"Somaliland Kumaan Arag Wixii Aan Ku Arkay Angoola, Musambiik, Burundi Iyo Kongo"
Duqay Reer Boorama Ah Oo Socdaal Ugu Soo Baxay Magaalada Hargeysa
BADHEEDHAHA WARGEYSKA
Odayaasha Guurtida Iyo
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Kala Booday Ajande Dib-U-Dhigista
Doorashada Ah
Reer Boorama Waxay U Coddeeyeen Madaxweyne Rayaale Manay Filayn Doorashooyin Kale
Weriyayaal TV-ga Hargeysa oo Hatigaad Kala Kulmay Gebilay
Oday ka sheekee
Wararka Dibadda
Dawladda Isra’il Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Degaanada Falastiiniyiinta
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Halaga Hortago Khatarta Majeerteeniya
Badweynta Fanka Iyo Suugaanta
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
Waadiga Ciyaaraha
Romario oo sheegay in ciyaarihiisa.
Deportivo oo filaysa
inay ku faa’iido nidaamka cusub |
|
"Somaliland Kumaan Arag Wixii Aan Ku Arkay Angoola, Musambiik, Burundi Iyo Kongo"
|
Shir-Jaraa’id: Mr. Welile Nhlapo
Hargeysa (Haatuf) Welile Nhlapo oo ah agaasimaha guud oo ka tirsan xafiiska madaxtooyada ee dawladda Koonfur Afrika oo hogaaminayay wefti saddex qof ka kooban oo booqasho ku yimid Somaliland ayaa shalay shirjaraa’id ku qabtay galinkii hore Hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa.
Welile Nhlapo oo shir jaraa’id kaga waramay dhinacyo ay ka mid yihiin booqashadiisa Somaliland, iskaashiga Koonfur Afrika iyo Somaliland, xaalada uu ku arkay Somaliland iyo guud ahaan hawsha (AU) ee midawga Afrika, ugu horeyn isagoo Mr. Nhlapo ka hadlaya ujeedadii booqashada uu ku yimid Somaliland wuxuu yidhi, "waxay ii ahayd aniga naftayda booqasho wanaagsan markii aan helay fursad aan ku imaado Somaliland, inaan imaado oo aan arko anigu dhab ahaan xaalada ka jirta halkan, waxay ahayd arrin la yaab leh markii aan arkay ee aan ogaaday, dhamaan inta kale ee qaarada, qayb ka mida dunida oo weyn sheekada Somaliland maaha mid laga ogyahay, sababta muuqataana ee sidaasi ay u dhacdayna waxa weeyi dadku weli waxay sii eegayaan mawduuca soomaaliya marka la eego arrinta Somaliland, xaqiiqda waxa u taagan Somaliland guud ahaan in waxay dunidu ka qabato soomaaliya waxaa horjoogsaday mushkiladaha ka jira Muqdisho."
Mr. Nhlapo isagoo hadalkiisii sii wata waxaa kale oo uu sheegay in mushkiladaha ka horyimid in dunidu ka jawaabto si ku haboon oo waxtar leh wax dhaqdhaqaaqa xuquuq doonka ah ee ka jira gobolkan, horumarka laga sameeyay dhidibo u taagista nabadgelyada ee Somaliland iyo baahida weyn ee in horumar laga sameeyo arrintaa, "Somaliland umay muuqan waxa u qalanto in lagu qiimeeyo, anaga waxay arrintani noo ahayd in aanu ogaano, waxaanu halkan la nimid maskax furan, indho furan, iyo dhego furan, si aanu aragno oo aanu halkan wax ka ogaano, oo aanu wax dhagaysano, aqoona waanu ka korodhsanay, waxaanu halkan u nimid inaanu fahamno mushkilad, waxaanuse la tagaynaa anagoo fahamnay dhaqdhaqaaqa xuquuq doon ee halkan ka jira, taasoo ah xogta dhabta ah ee aanu halkan ka helnay, halkan Somaliland waxaanu ku rajo weynahay in aanu kula noqon xogtii aanu helnay Koonfur Afrika, jawaabtaa ka soo noqonaysaa arrintan waqtigaa inoo sheegi doona."
Warbixintan uu Mr. Nhlapo ka bixiyay safarkiisa ka dib wuxuu ka jawaabay su’aalo ay saxaafada madaxa banaani weydiisay oo u dhacay sidan:
S: dhinacee ayaad filaysaa in ay Koonfur Afrika ka caawin karto Somaliland?
J: wixii aan arkayay in Somaliland tahay, wixii aan ka maqlay iyo wixii aan ku arkay markii aan imid waa mid gebi ahaanba kala duwan, waxaa jira dhinacyo badan, Koonfur Afrika waxay leedahay khubaro aqoon u leh qaybo faro badan, waxaa dhiiri galin u baahan hawlaha gaarka ah (private Sector), halkan waxaanu ku aragnay korontada iyo biyaha, waanu leenahay qaybahan khuburo aad ugu takhasusay.
S: intii aad socdaalka ku joogtay Somaliland ma la kulantay madaxdeeda, maxaase ka soo baxay kulamadaas?
J: Haa waanu la kulanay inta badan wasiirada, M/weynaha iyo M/weyne ku xigeenka, waxaanu yeelanay wada xaajood iyo arrimo badan oo aanu isla gorfaynay, waxay nooga warameen dhinacyada ay la tahay in aanu iska kaashan karno, waxaanu kula noqon doonaa dulucdii wada hadalada wadankayaga, waxaananu hordhigi doonaa masuuliyiintayada oo ay ku jiraan kuwa hogaamiya qaab siyaasadeedka dalkayaga.
S: Somaliland waxay xidhiidh wanaagsan la leedahay wadamada jaarkeeda sida Itoobiya, laakiin heerkii dadka reer Somaliland ay doonayeen ee aqoonsiga muu gaadhin, markaa kiinuna ma mid sidaasoo kale wanaagsan oo bilaa aqoonsiyaa?
J: su’aasha aqoonisga waxay ahayd mid lana weydiiyay meel wal oo aanu booqanay Somaliland, waanu dhagaysanay waananu qoranay, xusuus qorkayaga dhawaaqa aqoonsiga ee dadka Somaliland, waana mawduuc aanu kula noqonayno dalkayagii.
S: Maxaa ka mid waxyaalaha aad ku aragtay Somaliland intii aad booqashada ku joogtay?
J: waxaan arkay inay yihiin dad si diiran ku soo dhawaynaya, dad ka shaqeeyay nabadgelyadoodii, waxaan hore u soo arkay dalal ay dagaalo sameeyeen, iyo dagaalkii ka dib, Somaliland kumaan arag, wixii aan ku arkay Angola, Musaanbiig, Burundi, iyo Koongo. Waxyaalihii ay ka qabsatay xalinta mushkiladaha, hub dhigista ayaa arrimaha ay ku guulaysatay Somaliland qaab nabadeedka ay dadku u noolyihiin iyo sida nabadgelyada ah ee ay u ganacsanayaan ayaa ah waxyaalaha muuqda ee ay Somaliland ku guulaysatay.
Agaasimaha guud ee ka tirsan madaxtooyada dalka Koonfur Afrika Mr. Welile Nhalapo isagoo ka waramayay halka ay marayso midnimada Afrika ee diyaargaraynteedii u dambaysay lagu qabtay Koonfur Afrika wuxuu sheegay in hawshaas ay socoto oo lagu sii wadi doono shir lagu qaban doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, weftigan koonfur Afrika sida uu Haatuf u sheegay madaxa habmaamuus ee madaxtooyada Somaliland Mr. Cartan waxay ka ambabaxayeen Somaliland gelinkii dambe ee shalay, intii ay joogeen weftigaasi waxay booqdeen magaalooyinka Berbera, Sheekh iyo Hargeysa, oo ah halka ay booqashada ka bilaabeen kuna soo dhamaystireen weftigaa waxaa ka mid ahaa Iqbal Jhazbahay oo ku caana xidhiidhka K/Afrika iyo Somaliland.
La Soco Cadadka Jimcaha
Top
Duqay Reer Boorama Ah Oo Socdaal Ugu Soo Baxay Magaalada Hargeysa |
Boorama (Haatuf): Raxan odayaal ah oo isugu jira Madax-dhaqameedyo, taageerayaal ka tirsan urur-siyaasadeedka UDUB oo ay weheliyaan qaar ka tirsan xubnaha Golaha Guurtida ugu jira Gobolkan Awdal, ayaa shalay u soo ambabaxay caasimadda Hargeysa, iyagoo sida muuqata martiqaad ka helay Xukuumadda. Ambabaxa duqeydan oo aan hore loo sii sheegin, ayaan la ogeyn sababta keentay.
Qaar ka tirsan odayaasha oo uu wax ka weydiiyey Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal, Maxamed Cumar socdaalkoodan Hargeysa ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan.
Wararka ku saabsan socdaalka odayaashan oo qaar ka mid yihiin rag aad ugu ololaynayey urur-siyaasdeedka UDUB, wakhtigii doorashooyinka golyaasha deegaanku soo dhawaaaeen.
Warar la xidhiidha socdaalka odayaashan ee dhinaca caasimadda Hargeysa, ayaa sheegaya in la tuhunsan yahay in odayaashu Hoggaanka dalka, siiba Madaxweynaha, kala talin doonaan arrimo dhowr ah oo khuseeya gobolkan Awdal, iyagoo isla markaana uga xog-warrami doona qaabkii ay u dhaceen doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee gobolkan Awdal iyo wixii dhibaatooyin iyo dhaliilaba lagala kulmay iyo sidii loo toosin lahaa kuwa dambe ee soo socda.
