G/Deegaanka Sheekh Oo Doortay Mayor Iyo Mayor Ku Xigeen
"Xukuumadda Somaliland Waxay Uga Digaysaa Hadallada Gefka Ku Ah Qaranka Somaliland"
War-Saxaafadeed - Wasiirka Warfaafinta Somaliland
Kal-Fadhigii Guurtida Ee 18aad Muxuu Ku Dhammaaday
Muran Ka Dhashay Xubno Ka Tirsan G/Deegaanka Burco Oo Doortay Mayor
"Wadada Looga Leexan Maayo, Wixii Qaranka Duminayana Waa La Qabanayaa, Sharcigana Waa La Marinayaa" - Waraysi - Badhasaabka Gobolka Togdheer (Cali Cabdi Hurre)
Axmed Siilaanyo Oo Si Ba’an U Daadafeeyay Shakhsiyaadka Dalbaday Inay Somaliland Ku Soo Biirto Shirka Eldoret
"Madaxweyne, Ma Jiro Wasiir Reerkooda Cod Kaaga Keenay, Dadka Abaalkoodana Maaha Inaad Raga Kugu Xeeran Meesha Ku Hayso"
Wararka Dibadda
Wiilka Curad Ee Sadam Xuseen Oo Khatar Uga Digay Maraykanka
Dhexdhexaadiyaha shirka somaliya ee
Eldoret
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Kuma Daajin karaa Qaran
Waxaan Aan In Badan Sugayay Baan Helay
Madaxweynaha aynu u Baahanahay Waa Noocee?
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
Daymada Daryeelka Deegaanka
Waadiga Ciyaaraha
Rivaldo Oo Doonaya In Uu Dalkiisa Brazil U Ciyaaro Koobka Adduunka Ee 2006
Bayern Munich Oo Hoggaaminaysa Tartanka Kooxaha Jarmalka |
|
G/Deegaanka Sheekh Oo Doortay Mayor Iyo Mayor Ku Xigeen
|
Sheekh (Haatuf): Golaha deegaanka ee degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ee Somaliland ayuu shalay qabsoomay kulankoodii ugu horreeyay tan iyo sidii loo doortay xubnaha golaha Degaanka ee degmada Sheekh, waxay kulankoodaa ku doorteen maayorka cusub ee degmadaas oo loo doortay Xasan Cali Maxamed, waxaa isna mayor ku xigeen loo doortay Cabdi Cartan X. Abokor.
Fadhigaas waxa ka qaybgalay guddoomiyaha gobolka Saaxil Maxamed Axmed Xasan iyo guddoomiyaha maxkamadda degmada Sheekh, Sh. Ibraahim Aadan Fidhin.
Warku wuxuu intaa ku daray in isla shalay ay imtixaan u fadhiisteen 27 arday oo ka socday degmada Sheekh, kuwaas oo toddobada arday ee imtixaankaa ugu sarreeyaa ay ka qaybgeli doonaan waxbarashada dugsiga Sare ee Sheekh ee ay maamulayso Hay’adda SOS oo leh waxbarasho heer caalami ah iyo macallimiin loogu talogalay, Dugsigaas oo leh waxbarasho Hoy ah (Boarding).
Top
"Xukuumadda Somaliland Waxay Uga Digaysaa Hadallada Gefka Ku Ah Qaranka Somaliland"
War-Saxaafadeed - Wasiirka Warfaafinta Somaliland |
Hargeysa (Haatuf): War-saxaafadeed ay shalay soo saartay wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee Somaliland ayaa ka hadlaya qadiyadda Somaliland iyo hadalkii C/laahi Yuusuf ee shirka Eldoret, Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale ayaa ku saxeexnaa war-saxaafadeedkaas, waxaanu u qornaa sidan:
"Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, marna kama ay qaybgelin shirarka taxanaha aha ee dib u heshiisiinta koonfurta Somaliya, iyada oo caalamkuna ku qanciyay in Somaliland aanay qayb ka ahayn dib u heshiisiintaasi.
Haddaba, waxa la yaab leh hadallada hadaaqa ah ee soo noqnoqonaya kana soo baxaya ashkhaas ku sugan shirka Eldoret ee u ugu dambeeyay hadalkii Berdecad ee uu ku sheegay in xukuumadda Somaliland ka soo qaybgasho, haddii kalena ay casuumi doonaan dad u dhashay Somaliland. Haddaba xukuumadda iyo shacbiga Somaliland waxa ay hadaaqaa u arkaan gef iyo gardaro cad oo aan geedna loogu soo gaban.
Haddaba, waxa xukuumadda Somaliland ugu digaysaa ashkhaastaasi inay ka waantoobaan hadallada gefka ku ah Qaranka jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayn cidii reer Somaliland ah ee hawaysata gacan-haadiskaasi ee tagta ee isku dayda ka qaybgalka shirkaasi ama gasha marino kale oo arrintaa taageeraya, waxa xukuumaddu ula dhaqmaysaa dambiile qaran, waxaana lala tiigsan doonaa sharciga, iyadoo horeba loo dhaqangeliyay talooyinkii (Resolutions) ka soo baxay golayaasha Qaranka JSL, kuna wajahnaa ciddii ku kacda khiyaamo qaran (High Treason)."
Top
Kal-Fadhigii Guurtida Ee 18aad Muxuu Ku Dhammaaday |
Hargeysa (Haatuf): Kalfadhiga 18aad ee golaha Guurtida Somaliland ayaa lagu wadaa in maanta la soo gebagebeeyo, ka dib markii uu furmay 21-kii bishii Sabtembar, 2002, taas oo uu kalfadhigaasi furnaa muddo afar bilood ka badan. laakiin waxa maalintii shalay mudanayaasha golaha Guurtida loo qaybiyey qoraal ka hadlaya wax qabadkii Guurtida ee kalfadhiga 18aad, qoraalkaas oo ka kooban ilaa saddex bog waxa lagu xusay ajandayaashii golaha la soo hordhigay kalfadhigan iyo waxyaalihii golahaasi qabtay kalfadhigan, taas oo qoraalka lagu xusay inuu ajandaha kalfadhigani ka koobnaa ilaa 6 qoddob. Hase yeeshee marka la eego wax qabadka golaha Guurtida ee qoraalkan ku xusan waxa uu u badan yahay warbixino la dhegaystay iyo wacyigelino la sameeyey ama lagu baaqay, sidoo kale waxa qoraalkaa lagu xusay talooyin xukuumadda loo jeediyey oo uu nuxurkoodu yahay in wax la abaabulo iyo wax la wacyigeliyo.
"Dawlad ahaan waa in la qaado barnaamijyo wacyigelineed oo dadweynaha loogu sheegayo adkaynta nabadgelyada"ayey ku yidhaahdeen qoraalkooda, laakiin marka dib loo raaco wax qabadkii golaha Guurtida ee kalfadhiga lagu wado inuu maanta xidhmo laba qoddob oo keliya ayuun baa hoosta laga xariiqi karaa, kuwaas oo kala ah: Ansixintii go’aankii xukunka degdegga ah ee ay xukuumaddu ku soo rogtay gobolka Sool, go’aankaas oo ay labada gole ee baarlamaanku wada jir u ansixiyeen iyo qoddobka kale oo ah go’aankii muddo-kordhinta xukuumadda, laakiin marka laga taa laga yimaado labadaa go’aan oo mid walba lagu gudo jiray meelmarintooda muddo aan toddobaad ka badnayn mudada afarta bilood ka badan wax qabadkii golaha Guurtida looga baahnaa kuma filaanayso qoraalka saddexda bog ah oo la odhan karo nuxurkiisu kama badna hadal tarmin. Waayo tusaale ahaan golaha Guurtida iyo guud ahaan labada gole ee baarlamaanku go’aankoodii ansixinta xukunka degdegga ah waxay ku lifaaqeen go’aan kale oo ahaa in la magacaabo guddi labada gole ka kooban oo baadhis iyo xaqiiqo raadis ku soo sameeya sidii ay wax uga dhaceen gobolka Sool xiligii ay booqdeen Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisii, ka dibna ay Laascaanood dhexdeeda ku soo weerareen ciidamo ka socda maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf, laakiin qaraarka ah in gobolka Sool loo diro guddi ka kooban labada gole ee baarlamaanka ilaa hadda la isuma dhaqaajin, lamana garanayo sababta ay baarlamaanku hoos ugu eegi waayeen qaraarkii ay wada jirka u ansixiyeen, halka ay sida dhakhsaha badan u fuliyeen dalabkii xukuumadda ee xukunka degdegga ah.
Dhinaca kale sida la ogyahay waqtigan xaadirka ah dalku waxa uu marayaa marxalad lagu tilmaami karo xasaasi, taas oo ay dareemada siyaasaddu farta ku fiiqayaan walaacyo badan, loona baahan yahay talo la ruugay in lagu milicsado duruufaha dalka ka jira, laakiin odayaasha guurtidu hoosta kama xariiqin sida ay taasi talo shilis ugu baahan tahay, hase yeeshee dadka qaar waxay golaha Guurtida ku xantaan inaanay soo hadal qaadkeeda ka xishoodaan wixii aanay xukuumaddu farta ugu fiiqin.
Top
Muran Ka Dhashay Xubno Ka Tirsan G/Deegaanka Burco Oo Doortay Mayor |
Burco (Haatuf) Fadhi aan loo dhamayn oo ay yeesheen golaha deegaanka ee Burco ayaa loogu doortay Maayarka cusub ee Burco inuu noqdo Maxamed Diiriye Xayd (Dib Jir) maalintii shalay, sida uu sheegay weriyaha Haatuf Berbera C/Raxmaan X. Daahir (Casaan) oo hadda ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxa maalmahanba jiray khilaaf iyo muran magaalada si weyn u saameeyay oo ka dhashay musharaxnimada maayarka, laakiin fadhigaa shalay ay yeesheen 13 xubnood oo ka mida 21-ka xubnood ee u soo baxay golaha deegaanka ee Burco oo aan ahayn mid loo dhanyahay ayaa lagu doortay maayar cusub.
