Madaxweyne Rayaale Iyo Weftigiisii Oo Addis Ababa Uga Baqoolay Dalka Senegal
Arday Ka Qallin Jebisay Dugsiga
Farsamada Gacanta Ee Hargeysa
Guddiga doorashooyinku Maxay Kaga Jawaabeen Go’aankoodii Sharci-Darrada Lagu Tilmaamay?
Iska-Horimaadyo Gacan-Ka-Hadal Ah Oo Ka Dhacay Suuqa Gobanimo Ee Magaalada Hargeysa
ODAY KA SHEEKEE
HIIL ALLAH (Gabay)
Wararka Dibadda
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Gobanimadu Waa Geed Ku Baxa Dhiiga Geesiga
Talo Bixin Ku Aaddan Qabashada Doorasho Xaq Ah.
Waadiga Ciyaaraha
Leeds: Dacourt Waxa Uu Hammaystiray Heshiis Uu La Galay Roma |
|
Madaxweyne Rayaale Iyo Weftigiisii Oo Addis Ababa Uga Baqoolay Dalka Senegal
|
Hargeysa (Haatuf) Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa maalintii shalay ka ambabaxay magaalada Addis Ababa, oo ay ku sii hakadeen iyagoo u sii jeeda caasimada Senegal ee Dakar, halkaasoo la filayo inay ku joogaan booqasho 24 saacadood ah.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo maalintii arbacadii ka ambabaxay Hargeysa waxa ay ku hakadeen xarunta Itoobiya ee Addis Ababa, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Muddada ay ku sugan yihiin dalka Senegal waxa ay la kulmi doonaan madaxweynaha dalkaasi, Cabdalla Waadi oo ay ka wada hadli doonaan xaaladda dalka Somaliland iyo iskaashiga dhexmari kara labada dal, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale oo war ka soo saaray safarka madaxweynaha.
Booqashada madaxweynaha iyo weftgiisa oo ay ka mid yihiin wasiirada arrimaha dibadda Maxamed Siciid Gees, Waxbarashada Axmed Yusuf Ducaale, Arrimaha qoyska Edna Aaden Ismaaciil iyo afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale ay ku tageen dalka Senegal waxay ka dambaysay maalin ka dib markii ay wasiirka qoyska iyo arrimaha bulshada Edna Aaden ay ka soo laabatay booqasho ay ku tagtay Senegal, iyadoo gogol xaadh u ahayd madaxweynaha iyo weftigiisa.
Gebagebada booqashadan waxa la filayaa inay labada dhinac soo wada saaraan war murtiyeed wada jir ah, oo soo koobaya waxyaabaha ay ku heshiiyaan labada dhinac talaabadana waxay noqonaysaa guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Somaliland.
Top
Arday Ka Qallin
Jebisay Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Hargeysa |
Hargeysa (Haatuf) Xaflad lagu maamusayay
ardaydii ugu horeysay ee ka qalin jabisa mac-hadka farsamada gacanta ee
Hargeysa ayaa lagu qabtay Hotel Mansoor maalintii arbacadii.
Xafladaas oo ay ka qayb galeen maamulaha mac-hadkaas, C/Casiis Samaale,
Gudoomiye ku xigeenka wakiilada C/Qaadir Jirde, Agaasimaha guud ee
wasaaradda waxbarashada Xuseen Cilmi, maamulaha hay’adda wadaniga ah ee
ISRC Xasan Cilmi Axmed, waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kale oo
badan.
Ugu horeyn waxa halkaa khudbad uu kaga warbixinayo dugsiga ka soo jeediyay
maamulaha dugsigaasi C/Casiis Samaale oo sheegay in dib u habaynta
dugsigaasi ay iska kaashadeen hay’adda ISRC iyo wasaaradda waxbarashada.
Isagoo intaa ku daray inuu dugsigu ka koobanyahay laba qaybood oo kala ah
barashada xoghaynta (Secretarial) oo ay ka qalin jabiyeen 28 arday iyo
qaybta farsamada qasabadaha biyaha oo ay ka baxeen 25 arday.
Waxa iyaguna xafladaasi ka hadlay maamulaha hay’adda ISRC, Gudoomiye ku
xigeenka baarlamaanka iyo agaasimaha guud ee waxbarashada.
Gebagebadii waxa xafladaas shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardayda qalin
jabisay.
Top
Guddiga doorashooyinku Maxay Kaga Jawaabeen Go’aankoodii Sharci-Darrada Lagu Tilmaamay? |
"Golaha Guurtidu Marka Nabadgelyo La’aani Timaado Ayay Wax Kordhin Karaan, Laakiin..." Shir-Jaraa’id - Guddiga Doorashooyinka
Hargeysa (Haatuf): Guddiga doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa shalay jawaab ka bixiyey eedayn ay golaha Guurtida Somaliland uga jeediyeen go’aan ay guddiga doorashooyinku dib ugu dhigeen waqtiga qabashada doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka, taas oo ay guddiga doorashadu sheegeen inay dib ugu riixeen 30-ka bisha March ee foodda inagu soo haysa, waxayna guddiga doorashooyinku arintaa kaga hadleen shir-jiraa’id oo ay shalay ku qabteen xafiiskooda Hargeysa.
"Guddiga doorashooyinku ma aha kuwa si gaar ah wax u af-duubaya, kana soo horjeeda guurtida, mana jirto shaqo ay leeyihiin oo aanu ka qaadnay", sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabaya ninka kusimaha gudoomiyaha ka ah guddiga doorashooyinka, C/laahi Cumar Cige (C/laahi jawaan), wuxuuna intaa ku daray "Madaxweynuhu intii aanu shaqaynaynay wax kasta oo aanu ula tagno si karaamo leh oo niyad-sami leh ayuu gacan noogu siinayey."
Guddiga doorashooyinka oo ay golaha guurtidu ku eedeeyeen inay ku talaabsadeen go’aan qayral-sharci ah waxay dhinacooda ku andacoodeen inaanay wax sharci daro ah samayn , wuxuuna gudoomiyahooda, C/laahi Jawaan yidhi "Waxaan leeyahay guddiga doorashooyinku xilka distooriga ah iyo xilka uu siiyey sharciga doorashadu ayuun baanu raacnay, laakiin ma jirto cid aanu u gefnay iyo cid aanu hawl ka maaroojinay toona."
Dhawr xubnood oo ka mid ah guddiga doorashooyinka ayaa ka tiraabay shirkaa jaraa’id, waxayna dhammaantood iska difaaceen eedda ay u jeediyeen golaha guurtidu. "Madaxweynaha ayaanu u bandhignay inaanay doorashadu ku qabsoomi karayn waqtigeedii, wuxuu markaa nagu yidhi bal idinku ordoo go’aan soo gaadha, dabadeedna markii aanu la kulanay hogaamiyayaasha xisbiyada ee aanu dhinac walba ka eegnay ayaanu nidhi 30-ka March hala qabto", sidaana waxa yidhi, Axmed Aadan Cali-goodir oo isna ka tirsan guddiga doorashada, isaga oo intaa ku daray "Golaha wakiilada ayaa hadii uu meesha yimaado wax ka bedel xeer leh, laakiin golaha guurtidu marka nabadgelyo la’aani timaado ayey wax kordhin karaan, balse hadda ma jirto nabadgelyo daro muuqata oo dalka ka dhacday, sidaa darteed baarlamaanka ayaa leh inuu wax ka bedel sharci sameeyo, markaa wax la isku qabsado iyo wax jaraa’id lagu qoraa meesha ma taallo."
Maxamuud Garaad Maxamed (Qaw-dhegayste) oo ka mid ah guddiga doorashada ayaa isna hadalka u baxay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa "Hadii aanu nidhi waxaanu ku talo galay inay doorashadu March dhacdo ma aha in buuq intaa le’eg laga dhaliyo iyo in saxaafadda laga hadlo oo la yidhaahdo distoorkii bay ka talaabsadeen, anagu distoor kama talaabsan".
Shukri Xaaji Boondere oo ah gabadha keliya ee ka mid ah xubnaha toddobada ah ee guddiga doorashooyinka heer qaran iyo Muuse Jaamac Maxamed (Muuse Xisbi) ayaa, iyaguna halkaa ka tiraabay.
Shirgudoonka golaha Guurtida oo Arbacadii doraad shir-jaraa’id ku qabtay xaruntooda Hargeysa ayaa si kulul u canbaareeyey go’aanka ay guddiga doorashoyinku dib ugu dhigeen xiliga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeebka, waxayna odayaasha guurtidu ku tilmaameen mid qayral-sharci ah, taas oo ay guurtidu sheegeen inaanay cayimad maalin doorasho xaq u lahayn mar hadii ay doorashada ku qaban waayeen xiligii uu hore sharcigu u cayimay.
"Waxa dhacay qalad, qaladkana waa inaynu saxnaa", "Ma aha qalad ee waa wax ay u badheedheen", labadan weedhood waxa iska yidhi gudoomiyaha golaha Guurtida, mudane Sh. Ibraahin SH. Yuusuf iyo kuxigeenkiisa koowaad, Sh. Axmed Nuux.
