"Shirka Madasha Oog Waxa Weeyi Shir Nabadeed, Mana Jirto Guddi Joogta Hargeysa Oo Beeshu Wakiilato"
"Cadaalad-Darro Maanu Arag, Laakiin Tuhun Aan La Difaaci Karin Ayaa Soo Baxay"
Carruurta Soomaalida Ee Dhaqan-Celinta Loo Keeno Dalkooda Oo Dhibaato La Kulanta
Isku Deyga Qabashada Madaxii Kooxdii Tagtay Garoowe (Muuse Madoobe), Hawl-Galkii Iyo Waxyeeladii Dadka Ka Soo Gaadhay
Ma Run Baa Kiishada Dawladdu Way Madhan Tahay?
Waxa Gidaarka Madaxa Ula Dhacay Nin
Ka Qara-Weyn
Qaxooti Somaliyeed Oo Deggenaa Denmark Oo La Baadi-Goobayo Halkay Ku DAmbeeyeen
Xisbiga Ariel Sharon Oo Ku Guulaystay Doorashooyinkii Israa’iil
Afhayeenka Dawladda Maraykanka Oo Sheegay In Weerarka Ciraaq Lagu Qaadayo Aan Amar Looga Baahnayn Golaha Ammaanka
Agaasimaha Baanka Ganacsiga Ee Kiiniya Oo Mushaharkiisu Ka Badan Yahay Ka Madaxweyne Bush
IRMAANTA SUUGAANTA
Cali Duul-Duul Iyo Suugaantiisa Casriga Ah
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
Yaabka Dunida Maxaad Ka Ogtahay
ODHAAHDA AKHRISTAHA
Muuqaalkii Gabiley Madigaan Laga Waaye, Maxaa Keenay Maqnaanshaha?
WAADIGA CIYAARAHA
Joseph Yobo Oo Heshiis La Galaya Everton
Van Gaal Oo Markii Labaad Laga Eryey Barcelona
Masar Oo Ku Guulaysatay Koobkii
Dhallinyarada Afrika |
|
"Shirka Madasha Oog Waxa Weeyi Shir Nabadeed, Mana Jirto Guddi Joogta Hargeysa Oo Beeshu Wakiilato"
|
Cabdi Saxardiid Askar - Gudoomiye K/xigeenka Guddida Shaqaalaha ee S/L
Hargeysa (Haatuf): Gudoomiye K/xigeenka Guddiga Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, Cabdi Saxardiid Askar oo dhawaan ka soo noqday magaalada Oog ee Bariga Somaliland, ayaa wargeyska Haatuf shalay wareysi kala yeeshay Madal shir ah oo beesha Sacad Yoonis uga furmay 9-kii bishan January Oog, waxaanu yidhi Cabdi Saxardiid oo arrintaa ka waramayay; "Sagaalkii bishan ayuu shir ballaadhani uga bilaabmay beesha Sacad Yoonis magaalada Oog, shirkaas madasha Oog oo weli socda, loona qorsheeyay inuu socdo in mudo ah, laguna lafa gurayo sidii beeshu qaab nabadeed ugu dhammaystiri lahayd xurguftii dhexmartay beesha iyo beesha Jaamac Siyaad ee Dhulbahante, iyadoo arrintaa madasha lagu gorfeynayaa ay soo taxnayd muddo lix bilood ah, isagoo kulankani dhammaystiri doona go’aano ay hore isula qaateen labada beelood oo ahaa in ay ku dhammaystaan weji nabadeed. Madashaasi kuma koobna wada xaajoodkaa oo keliya ee beeshu waxa kale oo ay ku xoojinaysaa nabad ku wada noolaashaha beelaha deriska ah iyo guud ahaanba nabadgelyada Somaliland."
Cabdi Saxardiid, waxa uu sheegay in ay madashaa shirka nabadeynta ee Oog ay ku sugan yihiin ergooyin gaadhaya ilaa 100 ergo oo ka kala yimid gobollada Sanaag iyo Sool ee ay beeshu degto. Waxa kale oo uu sheegay Cabdi Saxardiid in qodobada kale ee shirkaas lagu lafa guri doono intuu socdo, tabashooyin ka dhexeeya beesha iyo beesha kale ee ay isku deegaanka yihiin ee reer Yoonis (Habar jeclo).
Isagoo Cabdi Saxardiid Askar ka waramaya qaabka loo hagayo shirkaa, waxa uu yidhi, "Madashaa oo ah shir nabadeed, si loo gaadho natiijooyinka nabadeynta ee beeshu ka filayso in ay ka soo baxaan shirkaas awgeed, waxaa hogaaminaya madax dhaqameedyo, waxaana laga ilaaliyay xubnaha ka tirsan beesha Sacad Yoonis ee hore ugu suntanaa Siyaasadda, mana jirto gudi joogta Hargeysa oo beeshu wakiilatay, taladuna waxay gacanta ugu jirtaa shirgudoonka shirka madasha Oog ee ku sugan halkaa."
