UDUB Oo Loo Magacaabay Afhayeen Cusub
Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Cayintay Fadhiyada Ugu Horeeya Ee Golayaasha Deegaanka
Digniintii Mudane Siciid, Run Sheegnimadii Mudane Maxamed Warsame, Doodii Dimuqraadiyadda Ee Mudane Garaad Iyo Amar-Diiddadii Mudane Cali
Yaa Hakiyay Furitaanka Dugsiga Sare Ee Sheekh
Isbedelka Dunida Iyo Cabsida Dagaal Lagu Qaado Ciraaq
"Dhulbahante Wuxuu Kala Aaminsan Yahay Majeerteeniya, Somaliland Iyo Soomaaliweyn, Mana Midoobi Karo..."
Xaq-Marinta Xasuuqyadii 80-maadkii Iyo Waajibaadka Siyaasiyiinta
Ururka HORMOOD Oo Cambaareeyay Go’aanka Ay Guurtidu Muddada Ugu Kordhisay Xukuumadda
UMAD Oo Soo Jeediyay Dhisidda Dawlad Wadaag Ah
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Daahir Rayaale Waa Madaxweyne Qaran
Soomaalidu Ninkay Maqasha Kala Quusato Ayay Geella U Dirtaa
Ninba Ceesaantii Ceel Keen Talo Waayeel
Kee Baa Gar Leh Madaxweyne Rayaale Iyo Muuse Biixi
Guurtidu May Tixgelin Haweenka
Wararka Dibadda
Mudaaharaado Lagu Diidanyahay Weerar Lagu Qaado Ciraaq Oo Caalamka Ka
Dhacay
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
Waadiga Ciyaaraha
Kooxda reer Kamaruun oo muddo
markii
Real Sociedad Oo Hogaanka Kooxaha Isbaanishka Sii Haysa
Valencia Oo Khasaare Weyn Baday Barcelona
Forlan Oo Gool Kaga Nixiyay Kooxda Chelsea |
|
UDUB Oo Loo Magacaabay Afhayeen Cusub
|
Hargeysa (Haatuf) Xisbiga dawladda ee UDUB ayaa loo magacaabay afhayeen cusub oo uu xisbigaasi yeelanayo. Jagadan oo ah mid cusub oo aan hore u lahayn xisbiga UDUB ayaa loo magacaabay Axmed Xaashi Cabdi sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale warsaxaafadeedkaasina wuxuu u qornaa sidan:
"si loo fududeeyo habsami u socodka hawl-maalmeedka xisbiga, isla markaana la hawlgaliyo guddida fulinta iyadoo loo samaynayo shaqo qaybin, taas oo waafaqsan gudiyada xeerku qeexay.
Sidaas awgeed, waxaa lama huraan ah in xisbigu yeesho afhayeen u madaxbanaan oo khibrad u leh xilka iyo doorka afhayeenimada.
Haddaba, anigoo ka tilmaan qaadanaya qodobka 15aad, faq. 15.4 xarafka "B" oo qeexaysa in xoghayaha guud yahay madaxa maamulka & fulinta hawlmaalmeedka xisbiga UDUB, waxaan Md. Axmed Xaashi Cabdi u magacaabay xilka afhayeenimada xisbiga UDUB.
Waxaan aaminsanahay in Axmed Xaashi Cabdi ku haboon yahay jagadaas. Isla markaana si xilkasnimo leh u gudan karo waajibaadkiisa." Ayuu ku soo gabagabeeyay warsaxaafadeedkaas
Top
Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Cayintay Fadhiyada Ugu Horeeya Ee Golayaasha Deegaanka |
Hargeysa (Haatuf) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Eng: Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa shalay soo saaray xeer lambar 02/03 oo uu ku cayimayo muddada ugu horeysa ee ay golayaasha deegaanka ee dawladaha hoose duqayda degmooyinka ee dawladaha hoose ku dooranayaan duqayda degmooyinkii ay dhawaan ka dhaceen doorashooyinku.
Qoraalkaas oo uu ku saxeexanyahay wasiirka arrimaha gudaha Eng: Ismaaciil Aadan Cismaan wuxuu u qornaa sidan:-
"Wasiirka arrimaha guduhu markuu arkay qodobka 62aad ee xeerka doorashooyinka, madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka (Xeer Lam, 20/2001). Iyo qodobka 41aad ee xeerka gobolada iyo degmooyinka lambar 22/2002, islamarkaanu tixgalinay taariikhda go’aanada maxkamadaha gobolada ee ansixinta musharixiinta ku guulaystay tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Wuxuu cayimayaa maalmaha fadhiyada golayaasha deegaanada ugu horeeya ee lagu dooranayo duqayda magaalooyinka iyo ku xigeenada oo ah sida hoos ku qoran.
Gobolka Togdheer
Burco 23/01/03
Oodweyne 25/01/03
Gobolka Sanaag
Ceerigaabo 25/01/03
Ceel Afweyn 27/01/03
Gar-adag 28/01/03
Gobolka Saaxil
Berbera 23/01/03
Sheekh 25/01/03
Gobolka Awdal
Boorama 23/01/03
Saylac 27/01/03
Lughaya 26/01/03
Baki 25/01/03
Gobolka Hargeysa
Salaxlay 18/01/03
Bali Gubadle 19/01/03
Hargeysa 23/01/03
Gabilay 26/01/03
Gobolka Sool
Caynabo 26/01/03"
Top
Digniintii Mudane Siciid, Run Sheegnimadii Mudane Maxamed Warsame, Doodii Dimuqraadiyadda Ee Mudane Garaad Iyo Amar-Diiddadii Mudane Cali |
Doodihii Mudanayaasha Golaha Wakiillada Ee Fadhigii Shalay
Hargeysa (Haatuf): Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada ee Somaliland oo uu gudoominayay Mudane Axmed Maxamed (Qaybe), ayna ka soo qaybgaleen xubnaha kale ee shirgudoonka golahaas, ayaa ahaa mid laga soo jeediyay hadalo dhinacyo badan khuseeya oo ay ka mid ahaayeen waano, dhaliil, sixid, tusaalayn, digniin oo ay soo jeediyeen xubno ka mida shirgudoonka golaha wakiillada iyo mudanayaasha Golahaasi.
Ka hor bilowgii hadalkii laga soo jeediyay golaha shalay, waxaa xarunta fadhiga golaha wakiillada ka dhacday amar diido uu sameeyay mudane ka tirsan golahaas oo diiday inuu dhigo ul uu sitay, iyadoo guud ahaan la ururinayay ulaha. Mudanahaasi diidmada wuxuu ku daray inuu iskaga baxo fadhiga, hase yeeshee muddo ka bacdi ayuu ku soo noqday, taas oo uu gudoomiyaha Golaha Wakiilladu warqad u gudbiyay Mudanahaasi waxaanu afka ugu sheegay inuu fasax yahay. Hadalkaas oo ka dambeeysay soo noqodkii uu fadhiga ku soo noqday Mudane Cali oo uu isku dayay inuu farta u taago ka qaybqaadashada hadalkii socday. Laakiin waxaa ka diiday shirgudoonka oo u dhiibay waraaq ka hadlaysa falkii shalay ee Mudane Cali.
Gudoomiyaha Golaha Wakiillada oo hadalkii fadhigii shalay isagu Wakiillada furay wuxuu sheegay in hawlqabad golaha looga baahan yahay aanu dib ugu noqon wixii dhacay ee loo baahan yahay in ay dhammaystiraan xeerarka lagana maarmaanka ah ee u yaalla golaha wakiillada, taas oo ahayd waano uu u soo jeediyay mudanayaasha golaha wakiillada ee Somaliland.
Gudoomiye Ku/xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada C/qaadir Jirde oo isna fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in ay qabyooyinka sugaya golaha wakiillada oo uu baahan in la dhammaystrio sid xeerka golaha guurtida lagu soo gelayo, mudadii oo isku mar bisha May ka wada dhammaanayso saddexda Gole. Mudane C/qaadir, wuxuu xaaladda hadda dalku marayo ku tilmaamay in arrintu maanta midi girgirkeed ay saaran tahay.
Mudane Siciid Cilmi Rooble oo ah Gudoomiyaha Guddiga dhaqaalaha ee golaha Wakiillada, ayaa isna hadal uu madasha golaha wakiillada ee shalay ka jeediyay waxa uu ku sheegay in ay jiraan hawlo la doonayo in wax lagaga qabto sida gobollada la saaray xukunka degdegga ah oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga hawlgalo sidii looga dhigi lahaa xaaladooda mid ay doorasho ka dhici karto. Waxaa kale oo Mudane Siciid tilmaamay in loo baahan yahay sharci lagu ilaalinayo hantida Qaranka in aan masuuliyiinta dawladdu aanay ku maalgelin xisbiyada ay ka tirsan yihiin, isagoo Siciid xusay in taasi ay kalsooni siinayso haddii sharciga la sameeyo xisbiyada kale ee ka qaybgalaya loolanka siyaasadda ee Somaliland, hase yeeshee aan markaa masuuliyiinta ka tirsan xil ummadeed aanay gacanta ku hayn.
Mudane Axmed Xasan Dhunkaal, ayaa isna ka sheegay kulankii Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee shalay ka dhacay xarunta Golahaas ee Hargeysa in loo baahan yahay sidii golaha wakiilladu uu u soo saari lahaa shuruuc dhammaystrian oo lagu xukumo dadweynaha mid Dawladda lagu xukumo iyo mid golaha wakiillada dhexdiisa lagu xukumo.
Mudane Maxamed Warsame Jiir oo ka hadlaya dhammaystir la’aanta shirciyada qaarkood, ayaa yidhi; "Xeerbaa waxaa qeexaya waxaan u arkaa garasho la’aan in aynu inagu curino ayay u baahan tahay, ma shaqeyno oo sidii la rabay uma shaqayno, waa in xeerka guurtida aynu distuurka ku qornaa, kuraasta aynu ku fadhino yaynaan hoos u eegin ragga kalaa helaaya oo ku fadhiisanaya, yaynaan isku qiyaasin."
Mudane Maxamed Warsame Jiir oo ka hadlayay arrinta Majeerteeniya, ayaa sheegay in shaki ay leedahay dad u dhashay Somaliland oo aan la ogayn cid dirsatay oo tagay Majeerteeniya, haddana ku soo noqday Somaliland.
Mudane Faysal Maxamed Axmed oo ah Gudoomiyaha Guddiga Shuruucda ee Golaha Wakiillada ayaa sheegay in loo baahan yahay qaabkii gobollada loogu qaybin lahaa saamiga golaha wakiillada, waxaa kale oo uu sheegay in ay isaga waxaan suurto galeyn ula muuqato in golayaasha Somaliland qaarna qaab xisbiyeed lagu soo doorto, qaarna qaab beelleed. Taasuu Faysal sheegay in ay ka soo horjeedo qaabka xisbiyada ee Somaliland ay u guurtay.
Mudane Garaad, ayaa isna xusay in ay tahay arrin dimuqraadiyada ka fog in aan xisbiyo loo aqoonsan ururadii siyaasadda ee doorashooyinkii ka helay deegaanka tirada guud ilaa 30%. Waxaa kale oo uu sheegay in xuquuqdoodu lagu xadgudbay gobollada aanay doorashooyinku ka dhicin ee Somaliland.
Fadhiga shalay ee Golaha Wakiilladu wuxuu ahaa mid talooyin ay soo jeedinayeen mudanayaasha golahaasi manay jirin go’aamo ka soo baxay.
Top
Yaa Hakiyay Furitaanka Dugsiga Sare Ee Sheekh |
Warbixin - Weriyaha Haatuf Ee G. Saaxil
Dugsiga Sare ee Sheekh oo ahaa dugsigii ugu horeeyay ee ay dawladda Ingiriisku ka dhisto Somaliland, ayay dhawaan dib u habayn ku samaysay hay’adda SOS si uu dugsigu dib ugu hawlgalo balse furitaankii dugsigaa ayay dhibaato soo waajahday ka dib markii uu khilaaf ka dhashay qaabka loo hirgalinayo bilawga waxbarashada cusub. Sida ay arrintaasi u dhacday guud ahaan iyo taariikhda dugsiga Sheekh waxa warbixintan nooga soo diray wariyaha Haatuf ee Berbera C/raxmaan X. Daahir Casaan oo dhawaan booqday Degmada Sheekh waana tan warbixintii.