Guud ahaan mudanayaasha golaha guurtidu inaanay guddiga doorashadu haba yaraatee xaq u lahayn inay wax muddo ah cayimaan iyo go’aan dib u dhigid ah midna, laakiin mduanayaasha guurtidu waxay leeyihiin "Guddiga doorashadu keliya waxay xaq u lahaayeen inay yidhaahdaan doorashada kuma qaban karno mudadii uu sharcigu u cayimay, laakiin may ahayn inay go’aamo iska gaadhaan iyadoo aanay wax sharciyad ah u haysan."
Mudanayaal badan oo ka tirsan golaha wakiilada oo arintan ka hadlay aaya iyaguna go’aanka guddiga doorashooyinka ee dib-udhigidda xiliga doorashada madaxtooyada ku tilmaamay mid aan sharciga meel ku lahayn. Laakiin marka laga eego jawaabta ay guddiga doorashooyinkua ka bixiyeen eedayntii ay odayaasha golaha guurtidu u jeediyeen waxa meesha yaal ugu yaraan ilaa laba su’aalood oo ay ta hore tahay waa maxay waxa guddiga doorashada lagu qabsaday, ta labaad-na jawaabta ay guddiga doorashooyinku bixiyeen ma tahay wax ku fillan gefka sharci ee lagu eedeeyey.
Guddiga doorashadu waxay markii u horaysay go’aankooda dib u dhigidda xiliga doorashada ku dhawaaqeen 7-dii bishan, laakiin sida ku cad qoraal ay soo saareen oo tirsigiisu yahay Lr.82 waxay go’aankooda dib-udhigista hoosta ka xariiqeen kowdii Jananweri, 2003, waxaana qoraalkoodaa ku cad in waxa ay soo saareen uu yahay go’aan, laakiin sida ay ku dacwiyeen xubnaha guddiga qaarkood aanu ahayn talo soo jeedin.
"Guddiga doorashooyinka qaranku markii uu arkay qoddobka 83aad ee distoorka iyo markuu arkay qoddobka 26aad ee xeerka doorashooyinka, wuxuu go’aamiyey in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka la qabto 30/03/2003"ayey guddiga doorashadu ku yidhaahdeen qoraalkooda, iyaga oo weliba go’aankooda u xuskaday qoddobo kale oo aan iyagu ahayn qoddobo sharci. Laakiin waxay qoraalkooda ku soo gebagebeeyeen sidan "Mudada gaaban ee labada bilood ah ee aanu dib u dhignay waqtigii ay ku ekayd mudada xukunka dawladda maanta ka jirta Jamhuuiryadda Somalland in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenkiisa oo ku beegnayd in la qabto ugu dambayn 22/1/2003 in la waafajiyo dastuurka Qaranka iyo xeerka doorashooyinka". Laakiin hadii aad eegto qoddobka 83aad ee distoorka ee ay guddiga doorashooyinku cuskadeen ma jirto meel ay kaga taal inay guddiga doorashooyinku muddo cayimi karaan hadii ay sharciyadda xukuumaddu dhamaato, Sidoo kale xeerka doorashada ee ay cuskadeen waxa uu dhigayaa inaanay guddiga doorashadu xaq u lahayn inay cayimaan muddo dhaafsiisan sida uu distoorku jideeyey, taasna Madaxweyne Daahir Rayaale laftiisa ayaa jawaab ka bixiyey markii uu helay qoraalkii ay u soo direen, wuxuuna qoraal kale oo uu go’aanka ay u soo gudbiyeen kaga jawaabayo ku yidhi "Guddiaga doorashooyinku ma laha muddo cayimaad dhaafsiisan distoorka, sida ku cad xeerka doorashada, lambar 20’2001, marka la helo muddo korodhsiimo ah ayey tahay inay komishanku cayimaan maalinta doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka".
Sida ku cad qoddobka 8aad ee xeerka doorashooyinka guddiga doorashooyinku waxay muddaynta maalinta doorashada ku salaynayaan si waafaqsan distoorka, laakiin marka aad eegto 30-ka March, 2003 oo ah maalinta ay guddiga doorashadu u cayimeen doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaay 37 cisho ka dambaysaa maalinta ugu dambaysay sharciyadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka hadda kuraasta ku fadhiya, iyadoo ay sharciyadda xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku egtahay 23-ka Feberweri, 2003. Sidaa awgeed waxay iswaydiintu noqonaysaa maalinta ay guddiga doorashadu cayimeen hadii aanay haysan sharciyad ay ku dhex-ciyaarto xagee bay ka keeneen awoodda sharci ee ay go’aanka ku gaadheen, waayo waxa laga hadlayaa waa in la iswaafajiyo maalinta iyo sharciga, laakiin guddiga doorashadu maalinta Axadda ee ay ku beegeen qabashada doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waa maalin aan sharciga maanta yaal meel ku lahayn. Sidaa awgeed go’aanka guddiga doorashadu waxa uu noqonayaa mid ka habsaamay waqtigii hore ee uu sharcigu siiyey, isla markaana aan lala sugin waqtigii dambe ee uu sharcigu siin lahaa.
Arinta kale ee iyana xusidda mudani waxay tahay qoddobka 83aad ee distoorka, faqradiisa 5aad waxay leedahay "Hadii ay suurtoobi waydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka marka mudada xilkoodu dhamaado waxa golaha Guurtida ku waajib ah inay mudada xilka u kordhiyaan madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka, iyaga oo tix-gelinaya mudada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto". Sidaa awgeed qoddobkani waxa uu cadaynayaa in mar hadii ay dhamaatay mudadii sharciyadda xukuumaddu aanay guddiga doorashada u banaanayn meel ay wax ku mudaysaa, isla markaana qoddobka 83aad ee ay go’aankooda u cuskadeen oo ka kooban shan faqradooda ma jirto meel uu guddiga doorashooyinka awood ugu siinayo inay wax muddo ah cayimi karaan. Ta kale maadaama ay dhamaatay mudadii sharciyadda xukuumaddu waxay markaa duruufta sharcigu lagama maarmaan ka dhigaysaa in xukuumadda talada haysa loo helo sharciyad ay muddo kale ku sii jirto si aanay u dhicin xili bilaa xukuumad ahi dariiqa la doono haloo maree, taasina waa arin weli baaqi ah. Sidaa darteed waxay sheekadu u muuqataa inaanu go’aanka guddiga doorashadu qiil ka haysan distoor iyo xeer doorasho toona, isla markaana jawaabta ay shirkooda jaraa’id ku bixiyeen kuma filla gefka sharci ee loo tiriyey. Hadii aynu si kale u nidhaahnano waxaynu ku tilmaamaynaa xukun qar-qoosh ama go’aan qaar-qoosh, waxayna taasi calaamatusu’aal saaraysaa wixii ay guddiga doorashadu hore u soo maamuleen oo dhan.
Top
Iska-Horimaadyo Gacan-Ka-Hadal Ah Oo Ka Dhacay Suuqa Gobanimo Ee Magaalada Hargeysa |
"Afartii Habeenimo ayaa nalaga dumiyay miiskii iyo dandaqadihii aanu wax ku iibsanaynay, mana Jirto wax naloo Sheegay"
Cabashada Ganacsatada Suuqa Gobanimo
Hargeysa (Haatuf): Deeq Maxamed Aadan oo ah nin dhalin yaro ah ayaa dhaawac rasaaseed soo gaadhay, ka dib markii uu shalay iska hor-imaad dhex-maray ganacsatada yar yar (Khudaarleyda & hilibka) ee suuqa loo yaqaan gobanimo (Ex-xisbiga), Hargeysa iyo ciidanka booliska, waxaana suuqaa labadii maalmood ee u dambeeyey ka oognaa xiisad cirka isku shareertay oo u dhaxaysa ganacsatada dan yarta ah ee suuqaa iyo guddi madax banaan oo hadda suuqaa maamula, iyadoo ay boolisku xidh-xidheen inka badan tobaneeyo qof.
Tac-shiirad rasaas ah oo inka badan nusasaace dhacaysay ayaa subaxnimadii hore ee shalay hadhaysay suuqa gobanimo, ka dib markii ay ciidan boolis ah oo halkaa la geeyey rasaas badan oodda ka qaadeen, wuxuuna hawl-galka boolisku keenay in ugu yaraan uu hal qof ay rasaastaasi dhaawacdo, halka ay ugu yaraan laba-saddex qof oo kalena jugo soo gaadheen.
Ismaandhaafka u dhexeeya ganacsatada yar yar iyo guddiga suuqaa maamusha waxa uu ka dhashay dhismayaal la damacsan yahay in suuqaa laga fuliyo, taas oo ay ganacsatada iyo guddigu isku maandhaafsan yihiin sida arintaa loo meel-marinayo, waxayna dadka danyarta ah ee suuqaa ka ganacsadaa si weyn uga cawdeen in loo geystay hatigaad iyo burbur weyn, isla markaana aanay fahamsanayn sababta ay waxaas oo dhibaato ahi u gaadheen, laakiin guddiga suuqa gobanimo waxay dhinacooda ku dacwiyeen inay doonayaan inay dadkaa u dhisaan hangaro ay ku ganacsadaa, taas oo uu gudoomiyaha guddigaasi sheegay inay hawshaa hadda gacanta ku hayaan.
