Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 239 January 5, 2003

Madaxweyne Rayaale Oo Qaabilay Sarkaal Ka Socda Madaxtooyadda Koonfur Afrika

Jaaliyadda Somaliland Riyaad Oo Koob Iyo Qalab Ciyaareed Ku Deyday

Baabuurtii U Horeysay Ee Raashinka U Siday Itoobiya Oo Ka Ambabaxday Berbera

Kumaa La Filayaa Inuu Noqdo Duqa Magaalada Berbera?

Dagaalka Kooxaha Puntland, Istaraatijiyada Dedan Ee Dawladda Somaliland Iyo Dareemada Walaaca Leh

20-Guurada Hawl-Galkii Lagu Jebiyay Mandheera 1983-Kii

"Haddii ay dadweynuhu Booliska gacansiiyaan dambiilaba baxsan kari mayo"

Gabadh Soomaaliyeed Oo Ka Mid Noqonaysa Baarlamaanka Dalka Holland

45 Kun Oo Ciidamada Badda Ee Maraykanka Ah Oo Lagu Amray In Ay Khaliijka Tagaan

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

ODHAAHDA AKHRISTAHA

WAADIGA CIYAARAHA

Samuel Eto’o Oo Raali-Gelin ka bixinaya Gefkii lagaga saaray ciyaartii Barcelona


Madaxweyne Rayaale Oo Qaabilay Sarkaal Ka Socda Madaxtooyadda Koonfur Afrika

"Dagaal qadhaadh iyo u dhabar adayg dhibaato ayuu shacbigani u soo maray la soo noqoshada xornimadiisa"

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay ku qaabilay xarunta Madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa, wefti ka socday dalka Koonfur Afrika oo uu hogaaminayo Welle Nhlapo oo ah u qaybsanaha arrimaha guud ee Madaxtooyadda Dalka Koonfur Afrika.

Mr. Nhlapo iyo weftigiisu, waxay booqasho uu martiqaadkeeda hore ugu fidiyay dalka Koonfur Afrika, Madaxweynaha Somaliland ay ku yimaadeen dalka maalintii Jimcihii ee ina dhaaftay.
"Dagaal qadhaadh iyo u dhabar adayg dhibaato ayuu shacbigani u soo maray la soo noqoshada xornimadiisa iyo dhaqan-gelinta rabitaankiisa, taas oo aan ka noqosho lahayn." Sidaas waxa uu u sheegay Madaxweyne Rayaale weftiga ka socda Koonfur Afrika ee uu hogaaminayay Mr. Nhlapo, kulankii ka dhacay Madaxtooyadda Somaliland, sida uu qoray war-saxaafadeed isla shlay ka soo baxay xafiiska Madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Cabdi Idiris Ducaale. Warkaasi, wuxuu intaa ku raaciyay in madaxa weftiga reer Koonfur Afrika, Mr. Nhlapo uu hore u ahaa Danjirihii Koonfur Afrika u joogi jiray OAU, una qaabilsanaa wadamada gobolka, waxaanu kulankii shalay Mr. Nhlapo uu u sheegay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Rayaale inuu xog-ogaal u yahay arrimaha IGAD iyo shirarkii kale ee loo qabtay arrimaha Soomaaliya, waxaanu arrimahaas sheegay Mr. Nhlapo inuu isagu qabo in marinkii xalku noqon lahaa arrimaha Soomaaliya aan weli la hayn. Wuxuu intaa ku daray inuu aad ugu qanacsan yahay shacbigan (Somaliland), wixii uu qabsaday iyo in aan abaalkeedii la marin.

Qodobada kale ee uu Madaxweyne Rayaale uga waramay weftiga reer Koonfur Afrika, kulankii shalay ee ku qornaa war-saxaafadeedka Madaxtooyadda Somaliland, waxay ahaayeen:

  1. Khaladka taariikhda Somaliland ee Afrika ay u haysato gobol ka go’aya dalkiisii hooyo, taasi oo ka dhalatay midnimada meher la’aanta ahayd ee Somaliland oo xor ahi ay sababta midaynta 5-ta Soomaaliyeed u gashay ay liqday.

  2. Dhibaatadii iyo xasuuqii shacbigan soo gaadhay iyo ka dhabar adayga aqoonsiga dalkan oo buuxiyay shuruudihii sharciga looga baahnaa dal madaxbannaan iyo jidka dimuqraadiyadda ee uu ku socdo ee ay ugu dambaysay doorashadii golayaasha deegaanka.

  3. Garabka aanu uga baahannahay Dawladda Koonfur Afrika in ay inagu taageerto qadiyadeena, isagoo sheegtay in Koonfur Afrika waayo-arag u tahay dhibaatada shacbiga la iska hortaago Aayo ka talintiisa.

Top


Jaaliyadda Somaliland Riyaad Oo Koob Iyo Qalab Ciyaareed Ku Deyday

Hargeysa (Haatuf) Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Arabiya ayaa shalay soo gaadhsiiyay xukuumadda Somaliland koob iyo qalab ciyaareed ay ugu deeqeen Somaliland.

Qalabka ciyaareed iyo koobka oo ay ugu magac dareen koobka dhalinyarada waxay jaaliyada Riyaad ee Somaliland ee ay shalay hadiyadda gudoonsiiyeen madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin oo isna isla shalay ku wareejiyay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Maxamed siciid.

Warkani wuxuu intaa ku daray in koobka dhalinyarada ee ay ku deeqday jaaliyadda Riyaad ay u tartami doonaan laba kooxood oo ay ciyaari dhexmari doonto, waxaa kale oo koobkaas la socda koobab kale oo la gudoonsiin doono gool walaha ciyaarta ugu wanaagsanayd iyo ciyaaryahanka isagu goolka u horeey dhaliya ciyaarta loogu tartamayo koobka dhalinyarada, M/weyne Rayaale ayaa guud ahaan mahad balaadhan u soo jeediyay jaaliyadaha Somaliland ee ku nool dalka dibadiisa, isagoo ku amaanay sida hagar la’aanta ah ee ay uga qaybqaadanayeen dib u dhiska dalkooda iyo taageerada qadiyadda Somaliland, M/weyne Rayaale wuxuu jaaliyadaa Somaliland ee Riyaad ku amaanay taakulaynta ay u geysteen jaamacaddaha Camuud iyo Hargeysa.

Warka qaabilaada M/weyne Rayaale ee Jaaliyadda Somaliland ee Riyaad waxaa uu ka mid ahaa warsaxaafadeed uu shalay soo saaray xafiiska Madaxtooyada Somaliland. 

Top


Baabuurtii U Horeysay Ee Raashinka U Siday Itoobiya Oo Ka Ambabaxday Berbera

Berbera (Haatuf) Madaxwayne ku xigeenka S/L Axmed yusuf Yasiin oo ay weheliyaan wasiirka daakhiliga wasiirka H/G iyo guriyaynta ayaa waxay socdaal ku yimaadeen magaalada Berbera kaasi oo la xidhiidhay khilaaf ku saabsan markabkii raashinka caawimada ah u siday dalka itoobiya ayaa waxa murankaasi ka dhex oogmay iskaashatada baabuurta ee tawfiiq iyo shirka dejintaiyo daabulka ee FAA co. kaasi oo saldhigiisu ahaa sixirka gaadiidka oo laysku maan dhaafay oo FAA.CO ay gaadiidka ku war gelisay 43$ per ton iskaashatada gaadiidkuna ay 49$ istaageen, Hadaba fiidkii xalay ayaa weftigaasi uu Madaxwayne ku xigeenku hogaaminayo uu kulamo la yeeshay labada dhinac ayaa waxay soo goaamiyeen 45$ per ton Goaankaasina waxa uu ahaa mid ay dhaqan geliyeen labada dhinacba waxaana si wada jir ah xalay loogu dhaqaaqay dejintii iyo gudbintii raashinkaasi markabka waxaanay xalay 30kii gaadhi ee u horeeyey ay ka shiraacdeen dekeda magaalada Berbera.

