Madaxweyne Rayaale Oo Senegal Uga Ambabaxay Dalka Mali
Golaha Guurtida Oo Sheegay Inay Wada Tashiyo La Yeelanayaan Lix Urur Siyaasadeed
"Guddiga Doorashooyinku Waxay Dacwad Kaga Badbaadi Karaan, Ka Noqoshada
Go’aankooda Qayral Dastuuriga ah"
Cabashooyinka Gaadiidleyda Berbera Iyo Doodda Maareeyaha Shirkada NICOS
Golaha Guurtidu Ma Tooday U Qiil Doonayaan?
Xaggee La Cuskan?
Waadiga Ciyaaraha
Fernando Moreintes Oo Diiday Inuu Heshiis Amaah Ah Ugu Wareego Tottenham
Kooxaha Serie (A) Ee Talyaaniga Oo Dib U Bilaabaya Ciyaarihii
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
|
Madaxweyne Rayaale Oo Senegal Uga Ambabaxay Dalka Mali
|
"Aqoonsiga Waxay Ila Tahay Inaanu Helnay 1960-kii, Xaaladayaduna Waa Mid Ka Fiican Tii Ereteriya"
- Waraysi Uu Wargeyska Les Nouvelles D’ Addis La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland
Hargeysa (Haatuf) Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay galab soo gebgebeeyay booqashadii uu isaga iyo wefti uu hogaaminayaa ay ku joogaan xarunta dalka Senegal ee Dakar, sidaa waxa qoray warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.
Warkani wuxuu intaa raaciyay in wefdiga Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Rayaale ay galinkii dambe ee shalay ka ambabaxeen dalka Senegal iyagoo u dhaafay dhinaca magaalada Bamako ee dalka Mali.
Warsaxaafadeedkaasi wuxuu xusay in kulankii ugu dambeeyay u shalay madaxweyne Rayaale la yeeshay Madaxweynaha Senegal Cabdalla Wade iyo in kulamadii ay wada yeesheen wefdiga Somaliland iyo Senegal ay ku dhamaadeen guul madaxwene Rayaale natiijooyinka booqashadaas Senegal waxa uu uga warami doono shacbiga Somaliland ka dib marka uu dalka ku soo laabto.
Wargeyska Somaliland Times ayaa cadadkiisii 51aad ee shalay daabacay waraysi ay jariidada Les Nouvelles d’ Addis ay la yeelatay Madaxweyne Rayaale, waraysigaasi oo uu Robert Wiren la yeeshay Madaxweyne Rayaale waxaa ka mid ahaa su’aalihiisii iyo jawaabihii dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Robert Wiren sida.
S: Wadankaaga waxaa hortaagan laba mushkiladood oo waaweyn, aqoonsi la’aanta iyo dhaqaalaha oo jilbaha dhigay xoolo dhoofinta la xayiray?
J: Aqoonsiga waxay ila tahay in aanu helnay 1960kii, nasiib darro waxaanu la midownay walaalahayaga Koonfurta, laakiin midowgaasi wuu guul daraystay, lamana saxeexin, waxa jiray heshiis la diyaar gareeyay si ay u saxeexaan Somaliland iyo Soomaaliya 1960kii, waxaa heshiiskaas lagu magacaabay "Act of Union" heshiiskaas 30kii sanadood, waligii lama saxeexin, sidaa daraadeed midowgii jiray wuxu ahaa mid aan sharci ku dhisnayn, waxaan odhan karaa hadda dalkayagii ayaanu dib u dhisanay, aqoonsigiina dib ayaanu u helaynaa.
Xayiraada xoolaha nool ee Sucuudiga maaha markii ugu horeysay, ee waa markii afraad ee ay xoolaha xayiraan dhoofintooda, mar walba oo ay xayiraad xoolaha ku soo rogaanba waxay sheegaan in xanuun u ku jiro xoolahayaga, hadda waxaanu xidhiidh la yeelanay shirkad caalamiya oo fadhigeedu yahay Swizerland waxaananu diyaarinaynaa inaanu helno cadayn caalamiya oo ah in xoolahayagu caafimaad qabaan oo shirkadaasi ay naga caawiso.
S: Ma u malaynaysaa in xayiraada xoolaha aanay ahayn mid uu keenay caafimaadka xooluhu ee ay qarsoonyihiin arrimo kale?
J: ma garanayo waa suurta gal laakiin waxay yidhaahdeen halkan waxaa ka jira Rifty Valley oo ku dhacay Yemen iyo Sucuudiga dhexdooda, xataa (OIE) oo fadhigeedu yahay Paris ayaa xataa xoolahayaga ka qaaday tijaabo waxaanay cadeeyeen in aanu halkan ka jirin wax cudur ahi, laakiin waxaanu u baahanahay in aanu helno cadaymo ay ogolaan karto dawladda Sucuudigu. Waxan filayaa in shirkadan SGS ee Switzerland in ay arrintaa buuxin doonto.
S: Xaaladiinu ma waxay la mid tahay tii Ereteriya?
J: Maya waxay tahay arrintayadu mid xataa taa ka wanaagsan, Ereteriya may qaadan gobonimadeeda lixdankii, laakiin anagu waanu qaadanay.
S: Ma ka heshaan dalna caawimo laba dal isku caawiyaan mid ka mida dalalka dunida?
J: Maya, waxba kama helno wadana
S: Ma Waxaad leedahay xoog ciidamo ah?
J: Haa, waanu leenahay ciidamo, boolis iyo Milatariba.
Top
Golaha Guurtida Oo Sheegay Inay Wada Tashiyo La Yeelanayaan Lix Urur Siyaasadeed |
Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay isla qaatay inay u yeedhaan axsaabta siyaasadda, taas oo ay sheegeen inay talo ka waydiinayaan wacyiga siyaasadeed ee uu dalku mayo.
