Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 245 January 13, 2003

"Codsiyo lagu taageeraya Somaliland ayaanu xukuumadda Britain u Marin doonaa maadeysiga ka baxa TV-yada"

Saamaynta Ay Boorama Ku Yeelatay Doorashadii Bishii Hore 

Xisbiga UDUB Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadalkii Muuse Biixi

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xaaladda Gobolka Sool Iyo Bariga Sanaag

Golaha Guurtida Oo Magacaabay Gudi Soo Xog-Wareysata Axsaabta Siyaasadda

Buuq Ka Dhashay Magta Gabadh Hore Ugu Geeriyootay God Ay Dawladda Hoose Ka Qoday Gabiley

"Wasiirka Waxbarashadu Wuxuu Doonayaa Reer Alay-Baday Iyo Dawladdu In Aanay Weligood Heshiin"

Horumar Iyo Hadal Haatan Dadka Reer Somaliland Keebay u Hamuun Qabaan?

Waxaanu Ku Talinaynaa In La Dhiso Dawlad Ku Meelgaadh Ah Oo Aan Tartanka Ka Qayb-Gelin

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Sadaam Xuseen Debadii Ciraaq Maxay Ku Dambayn?

Wararka Dibadda

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Oo Booqasho Ku Tagay Iiraan

Ra’iisal Wasaarayaasha Ingiriiska iyo Jarmalka oo ka Wada Hadlay Xaaladda Ciraaq

Afar Qof Oo Afrikaan ah ayaa loo haystaa Fal Argagixiso

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Waadiga Ciyaaraha

Ingiriiska Oo Ka Noqday Martiqaad Ciyaareed Oo Lagu Martiqaaday Zimbabwe

Manchester United oo ku dhawaatay Arsenal oo hogaanka u haysa kooxaha Ingiriiska

Ciyaaraha Horyaalka Dhallinyarada Afrika

Alex Ferguson oo gashaanka ku Dhuftay in naadigiisu uu fadhiisiyay Giggs


"Codsiyo lagu taageeraya Somaliland ayaanu xukuumadda Britain u Marin doonaa maadeysiga ka baxa TV-yada"

Jilaaga caanka ah ee Billy Connolly - Wareysi khaas ah

Hargeysa (Haatuf): Maadeeyaha jila Aflaamta ee caanta ah Billy Connolly, ayaa shalay ka dhoofay Gegada Dayuuradaha ee Hargeysa, kadib markii uu muddo 7 cisho ah ku sugnaa dalka Somaliland.

Billy Connolly oo ka soo jeeda gobolka Scotland ee dalka Britain, wuxuu intaanu ka ambabixin dalka u sheegay Weriyeyaal ka socday Shabakadda Warbaahinta ee Haatuf, in imaatinkiisa dalku uu ku saabsanaa hawlo samafal ah oo deeq loogu ururinayo dadka tabaalaysan ee reer Somaliland, taas oo ay soo abaabushay hay’ad samafal oo magaceeda la yidhaahdo "Comic Relief." Hay’addan oo xarunteedu tahay dalka Britain, waxay maalgelisay mashaariic door ah oo laga wado dalka Somaliland.

Mr. Connolly, isaga oo sii faahfaahinaya ujeedada booqashadiisa, wuxuu yidhi; "Waxaan ka tirsanahay oo aan ka shaqeeyaa Comic Relief oo ah hay’ad ay ku bahoobeen Jilayaasha maadeeya ee dalka Britain, waxaanan halka u imid si aan u indho-indheeyo baahiyaha Somaliland ka jira, siiba dhinaca caafimaadka."

Mar uu ka ka jawaabayay su’aal ku saabsan fikradaha uu Somaliland ka qaatay iyo waxyaabihii ugu layaabka lahaa ee uu ku arkay muddadaa uu joogay, wuxuu Billy Connolly yidhi; "Booqashadayda Somaliland, waxay ahayd mid aad ii raaligelisay. Waxyaabaha aad ii soo jiitayna waxa ka mid ah, siday dadku isu caawiyaan ee midba midka kale wax u tarayo ee dhexdooda isu gacan qabtaan, taasina waa arrin ay dunida inteeda kale kaga dayan karto."

Isaga oo arrintaas sharaxaya, wuxuu sheegay inuu kala sheekaystay odayaal reer miyi ah oo uu la kulmay, kuwaas oo uu yidhi, waxay i fahamsiiyeen sababta keentay in ay dadka reer Somaliland is gacan qabtaan, taas oo ah mid ku salaysan nolosha iyo dhaqanka dadka reer guuraaga ah oo haddaan la is caawin ay adkaanayso noloshu, iyadoo dabeecaddaasi ka dhalatay deegaanka lagu noolyahay oo ah mid abaaro ka dhacaan, dabadeedna ay xeer noqotay in nolosha la wadaago.

Jiluhu, waxa kale oo uu sheegay in ay dadka reer Somaliland xaq ugu leeyihiin xukuumadda Britain in ay taageerto qadiyadooda, waxaanu yidhi; "Inkastoo Somaliland aanay ahayn mustacmarad ee ay ahayd Maxmiyad, haddana dadka reer Somaliland waxay ka qaybqaateen dagaalkii labaad ee Adduunka, iyaga oo garab siinaya Ciidamada Britain, waxaanan halkan ku arkay rag Burma ka soo dagaalamay. Sidaas darteed, dadka reer Somaliland waxay daw ugu leeyihiin Britain in ay u abaalguddo."

Billy Connolly, wuxuu qiray in dhibaatooyinka nololeed ee haysta dadka reer Somaliland ay yaraan lahaayeen, haddii dalkoodu aqoonsi ka heli lahaa beesha Caalamka. Isaga oo arrintaas sababaynaya, wuxuu sheegay in haddii Somaliland la aqoonsan lahaa ay dadka u furmi lahaayeen fursado iyo albaabo cusub oo ay Caalamka kaga helaan kaalmo wax ku ool ah, isla markaana u saamaxda abuuritaanka xidhiidho ganacsi oo dhaqaalaha dalka kor u qaada, shaqooyinna dadku ka helaan.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in Somaliland leedahay xeebo dalxiiska dunida u hanaansan, dakhli badanna ka soo hoyan lahaa.

Billy Connolly oo la weydiiyay, waxa uu shakhsi ahaan ka qaban karo ku baraarujinta Xukuumadda Britain ee qadiyadda Somaliland, waxa uu yidhi; "Codsiyo lagu taageerayo Somaliland, ayaanu Xukuumadda Britain u marin doonnaa barnaamijyada maadeysiga ee ka baxa TV-yada"

Top


Saamaynta Ay Boorama Ku Yeelatay Doorashadii Bishii Hore 

Maxamed Cumar sheekh - Haatuf Boorama

Maamulka magaalada Booraama oo ka mid ah maamulada haatan dalka ugu deggenaanshaha badan leh ee soo maray magaalada ayaa haatan waxa soo waajahay dhibaatooyin ka hor yimi oo uu ka dhaxlay doorashooyinkii bishii Diisambar ee saanadkii hore kaasoo gobollada dalka kusoo dooranayeen golayaasha deegaaanka.Afar bilood ku dhawaad markii xilka loo igmaday maamulka hadda ee uu madaxa ka yahay Maxamed Muuse Bahdoon ,waxa magaalada Boorama loo iibiyey laba gaadhi oo qashinka ka gura magaalada ,waxa la sumeeyey tobannaan ey ah oo khatar ku hayey magaalada dadkeeda iyo xoolaheeda, waxa kordhay dakhligii dawladda hoose ee Boorama kasoo geleyey cashuuraha kala duwan taaso dhalisay in shaqaalaheeda ay mushaarka qaataan inta anay dhaammaan bishu,waxay dawladda hoose haysatay kayd shidaal ah, isla maarkaana xasiloonodarro.

Tan iyo markii loo dhaqaaqay ololaha doorashooyinkaasi iyo kaddibba maxaa ku dhacay maamulka Boorama?.Waxa run ahaantii aad dareemaysaa inaan maamulka maxamed Muuse Bahdoon aanu ka macaashin doorashooyinkasi,iyadoo ololaha dhexdiisa iyo kadibba ay soo baxeen arrimo carqalad ku ah Maamulka hadda ka jira Boorama. Arrimaha haatan socda ee u dhexeeya dadweynaha iyo maamulka degmada ayaa waxa ka mid ah in durba ay xoogeysteen muranka dhulka ka kaca ,waxa si sharci darro ah lagu dhistay tobannaan jiingadood oo meel kasata iyo jid kasta laga taagay,waxa lala dhuumanayaa dakhligii cashuuraha ee dadweynaha laga qaadi jiray,waxa yaraaday ismaqalakii maamulka iyo dadweynaha u dhexeeyey iyadoo ay yaraadeen taakulayntii ay taakuleyn jireen hawlaha laamaha kale ee dawladda sida booliska.Lama odhan karo maamul ma jiro laakiin waxa kala duwan xawligii uu ku socon jirey ololaha doorashooyinka ka hor iyadoo weliba sidaa ay sii hadheen doorashooyin kale oo la saadaalinayo inay dalka ka dhacaan bilaha soo socda. Waxa la odhan karaa Boorama maamulkeeda waxbay ka rideen .Inkastoo duqa magaaladu anu ka hadal guud ahaan arrimahan oo an wax ka weydiiyey hase yeeshee waxan maqlayey isagoo xafiiska u qaabilsan xisaabaadka ku canaananaya waxa ay u bixin waayeen mushaarkii shaqaalaha bishii hore ee Diisamabar oo ay qaateen 12kii bishan .

Waxa kale oo an arkayey mid ka mid ah dadweynaha oo dacwad dhul ku saabsani kaga jirtay dawladda Hoose lana yidhi sug go'aan soo bixi doona oo ninkaasi uu ku hanjabayey inaanu sugeyn go'aan kasta oo soo baxa balse uu la xaali doono maamulada kale ee iman doona tasoo muujinaysa sida ay doorashooyinkaasi aan soo dhaafnay u lumiyeen kalsoonidii shacbigu ku qabay maamulka haatan haya talada Boorama.Ugu dambayn waxa muuqata in haddii doorashooyinka la sheegeyo mustaqbalku ku socdaan wadadii loo maray tii golayaasha uu maamulku ka hoos mari doono sida hadda uu yahay.

