Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 251 January 21, 2003

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Heshiis Lagu Casriyeynayo Madaarrada Hargeysa Iyo Berbera

Beel Ka Mid Ah Gobolka Sool Oo Caddeysay Mowqifkeeda Somaliland

Fadhiga Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Dib Loo Dhigay

"Dumarku Waa Inay Ka Qayb-Qaataan Horumarinta G/Deegaanka"

Maxaa Ku Cusub Magaalada Tog-Wajaale?

Xisbiyada UCID Iyo KULMIYE Oo Mowqif Mideysan Iska Taagay Go’aankii Muddo-Kordhinta Xukuumadda

Wararka Dibadda

Marykanka oo ku adkaystay in la rido Sadaam Xuseen

Loolan Adag oo loogu Jiro madaxtinimada Hay’ada WHO

Cabsi Laga Qabo Weeraro Cusub Oo Al-Qaacida Ah

ODHAAHDA AKHRISTAHA

RAADYOW MA QALOOCSHE

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

WAADIGA CIYAARAHA

Xidhiidhka Kubadda Cagta Ee Ingiriiska Oo La Filayo In Ay Xukumaan Bergkamp

Atletico Madrid Oo 2-2 Ku Barbaraysay Real Madrid

Tababare Ancelotti Oo Kooxdiisa AC Milan Isla Barbartaagay Firfircooni


BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Edna Rag Bay Bad Gelinaysaa

Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Edna Aadan Dhakhtar ayaa shirkii golaha wasiirada ee shalay horkeentay warbixin ku saabsan hawlihii wasaaradeeda cusub u qabsoomay iyo kuwa u qorshaysan inay mustaqbalka wax ka qabato.

Waxa kale oo Edni gudoonsiisay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Xisaab-xidhkii wasaaradeeda.

Inkastoo talaabadani tahay mid caadiya marka loo eego siday xukuumadaha caalamku u dhaqmaan, haddana arrintani waxay dadka intiisa badan ku noqotay mid aad loola yaabo, waayo loogama baran xubnaha xukuumadda Somaliland inay hawlaha xilalka ay hayaan warbixino ka diyaariyaan xisaab celina ka soo gudbiyaan isticmaalka miisaaniyadaha loo qoondeeyo.

Haddaba maadaama Somaliland aanu wali ka hirgelin hadalkiisana la hayn nidaam (system) ku ajburaya wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee xukuumadda inay sanaadkiiba muddo cayiman ku diyaariyaan warbixino ku saabsan hawlahooda ama, ay samaynayaan xisaab-celin ay ku cadaynayaan siday u isticmaaleen kharashka iyo dakhliga soo galay intuu leegaa, ma jirin wax ku kalifayay Marwo Edna Aadan inay golaha wasiiradda horkeento warbixinta iyo xisaab-celinta aanu kor ku soo xusnay, hase yeeshee, waxa talaabadan ay Edni u horseeday lagu fasiri karaa mid ku timid garasho aqooneed iyo damiir foojigan oo ay marwadu leedahay oo ay isla markana kaga duwantahay raggii hareeraheeda fadhiyay shirkii golaha wasiiradda ee maalintii shalay.

Waxaana la iska garan karaa in wasiiradii shirka ku jiray intooda badani aanay jeclaysan warbixinta ay Edni golaha la timid oo ay arrintaasi kolayba ka naxisay raggii ogaa in hantida qaranka inta la iska lunsado dabadeedna aan waxba la iska waydiin.
Inkastoo musuqmaasuqu hadheeyay hay’adaha dawladda, haddana waxa nasiib darro ah iyada oo dhinaca xukuumadda aan arrintaas laga hadal-haynba, xataa kuma jirto ololaha doorashooyinka ee dalka ka socda ee saddexda xisbi ugu tartamayaan xilka madaxweyne-nimadda Somaliland.

Sidaas darteed ma laga yaabaa in Edna Aadan hab-dhaqankeedan wanaagsan ku mutaysato colaad hoos ka tuur ah oo kaga timaada xubnaha kula jira golaha wasiirada ee ay kalideeda haweenayda ka tahay, waxayse danta guud ku jirtaa in lagu daydo warbixinteedan qaab bilawga leh iyo dhamaadka hawlaha dawladnimo iyo maamul.

Top


Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Heshiis Lagu Casriyeynayo Madaarrada Hargeysa Iyo Berbera

Harg (Haatuf):- Shirka caadiga u ah golaha Wasiirada ee Somaliland ee qabsooma maalinta Isniinta ayaa kulankiisii shalay waxaa guddoomiyay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Sida uu xusay war-saxaafaded ka soo baxay madaxtooyada Somaliland shalay oo qoraalkiisa uu ku suntanaa af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale ayaa sheegay in Madaxweyne Rayaale iyo xubnihii kale ee wasiirada ah ee ku wehelinayay safarkii uu dhawan ku soo maray dalalka Senegal, Malawi iyo Itoobiya, waxaa ka mid ahaa erayadii uu warsaxaafadeedkaasi ka soo xigtay Madaxweyne Rayaale, "Waxaa laga yaaba dadka qaar inay naga filayaan, dhaqaale iyo ictiraaf la iska soo qaadayo, waxaase garabkii galbeedka Afrika ee ka maqnayd garowshaha iyo taageerada qadiyadda Somaliland aanu uga soo helay halkasi," wuxuunta intaa ku daray madaxweynuhu in istaraatiijiyadda dawladdiisu ay tahay hana-qaadka qaranimada Somaliland in albaab walba loo garaaco sida uu xusay war-saxaafadeedkii ka soo baxay madaxtooyada Somaliland maalintii shalay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta qoyska iyo arrimaha bulshada Marwo Edna Aadan oo ka mid ahayd xubnihii weftiga Madaxweynaha ee warbixinta ka soo jeediyay shirkii shalay ee Golaha wasiirada Somaliland kahor hadalka uu ka soo jediyay Madaxweyne Rayale waxay tidhi; "Waxaynu u baahan nahay inaynu badsano wixii golayaasha qadiyaddeena lagaga doodo inooga hiilin lahaa oo fahamsan garteena ta galbeedka Afrika oo inaga maqnayd waan idiin soo helnay."

Shirkii golaha wasiirada ee shalay waxa kale oo dood iyo falan-qayn kadib ay oggolaadeen heshiis wadajir ah (Join Venture) oo ah caalamiyeynta garoomada Diyaaradaha ee Hargeysa iyo Berbera oo ay dhinaca Somaliland hore isula soo meel-dhigeen wasaaradaha duulista hawada, maaliyadda iyo shirkadda Blue International oo ka socota Imaaradka Carabta, gaar ahaan Sharjah.

Isla fadhigaa Golaha Wasiirada ee Somaliland Marwo Edna Aadan oo ah Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha bulshada ayaa guddoonsiisay xisaab-xidhkii wasaaradeeda Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka maaliyadda, qaabkan ay samaysay Marwo Edna oo ah bilowgii ugu horreeyay awgii ayuu madaxweynuhu tallaabadaa ku amaanay Wasiirka wasaaradda qoyska iyo arrimaha bulshada Marwo Edna Aadan, isaga oo madaxweynuhu intaa ku daray inay haboon tahay in wasiir walba intaan lala xisaabtamin inuu isagu is xisaabiyo, sidaas waxaa shalay ka soo xigtay Madaxweyne Rayaale warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee Somaliland isla maalintii shalay.

Top


Beel Ka Mid Ah Gobolka Sool Oo Caddeysay Mowqifkeeda Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Hogaamiyayaasha beel ka mid ah beelaha reer Sool (Jaamac Siyaad) ayaa sheegay inay beeshoodu aaminsan tahay qadiyadda Somaliland, isla markaana ay diyaar u yihiin taareeda iyo difaaca jamhuuriyadda Somaliland. Sidaana waxay ku sheegeen qoraal soo baxay 11-kii bishan oo ay ku saxeexan yihiin dad kontomeeyo ku dhow oo isugu jira madax-dhaqameedyo, aqoonyahano, dhalinyaro iyo wax garad kale. Laakiin qoraalkaa oo ay ka soo saareen magaalada Laascaanood waxay ugu horayn ku yidhaahdeen "Hadii aanu nahay garaadka, cuqaasha, odayaasha, dhalinyarada, culimo-udiinka, wax garadka , masuuliyiinta iyo saraakiisha beesha Jaamac Siyaad waxaanu u cadaynaynaa dawladda Somaliland inuu beesha Jaamac Siyaad mawqifkeedu yahay Somaliland, ayna ka mid tahay dad ahaan iyo dhul ahaan-ba, isla markaana aanu diyaar u nahay taageerada iyo difaaca jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo uu ciidanka beesha Jaamac Siyaad ee hadda Laascaanood ku sugani diyaar u yahay inuu ka mid noqdo, lana midoobo ciidanka Qaranka Somaliland, isaga oo horeba uga mid ahaa, waxaanuna ka digaynaa inaan loo maqlin kuwii la dagaalamayey dawladda Somaliland ee hadeer barobagaandada Hargeysa ka wada"ayey qoraalkooda ku soo afjareen. Waxayna qoraalkan saxeexay magacyadoodu kala yihiin:

  1. Chief Caaqil Axmed Cabdi Gaas

  2. Chief Caaqil, Cumar Xaaji Maxamuud Goonle

  3. Caaqil Caydiid Salaad Warsame

  4. Salaad Xuseen Axmed

  5. Xasan Warsame Aadan

  6. C/risaaq Jaamac Cabdi

  7. Yuusuf Sulub Garbiye

  8. Siciid Cashuur Abyan

  9. C/kariin Bulaale Seed

  10. Nabadoon, Cawil Xirsi Aadan

  11. Hurre Yuusuf Cadami

  12. Maxamed Caalin Qaalib

  13. Axmed Cali Haybe

  14. Khaliif Cabdile Nuur

  15. Ismaaciil Xaaji Nuur

  16. Siyaasi,Cabdi Cali Xirsi

  17. C/qaadir Warsame Xayir iyo 33 xubnood oo kale oo isugu jira saraakiil, aqoonyahano iyo wax garad kale. Laakiin ugu dambayn waxa qoraalkaa saxeexay garaadka Garaad Ismaaciil Ducaale iyo gudoomiyaha guddi-beeleedka Jaamac Siyaad Saxardiid Bile Cawed.

Top


Fadhiga Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Dib Loo Dhigay

Golayaasha Deegaanka Ee Bali-Gubadle Iyo Salaxley Oo Doortay Maayarro

Harg (Haatuf):- Duqa cusb ee degmada Salaxlay ayaa golaha deegaanka ee degmada Salaxlay u doorteen Axmed Aadan Ducaale 15 bishan January, iyada oo ku xigeenka duqa degmada Sallaxlay loo doortay Cabdi Muuse Maxamed, sidoo kale 19-kii January waxaa isna loo doortay Duqa degmada B/Gubadle Jaamac Xuseen Hure, iyada oo ay golaha Degaanka ee degmada B/gubadle ay u doorteen Caydiid Aadan Liibaan, magacaabistaas maayarada Salaxlay iyo B/Gubadle oo ay doorteen golayaasha deegaanka ee degmooyinkaas ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee ka soo baxda golayaashii deegaanka ee loo codeeyay 15/12/2002.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland C/raxmaan Maxamuud Cajab ayaa shalay saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland u xaqiijiyay doorashada mas’uuliyiinta maamulka ee degmooyinka B/Gubadle iyo Salaxlay ee gobolka Hargeysa, C/raxmaan Maxamed Cajab wuxuu intaa raaciyay in fadhiyadaa ay maamulka degmooyinkooda ay ku doorteen degmooyinka Gebilay iyo B/Gubadle inay kala qaybgalaan badhasaabka gobolka Hargeysa iyo in xubnaha la doortay ee golayaasha deegaanka ee degmooyinkaas loo dhaariyay xilkooda kahor doorashooyinkii ay ku doorteen maayarada iyo mayor ku xigeenada.

Maalintii shalay waxa kale oo kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland qoraal uu ku saxeexan yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Mr. Cajab, qoraalkaas oo dib loogu saxay waqtigii hore loo cayimay fadhiga ugu horreeya ee golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa markii hore uu qoraalkii sheegay 23-ka bishan January, hase yeshee dib u sixidan lagu sheegay in ay noqon doonto 3-da bisha February ee soo socota.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Cajab, isagoo ka jawabayy su’aal ahayd halka uu marayo xeerkani loogu talogalay caasimadda Hargeysa, waxaanu sheegay in ay arrintaasi diyaar ka tahay dhinaca wasaaradda Arrimaha Gudaha. Hase yeeshee, marka hore loo gudbin doono golaha Wasiirada, iyada oo la rajaynayo in uu hortago G/Wakiilada kahor inta aanu dhammaan kal-fadhiga golahaas ee hadda socda.

Top


"Dumarku Waa Inay Ka Qayb-Qaataan Horumarinta G/Deegaanka"

Wareysi - Khadra X. Gaydh, Xubin G/Deegaanka Gabiley

Gebiley (Haatuf) Marwo Khadra X. Ismaaciil Yoonis (X. Gaydh) ayaa waxay noqotay haweenayda kaliya ee ka mid noqotay xubnaha golaha deegaanka ee ku guulaystay inay mudane ka noqoto golaha deegaanka tartankii doorashooyinka ee ka dhacay 15/12/02 degmada Gebilay.

Khadra Xaaji waxay ka mid tahay xisbiga KULMIYE, iyadoo liiska musharaxiinta xisbiga KULMIYE kaga jirtay lambarka labaad. Waxay ka mid tahay xubnaha laga soo doortay deegaanka Allaybaday, iyadoo hawl shaqo u joogta Gebilay ayuu waraysi kula yeeshay wariyaha Haatuf ee Degmada Gebilay Maxamed Xasan isagoo waydiiyay su’aalo dhinacyo badan leh. waxay ugu horeyn ka warantay xaalada sanadihii aynu soo dhaafnay iyo wixii la soo darsay iyadoo arrintaa ka hadlaysa waxay tidhi "dumar ahaan waxaanu horaantii sanadkii 2000, bilawgiisii, ayaanu wada jir haweenka reer Allaybaday anagoo ah bilawnay inaanu wax ka qabano dhibaatooyinka waaweyn ee la soo darsay haweenka ku nool Degmada Allaybaday anagoo aasaasnay ururka haweenka Taysiir ee Allaybaday kaasi oo aan u ahaa gudoomiye" waxay intaa ku dartay in uu noqday mid markiiba taaba gala iyo inay mashaariic waxbarasho ka fuliyeen deegaanka, taasi oo ay sheegtay inay ka caawisay hay’adda AET.

Marwo Khadra mar la waydiiyay markii ugu horeysay ee uu ku dhasho fikirka ah inay ka mid noqoto xubnaha isku soo sharaxay doorashada golaha deegaanka waxay tidhi "walaahi waxay arrintani igu dhalatay markii aan arkay in loo gudbay nidaamkii axsaabta badan ee dalkeena, degmo kastana laga furay xafiisyada ururada lana soo saaray xeerarkii doorashooyinka dalka, isla markaanaa uu urur waliba soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed, ayaan inta aan dhinacyo badan eegay waxaan go’aansaday in aan ka qayb galo doorashooyinka dalka."

Iyada oo sheegtay in maadaama ay dumarku u baahan yihiin cid aqoon leh oo kaalinta dumar ka buuxiya iyo inaanu haween ahaan ka dhexmuuqano maamulka talada dalka.

Marwo Khadra oo ka jawaabaysa su’aal ahayd inta ay aqoonteedu gaadhsiisantahay waxay sheegtay inay waxbarashada Dugsiga hoose ka bilawday Allaybaday ka dibna ay dugsigii Dhexe ku qaadatay dugsiga hoose/dhexe Sheekh Bashiir isla markaana ay dugsiga sare ee Faarax Oomaar Hargeysa ay ka qalin jabisay sanadkii 1984kii.

Marwo Khadra oo la weydiiyay maadaama ay ka mid noqotay 21-ka xubnood ee ku guulaystay golaha deegaanka Degmada Gebilay Maxaad isleedahay aad u qabatid degmada lagaa soo doortay waxay ku jawaabtay "kolay anigu waxaan ahay mid gudan doonta waajibaadka iga saaran deegaankan layga soo doortay sida ku cad qodobka 20aad ee xeerka gobolada iyo degmooyinka" marwo Khadra iyadoo ka hadlaysa ujeedada ay uga mid noqotay golaha deegaanka waxay tidhi "waxa weeyi dumar ahaan ka inaanu qayb qaadano horumarinta bulshada ku nool deegaanka khaasatan dumarka hooyooyinka iyo dhalaanka" iyadoo intaa ku dartay inay dhexdhexaad ka noqon doonto talaaba kasta oo la qaadayo oo ay ka reebantahay qof jeclaysi iyo wax kale toona, taasi oo ay sheegtay in loo baahanyahay in wax walba meel qudha looga soo wada jeesto si loo gaadho waxa aan doonayno.

Gebagebadiina waxay u mahad celisay dhamaan dadkii soo doortay ee degmooyinka Gabilay iyo Allaybaday.

Top


Maxaa Ku Cusub Magaalada Tog-Wajaale?

Warbixin - Weriyaha Haatuf ee Gabiley

Tog-wajaale (Haatuf): Magaalada Tog-wajaale oo ku taal xadka galbeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waxa hadda ka socda dhaqdhaqaaq cusub oo ganacsi, taas oo ka dambaysay markii ay dhowaan xidhantay suryadii ganacsi ee Hartsheekhu, ka dib markii ay dawladda Itoobiya xayirtay ganacsigii uga soo gudbi jiray dhinaca Somaliland . Hase yeeshee marka laga yimaado xarakaadka cusub ee ku soo kordhay Magaalada Tog-wajaale waxa kale oo waqtigan xaadirka ka taagan duruufo kala duwan, sida biyo la’aan iyo saxo xumo.

