ina ilaalinaya. Goor barqin subax ah ayaa wuxuu Cabdullaahi ku soo kallahay masjidkii Xaramka ilaa uu ka yimaado goobta maqaamkii Nebi Ibraahim (cs), markaas iyada ahna ay gaaladii qureyshna ay fadhiyaan Kacbada hareeraheeda. Cabdullaahi ayaa intuu ag istaagay maqaamkii Ibraahim la soo baxay codkiisii quruxda badnaa isagoo kor ahaan u akhrinaya biloowga suuradda Ar-raxmaan. 

Qureysh ayaa dhageysatay qur’aanka, waxayna yidhaahdeen, muxuu leeyahay kii ina Ummu Cabdi ahaa, habaar ha ku dhacee?! Qaar ka mid ah gaaladii qureysh ayaa yidhi, wuxuu akhrinayaa qaar ka mid wixii uu la yimid Nebi Muxammad ee qur’aanka ah. Gaaladii ma ayna sugin inta uu ka dhameynayo akhriska qur’aanka’e, way ku soo qamaameen waxayna bilaabeen inay ka garaacaan wejiga weliba isagoo akhrinaya qur’aanka ilaa uu ka gaadhay aqriskii qur’aanka intii uu Eebbe ka doono inuu akhriyo. Dabadeedna wuxuu u yimid asxaabta, isagoo dhiiguna ka shubmayo. Asxaabtii ayaa ku yidhi, sidan ayaan kaaga cabsanaynay. 

Cabdullaahi ayaa yidhi, wallaahi ayaan ku dhaartaye cadoowgii Alle iyaga ayaa hadda iga tabardaran anniga, haddaad doontaana berito ayaan sidan oo kale ugula kallahayaa. Asxaabtii ayaa Cabdullaahi ku yidhi, maya, intaas ayaa kuugu filan, waxaana xaqiiqo ah inaad maqashiisay waxay dhibsadaan. Cabdullaahi Ibnu Mascuud wuxuu noolaa ilaa khilaafadii Cusmaan Binu Cafaan, kolkii uu bukooday bukaankii dhimashada ayaa waxaa u yimid Cusmaan Binu Cafaan, wuxuuna ku yidhi: "maxaad ka sheegaynaysaa?"

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: "denbigayga ayaan ka sheeganayaa".

Cusmaan Binu Cafaan: "maxaad u baahan tahay?"

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: "Naxariista Rabbigay".

Cusmaan Binu Cafaan: "mushaarkii aad sannado kahor diiday inaad qaadato ma kuu amraa in lagu siiyo?"

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: "uma baahni mushaarkaas"

Cusmaan Binu Cafaan: "haddaba, gabdhahaaga ayaa qaadanaya adiga dabadaa."

Cabdullaahi Ibnu Mascuud: gabdhahayga miyaa waxaad uga cabsanaysaa faqrinimo?, waxaan faray inay habeen kasta akhriyaan suuradda Al-waaqica.., maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa waxaan ka maqlay isagoo leh: ruuxii akhriya habeen kasta suuradda Al-waaqica faqri kuma dhaco weligii"

Markii la gaadhay habeenkii, ruuxdii Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxay haleeshay saaxiibkii sareeyay (Ilaah), isagoo carabkiisana ka qoyan yahay xuska Alle, waa qur’aanka’e. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Cabdullaahi Ibnu Mascuud, innagana nagu sugo wadiiqadii suubanaha Rasuulka Muxammad (scw) iyo saxaabada oo dhanba... aamiin.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Badheedh

Sida jirta ee cad doorashadii deegaanadu, si aan la filayn ayay u dhacday oo badheedh loo kala bursaday. Gudiga Doorashooyinku, waxay cadeeyeen in qaladaad jireen, tii oo ay cabasho weyni ka jirto oo ay ururada badh si weyn u diidan yihiin, ayaa haddana natiijooyinkii la soo saaray. Sidaasina waxay ku turjubaanaysaa tixgelin la’aan iyo maroorsi.

Haddii ay jirto in aan ururada dhowrka ahi aanay ku qanacsanayn, maxaa la yeelayaa?

Golayaasha Guurtida iyo Baarlamaanku, maxay uga gaabsadeen mushkiladdan jirta.

Waxa aan jecelahay in ay aad u fiican tahay in aad ay isugu taxalujiyaan.

Xaqdarro iyo maroorsi ma fiicna in lays qanciyo ayaa door ah, haddiise la diido waxay noqonaysaa nin la tumay talo haysaa. Somaliland yay ku dhimman gacan nin aan u danaynayn.