Waxaana sida weriyuhu sheegay kulankaa oo ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta gobolka Togdheer goob joog ka ahaa wasiirku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Jaambiir iyo badhasaabka gobolka Togdheer, Cali Cabdi Hurre, hase yeeshee intii aan lagelin shirka waxa tacshiirad rasaas ah isweydaarsaday koox dablay ah oo watay gaadhi iyo ciidanka aminga ee ilaalinayay goobta waxaana halkaas ku dhaawacmay hal qof.
Marka laga yimaado maayarka waxa isna la doortay maayar ku xigeen uu maayarku fadhigaa ka sheegay inuu u sharaxanyahay C/Risaaq Maxamed Jaamac (Toor) oo isaga oo aan goobta joogin loo codeeyay.
Xubnaha ka maqan fadhigan mid ka mid ah oo ka soo baxay ururka HORMOOD waxa ka dhashay muran keenay in maxkamadda loo gudbiyo, hase yeeshee xubnaha kale oo uu ka mid yahay maayarkii hore Aadan Maxamed Waqaf oo isaga iyo maayar ku xigeenkiisii oo ka soo baxay UDUB isku maan dhaafeen musharaxnimada maayarnimada.
Waxa kale oo ka mid ahaa xubnahaa ka maqnaa shirkaa Maxamed Xuseen oo ahaa maayar si weyn looga dambeeyo magaalada Burco waqtigiisii, waxayna arrintani noqotay mid dareen xasaasi ah abuurtay iyadoo u muuqatay inay beel qudhi wax dooratay, taasoo ay dadku walaac ka muujiyeen.
Wariyaha Haatuf ee halkaa ku sugan C/Raxmaan Casaan oo maayarkii hore ee magaalada Burco Aadan Waqaf wax ka waydiiyay arrintaa ayaa sheegay inaanu goobta joogin laaiin sida loogu degdegay hawshaasu keeni karto dhibaato iyo xasilooni darro.
Top
"Wadada Looga Leexan Maayo, Wixii Qaranka Duminayana Waa La Qabanayaa, Sharcigana Waa La Marinayaa" - Waraysi - Badhasaabka Gobolka Togdheer (Cali Cabdi Hurre) |
Burco (Haatuf): Badhasaabka gobolka Togdheer, Cali Cabdi Hurre ayaa ka hadlay xaaladda gobolkiisa guud ahaan, isaga oo si gaar ah uga hadlay arimo dhawr oo ay ka mid yihiin khilaaf ka dhashay arimaha golaha degaanka Burco iyo weliba doorashada maayarka Burco oo shalay la doortay, laakiin muran ka dhashay, sidoo kale wuxuu badhasaabku ka hadlay xubno reer Burco ah oo dhowaan ka soo laabtay xarunta maamul-goboleedka C/aalhi Yuusuf ee Garoowe, halkaas oo ay wada hadal kula soo yeesheen maamulayaasha Garoowe.
Weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera C/raxmaan Xaaji Daahir oo hadda booqasho ku jooga magaalada Burco ayaa badhasaabka Burco Cali Cabdi Hurre waraysi kula yeeshay xafiiskiisa Burco, taas oo uu wax ka waydiiyey arimo badan, laakiin ugu horayn badhasaabku isaga oo ka waramaya xaaladda gobolkiisa wuxuu yidhi "Guud ahaan xaaladda gobolku way fiican tahay, inkasta oo ay jiraan qolooyin la soo kulmay C/laahi Yuusuf oo dhibaatooyin ka wada gobolka, iyaga oo doonaya inay khalkhal geliyaan nabadgelyada, xumaana ka abuuraan gobolka, laakiin waanu u soo jeednaa, anagaoo rajaynayna inaanu wax ka qabano". Laakiin qolada uu badhasaabku ka hadlay ee Garoowe ka soo noqday waxay Garoowe ka soo noqdeen laba toddobaad ka hor, sidaa darteed badhasaabka mar la waydiiyey sababta ay mudada intaa le’eg wax uga qaban waayeen wuxuu ku jawaabay "Dadku weli may bislaan oo qabaa’il baa la yahay, hase yeeshee nimankaa in talaabo waa lagama maarmaan."
"Horta dhaawaca iyo waxani waa arin samafal oo adduunka oo dhami wixii dhaawac ah ama magangelyo siyaasadeed doonaya waa la siiyaa, markaa Jamhuuriyadda Somaliland xeerka adduunka u yaal kama duwana,"ayuu yidhi badhasaabku isaga oo ka hadlaya dhaawac ay leeyihii mucaaradka C/laahi Yuusuf oo Burco yaal.
"ilaa habeen hore waxa gobolka ka dhacayey rasaas, maxaad taa wax uga qaban waydeen"ayaa la waydiiyey badhasaabka Burco, wuxuuna yidhi "Koley waxaanu sugaynaa sharcigii hub ka dhigista iyo awooddii adkayd ee hubka lagaga dhigi lahaa, waana inay taasi marka hore ka timaadaa xukuumadda sare, waayo waxay ka iman kara dil iyo dhibaatooyin kale, markaa waa in si wada jir ah loo go’aan iyo sharci midaysan."
Waxa mudooyinkan dambe magaalada Burco laga hadal hayey khilaaf ka dhexeeya xubnaha maamulka Burco, sidaa darteed badhasaabka oo arintaa la waydiiyey wuxuu yidhi "Waxba kama jiraan, laakiina waxa ii yimi waalidiin cabanaya oo leh iskuulkii baa la dhisanayaa, markaa waxaan idhi joojiya wixii ay sharci haystaana hala ii keeno, ka dibna markii sharcigii lay keenay ayey boolisku yidhaahdeen saddexdii nin ee inay mulkiyadda saxeexaan sharciga u lahaa saddex aan ahayn ayaa saxeexay, markaas ayaan idhi qabta waa dembiilayaal hadii aanay ahayn dadkii sharciga u lahaa, laakiin markii aan ogaaday inuu xoghayihii yahay ayaan markiiba u tegay oo intii aan saldhigga la geyn ayaan idhi sii daaya anaga ayaa ka wada hadli doonee, basle wuu I diiday sidii ayaa dabadeed saldhigga lagu geeyey, hadana waan ka daba tegay oo waxaan ku idhi adiga kumaan xidhin, noomana xidhnid ee soo bax , laakiin isaga ayaa diiday."
Badhasaabka Burco waxa uu shalay gudoominayey shirkii u horeeyey ee golaha degaanka Burco, halkaas oo lagu doortay maayar la sheegay inuu aakhirkii khilaaf ka abuurmay doorashadiisa, laakiin badhasaabku isaga oo ka hadlaya jawigii shirkaa wuxuu yidhi "Sharci baa la soo saaray la leeyahay golayaasha degaanka waa in la sameeyo waqtigaa, taas oo ku astaysnayd 23-kii bishan oo ahayd khamiistii, maalintaas oo ay xubnaha degaanku fadhiisteen waxa ka maqnayd inta maantana maqnayd, markaa maalintaa hore waxaanu nidhi wax kastaaba ha dhaceene aynu ogaysiin labaad siino, markaa hadii ay taa ku iman waayaan sharciga ayaa la raacayaa oo cidina ma odhan karto waxba la samayna maayo, waayo meesha dawlad baa ka jirta."
Laakiin badhasaabka mar la waydiiyey in maadaama aan loo dhamayn arintaa ay keeni karto buuq iyo khilaaf sii kordha wuxuu ku jawaabay "Wadada looga leexan maayo wixii Qaranka duminayo, markaa waa la qabanayaa sharcigana waa la marinayaa."
Badhasaabka Burco waxa kale oo la waydiiyey sababta ay xubnaha golaha degaanka ee shirka ka soo xaadiri waayey u maqnaadeen, wuxuuna yidhi, "Sida aanu warka ku hayno sifo beeleed ayey ku maqan yihiin, meeshana beelo waa laga baxay oo axsaab ayaa jirta, markaa anagu axsaab ayaanu u aragnaa xubnihii maqnaaday, sidaa darteed xubintii maqnayd xisbigii ay ahayd ayuun bay ka maqan tahay". Laakiin badhasaabka waxa la waydiiyey bal inuu wax xidhiidh ah la sameeyey qolyaha maqnaaday, wuxuuna yidhi "Koley odayaal waan ka arkay, kuwaasna waxaan ku idhi hadii aad maayarnimada doonaysaan waqti badan ayaad soo hayseen, markaa hadii aad hadda u aragtaan inaydaan helayn maayarnimada ma aha in qalaanqal iyo dhibaato timaado boosaskuna waa badan yihiin, laakiin waa inaad timaadaan."
Top
Axmed Siilaanyo Oo Si Ba’an U Daadafeeyay Shakhsiyaadka Dalbaday Inay Somaliland Ku Soo Biirto Shirka Eldoret |
"Dadka Carta Ka Soo Noqdaa Waxay Ku Biiraan Udub, Lacagta Baanka Laga La’yahayna..." - Axmed Siilaanyo - Shir-Jaraa’id
Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-siilaanyo) ayaa shalay si ba’an u daadefeeyey hadalo ka soo yeedhay kooxaha Somaliya ee ku shirsan magaalada Eldarote ee dalka Kenya, taas oo ay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha kooxaha halkaa ku shirayaa ku dacwiyeen in Somaliland lagu khasbo inay ku soo biirto shirka Eldorate, iyaga oo muujiyey sida ay uga soo horjeedaan gooni isu taagga iyo madax-banaanida Somaliland, sidaa darteed waxay ragga shirka Eldorate ka dhawaaqay yidhaahdeen waa in laga hortago aqoonsi ay beesha caalamku siiso Somaliland, laakiin Axmed Siilaanyo waxa uu hadalka caynkaas ah ku tilmaamay mawqif aragti majara habowsan, taas oo uu yidhi waa inaanay kooxaha Somaliya ee Eldorate ku shirsani ku habsaamin arinta Somaliland ee ay danahooda oo keliya ka tashadaan.
Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siilaanyo waxa uu arimahaa kaga hadlay shirjaraa’id oo uu gurigiisa ku qabtay, isaga jawaabta uu ka bixiyey dhawaaqyada kooxaha Eldorate ka soo yeedhay ka sokow shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday arimo kale oo la xidhiidha xaaladda Somaliland ee waqtigan xaadirka ah.
"Waxay yidhaahdeen hadii ay dawladda diido inay ka soo qayb gasho shirka, waxa loo yeedhayaa odayaasha beelaha iyo dadkii kale ee aanu u baahanno, taasna macneheedu waxa weeye shacbiga reer Somaliland waanu bililiqaysanaynaa, arintaasina waa arin ku cusub saaxadda"ayuu yidhi, Axmed Siilaanyo, isaga oo intaa ku daray "Shirka Eldorate in muddo ahba wuu socday, waana laga wada war qabay qaabkii uu u bilaabmay, taas oo ay qaybo dunida ah oo ka mid ah dadka shirkaa gacanta ku haya shirkaa ay cadeeyeen, hadalna aanu ka soo noqon inaanay Somaliland shaqo ku lahayn shirkaa, isla markaana dadka reer Somaliland mar walba waxay taagnaayeen anagu waa tii aanu madax banaanidayada la soo noqonay, sidii Somaliland dhidibada loogu taagi lahaana halgan badan baa loo soo galay, markaa Somaliland dariiq cad oo ay madax banaanideeda ku hananayso ayey qaadatay, sidaa darteed waa ayaan daro inay mar walba ilaawaan wixii iyaga u yaalay inay mar walba isku soo dabacaan arinta Somaliland oo beri hore dhaqaaqday, markaa hadii aanu ururka KULMIYE nahay, isla markaana aanu filayno inuu shacbiga Somaliland-na nala qabo, waxaanu leenahay Somaliland madax banaanideedii ayey ku socotaa, ummadda reer Somaliland-na way ka tashatay madax banaanideeda, markaa walaalahayaga shirkaa jooga waxaanu odhan lahayn arintiina daawo u hela oo ku ekaada, Somaliland iyo arimeheedana faraha ka qaada, xaalkiinuna yaanu noqon habartii xaabadii hore qaadi kari wayday ee qaar kale ku dartay". Laakiin Axmed Siilaanyo intaa ka dib waxa uu u leexday dhinaca gudaha Somaliland, isaga oo wax ka taataabtay duruufaha jira, wuxuuna yidhi "Beryo dhowayd waxa dalkeena isla soo galay laba kooxood oo aanay midna dan inoo ahayn, mana jirto sabab ay dawladda Somaliland u kala raacdo Jaamac Cali Jaamac iyo C/laahi Yuusuf, waayo labaduba way cadeeyeen halka ay Somaliland ka taagan yihiin, laakiin intaa waxaan ku darayaa oo aan leeyahay dawladda, waxa la yaab leh dadka Carta taga intooda badani marka ay soo noqdaan waxay ku biiraan, ka dibna maayaro ayaa laga dhigaa, hudheelo sarsare ayaa la dejiyaa, meelo kale ayaa loo diraa, laakiin maan arag dadkaasi iyaga oo ururo kale ku biiraya"ayuu yidhi, wuxuuna dawladda ugu baaqay inay dadka caynkaas ah mawqif ka qaadato.
Axmed Siilaanyo, isaga oo mar kale tilmaamaya xiliga doorashooyinka iyo duruufaha cusub ee dalka la soo gud-boonaaday wuxuu sheegay inay hawsha doorashooyinku duruufo badan oo dalka soo kulaalay daaha saareen, wuxuuna isaga oo arintaa tilmaamaya yidhi "Marka runta la sheego werwer badan baa dhlanaya, waxaadna moodaa inay doorashooyinku wax badan inaga qarinayaan, taas oo aad moodo in arimihii muhimka ahaa ee uu dhaqaaluhu ka mid yahay uu xaalkeedu aad u liito, waayo maanta waxay ahayd in miisaaniyaddii cusbayd la sameeyo, laakiin warkeeda lama hayo. Ta kale dalka qaybo ka mid ah ayaa xukun degdeg ah lagu soo rogay, laakiin meel waxa xukun degdeg ah lagu soo rogaa marka aad awoodda gacanta ku hayso."
Gudoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu soo qaaday go’aankii muddo-kordhinta xukuumadda, wuxuuna yidhi"Guurtida markii la yidhi maxaa ku kordhiseen mudada waxay yidhaahdeen nabadgelyo daro ayaa dalka ka jirta, laakiin waynu ogayn doorashadii la galay waxa qudha ee ay ummadda iyo dalkuba ku faanayeen ee caalamku inoo qiray waxay ahayd nabadgelyo buuxda, markaa hadalada iska hor-imanaya ee ka soo baxaya hayadihii Qaranka xilka u hayey waxaanu leenahay halaga daayo dadka taa, gobolkaana waa in xukunka degdegga ah ee aanay waxba ka jirin laga qaado ee keliya dunida ceebta inooga soo jiidaysa, waana dadkaa loo ogolaado inay codeeyaan , isla markaana loo sii daayo wixii dhaqaale ah ee la sheegay in laga soo ceshaday."
Axmed Siilaanyo waxa farta ku fiiqay, kuna cel-celiyey inuu muuqdo wel-wel badani, isaga oo sheegay inaanay arimahaa dawladdu gudo iyo debed toona wax tafaasiil ah ka bixin. Laakiin isaga oo dawladda ku dhaliilaya dhinacyada siyaasadda iyo wax qabadka dalka wuxuu yidhi "Waxa la yaab leh maalin dhowayto nin wasiir ah ayaa debedda u baxay, laakiin isaga oo wasiir ah ayuu yidhi xisbi baa ii yeedhay, markaa qaranimada xilkii uu u hayey waxa ka waynaaday xilkii uu UDUB u hayey, waxa kale oo uu yidhi waa yaabka yaabkii oo waxaan arkay ururkii oo ururada kale wax la qabsanaya, laakiin aniguna waxaan leeyahay waa yaabka yaabkiiye muxuu ula yaabay hadii ay dadka reer Somaliland ee Yurub joogaa wada tashadaan oo danta qaranka meel uga soo wada jeesteen, balse wuxuu wasiirku taa ula yaabay halkan (Gudaha Somaliland) ayaanay ku aqoon , waayo waxa dalka dhibaato ku xer-xeran, waxa xukunka degdeg ah la soo rogay weli inta u madaxweynuhu noo yeedhay ragayagaa waaweyn ee xisbiyada ah ee sharciyan soo baxay noo yeedhay ma odhan arimahaa maxaynu ka yeelnaa, markaa taasi ma aha wax ay xukuumaddu taqaan."
Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay arimaha doorashada, wuxuuna yidhi "Xisbinimadu waa wax inagu cusub, markaa hadii aan la korrin oo aanay dadku isugu tegin oo aanay dawladdu dhiiri gelin xisbinimadu way shiiqi kartaa. Sida wax loo wadana waxa dhici karta in la yidhaahdo urur qudha haku dambayso."
Axmed Siilaanyo waxa kale oo ka hadlay xaaladda gobolka Sool iyo istaraatijiyadda uu u arko in lagu waajaho, wuxuuna yidhi " ma aha in wax la abaabulo oo la yidhaahdo dagaal baa wax lagu soo muquuninayaa iyo in la yidhaahdo xukun degdeg ah ayaa lagu soo rogayaa, anagu ma qabno inuu xalku taa ku jiro, sidaa darteed anagu waxaanu qabnaa in dadkaa lagula dhaqmo siyaasad togan oo soo dhowayn iyo dhisme ah, lana tuso danahooda in laga shaqaynayo, hana la soo celiyo siyaasaddii berigii dhowayd ee ay odayaashii nabadaynta u tegay."
Dhowaan war-saxaafadeed ay wada jir u soo saareen KULMIYE iyo UCID waxay ku sheegeen in hadii aan awoodda dawladda ee ololaha siyaasadda la xakamayn inay ka fiirsan doonaan ka qay b galka doorashada, laakiin gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siilaanyo mar shalay la waydiiyey waxa ay yeeli doonaan hadii wax jawaab ah laga bixin waayo dalabyadooda wuxuu ku jawaabay "Sida aanu yeelayno waanu ka fiirsan doonaa, waayo waxa muuqatay, horena looga digayey isku milanka dawladda iyo UDUB, markii dambena si badheedh ah oo qaawan ayuu u soo baxay, lacagta baanka laga la la’yahayna meel kale kuma bixin ee doorashada UDUB ayuun bay ku baxday, taana waa in la helo qaab lagu xakameeyo."
Xeerka doorashooyinku wuxuu dhigayaa in xisbiyada la siiyo dhaqaale, laakiin Axmed Siilaanyo mar la waydiiyey inay ilaa hadda wax dhaqaale ah heleen wuxuu sheegay inaan waxba la siin.
