Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxweynaha Somaliland
Weftiga Koonfur Afrika Oo Booqday Gobolka Saaxil
Ururada KULMIYE iyo UCID Oo Canbaareeyay Ciidamada C/laahi Yuusuf iyo Mucaaridkiisa Oo Xuduudka Somaliland Soo Dhaafay
Egooyinka Shirka Eldoret Oo Laga
Joojiyay Cuntadii iyo Hurdadii
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
20-Guurada Hawl-Galkii Lagu Jebiyay Mandheera 1983-kii
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Hawshii doorashada si fiican baynu uga gudubnay
Nin daad qaaday xumbo cuskay
Diyaarad khal-khal gelisay maqaaladda Frankfurt
20 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Ka Dhacay Isra’il
Macalluul soo food-saartay 30,000,000 oo afrikaan ah
Waadiga Ciyaaraha
Kooxda Fulham Oo Reebtay Birmingham
Liverpool Oo Garbisay Manchester City |
|
Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxweynaha Somaliland
|
Hargeysa (Haatuf): Guddiga doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa shalay ka waramay ku tala-galkooda doorashada xiliga ay qabsoomayso doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka, iyadoo uu xiligii sharciyadda madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu ay hadda ka hadhsan tahay muddo konton habeen ka yari.
Qaar ka tirsan ururada siyaasadda ayaa soo jeediyey in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo ilaa bisha May ee sannadkan, laakiin dawladda iyo ururkeeda UDUB oo is huwanina waxay sheegeen inay dhinacooda diyaar yihiin, isla markaana ay doonayaan inay doorashadu qabsoonto xiligeedii, balse hadda waxay u muuqataa inay doorashadu dib uga dhacayso xiligii markii hore loo qorsheeyey, sidaa darteedna dhinaca guddiga doorashooyinka Qaranka laga filayo waqtiga kale ee ay dib u riixayaan amminta doorashada. Hase yeeshee guddiga doorashooyinku waraysi uu Haatuf la yeeshay ayey faah-faahin kaga bixiyeen ku talo-galkooda xiliga ay qabsoomayso doorashada madaxtooyadu., waraysigaana waxa ka jawaab-celinayey gudoomiye-xigeenka guddiga, C/laahi Cabdi Cumar (C/laahi jawaan), iyadoo ay weheliyaan xubnaha kale ee guddiga doorashadu.
"Laba xisbi oo ah KULMIYE iyo UCID waxay doonayaan inay doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenku la qabto 31-ka May 2003,, laakiin ururka xukuumadda ee UDUB waxay yidhaahdeen maalintii loogu talo galay ha qabsoonto"ayuu C/Laahi Jawaan, isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd goorta ay guddi ahaan ugu talo galeen inay doorashadu dhacdo, laakiin isaga oo tilmaamaya ku talo-galkooda wuxuu yidhi "Markii aanu dhinac walba ka eegnay koley waxaanu eegaynaa danta caamka ah iyo sida ay wax ku qabsoomayaan, markaa anagu muddo aanu ku talo galay way jirtaa, dhakhso ayaanuna go’aanka u saaraynaa". Hase yeeshee gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashadu waxa uu sheegay inaanay raacin soo jeedintii labada urur iyo ta UDUB midna, balse ay meel dhexe wax ku jaangoynayaan, wuxuuna intaa ku daray inay madaxweynaha iyo ururada siyaasadda gooni gooni u arkeen, taas oo uu sheegay inay ku qancinayeen ku talo-galkooda xiliga doorashada. "Xukuumadda miisaaniyad ayaa nagaga xidhnayd, miisaaniyadaana madaxweynaha ayaanu u gudbinay, isna wuxuu u sii gudbiyey wasiirka maaliyadda, taasi marka ay dhamaatona waqtigii inaanu ku dhawaaqno ayaa nagu waajib ah, waxaana suurta gal ah inaanu ilaa saadambe ku dhawaaqno xiliga doorashada la qabanayo"ayuu yidhi C/laahi.
Gudoomiye-kuxigeenka waxa kale oo la waydiiyey su’aal ahayd hadii ay saddexda xisbi ee la reebay ay cidna ku biiri waayaan waa maxay xalka aad u haysaan, wuxuuna taa kaga jawaabay "Shaqadayada ma aha inay cid ku biiraan iyo inaanay ku biirin, laakiin sharciga doorashada ayaa dhigaya inay saddexda urur ee xisbiyada u gudbi waayaa inuu mid-ba xisbiga ay is-afgartaan ee ay heshiiyaan ku biiraan, laakiin ururkii iska diida inuu cidna ku biiro dee waa urur doorashada iyo hogaaminta dalka iskaga hadhay ayuu noqonayaa".
Guddiga doorashada waxa mar kale la waydiiyey su’aal ahayd "Maxkamadda sare ilaa iminka go’aamo kama soo saarin doorashooyinkii dhacay, waxaana jira dacwado, arintaasi sidee bay naoqonaysaa", waxayna ku jawaabeen " Taarkan hadda la ii dhiibay waxa qoray gudoomiyaha maxkamadda sare, wuxuuna leeyahay waxa leh ansixinta doorashooyinka degaamada gudoomiyayaasha maxkamadaha gobolada, maxkamadda sarena shaqo kuma laha, isla markaana dhejinta iyo soo saarista natiijadana waxa leh gudoomiyayaasha guddiyada doorashooyinka degmooyinka, wayna soo saareen, wayna ansixiyeen oo way dhaqan gashay".
Xubnaha guddiga doorashooyinka Qaranka waxa laga xantaa inaanaya dhex ahayn ee ay kala raacsan yihiin ururada siyaasadda qaarkood, laakiin taa mar la waydiiyey waxay kaga jawaabeen " Somalidu waxay tidhaahdaa nin xil qaaday eed qaad, markaa marka aad xil qaado waa lagu eedaynayaa oo tuug baa lagugu sheegayaa, laakiin koley anagu waxa naga soo baxa go’aan aanu isku wada raacnay, markaa xataa kii xisbi raacaa waxba uma qaban karo, xubnaha guddigana waxa loo magacaabay inay xisbiyada ka madax banaanaadaan, xisbina ma geli karo, balse anagu waxaanu qabnaa inaanay jirin xisbiyo aanu kala raacsanahay". Laakiin guddigu iyaga oo ka jawaabaya sida ayaa guddi ahaan u xalilaan cabashada ka soo baxday ama ka soo bixi karta garsoorkooda waxay yidhaahdeen "Runtii cabashadu way badnayd, wax walibana waxay ku fiican yihiin in marka la qabanayo waqtigooda la siiyo, doorashadii aynu soo dhaafnayna waxay ahayd in diyaar garowdkeeda la galo laba sannadood ka hor, laakiin waad ogaydeen oo sannad ayey ahayd markaa inay cabasho ka soo baxayso waa ina daan-weyne, sidaa darteed wixii saddex sannadood loogu talo galay hadii la yidhaahdo sannad qudha ayaa lagu qabanayaa gol-daloolooyin baa ka soo baxaya, laakiin waxaanu qabnaa inaynu dedaalnay oo aynu hawshii ka soo baxnay, markaa anagu horena waanu u dedaalay, iminkana waanuaa dedaalaynaa".