Loolan

Shilka dhacay shaqaaqada jirtiyo shuushka iyo buuqa
Shaki iyo naxlaa intaa loo shirshirayaaye
Waxa loo shunbaalaynayaa waa shirqool qarane
Qabiil lagu shif beeliyo dhibbaa loo shintiriyaa
Shar maleegayaal iyo nin xumi furya shakaalkii
Sharcigiyo distoorkii dalkay shallow ka tuureene
Sidii shaadh nin leeyahay ka dhige xeerkii shalaye
Dadku shaamareerkii shib yidhi shubashadii fowdka
Shicibku wuxuu weli dhowrayaa shay cajaayibehe
Shabaab iyo ciroolaba dhammaan milicdo oo shiishay
Loolan sharaf leh sheekhow la waa oo shubankii beenowye
Shantaradse waa cayaayier hadoon bay shixi dhanaanaatay
Dulmigii shareeraa shaaca laga qaadye
Xaqdarro shilayskay lahayd waa shaahid loo aragye
Guurti shoortiyo la waa in ay wax shuufaan
Baarlamaan shu’aystaa ma jiro habarka shuuqaaye
Sheedoo qalad ka muuqdaa haddana lagu shirbeeyaaye
Shuuci baa la moodaa habkaa loo shaqaynaayo
Shaarubaha waxa loo miiqayaan shiishka ku hayaaye
Shafka lagama reemee runtaa lagu shalaadaaye
Dantu waa shuraakee haddaan laysu wada sheegin
Shabeelada haddaan layska qaban shillinka boobaaya
Shuuqsiga haddaan lagu shirabin shiinka maansada
Shalfad ruuxa qaataba haddaan shaacir dhawaaqin
Dabnihii shiraaqnaa haddaan shaqalka loo diidin
Sheelada haddaan layska jarin waa shaabad kugu taal

Ibraahim Axmed Ildab, Hargeysa

Top


Fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin

Aniga oo tix raacaya maqaal ku soo baxay Hadhwanaag.Com, oo ah "Wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo Sheegay inay heshiis la galayaan cid kastoo wax u qabanaysa Somaliland", waxaan la yaabay sida fudud ee cilmi darada ah ee Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland uu u dhigay hadaladiisa, kuna tilmaamay dadka suaalay jiritaanka shirkadaha maafiyad ah ee u sida isdaba jooga ah wax ula saxeeday in ay yihiin qaar ka xun waxaa u qabadka Somaliland. 

Hadaba waxaa is waydiin leh maxaa ku dhacay shirkadiihi hore ee uu iyagana ku tilmaamay in ay ahaayeen qaar ay soo hubiyeen jiritaankooda? Halkee ayuu Wasiirku ka soo hubiyay jirtaanka shirkadahan? Ma la soo xidhiidhay xafiisyada Somaliland Missions ee ka kala furan dalalka qaarkood? ambase dawladaha ay shirkadahani ka sheeqeeyan? Halkee ayay ka dhacday shirkadii caalamiga ahayd "Spot International Services" waa sida uu Wasiirku u yidhiye. Maxaa kale ee ku dhacay "Seminlole Copenhagen Group" ee uu wasiirku yidhi hadalkan markii la waydiiyay xaqiiqada jirta ee shirkadaas " Waxa xusid muddan in aan mar kale idiin sheego in aanaan shaki ka qabin shirkadda aanu la galnay heshiiska qodista saliida oo saldhiggeedu yahay dalka Ingiriiska, xafiisyana ku leh meelo dalka Maraykanka ka mid ah sida Tyler iyo Taxes, lana yidhaahdo "SEMINOLE COPANHEGAN GROUP". Hadalkaa waxa yidhi Wasiirk Macdanta iyo Biyaha.

Waxaa xaqiiqa ah in ayna jirin Tyler, Taxes shirkad leh magacaa "Seminole Copanhegan Groups" iyo wax la midda toona. Taasu waxay ku tusaysa laba mid miduun: 1. In uu Wasiirku been sheegayo iyo in 2. Aanay Somaliland Wasiirkeedu wax baadhitaan ah ku samayn ee qalinka kula orday saxeexa. Labadaa arrimood labaduba waa run. 

  1. Wasiirku wuu gefay markii uu yidhi waa shirkad caalami ah oo soo shaqaysa. Aniga ayaana beeniyay oo soo baadhay in ayna ka shaqayn Texas iyo meel kala toona.

  2. Wax baadhitaan ah Wasaaradu ku ma samayn oo haddi ay baadhi lahaayen way ogaan lahaayeen xaqiiqada jirta.

Degdegan saxeexida maalki umada ee loo saxeexayo dhawr qof oo maafiya ah dhibaato badan ayay u leedahay dalka.

  1. Heeshiiskani waxaa u ishortaagaya in ay shirkadaha xaqa ah ee jira, badhana amba soo saara macdanta iyo baatrolka ayna heeshiis la gali karin Somaliland. 

  2. Nimankani waxay qafaashan karan Somaliland ooy goorgortan kula gali karan marka ay shirkad baatrolka amba macdanta ka shaqaysa timaad dalka. Inleyn iyaga ayaa qandaraas ku haysta dalka macdantiisa iyo baatrolkiisa.

Waxaa wax la yaab leh ah in uu wasiirku yidha dadka soo ogaaday ee soo xaqiijyay khiyaamiinta dhacayay dalka in ay hiyiin dad ka xun hormarka Somaliland. 