Hindisaha ay isla qaateen odayaasha golaha guurtidu waxa uu ka dambeeyey markii ay mudanayaasha guurtidu fadhigoodii shalay guda galeen ajande ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa xiliga dhamaadka mudada sharciyadda xukuumadda oo ay ka hadhsan tahay bil iyo 12 cisho oo qudha, waxayna doodda caynkaas ahi ka dambaysay markii ay guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland toddobaadkii hore ku dhawaaqeen inaanay xiligii loogu talo galay oo ahayd ugu dambayn 23-ka Jananweri, 2003 ku qabsoomi karayn.
Xubnaha shir-gudoonka golaha Guurtida ayaa markii uu shirku furmay soo qadimay hindise ah inuu goluhu u yeedho xisbiyada siyaasadda hadii ay tahay kuwa la yidhi doorashadii dhacday ee dawladaha hoose way ku soo baxeen iyo kuwa la yidhi way ku hadheen-ba, iyadoo ay odayaasha shirgudoonku taa ku micneeyeen inay talo is-dhaafsadaan , iyaga iyo xisbiyadu.
"Waa inaynu maskaxda u furnaa, una diyaar garownaa xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo", sidaa waxa yidhi gudoomiyaha golaha Guurtida, mudane Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf, isaga oo intaa ku daray "Wixii ina dhexmaray inaga iyo komishanka way iska dhamaadeen, waayo waxa la raacayaa sharciga, markaa waa inaynu u yeedhno asxaabta soo baxday iyo kuwa hadhayba, inagu waxba u qaban mayno kuwa hadhay, laakiin asxaabta waynu la talinaynaa, wixii ay talo inoo soo jeediyaana waynu qaadanaynaa".
Sidoo kale gudoomiye-kuxigeenka koowaad, mudana SH. Axmed Nuux ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna madashii shirka ka jeediyey weedho uu ku naax-naaxinayo hindisaha ay shirgudoon ahaan soo jeediyeen, laakiin mudanayaasha golaha guurtidu waxay aakhirkii isku raaceen hindisaha ay shirgudoonkoodu soo jeediyeen, waxayna mudanayaasha golaha guurtidu arimahaa u ballameen inay guda galeen laga bilaabo fadhigooda maanta. Hase yeeshee mudanayaash golaha guurtidu dood iyo fallanqayn kama ay yeellan sida iyo qaabka ay axsaabta ula kulmayaan iyo weliba ajandayaasha ay doonayaan inay kala hadlaan.
Mawduucan cusub ee ay odayaasha golaha guurtidu hadda lafagurkiisa u fadhiisteen waxa uu ka dambeeyey markii ay soo if-baxday inay doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenku dib uga dhacday xiligii loo qoondeeyey oo ahayd ugu dambayn 23-ka bishan aynu ku jirno, laakiin ay guddiga doorashooyinku sheegeen inaanay doorashadu dhacayn xiligaa, waxayna guddiga doorashooyinku soo saareen go’aan ay ugu yeedheen inay doorashada dib ugu riixeen 30-ka March, 2003, hase yeeshee go’aanka waxa qaylo dheer ka dhigay golaha Guurtida oo ku tilmaamay mid qayral-sharci ah, iyadoo ay odayaasha golaha Guurtida iyo guddiga doorashooyinku toddobaadkii tegay saxaafadda isku weerareen.
Top
"Guddiga Doorashooyinku Waxay Dacwad Kaga Badbaadi Karaan, Ka Noqoshada
Go’aankooda Qayral Dastuuriga ah" |
Gudoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta Axsaabta Siyaasada
Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha guddiga diiwaangelinta iyo ansixinta asxaabta siyaasadda Somaliland, Maxamed Jaamac Boodhle ayaa go’aankii ay guddiga doorashooyinku dib ugu riixeen mudada doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka ku tilmaamay mid qayral-sharci ah, isla markaana abuuri kara jahawareer siyaasadeed.
Gudoomiyaha guddiga diiwaan-gelinta iyo Ansixinta axsaabta siyaasaddu waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu soo saaray 8-dii bishan aynu ku jirno, qoraalkaas oo uu ku socod siiyey guddiga doorashooyinka, isla markaana ogaysiiyey Madaxweynaha iyo labada gole ee baarlamaanka Somaliland (Guurtida & Wakiilada) waxa uu ugu horayn tafaasiil kaga bixiyey sida uu go’aanka dib-udhigidda xiliga doorashada ee guddiga doorashooyinku sharci darada u yahay, isla markaana waxa uu ugu dambayn guddigaa kula taliyey inay ka noqdaan go’aankooda qayral-sharciga ah, isaga oo sheegay in hadii ay guddigaasi ku adkaystaan go’aankooda qayral-distooriga ah inay markaa lagama maarmaan noqonayso in lagu soo oogo guddiga doorashooyinka dacwad dastuuri ah. Laakiin qoraalkaasi, isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan: " "Gudoomiye, markii ay taariikhdu ahayd 7/1/2003 oo aan xafiiskaaga kuugu imi waxay ujeedada aan kuugu imi ahayd inaan talo bixin sharci kaa siiyo ku dhawaaqidda mudada doorashada madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka.
Komishanka doorashooyinka Qaranka waxa loo aasaasay sida uu dhigayo xeer Lr.20/2001 inay maamulaan doorashooyinka kala duwan ee dalka ka dhacaya, laakiin waa hubaal in qoddobka 14aad, faqradiisa ee xeerka doorashooyinku uu awood u siinayo komishanka inay cayimaan waqtiga doorashooyinka la qabanayo, balse waxa taa barbar socda in qoddobkaas lala akhriyo distoorka dalka oo isna cayimaya mudada la qabanayo doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.