"Afartii habeenimo ayaa la qaaday miisaskii hilibku noo saarnaa, mana jirto wax naloo sheegay, waxaana na soo gaadhay khasaare badan" sidaa waxaa tidhi Canab Jaamac Xasan oo ka mid ah haweenka ka xoogsada ganacsiga hilinka qeedhin. "Saddex neef ah oo Lo’ ah ayaan qalay, laakiin laba ka mid ah ayaa iga khasaaroobay, waxaana neefkii lo’da ah nalaga siiyaa 500,000 Shillin Somaliland ah"ayey intaa ku dartay marwo Canab Jaamac.
Weriyayaal Haatuf ka tirsan oo maalintii shalay suuqaa booqday ayaa xaaladdii suuqaa ku tilmaamay mid aad u walaaqan oo ay isla uugaameen dadkii danyarta ahaa ee ka xoogsan jiray, waxaana surimada suuqaa gaaf-wareegayey cutubyo ka tirsan ciidanka booliska oo lagu soo daayey, iyadoo ay dadka suuqaa ka xoogsada oo u badan dumar ay labadii maalmood u dambeeyey soo food saartay xasilooni daro weyni, isla markaana waxay dadka ka xoogsada khudaarta iyo hilibka ee suuqaa degani si weyn uga cawdeen maamul-xumo ay kala kulmeen guddiga suuqaa maamula, iyaga oo sheegay inay guddigaasi ku soo dal-badeen ciidamo u geystay hatigaad iyo dhibaatooyin kale.
"Waxaanu dad danyar ah oo bariiska ka daya kiilooga khudaarta ah iyo kiilooga hilibka, laakiin waxa naloo geytay khasaare weyn, markaa yaanu raacaynaa khasaaraha aanaan xamili karian ee naloo geystay"ayey ku dacwiyeen dumar khudaarleyda iyo hilibleyda ee suuqaasi.
"Maadaama nala baabi’inayo, miiskii oo ay alaabtii kuu dul-saaran tahay ayaa askar lagugu wareejinayaa oo lagu dilayaa, waxaagiina waxna waa la burburinayaa, waxna tuugtii suuqa joogtay ayaa loo daadinayaa", sidaa waxa tidhi Maryan Yuusuf oo ka mid ah khudaarleyda suuqa gobanimo, waxayna Maryan intaa ku dartay "Guddiga suuqa kuma kalsoonin, sidaa darteed waxaanu doonaynaa inaan anaga iyo dawladda cid shicib ah oo guddi sheeganaysaa noo dhaxayn, waayo waa nala baabi’iyey, khasaare badana waa naloo geystay, maalinkaa maanta ahna dadkayagaa maantada ahi wax alaale wax aanu la nool nahayna ma jirto".
Dadka danyarta ah ee suuqa gobanimo waxay aaminsan yihiin ama ay ku dacwiyayaan in dhulkooda looga qaadayo dad lacag leha, arintaana ay fulinayaan guddiga suuqua, laakiin gudoomiyaha guddigaa oo la waydiiyey arintaa wuu beeniyey. Waxa kale oo ay dadka ganacsatada ahi sheegeen in miisaskii ama sandaqadihii ay ku ganacsan jireen laga dumiyey iyadoo aanay ciddina aanay ku wargelin inay meesha ka guuraan.
Inkasta oo ay kooxo dumar ah oo ku sugnaa xafiiska guddiga suuqaa maamusha ku doodeen inay ku qanacsan yihiin sida ay guddigu hawsha dhismaha suuqaa u wadaan, hadana aqlabiyadda dadka suuqaasi waxay u muuqdeen kuwa kalsooni xumo badan ka qaba guddigaa ioy sida ay wax u wadaan, waxayna ku tilmaameen inaanay ahayn guddi dhex-dhexaad ah, balse ay yihiin niman ka tirsan ganacsatada bacadlayaasha, isla markaana la maxaafadsada kooxo lacag leh oo ay ka iibiyaan goobaha danyartu ka xaoogsato.
Deeq Maxamed Aadan oo ah ninka ay boolisku ku dhaawaceen suuqaa waxa dhaawiciisa lagu dawaynayaa cusbaataalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaasna waxa ku booqday weriyayaal Haatuf ka tirsan, waxaana ninkaa dhafoorka bidix kaga taal xabad, isla markaana waxa uu sheegay inay isugu tageen koox boolis ahu, una geysteen jugo badan, laakiin dhaawiciisu ma ahayn mid halis ah.
Marka la eego xaaladdii shalay suuqa gobanimo ka taagnayd iyo iska hor-imaadyadii ka dhex-oognaa ciidanka booliska iyo dadka suuqaa ka xoogsada waxa uu muuqaalkoodu u ekaa iska hor-imaadyada mararka qaarkood laga arko telefishinada dunida ee u dhexeeya askarta Israa’iiliyiinta iyo dadka Falastiiniyiinta ah ee sacabaleyda ah.
Top
(Saadaasha Sannadka 2003 ee Nayruus Arbaca)
Q:2aad
Sh. Maxamed Yuusuf Axmed -- (Astrologist)
-
Nayruus Arbaca, dunida waxaa ku soo kordha, wax soo-saar cusub oo wax ku soo kordhiya habka geedi-socodka ee horumarka aadamaha, sida cilmiga noolaha, technology-yada (Technology) iwm.
-
Hoggaamiyeyaasha bulsho sida duqayda, salaadiinta, cuqaasha iyo xeer-beegtida jeebabka ayuu u buuxiyaa, ayaa la odhan jiray, runtana Allaa og.
-
Sannadkan oo kale, waxaa la odhan jiray, waxbarashadu way aawantahay, gaar ahaan ciddii ku hawlan, warbaahinta, is-gaadhsiinta, wax-qorista iyo barista la arkee in Eebe ka qaado kurbo in badan haysay.
-
Dadka ku hawlan arrimaha ganacsi iyo qodidba, macdanta, hadduu Eeebaha awooda lihi garto, laga yaabee inay horumar ka gaadhaan.
Akhristayaal intiinii akhrisatay cadadkayagii Arbacadii dorraad, waxaanu idiinku soo gud-binay qaybtii hore ee mawduucii la magac baxay Oday ka sheekee, sidaa darteed waxaanu halkan idiinku soo gud-binaynaa qaybtii labaad ee mawduucaa, waana tan.
" Somalidu way sharaysataa sannad Arbacaad, iyaga oo ka tix-raacaya ummado hore loo rogay iyo soo jireenno hore, waxaana ka mid ahaa Nebi Ayuub (Caleehi-salaam) oo la sheego inuu sannad Arbacaad ku dhacay xanuunkii ku raagay. Sidoo kale nebigeenii suubanaa, Nebi Maxamed (NNKH) waxa uu xanuunsaday Arbaca bil u dambaysta, waa markii uu xaqu helay. Laakiin Arbaca waa maalin aan lahayn awood ay wax ku disho ama ku noolayso, waxaase awoodda leh lama labbeeyaha, kaalmo ma doonaha, allaheenna weyn ee ina abuuray ayaa qaderka leh.
Marka la eego dhaqanka dad badan oo Somali ah ayaan Arbacada guuri jirin, hadii ay guuraana waxa caado u ahayd inay dambas ka sii qaataan guriga ay ka guureen, dabadeedna guriga cusub ee ay degaan ayey marka ay dabka shidanayaan gundhig uga dhigi jireen dambaskii ay ka soo qaateen gurigii ay ka soo guureen.
Nayruus Arbacaad waxa la yidhaahdaa waxa uu u wanaagsan yahay geesleyda, geelana laga yaabee in duuf iyo waxyaalo kale lagu arko. Ragga qaarkii Idaha, lo’da iyo nuqulkaba way iibin jireen oo uma fiicna nayruuskan ayey odhan jireen.
Dhurwaagu dad iyo duunyaba wuu weeraraa, shinbiruhuna dadka ayey guryaha ugu soo galaan, waxa la arkaa kaymo gubta, gubatooyin kaca. Sidoo kale waxa jiri jiray roobab dabaylo iyo duufaano wata. Had iyo goor dhulka kaymaha leh iy meelaha buuraha ah ayaa lagu furi jiray reeraha, isla markaana dhulka furan iyo meelaha togagga ah waa la iska ilaalin jiray. Sannad Arbacaad waxay leedahay ayaa la yidhaahdaa, Calool-xanuun, cudurada xidida gala, cuno-xanuun, dhego-xanuun, cabeeb iyo is-xoq, runtana allaa og.
Xagaa qabow iyo roobab waa la sheegi jiray, midhaha beeraha ayaa barakoobaa, dhulka roobku helaana dhakhso ayuu u engegaa, waxaan ku talin lahaa in nadaafadda la dhawro, dad iyo degaan-ba, biyo nadiif ahba la cabo ciroole iyo caruur-ba.