Maxaa layskaga faani fardo laysku hayo. Wasiir, anagu soo ogaanaye, adiguna xaqiiqada miiska soo dhig oo noo sheeg Seminole Copanhegan Groups amba Inverse Internation Limited meesha ay ka shaqayso.

Haddii aan u soo noqdo shirkada kale ee "caalamiga ah", waa sida uu wasiirku u dhigay ee loo yaqaan "inverse International Limited" waxaa la asaasay malinti uu Wasiirku qabtay shir saxaafaddeedka oo ahayd December 09, 2002. Dad degan Ingriiska ayaa raadiyay oo soo ogaaday shirkadan iyo waxa ay tahay. Hadii uu Wasiirku rabay in uu hubiyo jiritaanka shirkadahan, waxaa uu taageero waydiisan laha dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dabeeda oo xaqiijin buuxda ka soo siinlaha.

Suaalaha aan rabo in uu wasiirku ka soo jawaabo waxay yihiin:

  1. Shirkadahani ma haysaa "Income statements" iyo "Financial statements" oo ay shirkad kasta soo saarto sanad walba?

  2. Wasiir ma haysa shirkadan 10kdii

  3. Wasiir miyaad dafiiraysa in uu Inverse International Limited ciwaankeedu yahay guriga ninka hindiga ah ee la yidha Rakesh Rajan, kuna qoran in uu yahay maamulayaasha Shirkada? iyo ninka labaad oo la yidha Magne Andreas Meier oo ah reer Holland.

  4. Wasiir miyaad dafirsan tahay in ay nimankani xidhiidh la leeyihiin nin Somali ah oo Dhalashada Talyaaniga haysta?

  5. Miyaad ogtahay in ay u badan tahay in ay nimankani iyaga oo ku xidhan ninkaleh oo Somali ah, sitana dhalashada Talyaaniga in ay rabaan in ay wasakhda suunta ah ee warshadaha ay damacsan tahay in ay ku aasto dalkeena?

Wasiir, hurdada ka kac oo toos, waadigan dalki iibiyayee. Fadalan dhagayso dadka debeda jooga ee heegan kula ah in ay taageero ku siiyaan.

Waxaa jirta in ay Somalilanderyada qurbaha ku nooli ay caawimo joogta ah oo hagar la'aaneed ku gacan siin lahaayeen wasiirka haddii uu la soo xidhiidho.

Hassan Mogeh Hirsi
Los Angeles, Ca.

Top


Furfur Baa Lagu Abuuray UDUB-Ta Sanaag

Ugu horeyn waxaanu bogaadinaynaa haddaanu nahay garabka haweenka ee xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag, waxaanu gudoomiyaha xisbiga ahna madaxweynaha JSL iyo umadda reer Somalilandba doorashadii sida nabadgelyada uga dhacday wadanka Somaliland.

Marka labaad waxaanu halkan ku cadaynaynaa in garabka haweenka ee xisbiga ee gobolka Sanaag uu door laxaadleh ka qaatay danaha xisbiga halkaana ay ka soo hooyeen guul sida ku cad natiijooyinkii doorashada hadeerna ay diyaar u yihiin doorashada labaad ee madaxweynaha 
Markaa waxaa nagu soo wajahay arrin keenaysa fur fur arrinkaas oo uu ka dambeeyay ninkaaas ay isaga dawladdu u soo diratay hawlgal qarameed oo gobolka ah oo la xidhiidha hawlaha doorashada halkuu shaqadiisa ka wadan lahaa si cadaaladda wuxuu bilaabay inuu carqlad iyo furfur inuu dhexgeliyo xisbiga UDUB ee garabka haweenka 14/12/02 shan iyo tobankii ay dhacayso doorashadii dawladaha hoose maalinkaa ayuu ka dhinac furay garab cusub isagoo ujeedadiisu tahay inuu ku dumiyo garabkii hore ee soo jireenka ahaa ee UDUB. Oo soo shaqaynayay ilaa maalintii la furay xisbiga UDUB taasina waxay cadayn u tahay ninkaas iyo dadka kale ee hawhsaa la waday ay u adeegayeen axsaab kale.

Guusha la gaadhay ee doorashada laga gaadhay waxay ku timid dhabar adayg ay la yimaadeen dadkii daacada u ahaa xisbiga UDUB oo hore xisbiga hawshiisa gacanta ugu hayay anigoo ah gudoomiyaha garabka haweenka ee gobolka Sanaag waxaan soo jeedinayaa madaxda xisbiga UDUB in dadkaa furfurka wada fiiro gaara loo yeesho.

Gudoomiyaha garabka haweenka UDUB ee Sanaag.
Aamina Cali yare Shibiin.

