BADHEEDHAHA WARGEYSKA
Madaxweyne Rayaale Iyo Weftigiisii Oo Beri Dalka Dib Ugu Soo Laabanaya
Mudanayaal Golaha Wakiillada Ah Oo Ka Warbixiyay Safarro Ay Ku Soo Mareen Dalal Afrika Ah
Odayaasha Guurtida Iyo Saddex Xisbi-Siyaasadeed Oo Kulan Foodda Is-Daray
Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Cambaareyn UDUB U Jeediyay
"Nin Waliba Ninka Uu Jecel Yahay Wuu La Doonayaa Inuu Xilka Qabto, Laakiin Anigu..."
Tolow Colka Jooja!!
Masuul Sare oo lagu dilay Yemen
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Diblomaasiyadda Iyo Habmaamuska
Hadalka Muuse Biixi Maaha Mid Waddaninimo Ah
Doorkan Waa Inaan Dayaxa Aadnaa
RAADYOW MA QALOOCSHE
DAYMADDA DARYEELKA DEEGAANKA
Waadiga Ciyaaraha
Maamulaha Arsenal oo Salaan Aad U Qaaliya Gudoonsiiyay Thierty Henry markii uu Dhaliyay Goolkiisii 100aad
Miroslac Klose Oo Ku Biiraya Manchester United
Milan Oo 2-0 ku Qarqisay Kooxda Bologna |
|
Haddii Shuruuc Halbowle Ahi Ay Xiligan Qabyo Tahay Yaa Eedeeda Leh?
Golayaasha sharci dejinta waa laf-dhabarta soo saarista iyo ansixinta shuruuc kala hagta nidaamka qaranimo iyo hadba isbedelada yimaada ee ku sargo’an duruufaha dalka.
In kalgacal ay dadka u qabaan in la saaro masuuliyad waa arrin aan waqti dheer u baahnayn in lagaga jawaabo inta badan dadka mudakar ah ee reer Somaliland in ay soo dhawaynayaan, haddii qof loo magacaabo in uu qabto masuuliyad sida mudane sharci dejineed (Wakiilada iyo Guurtida), hadana haddii la soo qaado xisaabtan in la fuliyay hawsha loo xilsaaray waxa dhici karta in aanay intooda badan dadka hadda haya xilalkaasi ay u arkaan su’aal lagaga gardaran yahay, marka waqtigan la eego Somaliland maanta sagaal cisho oo qudha ayaa ka hadhsan xiligii loo asteeyay in la qabto doorashooyinka xisbiyada ee u tartanka jagooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka oo ah lamaane, isla todobaadkana waxaa jiray muran ah yaa ku dhawaaqi kara maalinta doorashooyinka?
Cidaasi sharci ma u leedahay in ay asteeyaan xiliga doorashooyinkaas? Maxaa looga wareegayaa haddii ay xiligaa doorashadu dhici waydo?
Haddii uu ka dhaco xiligii talada loo igmaday hogaanka golaha xukuumadda ee hadda talada haya sifahee ayay xukunka ku sii haynayaan?
Dhamaan su’aalahan waa kuwo ay ka muuqato inaanay jirin shuruuc si cad oo waafi ah u qeexaysa jawaabtoodu, waxaa markaa ay muwaadiniinta Somaliland xaq u leeyihiin in ay isweydiiyaan yaa shaqadaa u qaabiilsanaa qaranka Somaliland? haddii shaqo gudasho la’aantaa ay dhibaato kala soo deristo maxaa sharci u yaal in lagula xisaabtamo cidii muujisay qayru-masuulnimadaa? Sida ay u muuqata cida shaqadaa iska lehi waa golayaasha sharci dejinta ee Somaliland, marka loo gudbo xeer inuu u yaallo haddii ay dhibi kaga timaado umadda reer Somaliland shaqadooda ay gudan waayeen iyana waa mid jawaabteeda ay u taal hay’adda sharci fulinta iyo garsoorka ee Somaliland, guud ahaanse waxaa la dareemi karaa in ay jirto jawi aan inta badan Somaliland si dhaba loo baadhin ama aan ahmiyad weyn la siin la xisaabtanka masuul, arrintani waa mid ku biyo shubanaysa weeydeynta danta guud ee umadda taas oo ka mida sababaha keena in aanay hirgelin qaybo badan oo ah hawlo dhumuc baaxad leh u yeeli laha nidaamka dawliga ah iyo fulinta danaha qaran ee Somaliland, u kas ha ahaato, ama cudur daaro ha sheegten hay’adaha shuruuc dajinta u qaabilsan Somaliland waxaa haboon in ay qayb waliba fuliso hawlaha ay qaranka u xilsaaran tahay si aanay u soo bixin su’aalo aan jawaabahoodu sharciyan diyaar ahayn sida ay hadda u muuqato in aanay qabyo tirnayn farsamo isbedelka hab dhaqankii siyaasadeed ee Somaliland uu ugu guuri lahaa kii loo qorsheeyay xiligan.
Top
Madaxweyne Rayaale Iyo Weftigiisii Oo Beri Dalka Dib Ugu Soo Laabanaya |
Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Weftigii uu hogaaminayay oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa lagu wadaa in ay maalinta beri ah ku soo laabtaan dalka, kadib markii ay u soo dhammaatay booqasho 24 saacadood ahayd oo ay ku tageen dalka Senegal.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo maalintii sabtidii ka soo ambabaxay caasimadda dalka Senegal ee Dakar, waxay soo mareen caasimadda dalka Mali ee Bamako, halkaas oo uu ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Mali, Mudane Lassana Troare iyo madax kale oo ka tirsan Dawladda Mali.
Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland, Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay soo gaadheen magaalada Addis Ababa maalintii dorraad, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynuhu, waxa uu kulamo la yeeshay muddada uu ku sugnaa Addis Ababa, Danjirayaasha Addis Ababa u fadhiya dalalka Yemen, Musambiik, Ruushka, Jarmalka iyo Sucuudiga, isagoo kala xaajooday danaha ka dhexeeya Somaliland iyo dalalkaasi.
Waxaanu Madaxweynuhu, Danjirayaashaasi u bandhigay qadiyadda Somaliland iyo arrimaha ay Somaliland u baahan tahay in wax lagala qabto, si gaar ahna sidii ay Dawladda Sucuudigu xayiraadda uga qaadi lahayd dhoofka xoolaha iyo wixii kale ee ay inagu taageeri karaan.
Top
Mudanayaal Golaha Wakiillada Ah Oo Ka Warbixiyay Safarro Ay Ku Soo Mareen Dalal Afrika Ah |
Hargeysa (Haatuf): Xubno ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo dhawaan ka soo laabtay dalalka bariga iyo badhtamaha Afrika ee Yugaandha, Ruwaanda iyo Itoobiya, ayaa fadhigii Golaha ee shalay uga xog-waramay waxyaabihii ay ku soo arkeen Baarlamaanada dalalkii ay booqdeen.
Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa mudanayaasha Golaha uga sheekeeyay sida ay u dhisan yihiin ama ay u shaqeeyaan mudanayaasha Baarlamaanadii ay booqdeen, isagoo arrintaa ka hadlaya, waxa uu yidhi: "Saddexda dal ee aanu tagnay, waxay leeyihiin Baarlamaan leh gudiyo joogto ah oo hawshooda guta." Laakiin maaha kuwo sideena muran iyo booq ku dhameeya wakhtigooda, ayuu raaciyay Mudane Faratoon, wuxuuna intaa ku daray in ay jireen gudiyo wax walba ku soo bisleeya debeda ka hor inta aan la hor keenin golaha, taas oo uu sheegay in ay ka qaybqaadato Siyaasadda iyo horumarka dalalkaa, badanaa shaqadeena waxa dib u dhaca ku keena buuqa, laakiin waxaanu soo aragnay Baarlamaano dhisan oo ay dawladdu ka baqdo iyo Baarlamaan shicibku ka adag yahay ayuu yidhi Xidhibaanku, wuxuuna intaa raaciyay in ay taasi keentay in Maamulku furfurmo oo ay dumuqraadiyaddu hoos u daadegto. Maamulku ma daadegayo haddaan hoos loo daadejin ayuu yidhi Xildhibaanku.
Mar uu ka hadlayay dhinaca dalka Ruwaanda, wuxuu sheegay inuu dalkaasi yahay mid ay ka dhaceen xasuuqyo farabadani, iyadoo la xasuuqay dadka tirada yar ee sheegta in ay ka soo jeedaan Soomaalida, laakiin markii Dawladda la wareegeen ay sameeyeen aargoosi, balse ay dunidu soo dhexgashay oo la sameeyay dib u heshiisiin iyo in dadka ka qaybqaatay xasuuqyadii Maxkamadda la horgeeyo, iyadoo uu xusay in markii ay tageen ilaa 120,000 oo qof ay ku jireen jeelasha, kuwaas oo loo haystay in ay ka qaybqaateen xasuuqyadii ka dhacay Ruwaanda.
Mudanayaashan oo dalalkaa u tegay badhtamihii November ee sannadkii dhammaaday, waxay ujeedada safarkoodu ahayd sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen habka iyo nidaamka ay u shaqeeyaan Xildhibaanada dhigooda ee dalalkaas, iyadoo ay hay’adda UNDP bixisay kharashkii ku baxayay Siminaarada ay Mudanayaashu ku tageen wadamadaa badhtamaha iyo bariga Afrika.
Top
Odayaasha Guurtida Iyo Saddex Xisbi-Siyaasadeed Oo Kulan Foodda Is-Daray |
"Waa In Xilliga kala-guurka dawlad Wadaag ah la dhiso"
"Arrintaasi waxay u taallaa Madaxweynaha"
Hargeysa (Haatuf): Guddi ay golaha Guurtida Somaliland u xilsaareen inay xog-waraysi la soo yeesheen xisbiyada siyaasadda iyo masuuliyiin ka kala socda saddexda xaisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ayaa shalay kulan ku dhexmaray xarunta golaha Guurtida, halkaas oo ay isku dhaafsadeen xog-waraysiyo iyo talooyin la xidhiidha marxaladda siyaasadeed ee dalka.
Kulankaasi waxa uu ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo ay saxaafaddu debedda ka joogto, isla markaana waxa uu qaatay muddo dhawr saacadood ah. Hase yeeshee gudoomiyaha golaha Guurtida mudane Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf oo ay weriyayaal Haatuf ka tirsani la kulmeen dhamaadkii shirka ka dib ayaa sheegay inay Guurtida iyo axsaabtu isla af-garteen arimihii ay ka wada hadleen, isla markaana ay masuuliyiintii dhinaca xisbiyada ee kulankaa ka soo qayb galay guurti ahaan ka dhegaysteen wixii afkaar iyo talo ah ee ay hayeen.