Maamulka dawladda ee Boorama, ayaan isna wax war ah ka bixin socdaalkaa ay odayaashu ugu baxeen caasimadda Hargeysa.
Top
Mujaahidiinta SNM Yaa Ka Xaaraantinimeeyey Mashruuca Ay Maamusho GTZ
Hub-kadhigista iyo abaabul ka saarka ciidamadii dagaalyahanka SNM iyo Kuwii kale ee ka soo horjeeday waxay ahayd hawl loo siman yahay oo dalka si joogto ah uga socota, iyadoo ay ciidamadaa labada dhinac-ba iskood hubka isaga dhigeen ama isaga dhigayeen laga soo bilaabo tan iyo 1991-kii, taas oo ay ciidamada hubka dhigay iskood u raadsadeen nolol kale oo ka baxsan mihnidda ciidamada. Hase yeeshee horaantii sannadkii 1994-kii ayey dad badan oo ka mid ah dagaalyahanka SNM (Mujaahadiin) is-abaabuleen, ka dibna ay hubkoodii cuslaa ee tiknikada ahaa (Taangiyo iyo madaafiic kale) ku wareejiyeen dawladda Somaliland, iyadoo ay ururka SOOYAAL ee Madaxa banaan iyo hay’adda dawladda u qaabilsan abaabul ka saarka xiligaa ku soo baxsadeen jihaynta dagaalyahankii hubka iska dhigay iyo weliba agoomihii iyo kuwii ku naafoobay halgankii hubaysnaa ee ururka SNM. Hase yeeshee arintaa jihaynta wax badani kama hirgelin, ka dib markii ay dawladda iyo hayadaha samafalka shisheeyuhu fulin-waayeen ballan-qadyadii ahaa inay gacan buuxda ka geystaan sidii dagaalyahankii hubka iska dhigay ama naafoobay iyo agoomihii loogu dabaali lahaa ama loogu jihayn lahaa daryeel nololeed.
Ururka SOOYAAL oo ay ujeedada loo abuuray ahayd inuu ka shaqeeyo hawlaha caynkaas ah ayaan dawladda ka heli jirin wax mucaawino iyo gacan-qabasho ah, laakiin iska dhaaf gacan-qabasho uu ururka SOOYAAL dawladda ka helo ee wuxuuba kala kulmi jiray hatigaad iyo carqalado waxyeelo u geysta hawlihiisa.
Muddo hadda shan sannadood laga joogo ayuu ururka SOOYAAL sooa bandhigay mashruuc balaadhan oo ay ujeedadiisu ahayd inay hayadaha samafalka ajnebiga ahi dagaalyahanka, agoomaha iyo naafada SNM ugu deeqaan dhaqaale-maalgelineed oo shaqooyin iyo meherado ay nolosha kala soo baxaan loogu abuuro. Sidoo kale qoraalka mashruucaasi waxa kale oo uu xanbaarsanaa qorshayaal ku talinaya sidii ay dawladda lafteedu u heli lahayd mucaawino debedeed, ka dibna ay mucaawinadaa uga faa’iidaysan karto hadii ay la timaado qorshe ay ku dhimayso ciidanka Qaranka, iyadoo sida la sheego ay ciidanka Qaranka 80% ku baxdo miisaaniyadda dawladdu. Laakiin midowga Yurub aakhirkii goor dambe ogolaaday inuu mashruucaa maalgeliyo, ka dibna markii uu ururka midowga Yurub ogolaaday maalgelinta mashruucaa waxay fulintiisa u xil-saareen hay’adda samafalka ee la yidhaahdo GTZ, hayadaas oo Somaliland mar kale timi sannadkii 2000. Hase yeeshee waxa soo baxay warar xaqiijinaya inay dawladda Somaliland markiiba bedeshaya ujeedadii mashruucaa, iyadoo meesha ka saartay mujaahidiintii iyo agoomihii SNM oo loogu talo galay inuu mashruucaasi noqdo mid mudnaanta koowaad siinaya iyaga, laakiin waxa taa lagu bedelay shardi odhanaya Keliya dadka mashruucan ka faa’iidaysanayaa waa inay ka mid yihiin ciidanka qaranka".
Laakiin maamulka Madaxweyne Daahir Rayaale marar dhawr ah oo hore ayaa loo soo jeediyey talooyin ah sidii mashruucan dib loogu dabaali lahaa ujeedadiisii asalka ahayd ee ay u dejisay jimciyadda SOOYAAL, loogana ilaalin lahaa inuu noqdo mid majare-habaaba ayaad moodaa inay maamulayaasheedu taa ka iska dhego-mareen. Hase yeeshee waxa muuqatay in hadii mashruucaa loo maamulo qaabkaa majare-habowsan inay taasi keeni karto dareen xasaasiyad leh iyo murug ka yimaadoa majare-habowga lagu sameeyey ujeedadii iyo nuxurkii uu xanbaarsanaa mashruucaasi, sidaa darteed Madaxweyne Rayaale waxa la gudboon inuu sida ugu dhakhsaha badan u soo gacan geliyo qadiyadda mashruucaa, iyadoo ay ujeedadu tahay in wax laga qabto ama dib loo saxo qaladka weyn ee dhacay. Sidoo kale dagaalyahankii iyo agoomihii iyo weliba muwaadiniintii kale ee xaq u lahaa inay ka faa’iidaystaan mashruucaa, laakiin la hagraday waxa iyagana la gudboon inay samir iyo dul-qaad weheshadaan oo aanay noqon kuwo dareen cadho leh kaga jawaaba waxa ay tabanayaan, iyadoo la odhan karo "Samirkiina iyo dul-qaadkiina ilaahay dalka iyo dadkaba ha uga meel-yeelo."
Si kasta arimuhu ha ahaadeene waxay iswaydiintu tahay tolow mujaahidiinta iyo agoomaha SNM ka xaaraantinimeeyey mashruuca ay maamulayso GTZ, iyadoo ay dadkaasi yihiin kuwii mudnaanta koowaad lahaa ee ay ahayd inay mashruucaa ka faa’iidaystaan.
Top
Odayaasha
Guurtida Iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Kala Booday Ajande
Dib-U-Dhigista Doorashada Ah |
Hargeysa (Haatuf): Golaha Guurtida iyo guddiga doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa shalay ku kala booday ajande ku saabsan dib-udhigifdda doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka, ka dib markii ay labada dhinac kulan ku yeesheen xarunta golaha Guurtida, wuxuuna kulankaasi ka dambeeyey markii ay guddiga doorashooyinka qaranku golaha Guurtida u soo gud-biyeen waraaq qoraal ah oo ay kaga hadlayaan dib-udhigidda doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka, taas oo ay kulanka ujeedadiisu ahayd inay labada dhinac ka wada hadlaan ajandahaa. Hase yeeshee odayaasha guurtidu waxay markiiba ka biyo-diideen nuxurka qoraalkooda iyo aragtida ay xambaarsan yihiin, taasina waxay keentay inuu kulankaasi si degdeg ah u soo af-jarmo, iyadoo aan waxba la isla meel-dhigin.
Kulankaasina waxa uu ka dhacay xafiiska shirgudoonka golaha Guurtida, halkaas oo ay isku waajaheen xubnaha guddiga doorashooyinka Qaranka oo uu horkacayo gudoomiye-kuxigeenka guddigaa, isla markaana hadda ah kusimaha gudoomiyaha, C/laahi Cabdi Cumar, halka dhinaca guurtidana ay shirkaa uga qayb galeen koox odayaal ah oo uu horkacayey gudoomiyaha golaha Guurtida, mudane Sh. Ibraahin SH. Yuusuf, iyadoo ay xubnaha kale ee shirgudoonka Guurtida iyo weliba xubno kale uu mudanayaal ahi shirkaa qayb ka ahaayeen.
Guddiga doorashooyinku waxay golaha Guurtida u soo gud-biyeen qoraal ka hadlaya dib-udhigidda doorashada madaxtooyada oo uu markii hore ku talogalku ahaa inay dhacdo ugu dambayn 23-ka Jananweri, 2003, laakiin guddigu waxay qoraalkoodaa ku sheegeen inay xiliga doorashada madaxtooyada dib ugu riixeen 31-ka March, 2003. Hase yeeshee qoraalka ay guddiga doorashooyinku u gud-biyeen golaha Guurtida waxa uu ahaa mid lagu socod-siiyey madaxweyne Daahir Rayaale, halka golayaasha sharci-dejinta iyo weliba axsaabta siyaasadda la siiyey ogaysiin. Sidaa darteed golaha guurtidu waxay bilowgiiba farta ku fiiqeen hanaanka loo soo qoray waraaqda ka hadlaysa dib-udhigidda, taas oo ay golaha guurtidu ugu horayn u qadimeen guddiga doorashada maadaama aanay waraaqdaasi anaga nagu socon meesha ma taal inaynu ka wada hadalo.