Top


DHALINYAHEY TOOSOO GUDO XILKAAGA

Jidhiidhico weyn ayaa jidhkeyga ku soo joogsatey ka dib markiiaan shiishada layska arko ka daawadey wiil dhalin yarro ah oo wareysi oo la yeeshey weriye faysal oo ka socda HARGEISA TV, isagoo ku hadleyey magaca dhalinyarada kana warbixinayey sida ay dhalinyaradu u aragto doorashadii dhawaan ka dhacdey dalka iyo kaalintii ay ka qaateen dhalin yarada iyo haweenkuba, muddo badan ayey nafteydu is weydiin jirtey goorma ayuu jiilkaagu ka kacayaa hurdada, xillimaad ka koreysaan maqaarsaarnimada aad u tihiin facii lixdankii laga badiyey, kalma ayey filkaagu ogoleysiin doonaan jiilkaa lixdankii iney gaadheen xilligii ay shaqada ka fadhiisan lahayeen waa su’aalahaan ka rajeeynayey inuu mustaqbalka waqtigu iiga jawaabo, se hadaan hooyaa.

Facbaan ahey fillan waa ku dhacey ku anqarey rasaas, dhiig iyo dhimasho, waxaan ku hanbaaburey rogmad,qax, burbur, bellaayo oo udbaheedii iyo dhigaheedii sidata, xaga qeyrkey uu kaga jirey waxbarasho, maaweelo, ciyaar iyo koriin wacan. Faceygu waxey dhasheen madhan daalaalaad oo aabayaashood yihiin in jeel ka caweysa in firdhatey iyo in bustaha hoosta kaga jirta, hooyooyinkoodna ku hadaaqayaan Markey ubadkoodu weydiiyaan waxan aabayashood ka yaacayaaan ragayaga ragii qabey ayaa laga roorayaa, waxbarasho maaweelo iyo ciyaar iima taal ee waxaanu halabsaney tirada yar ee adeeradey ah ee dhufeyska kaga soo jirta carro galbeed bal si aan ugaga ridno ninkan baacsadey odayadii na dhaley, kolkaan u diidney jiif iyo joogba waxashkii looma ooyaanka ahaa ayey ku heeseen wiilyahow yari aabahaa baqey adna daashee isa soo dhiib( waa niyadaada/adaa moodaya ayaan u ugu jawaabney ee hoo ruug).

Taako kasta oo ka mida gudaha somalliland waxaa ku qallan oo dhiigiisii iyo dheecaankiisii yaalaa walaalkey oo garbkeyga ka baxey rumeyso ma ha rumeysan class-keygii(4b gacan libaax secondry school) oo qudha waxaa ka qudh baxey 18 ardey maxaad ka fileysaa dalkoo dhana, waa jiilkii u badnaa naftood hurayaashii xornimada usoo kifaaxey waan ku faanaa runtii, waa faca u badan ee ilaaliya hada, waa faca u badan ee dib u dhiskeeda ka qeyb qaata iyo maalgashiga/horumarinta dalka waa facii dhashey intii ka danbeysey 60-kii, waa jiilka habeen iyo maalinba u heegana dalka iyo dadka, sidaa daraadeed adaa u ehel ah facaygoow ee toos oo hanno hogaaminta dalka, waxaan hanbelyeeynayaa jiilkaas hada nasiibka u helley iney tartan la galaan kuwii ka horeeyey (waa jiilka dhexe).

Qolladaas hogaaminta laheyd tan iyo lixdankii waxaan leeyahay waxaa idiin ilduufey kuwaas dhexe hase ahaatee ilama aha inaanu labadiina midkiina u ilduufeynu anagu (faca baalka dahabka ah ka galey taariikhda gobolka geeska Africa), Ixtiraam badan baad naga heleysaan labadiina jiilba hase yeeshee hadaad tanaasuli weydaan waxaanu idiin tilmaami doonaa halkii aad ku habooneydeen. SOMALILAND DALKEYGA SOMALILAND DADKEYGA GUUL IYO GOBONIMO

Dhalintii dalkeygiyo aawey dhaayaheeygii
Inta dhaawaceen qabno midna inaga oon dhayin
Miyeynu dhayal ku dhaafnaa

Ismail.M.Gadiid(London)

Top


Maraykanka Oo U Digay Saddex Ka Mid Ah Hogaamiye-Kooxeedada Muqdisho

Muqdisho (Haatuf) safaarada maraykanka ee Nayroobi ayaa digniin u jeedisay saddex hogaamiye kooxeed oo ka mid ah qabqablayaasha soomaaliya.

Saddexdaa hogaamiye kooxeed oo kala ah Maxamed Qanyare Afraax, Maxamed dheere iyo Axmed Ducaale Xeef waxay hogaamiye kooxeedyada oo ka mida ergooyinka shirka Eldoret ee Soomaalida safaarada u yeedhay todobaadkii hore islamarkaana waxa looga digay inay isticmaalaan madaxda yar yar ee ay gacanta ku hayaan hogaamiye kooxeedyadaasi inkastoo ay hogaamiye kooxeeedyadani ka gaabsadeen inay tafaasiil ka bixiyaan waxyaabaha ay ka wada hadleen safaaradda maraykanka ee Nayroobi hase yeeshee sida ay sheegeen warar la xidhiidha arrintaas safarada maraykanka ee Nayroobi waxay uga digtay saddexda hogaamiye kooxeed inay xidheen saddexda madaar ee diyaaradaha ee ay gacanta ku hayeen maleeshiyada kala taabacsan saddexda qabqable iyadoo ay dawladda maraykanku danaynaysa in la furo madaarkii caalamiga ahaa ee magaalada Muqdisho.