Sidoo kale masuuliyiinta saddexdaa xisbi ee kulanka ka qayb galay ayaa dhamaadkii shirka ka dib saxaafadda waxoogaa ifrtiimin ah ka siiyey jawigii wada hadalka, waxayna muujiyeen waxoogaa rajo ah oo dhinaca isu soo dhowaanshaha ah mawduuca meesha yaal ah.
Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo ka mid ahaa masuuliyiinta ururkiisa uga qayb galay shirkaa ayaa mar wax laga waydiiyey sida uu u dhacay kulanka dhexmaray axsaabta iyo xubnaha golaha Guurtida ayaa sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah uu dhexeeya axsaabta iyo Guurtida, laakiin Axmed-Siilaanyo waxa uu intaa raaciyey inay xisbiyadu dhinacooda farsamo ahaan u kala aragti duwanaayeen xiliga ay ku haboon tahay doorashadu, taasna ay hadda isku aragti ka noqdeen.
Gudoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu sheegay inay hore labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID u soo jeediyeen in waqtiga doorashada dib loo dhigo, laakiin uu xisbiga UDUB taa kaga duwanaa, balse uu UDUB hadda garwaaqsaday inaanay doorashadu ku qabsoomi karin mudada yar ee hadhay, wuxuuna gudoomiyaha KULMIYE sheegay inay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID talo ahaan bandhigeen inay doorashadu ku haboon tahay bisha May oo ku began xiliga Gu’ga, isaga ooa sababta ay sidaa ugu taliyeena ku tilmaamay inay xiliga Gu’ga codaan karaan dadka reer Guraaga ahi, maadaama ay xiligaa fursad hayaan oo aanay guur-guurayn.
Axmed-Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay inay ku taliyeen ama ay dal-badeen inay xisbiyadu u sinaadeen awoodda iyo dhaqaalaha dalka si ay buu yidhi ay doorashadu u noqoto mid cadaalad u dhacda, taasina waxay ku imanaysaa ayuu yidhi "Dawlad wadaag ah oo la dhiso waqtiga kala guurka."
Gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali-waraabe oo isna ka mid ahaa masuuliyiinta xisbigiisa shirkaa uga qayb galay ayaa isna sheegay inay KULMIYE iyo UCID hore u soo jeediyeen in doorashada dib loo dhigo, laakiin uu xisbiga ku adkaysanayey inay xiligeeda dhacdo ahaa UDUB, laakiin uu UDUB hadda garwaaqsaday inaan laga gaadhsiin karayn, isaga oo intaa ku daray inay Guurtida u bandhigeen sababaha aan looga gaadhsiin karayn iyo xiliga ay ku haboon tahayba, sidaa darteedna Faysal Cali-waraabe wuxuu sheegay inay u arkaan inay doorashadu ku haboon tahay xiliga Gu’ga ee bisha May iyo sidoo kale inay soo jeediyeen ama dal-badeen inay xisbiyadu u sinaadaan awoodda iyo dhaqaalaha, lana helo dawlad wadaag ah si loo helo ayuu yidhi doorasho cadaalad ah.
Ismaaciil Mire oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii xisbiga UDUB uga qayb galay kulankaa ayaa sheegay inuu UDUB ka tanaasulay aragtidii ahayd in doorashada la qabto xiliga distoorku hore u cayimay, wuxuuna isaga oo taa ka hadlaya yidhi " Xisbiga wuu ku adkaa in doorashada xiligeeda la qabto, laakiin maadaama uu hadhay waqti aad u yari waanu ka tanaasulay aragtidii hore", laakiin Ismaaciil Mire mar la waydiiyey waxa uu xisbigiisu ka qabo aragtida labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ee ah "Waa inay xisbiyadu dhisaan dawlad wadaag ah" wuxuu ku jawaabay "Arintaasi waa arin distooriya oo u taal Madaxweynaha hadii uu xisbiyada ka qayb gelinayo dawladda iyo hadii kaleba."
Guurtidu waxa kale oo ay maanta la kulmayaan saddexda urur ee SAHAN, HORMOOD iyo SAHAN, iyadoo ay ujeedada kulamadaas golaha guurtidu ku tilmaameen talo urursi ay guurti ahaan ku doonayaan sida looga gud-bia karo marxaladdan maadaama ay doorashadii madaxtooyadu ka baaqsatay xiligii hore loogu cayimay.
Top
Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Cambaareyn UDUB U Jeediyay |
"Mujaahidku jawaab Shakhsiya ayuu ka bixiyay Aflagaadadii Madaxweynaha, laakiin.."
War-Saxaafadeed
Hargeysa (Haatuf): Xisbiga KULMIYE ayaa shalay jawaab kulul ka bixiyey canbaarayn uu doraad u jeediyey xisbiga UDUB, waxayna Canbaaraynta UDUB ee xisbiga KULMIYE daba socatay hadal ka soo yeedhay Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, taas oo uu Muuse Biixi waraysi uu siiyey telefishinka Hargeysa, markii dambena uu daabacay wargeyska Jamhuuriya oo soo xiganaya Telefishinka waxa uu madaxweyne Daahir Rayaale ku eedeeyey inuu ka qayb qaatay xasuuqii uu dadka reer Somaliland u geystay taliskii Siyaad Barre. Hase yeeshee war ay soo saareen xisbiga UDUB maalin ka dib waraysiga Muuse Biixi waxay ku weerareen xisbiga KULMIYE, iyaga oo dhinacooda xisbiga KULMIYE ku eedeeyey inay wadaan kala qaybin ummadda dhexdeeda ah iyo wax burburin, isla markaana eedaynta Muuse Biixi waxay ku tilmaameen been-abuur. Sidaa darteed xisbiga KULMIYE waxa uu soo saaray war-saxaafadeed uu kaga jawaabayo canbaaraynta xisbiga UDUB ka soo yeedhay, iyadoo uu xisbiga KULMIYE hadalka UDUB ku tilmaamay ceebayn iyo aflagaado fool-xun iyo weliba xaalad abuur iyo kal fogayn ummadda dhexdeeda ah, laakiin war-saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa gudoomiyaha guddiga abaabulka KULMIYE, Maxamed Iid Dhinbiil waxa uu isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:
"Warkii ceebeed ee ka soo baxay xisbiga UDUB 13/1/2003 ee uu kula dul-kufay xisbiga KULMIYE waxa uu u muuqdaa war xaalad abuur ah oo aad uga fog xaqiiqda, laakiin waxay iswaydiintu tahay maxaa UDUB ku kelifay cayda iyo aflagaadada intaa le’eg ee xilkasnimo darada ah.
Waxa jirtay inuu Madaxweyne Daahir Rayaale aflagaado ula kac ah oo shakhsi ah u geystay Mujaahid Muuse Biixi markii ay taariikhdu ahayd 13/12.2002 oo ahayd maalin qudha ka hor doorashadii dawladaha hoose, laakiin hadalkaa dhaleecaynta ah ee xisbiga KULMIYE wax jawaab ah iyo cambaarayn ah midna uma jeedin Madaxweynaha iyo xisbigiisa toona. Hase yeeshee Mujaahid Muuse Biixi ayaa jawaab shakhsi ah ka bixiyey mar lagu waraystay TV-ga Somaliland, laakiin arintaas oo ah mid dhextaal Madaxweynaha iyo Mujaahid Muuse Biixi ayuu xisbiga UDUB xisbiga KULMIYE kula kacay aflagaado, taasna waxaanu u aragnaa inay tahay "Layligu biyaha kashiisa ku jira ayuu ka didaa". Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay inuu dadku sharciga u siman yahay, sidaa darteed hadii uu qof muwaadin ahi eed u soo jeediyo masuul qaran waa in la isla hubiyo, laakiin ma aha in la siyaasadeeyo, ummaddana la jihowareeriyo, iyadoo la adeegsanaya ereyo galoof ah oo u eg kuwii xisbigii afweyne.
Xisbiga KULMIYE, isaga oo raacaya shareecadda islaamka , heshiisyada caalamiga ah iyo distoorka Qaranka waxa uu aaminsan yaha, una hawl-gelayaa dhawridda xuquuqda aadamiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland. Hase yeeshee qoraalka ka soo baxay waxa uu cadaynayaa xilkasnimo daro, wuxuuna u muuqdaa xaalad abuur, kala fogayn ummadeed iyo been qaawan. UDUB-na waa tii hore u tidhi "Hadii UDUB la doorran waayo gabadh qurux badan ioy nabadgelyo midna la arki maayo, hadana taasi way ka muuqataa gal-galadkooda, laakii xisbiga KULMIYE diyaar uma aha inuu la yooyootamo dad aan anshaxa ciyaarta garoonka aqoonin, waxaanuna soo jeedinaynaa in lagu wada dhaqmo heshiiskii anshax-wanaagga ee ururadu wada saxeexeen. Isla markaana KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa ummadda reer Somaliland inay ilaashadaan qaran-nimadooda, nabadgelyadooda iyo horumarkooda.
Top
"Nin Waliba Ninka Uu Jecel Yahay Wuu La Doonayaa Inuu Xilka Qabto, Laakiin Anigu..." |
Wareysi - Maayarka Burco, Sacad Maxamed Sh. Cismaan
Burco (Haatuf): Maayarka magaalada Burco, Sacad Maxamed Sh. Cismaan, ayaa sheegay in ay mushkiladda dhulku tahay dhibaatada ugu weyn ee guud ahaan dalka ka jirta, gaar ahaana magaalada Burco, isla markaana ay ku hawlan yihiin wax ka qabashadeeda.
Maayarku waxa uu sidaa ku sheegay wareysi uu magaalada Burco kula yeeshay Weriyaha Haatuf ee Gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir (Casaan) oo haatan hawl shaqo u jooga magaalada Burco.
Waxa kale oo uu Maayarku, wareysigaa kaga waramay arrimo kale oo khuseeya guud ahaanba hawlaha Dawladda Hoose ee Burco, wareysigaasina wuxuu u dhacay sidan:
S: Nooga waran xaaladda guud ee degmada Burco?
J: Xaaladda guud ee Burco aad iyo aad ayay u fiican yahay, iyadoo ay hawlo badani jiraan oo ay xiligii kala-guurka tahay, doorashana aanu ka soo baxnay, haddana marka la eego sidii ay doorashadu u dhacday, waxay ahayd mid xusuus leh.
S: Muddada aad xilka ku-meel gaadhka kula wareegtay maxaa ka mid ah waxyaalihii aad qabatay?