Sidoo kale waxay su’aali ka dhalatay waxa la hadlayaa maadaama ay tahay dib-udhigidda doorashada yaa xaq u leh dib-udhigidda doorashada, waayo mudada ay guddiga doorashadu u cayimeen doorashada madaxtooyada waxay ku began tahay xili ay dhamaatay sharciyaddii xukuumadda madaxweyne Rayaale, sidaa darteed-na aanay guddiga doorashadu awood sharci u lahayn inay wax muddo ah kordhiyaan maadaama ay qabsoomidda doorashadu dhaaftay xiligii hore ee loo cayimay. Sidaa darteed guddiga doorashooyinka Qaranka iyo odayaasha Guurtida waxa kulankoodii shalay dhexmaray waxoogaa dood ah oo nuxurkeedu ahaa "Guddiga doorashooyinku awood sharci uma laha inay doorashada dib u dhigaan mar hadii ay ka dhacday mudadii hore ee loo qorsheeyey, halka ay guddiga doorashooyinku soo qadimeen aragti ay leeyihiin anaga ayaa xaq u leh inaanu mudada dib-udhigno", waxayse odayaasha guurtidu ku doodeen maadaama mudada ay guddiga doorashadu dib u dhigeen waqtigii doorashada madaxtooyada ay tahay muddo ka dambaysta xiligii dhamaadka sharciyadda xukuumadda madaxweyne Rayaale waa qalad qaabka ay guddiga doorashadu u qaabileen go’aankooda dib-udhigista, waayo marka la eego go’aanka dib-udhigista xiliga doorashada waxay guddiga doorashadu qoraalkooda ku socod siiyey madaxweyne Daahir Rayaale, laakiin waxay golaha Guurtida doodoodu ahayd sharciyan sidaasi sax ma aha ee keliya waxay ahayd inay yidhaahdaan "Mudadii ay ahayd in doorashada lagu qabto kuma qabsoomi karayso , isla markaana waxay ku qabsoomaysaa xiligaa", laakiin may ahayn ayey leeyihiin inay mudada dib-udhigista iska go’aamiyaan iyaga oo aan sharciyad u haysan.
"Qoraalkooda dib-udhigista mudada doorashadu waxa uu si toos ah ugu socday madaxweynaha oo keliya, halka ay golayaasha sharci-dejinta iyo xisbiyada kale ee siyaasadda ogaysiin soo siiyeen", sidaa waxa shirka ka dib ku tiraabay mudane ka mid ah golaha Guurtida oo ka mid ah raggii kulanka ka qayb galay, wuxuuna mudanahaasi intaa ku daray "Waanu la yaabnay waraaqda lagu socod siiyey madaxweyne Rayaale oo xisbi gudoomiye ka ah golayaashii sharci-dejinta iyo xisbiyadii kaleba ogaysiinta la siiyey."
Inkasta oo uu gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashada, iminkana ah kusimaha gudoomiyaha, C/laahi Cabdi Cumar madashii kulanka kaga dooday inaanay sharciyan qaldanayn sida ay u agaasimeen go’aankooda dib-udhigidda mudada doorashada, hadana isla goobtii xubno kale oo guddiga doorashada ah ayaa ka qirtay inay qalad leeyihiin.
Wada hadalka dhexmaray guddiga doorashada iyo odayaasha Guurtida oo waqti aan badnayn socday markiiba waa lagu kala dareeray, ka dib markii ay odayaasha guurtidu ka biyo-diideen qaabka ay guddiga doorashadu u soo agaasimeen qoraalkooda sharciyan iyo borotokool ahaan-ba.
Kusimaha gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, C/laahi Cabdi Cumar, isaga oo ka hadlaya sababaha ay dib ugu dhigeen doorashada madaxtooyada waxa uu xusay, iyadoo ay dib uga dhacday miisaaniyaddii doorashada lagu maamuli lahaa iyo weliba waraaqihii foodka iyo waxyaalo kale. Laakiin ugu dambayn odayaasha Guurtida iyo guddiga doorashadu waxay isla qaateen inay guddiga doorashooyinku dib isugu noqdaan oo ay golaha Guurtida si toos ah ugu soo qoraan qoraal kale oo ay ku cadaynayaan inay doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenku ku qabsoomi kari wayday mudadii sharcigu dhigayey, isla markaana ay soo raaciyaan sharax ku saabsan xiliga kale ee ay qabsoomi karto, Hase yeeshee isla shalay ayey guddiga doorashooyinku si rasmi ah ugu dhawaaqeen mudada ay dib-udhigeen xiliga dooarshada, taas oo ay sheegeen inay dib u riixeen ilaa 31-ka bisha Maarch ee foodda inagu soo haysa. Balse golaha guurtidu waxay taa u arkaan talaabo qayral sharci ah oo ay guddiga doorashooyinkku ku dhaqaaqeen.
Sharciyan ugu dambayn bil ka hor mudada aya dhamaanaysa mudada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenku ayey tahay inay qabsoonto doorashada madaxtooyada, sidaa darteed doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-xigeenka Somaliland waxay ahayd inay ugu dambayn dhacdo 23-ka Janaweri, 2003, waayo Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waxay mudada sharciyadda kuraastu kaga egtahay 23-ka Feberwei, 2003. Hase yeeshee mudada ay hadda guddiga doorashooyinku u cayimeen ee 31-ka March, 2003 waxay ku beegantahay xili ay dhacday sharciyaddii xukuumaddu, sidaa darteed waxa muuqata inay Madaxweyne Rayaale iyo Kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin u baahan yihiin sharciyad ay kuraasta ku sii fadhiyaan, taasna waxa la filayaa inuu noqon doono ajande la hor-geyn doono golaha Guurtida.
Top
Reer Boorama Waxay U Coddeeyeen Madaxweyne Rayaale Manay Filayn Doorashooyin Kale |
Faallo - Maxamed Cumar, Weriyaha Haatuf ee Boorama
Asalkaba marka laga hadlayo doorashooyin madaxbannaan oo ay ku tartamayaan ururro siyaasadeed, waxa uu mid kastaaba isku dayaa sidii uu u meel-marsan lahaa hadafkiisa siyaasadeed si uu ugu soo baxo doorashooyinkaasi.
Waxa dalkeenna dhawaan soo maray muddo ka badan 34 sano kadib, doorashooyin qofka muwaadinka ahi ku dooranayo waxa uu doonayo ama hoggaanka uu doonayo inuu danihiisa ka shaqeeyo. Waxayse doorashadan ujeedadoodu ahayd, sidii shacbiga Gobolkan Awdal ku nooli u dooran lahaayeen cidda masuulka uga noqon doonta danaha iyo horumarka deegaanka degmooyinka gobolka Awdal.
Haddaba su’aasha imika reer Boorama isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay Doorashooyinkii la soo maray bishii hore ee diisambar 15-keedii, waxay ahaayeen ama cidda lagu dooranayey. Sababta keentay su’aashaa wakhtigan inay dad badan oo ku nool gobolkani isweydiiyaan, ayaa waxay ka dhalatay qaabkii loo galay ololaha lagu soo jiidanayo dadweynaha, loona heli lahaa taageerayaal badan. Dadweynaha reer Boorama, waxa boqolkiiba toddobaatan (70%) u codeeyeen urur-siyaasadeedka UDUB oo markii ururkaasi ololaynayey loogu sheegay inuu yahay ururka Madaxweyne Rayaale ku jiro, musharraxana u yahay. Waxa kale oo raggii UDUB u ololaynayey gaadhi kasta, gidaar kasta iyo meel kasta oo dad joogaba isku garab dhejiyeen sawirka Madaxweynaha iyo calaamadda UDUB, taasi oo la arki waayey sawirada musharraxiinta ururada siyaasadda oo ku garab dhegsan Madaxweynaha, ama gaadiid kaleba lagu dhejiyey hogaamiyayaashaa ururada kale ee la loollamayay UDUB, waxayna taasi keentay in dad badan oo kunool gobolkani u qaateen in Madaxweynaha u dhashay gobolkan Awdal laga qaadayo meesha oo reer Boorama ay Madaxtinnimada ku waayayaan sidaasi.
Arrintaa waxa wakhtigii doorashada ka warramay Xildhibaan Maxamuud Axmed Barre Garaad, mar uu furayey xafiiska urur-siyaasadeedka ASAD Boorama ku leeyahay, "Waxa dadka lagu khaldayaa sawirka Madaxweynaha ee ama ha lagu wada dhejiyo ama halaga wada daayo"ayuu yidhi Garaad 14kii bishii diisaambar.
Dad badan oo u dhashay gobolkan oo aan wax ka weydiiyey sababta ay UDUB ugu codeeyeen wakhtigii doorashooyinka Golyaasha Deegaanka Gobolkan Awdal, ayaa badankoodu rumaysnaayeen in UDUB oo lagaga adkaado doorashooyinkani tahay Madaxaweyne Rayaale oo laga adkaaday, sidaa darteedna ay kaga go’antahay inay soo saareen mar kale. Cabdi Cali oo 21 jir ah oo aan weydiiyey sababta uu UDUB ugu codeeyey, ayaa yidhi: "Waxan ugu codeeyey sababtoo ah waa madaxweynaheenii."
Faarax Cali oo 48jir ah oo aan isna wax ka weydiiyey sababta uu UDUB ugu codeeyey ayaa yidhi: "Ma innagoo haysanna jagadii dalka ugu saraysay ayaa dooranna meelo hoose oo aan ka soo gudubnay."
Hadaladaa iyo kuwa kale oo la mid ah ayaan maqlayey wakhtigaa, balse maanta oo ay ka soo wareegtay in ka badan dhowr iyo labaatan casho ah wakhtigii la qabtay doorashooyinka golyaasha deegaanka Boorama, sheekadu way ka duwan tahay tii wakhtigaa. Dadka ku nool badi gobolkan, gaar ahaanna Boorama, ayaa imika ku ambabaray in waxay u codeeyeen ay ahaayeen dad caadi ah oo ay qaarkood ku sheegaan inayna u dhalan deegaanka, Booramana aanay uba dhalanba. Waxa kale oo ay hadal hayaan in ragga ugu horreeya musharraxiintu aanay buuxinba shuruudihii lagu xidhay musharraxnimadooda, raggii aqoonta iyo waayo aragnimada lahaana ay liiska xagga dambe kaga yaallaan, lana filayn inay ku soo biiraan golayaasha deegaanka xubnihiisa.