Ugu horayn waxa qof kasta oo muwaadin ah ama hayad qaran oo kasta ku waajib ah inuu ilaaliyo, una hogaansanaado dastuurka, qoddobka 34 (2). Sidoo kale distoorku waxa weeye kan ugu sareeya dhammaan shuruucda iyo xeerarka dalka (Supremacy of the Constitution), xeer kasta oo ka hor-imanayaana waa waxba kama jiraan (Null and Void) (Eeg qod. 128aad ee distoorka).
Xiliga distooriga ah ee la qabanayo doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waxa weeye 23 Jananweri, 2003, sida ku cad qoddobka 83aad, faqradiisa 2aad, qoddobkaas oo dhigaya "in doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa la qabto bil ka hor dhamaadka mudada xilka Madaxweynaha hore", taas oo ku aaddan taariikhda kor ku xusan.
Dhinaca kale Madaxweynaha oo ah ilaaliyaha distoorka iyo haybadda Qaranka ayaa hore ugu dhawaaqay in xiliga la qabanayo doorashada madaxtooyada ay noqoto xiliga dastuuriga ah.
Ku dhawaaqidda komishanka ee xili ka duwan xiliga dastuuriga ah waxay dalka ka abuuraysaa jahawareer siyaasadeed iyo inuu dhaco xili bilaa dawlad ahi "Power Vacuum", waana waajib in markasta dawladda haddu xilka sii hayso inta laga soo dooranayo dawlad bedesha.
Hadaba komishanka doorashada oo dhaar ku maray inay distoorka ilaalinayaan waxaan u soo jeedinayaa inaanay dalka u horseedin ku xad-gudub dastuur iyo inay abuuranto xaalad jahawareer siyaasadeed ahi, laakiin sida keliya ee uu komishanku kaga bad-baadi karo dacwad dastuuri ah in lagu oogo waxa weeye, iyaga oo ka noqda mudada qayrul- Distooriga ah ee uu ku dhawaaqay."
Top
Cabashooyinka Gaadiidleyda Berbera Iyo Doodda Maareeyaha Shirkada NICOS |
C/Raxmaan X. Daahir Casaan
Berbera (Haatuf) Saddex shirkadood oo ah kuwa caymiya gaadiidka oo muddo sanadda ka hawlgalayay Berbera, cabashooyinka ay soo jeediyeen gaadiidleyda ayaa waxa waraysi arrintaa kala yeeshay Cali Cabdi Jaamac, oo ah maareeyaha shirkada caymiska ee NICOS iyo Siciid Maxamed Ibraahim oo ka mida gaadiidlayda gawaadhidooda la caymiyay weriyaha Haatuf Gobolka Saaxil C/Raxmaan X. Daahir Casaan waraysiga maareeyaha NICOS wuxuu u dhacay sedan:
Shirkadahan caymiska iyo hawshoodu waa sidee waqtigan?
J: shirkadahan caymiska hawshoodu waa bilaw, sanadkii aynu ka soo gudubnay ayuunbay bilaabantay, wuxuna markuu bilawyahay waxa uu u baahanyahay faham badan iyo wacyigalin la fahmo caymisku wuxuu yahay, hadda anagu khasaare ayaanu ku qabnaa oo ku jirnaa markaad u fiirsatana waxa aanu ka qaadno iyo waxa aanu ka daboolno (Cover), siday digreetada madaxweynuhu dhigaysay oo ahayd haddii shil yimaado in aanu madaxa ku qaadno oo wixii maga ee yimaada ama dhimasho ama dhaawac in aanu bixino, waxaanu ahaa bilaw lagu bilaabay in caymisku bixiyo wixii mag ah oo laga wareego wixii ay reeruhu bixin jireen oo looga gudbo mag caymisku bixiyo.
S: Waxa jira muddadaas sanad ku dhawaadka ah ee caymisku jiray cabasho iyo qaylo dhaan ka soo yeedhaysay dadka gaadiidleyda ah in lacag badan laga qaado dadka gaadiidka kala soo dega dekeda oo cidina aanay waxba u qaban markaa maxaad ugu talo gasheen?
J: horta lacagta aanu ka qaadno gaadhiga yar waxa weeyi lixda bilood (60) $ lixdan Dollar, ma badna markaa isagoo lixdaa bilood ku jira oo shil ku yimaado waad garan kartaa markaa waxa ku baxaya magta oo la bixiyo, dhaawaca oo la daweeyo lana nidaamiyo oo la dhayo, markaa bishii tobanka Dollar ee laga qaado uma arko inay badantahay inkasta oo ay danyarta culays ku tahay.
S: Markaa ma waxaad leedahay cabashada dadweynuhu wax garawshiiyo ah ma leh?
J: Adduunka oo dhan waa ogtihiin oo ummadi markay dawlad tahay ama nidaam u dhisan yahay waa hab ay yeelato caymisku, haddii aanay lahayn waa waxba la’aan, marka ay aduunyadu maqasho dekeda Berbera gaadiidkeeda waa la caymiyaa waa mid adduunyadu inoogu soo joogsanayso, waana waxyaabaha aynu caalamka kala mid noqonayno.
S: Waa maxay sababta aad (15) kun- shan iyo toban kun ee gaadhi ee dalka jooga aad u caymin waydeen, gaadhigan aan gadbadba la saarina ee dekeda ka soo degay loo qasbayo in la caymiyo?
J: Wax waliba horta bilaw bay leeyihiin, baabuurta dalka socota waa kuwo shirkadaha caymiska ka caynsan iyo kuwo aan ku jirin caymiska, waxaananu bilaabaynaa wajiga labaad (Phase II), waayo imika ma hayno sharci ansaxa ee golayaasha ayuu horyaalaa marka la ansixiyo ee aanu ogaano sharciga sida baabuurta loo cayminayo ee la ogaado waxa ku waajiba sida dhamaystirka gaadhiga iyo inuu biraygu qabanayo, dirawalkuna inuu yahay fas waa in sharci loo helo.