Waxa hadaba madaxweyne kuxigeenka iyo weftigii uu hogaaminayay oo xalay ku sugnaa magaalada waxa uu saaka madaxweyne ku xigeenku soo kor meeray cusbitaalada magaalada berbera iyo iskuulka sare ee bursade school sariibada magaalada berbera oo uu ka socdo dhisme ay gacanta ku hayso haayada habitat oo iyadu gacanta ku haysa maalgelinta dib u dhiskaasi waxa kale oo uu kormeer ku tagay dhinaca dekeda kadibna waxay isla saaka u soo anbabaxeen dhinaca magaalada hargeysa.

Top


Kumaa La Filayaa Inuu Noqdo Duqa Magaalada Berbera?

Faallo - C/raxmaan X. Daahir (Casaan)

Markii shacbiga somaliland markii ay xaqiijiyeen doorashadii golaha degaanka taasi oo ay ku tartamayeen musharixiinta lix xisbi ugu qayb galayay degaankaas,oo ay soo xusheen ururadu hadaba markii ay soo baxday natiijadii 21 xubnood ee tartankaasi ku guulaystay oo ah tiradii loo jaan gooyay degmada berbera ayaa sidii ay horeba dadku u saadaalinayeen waxay qaybi ka soo baxday ama majoorati ay ka soo baxeen xisbiga udub sida uu hadaba xeerka doorashadaasi uu waajibiyay uu maayarkaasi ka soo baxayo xisbigaasi dhibco tirsiga ku qaaday ee udub.

Waxay hadaba dadka reer berbera is waydiinayeen tan iyo intii natiijada ka danbaysay tolow ma Cabdale maxamed carab iyo ninba waa mar e musmakula koraybaa?

Tolow ma Cabdi musbaar 
Tolow ma Siciid daa’uud 
Tolow ma Xasan Gadhwayne iyo lanbar 9 ka rolando iyo marlabaad koobka hantaybaa?

Hadaba in kasta oo ay bulshada reer berbera ku cabiraysay malahooda waxay wiigagaba ku dhega taagayeen xubinta isagu jagadaasi ku guulaysan doona kaasi oo laga filayo in uu buuxiyo ala ha u naxariistee kaalintii Bursade hadaba marka dhinaca kale la xuso kawnsalka talada la wadaagayaa ma yihiin qaar waajibka gudan doona, amaba se marka la barbardhigo Cawl c/laahi mayal adag oo aan xaga jeebka ka werwersanayn dantooda shakhsina ta guud ka hor marin doona hadaba iyadoo wareegan ay bulshada S/L u soo samirtay 10sano in ka badan in maamul kastaaba iyo degaan kastaaba si xor ah uga soo dhex doorto cidii metelaysay deegaanka taasi oo habka laga guuray uu ahaa maamulkii laga soo magacaabi jiray hogaanka sare ee dalka kaasi oo loo igman jiray inuu xukuumada iyo dadka u dhaxeeyo,hase yeeshee ay maanta bedeshay in musharixiintaa degaanka laga soo doortay in ay biriish u noqdaan maayarka ay iska soo xulaan iyo shacbiga iyadoo ay hore dhibaato u kala haysatay maayarka ay xukuumadu soo magacawdo iyo bulshada oo had iyo jeeraale eedu ay ahayd wax uu u xagliyaa dawlada ama waxa uu ka fushadaa danihiisa u gaarka ah xilka saran, Hadaba inkasta oo ay maanta hor taalo nin xil qaaday eed qaad kownsalka berbera ayaan intaan magacaw maayarba la gaadhin waxa aan weli shacbiga reer berbera u muuqan maqaalufo iyo talo midaysan oo xubnahaasi degaanka ka soo baxay ay leeyihiin ayaa waxa ay dad badani qabaan in aanay jirin wax qorshe ah ama xidhiidh ah oo kawnsalkaasi u meel yaala iyadoo talaabadii ugu horaysay ay dad badani ka biyo diideen markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada xisbiga isagu ugu xubnaha badan sidii uu isagu mid waliba maayar u noqon lahaa,siiba udubiyadoo aanay meesha ka madhnayn xurguf siyaasadeed loolankii tartankii laysku garbinaayay in ay maqaaluf xumadaasi ay dabartay sidii ay hogaan ugu noqon lahaayeen danta bulshada hadaba qodaxi yeelkeede qardoofooyinkii hore waxa ka qiima roon iyagoo qabyada berbera u midaysnaada si aanu shacbigu u noqon dad codkoodii qadhaadh ku beeray .

Top


Dagaalka Kooxaha Puntland, Istaraatijiyada Dedan Ee Dawladda Somaliland Iyo Dareemada Walaaca Leh

By A. Ducaale 

Axadii toddobaadkii hore waxa dagaal ka dhex-qarxay ninka madaxda ka ah maamul-goboleedka Garoowe, C/laahi Yuusuf Axmed iyo mucaaradka ka horjeeda ee garabka Jaamac Cali Jaamac, iyadoo uu ciidamada Jaamac Cali Jaamac ee dirirta kula jira C/laahi Yuusuf hadda hor-kacayo ninka la yidhaahdo janaraal Cadde Muuse Boqor, wuxuuna dagaalkaasi ka dhacay degaamo ku yaal bariga fog ee dhulka maamul-goboleedka Puntland, dagaalkaasna waxay labada dhinac-ba qireen inuu ka soo gaadhay khasaare weyn oo dhimasho iyo dhaawac dad ah, isla markaana waxay wararku sheegeen inay labada dhinac kala qabsadeen maxaabiis ciidan iyo saanad milateri.

Inkasta oo ay labada dhinac-ba dhibaato culusi ka soo gaadhay dagaalkaa, hadana waxay wararku sheegeen inuu dagaalku si gaar ah u riiqay dhinaca mucaaradka, iyadoo ay wararku tibaaxeen in dhinaca mucaaradka ugu yaraan saadku ka kala go’ay, taasina waxay keentay in goosan ka mid ah ciidamada mucaaradka oo uu hogaaminayo Cadde Muuse ay u soo talaabaan dhinaca Somaliland, halka ay goosamo ka mid ah ciidamada Cadde Muuse la sheegay inay ku sugan yihiin jiidihii dagaalku ka qarxay bilowgii. Hase yeeshee C/laahi Yuusuf markii uu taa ogaaday waxa uu ku dedaalay inaanay ciidamada mucaaradkiisu isu talaabin, sidaa darteed waxa uu culus weyn oo dagaal saaray goosanka u soo firxaday dhinaca Somaliland, taasina waxay keentay inay ciidamada C/laahi Yuusuf iyo ciidamada Cadde Muuse, iyaga oo is-baacsanaya iskala soo talaabaan meelo ka mid ah xuduudka bariga Somaliland, gaar ahaan jiidaha gobolka Sanaag, waxaana la sheegay inay firxadka goosanka ciidamada Cadde Muuse soo gaadheen jiidaha degmada Ceel-afweyn, isla markaana waxay wararka qaar tibaaxeen inuu C/laahi Yuusuf ku hanjabay in hadii aanay Somaliland iska soo saarin Cadde Muuse iyo ciidanka uu wato uu halkooda ku weerari doono, isaga oo C/laahi Yuusuf ciidamada ka horjeeda ku tilmaamay kooxo shufto iyo argagixiso ah.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland waxay leeyihiin xad aad u dheer, isla markaana waxa jira xidhiidho ijtimaaci ah, sida: Ganacsi, ood-wadaag IWM. Sidaa darteed dagaalka Puntland ka dhaca ama ka socda koleyba saamayn waa ku yeelanayaa, laakiin haddda waxaad moodaa inuu dagaalka Puntland uga soo dhowaaday Somaliland intii ay ahayd inuu markii hore u soo jirsado, isla markaana waxay waayo marka hore labadii dhinac-ba iyaga oo is-baacsanaya ayey isla soo galeen gudaha Somaliland, marka taa laga yimaadona ciidamo ku hubaysan tikniko iyo saanad milateri ayaa fadhiya gudaha Somaliland, sidoo kale waxay tibaaxaha qaar leeyihiin ciidamada C/laahi Yuusuf laftoodu kama dheera xuduudka Somaliland ama gudaha ha jooogeen ama debedda haka soo kulaaleene. Sidaa darteed daagalkii ka bilaabmay bariga fog ee dhulka maamul-goboleedka puntland maanta waxay dad badan oo reer Somaliland ahi ka werwer qabaan in la isku dhex-qabsado.