Isku soo wada duub, hadda ayuun bay ogaadeen dadweynaha gobolkan ku nooli in waxa ay u codeeyeen aanay ahayn Madaxweyne Rayaale ee ay ahaayeen dad aanay aqoon, balse waxa ay leeyihiin, "Mar i dage Alla ha dago."
Top
Weriyayaal TV-ga Hargeysa oo Hatigaad Kala Kulmay Gebilay |
Gebilay (Haatuf): Maayarka degmada Gebilay Abiib Xasan Fil-fil ayaa la sheega inuu waxyeelo u geystay mid ka mid ah kamaradaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha TV-ga Hargeysa, waxayna taasi ka dambaysay markii ay suxufiyiin ka tirsan telefishinku maalintii shalay booqdeen degmada Gebilay, ka dibna ay maayarka xafiiskiisa ku booqdeen si ay waraysi ugala yeeshaan xaaladaha maamul iyo adeeg ee degmadiisa, laakiin maayarku wuu diiday waraysigaa, isla markaana waxa uu sida la sheegay ka cadhooday inay weriyayaasha TV-gu isha kamaradda oo lagu fiiqay xafiiskiisa, taasina waxay keentay inuu ilaa gacantiisa isticmaalo, halkaana uu dhaawac weyni ku soo gaadho mid ka mid ah kamaradihii ay weriyayaashu siteen, iyadoo ay weriyayaasha TV-ga Hargeysa isla shalay dib ugu soo laabteen dhinaca Hargeysa. Laakiin weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa maayarka waydiiyeys sababta uu dagaalka ugala hor tegaya weriyayaasha iyo waxa ku kelifay inuu qalabka ka jejebiyo weriyayaasha, wuxuuna ku jawaabay "Waxaan u sheegay inaan waraysi diyaar u ahayn, laakiin waxay doonayeen inay khasab igu waraystaan, markaa kamaradii ayaan iska leexiyey, balse ma jirto wax kamarad ah oo aan ka jejebiyey."
Dhinaca kalena waxa la sheegay inay weriyayaasha TV-gu doonayeen inay maayarka Gebilay ka waraystaan arimo dhawr ah oo ay maalmahan hadal-hayntoodu ku badnayd degaanka Gebilay, kuwaas oo ay ka mid yihiin baabuur iyo cagafyo duug ah oo la sheegay inay dawladda hoose xaraashayso iyo sidoo kale dhul dan-guud ah oo ku yaal tuullada Tog-wajaale oo maamulka dawladda hoose lagu xamanayo inay damacan tahay inay dad gaar ah siiso. Waxa kale arimaha la hadal hayo ka mid ah gabadh ay da’deedu tahay 18 jir oo u dhimatay dhaawac ka soo gaadhay god ay dawladda hoose qodday oo ay gabadhaasi ku dhacday 5-tii bishan, iyadoo ay arintaa doodi ka taagan tahay.
Arinta la xidhiidha gaadiidka ay dawladda hoose xaraashayso waxay dad badan oo reer Gebilay ahi u arkaan inaanu maamulka Gebilay ee hadda talada hayaa awoaod u lahayn inuu xaraasho hantida ummadda, maadaama ay xilka waqti aan fogayn kala wareegayaan rag la soo doortay oo ah nimankii ku soo baxay doorashooyinkii golayaasha degaanka ee dhowaan dhacay, laakiin dad kale ayaa iyaguna leh ma jirto baahi loo xaraasho gaadiidkaa, iyadoo ay dhinaca kalena meelo ay ka mid yihiin ciidanka boolisku ay ka jirto baahi gaadiid la’aan ahi. Hase yeeshee madaxda degmada Gebilay waxay sheegeen inay xaraashka gaadiidkaa ogolaansho uga haystaan madaxda sare ee wasaaradda daakhiliga, waxayna madaxda degmadu qoraalkooda xaraashka gaadiidkaa ku dhejiyeen xafiiska degmada hortiisa.
Top
Saadaasha Sanadka Cusub 2003
Aadamuhu aad ayuu u jecelyahay inuu wax ka ogaado wakhtiga fooda ku soo haya, iyo waayihiisa la xidhiidha, hase yeeshee, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahooda, umana adkaysan karo noloshaha hadduu xogogaal u noqon lahaa ayaamaha ku soo fool leh, waxaana dadka badankoodu aysan u adkaysan karayn farxad iyo naxdin saamiga uu ku leeyahay hadduu ogaado.
Haddaba aadamuhu ma daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka. Ku dhaqanka saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeed bulshaweynta, iyagoo u sahaminaya beerahooda, xoolahooda, iyo noloshooda, waxaana arrimaha saadaashaa wax laga weydiiyaa dad gaar ah oo loo tirinayo in ay aqoonta saadaalinta khibrad u leeyihiin.
Wargeyska Haatuf waraysi la yeeshay caalim ka mid ah dadka ku xeel dheer cilmiga xidigaha "Astronomy" lana yidhaahdo Sh. Maxamed Yuusuf Axmed, kana mid ah bulshada ku nool Hargeysa oo aanu wax ka weydiinay saadaasha sanadka cusub ee 2003, waxa Sheekhu hordhac gaaban uga dhigay hadaladiisa, "eebbe ayaa iska leh xukunka kownkan, waxaanay dunidu ku joogtaa amarkiisa awooda leh.
Rabigeena ayay aqoonta iyo cilmiguba u sugnaadeen. Intuu adamihiisa ku manaystay, wuxuu ku tilmaamay rabi wax kooban. Eebbe cidna lama wadaagto maamulka kownkiisa, qadarkana isaga ayay gacanta ugu jirta, sida uu yeelayana cidi lama wadaagto.
Garasho eebbaa iska leh, haddaanu male aadame ku awaalo saadaasha sanadkan 2003. Waxay odhan jireen dadka ka odorosa xidigaha,, sida tan:
Waxaan u eegay Mooro, Meere iyo Maalin, markaa Moorada Nayruus Arbaca, loo nisbeeyo waa saddexaad, Gimminy, waa burjiga mataanaha, waxay ku Aadan tahay muddada u dhaxaysa 22/5-21/6, godadka dayana waxay ku leedahay Agaalli, Caanood iyo Aragaal.
Waa xilliga kala-wareega Gu’ga iyo Xagaaga, waa lab maalinle ah, Ifa, Nuura, Labaduble, meel walba isu ekeen kara, jiho galbeed, Hawaa’i Rudab ah, dhiigle la mahadiyo, martabad iyo itaalba leh, waxaa ka mid ah Faraxa Dayaxa.
Waxaa loo eegaa Burjigan saddex weji, oo kala ah; Dardaar, Mariiko iyo Qorraxda, Wejiga hore, sugidda cilmiga, kutubta iyo wixii la xidhiidha garsoorayaasha.
Kan labaadna waxaa lala xidhiidhiyaa, cadhada, dhiig-daadin iyo degdegid eedeed, kan u dambeeya waxaa loo nisbeeyaa raaxada, saahidida, shaqo la’aanta iwm.
Oogadaa dadka waxaa lagu sheegaa inuu leeyahay, wixii dhegaha, sanka kasoo baxa, xubnaha oogada ee qarsoona, maskaxda, awooda fikirka, carabka, xubnaha muuqdana waxaa ka mid ah labada gacmood, garbaha iyo jidhka guud.
Cuduradan inta dhiig la xidhiidha, dhadhankana kii qadhaadh ayaa loo sheegaa ama isku dhaf macaan iyo qadhaadh, sidoo kale midabadana inti ka timaada hurdi iyo caddaan, ama midabkii cagaar xiga.
Buqcadaha waxa uu ku leeyahay saxaraaga, buuraha, sidoo kale jewiga (hawada), Ufuqa iyo wixii ku dhex-jira oo idil.
Macdantana dhammaan buruujta ayuu la wadaaagaa, nooc kasta oo ay yihin, noolahana dadka (Insaan), sidoo kalena daanyeerka, ugaadhsiga, shimbiraha, wixii aan isaga ahayn wuxuu la wadaagaa naqa.
Waxaa si gaar ah u khuseeya, wixi dhaq-dhaqaaq ah, naawilid, walaalaha lab iyo dhedig, walaalaynta, xidhiidhinta.
Meel kasta oo saraysa ama adag tahay in wax lagala soo baxo, qabasho, eryasho, kala beddel, waxa dadku ku sugan yahay waa loo nisbeeyaa, cissi iyo farax, madaxnimo, saldanad, wixii arrin tegay ah, wixii waxyaalo la cusboonaysiinayo ah, wix arrin ah oo aan mid keliya ahayn, sidoo kale wixi arrin ku noqosho labaad leh, dhammaan arrimahaas oo idl, waxaa loo nisbeeyaa mooradan, mar hadduu yahay burji lab (double), labaduble ah, iftiimin iyo awoodi waa lama huraan, runtana Alla og.
Xaga meeraha sannadkan 2003, waa Mercury, (Libdhe) ayay Soomaalidu u taqaan, waana Meere dheereeya, Burji waliba 17 cisho ayuu ku jaraa, wuxuuna soo saaraa Burjigaa kor aynu kaga sheekaynay iyo burjiga lixaad ee Dirirka, dabcigisuna waa isku jir, qabow, kulayl, qoyaan iyo qalayl, sharaftiisu waa Dirirka, wuxuu la dhacaa Moorada Kalluunka (Fish), waxaa soo saara Burjiga Saggaal (9), wixii nuxus ah waa la nuxus, wixii sidci ah waa la sidci, labka waa la lab, dhedigana waa la dhedig.