J: Muddo yar ayaan xilka hayay oo waxaan la wareegay 18 November 2002. wakhtigaasi, waxay ku soo beegantay xilligii hawlaha doorashooyinka, waxqabadkuna wuxuu kala ahaa wax muuqda, sida; dhismaha oo kale iyo waxaan muuqan, markaa anigu ku odhanmaayo wax muuqda ayaan dhisay, laakiin waxa aan qabtay waxa ugu mudan, sida; doorashadoo kale in ay degmo ahaan si nabadgelyo ah ay noogu dhacday.
S: Waxaa jira magaalada dhul-boob si weyn looga cabanayo oo aafeeyay magaalada, arrintaasi maamul ahaan maxaad ka qabateen?
J: Dhul-boobku waa masiibadda qudha ee dalka ka jirta, Burco oo qudha maaha, Hargeysa, Berbera - mid walba way taallaa. Had iyo goor mushkiladda dhulku, waxay ahayd maamuladii naga horeeyay, anaga dhul aanu bixinaa ma jirto, waxaa jirta intii aanu joognay wax dhul ah oo la bixiyay MCH-ka iyo Mental Hospital (Cusbitaalka Waalida) oo iyana munaasiba. Laakiin, ma jiro wax kale oo dhul ah oo aanu bixinay.
S: Maxaad ka yeesheen dhulkii ay maamulada idinka horeeyay ay bixiyeen ee la isku haysto?
J: Kuwaasi laba ayay noqdeen; Nin dulmi doonaya oo qof dhul uu is u leeyahay ku haystay, kaasina waxaanu u sameynay guddi garsoor oo iyadu wixii muran ka taagan yahay soo baadha, iyadaa gar-naqda, wixii gudidaa dhaafana Maxkamadda ayaanu u gudbinaa.
S: Waxaa jiray Burco, shaqaale ay hay’adda shaqaaluhu dhowaan imtixaan ka qaaday oo badidoodu dhacay, mushahar badana ku lahaa Dawladda Hoose, kuwaas maxaad ka yeesheen?
J: Taasi meesha markaanu nimid magac shaqaale wuu yaalay, muuqaalse ma jirin oo markay shaqo noqoto 70-qof, ayaa helaysa markay mushahar noqotana 450-qof, ayaa mushahar u soo xaadiraya. Taasi markaanu aragnay, waxaa jirtay in aanu imtixaan qabanay, saacadii imtixaanka la qabtay, waxaa noo soo baxay dad tiradoodu tahay 220 (laba boqol iyo labaatan) qof iyo 108 (boqol iyo sideed) qof oo dhacay.
S: Ma waxaa jirta shaqo-joojin ay ku dhaqaaqeen shaqaalihii imtixaanka ku soo baxay, iyagoo mushaharkoodii oo sideed bilood isgaadhay ka cabanaya?
J: Su’aashaa qofka waxaa la weydiiyaa markuu qofku meel dhisan yimaado, anagu waxaanu nimi iyadoo masiibadaasi ku dhacday oo ay sideed bilood mushaharkoodii leeyihiin oo wax Alle wax yaallaana aanay jirin, markii aanu imtixaan qaadnayna in 108 (Boqol iyo sideed) qof oo dhacay in aanu mushaharkii ay Dawladda Hoose ku lahaayeen oo noqonaysa lix boqol iyo dhawr iyo sagaashan milyan oo Sh.Sl ah, macal kuwa baasay lacagtooda iyo kuwa dhacay marka la isku daray, waxay noqotay Saddex boqol iyo dhawr iyo konton milyan oo Sh. Sl ah. Markaa waxaanu ku guuleysanay intii aanu xilka haynay in aanu 108 qof aanu bixino, 99 ka mida mushaharkoodu oo sagaal qof ayaa hadda nagu hadhsan. Diisambartii sannadkii hore oo qudha, waxaanu bixinay dhawr iyo soddon qof mushaharkood oo noqday dhawr iyo sideetan milyan oo shillin Somaliland ah.
S: Shaqaalaha hadda ka hawl-gala D/Hoose ee Burco, ma helaan mushaharkooda?
J: Intii hore waxaanu ka fuudhyeeli jirnay kii hore ee ay lahaayeen, laakiin imika ayaanu bilownay in ay joogto u qaataan mushaharkooda.
S: Maxaa idiin qorsheysan sannadkan cusub ee 2003, Dawlad Hoose ahaan?
J: Sannad walba qorshihiisa ayuu leeyahay, waxaana lagu xisaabtamaa miisaaniyadda sannadka ku talo-galkeeda. Miisaaniyaddii sannadka cusub ee 2003 oo weli Wasaarada Daakhiligu noomay soo gudbin, waxaanu rajaynaynaa in aanu sannadka cusub bilicda magaalada kor u qaadno iyo mushahar shaqaale, iwm.
S: Rajo intee le’eg ayaad ka filaysaa inuu xilka Maayarnimadu ku soo noqdo Maayarkii is sharaxay?
J: Nin waliba ninka uu jecel yahay inuu xil qabto wuu u rajaynayaa, anigu Maayarkaygii Aadan Maxamed Mire, runtii inuu soo noqdo waan jecelahay, inkastooy ku xidhan tahay loolankiisa Golaha (Council) ee uu ka qayb-galay, laakiin waxaan jecelahay in la soo fadhiisiyo kursigii uu ka kacay.
S: Waxaad nooga warantaa xubnaha Guddiga Deegaanka Burco (Council) ee ku soo baxay doorashadii, sidaad u aragto tayadooda?
J: Runtii way fiican yihiin oo waxaa la odhan karaa waa xul.
S: Qaabkii hore ee loo magacaabi jiray Maamulka D/Hoose iyo hadda oo ay magacaabayaan Golaha Deegaanka ee la doortay, kee baa wanaagsan ayay adiga kula tahay?
J: Anigu waxaan qabaa in ay tani wanaagsan tahay oo aanay laba laysa siisto ahayn, oo maanta dadku iyaga rabitaankooda ama degmo ahaan taladu u taallaa.
S: Maayar, maxaad u soo jeedinaysaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco iyo shaqaalaha ka hawl-gala Dawladda Hoose ee Burco?
J: Walaahi, guud ahaan waxaan shacbiga Burco u soo jeedinayaa in ay horumarka iyo nabadgelyada si mideysan uga shaqeeyaan iyo waxqabadka oo ay iskaashi buuxa ka yeeshaan.
Top
Faallo - A. Ducaale
Habeenimadii ay Axaddu soo gelaysay ayuu Tv-ga Madaxa banaan ee ay xaruntiisu Hargeysa tahay baahiyey waraysi uu la yeeshay Muuse Biixi Cabdi, waraysgaasna waxa uu Muuse si ba’an ugu eedeeyey Madaxweyne Daahir Rayaale, isaga oo ku eedeeyey inuu ka qayb qaatay xasuuqii uu taliskii Siyaad Barre sannadihii siteemaadkii kula kacay dadka reer Somaliland.
Hadalka Muuse Biixi waxa mar kale maalinimadii Axadda baahiyey wargeyska Jamhuuriya oo soo xigtay TV-ga, laakiin eedaynta uu Muuse Biixi u jeediyey Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu noqday mawduuc xasaasi ah oo dareenka dadka reer Somaliland si weyn u horyimi, nin-ba sida uu doono ha u milicsadee, waxayna sheekadaasi noqotay mid si weyn u hadhaysay atmosfeerka siyaasadda Somaliland, isla markaana waxa loo fasiray siyaalo kale duwan, sidoo kalena dadka daneeya ra’yul-caamka siyaasaddu siyaalo kala duwan ayey uga faa’iidaysteen ama lugta ula soo galeen, laakiin inta aynaan gaadhin gunaanadka sheekada waxaynu iswaydiinaynaa dhawr su’aalood oo ah: Marka Muuse Biixi miyuu ku qaldanaa eedaynta dhiifta leh ee uu dusha ka saaray madaxweynaha,isla markaana laba sababood midkee baa Muuse Biixi ka keenay hadalka, sidoo kale tafsiirka ay dad badani saareen sax iyo qalad waa iyama. Ta kale dadka ilaa hadda u jawaabay Muuse Biixi ma sidii saxda ahayd ayey ugu jawaabeen, mise si kale ayey sheekada uga faa’iidaysteen.
Ugu horayn af-hayeen u hadlay xisbiga UDUB (Ismaaciil Mire) ayaa jawaab ka bixiyey hadalka Muuse Biixi, laakiin marka aad eegto jawaabta xisbiga UDUB ka bixiyey hadalka Muuse waxay u muuqatay inuu xisbigu UDUB uga faa’iidaystay fursado siyaasadeed, waayo waxa uu si kulul u weeraray xisbiga KULMIYE oo uu Muuse ka tirsan yahay, sidaa darteed tafsiirka uu xisbiga UDUB saaray hadalka Muuse ama sida uu uga faa’iidaystay marka la eego waxay u dhadhamaysay inuu hadalka Muuse Biixi yahay mid ka soo baxay xisbiga KULMIYE, laakiin marka si loo eego inkasta Muuse ka tirsan xisbiga KULMIYE, taas darteedna loo aanayn karo, hadana waxa la odhan karaa sheekadu sidaa way ka duwanayd.
Wasiirka Wershadaha dawladda Somaliland, Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye) ayaa isna ka mid noqday dadka u jawaabay Muuse Biixi, wuxuuna wasiirku maqaal dheer oo uu arintaa iyo waxyaalo kaleba kaga hadlayo cadadkiisii shalay daabacay wargeyska Jamhuuriya, laakiin inta aynaan tafsiir ka bixin hadalka wasiirka Wershadaha aynu dib ugu yara noqono sheekada Muuse Biixi.
Marka la eego faaqidaadda ay dad badani ka bixiyeen hadalka Muuse Biixi laba arimood mid uun ayaa la odhan karaa baa ka keenay, inay qayb ka ahayd kaambaynka siyaasadda ee ay axsaabta siyaasaddu iskula jiraan iyo inuu Muuse daba socday hadalkii uu Madaxweyne Rayaale kaga tiraabay fagaaraha khayriyadda ee uu Muuse ku weeraray maalin ka dib markii uu ka soo laabtay socdaalkiisii Laas-caanood, laakiin sababtu waxay doonto ha ahaatee waxay dadka qaar leeyihiin "Hadii ay Muuse sababta hadalka ka keentay gocasho uu gocday hadalkii uu Madaxweyne Rayaal kaga weeraray mah-wiga fagaaraha khayriyadda xaq buu u leeyahay inuu u jawaabo", laakiin waxay dood kale leedahay sababo badan dartood hadalka Muuse Biixi meesha uma ekayn, taas oo ay leeyihiin eedda uu sheegay ama ha jirto ama yaanay jirin, laakiin waqtigeedii iyo goobteedii ma aha, Sidoo kale dadka arintan ka faallooday qaarkood ayaa iyaguna leh hadalka madaxweynuhu kaga tiraabay ee uu Muuse ku weeraray isaga laftiisu meesha ma qaban, isla markaana waxa uu ahaa hadal dhaawacaya shakhsiyadiisa siyaasadeed, sidaa darteed xaq buu lahaa Muuse inuu jawaab ka bixiyo, laakiin waxay intaa ku sii darayaan waxay ahayd inuu jawaab intaa ka ladifan ka bixiyo.