S: Ma jirtaa gawaadhi marka aad caymiska u jarteen lixda bilood oo hore marka uu dekeda ka soo dego, oo aan dib idiinku soo noqon marka ay lixda bilood dhamaadeen?
J: Kolay way dad jiraan lixda hore ka dhacdo oo dib loogu caynshaa, balse waxaa jira dadku inay u haystaan in ay dawladdu noo qasabtay oo aanu lacag iska guranayno, mana jirto ee caymisku wuxuu balanqaaday in wixii mag ah ee gaadhigaasi ku yimaado inuu bixiyo dhabarkana u rito.
S: Saddex xafiis ayaa halkan ka jiray, waxaad baabuurta yar yar ku galin jirteen caymiska 20$, imikana 60$ ayaad ka dhigteen, markaa marna ma hoos baad u dhigtaan marna ma kor?
J: Saddexdu, waxa weeyi, marka hore ee wax la bilaabo dadka waa la soo jiitaa markaa adoo khasaare ku qaba ayaa lagu bilaabaa si ay aakhirka u tagto isku bixin lahayd, markaa saddexda, shirkadood ee caymiska dalku heshiis ayay gaadheen si caymisku u noqdo mid sugan oo aanu mid albaabka lagu dhaafo u noqon (Gate pass).
S: Waxa jira gaadhi aanu imika soo aragnay oo shirkdan NICOS caymisay, dhaawac weynina ku yaallo, qoladii lahaydna, waxay noo sheegtay inaad tidhaahdeen idinkay idiin taalaa bal arrintaasi nooga warama?
J: cabashadaasi ma aha mid weli na soo gaadhay, waayo markay timaado dhibaato fayl ayaanu gelinaa.
S: Haddii shilal cusubi yimaadaan maxaad lacaga ee shirkad ahaan aad ugu talo-gasheen?
J: Horta anagu nidaam baanu leenahay, qofka lacagta laga qaadayaa isagaa leh lacagta mana gasho meel kale, qofka marka lacagta laga qaado meel ayaa lagu shubaa, waxaananu anagu ka caynsanahay (Dubia) shirkad fadhigeedu yahay oo (15%) oo boqolkiiba shan iyo toban iyadu qaadata.
Cabashadii ay gaadiidleydu qoraalka ugu soo gudbiyeen weriye C/Raxman X. Daahir waxaanay u qornayd sidan.
Ku: Gudoomiyaha Gobolka Ahna duqa magaalada Berbera.
Ogaysiis: Maxkmadda Gobolka Saaxil Berbera
Uj: Codsi wax ka qabasho cashuur la diiday in la naga qabto.
Mudanayaal waxaan idinla socodsiinaynaa in aanu baabuur debedda ka keenay si aanu ganacsigayaga saldhig uga dhigno, kuwaasoo hadda ku sugan gudaha deyrka kastamaka Berbera in muddo ah, maamulka kastamku wuxuu naga diiday in uu cashuurtii dawladda naga qabto, waxaanu noo sheegay in aan cidna cashuur ka qabanayn ilaa aanu cadayn ka soo qaadano mid ka mida shirkadaha private-ka ee gobolka (Caymiska).
Mudanayaal xayiraadaa na saaran iyo hakadka ganacsigayagii la geliyay waa mid ka baxsan guud ahaan shuruucda dalka JSL, waana xad gudub cad oo la doonayo in lagu duudsiyo xaqa xorriyadayada ganacsi ee aanu sharciga hortiisa ku leenahay.
Xayiraada sharci darrada ah ee u na saaray kastamka Berbera anaga iyo hantidayadiiba waa mid xaaraana, waana mid uu macnaheedu yahay sharci ma jiro mar haddii la diiday in nalaga qabto cashuurtii uu sharcigu nagu waajibiyay, suurta galna maaha in la nagu khasbo cadaymo ka soo qaata shirkadda caymiska.
Mukhtaar Maxamed Xuseen
Siciid Axmed Cilmi
Berbera
Top
Golaha Guurtidu Ma Tooday U Qiil Doonayaan? |
Faallo: Liibaan M. Shire
12 maalmood ayaa inaga xigta mudadii distooriga ahayd ee loogu talo galay in ugu dambayn lagu qabto doorashada madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka.
Inkasta oo ay guddiga doorashooyinka qaranku dhowaan soo saareen go’aan ay ku sheegeen inay xiligii qabashada doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa dib ugu dhigeen 30-ka bisha March ee foodda inagu soo haysa, hadana go’aankaasi waxa uu muran ka dhex-abuuray guddiga doorashooyinka iyo golaha Guurtida, waayo waqtiga ay guddiga doorashooyinku cayimeen waxa uu debedda ka yahay xayndaabkii sharci ee uu distoorku u cayimay mudada la qaban karo doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, taas oo inta ayna guddiga doorashadu ku dhawaaqin go’aan caynkaas ah loo baahnaa in marka hore la helo sharciyad, ka dibna ay guddigu go’aankooda ku dhex-ciyaarsiiyaan sharciyadda.
Sida ku cad qoddobka 83aad ee distoorka hadii ay doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu dhici waydo xaalado nabadgelyo daro awgeed waxa uu markaa distoorku awood u siinayaa golaha Guurtida inuu kordhiyo mudada sharciyadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka, laakiin hadda ma muuqato asbaab nabadgelyo daro. Sidoo kale guddiga doorashooyinku qiil sharci uma hayaan go’aankooda dib u dhigidda doorashada, sidaa darteed qoddobka 83aad ee distoorka ee ay guddiga doorashadu go’aankooda u cuskadeen kama muuqdo qiil iyo awood ay ku isticmaali karaan qoddobkaa, taasina waxay keentay in golaha Guurtida oo laftooda waqtigoodii sharciyaddu gabaabsi yahay, kuna ekyahay bisha May ee sannadkan ayaa go’aanka guddiga doorashada ka abuuray fas iyo sawaxan, iyaga oo u helay sabab ay ku cambaareeyaan.