Top


Xisbiga UDUB Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadalkii Muuse Biixi

"Kala Fogeyn Beelaha Somaliland, Abuurid Xaalad Dagaal, Iska horkeen ummadeed"

War-Saxaafadeed - Ismaaciil Mire 

Hargeysa (Haatuf) Xisbiga UDUB ee Dawladda ayaa si kulul uga jawaabay war ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii 1917 ee shalay kaasoo nuxurkiisu ahaa Muuse Biixi Cabdi oo Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inuu ka qayb qaatay xasuuqii loo gaystay dadka reer Somaliland xiligii Siyaad Barre mar uu Muuse Biixi waraysi la yeeshay Somaliland TV kaasoo uu wargeyska Jamhuuriya soo xigtay.

Warsaxaafadeed uu soo saaray xisbiga UDUB oo uu ku saxeexan yahay Ismaaciil Mire Maxamed oo ah madaxa abaabulka iyo wacyigelinta ee xisbiga UDUB oo xalay na soo gaadhay waxa uu ku eedeeyay Muuse Biixi iyo Xisbiga uu ka tirsanyahay ee KULMIYE inay wadaan kala qaybinta dadka reer Somaliland, isla markaana ay siyaasadiisu baal marsantahay hab-dhaqanka axsaabta siyaasada marka ay loolamayaan.

Warsaxaafadeedku waxa uu beeniyay hadalada uu sheegay Muuse Biixi iyo eedaymaha uu u soo jeediyay Madaxweyne Rayaale, tilmaamay in hadaladaa si ay ka horimanayaan heshiisyadii ay hore u gaadheen beelaha reer Somaliland, shirarkii ay hore ugu kulmeen.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray xisbiga UDUB isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

"Ka dib markii aanu aragnay maqaalkii ku soo baxay Jamhuuriya cadadkiisii 1917 ee ee (habeen hore) 12/01/2003, ee uu qoray Muuse Biixi Cabdi, ee ay ka soo xigteen barnaamijka "Hal-adayg" ee Hargeisa TV ka baxay xalay (11/01/2003), waxay nala noqotay inuu mudan yahay jawaab celin.

Xisbiga kulmiye oo u muuqday xisbi siyaasi ah, waxa marag ma doonto noqotay in xisbigu ku abaabulayo shacbiga reer Somaliland kala qaybin qabiil, burburin walaaltinimada iyo midnimada shacbigan, taas oo ku salaysan eedeyn been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana lagu kala faquuqayo ummadda reer Somaliland ee walaalaha ah. Waxaa kale oo aynu..marag ka nahay in tollaay yaa reer hebel ah ay qaran jab ku tahay dawladnimada iyo qaranimada reer Somaliland wada jirka u dhisteen, taasoo maanta Xisbiga Kulmiye maciin mooday.

Haddii dadka reer Somaliland dhuuxo maqaalkaa isaga ah, waxa muuqata in ay daliil u tahay siyaasadda qaawan ee ku salaysan qabiil iyo qaranimo dumin ee barnaamijka u ah xisbiga Kulmiye.

Axsaabta siyaasiga ahi marka ay ololaha doorashooyinka ku jiraan waxa ay dadweynaha u soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed ee marka ay talada dalka hantiyaan ku maamuli lahaayeen dalkooda. Dadweynaha codeynayaana waxa ay fursad u helaan inay is-barbar dhigaan, isla markaana miisaanka saaraan qorshayaasha wax-qabad ee axsaabta, si ay u helaan mid u cuntama.

Haddaba, waxa nasiib darro noqotay in xisbiga Kulmiye aanu ummadda u hayn talo, qorshe iyo barnaamij siyaasadeed oo uu dalka iyo dadkaba ku hago. si, haddaba xisbiga Kulmiye uga qariyo indhaha dadka fikir madhnaantiisa siyaasadeed iyo qorshe la'aantiisa wax-qabad, waxa ay ku meehanaabayaan inay barnaamij uga dhigaan dadka, kuna abaabulaan arrimahan soo socda: 

  1. Adeegsi qabiil 

  2. Iska-horkeen ummadeed 

  3. Eedeyn been ah 

  4. Abuurid xaalad dagaal 

  5. Curyaamin qaran 

  6. Kala fogeynta beelaha Somali land 

Sidaas awgeed, wax a uu Kulmiye ku talax tegay anshaxa iyo asluubta loolanka siyaasadeed, isla markaana waxa uu ka hor imanayaa qaab-anshaxeedkii(Code of Conduct) 6dii urur wada saxeexdeen. Sidoo kale waxa Kulmiye ka gedmetay in beelaha reer Somaliland 1991 kii magaalada Burco ay heshiis ku gaadheen in qabiil looga diga rogto qaran, taas oo dadweynuhuna cod aqlabiyad ah oo dhan 97% ugu ansixiyeen dastuurka JSL sanadkii 2001.

Waxa kale oo Kulmiye go'aansaday in uu dalka ku celceliyo xaaladdii dalku ku sugnaa shirkii Burco ka hor. Haddaba, xisbiga UDUB waxa uu dadweynaha sharafta mudan ugu baaqayaa inay ka digtoodaan shirqoolka loo maleegayo, laguna duminayo qaranimadooda, wiiqayana walaaltinimadooda. 

Maanta sheekadu waxay maraysaa madaxda Kulmiye oo ku dhiirran inay xasuuq iyo dad la laayay ka hadlaan, taas oo jawaabteedu tahay "Ha tilmaaminna Aakh;ro waxaad tacabteen baa yaalle"

Ayuu ku soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka xisbiga UDUB.

Top


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Xaaladda Gobolka Sool Iyo Bariga Sanaag

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka arimaha gudaha dawladda Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa shalay markii u horaysay ka hadlay xaaladda gobolka Sool iyo bariga gobolka Sanaag, taas oo uu wasiirku sheegay inay hadda guddi wasiiro ahi ka fadhiyaan sida loo waajahayo xaaladda gobolka Sool, isla markaana waxa uu wasiirku intaa ku daray inay dawladda Somaliland gacanta ku hayso kooxo maleeshiyaad hubaysan ah oo ka mid ah mucaaradka ka horjeeda C/laahi Yuusuf, kuwaas oo uu ku tilmaamay in dagaalkii ay la galeen C/laahi Yuusuf lagu soo jebiyey, sidaa darteedna ay magan-gelyo ahaan u hayaan.

Wasiirka arimaha guduhu waxa uu shalay hor-tegay golaha wakiilada Somaliland, halkaas oo ay mudanayaasha golahaasi wasiirka kaga dhegaysteen war-bixin la xidhiidha xaaladaha gobolka Sool iyo bariga gobolka Sanaag, isla markaana waxay mudanayaashu mawduucaa wasiirka ka waydiiyey su’aalo kala duwan, waxayna taasi ka dambaysay markii uu golaha wakiiladu u yeedhay wasiirka si ay wax uga waydiiyaan xaaladda gobolka Sool iyo bariga Sanaag. 

Hase yeeshee wasiirku ka dib markii uu ka soo fan-jeediyey kulanka golaha wakiilada ayey weriyayaal ka socda saxaafadda wadaniga ahi wax ka waydiiyeen xaaladda bariga Somaliland, taas oo ay weriyayaashu ugu horayn wasiirka waydiiyeen waxa ay ugu yeedheen golaha wakiiladu iyo bal inuu war-bixin ka siiyo sida ay hadda tahay xaaladda bariga Somaliland, wuxuuna ku jawaabay "Golaha wakiiladu waxay iigu yeedheen inay iga waraystaan xaaladda sanaag bari arimaha ka jira, maadaama ay beri dhowayd laba ciidan oo is- eryanayaa xadkeena ka soo talaabeen, kuwaas oo kala ahaa qolo uu wato ninka la yidhaahdo Cadde Muuse, qaarna ay ahaayeen qolo ka socota C/laahi Yuusuf, laakiin dadka C/laahi Yuusuf ka socdaa may ahayn dad u dhashay gobolka Maajeerteeniya ee waxay ahaayeen dad u dhashay degaamada Laas-qoray iyo Dhahar, ilaa saraakiisha meesha marayey waxay ahaayeen saraakiil degaamadaa u dhashay, mana ahayn ciidan aad u fara badan, waxayna daba joogeen ninka la yidhaahdo Cadde Muuse oo u soo talaabay dhinaca Somaliland, sababta uu u soo talaabayna waxay ahayd waa la soo jebiyey ciidankiisa oo waa laga soo adkaaday, wuxuuna watay ilaa saddex Lancuriser iyo dad dhaawac ah, laba baabuur oo tikniko ah, dadka uu watayna afartan qof way ka yaraayeen, markaa aadaminimo ahaan waxaanu ogolaanay in dadkii dhaawaca ahaa la soo gudbiyo oo la keeno cusbataalka Burco, lagana diiwaangeliyo Laanqayrta cas ee halkaa joogta, sidoo kalena Cadde Muuse waxa lagu hayaa meel aanu dhinacna u dhaafi karin, isla mrkaana wax duulimaad iyo dagaal ah kama qaadi karo halkaa, anaguna gacan kuma siinayno dagaal, xaaladiisuna waxay noqon doontaa inuu dib ugu noqdo halkii uu ka yimi ama meeshii kale ee uu doono u gudbo. 