Inkasta oo ay dadka qaar wax ka dhadhansadeen hadalada Muuse qaarkood, hadana weerarka Muuse waxa uu ku aaddanaa shakhsiyadda siyaasadeed ee Madaxweyne Rayaale, laakiin marka la eego dareenka laga bixiyey hadalka Muuse waxay dad badani saareen tafsiir noocyada badan leh, sida, reernimo, ujeeddo siyaasadeed IWM. Laakiin haddii aynu Muuse canaan-ba u yeelno hadalkiisa, dadka jawaabaha ka bixiyey hadalkiisa, waxay iyaga laftooda intooda badani uga faa’iidaysteen ama u tafsiireen si qaldan, isla markaana waxay qaarkood u hadleen si ka sii qadhaadh badan sidii Muuse lagu canaanayey. Tusaale hadii aynu u soo qaadano wasiirka Wershadaha waxa uu isticmaalay weedho aad u dhadhan-xun, una qadhaadh oo ay dad badani indhaha kala soo badeen. Masalan Axmed Jaamac, isaga oo huwan magac wasiir, hadana ereyada uu isticmaalay waxa ka mid ah "beelahayaga" iyo weedho kale oo xambaarsan waabeeyo iyo odhaaho reernimo. laakiin Axmed laftiisu marka la eego dagaalada uu Muuse ku eedaynayo miyuu ilaaway inuu ahaa af-hayeenkii mucaaradka ee idaacadaha ka lahaa "Cigaal madaxtooyada waanu ka saarnay iyo ciidamadiisii waanu jebinay", taas darteedna hadii la qaado eedaha dagaaladii sokeeyo uu Axmed Jaamac noqonayo ragga safka hore imanaya.
Dadka qaarna waxay hadalka wasiirka ku tilmaameen inuu jawaabta uu Muuse Biixi ka lahaa ujeeddo siyaasadeed ama uu uga faa’iidaysanayey muraad siyaasadeed, taas la leeyahay Madaxweyne Rayaale ayuu ugu horayn iskaga dhaadhicinayey, mar labaadkana waxa uu ku beer-laxowsanayo reerka uu abtirsiimo ahaan ka soo jeedo.
Sidoo kale waxa xarunta wargeyska Haatuf tuurran fariimo labada dhinac-ba leh oo lagaga hadlayo mawduucaa, waxayna fariimahaasi xambaarsan yihiin dareen caadifadi ka muuqato iyo weedho aanu dhadhankoodu wanaagsanayn.
Arintu sida ay doonto ha ahaatee waxa hubaal ah in laga kaxeeyey halkii ay lahayd, isla markaana uu qof-ba meeshii uu jeclaa dacalka u jiitay ama uga faa’iidaystay sidii uu jeclaa. Hadiise aynu ais barbardhigno Daahir Rayaale ioy Muuse Biixi waa hubaal inuu Daahir Rayaale ka tirsanaa taliskii Siyaad Barre, sidoo kalena uu Muuse Biixi ka tirsanaa xukuumaddii u horaysay ee Madaxweyne Cigaal, laakiin mid waliba wixii uu eed ama wanaag ku galay nidaamka uu ka tirsanaa taariikhda ayaa sheegi doonta iyo xataa guud ahaan nin walba shakhsiyadiisa taariikheed.
Somalidu waxay ku maah-maahdaa dhidar xabaalo qodaa wax ka xun buu uga dhacaa, sidaa darteed hadii ay tahay dadka dhinaca Madaxweyne Rayaale u hadlaya iyo hadii ay tahay dadka dhinaca Muuse Biixi u hadlayaba aniga iyo guud ahaan-ba bahda Haatuf waxaanu labada dhinac-ba kula talin lahayn "Waar tolow colka jooja", arintana yaan la dhaafin inta ay le’eg tahay oo yaanu nin-ba sida uu doono uga faa’iidaysan.
Top
Masuul Sare oo lagu dilay Yemen |
Sanca (W. Wararka): Wararka ka imanaya dalka Yemen, ayaa sheegaya in magaalada Caden lagu dilay Masuul Sare oo ka tirsan Xisbiga Mu’tamar Al Shacbi ee talada dalkaasi haya. Masuulkaasi oo magaciisa la yidhaa Yaxye Mutawakil, waxa uu ahaa kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Xisbigaas, isagoo horena u soo qabtay Jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaas.
Waxaana la sheegay in lagu dilay agagaarka magaalada Caden, isagoo u sii jeeda caasimadda Sanca. Ma cadda, sababta keentay dilka Yaxye, balse sida warku sheegay waxa la qalibmay gaadhigii uu watay, markii uu duqeeyay gaadhi kale, shilkaas oo ay afar qof oo kale ku dhinteen.
Wax tafaasiil ah lagama hayo cida ka dambaysay dilka Yaxye, balse waxay ku soo beegantay laba toddobaad kadib markii isagana la dilay Xoghayihii guud ee Xisbiga Hantiwadaaga ee dalka Yemen, Jaaru’lah Cumar oo rag hubaysani rasaas oodda kaga qaadeen, isagoo ka qaybgalaya shirweynihii Xisbiga Al Islaax ee Islaamiga ah magaalada Sanca.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 66aad
Ganat: Adiga markii laguu soo sheegay dhimashada boqorka sidee buu dareenkaagu noqday?
Mingistu: Horta boqorka markii si wanaagsan loo daweeyey eee uu bogsaday ka dib dhawr toddobaad ayuu dhintay, laakiin markii markii uu kornayl Daaniyal ii soo sheegay inuu dhintay waan fahmi waayey sababta uu u dhintay, waxaana ku idhi kornayl Daaniyal markii uu ii soo sheegay geerida boqorka "Boqorku sawtii uu ladnaaday ee uu caafimaadkiisu iska wanaagsanaa, waa maxay dhimashadan aad sheegaysaan ee lama filaanka ahi", dabadeedna waxa markiiba loo yeedhay kool-kooliyihii boqorka oo hortayda yimi, waxaana waydiiyey dhimashada boqorka, laakiin waxa uu iigu jawaabay "si yar oo lama filaan ah ayaan shaqo darteed u yara safray meel magaalada ka baxsan, ka dibna waan soo noqday markii aan maqlay inuu boqorkii xanuunsanayo", ka dibna si kulul ayaan u canaantay oo waxaan ku idhi "Boqorka agtiisa waxa laguu dhigay in marka uu boqorku xanuunsado inaad dhakhtar ugu yeedho ama marka uu wax u baahdo inaad u keento, markaa sidee baad markii aad aragtay inuu liito maxaad u ogaysiin wayday dhakhtarkiisa ama saraakiisha kale ee caafimaadka", ka dibna wuxuu kool-kooliyihii yidhi " maadaama aad idinku hawlo waaweyni ku jirteen oo aydaan inta badan magaalada dhexdeeda joogin, isla markaana anigu waxaan u malaynayey inay xanuunkiisii caadiga ahaa tahay, sidaa darteed si degdeg ah golaha dhergiga umaan soo ogaysiin, laakiin dhakhaatiir ayaan tusay". Laakiin runtii waxaan damcay inaan talaabo sharci ah ka qaado kool-kooliyaha, balse intii aanan isaga (kool-kooliyaha) wax talaabo ah ka qaadin ayaan dhakhaatiirtii boqorka iyana u yeedhay oo aan xog-waraysi la yeeshay.
Ganat: Miyaanu Professor Asraat (Dhakhtarka boqorka) intuu kuu yimi kula hadlin?
Mingistu: Janaraal Tafari oo arkayey inaan yara xanaaqay ayaa gooni iigu yeedhay oo igu yidhi "Inyar aynu xafiiskayga yara gaadhno ee ina keen", dabadeedna waan raacaya, wuxuuna igu yidhi "Gaashaanle Mingistu, waxaan ku leeyahay caano daataya dabo la qabto ma leh, sidaa darteed sida ay doonaan-ba arimuhu ha ahaadeen, laakiin boqorkii dhimay oo hadal kama noola, balse waxaan odhan karaa boqorku waxa uu ahaa nin nasiib leh, waayo intaas oo sannadood ayuu wax soo xukumayey oo dalka soo haystay, runtiina waxa uu ahaa nin intii uu xukunka hayey ay wax badani u suurta galeen, isla markaana waxa uu ahaa nin uu eebe ku manaystay cimri dherer, inkasta oo intii noloshiisa u dambaysaya aanay xaaladiisu wanaagsanayn, laakiin hadda wuu dhintay isaga oo aan wax silic ah arag, hase yeeshee dhankeena marka la eego waxaan arkay adiga oo wax canaanaya oo leh "maxaad intii ay goori goor ahayd u soo sheegi waydeen, ta kale waxaad tidhi shalay waa ladnaa ayaad tidhaahdeen, maantana waa dhintay waayo maxaa dhacay, sidoo kale marka aad leedahay arintani waxay ina gelinaysaa xaalad siyaasadeed oo walaaqan ee canaanayso kuwa kaa hooseeya ee aad ku leedahay wax ma tarayaal iyo waxba yahay ayaad tihiin, waxaan inaanay taasi hadda wax faa’iido lahayn ee keliya ay beerayso colaad uun, ta kale inaad dhakhtarka u yeedho ma aha, waayo sheekadu hadii ay xerada ka baxdo waxa imanayo sheekooyin badan iyo inay cadawyadeenu ku farxaan ama ay xasilooni daro keento wax aan ahayn oo aya faa’iido leedahay ma jirto, markaa iska dhaaf hadalkeeda"ayuu igu waaniyey janaraal Tafari, aniguna "Waayahay" ayaan ku idhi, laakiin markii aanau intaa isla af-garanay ayaan janaraal Tafare ku idhi "Mar hadii ay sidaa tahay dhakhaatiirta inta aad la hadashaan waxaad ku tidhaahdaan iska taga anaga ayaa idiin yeedhayna marka aanuaa idiin baahano’e, sidaana ku fasaxa dhakhaatiirta", sidii ayaana la yeelay oo waa la fasaxay dhakhaatiirtii oo ay ku ambabaxeen. Hase yeeshee marka la eego dhinaca golaha dhergiga iyo dareenkii ay ka qaateen dhimashadii boqorka waxa xubnihii dhergiga ka dhex-muuqday ra’yi badan oo kala duwan, sidaa darteed waxa jiray kuwo leh "Sidee bay u dhici kartaa boqorkii waa dhintay sawtii la lahaa wuu ladan yahay", sidoo kale waxa jiray qaar kale oo iyagu lahaa "Allaylehe baga ayuu u dhintay, maxaad taa kaga murmaysaan ee aynu yeeli lahayn", laakiin marka la isu wada geeyo inta aanu golahaygii dhergigu ka doodnay mooyaane dhinaca shicibka haba yaraatee maanu arag wax dareen ah oo ay ka muujiyeen dhimashada boqorka sababta waxay doonto ha ahaatee, taasina aniga way iga yaabisay, waayo xataa waxaanu qaybinay cid shicibka dareenkooda soo indho-indhaysa, laakiin wax dareen ah nooma ay soo sheegin, isla markaana maanu arag wax werwer ah oo ku saabsan dhinaca ammaanka. Sidoo kale marka la eego dhinaca diblomaasiyadda ama siyaasadda debedda wax dareen ahi kama soo yeedhin, laakiin keliya dhinaca Ingiriiska ayaa la sheegay inuu boqorku dhintay, isla markaana waxoogaa laga sheekeeyey taariikh nololeedkiisii, balse kale waxba kama aanu maqal, arintiiia dhimashada boqorkuna intaas ayey-ba ku dhamaatay...