Cabdi Saxardiid Askar, Gudoomiye Ku-xigeeka Guddiga Shaqaalaha Dawladdu, wuxuu ku tagay Oog isaga iyo odayaal kale oo ka tirsan beeshaas, kadib markii martiqaad looga soo diray kulankaas ka socda Oog, waxaanu ku soo noqday Hargeysa dhawaan. Isagoo Cabdi Saxardiid Askar ka jawaabaya xidhiidhka ka dhexeeeya beeshaa shirku uga socdo Oog iyo xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu yidhi: "Wada shaqaynta Beesha iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Rayaale, aad buu u wanaagsan yahay iskaashigoodu, horena wuxuu Madaxweynuhu u qaabilay wefti balaadhan oo ay hogaaminayaan Madax dhaqmeedyada beeshu oo Hargeysa booqasho ku yimid hadda ka hor, kulamadii ay la yeesheen Madaxweynaha iyo dawladdaba waxay ku dhammaadeen jawi aad u wanaagsan iyo wada shaqayn."
Isagoo Cabdi Saxardiid ka jawaabaya su’aal ahayd, mar haddii aan hadda xubin ka tirsan beeshu xil ka hayn maamulka Golaha Wasiirada, horena aanay ugu jirin Golayaasha Wakiillada iyo Guurtida xubin ka soo jeeda beeshaasi inuu shirkoodani noqon karo mid mucaaradda, waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi; "Mowqifka beeshu waa mid cad maadaama oo ay beesha hogaankeeda dhaqan iyo Madaxweynaha Somaliland ay hore u kulmeen, isuna afgarteen, waxaa laga filayaa in natiijooyinka ka soo bixi doona shirkaa Oog ay sii xoogeeyaan xidhiidhkaas iyo qodobo dhidibada u adkeeya awooda maamulka Dawladda Somaliland, dhisida ammaanka iyo nabadgelyada Somaliland."
Madasha shirka Oog ka socda shir gudoonkeeda, waxaa ka mid ah:
-
Chief Caaqil Siciid Xasan,
-
Chief Caaqil Yuusuf Cabdi,
-
Eng. Muuse Aw Maxamed,
-
X. C/raxmaan (Cabdi Riwaaye),
-
Ismaaciil Saalax (Indho Muraadyale),
-
Xaaji Ismaaciil Gaane iyo
-
Xaaji Cismaan Cadami.
Top
"Cadaalad-Darro Maanu Arag, Laakiin Tuhun Aan La Difaaci Karin Ayaa Soo Baxay" |
Xaflad Guddiga Doorashooyinku Shahaado Sharaf Ku Bixinayeen
Hargeysa (Haatuf) Xaflad shahaado sharaf lagu gudoonsiinayay urur wadaniya oo ka qayb qaatay hawlihii doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay 15kii December ayaa shalay lagu qabtay xarunta golaha Guurtida.
Xafladaas oo ay soo agaasimeen gudida doorashooyinka qaranka waxa ka qayb galay gudoomiyaha golaha Guurtida sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar, gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, marti sharaf kale iyo xubnaha gudida doorashooyinka qaranka.
Ka hor intii aan shahaado sharafta la gudoonsiin ururka Century Technology Development Organization oo marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaahdo (CTDO) waxa warbixin kooban oo arrintaa la xidhiidha ka bixiyay gudoomiye ku xigeenka gudida dooraashooyinka C/laahi Cabdi X. Cumar (C/laahi Jawaan) wuxuuna sheegay inay munaasibadani tahay mid ay gudi ahaan isla garteen in dhalinyaradan mar haddaanay aduun siin karayn ay siiyeen qoraal ay ku taageerayaan, maadaama ayuu yidhi ay gacan weyn ka gaysteen hawlihii doorashooyinka iyagoo goob kasta kula dhex jiray kamarad, taasoo noqotay mid taariikhi ah oo ka sheekaynaysa doorashooyinka deegaanka ee dalka ka dhacay sidaa awgeed shahaadooyinkii waa waxyaabaha adduunka abaal marinta laysu siiyo, markaa cida ugu horeysa ee shahaadooyinka gudoonsiinaysaa ay shirgudoonada labada gole noqdaan ayuu yidhi.
