Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 248 January 17, 2003

Madaxweyne Rayaale: Socdaalkiisii Galbeedka Afrika Iyo Su’aalaha Taagan

Maamulka Kastamka Boorama Oo Lugaha Isku Taagay

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Qirtay in Diyaaradii Xubnaha Al Qaacida Ku Leysay Yemen Ay Ka Kacday Dalkiisa

Gudoomiyaha Awdal Oo La Shiray Madaxda Laamaha Dawladda

XOGHAYAHA GUUD EE JAAMACADA CARABTA

Madaxa Baadhayaasha Hubka Oo Digniin Kulul U Jeediyay Dawladda Ciraaq

Dawladda Suudaan Oo Qaadacday Wada-Xaajoodka U Dhexeeya Mucaaridka SPL

Loollanka Shirka Eldoret Iyo Dardarta Cusub Ee Dawladaha Carabta

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Dawlad Wadaag Ah in La Helo waa xal siyaasadeed

Mayorka Caasimaadda Hargeisa Ha Loo doorto Eng: Sabce

Soomaaliland Way Kasoo Gudubtay Colaad Beeleed

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

IFTIINKA ISLAAMKA

Waadiga Ciyaaraha

Manchester United Oo La Soo Wareegaysa Van Buyten

Barcelona Oo Soo Dhawaynaysa Heshiis Ay La Gasho Hasselbank

Gabriel Bastistuta Oo U Sii Jeeda Inter Milan


Madaxweyne Rayaale: Socdaalkiisii Galbeedka Afrika Iyo Su’aalaha Taagan

"Isla Habeenimadii aanu tagnay ayuu Madaxweynaha Senegal Qasrigiisa Ku Qaabilay Weftiga Madaxweynaha"- Cabdi Idiris

Hargeysa (Haatuf): "Socdaalkii ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisii ku tageen galbeedku Afrika waxa uu ahaa mid dumiyey gidaar qadiyadda Somaliland kaga dayrnaa wadamada Afrika ee afka Faransiiska ku hadla iyo guud ahaan-ba galbeedku Afrika", sidaa waxa qoraalkiisa ku bilaabay war-saxaafadeed uu af-hayeenka madaxtooyada Somaliland, Cabdi Idiris Ducaale shalay soo saareen.

Af-hayeenku waxa war-saxaafadeedkaa waxoogaa tibaax ah kaga bixiyey waxyaalihii uu Madaxweyne Rayaale dalalka galbeedku Afrika kala sooo kulmay, iyadoo wefti uu Madaxweyne Rayaale hogaaminayaa ay socdaal ku soo mareen dalal ay ka mid yihiin Senagaal, Maali iyo Itoobiya, wuxuuna weftigaa socdaalkoodu qaatay muddo toddobaad ah, taas oo ay dalka ka dhoofeen Arbacadii toddobaadkii hore, isla markaana waxay dalka dib ugu soo laabteen Arbacadii doraad. Laakiin Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu waxay ugu horayn safarkooda ku tageen caasimadda dalka Senagaal ee Dakaar, ka dibna waxay isu soo mareen dalalka Maali iyo Itoobiya, dalalkaasna waxay wada hadalo kula soo yeesheen madaxda dawladaha dalalkaa ka taliya, iyadoo ay weftiga Madaxweyne Rayaale ka mid ahaayeen wasiirada arimaha debedda, waxbarashada iyo horumarinta qoyska (Maxamed Siciid Gees, Axmed Yuusuf Ducaale iyo Edna Aadan-dhakhtar), sidoo kale af-hayeenka laftiisu waxa ka mid ahaa weftigaa.

Magaalada Dhakaar ee caasimadda Senagaal waxa ku dhaqan dadweyne tiradiisu gaadhayso 3 malyuun, iyadoo guud ahaan dadweyne dalka Senagaal ku nool lagu qiyaaso 10 malyuun oo qof, waxayna Dhakaar ahayd xaruntii looga talin jiray wadamadii Faransiisku gumaysan jiray ee galbeedku Afrika. Laakiin sida uu sheegay war-saxaafadeedka,Cabdi Idiris booqashadii weftiga Madaxweyne Rayaale ee dalka Senagaal waxay qaadatay muddo 30 saacadood ah oo aan loo nasan. "Isla habeenimadii aanu dalkaa tagnay oo ahayd 12:30 habeenimo ee saacadda Hargeysa, isla saacad ka dib Madaxweynaha Senagaal Abduole Wade oo dalkiisa looga yaqaan ma daalle ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha iyo weftigiisa"ayuu yidhi war-saxaafadeedku, isaga oo intaa raaciyey "Ereyadii soo dhowaynta Madaxweynaha Senagaal waxa ka mid ahaa Madaxweyne ku soo dhowow dalkaaga labaad."

War-saxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay waxa lagu sheegay inay booqashada Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisa ee dalka Senagaal ahayd mid la mahadin doono.

"Hawlihii dalka Senagaal, hakashadii Maali iyo hawlihii Adis-ababa waxaanu idiinku soo gudbin doonaa si taxane ah"ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka madaxtooyada ka soo baxay. Sidoo kale Madaxweyne Rayaale oo ay weriyayaashu qolka nasashada ee madaarka Hargeysa kula kulmeen markii ay soo degeen, isaga iyo weftigiisu waxa sheegay inuu wixii faah-faahin ah ee ku saabsan waxyaalihii uga soo qabsoomay socdaalkiisa mar dambe shaaca ka qaadi doono. 

Inkasta oo ay Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu sheegeen inay guul kala soo guryo-noqdeen socdaalkoodii galbeedku Afrika iyo xataa Itoobiya, hadana ilaa hadda tafaasiil shilis kama ay bixin inta ay macaanshiiyo le’eg tahay guusha ay la soo kulmeen iyo waxa ay tahayba. 

"Waxaan idiin ballan-qaadayaa warkayaga oo aanu isku soo dubba-riday inaanu idiinku soo gudbin doono sida ugu dhakhsaha badan," sidaa waxa yidhi Madaxweyne Rayaale oo ka jawaabaya su’aal ahayd bal waxa uu kala soo kulmay safarkiisa iyo wada hadaladiii uu la yeeshay madaxdii uu kula kulmay dalalka uu booqday. Sidoo kale Madaxweyne Rayaale waxa uu ku bisheereeyey inuu safarkiisa galbeedku Afrika Somaliland u furay marrin cusub oo siyaasadeed oo awel ka oodnaa, laakiin marka taa laga yimaado waxa jira faaqidaad iyo su’aalo badan oo la iska waydiiyey ama la iska waydiinayo socdaalka Madaxweyne Rayaale ku soo maray saddexda dal ee Senagaal, Maali iyo Itoobiya. Laakiin hadii aynu laba qaybood u kala qaadno su’aalaha ama faaqidaada qaarkood waxay dhasheen bilowgii socdaalka, qaarna waxay soo baxeen imaatinkii Madaxweynaha iyo weftigiisa. Hase yeeshee hadii aynu qaar ka taabanno faallooyinka iyo su’aalaha bilowgii la iswaydiiyey waxa ka mid ah: Halka ay ka soo dustay gacanta ay ina soo tiigsadeen dalalka Afrikada galbeed iyo cidda ka shaqaysay, iyadoo la ogyahay inay dalalkaasi ahaayeen dalal ay baadideena siyaasadeed kala fog tahay, ta kale su’aasha kale isla socdaalka bilowgiisii la iswaydiiyey waxa ka mid ah tolow ilaa intee in le’eg ayey qaadanaysaa in dalal aynaan horeba isu aqoon ay dano inooga suurta galaan, iyadoo la ogyahay dalalkii aynu dhawr iyo tobankii sannadood xidhiidhka inagu dhexeeyey, isla markaana aqoontu badan inoo lahaa ama xog-ogaalka inoo ahaa inay weli qabyo yihiin wixii aynu martida uga ahayn, sidoo kale waxa su’aalaha la is waydiiyey ka mid ahaa "Armuu gar-gudubkaasii qallin-daaraa xidhiidhkii dhowaa ee Somaliland la lahayd dalalka Mandaqadda, gaar ahaan dalka budh-tuurka u ah dalalka mandaqadda (Itoobiya)". Laakiin taa macneheedu ma aha in la leeyahay maxay madaxda Somaliland ka dooneen Senagal iyo galbeedku Afrika ama sidoo kale la leeyahay dalalka Afrikaa galbeed xidhiidhna inama dhexmari karo, mana tegi karo, hase yeeshee nuxurku waxa uu yahay ugu yaraan arimood: Ta hore waxa weeye dareen ah inaanu xidhiidhka cusubi noqon mid keena qallin-daar iyo qardoofooyin siyaasadeed oo jiilaal ku keeni jimcoonaanta siyaasadeed ee ay Somaliland ku qabto mandaqadda iyo aragtida labaad oo leh "Way fiican tahay hadii uu socdaalka Afrikada galbeed noqday guul hor leh oo siyaasadeed u soo hooyey Somaliland, laakiin waxa loo baahan yahay in dadka la taabsiiyo bal waxyaalaha ugu muhimsan."