Sida la ogyahay horaantii sannadkii tegay ee 2002 ayey golaha guurtidu muddo sannad ah xukuumadda talada haysa u kordhiyeen, sidoo kale waxay muddo sannad ah u kordhiyeen golaha wakiilada, laakiin golaha Guurtida oo hore golaha wakiilada uga dal-baday inay mudada u kordhiyaan, kama helin wax korodhsiimo ah, ka dib markii ay golaha wakiiladu codsigii odayaasha Guurtida kaga jawaabeen inaanay wax qiil sharci ah u hayn korodhsiimadooda. Sidaa darteed ma la odhan karaa sababta ay golaha guurtidu faska iyo sawaxanka dheeraadka ah uga sameeyeen waxay tahay, iyaga oo doonaya ama rux-ruxanaya in mudada loo kordhiyo, taas oo maadaama uu xiligoodii gabaabsi yahay ay is leeyihiin yaan cidla laydinkaga tegin.
Dhinaca kalena waxay iswaydiintu noqonaysaa asbaabaha ay guddiga doorashadu ku micneeyeen dib u dhigidda xiliga doorashada go’aankooda cudur-daar ma u noqon karaan.
Top
A. Ducaale
Kowdii bishan aynu ku jirno ayey guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland soo saareen go’aan ay ku sheegeen inay mudadii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka dib ugu riixeen 30-ka bisha March e foodda inagu soo haysa, laakiin go’aankaas waxa markiiba si ba’an uga qayliyey golaha Guurtida, iyaga oo odayaasha guurtidu go’aanka guddiga doorashada ku tilmaamay mid qayral-sharci ah oo aanay xaq u lahayn gaadhidiisa.
Shir-jaraa’id oo ay odayaasha shir-gudoonka golaha guurtidu Arbacadii toddobaadkii hore ku qabteen xaruntooda ayey si kulul ugu canbaareeyeen guddiga doorashooyinka iyo go’aankoodaba, isla markaana waxay ku dacwiyeen maadaama ay guddiga doorashooyinku doorashadii qaban waayeen waqtigii distoorku u cayimay inaanay taladu iyaga u oolin, laakiin ay u taal golaha Guurtida. Laakiin marka meel la iska dhigo go’aanka qar-dajeexa ah ee guddiga doorashada waxay su’aasha hadda taagani tahay odayaasha guurtidu sidee bay damacsan yihiin inay u maareeyaan duruufta siyaasadeed ee soo korodhay, maadaama ay doorashadii madaxtooyadu qabsoomi wayday, isla markaana ay mudadii sharciyadda xukuumadda Madaxweyne Rayaale maalmo yari ka hadhsan yihiin.
Waraaq uu Madaxweyne Rayaale 7-dii bishan u soo qoray odayaasha Guurtida waxa uu ku sheegay in maadaama ay doorashadii ku qabsoomi wayday mudadii distoorku u cayimay, isla markaana ay dhacayso sharciyaddii xukuumaddu ay iyagu (Guurtida) xaq u leeyihiin go’aanka korodhsiimada, wuxuuna Madaxweyne Rayaale hadalka caynkaas ah u cuskaday qoddobka 83aad ee distoorka, isaga oo leh qoddobkaa ayaa awood idiin siinaya inaad korodhsiimo samaysaan, sidoo kalena golaha guurtidu waa qoddobkaa qoddobka ay biciidsanayaan, laakiin su’aasha meesha taal waxay tahay garanay inuu qoddobkaasi golaha Guurtida awood u siinayo inay wax kordhiyaan, balse sabab noocee ah ayey sharciyan awooddaasi ku xalaaloobaysaa, mase la hayaa sababtii ay ku xalaaloobaysay.
Qoddobka 83aad, faqradiisa 5aad ayaa ka hadlaysa awoodda korodhsiimada golaha Guurtida iyo sababaha ay korodhsiimadu ku iman karto, wuxuuna qoddobku leeyahay "Hadii ay suurtoobi waydo duruufo la xidhiidha nabadgelyo darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka marka mudada xilkoodu dhamaado waxa golaha Guurtida ku waajib ah inay mudada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka". Sidaa darteed sida qoddobkan ku cad waxay awoodda korodhsiimo ee guurtidu meesha imanaysaa marka ay sababta doorashadu u qabsoomi wayday tahay kuwa ku yimi nabadgelyo daro, laakiin qoddobku ma laha sababo la xidhiidha lacag la’aan ama waraaqo la’aan iyo wax la mid ah toona ee keliya wuxuu leeyahay duruufo nabadgelyo daro.
Hase yeeshee qoraalka ay guddiga doorashooyinka qaranku soo saareen 7-dii bishan ee ay kaga waramayaan sababaha ay doorashadu ugu qabsoomi wayday mudadii distoorku u cayimay waxay duruufaha xanibay ku tilmaameen kuwo la xidhiidha:Miisaaniyaddii doorashada oo aan diyaar ahayn, alaabooyinkii doorashada oo aanay hayn, shaqaalihii hawlaha doorashada wadi lahaa oo aan la diyaarin iyo waxyaalo la mid ah, laakiin guddiga doorashadu mar qudha sababahooda kuma xusin wax nabadgelyo daro la xidhiidha, isla markaana marka laga yimaado sababaha ay guddiga doorashooyinku waraaqdooda kua qor-qoreen lama oga ama ma jiraan dagaalo iyo xasilooni daro waqtigan ka ooggan Somaliland, hadii dhinac kale laga eegona waxba kuma kala duwan xaaladdii ama duruuftii lagu qabtay doorashadii dawladaha hoose ee dalka ka dhacday maalmo ka hor, sidaa darteed waxay iswaydiintu tahay odayaasha guurtidu sidee bay isu waafajinayaan qoddobka iyo duruufta la sheegay inay darteed doorashadu la qabsoomi wayday.