C/laahi X. Cumar wuxuu sheegay inay jireen dhaliilo iyo cabashooyin farabadan oo ka soo baxay doorashooyinkii, laakiin dadka ay iyagu xusheen ay ahaayeen dad la dhaariyay oo deegaan walba ay dadkii deganaa ka xusheen, iyadoo aanay suurta gelayn in gobol aan ahayn deegaankiisa qofka la geeyo, laakiin isagoo arrintaa cabashooyinka ka hadlaya wuxuu yidhi "anagu waxaanu nidhi tababarka xooga ha la saaro, cadaalad darro ay sameeyeen, maanu arag, laakii tuhun aan la difaaci karayn ayaa ka soo baxay oo la leeyahay iyagaa isu camiray, markaa waxaanu go’aansanay inaanu dhex gayno khaladaadkii aanu samaynay ayay ka mid ahayd, waana inaanu qiranaa."
C/laahi Jawaan waxa uu sheegay wixii khaladaad dhacay inay ahaayeen kuwo dhinaca farsamada ah ee aanay ahayn kuwo loo badheedhay, isla markaana loo baahanyahay in laga taxadiro doorashooyinka dambe oo ah kuwo ka xasaasin kuwii deegaanka, sidaa awgeed wixii khaladaad ah ee dhacay looga faa’iidaysto doorashooyinka dambe ee madaxtooyada.
Intaa ka dib C/laahii Jawaan wuxuu ku soo dhaweeyay Sh. Ibraahim (Gudoomiyaha Guurtida) inuu gudoonsiiyo shahaadada Yuusuf Maxamed Xoore oo ah madaxa ururkaas.
C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde ayaa isaguna erayo talooyin ah u soo jeediyay gudida wuxuuna sheegay in loo baahanyahay wixii khalad ah ee dhacay in looga faa’iidaysto dooorashooyinka dambe oo ah kuwo xasaasi ah, isla markaana u baahan taxadir dheeraada.
Top
Carruurta Soomaalida Ee Dhaqan-Celinta Loo Keeno Dalkooda Oo Dhibaato La Kulanta |
Denmark (Haatuf): Waalidiinta Soomaaliyeed ee Denmark ku dhaqan, ayaa sannad walba qiyaastii 10 carruur ah u dira Soomaaliya, si dhaqan celin loogu soo sameeyo, arrintaasoo keentay in qunsuliyadaha ay Denmark ku leedahay dalalka Afrika ay la kulmaan carruuro badan oo xaalad qallafsan ku sugan, kuwaaso ka codsada in Denmark dib loogu soo celiyo.
Qunsuliyadaha ayaa sheegay inayna caawimaad fiican u fidin karin carruurahaas, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inayna xusuusanin nambaraddoodii diiwaan gelineed ee Denmark (cpr.nr.), baasaboorradoodiina laga qaaday, lagana yaabo in degganaanshahoodii Denmark uu ka dhacay.
"Waddada kaliya ee carruurtaas u bannaan waa iyagoo degganaansho cusub oo madaxbannaan codsada, hase yeeshee waqti dheer ayay qaadataa inta codsiyadooda go’aan lagaga gaadhayo, gaar ahaan intii la adkeeyay sharciga shisheeyaha," sidaas waxa yidhi Erling Brandstrup oo madax xafiiseed ka ah Hay’adda Shisheeyaha ee dalkaas.
Carruurta Soomaaliyeed ee dhaqan-celinta dalkooda loo geynayo, waxay argagax ku abuurtay guddiga shisheeyaha ee Baarlamaanka Denmark. "Waa in aan arrintan joojinaa, hase yeeshee inkastoo aan carruurtaas u naxayo, haddana sharciga shisheeyaha ma beddeli karno, si aan u caawino, waxaanan kiiskan u gudbin doonaa wasiirka qalabixinta," sidaasna waxaa tidhi afhayeenka arrimaha shsiheeyaha ee xisbiga Konservativ Else Theill Srensen.
Peter Skaarup oo xisbiga Dansk Folkeparti ka tirsan ayaa isaguna ku waafaqsan, wuxuuna soo jeediyay in waalidiinta Soomaaliyeed lagula taliyo inay fahmaan in dhexgalka bulshada dheenishku uuna dhaqan celin horseedi karin.
Top
Isku Deyga Qabashada Madaxii Kooxdii Tagtay Garoowe (Muuse Madoobe), Hawl-Galkii Iyo Waxyeeladii Dadka Ka Soo Gaadhay |
Burco (Haatuf): Saddex qof oo rayid ah ayaa dhaawac soo gaadhay magaalada Burco, ka dib markii ay shalay tacshiirad rasaas ah iswaydaarsadeen ninka la yidhaahdo Muuse Cabdi Maxamed (Muuse-madoobe) oo horjooge ka ahaa xubno reer Burco ah oo dhowaan ka soo laabtay xarunta maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf ee Garoowe iyo odayaal beesha uu ka soo jeeda ah oo dooonayey inay qabtaan, laakiin niman ilaalo ah oo uu wato ayaa tachsiirad ku furay odayaasha, halkaas oo rasaas la isku waydaarsaday, taasina waxay keentay inay rasaastaasia dhaawacdo saddex qof oo kala ah: Mataan Gabalaax Ismaaciil, Galaydh Cabdi Guuleed iyo gabadh inaayadeeda la yidhaahdo Ina xoosh.