"Degmada sheekh oo uu ku yaalo sida laga warqabo iskuulkii u horeeyey taariikh ahaan ee ay dawladaii ingiriiska ee gumaysan jirtay somaliland ay ka dhistay sanadku markuu ahaa 1939 kaasi oo ay maamulkii ka joogay ingiriiska ay kala saxeexdeen 18 oday oo ka tirsan deegaanka sheekh dhismihii iskuulkaa waxaana ay sheekh noqotay hoygii ay ka soo aasaasantay aqoon cilmiyeedka waxbarashadu ,waxaana isla degmadaasi sheekh ku yaalay iskuulka sare ee secandery sheekh oo ay ka soo aflaxeen inta magaca leh ama ugu mudan aqoonta xaga waxbarashada ayaa sida ay ku noqotay hooyadii waxbarashada in kasta oo ay luntay aqoontii halkaasi taagnayd mudo laga joogo dhawr iyo toban sanadood ka dib markii uu dhacay burburkii laxaadka lahaa ee la soo noqoshaada somaliland taasi oo uu saamayn ku yeeshay iskuulkaasi sare oo aan isagu ka soo kabanin dagaalkii xoraynta dalka ayaa waxa hadaba soo nooleeyey taariikhdii uu bulshada somaliland ku lahaa Hay’adda SOS oo iyadu dhawaan maal gelisay dayactirna ku samaysay kaasoo haaf qarni ay ugu talo gashay inuu qayb ka qaato kor u qaadka tacliinta dhalaanka somaliland.
Taasi oo uu dhiiri geliyay dayactirkaasi SOS hawlwadeen ka tirsan hayadaasi oo somalilander ah oo la yidhaa Mr ashcari sidii ay gacan uga gaysan lahayd hayadaasi iskuulkaasi qadiimiga ah.
Hasa yeeshee markii uu dhamaaday iskuulkaasi waxa ay ayaan daro wayni ka timi iyo fadeexad qaawani dhinaca maamulka wasaarada waxbarashada sidii ay u agaasimeen furitaanka iskuulkaasi oo ahaa mid ay ka dhalatay xiisad iyo dareen cadho leh oo ay ka muujiyeen dadweynaha ku dhaqan degmada sheekh iyadoo oo ay sabab u ahayd xilgudasho la'aanta ka timi maamul xumada wasaarada waxbarashada sifaha furitaanka iskuulkaasi oo ahaa markii ugu horaysay ee masuuliyiin ka tirsan wasaaradu ay tagaan degmada sheekh ayagoo ka hadlaya arinta iskuulkaa taasina ay noqotay maalintii uu furmayay iskuulku oo ay la socdaan ardaydii loo qorsheeyey inay iskuulkaasi wax ka bartaan iyagoo ay weheliso gaadiidka qurxoon oo ay wataan mudanayaal ka tirsan golayaasha qaranka waxaana ay talaabadaasi sii xoojisay dareen ay awalba dadka reer sheekh ku saluugsanaayeen saamiga loo qorsheeyay degmada oo ahaa 4 arday oo ay hore ugu gacan saydheen waalidiinta iyo duqayda reer sheekh waxaana hore tiraba magaalada hargeysa u tagay odayaal ka tirsan degmada kuwaasi oo cabasho la xidhiiidha arintaasi u gudbiyay xukuumada sare lana sheegay cabashadaasi mid looga garaabay oo meesha leeg hasa yeeshee iyada oo aan laga qancin amaba aan cabashada degmadaasi xal laga gaadhin ayaa maalintii salaasadii foolxumadii degmadaasi ka dhacday ayaa waxa dadka intii maqashay iyo intii joogtayba ay ku tilmaameen mid ay iska leedahay wasaarada waxbarashadu taasi oo keliftay shoobaradii ay ku dhaqaaqeen maatada iyo caruurta degmadaasi, oo weerar dhagax tuur ah kula kacay waxaanay caadifadaasi ku muujiyeen inay ku waxyeeleeyaan muraayadana kaga jabiyaan baabuur ay wateen qaar ka tirsan golaha wasiirada iyo golaha guurtidu oo ah qaraabada ardaydaasi waday waxaana fadeexadaa qaawan soo shaac baxday markii qaskaasi uu ka dhashay furitaankii iskuulka taasi oo lagu tilmaamaayay masuuliyiinta umada xilka u haysa inay cadaalad daro iyo nidaamka ardaydaasi lagu keenay in uu ahaa mid musuqmaasuq iyo qaraabo kiil xukuumada ah aan kamadhnayn inay ayadu sababteeda lahayd, waxa kale oo iyana meesha taalay shaqaalaha iskuulkaasi ka hawlgalayay ilaa darawal ilaa biyatooni ilaa kuuga marka laga tago xirfad barayaasha iyo hawlwadeenada SOS. ayaa waxa degmadaasi laysla dhex marayay in dhamaan shaqaalahaasi laga soo qoray gobolo kale taasi oo aanay wasaaradu iyana ka madhnayn keenista shaqaalahaasi.
Waxa kale oo jira warar looga qaateen ah oo tibaaxaayay inay jiraan qaybo ardayda ka mida in lacag ah ku yimaadeen ka qayb galka iskuulkaasi, isku soo wada duuboo kalsooni darada halkaasi ka dhacday oo ah mid xitaa marka la eego hamad jebin ku ah hayada SOS ee samafalka intaasi leeg ugu deeqday bulshada somaliland inay xaga aqoon korodhsiga ka hormariso ayaa waxa arrintaa iyo siyaadaasi isa seejiyay mid ay sabab u tahay W/waxbarashadu.
Iyadoo guud ahaan ay jirtay marka laga soo bilaabo gobolka saaxil ilaa gobolada bari ogaal la'aan iyo tayo xumo dhinaca waxbarashada ah oo had iyo goor ay cabasho ka muujiyaan ardayda iyo waalidiinta waxka barata iskuulada goboladaasi taasi oo ah mid aanay xil iska saarin wasaaradu tacliinta ubadka daryeelka barayaasha iskuulada oo aan iyana wax kobcin ama daryeel ah ku qabin dhinaca wasaarada waxa hadaba dib u dhac ah dhinaca waxbarashada iyana iska leh dadaal la'aanta dhinaca wasaarada."
Top
Isbedelka Dunida Iyo Cabsida Dagaal Lagu Qaado Ciraaq |
Faallo - Caraale M. Jaamac
Wixii ka dambeeyay 11 September 2001, waxa mar qudha is beddelay xasiloonida iyo degenaanshaha dunida, iyada oo ay maalinba maalinta ka dambaysa u muuqato inay dunidu u sii socoto inay isu rogto goob dagaal.
Weeraradii 11 September, lagu qaaday Maraykanka waxay si weyn khalkhal u geliyeen nabadgelyada, dhaqaalaha, iyo Siyaasadda dunida. Weeraradaasi oo ay Dawladda Maraykanku ku eedaysay inay ka dambeeyeen shebekadda Al-Qaacida ee uu hoggaamiyo Usaama Bin Laden waxay ahaayeen kuwo argagax ama (Terror) ku abuuray dadyowga dunida, hase yeeshee Dawladda Maraykanku waxay guluf dagaal ku qaaday maamulkii Daalibaan ee dalka Afqaanistaan oo uu sida la sheegay ku sugnaa hoggaamiyaha Al-qaacida ee Usaama, laakiin lama odhan karo weeraradaasi waxay dhaliyeen guulo, sababtoo ah Usaama iyo hoggaamiyihii Daalibaan ee Mullah Maxamed ayaan ila hadda la hayn, taasina waxay abuurtay cabsi iyo werwer weli haysta in badan oo ka mid ah mujtamaca ku dhaqan adduunka.
Tan iyo maalintaa waxa soo baxday oo keliya weedha caanka noqotay ee ‘Argagixiso’ (Terrorist) oo waqtigan u muuqata mid loo adeegsado cid kasta oo la doonayo in cabsi la geliyo. Intii ay indhaha caalamku ku jeedeen duulaanka Maraykanku uu hoggaaminayay ee Afqaanistaan waxa iyana cirka isku shareertay arrinta Bariga Dhexe ee Isra’il iyo Falastiin, waxayna ciidamada Isra’il weeraro culus ku qaadeen degaamada iyo qaxootiga Falastiiniyiinta, laakiinse waxyar kadib waxa uu maamulka Bush isaga oo aan guulo la taaban karo ka gaadhin Afqaanistaan iyo Al-qaacida u soo jeestay dhinaca dalka Ciraaq oo uu ku eedeeyay inuu hayso hubka wax gumaada ee nuclear-ka. Waxa mar qudha indhaha Caalamka lagu soo jeediyay dhinaca dalka Ciraaq, iyada oo ay Ciraaq iyo Maraykanku is-dhaafsadeen hanjabaado iyo cago-juglayn, waxayna arrintaasi sii kordhisay cabsi werwer laga qabo dagaal aan la saadaalin Karin wuxuu ku dambayn doono oo ka dhaca Gacanka, kaas laga yaabo inuu laba qaybood ka dhigo dawladaha iyo dadyowga dunida.
Maamulka Madaxweyne Bush wuxuu aad ugu celceliyay inay lama huraan tahay dagaal lagu qaado Ciraaq, xataa haddii aanay Golaha Amaanku isku raacin, inkastoo xukuumadda Sadaam Xuseen oggolaatay baadhayaasha hubka ee ka socda Q.Midoobay, haddana waxaad moodaa inaanay waxba iska beddelin sida uu Maraykanku ugu adkaysanayo dagaal lagu qaado Ciraaq iyo taageerada Militari ee uu raadinayo, arrintaas oo abaabulkeedu sii kordhay bilihii u dambeeyay, laakiin qaar ka mid ah dawladaha waaweyn ee dunida iyo kuwa dunida sadexaad ayaan ku qancin tallaabada uu doonayo inuu Maraykanku ku qaado Ciraaq, iyadoo ay waqtigan socoto hawsha baadhista ee kooxda Q.Midoobay aya haddana waxa dhinaca kale sii kordhaya sawirka iyo dareenka ka dhashay saldhigyada wareegyada ciidamada Maraykanka ee ku soo qul-qulaya Mandaqadda Bariga Dhexe, laakiin dhinaca kale waxa aan yaran sida ay dunidu u cambaaraynayso weerar lagu qaado Ciraaq, iyadoo ay jiraan qaar badan oo ka mid ah dalalka Mandaqada oo taageero u raadinaya sidii loo baajin lahaa dagaalkaas, iyadoo xukuumadda Ciraaqna dhinaceeda ku mashquulsan tahay kooxda baadhayaasha hubka.
Werwerka laga qabo dagaal ka qarxa halkaa oo si weyn u saameeya nabadgelyada, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaanba dunida ayaa soo kordhaya, waxayna maalmihii u dambeeyay qaar ka mid ah dadyowga ku nool dacallada dunida muujiyeen dhibaatada uu dhalin karo dagaalkaasi.
Hoggaamiyaha Ciraaq ee Sadam Xuseen ayaa ku adkaysanaya inaanay Ciraaq marnaba is-dhiibayn, isagoo sheegay inaanu Maraykanku ka faa’iidaysan dagaalkii hore ee Khaliijka, wuxuuna ku hanjabay inay dhiman doonaan haddii ciidamada Maraykanku ay soo weeraraan Ciraaq.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata khatarta uu keeni karo dagaal lagu qaado Ciraaq oo aan la saadaalin Karin cidda ku guulaysanaysa iyo cidda ku guul-daraysanaysa, laakiin waxa werwerkeeda leh dhibaatada dhaqaale ama siyaasadeed ee ka dhalan karta iyo saamaynta uu dunida inteeda kale ku yeelanayo.