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan oo dhowaan booqday magaalada Tog-wajaale ayaa warbixin nooga diyaariyey xaaladaha kala duwan ee magaaladaa, wuxuna warbixintiisa ku bilaabay sidan:

" Magaalada Tog-wajaale oo ah magaalo taariikhiya waxay ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxayna magaaladaasi u qaybsan tahay laba daamood oo ay daaniba dal ka tirsan tahay. Laakiin magaalada waxa hadda ka socda dhaqdhaqaaq ganacsi,a taas oo aya ganacsatada reer Somaliland hadda u xusul-duubban yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xarakada cusub iyo degsiimooyinka ganacsi ee ka socda magaalada Tog-wajaale. Iyadoo ay magaalada ku taal saylad xoolaha lagu kala iibsado, waxaan maalin walba lagu kala faasaxaa boqolaal neef oo xoolo ah, kuwaas oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lo’.

Waxa kale oo magaalada ku yaal bakhaaro iyo suuqyo ganacsi oo lagu iibiyo badeecado ganacsi oo kala duwan, waxaana magaalada habeen iyo maalin ka socda dhismayaal cusub oo hadda la binaynayo, kuwaas oo bakhaaro u badan, taasina waxay keentay inuu qiimaha iibka dhulku cirka isku shareero, isla markaana waxa magaalada ka muuqda xarakaad cusub iyo dareen yididiilo ka muuqato.

Marka la eego tirada dadka hadda ku nool waxa lagu tilmaamaa inay laban-laabmay muddo yar ka hor dadkii ku noolaa, iyadoo dadkii markii hore magaalada ku noolaa lagu qiyaasi jiray ilaa 7000--- 9000 oo qof, laakiin ay hadda intaa aad uga badan yihiin.

Dhismayaashii hore ee magaaladu waxay u badnaayeen Dergedo (Dhismayaal carshaan ah), laakiin hadda waxa ka socda dhismayaal dhagax ah oo bakhaaro u badan aadna u qurux badan.

Dad badan oo aan markii hore lacag haysan ayaa mar qudha isu bedelay maal-qabeenno, ka dib markii lacag adag oo doolar ah laga siistay jagooyin ay magaalada ku lahaayeen, iyadoo ay dadka degaankaasi u badan yihiin beeraley iyo xoola-dhaqato. Hase yeeshee magaalada Togwajaale waxa ka jirta xaalad adag oo biyo la’aan ah, arintaas oo ay dadka degaankaasi hadda si weyn uga qaylinayaan, waxayna duruufta biyo la’aantu ku sinayd tan iyo horaantii sannadkii tegay ee 2002, ka dib markii uu horaantii sannadkii tegay xumaaday ceel ay magaaladaasi ka cabi jirtay, ceelkaas oo ay hore dayactirkiisa u maalgelisay hay’adda UNHCR, waxayna hadda dadka magaalada ka cabaan dhaamam iyo dooxyo biyo mareen ah, kuwaas oo aanay biyahoodu nadiif ahayn, laakiin aanay haysan biyo kale oo ay kaga maarmaan.

Sidoo kale waxa magaalada ka muuqato xaalad nadaafad xumo ah. Tusaale ahaan toga oo ah halka keliya ee ay dadku biyaha ka cabaan waxa uu noqday goob naxdin leh marka la eego xaaladiisa nadaafadeed, waxaana taa ugu wacan iyadoo ay xaafadaha labada daamood ka degani ka dhigteen goob qashin qub ah oo ay iskaga daadiyaan xashiishka iyo wasakhda kale. Sidoo kale waxay dadku toga ka dhigteen kawaan xoolaha lagu qalo, halkaas oo marka neefka la qalo lagaga tago uuska iyo qashinka hilibka ka data iyo xataa shaqaalaha dawladda hoose ee dhulka nadiifiya oo toga ka dhigtay qashin-qub.

Qashinka toga iska tuura waxa inta badan qaadi jiray daadadka, laakiin hadda waxa degaamadaa ka raagay roobabkii gu’ga. Dadka dhowaan ku soo kordhay magaalada Tog-wajaale oo ganacsato u badan ayaa ka digaya khatarta nadaafad xumadu keeni karto, waxayna ku baaqayaan in si degdeg ah wax looga qabto. Ninka madaxda ka ah MCH-ka magaalada Tog-wajaale, Maxamed Suldaan Miiggane oo aan la kulmay aaya ii sheegay inaanay maalmahan dambe ugu yimaadaan xarunta caruur badan oo qaba xanuunka shubanka iyo weliba dad waaweyn oo caloosha ka cabanaya, taasna waxay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin inay xanuunadaasi ku lug leeyihiin biyaha aan nadiifta ahayn ee ay dadku cabaan iyo guud ahaan xaaladda nadaafadeed ee aan wanaagsanayn.

"Halkii ay biyuhu u soo marayeen ayey dadku ka dhigteen goob qashin qub ah oo ay sida midhaha gobka qashinka ugu daadiyaan"ayuu yidhi Madaxa MCH-ka Togwajaale".

Top


Xisbiyada UCID Iyo KULMIYE Oo Mowqif Mideysan Iska Taagay Go’aankii Muddo-Kordhinta Xukuumadda

"Waxaanu ka fiirsan doonnaa ka qayb-qaadashada Doorashada, haddii aan..."

War-Saxaafadeed 


Harg (Haatuf):- Laabada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID ayaa shalay markii u horaysay mawqif midaysan iska taagay go’aankii muddo-kordhinta xukuumadda ee ay odayaasha golaha Guurtidu ku dhawaaqeen 18-kii bishan, waxayna labadan xisbi sheegeen inay ka fiirsan doonaan ka qaybqaadashada tartanka doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee la filayo inay Somaliland ka dhacdo bisha April ee sannadkan, haddii bay yidhaahdeen aan la xakamayn awoodda Dawladda ee loo isticmaalayo Ololaha iyo tartanka doorashada.

Qoraal ay labada guddoomiye ee KULMIYE iyo UCID (Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe) wadajir u saxeexeen waxay ku sheegeen inay ugu horayn oggol yihiin dib-u-dhigidda waqtiga doorashada, laakiin ay doonayaan in la helo dariiqo lagu xakameyo awooda dawladnimo ee loo isticmaalayo doorashada, iyaga oo ujeeda xisbiga UDUB ee uu guddoomiyaha ka yahay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Qoraalkas oo ay hoggaamiyeyaasha KULMIYE iyo UCID ku socod-siiyeen golayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada), iyo Guddiga doorashooyinka, isla markaana ay ogaysiiyeen Madaxweynaha waxa uu isaga oo dhammaystiran u qornaa sidan:

"Annagoo ah labada xisbi ee kor ku xusan, waxa aanu oggolaanay go’aamadii ka soo baxay Golaha Guurtida ee ku taariikhaysnaa 18/01/03, kuna saabsana muddaynta wakhtiga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Hase yeeshe annaga oo ka duulayna talo-soo-jeedintayadii ahayd in la helo dariiqadii loo xakamayn lahaa awoodda iyo haybadda dawladnimo in aan lagaga faa’iidaysan doorashooyinka, annagoo xasuusan sidii loo maamulay, looguna takri-falay awooda qaranka doorashadii dhaweyd ee dawladaha hoose, iyadoo ay si cad oo shaki la’aana noogu muuqato tii oo kale inay dhici doonto, annagoo tixraacayna heshiiskii ay lixda urur wada saxeexeen doorashada kahor oo ay UDUB-na ka mid ahayd.

Haddaba waxa muuqatay in aan Golaha Guurtidu weli ka hadal talo-soo-jeedintayadii ahyd in la xakameeyo awooda Dawladda si loo helo doorasho caddaalad ah, xor ah oo xalaal ah, oo lagu wada qanco wixii natiijo ah ee ka soo baxa.

Haddaba annagoo labada xisbi siyaasadeed ee KULMIYE iyo UCID ah, waxaanu ka fiirsan doonaa ka qaybqaadashada doorashada madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka haddii aan la helin xakamaynta awooda dawladnimo ee aanu hore u soo sheegnay."

Top


Wararka Dibadda

Liibiya oo loo doortay Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadamaha

Geneva: (W.Wararka):- Dalka Liibiya ayaa loo doortay gudoomiyaha gudiga xuquuqda aadamaha ee qaramada midoobey oo xaruntoodu tahay magaalada Geneva, iyadoo ay dawlada Marykanku si aad ah u diidantahay.

Jagadaasi oo loo doortay haweenayda safiirka u ah dalka Liibiya ayaa waxay heshay cod dhan 33 dal, halka ay ka diideen 3 dal, isla markaana waxa aan codayn 17 dowladood, dalalka xubnaha ka ah hay’ada xuquuqda aadamaha oo ay tiradoodu dhantahay 53 dawladood.