Ta kale ciidamo badan oo tikniko wata ayaa halkan laga diray si ay u soo sugaan xaduudaha Laas-qoray, Dhahar iyo Badhan, laakiin ciidankii uu C/laahi Yuusuf qalday ee degaamada u dhashay ayaa qaarna degaamadoodii kala galeen, qaarna dib ayey u talaabeen, markaa ciidamadii halkan laga diray waxay hadda joogaan gobolka Sanaag oo ay sugeen xadkiisa, runtiina dhibaatada jirtana waxaanu dawlad ahaan wax kaga qabanaynaa siyaasad qabow iyo talaabo qabow, mana doonayso dawladdu inay xasuuqdo dadkeeda, waxayna doonaysa in dadka la qalday dib loo wacyi geliyo, ta kale waxa dhibaatada lagaga bixi karaa in la helo ciidamo u dhashay degaamadaa ama Laas-Caanood ha ahaato ama badhan ha ahaatee oo u daacad ah difaaca iyo jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland, ka dibna inta lagu dhafo ciidamo kale la dejiyo aagaggaa, taasna hawsheeda waanu ku jirnaa oo ay dawladdu ka soo saari doonto shuruuc iyo talaabooyin degdeg ah"ayuu wasiirku ku soo af-jaray war-bixintiisa, laakiin waxay weriyayaashu waydiiyeen su’aalo la xidhiidha arimaha uu ka hadlay, waxayna u dhaceen sidan:

S: Ciidamada gobolka Sanaag tegay ma gaadheen xuduudka halka ugu dambaysta?

J: Runtii waad ogtihiin oo awoodda dhaqaalaha ayaa mar walba ogolayn inay ciidanku ilaa halkaa degaan, hase yeeshee way gaadheen ilaa xuduudda, wayna ka soo noqdeen, waxayna ku soo noqdeen saldhigga weyn ee Ceerigaabo ilaa inta la habaynayo ciidamo isku dhafan oo ka kooban degaanka Ceerigaabo oo dhan.

S: Ciidamadii badnaa ee mushaharka qaadan jiray meeye?

J: Runtii ciidamadaasi way kala daadsan yihiin, waxayna u baahan yihiin in lagu sameeyo abaabul iyo dib u habayn xoog leh.

S: Cadde Muuse waxa la leeyahay wuxuu joogaadegmada Ceel-afweyn, taasi ma jirtaa?

J: Cadde Muuse dawladda ayaa gacanta ku haysa, halkaas ayuuna jooga, waana qof magan-gelyo loo hayo.

S: Ma u ogolaanaysaan inuu weerar ka qaado gudaha Somaliland?

J: Taasi wax suurta gal ahba ma aha, mana jirto ciidan lug ah oo badan iyo tikniko uu weerar ku qaadi karaa, laakiin hadii uu waddan lahaaba suurta gal nagama noqoteen inuu gudeheena weeraro ka qaado.

S: Waxa la sheegayaa dad ergo ah oo Somaliland ah inay qabteen dhinaca Puntland si ay u dhexdhexaadiyaan C/laahi iyo qolada ka horjeeda, taa maxaa ka ogtihiin?

J: Waanu maqalaa waxyaalo ay ka mid yihiin waxyaalaha aad I waydiinaysaan, isla markaana waanu haynaa warar caynkaa odhanaya, waanuna ku daba jirnaa xaqiijintooda, laakiin xaqiiqda ma hayno, hadiise ay dhacdo oo aanu xaqiiqsano inay jiraan dad dhexdhexaadinaya C/laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse waxaanu u arkaynaa dad u cadow ah Somaliland, waxaana laga qaadi doonaa talaabo sharci ah.

S: Hadii aydaan ciidanka dhaqaaleba u hayn maxaad ugu dirteen gobolka Sanaag?

J: Horta ciidanka la diray waa ciidan Hargeysa ka tegay iyo ciidan Burco ka raacay iyo ciidankii Ceerigaabo loogu tegay intaana dhaqaalahooda waa loo hayaa, laakiin dhaqaalaha hawl-gelinta ee ciidanka la daadinayo jiidaha xuduudaha uma hayno hadda dhaqaale kefayn kara.

S: Xaaladdii degdegga ahayd ee gobolka Sool weli way taagan tahay, maxaad ka damacdeen?

J: Arinta gobolka Sool waxa loo saaray guddi heer qaran ah oo uu gudoomiye ka yahay Madaxweyne-kuxigeenku, inkasta oo uu aniga ii wakiishay, waxaanuna doonaynaa sidii nabadgelyo iyo wada hadal loogu soo dabaali lahaa xaaladda gobolka Sool, arintaasna hadda ayaanu u fadhinaa si degdeg ahna ayaanuna war uga soo saaraynaa oo aad noga maqli doontaan.

Top


Golaha Guurtida Oo Magacaabay Gudi Soo Xog-Wareysata Axsaabta Siyaasadda

Hargeysa (Haatuf): Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay ku magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood, kuwaas oo loo xil-saaray inay wada tashiyo la soo sameeyaan axsaabta siyaasadda.

Guddigaa oo ay ka mid yihiin xubnaha shirgudoonka, la taliyaha dhinaca sharciga ee golaha ioy xubno kale oo mudanayaal ah, ka dib markii la soo xulay waxay mudanayaasha golahaasi ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah.

Go’aamka magacaabidda guddigani waxa uu ka dambeeyey hindise ay mudanayaasha guurtidu isla qaateen fadhigoodii doraad, kaas oo ahaa inay gole ahaan axsaabta siyaasadda la yeedhaan kulamo wada tashi ah oo lagu gorfaynayo marxaladda dalkua maray, iyadoo arinta ay golaha guurtidu wada tashiga ka samaynayaan tahay maadaama ay dooorashooyinkii madaxtooyadu baaqdeen, isla markaana ay mudadii sharciyadda xukuumaddu dhamaad tahay in la isla meel dhigo sida looga gud-bayo marxaladda caynkaas ah.

Mudanayaasha golaha guurtidu waxay isla aqbaleen in wada tashiga lala sameeyo Axsaabta la sheegay inay soo baxeen iyo kuwa la sheegay inay hadheen-ba, sidaa darteed guddiga la xulay maanta ayey hawl-galkooda bilaabayaan, waxayna isla maanta la kulmayaan saddexda xisbi ee lagu dhawaaqay inay ku soo baxeen doorashadii dawladaha hoose oo kala ah: UDUB, KULMIYE iyo UCID. Sidoo kale saddexda urur ee kala ah: SAHAN, HORMOOD iyo ASAD waxay guddigaasi la kulmayaana Salaasada berito.

Guddigan waxay golaha guurtidu u xil-saareen inay soo ururiyaan wixii talo ah, ka dibna ay ku soo celiyaan golaha si ay xal uga gaadhaan marxaladda cusub ee dalku marayo. Laakiin lama oga waxyaalaha ay guddiga golaha guurtidu kala hadlayaan axsaabta siyaasadda iyo halka ay salka ku hayso talada ay urursanayaan, wuxuuse go’aankoodani ka dambeeyey markii ay guddiga doorashooyinku sheegeen inay doorashadii madaxtooyada dib ugu riixeen 30-ka bisha March ee foodda inagu soo haysa.

Top


Buuq Ka Dhashay Magta Gabadh Hore Ugu Geeriyootay God Ay Dawladda Hoose Ka Qoday Gabiley 

Warbixin - Maxamed Xasan, Weriyaha Haatuf ee Gabiley 

Haween gadoodsan oo ay ka mid yihiin eheladii gabadh 18 jir ah oo hore ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaadhay ka dib markii ay ku dhacday god D/Hoose ee Gabilay ay ka qoday dariiqa sariibada magaalada Gabilay ayay haweenkaasi dabayaaqadii todobaadkii tagay waxay kala hortageen dhagax tuur iyo qaylo shaqaalihii D/hoose ee Gabilay oo ku hawlanaa sidii ay u dabooli lahaayeen godkaa.

Buuqii ay samaynayeen dadka yimid goobtaas waxaa sii kordhisay xiligii aroornimada ahayd ee dhacdadani ku soo beegantay oo ahayd xiliga ay haweenku ka adeegtaan suuqaas. Dumarka halkaa yimid ayaa diidana hawsha ay shaqaalaha dawladda hoose ku daboolayeen godkaa iyagoo sheegay in godkaa ay ku jiraan, kabihii, shalmadii, iyo waliba lacag aan tiradeeda la koobin oo ay sheegeen in ay sidatay marxuumada ku dhacday godkaa ee sababtaa hore ugu geeriyootay, godkaas oo loogu talogalay suuliyo waxaa hoos loo qoday joog dheer markaa waxaa adag in si fudud wax looga soo saaro, dhinaca kale haweenkka ka qayb qaadanayay shaqo hor istaagaas ayaa sheegay inay ka biyo diidanyihiiin maamulka D/Hoose oo ay sheegeen in aanay heshiis la galin eheladii ay ka geeriyootay gabadha ku dhacday godkaas. Sidaa daraadeed aanay ogolaanayn in la daboolo godkaas.

Caaqilka Maxamed Cabdi Qawdhan oo ah caaqil qoyska ay gabadhu kaga geeriyootay godkaas ayaa sheegay in aanu maamulka D/Hoose ee Gabilay weli go’aan cad ka gaadhin arrinta gabadhaa ku geeriyootay godkaa.

Dhinaca kale warka arrintaa ku saabsan ayaa xusaya in mushkilada hadda taagani ay tahay in D/Hoose ee Gabilay aanay si cadaana u qaadan magtii gabadha geeriyootay ka dib markii ay godkaa ku dhacday.

Dhacdadan dumarkii iyo carruurtii ka qayb qaadanayay waxay socod ku soo mareen wadooyinka magaalada Gabilay iyagoo ku dhawaaqayay erayo cabasho ah, waxayna socod ku yimaadeen ilaa xafiiska xarunta u ah D/Hoose ee Gabilay.

Hawlwadeeno ka tirsan Booliska ayaa markii dambe dadkaa ku qanciyay in ay guryahooda ku noqdaan. In arrintaa si degdega wax looga qabto waxaa qaba dad badan oo ka tirsan waxgaradka ku nool magaalada Gabilay.

Top


"Wasiirka Waxbarashadu Wuxuu Doonayaa Reer Alay-Baday Iyo Dawladdu In Aanay Weligood Heshiin"

Maayar ka Alay-Baday 

Allay-badday (Haatuf): Maayarka degmada Allay-badday, Maxamuud Yuusuf Cige ayaa sheegay inay degmadiisa cadaalad daro la soo deristaya cod-bixintii doorashadii dawladaha hoos ee dhowaan dalka ka dhacday, waayo buu yidhi "Shan daabiyadood oo degmada ka mid ah ayaan la geyn sanaaduuqdii doorashada, halka degmada Gebilay meel walba la geeyey, ka dibna sanaaduuqdii la soo wada celiyey, iyadoo ay qaarkood lix-lix cod ku jirto".