Madaarada ay gacanta ku hayaan hogaamiye kooxeedyada oo kala ah madaarka Dayniile oo dhinaca waqooyi 50 Kiiloo mitir oo uu gacanta ku hayo Maxamed Qanyare Afraax, madaarka No:50 oo uu gacanta ku hayo Axmed Ducaale Xeef iyo Maxamed Dheere oo ay gacanta maleeshiyadiisu ku hayaan madaarka Jawhar oo 100 km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

Inkastoo aanay dawladda maraykanku si cad u qeexin sababta ay digniinta madaarada ay gacanta ku hayeen hogaamiye kooxyadu.haddana waxa la rumaysan yahay inay dawladda maraykanku ka shakiday dhaqdhaqaaqa madaarada oo ah kuwo ugu dhaqdhaqaaqa badan iyadoo ay guud ahaan ka duuleen ugu yaraan (20) duulimaad taasuna ay dawladda maraykanku uga shakiday inay adeegsadaan argagixisadu laakiin safaaradda maraykanku daboolka kama.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo acaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 58aad

Mingistu: "Janaraal Amaane markii uu Tasfaaye cay iyo canaan isu raaciyey ee uu ku yidhi "Xagee baad ka keentay sheekadaa" ayaan anigu la hadlay oo waxaan ku idhi "Mudane sidaa ha u hadlin, waayo shir ayeynu ku jirnaa, shirkuna maamuus ayuu inaga mudan yahay, adiguna waa inaad shirka maamuustaa, ta kale Tasfaaye iskama tegin ee amar baa ASMARA ee amar lagu siiyey inuu Asmara tago, ka dibna inta uu Asmara iyo meeshii loo diray tegay ayuu wixii uu ku soo arkay iyo xaaladdii meesha uga muuqatay inoo sheegay, markaa waa maxay khaladka uu sameeyey ee aad ku canaananaysaa, ta kale adigu hadii aad doonto ra’yi kale soo bandhig, laakiin maxaad sheekada kale ee aan meesha oolin u gelaysaa," intaa markii aan ku idhi ayuu Amaane waxoogaa is-dejiyey. Dabadeedna markii si buuxda loo soo bandhigay xaaladda oo dhan iyo waxa meesha ka jira ayuu janaraal Amaane arkay inaanay arinru noqonayn sida uu doonayo, waayo waxa la horkeenay cadayn buuxda markaa waxba ma odhan karo, laakiin waxa uu jawigiisu u muuqday inuu ka xumaaday xaqiiqda la hordhigay, balse hadana waxa uu u jeestay dhinac kale oo ay soo fadhiyaan niman ay ka mid yihiin Bitiwaadad, Asfahaa iyo Burraad dembaroos, wuxuuna yidhi "Nimankaa weeye nimanka Ereteriya halkaa gaadhsiiyey, waa nimanka Ereteriya iibiyey", ka dibna waxa uu codsaday in nimankaa la xidho, laakiin nimanka uu sheegayaa waxay ahaayeen niman caan ah oo Itoobiya dhexdeeda magac ku leh, isla markaana waxay ahaayeen niman midnimada Itoobiya aad u waafaqsan, waxayna ka mid ahaayeen raggii u soo halgamay inay Ereteriya ku soo biirto Itoobiya, sidaa darteed waxaan hadana ku idhi Amaane "janaraale adigu laftaadu is cade, nimankani sidee bay Ereteriay uu iibiyeen", intaa markii aan ku idhi ayey xubnihii kale ee dhergiguna arinta ka hadleen waxayna yidhaahdeen intaa ka badan ma dul-qaadan karayno, xubnaha dhergiguna waxay ahaayeen rag kul-kulul, gaar ahaan xiliyada ay shirarka ku jiraan hadalo cad-cad, ta kale meesha kaftan ma jirin ee arintu waxay ahayd "ku dhufo", dabadeedna nimankii dhergigu waxay yidhaahdeen "Ku dhufo", golaha dhergiguna marka uu shirayo waxa uu ka dhignaan jiray makiinad wax goysa. Dabadeedna isaga oo janaraal isla bartii shirka fadhiya ayey xubnihii dhergigu bilaabeen inay canbaareeyaan, waxaana ka mid ahaa hadaladii ay lahaayeen "Anaga intaasi way nagu filan tahay, mana doonayno nin midnimada dalka dhibaato u keenayaa inuu meesha haysto", waan xusuustaa ninka la yidhaahdo Cali Muusa ayaa inta uu kor u kacay ayuu yidhi "Gaashaanle Mingistu arinta Ereteriya hadii ay wax ku soo kordhaan adiga ayaanu kuu haysanaa, waayo adiga ayaanu ku garanaynaa, anagu ma garanayno janaraal Amaane, maxaa yeelay janaraal Amaane idinka ayaa meesha keenay, ka dibna kursiga saaray, mana ahayn nin ciidamada ka tirsan, isla markaana muu ahayn xubin golaha dhergiga ka tirsan, sidaa darteed cidda Amaane la yidhaahdo ma garanayno, idiga ayaa meesha keenay, mar hadii ay caynkaa tahayna adiga ayaanu kuu haysanaa arinta Ereteriya, waa arin aanu dhamaantayo ka walaacsanahay. Ta kale ninka leh Bitiwaadad iyo Asfahaa ninka leh waa cadawga Itoobiya ee hadana leh Itoobiya ayaanu u dagaalamaynaa waa arin aanay waxba ka jirin". Dabadeedna Cali Muusa markii uu intaa yidhi ayey dhammaan xubnihii dhergiga ee hoolka shirka fadhiyey inta ay kuraasta ka wada kaceen sacab u tumeen hadalka Cali Muusa, ka dibna janaraal Amaane inta uu kursigii uu ku fadhiyey iskaga kacay ayuu shirkiiba iskaga baxay , kumana soo noqon shirkii. Sidaa darteed janaraaal Amaane hadaladii uu telefoonka ka lahaa ee la dhegaysanayey oo qudha lagama raacine waxa iyana dhacday inay golaha dhergigu yidhaahdeen "Ninkan ma garanayno arintiisa", ka dibna ay go’aankiisa cadeeyeen, iyaga oo yidhi "Waa nin damacsan inuu gooyo Ereteriya", intaa ka dibna shirkii gudihiisa ayaa shaaca lagaga qaaday go’aankiisa, ka dibna markii go’aankiisa shaaca laga qaaday way u dhamaatay (La dilay). 