Kala qaybsanaanta muuqata ee dunida waxay dad badani rumaysan yihiin inuu dagaalkaasi laba arrimood cabsi u leeyahay, ta hore oo ah inay dawladaha iyo dadyowga dunidu u qaybsamaan laba qaybood oo ay is jiidhaan diimo iyo xaddaarado qadiim ahi, isla markaana ay adkaato in la soo af-jaro ama xal loo waayo qaboojintiisa iyo talabaad oo ah iyadoo ay Dawladda Maraykanku u muuqato xilliyadan inay tahay awooda aan cidina la tartami Karin tan iyo bur-burkii quwadii Waarso ee Hanti-wadaaga daboyaaqadii qarnigii ina dhaafay, waxayna cabsida dambe muujinaysaa haddii uu Maraykanku sida uu ku adkaysanayo meel-mariyo, isla markaana ku guulaysto inuu gacanta ku dhigo Ciraaq waxay taasi dhiirigelinaysaa inay dunida ka abuuranto awood sheegasho iyo amar ku taaglayn la mid ah tii xilliyadii Naasiga ee dagaal-weynihii 1aad iyo 2aad oo ka dhashay awood sheegasho iyo xad-gudub, waxayna taasi dunida u horseedi kartaa qas iyo wareer la mid ah wixii dhacay dagaal-weynayaashii adduunka, isla markaana waxay waxba kama jiraan ka dhigaysaa xeerarka iyo baaqyada caalamiga ah, laakiin waxanu eegi doonaa waqtiga dhow ee fooda inagu soo haya waxa ka dhasha iska indho-tirka xaaladda iyo khatarta uu keeni karo dagaalkaasi.
Top
"Dhulbahante Wuxuu Kala Aaminsan Yahay Majeerteeniya, Somaliland Iyo Soomaaliweyn, Mana Midoobi Karo..." |
Taliyaha Saldhigga 7aad Ee Ciidamada Qaranka Somaliland (Laas-Caanood)
Hargeysa (Haatuf): Ninka taliyaha ka ah saldhigga toddobaad ee ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka Sool, Xasan Faarax Jaamac (Xasan-geerash) ayaa qoraal oo na soo gaadhsiiyey kaga talo bixiyey sida uu u arko in loo furdaamin karo xaaladda murugsan ee gobolka Sool, taas oo uu ku taliyey inay dawladdu wax ka bedesho istaraatijiyadda ay ku waajahdo beesha dhulbahante, isaga oo hoosta xariiqay dariiqa cusub ee uu ku talinayo in hadda la maro, wuxuuna sheegay inay dadka beeshaasi kala aaminsan yihiin saddex aragtiyood oo kala duwan, sidaa darteed ay adag tahay inay si hawl yar u midoobaan, sidaa darteedna uu ku talinayo inaan dusha la iska saarin beelaha dhulbahante ee la kala qaado. Hase yeeshee qoraalkaasi isaga oo dhamaystiran waxa u u dhignaa sidan:
"Aniga oo ka Shidaal qaadanaya amarkii uu bixiyey Madaxweynaha Somaliland ee ahaa in la helo istaraatijiyad ama hab cusub oo lagu maamulo Dhul-bahante, waxaan ku talinayaa in dhul-bahante lagu maamulo istaraatijiyad ka duwan tii lagu maamulayey 12-kii sannadood ee aynu soo dhaafnay, laakiin waxaan talo ku dhiibanayaa sidan:
-
Waa in si run ah oo qoto dheer daraasad loogu sameeyo siyaasadda dawladnimo ee uu aaminsan yahay dhul-bahante, aniga oo aaminsan inuu dhul-bahante ka aragti duwan yahay beelaha kale ee Somaliland.
-
Ma jirto siyaasad iyo maamul uu dhulbahante isla ogol yahay, isla markaana ma jirto rajo laga qabo inuu midoobo. Waayo dhul-bahante wuxuu kala aaminsan yahay:
-
Somaliland
-
Majeerteeniya
-
Somali weyn, Laakiin saddexdaa qaybood mid kastaa waxa uu dawladda Somaliland u sheegtaa inuu yahay Somaliland, wuxuuna ku qaataa xuquuq kasta oo muwaadinka Somaliland la siiyo.
Hase yeeshee si loo kala saaro saddexdaa qaybood waa in dhul-bahante loo waajaho beel-beel, ka dibna cidkasta oo Somaliland aaminsan lagu xidho shuruudahan:
-
Waa in beel kasta garaadka, cuqaasha iyo guurtidoodu (Odayaashoodu) waa inay ka mid yihiin Somaliland, isla markaana waa inay si ficil ah u muujiyaan Somaliland-nimadooda.
-
Waa inay beel kastaa ciidanka u qaramaysan ay geeyaan meel aan ahayn degaamada dhul-bahante.
-
Waa in beeshu ogolaato in degaankeeda la dejiyo ciidan qaran oo isku dhafan.
-
Waa in beeshu ogolaato in tiknikadooda la qarameeyo oo ay ka amar qaataan taliska ciidanka Qaranka.
-
Beelaha fuliya shuruudahaa aan kor ku soo sheegay waa in la siiyaa madaxda dhul-bahante dawladda dhexe kaga jirta, madaxda gobolkana waa in la siiyo xubnaha ugu muhimsan.
-
Beeshaa waa in la siiyo horumarinta degaanka iyo dhaqaalaha kala duwan.
-
Beesha ciidankeeda iyo tiknikadeeda keenta goobta loo cayimay waa in xoojin la siiyaa.
-
Ciidan dhulbahante oo keliyi maamul kama socod siin karo Sool, mana xidhi karo jidka u dhexeeya Laas-caanood iyo Garoowe, ma qaban karo gacan-kudhiigle dhulbahante ah, tuug iyo qaadicul-dariiq toona.
-
Guud ahaan dhul-bahante Sool gacan ma siiyaan maamulka Somaliland, halka ay maamul Puntland gacan siiyaan si ay si dawladnimo wax ugu qabtaan.
-
Si dhulbahante dawladnimo loo tuso waa in ciidamo isku dhafan la geeyo meel degaanka dhul-bahante ka mid ah, isla markaana jidka u dhexeeya Laascaanood iyo Garoowe waa in lagu xidho ciidan isku dhaf ah oo Somaliland ah.
-
Guddiga nabadgelyada ee gobolka Sool waa in laga dhigo rag ka dhashay beelaha kale ee Somaliland, waana in laga bedelo ragga dhulbahante, waayo dhulbahante isma indho buuxinayo."
Top
Xaq-Marinta Xasuuqyadii 80-maadkii Iyo Waajibaadka Siyaasiyiinta |
Raaqiya C/laahi Oomaar
Haddii aan dib u jaleeco sannadihii sideetanadii ee ina soo maray, waxa wakhtigaa noloshayda aad u saameeyay xadgudubkii foosha xumaa ee taliskii Siyaad Barre ku hayay Xuquuqda aadamaha. Saamayntaas oo aan qabo in dad badan oo Soomaali ahi ay ila qabeen, hase ahaatee anigu qof ahaan waxaan ka mid ahaa kuwii aanu qadarku dhigin goobihii ay waxaasi ka dhacayeen oo mudadaas dalka waan ka maqnaa, iyada oo aan ku noollaa dibadda, mana jirto cid ka mid ah qoyska aan ka dhashay oo lagu dilay ama ku laxaad beeshay halisihii xasuuqii ay dawladii markaa jirtay ku gaalaa bixisay Somaliland oo wakhtigaas ka tirsanayd Soomaaliya. Wallow aniga xilligaas nasiibku iga maqnaysiiyay, waxa haddana waajib ahayd in dunida lala socodsiiyo, culays caalamiyana la saaro sidii loo joojin lahaa facaa’ilkii dhiilada lahaa ee dhacayay, waxaanse xilligaas nasiib u yeeshay oo arrintanina ku soo beegantay aniga oo markaa shaqo ka bilaabay ururka magaciisa la yidhaahdo "African Watch" oo xuquuqda aadamaha u doodda fadhigiisuna yahay dalka Maraykanka, kaas oo aan madax ka noqday. Taas oo ii saamaxday in aan amuurtaas ka hadlo kaalintaydana ka geysto soo bandhigeeda.
Xilligaas waxaan qoray buugga aniga igu dheer ee la magac baxay "A Government At A War With Its Own People: Testimonies About The Killings And The Conflict In The North." Buuggaas oo lagu daabacay magaalada New York ee dalka Maraykanka bishii Jeenawari ee 1990-kii, marka magaciisa Af Soomaali loo beddelana macnihiisu wuxuu noqonayaa "Dawladda Dadkeeda Dagaalka Kula Jirta: Cadaymo ka marag-kacaya dilka iyo hirdanka colaadeed ee ka socda Waqooyiga."
Buugana waxaan qoray kadib markii aan baadhitaan iyo xuuraan ku sameeyay xoggo iyo wareysiyo aan la yeeshay dad isugu jira rag, dumar iyo dhallaanba oo ka mid ahaa dadkii ka soo firxaday gumaadkii Taliskii Siyaad Barre, kuwaas oo aan kula kulmay Djabuuti iyo Dalka Britain, inkastoo ay noo suurtoobi weyday in aanu wareysiyo la yeelano qaxootigii ku noollaa xeryaha Itoobiya, kadib markii ay dawladdii wakhtigaa dalkaasi ka jirtay fasax noo siin weyday.
Waxay igu qaadatay billo dhan in aan dhegaysto dadkii dalka ka soo qaxay ee aan wareysiyada la yeeshay, iyada oo warbixintoodii si cad uga marag-kacayso in uu jiray olole si habaysan loo soo abaabulay oo lagu tirtirayay gebi ahaanba dadka ka soo jeedda Isaaqa, taas oo run ahaantii aan lagaga bogan karin maqaal keliya, hase yeeshee buugga kor ku xusan oo markii u horeysay ee uu soo baxay hadda laga joogo 12 sannadood, waxa kelifay in aan maanta dib u soo xigto isaga oo lagu soo hadal qaaday saaxadda Siyaasadda ee dalka.
Haddaba, macluumaadka uu buuggaasi xambaarsanaa, sawirkii ka soo baxay wuxuu ahaa sidan:
Iyada oo loo tirinayo in ay taageersan yihiin ururkii SNM, waxa dadka Isaaqa ah mudadii u dhexeysay 1981-1990-kii laga hor joogsaday dhammaanba waxay nololi ahayd, iyadoo lagula dhaqmay facaa’il joogto ah oo bani’aadamnimadooda ka baxsan oo ay ka mid ahaayeen dil, xadhig, jidh-dil, garsoor cadaalad-darro ku dhisan, dhac iyo boob hantidoodii iyo dhulkoodii loo geysto, dhaqdhaqaaqii oo laga xayiro iyo xoriyatul qawlkii oo loo diido.
Waxa jirtay Istaaritijiyad lagu karaamo dilayo dadka, qoyska iyo dhaqankana lagu burburinayo. Waxa lala dagaalamayay ganacsigooda, isla markaana waxaa joogto looga dhigay bandoo iyo koontaroolo lagu horjoogsanayo.
Sidoo kale, waxa si ula-kac ah loo laayey ragooda yaryar iyo waaweynba. Waxa la kufsaday dumarkooda. Waxaa loo isticmaalay miinooyinka qarxa, taas oo la qarxiyay berkadahooda, isla markaana waxaa dhulka loogu aasay miinooyin galaaftay dad iyo xoolaba.
Dabayaaqadii bishii May 1988-kii, ururka SNM waxa uu soo weeraray magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, laakiin wakhtigaa kadib waxa bilaabmay dagaal fool-xun oo lagu xasuuqayo dadka rayidka ah ee abtirsiimo ahaan ka soo jeeda Isaaqa, taasina waxay keentay in ay dadku ka qaxo guryahoodii, una qaxaan dhinacaa Itoobiya, halkaas oo ay qaxooti ahaan u magan galeen, iyaga oo ku sugan nolol silic ah.
Ciidamadii Siyaad Barre halkii ay la dagaalami lahaayeen ciidamadii SNM-ta, waxay hubkoodii ku jeediyeen dadkii maatada ahaa ee aan is-difaaci karayn, iyadoo loo malaynayo in ay ujeedadu ahayd in la doonayay in ay SNM-tu dagaalka kaga mashquusho dhibaatadii iyo halaagii loo gaysanayay dadka rayidka ah.
Weerarkii ay ciidamadii Siyaad Barre u geysanayeen dadkii rayidka ahaa, waxa uu ahaa mid aan tudhaale lahayn, taas oo la duminayay guryaha, isla markaana dayuurado lala daba-galayay dadkii firxadka ahaa ee ka cararay magaalooyinkii lagu duqaynayay Diyaaradaha iyo Madaafiicda, taas oo ay ku dhinteen kumanaan dad ah oo isugu jira rag, dumar iyo carruur.