Marka loo soo noqdo su’aalaha soo noqodkii weftiga dhashay waxay dadka qaar iswaydiiyeen "tolow muxuu madaxweynuhu uga gaabsaday inuu bilowgii imaatinka soo qadimo waxyaalihii uu kala soo kulmay socdaalkiisa", taas oo ay dadka su’aashan iswaydiiyey hadana leeyihiin, "dib u dhigiddu laba hal waa iyama: inaanu socdaalkani waxba ka duwanayn socdaaladii hore ee ay madaxda Somaliland ku tegi jireen dalalka kale ee Qaaradda ama dunida kaleba, ka dibna ay ku af-gobaadsan jireen "waxaanu safarkayagii kala soo kulanay guul iyo arimo waxtar inoo leh" iyo ta labaad oo ah inay jiraan heshiisyo siyaasadeed oo ay weftigu soo galeen, laakiin ay faafintooda ka xishoonayaan". Hase yeeshee malayaasha iyo tafaasiisha siyaasadeed ee laga bixiyey socdaalkii ay Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu ku soo galaabixiyeen dalalka Afrikada galbeed qaarkood iyo weliba afrikada bari qaarkood waxaynu tibaaxahooda saxa ah ka sugaynaa Madaxweyne Rayaaale iyo weftigiisa oo inoo ballan-qaaday inay inoo soo gudbinayaan hawlihii uga soo qabsoomay safarkooda. 

Top


Maamulka Kastamka Boorama Oo Lugaha Isku Taagay

Boorama (Haatuf) Maamulka kastamka Boorama ayaa haatan u eg mid lugaha isutaagay kaddib markii maamulkaasi ay bilihii an soo dhaafnay ee sannadkii hore ay soo waajaheen dhibaatooyin hakiyey hawlihii dakhli ururinta kastamka .Sida uu HAATUF u sheegay maamulaha kastamka Boorama Axmed Gaaxnuug waxa uu maamulka kastamku kasoo kabtay dhibaatooyin Lasoo dersay oo ka dhashay markii dad badani isku dayeen inay ka faa’iideystaan iskushaandhayn lagu sameeyey maamulka kastamada dalka iyadoo ganacsato ay waajibtay cashuuraha dawladdu u kala sheekeeyeen shaqaalaha iyo maamaulka balse taasi imika laga gudbay .Waxa kale oo maamulu sheegay in dakhligii oo horey an dhaafi jirin boqolmilyan oo Soomaaliland shilin ah sannadkii uu haatan kor u dhaafay in ka badan boqoliyosideetan milyan oo soomaaliland shilin ah waxana kor u qaadista dakhliga caawiyey furitaanka kastamka garoonka diyaaradaha Boorama iyo isku duubnaanta shaqaalaha iyo maamulka taasoo lagaga guleystay wax kasta oo dhibaato ah oo soo maray kastamka Boorama. 

Top


Ismaaciil Cumar Geelle Oo Qirtay in Diyaaradii Xubnaha Al Qaacida Ku Leysay Yemen Ay Ka Kacday Dalkiisa

"Ciidamada Maraykanka ee jooga Djibuuti anagaa biilina" Wareysi - Al khaliij

Djibouti (Al-Khaliij)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa qirtay inay dalkiisa ka kacday diyaaraddii xubnaha Al-qaacida ku laysay muddo haatan laga joogo bil dalka Yemen, isaga oo sheegay inay arrintaasi dhacday iyaga oo ka warhaya ayna ogayd Dawladda Yemen.

Waxaanu sidaa Madaxweyne Geele ku heegay waraysi uu la yeeshay wargeyska Al-khaliij ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta cadadkiisii soo baxay maalintii Arbacadii dorraad, waraysigaa oo aad u dheeraa wuxuu Madaxweyne Geelle sidoo kale kaga warramay arrimo badan oo kale oo ay ka mid yihiin xidhiidhka uu dhalkiisu la leeyahay Maraykanka, shaqada ciidamada reer galbeedka ah ee ku sugan Djibouti iyo guud ahaanba arrimaha ka socda geeska Afrika.

"Hawlgalkaasi waxa uu dhacay annaga oo ka warhayna, isla markaana ay ogtahay Dawladda Yamantu, waxaananu shardi kaga dhignay dawlada Maraykanka inaanaan aqbalayn inay diyaaraddaasi kacdo ilaa ay oggolaato Dawladda Yamani, taas oo dhacday, waxaanan caddaynayaa in Dawladda Yaman uu naga dhexeeyo wada-shaqayni iyo is-faham buuxa, cilaaqaadka fiican ee aanu la leenahay Maraykanku waxa uu fududeeyaa is-fahamka iyo ka shaqaynta danaha ay leeyihiin Carabta iyo dalalka gobolka, guud ahaan," sidaa waxa yidhi Ismaaciil Cumar Geel oo ka warramayay sida uu u dhacay hawlgalkaa lagu laayay xubnaha Al-qaacida dalka Yaman, kuwaas oo ahaa lix xubnood oo gaadhigii ay wateen ay diyaarad bilaa duuliye ahi ku dishay agagaarka Sanca bil kahor.
Mar wax laga weydiiyay joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Djibouti waxa uu sheegay in aanay halkaasi u joogin duulaan ay ku qaadaan dal kale ayna ka soo horjeedaan in faragelin lagu sameeyo dal kale.

"Wax dhaqaale ah kama helno Maraykanka, balse anagaaba biilina ciidamada Maraykanka ee dalkayaga jooga, taas oo ah mid ka duwan dawlado badan oo uu Maraykanku ciidamo geeyey, anaga oo baahi weyn u qabna in aanu helno kaalmo dhaqaale oo aanu ku soo kicino dhaqaalaha liita ee Djibouti. Arrinta ah in aanu dhaqaale helnaana waa mid la buun-buuniyay," ayuu yidhi madaxweyne Geelle isaga oo intaa ku daray inuu dhawaan booqan doono Maraykanka oo uu ka helay marti-qaad rasmi ah.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle isaga oo ka hadlaya xaaladda guud ee geeska Afrika, gaar ahaana xaalka Soomaaliya iyo Suudaan wuxuu sheegay in ay dantu ku jirto in wadahadal lagu dhameeyo khilaafaadka taagan. "Shirka Eldoret waa fursaddii ugu dambaysay ee ay haystaan xoolaha somaliya si ay u soo af-jaraan khilaafaaadka una dhistaan dawlad wada-jir ah," ayuu yidhi isaga oo ka digay in shirkaasi uu fashilmo iyadoon lagu heshiin.

Ugu dambayn Madaxweyne Geelle isaga oo ka hadlaya doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Djibouti waxa uu sheegay inay ku dhaceen si dimuqraadi ah ayna goob-joog ka ahaayeen wakiilo ka socda ururo caalami ah sida Franco Phone, Midowga Yurub, Midnimada Afrika, Jaamacadda Carabta iyo dalal kale, doorashada kadibna inay qorshaynayaan sidii ay u dejin lahaayeen barnaamij lagu horumariyo dalka Djibouti.

Top


Gudoomiyaha Awdal Oo La Shiray Madaxda Laamaha Dawladda

Boorama (Haatuf) Guddoomiyaha maamulka gobolka Awdal Mudane Maxamuud sh.Cabdilaahi ayaa maanta hoolka shirarka ee xarunta maamulka gobolka isugu yeedhay maamulayaasha laamaha dawladda ee Gobolka si looga waadahadlo arrimaha maamulka dawladda ee Gobolka. Badhasaabku waxa uu shirkan isuduwayaasha iyo maamulyaasha kale ee laamaha dawladda gobolka uga warramay hawlihii lasoo maray intii ay socdeen doorashooyinkii golayaasha deegaanka degmooyinka gobolka ,xaaladda nolosha dadka iyo duunyada ee gobolka,arrimaha nabadgelyada iyo wixii laga qaban lahaa ama laga qabtay mas haariicda horumarimneed ee gobolka iyo haddii ay jireen kuwa fuliwaayey sababaha u fuli waayeen.Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay in kor loosoo qaado maamulkii dawladnimo lana adkeeyo sharciga iyo kala dambaynta.Kulankan oo ah kii uguhorreeyey ay isugu yimaaddaan maamulka dawladdu tan iyo intii ay dhammaaden ololihii doorashooyinkii deegaanka ayaa waxa kale oo warbixin kasoo jeediyey madaxda laamaha dawladda ee gobolka iyagoo badhasaabka uga warramay waxay qabteen iyo waxa udhiman in la qaabto iyo dhibaatooyinka haysta laamaha dawladda . Guddoomiyuhu wuxu shirkan ammaan gaar ah ugassoo jeediyey Isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Awdal Dr.Cabdiraxmaan Jaamac Hadi iyo Saleebaan maxamed Obsiiye oo ah Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta MIYIGA EE gobolka Awdal kuwaas oo uu sheegay inay dantoodii gaar ahaaneed u lumiyeen danta guud ee dadweynaha iyo arrimaha deegaanka

Top


XOGHAYAHA GUUD EE JAAMACADA CARABTA

Khartum Xoghayaha guud ee jaamacada carabta camar muuse ayaa cadeeyay in aanan kooxaha soomaalida ah la siin doonin wax taageero dhaqaale ah oo dib loogu dhisayo Somaliya tan iyo inti ay ka istaagayaan dagaalada sokeeye.