"Hadii doorashada ku soo baxdo maxaad kaga duwanaan doontaa siyaasadda Madaxweyne Rayaale dalka ku xukumo" ayuu nin weriye ahi waydiiyey gudoomiyaha KULMIYE, laakiin Axmed Siilaanyo ugu horayn su’aal kale ayuu weriyihii dib ugu celiyey, wuxuuna yidhi "Horta Rayaale siyaasadee ayuu wax ku xukumaa, bal wax iiga sheeg markaa ayaan su’aasha kaaga jawaabayaaye", ka dibna weriyihii ayaa su’aashiisii sii tafsiiray, wuxuuna yidhi "Waxa jira rag badan oo wasiiro ka ahaan jiray dawladdii hore, kuwaas oo qaarkood maanta mucaaradka ku jiro, markaa ma kuwaas ayaad soo xulanaysaa, mise waxaad keenaysaa kuwo cusub", wuxuuna Axmed Siilaanyo su’aashaa kaga jawaabay "Horta wasiiradii hore qaar xun iyo qaar wanaagsaniba way ku jiri karaan, laakiin anigu dalka iyo dadka waxaan u soo xuli doonaa dadka aan is leeyahay dalka iyo ummadda way hanan karaan, hadii ay tahay aqoon, karti iyo cadaalad-ba."
Top
"Madaxweyne, Ma Jiro Wasiir Reerkooda Cod Kaaga Keenay, Dadka Abaalkoodana Maaha Inaad Raga Kugu Xeeran Meesha Ku Hayso" |
Daahir, Siilaanyo Iyo Faysal Midba Sideebuu U Sifeeyay Shakhsiyadiisa Siyaasadeed
Waraysi - C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde (G/Xigeenka Baarlamaanka)
Hargeysa (Haatuf): "Anagu (Shirgudoonka) markii aanu Guurtida u tagnay ma jirin wax aanu golaha kaga wakiil ahayn ee afkaartadayada ayuun baanu ula tagnay, nuxuka doodayaduna waxa uu ahaa maanta qabyo badan baa inoo taale sidee baynu uga baxnaa", sidaa waxa yidhi gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee golaha wakiilada, mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde oo habeen hore waraysi siiyey telefishinka Madaxa banaan ee Hargeysa TV, waraysigaasi oo uu weriye Faysal Fadh-fadhle qaaday waxa uu ahaa mid su’aalo iyo jawaabo door ah oo xiise leh la isku dhaafsaday, laakiin mudane C/qaadir isaga oo ka waramaya talooyinkii ay odayaasha golaha Guurtida u gudbiyeen markii ay xukuumadda mudada u kordhinayeen wuxuu yidhi "Marka aad nin masuul ah tahay ee wax lagu waydiiyo waxa fiican inaad ra’yigaaga ku dhiibato waxa aad is leedahay wax baa ku hagaagaya, sannadkii hore markii mudada la kordhinayey waxaan ku taliyey in mudada sannad laga dhigo alla ha u naxariistee marxuumkana lagu qanciyo inaanu isa soo sharaxin, aniga oo u arkayey inuu xanuunsanayo oo aanu shaqayn karayn shan sannadood oo dambe.
Sidoo kale waxaana berigaa ku taliyey inay nimanka wasiirada ahi dhammaantood istiqaalad dhiibaan oo Madaxweynaha fursad loo siiyo inuu dhiso dawlad loo dhan yahay oo tayo leh oo marxaladda inaga saari karta". Laakiin mudane C/qaadir isaga oo tilmaamaya waxyaalihii uu ku taliyey muddo-kordhintii dambe wuxuu yidhi "Hadana waxaan ku taliyey in labada xisbi ee soo baxay ee mucaaradka ah in la qaderiyo oo aan loo arag Faysal Cali waraabe iyo Axmed Siilaanyo oo aan la odhan maxay sheegayaan ee loo arko inay yihiin axsaab qaran, iyadoo ay dunidu maanta mucaaradka dhegaysato."
Mudane C/qaadir oo la waydiiyey bal inay isaga ula muuqato in dawlad wadaag ah marxaladdan la dhiso wuxuu taa ku tilmaamay inaanay sharciyan khasab ahayn, laakiin marka la eego duruufaha jira ay wanaagsan tahay in sidaa la yeelo, isaga oo tusaale u soo qaatay dhaqamo siyaasadadeed oo ay dawlado dunida ka mid ahi hore ugu talaabsadeen, kuwaas oo uu sheegay inay mucaaradkoodii talada dawladda ka qayb geliyeen.
"Xisbi mucaarad ah oo muddakar ah Illaahay baa lagu mahadiyaa, laakiin saddexduba maanta magaca ayuun bay axsaab ka yihiine waa inaanay halkaa ku qaadhin oo aanu cadaadis kaga iman xagga xukuumadda, xeerdejinta iyo hayadaha kaleba, waxaana loo baahan yahay inaynu korino axsaabta mucaaradka ah, isla markaana xeerka ayaa lagu qoraye waa in miisaaniyadda wax laga siiyo, danina kuma jirto hadii ay dhaqaale waayaan oo ay burburaan, sidaa darteed axsaabta mucaaradku hadii ay yidhaahdaan xukuumaddu waxay UDUB u isticmaalaysaa hantidii ummadda gar bay u leeyihiin, waa in taa la qabto oo laga daba tago". Laakiin C/qaadir mar la waydiiyey sida ay arimahaasi ku suurta gelayaan wuxuu yidhi "Anigu wax walba waxaan ka jeclaa in dawlad wadaag ah la sameeyo, laakiin hadii taa la waayo in la abuuro qaab lagu koontaroolo UDUB inaanay isticmaalin hantida ummadda."
Mudane C/qaadir waxa kale oo la waydiiyey inuu xisbiga UDUB isu arko inuu aqlabiyad haysto, sidaa darteed aanu ogolayn in talada lala wadaago, laakiin wuxuu taa kaga jawaabay "Lama odhan karo UDUB waxay haysataa aqlabiyad, waayo UDUB talada ummadda ee uu maanta hayo cod kuma helin, sidaa darteed hadii uu doorasho ku yimaaddo ayuu odhan karaa taa, waxaynuna doonaynaa inay doorashadu xalaal inoogu dhacdo, laakiin hadii ay xalaal noqon waydo oo axsaabta mucaaradku qaadacaan arinta meel dheer ayey gaadhaysaa, markaa waa in la isqanciyo oo aanay xukuumaddu UDUB u hiilin."
Mudane C/qaadir waxa kale oo la waydiiyey bal sida uu u arko eedaymihii dhinaca aadaminimada ee loo jeediyey Madaxweyne Rayaale iyo weliba sida uu u arko shakhsiyadaha kala hogaaminaya saddexda xisbi ee kala ah UDUB, KULMIYE iyo UCID (Daahir Rayaale, Axmed Siilaanyo & Faysal Cali Waraabe), wuxuuna ku jawaabay, "Madaxweynaha Daahir Rayaale muddo ayuu Madaxweyne-kuxigeen soo ahaa oo uu saaxadda siyaasadda saarnaa, Axmed Siilaanyo isagua ma aha nin cidna loo sheegayo, Faysal-na waa aynigayga , waana ragga sidooda loo iibiyaa oo aynu nin waliba waxa uu soo kordhin karo iyo waxa uu dhimi karo eegno, laakiin is qod-qodkaasi waa inuu ahaado wax cad oo markhaati leh oo hayadihii xogta hayey iyo kuwii xukumi lahaa la mariyo, hase yeeshee saddexda nin mid waliba wax buu ku wanaagsan yahay oo meel buu ku wanaagsan yahay, aqoonteedana leeyahay, alla ha u naxariistii marxuumkii nin ka aqoon iyo garasho badani u malayn maayo inuu ina soo maray, hadana waxa lagu dhaliili jiray inaanu isku xeerin dad tayo leh, waayo dalka waxa wadaa ma aha Madaxweynaha ee wasiirada iyo masuuliyiinta kale oo ah dad tayo leh oo aqoon lagu soo xulay, markaa Madaxweynaha maanta jooga markii aan anigu Ingiriiska ka soo noqday waan u tegay, waxaana ku idhi Somaliland maanta inaanay dawlad tayo lihi u dhisnayn ayaa gudo iyo debed-ba u taal, oo aanay inoo dhisnayn dawlad caalamka wax ka dhaadhicin kartaa, markaa waxaan ku idhi nimanka aad meesha ku haysato dadku way iswaydiiyaan waxa aad ugu haysato, dadka qaar waxay is leeyihiin wuxuu moodayaa inay iyagu u ololeeyaan oo ay Madaxweyne ka dhigeen, laakiin waxaan kuu sheegayaa inaanay iyagu kaa dhigin ee aanu taa abaal ugu hayno distoorka, waxaan qabaa inay dadka intiisii jilicsanayd ku dooratay iyaga oo is leh yaanay waxaasi burburin, laakiin ma jiro nin wasiir ah oo reerkoodii cod kaaga keenay, sidaa darteed dadka abaalkoodii ma aha inaad raggaa ku hayso oo aad khaanadda xun wax ka soo saarto, anigu maanta iibsan maayo Madaxweyne ee waxaan iibsanayaa aqoontu iyo garashada xisbiga iyo dadka uu la tashanayo iyo sida uu dadka u xulanayo waa intaa inta aan shanta sannadood ee soo socota I xukumaysaa, laakiin hadii ay kuwaasi noqdaan ragga wasiirada ee madaxweyne Rayaale ku xeerran waxaan iswaydiinayaa shanta sannadood ma wadi karaa, marxuumkii wuu hayey kooxdaa, laakiin isagu wuxuu ahaa nin ay aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisu ku filan tahay oo loo arkayey inuu yahay nin buuxsan karaya meelaha kuwan laga tebayo, balse Daahir khibradiisu ma badna."