Maalin ka dib markii uu dagaalku ka qarxay Puntland waxa magaalada Burco la keenay tobaneeyo qof oo dhaawac ah ka tirsan dhinaca mucaaradka.

Inkasta oo ay maamulayaasha dawladda Somaliland sheegeen in iyaga oo dhinaca aadaminimada ka eegaya ay dhaawacaa ogolaadeen in dalka la soo gelayo, hadana marka tafsiir siyaasiya la saaro waxay noqon kartaa in mucaaradka C/laahi Yuusuf ku kacsan loo ogolyahay inay isticmaalaan cusbataalada Somaliland. Sidoo kale ciidanka Cadde Muuse ee soo galay jiidaha gobolka Sanaag marka hore maadaama ay yihiin niman ay dabada ka wadaan cadaw col u naxariis darran oo hadii uu gacanta ku dhigo aan bixinayn waxa uu ma dhaafaanku yahay in laga magan-geliyo colka, mar labaadkana waa in hubka la dhigo, laakiin sida ay wararka qaar tibaaxayaan waxaad moodaa in la magan-geliyey iyaga oo hubkoodii haysta. 

Mooyi hadii ay jiraan talaabooyin iyo istaraatijiyad aan la wada ogayn oo ay qaaday, laakiin dawladda Somaliland ilaa hadda jawaab la maqlay qawl iyo ficil-ba kama bixin dagaalka ay gudaha Somaliland isla soo galeen C/laahi Yuusuf iyo mucaaradkiisa ay dirirtu ka dhax-ooggan tahay. Laakiin xan-shaashaqa siyaasaddu wuxuu leeyahay malaa dawladdu waxay la jirtaa dhinaca mucaaradka, iyadoo ay wararka la isla dhexmarayo qaarkood tibaaxayaan Sawtal-faahim siyaasadeed oo dhexmaray mucaaradka hubaysan ee uu hadda hogaaminayo ninka la yidhaahdo Cadde Muuse iyo maamulayaasha dawladda Somaliland, laakiin lama oga nuxurka Sawtal-faahimkaa. Hase yeeshee hadii ay taasi jirto dhinac marka laga eego dawladdu way yeellan kartaa garawshiinyo siyaasadeed, waa hadii ay ku dacwado "Waqtigan xaadirka ah anaga iyo C/laahi Yuusuf iskuma wanaagsanina siyaasiyan, weliba maadaama uu sheeganayo degaamo Somaliland ah colaadi waa noo hurti la’, isla markaana hadda waxa raadkiisu qoyan yahay falal dagaal oo uu noo geystay maamulkiisu, sidaa darteed hadii aanu gacan-siino mucaaradkiisa waa qayb ka mid ah dirirta aanu kula jirno ama la gelayno, taasina ma aha mid ceebi naga raacayso, waayo waa xirfado dagaal oo dunida ka dhaca". Laakiin waxa jirta dood kale oo taa barbar taal, taas oo odhanaysa dhinacyada ku diriraya Puntland inay Somaliland dhinac-na garabka saarto ma aha, iyadoo dacwadda caynkaas ahi daliishanaysa sababa dhawr ah.

Marka hore hadii ay dawladda Somaliland gacan saar la yeelato dhinacyadaPuntland ku diriraya dhinac ka mid ah, waxay taasi dhaawici kartaa nabadda iyo xasiloonida Somaliland, dawladduna sharax kama bixin awoodda ay u leedahay inay nabadda iyo xuduudaheeda xafidi karto, waa hadii ay istiraatijiyadeedu tahay inay mucaaradka C/laahi Yuusuf gosha soo geliso, iyadoo muraad siyaasadeed ka leh. 

Ta labaad mucaaradka C/laahi Yuusuf ka horjeedaa waa garabka Jaamac Cali Jaamac, iyadoo ay labadaa nin (C/laahi & Jaamac) yihiin laba nin oo isku eeday hogaaminta Puntland, sidaa darteed waxay dad badani iswaydiinayaan waa maxay sababta aynu Jaamac Cali Jaamac iyo C/laahi Yuusuf u kala xigsan karnaa, waayo Jaamac Cali Jaamac iska daa markii uu Puntland ka talinayey oo xataa waxa uu ahaa ninka, iyadoo aanay waxba faraha ugu jirin oo debedaha meerasyanaya lahaa "Sool iyo Sanaag bari ma aha Somaliland ee waa Puntland", ee weliba lahaa anigaa ka taliya. Taas darteed Jaamac iyo C/laahi midna uma damqanayo Somaliland, Weliba hadii la eego waxa sii fog Jaamac Cali Jaamac waayo waxa uu ku xidhan yahay kooxda loo yaqaan Carta ee uu madaxda ka yahay C/qaasin Salaad Xasan, iyadoo ay weliba wararka xuluulaha siyaasadda ka soo maaxanayaa leeyihiin arimuhu ka sii daba-dheer, taas oo la leeyahay gulufka dagaal ee ay hadda soo qaadeen waxa uu raad ku leeyahay meelo fog-fog oo ay kooxda Carta ugu sokayso ilaa Carabaha ilaa dalal kale oo mandaqadda ku yaal, taasina ay dagaal sal-balaadhan oo la doonayo in C/laahi Yuusuf lagaga takhaluso, halka dhinaca C/laahi Yuusuf-na la leeyahay taa uma garab iyo gaashaan la’ ee waxa jira dawlado iyo dhinacyo kale oo mandaqadda iyo meelo kaleba ah oo uu dabada ku hayo.

Nin ka tirsan saraakiisha C/laahi Yuusuf ayaa waraysi uu labadii bishan siiyey idaacadda BBC-da, barnaamijkeeda Focus On Afrika waxa uu ku sheegay in hubka ay ka qabsadeen mucaaradka ku kacsan ay ka mid ahaayeen qoryo cusub oo ay dawladaha Carabtu soo siiyeen. Dhinaca kalena garabka Jaamac Cali Jaamac ayaa dawladda Itoobiya ku eedeeyey inay gacan siinayso C/laahi Yuusuf. 