Top
Weftiga Koonfur Afrika Oo Booqday Gobolka Saaxil |
Berbera (Haatuf):- Weftiga ka socda dalka K. Afrika ee uu hoggaaminayo Mr. Welle Nhlapo oo ah u qaybsanaha arrimaha guud ee madaxtooyada K. Afrika oo maalmahanba dalka booqasho ku joogay ayaa maalintii shalay socdaal ku tegay gobolka Saaxil. Weftigan oo ay socdaalka ku wehelinayeen wasiirka warfaafinta ee Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale iyo madaxa Baratakoolka ee Madaxtooyada Cabdi Cartan, waxa magaalada Berbera ku soo dhoweeyay Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamed Axmed Xasan, iyaga oo soo maray goobo ka tirsan gobolkaasi, magaalada Sheekh oo ay ku tageen booqasho gaaban meelaha ay soo mareen waxa ka mid ah dugsiga sare ee Sheekh iyo cusbitaalka magaaladaa oo aad u burbursan.
Magaalada Berbera intii ay ku sugnaayeen waxa ay booqdeen goobo ay ka mid yihiin dekedda, Madaarka, iyo ceelasha Dubaar ee ay biyuhu uga yimaadaan Berbera oo uu dhisay Turkigii.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera C/raxmaan Casaan, weftiga waxa xalay casho sharaf ugu sameeyay guriga martida Badhasaabka Saaxil Maxamed Axmed Xasan, halkaas oo loogu soo bandhigay bandhig-faneed. Weftiga waxa la socda Television-ka Soomaalida ee Yurub oo xaruntiisu tahay dalka Sweden.
Top
Ururada KULMIYE iyo UCID Oo Canbaareeyay Ciidamada C/laahi Yuusuf iyo Mucaaridkiisa Oo Xuduudka Somaliland Soo Dhaafay |
Hargeysa (Haatuf): labada urur-siyaasadeed ee KULMIYE iyo UCID ayaa shalay canbaareeyey ciidamada C/laahi Yuusuf iyo mucaaradka ka horjeeda ee dagaalka ka dhex-ooggan la soo galay soo galay gudaha Somaliland, ka dib markii ay qaar ka mid ah maleeshiyaadka uu horkacayo Cadde Muuse, iyaga uu hubaysan soo galeen degaamo ka mid ah gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku sugan yihiin.
Qoraal ay wada jir ugu saxeexan yihiin labada gudoomiye ee labadaa urur (KULMIYE & UCID) waxay si kulul ugu canbaareeyeen maleeshiyaadka hubaysan ee ka soo talaabay dhinaca Puntland ee soo galay gudaha Somaliland, laakiin qoraalkooda waxay ku bilaabeen.
"Labada urur ee KULMIYE iyo UCID, iyaga oo ka feejigan cadawga Somaliland ee diidan qaranimadeena, isla markaana arkaya duruufaha siyaasadeed ee ku gadaaman geeska Afrika waxay si kulul u canbaaraynayaan masleeshiyada shisheeye ee ku soo xad-gudubtay dalkeena, kuna dagaalantay dalka gudihiisa, waxaanuna aad uga xunahay maleeshiyada shisheeye ee sida fudud u soo gashay dalka, taasina waxay noogu muuqataa baylah iyo debec ka yimi xukuumadda Somaliland, waxayna ahayd inay xukuumaddu waayo-aragnimo ka korodhsato weerarkii Laascaanood oo ay ciidanka Qaranka dejiso xuduudaha bari. Waxaanu u aragnaa labada kooxood ee ku hirdamaya talada maajeerteeniya inay labaduba ka soo horjeedaan qaranimada Somaliland, sidaa darteed waxa inagu waajib ah inaynu colaadda dhexdooda ah ka gaabsano oo aynu iska moosno si aanay saamayn inoogu yeellan, laakiin hadii ay dhacdo inay koox ka mid ah kooxaha ku hirdamaya maamulka Garoowe ay soo magan galaan Somaliland waa in loo diyaar garoobo oo la dejiyo goobo cayiman oo hubka lagaga dhigo. Hase yeeshee tan iyo 1991-kii oo ahayd markii ay Somaliland la sooa noqotay gobanimadeeda weerarkii Laascaanood iyo ka maanta ayaa inoogu horaysay maleeshiyo shisheeye oo dalkeena ku soo xad-gudubta, taasina waxay noogu muuqataa ifafaale siyaasadeed oo cusub, isla markaana khatarteeda leh. Laakiin xukuumaddu weli ummadda ugama waramin xaaladda culus ee inala soo gudboonaatay iyo wixii talaabo ah ee ay ka qaadayu, sidaa darteed waxaanu leenahay waa inuu hogaanka dalku ummadda uga waramaa xaaladda soo korodhay".
Ururadani waxay intaa raaciyeen inay kooxaha ku hirdamaya maamul-goboleedka Garoowe uga digayaan inay si degdeg ah uga baxaan gudaha Somaliland, iyaga oo sheegay inay taa u arkaan gardaro iyo xad-gudub bilaa qaderin ah oo lagu sameeyey Somaliland, isla markaana waxay labadan urur ugu baaqeen xukuumadda Somaliland inay iftiimin ka bixiso waxa dhacaya, sidoo kalena waxay dadka reer Somaliland ugu baaqeen inay ilaashadaan nabadgelyada iyo wada jirkooda. Laakiin qoraalkaa markii ay akhriyeen ka dib labada gudoomiye ee labadaa urur, Axmed-siilaanyo iyo Faysal Cali-Waraabe ayaa jeediyey hadalo ay ku tafsiirayaan mawqifkooda ku wajahan saamaynta ay dagaalada kooxaha ku diriraya awoodda maamul-goboleedka Puntland ku yeesheen Somaliland.
"Dagaalku kama bilaabmin Somaliland ee waa dagaal ka dhexdhacaya majeerteeniya gudaheeda, waxayna ahayd inuu halkaa ku ekaado, laakiin may ahayn inaynu inagu dhinac raacnoa, ta kale labada dhinac-dhinacna qadiyadda Somaliland ma ictiraafsana, sidaa darteed ma aha inaynu labada qaybood midna raacno, anagu ma jeclin in goboladaa reer Somaliya ee inala jaarka ah in dagaal ka dhex-dhaco ee waxaanula jecelahay nabad, balse ayaan daro hadii ay dagaalo ka dheceen goboladaa waxa haboon inaanay dawladdeenu fara gelin ku samayn, sida hadda la sheegayo hadii ay jirto oo ay dawladeena dhinaca Jaamac Cali Jaamac la jirto, waxaanu leenahay dhinaca Jaamac ma jirto wax teelo ah oo ay inoo dhigteen iyo wax qaderin iyo ictiraaf ah oo ay inoo hayaan, markaa hadii gacan la siiyo, taasi waxay noqonaysaa gef weyn oo aynu dawlad ahaan galay, arimahaasna waxba dawladdu anaga iyo ururada kale ee walaalahayo ah iyo ummaddaba wax talo ah iyo wax arin ah oo ay mar qudha naga waydiisaa ma jiro, marka ay arimo qaran sooa baxsadaan dawladda malaa aqoon baa uga dhimane waxa haboon inay isugu yeedho hayadaha Qaranka oo ay madaxda axsaabtu ku jirto oo ay wax ka waydiiso arimaha qaarkood, taasna waxaanu leenahay hadda ka dib madaxweynaha iyo xukuumadiisu ha ogaadeen"ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, laakiin Faysal Cali-Waraabe ayaa isna hadalka qaatay, wuxuuna yidhi "Qaran baynu leenahay oo ciidan baynu leenahay ay 50% miisaaniyadda dalku ku baxdee waxa haboon inay ciidamadu meesha ka muuqdaan oo aynu ka hor tagno colaadda majeerteeniya ee xadkeena ku soo butaacaysa, dee hadii kale waxa xaqiiqoobaysa sheekadii ahayd C/laahi Yuusuf xukuma gobolada bari ee Somaliland maadaama aanay jirin wax ka celiyaa, waayo Ceerigaabo ayuu inyar u soo jirsaday ayaa la leeyahay. Waxa kale oo jirta inuu C/laahi Yuusuf ku andacoonayo ciidamada Jaamac Cali Jaamac inay Somaliland gacan siiso, hadii ay taasi xaqiiq noqotona waxay noqonaysaa dhibaato weyn oo siyaasadeed mid dalkeena ku keenaysa, waayo Jaamac Cali Jaamac Carta iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dabada ka wada. Ta kale labada qolo ee majeerteeniya isku haysta labaduba qaranimadeena khatar ayey ku yihiin, sidaa darteed nooguma muuqato in dhinacna gacan la siiyo"ayuu yidhi Faysal.