Laakiin badhasaabka Burco, Cali Cabdi Hurre oo aanu la xidhiidhnay isaga oo jooga Burco ayaa sheegay inay dadkaasi dhaawac fudud yihiin. Abaara 11:30 daqiiqo ayey arintaasi dhacday, taas oo la sheegay inay odayaashaasi doonayeen inay si nabadgelyo ah gacanta ugu dhigaan Muuse Midoobe, laakiin taasi odayaasha uma suurta gelin, ka dib markii ay niman ilaalada Muuse Midoobe ahi tacshiirad huwiyeen odayaashii. Iyadoo ay wararku sheegeen inay Muuse Midoobe iyo ilaaladiisu marar dhawr ah rasaas cirka u rideen, sababta uu sidaa u yeelayana waxa lagu tilmaamay inay tahay hanjabaad uu ku hanjabayo inuu dagaalamayo hadii la isku dayo in la qabto, maadaama uu werwer ka qabo in la qabto.
Badhasaabka Burco ayaa isna sheegay inuu ninka la yidhaahdo Muuse Madoobe magaalada qas nabadgelya daro ka waddo, laakiin sida la sheegay dawladdu ilaa hadda wax talaabo ah kama qaadin. Hase yeeshee waxa doraad magaalada Burco gaadhay laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaas oo kala ah wasiirka daakhiliga Ismaaciil Aadan Cismaan iyo wasiirka boosaha, Xasan Cabdi Khayre waxa la aaminsan yahay inuu ujeedada socdaalkooda Burco la xidhiidho sidii ay wax uga qaban lahaayeen nimanka dhowaan ka soo laabtay Garoowe oo hadda Burco ku sugan.
"Arintaas iyo u kuur-gelidda xaaladda gobolkaba ayey u yimaadeen, iminkana waxay ku gudo jiraan hawlihii ay u yimaadeen,"ayuu yidhi badhasaabka Burco, isaga oo ka jawaabaya mar la waydiiyey su’aal ku saabsan ujeedada weftiga wasiirada ee Burco ku sugan.
Top
Ma Run Baa Kiishada Dawladdu Way Madhan Tahay? |
Xaaladda Miisaaniyadda Iyo Su’aalaha Taagan
Hargeysa (Haatuf): Sida uu sharcigu dhigayo ku talo galka miisaaniyadda dawladda Somaliland waa in sannad kasta bisha Nofembar ugu dambayn la horkeeno golaha wakiilada si ay u xalaaleeyaan, laakiin xiligan ilaa hadda lama hor keenin, iyadoo ay xiligan ahayd in Nofembar 2002 la horkeeno wakiilada, ka dib marka ay golaha wasiirada soo marto ee ay iyaguna soo ansixiyaan, waxayna wararka qaarkood tibaaxayaan inaanay ilaa hadda maamulayaasha wasaaradda maaliyaddu diyaarin iska daa golayaal la hor-geeyee, lamana oga sababta runta ah ee ay sidaasi u dhacday. Laakiin guud ahaan waxa mudooyinkan dambe iska soo daba baxayey warar tibaaxaya inay lacag la’aani jirto, iyadoo ay wararka arintaa ku saabsani leeyihiin kiishadda dawladda ayaa bilihii ina dhaafay aad loo gacan-togaaleeyey, laakiin si warar dheeraad ah looga helo xaaladda maaliyadda waxaanu halkan idiinku soo diyaarinay warbixin la xidhiidha daraasad kooban oo aanu ku samaynay dakhli soo saarka iyo isticmaalka kharashaadka dawladda ee sannadkii 2002 ee ina dhaafay, waana tan warbixintii:
"Marka la eego ku talogalkii miisaaniyadda dawladda dhexe ee sannadkii 2002 la ansixiyey waxay ahayd 88,852,000,000 Sh,Sl. (Sideed iyo sideetan bilyan, sideed boqol iyo laba iyo konton milyan oo shilin Somaliland ah), taas oo ah ku talogalka kharashka ay dawladdu isticmaalayso sannadkaa, waxayna yihiin ilaha loogu talo galay inuu dakhligaasi ka soo xeroodo ugu yaraan afar meelood oo kala ah: Kastamada dalka oo loo qoondeeyey inay ka soo hoyato 75,358,000,000 Sh.SL., waaxda cashuuraha beriga oo loo qoondeeyey inay ka soo xerooto 9 bilyan oo shilin, wasaaradda duulista hawada oo loo qoondeeyey 3,160,000,000 Sh.Sl iyo