Dunidan aynu joogno waxa lagu nisbeeyaa awooda fekerka, culuunta xisaabta, farsamooyinka sanaacada sida sawirka, khadka, naqshada iyo waxyaabaha Burjiga, qaybta hore ee moorada ee aynu kor ku soo sheegnay wuu la leeyahay.
Intaa waxa u dheer luqadaha wuxuu ku leeyahay Cajabiga, gaar ahaan kuwa Afrikaanka Afafka Geeska Afrika iyo Af-soomaaligana si gaar ah ayuu u khuseeyaa. Xagga dadkana intii aynu soo sheegnay waxa u dheer xididada dareemada acsaabta dhabarka, afka, gadhka, shaarubaha iyo cudurada madow.
Waxa uu si gaara cilmiga wax-qorista, xisaabta, xiddigaha, hindisaha iyo xaalada ganacstada iyo colaadaha, qaddarka, runta, cadaaladda u kaalmaynta garashada fanka Aartiska, shaacirka iyo wixii aftahan ah. Libdhe waxa loo yaqaan, Karaaniga Cadceeda, waana ina-Boqor, nufuud gaar ah ayaa loo nisbeeyaa, go’aan qaadasho xun iyo qoomamo ayuu leeyahay, sida loogu sheego farax iyo rayrayn runtana Ilaah baa og.
Dunida goboladeeda wuxu ku leeyahay gobolka lixaad, waana badhtamaha, wax walibana dhex bay leeyihin, laga soo bilaabo buuralayda Tibid ee Himilaayo, Kharasaan, Bukhaara iyo Qas-weyn, Jarjan Asfahaan Hanadaan, Xalad iyo Laadiqiya, Bada Mediterranean-ka wuxuuka galaa Jasiirada Qubrus, ilaa Atlantic-ga, dhulka barakaysan sida Maka, Madiina, Qudus iyo dhulka harooyinka iyo webiyadu ay ka rogmadaan, waxaas oo dhan waxa loo ridiyaa meeraha Libdha.
Sidoo kale, badaha Khaliijyada, dekedaha isagaa leh, maalinta sannadkani waa Arbaca, waxaana loo nisbeeyaa maalin Hawaa’i ah, Nuuraani ah, Arbacadu waxay leedahay habeen Axadeed, waana maalin Nuxus ah sida la yidhaahdo, waxa alla wixi aynu ka sheegnay meeraha iyo moorada ee kor ku qoran way wada saameeyaan, waxaana u dheer dabaylaha, duufaanada, daadadka, fuulkaanaha, is-dilka, colaadaha, Somaliduna sugaan badan ayay kusoo aroorisaa Nayruus Arbacaad, waxa ka mid ah lafta ay Arbaci cadaysay ayay Khamiisi jebisaa, waana maalintaa badhtamaha ayaamah oo ay saddex ka horayso saddexna ka dambayso shar iyo khayrba way ka saadaaliyaane Ilaahow khayrkeeda nasii. Aamiin Aamiin.
Inta aynaan wax kale u gelin saadaasha waxa gundhig u ah kala fadhiga meerayaasha iyo Dayaxa habeenkii curashada sannadka cusub ee 2003.
Cunsurka uu ahaa, kala fadhiga meerayaasha meeraha Saatun wuxuu fadhiyaa Burjiga saddexaad ee hoggaaminaya sandka godka, Agaali Caanood ilaa kal dambe (Suxal) Jubitar tan iyo 1 August 2002, ilaa 28 August 2003 wuxuu ku jirayaa Burji Asad, Mercury wuxuu ku jiraa Burjiga 11aad, Uranus iyo Paluto waxay ku jiraan Burjiga 11aad. Dayaxu wuxuu ku curtay 9aad oo ah Naari, ama Burjiga 10-aad ee Copricon oo Arliyo ah, ama Burjiga Naargo ah ee saggaalaad ayuu ku curtay sanadka.
Haddii habeenkaas dayuxu joogo Burjiga Naariya, waxaa la odhan jiray waxa dhaca shido badna, dagaalo badan, cuduro iyo dabaylo badan, dhimasho badan madax iyo majo, uurayda oo daasha Cadceed kulayl awgeed, Juuc gaajo badan, shisheeyaha oo soo bata ioy madax-wareer soo bata, diraa-diraalaha ioy socdaalka, haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji Arliya ah, qbaow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin, haddii habeenkaas curashada sannadka cusub uu joogo dayaxu Burji Hawaa’i ah, waxa la odhan jiary dabaylaha oo bata iyo shimbiraha, Ayaxa oo soo bata, awoodda salaadiinta, ganacsiga kalluunka oo yaraada.
Haddii uu dayaxu joogo Burji maa’I ah, waxay xeel-dheerayaashu hore ku sheegi jireen, sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, shaqaalaha, ganacsatada u fiican, nabad iyo caafimad leh. Allow mid khayr qaba nooga dhig.
Top
15 qof oo ku dhintay rabshado ka dhacay Kenya
Nairobi (W.Wararka): Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay dagaallo iyo rabshado labadii maalmood ee u dambeeyay ka dhacay dalka Kenya, kuwaas oo dhexmaraya dadka dega badhtamaha dalkaas oo kala ah qabiilada Naakuuru iyo kooxda Moongayki oo ku abtirsata xaga diinta.
Dagaaladani waxay bilaabmeen markii dadka degaankaasi ay ku kaceen kooxdaasi oo ay ku eedaynayeen inay taageeri jireen xisbigii Kanu ee talada waddankaasi hayay oo dhowaan lagaga adkaaday doorashooyinkii dhacay. Wasiirka amniga ee Kenya Kiris Moorangaaru oo arrintaas ka hadlayay ayaa sheegay in xukuumadda cusub ee madaxweyne Kibaki aanay aqbalayn cid khalkhal gelisa degganaanshaha dalkaasi, waxanu intaa ku daray wasiirku in budhcadda Muwaangiiki ay dileen 9 qof degmada Naakuuru oo 140 km waqooyi galbeed ka xigta caasimadda dalkaas maalintii Axaddii. Waxaanu tilmaamay in ciidamada Booliska ee Kenya ay dileen laba qof ka tirsan malleeshiyada, isla markaana ay qab-qabteen 38 kale.
Sida ay sheegeen dad goob-joog ahaa kooxda Muwaangay waxa ay jiidheen guryo badan oo degaankaa ku yaala habeenimadii iyaga oo waxyeelo u geystay dadka rayidka ah. Sida ay wararku sheegayaan xukuumadda Kenya ayaa mamnuucday dhaqdhaqaaqa kooxda Muwaangay bishii march ee sannadkii 2002, markii ay xubno ka tirsani soo badhigeen in 20 qof oo ay ku dileen mindiyo iyo faasas duleedada magaalada Nairobi.
Rabshadahani waxay ku soo beegmeen iyada oo ay hawlgashay xukuumadda cusub ee madaxweyne Moi Kibaki oo ku guulaystay tartanka madaxtinimada ee dhowaan dalkaa ka dhacay.
Top
Dawladda Isra’il Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Degaanada Falastiiniyiinta |
Qudus (W.Wararka) - Dawladda Isra’il ayaa xayirad ku soo rogtay dhammaan degaanada dadka Falastiiniyiinta, taas oo ay kaga aar-goosanayso qaraxyadii dhowaan ka dhacay caasimadda Isra’il ee Tel Aviv, qaraxyadaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof, boqol kalena ay ku dhaawacmeen.
Sida uu sheegay wasiirka is-maamul-hoosaadka Falastiin Saa’ib Curayqaat, Israa’il waxa ay soo rogtay amar ah in dadka Falastiiniyiinta ah ee ka yar 35 sannadood aanay ka bixi karin degaanada Falastiiniyiinta, isla markaana waxa ay mamnuucday in wefti reer Falastiin ah ay u safri karaan dibedda, weftigaasi oo ka qaybgeli lahaa shir Bariga dhexe ku saabsan oo lagu wado inuu ka dhaco London, maalmaha soo socda.
"Tallaabooyinkan waxa ay tusayaan ku talogalka Isra’il ee ah in ay baabi’iso maamulka Falastiin," sidaa waxa yidhi Curayqaat oo u warramayay Saxaafadda, isaga oo intaa ku daray in tallaabada ay qaaday Isra’il uu ku kellifayo shaciga reer Falastiin inay xoojiyaan halgankooda, waxa kaluu tilmaamay in cuna-qabataynta Isra’il ay dhibaato ku ridayso dadka reer Falastiin, maadaama laga gooyay biyihii, dawadii, cuntadii iyo waxbarashadiiba.
Golaha amniga u qaabilsan isra’il kulan ay dhowaan yeesheen ayaa waxay ku go’aansadeen in ay qaadaan weeraro ay kaga aar-gudanayaan qaraxyada ka dhacay Tel Aviv iyo inay cuna-qabataynta ku sii adkeeyaan degaanada Falastiin. Tani waxa ay keentay in ay Isra’il weftiga reer Falastiin ee ka qaybgeli lahaa shirka London, balse af-hayeen u hadlay dawladda Ingiriiska ayaa beeniyay in shirkaa dib loo dhigay.
Dhinaca kale warar ka soo baxaya shirkaasi ayaa sheegaya in laga yaabo in la joojiyo shirkaasi, maadaama loo diiday weftigii reer Falastiin ee ka qaybgeli lahaa.
Tan iyo intii ay dhaceen qaraxyada Tel Aviv waxa sii korodhay xiisada Bariga Dhexe oo muddooyinkii dhowaa waxoogaa xasilooni ahi ay ka muuqatay.