Xoghayaha guud ee jaamacadda carabta Mr Camar muuse shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada khartoum maalintii arbacadii waxaa uu kaga hadlay arimo farabadan oo ay ka mid yihiin arimaha sudan iyo somalia waxaana uu ku nuuxnuuxsaday Mr Camar Muuse inuu garabtaaganyahahay shirka kooxaha soomaalida ah uga socda magaalada Eldoret waxaana uu ku booriyay kooxaha soomaaliyeed inay garab istaagaan nabadynta dalkooda iyo inay ka dhowraaan fashil ku yimaada shirka, dhanka kale waxaa uu sheegay xoghayuhu inaan marnaba la siin doonin shilin dhaqaale ah oo dib loogu dhiso burburkii gaaray wadanka somalia kooxaha soomaaliyeed tan iyo intuu buu yiriye ay ka joogsanayaan dagaaalada sokeeye ee ka socda gudaha somaliya.

Top


Madaxa Baadhayaasha Hubka Oo Digniin Kulul U Jeediyay Dawladda Ciraaq

Baqdaad (W. Wararka) Madaxa baadhayaasha hubka ee qaramada midoobay u qaabilsan Ciraaq Hans Bliks ayaa digniiin kulul u soo jeediyay dalka Ciraaq isagoo ka dalbday in ay dar dar galiso iskaashiga ay la leedahay baadhayaasha hubka, isla markaana ay soo bandhigto cadaymaha looga baahanyahay si looga fogaado dagaal lagu qaado dalkaasi.

Mr. Hans waxa uu sidaa ka sheegay shir jaraa’id oo ku qabtay Brussels oo uu kaga hadlayay xaaladda aan sugnayn ee u dhaxaysa Ciraaq iyo baadhayaasha hubka, isagoo intaa ku daray in dagaal lagu qaado ciraaq uu yahay doorashada ugu dambaysa haddii xal kale la waayo. Waxaanu beeniyay in baadhayaasha hubku ay ku hawlan yihiin arrimo basaasnimo, isla markaana inay u shaqeeyaan dawlad kale.

Isagoo ka hadlayay hawsha baadhista ee ay wadaan waxa uu ka dalbaday dawladda ciraaq in ay u ogolaato sidii ay si xorriyad ah u mari lahaayeen meesha ay doonaan, isla markaana u baadhi lahaayeen meel kasta oo ay tuhmaan.

Mr Hans oo magaalada Brussels wada hadalo kula yeeshay madaxda midowga Yurub, waxa uu warbixintiisa ku sheegay in baadhayaasha hubku ay heleen hub ay si sharci darro ah Ciraaq ku soo iibsatay, laakiin muu cadayn in hubkaasi u yahay ka halista ah iyo inkale. Wuxuuse intaa ku daray in wada shaqayn buuxda oo ay Ciraaq la samayso baadhayaasha hubku ay fududaynayso in adduun waynaha lagu qanciyo in aanay Ciraaq haysan wax hub oo halis ah.

Madaxa xidhiidhka dibada ee midowga Yurub Haveir Solana oo isna halkaa ka hadlay ayaa Mr. Hans ku raacay mawqifka uu iska taagay Ciraaq, isagoo intaa ku daray in masuuliyadda laga badbaadi karo dagaal dhaca ay dusha ka saarantahay Madaxweyne Sadaam Xuseen, waxa kale oo uu sheegay in midawga Yurub ay door bidayaan go’aan kale oo ka soo baxa qaramada midoobay, kaasoo awood u siinaya in la adeegsan karo xoog marayakanka iyo xulufadiisa.

Top


Dawladda Suudaan Oo Qaadacday Wada-Xaajoodka U Dhexeeya Mucaaridka SPL

Khartuum (W. Wararka) Dawladda Suudaan ayaa gaashaanka ku dhufatay in wefti u dirto dalka Kenya halkaasoo uu ka dhici lahaa wada hadalo dhexmara iyaga iyo jabhada SPLA maalinta arbacada ee soo socota. Iyadoo taas sabab uga dhigtay in ajandaha lagu soo daray qodobo aan ku jirin, sida saddex gobol oo markii hore aan ku jirin dhulka lagu muransanyahay.

Waxaanay dawladda Suudaan sheegtay in aanay ka qayb galayn wada hadalada dhex mari lahaa iyaga iyo mucaaridka koonfurta, maadaama aan laga tashan sida ay sheegtay diyaarinta jadwalka wada hadalada.

Dhexdhexaadiyaasha wada hadaladaas oo naawilaya inay soo afjaraan dagaal socday muddo labaatan sanadood ah, kaasoo u dhaxeeyay dawladda Suudaan iyo mucaaridka SPLA, waxa ay tani ku tahay dhirbaaxo culus.

Balse dhinaca mucaaridka SPLA ayaan iyagu wax war ahi ka soo bixin oo ku saabsan ka maqnaashiiyaha dawladda Suudaan ee wada hadaladaasi, laakiin dhinacooda waxay xaqiijiyeen inay dhinacooda ka qayb galayaan wada hadaladaasi.

Wada hadalada lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac oo ay muddaba soo wadeen ururka IGAD ayaan marnaba guul la taaban karo laga gaadhin.

Top


Loollanka Shirka Eldoret Iyo Dardarta Cusub Ee Dawladaha Carabta

Faallo- Caraale M. Jaamac

Dabayaaqadii toddobaadkan waxa caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum lagu soo gebagebeeyey shir ay yeesheen wasiirada arimaha debedda ee dalalka Carabta, iyadoo uu dhinaca kalena shirkaa ka qayb galay xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta, Caamir Muuse. Laakiin shirkaa ajandayaashii lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa xaaladda Somaliya iyo koonfurta Suudaan ee ay ka dagaalamaan mucaaradka ku kacsan dawladda Suudaan, wuxuuna shirka Khartuum ku soo beegmay xili uu magaalada Eldarote ee dalka Kenya ka socdo shir lagu heshiisiinayo kooxaha Somaliya, shirkaasna waxa marti gelisay dawladda Kenya, isla markaana waxa qaban-qaabadiisa lahaa urur-goboleedka IGAD ee ay ku bahoobeen dalalka Afrikada bari.

Shirka Eldarote oo furmay 15-kii bishii Oktoobar sannadkii 2002 waxa toddobaadkan la soo gebagebeeyey wejigii labaad ee ajandayaasha shirkaa, sidaa darteedna sida la sheegay waxa dhowaan loo gudbi doonaa wejigii saddexaad ee shirkaa oo ku saabsan saami-qaybsiga awoodaha kooxaha iyo qabaa’ilka Somaliya ee dawladda la damacsan yahay in halkaa lagu dhiso, laakiin waxa ka aaminsan yahay inuu qoddobka saami-qaybsigu yahay caqabadda ugu adag ee shirkaa hor-iman doonta, iyadoo ay shirkaa hore ula soo derseen caqabado muddo lugta jiiday oo ay ka mid yihiin saami-qaybsiga erggoyinka shirka ka qayb gelaya iyo waxyaalo kale, waxayna mushkiladaha caynkaas ahi marar badan shirkaa qarka u saareen inuu burburo oo gebi ahaan-ba lagu kala yaaco. Laakiin qaybaha hadhay laftooda waxa jira wewer badan oo laga qabo inay galaaftaan.

Sida ay dad badani aaminsan yihiin ismariwaaga kooxaha Somaliya ku hirdamaya hadii ay shirka Eldarote tahay iyo hadii ay shirarkii ka horeeyey tahayba waxa door firfircoon ka ciyaara dawulka dunida qaarkood. Sidaa darteed dawladaha Carabta ee ku shiray waxa ujeedooyinkooda siyaasadeed ka mid ahaa sidii ay saamayn weyn ugu yeellan lahaayeen shirka ka socda Eldarote, iyadoo ay dawladaha Carabtu ka mid yihiin dawladaha sida weyn loogu xanto inay gacan siiyaan qaar ka mid ah hogaamiye-kooxeedyada Somaliya.

Shirka Khartuum waxyaalaha lagu go’aansaday waxa ka mid ah inay dawladaha Carabtu gacan buurran ku yeeshaan shirka Kenya, taasna waxay suurta gal ka dhigi kartaa inuu adkaado wejiga dambe ee shirku, iyadoo ay sababtuna tahay inuu xoogaysto hirdanka u dhexeeya dalalka Carabta iyo dawladaha ururka IGAD ee hadda shirka gacanta ku haya, isla markaana waxa la rumaysan yahay inay dawladaha Carabtu mawqifkoodan cusub u qaateen, iyaga oo dareemay inaanu shirka Eldarote maslaxadooda ku salaysnayn, waxaana shirka dawladaha Carabtu ku yeesheen Khartuum ka qayb galay C/qaasin Salaad Xasan iyo Wasiirkiisa arimaha debedda, iyadoo la rumaysan yahay inay dawladaha Carabtu gacan weyn siiyaan kooxda C/qaasin Salaad. Sidaa darteedna uu C/qaasin qaylo kula dhex-dhacay dawladaha Carabta ee ku shiraya Khartuum, isaga oo leh iga soo gaadha IGAD iyo Itoobiya. Sidaa awgeed hadii ay dawladaha Carabtu dar-dar cusub la soo galaan shirka Eldarote waxa la rumaysan yahay inay caqabadihiisu circa isku sii shareeri doonaan, taasina ay noqon doonto dhimashadiisa, taas oo ay galaafan doonto loollanka siyaasadeed ee ka dhexeeya dawladaha Carabta iyo dawladaha Afrika ee ay Itoobiya budh-tuurka u tahay.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Maxaa Dib U Dhigay Isboortiga Somaliland?