dekedda oo loo qorsheeyey inay keento 1.334,000,000 Sh.Sl., iyadoo lacagta ay dekeddu keenayso loogu yeedhay caawimo ay dekeddu siinayso dawladda dhexe, waayo dekedda waxa loo sameeyey miisaaniyad gaar ah. Isla markaana sida ku cad jaantuska guud ee shaxda miisaaniyadda waxa kharashka miisaaniyadda loo qoondeeyey inuu ku baxo waxyaalo ay ka mid yihiin mushahaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada ooo dhan 44,450,329,000 Sh.SL, Lacagta gunooyinka oo dhan 6,195,654,000 Sh.SL, kharashka kabka raashinka, 11,706,425,647 Sh.Sl, kharashka danjirayaasha 884,200,000 Sh.Sl., gurmadka Qaranka 3,300,000,000 Sh.Sl., Kharashaadka daawooyinka 421,284,960 Sh.Sl, Kharashka taakulaynta 561,100,000 Sh.Sl., kharash loogu talo galay in lagu bixiyo daynka dawladda lagu leeyahay 3,127,867,194, Sh.Sl. iyo lacag kale oo lagu magacaabay wixii kharashaad dheeraad ah, taas oo dhan 18,217,129,172 Sh.Sl. Laakiin marka laga hadlayo kharashaadkaa waxa buuradkiisa maamula labada hayadood ee kala ah qasriga madaxtooyada iyo wasaaradda maaliyadda, tusaale ahaan kharashaadka madaxtooyada hoos-taga waxa ka mid ah: 5,979,471,000 Sh. Sl oo ah kharashaad loogu talo galay waxyaalo ay ka mid yihiin gurmadka Qaranka oo loo qoondeeyey 3,300,000,000 Sh.Sl iyo 944,044,000 Sh.Sl oo ah kharashaad dheeraad ah iyo sidoo kale 3,250,524,000 Sh.Sl oo iyana ah kharashaad kale iyo 1,000,000,000 (hal bilyan) oo ah xafiiska Madaxweyne-kuxigeenka, halka ay inta kalena isugu jirto waxyaalo ay ka mid yihiin mushahaarooyin, gunooyin iyo waxyaalo kale. Hase yeeshee su’aalaha iswaydiinta lihi waxay yihiin ma soo baxay dakhligii la mala-awaalay, mise ma soo bixin, hadiise ay wax iska bedeleen maxaa dhacay?
Sida ku cad xisaab-xidhka xafiiska xisaabiyaha guud ee dawladda dakhliga runta ah ee soo baxay sannadkii 2002 ee wasaaradda maaliyaddu waxa uu noqday 103, 803,605,547 Sh.Sl. Sidaa darteed waxa dakhligii la mala-awaalay dheeraad ka noqday inku dhow labaatan bilyan oo shilin.
Sidoo kale kharashka dhabta ah ee baxay sannadkii 2002 waxa uu noqday 85,490,788,076 SH.SL, sidaa darteed marka la eego mala-awaalkii kharash ee la qoondeeyey waxa baaqday inka badan saddex bilyan iyo badh.
Mala-awaalkii miisaaniyaddii 2002 waxa uu ku talogalku ahaa in lacagta soo xeroonaysa ay doolar ahaan ku soo hoyato lacag gaadhaysa 2,963,141 U.S-doolar, Lacagtaa adag oo loogu talo galay in lagu bixiyo kharashaad ay ka mid yihiin: Raashinka ciidamada oo keenistiisa Qandaraas lagu siiyo niman ganacsato ah iyo safaaradaha Somaliland ee debedaha, laakiin sida ku cad xisaabaadka Xafiisyada maaliyadda waxa sannadkii 2002 doolar ahaan u soo xerooday 4,100,000 U.S.Doolar, taas oo in laban-laab ku dhow ka badan intii ku talogalku ahaa,taasina waxay baajisay saddexdii bilyan iyo dheeraadkii loogu talo in lagu kabo kharashka raashinka iyo weliba boqol iyo lix iyo labaatan milyan oo kharashka safaaradaha lagu kabi lahaa hadii ay lacagta adagi soo bixi waydo. Laakiin lacagtaa oo marka la isku daro xadigeedu gaadhayo 3,361,211,924 Sh.Sl, waxa qorshuhu ahaa mar hadii ay soo baxday lacagta adkayd inay ku hadho khasnadda kaydka dawladda. Laakiin waxa la aaminsan yahay inay wasaaradda maaliyaddu isticmaashay, waxaynuse inay taallo iyo inkale jawaabteeda ka sugaynaa Xafiisyada ku shaqada leh.