Top
Egooyinka
Shirka Eldoret Oo Laga Joojiyay Cuntadii iyo Hurdadii |
Eldoret (W. Wararka): Warqad uu maanta soo saaray maamulka Hotelka Sirigwa ee magaalada Eldoret ayuu ku sheegay in wixii ka dambeeya 4ta bishan oo ahayd dorraad Sabtidii uu ka joojin doono cuntada iyo hurdada ergooyinka Soomaaliyeed ee deggan hotelka Sirigwa.
Maamulka ayaa sheegaya in ay guddiga farsamada IGAD ay ku leeyihiin lacag dhan KSh. 92,441,489 oo aan weli la bixin.
Hotel Sirigwa ayaa waxaa deggan inta badan mas'uuliyiinta ugu sareysa ee ka socota Maamulka Carta Ee C/qaasim iyo hoggaamiye kooxeedyada kale.
Dhinca kale, duubabka Soomaaliyeed ee jooga shirka magaalada Eldoret ayaa la shiraya Carlo Ungaro oo ah wakiilka dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaliya.
Duubabkan ayaa ka cabanaya in aan wax tixgelin ah laga siin shirka Eldoret.
Guddida farsamada IGAD ayaa shaqadoodii dib u billaabay. Sidoo kale, waxaa iyaguna dib ugu soo laabtay magaalada Eldoret inta badan ergooyinkii Soomaaliyeed ee fasaxa ku maqnaa marka laga reebo hoggaamiye kooxeedyada qaarkood oo ku maqan Soomaaliya.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 60aad
Mingistu: Sidoo kale masuuliyiintii ciidamada ee Ereteriya joogay waxay iyaguna soo sheegeen inuu janaraal Amaane markii uu Ereteriya tegay waxyaalihii uu sameeyey iyo wixii uu yidhi iyo weliba dareemadii ka dhashay waxyaalihii uu sameeyey ama uu yidhi, masuuliyiintii ciidamada ee Ereteriya joogayna qaarkood ayaa shirka nagala soo qayb galay oo ka warbixiyey waxyaalihii uu Amaane sameeyey. Laakiin waxa iyana intaa dheerayd janaraal Amaane marka uu xafiiskiisa gudihiisa ku jiro ayaa la ogaa waxa uu qaban jiray iyo waxa uu odhan jiray, waxaana la soo bandhigay marar uu telefoono ku hadlay waxyaalihii uu yidhi iyo dabbinadii uu maleegay, taas oo faylalkii lagaga warbixiyey la soo raaciyey cadaymo xaqiijinaya wixii uu sameeyey. Sidaa darteed markii waxyaalahaas oo dhan la ogaaday ayaa la iswadiiyey oo la yidhi "Ninkan go’aan noocee ah ayaa ku haboon inaynu ka qaadano". Sidaa awgeed markii lagu dhaqaaqayey go’aankii ahaa in la khaarajiyo, la iskagama dhaqaaqin uun ee waxa lays waydiiyey "Waxaas oo khalad ah ayuu sameeyey ee aynu ka wada hadalo", waxayna taasi naga qaadatay saacado badan, isla markaana maalintii oo dhan sidii aanu arintiisa uga wada hadlaynay ama uga tashanaynay ayey waqti dheer nagu qaadatay, dabadeedna markii ay saacaddu gelinkii dambe ahayd ayaa waxa hoolkii shirka debediisa nagaga timi fariin leh " Waxa dhici karta inuu Amaane magaalada Adis-ababa gudaheeda ciidamo ku sii daayo oo uu wax sameeyo", waxaana la soo sheegay xaafadda la yidhaahdo Gofa-daganin inuu waxoogaa dareen ahi ka jiro, taas oo la leeyahay ninka gaashaanlaha ah ee taliyaha ka ah guutada Negayle ayaa laga yaabaa inuu hawl-gal u yimi, isla markaana ay ciidamada halkaa ka yimi yihiin kuwii uu janaraal Amaane ku dagaal geli lahaa, war caynkaas sheegaya ayaa na soo gaadhay.
Salaqe Bayaana iyo nin kale oo xubin ka ahaa golaha dhergiga oo la odhan jiray Kabtan Girmaa ayaa loo diray bal inay soo xaqiijiyaan warkaa, laakiin markii ay soo laabteen waxay soo sheegeen inaanu jirin wax dhaqaaq ah oo dareen ama cabsi lihi. Hase yeeshee markii la go’aamiyey in janaraal Amaane la xidho, balse wuu diiday inuu qaato go’aanka xadhiga ah, dabadeedna waxa dhacday tacshiirad rasaas ah oo la iswaydaarsaday, taas oo ay iswaydaarsadeen ilaaladiisa iyo ciidan loo diray, waqtigaasina waxa uu ahaa goor habeen ah ee maalin may ahayn, laakiin rasaastaasi may ahayn mid loola badheedhay ee waxay ahayd arin ka dhalatay diidmadiisii. Ta kale maalintii oo dhan arintiisa waa laga tashanayey, iyadoo qof walba fursad loo siiyey inuu codkiisa dhiibto, waxayna ahayd wixii la lahaa "Arinta noocaas oo kale ah ee dalka khatarta gelinaysa hadii janaraal Amaane iyo xulafadiisa kale ee la midka ah lagu helo waa in jeelka lagu rido", sidaa darteed golaha dhergigu arintiisa kuma degdegin ee wax badan ayuu ka tashanayey, runtiina golaha dhergigu waxa uu ahaa mid axsaan u falay janaraal Amaane, waayo Amaane waxba kagama duwanayn janaraaladii kale ee la xidh-xidhay, taas darteed hadii uu kursiga sare iyo hogaaminta dalka ee aanu u dhiibnay uu ku gefo oo uu ka shaqeeyo waxyaalihii Itoobiya dumin lahaa waxa markaa lagama maarmaan ahayd in lagu daro xulafadii la midka ahayd (janaraaladii la xidh-xidhay), sidaana waxa lahaa dadkii shirka fadhiyey.