Top
Deegaanka Bariga Sanaag Wuxuu Leeyahay Isimo, Cuqaal iyo aqoonyahan waxgarada oo wax laga weydiiyo.
Waxa maalmahan ka socday golayaasha Somaliland muran iyo is maandhaaf ka abuurmay xaalada gobolka sanaag bari iyo degmooyinkiisa.
Haddaba waxa isweydiin leh yaa ka masuula ah xidhiidh la’aanta ka jirta degmooyinka gobolka sanaag bari (uncommincation).
Yaa ka masuula in wax laga weydiiyo deegaankaas, yaa ka masuu ah xidhiidhka Dawladda iyo bulshada deegaankaas, waxay ilatahay way cadahay la isna weydiin maayo cida ay khusayso, taa marka aan ka gudbo waxaa maalmahan la isla dhexmarayaa waxaa ku soo duulay deegaandii Somaliland maamul goboleedka majeerteeniya,. Xaqiiqdii marka runta laga hadlo dadka Somaliland wax soo weeraray ma jirto balse waxaa jira dadgudan waayay xilkii ay u hayeen dalka iyo dadka ay ka wakiilka yihiin gaar ahaan deegaankaas iyadoo ay jiraan sababo badan oo xaqiiqadana ay xukuumadu ogtahay sida ay waxyihiin. Haddaba waxaan dadka u sheegaynaa in dalka iyo dadkuba yihiin Somaliland dhamaan aqoonyahan waxgarad salaadiin iyo cuqaashuba ay ogyihiin lana odhan Karin dhib ayaa ka jirta. Sababtoo ah Somaliland shirkii ugu horeeyay waxa ay qabatay 1991 waxaana lagu qabtay burco, kii labaad waxaa lagu qabtay 1993kii boorama, oo lagu dhisay dawlad federal ah oo dhamaan gobollada iyo degmooyinka beelaha Somaliland u dhanyihiin, sidoo kale maamulka majeerteeniya waxa la aasaasay 1998kii markaa ma la isweydiiyay sababta maamul goboleedka majeerteeniya ay ugu xoogaysatay xuduuda Somaliland muddada yar ee Somaliland oo la aasaasay 1993kii ay u gaadhi wayday deegaankaas iyadoo ay xuduuda xaq u leedahay, ilaa taariikhdaana laga qaadanayay mushahar iyo mashaariic labadaba. Tan kale ma la isweydiiyay, cida meesha maamusha oo mushahar ka qaadata iyo meesha maamulku ka jiro. Ta kale ma la isweydiiyay dadka meesha degan oo ay talada dalku ka go’do? Su’aashu waa maya, xaqiiqduse way iman.
Haddaba iyadoo ay jiraan waxaaso dhami, ma la rumaysan karaa waxa soo weeraray maamulka majeerteeniya? Mase la rumaysan karaa, waa ciidamadii maamulka goboleedka majeerteeniya? Jawaabtu waa maya, sababtoo ah deegaankaa may soo weerarin ciidamada c/laahi yuusuf, waxaana haatan soo faragaliyay, ciidamadii Somaliland oo ciil iyo cadho u galay c/laahi yuusuf.
Waxa kaloo jirta in ciidamada gobolkaa degan mushaharkoodii lagu qaybsaday Hargeysa iyo ceerigaabo, oo cidina wax u qaban weyday, taasoo qayb ka ah cilada meesha taala. Markaaan dib ugu soo noqdo qodobkaygii ahaa dawladdu way ogtahay waxa jira, waxa magaalada Hargeysa ka ambabaxay, wefti ka kooban toban xubnood oo ka socda golaha guurtida kuwaasoo uu hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida, Siciid Jaamac Cali oo soo maray dhamaan gobolka iyo degmooyinka bari ee Somaliland, waxaana loo cadeeyay inaan dawladdu haba yaraatee gaadhin degmooyinka bariga Sanaag.
Waxaa kaloo loo cadeeyay inay waayeen ciidan gaadhsiiya, maamulka deegaankaas, iyada oo ay joogaan saraakiil ku magacaaban goobahaasi, waxa kale oo intaa loogu daray in dadka iyo dalkuba yihiin Somaliland, balse aanay jirin wax la gaadhsiiyay deegaankaasi, dalkuna uu weli yahay sidii lixdankii, wax laga qabtayna aanay jirin, wixii ay dawladdu bixisaana aanu dhaafin gobolka sanaag, iyadoo ay dadku diyaar u yihiin wax qabadka iyo horumrka dalka, jiritaanka Somalilandna inay difaacaan. Balse waa nasiib darro ah in aanay jirin wax ay dawladdu ka qabatay, muddadaas loo soo gudbiyay warbixinta.
Tan kale deegaanka ugu balaadhan gobolka sanaag waa degmooyinka bariga, sidaa darteed ma la isweydiiyay dadkii deegaankaasi ka dhashay haddii ay yihiin cuqaal iyo waxgaradba si loogala xidhiidho xaalada deegaankaasi? Jawaabtu waa maya, xaqiiqadana waa la heli. Sidaa darteed waxaan dhamaan shacbiga Somaliland u soo jeedinayaa in aanu dalku maanta u baahnayn dagaal iyo wax khalkhal geliya, Siyaasadda dalka, iyadoo uu dalku marayo marxalad kala guur ah, oo tixgelinteeda leh, waxaana loo baahanyahay, inay xukuumaddu u aragto xaqiiqada iyo runtu siday tahay, ee meesha ka jirta, lagana indho qarsanayo arrintaas. Waxaan xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland daahir rayaale kaahin, hambalyo iyo salaan aan uga sido dhamaan buslhada iyo waxgaradka deegaankaas, anoo ku hambalyaynaya sida wanaagsan ee uu uga shaqaynayo dhamaystirka maamulka dalkiisa, iyo inuu xukuumadda gaadhsiiyo dalka oo dhan.
Waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha wuxuu dalku marayaa marxalad u baahan taxadar deegaankaasina wuxuu leeyahay isimo guurti iyo cuqaal lagala xidhiidho, danta deegaankaasi.
Waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa golaha wakiilada oo ku daray ajandaha kalfadhigooda 19aad xaaladda gobolka sanaag iyo degmooyinkiisa.
Waxaana haboon in eeda la saaro cida iska leh haday tahay maamulka iyo haday tahay bulshada deegaankaasi. Idinkuna waxaad xaq u leedihiin la socodka dalka wixii gudo iyo dibadba kaga imanaya. Odhan maayo waa mid aad hore uga gaabiseen balse kala xisaabtama cidkasta oo xil dadka u haysa.
Siciid Axmed Gees.
Hargeysa.
Top
Halaga Hortago Khatarta Majeerteeniya |
Sida aynu ognahay waxaa dalka dhawaan ka dhici doona doorashadii madaxtinimada ee shanta sano ee soo socda inkasta oo doorashada ay ka muuqdaan inay ka madhnayn musuqmaasuq iyo ku shubasho sidii horeba u dhacday, ayaa haddana waxaa waajib ah inay qabsoomaan si aynu u gaadhno himiladeena ah in aynu noqono qaran nabdoon oo xor ah oo caalamka ka jira.
Waxaa maanta dalkeena ku xeeran duruufo adadag oo ay ka kow tahay arrinta nabadgelyada oo u baahan in ay wax walba ka horeyso.
Waxaa kale oo inala soo gudboonaatay arrinta C/laahi Yuusuf, iyo damaciisa qaawan ee uu ku rabo in uu mustaqbalka dalkan iyo dadkan uu ku burburiyo.
Somaliland waxay jiri kartaa markay midnimadeeda ilaashato ee ay sugto xuduuda macruufka ee ay leedahay.
Waxa xaqiiq ah in ay ina soo waajahday xaalad khatar ah oo haddii aynaan si wada jir ah ugu hawlgelin dhaxalkeedu noqon doono inaynu markale u gacan galo gumaysi ka naxariis daran kii hore inoo soo maray.
C/laahi Yuusuf oo ah Hitler-ka majeerteeniya waxaa ka go’an oo uu dhaar ku maray in uu Somaliland markale jilbaha u rido gar iyo gardarroba. Waana arrin cad oo aan cidna daah ka saarnayn, waxayna khatartaasi u egtahay mid aan loo jeedin oo dhayalsi iyo hurdo lagaga jiro.
Sida kaliya ee aynu karaamadeena iyo jiritaankeena ku sugi karnaa waa iyadoo C/laahi Yusuf lagaga hortago ciidan milatari, loona itaal sheegto si uu u liqo damaciisa dhagarta huwan, taas haddii la waayo waxa dhici kara burbur iyo kala tag.
Waxa maanta la doonayaa saddex musharax, waxay ila tahay inaynu qiimayno xaalada aan ku jirno oo aan musharaxa ku doorano kartida iyo raganimada uu marxaladan u leeyahay. Masalan maanta dalkeena gobolo dhan ayaa maqan, in wax la iska celinayaana waa lama huraan, ragba waa ku raggeed yaa Hitler inaga dhicin kara, yaa umadda abaabul iyo heegan galin kara, maanta waa maalintii geesigu dhiidhiyi jiray.
Dagaalkii labaad ee dunidu markii jarmalkii weeraray yurub inteeda kale waxaa dalka Ingiriiska Ra’iisal wasaare ka ahaa Chomberlian oo ahaa nin aad u dabacsan marka Hitler la barbardhigo taasina waxay keentay in dadka Ingiriisku arkaan inaanu Chomberlian ka badbaadin karin gardaradii Hitler waxay isla markiiba ku bedeleen Winston Churchil oo markii dambe noqday hogaamiye oo kibir jabiyay qabkii iyo hankii Hitler.