Dhagarihii badnaa ee laga galay bina’aadamnimada ma ahayn kuwo uun Siyaad Barre keli u ah, laakiin waxa kala qaybqaatay rag kale, sida; Maxamed Cali Samatar, Maxamed Xaashi Gaani, Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo isagu ilaa hadda gacanta kula jira burburka Soomaaliya, halka uu Cali Samatar-na deggan yahay dalka Maraykanka, isaga oo ku sugan nolol fiican.
Sidoo kale qaar kalena, waxay hadda ku sugan yihiin Somaliland, iyagoo weliba xilal sar-sare ka haya. Ragga dembiyada loo haysto, waxa ka mid ah Madaxweyne Daahir Rayaale oo wakhtigaa madax ka ahaa laanta NSS-ta ee Berbera, iyadoo ay NSS-tu ahayd hay’ad awood badan, aadna looga baqo.
Madaxweyne Rayaale, waxa uu ka mid yahay ragga magacoodu ku qoran yahay buugga magaciisu yahay (Dawladda Dadkeeda Dagaalka Kula Jirta) oo soo baxay bishii Jeenaweri 1990-kii. Inkasta oo aanay SNM-tu weerarin magaalada Berbera 1988-kii, haddana magaalada waxa ka dhacay xasuuqyadii ugu xummaa, iyadoo duqay iyo rag ganacsato ah oo badan loo taxaabay xabsiga, kadib markii ay SNM-tu soo weerartay Burco iyo Hargeysa, waxaana dadkaa loo gudbiyay Muqdisho intii u dhexeysay 27-kii May ilaa 1-dii Juun, laakiin muddo yar kadib waxaa magaalada Berbera ka bilaabmay xasuuq waxashnimo ah oo aan noociisa hore loo arag, taas oo dadka la gawracayay kadibna xabad qudha lagaga jarayay, waxaana si isdaba-joog ah u dhacay falal xasuuq ah oo ay kuwa ugu xummi bishii Juun 1988-kii ka dhaceen goobo ay ka mid yihiin Burco-Sheekh (Xaafad Berber ka mid ah), halkaas oo dad gaadhayey ilaa 500 (Shan boqol) oo qof lagu laayay, iyadoo dadkaa markii la laynayay laysugu xidhxidhay 30-qof ilaa 40-qof. Dadka la xasuuqay, waxa ka mid ahaa dad ka kala yimid tuullooyinka Miyiga iyo magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, kuwaas oo u soo xoogsi tegay dekedda Berbera. Sidoo kale waxa dadka la xasuuqay ka mid ahaa rag laga soo tarxiilay Sucuudi Carabiya.
Daahir Rayaale, maadama uu ahaa Taliyihii NSS-ta Berbera, masuuliyad weyn oo toos ah ayuu ku yeelanayaa wixii ku dhacay dadkaa iyo halkii ay ku dambeeyeen, iyadoo dad goob-joog ah oo hadda nool oo aan 1989-kii ku waraystay Djabuuti ay xasuusan yihiin masuuliyaddii Daahir Rayaale. Dadkaa waxaa ka mid ahaa, C/fataax Cabdillaahi Jire oo aan bishii Ogost 1989-kii ku waraystay magaalada Djabuuti. C/fataax oo wakhtigaa ahaa 14 jir oo aan wax ka weydiiyay wixii dhacay, wuxuu yidhi; "Maalin maalmaha ka mid ah badhtamihii bishii Ogost (1989), warshad barafka samaysa oo aanu lahayn, waxa noogu yimid Madaxa laanta NSS-ta Berbera Daahir Rayaale, wuxuuna kaxeeyay aabahay, waxa kale oo la xidhay nin da’ ah oo ka mid ahaa waashmaanadii Wershadda oo magaciisa la odhan Faarax Bidde Geedi. Waxaa labadoodaba lagu xidhay saldhigga Booliiska Berbera, iyadoo lagu eedeeyay in ay ka sheekaysanayeen in ay suurta-gal tahay in ay SNM-tu soo gasho Berbera."
Run ahaantii Madaxweyne Daahir Rayaale, keligii kuma aha dadka xilalka sare ee siyaasiga ah ka qabtay Somaliland ee ay weli caalamatul su’aal saaran tahay hab-dhaqankoodii xuquuqda aadamuhu, laakiin waxa jira qaar badan oo Isaaq ah oo ka tirsanaa Hay’adihii cadaadiska ee dawladii Siyaad Barre, sida; NSS-ta iyo Hangashtaba. Raggaas oo iyaguna ay maanta qaarkood xillal muhiim ah ka hayaan Somaliland, sida; NSS-ta (Sirdoonka) Somaliland ee dib loo sameeyay 1995-kii iyo CID-da, iyadoo dadkii ay jidh-dileen, basaaseen, baadhistana ku sameeyeen iyo kuwii ay dadkoodii laayeen ay koleyba wakhtiga ay doonto ha ahaatee ay maalin maalmaha ka mid ah ka hadli doonaan wixii loo geystay. Hase yeeshee arrintani ma aha mid ku salaysan Qabiil ama Beel gaar ahi u suntan tahay, laakiin waa arrin khusaysa shakhsiyad gaar ah oo masuuliyad ku lahaa cadaalad-darradii weynayd ee dhacday.
Haddaba, shakhsiyaadka eedahaa loo haysto ama Isaaq ama cid kale ha ahaadeene, waxaa xaq loogu leeyahay in ay ka jawaabaan wixii ay ku geysteen awood fullineed ama awood siyaasadeed, waxaana xisbiyada ay raggaasi ka mid yihiin waajib ku ah in ay eedahaa loo jeediyay ku sameeyaan baadhitaan qoto dheer oo deggen, isla markaana jawaab ka soo celiyaan arrintaa.
Saddexda Xisbi ee doorashada soo socota ku loolamaya oo ah; UDUB, KULMIYE iyo UCID, waxa ku waajib ah in aanu musharaxnimo iska daayoo xubin ka noqon qofkasta oo ku xadgudbay xuquuqda aadamaha.
Ilaa maalmihii ina dhaafay ee ay eedaymaha buuggan ku xusani noqdeen mowduuca dadku ka doodo, waxa jiray shakhsiyaad lagu wareystay TV-ga oo ka mara-kacay in Mudane Rayaale uu dad badbaadiyay, haddana taas macnaheedu maaha in ay ka baraxayso falal lagu eedaynayo inuu gaystay, iyadoo ay weliba arrinta Mudane Rayaale ay xilligan yeelanayso ahmiyad gaar ah, maadaama uu doorashada soo socota u sharaxan yahay Madaxweynimada Somaliland.
Sida la ogsoon yahay xilka Madaxweyne-nimo ee uu Mudane Rayaale hadda hayo kuma iman doorasho dadweyne, laakiinse maanta waxay dadku awood u leeyihiin in ay doortaan qofka ay rabaan, haddiise uu Daahir Rayaale ku guulaysto doorashadan oo uu talada dalka sii hayo shan sannadood, waxay taasi cadaalad seeg ku noqonaysaa dadkii dhibaatada loo geystay, maadaama la ogyahay Jariimadihii xasuuqa ee dalka ka dhacay in ay yihiin sababihii keenay in ay Somaliland la soo noqoto Madaxbannaanideeda, waxa markaa lagama maarmaan ah inuu hogaamiyaha ummaddani noqdo mid ay gacmihiisu nadiif ka yihiin dunuubtii dadka laga galay.
Su’aasha lays weydiin karaa, waxay tahay maxay muddadaa dheer u qaadatay in hadda uun arrintaa laga hadlo, laakiin marka su’aashaa laga jawaabayo go’aankii nabadaynta beelaha Somaliland ee shirkii Burco May 1991-kii, ayaa shiiqiyay go’aankii kale ee isla shirkaa ka soo baxay ee ahaa in daba-gal lagu sameeyo dadkii dhagaraha geystay oo iyaga oo Maxkamad la soo taago, taas oo loo magacaabay guddi gaar ah.
Sidoo kale, waxa iyana arrintaa samayn ku yeelatay qalalaasihii iyo dagaaladii ehliga ahaa ee dalka ka dhacay, taas oo keentay in ay arrintaasi noqotay mid dib loo dhigto. Sidaa darteed, haddii uu maanta musharax yahay nin eeddo loo haystaa ma aha arrin laga aamusi karo, haddii kale waxay noqonaysaa in kumanaankii dhintay, guryihii dumay iyo dadkii baro-kacay ee qaxootiga noqday ay noqdaan arrimo gar iyo mag la’aan ku dhacay oo aan cidna laga xaq marin doonin.
Top
Ururka HORMOOD Oo Cambaareeyay Go’aanka Ay Guurtidu Muddada Ugu Kordhisay Xukuumadda |
"Waa Markii 4aad Ee Ay Guurtidu Si Sharci-Darro Ah Muddada Ugu Kordhiyaan Xukuumadda"
War-Saxaafadeed - Guddoomiyaha HORMOOD
Hargeysa (Haatuf): Ururka HORMOOD, ayaa muddo-kordhinta Xukuumadda ee ay Guurtidu ku dhawaaqeen ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, isla markaana baalmarsan shuruucda dalka u taal, waxaanu sidaa ururku ku sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha ururkaasi, Axmed Muxumed Madar oo xalay na soo gaadhay War-saxaafadeedkaasina isaga oo dhammaystirana wuxuu u qornaa sidan:
"Waxaa aynu wada ogsoon nahay laga soo bilaabo shirkii Boorama ee 1993-kii, in dalkan ay maamulaysay isla xukuumad keli ahi.
Waxyaabaha ugu mihiimsan ee dowladdani loo igmaday waxaa ka mid ahaa in ay wadanka u diyaariyaan sidii ay uga dhici lahaayeen doorashooyin xora oo xalaala kuna salaysan nidaamka dimoqraadiga ee axsaabta tirada badan.
Tiraba sadex jeer oo hore ayey xukuumadani ku fashilantay in ay ku gudato xilkeeddii mudadii loo cayimay, taasina ay keentay in G/Guurtidu si aan dastuurka waafaqsanayn oo kali talisinimo ay ka muuqato xukuumaddani ugu sameeyeen muddo kordhino " 1995,97-02".
Waxaa iyana aan meesha ka maqnayn in mar waloo ay guurtidu xilka u kordhiyaanba ay iyana sii korodhsanayeen muddada ay awooda talada dalka ku sii dhaganaanayaan. Iyadoo ay jirto in illaa maanta ayna diyaar ahayn sharciyaddii lagu soo dooranayey G/Guurtida muddadoodii xilkana ay ka hadhsan tahay wax kayar "5-billood"ayna dastuurkana ku oolin hab sharci loogu kordhiyo ama cid u kordhin karta ayaa waxaa aynu ogsoon nahay in ay G/Guurtidu iyagoo jecel in ay sii joogaan inta ay nool yihiin in ay hore ugu soo jeediyeen G/Wakiilada laba codsi oo qayrul sharci ah: -
-
In ay u madax banaanaadaan,awood buuxdana u yeeshan sidii ay iyagu "Guurtidu" u qoran lahaayeen sharcigii iyaga lagu soo dooranayey.
-
Iyadoo ay wakhtigii xilkooda ka hadhsan tahay 7-billood in ay Golaha Wakiilada ka dalbadaan in loo sameeyo muddo kordhin aan sharci ahayn G/Wakiiladuna aanu awood u lahayn.
Muddo kordhintan u dambaysay 18 January 2003, waa tii "4-aad" ee ay G/Guurtidu si sharci darro ah ugu kordhiyaan xukuumaddan ku fashilantay in ay gudato xilkii iyo waajibaadkii loo igmaday ee ay uga fadhiyeen ummaddu, sidaa daraadeed waxa uu ururku Hormood uu mar labaad halkan ku cadaynyaa mowqifkiisa uu ku diidan yahay muddo kordhinta aan sharciga ahayn ee loo sameeyey xukuumadda.