Hadaba si fiican u dhegayso, waa la samayn karayey in janaraal Amaane xilka laga qaado, ka dibna laga fogeeyo hawlaha maamulka, laakiin isaga oo dhexdayadii fadhiya ayuu isku deyey inuu fidmo naga dhex-abuuro oo uu dab isugu kaayo dhiibo, balse may ahayn arintu sida maanta loo sheegayo ee la leeyahay wuxuu yidhi "Ereteriya hala siiyo maamul fedaraal ah ama arinteeda xal nabadgelyo halagu raadiyo", laakiin arintu sidaa way ka duwanayd, markaa maadaama ay aniga masuuliyadi dalka iga saarayd, isla markaana marka laga hadlayo hawlaha iyo dhibaatooyinka dalka ka taagan aniga igama ay suurta gelayn inaan iska daawado ama ka aamuso, sidaa darteed janaraal Amaane iyo golaha dhergiga inta aan isa soo hor-fadhiisiyey ayaan u dacwad qaaday, dabadeedna wixii loo tirinayey inta ay ku cadaatay ayaa sidaa lagaga guulaystay, taasina waxay ahayd waajib I saaraa, sidaa awgeedna waan iskula han-weynahay inaan sidaa yeelo (I proud it".

Janaraal Amaane markii aanu soo qaadanay (U yeedhanay) waxa uu ahaa nin hawl-gab ah, isla markaana dawladdii boqor Xayle Salaase ayuu la soo shaqaynayey laga soo bilaabo caruurnimadiisii ilaa weynaantiisii, isaga oo ilaa afartan sannadood u shaqaynayey. Laakiin waxay iswaydiintu tahay muxuu kaga duwanaa ama dheeraa nimanka ay ka mid yihiin Janaraal Kabadhe Gabre iyo janaraal Ababe Gamadaa, waayo xataa aqoon ahaan kama aqoon sarayn. Hase yeeshee bilowgii ayuu igu yidhi "Arinta Ereterriya aniga halee", isla markaana maadaama aan aqoon u lahaa ka hor dil-dilaacii ubaxa kacaanka iyo xidhiidhkayagii hore dartii ayaanu ka wada tashan jiray sida laga yeelayo qadiyadda Ereteriya, wuxuuna odhan jiray "Arinta Ereteriya ha biqina hadii uu maamulkani dhaco oo la sameeyo maamul kale, waayo wax kale iska daayo iyaga laftoodu inta ay inoo yimaadaan ayey inala safanayaan, maxaa yeelay sababta ay duurka u galeen Itoobiyaan diid ma ahee waa maamul-wanaagsan doon", markaa anigu sidaa darteed ayaan isugu hallayn jiray oo aan is odhan jiray dhibaatada ka jirta dhinaca Ereteriya xal ayuu ka keenayaa, ta kale waxa uu ahaa nin aanu rafiiq noqonay maalin aan dhibaataysnaa, taas darteedna waxaan u hayey abaal uu igu lahaa, sidaas ayaanu u keensanay u meesha ee wax kale ragga ma dheerayn.