By Maxamed Cabdi Sheekh

Isweydiintu waxa ay tahay dadweynuhu ay raadinayaan waxa ku dhacay sportiga dalkan Somaliland ee maalinba maalinta ka danbaysa xaaladiisu sii xumaanayso wax ka soo raynayana ay dadweynaha dalkan ku dhaqani arki la’yihiin ilaa iyo haatan magaranayaan dadweynuhu waxa ka qabasho la’aanta dadka u xilsaaran horumarinta sportiga dalka, iyo sida maamulaba sida ay tahay.
Waxa dalka ka jira xaalad sporti oo aad u liidata oo aan lagaranayn waxa ay ku salaysantahay waxa sidaa u galay, haddaba waxa dalka ka jira naadiyo aad u farabadan gaar ahaan caasimada dalka ee Hargeysa marka la eego dhaqaalaha ay ku fadhiyaan naadiyadani ayaa waxa uu yahay mid aad iyo aad u liita waxaan ahayn labada naadi ee ugu awooda badan xaga dhaqaalaha iyo kubadahaba ee gaashaan iyo goodir haddaba iyadoo dalka ay ka jiraan fool xumooyin badan oo xaga sportiga ah ayaa haddana dadku waxay eeda saarayanaan madaxda sportiga dalka kuwaas oo dadweyne aad u badani ku dhaliilayaan hawlgab wasaaradda ka shaqaysa arrimaha sportiga dalka waxaad arkaysaa marka ugu horeysa eed aad gasho wasaaradda dhaqdhaqaaqeeda oo aad u liita xawaaraha wasaarada oo aad uga yar wasaaradaha dalka ka jira oo aad mar odhanayso malaha waa cidlaba sidaa daraadeed ay liidata xidhiidhka wasaaradu ay la leedahay naadiyada dalka ka jira oo noqday mid aan waxbaba ka jirin wasaaradda sportiga hawsha ay qabataa ma gaadhsiisna dalka oo dhan haddaba ma isweydiisay inaanay dadka u xilsaaran hawshani ay yihiin gaabis.

Waxa kale oo dalka ka jira gaar ahaan magaalada Hargeysa league ay qabanqaabiyeen xidhiidhka kubadda cagtu kaas oo marayay mar xaalad aad u adag markii horeba dadweynaha ciyaaraha indha-indheeyaana ay aad ugu farxeen bilawgii horyaalkaa laakiinse uu noqday hal bacaad lagu lisay oo muddo imika ku dhaw afar bilood aan la arag, dhaqdhaqaaqiisa, sidaa daraadeedna uu niyad jab weyn ku keenay ciyaartoygii ka qayb qaadanaysay horyaalkaa.

Waxa lagu dhaliilayaa joogsashada horyaalkaas madaxda sare ee wasaaradda hawsha la wadi la’ xidhiidhka kubadda cagta.

Waxa uu ku doodayaa xidhiidhka kubada cagtu hala helo wax kafeeya garsoorka, askarta ilaalinaysa, naadiyada iwm. Waxaanay leeyihiin intaba midna ma hayso, marka si loo eegona waxa amarkaa arrintaa lagu fulinayana iska leh maamulka ugu sareeya wasaaradda oo isagu fududayn kara hawl walba oo la qabanayo.

Waxa ay ku doodayaan xidhiidhka ama sax ha ahaado ama khalad ha ahaadee sportiga magaaladan Hargeysa waxa uu ku sii dhawaanayaa dhamaad waayo maba arkaysid dhaqdhaqaaq sporti ee lagu yiqiinay wadamada soo koraya hadaba xaaladu si kastaba ha ahaatee, waxay runtu tahay inaanay wasaarada sportiga laga qaaday wasiirkii loona magacaabay wasiir cusub kaas oo hadda dadweynuhu ka filayaan isbedel wayn oo saamayn wayn ku yeelan doona wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa haddana wali lala’ayahay waxa lagu bilaabo horyaalkii dalka ka socday kaas oo ugu fiicnaa hawshii dalka dhacday mudo ka badan 12 sanadood waxa ugu waaweyn duruufaha ka jira ee hortaagan horyaalkan hadda garsoorayaasha wasaaradda oo aad u yar oo aan tirada guud ee ka diiwaangashan garsoor ahaan aanay ka badnayn shan kaliya, halka ay dumarka ka shaqeeya wasaarada ay ku dhawyihiin 15 dumar ah waxa kale oo jirta garsoorayaal aan ka tirsanayn wasaaraadda oo qabta haddana ciyaaraha waaweyn ee dalka ka dhaca kuwaas lagu dari kari la’yahay wasaaradda sportiga haddana aad loogu baahan yahay. waxa kale oo hawsha horyaalkaa hortaagan dhinaca police ee hawsha kala wadi lahaa isna ama fududayn lahaa haddii la heli lahaa taas oo aanay wali wasaaradu kala xidhiidhin wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka jirta. Waayo hawshaasi waxay u baahantahay in la isla soo horfadhiisto.

Haddaba xaalku si kastaba ha ahaadee waxa horyaala maamulka cusub ee hawshan la wareegay shaqo adag oo u baahan werwer badan dhinaca kale wasaaradu wali may samayn wax dayac tir garoonada ama caawimo kale oo wax ku ool ah dadweynaha qaarna waxay leeyihiin waxay wasaaraddu ka fiicnayd imika markay hoos joogtay wasaaradda waxbarashada, si kastaba ha ahaatee, waxay dadweynuhu leeyihiin hawshani waa gaabis.

Waxa kale oo ay ku doodayaan dadweynuhu inuu wasiirka sportiga kaga doodo shirka wasiirada maalmaha isniinta bayaan wax ku oolana ka soo saaro fool xumada ku habsatay sportiga dalka ka jira iyo dhaqaale xumada haysata sportiga.

Guntii iyo gabagabadii waxaanu leenahay wasaaradda sportiga dadweynaha qaata, oo tix raaca fikradaha madaxda naadiyada iyo kuwa bulshaweyntaba arrintaa oo ka fikira inta xumaanta u baydhay markay sporti arki waayeen iyo inta qaadka ku foorarsatay sporti la’aan awgeed.

Top


Dawlad Wadaag Ah in La Helo waa xal siyaasadeed

Iyadoo ay fooda inagu soo hayso doorashadii M/weynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waqtigii dastuuriga ahaa, balse komishanka qaranku ay soo bandhigeen in dib loo dhigo doorashadaas ilaa 30/03/03 hindisahaas oo run ahaantii ruxruxay golaha Guurtida Somaliland, waxa aynu ka war qabnaa in todobaadkan golaha guurtidu ay gudi 14 xubnood ah oo ka tirsan golaha Guurtida u saartay in ay la tashiyo la soo sameeyaan dhamaan axsaabta siyaasaadda oo ay ku jiraan saddexdii xisbi ee ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanka ee ASAD, SAHAN iyo HORMOOD labada xisbi qaran ee KULMIYE iyo UCID oo ka mid ah labada xisbi qaran marka laga reebo xisbiga UDUB ee ay dawladdu ku abtirsato mooyaane dhamaan inta kale waxa ay soo jeediyeen in la helo dawlad wadaag ah, dawladaas wadaaga ahi waxa ay ilaalinaysaa awooda iyo hantida qaranka si aan xisbiga UDUB u isticmaalin tartanka doorashada M/weynaha iyo M/weyne ku xigeenka. Run ahaantii waxaynu ognahay in ay cabasho ka jirto oo ay xisbiyadu ka cabanayeen xisbiga UDUB doorashadii D/hoose ee degmooyinka ee 15/12/02 ka dhacday inta badan degmooyinka dalka, taas oo ay sheegeen in xisbiga UDUB uu ku shubtay doorashadii golayaasha deegaanka iyo isagoo isticmaalaya ololaha doorashada.

Haddaba aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah jecel nabada iyo horumarka Somaliland waxaan talo ahaan golaha Guurtida u soo jeedinayaa in ay muddada dawladda u kordhiyaan, kuna qanciyaan dawladda iyo xisbiga UDUB sidii loo samayn lahaa dawlad wadaag ah oo ka kooban saddexda xisbi qaran, dawladaas oo dhexdhexaad ka noqonaysa ololaha doorashada m/weynaha iyo m/weynaha ku xigeenka, golaha Guurtidu isagoo leh awooda muddo kordhinta xukuumadda xaalado adag oo horena dalka ka soo badbaadshay waxaan leeyahay maanta dalku meel qadhaadh buu marayaa markaa si deganaansho, dhexdhexaadnimo, daacadnimo, iyo muwaadinimo leh u badbaadsha qaranimada Somaliland sidii laydinku yiqiin.