Waxaanuu diidmadiisa ku sababeynayaa qodobada hoos ku xusan: -
Sidaanu horeba ugu cadaynay mowqifka Ururka Hormood ee ku waajahnaa natiijooyinkii ka soo baxay doorashaddii G/Deegaanka ee aan dalkaba ka wada dhicin, waxaanu ku qanacsan nahay in aanu go’aankaasi ahayn mid -sharciga waafaqsan laguna kala reebi karo Ururadii "6-da" ahaa ee tartamay.Sidaa daraadeed aanu nahay Urur si sharciga waafaqsan u jira oo aan hadhin.
Muddo kordhintan ay u sameeyeen G/Guurtidu xukuumadda looma adeegsan karo qodabka 83aad ee dastuurka qaranka maadaama ayna nabad-gelyo daro ka taagnayn dalka, taana waxaa u daliila in ay doorashadii G/Deegaanku inoogu qabsoontay si nabadgelyo ah, xaaladdiina ay waxba iska bedelin.
Inay siday caadadoodu ahayd aanay taladaba ladhin oo ay iyaguuni isku koobaan
Haddiiba ay ururada talo waydiiyeena in ayna taladoodii aanay waxba ka tix-gelin, iyadoo "4 "urur oo ka mida "5-tii" urur ee ay talooyinka waydiiyeen ay soo jeediyeen in la dhiso dawlad ku meel gaadha oo aan marnaba loo kordhin muddada xukuumaddan fadhiidka ah isla markaana la waafajiyo dastuurka.
Sida Guurtidu ay ku sababaysay muddo kordhinta xukuumadda oo ah in dalka ay nabadgelyo darro ka jirto, ayna tahay in doorashadu Madaxwaynaha & ku/xigeenkaba ay dhamaan dalka isla mar keliya ka dhacdo,waxaa muuqata in mudddada la kordhiyey iyo baaxadda qabyada taala ayna is daboolayn, taas oo tilmaamaysa in ujeedo gaara laga leeyahay muddo-kordhinta.
Maadaama ay caadaysteen "Xukuumadda, G/Sharci dejinta Guurtida" oo iyagu iskuba arkay in ay ka sareeyaan sharciga oo ay u adeegsanayaan danahooda gaar ahaaneed,waxaa uu ururka Hormood uu iska xil saarayaa soo celinta, illaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka u yaalla dalka."
Top
UMAD Oo Soo Jeediyay Dhisidda Dawlad Wadaag Ah |
Boorama (Haatuf) Mid ka mid ah Siyaasiyiinta reer Boorama ayaa usoo jeediyey Urururada Siyaasadda oo ay ka mid yihiin kuwa ku Guuleystay doorashooyinkii golayaasha deegaanada dalka ,kuwii loo diiday inay ka qaybgalaan doorashooyinkaasi iyo kuwa la sheegay inay ku guuleysteenba inay samaystaan dawlad wadaag ah maadaama komishanki loo igmaday doorashooyinkaa ee heer qaran laftooda uumadmadow ka muuqdo.
Axmed Jaamac Muxumed oo ah guddoomiyaha ururka siyaassiga ah ee UMAD oo isaga loo diiday inuu ka qabgalo tartankaasi ayaa qoraal uu soo gaaadhsiiyey weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar ayaa waxa uu ururada siyaasadda ee dalka usoo jeediyey inay doorashooyinkii lasoo maray bishii hore ee golayasha deegaannada dalka ay samaystaan ama dhistaan dawlad wadaag ah oo ay udhanyihiin. Waxa kale oo uu qoraalkisan usoo jeediyey golaha guurtida soomaaliland in kordhinta ay muddada kordhisnayaani anay noqon jeeg furan maadaama labadii sannadood ee ay iyaga iyo xukuumadduba kordhisteeni ay ahayd mid khasaare ku ahaa dalka iyo dadkaba maadaama anay jirin cid kula xisaabtamaaysa waxa ay qabteen wakhtigaa ay kordhisteen.
Guddoomiyaha UMAD waxa kale oo uuka hadlay in ka saaristii ururkiisa laga saaray liiska ururada ku tartaamayey doorashooyinkii golayaasha deegaanna da dalka ay ahayd mid sharci darro ah oo guddiga doorashooyinku qaranku galeen sidaa darteedna waxa uu ururada kale ee siyaasadda ee la sheegay in lagaga guuleystay doorashooyinkaasi iyo kuwa laaga reebay ee ururkiisu ka mid yahay inay doorashooyinkaasi ka dhigaan wax an jirin maadaama guddigaa doorashooyinka heer qaran uu haatan noqday mid laftiisa madmadow ku jiro wixii uu soo qabtay bishii horena ay ahaayeen kuwa an faaiido lahayn.
Top
Sawirka Khaldan ee ay War-baahinta Reer Galbeedku ka Bixiso Islaamka
Sida ka muuqata war-baahinta reer galbeedka, waxa intii ka dambeysay weeraradii lagu qaaday dalka Maraykanka 11kii September 2001, ay u badheedheen in ay sawir been ah ka bixiyaa Isaamka iyo dadka ku dhaqma. Hadaba beenta ay maanta ka sheegayaan diinta Islaamku ma aha mid dhowaan curatay ee waxa ay soo taxnayd in ka badan 1400 oo sannadood. Sida ku cad taariikhda aduunka, diinta Islaamku waxa ay noqotay ta ugu fidista badan diimaha ka jira aduunka. Markii qarnigii 11naad ay socdeen dagaaladii ay muslimiinta iyo gaaladu ku hardamayeen ee loo yaqaanay "Crusades", waxa ay diinta islaamku si xoogle ugu fiday dalalka Yurub oo markaa haystay diinta masiixiga. Hadaba markii ay kuwa ku dhaqma kiristaanku arkeen sida ay diinta Islaamku ugu fidayso dalalkooda, ayay dagaal iyo dacaayad kala hor yimaadeen diinta Islaamka oo ay ka sheegeen wax aan run ahayn oo ay dadka doonaya in ay diinta Islaamka soo galaan kaga cabsiinayeen. Falalka noocan ah iyo dareemada ku lidka ah diinta islaamka oo ay hore u aaminsanaayeen ayaa muuqata in ay maantana ka soo cusboonaatay dalalka reer Galbeedka.
Hadaba waxa jirta oo xaqiiqo ah in dareenka ku dhisan nacaybka ee loo hayo diinta Islaamka iyo dadka ku dhaqma ay maanta si aad ah uga muuqato war-baahinta reer Galbeeka, gaar ahaan dalka Maraykanka. Nacaybka iyo dacaayadda ay baahiso war-baahinta reer Galbeedku waxa ay soo baxday markii ay Shuuciyaddii Midawga Soofiyati meesha ka baxday. Muddo tobanaan sanno ah ayay shuuciyaddu ahayd cadawga qudh ah ee uu reer Galbeedku leeyahay, sidaa daraadeedna war-baahinta reer Galbeedku waxa ay weerar xoog leh ku haysay dalalka ku dhaqma shuuciyadda oo uu u horeeyay Midawgii Soofiyati ee burburay. Hadaba markii uu meesha ka baxay cadawgii kowaad ee ay reer Galbeedku lahaayeen, ayaa war-baanhinta reer Galbeedku ka dhigteen diinta islaamka mid u bedela cadawgaa hore oo hadda meesha ka baxay. Waxa durbadiiba soo baxay ereyo aan hore u jirijirin oo lagu sifaynayoo Islaamka sida usuuli iyo seef-labood iyo mitid iyo xagg-jira oo ay wargeysyada iyo war-baahinta kale ee reer Galbeedku ku isticmaalaan dadka muslimiinta ah. Ereyadani waxa ay muujinayaan sida ay reer Galbeedku u necebyihiin muslimiinta.
Ninka la yidhaahdo Samuel P. Huntington oo ah qoraa ay dhalashadiisu tahay Maraykan, ayaa sanndkii 1993dii qoray kitaab magaciisa layidhaahdo "Clash of Civilization" Isku dhaca Xadaaradaha. Kitaabkan waxa uu Huntington ku qaadaa dhigay arimo la xidhiidha sida ay xadaaradaha caalamku iskugu dhacaan. Qorahani waxa uu isku deyay in uu qiiqa ku qariyo ujeedadiisa kama dambaysta ah ee uu u alifay kitaabkan oo ah in ay kama dambaynta Islaamka iyo xadaaradda reer Galbeedku isugu dhici doonaan, sidaa daraadeedna loo arko in ay diinta Islaamku khatar ku tahay jiritaanka xadaaradda reer Galbeedka. Kitaaban wax ahmiyad ah lama siin intii ka horaysay weerarkii argagaxa lahaa ee lagu qaaday New York iyo Washington. Intii intaa ka damabaysay dad badan oo aqoonyahano ah oo reer Galbeed ah ayaa soo xigta wax yaabaha dacaayadda ah ee uu kitaabkaasi ka hadlay ee ku saabsan diinta Islaamka iyo khatarta ay caalamka ku hayso.
Muuqaalka xun ee laga bixiyo diinta Islaamka waxa si toos ah uga mas’uul ah suxufiyiinta booqashooyinka ku yimaada dalalka muslinka ee wargeysyadooda wararka u soo gudbiya, kuwaas oo aan aqoon fiican ka haysan diinta islaamka iyo dhaqankeeda midna. Qoraalada iyo faalooyinka aan cilmiga ku fadhiyin ee ay wariyayaashaasi u soo gudbiyaan dalalkooda ayaa abuura in sawir xun laga qaato dhaqanka diinta Islaamka. Arinta ugu muhiimsan ee sawirka khaladka ah ka bixisa diinta islaamku waa ereyada ay wariyayaashaasi adeegsadaan sida in ay muslimiintu yihiin "argagixiso" ama usuuli ereyadan ayaa dadka aan aqoonta fiican ka haysan islaamka fooftaran habaabiya. Xataa ereyga Jihaad "Holy war" oo ay inta badan ku xidhiidhiyaan Islaamka kana dhigaan in ay qofka muslimka ah diintiisu xaq u siisay in uu qof kasta oo aan muslim ahayn dilo, ayaa u muuqda mid xaqiiqada ka fog.
Diinta Islaamku waa diin ku dhisan nabad iyo wada noolaasho. Kitaabka Quraanka ahi waxa uu dadka Muslimiinta ah farayaa in qofkii diintooda iyo noloshooda ku soo xad guba ay iska caabiyaan. Diinta Islaamku ma qabto in qofna si xaq daro ah lagu dilo xataa kufaarta aan diinta Islaamka rumaysnayn. Jihaad macnaheedu waxa weeyi ku dagaalanka dawga toosan ee Ilaahay, laakiin war-baahinta reer Galbeedku waxa ay ku macneeyaan in ay tahay fasax uu qofka muslimka ahi u haysto in uu si sobob la'aan ah u dilo qofka kaafirka ah.
Hadaba sababta ugu weyn ee keentay in ay war-baahinta reer Galbeedku sawirkan beenta ah ka bixiso diinta Islaamka waxa keenay aqoon la'aan iyo u fiirsasho la'aan haysata dadka reer Galbeedka iyo war-baahintooda. Waxa hadaba dadka muslimka ah ku waajib ah in ay ku dhaqaaqaan sidii ay wajiga runta ah ee ay diinta Islaamku u taagan tahay u gaadhsiin lahaayeen ciddii uu madamadaw kaga jirto.
ABSHIR CABDILAAHI XASAN RIYADH
Top
Daahir Rayaale Waa Madaxweyne Qaran |
Anaga oo ah muwaadiniin reer Somaliland kuna nool magaalo madaxda dalka ee Hargeysa jecelna sidii dalku uu horumar dhinac kasta uu gaadho oo laga baxo adeegsiga qabyaalada ayaa wargeyska Haatuf cadadkiisii 247 ayaa waxaa boga rayiga dadweynaha ku soo baxay maqaal cinwaankiisu ahaa "Hadalka Muuse ma aha mid wadanimo" oo ay qoreen labada nin ee magacyadoodu yihiin "Casood Muxumed iyo Maxamed Xuseen Xareed" oo sheegay in ay yihiin Awdal Region.