La soco cadadka dambe.
Top
Cumarow Calaf Uunbaa Dhacaye
Waxaan aad uga tiiryaanyeysanahay cidlada uu istaagay xisbigaan taageero intii taagtayda la garab joogay kaasoon u arkayay inuu ahaa ururka qudha ee maanta dalka dhibta ka saari karayay iyadoo uu hogaamiye u ahaa nin aan u arkay inuu ahaa nin ka magac weyn raga kale, ka aqoon badan, ka waayo aragsan, iyadoo sidaa tahay waxay aad iyo aad u hambalyaynayaa xisbiyada libta helay waxaanan mudane Cumar Carte Qaalib leeyahay:
Caynkiisba gabay Cumarow waa ii mar curadkii
Iyadoon cimrigaygu dheerayn baan ceelalyo u tagay
Candhadeeda wuu maali baan lahaa cirkan maanta ah
Cirirkaan tiigsanaayaa dhacoo xidigu ceer-ceer
Dhaqaalaad camiran baan lahaa iyo saliida caydhiin
Rag cilmi leh baa xukumi baan lahaa, ciidan maanta’e
Cadan iyo Sucuudaad. tagi baan lahaa iyadoon cidi ku waydiin
Calankaa la aqoonsan baan lahaa cawlkan saaka ahe
Cidaan tiirsadoo kale tani iigama cada
Cidlo waxa ka dhigay...waa qoraal Casiis dhigaye
Calankaagu muu dhicin ee ceel ha ii qodine
Iyadoo cadaad tani kolay ad camcamin doontaaye
Cishadaaba waa ka aargoosan kuwii ku ceebayn jiraye
Caamiyuhu ruuxuu ugu riday meel ha ula cararte’e
Cadaan iyo madaw adaan cidi ku celiseen’e
Ka carawtan maanta waa iska cidi-ciide’e
Xasan Faarax Maxamed (Bade) Hargeysa
Top
Diblomaasiyadda Iyo Habmaamuska |
Meelna Kagama Jirto Habmaamuska wafti la casuumay Oo loo Ogolaan waayey Gurigii Casuumaddu ka dhacaysay.
Soo Dhaweynta Wafuuda.
Guud ahaan Marka wafti Imanayo dalka ama uu dal kale u baxayo waxa ka soo Hor mara Taar, Telex. Ama warqad lagu soo sheegayo Imaatinka Waftiga .Dhambaaladdas waxa lagu soo Sheegayaa qofka Hogaaminaya Waftiga iyo Inta qof ee kale ee la socota, waxa kale oo la soo sheegayaa Muddada Booqashadda Iyo Muraadka uu leeyahay,iyo Gadiidka uu ku Imanayo.
Haddii waftiga Horey Loo Martiqaaday waa la ogaan karaa Sababta Uu u socodo
Loomana Baahna In su,aalo la waydiiyo waftiga xitaa Haddii Aanay Jirin telex ka Yimid xagga waftiga la casuumay.
Tusaale.
Dhawaan Dalka Jamhuriyadda Somaliland waxa yimid wafti ka socoda Dalka Senegal Oo uu Hogaaminayo Ergay Gaar ah (Special Envoy) Oo ka socoda Madaxweynaha Dalka Senegal oo waday Martiqaad Rasmi ah oo uu ka siday madaxweynaha Dalkiisa oo uu U siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Dahir Rayaale Kahin. Md Rayaale waa Uu ka aqbalay Ergaygaa Martiqaadkii uu ka siday Madaxweynihiisa waxana Uu go,aansadday Madaxweynuhu in uu Oofiyo Martiqaadkaa Oo uu tago caasimadda Dalka Senegal ee Dakar.
Si uu ula Kulmo Madaxweyne Abdalla wade iyo Riisal wasaaraha dalkaasi Ms. Madior Boye. Md Rayaale waxa uu u diray dalkaasi wafti Gogal xaadh ah waa sida uu yahay Habmaamuusku. waftigaa waxa Hogaaminayey wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Qoyska Iyo waxbarashadda laakiin Nasiib Darro waftigii Hogamiyihiisii Iyo wasiirkii waxbarashadda ayaa loo Ogoglaan waayey In ay galaan Dalka Senegal Waxana ay ku ha ka deen dalka Maali.
su,aalo. Badan ayey iska waydiiyeen Shacbiga somaliland sababta kala Dhantaashay waftigii somaliland oo qaarna loo ogolaaday qaarna ay gali kari waayeen Jaraa,idka Dalka ayaa isaguna wax ka waydiiyay waftigii loo ogolaan waayey galista dalka senegal sababta kaliftay in ay Gali waayan Dalka Casuumadda Laga Helay ...laakiin waa ay ka gaabsadeen waftiga xubnihiisa sare in ay faahfaahin ka bixiyaan Su,aalahaasi.. Laakiin nasiib wanaag Wasiiradda Arrimaha qoyska Marwo Edna Oo iyadu gashay Dalkasi ayaa La kulantay Mr Wade. Taas oo Akhirkii sababtay in wafti uu hogaaminayo Md Rayaale ay u baxaan Dakar.
Habmaamuska Meelna Kagama Jirto In wafti la casuumay laga Xidho albaabada.
Laakiin su,aalaha ugu waaweyn ee dadka ka faalodda siyaasadda somaliland ay is waydiinayaan waxa ka mida .. malaha Barnaamijkii casuumadda ayey wax iska badaleen Gaar Ahaan sida waftiga Loo qaabilayo I.W.M isku soo wada duubo. Arrintan Dhacday Maamus ahaan waa U Sharaf Dhac Dawladda in ay Ka hadli waydo.
Waa sidee Marka Uu Madaxweynahu Booqasho Dibadda U tagaayo.
Nidaamka Habmaamus Ee Caalamiga Ah............
Marka uu Dal Martiqaad Rasmi ah U fidiyo Madaxweyne waxa la cayimaa Waqtiga Uu madaxweynuhu Imanayo dalka. Waxana Intaanu madaxweynuhu Dalkaa Lagu casuumay Aanu tagin laga Sii Hor mariyaa wafti ka socda Waaxda Habmaamuska Iyo Nabadd Sugidda si ay gacan u siiyan Nabad sugida Iyo Habmaamuska dalkaasi, si ay labada Dhinac iskula Eegan Habmaamuska loo sameynayo Madaxweynaha oo ah Barnaamij Aad u dheer oo la doonayo in Mudnaanta Loo kala siiyo waftiga Imanaya sida ay U kala Mudan Yihiin.
Agaasimaha Habaamusku waxa uu Raacayaa Diyaaradda Uu Madaxweynuhu Uu la socdo
Inta Duulimaddka Lagu Jiro waxa Uu agaasimaha Habaamusku Dhambaalo u kala dirayaa Dalalka Hawadooda la dulmarayo madaxweynayaashooda, waxanu Odhanayaa sidan oo kale
Dhambaalka Oo af Ingriisiya.
Magaca Qofka Loo dirayo.
On flying Over Your Great Territory it is My Great Pleasure and Honor To Extend To Your ...And Through You to the People of...My warmest and Heartfelt Greetings Together With My Best Wishes For Your Good Health and For the Progress cma Prosperity And Happiness of the people of your country.
Highest Consideration And Esteem.
Waxa lagu saxeexayaa Magaca Madaxweynaha Loo dirayo.
Haddii Madax Loo Dirayaa Yahay Boqor waxa Loo qorayaa. Your Majesty Ama Our Highness.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa Loo qorayaa “Your Excellency”.
Dhambaalkaa waxa Raadiyaha Diyaaradda ka diraya Duuliyaha waxanu ku hagaajinayaa Manaaradda Kontrolka ( The Control Tower) Si ay Ugu Gudbiyaan Madaxweynaha.
Soo Noqoshadda Madaxweynaha Sidaas Oo kale ayaa la sameynayaa oo Dhabaaladda Loo dirayaa Kolba Wadadii la soo marayo.
Marka uu Madaxweynuhu uu Dhameysto Booqashaddiisa ee uu dalka Ka Dhoofayo Waxa uu Dhambaal Mahadnaqa Uga Dirayaa Diyaaradda Dusheeda Madaxweynaha Dalkaasi Uu ka DHoofayo.
waxana La Odhanayaa Sidan:
Isagoo Af Ingriisiya..
Magaca Iyo Ciwaanka.
On leaving Your Great Country I wish To Extend To Your ..........And Through You to the Government And People Of your Country Our Sincere Gratitude For The Kind Hospitality Accorded To me And My Delegation During Our Stay In Your Country.
I wish to Express My Best Wishes For Your personal Well Being
And for the Prosperity, Progress and Happiness Of Your Country And People.
Highest Consideration.