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan, maayarka Allay-badday waxa uu sidaa ka sheegay shir-jaraa’id oo uu toddobaadkii ina dhaafay ku qabtay hudheelka Xaaji Askar ee magaalada Gebilay, isaga oo halkaa socdaal ku jooga, wuxuuna maayarka Allay-badday cadaalad daradaa halkaa kala kulantay eedeeda saaray wasiirka waxbarashada dawladda Somaliland, Axmed Yuusuf Ducaale, wuxuuna maayarku, isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi "Wasiirka Waxbarashadu wuxuu doonayey inaanay reer Allay-badday iyo UDUB iyo dawladdu weligood heshiiniin, ka dib markii uu liiskii musharaxiinta UDUB degmada Allay-badday u diiday, laakiin hadii aanu reer Allay-badday nahay waanu ku garanay wixii uu doonayey, dadka reer Allay-baddayna waxay codkooda siiyeen UDUB, iyadoo aanu hal qof kaga jirin liiska musharaxiinta golaha degaanka UDUB". Laakiin maayarku isaga oo ka hadlaya ururada HORMOOD, KULMIYE iyo UCID waxa uu sheegay inay xubno badan golaha degaanka uga sharaxeen degmada Allay-badday, balse ay hadana dadka reer Allay-badday codka ugu badan siiyeen UDUB.

"Degmada Allay-badday waxa la keenay laba sanduuq dadkuna aad buu ugu badnaa, sidaa darteed-na afartii galabnimo ka dib degmada Allay-badday lagama footeyn, waayo waxa dhamaaday waraaqihii, lamana keenin waraaqo kale"ayuu yidhi maayarka Allay-badday, Maxamuud Yuusuf Cige. 

Top


Horumar Iyo Hadal Haatan Dadka Reer Somaliland Keebay u Hamuun Qabaan?

Faallo: Cumar D. Cumar

Miyi iyo magaalo, mutacalim iyo nimaan waxbarasho galin, waayeel, dhalin, haween iyo rag, qayb kastoo oo bulshada reer Somaliland ah meesha ay doonaan ha joogaane waxaa kulmin kara rabitaanka (2) arrimood oo ah nabad iyo horumar, qayb wal oo bulshada ah waxaa u muuqda in ku Aadan oo haddii ay siday u arkaan horumar lagu sameeyo ay rumaysan yihiin in ay yeelan lahayd isbedel dhinaca nolosha ah oo markay arrintaasi midho dhasho si dadban u saamayn karta horumarka guud ee ummadda reer Somaliland. Ganacsatadu waxay rumaysanyihiin haddii loo sameeyo tas-hiilaad ganacsiga la xidhiidha, oo lagu caawiyo talo iyo aqoon in ganacsatada iyo ganacsiguba uu horumar samayn lahaa, haddii xoolo dhaqatada laga caawiyo dhinaca horumarinta xoolahooda iyo baahiyaha aasaasiga ah ee deegaanada miyiga in ay horumar gaadhi lahaayeen inta badan dadka reer Somaliland oo ku nool miyiga beeralayda oo horumarka laga caawiyo dhinac qalabka qodaalka beeraha, shinida, tababarada, habaynta wax soo saarka iyo warshadaynta waxay rumaysanyihiin haddii ay caawimadaa helaan in uu kordhi lahaa wax soo saarka dhinaca beeraha taasoo qayb ka ah horumarka Somaliland.

Horumarin lagu sameeyo dhinaca waxbarashada waxaa ka soo bixi lahaa aqoon yahano wax weyn ka tara dhinaca aqoonta maamulka horumarinta ee qaybaha kala duwan ee adeega danta guud ee ummadda. Guud ahaan qayb wal oo khuseeysa nolosha dadka iyo dalku waxay tabaysaa inay horumarin u baahantahay halka ay maanta taagan tahay, marka arrimahan lagu dabakho heerka Somaliland waxaa markiiba soo baxaya in horumarka ka hor ay dib u dhis yegleela, aasaas ahaan u baahanyihiin qaybo badan oo baahiyaha aasaasiga ah oo iyagoo markoodii horeba liitay haddana ku sii baaba’ay dagaaladii 1988-1991, haddaba xiligan oo ay Somaliland madaxa la gashay qaab siyaasadeed cusub oo ah xisbiyo siyaasadeed waa lagama maarmaan in ay siyaasiyiinta ku hawlan xiligan dhinaca arrimaha siyaasadda ee Somaliland ay xooga saaraan in ay la gole yimaadaan waxqabad muuqda oo ah dhinaca horumarinta bulshada reer Somaliland ee ay hiyiga ku hayaan inay hogaamiyaan.

Marka la darso duruufaha adag ee ay ka soo gudbeen dadka reer Somaliland, marka la eego baahida horumarineed ee ay dal iyo dadba ay u baahanyihiin shacbiga reer Somaliland miyi iyo magaalaba, waxaa muuqata in dadka reer Somaliland ay xiligan u hamuun qabaan talaabooyin horumar leh in lagu talaabsado barnaamijyo laga shaqaynayo horumarinta bulshadu ma aha mid u baahan xil iyo magacaabis ee wa hawl uu qof walba isagu iskii isugu darri karo uuna ka qaban karo inta awoodiisa ah ee uu aqoonta u leeyahay, in la raaco qaab lagu tartamayo waxqabadka horumarineed ee ummadda ayaad moodaa in uu yahay hab-dhaqan siyaasadeed oo ka midha dhal wanaagsan hadal ku loolan siyaasadeed oo aan waxbadan ka tari karin danaha shacbiga reer Somaliland ee u baahan hourmarinta, dulucda qoraalkani waxa ay tahay hab-dhaqan cusub ayaa looga baahan yahay siyaasiyiinta reer Somaliland.

Dhinaca kale bisayl iyo xisaabtan xaqaa’iqa ku fadhiya ayaa iyagana u dana dadka reer Somaliland si guud ahaan la gaadho horumar.

Top


Waxaanu Ku Talinaynaa In La Dhiso Dawlad Ku Meelgaadh Ah Oo Aan Tartanka Ka Qayb-Gelin

Hargeysa (Haatuf): Inka badan kontaneeyo qof oo isugu jira dhalinyaro, aqoonyahano iyo wax garad kale oo reer Somaliland ah ayaa shalay na soo gaadhsiiyey bayaan qoraal ah oo ay kaga hadlayaan marxaladda siyaasadeed ee uu dalku hadda marayo iyo duruufaha kala duduwan ee guud ahaan dalka ka jira, sidoo kalena waxay soo qoraalkooda ku sheegeen sida ay u arkaan xaaladda dalka iyo waxa ay ku talinayaan.

Qoraalkaas oo dhawr bog ka kooban waxay ugu horayn kaga hadleen arimo ay ka mid yihiin xaaladda nabadgelyada, cadaaladda, siyaasadda, doorashadii dalka ka dhacday iyo waxyaalo kale.

"Culimada cilmiga bulshadu waxay qeexeen in cadaaladda iyo nabadgelyadu ay yihiin lamaane aan kala maarmin, taas oo hadii cadaalad la waayo ay nabadgelyadu noqonayso geed aan xidido lahayn"ayey qoraalkooda ku yidhaahdeen, iyaga oo xididada nabadda Somaliland ku tilmaamay kuwo qalalay, taas oo ay sabab uga dhigeen sababo dhawr ah, sida cadaalad la’aan, maamul-xumo dhaqaale, duruufo ganacsi, sida xayiraadda saarran ganacsiga xoolaha iyo waxyaalo la mid ah. 

"Xididkii dhinaca wada tashigu wuu qalalay, xididkii awood qaybsiga oo hore u geeriyooday, xididkii dhinaca wadaniyadda oo qalalay, xididkii jiritaanka dalnimo oo qalalay"ayey qoraalkooda ku yidhaahdeen. Laakiin waxa kale oo ay si weyn u dhaliileen maamulkii doorashadii dawladaha hoose, taas oo ay guddiga doorashooyinka ku tilmaameen kuwo aan u cadaalad falin wixii ay maamulayeen, iyaga oo tusaale u soo qaatay qoddobo badan, sida degaamo aan la geyn sanaaduuqdii cod-bixinta, goobo aan cod-bixiyayaasha la marinayn calaamadda, soo bixiddii ururada siyaasadda oo aan loogu xaq-soorin si cadaalad ah iyo waxyaalo kale. Sidoo kalena waxay xubnahani qoraalkooda ku sheegeen inay guddiyada doorashada iyo diiwaangelintu natiijadii doorashada ugu dhawaaqeen si baal-marsan sharciga doorashada, iyaga oo sababtan ku tilmaamay, inay guddiyadaasi wax ku dhawaaqeen, iyadoo aanay maxkamadaha dalku go’aan ka gaadhin wixii dacwado ahaa ayey guddiyadaasi wax ku dhawaaqeen, taasna waxay ku tilmaameen mid dhaafsan sharciga doorashooyinka, iyaga oo qaabkii loo soo xulay guddiyada doorashooyinka iyo axsaabta ku tilmaamay mid qaldan, taas oo ay sheegeen in soo xulista guddiyadaa ay 90% lahaayeen reer UDUB.

"Guddiga doorashadu maadaama ay musuq-maasuq ku shaqeeyeen waa inaan taa lagaga hadhin ee maxkamad la soo taagaa, isla markaana doorashooyinka madaxtooyada guddi kale loo saaro"ayey yidhaahdeen, sidoo kale waxay qoraalkooda ku weerareen ururka UDUB ee dawladda, waxayna yidhaahdeen "UDUB awooddii ummadda ayey si qaldan u adeegsatay."