M/weyne Rayaale iyo xukuumaddana waxaan leeyahay waxaad qaadataan wixii talo ah ee wanaagsan taas oo dan u ah qaranimada umadda Somaliland wanaageedana waad helaysaan taariikhdana way galaysaa.

Cadnaan Maxamed Axmed (Ina Maxamed Case)
Burco

Top


Mayorka Caasimaadda Hargeisa Ha Loo doorto Eng: Sabce

Sida aynu la wada socono waxaa la soo gaba gaboobay doorashadii, iyo xulistii golaha deegaanka ee dhamaan goboladda iyo degmooyinka jamhuuriydaadda Somaliland, iyadda oo uu dadku dooraanayay cida uu arki karo in ay wax ka qaban karto adeegyadda kala duwan ee magaalada uu deegaanka ku yahay .ay u baahan tahay dhinac walba. 

Waxaana dhacday in dad fara badan ay u codeeyeen urur aan ahayn kii ay taageersanaayeen iyagu, taa waxa ku kaliftayna ay tahay si ay u soo saaraan shakhsiyaad ay ula hall weyn yihiin in ay wax ka qaban.kaaraan baylahda muuqata ee magaalada Hargeysa iyaga oo doorbidaya danta caamka ah ee bulashadiisu u baahan tahay.

lmminka oo golaha deegaanka caasimaddu isu diyaarinayo inuu la wareego maamulka caasimadda Hargeysa waxaan ku tallin lahaa sida cinwaanka maqaalkayga aad ka dhadhan san karaysaan in "' ,~ maayarka caasimadda Hargeisa loo doorto Eng:Mohamed Ahmed Elmi "Sabce" iyada oo tani aanay iga ahayn qof jeclaysi balse aan" u damqanayo bilicda iyo maamul waanaaaga ay ka madhan tahay dawladda hoose ee Hargeysi isla maarkaana aan u hubo sidaan u dhimanayo in uu Eng:Sabce wax weyn ka qabaan doono adeegyadda kala duwan ee ay maagaaladdu u baahan tahay lagu ilaawi doonana dhibaatoyinka hadheeyey dawladda hoose ee Hargeisa ee musuq maasuqu kawga ka yahay aniga oo tilmaan ka bixinaya shakhsiyaddiisa gaar ahaaneedna waxaa ka mid ah:

  1. Waa qof leh shakhsiyad ,hawlkarnnimo iyo masuulnimoba ay ku dheehan tahay. 

  2. Waa qofka madhan caadooyinka xunxun ee bulshadeena ku badan sida qabiilaysiga, kooxaysiga,musuqmaasuqa,.beenta iwm ee diinta alle lagaga fogaan karayo. 

  3. Waa Engineerkhibradiisu tahay 35sanadood oo habka magaalaynta ah (Planning of cities). 

  4. Waa nin muwaadinimo ku sifoobay, isaga oo si gaar ah isugu 

  5. xilsaaray iyada oo aan loo tilmaamin isla markaana door muhiim ah ka soo ciyaaray ololihii u codeynta dastuurka iyo kuwii deegaankaba.

Aniga oo soo gebo gebaynaya hadalkaayga maanta Hargeysi 
waxay u baahan tahay waxqabad balse uma baahna afmiishaar danbe oo hantida masaakiintan bacad yaalka ah lunsada .(Nina Dhaqashuu Kuugu Dhabar Jabay Nina Dhuunuu Kuu Dhex Joogaa).

Maxamed Cige Xasan (Citizen Concern)
Hargeysa

Top


Soomaaliland Way Kasoo Gudubtay Colaad Beeleed

Waxan marka hore idiinka mahadcelinayaa sidaad u diiddeen haddaad tihiin HAATUF hadalkii Muuse Biixi ee aflagaadada ugeystay madaxweynaha Dalka iyo guud ahaanba shacbiga reer soomaaliland .Intaa kaddib waxan ka mid ahaa hooyooyinkii reer Boorama ee muddada afarta bilood iyo badhka ahayd dheriga u Karin jirtay gogoshana u dhigi jirtay ergooyinkii shirkii Boorama ee lagu dhisayey xukuumadda maanta aynu haysano isla markaana beelaha reer soomaaliland ay ku ilaaween colaad kasta oo dhextaalay.Inkasta oo hadalka Muuse Biixi shacbiga reer soomaaliland ka cadhoodeen, haddii an nahay reer Awdal waxan shakhsi ahaan rumaysanahay in xukuumadda Soomaaliland aynala dhiseen beelaha Ku nool deegaamada Hargeysa, Berbera, Burco, iyo Ceerigaabo, beel kastaana way leedahay nin xun oo kursidoonnimo awgeed isku daya inuu colaad abuuro.Waxa kale oo an rumasanahay in wixii shacbigeenu kusoo dhintay nin qudha ahi aanu burburin Karin.Waxa kale oo an rumaysanahay in Muuse keligii yahay oo anu tolkii la qabin waxa uu ku hadlay.Waxan ugu dambayntii leeyahay reer Boorama haddaan nahay idiin raaci mayno hadalka Muuse ee isagay u xuntahay.

Haweeya Raage cige
Boorama,Awdal 

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 68aad

Mingistu: Waxaan amray in boqorka la aaso, iyadoo aan wax Durbaan iyo muusig la tumin ama laga dhawaajin, amarkaana waxaan u gud-biyey guddiga xabsiyada, arintaasina sidaa ayey ku dhamaatay.

Ganat: Miyaad xaqiijisay inuu amarkaasi fulay iyo inkale?

Mingistu: Horta amarkayagu waxa uu ahaa mid aanay inyarina ka dhin-mi karin, sidaa darteed amarka aanu bixinay waxa uu ahaa mid la fulinayo, markaa inaan amarkaa la fulin kama shakisani, ta kale markii uu boqorku dhintaya su’aalihii aasaasiga ahaa ee qoyskiisa wixii jawaabo ah ee ay uga baahnaayeen waa loo dhameeyey, isla markaana aniga (Mingistu) waxa ii yaalay hawlo badan oo weliba degdeg ah, kuwaas oo ahaa kuwo aan ii saamaxayn inaan ka qayb qaato hawsha aaska boqorka, isla markaana waxa wadanka ka jiray dhibaatooyin, laakiin taariikhdii caynkaa ahayd ee aanu ka soo gudubnay ayaa maanta marba si looga waramayaa, taas oo mar la leeyahay sun baa boqorka la cabsiiyey, marna barkin baa lagu cabudhiyey oo lagu bakhtiiyey. Ta kale xubnihii golaha dhergiga may jirin cid qudha oo ka fekertay ama ka hadashay oo tidhi boqorka aaskiisa sidaa ama sidaa halaga yeelo, waayo iska dhaaf cid tidhi ama qaaday talaabo dil ah oo boqorka ku saabsan ee xataa ma jirto cid xusuusatay ama ku fekertay dilistiisa.

Ganat: Xafiiskaaga hoostiisa waxa laga soo guray, taa ka warran ?

Mingistu: Maxaan ka ogahay cidda la leeyahay lafaheeda ayaa meesha laga soo guray, markaa ma garanayo, mana aha wax iga dhaadhaacaya lafihii boqorka ayaa halkaa laga soo guray.

Ganat: Waxa la leeyahay waxa la raadiyey nin garanayey meesha aad boqorka ku aasteen, ta kale waxa la leeyahay maadaama ay jirtay cid meeshaa (xafiiska hoostiisa) waxa halkaa laga soo saaray lafihii, taa ka warran?

Mingistu: Waa kuma kaasi?

Ganat: Magaciisa ma xusuusto, laakiin waxa la yidhi waxa uu ahaa nin Injineer ah oo madaxtooyada ka shaqayn jiray, isla markaana waxa la yidhi inta goobtaa la qoday, rafaad badana lagala kulmay qodisteedii ayaa la la helay lafihii?

Mingistu: Kaa beenaale dheh, ta kale Injineerka la sheegayo ee madaxtooyada ka shaqayn jiray inta musuqmaasuq lagu qabtay ayaa la xidhay, waayo inta uu yidhi xerada madaxtooyada ayaan dib u cusboonaysiin ku samaynayaa, ayaanu hawshii uu yidhi qaban, isla markaana dhibaato badan geystay, dabadeedna markii uu sidaa yeelay ayaa la xidhay, arintaana waan xaqiijin karaa hadii la doonayo, ninkaasna aad baan u xusuus nahay oo xataa ilaa xadka aan xusuus nahay waxa KANADA joogi jirtay gabadh uu dhalay, gabadhaasina markii aabeheed la xidhay inta ay waraaq ii soo dirtay, iyadoo leh aabahay maxaa lagu xidhay iyo waa in la sii daayo, laakiin si aanay gabadhaasi u niyad-jabin ayaan gacantayda waraaq jawaab-celin ah ugu qoray oo aan u diray, waxaana ku idhi "Ma dhici karto in la sii daayo, waayo aabahaa dembi weyn ayuu geystay, isla maarkaana anigu ma garanayo meel inta aan sharciga ka tago aan wax ka qaban karo, laakiin sida ay doonto ha noqotee dembiga uu geystay inta uu le’eg yahay ayuun baa lagu ciqaab marinayaa". Hase yeeshee ninkaa waqti dambe ayaa la sii daayey, balse markii xabsiga laga soo daayey ma garanayo meel uu qabtay. Ta kale ninkaa Injineerka ah isla markii aanu madaxtooyada la wareegnay ayaaba inta la wanjallay la xidhay, wuuna xidhnaan jiray, markaa sidee buu u ogaaday taa, isla markaana marka laga hadlayo boqorka aaskiisa ma wax looga baahday baa jiray ninka injineerka.