Laga yaabaa inay dadku ka cawdaan madax-xanuun badan, isla markaana la badsado isticmaalka daawada, allaa mahad leh. Sida aad la socotaan dunida iyo degaankeenaba waxa jira wel-wel, colaado iyo siyaasado is-colaadsi oo muslin ioy gaalo ah oo shisheeye iyo sokeeyeba leh, laakiin cid waliba ilaaheeda ayey leedahay, ilaahayna isaga ayaa ilaashanaya koonkiisa. Hase yeeshee hadii aynu eegno ama malayno kala fadhiga meerayaasha waxa sidaas oo kale laga odhan jiray: Meeraha libdhe ee nayruusku hogaaminayaa waa ina boqor, karaaniga cad-ceedda iyo mooradiisa Afagaal ee suxalku fadhiyo (sannadkana wuu joogayaa, sannad horena wuu soo fadhiyey). Wuxuu wato iyo dayaxan shan iyo tobnaadka ahi waxay wataan dareen dhinaca dhacdooyinka oo dunida iyo dhankeenaba ah, maskaxaha aadamuhuna waxay ku hawlan yihiin faah-faahinta arimahaa, sida hawl-maalmeedkeena iyo tijaabinta kartideenna, laakiin ma ilaawi karno dunida weyn ee ka baxsan halkan, waxaynu u baahanahay inaynu ka fekerno lafaheenna oo aynu samayno (Dhamaystirno) doorashadeena iyo go’aamadeenna.
Burjiga sagaalaad iyo ka saddexaad ee Afagaal ayaa iyagu si gaar ah saamayn u leh. Marka aya isku deyayaan inay war-geliyaan si xaqiiq ah dadka ku xeerran burjiga kaluunka iyo dirirka waa inay qabatimaan ra’yiyada cusub, hadii kale waxay noqonayaan kuwa dib u dhaca oo laga horeeyo.
Shan iyo tobnaadka dayaxa waxa dhaca jawi wanaajiya dhinaca maskaxda.
Meeraha dardaar ee ku wareegaya Asadka wuxuu wadaa xaaladda isku kalsoonida iyo daacadnimada-kalsoonida noalosha aad ku nooshahay dhinaca dunida iyo naf ahaantaadaba. Meeraha dardaar ma noqdo inuu bilaabo socod xagga hore ah ilaa bisha Abril, 2003. Laakiin marka uu tago saldhigga 8aad ee moorada Asad waa xiliga uu yeelanayo saamayn toos ah oo ah dhinaca cilmi-baadhista, daah ka qaadidda iyo baadhista arimaha diinta iyo falsafadda.
Asadku wuxuu leeyahay saamayn toos ah oo ah xagga jacaylka, caruurta iyo dhacdooyinka wanaagsan, laakiin waxa dhici karta Asad inuu dib u booqdo gobolo jugraafiyeed oo xusuus leh ama booqasho nafsadda raali gelisa oo uu caruurta ugu tago.
Saamaynta Libdhe ee moorada Asadka waxa dusha ka ilaalinaya moorada dibiga ioy daba-aleelaha, iyaga oo ka ilaalinaya inuu si qayral xad ah hawsha ugu raago.
Burjiga Dalaw ayaa ku hawlanaan doona safarada iyo hawlaha culuunta iyo waxbarashada. Moorada Afagaal iyo ta miisaanka ayaa iyagu ka maqsuudi doona cusboonaynsiinta xidhiidhada bulsho ee meeraha libdhe gala, isla markaana dadka ku dhasha ama uu saameeyo waxay ahaadaan kuwa hadhsada boqornimo iyo gobanimo.
Sannadkan 2003 ee nayruus Arbaca dadka ku dhashay moorooyinka Hawaa’I iyo Maa’I waxay dareemaan saamayn faa’iido leh oo meeraha libdhe ah (Jupiter).
Moorada Libdhe iyo moorada Laxaha waxa ku dhici kara jacayl ama ilmo ayaa qoyska ku soo biiri kara, Asad ayaa isna dareemaya dhex-dhexaadnimo iyo qunyar socodnimo, balse nasiib waxaynu helaynaa abaal-marino door ah. Burjiga dalaw-ga ayaa isagu safraya, wuu korayaa, wuxuuna casharo u dhigayaa arday ama buugaag cusub ayuu soo saarayaa.
Burjiga Afagaal waxa dhici karta inuu gaadhi iibsado, casharo qaato ama uu raali la noqdo jaarkiisa ay meel ku wada noolyihiin. Sidoo kale burjiga miisaanka ayaa isagu saaxiibo cusub samaysanaya, waxaana dhici karta inuu hayad cusub ka mid noqdo. Laakiin burjiga ayaa isagu u badan inuu socdaal galo, lana kulmo dad uu la fajaco, dadkaas oo ah dad ajnebi ah oo ka ymi debedaha, markaa wax buu ku guulaysan karaa ama wax baa laga saari karaa, runtana allaa og. Burjigan dabcigiisu waa kulayl debecsan (Rudaba), isla markaana isbedel iyo k noqoshaba wuu leeyahay, waxa kale oo uu leeyahay baa la yidhaahdaa, Uurku-sid, aanooyin, colaado dhexmara gaalo iyo islaam ayaa dunida ka dhaca, sidoo kale badaha laguma safro, waayo waxa laga baqaa inay gaadiidka badda dabaylo ku kacaan, dadka socotada ahna dharka ayaa laga xadaa iyo midhahaba, basle isu socodka iyo is-dhexgalka dadku wuu bataa. Tegnaloojiyadda ayaa fayras looga baqaa, waxa kale oo jira welwelka colaadaha diimaha (Diinta islaamka ilaahay baa ilaashanaya). Hase yeeshee meeraha nayruuskani waxa uu saamayn ku yeeshaa dhulalkii ay anbiyadu ka soo daahireen, risaalooyinkuna ka soo degeen, laakiin nayruuskani meelo kalena waa saamayn karaa, ta kale laga yaabee in xuduudo badan isbedel ku yimaado, isla markaana ay isbedelo badani yimaadaan.
Somalida geeska Afrika, IGAD, Yamen, Iiraan, Turkiga, Shaam iyo Ciraaq la arkee in dhulalkaa ay ka dhacaan dagaalo saameeya, dareenno kacdoon dadweynena way dhici karaan.
Dalka Masar waxa la arkaa inay liibaanto, laakiin waxaas oo dhan waxa ka wanaagsan oo laynooga baahan yahay inaynu Eebe u noqono, isla markaana aynu is-cafino, Iimaan dhab ahna la nimaadno, alla bari la sameeyo, quraan akhriskana ay dadweyne iyo dawlad-ba badiyaan, waana in la dhergiyo culimada, ardayda, masaakiinta, isla markaana alle laga baryo inuu naxariistiisa ina siiyo iyo nimcooyinkiisa iyo nabadgelyadiisana ina siiyo, inala baalmariyo belaayooyinka dhammaantood.. Aamiin, Allaa mahad leh".
Dhamaad.
Top
Cumar Carte Qaalib
Sida la wada ogyahay gabaygu door weyn ayuu ka qaataa arrrimaha bulshada ee adduunweynaha gaar ahaana bulshada Soomaaliyeed, si gaar ahna dadka reer Somaliland.
Gabayaaga waxa si fiican ugu magac bixisay luqada carabiga oo ku tilmaantay dareeme, (Shaacir) qur’aanka Ilaahayna suurad dhan ayuu Ilaahay ku tilmaamay gabayaaga, ama shucurada, gaar ahaana aayadaha ugu dambeeya.
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa gabaygan (Hiil Allah) oo uu tiriyay siyaasiga Cumar Carte Qaalib oo isla markaana gabayaa ah, isagoo dareenkiisa ku muujinaya kana hadlaya arrimihii dhacay ee ku saabsanaa doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Somaliland, inkasta oo gobolka Sool lagu tacadiyay.
Gabaygu wuxuu ka koobanyahay 99 bayd, sida la ogyahayna magacyada Ilaahay ayaa ka kooban 99 magac inta la yaqaan maadaama magacyo kale oo rabigeen leeyahay jiraan. Waxa la soo hormariyay qaybtan hore 33 bayd oo ku saabsan xukunka Ilaahay iyo shacabka sharafta leh mahad naqooda, khaasatan taageerayaashii gaarka ahaa.
Waxaana u fiirsiga tirada oo ah cadadka tasbiixda faraha.
Qaybtan koowaad wuxuu ku khatimayaa mawqifka siyaasadeed ee la gudboon dadka ay isku aragtida yihiin iyo rajada weyn ee uu ka qabo Hiilka Ilaahay iyo rajaynta mustaqbal hoodo iyo horumar leh "Inshaa Allaah."
Labada qaybood ee kale wuxuu Cumar Carte Qaalib kaga hadlayaa arrrimo culus oo uu ka xunyahay, inay ina xasuusiyaan wixii burburka iyo dib u dhaca keenay, waana kan gabaygii:-
.:. Haadiga Illaahay ayaa Hiiliyoo Mudane
.:. Isagaa habeenkii saqdhexe hoos u soo dega eh
.:. Samada ugu hoosaysa-buu hab ugu beegmaaye
.:. Wuxuu haybiyaa deeq ninkii hooda beegsada eh
.:. Ama hilinadii tawbadaha kii u haajira eh.