Shaxda mala-awaalka miisaaniyadda dawladda dhexe waxa kale oo ku jira lacag loogu talo galay in lagu kharash-gareeyo hawlaha doorashada, waxaana lacagtaa loogu talo galay inay ka soo hoyato kabka dawladaha hoose, laakiin sanduuqa kharashka doorashooyinka waxa bishii Diisambar 2001 kayd ahaan baaqi ku ahaa lacag dhan 2,134,832,908 Sh.Sl, waxaase sannadkii 2002 ku kordhay lacag dhan 8.610,155,530 Sh.Sl.
Sida uu dhigayo xeerka doorashooyinku guddiga doorashooyinku waa inay samayso ku talogal miisaaniyadeed oo tafsiiraysa hawlaha ay lacagtu ku baxayso, miisaaniyadaana la horgeeyo golaha wakiilada si ay u ansixiyaan, iyadoo dhinaca kalen xafiiska guddiga doorashooyinka loo qoondeeyey lacag gaar ah oo kharashka doorashada ka baxsan, sidoo kale waxa uu xeerka doorashooyinku dhigayaa inay guddiga doorashooyinku saddexdii bilood-ba xisaab-xidh keenaan, laakiin guddiga doorashooyinku bilaa miisaaniyad ayaa la aaminsan yahay inay lacagtaa isticmaaleen, isla markaana wax xisaab-celin ah may samayn. Sidaa awgeed lama oga dariiqa ay lacagtaasi martay iyo sida loo isticamaalay, waxaase jawaabta laga sugayaan Xafiisyada xisaabiyaha guud, hantidhawraha guud iyo guddiga doorashooyinka. Sidoo kale dakhliga miisaaniyadda ka baxsan ee soo xerooday oo dhan 18,302,817,471Sh.Sl., looma samayn miisaaniyad qabyo ah (Suplementry Budget), iyadoo uu sharcigu dhigayo in hadii uu soo baxo dakhli miisaaniyadda ka baxsani loo sameeyo miisaaniyad qabyo ah.
Waxa kale oo qoraalka xisaab-xidhka sannadka 2002 ee xafiiska xisaabiyaha guud ku cad in la isticmaalay kharash miisaaniyadda ka baxsan oo xaddigiisu dhan yahay soddon bilyan iyo shan boqol oo milyan kudhowaad Shilin, isticmaalka lacagtaasina waxa uu noqonayaa qayral sharci maadaama uu sharcigu yahay inaanay dawladdu geli karin kharash aan la jidayn. Laakiin lama garanayo halka ay lacagtaasi ku baxday iyo dariiqa ay martay, waxaynuse taa jawaabteeda ka sugaynaa xisaabiyaha guud iyo hantidhawraha guud iyo weliba cidii kale ee ay khusayso, sida baanka, iyadoo ay warar qaar leeyihiin waraaqo cad-cad ayaa lacagahaa intooda badan baanka lagagala baxay.
Dekedda Berbera oo uu sannadkii 2002 ku talo galka miisaaniyadeedu ahaa 14,770,420,000 Sh.Sl, iyadoo uu ku talogalku ahaa inay dekeddu lacag adag ahaan u soo saarto 1,478,956 U.S-doolar, laakiin ilaa hadda dakhli iyo kharashtoona wax xisaab ah lagama hayo dekedda, sababta aay xisaabteedu u maqan tahayna waxa inoo ogo xafiiska xisaabiyaha guud iyo maamulka dekedda Berbera.
Sharcigu waxa uu dhigayo inaanay hayadaha dakhli soo saarku qaadi karin cashuuro aanu xeer jidayn, laakiin waxa jira lacago la qaado oo dakhliga miisaaniyadda ka baxsan, tusaale ahaan waxa jira lacag loo qabto dawladaha hoose, waxaana lacagtaa qabta waaxda kastamada ee wasaaradda maaliyadda, halkaas oo ay sannadkii 2002 ka soo xerootay lacag dhan 7,804,000,000 Sh.Sl. Sidoo kale waxa jirta lacag loo qabto wakaaladda wadooyinka Somaliland (SRA), waxaana tusaale ahaan hayaddan sannadkii 2002 u soo xerooday lacag dhan 2,100,000,000 Sh.Sl, Hase yeeshee qaynuun la’aanta lagu qaado ka sokow ma jiro ku talogal miisaaniyadeed oo loo sameeyey dakhli iyo kharashtoona, sidaa darteed waxay u muuqataa inay xisaab iyo sharci la’aan ugu dhacdo sacabada cidda haysata muftaaxa sanduuqa lagu ururiyey.