Liibiya sidaa darteed waxa ay gudoomin doontaa shirka ay hay’adaasi isugu imanayso 17-25 March kaas oo ah shirkeedii 59aad kaas oo laga hadli doono arimaha khuseeya xuquuqda dadka iyo qiimaynta xaalada guud ee xuquuqal insaanka.

Waa markii ugu horaysay tan iyo markii la aasaasay hay’adaasi sanadkii 1947 ee cod doorasho ah lagu muquuniyo dawlada Maraykanka oo iyadu doorashada dalka Liibiya si aad ah u diidanayd balse waxa ka xoog batay dalalka doonaayay in Liibiya loo doorto jagadaas.

Dawlada Maraykanka ayaa diidmadeeda Liibiya sabab uga dhigtay iyadoo ku eedaynaysa in ay ku xad gudubto xuquuqda dadka.

Balse waxa arintaa si aad ah u difaacay dalalka Carabta, Afrika iyo kuwa midowga Yurub gaar ahaana dalalka Faransiiska, Talyaaniga, iyo Ingiriiska.

Top


Marykanka oo ku adkaystay in la rido Sadaam Xuseen

Washington (W.Wararka):- Dawlada Maraykanka ayaa ku adkaysatay in xukunka laga tuuro Sadaam Xuseen taas oo ay sheegtay in ay baajinayso dagaal ka dhaca Khaliijka. Waxaana sidaa sheegay wasiirka gaashaan-dhiga ee Maraykanka Donald Reemsfild isagoo intaa ku daray in ka tagista xukunka ee sadaam xuseen ay taasi ka hor tagayso qaraar adag oo lagaato Ciraaq si xukunka looga tuuro. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in hadii ay masuuliyiinta sarsare ee Ciraaq ka qayb-qaataan ridista Sadaam Xuseen in ay taa ku helayaan badbaado iyaga la siiyo, sida ugu haboon ee uu Sadaam Xuseen ku nabad galikarana waxa uu tilmaamay in ay tahay iyadoo la siiyo magan-galyo xaga siyaasada ah.

Dhinaca kalena wasiirka arimaha dibadda ee Maraykanka Colin Poll ayaa sheegay in dawlada Maraykanku ay ku tala jirto sidii ay maamul cusub uga dhisilahayd Baqdaad marka la rido Sadaam Xuseen. Hadaladan ka soo yeedhay Maamulka Washington waxa ay ku soo beegmeen iyadoo ay Maraykanka ay ka hor timid mucaaradad xooglihi marka la eego duulaan lagu qaado Ciraaq.

Mudaharaaddo waaweyn oo arintaa lagu diidanyahay ayaa ka dhacay meelo badan oo ka mid ah calamka, balse maamulka Bush waxa uu ku sii adkaysanayaa mawqifkiisii hore. 

Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa u arka mayqifka Maraykanka mid haatan ka fog xaqiiqada dhabta ah ee dalka Ciraaq. 

Top


Loolan Adag oo loogu Jiro madaxtinimada Hay’ada WHO

Geneva (Reuters):- Loolan adag oo loogu tartamaayo cidii qaban lahayd madaxtinimada hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka (WHO) ayaa ka socda xarunta hay’adaasi ee magaalada Geneva iyadoo ay mudadii ka dhamaanayso gudoomiyihii hore ee hay’adaasi Liqro Harlam oo hore raysal wasaare uga ahayd dalka Norway.

Waxaana lagu wadaa in ay shir isugu yimaadaan dalalka xubnaha ka ah golaha maamulka hay’adaasi oo ah 32 dal, iyadoo ay dalalka xubnaha ka ah hay’adaasi ay tiradoodu dhantahay 192 dal iyaga oo dooranaaya gudoomeye cusub, jagadaasi oo ay u sharaxanyihiin 8 xubnood, go’aanka arintaasina waxa lagu wadaa in ay maanta soo baxdo.

Waxaana jagadaasi loolan adag ugu jira musharixiin ka kala socda qaaradaha aduunka. 
Barnaamijka ugu weyn ee lagu loolamayaana waa sidii loo hore marin lahaa guud ahaanba caafimaadka aduunka iyadoo ay mudooyinkan danbe jireen dhaliilo waaweyn oo arintaa la xidhiidha.

Ilaa iyo hada ma muuqato cida ku guulaysanaysa jagadan loo tartamaayo, balse cid kasta oo ku guulaysata waxa horyaala hawl culus oo ah horumarinta iyo hagaajinta ahawlaha baaxada leh ee ay hay’adaasi qaabilsantahay marka dhinac kasta laga eego.

Iyada oo ay jiraan aduunka cuduro ku sii faafaya caalamka oo wax ka qabashadooda ay hay’adaasi u xil saarantahay.

Top


Cabsi Laga Qabo Weeraro Cusub Oo Al-Qaacida Ah

New York:- Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa sheegay in ururka Al-Qaacida uu qorshaynayo weeraro cusub oo dhinaca bada ah oo uu ku qaado dalka Maraykanka iyo dowlado kale oo xulafo la ah.

Warkan oo ku soo baxay cadadkii ugu danbeeyay ee wargeyskaas waxa uu intaa ku daray in weerarada ugu horeeya uu qorsheeyay ururka Al-Qaacida in uu ku fuliyo doonyaha dheereeya.

Wargeyska oo soo xiganaaya C/raxmaan Al-Nushayri waxa uu sheegay in sanadkii 2002 la soo diray kooxo lagu soo taba-baray dalka Afgaanistaan si ay u diyaariyaan weerarada dhinaca bada ah ku waasoo ay la beegsanayaan bar-tilmaameedyo Maraykanku leeyahay sida maraakiibta waaweyn ee ku sugan xeebaha Maraykanka.

Qorshaha labaad ee Al-Qaacida waxa uu wargeysku sheegay in ay tahay qarxinta doonyo laga soo buuxiyay waxyaaba qarxa iyadoo lala eeganaayo meelo ku dhaw agagaarka maraakiibta waaweyn.

Qorshaha sadexaadna waxa uu noqon doona in ay iibsadaan ama af-doobaan dayuuradaha lagu toba-barto ee madaarada yar-yar, kadibna ay ka buuxiyaan hubka qarxa, qorshaha afaraadna waxa uu yahay in cutubyo loo toba-baro habka loo kaxeeyo gujisyada badaha quusa si ay ugu weerar galaan.

Maamulka Maraykanka ayaa sheegay in Al-Nushayri oo uu soo xigtay wargeysku uu ka mid yahay xubnihii ka qayb-qaatay weerarkii lagu qaaday markabkii Maraykanku lahaa ee Cool xeebaha dalka Yemen sanadkii 2000 iyo weerarkii kale ee lagu qaaday markabkii Faransiisku laha isla xeebaha dalka Yemen. 

Wararkan cusub ee sheegaya weerarada uu qorsheeyay ururka Al-Qaacida waxa uu cabsi ku abuuray maamulka Maraykanka oo heegan galiyay ciidamadiisa ilaalada xeebaha si looga hor tago weerarada uu maaganyahay ururka Al-Qaacida sida uu qoray Wargeyska New York Times.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Talo Bixin Ku Waajahan Marxaladda La Marayo

Anigoo xusaaya taariikhdii geedi socodka dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta qaranimada Somaliland, ilaa wakhtigii dhaqdhaqaaqii mujaahidiinta ururkii SNM uu gadoodka lama filaanka ah ku soo qaadeen maamuladii kaligii taliyihii Siyaad Barre, ee sanadkii 1988kii.

Maanta oo ay xaaladu aad u fiicantahay, laakiin muran iyo murugsanaani ka taagantahay waayaha ku soo foolkaleh wax ka qabashada cadaalad xun ee sooyaalka u ahayd maamuladaa hore oo markasta dib u dhig ku samayn jiray doorasho ku soo dhawaata sida tan maanta taagan ee doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo dastuuriyan in la qabto January 23, 2003, dib looga dhigay ilaa iyo bisha May 15,2003.

Waxaa si gaar ah uga hubinaayay bal in maanta oo loolankii siyaasaddu ku soo koobnaaday (Saddex xisbi oo qaran) gudiga doorashada qaranka, gudiga diiwaan galinta xisbiyada, golayaasha qaranka oo kala ah (Xukuumadda, Guurtida, iyo Wakiiladda) iyo hay’adaha wadaniga ah ee rayidka ah bal in loo qeexo sababaha kalifaysa caadadan dib u dhigida doorashooyinka.

Haddaba, marka laga soo qaado sababaha bud-dhiga looga dhigay xaaladii ugu dambaysay ee marugsanaanta ah ee dalku galay markii madaxweynihii hore "Alla ha u naxariistee) waatii Guurtidu u soo xushay "Gudi 20 xubnood ka kooban oo loo xilsaaray in ay xogwaraysi u soo sameeyaan cid kasta iyo dhamaan gobolada/Degmooyinka dalka.

Go’aankii kama damabaysta ahaa ee ay ku saleeyaan golaha guurtidu markii ay January 23, 2001 dib u dhigeen "Doorashadii qaranka oo qaarna la kala saaray dhamaantoodna hal sano dib loo dhigay.