Saxeexa Qofka Diraya
Martiqaadka Rasmiga ah Ee Madaxweynaha waxa laga sameynayaa Barnaamij Aad U dheer ..Mana aha Arrin la Dhayalsan Karo waayo waxa uu Madaxweynuhu Huwan yahay Sharafta dalka waana Muraayadda qaranka ee dalkaaga Laga daawan karo. waxana loo Baahan yahay In Sarkaalka Habaamusku(Chief Of Protocol) Ee dalku ahaado Mid Aad uga Dhisan Aqoonta Guud Ee Habaamuska ...
Top
Hadalka Muuse Biixi Maaha Mid Waddaninimo Ah |
Annagoo ah muwaadiniin reer Soomaaliland ah kuna nool Magaaladan Boorama kaddib markii aan aragnay qoraal maalintii Axadii oo bishu ahayd 12 kii jaanuwari kusoo baxay wargeyska Jaamhuuriya ee uu Muuse Biixi kaga hadlayey Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soomaaliland waxan hadalkiisa u aragnay aflagaado loo geystay Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliland lagamana filayn nin Muuse oo kale ah oo dalka horey uga qabtay massuuliyad. Wuxu Muuse meel kaga dhacay jiritaanka Soomaaliland iyo qarannimadiissa ujeedada uu ka lahaana waxan u aragnaa inay tahay inuu leeyahay beelaha kale ee aan ahayn beesha oo kasoo jeedaayi inayna qaban Karin jagada madaxweynenimada dalka oo aybeelaha kale shaqaale u yihiin. Haddaba waxan ugu dambayn Muuse Biixi u aragnaa inuu doonayo inuu kala fogeeyo shacbiga reer Somaliland.
Allaa mahad leh.
Casood Muxumed Maygaag iyo Maxamed Xuseen Xareed
Boorama, Awdal region.
Top
Doorkan Waa Inaan Dayaxa Aadnaa |
Mujaahidku wuxuu ka dhigan yahey sidii ninkii yidhi Dameer Raacayaa, Baqal ku duulayaa, Doorkan waa inaan Dayaxa aadaa.
Ifafaalaha muuqdey maalmahan, kadib doorashooyinkii dawladaha hoose oo aad moodo in xisbiga KULMIYE natiijadii uu filayey uga soo bixin dabadeedna shaki ka galey guusha doorashada madaxweynaha oo u ekeyd in xisbigu isa siiyey saadaashoodii hore, mareyso ilaa aflagaado madaxweyne, Mujaahid buugu wuu yaaley guddo iyo dibedba 12 sanadood ee u danbeeyey, madaxweyne RIYAALENA hogaanka sare ee dalka ayuu ka mid ahaa 6 sanadood ee u danbeeyey waxa waqtigan Awrta xidhiidhsan loola aadayo waa maxay?
Mujaahidku door weyn buu ku lahaa hogaaminta SNM iyo Somaaliland-ba, sidoo kale saaxiibadiisa ku jira xisbiga KULMIYE ma manta ayey xusuusteen, oo ay weliba kula dul kufeen madaxweynuhii qaranka mise xaalku waa habar dhalli weydey allelo ku waalatey, la idiinkama fadhiyo inaad qalaase ku abuurtaan marxaladan kala guurka ah oo aad la soo shir tagtaan eed iyo canbaareyn aan meelna heysan dadweynaha somalilandna idiinku dooran mayo sidaasi waxa la idinka dhowrayaa waa barnaamij hufan oo aad idinku ku qeexeysaan siyaasadiina.
Madaxweyne Daahir Riyaale wuxuu sidaa sharftii Qaranka iyo umada Somaliland sifo sharci ahna wuu ku yimid hogaanka, mana gayaan in sidaa qaawan loo aflagaadeeyo Qaranka iyo umada somalilandba, xagxagashadan foosha xumina waxey sii siyaadineysaa taageeradii umadu u heysey Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba.
Xaqiiqo weeyi inuu hadalkaasi yahey mid ka dheer kana fog luqada siyaasiga isla mar ahaantaa ay waxyeelo weyn u geysaneyso xisbiga kulmiye ee uu mujaahidku ka tirsan yahey kaasoo uu hogaamiyo mudane siilaanyo oo loo aqoonsan yahey inuu yahey siyaasiga ugu hadal hufan una xirfad badan 3 musharax ee asxaabta siyaasiga ah.
SOMALILAND DALKEYGA SOMALILAND DADKEYGA
Ismail .M. Gadiid (London)
Top
A. A. Garas
Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha kaftanka dhuub-dhuubban iyo ilaaqda kuus-kuusan.
Akhyaartayada indhaha buur-buuranow, waxaynu soo gaadhnay ammintii aanu idin huluuqsiin jiray, war wixii carrada naga soo gaadhay, waxaana maanta maraqiisa idinku hor cabi doona, weriye Mr. Koonbo shuuro;
Warkii oo kalahsan
Doorashadii dalkan Shankaroonland ee madax-yuub-yuubyada ayaa la sheegay inay cago u soo baxeen oo ay ka carartay halkii lagu ogaa. Doorashada waxa kabaha u tolay komijaanka Qaranka, kuwaas oo intay doorashada ka caydhsadeen halkii huruday kaga soo hadhay meel meel laba geel daaq u jirta meeshii ay huruday. Duqyaasha Guurtida ayaa iyagu ka leddi-waayey caymadka doorashada carartay, waxayna u direen duqyaal dheereeya oo ka daba taga doorashada carartay, duqyadaasna waxa loo igmaday inay soo sasabaan doorashada carartay oo ay maslaxaad ugu yeedhaan, hadii ay diidana ay dhegta dabadeeda ku dhuftaan.
Arintani waxay hangoolada isu sudhay duqyaasha Guurtida iyo komijaanka doorashada, taas oo ay komijaaradu sheegteen inay fasax u haystaan wad-wadka, kaakicinta iyo inay kol-ba meel u caydhsadaan doorashada. Laakiin duqyaasha ayaa arintaa distoorka u eegay oo yidhi "Ma jirto cid nagaga dayuusaysini dorasho kordhin iyo dhimisteedaba", iyaga oo arinta komijaankana ku tilmaamay dafiraad distoor.
Dafiraad jebintaa ay duqyaashu dhirbaaxeen ka dib ayey xusbiyada qaarkood yidhaahdeen "Bagaa loo eryey inkaaranto". Laakiin duqyaasha ayaa iyagu xusbiyaasha iyo ururayowga u bilaabay haasaawe cusub, iyaga oo kala tashanaya ab-doonka arimaha isku yara yaac-yaacay ee xagga doorashada iyo asal-guurka aayaha dalka.
Doorashadan oo ah tii ugu horaysay ee iyadoo lugo ku socota soo baxda, iyadoo kal horen taw ka soo tidhi halkaa, halkeedii ilaa iyo al-aana lama oga halka lagu gaadhi doono, sidoo kale waxaan la garanayn duqyaasha guurtidu inay halkii hore ku soo celin doonto iyo inay sii eryi doonto ilaa Jufo Uuray.
Hargeysa
Atoore ka mid ah jilayaasha kilankileeya dadka Ingiriiska, ayaa dhawaan booqasho ku soo eegay Jamhuuriyadda Shankaroonland. Ninkan oo magaciisa la yidhaa Billi Kaftanle, wuxuu ka mid yahay kooxaha dalka Ingiriiska qosolka ku rawaxiyay ee leh hay’adda Kaftan Riliifka la yidhaa.
Ninkan oo la sheegay inuu yahay jilaa laantaa le’eg oo ka qoslinta boqol iyo badh keenay oo ilaaqda daadiyay, markii uu arlada yimi, waxa la socday koox qosolka ururisa, kuwaas oo ka daba xaabayay qosolka ninkaa ka daadanayay.
Ninkan oo markii uu carada yimi aan is idhi malaha wuxuu doonayaa qosol uu dhoofiyo, balse lay sheegay inuu Shankaroonta ku samaynayo Filimada la yidhaa kaftan human taageeriyaan, kaas oo marka Ingiriiska loo iib geeyo soo goynaya Lacag Shankaroonta dhakhtaro u dhista.
Ninkan oo qiimaha qosolkiisa aan masaakiintu iibsan Karin, waxa la sheegay in haddii caqaar qosol ah uu Shankaroonta u soo lacageeyo ay horumarilayd.
Hay’addan la yidhaa Kaftan Riliifka la yidhaahdo in ay gargaar qosol fidisa. Waxa ku bahoobay ragga iyo dumar qosolka la gaabtay, kuwaas oo markay iyagu ka dhergaan baaqiga Afrikaanka ku caawiya.
Ma qaloocshe oo la kulmay kooxdan oo qadar qosol ah joonyad ku cabaynaya, kuwaas oo iwaydiistay foosto qosol ah, balse aan u diiday oo aan ka baqday in qosolkaygaas inta marka la qaado oo Ingiriiska lagu sii dhexdaayo in dadku dhinto oo aniga lay qabsado oo sidii Alqaacida lay daba-galo. Markaas waxaan ku idhi; "Intuu gaalo igu layn lahaa, guriga hay joogo." "Afraydh for may laafer."
Ninkan u ekaa oday fiicnimo u dhashay, ayaa ii sheegay in aqoonsiga Shankaroonta uu Ingiriiska u sheegi doono, isagoo yidhi; "Bal igu eega intaan qosol ku qoosho oo kaftan ku iidaamo oo ilaaq ku malabeeyo, oo sida saambuuska Saddex gees u yeelo, ayaan Biritayn bidixda uga dhiibi.. Look fiyuu days."
Hargeysa
Madaxyuubka shankaroon-land ayaa dharaar dhowayd u dhababaceeyey xagaa iyo dalka Siniin-gaalo la yidhaa.
Madax-yuubka oo ay gacmaha haystaan dhawr ka mid ah yaryarkiisa wasiirada ah ayaa intii ay safarka ku sii jireen dhawr diyuuradood isaga kacay, ka dib markii ay waayeen waddo dayuuradeed toos u tagta afrikada casar u dhaca, waxaanay ka soo doc-tuureen goolad faraasku ka arooro oo anigu indho ma saarine laygu yidhi cari ma leh.
Madaxyuubka oo ay dayuuradii uu korsanaa ula geli gaadhay gaalo dhufays ku jirta oo argagixiso ka baqaysa ayaa la sheegay inay goor dambe oo ay daal la il-darran yihiin inay gaadheen dalka Siniin-gaal, waxaana la sheegay inay la kulmeen madax-dhardhaarka dalka Siniin-gaalo Cabdalle Wad-wade. Kulankaas oo aan wixii la is yidhi ka xog la’ahay, balse la sheegay in la isku lahaa "Bakhtuu Barashaa wanaagsan".
Booqashadan oo dalabkeeda la sheegay inuu Cabdalle Wad-wade lahaa lama oga ammuurta halkaa lagu dhuuqayo iyo caashaqa isu galay afrikada maqrib iyo afrikada mashriq.