Ganat: Meesha boqorka lagu aasay hadii sida la sheegayo ay tahay xafiiskaaga hoostiisa miyaan markaa Injineer loo baahnayn si uu u qodo?

Mingistu: Xataa hadii ay qodniin xabaaleed tahay maxaa Injineer looga baahan yahay waa wax ay cid waliba qodi kartee.

Ganat: Hadii ay xafiis hoostii waa loo baahanayaa Injineer, waayo sida la sheegayo miyaanay ahayn qasabadda suuliga hoosteeda?

Mingistu: Sidee bay u ahayd halkaa 

Ganat: Gartay taa, laakiin miyaadan waxba ka fahamsanayn, hadii ay jirto sidii ay sheegeen nimankii maragga furay?

Mingistu: maxaad u jeedaa?

Ganat: Haa, waxaan u jeedaa, miyaaddan waxba ka ogayn sidii ay wax u dhaceen, taas darteedna nimanka arintaa ka marag furay sida ay wax u sheegeen hadii ay arintu tahay, waxay yidhaahdeen markii hore waxa la damcay in lagu aaso sanduuq madaxtooyada yaalay oo berigii hore loogu talo galay in lagu aaso Amiir Silaase, laakiin markii dambe sanduuq kale lagu riday, dabadeedna markii la damcay in sidaa la yeelo oo boqorka lagu aaso sanduuqaa madaxtooyada iska yaalay ayaad idinku tidhaahdeen "Waxaas oo dhan iska daaya", dabadeedna boqorkii isaga oo bilaa sanduuq ah ayaa sidaa lagu aasay, sidaa darteedna waxay leeyihiin markii lafihiisii la soo guray wax sanduuq ah kuma ay jirin, isla markaana ma jirin wax kale oo lagu duubay, sidaa darteedna waxa lafihiisa laga soo dhex-guray ciidda dhexdeeda, sidaas ayey ahayda baa la leeyahay ee bal ka warran ?

Mingistu:...

La soco cadadka dambe.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid Guraase 

Xulashada Asxaabtii Nebiga (SCW): Abu Dar Al Qafaari

"SAXAABIGII SOO ISLAAMIYAY TOLKIISOO IDIL"


Togga lagu magacaabo "WADDAAN" ayeey degganaayeen qabiilka reer Qifaari. Xoogaaga ay u soo tuuraan socotada qureysh ee u kala goosha magaalooyinka Shaam iyo Xijaaz ayeey ku noolaayeen. Mararka qaarkood waxaa dhacda inay si awood leh ay cuntada uga qaataan, waa haddii ayna siinin markaas waxay doonayeen.

Haddaba, Saxaabiga la yidhaahdo Jundub Binu Junaada, naanaystiisuna tahay Abuu Dar ayaa wuxuu ka dhashay qabiilkaas aan soo sheegnay ee Qifaari. Hase ahaatee, wuxuu qabiilkiisa kaga duwanaa isagoo ku caanbaxay caqli hufnaan, garaad sarreeya iyo isagoo lagu yaqiinay inuu lahaa aragti aad u xeel dheer. Kuma uuna niyad fayoobeen sanamyada ay caabudayeen tolkiisa. Wuxuu si daran uga soo horjeeday waxay carabtu ku sugnaayeen oo ah cibaado qaldan, iyo caqiido aan waxba ka jidhin.

Wuxuu u hanqal-taagayay inuu soo baxo Nebi cusub oo buuxiya dadka laabtooda, isla markaasna ka saara dadka mugdiyada iyo baadida ay ku sugan yihiin, una saara iftiinka iyo nuurka xaqa ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalintii danbe Abuu Dar soo gaadhay -isagoo ku sugan miyiga- wararka sheegaya Nebiga cusub ee ka soo bixi doona magaallada Makka. Abuu Dar oo doonaya inuu ka sal gaadho warkaas ayaa wuxuu ku yidhi walaalkiis Aniis hadalladan "Aniisow waxaad u kicitintaa Makka, oo waxaad is-dul-is-taagtaa wararka sheegaya ninka lagu sheegay inuu yahay Nebi, oo xagga samadana looga waxyoonayo. Hadalladiisa bal noo soo dhageyso, dabadeedna iila imoow wuxuu sheegayo."

Aniis oo ay walaalo ahaayeen Abuu Dar ayaa durbadiiba u kicitimay Makka. Nasiib wanaag, markii uu yimid Makka wuxuu la kulmay Rasuulka (scw), wuuna dhageystay hadalladiisa, kadibna wuxuu ku soo laabtay miyigii uu ku sugnaa Abuu Dar. Abuu Dar ayaa si xiiso leh uga dhageystay walaalkiis Aniis wararkii ku saabsanaa Nebiga (scw).

Aniis wuxuu ku yidhi Abuu Dar "walaahi waxaan soo arkay nin dadka ugu yeedhaya akhlaaqda suubban, isla markaasna ku hadlaya hadallo aan ahayn sixir". Abuu Dar ayaa weydiiyay Aniis "dadku maxay lahaayeen?". Aniis ayaa ugu jawaabay "waxay lahaayeen waa sixiroole, faalalow iyo gabyaa."

Markii uu Abuu Dar maqlay hadalladaas waxaa sii korodhay xiisihiisii uu u qabay inuu soo arko Nebiga cusub, sidaa darteed wuxuu ka codsaday walaalkiis Aniis inuu u kafaalo qaado caruurtiisa intuu maqan yahay, sidii ayuu ugu diyaar garoobay safarka Makka, kadib markii uu aqbalay Aniis dalabkii Abuu Dar, isagoo u dardaarmay-na inuu ka digtoonaado dhibaatooyinka kaga imaan kara reer Makka.

Sahankii uu ugu jiray diinta xaqa ah.

Abuu Dar wuxuu u sahay qaatay safarkii Makka, isagoo horey u sii qaatay sibraarkiisii biyaha ugu jiray, wuxuuna cagta saaray waddadii Makka, si uu uga gun-gaadho yoolkiisii ahaa inuu soo arko Nebiga iyo dhammaan wararka isaga ku saabsan.

Ugu danbeyntii, wuxuu Abuu Dar yimid magaallada Makka isagoo aad uga cabsanaya inay dhibaatooyin ka soo gaadhaan reer Makka. Wuxuu Abuu Dar horey u ogaa carrada iyo ciqaabta daran ee gaallada reer Makka ay marinayaan qof kasta oo raaca ama ay naftiisa ugu sheekayso inuu raaco diinta Nebi Muxammad. Sidaa darteed, wuxuu Abuu Dar dhibsaday inuu dadka weydiiyo Muxammad. Maxaa yeelay, ma uuna garanayn qofka uu weydiinayo markaas inuu noqon karo taageerayaasha Muxammad iyo inuu noqon karo cadowgiisa.

Cali oo marti geliyay Abuu Dar.
Markii la gaadhay habeenkii, wuxuu Abuu Dar u diyaar garoobay inuu seexdo masjidka. Iyadoo uu Abuu Dar ku sugan yahay masjidka ayaa waxaa soo ag maray Cali Bin Abii Daalib Allaha ka raalli noqdee, wuxuuna gartay inuu yahay qariib ama marti. Cali ayaa ku yidhi Abuu Dar " ninyahoow kaalay oo i soo raac", sidiina ayuu Abuu Dar ugu raacay Cali gurigiisa. Markii la gaadhay subixii, wuxuu Abuu Dar soo qaatay sibraarkii iyo qandigii uu horey u watay, wuxuuna ku soo laabtay masjidka, iyagoo aan is wareysan.

Maalintii labaad wuxuu Abuu Dar ku dhammeystay isagoo aanan weli arag Nebiga cusub ee uu ku rajo weynaa inuu arko. Markii la gaadhay habeenkii kale wuxuu Abuu Dar u jiif-tagay masjidka. Hase yeeshee sidii hore oo kale ayaa waxaa soo ag maray -markale- Cali Binu Abii Daalib, wuxuuna ku yidhi "soow lama gaarin waqtigii uu ninkan aqoonsan lahaa gurigiisa", dabadeedna wuxuu u kaxeeyay gurigiisa, sidii ayuuna ula seexday habeenkii labaad, iyadoo haddana sidii oo kale ayna weli is wareysan.