Nasiib wanaag, shuruudihii sababaha u ahaa dib u dhigida doorashadii dastuuriga ahayd waxaa fulay qaar ka mid ah sida:

  1. Dhisida gudiga doorashada qaran

  2. Sharciga jinsiyada

  3. Sharciga Ismaamulka dawladaha hoose/gobolada

  4. Magacaabidii gudoomiyaha maxkamada sare/Dastuuriga.

  5. Dhismayaashii xubnaha gobolada iyo degmooyinka ee wakiilada gudiga doorashooyinka qaranka

  6. Ansixinta Axsaabta

  7. Diyaarintii agabyada doorashada ugu dambayntii waxa si filan waaya dalka oo dhan ka dhacay marka laga reebo goobo duruufuhu saamixi waayay codbixintii taariikhiga noqotay ee doorashada loolanka "Axsaabta lixda ahaa ee siyaasada ee maamulada dawladaha hoose ee Somaliland oo ku beegnayd December, 15, 2002.

Taas oo guul wayn u ah dadka iyo dawladda reer Somaliland xitaa dhaxal gal iyo ku dayasho u noqonaysa dalalka qaaradan Afrika/ Asia-ba ah ee duruufo adag ku jira, higsashana u ah hab-wadaaga ah ee hay’adaha dawliga ah iyo kuwa dhaqameed ee dalkeena dib u dhis iyo dib u heshiiska qoomiyadeenu uga soo dabaasheen burburkii iyo dawlad la’aantii aynu ka dhaxalnay dagaaladii iyo dawladii hore.

Si kastaba, ha loo gorfeeyo wacyiga loolanka siyaasada doorashadii maamulida dawladaha hoose, waxaa la soo go’aanmiyay in saddex xisbiyadii loolamayay loo aqoonsaday in ay qaran noqdeen xaqna u yeesheen in ay isu diyaariyaan loolanka hogaaminta qaranimada dalka ee doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeen xukuumadda Somaliland ku beegnayd dhamaadka kordhintii hore ee sanadka ahayd January 23, 2003.

Nasiib darro, markay bishu ahayd 19/01/03 golaha guurtidu soo saartay go’aan haddana dib loogu dhigaayo maalinta dastuuriga ah ee loo qoondeeyay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xukuumada Somaliland oo noqonaysa bisha May 15, 2003.

Haddaba waxa isweydiin leh in maanta oo hadana xaalad murugsan aynu ka badbaadnay ee xaga loolanka doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo magacood ha jiree waayeeladii golaha Guurtida (inta aynu dheernahay dalalka kale iyo Soomaaliya inteeda kaleba) xag farsamo, maadi, makaaniyaad, iyo maamulba ma ku filaan kartaa in lagu dhamaystiro dhamaan ilaha dhiman ee hirgalinta loolanka doorashadda.

Mar labaad waxaan leeyahay oo aniga ay ila tahay iyadoon iga ahayn inaan meel kaga dhaco go’aanka dhaxal galka ah ee golaha Guurtida iyo gudiga doorashada qaran in loo sameeyo shax si tifaftiran u qeexayso dhamaan ilaha, cida ka masuulka noqon doonta iyo si loo hubiyo hirgalida ama si looga sii taxadiro haddii ay suurta gal noqon waydo, alla inaguma keenee dib u dhigid.

Sidaa awgeed, waxaa talo bixin iga ah anigoo muwaadin danaynaaya hadba xaaladaha kala duwan ee dalkeenu ku jiro dhinac kastaba ha ahaadee sida soo socota.

Labada talo ee ugu muhiimsan xaaladda ay maanta ku jirto Somaliland oo inta badan ku waajahan xaga siyaasadda iyo kaabayaasha kale ee xaga geedi socodka sooyaalka ahayd ee dib u dhiska dib u heshiiska iyo maamulka guud.

  1. In siyaasiyiinta loolanka hogaaminta qaranimada dalka ay ku koobnaadaan hawlaha qiimaynta, doodida, faafinta, cabashada, talo wadaaga sida ugu haboon ee hirgalinta iyo fududaynta geedi socodka lagaga gudbayo habka beeleedka loona gudbaayo habka loolanka siyaasadda axsaabta fara badan.

  2. In ay ka waantoobaan dhamaan siyaasiyiinta ku loolamaysa hogaaminta dalka iyo cidii kale ee miisaan ku leh fikirka dadweynaha in ay falanqeeyaan haddalada murugsanaan oo keeni karta sida tafaasiilaha aan xal u noqon karin wakhtiga xaadirka ah ilaa laga gudbo xaaladaaas oo kale.

  3. In aan lagu xad gudbin hawlaha loo xilsaaray hay’adaha dalka/Caalamka arrimaha xasaasiga ah ee dadkuna iyo dalkeenba soo maray xaqiiq raadis tayo iyo awoodba leh u baahan in la faafiyo xitaa haddii ay run tahay.

Taasi micnaheedu ma aha in muwaadiniinta farsamo aqoon iyo tayoba u leh arrimahaas in ay fasal kala baxaan, balse in ay ku taakuleeyaan, taageerona ku siiyaan hay’adaha u xilsaaran arrimahaas xasaasiga ah.

Ugu dambayn, waxaa waajibaad ka saaran yihiin maamul kasta oo xukuumadda, garsoorka, iyo wakiiladda ee Somaliland in ay xil dheeraad ah looga fadhiyo in ay jawaabo lagu qanci karo oo tayo iyo qiimaynba leh xitaa haddii falkaa ay fuliyeen cidda aan joogin, geeriyootay, xil u haysa xukuumadda, hay’adaha gaarka ama rayidka ah ee dalka.

Haddii aynu qiimayn iyo ixtiraamba u hayn waydo dhamaan sharciyadda caalamiga ah, madaniga ah iyo kuwa dawliga ah waxaa iman doonta in xaalad kastaba ay si guracan noqoto oo aanu u fiicnayn dalka iyo dadweynaha somalilandba.

Axmed Dalal Faarax
Hargeysa

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE

A. A. Garas
Xamxam baa baxaysee
Xaajadu siday tahay?
Ma xanbaa ma xuuraan?
Xumbo iyo ma been baa?
Xaqiiq iyo ma qiiraa?
Ma xisaab qarsoonoo
Xumadii la qaraxdoo
Xalinaysa baa timi?


Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha kaftan yaqaanka iyo ilaaq boobka. Dhegaystayaashayada dhegaha furanow, waxaynu soo gaadhnay amintii Baqayo rogi jiray war iyo wacaal wixii dunida iga soo gaadhay, waxaana maanta isla gaabin doona weriye Mr. Dhuungal ina akhbaar liqe.

Warkii oo Af dhuunyaalaynaya.

Koofiyad cadda Golaha Kordhiye ayaa subax dhawayd daabad ku fogeeyay xilligii doorashada Shankaroonta lagu kaltamayo, mar kale ayay goluhu isla gaabsheen oo danbaabidho ku fogeeyeeen xilliga dawladdu egesbaayir garoobayso.

Labadaas amuuroodba duqyada oo koofiyadooda iyo kiishadoodaba sita ayaa caynka hoosta ka geliyay, waxaanay masalaha u dhigeen badhtamaha bisha dirir cawleed ama candha-qoys loo yaqaan. Duqyaashaas oo la arkayay markii doorashada ay dhegta jiidanayeen, may jirin cid ka reebi karaysay, inkasta oo ay lugta ka qaniinsanaayeen saddexdii urur ee caashaqa la gaabtay, kuwaas oo golaha kordhiyay ka codsaday in iyaguna caashaqa ay u kordhiyaan oo isticmaalaan urur kordhin la kordheebay, xisbi lagu reebay.

Golaha ayaa jawaab ay bixiyeen ku yidhi; "Sorry my cat" "Akoonkii kordhintu wuu dhammaaday, markaa waxsan Alla."

Kordhintan Doorashada oo kooxda kombisharka la yidhaahdaa kolkii hore bilaa liisan ku kaxaysay, balse waxaa laysku raacay in aan bogcadii hore aanay ku negaan karin, inkasta oo xisbiyada cusubi rabeen in la sameeyo dawlad haafan-haaf ah ama isugu jirta suqaar macal garow xilliga kala jabanta ah kuwaas oo aan is idhi waxay ka baqaan caano-la’aan marka laga reebo xisbiga masaasadda leh ee dawladdu jaqsiiso. Arrintaas oo dadka Siyaasadda ku saqajaamaa sheegayaan in aanay gar ahayn, laakiin ay daw tahay.

Doorashadan oo ah markii saddexaad ee Guurtidu danbaabidho ku biiriso, haddana lama hayo cid dalka iyaga u dhaanta, waana istabniga qaranimada haddiiba doorashadu banjarto, waa ragga cimaamadda ku dabiibaya.