Saaxiibayaal haddaad fikirkiina istidhaahdeen Daahir Rayaale waa reer Boorama, waxaad ogaataan in aanu ahayn ee uu yahay madaxweynaha lixda gobol ee Somaliland. Waxaad kale oo qalbigiina galisaan in aan cidna laga xigin kursiga ee muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi Laas-caanood ilaa Lawyacado uu xaq u leeyahay in uu madaxweyne ka noqdo. Waxaa kale oo aad qalbigiina galisaan in laga baxay wixii la odhan jiray qabyaalad.
Haddaba hadalkii aad Muuse Biixi aad ugu jawaabteen ma aha mid meesha qabata, la soco madaxweyne Daahir Rayaale waa madaxweynihii Muj: Muuse Biixi, anaga iyo idinka iyo dhamaan umadda reer Somaliland.
Farxaan Axmed C/laahi (F. Jeex)
C/Raxmaan Axmed Cabdi
Hargeysa
Top
Soomaalidu Ninkay Maqasha Kala Quusato Ayay Geella U Dirtaa |
Waxa layidhi talo adaagaa ku nool ee iyadu kuguma noola, runtii waxaan jecelahay inaan talo u soo jeediyo taageerayaassha iyo xubnaha golaha dhexe eeku jira ururka KULMIYE ka dib markaan arkay siyaasadii ururka KULMIYE oo casaatay, saaxiibayaal waxaan idinkula talin lahaa sidan:
Waa ta horee waxan idinkula talinlahaa inaad hogaanka xisbigiina u doorataan cid u qalanta oo shacbiga reer soomaali land liqi karaan, samcadda iyo karaamada xisbigiina ee kuftayna soo kicisa.
Waayo xisbiyadu inay sii jiraan oo ay tartamaan waynu isla garannay oo waa ta kaliya ee aynu ku gaadhayno ujeeddooyinkeena, waa midda aynu ku beegsanaynno dal somaaliland layidhaahdo oo caalamka laga aqoonsanyahay, waa midda aan kaga gudbaynno hab beeleedkii 12ka sano soo jiray ee maaha ujeedada aynu u samaysanay in hebel madax wayne noqdo hebella waayo, sidaas awgeed waxan jecelahay in la tixgaliyo oo la dhawro jiritaanka axsaabta siyaasadda ee dalka guud ahaan.
Sidaas awgeed waxan door biday in aan talooyinkan idiin soo jeediyo si loo dhowro magaca ururka maadaama uu xisbigiinana ka mid noqday xisbiyada ee loo aqoonsaday heer qaran.
Waxan idinleehay waxa loo baahanyahay inaad naqaysataan siyaasiyiintiinna oo aad masraxa siyaasada iyo fagaraha hadalakaba keentaan siyaasiyiin bisil oo la jaanqaadi karta wakhtiga,halka dadka iyo dalku marayaana la socota, waayo wakhti kasta ama marxalad kastaa cid ku haboon bay leedahay (KULLU ZAMAAN LAHAA RIJAAL) waar jabhadku xilli buu leeyahay, geedkuna ninbuu leeyahay, siyaasaduna nin bay leedahay. laakiin soomaalidu horey hadal u dhamaysay oo iyada oo dhaliisheeda muujinaysa waxay tidhi(SOMAALIDU NINKAY MAQASHA KALA QUUSATO AYEY GEELA UDIRTAA) waar dadkeena iyo dalkeennu wuxuu u baahanyahay cid u shaqaysa ee uma baahna maanta cid ka shaqaysata.
waar umad waxa hogaamin kara shakhsi nadiif ah, daacad ah, dadkuna u simanyahay.
waxan leehay taageerayaasha kulmiye DIBI HOOYO XUNI KORME MA NOQDO (xisbi madaxdiisu xuntahay meel ma gaadho).
Waxan xasuustaa mar uu lahaa aabihii Somaaliland ALLE H ha unaxariistee marxuum Maxamed x.ibraahin Cigaal ( afarta kornayl ee dagaalkii ehliga ku caanbaxay ee haddii dadku heshiiyo aan shaahayn yaanay umadda isku dirin) runtii marxuumku wuxu ahaa aabihii siyaasada ee S/land, wuxu ahaa nin u yaqaan dadkiisa qof qof.
Aniguna waxan leehay korneyladii kasoo qayb qaatay halgankii SNM qaarkood dhaqan celin bay ubaahanayhiin.Sababtu tahay hogaamiyayashii siyaasadda ee ururkii smn qaarkood wali waxa ku qufulan tii ururka lamaba socdaan halka la marayo!!!
Miyaanay nasiib darro ahayn isagoo shacbigii aad wax u sheegaysayba kaa horeeyo inaad fagaaraha isa soo taagtaa?
Waxa la yidhi nin indha la'aan jiray uunbaa markaliya maalin idhihii u baxeen markiina wax dhaqaaqa wuxu arkaa la yidhi Bakeylle, maalintii danbe uunbuu maqlay dad maroodi ka sheekaynaya suu markiiba wuxu la soo booday maroodigu bakayllaha ma le'egyahay illeyn isagu noloshiisaba wax dhaqaaqa bakeylluu arkee.
Runtii waa niman dadka iyo dalkaba kala dagaalamaya horumarka dhinaca siyaasada, waa niman aan dani ugu jirin nabad galyada iyo midnimada shacbiga reer Somaliland. Kaaga darane sidaasay waliba isku qanciyeen inay dadka iyo dalkaba uga lexe jecla badanyihiin masuuliyiinta iyo waxgaradka kale ee dalka oo dhan!!
Waa niman waddanka dhan ee Somaalinand u haysta inuu yahay tukaan ay iyagu dhigteen ( guryahan taagtaagan iyagaaleh,dadkan dhex socsocda iyagaa leh dhimashadooda iyo noloshooduba waxay ku jirtaa gacantooda, lacagta iyagaa leh , agabka dhexyaal oo dhan iyagaa leh, xataa dahabka dhulka hoostiisa ku jira iyagaa leh.
waxan ku rajo waynahay in hoos u fiirin doontaan danaha xisbigiina haddii kale miyaa
(KARIS XUN IYADNA KU LA' )
Johar C/samad Qalinle
Borama S/land
Top
Ninba Ceesaantii Ceel Keen Talo Waayeel |
Sallaan ka dib waxaa jira in baryahan danbe ay u noqotay nin waliba ceesaantii ceel keen waxaa fooda inagu soo haye xilligii doorashooyinka Madaxweynaha haatan ragga u kala baratamaya Madaxweynaha iyo xisbiyada ay ka soo kala jeedaan, hadaba had iyo goor waxaad arkaysaa umadeena oo xaqiiqda ka fog isla markaana nin waliba ninka uu u xaglinayo mooyee ka kale taariikhdiisa aasayo maan jeclaysan in aan faaladan ka bixiyo xiligan laakiin waxaa kalifay dhawr nin oo isu jaawabaya iyagoo canbaaraynaya musharaxiinta qaar aan ka gudbo sidan soo socotana aan u dhigo:
-
Mujaahid Maxamed Axmed (Siilaanyo) tariikhdheer buu ku leeyahay dalka Somaliland waxay ahayd wakhti xun oo umada reer Somaliland la baabinayo markuu Axmed Siilaanyo iyo Halyayada lama ilaawaanka ah intooda nool iyo inta dhimatayba ay Cudud u noqdeen Ururka SNM in badanbaa la soo halgamayay guushiina la hel ka dib Siilaanyo waxa uu wax ka soo qabtay Xukunkii Somaliland ka jiray wuxuuna intiisa badan ahaa Wasiirka Maaliyadda Md. Siilaanyo waa nin aad u dajin yaqaana xaga maaliyada isag oo isla markaana meelo badan hogaaminteeda ku wanaagsan Runtii Siilaanyo waa nin ay taariikhdiisa Cadahay oonan anigu halkan ku soo koobi Karin.
-
Md. Daahir Rayale Kaahin maxaad ka taqaanaa waxaa inooga filan taariikhdiisa mudada gaaban ee uu xilka hayay qof waliba waxa uu ka makhraati kici karaa in ay Xukuumadiisu uga dhawdahay xukuumadii hore ictiraafka isagoo ka sii anba qaadaya halkay soo gaadhsiisay xukuumadii hore tusaalayaal hadaynu soo qaadano waxyaabuhuu Md. Madaxweynuhu qabtay waxaa ka mida in waftigii ugu ballaadhnaa ee gobolka Sool tagaa uu isagu diray in uu inoo hirgaliyay in ay doorashooyin Dawladaha hoose dhacaan in siyaasadda dibadu si ka wanaagsan sanadihii hore ay u socoto. Waxyaabo badan uu qabtay oonan halkan ku soo koobi karin oo badan ayaa jira bal hada se aad maskaxdaada ka baadhi karto.
-
Ing. Faysal Cali Waraabe waa kuma Faysal runtii waa nin aad u da yar walina ina muu soo marin firfircoonida Faysal nin dadiisa ah oo bishii mar ama laba jeer isaga duula aduuunka guudkiisa bal si uu uga dhaadhiciyo wadamo badan Somaliland in ay tahay wadan buuxisay shuruudihii wadan lahaan jiray Faysal waxa uu si adag had iyo goor ula hadlaa cadawga Somaliland Faysal waxaa lagu xasuusan karaa in had iyo jeer uu baraarujiyo wadan walba uu soo maro dadka reer Somaliland ee markaa ku nool meeshaas Faysal waxa uu halgan dheer ugaga jiray Waqooyiga Yurub in ku dhaw 10sanno gooni isutaaga Somaliland isagoo markaa aanu wax jago haba yaraatee u haynin Dawlada Somaliland intaa waxa uu raaciyay in maalintii Dastuurka Somaliland hiilka u baahnaa curadkii u kacay isaga noqday ururkiisiina sharciyeeyay Dastuurkan lagu codaynayo runtii taariikh aad u dheer ayuu leeyahay ninkii ubaahdaana raadsan karo.
-
Hadaba dulucda iyo nuxurka hadalka hadaan u soo laabto taariikhdu waa halgan socda kumana koobna wakhtigii dagaalada oo kaliya walow Wakhtiga dagaaladu mudanyihiin sharaf iyo taariikh dheeraada raggan aan ka faallooday waxaad arki kartaan in ninba taariikhda in ku leeyahay nin waliba meel ku wanaagsan yahay ILAAHAY (SW) quraankiisa inoogu sheegay in dadka qofba meel ku wanaagsanyahay tusaale wanaagsanna waxaa inoo ah Madaxweynihii geeriyooday alle ha u naxariistee muu ahayn nin ka tirsan ragii SNM keebka hayay wakhtigiii dagaalka bal hada se habka maamul siduu u yaqaanay iyo siduu somaliland wax ugu taray ku cadahay taariikhda dalka maanta waa Ilaah mahadii hadii raggaa qiimaha badan ukala bartamayaan madaxweynanimada.
Hadaba kaad wadato maahee ka kalena xasuuso haduu helo in uu wax uu kaga wanaansanyahay kankale uu jiro ragga ku murmaya shabakadaha qaarna tusaale u qaata qoraalkan waxaan ku darsan lahaa intaa ururka Somaliland Focus in ay ka tusaale qaataan walaalahooda uruka SomalilandForum oo kaalin wayn kaga jira halganka mandqada Maandeeq Somalilandfocus waxaan kaloon ka codsan lahaa in ay ka daayaan cabashada ay ku qorayaan shabakada Somaliweyn...