Dadkani waxa kale oo ay qoraalkooda ku xuseen qolyaha SNM-ta madax iyo minjoba, kuwaas oo ay ku tilmaameen inaanay daryeel iyo qaderin midna ku haysan dalka. Sidoo kale xubnahani, iyaga oo tusaale ka bixinayaa asbaabaha dal sidiisaba burburin kara waxay yidhaahdeen "Saddex sababood midkood uun baa keena qaran-jabka dawladaha, kuwaas oo kala ah: Cadow ka xoog-roon oo dhulkooda iyo taladooda qabsada, Masiibooyin dabiiciya oo ku habsada, ka dibna baabi’iya wax soo saarkooda iyo guryahooda iyo madaxda hogaamisa oo cadaalad daro ku hogaamisa, hogaamin xumaatay ayaana 95% keentay ilbaxnimooyinkii hore ee burburay". Laakiin ugu dambayn waxay ka digeen burbur dalka iyo dawladnimada ku habsada oo ka dhasha duruufaha ay cadaalad darada iyo maamul-xumadu kow ka tahay, isla markaana waxay qoraalkooda ku soo gebagebeeyeen qoddobo dhawr ah oo ay ku tilmaameen inay xal u arkaan, waxayna talooyinkooda ugu horaysiiyeen in ugu horayn la sameeyo dodo iyo kulamo laga gorfaynayo xaaladda, sidoo kale waxay ku taliyeen in si qoto-dheer looga wada hadlo sida ugu haboon ee loogaga gudbi karo marxaladda maanta dalku marayo iyo inay shirarkaasi noqdaan kuwa ay abaabulkooda yeesheen dad ka dhex ah axsaabta ioy dhinacyada siyaasadda, sida salaadiin, wakiilada iyo dad kale oo wax garad ah, iyaga oo u taliyey inay shirarkaasi noqdaan kuwo fursad siiya cidda wax tabanaysa iyo cidda wax laga tabanayo, hadii ay ururo iyo kooxo siyaasadeed ama beelo iyo xataa kooxo kale oo dad ah-ba. Laakiin ugu dambayn waxay soo jeediyeen inay xal u arkaan in la dhiso dawlad ku meel-gaadh ah oo shaqaysa muddo sannad ioy badh ah, dawladaasina ay noqoto mid dalka gaadhsiisaa doorasho iyo tartan axsaa beed oo xalaal ah, laakiin bay yidhaahdeen "Waa inay dawladaasi noqotaa mid, iyaduna hadhow tartanka ka qayb gelin".

  1. Bayaankaasna waxay dadka magacyadoodu kala yihiin:

  2. Maxamed Maxamuud Ibraahin

  3. Mustafe Axmed Jaamac

  4. Baashe Muuse Mire

  5. Kayse Axmed Cismaan

  6. Warsame Daahir Maxamed

  7. Cali Dool Axmed

  8. Mustafe Jaamac Xirsi

  9. Ciise Cabdi Aadan

  10. Yuusuf C/laahi Cumar

  11. C/laahi Cabdi Xuseen

  12. Maxamed Muxumad Jaamac

  13. Nuur Faarax Madluun

  14. Calawi Cabdi Gaboobe

  15. Axmed Xaashi Cismaan

  16. Mukhtaar Muxumad

  17. Jaamac Maxamuud Aadan

  18. Maxamed Shire Aadan

  19. Yaasiin Xaaji Cali

  20. Maxamed Axmed

  21. Cawaale Cali Cabdi

  22. C/raxmaan Maxamed Cali

  23. Cabdi Ismaaciil Xaashi

  24. Suufi Jaamac Yaasiin

  25. Axmed Cali Maxamed

  26. Guuleed Maxamud Cawed

  27. Mataan Cismaan

  28. Baashe M. Maxamed

  29. Warsame Sh. Samatar

  30. Aadan Xuseen Xiiray

  31. Axmed Cali-gaydh

  32. C/risaaq Siciid Bulaale

  33. Maxamed Xasan Shabaash

  34. Ibraahin Ciise Guuleed

  35. Ibraahin Salaad

  36. Mustafe Axmed Yaasiin

  37. Mahdi Nuur Maxamed

  38. Aadana Gaas Maxamed

  39. Dacar Aw-Haaruun

  40. Khadar Maxamed Xuseen

  41. C/raxmaan Abokor Siciid

  42. Axmed Cumar Cabdi

  43. C/laahi Rooble

  44. Maxamed Ibraahin Axmed

  45. Maxamed Xuseen Cismaan

  46. C/laahi Cali Suudi

  47. Ismaaciil C/laahi Maxamed

  48. Maxamuud Axmed Aadan

  49. Maxamuud Maxamed Rooble

  50. Muuse diiriye Xasan

  51. Maxamed Cabdi Maxamed

  52. Jaamac Gaashaan-cadde

  53. Siciid Shire

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Quruxdu Maaha Cawradaada Muujiso

Anigoo magacaygu yahay nimco kana tirsan gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ee magaalada Hargeysa, waxaan doonayaa in aan ra’yigayga ka dhiibto waxyaabaha fawaaxishka ah ee aad moodo beryahan dambe in uu wadankeena ku soo badanayo waxaana ka mida haddaan tusaale u soo qaadano.

  1. Dhajiska oo faraba’an ku haya hablihii maryahan oo cawradii muujin.

  2. Xiirimaadka foosha xun ee wiilasha ood moodo dabaqyo timihiisa.

Haddaba haddaan mid mid u taabto, waxaad moodaa in ay taakulayn ay dadkaasi ka helayaan bulshada tusaale ahaan, iyadoo dharkii hablaha gebigoodii loo bedelay dhar dhejis ah oo aanad ka helayn bacadlihii dhar kale oo dumar.

Markaa waxaan u soo jeedin lahaa dadka ganacsatada ah in ay aad u hubiyaan waxa ay ka ganacsanayaan ma xalaal baa mise waa xaaraaan.

Hablaha dhejiska xidhayna waxaan kula talinayaa walaal jidhkaaga astur, waayo (Quruxdu maaha cawradaadood muujiso, ee quruxdu waa dabeecada iyo asturnaan). Walaal Ilaahay ka baqa, lafihiinana cadaab ka badbaadiya.

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista
Nimco Maxamed Ducaale.
Hargeysa

Top


Sadaam Xuseen Debadii Ciraaq Maxay Ku Dambayn?

Abshir Cabdillahi Xasan Riyadh

Waa su'aal ay dad badani is weydiinayaan, jawaabteedana waxa laga sugayo maamulka Bush, laakiin dadka arimaha sii odorasa ee wax ka sii sheega dhacdooyinka xiisaha leh, waxa ayay la tahay in marxaladda ka dambaysa dhicidda maamulka Sadaam Xuseen ay tahay ta ugu adag ee soo food saaridoonta dawladda Maraykanka. Sida ay qabaan madaxda sare ee Maraykanku, waxa lagama maarmaan ah in ciidamada Maraykanka ee "Xoreeya" Ciraaq uu sii joogitaankood yahay mid lagama maarmaan ah, si ay u ilaaliyaan degenaashaha dalka Ciraaq muddo sannado ah. Sida muuqata, dawladda Maraykanku kuma kalsoona mucaaridka Ciraaq ee ay doonayso in ay talada dalka u dhiibto marka Sadaam Xuseen xukunka laga tuuro, taas oo ay sabab uga dhigayaan isku kalsoonaan la'aanta ka dhexaysa mucaaradka reer Ciraaq ee debedda jooga. 

Waxa caado ah haddii uu meel ka taliyo muddo badan qof kalidii taliye ahi, in marka si degdeg ah xukunka looga tuuro ay meeshaaasi bur-burto. Sadaam Xuseen waxa uu Ciraaq xukumayay muddo ku dhow 23 sannadood. Mudadaasi waxa qudh ah ee dadka reer Ciraaq isku hayay waxa uu ahaa xukunka adag ee Sadaam Xuseen. Sida muuqata Ciraaq kama jiro nidaam ku dhisan kala dambayn iyo dustuur, sidaa daraadeed haddii si kadis ah xukunka looga tuuro Sadaam Xuseen, waxa Ciraaq ku dhicidoona bur-bur iyo jaha wareer.

Dalka Ciraaq gudahiisa kama jiraan mucaarad hanan kara awoodda dalka oo haysta kalsoonida dadweynaha reer Ciraaq, sidoo kalena kuwa mucaaridka ah ee debedda wareegaa ma laha awood iyo isku duubni ay ku hantaan xukunka iyo maamulka dalka Ciraaq, mana haystaan kalsoonida dadka reer Ciraaq ee gudaha dalka ku dhaqan.

Ciidamada xoogga dalka Ciraaq ayaa si weyn loogu arkaa in ay yihiin meesha qudh ah ee dalka ka bad-baadin karta fawdo iyo qalalaase oo waliba ilaalin karta midnimada Ciraaq.

War-bixinaha lagu daabaco wargeysyada dalka Maraykanka ka soo baxa ayaa sheegaya in ay dawladda Maraykanku qorshaynayso sidii ay dalka Ciraaq u qabsan lahayd ee ay waliba uga samayn lahayd dawlad milatari ah oo ay iyadu hor-kacayso, si ay dalka uga ilaaliso kala googo iyo qalalaase.

Hadaba, sida muuqata dawladaha Carabta ee ku dhaqan Bariga Dhexe waxa ay jecelaan lahaayeen in uu Sadaam Xuseen xukunka dalka Ciraaq sii hayo, halkii ay ka arki lahaayeen dagaal sokeeye iyo burbur ku yimaada dalka Ciraaq. 

Haddii uu Sadaam Xuseen xukunku ka farabaxo waxa dhicikarta in uu dalka Ciraaq u kala googo'o seddex qaybood oo kala ah qaybta waqooyi oo ay Kurdiyiintu goostaan iyo qaybta Koonfureed oo ay Shiicadu gacanta ku dhigto iyo qaybta dhexe oo ay muslimiinta sunigu xukunkeeda qabtaan. 

Dad badan ayay ula muuqataa dawlad shiica ah oo ka dhalata qaybta koonfureed ee dalka Ciraaq in ay tahay guul u soo hoyatay shiicada dalka Iiraan. Turkiga iyo Iiraan iyo Suuriyaba waxa ay ka cabsi qabaan dib u soo noolaanshaha Dhaqdhaqaaqa Qoomiyadda Kurdiga ee ku kala baahsan dalalkooda. Sida ay siyaasiyiin badan oo Maraykan ihi qabaan, waxa dawladda Maraykanka waajib ku ah in ay hoos u eegto wax yaabaha lama filaanka ah ee ka soo bixikara dagaalka Ciraaq iyo Sadaam Xuseen marka xukunka laga tuuro.