Inkasta oo uu dakhligii soo baxay aad uga batay kharashkii la qoondeeyey sannadkii 2002, hadana ciidamada iyo shaqaalaha dawladdu mushaharkii bishii Diisambar ilaa hadda ma qaadan. Sidoo kale waxay wararka qaar tibaaxayaan inaan safaaradaha wax lacag ah loo dirin iyo inay weli baaqi yihiin daymankii dawladda lagu lahaa ee uu ku talogalku ahaa in la bixiyo sannadkii 2002. Sidoo kale waxay wararku leeyihiin kiishadda dawladdu lacag la’aan awgeed badhamada ayaa is garaacaya, iyadoo ay wararka qaar leeyihiin khaanad kasta gacanta ayaa la geliyey, sidaa darteedna guntin walba waa la furay.
Dhinaca kale waxa werwer laga qabaa inuu xiligan yimaado hoos u dhac weyn oo dhinaca dakhliga ah, taasina ay wiiqdo xaaladda miisaaniyadda, isla markaana waxay wararku leeyihiin maamulayaasha hayadaha dakhli soo saarka ee ay wasaaradda maaliyaddu odayga ka tahay iyo guud ahaan dawladda Somaliland kama muuqdo guntigiijis dhaqaale. Sidaa darteed waxay dad badani werwer ka qabaan inay dhacdo hintaaqo dhaqaale oo saamayn ku yeelata xaaladda dalka.
Marar badan ayey axsaabta mucaaradku ku celceliyeen inay madaxda dawladdu xisbigeeda UDUB iyo ololeheeda siyaasadeed u isticamaasho dhaqaalaha dawladda, sidoo kalena waxay dad badani aaminsan yihiin inaya jirto xaalad musuqmaasuq oo aad u firfircooni, taasna ay jilayaal ka yihiin madaxda sare iyo maamulayaasha dawladdu, laakiin su’aalaha taagan ee miisaaniyadda dawladda ku saabsan, hadii ay tahay dhinac sharcijebin iyo hadii ay xisaabeed-ba waxaynu jawaabtooda uga fadhinaa marka hore madaxda iyo xafiisyada ay sida tooska ah u khusayso, mar labaadkana cidkasta ooo raadkeedu galo.
Top
Waxa Gidaarka
Madaxa Ula Dhacay Nin Ka Qara-Weyn |
Hargeysa (Haatuf): "Na dhaafa ma doonayno idinka iyo wixii Sool ka yimaada’e"sidaa waxa isaga oo dagaal u qamaamaya ku sawaxmayey nin ku sugnaa kaamboolka dhismaha xafiiska UDUB ee magaalada Hargeysa, ninkaas oo naanaystiisa lagu sheegay Ina Khamriile waxa uu ahaa aad u qaraweyn, waxaana la sheegay inuu ka mid yahay golaha dhexe ee UDUB. Laakiin Ina khamriile ninka uu la dagaalamay waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo la sheegay inuu isna yahay xoghayaha xafiiska UDUB ee gobolka Sool, magaciisana la yidhaahdo Aadan X. Xuseen Ismaaciil, waxaana Aadan Madaxa ka soo gaadhay jugo dhawr ah.
Sida ay sheegeen dad goob-joog ah waxay arintu ka dhalatay ismaandhaaf la xidhiidha arimaha maamul ee xisbiga UDUB, hase yeeshee Aadana mar uu weriye Haatuf ka tirsani waydiiyey sababta uu aaminsan yahay in loola dagaalamay wuxuu yidhi "Waxaanu doonaynay inaanu aniga iyo gudoomiyaha UDUB ee gobolka Sool inaanu la kulano guddiga fulinta UDUB si aanu ugala hadalo sidii aanu ugu ambixi lahayn gobolkaa, ugana hawl geli lahayn, laakiin dhaawaca uu ninkaasi madaxa iiga gaystay iyo sida uu gobol ahaan noola dhaqmay waxaanu sugaynaa sida ay ka yeelaan guddiga fulinta, xoghayaha guud iyo madaxweynuhu."
Top
Qaxooti Somaliyeed Oo Deggenaa Denmark Oo La Baadi-Goobayo Halkay Ku DAmbeeyeen |
Egvad, Denmark (Haatuf): Wararka imanaya dalka Denmark, ayaa sheegaya 31 qof oo ah Soomaalida qaxootiga ku tagtay Demark in laga waayay goobihii ay ku noolaayeen dalka. Wararkaas ayaa sheegay in in maqnaanshaha dadkaa la ogaaday kadib markii ay dadkaasi muddo iman waayeen goobihii barashada luqadaha iyo goobihii dhiirgelinta dhaqdhaqaaqa.
Sida warkani sheegay, dadkan oo wlei la baadi goobayo, waxay degenaayeen magaalada Egvad ee wadan Denmark, waxaanay ka koobnaayeen 13 qof oo waaweyn iyo 18 carruur ah. Dadkan oo la sheegay in ay maqnaayeen tan iyo bishii June ee 2001.