Mudane C/qaadir isaga oo ka hadlaya shakhsiyadda Axmed Siilaanyo iyo sida uu u arko wuxuu yidhi "Maanta Axmed Siilaanyo hadii uu leeyahay waxaas ayaan soo qabtay ee igu iibsada ka iibsami mayso ee wuxuu ku iibsamayaa ragga ku xeerran ee hareero taagan, markaa hadii aad ka tagto dadkii lala tashan lahaa ee la aamini lahaa shaki wuu imanayaa, markaa Axmed Siilaanyo waa ninka ugu khibradda badan hadii ay aqoon noqoto iyo hadii ay farsamo noqotaba, laakiin hadana intii aynu dalka soo galay waxa jiray khilaafaad badan oo ama isaga (Axmed) lala xidhiidhinayo ama inta taageersan lala xidhiidhinayo oo raad ku leh, maantana ma aha waqti ay axsaabtu u bislaatay mabaadi iyo afkaar oo lagu kala garran karaa ee waxa ay codka ku kala helayaan waa kuwa daba taagan ee u ololaynaya, sidaa darteed waxa ay tahay inuu culayska saaraa waa inta ku xeerran ee wax iibinaysaa, kuwaas oo ay tahay inay noqdaan kuwo aan dadku ka didin ee ay noqdaan kuwo loo soo joogsado oo ay maantadu aamini karto. Hase yeeshaa labada kalena mid buu dheeryahay, taas oo ah inuu maanta arko khatarta ugu weyn ee inagu soo fool lihi inay tahay C/laahi Yuusuf, waxaana qabaa inuu ninka ka hortegi lagaa C/laahi Yuusuf yahay Siilaanyo, taasina waa wax cad oo aan shaki ku jirin, laakiin waxa taal tii gudaheena e dagaaladii sokeeye iyo khilaafaadkii SNM sidee ayey khatar ugu yeelanaysaa weeye, intase ku xeerani ma ka gudbin karaysaa ayaa meesha taal ayey tahay halka laga hadlayaa."
Sidoo kale mudane C/qaadir Jirde waxa kale oo u ka hadlay shakhsiyadda siyaasadeed ee Faysal Cali waraabe, wuxuuna yidhi, "Faysal waa nin dhalinyaro ah, waynuna ognahay oo khibrad siyaasadeed iyo mid maamul midna ma laha, laakiin waxa uu la yimi mabaadi, taasina waa wax loo baahan yahay, anigu Faysal xataa hadii aanu soo bixin inuu xisbi mucaarad ah oo jira noqdo waan jecelahay, waayo mabaadi’da uu keenay reeraha maanta baloodhada isku dilaya wax bay ka taraysaa, laakiin isaga intaasaa ka dhiman, nin walbana iintiisu waa taa aan kuu sheegay."
Top
Janaraal John Sattlar Oo Sheegay In Aan Hawlgalka Ciidamadiisa Ee Geeska Afrika Aanu Isbeddel Ku Keenayn Dagaalka Ciraaq
Taliyaha ciidanka Maraykanku uu hormoodka ka yahay ee Geeska Afrika Janaral-John Sattler ayaa ka warramay in dagaalka Ciraaq aanu waxba u dhimi doonin hawsha ciidamada uu madaxa u yahay ay u joogaan Geeska Afrika ee la dagaalnka argagixisada lagu tuhunsan yahay gobolka Geeska Afrika.
Jeneraalk ciidamada Badda ee derejadiisu tahay sarreeye Gaas (Major General) John Sattler oo booqasho wadahadalo ah ku jooga dalka Kiiniya Sattler oo ay booqashadiisu ku saabsan tahay is-kaashiga gulufka la dagaalanka argagixisada ee Maraykanka iyo Kiiniya wuxuu cadeeyay jananku in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan hawshooda, xataa haddii u dagaal ka dhaco meel kale.
Jeneral Sattler isaga oo ka hadlaya arrintaas wuxuu yidhi; "Haddii wax ka dhacaan meel kale oo dunida ah, anagu halkanaanu joogaynaa waxaananu diirada ku haynaynaa toddoba dal, waxaanu sii wadanaynaa, ururinta, baadhista iyo meel waloo ah bartilmaameed muhiim ah, si aanu uga guulaysano filashada argagixisada ee ah in haddii ay arrin kale mel ka dhacdo in xagaa loo jeedsanayo, waa in ay ogaadeen in aan ciidamadan meel kale loo jahaynaynin."
Toddobada dal ee bartilmaameedka u ah ciidamada uu taliyaha ka yahay jeneral John Sattler waxay kal yihiin; Yemen, Kenya, Djibouti, Eritrea iyo Sudan.
Dalka Sudan wuxuu weli isagu ugu jiraa diiwaanka Maraykanka dalal gacan-saar la leh argagixisada, Soomaaliyana m a leh dawlad dhexe oo muuqata, marka laga reebo labadaa dal, dalalka kale waxay qayb ka yihiin, isbahaysiga dhowaan la sameeyay ee la dagaalanka argagixisada ee gobolka Geeska Afrika.
Jeneraal Sattler oo lix toddobaad hayay mas’uuliyadda ciidamadaas wuxuu sheegay in uu la kulmay dhammaan taliyeyaasha ciidamada gobolka Geeska Afrika, ayna u muujiyeen iskaashi wanaagsan.
Dalka Kiiniya ayaa isagu u muuqda inuuu si weyn u adkaynayo iskaashiga hawlaha adkaynta nabadgelyada ee uu la leeyahay dalka Maraykanka, sababtuna ay tahay Kiiniya oo la kulantay laba weerar oo argagixiso, kan horena uu ahaa bamamkii lagu qarxiyay safaaradda Maraykanka ee Nayroobi 1995 iyo qarxintii huteelka ku yaal Mombassa oo labadaba fulintoodii lagu eedeeyay ururka Al-qaacida ee Osama bin Laden.
Iskaashiga fulinta hawlaha ciidamada uu Madaxda ka yahay Jeneral Sattler aya haddaba ka socda gobolka, waxaanay ciidamada Yemen xidh-xidheen 20 qof oo loo haysto inay yihiin kooxaha dalkas ee ku hawlan dilka xubnaha nabad-sugidda ee Yemen iyo dad u dhashay waddamada reer Galbeedka.
Jeneral Sattler waxa laga soo xigtay inuu sheegay in hawsha loo xil-saaray ay tahay mid qaadan karta sannado.
Top
Wiilka Curad Ee Sadam Xuseen Oo Khatar Uga Digay Maraykanka |
Baqdaad (REUTERS) - Wiilka curad ee uu dhalay madaxweynaha Ciraaq Sadaam Xuseen oo la yidhaa Uday ayaa Maraykanka uga digay khasaare weyn oo ka ballaadhan kii 11kii September, in uu soo gaadhi doono haddii ay xoog militeri ku weerarto dalka Ciraaq.
Hadalka digniinta ah wuxuu Uday Sadaam Xuseen ka sii daayay toddobaadkii hore Idaacadda la iska arko ee Al-Shababb oo ah TV uu isagu leeyahay, ina Sadaam isagoo arrintaa ka hadlaya waxa hadalladiisa ka mid ahaa oo uu yidhi; "Waxaa u wanaagsan iyaga (Maraykanka) in ay faraha naga qaadaan oo ayna soo faragelin Ciraaq, sababtoo ah haddii ay halkan yimaadaan waxay ooyi doonaan oohin ka badan tii ay ooyeen 11kii September, oo taa hore ay saleelo noqon doonto. Dhib weyn oo aan la qiyaasi karin oo ay mas’uuliyadooda iyagu leeyihiin ayay la kulmi doonaan."
Uday Sadaam wuxuu kale oo u hadalkiisa ku qoray jariirad uu isagu leeyahay oo la yidhaa (Babal Daily), waxaanu hadalkiisa raaciyay in uu Maraykanku ku guul-darraystay inuu Xukunka ka tuuro Ciraaq (Aabihii Sadaam).
Uday waxaa kale oo uu ku tilmaamay wararkaa uu siiyay warbaahintaa uu isagu leeyahay in Maraykanku uu lib weyn kaga heli karo Ciraaq dhinaca wadahadallada mark la barbardhigo natiijada ka soo bixi karta dagaal uu ku soo galo Maraykanku dalka Ciraaq.
Isaga oo ka hadlaya Uday Sadaam, natiijada ka soo bixi doonta warbixinta ay 27-ka bishan soo bandhigi doonaan kormeerayaasha hubka helista ah ee Q. Midoobay u dirtay Ciraaq, wuxuu ka yidhi; "Baadhayaashu waxba ka heli maayan Ciraaq, waxaanay sheegi doonaan in aan Ciraaq haysan hub halis ah, ma sheegayno been, waxaanu sheegnay runta, ma haysano hubka lanagu sheegay inaanu haysano."
Maamulka Maraykanka ee Madaxweyne George W. Bush, oo cudud xoog ciidan ku ururiyay Gacanku wuxuu sheegay in warbixinta kormeereyaasha hubka ee 27-ka bishani ay tahay maalin muhiimad weyn leh marka laga hadlayo arinta Ciraaq.
Top
Dhexdhexaadiyaha
shirka somaliya ee Eldoret |
Nayrobi (W.Wararka) - Dhexdhexaadiyaha shirka ururada Somaliya uga socda magaalada Eldoret ee dalka Kenya ayaa beeniyay war u weriyaha BBC-da ee Xasan Bariise uu u diray idaacadda BBC-da qaybteeda Af-somaliga oo ka baxay galabnimadii Jimcihii, warkaas oo lagu xusay in shirka Eldoret uu oggolaaday soo jeedin ah in somaliland ay ka soo qaybgasho wadahadalladaas.