Sidaa darteed dadka arimaha siyaasadda odorosaa waxay leeyihiin hadii ay Somaliland dhinacyada Puntland ku hirdamaya dhinac gacan saar la yeelato armay taasi siyaasadda arimaha siyaasadda debedda ee Somaliland Sun iyo Waabay ku soo daacdaa, halkaana ay Somaliland kaga soo hurtaa xiisad siyaasadeed oo hor lihi. 

Dad badani waxay u arkaan inay dawladdu si toos ah u waajahda C/laahi Yuusuf talaabada ay qaadaysaa af iyo adin waxay doonto ha ahaatee. Hase yeeshee hadii ay arintu noqoto inay ciidamada C/laahi Yuusuf iyo kuwa Jaamac Cali Jaamac isku er-eryadaan degaamo Somaliland ah, taasi waxay halis ku tahay xasiloonida Somaliland ee hadda aadka u jimcoon. Laakiin si kasta wax haw jireene hadii ay sida la tuhunsan yahay istaraatijiyadda siyaasadeed ee dawladda Somaliland inay garab siiso mucaaradka C/laahi Yuusuf, markaa dawladdu iyadaa og danta iyo nuxurka siyaasadeed ee ay ku salaysay, laakiin waa in laga feejignaado inay talaabadu noqoto mid Somaliland u soo wareejisa furin dagaal iyo cunsur dhinaca siyaasadda ah oo awel ka fogayd, taas oo macneheedu yahay in waxa laga werwerka qabaa uu yahay dagaalkii gudaha Puntland ka socday oo si hawl-yar ugu soo wareega gudaha Somaliland iyo inay Somaliland dhabanaano aanay filayn kala kulanto bakooradaha ay hoosta isaga ruxayaan dawladaha mandaqadda iyo xulafooyinkooda dusha ka ilaashanaya iyo inay weliba ku dhex-milanto kooxaha ku hirdamaya degaamada Somaliland, iyadoo ay dawladaha mandaqadda bariga Afrika ku hirdama ay beryahan dambe Itoobiya iyo Jabuuti lagu tilmaamo labada isugu qanjiidhada badan, isla markaana ay dad badani iswaydiinayaan siyaasadda arimaha debedda ee dawladda Somaliland labada dhinac (Itoobiya & Jabuuti) midkee bay la haysaa. 

Top


20-Guurada Hawl-Galkii Lagu Jebiyay Mandheera 1983-Kii

Q: 2aad

Intiinii akhrisatay cadadkii Haatuf 238 ee soo baxay jimcihii waxaynu ku soo qaadanay qaybtii hore ee maqaal taariikheed ka hadlaya hawlgalkii ay dagaalyahankii ka tirsanaa ururkii SNM ay ku jabiyeen jeelka Mandheera 03/01/1983-kii oo ay ka sii daayeen kooxo odayaal iyo wax garad kale isugu jiray oo uu taliskii Siyaad Barre ku xidh-xidhay xabsigaa.

Qorman qaybteedii hore waxaynu kaga soo hadalay iyadoo ay dagaalyahankii hawl-galkaa fuliyey ka dhaqaaqeen goobtii ay ku diyaar-garoobeen, una kolonyeysteen goobtii ay hawl-galka ka fulinayeen oo ahayd xabsiga Mandheera, waxaana hawl-galkaa ka waramay Ilaahay ha u naxariistee C/Xakiim Maxamed Aaden (Sumuli) oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii hawl-galka lagu jebiyey xabsiga Mandheera , laakiin C/kaxiin Sumuli waxa waraystay C/laahi Cukuse, iyadoo waraysigaa la qaaday sannadkii 1992kii, cajalada warasyigaasi ku duubnaana waxaanu ka helnay Boobe Yuusuf Ducaale.

Sheekadu waxay ku joogtay, iyadoo maraysa ciidankii dagaalyahanka oo ay meesha la yidhaahdo Go’da Weyn u galeen 15 isjiid oo ciidankii taliskii Siyaad Barre ah oo halkaa hurda, waxaana dagaalyahanka SNM halkaa kaga biyo belay baabuurkii ay wateen, iyaga oo ku sugan meel magaalada dacalkeeda ah, balse C/Xakiim iyo mujaahid kale ayaa ku noqday magaalada si ay biyo uga soo dhaansadaan, balse labadaa nin meel ay biyo ka dhaansanayeen ugu yimid askari ka mid ah ciidankii Siyaad Barre ee meesha joogay, wuxuuna askarigaasi labadaa nin weydiiyay cidda ay yihiin, waxayna ugu jawaabeen, "Waxaanu nahay boolis la socday ciyaartoy Ceerigaabo ka yimid".

Muj: Maxamed Kaahin Axmed oo ahaa taliyihii aagga bari ee ay ciidamada SNM ee hawlgalkaa fuliyey ka dhaqaaqeen, oo ay xaruntiisu ahayd gaashaamo ayaanu wax ka waydiinay hawl-galkaa.

Muj; Maxamed Kaahin waxa uu hadda joogaa magaalada Hargeysa, wuxuuna isaga oo hawlgalkaa ka hadlaya yidhi "dhacdadani waxay ku soo beegantay xili uu taliskii Siyaad Barre cadaadis ku hayay dadkii Soomaaliyeed ee uu xukumayay iyadoo markaa jeelka Mandheera lagu xidh-xidhay rag badan oo waayeel ahaa oo intooda badan laga ururiyay magaalada Hargeysa. Waxaana lagu xidhxidhay Mandheera.

Taana ujeedada uu taliskii Siyaad ka lahaa waxay ahayd inuu cabsi iyo argagax ku abuuro dadka shacabka ah si aanay wax dhaqdhaqaaq ah u samaynin. Waxaa markaa gudaha ku sugnaa oo xidhiidhinta hawlgalka ka waday geesigii caanka ahaa, mujaahidkii Qaaliga ahaa. Muj: Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) isagoo bil ka hor noogu yimid Gaashaamo. Waxaana soo qaaday Muj: Aaden Dayuur, isagoo Lixle intuu caadi uga qaaday Hargeysa caadina ugu soo noqday.

xiligaasi waxa uu ahaa wakhti ay hawlo ka socdeen jiidaha bariga oo ay gurmad ugu yimaadeen qaybtii SNM ee galbeedka raga noo yimid oo ay hadda inyariba ka nooshahay waxa ka mid ahaa, Aaden Shiine, C/Qaadir Koosaar, Aaden Saleebaan, Dayib Guray, Mahdi Cali Sheekh iyo Rag kale oo badan.

Markaa Muj: Lixle wuxuu la yimid fikrad ah maadaama uu cadaadis badani dadkii gudaha ka haysto maadaama lala dagaalamayo dadka qiyamkoodii waxaa loo baahanyahay in hawlgalkii Mandheera oo kale la fuliyo si dadka Mooralkooda sare loogu qaado taliska Siyaad Barre-na loo tuso in dadka uu boholaha ku guray ay jiraan qaar kale oo halgamayaa oo u hiilinaya, taasoo fajiciso ku ridaysa. Run ahaantii fikradaasaa sal u ahayd hawlgalka.

Ka dib hawlgalka ayaa la qorsheeyay iyadoo u fikradda iyo fulintaba lahaa Muj: Lixle oo isagu markaa gudaha ku soo laabtay iyadoo ay rag kalena la shaqaysanayeen" ayuu Yidhi Muj: Maxamed Kaahin Axmed isagoo ka waramaya sidii uu ku yimid qorshaha hawlgalkaa lagu jabiyay jeelka Mandheera.