Ganat: Sida aad sheegayso hadii aad maalintii oo dhan arinta janaraal Amaane ka wada hadlayseen, ka dibna aad habeenkii disheen, sidoo kale goorma ayaad disheen lixdankii nin ee janaraalada ahaa, iyadoo ay niman arintaa ka waramay oo goob-joog ahaa sheegeen inaad nimankaa disheen qiyaastii abaara 7 fiidnimo, waqtigaas oo la sheegay inaad kaxayseen iyaga oo cashaynaya, ka dibna aad layseen, taas ka warran ?
Mingistu: Horta nimankaa janaraalada ah habeen baa la laayey, laakiin maalinimadii ayaa xukunka lagu riday, waxayna arintu ku haboonayd in xukunka lagu ekaysiiyo janaraal Amaane oo qudha, Hase yeeshee sidii aan horeba u sheegay xubnihii go’aanka ka gaadhay ee shirka ka qayb galay waxay yidhaahdeen "Janaraal Amaane oo qudha inta aanu xukuno, kuwa kale ee janaraalada ah ma dhaafayno, sidaa darteed markii janaraal Amaane la xukumay ayaa kuwa kalena lagu xigsiiyey. Isla markaana go’aanka laga gaadhay nimankaa waxa khasab laga dhigay in markiiba degdeg loo fuliyo, sidaa ayuu golaha dhergigu go’aamiyey ama xukumay, dabadeedna iyadoo uu shirkii weli socdo ayaan u yeedhay ninka la yidhaahdo Kornayl Daaniyal Asfaaw, ka dibna fariintii aan u diray ayuu ku yimi Kornayl Daaniyal, waxaana ku amray inuu soo qabto janaraal Amaane, sababta Daaniyal loogu amray inuu soo qabto janaraal Amaane waxay ahayd, isaga oo ahaa taliyaha qaybta ilaalada gaarka ah iyo hawlaha degdegga ah, qaybtaas oo ahayd qaybta uu golaha dhergigu adeegsan jiray. Sidaa darteed golaha dhergigu markii uu go’aanka soo qabashada Amaane soo saaray ayuu kornayl Daaniyal Asfaaw habeenimadii ciidamadiisii u diray janaraal Amaane si ay u soo qabtaan, waxaana la bixiyey amar odhanaya "Ururka dhergigu maadaama uu soo saaray go’aan ah in la soo xidho janaraal Amaane waa inaad gurigiisa tagtaan oo soo xidhaan", laakiin askartii loo diray janaraal Amaane markii ay gurigiisii tageen waxay la kulmeen iyadoo uu janaraal Amaane hubaysan yahay oo uu diyaar yahay , isla markaana ay u cadaatay inaanu si nabadgelyo isu dhiibayn ayey askartii loo diray iskaga soo noqdeen, waxayna yidhaahdeen "Wuu na diiday ee sidee baanu yeelnaa", markaa ay askartu sidaa leeyihiin anagu weli shirkii ayaanu u fadhinaa. Dabadeedna kornayl Daaniyal ayaa noo yimi oo nagu yidhi "wadaadku inuu is dhiibo diyaar uma aha ayaan u malaynayaa, gurigiisuna waxa uu ku yeel meel xaafado dhexdood ah, wuxuuna gurigiisa dhex-fadhiyaa isaga oo hubaysan, sidaa darteed hadii ay wax dhacaan oo rasaas la iswaydaarsado koleyba cid baa wax ku noqon doontee waa in amar cad la I siiyaa"ayuu yidhi kornayl Daaniyal Asfaaw. Laakiin aniguna arintaa waxaan u sheegay hoolkii shirka, waxaana ku idhi "Taliyaha qaybta hawlaha degdegga ahi waxa uu soo sheegay inuu janaraalkii diiday inuu si nabadgelyo ah u soo raaco askartii loo diray", dabadeedna shirkii waxa uu ku jawaabay "Aanagu xukunkiisa waanu go’aaminay, laakiin dhamaystirka iyo fulinta xukunka ma farogelinayno, waayo taasi hawlaha maamulka iyo shuqulada qaybta arimaha degdegga ah, bixinta amarkuna waa go’aanka gudoomiyaha, sidaa darteed hadii uu diido inuu si nabadgelyo ah isu dhiibo waa in la mariyo sida sharcigu ogolyahay la mariyaa". Intaa ka dib waxaan idhi "Waa hagaag, way cadahay sida sharcigu dhigayo, markaa hadii uu amarka qaadan waayo waa in la mariyo sida sharcigu dhigayo", intaa markii aan idhi ayaan dhinaca kornayl Daaniyal u jeestay, waxaana ku idhi "Sidaa la sheegay ayaad yeelaysaa, marka aad u tagto qalabka codkakordhiya (Cod-baahiye) kula hadal oo go’aanka ugu sheeg, hadii uu go’aanka diidona in talaabo xoog leh laga qaadayo u sheeg, hadii uu taa diidona hala mariyo"...
La soco cadadka dambe.
Top
20-Guurada Hawl-Galkii Lagu Jebiyay Mandheera 1983-kii |
Q: 3aad
Diyaariye: Maxamed Amiin Jibriil Xuseen
Intiinii akhrisatay waxaanu labadii cadad ee kan ka horeeyey idiinku soo gud-binay mawduuc ka hadlaya hawl-galkii xabsiga Mandheera ay ku jebiyeen cutubyo ka tirsan dagaalyahankii ururka SNM ee mudada tobanka sannadood ka badan dagaalka hubaysan kula jiray taliskii Siyaad Barre, iyadoo ay dagaalyahankii SNM jeelka mandheera kala baxeen dad badan oo isugu jiray duqay iyo wax garad kale oo ay ciidamadii taliskii Siyaad Barre ee qaybtii 26aad ee fadhigeedu ahaa Hargeysa xabsigaa ku gureen.