La soco cadadka dambe...

Top


Waadiga Ciyaaraha 

Xidhiidhka kubadda cagta ee Ingiriiska oo diiday inuu kooxna saldhig u noqdo garoonka cusub ee Wembley

Xidhiidhka kubadda cagta ee Ingiriiska (FA), ayaa diiday oo waxba kama jiraan ka soo qaaday warar sheegay in kooxaha Arsenal iyo Tottenham ay saldhig u noqonayso garoonka cusub ee Wembley ee hadda uu dhismihiisu socdo oo lagu wado inuu dhammaado sannadka 2005.

Afhayeen u hadlay FA, Nick Baro, ayaa u sheegay BBC-da in aanay suurtogal ahayn in kooxna ay degto garoonka cusub ee Wembley, marka la dhammaystiro sannadka 2005.

Nick Baron, isagoo ka hadlaya arrintaa wuxuu yidhi; "Shuruudaha lacagta aanu ka helnay Sport England, ayaa ah in aanu jirin kireyste joogta ah oo degga garoonka, dhinaca kalena uma malaynayo in golaha Brent ay ogolaanayaan 30 ciyaarood oo waaweyn oo ka garoonka in lagu qabto, arrintaasina weli kuma jirto arrimaha la isla soo qaaday."

Afhayeenkaa u hadlayay xidhiidhka kubadda cagta (FA), wuxuu intaa ku daray in garoonkii hore ee Wembley iyo in hadda si weyn loo isticmaali doono garoonka Wembley iyo in lagu qaban doono ciyaaraha kama-dambaysta ah ee kubadda cagta.

Top


Djamel Belmadi oo ku biiray Manchester City

Ciyaaryahanka reer Aljeeriya ee Djamel Belmadi, ayaa saxeexay heshiis uu ku biirayo kooxda Manchester.

Warku wuxuu intaa ku daray in ciyaaryahanka u safta Marseille uu u soo wareegayo Manchester City dhammaadka xilli-ciyaareedkan oo ay tahay inuu si rasmiya ugu wareegay Manchester City.

Djamel Belmadi, waxay hore isku koox u ciyaari jireen kabtanka kooxda Manchester City Cali Benarbia, dhinaca dalka Aljeeriya, wuxuu Belmadi ahaa mid aan salka dhulka ku hayn xilli-ciyaareedkan dhinaca ciyaarihiisa kooxda Marseille, wuxuuna yidhi manuu qarsan jirin rabitaankaasi ahaa inuu ka wareego kooxda Marseille.

Waxaa isna hore ugu soo waregay heshiiskan oo kale xidiga reer Cameroon Marc Vivian Foe oo ka soo wareegay kooxda Lyon ee Faransiiska.

Djamel Belmadi, waxay si gaara u saaxiib yihiin Nicolas Anelka oo weerarka uga ciyaara kooxda Manchester City oo ay u wada ciyaari jireen kooxda Pairs Saint Germain.

Top


Tababaraha Liverpool, Houllier oo ka hadlay rajada kooxdiisa ee horyaalka

Madaxa naadiga Liverpool, Gerard Houlier, ayaa qiray inuu yar yahay fursada ay kooxdiisu ugu guuleysan karto in ay hanato koobka horyaalka Ingiriiska ee hadda socda.

Hadalka Houllier, wuxuu soo baxay kadib markii ay kooxdiisu guul darro la kulantay ciyaartii Arbacadii ee dhexmartay kooxda Newcastle oo lagaga badiyay Liverpool 1-0. Houllier, Madax Liverpool oo arrintaa ka hadlayay, wuxuu yidhi; "Way adagtahay sida loo gaadho Arsenal oo 12 dhibcood naga horreysa hadda, way adagtahay in la sii garto natiijada ciyaaraha dhici doona ee kubadda cagta. Ma rabo in aan wax idhaa xilli-ciyaareedka oo aan dhammaan, waxaanu leenahay tayo ciyaareed ama ciyaartoy oo aanu baratankan ku soo baxno. Ciyaartan waxaa naga maqnaa ciyaartoy dhowra, laakiin waxaanu leenahay ciyaartoy isbedel keeni kara."

Madaxa Liverpool, Gerard Houllier, wuxuu sheegay in ciyaartii dhexmartay iyaga iyo Newcastle in ay kooxda Newcastle ahayd koox xoog leh oo guulo horena soo hoysay xilli-ciyaareedkan.

Guuldarada ay la kulantay kooxda Liverpool awgeed, waxaa dib ugu dhacday kaalinta toddobaad ee kala horreynta kooxaha Ingiriiska, halka ay kooxda Newcastle ay hore ugu hinqatay kaalinta afraad ee kala horaynta kooxaha.