.:. Ama kii denbigu hore u falay dhaafid haybsada eh
.:. Haybadlaha Ilaahay hadduu doono way heli eh
.:. Hal waa mahad naqiyo shicibka aan laabta ku hayaaye
.:. Haweenkiyo barbaartaa billadii qayb libaax helay eh
.:. Koox hawl gashoo raxan libaax lagu hareereeyey
.:. Hiyigaygii bay diiriyeen hiilin iyo hooye
.:. Hawlaha kuwii fuliyey een hadalla keenaynin
.:. Hoos kuwii u talinayayee hurayey maalkooda
.:. Iyo kuwii hareeraha jiree hawsha fududeeyey
.:. Iyadoon haleel naba dhexmarin hadalana loo geysan
.:. "Haa" kuwii iskood noogu riday sawtkii la halleeyey
.:. Intaasoo halyey ahiba way heli abaalkoode
.:. Halna waa dikriga culimadii ducada noo haysay
.:. Allahayoow hidaayadda nasii nana haleelsiiye
.:. Hoos ka qiiqayaashana dawee xaasidbaa hodaye.
.:. Cumar wuu huleeluu idin odhan been hawaystuhu eh
.:. Bal hubsada intaydaan ku dhicin booraan hadimeed eh
.:. Hargeysiyo dalkaygaa xorta ah yaaban helayaaye
.:. Hayeeshee markii hawlla galo hubanti weeyaane
.:. Hayaan gaaban oon soo noqdaa lama huraan weeye
.:. Mar horeba sidaan idhi xisbiga wow hanwaynahaye
.:. Hakashaa ka roon habab xun oo lagu heshiiyaaye
.:. Habqan iyo magayo bililiqiyo hoorsi gacameed eh
.:. "Hoo" quudhsiyana waan ka digay ugu horreyntii eh.
.:. hoonkoon idiin yeedhiyiyo hadal cad mooyaane
.:. Hormood baad hadhsanaysaan sal iyo calanka hoostiis eh
.:. Hiil Allaa ku xigi hoodo iyo horumar muuqdaaye
.:. Hadduu Eebeheen noogu qoro "hire" kitaabkii eh.
Top
Xukuumadda Kibaki Oo Mashaakilo Ka Horyimaadeen.
Nayroobi (W. Wararka) Xukuumadda Cusub ee Mwai Kibaki ka soo dhisay dalka Kiiniya ayaa waxa ka horyimid mashaakilo ay ka dhaxashay dawladdii hore ee Danial Arap Moi, mashaakiladaana waxa ugu waaweyn dambiyada dilka tuugada iyo hoos u dhac weyn oo soo waajahay waxbarashada. Dadka u kuur-gala Siyaasadda dalka Kiiniya ayaa sheegay in wax ka qabashada arrimahani ay yihiin tijaabada ugu weyn ee lagu eegayo Madaxweyne Kibaki, taasoo haddii uu ku guulaysto ka dhigaysa mid xaqiijisa guushii balaadhnayd ee uu gaadhay Kibaki iyo xisbigiisu.
Kibaki wuxuu ka dhaxlay xukuumadii ka horeysay dhibaatooyin ka dhashay dambiyada oo si fudud uga dhaca dalkaa, gaar ahaana dilka iyo tuugada.
Waxa kale oo uu la kulmay faqri iyo dhaqaale burbur ku dhacay dalkaasi muddadii uu talada hayay Danial Arap Moi.
Muddadii uu ku jiray ololihii doorashada ayuu Kibaki ku balanqaaday inuu wax ka qaban doono arrimahaa aynu soo sheegnay, taasoo ay ku xidhantahay kalsoonida dadweynihii doortay, oo rajo ka qaba inuu ka dhabeeyo balanqaadyadiisii.
Dhawaan waxa dalkaa ka dhacay rabshado iyo iska hor’imaadyo dhexmaray qoomiyadaha dalkaasi, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof todobaadkii tagay, tanina waxay ku soo beegantay iyadoo aanay lugo adag isku taagin xukuumadda M/weyne Kibaki, oo ku hawlan sidii ay arrintaa wax uga qaban lahayd.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 63aad
Ganat: Muxuu geystay Iskandar Dastaa?
Mingistu: May jirin wax uu geystay, laakiin facii markaa joogay ayuun baa lagu salliday, wuxuuna wax ku soo bartay dalka Ingiriiska, isla markaana debedaha ayuu ku noolaan jiray, laakiin keligii may dadka kale ee debedaha ku noolaa ee waxa jiray dad kale oo debedaha ku noolaan jiray oo uu xukunkaasi ku dhacay. Laakiin uma jeedo ama ma lihi xukunkaa kuma ay jirin dad aan dembiyo lahayni, waxaanse u jeedaa inaanu habka loo xukumay cadaalad ahayn.
Run ahaantii waqtigaasiba waxa uu ahaa xili wuxuun la gumaadayey, isla markaana waxay xaaladdu ahayd mid dareen yar oo kugu dhasha lagu kici jiray, waxna lagu samayn jiray, laakiin anaga iyo dadkaba dareenkii berigaa nagu jiray sida maanta loo sheegayo muu ahayn. Waayo xiligaa anaga laftayadu (xubnaha dhergiga) waxaanu muujin jiray ama ka turjumi jiray dareenka ay bulshadu qabto ama muujinayso, sababta aanu sidaa u yeeli jirayna waxay ahayd, anaga laftayadu waxaanu ka soo dhex-baxnay bulshada dhexdeeda, sidaa darteed waanu ku khasbanayn inaanu isu ekaysiino bulshada aanu ka soo dhex-baxnay. Hase yeeshee may ahayn in naf dhan oo qof lagu xukumo gacan-taag, iyadoo aan la hubsan dembigiisa, runtii may ahayn in sidaa la yeelo.
.
Nimankii janaraalada ahaa ee la laayey shicibku way naceen, waxayna ahaayeen niman inta ay shicibku soo xidh-xidheen, ka dibna faraha naga soo saareen, iyadoo ay nimankaa janaraalada ahi markii raadyowga la sheegay in la doonayo ee magacyadooda laga xaadiriyey idaacadda ay isa soo dhiibeen, waxayna ahaayeen niman gacantayada ku jira. Laakiin iyadoo aanay jirin cid culays na saaraysa iyo cid na dedejinaysaa toona ayaa la laayey, run ahaantiina marka la eego dhexdayada (xubnaha dhergiga) sidii aanu arintaa ka yeelnay ma aha mid aanu isku ciil-kaambiyeyno, sidaa darteedna arintaasna si wacan baanu ka yeelay, isla markaana hawl wanaagsan ayaanu qabanay, una malayn maayo inuu jiro nin qudha oo odhanaya maxay sidaa u yeeleen, waayo arintani waxay ahayd mid ay taariikhda iyo waqtigu abuureen, sidaa darteed waxaan filayaa inay ra’yigan ila qabaan ama ila qabeen xubnaha ama xubnihii kale ee dhergigu oo ay sidan aan u hadlay u hadli doonaan.
Ganat: Waxa la sheegaa Kornayl Daaniyal inay beri is-raaceen nin ka mid ah qoladii boqorka u adeegi jirtay (Kool-koolin jirtay), ka dibna ay isku dayeen inay boqorka siiyaan kiniin dila, laakiin la sheegay inuu kiniinkaasi dhulka ku dhacay, dabadeedna beri dambe kiniinkii laga dhex helay dhar uu boqorku lahaa oo jactadsan, sidaa waxa maantadan si run ah u cadaynaya niman arkay, markaa adigu maxaad ka odhan arintaa?
Mingistu: Horta meesha uu boqorku deganaa waxa joogi jiray ciidan adag oo ilaalo ah, waxaana jiri jiray kala shaki aad u weyn, sidaa darteed waqtigaa waxa dhici karaysay inay dad naftooda ku waayaan qalad yar awgii, taasina waxay keentay inuu qof waliba iska ilaaliyo inuu wax yar xumaan ah galo ama geysto, isla markaana uu qof waliba iska ilaalinayey in lagu maqlo xumaan oo dhan, hadii ay sidaa xaaladdu ahaydna u malayn maayo kornayl Daaniyal oo xiligaa ahaa gudoomiyaha taliska abaabulka inuu isku dayey inuu boqorka dilo, laakiin xataa hadii ay dhacdo inuu isku dayey fal dilitaan ah oo uu boqorka kula kacay u malayn maayo inuu dariiq caynkaas oo kale ah u maray. Sidaa darteedna waxaan u malaynayaa inay dadka sidaa leh aqoon la’aani ka hayso ninkaa kornayl Daaniyal iyo waxa uu ahaa, laakiin kornayal Daaniyal waxa uu ahaa way ogyihiin cid kale daayo dhalaanka Itoobiya, wuxuuna ahaa sarkaal aad u taxader badan, markaa maadaama uu ahaa nin aad u taxader badan, sida la sheegayo ee ah kiniinkii uu is lahaa hawl-galka dilka ku fuli ayuu dhulka kaga dhacay oo uu kaga tegay meel cidla ah waa waxaan dhici karin, aniguna u malayn maayo inay waxaasi jiraan...