Bal haddaba aynu dib ugu noqono Muj: C/Xakiim oo inooga qaada sheekada halkii ay maraysay waxaanu yidhi: "Halkiisii baanu istaagay askarigii noo yimid, waxaananu go’aan ku gaadhnay aniga iyo inankii kale ee Mujaahidka ahaa, haddii uu qofkale la hadlo inaanu ku bilawno rasaasta, balse nasiib wanaag cidna lamuu hadlin, waanu iska dhaafnay markaanu marayno Go’da Weyn oo aanu u socon xagga Cadaadlay anaga oo u socona xaga buurta Gacan Libaax oo uu kusii jiray Lixle markaanu gaadhnay wadadii aanu ka kori lahayn buurta Gacan Libaax ayaanu aragnay iyadoo ay fadhiyaan 250 nin oo uu noogu sheegay afgarasho ahaan. Markaasaan iska soo noqonay, markaanu soo noqonay ee aanu marayno Go’da Weyn ayaa waxaa naga horyimid, 15isjiid oo ah ciidankii Taliskii Siyaad Barre ee aanu ku soo dhaafnay Go’da subaxnimadii markaanu aragnay waxba ismaanu shidin ee wadada ayuun baanu dhinac uga baydhnay oo aanu yara fadhiisanay iyaguna way na dhaafeen.

Waxaan aad iyo aad baan u xusayaa 45kii Mujaahid ee hawlgalkaa nala fuliyay waliba si gaar ah waxaan u xusayaa Dirawalkii gaadhiga noo waday oo ahaa nin aad u calool adag isagoo ahaa nin aan u dhalan deegaankaa aanu hawsha ka wadnay, halkii baanu gaadhigii kaga degnay anaga oo gaadhigii ka dhignay mid dhuxul siday intaanu dhuxul marmarinay saddex mujaahidna waanu raacinay oo aanu iyagana dhuxul marmarinay si loo moodo kuwii dhuxusha xamaalayay.
9:00 Subaxnimo ayay naga tageen iyagoo 7:00 caweysnimo Gaashaamo gaadhay. Maxamed Kaahin oo ahaa taliyihii Saldhiga ayay riboodhkii u geeyeen.

Anaguna alaabtayadii ayaanu tunka ku qaadanay, 45 nin ayaananu ahayn, anagoo u kolonyaysanay halkii uu ku jiray Maxamed Xaashi (Lixle).

Markii aanu kulanay hadalkii ugu horeeyay ee uu na yidhi wuxuu ahaa qof aan tukani ma idinku jiraa? waa erayga aanan waligay ilaaweyn dhawr mujaahid ayaa yidhi "Haa" wuxuu yidhi ina geeya durdurka waynu waysaysanaynaa waanaynu wada tukanaynaa qof aan tukani dagaalka nala gali maayo. 

8 maalmood ayaanu sahan ku samaynay jeelka Mandheera. 25 December, 1982kii ayaanu soo galnay buurta Gacanta Libaax weerarkana waxaanu ku qaadnay 02/01/1982.

Muddadaana, waxaanu wadnay diyaar-garaw, anaga oo cidii noo soo gasha qabanaynay, si aan naloo ogaan. 

waxaa kaliya oo noo yimid wiil geel jire ah oo aanu nidhi nala fadhi, subaxii dambe ayuu yidhi geel baa iga tagaya waananu sii daynay anaga oo ku nidhi afka juuq haka odhan nasiib darro hawlgalkaa ka dib ayay dileen ciidamadii Barre, isaga oo yidhi nimankaa waan arkay.

Socodkii ayaanu ka bilawnay 4tii galabnimo Aadan Subsade oo ah doox Gacan Libaax hoosteeda ku yaala, qorshahayagu wuxuu ahaa inaanu Abdaal tagno oo aanu ka qabsano 3 ama 4 baabuur oo Land Crussier ah oo aanu hawlgalka ku fulino.

9:00 fiidnimo ayaanu istaagnay wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa ilaa 3:30 ayaanu waynay wax baabuurtii aanu doonaynay ah oo wadada soo mara, balse 3:30 ayuu gaadhi eneteree ah oo madhani soo maray kii baanu qabanay waxaananu dultagnay Mandheera si aanu hawlgalka u fulino. Halkaasoo aanu isku qaybinay laba qaybood oo kala ah 29 aan wato waxaa loo diray xerada Milatariga oo ay degenayeen 1500 askari oo laga hayo gaadh 6 meelood oo min 8 ah.

La Soco...

Top


"Haddii ay dadweynuhu Booliska gacansiiyaan dambiilaba baxsan kari mayo"

Taliya Booliska C/qaadir Muuse Maxamed

Hargeysa (Haatuf): Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland, C/qaadir Muuse Maxamed, ayaa cadeeyay in loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, 2 nin oo uu ka mid yahay Farxaan Maxamuud Kabadhe oo ah ninka ku eedaysan inuu yahay gacan ku dhiiglihii dilay Juti Martin oo u dhashay dalka Switzerland oo lagu toogtay toddobaadkii hore magaalada Hargeysa. Sidaas wuxuu ugu waramay xalay Taliye C/qaadir, Wargeyska Haatuf, isagoo arrintaas ka sii waramayana, wuxuu sheegay Taliyuhu in weli ay socoto baadhitaankii sababta keentay dilkii ninkaas Juti Martin ee Makhribnimadii maalintii Isniintii ee toddobaadkii hore iyo in Maxkamadda la geyn doono eedaysanayaasha marka ay dhammaato baadhitaanka Booliska ee arrinta dilkii ninkaa reer Switzerland, Juti Martin.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland, C/Qaadir Muuse Maxamed, isagoo ka hadlaya gacanta ay Boolisku uga baahan yihiin dadweynaha, si ay u qabtaan dambiilayaasha, wuxuu yidhi; "Boolisku ma taagna meel kasta, cida caawimada laga doonayaa waa dadweynaha. Dadweynaha, ayaa had iyo jeer meel kasta jooga, markaa waxaa loo baahan yahay in booliska gacan lagu siiyo hawshooda. Waxaa dhici karta in ay qariyaan qofka dambiilaha ah, taasina dhibaato ayay keentaa, haddii ay dadweynuhu Booliska gacan siiyaan dambiilaba baxsan kari maayo. Inta badan dambiilayaashu, waxay ku baxsadaan waxa weeyi war la’aan (information), yacnii kii waleed wax weydiisaa wuxuu odhanayaa garan maayo, taasi waxay ka sii hadhay dawladihii cadaadiska ahaa ilamaa gumaysigii waa hadhaa, dawlad ka carar ah, Dawladda maxaa kaa galay. In dawladdu toodii tahay oo iyaga loo shaqaynayo, nabadgelyadooda in ay fahmaan weeyi."

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland, wuxuu ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay Ciidankii Booliska ee ka hawlgalay baadhitaanka iyo soo qabashada kiiskii dilka ahaa ee loo geystay Juti Martin, waxaanu sheegay Taliyaha Booliska Somaliland, in hawlwadeenadii Booliska ee ka qaybqaatay hawshaas ay dedaaleen.

Top


Gabadh Soomaaliyeed Oo Ka Mid Noqonaysa Baarlamaanka Dalka Holland

By Geraldine Coughlan 

BBC - Ayaan Xirsi Cali oo Qaxootinimo ku tagtay dalka Holland, ayaa u dhow in ay ka mid noqoto Baarlamaanka dalka Holland, bishan 22-keeda.

Ayaan Xirsi Cali, waxay ahayd gabadhii dhawaan dhaliilo u soo jeedisay sida uu Islaamku ula dhaqmo haweenka oo sheegtay in la cadaadiyo haweenka Islaamka. Arrintaas awgeed, waxay Ayaan la kulantay hanjabaado ah in la dilli doono.