Dalka Siniin-gaalo oo ah dal kubadda cagta nejisyo ku ah waxa oo malaynayaa inuu madax-yuubka shankaroon-land cayaarta kubadda ka soo baranayo. Laakiin waxa la sheegay madaxyuubka iyo weftigii uu watay inay ka soo laabteen dalka Siniin-gaalo oo ay u kaceen dal kale oo isna Maali la yidhaa, taas oo aan u kala garan-waayey inay biciiddo kale eryadeen iyo inay bariido la dhaafi kari waayeen dalka Maali la yidhaa oo la ii sheegay inay ku nool yihiin dad Somalida la sawrac iyo cayn ahi, taas oo aan is idhi hadii iyaga iyo Somalida la isku fur-furo isbeer ahaan bay isu gel-geli lahaayeen. Tusaale ahaan magaca Maali hadii lagu daro S iyo laba O’ waxay soo baxaysaa (Soo+ Maali)= Soomaali.
Warar aan meelahaa ka xan-dhegaystay ayaa iyaguna sheegay in madaxyuubka shankaroon-land la geeyey dhakhtar sanka lagu gaabiyo.
Dhinaca kalena Cabdalle Wad-wade oo la ii sheegay inuu gaalad la xidid yahay oo uu faraaska gabadh ka qabo, isla markaana yaqaano sida gaalada loola garamo ayaa laga yaabaa inay shankaroontu Looyeer ahaan u kiraysato si u soo fadho ciriraankeeda la qarinayo.
Cabdalle Wad-wade oo ah oday dhukurran oo madaxu buurtaa le’eg yahay, lana sheegay inuu ka mid yahay garab-weynta reer Afrika ee gaaladu ka baqato, waana nin afka Faraaska ku wadh-wadhay, markaa hadiiiba uu shankaroonta u soo helo aqoonsi af Faransiis ku hadlaya waxaan garran la’ahay cidda inoo fahmi doonta.
Ciraaq
Dalka Ciraaq oo iyaga iyo allahooda la yidhi waxay isla kuusaysaa hubka dadka idleeya ee ay gaaladu intay sameeyaan, hadana ka baqdaan ayaa NGO-ga quruumaha ka dhexeeyaa qaraar ku gaadhay in hubka la sheegayo fenidaad lagu sameeyo, waxaanay bishii hore u magacaabeen guddi basaasiin ah oo fenidaad ku soo samaysa gundhada Ciraaq.
Qolada wax fenidaysa oo inkasta oo ay baadheen hangaro waaweyni, hadana ilaa maanta may helin qaniin yar oo wax gumaada oo hub ah, isla markaana aan quus laga joogsan wixii la baadhayey ayaan hadana madaxda Maraykaanka khamrigu ka degayn ilaa ay higtu ka yeedho dalka Ciraaq oo ay belaayo ka hooyaalayso, taas oo ay dad hoos u hadlay ku tilmaameen inay tahay gardaro aan geedna loogu gabban.
Madaxda Carbeed ayaa la sheegay inay cabsi darteed khamriga barteen, wixii gadh la odhan jireyna gam ka siiyeen, iyaga oo qarka u saarran inay masaajidada sanka ka gooyaan, luqunta dheer ee ay caddaanku ka baqayaana la gammuumo, taas oo ay dad badan oo aan hoos ahaan u waraystay yidhaahdeen waxa la doonayaa ma aha hubka nukliyeerka ah ee la sheegayo ee waxa weeye dabar-goyn diinta islaamka ah, taas oo la leeyahay Maraykaanku wuxuu doonayaa inuu quraanka qab-qabto oo uu ku xidho Gaata-maala.
Maalin dhowayd kow iyo toban Quluuwale oo kiyuu ku jir ayaa jiidhay diyaarad basaasad ah oo Maraykaanku leeyahay, iyadoo basaasaysa xuduudka Ciraaq, ka dibna halkaa dhegta ku taagtay.
Majlisal Umamka ayaa qiil u waayey qorshe lagu kala banbaaniyo Ciraaq iyo Maraykaanka.
Madaxweynaha Jarmalka Mr. Sharoobo oo ka mid ah ragga ka yax-yaxsan basar-xumada Maraykaanku samaynayo ayaa isaga iyo madaxweynayaal kale oo waxay debecsanaan ioy dimoqraadiyada bideen Sadaam Xuseen oo is yidhaahdeen malaa kanaaba ka miyir roon Mr. Buushe, waxaanay warqad codsi ah u direen Madaxweynaha Ruushanka Bilaa Damiir Buutin, iyaga oo ka codsaday inuu Buutin, Mr Sadaam Xuseen hoos ugu sheego oo uu ku yidhaahdo "Bal Maraykaanku waxa uu ku marmarsiinyoodo ha waayee taladaba iska wareeji". Sidoo kale waxay ka codsadeen hadii uu Sadaan sidaa aqbalo in dalka Ruushanka looga sameeyo god yar oo lagu xaseeyo, laakiin Sadaam weli juuq kama odhan arintaa.
Ceel-daarood
Shirkii lagu Ruquusayey talada Somaliya ee ka socday tuullada Ceel-daarood ayaa arinkiisa la dhaafin kariwaayey ergada kordhiya iyo ergada yareeya.
Dawladda kiiniya ayaa ku xiiqday, lacagtiina kaga dhamaatay, iyadoo weli lagu jiro kordhin iyo yarayn ergada ah. Dukaanka shirku ka socday ee tuullada Ceel-daarood ayaa la sheegay inuu bariiskii ka dhamaatay.
Dawlad samayntii laga wad-waday tuullada Ceel-daarood oo aan weli xabbad jaajuur ah la dhigin ayey hadana Somalidii shirka loogu yeedhay iyo Keenyaatigii horjoogaha looga dhigay isla beer-cadaadeen.
Dadka shirka ka soo qayb galay oo ah dad hore xaafadahoodii isugu soo wada laayey, markii ay car mooyee caqli kale keeni waayeen ayey Keenyaatigu ugu hanjabeen inay shuurada ka goynayaan.
Intii uu socday shirka Ceel-daarood ayey dawladda kiiniya Madaxa u kuustay madaxyuub cusub oo la yidhaa Mawo Kibkibi, iyadoo odaygii Mooye la odhan jiray iska tegay, ka dib markii uu kursiga iskii uga dhergay. Laakiin oday Mooye oo markii uu kursiga iskii uga ciil-beelay soo sharaxay wiil yar oo la yidhaa Uguri ina kiiniya, wiilkaas yar oo u sharaxnaa xisbigii cajuuska ahaa ee Kaanuu, waxa caydhsaday xisbi kale oo dhowaan la dhab-dhabay oo la yidhaa MAG.
Madaxyuubka cusub ee Kiiniya ayaa la sheegay inaanu nafsad u haynin dawald Somali ah oo af-Sawaaxiliga taqaan, waxaana dadka ku shiraya Ceel-daarood markii hore noolka ka soo bixiyey oday Mooye, laakiin dadkaa ayaan iminka la garanayn cidda guryahoodii ku soo celin doonta, iyadoo uu Mr. Mawo sheegay inaanu musuqmaasuq la dagaallan mooyee arin kale haleelayn.
Gabay
Geeraar aan barakeeyay
Budliyoo isu keenay
Badh islaamo ka qaaday
Oday boob ku caseeyey
Baandheeyoo kala jiiday
Baadh canaadka ka saaray
Raanidii bidix joogtay
Baashe coofle dulsaaray
Buquuqdeeda la yaabay.
Afartaa bac ka siiyey
Badiyoo iska dhaafay
Kol hadaan wax bilaabo
Bin Laden sidiisaan
Bamboo daar ku dunshaaye
Balaayeysaniyaa;
Sidii doorasho booday
Bidh tidhooo cararaysa
Baxsatoo soconaysa
Banka tuuyo ordaysa
Komishankiii la baqoolay
Guurtidii bacsanayso
Xisbi baasha ka raacay
Urur buuq ku eryaayo
Dawladii basrin laydna
Iyadii badawowday
Damac bool la dhex qaaday
Barbarkeeda idlaysay.
Masuulkii basrin lahaana
Isagii u biyeystay.
Sidii buuriga laabtay
Bahashii hebla-land,
Inay beer faroqawdo
Baqo weyn ka qabaaye
Yaa banbaani yidhaa.
Kaambeynow bi’i waa,
Sawkan booshaq walaaqmay
Ina Biixi dabaashay,
Daahir boogta la taabtay,
Udubtii dafirayso,
Daaniyuhu dhiiqo walaaqda,
Daanba daan ku baceeyey.
Top
DAYMADDA DARYEELKA DEEGAANKA |
Cumar D. Cumar
Ilaalinta Dhirta Ha La Siiyo Ahmiyad Weyn
Waa noole kaalin weyn kaga jira wanaaga nolosha ka jirta deeganka, laakiin noolahani ma leh awooda hadalka ama orodka ee uu kaga hadlikaro dhibta loo gaysanayo ama uu kaga baxsan karo, noolahani waa dhirta oo ah astaan nololeed halka ay ka baxdo, halka aanay dhiri ku ool nooca ay doonta ha noqotee waa astaan halisa in noloshii ay ka suulayso deegaankaa.
In la fahmo qiimaha dhirtu waa arrin halbawle u ah horumarinta nolosha iyo daryeelka deegaanka ee Somaliland, in la baro faa’iidada, waxtarka iyo qaabka loo daryeelo dhirta da’ wal oo dadka ah waa arrin wax weyn ka tari karta ilaalinta dhirta iyo dib u dhireynta dhulka xaalufay ee ay ka dhamaatay dhirtii dabiiciga ahayd tu kalana aan laga beerin, goynta dhirta ee leh qaabka qayru masuulnimo waa waxyeelo uu qofka gooyay isagu isu gaystay, waxaa kale oo uu qofkaas ku dhaqaaqay jarista dhirtu uu dhibaato u gaystay noolaha ku nool deegaankaa ee dadku ka mid yahay.
Ilaalinta dhirta oo aan la siin ahmiyad weyn waxaa la macno tahay dayacaad weyn oo lagu sameeyay ilaha dabiiciga ah ee dalka, waxaa kale oo jirta ilaalinta dhirta dabiiciga ahi waxay dawo ka tahay dib u dhirayn loo baahdo xaaluf ka dib oo u baahan dhaqaale iyo waqti badan.