Afhayeen u hadlay wasiirka arrimaha dibedda ee somaliland habeenimadii Sabtidu ayaa laga soo xigtay in Belhwel Kiplagat uu cadeeyay in qaybta warkaa Xasan Bariise ee ka hadashay arrintaas ay tahay war aan waxba ka jirin.
Dawladda iyo dadka reer somaliland ayaa si joogto ah u cadeeyay in dalkoodu uu yahay qaran madax-bannaan oo aan shaqo ku lahayn shirka Eldoret.
Ninka ka socda maamulka Majeerteeniya Kornayl C/laahi Yuusuf ee shirkaas ka qaybgalaya Eldoret aya malmihii ugu dambeeyay faafinayay hadalkaa uu beeniyay Bethwel Kiplagat oo ah ninka haya mas’uuliyadda dhexdhexaadinta kooxaha Somaliya ee ku shirsan Eldoret.
Top
Ninkii Sakaaradu Dhaaftow Tan Dambeba
Sida laga wada warqabo waxaa beryhan dambe caado noqotay in ay bulshaweynta reer Saaxil 90% ay dhaliilo u soo jeedin jireen dhamaan maayaradii soo maray deegaanka Saaxil, kuna eedayn jireen wax qabad la’aan.
"Ninkii saraakadu dhaaftay, wuxuu saaxiibkii ku yidhi tan dambeba" haddaba maxaa maanta la gudboon bulshawaynta reer Saaxil, maadaama laga soo guuray maayarkii ay dawladdu magacaabi jirtay, ee la yidhi bulshooy magacaabo cidiii aad maayar ka dhigan lahayd.
Marka labaad waxaan leeyahay waxa xusid mudan haddii qiil sharci loo helayo in duq loo magacaabo ninka hadda labada jago sida ku meel gaadhka u haya, ninkaasi oo mudadii yarayd ee uu maamulka hayay muujiyay wax qabad hagar la’aaan ah, hawlkarnimo dheeraad ah, dedaal daacadnimo iyo dabacsanaan dadweynaha raali galiya.
Ra’yi ahaan waxaan qabaa marka laga eego iftiinka firidhka ka soo duulaaya habka iyo maamulka waxqabadkiisa iyo deg dega dhamaystirka baaxadda mashaariicda uu ka fuliyay gobolka muddadii yarayd ee uu maamulka hayay, waxay noqdeen kuwo dadweynaha si fiican u raali galiyay, buuga taariikhda galay.
Marka sadexaad haddii maayaradii hore ee deegaanka soo maray mid ka mida loo dooranayo hadda duqa magaalada Berbera, ra’yi ahaan waxaan odhan lahaa ha loo eego sida ay u kala wax qabad badnaayeen, waana sida xaqsoorku ku jiro, maadaama wax qabad kasta maanta laga daawanaayo buuga taariikhdana.
Marka afraad haddii maayar cusub loo dooranayo degmada Berbera, oo uu waliba ka soo baxaayo xisbiga UUDUB hadii eebe idmo ra’yi ahaan waxaan odhan lahaa ha loo doorto mayar X. Nuur C/laahi Beegsi, oo badhe u ah bahweynta wada oolka deegaanka Saaxil, ninkaas oo in ka badan 40 sano danyarta Saaxil soo daadihinayay, sida ku cad buuga taariikhda ummadda. Sida la wada sugayo ninka keli ah ee cilmiga dhaqaalaha uga aqoon badan jaamici kasta oo cilmiga dhaqaalaha ku takhasusay, sababta oo ah dakhliga maalin kasta soo gala ee aan shilinna dhaafin wuxuu ka badan yahay dakhliga soo gala hay’adaha dawliga ah ee gobolka Saaxil, waa nin aan gayin damac iyo duudsi-ga hantida ummadda.
Bulshada reer Berberaay maah maah soomaaliyeed baa tidhaahda marka laga hadlayo dhaqaalaha qoyska Nin ku dhali kara ayaa ku dhaqi kara.
Haddaba bulshooy u hubso doorashada duqa degmada Berbera, si aanad goor dhaw tawaawac iyo tabasho bulshada ugula dhex meeraysan, balse aniga waa iga ra’yi.
Xasan Cismaan
Berbera
Top
Kumaa darajadaa gaya kuma daajin kara qaran, kumaa inanta diibka ah dadab loogu hooyaa.
Ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen erayadii uu abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye uu inooga bil dhaamiyay aragtidiisii qoto dheer mudana in la tixgaliyo si gaarana loo eego.
Waxaan doonayaa inaan u iftiimiyo inanta magaceeda la yidhaahdo Jawaahir C/Samad maqaal ay ku soo qortay Jamhuuriya cadadkiisii 1925 soona baxay salaasa January 2003, cinwaankiisu ahaa mar xalad kasta waxay leedahay ninkeeda waxaan ku odhan lahaa Jawaahireey waxaad tahay gabadh masraxa siyaasadda iyo saxaafadaba dhawaan aad wax ugu soo qorta run ahaantiina marka aad maqaal qoraysid ama cid aad wax ka sheegayso waxa aad u qurux badan inaad dhinac walba aad ka eegno dhabtana ka hadasho.
Haddi aan daaqad kaaga furo sooyaalka taariikheed ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah ruug cadaa siyaasi weyn ah xaq ayaanu u leeyahay in la doorto.
Waa halyaygii hal doorka u ahaa halgankii qadhaadhaa ee dalkan midhihiisa aynu guraynayno, carabtuna waxay ku maah maahdaa (Man saraca xasada) ninkii beera ayuunbaa goosta waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii nidaamkii maamul iyo nabadaynta beelaha Somaliland.
Waxa uu dhawrsanaan iyo sumcad siyaasadeed ku dhex joogay dalkan Somaliland isaga oo habeena aan u mana sheegan wuxuu soo ahaa.
Wuxuuu dhidibada u taagay wasaaradda maaliyada Somaliland waqtigii uu ahaa wasiirka maaliyadda.
Isla waqtigaana waxa uu xakameeyay sixir bararkii Somaliland. Khibradiisa wax qabad iyo dabeecadiisa qofnimo ee saraysa iyo waliba amaahdii badnayd ee uu u galay dalkan dartiis ayaa xaq u yeeshay in la doorto.
Waxaanan ku soo gunaanadayaa naftii hamadii hubsiimo u heego dhacdaa hantaaqooyin gaadha waa u halis.
Ifraax Cabdi Cali
Tog-Wajaale
Top
Waxaan Aan In Badan Sugayay Baan Helay |
Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa wasaaradda caafimaadka iyo shaqada, taasoo soo saartay qorshe ku saabsan xuquuqda shaqaalaha aan dawliga ahayn ee u shaqeeya shacbiga, ganacsatada ah iyo hay’adaha.
Haddaba markaan raadiyowga ka maqlay 12/01/2003 waxa niyadayda soo gashay yididiilo shaqo amba nololeed oo hore iiga maqnayd. Haddaba anigu waxaan ahay dadka xoogsatada ah ee u shaqeeya dadka ganacsatada ah muddo dheerna la soo shaqeeyay meelo kala duwan.
Haddana waxaa iga maqnaa xuquuqdayda oo meelna kama qaadan xuquuq aan ku lahaa imaysiin ana maan waydiinsan oo waxaan arkayay in xaqayga la duudsiyayo oon waxba la ii ogolayn markaa mar haddii Ilaahay noo soo saaray xaqayagii aasnaa muddada dheer waa Ilahay mahadii ee waxaan ku baraarujinayaa shaqaalaha xaqoodu maqnaa in ay ka faa’iidaystaan fursadda qaaliga ah oo ay goostaan waxa ay waajib u leeyihiin.
Wasaaraddana waxan kula talinayaa inay fuliso qorshaha shaqo ee ay soo bandhigtay, waana hawl aad iyo aad u adag ee haka soo baxdo hawsha.
Waxa kale oo jira in shaqaalaha u shaqeeya ganacsatada inaanay wax aqoon ah u lahayn xeerarka shaqada iyo waxa ay xuquuq u leeyihiin waxaanay u badanyihiin qaraabo iyo ehel walaal, adeer, aabo markaa waxa lagu jabsadaa anaa magaalada ku soo galiyay oo ku xanaanayn jiray.
Markaa indhaha ayaa loo casaynayaa hadday isyidhaahdaan dulmiga ka baxa markaa dadka maal qabeenka ahi waxay ka faa’iidaysanayaan baahida qofka u shaqeeya shaqaduna waxa weeyaan habeen iyo maalin aan rawaxaad lahayn iyo sidaa ku shaqeeya amaba isku tag weeyi.
Cali Axmed Gaas
Hargeysa
Top
Madaxweynaha aynu u Baahanahay Waa Noocee? |
Waa dood furan oo jawaabta laga sugayo dadweynaha.
Haddaba si aynu u helno jawaab sax ah, isla markaana aynu uga gudubno cayda dhexmarta dadweynaha taageerayaasha ah, kuwao badan oo xukuumada iyo axsaabta nasteex isaga dhiga ayagoon adeegsanayn afkaartii saxa ahayd aynu helo su’aasha sare jawaabteed inagoon cidna ku xad gudbin, hase yeeshee waxaynu ku dooranaynaa xukuumad qaab beeleed.