La soco cadadka dambe.
Top
Xaq daraa Lagu Xukumay
Anaga oo ah odayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin oo degan degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, gaar ahaana xaafadda xero Awr, waxaanu la yaabanahay cadaalad darrada ku dhacday Axmed Faarax Ismaaciil. Oo lagu haysto meeshii aanu siinay 1940kii Aabihii Faarax Ismaaciil Obsiiye haddana cadaalad darrada labaad ee ku dhacday ee ay ku fuliyeen xaakinada maxkamadda Hargeysa ee ku xidhay jeelka. Xadhigiisuna muddo malaha, dacwaduna waa madani.
Marka labaad anagoo u dhaaranay markii aanu markhaatiga ahayn, nasiib darro-se dhaartayadii lama tixgelin laguma qancin markaa nin dhaar ku qanci waayay maxaad u malaynaysaa inuu ku qancayo.
Marka saddexaad ninkan xidhan 5 carruura ayuu leeyahay cid u shaqaysaana ma jirto, dawladuna masuuliyad iskamay saarin hadday dhibaato ku timaado xaaskaa aan Ilaahay mooyee cidkale aqoon yaa ka masuula.
Dawladduna ha ogaato inay raali ka tahay qofkasta oo dalkan ku nool. Markaanu tagnay maxkamadihii xukumay arrintan gaar ahaana xeer ilaaliyaha guud wuxuu ku jawaabay waxba kama qaban karo. Meesha laga xukumay Axmed Faarax Ismaaciil waa 4 baloodh, 4ta baloodhna anagu ma ogin meesha ay ku taalo.
Meeshuse waa 1 baloodh, markaa Dawladda waxaanu u aragnaa waxaanay arag inay xukuntay. Haddaba waxaanu ka codsanaynaa M/weynaha iyo M/weyne ku xigeenkiisa, wasaaradda cadaaladda iyo dhamaan golayaasha Qaranka inay codsigayaga noo tixgeliyan anaga oo cid xero Awr nooga soo horaysay aanay jirin.
Aw Cabdi Dhimbiil Xuseen
Axmed Jaamac Liibaan
Ismaaciil Cali Buux
C/Laahi Ismaaciil Kaahin
Maxamuud Cilmi Sugaal
Hargeysa
Top
Gobanimadu Waa Geed Ku Baxa Dhiiga Geesiga |
Sida aynu wada ogsoonahay C/Raxmaan Axmed Cali wuxuu uu ka mid ahaa halyayadii SNM ee naftooda u huray sidii ay uga saari lahaayeen halaagii iyo dhibaatadii faraha badnaa ee lagu hayay umadooda wakhtigii kaligii taliyihii Siyaad Barre, waxaa kale oo uu ahaa gudoomiyihii ururkii SNM ee ku guulaystay dalka xorayntiisa, cadawgiina ka xoreeyay keenayna gobanimada aynu maanta manaafacaadsanayno.
Gobanimadu waa geed damal ah oo cid waliba hadhsato, waa geed ku baxa dhiiga geesiga, waa geed ina u dhimataa ina u aydaa.
(Waxba yuu xaalkay i marin xoolana i siine, xaashe’e nin libin kaa xistiyay xumihiii waa yaab). Run ahaan markii aynu ku wada hadalno C/Raxmaan Axmed Cali waa aabihii Somaliland, dalkuna waa kiisii uu u dhashay xuquuq iyo xaq buu ku leeyahay ciidiisa.
Haddaba haddii cid lala xisaabtamayo dambi oo lagu qaadayo in badan oo ka dambi badan baa dalka joogta oo aan habeen u gaajoon, geedna aan uga soo wareegin maxaa loola xisaabtami waayay, kuwaasi soomaalidu waxay tidhaahdaa hal waliba shililkay is-dhigto ayaa lagu qalaa.
Maxamuud Maxamed Kaahin
Hargeysa
Top
Talo Bixin Ku Aaddan Qabashada Doorasho Xaq Ah. |
Qiimaynta doorashaddii dawladaha hoose waxaa farxad wayn inoo ah qaan gaadhnimadda uu shacabkeenu muujiyey, iyadoo aanay dhicin wax iska hor imaad ahi. Taariikhdeenana marka la eego waxaynu leenahay shacab xamaasiya oo marar badan naftiisa u huray sharafta waana ta Ilaahay inagu manaystay ee aynu kaga duwanahay Soomaaliya Aad baan uga xumahay in la hantaaqiyo hannaan socodka doorashooyinka Iyadoo la iska indha tiray cabashooyinka xisbiyada lagu tilmaamay inay hadheen Ay soo saareen kagana cabanayeen tirada cododka goobaha Hargeysa ay ka heleen oo maalin walba is badalaysay oo lagu maamulayay qaab ku dar iyo ka jar ah ula jeedaduna ahayd in xisbiyo dhibcahooda la kordhinayay kuwana la dhimayay waxa kaloo cabashadaa ka mid ahaa inay jirtay ku shubasho xad dhaaf ah degmoooyinka qaar waxa eedaas indhaha ka xidhay guddigii loo igmaday doorashooyinka kuwaasoo ku shaqaynayay amarrada iyo maamulka dawladda (UDUB) sidoo kale waxa cabasho taa ka wayn uu ururka Sahan kaga cabanayay Guddiga diiwaangelinta iyo kala reebista xisbiyada oo si cad uga leexday dariiqii ama xeerkii u dhignaa in xisbiyada lagu kala saaro taasoo qof kasta oo xaqiiqo raadis ah uu akhriyi karo Buuggaas xeerarkaasi ku qoranyihiin xisbiyadda mucaaradka ah waxay marka horeba samir ay ku muujiyeen in ay la tartamaan dawladda Somaliland oo runtii ay nasiib darro tahay in laga dhigo xisbiga Udub, waayo muu ahayn mid ku yimi doorasho ee waxay ahayd dawlad xiligii loo kordhiyey markii hawshii loo igmaday ay gudan kariwaydey si ay u dhamaystirto doorashadda
Haddaba hawlgalkan doorasho ee dhacay waxaa codka ugu badan helay Udub si taasi xalaal ugu noqotana waxa loo baahnaa in aan maanta laga soo caban sida dadka la sheegayo in shaqaddii laga eryey ama xisbiyadda lagu haddiday goobaha qaarkood sida Gabilay oo la sugayo in sharciga la hor keeno.
Arinta ku lug leh degmooyinka aan weli doorashadda laga qaban waa muhiim in dib loo eego. Maanta siyaasiyan dadka awooda wadanku gacanta ugu jirtaa way ogyihiin xaaladda dhabta ah dhulkaa ee iska hor imaadkii ka dhacay Laas caanood muu ahayn mid shacabka halkaa degani horseedeen, waa kuwii sida diiran u soo dhaweeyey waftigii madaxweynaha. Golaha sharci dejintu waa in ay isa saaraan masuuliyad, mar walbana loogama baahna in ay dawladda siyaasadeeda taageeraan waa in la helo marar badan oo ay saxaan. Haddii aan sharcigu siinayn awood meel marisa in lala sugo saddexda xisbi ee la dooranayo arinta degmooyinka hadhsan bal dib hawgu noqdeen in go’aanaddii ay hore u soo saari jireen ahaayeen qaar marwalba sharciga waafaqsan. Haddii la helo qaar duruufuhu keeneen tanina ka duwanaan mayso.
Dhinaca kalena, haddii dawladdu ay ka maagayso arinta Sool in si debecsan loogu soo dabaalo hawlgalka Somaliland waxaan u arkaa in ay caadi tahay xisbi kasta oo olole siyaasadeed iyo qarameedba kaga hawl geli kara goobtaas. Taasoo u keenaysa guul siyaasadeed, waana fursad qaaliya, tusaale ahaan, xisbiga kalsooni ka abuura goobtaas soona bandhiga in doorashadda laga qabto isaga ayey guul u tahay.
Anigoo qiimaynaya wadcyiga wadanka iyo sida ay u adagtahay in dawladda hadda jirta lala geli karo tartan xor ah waxaan ku talinayaa qodobadan:
-
In dhakhso loo fuliyo dacwadaha ay xisbiyada qaarkood geysteen maxkamadaha iyadoo la waafajinayo xeerarkii hore loogu dajiyayay
-
In Lixda xisbiba jiraan meeshana laga saaro isku biirista musharrixiinta Xisbiyada Dawladaha Hoose si looga feejigaado wixii hantaaqin kara doorashada
-
In mar haddii mudadii doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiinkiisa la kordhiyay ilaa 30th March 03, muddada madaxwenaha hadda xilka hayaana ay ku ekayd 23rd Feb 03 qodobkii Dastuurka ee No: 83 na aanu u kordhin karayn muddada maadaama oo xasilooni darro nabadda ahi jirin waa in la qabto shirweyne qaran laguna doorto dawlad (care taker) ah oo abaabusha doorashada baarlamaanka iyo ta madaxweynaha. Haddii kale waa in uu xilkaa ku meel gaadh ahaan u hayaa Guddoomiyaha Guurtidu.