Ayaan Xirsi, waxay dhawaan raali-gelin ka bixisay hadal ay hore u tidhi oo ahaa in ay Diinta Islaamku tahay Diin dib-u-socod, laakiin waxay Ayaan weli mowqifkeedii hore ka taagan tahay sida Islaamku uu ula dhaqmo haweenka.

Ayaan Xirsi Cali, iyadoo fadhida xarunta xisbiga VVD oo ay ilaaliyayaasheedu (Bodyguards) ku sugayaan dibadda xafiiska, ayaa ka warantay in weli ay jiraan kooxo yar oo Muslim ah oo doonaya in ay iyada waxyeelleeyaan. 

Ayaan, iyadoo weli ku jirta iska ilaalinta ay kaga gashamanayso dad ugu hanjabay in ay dilli doonaan, ayay haddana waday in ay ka mid noqoto xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Holland, waxayna ku biirtay Xisbiga Xorriyadda iyo Dimuqraadiyadda ee Holland (VVD), waxaanay ka soo wareegtay Xisbiga Shaqaalaha (labor Party), iyadoo sheegtay in ay ugu soo wareegtay xisbiga VVD oo ay rumaysan tahay inuu aad ugu diyaarsan yahay inuu wax ka qabto mushkiladaha haysta dumarka Muslimka ah.

Ayaan Xirsi Cali, waxay mar labaad Bartilmaameed u noqotay doodo kala duwan iyo arrimo xasaasiya, sida dadka magangelyada doonaya, dadka laga tirada badan yahay iyo arrimaha siyaasiga ee Heerka Sare ah.

Top


45 Kun Oo Ciidamada Badda Ee Maraykanka Ah Oo Lagu Amray In Ay Khaliijka Tagaan

Washington (Reuters): Aqalka looga taliyo ciidamada Maraykanka ee Pentagon, ayaa amray in 45, 000 oo ciidamada badda ee Maraykanku ay tagaan dhinaca Khaliijka oo ay ku biiraan kumaankun ciidamada Maraykanka ah oo joogay gobolkaas.

Ciidamada Badda ee Maraykanka ee aqalka Pentagon u dirayo Khaliijka, waxay ka mid yihiin qaybta koowaad ee ciidamada badda ee Maraykanka oo fadhigoodu yahay Kalifoorniya, waxaanay xoojinayaan ciidamada uu Maraykanku u diyaargaraynayo weerar uu ku qaado Ciraaq ee jooga gobolka Khaliijka iyo gobollo kale oo u dhow.

Ambabaxa ciidamada badda ee ka ambabaxaya Kalifoorniya, wuxuu afhayeen u hadlay ciidanka koowaad ee Ciidamada Badda ee Maraykanku uu maalintii jimcihii ka sheegay saldhiga ciidamadaas ee Pendleton oo ku yaalla gobolka Kalifoornia in toddobaadkan ay heleen amarka dhaqaajinta ciidamo tiro badan, laakiin muu xusin tirada guud ahaan uu amarkaasi farayo in la geeyo gobolka Khaliijka. Laakiin, Saraakiil Milateri oo aan magacooda la xusin oo ka tirsan Maamulka Maraykanka, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters, in ciidan, diyaarado iyo saanad milater loo qaadayo gobolka Khaliijka. Warkani, wuxuu intaa raaciyay in xero milater oo la yidhaa Lejeune oo ku taalla Waqooyiga Kaloriina in iyadana la filayo in ciidamo ka ambabaxaan.

Hore waxa loo qaaday 11,000 oo ka tirsan ciidamada lugta ee Maraykanka oo iyagu ka tegay guutada fadhigeedu yahay gobolka Joorjiya. Waxaa iyagana hore loo geeyay gobolka Khaliijka, boqolaal ka hawlgala sirdoonka iyo Injineero ka yimid dalka Jarmalka.

Hadda oo ay Khaliijka ku sugan yihiin 60,000 oo ciidamada Maraykanka ah, si ay uga qaybqaataan weerar, haddii uu Madaxweyne Bush amro in dagaal lagu qaado dalka Ciraaq, waxaa la filayaa in tirada ciidamada Maraykanka ee jooga Khaliijku ay laba jirbaarmaan toddobaadadan soo socda.

Maalintii jimcihii, wuxuu Madaxweyne Bush kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada Maraykanka saldhiga Fort Hood ee Gobolka Texas, waxaana ka mid ahaa hadaladii uu halkaa ka yidhi Madaxweynaha Maraykanku; "Saacaddii kama-dambaysta ahayd way inagu soo dhowdahay oo fooday inagu soo haysaa. Taas oo haddii aynu dagaal kaga hortagno Ciraaq, Maraykanku wuxuu u diyaargaroobay inuu ku guulaysto, haddii xoog lama huraan uu noqdo si hubka wax gumaada looga dhigo Ciraaq, si aanu u badbaadino dalkeena oo aan nabadda u ilaalino, Maraykanku wuxuu u fulinayaa si aan hagar lahayn. Maraykanku, wuxuu u dhaqaaqayaa si weyn, waayo, waxaynu leenahay milateriga dunida ugu wanaagsan."

Madaxweynaha Maraykanku, wuxuu ku sheegay khudbadaa uu u jeediyay ciidamada dalkiisa ee deggen saldhigga Fort Hood ee ku yaal Killeen oo qiyaas ahaan tiradoodu tahay 42,000, in 1,600 oo ka mid ah loo qaadi doono meel ka baxsan dalkooda.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 59aad

Mingistu: Waxa jirta arin khalad ah oo inta badan laga sheekeeyo oo aan aniguna maqlay iyadoo laga sheekaynayo, arintaasina waxay tahay, waxaan maqlay iyadoo la leeyahay Janaraal Amaane waxa uu magaca ku helay dagaaladii 1960-kii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliya, laakiin sidaa may ahayn ee janaraal Amaane waxa uu hogaamin wanaagsan muujiyey dagaaladii dhacay 1961-kii, dagaaladaas oo ka dhacay meesha la yidhaahdo Dannoot (Bariga Itoobiya). Hase yeeshee dagaaladii dhacay 1963-kii ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliya janaraalkii geesinimada weyn ka muujiyey waxa uu ahaa janaraal Ababe Gamaada, markaa dagaaladii ay Somaliya xiligaa nagula jirtay oo ahaa ku dhufo oo ka dhaqaaq ninkii halganka weyn ka muujiyey waxa uu ahaa janaraal Ababe Gamaada, laakiin ma ahayn janaraal Amaane, sidaa darteed waxyaalaha janaraal Amaane lagu faanin jiray waxa ka mid ahaa inuu ciidamada wax baro iyo sidoo kale inuu ciidamada had iyo goor dhiiri geliyo oo mooralkooda dhiso, gaar ahaan waxa uu ciidamada mooralkooda kicin jiray xiliyada dagaalka, markaa waxyaalahaa ayey ahaayeen waxyaalihii uu ciidamada kaga kasbaday kalgacaylka iyo kalsoonida, balse inuu noqdo hogaamiye wanaagsan iyo inuu noqdo taliye wanaagsan oo ciidan kuwa ku taageeri jiray ayaan anigu ka mid ahaa.