Waxaan aaminsanahay in hadba sida loo waajaho dhagarta Majeerteeniya ay filan u noqon doonto mustaqbalka Somaliland xorriyad iyo Gumaysi.
Siciid Aaden Faarax
Hargeysa
Top
Badweynta Fanka Iyo Suugaanta |
Cali Duulduul Iyo Suugaantiisa Casriga Ah
Abwaan Cali Ismaaciil Carab (Cali Duul Duul) waxa uu ka mid yahay abwaanada dhalinyarada ah isagoo leh suugaan kala duwan gaar ahaana waxa uu caan kuyahay gabayada casriga oo inta badan uu la socdo kaftanka iyo murtii farabadan oo ay dadku aad uga helaan marka ay maqlaan.
Abwaan Cali waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Burco sanadkii 1967kii isaga oo ku barbaaray deegaankaa gaar ahaana tuulo la yidhaahdo dhagax dheer oo uu ku qaatay waxbarashadisa dugsiga hoose. Ka dibna waxa uu u wareegay magaalada Burco 1984kii intii muddadaa ka dambaysayna waxaa uu ku sugnaa magaalooyinka waaweyn ee Burco Hargeysa .
Curinta suugaanta gabayada waxa ay ku dhalatay 1990kii sida uu cali noo sheegay mar aanu waraysi la yeelanay bilawgiina waxa ay gabayadiisu ahaayeen tixo iyo baydad uu ka tuurto goobaha lagu kulmo sida aroosyada iyo xafladaha ay dadku isugu yimaadaan.
Laakiin gabay la taaban karo oo ka hadlaya xaalada iyo waayaha dunida waxa uu tiriyay sanadkii 1993kii gabaygaas oo uu halku dhig uga dhigay "nabadu waa door" gabaygaasina waxa uu kaga hadlay qiimaha ay nabadu leedahay waana kan gabaygii:
nabadu waa doore.
Sidii eebbe dunidow dhisee Aadan ugu dooray
daano iyo qadaf waa jiriyo dil iyo laayaane,
waxa duulba duul ugu lugo’ay damaca qaarkiiye,
marka uu dagaal iyo dhexmaro dab iyo baarudu ayuun bay dedaal nabadgelyada dib ugu laabtaane
walee talo nin iga doonayaw nabadu waa doore.
Hitlar baa daniga baas ku yidhi dawlad baad tahaye, dadkuna maanta kuma waabin karo ku darandar xoogi badnaa daan kastaba yiile, waarsaa ku soo duushay iyo dunida qaarkeede,
derbi culus sidii loo dhexdhigay dacalba meel aadye
imikay is doontaan sidii duunyada kale
waalee talo nin iga doonayaw nabadu waa doore,
dakanadii ku dhimay reer jabaan dirirtii waagiiye, Jarmalkuu isdaba taagaybaa loogu dawlaglaye, Harashiima dakharkeediibuu weli la dooggtaaye dumarkii iyo carruurtii go[daan cidi u doodayne, walee talo nin iga doonayaw nabadu waa doore
durbaan baa maraykan uga baxay degelkii fiidnaame dardar iyo wuxuu xoog lahaa duhur ku soo qaadye, diyaaradka xiimiyo madfaca soo dalandaliye dagaalkii qadhaadhaa markuu geliyay duulaanka uu dayaw sidii ruux lumiyo doonyo caaridaye dabinada kuwii lagu qabtaa doonayaa weliye
walee talo nin iga doonayaw nabadu waa doore.
Arjantiin dagaalkay gashiyo damicii beenowye,
foglaniskii doontay bay dacar ka leefeene
ingiriiska duubkale markay cadho dareensiisay degdegsiino waatay isdhiib ugu dedaaleene
walee nin talo iga doonayaw nabadu waa doore.
Saamal doo difaacu xidhiyo derejadii eedye
daafa wuxuu ciidan dhigay daadku soo jebiye
duhur buu la baxay jaarlaskuu dayrshay waa hore’e
dawladuhu waa ogaayeen caynkii loo dilaye,
walee talo nin iga doonayaw nabadu waa doore.
Dad nacayb Afweynaa is yidhi duul dhan baabi’iye,
Waa tuu Aways iyo dalbaday duul kaloo badane,
Darandoori waatuu ku riday degelka Soomaale
Goortuu dadweynii ku kacay ku hafay duufaane, waatii magangelyada loogu diray dawlado kale walee talo nin iga doonayaw nabadu waa doore.
La soco qaybo kale oo ka mida suugaanta Cali Duul Duul Arbacada dambe.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 62aad
Ganat: Intii ay waxaas oo dhami dhacayeen idinku ma hoolka shirka ayaad ku jirteen?
Mingistu: Qof qudhi debedda ugama bixin hoolka shirka, ta kale sidii aan horeba kuugu sheegay hoolka shirka laguma kala tegin markii ay arintii janaraal Amaane dhamaatay ee waa la sii joogay, waayo waxa la yidhi "Mar hadii aynu isu nimi shirka kuma kala tegayno, iyadoo aynaan isla meel-dhigin arinta janaraaladii kale", dabadeedna markii sidaa la yidhi ayey hoolka shirka ka bilaabmeen buuq iyo qaylo, ka dibna waxa miiska la soo dhigay liisto ay ku qoran yihiin ilaa 250 qof, kuwaas oo ay ka mid yihiin saraakiishii boqor Xayle Salaase, laakiin saraakiishii Xayle Salaase oo qudha may ahayn ee xataa waxa ku jiray dad shicib ah, sidoo kale waxa dadkaa ka mid ahaa askar. Waxa kale oo dadkaa ku jiray dad ay soo xidh-xidheen dadka xaafaduhu oo ay ku soo eedeeyeen inay musuqmaasuqeen gar-qaadkii dadkii dembiyada loo haystay.
Dabadeed markii shirka la soo hordhigay liistadii dadka la doonayo inaanu dacwadooda galo ayaanu iswaydiinay sidii dadkaa inta le’eg ee kala duduwan arintooda loo geli lahaa ama dacwadooda loo wadi lahaa, waayo waxay ahaayeen dad kala duduwan, isla markaana ay kala duduwan yihiin dembiyada iyo waxyaalaha loo haystaa.
Hase yeeshee iyadoo la iswaydiinayo sida dadkaa dacwadooda loo gelayo ayuu istaagay ninka la yidhaahdo Burhaana Baaye, wuxuuna soo jeediyay in gelidda dacwadda dadkan dib loo dhigo, laakiin waa la diiday oo gaashaanka ayaa lagu dhuftay taa, ka dibna dooddii ayaanu furay, balse markii laga dooday ayaa markii dambe la yidhi "Guddi laga soo xulay xubnaha sarsare iyo xubnaha hoose ee golaha hala saaro si ay arinta dadkaa u soo baadhaan", dabadeedna sidaa ayaa la isla gartay, waxaana la ansixiyey guddigii, laakiin guddigii markii ay arintaa galeen waxay dembiilayaashii 250-ka ahaa ka soo reebeen 141 qof oo keliya ayey magacydoodii na hor-keeneen, balse hadana waxa lagu yidhi "Tiradaasi way badan tahay", dabadeedna inta dib ugu noqdeen ayey dadkii xidh-xidhnaa ee dembiyada loo haystay u kala saareen dembiyada loo haystaa inta ay kala culus yihiin iyo nimanka dembiyada loo haystaa heerka masuuliyadoodu inta uu le’ekaa, sidaa darteed kuwii dembiyada waaweyni geystay ayey soo sooceen (ururiyeen) oo ay soo bandhigeen, markaas ayaanu ku nidhi "Magacyadooda u soo liisgareeya xilalka ay hayeen, heerka derejadooda iyo sida ay u kala sareeyaan, ka dibna aanu sida ay u kala sareeyaan u raacno baadhistooda iyo gelidda dacwadooda", sidaa darteed saraakiishii sarsare ee la soo xulay waxay tiradoodu noqotay 60 xubnood. Hase yeeshee markii nimankaa saraakiisha ah markii la xulayey ee magacyadooda la xaadirinayey laftigeeda cabaar baanu ku muranay, taas oo aanu isku khilaafnay xulistooda. Tusaale ahaan lambarka 21aad oo ahaa Dayaas-maaj iyo lambarka 45aad Fitawaari" ayaa la yidhi lambarkaana hebel kale ayaa ku qornaa, lambarkaana hebel kale ayaa ku qornaa ee maxaa looga tegayaa.
Tusaale ahaan marba nin ah wakiil ka socda guto hebla ayaa inta uu kaco odhanayey "Janaraal hebelkii na gumaysan jiray meeyey miyaanu ku jirin", laakiin inbadan markii aanu arintaa ka wada hadalay aakhirkii waxa la soo reebay raggii sarsare, sida: hogaamiyayaashii ciidamada, Salaadiintii iyo cuqaashii degaamada ka talin jiray, markaas ayaanu nidhi "hadaba intani way nagu fillan tahay", dabadeedna halkaa ayaanu ku joojinay dooddii iyo murankii ku saabsanaa kala xulistii dembiilayaasha. Halkaa ayaanu dabadeed nimankaa ku xukunay, waana la ansixiyey go’aanka xukunkooda, isla markaana waxa la diyaariyey liistada magacyada nimanka la dilayo. Sidoo kale waxa la ansixiyey sida loo fulinayo xukunka, waxaana la cayimay marka maxaabiista la soo saaro barta lagu dilayo, dabadeedna guddigii hawshaa fulinayey waxa la sii siiyey magacyada xubnaha dilka lagu xukumay, xiligaa ayey ahayd marka uu na soo gaadhay warka sheegaya inuu janaraal Amaane soo diiday askartii loo diray. Ta kale intii aanu waxaas oo hawl ah qabanaynay ayuu gabalkii noogu dhacay hoolkii shirka, sidaa darteed habeenkii ayaanu hawsha sii wadnay.