-
Waa in dib loo eegaa xeerka dastuurka oo dhigayay in bil ka hor 23rd Feb 03 doorashada madaxweynuhu dhacdaa.
Umad waliba waxay leedahay doonis taas oo kuwa xaqiijiyey nasiibka u heleen in ay doorasho ku cugtaan hanaankooda siyaasadeed. Sida xaqiiqadu dunida ka tahay umadahaasi iskama dabafadhiistaan ogaamiyayaashooda ee waxay ku halmaaleen hab (system) ilaaliya qaranimadooda. Kaasoo uu qayb ka yahay in hanaanka doorashadoodu noqdo mid sugan oo lagu kala calaf qaado. Aan ku joogsado eray bixinta ay u taagan tahay doorasho xaq ahi. Laba tiir ayey yeelanaysaa mid waa dhinaca cadaaladda taasoo suuro gelinaysa in ururadda ku tartamaya doorashadu u sinaadaan adeegsiga agabyadda dawladda, sida isgaadhsiinta, warbaahinta, adeegsiga awooda dawladda iyo hantida qaranka.
Tiirka labaadna waa dhamaystirka hanaanka doorashada oo lagaga hortegayo taabiwaa (shortcomings) hawlgalo qabyadooda ay dacdaro ka timaado. Tan waxa ka mid ah diiwaan gelin la’aan taasoo la iman karta in bulsho waynta wadamadda deriskeena ka soo barakacay qayb ka noqdaan codbixinta, iyadoo ku iman karta in xisbiyaddu adeegsadaan ama faragelin debedda ka timaadaba. Codqaadista oo dhamaystir yeelan waydaa waxay la imanaysaa in qofku intuu doono codbixiyo, halka cadaalad la’aan teeduna ay horseedayso ku shubasho sida haddanba dhacday. Somaliland ahaan maanta waxaa ina hortaal waajibaad wayn oo Su’aalahani ka dhasheen.
Doorasho ma la qaban karaa?
Cadaaladse ma udhici kartaa?
Ma cugan karnaa hogaamiye nolosheena wax ka bedeli kara?
Su’aasha ugu horaysaa haddaynu eegno qabashada doorashadu waxay noqotay hawl laga maago. Waayo tan iyo maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland waxay xukuumadihii jiray ku guul daraysteen in ay waajibkaa meel ku tiiriyaan.
Canaanta ugu wayni waxay dul hoganaysaa nidaamkii lagu soo dhisay Boorama oo markii afraad guul daraystay. Sababta ugu wayni waa daacad daradda hogaankaasi u hayey qaranimadeena waayo in badan wuxuu jeedaalinaayey sidii uu Soomaaliya lugta ula geli lahaa, taas oo wakhtibadani inagaga lumay. Maantana uma muuqato in maamulka jiraa daacad ka yahay, waayo su’aal wayn baa ka taagan hantida qaranka oo aanay sugnayn in laga badbaadin karo guud ahaanba xatooyo, gaar ahaana in loo adeegsado doorashada.
Sidaas derteed, ifafaalaha muuqda in doorasho dhacdo cadaaladna ay noqoto way adagtahay, marka layska dhaafo cugashada hogaamiye aqoonteenu hufto. Waxaase inoo furan in aynu ka hawl galo sidii aynu qodaxda uga guri lahayn wadada aynu higsanayno. Guushaasi waxay ku iman kartaa masuuliyadda aynu iska saarno hawlgalkaas. Haddii aad eegto sooyaalkeena taariikheed waxaynu nahay umad ergo ka samayn karta hagardaamooyinka colaadeed ee inala soo gudboonaada. Taasoo ay suuro geliso hiddeheena dhaqameed ee aynu dhaxalka u helay, waana astaanta aynu kaga baydhnay bulshooyin badan oo dagaal Ahli ahi ka dhex curtay una badan Afrika. Sida caadiga ahayd ergadaasi waxay ku koobnaan jirtay habdhaqankii bulshadeenii hore oo reer- reer isaga hor iman jiray, isla markaana ay koobnayd meelaha eelku ka koco. Xiligaas waayuhu inuu sidaas noqdo yaab ma lahayn, waayo ma jirin isku xidh guud oo umadda u dhexeeya.
Su’aasha ina hortaalaa waxa weeye maanta miyeynu garaysan karnaa in xaalkeena aduun noqdo guubaabo iyo ergo marka talo faro ka haado?
Maya, waayaha aynu ku jiraa ma aha kuwii shalay. Beelihii daaqa iyo geela isku dili jiray waxa bedelay qaranimo u baahan hawl aan shalay muuqan. Waajibaadka halkaas ka dhalanaya waxa leh bulshadeena inta wax baratay oo kolay aan u tiiriyo in ay hawshoodii gudan kari waayeen. Maanta waxaynu u baahanahay qorshayn dhinac walba leh. Waa in aqoontaasi ina siisaa il gaara oo aynu ku eegno masuuliyiinta qaran. Waxa laga yaabaa in dadka qaar hadalka sidaan u dhigay u qaataan kuwa fadhiya hogaaminta Runtii waxa taas ka daran nin inala barooranaya oo leh dawladdii baa leexinaysa masuuliyaddii qaran, berito haddii uu yimaadana aan dhaamayn. Haadraawi baa lahaa:
"Marka wiil ku guro naarta iyo godadka yaahuuda Ayey kii janada gayn lahaa dayasha goobtaaye Marka uu galaabuu iyada guba yidhaahdaaye."
Maanta taas waxa macneheeda leh ninka mucaaradka ah ee aan hayn waxaan eedayn ahayn. Waayo hadduu ku dhawaaqo eray xaqa oo waajibaad ilaalineed saaraya dawladda maanta wuxuu ka baqayaa inuu isaga berito xakameeyo. Waxaanan jeclahay in aan mucaaridka iyo muxaafidkaba uga tago su’aalo aan u sii marinayo saxaafadda xorta ah:
Musharax ama madaxweyneba haddii aad berito ku guulaysato hogaaminta wadanka, Ma u adeegsanaysaa ciidamadda qaranka ee loogu talo galay in ay cadowga debedda horjoogsadaan in aad ku ilaashato awoodaada xukun haddii shacabka aad u talisaa kaa horyimaadaan?
Waxa caadi noqotay meelaha xukun maroorsigu ka jiro in
cidkasta oo ka hortimaada nidaamka jira lagu tilmaamo qaran dumis iyadoo ujeedadu tahay marin habaabin. Talaabada ku xigtaana waa in awood ciidan lagu muquuniyo. Sidan oo kale markay dhacdo dunida hore u martay waxa lagu kala baxa sharciga oo marwalba ka da’ wayn cidda adeegsanaysa.
Intii aynu la soo noqonay dawladnimadeenii iyo ka horba waynu aragnay takoorista lagu hayey bulshawaynta xaqeeda doonaysa. Taliskii afwayne wuxuu Dhaqdhaqaaqii Xaq u Dirirka ku magacaabi jiray qudhmis. Waynu ognahay cadowtinimaddii lagala hortegay aqoonyahankii ka dhiidhiyey darxumaddii taalay Isbitaalkii Hargaysa bilowgii sideetanaadka. Tusaale kale, waxa inoogu filan sidii loola dhaqmay Salaadiintii Hargaysa isugu timi ee ku tilmaamay sharci daradda sanadkii loo kordhiyey dawladdii Cigaal ee saddexda jeer ee hore ku guul daraysatay in ay diyaariso hanaan doorasho si loo dhaafo hab beeleedka. Marka taas la waayeyna ay timid in marka xal la waayo aynu sidii diin qoortiisii la noqday dib ugu noqono hab dhaqameedkii ay bulshadeenu taqaanay. Duqaytidaasi berigaas waxay taagnaayeen shirbeeleed, dhinaca kalena dawladdii oo waajibkeedii gudan wayday ayaa rabtay in ay wado kale jeexato. Markaas ayey ku tilmaantay salaadiinta qaran dumis. Dawladdii ay duqaytidu doorteen waxay adeegsatay ciidankii qaranka. Ujeedaduna waxay ahayd in xukun maroosigu (power consolidation) sharciyoobo.
Su’aasha kale ee ku wajahan madaxweyne iyo musharaxba waa xisaabtanka:
(a) Madaxweyne ama musharax xatooyadda maxaad u taqaan?
(b) Sidee baad u ilaalinaysaa hantida qaranka?
(c) ma ogoshahay in lagula xisaabtamo?
(d) Yaase kula xisaabtami kara?
Laga soo bilaabo shirkii Hargaysa lagu qabtay 1997kii
madaxweynihii qaranku wuxuu diidanaa in golaha wakiiladdu u yeedhaan. Iyadoo ay xaqiiqo tahay in golahaasi awooda madaxweyne ka xayuubin karaan. Dastuurkeenii iyo Axdi qarameedyaddii ka horeeyeyna waxay noqdeen mergi hadba meeshii la doono loo jiido. Runtii ma aha mid qaran ku gami’ karo talo wadari leedahay oo hadana qof loogu madax buuxinayo. Si taasi meesha uga baxdo madaxweyneheena jooga iyo musharixiintuba waa in ay ka jawaabaan su’aalaha kor ku qoran.