Waxaynu ku xigsiinay distoor xiligii noloshii Cigaal, dabayaaqadii ayay ka dhamaatay meherkii u hayay ayadoo muddo hore uu siyaabo kala gadisan ku soo fuulay waxay noqotay dalqadii doorashada weeyaan inaan nahay qabanayn waayo may jirin nabadgelyo xumo, si aan sharci ahayn ayay ugu guri galiyeen golaha guurtidu. Markii uu dhintay waxa si distooriya lagu saaray mudane Rayaale, waxaynu galay tartan soo maray sagaal urur ayagoo qarash garoobay dawladu sharciyaysay cashuur ka qaaday taasoo oo ay caalamku inoo bogay markaynu samaysanay golayaasha deegaanka iyo sifaha nabad gelyo ee ay dhacday. Saddexdii xisbi ee geedi socodka ahaana way samaysmeen sifahay doonaan ha ku samaysmeene.
Iyadoo distoorkii uu ku fuulay Rayaale sife sharciya ku timid ee uu leeyahay waxa bedeli kara dawlad sife sharciya ku timid. Saddex xisbi oo tartamaya ay u wada geed fadhiyaan ururadii kalena ay gar sitaan ilayn nin gar yidhi ma tacadisane.
Gudiga doorashooyinka mooyaane yaa xili sheegay kaas oo ay ka soo dhexbaxday muddo dawlad la’aan ahi, golaha Guurtida ayagoo dan gaara ka leh ayay muddadii yidhaahdeen ku qabso ku qadi mayside.
Waxa markaa taalay inay saddexda xisbi yidhaahdaan muddadaa waxa wada haysanaya Waxa ka soo yeedhay waxaanu uu u kordhinay xisbiga UDUB hadday u dhiibaan UCID ma KULMIYE, UDUB sharci ama arki lahayd jawaabtu waa maya waxa halkaa ka dhacay xeer iyo distoor jabin odayaashii nabada loo igmaday sameeyeen, oo ay macnaheedu yahay si ku ololaynta awoodaha qaranka iyo UDUB aan hanaan u kala dhexmarin. Golihii sharciga qaabilsanaa ee ay ahayd inuu ilaaliyo xeerarka iyo distoorka horta distoorkii muu qabyo tirin. Waxa meel walba kaga taal xeer baa qeexaya wixii ka soo baxaya waxay noqdeen kumaynu tashan in Isaaq talada wadanka hayo oo mudane Jirde muxuu uga hadli waaya distoorkii aynu ku tashanay intii qabyada ah inta la jabiyay? Ta kale waxaad arkaysaa gardarada iyadoo hiil badan oo qaradle ah helaysa. Ta kale dadka yaan la tuurin waxay ku hadlaan waayo waxaad arkaysaa in xukuumada ku dhilaya in xaq siinaysa kiiba maaha. Maxkamaduhu wixii gar ahaa ee ururada hadhay la yimaadeen ayaguna hadhkay uga dhaceen, ka jidqaadasha la’aantuna waxay keentaa Labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE miyay u badheedhi karaan doorasho.
Haddaanay afar arrimood iska hubin dadka ku taageersani ma ka badan yihiin kuwa taageersanaa ururada kale sifaha lagula tartamayaa ma yahay mid sharciya hadaa waxaa sharci u leedihiin ka habrataan ma guulaysanaysaan cida idiin garsoorka ahi ma tahay cidaan eexan,
Cabdi Salaan Caara Dhuub
Hargeysa
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 62aad
Mingistu: Qolyaha soo hadhay waxay ahaayeen kuwa aaminsan fekrado qaran oo diidan kala qaybsanaanta qabaa’ilka iyo degaamada yar yar, hab-dhaqankooduna wuxuu ahaa ama ay lahaayeen waa in la helo kacaan iyo isbedel ilaa gunta ah, sidaa darteed maadaama ay aaminsanaayeen in la bedelo maamulkii jiray ee isku dul-noolaanshaha ku dhisnaa, taas oo ay inta u saraysaa wuxuun qabsato, markaa maadaama uu fekerkoodu sidaa ahaa waxa loo baahnaa in sida ay siyaasaddu tahay iyo habka ciidanku u dhisan yahay ay fahmaan, isla markaana ay dhinaca kalena ardayda ka dhaadhiciyaan fekradaha caynkaas ah, sidaa darteed fekradahaa kala duwan marka dhinac xisbi ahaan loo shaandheeyo waxay u kala soocmayeen IHABA iyo MA’ISO.
Ardayda waxa qorshuhu ahaa inta soo hadhay in guud ahaan uu kacaanka Itoobiya isu wada geeyo oo loo sameeyo xisbi keliya oo hogaamiya, isla markaana loolanka siyaasadeed ee lagu jiro si talaabo talaabo ah loo wado, sidoo kalena ilaa inta uu tubta qabsanayo aan la soo qadimin su’aalaha muhimka ah, waayo su’aalaha ah in bulshada la maqan shiiyo su’aalaha ah qaar baa doonaya inay goostaan iyo qaar kale oo doonaya inay dalka kala firdhiyaan taasi garab ayey u tahay ayey dooddu ahayd, markaa yaan la soo qaadin su’aalaha caynkaas ah, waayo dadweynuhu arintaa way ka soo horjeedeen. Laakiin xiligaa Yurub iyo Maraynkankaba waxa ka jiray dhaqdhaqaaqyo ay ardaydu wadeen, basle ka mawqif duwanaa kaayaga, wuxuuse u ekaa sida labadan xisbi.
Dadkii kalena mid waliba intii uu awoodi karayey waxa uu sameeyey dhaqdhaqaaq, iyadoo uu mid waliba intii karaankiisa ah xisbi lagu tilmaamay ama urur bulsho, taas oo ay qolo waliba samaysatay wax aan habaysnayn oo aan ajande iyo barnaamij lahayn. Tusaale ahaan waxa la noqday koox sida Oromada, Tigreega iyo Amxaarada, Canfar, Herari, Adari, Gondar iyo goojam ayaa loo kala qayb qaybiyey, taas oo ay qolo waliba ama urur waliba dhiniciisa doonayey inuu ka soo baxo, taasina waxay si cad u muujinaysay sida uu mustaqbalka dalku ku dambaynayo, iyadoo ay taasi muujinaysay halis inuu dalku noqon doono., Laakiin ubixii kacaanku markii uu soo dil-dilaacayey talaabooyinkii waaweynaa ee aanu qaadnay waxa ka mid ahaa sii daynta maxaabiista arimaha dhinaca siyaasadda u xidhxidhan iyo inay dadka dalkoodii hooyo debedaha iyo qaxootinimada uga firxaday dib ugu soo laabtaan, iyaga oo aan cidna ka cabsanayn. Sidoo kale waxaanu iyadana bilownay in hadii uu kacaanku taaba qaado inaanu wax qabano...
La soco cadadka dambe
Top
Daymada Daryeelka Deegaanka |
Cumar D. Cumar
Magaalooyinka ayaa ah goobo si joogto ah hoy ugu noqday tiro farabadan oo dad ah, kuwaas oo deggenaanshahoodu uu keenay in ay u baahdaan qaab nadaafadeed laga hawlgalo sidii loo dhawri lahaa nadaafadda deegaanka magaalada. Arrintan oo lagama maarmaan u ah caafimaad ku noolaanshaha dadka ku nool, ka hortagga dilaacista cudurada faafa ee halista ah iyo wanaajinta bilicda magaalooyinka, guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa, Boorama, Burco, Gebilay, L/Caanood, Berbera, Ceerigaabo iyo magaalooyin kale oo ku yaala somaliland oo si deg-deg ah ay degaamyntoodu u kordhayso waxay u baahan yihiin qaab nadaafadeed kor loogu qaadayo nadaafadda magaalooyinka oo inkasta oo ay jiraan hawlo loogu talogalay nadaafdda haddana waxa muuqata in aad arkayso qashin tuulan meel ka mid ah magaalada oo ay ka dhasheen xasharaad iyo ur astaan u ah goob ay ka jirto nadaafad-xumo.
Inkasta oo qashinka lagu ururiyo meel la yaqaan weel ay D/Hoose dhigtay, haddana weelkaas oo meesha ku raaga ayaa keena in uu buux-dhaafo iyo inay dadka qarkii ku shubaan meel ku dhow weelkaa qashinka, halkaas waxaa ka abuuranta nadaafad-darro, hawsha nadaafadda oo inta badan ka mid ah hawlaha ay u xil-saarantahay D/Hoose oo magaalooyinku waa arrin qayb weyn ka qaadata nadaafaddu qiimaynta magaalooyinka iyo soo jiidashada ganacsiga, waxay iyana nadaafadda wanaagsani qayb ka tahay soo jiidashada dalxiiska, marka la eego golayaasha cusub ee hadda loo doortay deegaanka oo ay dadku codkooda siiyeen, waxaa ka mid ah hawlaha u yaal kor u qaadista nadaafadda magaalooyinka, waxaana loo baahan yahay in la helo qaab nadaafadeed aan fursad u siinayn in ay abuurmaan, magaalooyinka dhexdooda goobo ay gudaafaddu tuulan tahy oo keeni kara ama keenaba in ay ka dhashaan waxyaalo halis gelin karta caafimaadka dadka ku nool magaalooyinka, waxaa iyana loo baahan yahay in wacyigelin ku haboon oo sameeyo guud ahaan dadweynaha ku nool magaalooyinka faa’iidada ay leedahay kor u qaadista iyo ilaalinta naafaddu, dugsiyada wax lagu barto ayaa iyaguna u baahan in da’yarta wax ku barata loogu daro waxbarashada casharo ka hadlaya nadaafadda si ay uga mid noqoto dhaqan nolol maalmeedkooda, guud ahaan haweenka oo gacanta ku haya hawlah qoysaska ayaa iyaguna u bbaahn in si gaar ah loo siiyo barnaamijyo waxtar u yeelan kara nadaafadda, marka la eego tiro farabadan oo ah qoysas ku soo krodhaya nolosha magaalooyinka, kuwaas oo abuura xaafadda dasooyin iyo guryo cooshado ah oo aan lahayn suuliyo ayaa iyaguna qayb ka ah nadaafad-xumada ka jirta magaalooyinka Somaliland.