Madaxa kooxda Newcastle, Robson oo isagu ka hadlayay ciyaartii dhexmartay, iyaga iyo Liverpool, ayaa sheegay in kooxda ay wada ciyaareen ay ahayd koox aan la dhayalsan Karin oo aanay fursado badan bixin, "Xataa markii laga saaray hal ciyaartoy caabigayagii ciyaareed, go’aanadii aanu ciyaarta ku maamulaynay. Firfircoonidayadii iyo kaalin buuxintii ciyaartoyda, ayaa ah ta soo saartay kooxdayada, guuleysiga ciyaartuna ma aha arrin fudud dhinaca kooxaha, haddii aanu ciyaar walba ku ciyaarayno halkayaga waanu ku guulaysan lahayn Horyaalka, laakiin waxaa naga horreeya Arsenal iyo Manchester United" ayuu yidhi Robson.

Top


Birmingham oo hantiday Dugarry

Maamulaha kooxda Birmingham City, Steve Bruce, ayaa gudoomay heshiis ergiso amaaheed oo uu kula soo wareegay Christophe Dugarry oo ka mid ahaa kooxdii Faransiiska ee hore ugu guulaysatay koobka adduunka sannadkii 1998.

La soo wareega Dugarry, ayaa u ahayd guul taariikhiya Naadiga Birmingham, taas oo la soo wareegan uu kooxdiisa ku soo biiray Dugarry, waxay u tahay Maamulaha Birmingham tii labaad ee tan iyo inta la furay la kala wareega ciyaartoyda bishan January, iyadoo uu u soo wareegayo isna kooxda Birmingham difaaca ninka ka ciyaara ee Ferdinand Coly oo isna ka soo wareegaya kooxda Lens.

Dugarry oo ka hadlayay u soo wareegiisa kooxda Birmingham, waxa uu yidhi; "Waan ku faraxsanahay wax wal oo aan ku arkay halkan, waxaan la sheekaystay Robert Pires, Patrick Vieira, Laurent Blanc iyo Fabien Barthenz, waxaanay dhammaantood ii sheegeen in aan degdeg u saxeexo heshiiska. Waxaan ku rajo weynahay in aan wax ku soo kordhiyo kooxdan Birmingham."

Maamulaha Birmingham Mr. Bruce oo isna ka hadlayay ciyaartoyga ku soo biiray kooxdiisa ee Dugarry, wuxuu yidhi; "Waxaan rajaynayaa in qaabka Christophe uu yahay mid ku haboon horyaalka, aad baanu u mahadinay oo ugu diirsanay markii uu anaga na doortay inuu kooxdayada ku soo biiro, in aanu helno qof leh sumcadiisa waxay noo tahay aniga arrin aad u leh baaxad weyn, markii aan la kulmay laba toddobaad ka hor wuu gacan qaaday, waxaanu ii sheegay inuu doonayo inuu nagu soo biiro, waanu ka dhabeeyay ballantiisaa."

Bruce, isagoo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu yidhi; "Waa heshiiskii ugu weynaa ee uu Naadigayagu saxeexo, markaad tixgeliso 75 abaalmarinood oo uu ka qaatay dhinaca Faransiiska tobankii sannadood ee u dambeeyay, waa nin ka mid ahaa raggii ku guulaysta koobka adduunka ee kooxda Faransiiska sannadkii 1998, wuxuu hore ugu soo ciyaaray kooxaha waaweyn ee Barcelona iyo AC Milan."

Guud ahaan, Maamulaha Birmingham, wuxuu u arkaa Dugarry inuu waxweyn ku soo kordhin karo kooxdiisa oo uu dardar iyo diirimaad gelin karo.

Top


Benjamin Mwruwari iyo Ciyaartoy kale oo Afrikaana oo Ka Habsaamay Kooxahoodii Fasax kadib

Tiro ka mida ciyaartoyda Afrikaanka ah ee ka ciyaara Faransiiska ayaan dib ugu noqon Naadiyadoodu ka dib fasaxii Ciida Masiixiga ee ay tageen dalalkooda, waxaa ka mida ciyaartoydaas Benjamin Mwaruwari oo u dhashay Zimbabwe, una ciyaara Auxerre.

Mwaruwari, wuxuu ka hadhay toddobaadkii hore duulimaadkii la filayay inuu dib ugu soo noqdo. Waxaa iyaguna sidoo kale ka maqan kooxahoodii Henri Camara iyo Moussa N’Daiye oo labaduba ay u safreen Dakar xarunta Senegal oo ay dib uga dhaceen layliga ciyaareed oo ay kooxdooda Sedan bilaabantay 29 December 2002, ciyaartoy kale oo reer Senegaal ah.

Sauleimane Diawara, ayaa isna ka maqan kooxda Le Harve, inkasta oo uu la xidhiidhay tababaraha kooxda Le Harve, Jean Francois Domergue oo isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi: "Maqnaanshahani waa sabab xaga qoyska ah, wax walba waanu soo caddeynay."

Laakiin maqnaanshahani, ma aha uun ciyaartoyda Afrikaanka ah ee waxaa iska maqan kooxdiisii Paris Saint Germain, ciyaartoyga reer Brazil ee Ronaldinho.

Top