Cumar Cabdi Nuux
Helsinki Finlad
Top
Kee Baa Gar Leh Madaxweyne Rayaale Iyo Muuse Biixi |
Muwaadin Muuse Biixi wuxuu ka hadlay weerarkii lagu soo qaaday wefdiga madaxweynaha ee Laascaanood joogay. Wuxuu ka damqaday sida yar ee caddowga Somaliland madaxweynihii dalka uga soo eryay magaalo ka mida Somaliland. Wuxuu ka hadlay sida magacii Somaliland aad yar hoos ugu dhacay. Wuxuu si cadho leh u tilmaamay haddii cadowgeena loo oggolaado maanta inay taa inagu sameeyaan oo loogu dulqaato inay beri wax ka daran soo wataan. Wuxuu weliba isweydiiyay maxaa dhinaceena ka khaldanaa. Intaasoo su'aaloodba waa kuwa shacbigu isweydiiyay. Waxa dhinaceena ka khaldanaa Muuse wuu abbaaray. Waxa lagu jiray loolan ka dhexeeya xisbiyada 6da ah oo midwaliba dhiniciisa gooni uga ololaynayay. Madaxweynuhu wuxuu go'aan ku gaadhay inuu wacdaro muujiyo si xisbigiisu u kasbado guusha ugu badan. Wuxuu go'aan ku gaadhay inuu ololaha xisbigiisa UDUB uu ka bilaabo Laascaanood dabadeed uga gudbo Ceergaabo, Burco, Berbera ka dibna Hargeysa ku dhameeyo. Waatii aynu ogayn in madaxweynuhu magaalooyinkaa kale oo dhan soo maray. Haddaynaan been isu sheegayn Laascaanood ma aha magaalo xasilooni taami ka jirto, xiliga lagu jiraana wuxuu ahaa xili doorasho. Dadka ku murmaya madaxweynuhu xiligaas hawl qaran buu u tagay Laascaanood, waxaan leeyahay runtu waa muuqataa Muuse Biixina runtuunbuu sheegaye dadka indhaha ha ka ridina. Wuxuu ka hadlay sida qalafsan ee markii hore iyo markii dambeba loo maamulay dhacdadaas foolxumada ku noqotay magaca Somaliland, tiiyoo qofkasta oo dalkiisa jecel ka cadhaysiisay.
Madaxweynuhu wuxuu marinkii ka leexday markii uu ka warhelay hadalkii Muuse Biixi. Halkii laga filayay inuu ololaha xisbigiisa ka hadlo wuxuu bilaabay inuu taariikhdii madmadoobayd miciinsado Muuse Biixina ku eedeeyo inuu yahay nin ku caan baxay inuu dagaal-sokeeye oogo. Walaalayaal taasi miyaanay qodqodayn boogo hore loo dhayay, miyaan ujeedadeedu ahayn in layska horkeeno beelo ka tirsan beelaha Somaliland? Wuxuu doonayay inuu UDUB taageero ugu helo, waxayna ka mid ahayd ololihiisii taxanaa ee Laascaanood kaga fashilmay.
Markii madaxweynuhu faagaaraha hadaladaas ka lahaa, ma wuxuu ku hadlayay magaca madaxweynaha, mise wuxu ku hadlayay magaca UDUB. Madaxweynuhu ma beel buu metelayay?
Haddaba Muuse Biixi haddii uu TV Hargeysa ka hadlay waa maxay dembiga uu qaranka ka galay? Miyaan dembi kaa la mida madaxweynuhu gelin markuu khayriyadda ka hadlay? Mise madaxweynaha iyaga sharcigu ma qabto? Haddii la sheego in madaxweynuhu ahaan jiray sarkaal sare oo ka tirsan NSS-ta, ma dembi qaran baa?
Su'aasha Muuse ka hadlay iyo kuwo kale ayaan doonayaa in madaxweynuhu shacbiga ka qanciyo. Waa haddii uu doonayo in shan sannadood oo dambe la doorto.
Xuseen Cadaani
Santa Fe, NM, USA
January 16, 2003
Top
Guurtidu May Tixgelin Haweenka |
Bayaan 30 Haween Ah
Anagoo ka kooban haweenka caasimada Hargeysa kalana ah haweenka bacadyaalka ah sida khudradlayda, caanalayda, jaadlayda, haweenka aqoonyahanada caasimada Hargeysa.
Marka hore waxaanu aad uga xunahay sida ay Guurtidu u jebisay dastuurka waxaa kale oo aanu ka xunahay in dumarka oo ah dad laxaad iyo qiimaba ku leh bulshada dhexdeeda kana qayb qaatay halgankii iyo dhismaha iyo nabadayntii welina jecel nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland, aanay guurtidu talada ku darin haweenka.
Haddaba waxaa jirta in guurtidu ku dhaqaaqday in loo kordhiyo mudada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, iyadoo ay la tashi la yeesheen axsaabta taladii ay axsaabtu soo jeediyeen oo ahayd in madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku xilka ka dagaan muddada ay kaga eg tahay sida dastuurka ku qoran arrintana guurtidu way ka dhaga adaygeen waxaanay goosteen talo u gaar ah oo aanay tixgalinin talo wadaagii ay ku dhisnayd Somaliland.
Faadumo Raabi Cigaal, Faadumo Yuusuf Xasan, Sahra Maxamed C/Laahi, Faadumo Cismaan Xuseen, Canab Cali Ducaale, Caasha Daahir Cilmi, Saynab Sahal Cali, Aamina C/Laahi, Cali Xamari, Canab Ciid, Shuun Yuusuf, Nuura Xuseen Dhalaax, Yaasmin Ismaaciil Qardhan, Maryan Shaarubaale, Muxubo Xasan Axmed, Koos Axmed Nuur, Ugaaso Faarax, Canab Warsame Tamaandho, Caasha Ismaaciil, Maryan Ibraahim Yuusuf, Fihiima Maxamed Rashiid, Saynab Cali Jaamac, Nimco Siciid Biixi, Rooda Siciid Cali, Hoodo Muxumed Yuusuf, Mulki Yuusuf Cali, Canab Maxamed Cabdi, Hana Maxamed Nuur,
Hargeysa
Top
Ra’iiisal Wasaaraha Israa’iil Oo Ku Baaqay In La Dhiso Dawlad Falastiin
Qudus (W. Wararka) Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Ariel Sharon ayaa ku baaqay in la dhiso dawlad ay leeyihiin falastiiniyiintu taasoo uu shardi uga dhigay inay noqoto mid aan haysan wax hub ah, balse maamulka Falastiiniyiinta ayaa arrintaasi gaashaanka ku dhuftay, iyagoo ku tilmaamay xeelad cusub oo lagu doonayo inay Israa’iil ku sii haysato deegaanada Falastiiniyiinta.
Ariel Sharon oo u waramayay wargeyska Newsweek ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu intaa ku daray inuu aqoonsan doono dawladaasi aan lahayn wax hub ah iyo xuduud la aqoonsanyahay toona, taasoo u sheegay inay ku xidhantahay haddii ay Falastiiniyiintu joojiyaan hawlgalada ay kaga horjeedaan Israa’iiliyiinta.
Waxa kale oo uu intaa ku daray inay dawladaasi yeelanayso awood xadidan iyadoo ay Israa’iil dusha ka haysato. Balse wasiirka is-xukunka gudaha ee Falastiiniyiinta Saa’ib Curayqaat ayaa ku tilmaamay hadalada ka soo yeedhay Sharon kuwo khiyaamo ku dhisan oo uu ku doonayo in uu ku sii gumaysto dadka Falastiiniyiinta.
Arrimahani waxay ku soo beegmeen iyadoo maalmahan ay xabad joojin aan rasmi ahayn u dhaxayso labada dhinac, iyadoo aanay dhicin wax rabshado ah oo waaweyni. Ururka Xamaas ee Islaamiga ah ayaa isna ku baaqay in ay labada dhinac kala joojistaan colaada iyo iska horimaadyada u dhaxeeya.
Top
Mudaaharaado Lagu Diidanyahay Weerar Lagu Qaado Ciraaq Oo Caalamka Ka
Dhacay |
Washington (W. Wararka) Mudaaharaado waaweyn oo lagu diidanyahay weerar uu maraykanku ku qaado Ciraaq ayaa maalmahan ka dhacay guud ahaanba dalalka ka mida caalamka kuwaasoo dadka ka qayb galay ay siteen boodhadh iyo hal ku dhigyo ay ku diidanyihiin weerar dhaca isla markaana ay ku cambaaranyaan siyaasada dawladda Maraykanka.
Mudaaharaadka ugu balaadhan oo ka dhacay magaalada Washington ee caasimada Maraykanka waxa ay dadka ka qayb qaatay mudaaharaadkaasi oo ay tiradoodu kor u dhaafaysay tobanaan kun oo qof oo ay ka mid yihiin shaqsiyaad caan ku ah maraykanka ay cambaarayn dusha uga tuureen siyaasada xoog u adeegsiga ku dhisan ee maraykanka iyagoo ku baaqay in mushkilada ciraaq lagu dhamaystiro xal diblomaasiyadeed.
Waxa kale oo ay ka qayb galayaashu cambaareeyeen waxa uu maraykanku ugu yeedho la dagaalanka argagixisada taasoo ay sheegeen inuu maraykanku ku gaystay gafaf waaweyn oo xuquuqda dadka meel ka dhac ku ah.
Waxa kale oo ay mudaaharaado kuwaasoo kale ahi ka dhaceen dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka, Japan, Canada, iyo Australia kuwaasoo ay ka qayb qaateen dad boqolaal kun oo qof ka badani. Mudaaharaadadaasi dhamaantood waxay muujinayeen sida uu caalamku uga soo horjeedo weerar uu maraykanku ku qaado Ciraaq.
Dhinaca kale hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi iyo Madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak ayaa maalintii shalay ku kulmay xarunta Liibiya ee Tripoli iyagoo ka wada xaajoonayay sidii loogu hortegi lahaa weerar uu maraykanku ku qaado ciraaq.
Waxa kale oo lagu wadaa in shirweyne ay ku kulmayaan dalalka jaarka la ah Ciraaq uu ka dhaco caasimada Suuriya ee Dimishiq, iyagoo ka wada xaajoonaya xaalada dalka Ciraaq, shirkan oo ay isugu imanayaan wasiiradda arrimaha dibada ee dalalka jaarka la ah ciraaq oo kala ah Iiraan, Sucuudiga, Turkiga, Kuwait, Suuriya, iyo Urdun waxa lagu wadaa inay ka soo saaraan bayaan wada jir ah.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay Muuse Shoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 70aad
Mingistu:Kuwa leh boqor Xayle Salaase waxa lagu aasay kursigii xafiiskayga hoostiisa ma waxay is leeyihiin shicibka Itoobiya malaha caqli ay wax ku kala gartaan, ka dibna markaas ayey wax walba war uga dhigeen. Laakiin iska dhaaf sheekooyinka noocan oo kale ah ee la doonayo in la is nacsiiyo dadkayga ma aha kuwo la samayn karayo, waayo dadkayagu waa kuwo garaad leh oo waxaas oo khaladaad ah ee loo sheegay ku gacan saydhaya, laakiin arintu sida ay tahay taariikhda ayaa mustaqbalka shaaca ka qaadi doonta, waayo waxa dhici karta inay taariikhdu isbedesho oo ay beri ka maalin timaado in intayadii dalka haysatay ama ka talinaysay la waxaad keentaan lafihii aad lahaydeen waa kuwii Xayle Salaase, isla markaana la yidhaahdo hala keeno injineerkii sidaa yidhi, lana yidhaahdo ama la iswaydiiyo goorma iyo sidee ayaa falkaa loo geystay ama yaa bixiyey amarka falka caynkaas ah lagu geystay," sidaa darteed waxa iman doona waqti su’aalaha caynkaas ah la iswaydiin doono, taasina waa wax dhici kara, laakiin sida ay doonto ha u dhacdee anigu marnaba dalkayga hooyo ee aan jecelahay iyo dadkayga sharafta iga mudan ee aan iyagana jecelahay riwaayadda iyo been abuurka ay wajaanuhu wadaan ma ogoli in la soo dhexgeliyo dadkayga.
Ganat: Baabuurtii uu boqorku lahaa waxa la leeyahay waxaad keensatay magaalada Harare, markaa xagee baad geysay?
Mingistu: Waa kuwee baabuurta aad sheegaysaa ee aad leedahay boqorka ayaa lahaa.
Ganat: Waa kuwiisii hore ee lagu qaadi jiray ee madaxtooyada u dhex-ooli jiray.
Mingistu: Waayo maxaad sidaa ii leedahay, baabuurtii ay madaxtooyadu lahayd miyaanay sidoodii uun madaxtooyada u dhex-oolin, laakiin aan kuu sheegee baabuurtii uu boqorku wadan jiray waxa ka mid ahaa gaadhi Maraykan ah oo Scevrolet ah oo ahaa gaadhi baali ah oo gaboobay iyo gaadhi kale oo isaguna ahaa gaadhi Ingiriis aan shaqayn-ba jirin oo la iska tuuray, labadaa baabuurna xerada madaxtooyada ayey ku dhexjireen, laakiin way jireen gawaadhi kale oo ay madaxtooyadu lahayd, laakiin waxaan ku waydiiyey iminka baabuurta uu Males Zenawi wataa maxay yihiin, ta kale baabuurta aad leedahay Harare ayaad ku haysataa sidee baan u keeni karaa halkan (Harare), waa maxay waxa halkan lagu keeni karaa ee la soo saarayaa ilaa Itoobiya ilaa Harare.