Marka la eego Somaliland oo ay xoolaha nool oo ay noolashoodu ku tiirsantahay daaqa iyo dhirta ay kaalinta ugu weyn kaga jiraan inta badan nolosha iyo dhaqaalaha dadka ku nool waxaa waajib ku ah in ay dareen weyn iyo foojignaan dadkeedu lahaadaan ilaalinta dhirta iyo daaqa.
Beerista dhirta iyo badbaadinta dhirta dabiiciga ahi waa talaabooyinka garabgalaya hawsha ilaalinta iyo daryeelka deegaanka ee guud ahaan hadda ay dunidu wax ka qabashada dhibaatooyinka soo gaadhay iyo qaababka loo badbaadiyo ay ku go’aansatay shirar caalamiya oo ay madaxda iyo dawladaha dunidu ka qayb galeen waa arrin ay muuqato in si weyn ay dunidu u dareentay waxyeelada gaadhay daryeelka deegaankii dabiiciga ahaa ee dunida oo ay ku tiirsanayd nolosha noolaha ku nool dunida guudkeeda ee uu dadku ka midka yahay.
Shaki kuma jiro in waxyeelada deegaanka ee ay ka midka tahay goynta dhirta in ay sanadba sanadka ka danbeeya ay ku sii balaadhanayso Somaliland.
Dhul kaymo ahaan jiray Somaliland ayuu hadda habaasku ka duulayaa oo aan daaq iyo dhir midna lahayn, ugaadh badan oo ay Somaliland hodan ku ahayd ayaa hadda teel teel ah ama muuqeedu lib-dhay, dhul daaqsin lahaa daaq xoolaad ayaa diri isu badelay oo aan xooluhu ku hakan, taagag iyo buuro lahaa dhir ayaa hadda isugu mudhbaxay dhagax khaliya oo aan gabaad geed lahayn, dhamaan waxyeeladaa intooda badan waxay ka timid dhirta oo aan loo daryeelin sidii ku haboonayd ama loo jaray si aan ku haboonayn.
Ilaalinta deegaanka dhir la’aan waxa lagu tilmaami karaa qayb ka mida qorshe lagu burburinayo nolosha ka jirta deegaankaas, talaabooyinka ka hortaga jarista dhirta ama dib u dhireynta oo aan dhakhso looga hawlgalin dhamaan deegaanada Somaliland waxa lagu fasari karaa in la ilaaway dantii guud ee daryeelka deegaanka Somaliland, sidoo kale ilaalinta wasakhaynta biyaha badda iyo kuwa bariga waa hawl qayb weyn ka ah dhawrista caafimaadka noolaha ku nool biyaha dhexdiisa iyo noolaha caba biyahaas oo la sugayo caafimaadkiisa.
Sidoo kale in la ilaaliyo hawada qiiqa waxyeelada u leh caafimaadka noolaha iyana waa hawl loogu dadaalayo ilaalinta deegaanka salka u ah nolosha.
Guud ahaan ilaalinta dhirta dabiiciga ah iyo dib u dhirayn lagu sameeyo dhulka xaalufay iyo weliba ka hortaga nabaadguurka dhamaantood waa hawlo u baahan in degdeg loogu dhaqaaqo si looga hortago waxyeelo baaxad weyn oo ku dhacday deegaanka Somaliland.
Top
Madaxa Kooxda Birmingham City Oo Cadaaystay Rabitaankiisa Methew Upson
Steve Bruce madaxa naadiga Birmingham City ayaa si cad u qeexay qorshihiisa uu ku doonayo inuu dhamaystiro oo uu la soo wareego Methew Upson oo difaaca ka ciyaara kana tirsan hadda kooxda Arsenal.
23 jirka Upson waxay Birmingham qorshaysay in ay ku kharash garayso heshiiskiisa lacag dhan 1 Milyan oo gini, lacagtaas oo laga yaabo in ay noqoto ilaa (3) Milyan oo marka uu Methew Upson u safto naadigaas.
Madaxa kooxda Birmingham City ayaa sheegay in ay cadahay talaabooyinka uu naadigiisu qaadayo (2) labada ilaa (3) saddexda maalmood ee soo socda, arrinta la soo wareega Upson, arrintu waxay taalaa dhinaca go’aan gaadhista ee kooxda Arsenal.
Arrintan dhinaca kooxda Arsenal waxaa jirta in aanu maamulaha Arsenal Wenger aanu ku calool fayoobayn in uu Methew Upson u ogolaado in meel kale u wareego waxaanu sheegay inuu isagu doonayo in Upson uu joogo kooxdiisa oo uu u hogaansanaado ka sii mid ahaanta kooxda.
Weli waxaa muuqata in maamulaha kooxda Birmingham aanay u suurto galin inuu arko isagoo saxeexaya heshiiska uu Bruce qorshaystay in la saxeexo Upson, iyadoo ay kooxda Arsenal kulankii u dambeeyay kooxdiisa kaga adkaatay 4-0.
Top
Maamulaha Arsenal oo Salaan Aad U Qaaliya Gudoonsiiyay Thierty Henry markii uu Dhaliyay Goolkiisii 100aad |
Arsene Wenger maamulaha naadiga Arsenal ee Ingiriiska ayaa ku qaabilay salaan aad u qaaliya oo wadatay qadarin baaxad weyn, weeraryahanka kooxdaas ee Thiery Henry ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii (100) boqolaad intii uu naadiga Arsenal u ciyaarayay.
Henry (2) laba gool oo ka mida afartii gool ee axadii ay Arsenal kaga badisay kooxda Birmingham ayuu Henry dhaliyay ciyaartaas oo ka dhacday garoonka St. Andrew. Maamulaha Arsenal Wenger oo ka hadlaya ciyaar wanaaga Henry wuxuu yidhi "Henry wuxuu ahaa maanta mid ka soo mudh-baxay ciyaartoydii kale, inuu muuqaalka hormoodnimo ee ciyaaraha kubadda cagta ayaa hadda u noqotay mid u caadiya Henry."
Henry weeraryahanka Faransiiska ahi wuxuu uga ciyaari jiray baalaha kooxda Faransiiska iyo naadiga Juventus markii uu u soo wareegayay Arsenal, laakiin Wenger wuxuu Henry ku meeleeyay inuu ka ciyaaro dhexda oo xaga hore ah.
Henry waa 25 jir saddex sanadood ayuunbuuna ka ciyaaray kaalintan kooxdiisa ee ah qaybiye kubadeed oo la hawlgala hujuunka kooxda Arsenal, Wenger isagoo sii wada tilmaantii uu ku amaanay Henry waxaa kale oo uu yidhi "waxa aan ku jecelahay Henry ma aha oo qudha inuu yahay dhaliye, waxaa kale oo uu yahay ciyaaryahan siiya fursadaha saaxiibadiisa kale ee kooxda.
Guusha ay Arsenal todobaad ku guulaysatay ciyaartii dhexmartay kooxda Birmingham waxay 5 dhibcood ka horeysiisay kooxda Manchester United halkaas oo ay Arsenal iyadu si cad ugu sarayso tartanka horyaalka Ingiriiska, waxaanu maamulaha kooxda Arsenal rumaysanyahay in kooxdiisu ay haleeshay qaab ciyaareedkii ugu wanaagsanaa waxaanu Wenger arrintaa ka yidhi "Raali ayan ka noqday qaab ciyaareedka kooxda, waxay ahayd ciyaar wanaagsan oo aanu ka gudubnay iyo dhaqdhaqaaq ciyaareed oo sargo’an, waan jecelaystay sababtoo ah waxay u muuqatay sidii qaab ciyaareedkii wanaagsanaa ee kooxdayda oo soo noqday, taasoo anaga noo wanaagsan".
Top
Miroslac Klose Oo Ku Biiraya Manchester United |
Xidigii koobkii adduunka ee kooxda Jarmalka ee ka qaybgashay ciyaarihii sanadkii hore ee 2002 ka dhacay Japan iyo Kuuriya Miroslav Klose ayaa si aan la filayn wararku u sheegeen inuu ka tagayo kooxda Kalserslautern oo uu u wareegayo dhinaca kooxda Manchester United ee cariga Ingiriiska.
Maamulaha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in uu si rasmiya u gudo galay kharashka ku baxaya in uu Klose ku soo biiro naadigiisa Manchester United ku talogalkeeda lacageed ee ay Klose kula soo wareegaysaa ayaa ah (5) shan Milyan oo ah giniga Sterling-ka ee (UK).
Ciyaaryahanka Jarmalka ah ee Miroslav Klose wuxuu dhaliyay (5) gool ciyaarihii uu dalkiisa u saftay sanadkii hore ee Japan/Korea ka dhacay ee koobka adduunka.
Qorshaha ay kooxda Manchester United kula soo wareegayso Klose wuxuu ku salaysan yahay sidii ay u heli lahaayeen weeraryahanka ka garab ciyaara Ruud Van Nistelrooy, kooxda Kalsersautern ayaa u muuqda in ay hadda diyaar u tahay inay iib ku fasaxo ciyaartoydeeda kuwa suuqa leh si uu naadigaasi u kabo dhibaatada dhaqaale ee haysata.
Top
Milan Oo 2-0 ku Qarqisay Kooxda Bologna |
Tababaraha kooxda Milan Carlo Ancelotti ayaa nasiyay ciyaartoyga Filipo Inzaghi oo weerarka uga ciyaara kooxdiisa, waxaanu Carlo Ancelotti safka weerarka ee kooxdiisa uu safay ciyaartii ay la yeesheen Bologna ciyaaryahanada Shevchenko, Rivaldo, Rui Costa.
Daqiiqadii lixaad ee ciyaartaa ayuu Gennaro Gattuso kubad siiyay Shevchenko oo isna la haleelay xarfad uu ku dhaafayay kubadda difaaca Bologna ka dibna kubadda ku hubsaday goolka markii uu laad xoogan ku daba mariyay goolwale Gianluca Pagliaca oo goolka u hayay Bologna daqiiqadii 78aad ee ciyaartaa ayay kooxda Milan u suurtagashay in ay labaysato goolalkii ciyaartaa markii uu Seginho oo badelay Rui Costa uu ka faa’iideeyay kubad uu koonaha ka soo dadbay Rivaldo.
Recoba iyo Crespo oo isu kaashaday agaasinkii weerarkii ciyaareed ee kooxdooda waxay ku guulaysatay in ay laba gool dhaliyeen Francesco Cozza ayaa goolkii saddexaad ee Milan isagu saxeexay daqiiqadii 65aad ee ciyaartaa, ka hor intaanu isna goolka afraad ku sii adkayn guusha Milan ee ciyaartaa Delpiero.
Marco Di Vaio oo ah ciyaartoyda kaydka ee badel ku soo galay ayaa goolka 5aad dhaliyay.
Top
|