Mid guud (conventional) bay noqotay in carabka lagu dhufto astaanta dawladda wanaagsan (good governance) taas oo ah dawlad ay shacabkeedu la xisaabtami karaan.
Tani waxay u taagan tahay in masuulka qaran yahay midiidinadda ka ugu sareeya. Taas waxa ka markhaatiya sida ay shacabka u waydiistaan codka oo runtii noqonaysa meel ka hoosaysa qof dawersanaya waayo kan danbe cidda uu baryayo balan qaad uma sameeyo.
Marka aan ku noqdo doorashadii ma aha in hawlgalkeenu ku danbeeyo ergo, mana aha in aynu iskaga faraxno doorasho ayaynu gelaynaa.
Waa in qofkasta oo S/lander ah oo gudo iyo debedba jira diyaar garow qaangaadhnimo laga muujiyaa. Meelaha farta lagu fiiqayo waxa ka mid ah dawladda maanta jirta oo leexisay hanaankii hogaamineed ee wadanka. Waynu ognahay sidii dawladaasi ku timid oo ka fog siday maanta isu muujisay, waxay isu bedeshay xisbi talada wadanka haya. Hab dhaqankan oo kale waa ka laga sugayo cidda ku guulaysata dooradshada, Waxa lays waydiin karaa sababta ay sidani u dhacday. Maxaa dawladdii shirbeeleedka lagu doortay ka dhigay sidii xisbi awooda hogaamineed ku guulaystay? Miyaanay wada jiri kareen dawlad iyo xisbiga UDUB oo isna gooni u taagan? Miyaanay markaa xaqiiqo noqoteen in tuhunka maanta jira ee lagu eedaynayo in hantidii qaran loo adeegsaday habaynta ururkaas meesha ka baxdeen?
Miyaanay haboonaateen dawlad wadaag ah oo lagaga midaysan yahay hawlgalka doorashadu?
Dhamaan jawaabaha su’aalahani waxay inoo hogaaminayaan in aynu marti u noqono hanaan leexsan oo burburinaya yididiiladdii qaran ee aynu qabnay. Shalayto waxa laga murmayey sanadkii loo kordhiyey dawladda, way muuqataa in waajibaadkii laga sugayey leexsan yahay taasoo la timi in doorashadii ay qabyo ku socoto. aynu markaa isweydiino maxaa xal ah? Sidee baynu u dhamaystiri karnaa hanaanka doorashada?
Sida ay iigu muuqato mudadii doorashadda la qaban lahaa way dhamaatay, iyadoo weliba aan maamulkii wadanka wada gaadhin. Sidaas darteed, waa in la qabto shirweyne qaran oo lagu doorto dawlad abaabusha doorashada (care taker) muddo lix bilood ah iyadoo dawladda maanta talada haysaa ku wareejinayso masuuliyadda.
Taasina waxay hirgelinaysaa in si nabad ah maamulka loo gaadhsiiyo degmooyinka aan doorashaddu ka dhicin, xuduudana la geeyo ciidamadda. Shir qarameedka waxaa lagu dooranayaa madaxweyne, ku xigeen soo dhisa dawlad iyo weliba gole kooban oo hawshiisu tahay ilaalinta qaranka (national security). Dawladaas iyo golahaasba waa in loo dhigaa shuruudo ay ka mid yihiin:
In ay ka madaxbanaan yihiin dhamaan xisbiyadda jira.
In madaxweynaha dawladaasi iyo golihiisa wasiiraddu aanay haba yaraatee wax masuuliyad ah ka qaban doonin ta ku soo bixi doonta doorashada, Haddii ay dhacdana madaxweynaha talada wadanka haya (ka doorashada ku guulaysta) loo aqoonsado in uu ku kacay khiyaamo qaran, taasoo inoo hogaaminaysa in heshiis jiray, isla markaana ay ka dhalanayso in masuuliyadda laga qaado, Halkaas oo xisbigii uu ka yimi soo magacaabi doono madaxweyne baarlamaanku (ka doorashadda ku soo baxa) ansixiyaan.
In dawladaasi ka shaqayso lixda bilood ee doorasho gaadhsiinta kobcinta adeega bulshada, oo ay horumariso hanaanka maamul iyo adeega guud. u diyaar garowga doorashadana sida diiwaan gelin rasmiya oo aan mad madow ku jirin.
In qorshaha dawladdu noqdo mid ku qaabaysan saddex bilood, iyadoo hortegaysa golaha ilaalinta qaranka. Dawladaasi si joogto ah ayey ula tashanaysaa golaha ilaalinta qaranka oo yeelanaya awood ay ku horjoogsadaan wixii xad gudub ah ee ka yimaadda dawladda jirta.
In awooda qaranka (madaxweynaha, ku xigeenka iyo hogaaminta golaha Ilaalinta Qaranka, gudoomiyaha guddiga doorashooyinka) la kala qaybsaddo.
In guddiga doorashooyinku ka madax banaanaadaan xisbiyadda waxaana wadda jir u soo magacaabaya Golaha Ilaalinta Qaranka iyo dawlada.
Dawladaasi ma geli karto heshiisyo caalamiya (mid xiligiisu dheer yahay ama nuxurkiisu wayn yahay) waxayse awood u leedahay xidhiidh wax wada qabsi oo debedda ah kaas oo ay qaabayn karaan heshiisyadda xiligoodu kooban yahay.
In ciidamadda milaterigu hoos tagaan gudiga ilaalinta qaranka oo dooranaya hogaanka ciidamadda sida taliyaha ciidamadda iyo abaanduulaha.
Abdi Halim M.Musa
Hargeisa, S/Land
Top
Juninho Oo Sheegay Inuu Ciyaaraha Dib Ugu Soo Noqon Doono
Middlesbrough (Reuters): Ciyaaryahanka khadka dhexe ka ciyaara ee reer Brazil, Juninho, ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu si degdeg ah dib ugu soo laabto ciyaaraha kooxdiisa, kadib markii uu ciyaaraha uga maqnaa muddo shan bilood ah dhaawac ka gaadhay jilibka bidix ciyaar saaxiibtiminimo oo ay Talyaaniga ku ciyaareen awgeed. Dhaawacaas oo ku dhacay bishii August ee ina dhaaftay, taas oo uu Juninho ku soo biiray kooxda Ingiriiska ah markii saddexaad, kaas oo ciyaarta uu ku dhaawacmay ay la yeesheen kooxda Talyaaniga ah ee Modena.
Juninho, isagoo ka hadlaya kaalinta uu ka geli doono kooxdiisa Brazil, waxa uu u sheegay warbaahinta Internet-ka ee Naadigiisa Middlesbrough, waxa uu yidhi; "Keliya waxa aan doonayaa in aan ku soo noqdo kooxda Middlesbrough wakhtigan xaadirka ah, laakiin marka aan dib ugu soo laabto kooxdayda, waxaan aan doonayaa in aan noqdo mid ka soo baxa dhammaan hawlahayga, waxaanay noqon doontaa wakhtiga ugu dhakhsaha badan."
Juninho, ma sheegin wax tafaasiil ah oo intaa dheer.
Ciyaaryahanka reer Brazil, Juninho, waxa uu u ciyaaray wadankiisa Brazil, shan ciyaarood oo ka mid ahaa ciyaarihii ay Brazil kaga qaybqaadatay koobkii adduunka ee 2002, kaas oo lagu qabtay dalalka Japan iyo S. Korea, waxaanay ku guulaysatay Brazil koobkii.
Top
Leeds: Dacourt Waxa Uu Hammaystiray Heshiis Uu La Galay Roma |
Leeds, England (Reuters): Kooxda Leeds United ee ku tartamaysa Horyaalnimada kooxaha Ingiriiska, ayaa ku sheegtay warbaahinteeda Internet-ka shalay in ciyaartoyga khadka dhexe ka ciyaara ee u dhashay dalka Faransiiska Olivier Dacourt uu dhammaystirmay heshiis uu ugu wareegayo kooxda Talyaaniga ah ee AS Roma maalintii shalay ee khamiista ahayd, kadib markii uu ka gudbay baadhis caafimaad oo uu lagaga qaaday magaalada caasimadda ah ee Roma.
Inkastoo aanay warkaa xaqiijinin kooxd Roma, haddana kooxda Leeds United, ayaa sheegtay in heshiiska ciyaartoygan reer Faransiis uu noqon doono inuu u ciyaaro kooxda Roma ilaa sannadka 2006.
Waxa kale oo ay sheegtay kooxda Leeds, inuu heshiinkan ay Roma la gashay yahay amaah uu ugu ciyaari doona kooxda Roma ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka sannadkan, kadibna ay la geli doono heshiis qiimihiisa lagu heshiiyo.
Dacourt, waxa uu ku soo biiray kooxda Leeds United bishii May ee sannadkii 2000.
Top
|