Sida uu Haatuf u sheegay Muj: Maxamed Kaahin oo markaa ahaa taliyihii saldhiggii ay ciidamada hawl-galkaa fuliyey ka soo dhaqaaqeen waxa ka mid ahaa ragga laga jebiyey xabsigii adkaa ee Mandheera: Sh. Maxamed Ismaaciil oo ahaa ninkii aasaasay masjid jaamaca Hargeysa, Aadan Maxamed Siraad, Cumar Hadraawi, Aadan Ruush, Xaaji Yaaxeen, Muj: Cumar Gaab, Cabdi Asw-Maxamed, Cawl Cilmi iyo rag kale oo badan. Laakiin Maxamed Kaahin isaga oo ka sheekaynaya hawl-galkaa iyo sidii loo abaabulay wuxuu yidhi "Ka dib markii hawl-galkii la diyaariyey waxay ciidamada hawl-galka fuliyey ka dhaqaaqeen qaybta bariga ee ciidamadiii SNM, raggii fulinta hawl-galkaa ka qayb qaatay ee hogaaminayey waxa ka mid ahaa C/raxmaan Maxamed Case iyo C/xakiin Sumuli, ciidankaasi waxay ka ambabaxeen Gaashaamo, iyaga oo buurta Gacan-libaax ugu tegay muj: Lixle"ayuu yidhi Maxamed Kaahin, laakiin aynu dib ugu noqono sheekadii C/xakiin Sumuli oo hawl-galkaa ka sheekeeyey, waana tan qaybtii saddexaad ee sheekadu:
"Marka laga yimaado qaybtayada, qaybta kale waxay ka koobnayd 9 nin oo uu watay Muj: Lixle, kuwaas oo u kacay dhinaca jeelka si ay halkaa ui sii joogaan inta aanu xerada milateriga ka soo dhamaanayno, waayo hadii aanaan horta xerada milateriga wax ka qaban maanu jebin karneen jeelka, maxaa yeelay waxa nagu soo dhaqaaqi lahaa ciidamada xeradaa degan, dabadeedna aniga iyo C/raxmaan Maxamed case iyo 29-kii wiil ayaa galay xeradii milateriga, waxaanuna xeradaa ku qabsanay muddo 20 daqiiqo gaadhaysa, ka dibna markii aanua hubsanay inaanay xeradii cidi joogin ee ay wixii dhintay mooyee wixii kale yaaceen ayaanu lixle iyo inamadii weheliyey ugu nimi albaabkii jeelka, dabadeedna xabbad seben ah ayaanu albaabkii ku dhufanay, waxaana gudihii galay aniga iyo 15 wiil, waxoogaa ayey ciidankii joogay nala dagaalameen, laakiin waanu jiidhnay, sidaas ayaanu kula baxnay odayaashii faraha badnaa ee jeelkaa ku xidhnaa, dabadeedna Lixle iyo colkiisii ayaa odayaashii kaxeeyey anaguna raacdo reeb ayaanu galay, laakiin markii aanu buurta gacan-libaax hoosteeda maraynay ayaa waxa na soo gaadhay ciidan ilaa 350 ah oo daraawiish ah, waxaana halkaa nagu dhexmaray dagaal bilaabmay abaara 4:30 galabnimo, balse waanu ka guulaysanay oo waxba nagalama ay hadhin, laakiin waxaanu habeenkaa u hoyanay buurtii, balse habeen labaadkii ayaanu buurtii ka soo degnay, waxaanu odayaashii marinay wadada la yidhaahdo Tilmaale ilaa Harasheekh, iyadoo uu magaalada Harasheekh na geeyey nin la yidhaahdo Ibraahin X. Axmed oo baabuur wata, laakiin baabuurka waxaanu kaga degnay meel magaalada Harasheekh ka sokaysa, dabadeedna doayaashii waxaanu markii waagu beryey gaadhnay meel la yidhaahdo Garaad Ruumi, taas oo aanu habeen kalena jidka u sii hoyanay, waxaanuna xadka ka talownay maalintii dambe, waxaanuna tagnay meesha la yidhaahdo Raamaale, balse maalintii aanu xuduudka ka talaabaynay Gaani (Taliyihii qaybta 26aad ee ciidamadii Siyaad Barre) ayaa xuduudka marayey oo anaga na doon-doonayey, namase helin, dabadeedna Raamaale ayaa baabuur naga qaaday oo aanu gaashaamo ku tagnay, laakiin ciidanku intaa waa na daba socday, balse Lixle markii aanu gudubnay ayuu ciidan kaxaystay oo dhinaca Burco u leexday, ciidanka intiisii kalena waxa soo kaxeeyey C/raxmaan Maxamed Case iyo sarkaal kale oo la yidhaahdo Muj: Xayd".
Dhamaad
Top
Dhab u dooro hogaan baxsan
Waxa hubanti ah in cid walba qaayihiisa iyo qiimayntiisu qorayso waayaha taariikhdu, runtiina lama ilaawi karo taariikhda macnawiyan raad qurux badan ku reebta nolosha dadka, haddaba waxa caado u noqotay madaxda Somaliland waxyaalo aad moodo inay ka dhaxleen maamuladii hore ee Somaliya oo cidhib-xun keentay, shacbigana gaadhsiisa waxyeelooyin murugo leh, marka horena ballan-qaadyo badan bay u sheegaan umadda hunguri geliya, si ay ugu beer-laxawsadaan, sidaa awgeed dalkan Somaliland 60-kii ilaa hadda dalluun baynu ku jirnaa, inaga oo aan shicib ahaan maanta isu sheegayn in aynu nahay qoomiyad ku abtirsata dabeecad soodha ah oo caadifad gaaban ku dhisan, mana jirto cid bah-wadaag inagula ah oo haddana qalbi furan, cajalad faaruqa oo maalinba wax lagu shubto, bal is-weydii dulucda hadalkan "mee dareenkii iyo xarakaadkii dabkaynu shidaynay ee aaya-ka-talinta dalkeena Somaliland ee hore loo qoondaystay in dhakhso ictiraaf loo helo? Maxaa hummaag geliyay sidi loo maarayn lahaa arrinkaa? Sideed ku ilowday dakharadii hore inoo gaadhay inaga oon ka doogsan ‘wax la raajo rag kuma sama’, waxa riiqdeedii inagu dheeraatay hoggaan leexsan oo aqoon-xumi iyo hagrasho leh.
Muwaadinow, aan ka diga-rogono arrinkaa waayo waxa imika soo if-baxaya yididiilo qoto dheer oo nuxurkiisu yahay "ictiraaf" waa haddii aynu maanta dhab u doorano hoggaan baxsan oo wax ku ool ah, si xeel-dheer ugu dadaala baadi-goobka xaqeena la qarinayo, siduu uga heli lahaa caalamka, taas oo lagaga samata-bixi karo aafada guracan ee ku habsatay siyaasadeena iyo sibiil-yaa-hunguriga aan dhaafsiisnayn kambal-qudha iyo weliba heerya-cunka soo taagan.
Moosin waliba dareenkii leh, waana odhaah furan inmaanta la yidhaa tusmada aan ka xulano marka loo eego miisaanka qiimaynta siyaasiyiinta marxaladdan la marayo, waayo maslaxadda dalkaa ku jirta in la helo siyaasiga aynu is leenahay waa u qalmaa hadafkeena raagay ka jiba-keena oo ictiraaf ah, waxa intaa dheer in lagu han-weyn yahay inuu is-raaciyo beelaha Somaliland, dawladduna aanay ka jaan-qaadin maamulkeedu ilaa hadda, si beelaha waxay tabanayaan loogu furo weji cusub oo walaaltinimo ku dheehan tahay.
Ka ragoo laba saar, haddaan lays-yeel-yeelayn, siyaasiyiinta sharaxan waa la yaqaan mase cusba.
Waxa ka dhex-muuqda siyaasi khatar ah oo ruug-cadaa caan ah dibadda iyo gudahaba oo loo hanweyn yahay. xaqiiqatan, aad moodaa inuu ku soo kordhiyay miisaan culus siyaasadda Somaliland, shicibkuna indho-gaar ah ku eegayaan, aadna loo hadal-hayo.
"wuu yahay siyaasi caan ku ah caalamka intiisa badan (Carab, Maraykan, Yurub iyo Afrika), sida waxa ydihi koox aqoon-yahano ah, mar aan wax ka weydiiyay.