Sirtii Soo Caaday
Madaxyuubka Shankaroonland oo aan anigu maskiin moodaayey, ayaa la sheegay inuu shuqul ku lahaa dawladii Maxamed Asqo raggii xasuuqa uga ciyaari jiray sannadihii nimcada xasuuqu socotay.

Arrintani, waxay soo baxday kadib markii la khaawisay buug dalka Maraykanka gu’gii 12aad ay ku qortay Gashaanti reer Shankaroonland ahi. Buuggaas oo isagiyo Allahiise uu sheegay in Madaxyuubka nimcadu ku fakatay.

Dhinaca kale, waxa kale oo suuqa soo gaadhay dad sheegtay in Madaxyuubka laftiisu caynaaniyay oo dilka ka reebay. Inkasta oo aanay sheegin kuwii laga reebay sida uu u galay, kaas oo dadka qaarkii yidhaahdeen, waxaa ma aqoon, qaar kalena yidhaahdeen ninka xilligaas wax badbaadin karayay waxna waa layn karayay. Ilaa imikana isagu, jawaab kama soo cayntaarin.

Doorada Djabuuti Oo Mucaaridkeedii Ku Caydhaysay
Elegsiyoonkii Djabuuti, ayaa la sheegay in xisbiga dawladdu leedahay nag ka siiyeen dhammaanba gambadhadii dibitaatiyada loogu hirdamayay. Mucaaridka ayaan faruuryaha gelin ganbadh qudhana doorashadan oo ay ku loolamayeen xisbiga canfar Cali Caarif iyo xisbiga Ciise Cumar Geelle, waxa la sheegay in ay ku dhacday jawi jogos ah. Balse, Hogaamiyaha Xisbiga Canfar Ciise, ayaa sheegay shilayska tuugnimada meeshaas ka dhacday Ismaaciil Geelle ka buurmay. Mr. Diini Ina Diini ayaa la sheegay inuu Af Dankali ku muusanaabay, wareysi BBC-du la yeelatay wiilkaas oodo cali ayuu C/laahi Xaaji (C/laahi yare) weydiiyay tirada ay doorashadii ka heleen? Wuxuuna ku jawaabay; "WAHBA."

S: Oo yaa qaatay?
J: Waryaa, iyada keli wada qaadatay.
S: Oo sidee ku dhacday?
J: Bahashii tuugada ahayd ee weligeed hadi jirtay waa haday.
S: Oo maxaad uga reebi waydeen?
J: Anaga yariyaa toogada ma arkeen.
S: Oo idinku maxaad yeesheen?
J: Annu sidii hore u hooyi jiray waanu cabaadnay bay ahayd.
S: Ashkato maysku daydeen?
J: Hadda maxkamadda baanu hadeeda aadnay.
S: Maxaad maxkamadda ka rajaynaysaa in ay tuugta soo qabato?
J: Maya, wahaa iyada ma taqaan. Way fii’an tahay ayay odha, iyada tuugad yar weeye.
S: Maxaad imika yeelaysaan, miyaad iska quusanaysaan, ma geed oodo cali baad gar u dhigaynaysaan, ma cali sabiix baad cadho aadaysaan, ma dikhil baad dudmo la qabanaysaan, ma arxi baad aayar joogaysaan, xagaagul baa geed fadhaa?
J: Annagu colaadkaan sii wadaynaa bay ahayd maaha, iyagana tuuganimada ayay sii daysaa. Waayo, anagu shoomeer baanu nahay, iyaguna waa tuug kolba way na xadaysaa, anaguna waan sii cabaadidoonaa ilaa Baarii.

Kaasina wuxuu ahaa Diini Djabuuti jooga oo C/laahi yare aartiiga ku waraystay.
Dhinaca kale, madax-malaaska Djabuuti ayaa la sheegay xagaas iyo dalka Maraykanka inuu u hadaafay, kaas oo loo malaynayo inuu doontay Lacagtii uu Maraykanka kaga kireeyay dalka Djabuuti, inkasta oo aan la sheegin qiimaha lagaga ijaaray, laakiin waxa la sheegay in Maraykanku isku naarajiin macal weel dhammaan isku kiraystay oo faransiisna sidii nin naag uu qabay laga qaaday ciil is dabayo.

Balaayada Bislaatay
Tuugooyinkii qaruumaha midoobay ee Ciraaq baadhanayay, ayaa la sheegay in ay heleen 12 bud oo leh madaxa buuran ee bahasha wax gumaada. Madaxa tuugta Mr. Hele Fitishan, ayaa sheegay in colkiisu weli gunta kaga libidhsan yihiin Ciraaq, una baahan yihiin in tuuganimada wakhti dheeraad ah la siiyo. Dhammaanba tuullooyinka waaweyn ee Yugunba iyo Aasiyo, ayaa lagu birinbirqeeyay mudaharaadyo lagu diidan yahay waxa Maraykan bari dhexe ka damcay. Magaalada Boon Xirsi ee dalka Jarmalka, ayaa waxa ka soo dareeray dad camaarkaas ka badan oo aad caddaankooda buufis moodo, waxaanay ku dhawaaqayeen; "Busi Shaysa."

Habro laga wareystay ayaa yidhi; "Godobta Maraykan geesta gaalo iskuma wada raacsana ee isagay gaar u tahay. Dalka Ciraaqna 12 sanno ayaa cunaha la hayay oo indhuhu casaadeen. Way naftii yaraydba laga gooey, maxaa laga rabaa."

Dadka banaanbaxa Ruushka ku biqleeyay, ayaa yidhi; "Maraykanku, wuxuu doonayaa in sidii Jabaan inuu atoomik bam dhakada kaga dhufto Ciraaq oo dalkaba qabuuro ka sameeyo."

Shalay tii ka horeysay, khudbad uu Sadaam dadkiisa kula hadlay buu ku yidhi; "Diin diinu-laahi, haddii Maraykan na soo weeraro in aanu sida timirta u cuni, kam shufnaa maraakiib."

Dalka Maraykanka oo caashaqa dagaalku madax maray, wax alla wuxuu sun iyo sayruukh hayay bariga dhexe soo rasayey, isagoo macal internetkiisii soo kaxaystay, inkasta oo aan moodayay internetku in aanu askari ahayn ee uu shicib yahay, balse la sheegay in Maraykanku dhibooga cusub qoray. Saraakiisha Maraykanka, ayaa la sheegay in ay tababar cusub u xidheen afartan kun oo askar reer Ciraaq ah oo wadanka hangari la yidhaahdo uu xeryo dhiboo hore uga sameeyay, askartaas oo ah kuwa uu ugu talo-galay maryo-aloolka dalka Ciraaq dabaqoodhinimada u metelaya iyo xamiis karasaanimada soo socota. 

Dalka Turkiga oo quluul ugu toosan Ciraaq, ayaa isaguna nafta u yaabay oo yidhi; "Waar nacaskan xoogga weyni, adna waabu kugu dari." Isagoo ku baaqay in shir ay ku faqaan lixda wadan ee gobolka ugu buurbuuran, kuwaas oo laga yaabo in ay Sadaam faataxo ula tagaan.
Si kastaba ha ahaatee, hujuumka Maraykanku wadaa mid caami garaysan oo Ciraaq daaye, ilaa ruush iyo jayna ka dhigi doono cashar saddexaad ee dagaalka.

Dhegaystayaashadayada afka warka u dhigtow, imikana hees dhafoorada ku qaata:

Hees
Xamxam baa baxaysee
Xaajadu siday tahay?
Ma xanbaa ma xuuraan?
Xumbo iyo ma been baa?
Xaqiiq iyo ma qiiraa?
Ma xisaab qarsoonoo
Xumadii la qaraxdoo
Xalinaysa baa timi?
Xaajadu dhannaanaa.

Sebenkii xiddigo qubad
Xarbi waranku ciil bax
Xawda layska wada jaray
Xag ninkii ku yeeshiyo
Kay xamar jireenoo
Xeegada iskaga joog.

Dib u eeg xisaabaha
Inuu xeerba xeer yahay
Garo inuu xabaalo qode iyo
Xasuuq raadiyaba jiro
Xaqiiqdana Allaa oge

Allow yaan xishood dhiman
Xaal-mastuurku naga tegin.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991]

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 71aad

Ganat: Julay 1975 waxa dhacday in la isku dayey inqilaab kursiga lagaaga tuurayo, taas oo inyar ku kashifantay, sida aan filayo inaad xusuusan tahayna dhergigu mar kale ayuu dib isu abaabulay, waxaana soo baxay barnaamij arintaa ku saabsan, barnaamijkaasina waxa uu soo baxay markii aad adigu heshay ama noqotay gudoomiyaha golaha wasiirada, ka dibna xilalkii kale oo dhan loo dhiibay janaraal Tafari Baanti, sidoo kale waxa xilal loo dhiibay Kabtan Alamaayahu Xayle iyo kornayl Adnaafu Abate, taas oo janaraal Tafari Baanti loo dhiibay xilal dhawr ah sida, gudoomiyaha golaha qoomiyadaha, hogaamiyaha ciidamada iyo weliba xilal kale oo ka mid ah kuwii aad adigu hayn jirtay. Sidoo kale Kabtan Alamaayahu waxa laga dhigay hogaamiyaha golaha dhergiga, laakiin adiga xilalka lagaala waregay ka sokow waxa kale oo meesha laga saaray taageerayaashaadii, kuwaas oo inta waxbarasho loo kala diray la isku deyey in midh-ba meel laga tuuro. Hase yeeshee ugu dambayntii bishii Febarweri 1976-kii waxa madaxtooyada xageeda sare ka dhacay tacshiirado rasaas ah, waxaana halkaa ku dhintay niman badan oo mucaaradkii kugu kacsanaa ka mid ah, sidaa darteed bal waxoogaa iiga sheeg sidii ay arintaasi u dhacday?