Xubnihii dhergigu sidii ay u dhamaayeen waxay janaraal Amaane u doorteen maamulkii wada jirka ahaa ee qoomiyadaha, laakiin janaraal Amaane, aniga iyo kuwa kale ee xidiglayaasha ah waanu u sinayn maamulka qoomiyadaha , markii shaqooyinka gaar-gaarka ah naloo qaybiyeyn janaraal Amaane waxa uu ahaa shir-gudoonka golaha wasiirada, anigana (mingistu) waxa lay magacaabay xubnaha ismaamulka qoomiyadaha ama maamulka shir-gudoonka golaha dhergiga (abaabulaha shirarka), isagana (Amaane) waxa loo magacaabay gudoomiye, iyadoo si gaar ah loogu xil-saaray inuu xidhiidhka aduun-weynaha wakiil ka noqdo, laakiin dhinaca sharciaga lama siin awood gaar ah, marka taa loo eegona janaraal Amaane wax gaar ah oo awood ah muu haysan.

Ganat: Adiga (Mingistu) iyo Amaane colaad baa idin dhextaalay, markaa si ay meesha uga baxdo miyaad ka shaqaysay ama aad wax ka qabatay?

Mingistu: Maalintii la dilay janaraal Amaane anigu waxaan kexeeyay oo aan gurigiisa ugu geeyey niman ay ka mid yihiin: Fisahaa Dasta, Daballa Dinsa, Adnaafu Abaate, Taka tulu iyo nin kale oo kornayl ahaa oo aan magaciisa ilaaway, laakiin ahaa ninka intayadaa noogu da’weynaa, isla markaana ahaa sarkaal ka tirsanaa qaybaha isgaadhsiinta ciidamada. Dabadeedna janaraal Amaane markii aanu gurigiisa ugu tagnay inbadan ayaanu maslaxaynay, waxaana la hadlay nimankii kale ee ila socday oo ku yidhi "Mudane sidaa ka daa oo ka soo noqo mawqifka tegista ah ee aad qaadatay oo xataa hadii aanu anagu khalad samaynay inaad naga tagto maahee waa inaad na waaniso oo aad wax noo sheegto, laakiin hadii aad sida caruurta noo saydho aniguna taa waanu ka xumaanaynaa, hawshuna way fool-xumaanaysaa, markaa sidaa inaad yeesho kaamaanu filayn, sidaasina uma wanaagsana inaga iyo dalka toona. 

Ta kale ma jirto wax aad nagaga duwan tahay ee isku mid ayeynu nahay, isla markaana inbadan ayey adiga iyo Mingistu arintiinu soo noq-noqotay, laakiin hadda ka hor waxa jiri jiray is-afgarad idin dhexmari jiray, sidaa darteed iminkana adiga iyo gaashaanle Mingistu Xayle Maryam sidii aad awel-ba u wada hadli jirteen ee aad arimihiina u dhamaysan jirteen u dhamaysta intaa aanay shicibku idin maqal, ta kale gaashaanle Mingistu hadii ay jirto wax uu sameeyey noo sheeg, waayo marka la ogaado halka uu khilaafku ka jiro ayaa la isa soo horfadhiisan karaa oo xal laga gaadhi karaa", Laakiin janaraal Amaane haba yaraatee taa ma ogolaan. Dabadeedna inta aan dhawr goor hadalka ku cel-celiyey ayaa sidii aan ula hadlayey ka caajisay, sidaa darteed-na markii uu isa soo taagay waan-waantii waanu sii wadi kari waynay oo halkaas ayey ku xidhantay. Ta kale markii aan xaaladiisa eegayna iilama uu muuqan nin hagaagsan, indhihiisuna waxay ahaayeen kuwo aad moodo inay kaa dusayaan, waxaana laga yaabaa inuu habeenkii oo dhan khamri cabayey, sidaa darteed muuqaalka Amaane ee maalintaasi si kale ayuu ila noqday, janaraal Amaane muu ahayn kii aan hore u aqaanay. Laakiin markii aanu ka quusanay ayaan anigu idhi "Ka warama hadii aynu hadda iskaga tagno oo aynu maalin kale u nimaadno", laakiin qoladii kale ee ila socotay oo aan iyagu aqoon dheer u lahayn sidayda waxay ka cadhoodeen jawaabta uu na siiyey iyo diidmada adag ee uu nagala horyimi. Hase yeeshee markii aanu ka nimi ka dib si toos ah umaanu wada hadlayn ee cid baa wararka noo kala gudbinaysay, arintiisana golaha dhergigu way ka wada xanaaqeen oo go’aan ayey ka gaadheen, laakiin waxaan u malaynayaa in markii aanu xafiiska ku laabanay laygu yidhi Amaane telefoon ayuu soo diray, waxaana I soo gaadhay fariin odhanaysa Amaane wuxuu leeyahay gaashaanle Mingistu ha ila hadlo, waxaana aniga (Mingistu) iyo isaga (Amaane) noo dhexeeyey oo na xidhiidhinayey nin la yidhaahdo Fikre Sargaw, wuxuuna igu yidhi "Janaraal Amaane wuxuu leeyahay Madaxa ayaa I xanuunayey markii hore sababtaa ayaan si wanaagsan idiin kula hadli waayey, sidaa darteed iminka gaashaanle Mingistu hadii aad raali ka tahay inaad ii timaado oo aynu wada hadalo ii kaalay" . Dabadeedna fikre Sargaw waxaan ku idhi "Arintaa orod oo golaha dhergiga u sheeg", laakiin jawaabtii ay golaha dhergigu arintaa ka bixiyeena waxay noqotay "Markii aanu sida sharafta leh gurigiisa ugu tagnay ee aanu baryeynay waa tii uu na soo caydhiyey, sidaa darteed hadii aad Mingistu tahay adigu uma tegaysid ee hadii doonayo isagu ha is keeno, ta kale maxaynu ka ognahay inuu wax diyaarsaday iyo inkale, markaa adiga laftoodu inta aad la hadasho kaalay ku dheh", sidaa ayey golaha dhergigu igu amreen.

Hadda ka hor ayuu janaraal Amaane aniga (mingistu) iyo Adnaafu waxa uu nagu yidhi "Guutada Negayle taal ayaa doonaysa inay idinla kulanto", wuxuuna nagu amray inaanu tagno, balse waxa jiray wax uu noo maleegayey, gaar ahaan aniga waxa jiray dil uu ii maleegayey, taana waa la ogaaday, sidaa darteed maadaama taa la ogaa waxa maalintan dambe la go’aamiyey inaanan u tegin Amaane, waayo waxa dhici karaysay in sidii markii hore oo kale maantana uu ila damacsan yahay dabbin kale oo la igu qafaasho, hadaba wixii markaa ka dambeeyey arimuhu way sii xumaadeen, ka dibna shirkii ayaa la soo fadhiistay, wuxuuna ajandihii shirku maalintaas oo dhan ku saabsanaa janaraal Amaane. Dabadeedna janaraal Amaane maadaama uu hayey xilalka ay ka mid yihiin gudoomiyaha golaha dhergiga, wasiirka gaashaan-dhigga iyo shir-gudoonka golaha wasiirada waxa saarayd masuuliyad culus, isla markaana waxa dalka soo food-saaray dhibaatooyin iyo khataro, sidaa darteed waxyaalahaas ayaan shirkii golaha dhergiga u faah-faahiyey, sidoo kale guddigii nabadgelyada ee golaha dhergiguna waxay soo bandhigeen xaaladda Eereteriya. Waxa kale oo shirkaa lagu soo bandhigay safar ay janaraal Amaane iyo xubno kale oo golaha dhergiga ahi ku tageen Ereteriya, iyadoo ay weftiga janaraal Amaane khudbado u jeediyeen ciidamada iyo dadweynaha labadaba, laakiin xubnihii dhergiga ee Amaane ku weheliyey booqashadiisa Ereteriya ayaa shirkii ku soo bandhigay warbixin ku saabsan khudbadihiisii, waxayna sheegeen inuu janaraal Amaane iska fogeeyey xubnihii kale ee dhergiga ee socdaalka ku weheliyey oo uu keligii hawlaha iska watay, isla markaana khud-badihii uu jeediyey waxa la sheegay inay ahaayeen kuwa qaloocan oo dhibaatooyin abuuri karaya. Ayaamahaa ay Amaane iyo weftiga la socdaa booqanayeen Ereteriya waxa jiray daagal dhacay oo dhexmaray shuftada (Jabhadda Ereteriya) iyo ciidamada Itoobiya, laakiin janaraal Amaane isaga oo dagaalkaa ka hadla wuxuu yidhi "Ciidamadii falkaa dagaal geystay maxkamad ayaa la soo taagi doonaa", hadalkaasna waa nala maqashiiyey.