"Wuxuu la soo jaan-qaaday siyaasadihii kahor iyo kadib 1960-kii ilaa maanta, wuxuu ogyahay xog badan, waxyaalaha naafeeyay madaxda Somaliland waa ka nadiif, oo durba odhaahdiisii u horraysay ee khayriyada in laga qaado xoolaha dalkeena xayiraada saaran, waxaad moodaa in tibaaxi ka soo baxday dawlada Sucuudiga." Sidaa waxa yidhi Raxan gabdho ah macalimiin u badan, mar aan wax ka weydiiyay.
Waxay ila tahay arrimo badan inuu dheer yahay raga la tartamaya oo uu kalsoonida Somaliland kaga hanan karo, taas oo beeluhuna ku wada kalsoon yihiin.
Si kastaba ha u dhacdee, waa inoo faan Somaliland weli rag noocaas ahi inay jiraan oo lagu dhaafo calaf waa meeshiisa inuu ku soo baxo waa suurtogal la arki doonee maalin dhan ninkii nool natiijada soo baxda.
Ugu dambayntii, waxaynu ogsoonahay in caalamku il-gooni ah inagu eegayo sida bal qayrkeen uga fad-kuddino "haddaan ka quustay qaado" ay yidhaahdaan, waa inoo faan iyo fardo-fuul, iyo taariikh inoo gasha baal dahab ah Somaliland.
C/laahi Aadan Ciid,
Hargeysa
Top
Hawshii doorashada si fiican baynu uga gudubnay |
Aniga oo aan in dhowaale fikirkayga ku soo bandhigin wargeysyada madaxa-bannaan oo ay iigu dambaysay bishii September ee sannadkii aynu soo dhaafnay, waqtigaas oo la igu xidhay maqaal aan ku cabiray fikradayda aan xaqa u leeyahay dastuurka dalkuna oggol yahay, maqaalkaasi oo dulucdiisu ahayd "Gebilay gurmad maamul oo tayo leh ayay u baahan tahay," kaasi oo dadka kaska gaabani ku weydiinayaan marka aad maqaal dhacdo jirta wax ka sheegtid ee aad tacbiir samaysid erayada, ma siyaasi baad noqotay? Ma suxufi baad noqotay? Aniga oo aan labada midna ahayn balse xiiseeya mihnadda saxaafadda kuna talo-jira mustaqbalka dhow inaan barto cilmiga saxaafadda ayaa waxaa I hakiyay inaan soo horo maqaalo iyada oo aan is lahaa anigu wax tilmaan, balse maamulkii xilligaasi dallada haya ay igu tilmaameen mucaarid (oposition) ana aan ahaa nin muxaafid ah oo horumarka degmada aan ku noolahay iyo Somaliland-ba jecel in badana ku bandhigay wargeysyada.
Haddaba aan u soo dego dulucda maqaaka aanka hadlayo oo ah sidi doorashooyinkii dawladaha hoose ee 15 December aynu uga gudubnay taasi oo ah guul u soo hoyotay dhammaan shacbiga Somaliland mucaarad iyo muxaafidba, waxaana amaan gaar ah mudan warbaahinta madaxa-bannaan iyo radio hargeisa oo qayb libaax ka qaatay wacyigelintii dadweynaha, guddigii doorashooyinka, ururada tartamayay, jaaliyadaha reer Somaliland ee dibadaha ku dhaqan iyo ciidankii nabadgelyada ee nidaamka ilaalinayay, iyada oo dadweynuhuna si fiican ugu soo dareereen goobihii cod-bixinta oo ay inoogu dambaysay doorasho noocan oo kale ah ku dhowaad 40-tameeyo sano, haddana waxa loo diyaar yahay oo ina sugaya doorashooyinkii madaxtooyada iyo baarlamaanka, iyada oo warbaahinta maxalliga madaxa-bannaan aan ka dheehday in labada xisbi ee mucaaradka ah UCID iyo KULMIYE kuna guulaystay doorashooyinkii iyaga iyo xisbiga UDUB soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada oo ku beegnayd 23 January ee aynu galnay, iyaga oo ku talobixiyay in la qabto 31 May oo ah wakhtiga ugu munaasibsan ana fikradaa waan ku raacay, maxaa yeelay bisha may waa bil sumad gaar ah u leh umadda reer Somaliland waayo waa bishii la soo galay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco wakhtigii aynu dagaalka ku jirnay rajiimkii dhiigya-cabka ahaa ee Siyaad Barre, iyada oo halyeyadii SNM soo kala galeen 27 May Burco iyo 31 May Hargeysa.
May waa bishii aynu dib ula soo noqonay xoriyadeenii luntay 60-kii, taas oo ahayd 18 May 1990.
31 May 2001 waa maalintii guushu u soo hoyotay shacbiga Somaliland ee loo codeeyay dastuurka maanta qaranka kala hagaya.
3 May 2002 waa maalintii uu geeriyooday madaxweynaheenii qaaliga ahaa Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, mudan-na in taariikhda dugsiyada barbaarinta ardayda lagu xuso.
May waa maalintii xukuumadda maanta jirta iyo xisbigeeda UDUB si rasmiya kursiga madaxweynenimo ula wareegeen, markaasi bisha May oo doorashada la qabtaana waxay noqon doontaa mid taariikhda Somaliland baal dahab ah ka gasha sidaa darteed iyada oo hawshu u taalo guddiga doorashooyinka qaranka waxaan leeyahay dadweynaha talada wax halaga siiyo oo yaan loo arkin rabitaan ka soo go’ay labada urur ee mucaaradka ah kana mid noqday saddexda xisbi ee dastuurkeenu ina farayo in ay noqdeen axsaab heer qaran nin walbana fikiriisa wuu u madax-bannaan
C/shakuur Jimcaale Maax (Qase)
Gebilay Somaliland
Top
Nin daad qaaday xumbo cuskay |
Waxa lagu ducaystaa Ilaahow walaahay iga badaadi, tan iyo markii ay dalka ka dhacday doorashadii golaha degaanka 15 December 2002, guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland saddex urur-siyaasadeed oo noqday xisbiyo qaran ayaa ilaa maalintaa waxa soo if-baxayay af-lagaadooyin ka soo yeedhayay xisbiyo qaran oo isu-bahaystay inay sharafta Somaliland ka xayuubiyaan.
Si kastaba ha ahaatee way aflagaadeeyeen guddigii doorashooyinka oo caddaalad ku shaqaynayay iyo dhexdhexaadin, waxaanay ku cambaareeyeen inay kula kaceen ‘Corruption’ musuqmaasuq, waana ta keliyaata ee siyaasiyiinta Afrika qayrkood ka reebtay.
Haddaba waxay su’aali ka taagan tahay maxaa la gudboon saddexda urur ee ku guul-daraystay inay noqdaan xisbiyo qaran? Sideedaba kubadu waa bar cad iyo bar madow, labada naadi ee ciyaaraya mid ayuun baa guulaysta, markaa maaha inay lix urur-siyaasadeed wada guulaystaan, markaa waxaan leeyahay waa lagaa guulaystay ee u hanee walaalkaa, maah-maah soomaliyeed ayaa tidhaahda; "waan baahanahay looma bahalo cuno" siyaasi baan ahaan jiray maahee salaanka siyaasadi waad kala siibatay.