Markii maxaabiista la rusheeyey (la dilay), isla markaana uu janaraal Amaaane rasaasta furay ee la dilay waxay ahayd habeen madow, dabadeedna markii ay wax waliba dhamaadeen ee aanu shirka ka soo baxnay waxay ahayd abaara markii uu waagu soo beryayey. Sidaa darteed mar qudha hoolka shirka kamaanu bixin.
Ganat: Adigu miyaad ka xumaatay dhimashada nimankaa la laayey, ta kale ma jiraa wax aad isku ciil-kaambiday oo aad tidhi hadii aynu sidaa yeeli lahayn ama sidaa yeeli lahayn, sidoo kale ragga la laayey miyey jirtaa nin qudha oo aad tidhi ninkan yaan la dilin oo loo xukumay inaan la dilin, bal arimahaa ka warran?
Mingistu: Horta sideedaba aniga iyo raggii kale ee xubnaha dhergigu nimanka la laayey wax yar baanu ka garanaynay, tusaale ahaan anigu dhankayga hogaamiyayaashii ciidamada ee ka mid ahaa nimanka la laayey markii magacyadooda la sheeg-sheegayey inyar oo qudha maahee intooda kale waxay ahaayeen niman aanan aqoon u lahayn, sidoo kale xubnihii kale ee golaha dhergiguna ila mid bay ahaayeen oo nimankaa la laayey inyar mooyaane aqoon uma ay lahayn, sidaa darteed xubnaha aanu nimankaa la laayey ka garanaynay waxa ka mid ahaa saraakiihsii ka tirsanaan jiray sirdoonka iyo nabad-sugidda. Sidaa darteed qaar ka mid ah xubnihii golaha dhergiga, gaar ahaan raggii ag-joog-joogi jiray xarunta madaxtooyada hareereheeda ama boqorka hareerihiisa ama xeryaha madaxtooyada ayaa raggii saraakiisha ahaa ee ay sida tooska ah u yiqiineen ama maqli jireen marka magacooda la soo bandhigo waxay xusayeen ama sheegayeen ninkii wax dembi ah sameeyey ee ay ogaayeen ama maqleen, sidoo kalena ninkii aanay wax dembi ah ku ogayn way sheegayeen, laakiin markii la xukumayey ee aanu lahayn qofkaa hala dilo ama qofkaa hala daayo umaanu xukumayn aqoon aanu u kala lahayn ee waxa loo eegayey dembiga uu galay...
La soco cadadka dambe.
Top
Garoon uu baraf ka da’ayay ayay barbaro
ku noqdeen Atalanta iyo Torino
Turin, Italy (AP) - Ciyaar dhexmartay kooxaha Torino iyo Atalanta maalintii Isniintii ayaa ahayd mid uu Baraf qariyay garoonkii lagu qabtay ciyaartaa ee Delle Alpi, daqiiqaddii 14aad ee ciyaartaa ayay Atalanta gool ku hoggaamisay, kadib markii uu Cesare Natali oo difaaca uga ciyaara Atalanta uu gool ku dhaliyay madaxa.
Atalanta ayaa 1-0 ku hoggaaminaysay ciyaartaa ilaa daqiiqaddii 59aad, oo uu garsoorihii ciyaartaasi Daniele Tombolini uu tilmaamay in xeradaa ganaaxa dhexdheeda uu gef ku galay Sebestiano Siviglia oo difaaca uga ciyaara Atalant, gefkaas oo uu sheegay garsoorihii ciyaartaasi n laga galay Marco Ferrante oo Torino uga ciyaara weerarka.
Garsooraha Tombolini ayaa xukumay in rigoore ay ku laataan kooxda Torino dhinaca goolka Atalanta, laakiin barafki dul dhoobnaa dhulka garoonka ayaa muran geliyay in si fudud loo arko in uu gefku ka dhacay xerada ganaaxa gudaheeda iyo in kale. Ciyaartoyga Atalanta ayaa ku andacooday in gefku uu ka dhacay meel ka baxsan xerada.
Luca Mezzano oo difaaca uga ciyaara Torino ayaa rigoorahaa u laaday, waxaanu u dhaliyay kooxdiisa goolkii barbaraha. Barbaraha ciyaartaa ay noqdeen kooxaha Torino iyo Atalanta waxay sababtay inlabada kooxoodba ay ahaadaan halka ugu dambaysa liiska kala horaynta kooxaha Serie ‘A’ ee Talyaaniga.
Ciyaartan Torino iyo Atalanta waxay qorshaysnayd in ay dhacdo 8-dii December ee 2002, laakiin waxaa dib loogu dhigay kadib markii uu si kedis ah u dhintay dhakhtarkii kooxda Atalanta.
Top
Romario oo sheegay in ciyaarihiisa. |
Rio de Janeiro (Reuters) - weeraryahanka reer Brazil ee Romario ayaa sheegay maalintii Isnintii ee toddobaadkan in naadiga uu hadda u wareegayo uu noqon doono kii ug dambeeyay ee uu ku khatimaya ciyaaraha.
Romario wuxu kaga jawaabay erayadaa warar soo galay warbaahinta oo lagu saadaalinayay naadiaga uu ku biiri doono xilliga soo socda. Romario waxaa uu u muuqdaa in uu kala dooranayo in uu sii joogo kooxda Fluminense ama uu tajo kooxda Flamengo.
Romario oo bishan 37-jirsanaya wuxuu yidhi isaga oo ka hadlaya mustaqbalkiisa ciyaareed; "Hoyga hadda aan sii joogaa wuxuu noqon doonaa kii ugu dambeeyay, rabitaankaygu waa in aan kaco oo aan qaato layliga ciyaareed oo aan ka ciyaaro halka aan anigu doonayo."
Romario gelinkii dambe ee isla maalintaa Isniinta ayuu la kulmay saraakiisha naadiaga Fluminense ee dalka Brazil.
Sannadkii hore wuxuu Romario u dhaliyay kooxda Fluminense 15 gool, waxaanu soo gaadhsiiyay ciyaarta semifinalka ee ciyaaraha horyaalka Brazil.
Romario wuxuu ka soo wareegay kooxda Vasco da Gama marki uu ku soo wareegay Fluminense.
Bishii November 1999, ayaa Romario laga eryay kooxda Flamengo ee Brazil, waxaana eryay guddoomiyaha Flamengo oo ah Edmundo Santos Silva oo ku eedeeyay Romario in uu habeen ku dhaxay magaalada isaga oon haysan wax fasax ah.
Edmundo Santos Silva oo ka hadlaya maqnaanshaha Romario ee habeenkaa keenay in laga eryo naadigaa wuxuu yidhi; "Wuxu tegay caweys, iyada malaayiin qof ay ka niyad xun yihiin."
Xilligaas waxaa kooxda Flamengo ee uu ka tirsanaa Romario laga adkaatay oo laga reebay ciyaarihii horyaalka ee Brazil.
Tabobare Silva waxaa isagana laga eryay jagadii maamulka ee kooxda Flamengo sannadkii hore, kadib markii lagu eedeeya in uu si khaldan u isticmaaly maaliyaddi naadiga, waxaana lagu beddelay Helio Ferraz oo noqday madaxa naadiga Flamengo.
Top
Deportivo oo
filaysa inay ku faa’iido nidaamka cusub |
Kooxda Deportivo la Coruna oo iyadu haysata koobka boqorka (King’s Cup) ayay wada ciyaarayeen shalay kooxda Alicante wareega saddexaad ee ciyaaraha koobkaas oo la beddelay qaabkii hore.
Labadii wareeg ee hore ciyaaraha koobka waxaa lagu saleeyay iyada oo la isku reebayay hal ciyaar, qaabkaasi wuxuu si layaab leh u soo saaray kooxda Alicante oo timid wareegii ugu dambeeyay markii ay rigoorayaal ku reebtay kooxda Valencia, laakiin hadda tartankaasi wareegan saddexaad wuxuu dib ugu noqday qaabkiisii hore ee qadiimiga haa ee kooxuhu ay labad ciyaarood is arkayeen.
Jose Emilio Amavisco ayaa u muuqda in uu ka maqnaanayo ciyaarta hore dhaawac awgii, laakiin tabobaraha Deportivo Javier Irureta wuxuu u muuqdaa inaanu ka war-wareyn maqnaanshaha Jose, tabobare Javier oo kooxdiisu ay guulo ka taagn tahay saddex tartan ciyaareed, waxay kooxdiisu 3-0 kaga badisay sabtidii kooxda Celta Vigo, guushaas oo kooxdiisu ay ku tagtay kaalinta 3aad ee tartanka kooxaha Spain ee Spanish League. Waxay 7 dhibcood ka hoosaysaa kooxda Real Sociedad oo hoggaaminaysa tartankaas.
Ciyaaraha is-araga koowaad ee wareega saddexaad ee King’s Cup ayaa iyaguna dhacaya maanta.
Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata mar labaad kooxda ugu adag ee kula jirta tartankan kooxda Deportivo la Coruna.
Real Madrid waxay ciyaar kula kulmaysaa tartankan kooxda Terrassa oo niyad-wanaag kaga soo gudubtay wareegii labaad oo rajo guuleed filanaysa.
Top
|