Ganat: Miyaadan diyaarad ku soo qaadi karin oo aaddan iska soo horaysiin karin?
Mingistu: Taa ma wax cadayn ah ayaad u haysaa, maxaad sidaa ii leedahay.
Ganat: Gacantayda wax cadayn ah kuma hayo, laakiin waan ku waydiiyey oo waxaan ku leeyahay gawaadhi miyaad keensatay Harare?
Mingistu: Waa been waxaasi, sidaa inay tahayna waxaad waydiisa janaraal Firesanbat, waxaan qaatay Eydii gurigayga ku noolaydna waa lahayd inantayda TIGIST Mingistu, waxaana magaalada Dirir-dhabe uga keenay Damaqe Baanjaw...
La soco cadadka dambe
Top
Yakubu ayebini oo diir-diiranaan...
Weeraryahanka reer Nayjeeriya ee Yakubu Ayegbini ayaa ku bilaabay si diir-diiran ciyaarihiisa Ingiriiska kadib markii uu la simay Portsmouth kooxda Brighton oo 1-1 ay ku dhamaatay ciyaartii ku dhexmartay garoonka Withdean, ciyaartaas oo ay hoggaanka qabatay kooxda Brighton, kadib waqtigii nasashada kadib markii uu Bobby Zamora uu gool u dhaliyay kooxda Porthmouth, inkastooy qaada hujuun ay ku doonaysay inay goolka iskaga soo bado, haddan wax dhammaystir ah oo goolal ku dhashaan umay suurtogelin ilaa uu ka soo galay ciyaarta Ayegbini, kadib 10 daqiiqadood waqtigii uu goolka u dhaliyay Zamora.
Weeraryahanka reer Nayjeeriya Yakubu Ayegbini oo toddobaadkan heshiis amaah ah kaga soo wareegay kooxda Maccabi Haifi, wuxuu kale oo uu mushkilad joogto ah ku ahaa ciyaarta difaaca kooxda Brighton ilaa intii uu ka dhacayay siidhigii ugu dambeeyay ee ciyaartaasi.
Guud ahan wuxuu ku bilawday ciyaaryahanka reer Nayjeeriya ciyaarihiisa uu u soo wareegay England diir-diiranaan uu ku bilaabay goolka barbaraynta ah ee uu kooxdiisa la simay kooxda ay la ciyaaraysay, waxaase la filaya in uu Ayegbini uu sii muujiyo kartidiisa ciyareed is-araga kale ee labada kooxood oo ka dhici doona Grimsby oo ah magaalada ay kasoo jeedo kooxda Portsmouth.
Top
Kooxda reer Kamaruun oo muddo
markii |
Kooxda kubadda cagta ee Qaranka Kamaruun aya muddo 8 bilood ah markii u horaysay u ciyaaraya koox ahaan, kadib wacdarihii ay ka geysteen koobkii adduunka.
2 bisha February aya waxa ka dhici doonta Faransiiska ciyaar saaxiibtinimo oo ay la yeelanayaan Ivory Coast.
Djana Robert oo ah agaasimaha maamulka ee kubadda cagta aya kulankaas xaqiijiyay maalintii Jimcihii, isagoo jooga Younde.
Djana, isaga oo ka hadlaya ciyaarihii saaxiibtinimo ee kooxdoodu doonaysay in ay yeelato wuxuu yidhi; "Waxaanu la hadalnay kooxo badan si aanu ciyaaro saaxiibtinimo ula yeelano, laakiin dhinacyo badan oo aanu la xidhiidhnay waxay noo sheegteen in qorshuhu uu ka buuxo, waqtiyada ay oggolaan lahayeen inay ciyaaro saaxiibtinimo nala yeeshaana waa xilliyo aan ku haboonayn xilli-ciyaareedada FIFA.
Kaaliyaha tabobaraha kooxda Kamaruun Omog Joseph ayaa sheegay inay aad dib ugu dhacday xilliga lagu beegay ciyaarta saaxiibtinimo ee Kamaruun oo ay muddo dheer kooxdu kala maqnayd waxaanu yidhi; "Bil nagumay qaadan in aanu diyaarino kulan ciyaareed, ee waxay nagu qaadatay sannad."
Kadib ciyaarta ay kooxda reer Senegal la yeelanayso kooxda Ivory Coast waxay ka qaybqaadan doontaa wareeg ciyaareed oo afar kooxood dhexmari doona 29 March.
Top
Real Sociedad Oo Hogaanka Kooxaha Isbaanishka Sii Haysa |
Kooxda Real Sociedad ayaa ilaashatay hogaankeedii kala-horeynta kooxaha Isbaanishka ee kubadda Cagta, kadib markii ay kooxda martida u ahayd ee Celta Vigo kaga badisay 1-0 maalintii sabtidii.
Ciyaartoyga Francesco De Pedro, ayaa daqiiqadii 65aad u saxeexay goolka ay ku badisay kooxda Real Sociedad, kadib markii uu ka faa’iidaystay khalad weyn oo uu sameeyay goolhayaha reer Arjantiin ee kooxda Celta Vigo, kaas oo uu ku guuldaraystay inuu kubadda dibadda iskaga saaro, iyadoo ay heshay kooxda Real Sociedad fursado badan oo u dhowaa in ay dhashato goolal kale, laakiin sida kale u dhacay.
Natiijada guushaasi, waxay noqotay tii 11aad ee ay ku guulaysato, waxa ay barbar dhac noqotay toddoba ciyaarood, iyadoo aan weli wax ciyaar ah laga badin, waxaanay urursatay 40 dhibcood oo ay ku hogaaminayo kooxaha tartanka horyaalka kooxaha Isbaanishka.
Top
Valencia Oo Khasaare Weyn Baday Barcelona |
Kooxda horyaalka haysata ee Valencia, ayaa khasaare weyn u xambaarisay kooxda Barcelona oo ay ka badisay 4-2, iyadoo ay kooxda Valencia ku ciyaaraysay toban ciyaartoy oo keliya.
Khasaarahaasi waxa uu sii adkeeyay mowqifka xun ee uu ku sugan yahay tababaraha reer Holland ee kooxda Barcelona, Luis Van Gaal.
Valencia waxa ay ciyaarta ku hormartay laba gool oo degdeg ah oo lama filaan ku noqday difaaca iyo goolhayaha reer Arjantiin ee kooxda Barcelona, waxana goolashaas kala dhaliyay ciyaartoyda reer Arjantiin Bablo Amier oo daqiiqadii 13aad u dhaliyay iyo ciyaartoyga reer Norway John Carlo oo daqiiqadii 26aad dhaliyay goolka labaad. Laakiin ciyaartoyda kooxda Barcelona, ayaa wax ka bedelay mowqifkooda, iskuna dayay in ay wax ka bedelaan faraqa goolasha, wayna ku guulaysteen daqiiqadii 38aad, kadib markii ciyaartoyga reer Brazil Motta la dhaafay difaaca kooxda Valencia, kuna laaday kubad goolka, taas oo ka fogayd goolhayaha Valencia oo si wanaagsan u gashay shabaqa goolka.
Qaybtii labaad ee ciyaarta, waxay ciyaartoyda Barcelona culays weyn saareen kooxda Valencia oo ku horjoogsadeen ciyaartoyda kooxda Valencia garoonka qaybta ay Valencia ku ciyaaraysay, taas oo fursado badan ay heleen ciyaartoyda Kluivert, Motta, Saviola oo bedel ku soo galay iyo Mark Overmars oo fursadahaasi ay ahaayeen qaar run ahaa, laakiin goolhayaha iyo difaaca Valencia ayaa si foojigan uga badbaadiyay in ay dhashadaan goolashaasi.
Weerar degdeg ah oo ay soo qaadeen ciyaartoyda kooxda Valencia, ayay ku guulaysteen in ay ku dhashadaan goolkii saddexaad daqiiqadii 82aad, kaas oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka reer Brazil Vabio Orelio, iyadoo goolkii 4aad-na uu u dhaliyay Francesco Roflie daqiiqadii 87aad.
Kluvert ayaa goolkii 2aad u saxeexay kooxdiisa daqiiqadii 89aad, iyadoo khasaarahaas weyni ku joojiyay kooxda Barcelona dhibcaheedii 23 dhibcood oo ay kaalinta 9aad kaga jirto kala-horeynta kooxaha Isbaanishka ee tartanka horyaalka kubadda cagta.
Top
Forlan Oo Gool Kaga Nixiyay Kooxda Chelsea |
Ciyaaryahanka reer Uruguay Diego Forlan, ayaa u hogaamiyay kooxdiisa Manchester United in ay guul weyn ka gaadho oo ay kaga adkaato kooxda martida u ahayd ee Chelsea, kadib markii uu u dhaliyay kooxdiisa goolka ay ku badisay daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee uu ku daray garsooraha ciyaarta dhexdhexaadinayay, ciyaartaas oo dhexmartay labada kooxood maalintii sabtidii.
Laba kooxood ayaa soo bandhigay qaybtii hore ee ciyaarta ciyaar caadiya, iyadoo ay kooxda Chelse ciyaarteeda aad moodaysay in ay ka wanaagsan tahay ciyaarta ay soo bandhigeen kooxda Manchester United, balse gebi ahaanba ciyaarta wacyigeeda guud wuu isbedelay qaybtii dambe ee ciyaarta, taas oo ay ciyaarta xiisaheedu kordhay daqiiqad kastaana ay xiise weyn yeelatay, labada dhinac-na fursado wanaagsan ay heleen.
Kooxda Chelsea, ayaa ku hormartay gool daqiiqadii 30aad ee ciyaarta, kadib markii ciyaartoyga firfircoon ee Lozo kubad dheer u soo diray dhinaca diilinta 18aad dhexdeeda, waxana difaaca dabadiisa ka soo orday Gudjohnsen oo uu kubada ka qaatay difaaca, kuna laaday goolhayaha Fabien Barthez, waxaanay gashay goolka, kaas oo ay Chelsea ku hormartay ciyaarta. Laakiin Paul Schole ayaa keenay goolka barbardhaca ee Man United daqiiqadii 39aad, kadib markii ay khalad sameeyeen difaaca Chelsea oo kubad dib ugu soo celiyay goolhayahooda reer Talyaani, Cudicini, isagoo gaabiyay dib u celintii kubaddaas, waxaanay kubadaasi u tagtay ciyaartoyga reer Manchester David Beckham oo dhinaca midig uga ciyaara kooxda, waxaanu u soo karoosay dhinaca goolka Chelsea, halkaas oo uu Scholes madax ku dhuftay, kuna dhaliyay goolkii barbardhaca.
Tababaraha kooxda Manchester United, Alex Ferguson, ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta wax ka bedelay ciyaarta, waxaanu soo geliyay ciyaartoyga dhinaca bidix ka ciyaara ee Ryan Giggs oo uu ku bedelay Philip Neville, ciyaartoygaas oo ciyaartii kululeyay, fursado badanina ka lumeen ciyaartoyda Manchester ee Schole, Nestlrooy, Solskjaer iyo qaar kaleba.
Daqiiqadii 2aad ee wakhtiga dheeraadka ahaa ugu dambeysay ayuu ciyaartoyga Beckham kubad u soo laaday dhinaca goolka Chelsea, waxaana ku laaday lugtiisa bidix iyadoo kubaddu aanay dhulka taaban ciyaartoyga Forlan, waxaanay gashay shabaqa goolka.
Forlan, waxa uu hore u dhaliyay goolkii keliya ahaa ee ay Manchester United kaga badisay kooxdan Chelsea (1-0) bil ka hor, ciyaartaas oo ahayd ciyaar ka mid ahayd tartanka koobka kooxaha Ingiriiska (FA Cup), waxaanu kooxdiisa u gudbiyay wareega Semi-finalka, isagoo Forlan ku soo galay ciyaartaas bedel waxaanu dhaliyay goolkaas daqiiqadii 80aad ee ciyaartaas.
Top
|