Su’aasha kale ee iswaydiinta lihi waxay tahay golaha guurtidu maxay waydiin doonaan axsaabta siyaasadda ee ay sheegeen inay la yeelanayaan kulamo wada tashiyo, taas oo ay su’aashu tahay ma qoddobka 83aad bay kala tashanayaan, mise waxay waydiinayaan talo kale oo taa ka duwan. Laakiin hadii tix-raaco yeedhmada ay odayaashu u yeedheen axsaabta siyaasadda, taa macneheedu waxa uu noqon karaa ugu yaraan ujeeddo mid uun: inay doonayaan inay iska rusheeyaan si aanay hadhow go’aankooda muddo-kordhinta ugu qaylin iyo inay odayaasha guurtidu yihiin niman baadi doonaya xal siyaasadeed ka duwan korodhsiimo, sidaa darteedna ay madaxda axsaabta siyaasadda ku odhan doonaan talo sidee ah ayeynu kaga gudbi karnaa marxaladda.
Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeen ama ha u dhaceen, waa lagama maarmaan in xal loo helo duruufta meesha timi, laakiin waxay su’aasha meesha taal tahay "tolow xagee wax la cuskin", iyadoo ay aragtiyo badani walaac ka qabaan inay odayaashu sidii caadada u ahaan jirtay xagaf ku siiyaan waanu kordhinay, ka dibna ay taasi keento cadho badan, waayo waa sheeko khaati laga joogsaday, waxayna inta badan axsaabta iyo dhinacyada siyaasaddu sida fiinta uga sii qaylinayaan muddo-kordhin.
Top
Guddiga Ciyaaraha Fudud Oo Abaal Marin Bixiyay
Hargeysa (Haatuf) Xaflad abaal marino lagu gudoonsiinayay ciyaartoy ka tirsan kooxaha ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa maalintii jimcihii lagu qabtay Bile Restuorent ee magaalada Hargeysa.
Xafladan oo ay soo agaasimeen gudiga ciyaaraha fudud ee dalka. waxa abaalmarino lagu gudoonsiiyay toban ciyaartoy oo ka tirsan kooxaha ciyaaraha fudud ee Somaliland.
Waxaana halkaasi ka hadlay madax ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo gudiga ciyaaraha fudud ee Somaliland.
Ugu horeyn waxa hadalka qaatay C/Risaaq C/Casiis X. Barre, oo ah xoghayaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland isagoo ka waramay hawlaha ay gudidaasi qabato, iyo halka wax qabadkoodu marayo muddadii ay jirtay.
"Xafladan maantu waa tii saddexaad ee aan qabano si aan dhalinyarada uga mashquulino qaadka iyo waxyaabaha kale ee aan faa’iidada lahayn, gudigani waxay dhisnayd muddo sanad iyo badh ah, waxaanay qabatay hawlo kala duwan" ayuu yidhi C/Risaaq.
Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Axmed Jaamac Siciid oo isaguna ka hadlay xafladaa ayaa ka waramay faa’iidada ay ciyaaruhu leeyihiin, iyo sida loogu baahanyahay, in la xoojiyo.
"Ciyaaraha kama masuul aha wasaaradda ciyaaraha oo kali ahi ee waxay saarantahay ummadda Somaliland oo dhan, ciyaaruhu waa waxa qudha ee lagula dagaalami karo qabyaaladda, qaadka, ciyaala suuqnimada, iwm" ayuu yidhi agaasimuhu. Isagoo intaa ku daray in ciyaartoygu ay iyagu isku bah yihiin.
Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Maxamed Cali Bilaal oo ah gudoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee Canada, Maxamed Bootaan Geelle oo ah madaxa hogaanka ciyaaraha fudud ee ciidamada qaranka, Xasan Axmed Maxamed (tababaraha ciyaaraha fudud).
Ugu dambayn waxa xafladaas abaal marino lagu gudoonsiiyay ciyaartoy ka tirsan ciyaaraha fudud ee Somaliland.
Top
Fernando Moreintes Oo Diiday Inuu Heshiis Amaah Ah Ugu Wareego Tottenham |
Madrid (Reuters) Weeraryahanka Fernando Morientes ee u safta naadiga Real Madrid ee Spain ayaa diiday in uu heshiis amaah ah ugu wareego naadiga Tottenham, sidaa waxa shaaca ka qaaday jimcihii tagay wakiilka Fernando.
Warkani wuxuu intaa raaciyay inuu Fernando uu ilaa xili ciyaareedkan uu sii safan doono naadiga Real Madrid.
Gines Carvajal oo ah wakiilka ciyaaryahanka Fernando Morients ayaa sheegay in naadiga Tottenham uu u fidiyay inuu ugu wareego heshiis amaah ah, laakiin aanu Fernando xiisaynayn heshiis amaah ah.
Mr. Carvajal wuxuu intaa raaciyay in aanu heshiiska ciyaareed ee uu Real Madrid ugu ciyaaro Fernando aanu soo gebogeboobayn ilaa bisha June ee sanadda 2006, inkastoo la ogolyahay haddii uu ciyaartoygu yahay dhinaca kaydka in uu gebagebada xili ciyaareed uu u wareegi karo naadi kale haddii uu sidaa go’aansado.
26 jirkan reer Spain oo heerka caalami ka gaadhay ciyaaraha kubada cagta Fernando Moreintes waxa dhamaadkii bishii August ee sanadii tagtay loo qorsheeyay in uu u wareego naadiga Barcelona si dhaqaale ay u hesho Real Madrid, oo doonaysay 45 milyan oo lacagta euro ah ee yurub oo ay heshiis kula galaysay Ronaldo, laakiin daqiiqadihii ugu dambaysay ayuu heshiiskaasi iska baaba’ay ka dib markii ay kooxda Barcelona dib uga guratay heshiiskaas.