Waxaa dhammaatay muddadii martida. Markii la soo gaadhay habeenkii saddexaad, Abuu Dar-na uu gudbay muddadii martida ayaa Cali si degganaansho leh u weydiiyay, isagoo ku leh "kawaran haddaad ii sheegtid sababta aad u timid Makka?". Abuu Dar wuxuu Cali ku yidhi "haddaad ballan adag iga qaaddid inaad i tusinaysid waxaan doonayo waan kuu sheegayaa."

Cali wuxuu Abuu Dar ka ballan qaaday inuu fulin doono ballantii uu la galay isaga. Abuu Dar wuxuu yidhi "waxaanMakka uga imid meel aad u fog, dantayduna waa sidii aan ula kulmi lahaa Nebiga cusub iyo inaan dhageysto hadalladiisa". Farxad awgeed waxaa fur-furantay wejigii Cali Binu Abii Daalib, wuxuuna ku yidhi Abuu Dar "wallaahi ninkaad sheegtay waa Rasuulkii Alle ee xaqa ahaa", wuxuuna intaa u raaciyay "markii la gaadho subixii anniga ayaad i soo raacaysaa, haddaan arko wax aan kaaga cabsanayo waxaan u istaagayaa sida annigoo la moodo inaan daadinayo biyo oo kale, haddaan sii wato socodkana i soo raac ilaa aad ka gashid meesha aan galo."

Abuu Dar labo indhood isuma keenin habeenkaas, hilowga daran uu u qabo la kulanka Nebiga cusub awgeed. Subixii markii la gaadhay, waxay Cali iyo Abuu Dar yimaadeen gurigii Nebiga (scw). Markii uu yimid Abuu Dar wuxuu ku salaamay Rasuulka (scw) salaantii ay carabta isku salaami jireen ee ahayd "cimta sabaaxan" ama "subax wanaagsan", hase ahaatee Rasuulka (scw) ayaa u sharxay inay muslimiinta isku salaamaan salaan ka duwan taas. Riwaayad kale ayaa sheegaysa inuu Abuu Dar ku salaamay Rasuulka (scw) salaanta islaamka, sidaa darteed ayaa loo yidhaahdaa wuxuu Abuu Dar ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku salaama Rasuulka (scw) salaanta islaamka, dabadeedna sidaas ayeey ugu dhex shaacday muslimiinta.

Rasuulka (scw) wuxuu u soo jaleecay, soona qaabilay xaggii Abuu Dar, isagoo ugu yeedhaya inuu soo islaamo, wuxuu ku dul akhriyay qur'aanka. Wax yar kamaba soo wareegaan ilaa durbadiiba uu Abuu Dar ku dhawaaqo towxiidka, wuxuuna ku soo biiray diintii cusbeyd isagoo weli ku sugan fadhigii iyo goobtii uu joogay Nebiga (scw). Abuu Dar wuxuu galay lambarkii afaraad ama shanaad ee soo islaama. Sheekooyinka Abuu Dar ee hadhay-na bal isaga laf-ahaantiisa ha inoo sii wado.

Abuu Dar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yidhi: Wixii intaa ka danbeeyay waxaan magaallada Makka la joogay Rasuulka (scw). Wuxuu i baray guud ahaan aqoonta la xidhiidha diinta islaamka, wuxuu igu akhriyay qaar ka mid ah qur'aanka, kadibna wuxuu igu yidhi "inaad soo islaamtay qof deggan Makka ha u sheegin, waxaan ka cabsanayaa inay ku dilaan". Waxaan ku idhi, waxaan ku dhaaranayaa Allaha ay naftayda gacantiisa ku jirto inaanan joogi doonin Makka ilaa aan ka tago masjidka Xaramka, si kor lehna aan ugu dhawaaqo dacwada xaqa ah iyadoo ay arkayaan gaallada qureysh. Rasuulka (scw) jawaab kama bixin, oo wuu aamusay.

Waxaan imid masjidka, iyadoo qureysh-na ay fadhido oo ay sheekaysanayaan. Dhexdooda intaan galay, ayaan codkayga kor ugu qaaday annigoo leh "jamaacada qureeshay, waxaan si dhab ah u qirayaa inuuna jidhin Ilaah aan ka ahayn Allaha xaqa ah, waxaan kaloo si dhab ah u qirayaa inuu Muxammad yahay Adeegihii iyo Rasuulkii Alle". Hadalladaas markay si fiican u gaadheen dhegihii qureesh hal mar ayeey si daran u fajaceen, iyagoo aad u cadheysan ayaa waxay ka kaceen fadhiyadoodii, waxayna yiraahdeen "ha la qabto kan diintiisa ka gaaloobay". Xaggeyga ayeey soo aadeen, waxayna billaabeen inay i garaacayaan oo i dilaan, ilaa uu iga soo gaadho Cabbaas Binu Cabdil-Mudhalib oo Nebiga (scw) adeerkiis ahaa. Cabbaas ayaa isku kay daboolay, si uu ii badbaadiyo, dabadeedna wuxuu ku yidhi "waar ma waxaad dilaysaan nin reer Qifaari ah, iyadoo safaradiina ay maraan waddada ay deggaan reer Qifaari, sidii ayeey faraha iiga qaadeen.

Markaan soo miyirsaday, ayaa waxaan u imid Rasuulka (scw). Markii uu arkay Rasuulka (scw) dhaawaca i soo gaadhay ayaa wuxuu yidhi "soow kaama reebin inaad islaamkaaga shaacisid". Waxaan idhi, Rasuulkii Allow nafta ayaa sidaas doonaysay oo sidaas ayaan u sameeyay". Rasuulka (scw) ayaa igu yidhi "waxaad aaddaa tolkaaga, waxaad uga sheekaysaa waxaad aragtay iyo waxaad maqashay, uguna yeer diinta Alle, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inuu Eebbe (sw) adiga kugu anfaco iyaga, markaasna iyaga dartood aad ajar u heshid.., hadday ku soo gaadho inaan (si fiican) u soo baxay ii kaalay anniga."

Abuu Dar wuxuu yidhi: waan soo kicitimay, waxaana imid magaalooyinkii ay degganaayeen tolkayga Qifaari. Waxaa ila kulmay walaalkay Aniis, wuxuuna igu yidhi "maxaad sameysay". Waxaan ku idhi, waan soo islaamay, oo waxaan rumeeyay Eebbe (sw). Maba uuna sii joogin walaalkay Aniis, jeer uu Eebbe (sw) laabtiisa ku waasiciyay diinta islaamka, wuxuuna igu yidhi "ma nacayo diintaada, annigana dhinacayga waan islaamay oo sidaadoo kale waan rumeeyay."

Intaa kadib, waxaan u nimid hooyadeen, waxaan u soo bandhignay diinta islaamka, waxayna nagu tidhi "ma nacayo diintiina" sidiina ayeey ku islaamtay. Wixii ka danbeeyay maalintaas, waxay qoyskii muslimka ahaa guda galeen inay ku dhex fidiyaan qabiilka Qifaari diinta islaamka, ilaa ay markii danbe ka soo islaamkaan qabiilkaas khalqi aad u fara badan, dhexdoodiina laga oogay salaadda.

Inkastoo qabiilka Qifaari ka soo islaameen dad aad u fara badan, haddana qaar kale ayaa goostay inay islaamkooda la sugaan inta uu Rasuulka (scw) ka imaanayo magaallada Madiina. Hase ahaatee, kolkii uu Rasuulka (scw) soo galay magaallada Madiina way soo islaameen dhammaantood. Maalmo kahor qabiilka Qifaari hal nin ayaa muslim ka ahaa, laakiinse waqti yar kadib wuxuu Eebbe (sw) qaddaray inay dhammaan qabiilka Qifaari ay u soo wafdiyaan Rasuulka (scw) iyagoo muslimiin ah.

Rasuulka (scw) ayaa si farxad, naxariis iyo muusood weyn aad u weyn ku dheehan tahay u eegay wejiyadii reer Qifaari, wuxuuna isagoo u duceenaya ku yidhi "Qifaari Allaha u denbi dhaafo", wuxuu haddana jaleecay qabiilka reer Aslam oo iyagana ku soo islaamay gacantii Abuu Dar, wuxuu sidoo kale iyagana Rasuulka (scw) ku yidhi "aslam Allaha nabad geliyo."

Wixii intaa ka danbeeyay, wuxuu Abuu Dar negaa miyiga, ilaa laga soo gaadho dagaalkii Badr, Uxud iyo Khandaq. Intaa ka dib, wuxuu ku soo laabtay magaallada Madiina, wuxuuna u go’ay la-jirka Rasuulka (scw), isagoo weydiistayna inuu u istaago adeegga iyo khidmada Rasuulka (scw). Rasuulka (scw) si kal iyo laab ah ayuu uga oggolaado codsigii Abuu Dar, wuuna ku liibaanay khidmadiisa iyo adeeggiisa.