Markaa waxan afkiina kasoo yeedhayaa ha inoo maqashiinina cadowgeena inagu xeeran ee dhegta kor u taagaya, caalamkana il gaar ah ayuu inagu soo eegayaaye ha inaga sii jeedinina. "waxba yaanu xeerkay I marin, xoolana I siine xaashaa nin libin kaa xistiyay xumihii waayaabee."
Markaa waxaan leeyahay meesha talo iyo tilmaan kuma haysaane joojiya boro-bogaandada bilaa jihada ah.
Nin daad qaaday xumbo cuskay.
Mustafe Cabdi Maxamed (Cusbo).
Top
Diyaarad khal-khal gelisay maqaaladda Frankfurt |
Frankfurt (W.Wararka) - Diyaarad lagala baxsaday mid ka mid ah madaarada yar-yar ee jarmalka ayaa jaha-wareer ku riday xalay xaaladda amaanka magaalada Frankfurt, iyada oo la xidhay madaarka caalamiga ah ee magaaladaasi.
Sida ay sheegeen ciidamada Boolisku nin hubaysan ayaa ku guulaystay inuu diyaaraddaa yar kala baxsado mid ka mid ah madaarada yar-yar oo ku yaala dhinaca koonfur bari ee magaaladaasi, isaga oo ku hanjabay inuu duqayn doono daarta dabaqa ah ee xarunta u ah Baanka dhexe ee Midowga Yurub, balse markii dambe Telefishanka Jarmalka ayaa sheegay in ninka diyaarada la baxsaday uu sheegay inuu doonayo oo keliya inuu isagu is dilo, balse aanu doonayn inuu cid kale dilo.
Diyaaradan oo ku dul-wareegaysay magaalada in muddo ah waxa ku kacay ciidamada cirka oo wata diyaaradaha qumaatiga u kaca si ay u fadhiisiyaan meel ka fog magaalada, arrintani waxay cabsi ku abuurtay dadka magaalada deggan oo kala yaacay si ay naftooda ula baxsadaan.
Waxa kale oo duulimaadyada diyaaradaha laga joojiyay madaarka caalamiga ah ee magaalada Frankfurt.
Ma cadda sababta ninkan ku kelliftay inuu diyaaradda la baxsado mas’uul u hadlay Booliska ayaa sheegay in falkan diyaaradda lagula baxsaday uu u muuqdo in aanay lug ku lahayn cid argagixiso ahi.
Wararkii u dambeeyay ee xalay soo baxay waxay sheegeen in diyaaraddaasi ay fadhiisatay madaarka Frankfurt, iyada oo ay ciidamada Biiliskuna gacanta ku dhigeen duuliyihii diyaaradda af-duubay, balse ma cadda sida lagu soo fadhiisiyay diyaaraddaa, laakiin waxa loo malaynayaa inay ciidamada cirku ku khasbeen inay fadhiisato.
Dhacdadani waxay xasuusisay dadka magaaladaa weeraradii lagu qaaday Maraykanka 11 September 2001, taas oo cabsi xoog leh ku abuurtay.
Top
20 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Ka Dhacay Isra’il |
Tel Aviv (W.Wararka) - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 100 qof-na way ku dhaawacmeen kadib markii ay laba qarax oo is-daba joog ahi ka dhaceen badhtamaha magaalada Tel Aviv oo ah caasimadda Isra’il.
Labadan qarax oo ay fuliyeen naftood hurayaal reer Falastiin ahi waxay u adeegsadeen saanad culus oo waxyaalaha qarxa ah, taas oo keentay inay burburaan dhismayaal oo ka ag dhowaa halka ay ka dhaceen oo ah suuq ganacsi oo ay dadku aad ugu badan yihiin.
Sida ay sheegeen dad goob-joog ahaa qaraxyadani waxay argagax weyn ku abuureen dadkii goobtaa joogay oo u kala firxaday afarta jiho, halkaas oo ay ka dhasheen khasaarayaal aad u waaweyni oo isugu jira dhimasho iyo dhaawacba. Dadka dhimashada iyo dhaawaca ah oo u badan dad Israeliyiin ah waxa kale oo la sheegay inay ku jireen dad dalxiis ahaan u joogay Israel, ilaa iyo hadda ma cadda cidda fulisay weeraradan, balse Israel waxay dusha ka saartay kooxaha islaamiga ah ee reer Falastiin, iyada oo ku tilmaantay inuu ahaa fal argagixiso ah. Laakiin afhayeen u hadlay ururka Jihaad Al-Islaami ayaa beeniyay inay wax lug ah ku lahaayeen weeraradan, isaga oo intaa ku daray inay yihiin weeraro ay fuliyeen xaq u dirirku oo ay kaga soo horjeedaan falalka ay Israel ka wado dhulka reer Falastiin.
Afhayeen u hadlay maamul-hoosaadka reer Falastiin ayaa cambaareeyay weeraradan oo uu ku tilmaamay falal ay fuliyeen dembiilayaal ay tahay mid caddaaladda la horgeeyo.
Top
Macalluul soo food-saartay 30,000,000 oo afrikaan ah |
Warbixin laga soo saaray xaaladda ay ku sugan tahay qaaradda Afrika ayaa sheegtay in 30,000,000 (soddon malyuun) oo Afrikaan ah ee soo food-saartay macalluul iyo darxumo, taas oo ka dhalatay deggenaansho la’aanta ka jirta goobo badan oo ka tirsan Afrika.
Sida ay sheegtay warbixintan oo ay soo saareen hay’adaha dhinaca samofalka dhibaatada waxa sii xoojiyay iyada oo aanay dadkaasi helin kaalmadii ay u baahnaayeen ee wax ka beddeli lahayd noloshooda.
Abaaro iyo roob la’aan ka jirta Geeska Afrika ayaa keentay inay yaraadaan midhihii u soo go’I lahaa dadka beeralayda ah, gaar ahaana dalalka Itoobiya iyo Eleteriya, taas oo keenaysa in dad ka badan 15 malyuun oo qof ay food-saarto macalluuli sannadkan cusub ee bilowga ah.
Sida ay warbixintu sheegtay oo ay isku soo duba-rideen Baanka Adduunka iyo Hay’adda lacagta Adduunka oo la soo saaray bishii December ee dhammaatay waxa kale oo dhibaato ka taagan tahay dalalka koonfureed ee Afrika, iyada oo ay macalluuli soo food-saartay 14 malyuun oo qof oo dhimasho qarka u saaran, iyada oo ay dhibaatada sii xumaysay deggenaanshiiyo la’aanta dhinaca siyaasadda.
Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay dalka Zimbabwe oo ay ka taagan tahay muran xagga beeraha ku saabsani, taas oo keentay cunto la’aan soo wajahday 8 malyuun oo qof, iyada oo dadka dalkaa ku nooli ay dhan yihiin 11.8 malyuun oo qof. Waxa kale oo ay khatar noocaas ahi ka taagan tahay dalka Zambia oo ay dad gaadhaya 2.9 malyuun oo qof gaajo qarka u saaran yihiin. Dalalka kale ee ay xaaladani ka jirto waxa ka mid ah dalalka Lisotu, Malawi, Mozambique, Swaziland. Dhinaca galbeed ee qaaradda Afrika waxay warbixintu sheegtay inay xaaladda abaartu saamaysay dalka Muriitaaniya oo ay halis ku sugan yihiin dad gaadhaya hal malyuun oo qof.