Fernando oo ahaa dhaliyihii ugu sareeyay uu sanadii tagtay u ciyaarayay kooxda Real Madrid wuxuu qiimihiisii shiiqiyay markii uu Ronaldo ku soo wareegay kooxda Real Madrid, haddana wuxuu xataa safka ka sii dambeeya Guti iyo Jaxler Portillo.
Top
Kooxaha Serie (A) Ee Talyaaniga Oo Dib U Bilaabaya Ciyaarihii |
Kooxaha kubadda cagta ee heerka koowaad ee talyaaniga ayaa dib u bilaabaya ciyaarihii kubadda cagta ka dib markii ay muddo nasasho ku jireen.
AC-Milan ayaa ku rajo weyn in ay noqoto kooxda ugu horeysa ee guul la hoyata ka dib nasashadii jiilaalka, waxaanay AC-Milan rajaynaysaa in ay dhinaceeda dhulka dhigto oo ay ka guulaysato kooxda Bologna, Bologna waxa doorkan ka soo doogtay dhaawac hore u gaadhay Gluseppe Signori oo hore ugu safan jiray Lazio, khadka dhexena ka ciyaara.
Ciyaaryahanka isagu khadka dhexe uga ciyaara Lazio Diego Simeone ayaa laga joojiyay ciyaartii ay kooxdiisu la ciyaartay Brescia halka ay Sinisa Minajlovic iyo Cesar oo ka ciyaara baalaha dambe ay labadooduba fadhiyaan kuraasta ciyaartoyda kaydka kooxda, dhaawac jidheed oo hore u gaadhay awgeed.
Hernan Crispo ayay hubanti tahay inuu u safanayo Inter Milan, Al-Varo Recoba ayaa la filayaa inuu isna ka barbar ciyaaro Christian Vieri ciyaarta ay kooxdoodu la ciyaarayaan Modena, David Trezeguet ayaa isna la soo noqonaya fayoobaan kalkan, iyagoo wada weerar gali doona Alessandaro Delpiero ciyaarta ay iskaga hor imanayaan Reggina.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
· Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
· Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 64aad
Ganat: Boqorku inuu dhintay qofkii u horeeyey ee arkay kuma ayuu ahaa ?
Mingistu: Markii u horaysay boqorku inuu dhintay cidii u horaysay ee aragtay runtii ma garanayo ka uu ahaa, laakiin inuu dhintay cidii u horaysay ee noo soo dheegtay waxay ahaayeen taliyayaashii ilaalada boqorka. Balse inkasta oo aanay taliyayaasha ilaaladu boqorka la seexan, hase yeeshee cidda keliya ee boqorka u geli jirtay ama ka soo bixi jirtay waxay ahaayeen shaqaalihiisa, isla markaana markasta oo uu boqorku wax doono ama wax u baahdo cidda u tagta boqorka ee wax u geysaa, una adeegaa waxay ahaayeen shaqaalihiisa. Sidaa darteed waxa laga yaabaa inay ciddii u horaysay ee aragta inuu boqorku dhintay ama maydkiisa ay ahayd mid ka mid ah shaqaalihiisa uun, ka dibna uu qofkaasi u soo sheegay ilaalada boqorka, laakiin ilaalada boqorku inay ahaayeen kuwo mar-ba la kala bedelo oo mar-ba qaar cusub la keeno iyo inay ahaayeen kuwa joogto ah hadda ma kala saxayo, waayo waan ilaaway, maxaa yeelay xiligaa waqti badan baa ka soo wareegay.
Ganat: Miyaadan rumaysnayn inuu boqorku gacan dad ku dhintay?
Mingistu: Anigu waxaan garanayaa inuu xanuunsaday oo uu xanuunkaa u dhintay, taas ayaan garanyaa. Tusaale ahaan waxaan xusuustaa in la ii sheegay inay kaadi-haystu bukto, lana dawaynayo, sidoo kale waxa la ii sheegay in qalliin lagu sameeyey, ka dibna uu dhintay. Laakiina markii u horaysay ee uu boqorku xanuunsaday dhakhtarkiisa oo ahaa Professor Asraat ayaa markiiba walaac ka muujiyey xanuunka boqorka, ka dibna waxa uu doonayey in debedda loo diro boqorka, sidaa darteed Professor Asraat wuu ii yimi, wuxuuna I waydiistay fasax, hase yeeshee waxaan Professor-ka ugu jawaabay oo aan ku idhi "Xubnaha kale ee golaha dhergiga ayaan arintaa (Fasax) kala soo tashan doonaa", sidaa ayaanuna Professor-ka ku kala tagnay.Dabadeedna shir uu golaha dhergigu yeeshay ayaanu kaga wada hadalay xanuunka boqorka, arintaas markii aanu ka wada hadalayna badidayadu waanu isla garanay inay haboon tahay in boqorka debedda lagu soo daweeyo, laakiin hadana waxa nagu adkaatay wejiga ay arintaasi ku yeellan doonto dhinaca siyaasadda, sababtuna waxay ahayd marka hore boqorka inta aanu xilka ka wareejinay ayaanu gacanta ku dhignay, waxaana loo ilaalinayey si xag jir ah oo adag, waayo waxa jiray gudo iyo debed-ba dad mucaarad ku ahaa boqorka oo si weyn uga soo horjeeday, sidoo kale waxa jiray kuwa kale oo taageersanaa. Sidaa darteed waxaanu iswaydiinay hadii ay dhacdo in la waayo oo la ogaado inaanu dalka joogin ama la lunsado intee miyaanay taasi qalalaase abuuri karin, taasna waxaanu isku qancinay inaanay noqonayn wax sahlan ee ay noqon karto arin dhalisa xiisado siyaasadeed.