Sida uu dhowaan sheegay Xoghayaha Arimaha Debedda ee dalka Maraykanku, waxa uu maamulka madaxweyne Bush qorshaynayaa sidii ay ciidamda Maraykanku gacanta ugu dhigi lahaayeen ceelasha saliidda ee dalka Ciraaq, taas oo ay ujeedadeedu tahay sidii uu Maraykanku u hantiy lahaa khayraadka dalka Ciraaq. Marka xukunka laga qaado sadaam Xuseen, waxa lacagta ka soo baxda saliida Ciraaq gacanta ku dhigaysa dawladda Maraykanka si ay dib ugu soo cesheto wixii kharash ah ee ku baxa dagaalka lagu qabsanayo Ciraaq. Si hadaba ay taasi ugu hirgasho waxa ay dawladda Maraykanku in muddo ahba raadinaysay in ay hesho ciddi ay dawladda u dhiibilahay. Waxa uu maamulka Bush u tafo-xaytay sidii uu mucaaridka reer Ciraaq ee debedda jooga u midayn lahaa, laakiin ilaa iyo hadda wax guul ah kama gaadhin. Waxa ay dawladda Maraykanku raadinaysaa in ay hesho nin la mid ah Xaamid Karaasayga Af-qaanistaan oo kale, laakiin waxa muuqata in aanu ninkaasi oo kale ku jirin mucaaradka Ciraaq, taas oo ay sabab u tahay isku kalsooni la'aanta ka dhex taagan mucaaradka reer Ciraaq. 

Aqoonyahanda ku xeel dheer arimaha Ciraaq ayaa rumaysan in aanu Maraykanku gudaha Ciraaq ka helay mucaarad diyaar ah sidii mucaaradkii Af-qaaninstaan. Mucaaradka Ciraaq intiisa badani waxa ay ka hawlgalaan debedda marka laga reebo Kurdiyiinta. Waxa ay aqoonyahanadaasi rumaysan yihiin in ay Ciraaq si weyn uga duwan tahay Af-qaanistaan. 

Haddaba maqnaashaha uu meesha ka maqanyahay mucaarad xooglihi, ayaa keenaysa in ciidamada xoogga Dalka Ciraaq loo adeegsado sidii ay u af-gambiyilahaayeen Sadaam Xuseen. Muddo sannado ah ayaa marba uu dhicisoobayay af-gambi la isku deyay in lagu mijo-xaabiyo xukunka Sadaam Xuseen, dabadeedna uu isna si naxariis la'aan ah u gumaadijiray saraakiishii ka damabaysay. Waxa ay arimahaasi keeneen in uu Sadaam Xuseen saraakiisha ciidamada si joogta ah marwalba iskugu shaandheeyo. Waxa kale oo la yidhi cotobyada ku xeeran magaalada Baqdaad qoryahooda looma ogola in ay rasaas ku haystaan. Waxa taa ka sii daran in dad yar oo faro ku tiris ahi ay ogyihiin dhaqdhaqaaqa Sadaam Xuseen. Ciidamada Ciraaq waxa lagu dhex beeray ciidamo dhabar-jabin ah oo qarsoon una daacad ah Sadaam Xuseen kuwaas oo ay shaqadoodu tahay in ay khaarajiyaan ciddii ay ku tuhmaan in ay af-gamabi wado. Inta badan saraakiisha sarsare ee ciidamada Ciraaq waxa ay helaan xuquuqo badan oo aanay dadka kale ee reer Ciraaq lahayn, sidaa daraadeedna surtagal ma aha in uu dhaco af-gambi milatari.

Dawladda Maraykanku waxa ay dhowaan isku deyday in ay soo sasabato saraakiil ka baxsatay dalka Ciraaq si ay ugu qanciso in ay ciidamada Ciraaq hogaamiyaan marka la rido Sadaam Xuseen si ay Ciraaq uga bedbaadiyaan qas iyo fawdo. Saraakiishaa waxa ka mid ah Jananaka la yidhaahdo Najiib Saalixi oo aan ku tilmaanayn in uu ahaa dadkii aadka ugu dhowaa nidaamka Sadaam Xuseen. Hase yeeshee, waxa muuqata in aanu Jan. Saalixi lahayn dumuux siyaasadeed iyo hogaamineed uuna rumaysanyahay in aanu ciidanku si toos ah ugu lug yeelan arimaha siyaasadda.

Rajada ah in kacdoon dadweyne lagu af-gambiyo Sadaam Xuseen aad ayay u yar tahay oo lagama yaabo in inta ay dadweynuhu gadoodaan ay Sadaam Xuseen ku bedelaan dad ay iyagu soo doorteen. Sannadkii 1991kiii markii uu kacdoonku ka dhacay dhinaca koonfurta Ciraaq ee ay ciidamada Maraykanku ka baaqsadeen in ay dadkaasi bedbaadiyaan, waxa uu Sadaam Xuseen dhagta dhiiga u daray kumaankum dad ah oo rayid ah si uu u soo af-jaro kacdoonkaasi. Sannadkii 1995kii iyo 1996kii markii uu dhacay gadoodkii ay CIA-da Maraykanku soo abaabushay ee haddana ay ciidamada Marykanku xagga cirka ka taageerayeen, ayuu Sadaam aamusiiyay gadoodkaasi. Hadaba iyaga oo ka tilmaan qaadanaya dhacdooyinkaasi, lagama yaabo in mucaaradka ama dadweynaha guduhu ay ku dhaqaaqaan oo ay hirgaliyaan codsiga Maraykanka ee ku aadan in la af-gambiyo Sadaam Xuseen.

Qorshaha qudh ah ee dawladda Maraykanka u banaani waxa weeyi in marka ay Ciraaq qabsato ay xukunka u dhiibto Sargaal ka tirsan ciidamada Maraykanka oo uu Ciraaq u xukumo sidii uu Jen. Douglas MacArthur u xukumay Jabaan kadib markii ay is-dhiibtay Dagaalkii Labaad ee Dunida 1945kii. Haddii uu Maraykanku sidaa yeelo waxa ay ciidamadiisu awood u yeelanayaan in ay meelkasta oo hubka halista ahi yaalo ay burburiyaan, Ciraaqna ka dhigtaan meel ay dawladaha jaarka ah ka ilaashadaan oo ay waliba qorshahooda la dagaalanka argagixisada ka hogaamiyaan.

Top


Wararka Dibadda

Qadaafi Oo Sheegay Inuu Maraykanka Ku Taageerayo La Dagaalanka Argagixisada

Tripoli (W. Wararka) Hogaamiyaha Liibiya Mucamar Qadaafi ayaa sheegay inay dawladiisu Maraykanka gacan ku siinayso la dagaalanka argagixisada, gaar ahaan ururka Al-Qaacida ee uu hogaamiyo Usaama Binu Laadin.

Sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay wargeyska New York Times oo lagu wado in maanta la daabaco, sirdoonka Liibiya iyo Maraykanka ayaa isweydaarsaday macluumaad ku saabsan Al-Qaacida iyagoo iska kaashanaya la dagaalanka argagixisada.

Waxa uu intaa ku daray Qadaafi iskaashigaasi waxa uu keenayaa in lala dagaalamo lana dabarjaro argagixisada, iyadoo aan laga noqonayn arrintaasi, isagoo rajeeyay in ay taasi keento xidhiidhka Liibiya iyo Maraykanka oo soo hagaaga, siina horumara.

"markii aanu dagaalka xoreynta ku jirnay, waxaanu ahayn qaar aan soo laaban, haddana waxa yimid wakhtigii nabada, waxaanan doonayaa inaan qayb ka noqdo nabad raadinta caalamiga ah" ayuu yidhi Mucamar Al-Qadaafi isagoo intaa ku daray in taageerada balaadhan ee uu ururka Al-Qaacida ka helayo Islaamka inay taasi halis ku tahay dawladiisa, islamarkaana in xubno Al-Qaacida ahi ay isku dayeen dilkiisa.

Waxa uu Qadaafi Cadeeyay in Al-Qaacida aanay ka waabanayn inay weeraro cusub ku qaadaan Maraykanka marka ay fursad u helaan.

Top


Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Oo Booqasho Ku Tagay Iiraan

Tehran (W. Wararka) Ra’iisal wasaaraha Turkiga Cabdalla Quul ayaa booqasho ku tagay dalka Iiraan maalintii shalay taasoo qayb ka ah wada tashiyo uu madaxda gobolkaasi kala leeyahay arrinta Ciraaq.

Muddada uu joogo dalka Iiraan waxa uu wada hadalo la yeelanayaa madaxda Iiraan, si gaar ahna waxay isku arkayaan madaxweyne Maxamed Khaatami.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay ka wada hadlayaan madaxda Iiraan waxa ugu horeysa xaaladda dalka Ciraaq, si looga badbaado dagaal dhexmara Ciraaq iyo qaramada midoobay.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, waxa kale oo labada dhinac isla soo qaadi doonaan iskaashiga gaar ah ee dhexmari kara labada dal.
Labada dawladood ee Iiraan iyo Turkiga oo ay ku nool yihiin dad kurdiyiin ahi waxa ay ka baqayaan in xaaladda Ciraaq ay keento dawlad gaar ah oo ay leeyihiin Kurdiyiintu, taasoo halis ku ah deganaashahooda.

Dawladda Iiraan iyadu waxa ay si gaar ah uga cabsi qabtaa Maraykanka oo ciidamo ku soo ururinaya gobolka Khaliijka, una diyaar garoobaya dagaal uu ku qaado dalka Ciraaq, iyadoo uu labada dal ee Iiraan iyo Maraykanka ay colaadi u dhaxaysay muddo dheer.
Dhinaca kale madaxweynaha suuriya Bashaar Al-Asad ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago dalka Iiraan maalinta arbacada ah.