Top
Shresburry oo 2-1 ku muquunisay everton
Madaxa kooxda Shrewsburry Kevin Ratcliffe ayaa u riyaaqay guushii ay kooxdiisu afka dhulka u dartay Sabtidii kooxda Everton oo ciyaartaas ay ku adkaatay Shrewsburry 2-1 Everton.
Goolka guushu wuxuu u dhashay Shrewburry markii ay dhammaadka ciyaarta ka hadhsanayd oo qudha laba daqiiqadood waxaanu u dhaliyay kabtanka kooxdaa Nigel Jemson, madaxa kooxda Shrewsburry oo 14 sannadood hore ug ciyaarayay kooxda Everton ayaa ku tilmaamay guushan ay kooxdiisu kaga adkaatay Everton inay tahay waqtigii ugu mudnaa intii uu xilkan hayay, Ratcliffe isaga oo ka hadlaya ciyaartoygiisa waxaa uu yidhi; "Waxaan helay 11 geesi oo goobtaa ka ciyaaray, howshii ciyaareedna waxay u qabteen si haboon, waxaanu ku siqnay dhinaca koobka, guulna way noogu soo gebogebowday ciyaartaasi halka uu dhammaadkii ciyaarta guushii ay gaadhay kooxdisu uu uga dabaal-degay Ratcliffe waxaa si ka soo horjeeda isna u dhibsaday natiijadii ciyaartaa maamulaha kooxda Everton, Mr. David Moyes oo ay isaga u ahayd dhacdadii u xumayd ee soo marta intii uu maamulayay kooxda Everton waxaanu yidhi; "Waa dib u dhacii u waynaa ee nala soo darsa tan iyo intii aan la wareegnay xilka maamulka ee naadiga Everton, Shrewsburry waxa ay doorkan u ciyaartay si wanaagsan, waanu ka xumaanay sida ay wax u dhaceen ciyaartan, laakiin waxaanu ognahay inaanu sidaa soo dhaami doono."
Top
Kooxda Fulham Oo Reebtay Birmingham |
Markii uu ka soo noqday dhaawac jidheed oo hore ugu gaadhay ciyaar oo uu dibadda uga joogay loolanka kubadda cagta, ayuu ciyaaryahanka Louis Saha oo u safta Naadiga Fulham, wuxuu ku bilaabay gool uu u dhaliyay kooxdiisa ciyaartii ay la yeelatay Birmingham shalay.
Saha, wuxuu goolka dhaliyay bilowgii qaybtii labaad ee ciyaarta, waxa iyaguna goolalkii kale u dhaliyay Fulham, Fecundo Sava iyo Bjarne Gold Baek, halkaas oo ay kooxda Fulham la galbatay guushii ciyaareed ee ugu horeysay lix ciyaarood oo aanay hore u badin. Ciyaartaas oo ku dhammaatay guul ay kaga badisay Fulham 3-1 Birmingham, waxaanay kooxda Birmingham goolka dhalisay qaybtii dambe ee ciyaarta, waxaana u saxeexay Stern John.
Laba kooxoodba waxaa ka muuqday in aan ciyaartoodu degganayn, inkastoo Fulham ay waxoogaa ciyaarteedu ka soo raysay daqiiqadii 11aad, markii ay goolkoodii ugu horeeyay ee ciyaartaa ay dhaliyeen.
Isku kalsooni la’aanta ciyaareed ee kooxda Birmingham, waxay ahayd mid muuqatay qaybtii hore ee ciyaarta, waxaanay awoodeen tiro yar oo weerar ah in ay ku qaadaan dhinaca kooxda Fulham, waxayse fursad aanay nasiib ku yeelan kooxda Birmingham heshay markii uu Jovan Kirovski uu kubad faraaqo ah ka helay meel u dhow goolka Fulham, laakiin garsoorihii ciyaartaa dhexdhexaadinayay ayaa kubadda dib ugu soo celiyay, si ay u laataan Birmingham.
Kooxda Fulham ciyaartoydoodu, waxay ahaayeen kuwo xakamayn karaya kooxda Birmingham, laakiin Birmingham iyagu may awoodeyn in ay horjoogsadeen marka uu kubadda iyo orod uu isu raaciya Saha oo ka mid ahaa ciyaartoyda ugu cadcad kooxda Fulham.
Gool kale ayay Fulham ku dhalin gaadhay Birmingham, markii uu laad meel dhow kaga toogtay saha goolka Birmingham, kaas oo cuskaday birta, sigayna inuu dhasho gool kale oo ay oo sii xoojiya khasaaraha weyn ee ay la kulantay Birmingham.
Dabayaaqadii ciyaarta ayay Birmingham, sigtay in ay fursad ka faa’iidaysato, laakiin dhammaystirkeedu uu noqon mid keena gool.
Top
Liverpool Oo Garbisay Manchester City |
Laadka xorta ah ee rigooraha oo ay heshay kooxda Liverpool, qaybtii dambe ee ciyaarta ay la yeelatay Manchester City, ayay ku dhashatay gool uu u dhaliyay weeraryahanka Danny Murphy, kaas oo ay ugu gudubtay kooxda Liverpool wareega afraad ee koobka Ingiriiska (FA Cup).
Guushaas Liverpool, waxaa kale oo haakah yidhi tababaraha Liverpool, Gerard Houlier.
Ciyaaryahanka ka ciyaara khadka dhexe ee reer Englan, Murphy, ayaa dhaliyay qaybtii labaad ee ciyaarta goolka Liverpool ka hormariyay kooxda Manchester City, taas oo xaqiijisay in ay u gudubtay ciyaaraha ugu wareega afraad ee lagu hiigsanayo koobka Ingiriiska (FA Cup).
Liverpool, markii ay soo dhaaftay toban ciyaarood oo ciyaaraha horyaalka ah oo aanay midna guul la caraabin, waxay ahayd mid guusha ku qiimaysan, iyadoo ay Liverpool ciyaarta ay kala hor tageen Manchester City aanay ka muuqan kuwo ay isku kalsoonidoodu hooseyso, una ciyaarayeen isku kalsooni aad u saraysa oo ay iska qabeen. Balse ciyaarta ay soo bandhigeen Kooxda Manchester City, waxay u muuqdeen kuwo isku buuqsan, waxayna ku urureen laynka dambe ee difaaca qaybtooda garoonka, inkastoo garsoorihii ciyaarta Uriah Rennie uu siiyay fursad ay ka faa’iidaysan karaan kooxda Manchester City oo ay ku dhaafi karaan difaaca Liverpool daqiiqadii 21aad, laakiin kubadaa waxaa gaadhi waayay ciyaartoyda Manchester City.
Qaabkii ay ciyaartu u socotay, ayaa ku khasbay in kooxda Manchester City ay isbedel ku samayso Lucien Mettomo oo ay soo geliso Eyal Berkovic oo sameeyay waxoogaa xarako ah, markii kubad u salaxay Anelka oo laad gaaban la beegsaday goolka Liverpool, waxaase kubadaa badbaadiyay goolhayaha Liverpool Chris Kirkland, halkaas ayayna ciyaartii 1-0 ay guushu ku raacday Liverpool.
Top
|