Ta kale hadii ayba dhacdo inay boqorka wax gaadhaan masuuliyadeeda anaga ayaa naloo qabsan lahaa, waxayna ahayd masuuliyad anaga na saaran oo nalagala xisaabtamayo, hadii ay tahay ilaaladiisa iyo hadii ay anaga laftayadaba, isla markaana shicibka iyo ciidankuba way na waydiin lahaayeen hadii la waayo boqorka, iyadoo ay su’aasha meesha imman lahayd tahay "Boqorkii dhamaa ee dalka iyo dadkaba soo maamuli jiray, sidee baa maanta dal kale oo aynaan maamulin in loo diro", taas darteed-na waxa noo muuqatay inaanay dhinaca siyaasadda iyo nabadgelyadaba wax macquul ah noqonayn.
Run ahaantii xubno golaha dhergiga ka tirsanaa ayaa soo jeediyey ra’yi odhanaya "Boqorku inuu intaas oo sannadood jiro oo ay da’diisu intaas gaadho waa mid uu nasiib ku leeyahay, iyadoo ay dalkan ka dhacday inay intaas oo maato ahi ay naf-waayeen, ka dib markii ay waayeen dhakhtar fudud oo ay iskaga daweeyaan xanuunada la soo gudboonaday, sidaa darteed ma muuqato sabab aynu isugu wareerino qof da’diisu intaa le’eg tahay". Sidaa darteed markii ay muuqatay inay dhoofinta debedda ee boqorku keeni karto culays siyaasadeed oo aanay haba yaraatee suurta gal ahayn ayaa la go’aansaday in dalka gudihiisa lagu daweeyo, intaa ka dibna waxa iyana la go’aamiyey in la bixiyo wixii kharash ah ee ku baxaya daawayntiisa.
Go’aankaa ay golaha dhergigu ka gaadheen arintii xanuunka boqorka ee ahayd in debedda loo dhoofiyo, waxaanu u yeedhnay oo aanu ogaysiinay Professor Asraat, taas oo aanu u sheegnay inaan boqorka debedda loo qaadi karin, laakiin dalka gudihiisa lagu daweeyo, isla markaana wixii kharash ah ee dhakhtarnimadiisa ku baxa inta ay doonto ha noqotee in diyaar loo yahay in la bixiyo. Laakiin Professor Asraat markii aanu arinta sidaa ugu sheegnay ayuu nagu yidhi "Dee hadii aan la ogolayn in debedda loo qaado si loogu soo daweeyo maxaa kale oo la samayn karaa, balse hadii ay suurtagal noqoto in qalliin halkan ah lagu sameeyo, waa inaan soo hubiyo ama soo diyaariyo wixii qalab ah ee loo baahan yahay oo aan keeno", dabadeedna professor Asraat markii uu intaa na yidhi ayuu naga tegay, laakiin professor Asraat wixii uu u baahdo oo dhan in loo keeno ayaan amar ku bixiyey, laakiin professor Asraat inta uu igu soo laabtay ayuu iila yimi arin kale oo aan ahayn wixii aanu ku kala tagnay, arintaasina waxay ahayd mid adag, wuxuuna nagu yidhi "Qalabkii qalliinka iyo wixii loo baahnaa oo dhan waa diyaar oo waxay yaaliin cusbataalka weyn ee DUQUR AMBASSA, markaa maadaama uu qalabku halkaa noo yaal hanaloo ogolaado inaanu cusbataalkaa ku soo dawayno boqorka".
Hase yeeshee hadii boqorka la geeyo cusbataalka DUQUR AMBASSA dhibaato iyo buuq ayaa ka dhalanaya, laakiin inay taasi boqorka u cuntamayso u malayn maayo, sidaa darteed waxaan ka fekeray bal sidii loo heli lahaa xal kale oo aan ahayn qorshaha professorku la yimi ee ah in boqorka lagu soo daweeyo cusbataalka DUQUR AMBASSA, dabadeedna waxaan Professor Asraat waydiiyey su’aal ah "Miyaanay jirin ama la heli karin dariiq kale oo aan ahayn in boqorka loo qaado cusbataalkaa, masalan bal ka warran hadii aad madaxtooyada gudaheeda inta aad timaadaan oo aad soo qaadataan qalabka aad u baahan tihiin oo dhan miyeydaan halkan qalliinka ku samayn karin, maxay tahay sababta aad u leedahay boqorka hala geeyo cusbataalka DUQUR AMBASSA, ma waxaad leedahay taasi waxay noo fududaynaysaa inaad ka war haysaan xaaladdiisa miyaa, mise qalabka halkaa yaal ayaan halkan (Madaxtooyada) la keeni karin, markaa bal ii sheeg waxa ay farsamo ahaan ku kala duwan yihiin halkaa (cusbataalka) iyo halkani (Madaxtooyada)", wuxuuna dhakhtarkii ku jawaabay "Hadii uu laydh bakhtiyo keliya ka warran, ma dhici karto in boqorka halkan lagu daweeyo, waayo khatar baa ka imman karta, waana arin dhibaatadeeda leh".
Laakiin markii ay halkaa maraysay ayaan mar kale arintii golaha dhergiga u bandhigay, waxaana la isla qaatay in mar hadii ay khasab tahay in boqorka cusbataal la geeyo waa in la geeyo cusbataalka kale ee la yidhaahdo Kibursabanya, sidaas ayaana la go’aansaday, dabadeedna sidaa ayaa la yeelay oo boqorkii waxa la jiifiyey cusbataalka Kibursanya, ayaa lagu daweeyey, si wanaagsana wuu u caafimaaday, ka dibna markii uu lad-naaday ayaa laga soo saaray, laakiin markaa ka dib ayuu hadana xanuunkaasi ku soo laabtay oo uu geeriyooday...
La soco cadadka dambe.
Top
|