La soco cadadka dambe.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Radio Ma Qaloocshe Baal Dahabuu kaga jiraa saxaafadda Somaliland

Aniga oo ah da’ yarta ku nool caasimadda Hargeysa, ayaa waxaan halkan hambalyo uga soo jeedinayaa qoraaga barnaamijka ku soo baxa Jariirrada madaxa bannaan ee Haatuf ee ay soo saarto (Haatuf Media Network) oo aan leeyahay saaxiib (A. A. Garas), waad ku mahadsan tahay sida tifaftiran ee haqab la’aanta ah ee aanu hirarka kaala socono.

Haddaba, tan iyo markii uu bilaabmay Raadiyow Ma Qaloocshe, ilaa iyo maanta, waxaan si toosa ula soconaa Ma Qaloocshe, isaga oo ku soo kala bixi jiray Jaraa’ido kala du-duwan. Haddaba, waxaan door bidnay in aan maanta ugu mahadcelino, sida fiican ee uu niyadda noogu dhiso maalinta uu soo baxo Raadyow Ma Qaloocshe. Waxa uu aad ugu mahadsan yahay, sida uu kolba ula socdo wararkii u dambeeyay ee Caalamka oo si tifaftiran oo niyad furan ugu waasiciyo bulshoweynta Somaliland. Waxaa kaloo oo aan ugu mahadcelinayaa kor u qaadista magaca Somaliland oo uu ku tiraabay "Shankaroonland."

Haddaba saaxiibkan Garas, waxaa u soo jeedinayaa inuu Raadiyowga si fiican oo hagar la’aana barnaamijyadiisa halkaa uga sii wado, waxaanan si toosa ula soconaa Raadyow Ma Qaloocshe, maalintuu soo baxayo, waxaana maalintaas u soo baxayo u sii diyaar garooba aniga iyo saaxiibadaydan kale.

Mustafe C/laahi Xuseen (Mustafe Xidig), Xasan Axmed Caydiid iyo Maxamed Axmed Cumar

Top


WAADIGA CIYAARAHA

Bergkamp iyo Henry Qarniga Goolasha Ee Arsenal

By Chris Harris

Xiligan oo ay ka muuqdaan kooxda Arsenal ciyaartoy ciyaar-wanaag muujiyay oo farobadan, haddana waxaa aad uga dhex muuqda laba ciyaartoy oo kala ah Dennis Bergkamp iyo Thiery Henry.

Taariikhda Naadiga Arsenal, waxaa dhaliyay 100 gool intii uu jiray Naadigaas 14 ciyaartoy oo ka tirsan Arsenal, waxaana ka mid ahaa; Ted Drake iyo Cliff Bastin, kuwaas oo dhigay iskoorkooda sannadihii sodomeeyadii (1930’s), Joe Baker iyo Reg Lewis oo iyaguna rikoodhkooda dhigay sannadihii kontomeeyadii (1950’s) iyo John Radford oo isna ka qayb ahaa heerka dhalinta goolalka sannadihii 1970-71.

Dhawaan waxaa isagu rikoodhka goolasha ee Arsenal dhigay Ian Wright oo jabiyay rikoodhkii goolal dhalinta ee uu dhigay Drake sannadkii 1940-kii, rikoodhkaas oo ahaa kii ugu sareeyay 40 sannadood goolal dhalinta Arsenal.

Ian Wright, wuxuu isna jabiyay rikoodhkii uu hore u dhigay goolal dhalinta Basteu, waxaase hadda kaalintaa taagan Bergkamp iyo Henry. Shaki kuma jiro in labadan ciyaartoyba ay leeyihiin astaamo ay guushu ku garab joogsato iyo qaab-ciyaareed wanaagsanba. Bergkamp, waxaa lagu maamuusay kaalinta ciyaaryahanka kubadda cagta ee sannadkii 1998-kii, kadib markii uu dhaliyay goolashii guusha u horseeday sannadkaa kooxda Arsenal. Henry, ayaa isna noqday mid ka mid ah gool dhaliyayaasha dunida ugu wanaagsan tan iyo intii uu ku soo biiray Naadiga Arsenal. Qaab-ciyaareedkiisa wanaagsan iyo firfircoonidiisa dhinaca weerarka ee Henry, waxay ka mid yihiin dhinacyada guusha u horseeday Arsenal tartankan Horyaalka.

Bergkamp, waxa goolala umuu dhalin lixdiisii ciyaarood ee ugu horeeyay, laakiin wuxuu 2 gool oo isku xiga dhaliyay ciyaartii ay naadigiisu la yeeshay Southampton.

Labada weeraryahan, waxay u wada ciyaari doonaan Naadigooda Arsenal ciyaarta Axada ee ay iska hormarinayaan Birmingham City oo ay kula ciyaarayaan magaalada Birmingham.

Top


Samuel Eto’o Oo Raali-Gelin ka bixinaya Gefkii lagaga saaray ciyaartii Barcelona

Weeraryahanka Samuel Eto’o oo u safta kooxda Real Mallorco, ayaa raaligelin ka bixinaya gefkii kaadhka cas loogu taagay ciyaartii ay kooxdiisu la yeelatay kooxda Barcelona ee tartanka La Liga ee dalka Isbaanishka.

Mr. Eto’o, wuxuu bixinayaa kharashka tiro tigidho ah, si uu u muujiyo sida uu uga xun yahay gefkii uu ku sameeyay Thiago Motta oo keentay in dibadda laga dhigo ciyaarta Eto’o, taas oo ka dhigtay kooxda Mallorco in ay ku ciyaaraan 9 ciyaartoy ciyaartaas, iyadoo hore ciyaartaas looga saaray Alvaro Novo oo difaaca uga ciyaarayay kooxda Real Mallarco.

Ciyaartoygan Samuel Eto’o oo u dhashay dalka Kamaruun, wuxuu bixinayaa kharash dhan 30, 000 (soddon kun) oo lacagta Yurub ee Euro ah, taas oo ah tigidho ay ku daawan doonaan ciyaarta ay kooxdiisu la yeelanayso kooxda Son Moix.

Ciyaarta uu raaligelinta ka bixinayo Samuel Eto’o, waxaa kooxdiisa lagaga badiyay 4-0 oo ay kaga badisay kooxda Barcelona.

Samuel Eto’o, wuxuu leeyahay diiwaan aan fiicneyn oo ah dhinaca akhlaaqda, waxaana bilow xiliciyaareedkan lagu ganaaxay inuu ka fadhiyo 4 ciyaarood, kadib markii uu telefiishanku soo saaray isagoo madaxa ku waxyeelaynaya Meguel Angel oo u ciyaara kooxda Valencia.

Cudur-daarkan, wuxuu u bixiyay si uu uga gabado ganaax lagaga fadhiisiyo afar ciyaarood.

Top