Mingistu: Berigaa golaha dhergigu wax walba waxay ku ansixin jireen shir la isugu yimaado, xiligaa aad sheegayso waxaanu damacsanayn inaanu aasaasno kooxo siyaasadeed, ka dibna waxaanu soo saarnay barnaamij ka hadlaya sida loo samayn karo ururo siyaasadeed, dabadeedna golihii dhergigu inta uu shirweyne isugu wada yimi ayuu wixii go’aamo ah ee arintaa ku saabsanaa dhamaystiray, waxayna taasi ka mid ahayd talaabooyinkii waaweynaa ee uu kacaankii dhergigu doonayey, ka dibna markii aanu talaabadaa qaadnay, waxaanu damacnay inaanu dhaqan gelino, taas oo doonaynay inaanu si dhaw shicibka ula shaqayno, iyadoo ay ujeedadu ahayd inaanu soo afjarno su’aalaha kale ee dhinaca dadweynaha ka taagnaa, kuwaas oo ahaa talaabooyinka laga sugayey kacaankii dhergiga, dabadeedna waxaanu ugu horayn samaynay xafiisyo ay ururada bulshadu leeyihiin, kuwaas oo aanu doonaynay inay ururo siyaasadeed abuuraan, laakiin ujeedada aanu ururada bulshada u samaynay keliya may ahayn inay ururo siyaasadeed sameeyaan ee waxa kale oo aanu doonaynay inaanu dhinacayaga xidhiidh siyaasadeed la yeelano. Sidaa darteed waxaanu isku daynay inaanu horta Adis-ababa ku shirno, ka dibna aanu gobolada u kala baxno, taasna waanu isla garanay, dabadeedna waxaanu is nidhi samaysta jadwal aad ku hawl gashaan, hawl-galkaas oo ku sinaa heer gobol ilaa heer degmo ilaa heer tuulo. 

Waxaanu doonaynay inay ururada siyaasaddu noqdaan kuwo aanu wada shaqayno si aanu uga wada hadalo hababkii aanu horumar dalka ku gaadhsiin lahayn. Fekradaasna waxa shir uu golaha dhergigu lahaa ka soo jeediyey aniga (Mingistu), mana ay jirin cid kale oo soo jeedisay, laakiin dhibaatada jirtay waxay ahayd ka soo qayb-galayaashii shirkaa inyar mooyaane intii kale way ka dhaadhici wayday fekradaasi, taasina waxay ahayd arin firfircooni daro ku timi, waxayna yidhaahdeen iyaga oo aniga ii jeeda "Wadaadku wuxuu doonayaa inuu meel kasta oo miyi ah inoo diro", dareenka caynkaas ah ayaa fekraddii aan soo jeediyey ka abuurrantay. 

Xiligaasna wax walba waxa lagu ansixin jiray shirweynaha guud ee ururka dhergiga, laakiin shirkaa waxa ka dhashay guux iyo hadal muujinaya inaanay kua qanacsanayn ama fahamsanayn fekradda, waxaana soo baxday dood ama ra’yi leh " Halkan inta aanu fadhino inaanu wax go’aamino mooyee miyey tahay in inta aanu xilka isaga (Mingistu) inaanu iskaga tagno", sidoo kale qaar kale ayaa yidhi "Waa maxay sababta maanta inta halkan la isugu kaayo keenay naloo shiranayaa, waayo waa tii aanu hore u soo saarnay sharcigii dhulka, sidoo kale waa tii la sugay xuquuqda dadka la gumaysan jiray, isla markaana jadwaladii maamulka waanu soo saaray, sidaa darteedna dawlad dimoqraadi ah oo kacaan ah wixii ay ahayd in loogu hor-qabto waanu wada samaynay, markaa waxa keliya ee iminka loo baahan yahay waxa weeye in la helo awood waxani sida ay u dhanyihiin fulisa. Ta kale inta aynu cid kale sii wakiilano miyeynaan kacaanka sii balaadhin karin, waana lagama maarmaan inaanu goob-joog ka ahaano sida ay u socdaan waxyaalaha aanu soo bilownay". 

Laakiin sababta aanu sidan u damacsanahay ayaan ka dhaadhiciyey, dabadeedna intoodii badnayd markii dambe way fahmeen, wayna igu raaceen, laakiin qaar kale oo nagu dhex-jiray oo ay ka mid ahaayeen Alamaayahu xayle oo xubin ka ahaa IHABA ayey u cuntami wayday fekradaasi, balse way taageersanaayeen fekradda ah in bulshada la dhexgalo, laakiin markii dambe ee ay saadaaliyeen natiijooyinka ka soo bixi kara barnaamijkaa ayey yidhaahdeen "Mingistu iyadoo aanay cidiba is hortaagin ayuu doonayaa inuu kursiga qabsado, dabadeedna isaga oo idin kala didinaya ayaad doonaysaan inaad iska aamusnaataan", waxayna bilaabeen olole ay barnaamijkaa kaga soo horjeedaan, iyaga oo leh "Shaqooyimkii iyo xilalkii inta ay isku wada biireen ayey mar qudha Mingistu gacanta u wada galeen, sidaa darteed hawlaha iyo xilalka uu hayo inta la qaybiyo waa in rag kale loo kala dhiibaa". Ka dibna janaraal Tafari Baanti waxa loo dhiibay ama lagu magacaabay qaban-qaabiyaha kulamada golaha wasiirada iyo gudoomiyaha qoomiyadaha, waxayna markaa leeyihiin "waqtigan xaadirka ah Tafari Baanti waa sawir meel la dhigay oo kale, waxayna awoodda oo dhami gacanta ugu jirtaa Mingistu Xayla Maryam, sidaa darteed waa inuu Tafari Baanti noqdaa gudoomiyaha runta ah, waana in la xaqiijiyo inuu yahay gudoomiyaha golaha qoomiyadaha, ta kale Mingistu waa in laga dhigaa ra’iisal-wasaare ama loo magacaabo gudoomiye-kuxigeenka golaha dhergiga, mana aha inuu Mingistu inuu xil walba isagu gacanta ku hayo", laakiin marka la soo koobo waxay ula jeedeen taa "Waa in Mingistu waxa oo hadda qabanayo laga joojiyo", waxaana arintaa dabada ka waday IHABADA oo uu dhex-fadhiyey Alamaayahu oo IHABA ka tirsanaa. Laakiin si aanay colaadi iman wax kasta oo dedaal ah oo aanan gelini muu jirin. Balse kuwa aniga I taageersani waxay yidhaahdeen "Goobaha muhimka ah ee noocaas oo kale ah waxaanu ku aamini karnaa Mingistu oo qudha, ciidamaduna isaga ayey ku qanacsan yihiin ama aaminsan yihiin, ta kale kacaanku weli muu adkaan, sidaa darteed anagu waxaanu leenahay xerada guutadu waa inay noqoto madaxtooyada ama cidda ciidanka hogaaminaysa hadii ay tahay anagu cid kale oo aan Mingistu ahayn ma aamini karno, Janaraal Tafari Baantina golihiisa wasiirada ha qabto oo kursigiisa ka hayo, hana iska baxo arimaha siyaasadda ee ururkeenna, ma waxa jirta cid kale oo khilaafkayaga xalili kartaa oo aan Mingsitu ahayn. Ta kale golaha wasiirada maadaama aynu u baahanahay inaynu wax badan ka fushano waa in la geeyo xubno kooban oo golaha dhergiga ah, kuwaas koontaroola ama la socda waxa ka socda golaha wasiirada gudihiisa, waxaana loo baahanyahay inay xataa yeeshaan cod ay mararka qaarkood dhiibtaan. Waayo golihii wasiirada ee Indhaalshaw waana ka qayb geli jiray shirarka golaha wasiirada, taasina ma jirto wax dhibaato ah oo ay abuurtay"...

La soco cadadka dambe.