Waxa kale oo Iiraan booqday wasiirka arrimaha dibadda ee Kuwayt Sh. Sabaax Al-Axmed Al-Sabaax maalintii shalay.

Arrimahana waxay qayb ka yihiin wada tashiyada ay dalalka gobolkaasi ka leeyihiin xaaladda Ciraaq.

Top


Ra’iisal Wasaarayaasha Ingiriiska iyo Jarmalka oo ka Wada Hadlay Xaaladda Ciraaq

Berlin (W. Wararka) Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Tony Blair oo haatan booqasho ku jooga dalka Jarmalka ayaa wada hadalo ku saabsan xaaladda Ciraaq la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Jarmalka Gerhard Sharodar, iyagoo is weydaarsaday mawaaqifta kala duwan ee ay dalalkaasi ka leeyihiin xaaladda Ciraaq.

Sida uu sheegay afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Jarmarka kulanka labada masuul dhexmaray waxa uu ahaa mid gaar ah oo albaabadu u xidhanyihiin, iyadoo waxyaabaha kale ee ay isla soo qaadeen ay ka mid ahayd xaaladda midawga Yurub.

Labada dal ee Jarmalka iyo Ingiriiska ayuu soo dhexgalay ismaandhaaf ku saabsan xaaladda Ciraaq iyo cuna-qabataynta lagu hayay muddada dheer, laakiin mawqifka labada dal waxa uu isku soo dhawaaday tan iyo markii ay qaramada midoobay soo saartay qaraarka uu lambarkiisu yahay 1441 oo Ciraaq ugu baaqayay inay burburiso hubkeeda halista ah.

Ra’iisal wasaaraha Jarmalka ayaa isagu ka soo horjeeday dagaalka uu Maraykanku horkacayo ee lagu hayo Ciraaq, iyadoo uu Ingiriiskuna aad u taageersanaa in la weeraro Ciraaq.

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska waxa lagu wadaa inuu maanta u duulo dalka Maraykanka, isagoo wada hadalo arrinta Ciraaq ku saabsan la yeelanaya Madaxweynaha Maraykanka George W. Bush.

Top


Afar Qof Oo Afrikaan ah ayaa loo haystaa Fal Argagixiso

London (W. Wararka) Afar qof oo asalkoodu ka soo jeedo woqooyiga Afrika ayaa Maxkamad lagu soo taagay dalka Ingiriiska, iyadoo loo haysto falal Argagixiso.

Afartaa qof oo ay booliska Ingiriisku ku qabteen kiimiko sun ah, iyagoo ku haysta guri ku yaala waqooyiga London, todobaadkii tagay.

Sida ay sheegeen booliska Ingiriisku suntan waxa loo qabqabtay 7 qof oo dhamaantood ka soo jeeda waqooyiga Afrika, iyadoo gacanta lagu hayo baadhitaanka arrintaas.

Marka laga reebo afartan qof waxa kaloo jira saddex qof oo asalkoodu Carabta waqooyiga Afrika yahay waxa arrintooda si gaara u baadhaya ciidamada nabad sugida Ingiriiska.

Arrintan oo loo malaynayo inay lug ku leedahay hawlo argagixiso oo laga fulin lahaa dalka Ingiriiska.

Waxa aan cadayn inuu arrintan lug leeyahay ururka Al-Qaacida, balse booliska Ingiriisku waxay muujiyeen sida ay arrintaasi shakiga uga qabaan, iyadoo ku soo beegantay xiligan oo uu Ingiriisku isku diyaarinayo ka qayb qaadashada weerar lagu qaado Ciraaq. 

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 65aad

Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga

Ganat: Dilka boqorka waxa la leeyahay adigu gacan baad ku lahayd, dacwad caynkaas ahna waa lagugu soo oogay, taas miyaad diidan tahay?

Mingistu: Dacwadda beenta ah ee la igu soo oogay sidee baan u aqbali karaa, Takale dhimashadii boqor Xayle Salaase cid ka hadlini ma jirto, ma aha aniga oo qudha cidda ka hadashay, laakiin hadii aanu nahay ragayagii maamulkii hore wax kasta anagaa nala saaraa, gaar ahaan anigaa la saaraa wixii dalka ka dhacay oo dhan, ka dib markii aan dalka ka tegay ayaana waxaas oo dhan la sheeg-sheegay, hase yeeshee intii aan dalka ka tegay waxa dalka dhacay dembiyo badan oo aanay ciddinaka hadlin, tusaale ahaan waxa laygu yidhi janaraal Adnaafu Yahaadhiigu inta ay u galeen ayey sun cabsiiyeen, waxaana sidaa sheegay baa la yidhi nin shaqaale ka ahaa madaxtooyada. Sidoo kale marka la ii sheegayey in la dilay janaraal Adnaafu waxay wararka qaar lahaayeen barkimo ayey ku cabudhinayeen oo ay ku bakhtiiyeen.

Buugga uu qoray ninka la yidhaahdo Daawit waxa ku taal nin askari ah ayaa amar lagu siiyey inuu dilo Adnaafu, waxaana la yidhi markii la dilay waxa maydkiisii lagu aasay kursigii uu ku fadhiyey hoostiisa, taasina waa wax aad iyo aad loola yaabo.

Marka laga hadlayo maamulkii jiray kacaanka ka hor anigu maan ahayn nin la gumaysan jiray sida ay dadka qaar ku waramaan ama ku sheekeeyaan ee waxaan ahaa nin nolol fiican ku nool, mana jirin wax noloshayda gaarka ka dhiman, waayo waxaan ahaa nin si xor ah u nool, laakiin hadii laga tegi waayo waxa suurta gal ah inaan waxoogaa cuqdad ah ka qaado taliyayaashii iga sareeyey ee ii diidi jiray inaan jaamacado galo oo wax barto. Hase yeeshee colaad gaar ah oo aan boqorka u hayey may jirin, sidoo kalena may jirin wax gaar ah oo dhibaato ah oo na dhex-maray aniga iyo boqorka. Ta kale boqorka markii aanu xilka ka wareejinay ma jirin dariiq ama awood uu waxyeelo ugu geysan karayey maamulkayagii, sidaa darteed may jirin sabab nagu kelifaysay inaanu khaarajino boqorka.

Ganat: Xubnihii dhergigu markii ay maqleen dhimashada boqorka dareen caynkee ah ayey ka bixiyeen?

Mingistu: Horta dhimashada boqorka aniga waxa ii soo sheegay kornayl Daaniyal, laakiin xubnihii dhergiga markii loo soo sheegay geerida boqorka intooda badani waxay yidhaahdeen "Allaylehe baga ayuu inoo dhaafay, isla markaana dhimashada boqorka wax weyn lagama soo qaadin, waayo meel walba dadka reer Itoobiya xiligaa waa ku bakhtiyey, maxaa yeelay maailn walba dadku xanuun ama gaajo ayey u le’anayeen. Tusaale ahaan maalin walba ugu yaraan askar baa dhiman jirtay, taas darteedna waxa dhiman jiray ama dhintay askar ciidaa ka badan, qaar kale o askar ahina waxa batay dhaawacooda. Sidaa darteed maadaama ay maalin walba na soo gaadhi jirtay sheeko ah hebel baa dhintay, dhimashada boqorkuna sidaas oo kale ayuun bay ahayd oo laguma sasin geeridiisa, laakiin waxa keliya ee la iswaydiiyey waxay ahayd "Maxaynu yeelnaa", iyadoo la iswaydiinayo sida boqorka loo aasayo, way jireen qaar farxad darteed qaylin gaadhay, laakiin farxadda lagu farxo dhimashada qof bini-aadan ah runtii waa arin qadhaadh, loomana baahna, isla markaana waxaan ku idhi xubnihii dhergiga ‘Sababtaa aan idiinku sheegay ma ahayn inaad ku faraxdaan, laakiin waxay ahayd inaan idinla socod siiyo geeridiisa".

Ganat: Adigu markii laguu sheegay geerida boqorka maxaad dareentay?
La soco cadadka dambe.

Top


Waadiga Ciyaaraha

Ronaldo oo shiishka la helay yoolka ay Real Madrid kor ugu hinqatay

Kooxda Real Madrid, ayaa hanatay Saddex dhibcood oo dahaba kadib markii ay 1-0 kaga badisay kooxda Celta Vigo ciyaar dhexmartay sabtidii. 

Guusha ay ciyaartaa ku guuleysatay, wuxuu kooxda Real Madrid gaadhsiiyay halka ugu sareysa kala horeynta kooxaha Isbaanishka ee loo yaqaan (Spanish Liga).

Ronaldo oo ah ciyaaryahanka dhaliyay goolka ay guushu ku raacday Real Madrid, ayaa noqday weeraryahanka shiishka la helay yoolka ay Real higsaneysay tartankaas oo ay halka ugu sareeya tagtay.

Bilowgii ciyaarta shan daqiiqadood ayay ku qaadatay kooxda Real Madrid, in ay ku helaan gacan ku haynta ciyaarta, taas oo ku timid kooxda Celta oo difaaca xidhatay si ay iskaga caabiyaan isku dhiibdhiibka gaagaaban ee ay ku ciyaaraysay kooxda Real Madrid.

Weerar is-daba joog ah ayay kooxda Real ku qaaday goolka Celta, ciyaaryahanka Raul ayaa laad toogasho kubadeeda la tiigsaday goolka Celta. Salgado, ayaa isna sidoo kale beegsaday inuu kubadda daba mariyo goolwalaha Celta. Mar saddexaadkii ayay Flavio iyo Roberto soo unkeen isku dhiibdhiib kubadeed, kubadaas oo uu Raul u gudbiyay Ronaldo oo isaguna ku gujiyay shabagga goolka Celta, kadib markii uu si fiican u maamulay goolhayaha Celta oo ka badbaadiyay goolka Celta laadkii hore ee Ronaldo.

Inkasta oo ay kooxda Real Madrid ahayd mid ay ciyaartoydeeda uu iskaashigooda aad u wanaagsan yahay difaac iyo weerarba, haddana waxaa dhinaca weerarka aad uga dhex muuqday Ronaldo iyo Raul.