Rasuulka (scw) si aad u fiican ayuu u soo dhoweyn jiray Abuu Dar. Ma dhicin inuu Rasuulka (scw) uu la kulmay Abuu Dar, markaasna uunan gacan qaadin oo uuna si farxad leh ugu muusoon.
Markii uu Rasuulka (scw) geeriyooday, Abuu Dar wuu u adkeysan waayay inuu ku sii negaado magaallada Madiina, kadib markii magaalladaas uu ka dhintay sayidkeedii, ayna cidloobeen fadhiyadii cilmiga ee uu bixin jiray Xabiibka Rasuulka (scw). Wuxuu Abuu Dar u guuray miyiga Shaam, halkaas ayuu negaa muddadii khilaafada Abuubakar iyo Cumar dhammaantood Allaha ka raalli noqdee.
Markii la soo gaadhay khilaafadii Cusmaan Binu Caffaan Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa uu Abuu Dar yimid magaallada Dimshiq, wuxuuna arkay dadkii oo si xad dhaaf leh ugu mashquulsan adduunyada. Waxay la noqotay yaab iyo amakaag.

Ma ahayn reero adduunyo.

Waxaa Abuu Dar loo soo bandhigay dhaldhalaalka adduunka iyo inuu xittaa madax ka noqdo Ciraaq oo wuu diiday, wuxuuna dadka aalaaba uga digi jiray inay ku kadsoomaan fidnada adduunka iyo in laga fogaado madaxtinimo-jaceylka. La yaab malahan inuu sidaas Abuu Dar ku sifaysnaa, maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa wuxuu horey u oggaa runta xeesha dheer iyo aragtida sawaabka badan ee uu xanbaarsanaa Abuu Dar. Sidaa darteed, wuxuu Suubbanaha Rasuulka (scw) kula dardaarmay Abuu Dar inuu badiyo dulqaadka faraha badan iyo samir badan.

Top


Waadiga Ciyaaraha

Robbie Fowlor oo ka noqday heshiis uu la geli lahaa Manshester City

Robbie Fowlor oou ciyaara kooxda Leeds ayaa si kedis ah uga noqday heshiis uu ugu wareegi lahaa kooxda Manchester City, ka dib markii uu xataa maray baadhistii caafimaad oo ka mid ahaa heshiiskaas.

Heshiiskaas oo qiimihiisu ahaa 7 Milyan oo giniga Ingiriiska ah, isla markaana shakhsiyan ayuu Fowler u ogolaaday inuu heshiis ugu wareego kooxda Manshestar, laakiin markii ay hawshaasi gebagebo ku dhowayd ayuu George Scot oo ah wakiilka Fowler waxa uu sheegay inuu weeraryahankaa reer England uu ka soo horjeestay inuu sidiisa loogu talo galay u fulo heshiiskaasi.
Scot wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyey barnaamijka layidhaahdo SKY SPORT, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Wax walba waa la isla ogolaaday, isla markaana wuu dhamaystay baadhistiisii caafimaad, wuxuuna ugu dambaystii laha waqti uu kaga fekero, waxaanu go’aansaday inaanu sax ku ahayn inuu wareego."

27 jirkan reer England u soo wareegiisii la filayey inuu u soo wareego kooxda Manchester City wuxuu ahaa mid aad loogu han-weynaa dhinaca naadigaa, isaga oo ka mid ahaa ciyaartoyga kaydka u ah kooxda Leeds, wuxuuna markii hore ogolaaday inuu halkii toddobaad-ba qaato 35000 oo Giniga Ingiriiska muddo sannad iyo 6 bilood ah.

Robbie Fowler oo isagu ka hadlaya go’aanka uu kaga noqday arintaa ayaa yidhi " Waxaan haystay fursad aan kaga fekero arinta, waxaana doonayaa inaan joogo Leeds, waana ku faraxsanahay go’aankayga , isla markaana waxaan doonaayaa inaan sida ugu wanaagsan ugu ciyaaro naadigayga".

Top


Manchester United Oo La Soo Wareegaysa Van Buyten

Qorshihii ay Manchester United damacsanayd in ay kula soo wareegto Daniel Van Buyten oo ah ciyaartoy ka ciyaara difaaca oo hada ka tirsan kooxda Marseille, ayuu ku talogalkiisii dib u dhacay ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedkan. Madaxa kooxda Marseille Alain Perrin ayaa sheegay in xilligan uu u baahan yahay Van Buyton in uu ku sii jiro kooxdiisa inta uu dhammaanayo xilli-ciyaareedkani.

Tabobaraha Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaa daawaday ciyaartii Marsielle toddobaadkan ay 2-0 kaga badisay Rennes si uu u arko heerka difaaca ciyaareed.

Madaxa kooxda Marseille Alain Perrin oo ka hadlaya arrinta Buyten ayaa yidhi; "Ma doonayo inaan wiiqo awooda kooxdayda, ma oggolaan karo inuu tago, laakiin wadahadalkan dhacay wuxuu dhammaystirmi karaa dhammaadka xilli-ciyaareedkan."

Daniel Van Buyten, wuxuu u dhashay Belgium, waana 24-jir, waxaa markii hore la sheegay in lagu heli karo heshiis dhan 13 milyan oo giniga Ingiriiska ah, laakiin waxay wararku sheegeen in Marseille ay oggoshahay in lagula wareego heshiis qiimihiisu yahay 8 milyan oo gini, isaga oo ka hadlaya Van Buyten rabitaankiisa naadiga uu u wareegayo waxa uu yidhi; "Way wanaagsan yihiin naadiyada sida Manchester United, waxaa raaci kara Newcastle, waxaa kale oo jira danayn dhinaca Talyaaniga ah, laakiin waxaan ku ducaystaa dhinaca ciyaaraha kubadda cagta ee Ingidhiiska waa tartanka horyaalada ee dunida ka wanaagsan, waxaanan dareemayaa in aan ana ka ku haboonahay, waa horyaalka aan u arko inuu yahay kii mustaqbalkaya. Manchester United waa naadi weyn mana aha meel hoos u dhacaysa, laakiin Newcastle qudheedu waxay leedahay ciyaartoy muddakar ah, waa inaad muuqaal ahaan tahay nin u dhisan si anaagsan si aad uga ciyaarto horyaalka Ingidhiiska, tas oo ah ta la ii doonayo."

Van Buyten waxay saaxiibo yihiin Joseph Yobo oo u ciyaara Everton, waxaa la filayaa in Joseph Yobo ay dhinaciisa ka timid in uu Van Buyten u habboon yahay inuu u soo wareegto dhinaca Ingidhiiska.

Top


Barcelona Oo Soo Dhawaynaysa Heshiis Ay La Gasho Hasselbank

Barcelona ayaa diyaargaraysay heshiiska ay la gelayso Jimmy Floyd Hasselbaink oo ah weeraryahan u ciyaara kooxda Chelsea, qorshihiisa oo loogu talogalay inuu dhammaystirmo kahor inta aanu xidhmin xilliga lala kala wareegi karo ciyaartoyga ee bishan January dhammaadkeeda.

Chelsea ayaa qiimaha heshiiska Hasselbaink ka dhigtay $8.1, halka ay Barcelona ku doonayso $5 milyan, waxaase la filayaa in wadahadallo dheeraad ah ay labada naadi ka yeelan doonaan arrintaa. "Ma jirto wax ilaa iminka la xaqiijiyay, laakiin waxay u muuqataa in uu hirgalayo heshiiskani," sidaa waxaa ugu warramay BBC-da weriyaha jariiradda El-9 ee ka soo warrama Barcelona oo ah Bibian Weggelaar, maamulaha Barcelona, Luis Van Gaal ayaa si weyn ugu hawlan in uu weeraryahankan u soo wareejiyo dhinaciisa si uu u dardargeliyo weerarka naadigiisa.

Top


Gabriel Bastistuta Oo U Sii Jeeda Inter Milan

Gabriel Batistuta oo weerarka uga ciyaaraha kooxda As-Roma ayaa u sii jeeda dhinaca kooxa Inter Milan, heshiiska uu Batistuta ugu ciyaarayay As-Roma wuxuu ku egyahay dhammaadka xilli-ciyaareedkan, waxaase dib loo cusboonaysiin karaa hal sano oo ku salaysan heshiis, waxaanu heshiiska Batistuta iyo Roma dhacayaa bisha June, heshiiska Batistuta ee Inter Milan wuxuu noqon karaa mid amaah ah ilaa inta uu ka dhammaanayo heshiiskii uu ugu ciyaarayay kooxda As-Roma oo dhammaanaya June, taas oo ah in la bixiyo 3 milyan oo lacagta Yurub ah marka laga bilaabo hadda ilaa bisha June, lacagtaas oo ah mid badan marka loo eego madaxa Inter Milan Massimo Maratti oo uu qorshihiisu yahay inuu yareeyo kharashka, in la bixin doono kharashkaa oo markaa loo fasaxi doono in Batistuta uu tago naadiga uu doono iyo in kale waa arrin weli war cadi ka soo bixin dhinaca labada naadi ee Talyaaniga ah As Roma iyo Inter Milan.

Wakiilka arrimaha Batistuta oo ah Settimio Aloisio ayaa hore ugu duulay dhinaca magaalada Roma.

Madaxa Inter Milan Massimo Moratti iyo tabobaraha kooxdaas Hector Cuper ayaa muddo ku fikirayay in ciyaaryahanka reer Argentina ee Batistuta uu u soo wareego kooxdooda.

Top