Top


WAADIGA CIYAARAHA 

Maamulaha Inter Milan Oo Doonaya Inuu Naadigiisu Iibsado Garoon San Siro

Roma (Reuters): Maamulaha Kooxda Inter Milan ayaa ku waray inuu diyaarinayo sidii ay Kooxdiisu u iibsan lahaayeen oo ay ula wareegin lahaayeen Garoonka San Siro, isagoo sheegay in arrintaasi horumar u keeni doonto kooxdooda, sida; goobo ciyaareed oo ay hodan ku noqoto. Isagoo arrintaa ka hadlayo Maamulaha Inter Milan, Massimo Moratti, wuxuu yidhi; "Diyaar baan u ahay in aan iibsado garoonka San Siro, oo uu noqdo hanti aanu leenahay, taas oo aanu ka hagaajin karno dusha sare ee saqafka, dibna aanu u habayn karno garoonka."

Sida loo yeesho ee si gaara loola wareego garoomada waa arrin leh jawaabo kala duwan dhinaca Talyaaniga, inta badan garoomada waxa leh dawladaha hoose ee magaalooyinka, waxaana wadaaga laba kooxood, taas oo keenta tabashooyin kooxaha ah, sida Inter oo aan loo ogolaan in ay hawlo ganacsi ku samayso garoonka ay wadaaga ku leeyihiin iyaga iyo kooxda AC Milan, taas oo ah hawlaha ganacsi ee lagu qabto dhulka garoonka.

Jariirada ka soo baxda ee Roma ee Corriere Della Sport, ayaa ku doodaysay dhawaanahan oo uu ololaynaysay in loo fasaxo in Kooxaha As Roma iyo Lazio ay xaq u leeyihiin in ay iibsadaan garoonka Olimpico. Ilaa hadda waxay kala kulmeen Dawladda hoose ee magaalada jiitan iyo caajisin in ay arrintaasi hirgasho. Laakiin arrintan, waxaad moodaa in ay kooxda Inter Milan ku nasiib badan tahay. Aldo Brandiral, oo wararka u qaabilsan Inter Milan, ayaa u sheegay Wargeyska Corriere Del Sera in ay haystaan rajo wanaagsan oo loogu ogolaanay in ay la wareegaan garoonka San Siro.

Top


Xidhiidhka Kubadda Cagta Ee Ingiriiska Oo La Filayo In Ay Xukumaan Bergkamp

Dennis Bergkamp ayaya dhici kartaa inuu kala kulmo dhinaca xidhiidhka kubadda (FA) xukun lagaga joojinayo ciyaaraha soo socda qaar ka mid ah, kadib marka hay’addas ciyaaraha kubadda cagta ee FA qaybteeda Ingiriisku ay xaqiijiso marka ay daawato cajalad fiidyow oo laga duubay ciyaartii dhexmartay Arsenal iyo Westham oo ay Arsenal ku guulaysatay 3-1.

Ciyaartoygan caalamiga ah ee reer Holland (Dutch), waxaa ciyaarta keentay muranka la sheegay inuu Bergkamp ku xad-gudbay Lee Bowyer oo uu Bergkamp gacanta wejiga ka saaray Bowyer intii aanu kubadda u dadbin laad uu Thierry Henry ku dhaliyay madaxa goolkii labad ee ay Arsenal ka dhalisay Westham.

Garsoorihii ciyaartaa Mike Dean ayaan isaga khaladkaa lagu eedaynayo Bergkamp intii ay ciyaartaasi socotay, laakiin hay’adda FA ayaa burin karta garsoore Mike Dean oo khaladkaa ciyaareed an wax ka soo qaadin, kadib marka ay si fiican u dersaan cajalada fiidyowga ee ciyaartaa laga duubay, iyada oo marka hore ay xidhiidhka kubadda cagta ee FA sugi doonaan go’aanka warbixineed ee uu garsoore Dean ka keeno ciyaartii dhacday si tallaabo kale loo qaado arintan,waxay FA hore u ganaaxday Bergkamp (50,000) shan kun oo gini, waxaan looga diday in uu ka digtoonaado dhaqan-ciyaareedka gefka ah, kadib markii uu ka soo baxay cajalada daawashadii hore isagoo ku xanaaqaya Bowyer.

Top


Atletico Madrid Oo 2-2 Ku Barbaraysay Real Madrid

Madrid (Reuters) - Demetrico Albertini oo ka ciyaara khadka dhexe ayaa goolki labad ee barbaraha ay Atletico Madrid 2-2da kula noqotay ciyaartii horraantii toddobbaadkan uu u dhaliyay, taas oo barbaro kula noqotay kooxda Real Sociedad.

Ciyaaraha Isbaanishka waxaa iyagu isku meel taagan Valencia iyo Deportivo La Coruna oo ay u soo hoydeen cuulo ciyaareed oo isku dhow-dhowi, kooxda Valencia ayaa 4-2 kaga adkaatay Barcelona sidaana waxay Valencia ku yeelatay 32 dhibcood.

Sidoo kale ayay Deportivo hal gool dheeraatay Axaddii Atletico Bilbao oo ay guushu Deportivo ku raacday 2-1.

Kooxda Real Sociedad oo aan ciyaaraha Spain mar qudha dhinaceeda dhulka la dhigin aya urursatay 40 dhibcood oo ay ka heshay 18 ciyaarood oo ay hore u soo safatay, waxaa Real Sociedad ku soo xigta liiska kala horaynta kooxaha Real Madrid oo leh 37 dhibcood, Barcelona ayaa tagtay kaalinta 10aad ee kala horaynta kooxaha kadib guul-darradii ay kala kulantay ciyaartii ay guul-darrada la kulantay ee Valencia ka badisay, waxaanay Barcelona haysataa 17 dhibcood.

Kooxda Real Madrid ayaa kala kulantay khatar iyo qiil-qiil ay gelisay kooxda Atletico Madrid ciyaartii ay kula ciyaartay magaaladeeda ee Atletico Madrid martida uga a ahayd magaaladooda.

Kooxda Atletico ayaa si wanaagsan u ciyaaraysay oo dedaalaysay ciyaartan kadib markii ay ka soo gudbeen kooxaha heerka labaad (division 2) oo ay laba sanadood halkaa ka ciyaarayeen.

Ciyaaryahanka ugu hal-doorka roonaa Real Madrid ee hujuunka ka ciyaara Raul ayaan ka faa’iidayn fursado ay si fudud goolal ugu dhalan lahayeen kooxda Real Madrid. Kooxda Atletico ayaa u muuqatay inay ka fiidaysanayan weerar-celiskooda hujuunka dhinaca goolka Real Madrid, taas oo ay ku kasbatay Atletico in loo dhigo rigoore kooxda Atletico ayaa u muuqatay inay ciyaartu iskaga dhex-daadatay goolkaa rigooraha ah kadib waxaanay dhawr jeer la murmeen garsoorihii ciyarta dhexdhexaadinayay, Real Madrid aya ka faa’idaysatay dabaca diyaarta Atletico, waxaana ka faa’iideeyay Figo oo u hubsaday shebegga goolka kooxda Atletico.

Daqiiqaddii 44aad ayay hoggaanka ciyaarta qabatay Real Madrid ciyaartaas oo ku soo gebogebowday 2-2 ay barbaro ku noqdeen labada kooxood.

Top


Tababare Ancelotti Oo Kooxdiisa AC Milan Isla Barbartaagay Firfircooni

Roma (REUTERS) - Tabobaraha kooxda AC Milan Carlo Ancelotti aya dhinaciisa ka qayb qaatay oo badhitaaray guusha kooxdiisa ee ciyaaraha xilligan.

Axaddii ayay u cumaamadatay kooxda AC Milan inay iyadu hormood u noqoto kooxaha ciyaaraha oo ay calanka u sidato, iyadoo Saddex dhibcood ka horaysa kooxda ugu dhow oo ah kooxaha Lazio iyo Inter Milan.

Tabobare Acelotti, isagoo ku faraxsan heerka ay xilligan marayso kooxdiisa AC Milan wuxuu yidhi; "Waxaan jecelahay inaan u gudbiyo bogaadin iyo hambalyo dhammaantood ciyaartoygii kooxdayda ee ka ciyaartay ciyaarihii kooxda xilligan iyo kuwa ka tirsan kooxda ee aan safan ciyaaraha.

Waxaan uga mahad-celinayaa qaab-dhaqankoodii dabeecadeed, taas oo ah ta ay isku kaashadeen ee ay ku wada yihiin kooxda. Lixda bilood ee tegay markii hore si fiican may noqon natiijooyinkii ciyaarahayagu, laakiin hadda si wanaagsan ayaanu u bilaabanay ciyaarahayaga waanan ku faraxsanahay."

Tabobare Ancelotti markii uu xagaagii u dambeeyay la soo wareegay Alessandro Nesta oo difaaca ka ciyaara iyo Rivaldo oo ka mid ah ciyaaryahanadii Brazil ee ku guulaystay koobkii kubadda cagta ee dunida kiisii sannadkii hore oo ah hadda horyaalka kubadda cagta ee adduunka waxaa uu qorshaha Ancelotti iyo kooxdiisa AC Milan ay tahay in ay meel sare ka galaan tartamada, taas oo aad moodo in uu Anceloti guulo ka soo hooyay ciyaaraha Talyaaniga iyo kuwa horyaalada Yurub oo uu soo gudbay wareega "C".

Top