Qaybtii dambe ee ciyaarta dhexmartay Real Madrid iyo Celta Vigo kamuu muuqan isbedel badan oo ciyaareed oo ay kaga duwan tahay qaybtii hore ee ciyaarta, waxaase aad uga dhex muuqday dhinaca Real, Raul oo isku xidhayay difaaca iyo weerarka kooxdiisa. Waxaanay qaybtii dambe ee ciyaarta kooxda Real weeraro ayay ku eekaysay goolka Celta, waxaana ka mid ahaa weerarka Ronaldo oo kubad kala soo galay dhinicii uu ka ciyaarayay Roberto Carlos. Markii uu Ronaldo qadar soo laba lugoodiyay kubadda, ayuu kubadda ugu gudbiyay qaab korubooda ah oo uu ku dulmariyay Caceres, si uu ugu hubsado Raul oo ka ciyaarayay lambarka 7aad oo madaxa la haleelay kubad sigtay goolka Celta.

Tababaraha kooxda Real Madrid, Jesul, ayaa tijaabadiisii ugu dambeysay ee uu ku dardar gelinayay ciyaaryahanada kooxdiisa, wuxuu ku nasiyay ciyaarta Makelele, waxaanu soo geliyay Cambiasso. Flavio ayaa helay fursad uu ku hawaysto inuu gool dhaliyo, hase yeeshee waxaa kubaddii uu soo laaday Flavio ka badbaadiyay Celta, goolhayahooda. Sidaa ayaa Real Madrid dhinaceeda ku marsatay saddexdii dhibcood ee ciyaartaas, kuwaas oo Real Madrid u noqday salaankii ay ku fuushay rakada sare ee kala horeynta kooxaha ee tartanka Liga ee Spain.

Ciyaartaa, waxaa lagu ciyaarayay garoonka Balaidos, waxaana Garsoore ka ahaa Carmona Mendez oo gool uu dhaliyay Raul daqiiqadii 15aad ku tilmaamay off-side.

Top


Ingiriiska Oo Ka Noqday Martiqaad Ciyaareed Oo Lagu Martiqaaday Zimbabwe

Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Ingiriiska (FA), ayaa joojiyay in ay kooxdiisu tagto martiqaad ciyaareed oo ay hore ugu tagi lahaayeen dhinaca dalka Zimbabwe ee Afrikada Koonfureed.

Martiqaadkaas oo ay kooxda Ingiriisku soo mari lahayd dalka Zimbabwe, si ay ula yeelato ciyaar saaxiibtinimo, kadib bisha May ee soo socota oo ay kooxda Ingiriisku dalka Koonfur Afrika ku yeelan doonto ciyaar saaxiibtinimo.

Ku-simaha Agaasimaha Fulinta ee Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Ingiriiska, David Davies, ayaa sheegay in martiqaadkaas si degdeg ah loo joojiyay.

Duruufaha siyaasadeed ee dul heehaabaya Zimbabwe, ayaa sabab u ah in loo arko in booqashada ciyaarta saaxiibtinimo ee Xulka reer England aanay xilligan qaalibnayn in ay tagaan Zimbabwe.

Kooxda ciyaarta ciyaarta Kiriketka (Cricket) ee England, ayaa hore ula kulantay kulamo ay yeelan lahayd oo la joojiyay.

Top


Manchester United oo ku dhawaatay Arsenal oo hogaanka u haysa kooxaha Ingiriiska

Manchester United, ayaa cagta-cagta u saartay kooxda Arsenal oo hogaanka u haysa tartanka hoyaalka kooxaha Ingiriiska, kadib markii ay Manchester 3-1 kaga adkaatay kooxda West Borm oo safka u hooseeya kaga jirta tartankaas. Saddexda gool ee Manchester United, waxaa u kala dhaliyay Paul Scholes, Ruud Van Nistelrooy iyo Ole Gunnar Solskjaer.

Kooxda West Ham iyo Newcastle, ayaa iyagu barbaro 1-1 ay ciyaartoodu ku dhammaatay.
Leeds United, ayaa 2-1 ay ku kala calaf-qaadeen kooxda Manchester City.

Chelsea ayaa 4-1 ku hafisay kooxda Charlton. Jimmy Floyd ayaa daqiiqadii 3aad ee ciyaarta goolkii u horeeyay u dhaliyay kooxda Chelsea, halka lix daqiiqadood kadib uu goolkii labaad ee Chelsea uu u saxeexay William Gallas. Goolka saddexaad ee Chelsea, waxaa dhaliyay Eidar Gudjohsen, waxaa goolka afraadna u dhaliyay Graeme Le Saux.

Dhinaca Charlton, gooka qudha ee ay dhalisay waxaa u saxeexay Jason Euel.

Southampton, ayaa barbaro kula noqotay Middlesbrough laba gool oo uu dhaliyay Jame Beattie.

Bolton iyo Fulham, ayaan iyagu wax goolala kala dhalin ciyaartii dhexmartay oo 0-0 ku dhammaatay.

Sunderland iyo Blackburn, ayay ciyaartoodu iyagana barbaro ku dhammaatay, iyadoo kooxda Sunderland Saddex guuldarro oo xidhiidha kala kulantay ciyaarihii horyaalka Ingiriiska ee ay ciyaarto.

Top


Ciyaaraha Horyaalka Dhallinyarada Afrika

Kooxda ku ciyaaraysay magaca dhallinyarada Masar, ayaa u soo gudubtay afarta kooxood (Semi final) ee isugu soo hadhay koobka horyaalnimada ciyaaraha kubadda cagta ee dhallinyarada Afrika, waxaanay Masar kaalintaa u soo baxday kadib markii ay sabtidii 4-0 kaga adkaatay kooxda dalka Marooko, ciyaar ka dhacday Ougadougou ee dalka Burkino Faso.

Ciyaaryahanka Ibraahim Emad ee reer Masar, ayaa fure u ahaa guusha ay Masar kaga adkaatay Ciyaartaa wadanka Marooko, waxaanu daqiiqadii 19aad ee ciyaartaa Ibraahim Emad ka faa’iidaystay khalad uu galay goolwalaha Marooko, halkaas oo ay ciyaartu ku noqotay 1-0 ay Masar xadhiga ugu qabatay ciyaartaas. Isla Emad, ayaa goolkii labaadna u dhaliyay Masar, daqiiqadii 41aad ee ciyaarta. Axmed Saciid, ayaa isna saddexeeyay goolashii ay Masar ku jiidhay Maroko, goolkaas oo ahaa darbad toos uga gashay goolka Kooxda Maroko cidhifka midig ee shabaga.

Faud Toum, ayaa ciyaarta dibadda looga saaray kooxda Marooko oo 10 ciyaartoy ku ciyaaraysay dhammaadkii ciyaarta.

Axmed Shoubeir oo ahaan jiray kabtanka kooxda Masar iyo goolhaye, ayaa sheegay in kooxdiisu ay ku faraxsantay in ay u soo gudubtay afarta kooxood ee kama dambaysta u loolamaya koobka horyaalnimada dhallinyarada Afrika.

Mr. Shoubeir oo arrintaa ka sii hadlayaa, waxa uu yidhi; "4-0, rikoodhkan wuxuu na siinayaa kalsooni buuxda oo muujinaysa horumar, waxay ahayd sannado badan wakhtiga ay Masar ku guul daraysatay in loolanka ciyaareed ay kaga adkaato Marooko."

Axmed Shoubeir, hadda waa xubin ka tirsan kubadda cagta ee Masar iyo Madaxa Guddiga tartanka u qaabilsan Masar.

Dalka Ivory Coast, ayaa isna u soo baxay semi-finalka ciyaaraha horyaalnimada dhallinyarada Afrika, kadib markii uu kooxda Ghana ku reebay 3-2 oo ay guushu ku raacday wadanka Ivory Coast, ciyaartaas oo ka dhacday Bobodioulasso.

Top


Alex Ferguson oo gashaanka ku Dhuftay in naadigiisu uu fadhiisiyay Giggs

Alex Ferguson, Madaxa Naadiga Manchester United, ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday war sheegay in Naadiga Manchester United uu iska fadhiisiyay ciyaartoyga Ryan Giggs.

Ferguson, wuxuu sheegay in aan kooxdiisu ka maarmin xidiga Ryan Giggs, hase yeeshee uu la fadhiyo dhaawac hore u gaadhay.

Gigs oo uu waji dadab kaga yimid dhinaca Naadiga Manchester United, xataa kamay muuqan safka ciyaartoygda kaydka ah, ciyaartii ay Man United ee ka dhacday Hawthorns.

Kaaliyaha Maamulaha Naadiga Manchester United, Mr. Carlos Quieroz, ayaa ku taliyay in ciyaartoygan Ryan Giggs ee ka ciyaara baaluhu uu u baahan yahay nasasho, laakiin maamule Ferguson ayaan ku qancin maqnaanshaha uu Giggs ka maqnaaday jadwalkii hab-dhaqanka ciyaartoyda ee Naadigiisa, waxaanu yidhi Ferguson: "Giggs jilib ayaa wareegay, si toosa," waxaanu maamulaha Man United doorbidday inuu ka hadlo guulaha ay kooxdiisu gaadhay, isagoo yidhi; "Waxaanu ciyaarnay waxoogaa ciyaar wanaagsan ah qaybo ka mid ahaa ciyaartii wakhtiyadii kale ee ciyaartaas dhexdeeda kooxda West Brom fursad noomay siin in aan si wanaagsan isula helno ciyaar wanaagsan, kooxdayadu waxay muujiyeen in awoodooda kooxeed ay wanaagsan yihiin, waa markii u horeysay 16 sannadood iyo badh ee aan ciyaartoyda kooxdayda aan geeyo Howthorns, waxaan rajaynayaa dhaqankaa soo jireenka ah ee taariikhiga ah inuu ku lamaanaado ciyaaraha horyaalkan."

Madaxa kooxda Albion Mr. Gary Megson, ayaa isna yidhi; "Run ahaantii, waxaa noo taalla inaanu kala doorano laba, in aanu ka jeesano oo aanu nidhaa ma loolami karo iyo in aanu waji adaygno oo aanu sida ugu wanaagsan uga qayb-qaadano tartanka."

Top