Guud ahaan D/Hoose ee magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan maamulada hadda loo dooranayo mas’uuliyadda maamul ee D/Hoose waxa hortaala in ay wax weyn u qabtaan kor-u-qaadida nadaafadda magaalooyinka ay ku nool yihiin dadkii codkooda siiyay.
Hawlaha kor u qaadida nadaafadda ayaa u muqda kuwo aan u baahnayn olole maalmo lagu qaado iyo shaqo duleed, laakiin adeega nadaafadda magaalooyinku wuxuu u baahan yahay qaabka loo yaqaan (Door to door) ee albaabka guriga laga qaado gudaafadda, iyada oo la geynayo meel ku habboon oo lagu gubo ama lagu yareeyo waxyeelada ay u keeni lahayd nadaafadda dadka qaabkan lagu ilaalinayo nadaafaddu xataa wuxuu faa’iido weyn u yeelanayaa xoolaha iyo ilaalinta deegaanka marka la xakameeyo bacda meel walba daadsan, caagaga iyo quraaradaha iyo waxyaabo kiimiko ah oo si khaldan ug faaf deegaanka, waxaa la odhan karaa nadaafadda magaalooyinka somaliland ha u quruxbadnaato sida ay u qurux badan yihiin xafiisyada mas’uuliyiinta D/Hoose ee magaalooyinkaasi Hargeysa, Berbera, Gebilay, Burco, Boorama iyo kuwa la midka ah.
Top
Xuska Koobka Cumar (Boot-Booto)
Hargeysa (Haatuf) Koob boroor diiq ah oo ay ka qayb gali doonaan kooxaha heerka saddexaad ee magaalada Hargeysa oo loogu baroor diiqayo alla ha u naxariistee Cumar Aaden Qalinle oo ahaan jiray tababarihii kooxda Hargeysa aadna loogu qadirin jiray dhiiri galin uu siin jiray dhalinyarada ciyaaraha ee Hargeysa ayaa lagu qaban doona garoonka kubadda cagta ee Gacmo dheere ee magaalada Hargeysa.
Koobkaas oo loogu magac daray xuska koobka Cumar Boot-booto ayaa bilaabmaya garoonkaas 2/2/03.
Koobkaas oo lagu bixin doono abaal marino ay ka mid yihiin akhlaaq wanaaga, gool badnida, iwm, Qaban qaabiyayaasha koobkan oo xalay na soo gaadhsiiyay qoraal ay ku qorantahay shuruudaha laga doonayo kooxaha ka qayb galaya waxay ku sheegeen shuruudahan soo socda:
-
Waa in ay koox kastaa lahaataa dirays dhamaystiran.
-
Waa in uu naadigu ahaadaa naadi heerka saddexaad ah
-
Looma ogola ciyaartoy ah kooxaha heerka labaad.
-
Waa in ay koox kastaa wadataa Coach/Gudoomiye.
-
garsoorayaasha koobka waxa la hadli kara kabtanka
-
Haddii kooxda oo dhami la hadlaan isla goobtaa ayaa dhibcaha laga wareejin doono
-
Ciyaartoyga la siiyo kaadh cas kooxda waxa uu dibada ka ahaan doonaa laba ciyaarood
-
Ciyaartoyga kaadh cas la siiyo ee la yimaada qaylo iyo buuq kooxdiisuna ay ku raacdo
taasna waxa lagag qaadayaa dhibcaha
-
Kooxda ka baxda ciyaarta oo socota iyana dhibcaha ayaa laga wareejin doonaa
-
Waa in Kooxdu maalinta ay ciyaarayso waqtiga la qabto waa in ay ku timaadaa haddii ay ku iman waydo waa lagu laagan doonaa
-
Waa in hadalka koox kastaa ay noqdaan afar ciyaartoy oo qudha haddii kooxda lagu qabto qof dheeraada dhibcaha ayaa laga wareejinayaa.
Top
Rivaldo Oo Doonaya In Uu Dalkiisa Brazil U Ciyaaro Koobka Adduunka Ee 2006 |
Ciyaaryahanka reer Brazil ee ka ciyaara khadka dhexe ciyaarta kubadda cagta Rivaldo ayaa sheegay in uu sii wadayo u ciyaarista kooxda Qaranka ee dalkiisa Brazil iyo in uu doonayo inuu u safto dalkiisa ciyaaraha koobka adduunka ee 2006, ee ka dhici doona Jarmalka. Rivaldo isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu sheegay in da’diisu ay tahay 30-jir oo uu weli wax badan u qaban karo kooxda (Selecao) oo ah kooxda Qaranka ee Brazil.
Rivaldo isagoo u warramayay jariirada uu saldhigeedu yahay magaalada Sao Paulo ee (Jaurnal da Tarda), waxaa ka mid ahaa hadaladiisii; "Waan ogahay in ay ciyaartoy cusubi ay ka soo baxeen Brazil, laakiin anigu weli hawlgab ma ahi, waan ciyaari doonaa mar walba oo uu I soo xulo tabobare Carlos Alberto Parreira, haddii uu go’aansado inaanu aniga I soo xulin inta ay socdaan ciyaaraha is-reebreebka koobka adduunku, oo uu so oxusho qof kale, waan fahmayaa; haddii aan heerkayga halka ku hayn karo (kooxda Milan). Haddii uu tabobare Parreira uu daneynayo waan joogi karaa, waxaan doonayaa in aan soo af-jaro wararka sheegaya in aan doonayn inaan u ciyaaro kooxda Qaranka ee Brazil mar dambe."
Rivaldo wuxuu si aad u wanaagsan u ciyaaray ciyaarihii koobka adduunka ee 2002 ee ka dhacay Korea iyo Japan, waxaanu kaalinta labaad ka galay gool-dhalinta oo uu ku dhammaystay ciyaarahaa 5 gool.
Rivaldo wuxuu ka helay kalsooni tabobarihii hore ee kooxda Brazil Luis Felipe Scolari oo u cadeeyay markii la xulayay ciyaartoyga kooxda Qaranka ee Brazil u safanaysay koobkii adduunka ee 2002.
Sannadkii 2001, Rivaldo waxaa ka reebay xulka Brazil tabobarihii waqtigaa ee xulka Qaranka ee Brazil Emerson Leao, waxaase dib loogu yeedhay Rivaldo markii uu tabobaraha noqday Scolari.
Brazil waxaa saamaynaya xeerka cusub ee FIFA oo aany si toos ah u iman doonin ka qaybgalka koobka adduunka ee 2006 ee Jarmalka, haddii aanay Brazil ka soo bixin is-reebrebka ciyaaraha Latin America. Hubanti ma aha Brazil inay horyaalnimada kubadda cagta ee adduunka ee ay ku guulaysatay sannadkii 2002 33 ay hadda haysato inay toos uga qaybgasho tartanka koobka adduunka sidii hore. Waxay Brazil bilaabaysaa ka qaybgalka is-reebreebka koobka adduunka ee dalalka Latin America oo bilaabmaya bisha August ee sanadkan.
Rivaldo oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi; "Tartanada is-reebreebku mar walba waa kuwo ku adag ciyaartoygayaga ka ciyaara Yurub. Waa in aanu galnaa safar dheer, waxaa lanaga filayaa inaanu si wanaagsan u ciyaarno, waxaan rajaynayaa in taageerayaasha iyo warbaahintu ay noo samraan haddii aanaan ciyaar wanaagsan muujin."
Top
Bayern Munich Oo Hoggaaminaysa Tartanka Kooxaha Jarmalka |
by Simon Hooper
Ciyaaraha kooxaha kubadda cagta ee Jarmalka heerka Serie ‘A’ ee loo yaqaan Bundesliga aya dib u bilaabmaya maanta, kadib markii ay kooxuhu ka soo noqdeen nasashadii xilliga jiilaalka. Waxaa ilaa hadda hoggaaminaysa oo ugu saraysa liiska kala horaynta kooxaha Jarmalka kooxda Bayern Munich oo aan la kulmin caabi farabadan.
Waxaase dadka ciyaaraha indha-indheeyaa ay sheegeen in tartankan Bundesliga ee Jarmalku uu xilligan ahaa mid aan raaligelin taageerayaasha iyo dadka xiiseeya ciyaaraha kubadda cagta marka la barbar dhigo tartanka La Liga ee Spain, Premier League ee Ingiriiska, sida uu hadda u socda waxay u muuqataa in Bayern Munich oo inta badan ah kooxda calanka u sida kooxaha kubadda cagta ee Jarmalka in ay si aan cidhiidhi lahayn u qaadan doonto horyaalnimadeedii 16naad ee ay ku guulaysato kooxdan u tabobaro Ottmar Hitzfeild, laakiin taageerayaasha kooxdani waxay qaadan waayeen markii ay siday rumaysnaayeen ay u dhici-weyday guushii ay ka filayaan in kooxdoodu ay ku guulaysato taajka kubadda ee heerka Yurub kiisii 50aad.
Michael Ballack iyo Ze Roberto oo dhowaan heshiisyo la saxeexday Bayern Munich ayaan muujin sidii laga filayay, waxaan isaguna kubadda laadin Sebestian Diesler oo khadka dhexe ka ciyaara oo lagala soo wareegay dhinaca kooxda Hertha Berlin.
Madaxa naadiga B. Munich Franz Beckenbauer ayaa isna tilmaamy in Michael Ballack laga doonayo inuu xoojiyo qaab-ciyaareeedkiisa.
Top
|