Sarkaalad ka tirsan Maamulka Degmada Egvad ee Demark, ayaa laga soo xigtay in ay sheegtay in degmadaas ay dadkaasi la waayay u sameysay barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo shaqo ah. Maamulka degmadaas, ayaa booliska iyo hayadda Shisheeyaha u qaabilsan dadkaa ka codsaday in ay baadi goobaan dadkaasi halkay ku danbeeyeen.
Wararka qaar, ayaa sheegaya in dadkaasi la filayo in ay habeenimo ka guureeyeen halkaas, balse aan la garanayn halkii ay u safreen.
Top
Xisbiga Ariel Sharon Oo Ku Guulaystay Doorashooyinkii Israa’iil |
Qudus (BBC): Xisbiga hadda xukuma dalka Israa’iil ee Likud ee uu hogaamiyo Ariel Sharon, ayaa ku guuleystay doorashooyinkii guud ee ka dhacay dalka Israa’iil. Warkan oo laga soo xigtay warbaahinta la iska arko TV ee Israa’iil. Tirintii ugu horeysay ee doorashooyinkaa, waxaa ka soo baxay in xisbiga LIKUD uu helay 36 kursi, taas oo laba jibaaraysa wakiillada xisbigaa ugu jira Baarlamaanka Israa’iil ee loo yaqaan Knesset. Marka la ansixiyo natiijada doorashadaa, waxaa la filayaa inuu jagada RA’iisal wasaare-nimada Israa’iil uu sii hayo Ariel Sharon, marka uu ansixiyo Madaxweynaha dalkaasi.
Xisbiga Shaqada ee Israa’iil, ayaa guuldarro kala kulmay doorashadan, waxaanay tirada kuraasida uu ku leeyahay Baarlamaanka dalkaasi ay hoos ugu soo dhacday 18 kursi, halkii ay markii hore ka ahayd 25 kursi. Xisbiga Shinut, ayaa isna ay tirinta hore ee doorashooyinkaa natiijada ka soo baxday ay muujinaysaa inuu noqday xisbiga saddexaad ee dalkaas, taas oo uu helay 14 kursi.
Saraakiisha ka hawlgashay doorashooyinka, ayaa sheegtay in ay doorashadani ahayd tii ugu buuqa yarayd dalkaas oo hadda 60-sannadood jiray.
Sharon, ayaa la filayaa in guusha ay xisbigiisu gaadheen ay ka timid sida uu ula ficil dhaqmay Falastiiniyiinta, laakiin si uu u dhiso dawlad, wuxuu Ariel Sharon u baahnaan doonaa bahwadaag xisbiyada kale ah dhinacuun, sida kuwa diiniga ah (Jewish Religious), ama xisbiyada wadaniyiinta ah.
Jeremy Cooke oo BBC-da uga soo waramaysay magaalada Qudus, ayaa sheegtay in maalmo iyo toddobaadyo ay qaadan doonto wakhtiga lagu soo dhisayo dawlad cusub oo Israa’iil xukunta.
Ariel Sharon oo codkiisa ka dhiibtay goob ku taalla Machad Sare oo ku yaalla Qudus, ayaa yidhi; "Waxaan rajaynayaa in tani ay noqoto markii ugu dambaysay muddada afarta sanno ah ee soo socota."
Coddeynta doorashadani, waxay ahayd tii afraad ee ka dhacda Israa’iil tan iyo sannadkii 1996, mana jirto dawlad xiligeeda dhammaysatay tan iyo 1988-kii.
Top
Afhayeenka Dawladda Maraykanka Oo Sheegay In Weerarka Ciraaq Lagu Qaadayo Aan Amar Looga Baahnayn Golaha Ammaanka |
Maalin ka bacdi, markii ay kormeerayaasha hubka halista ah ee Ciraaq ay jeediyeen warbixin adag oo ah dhinaca qaabka ay Ciraaq ula shaqeysay hawlaha baadhista hubka halista ah ee ay Qaramada Midoobay ka wado Ciraaq, ayaa waxaa soo kordhaya cadaadiska Caalamiga ah ee la saarayo dalka Ciraaq.
Ruushka oo ku adkaysanaya in arrinta Ciraaq lagu xaliyo qaab diblomaasiyadeed, ayaa sheegay inuu adkeyn karo mowqifkiisa, haddii ay Ciraaq si wanaagsan u taageerto hawlaha kormeerayaasha hubka halista ee ay Ciraaq ka wadaan.
Dawladda Boqortooyada Ingiriiska (UK) ee iyadu mowqifka arrinta Ciraaq la safan Maraykanka, ayaa iyadu ka digtay oo u jeedisay dalka Ciraaq digniin ah "Wakhtigii wuu dhammaaday."
Khilaafka Ciraaq, ayaa la filayaa inuu qaato hadalka uu Madaxweyne Bush u jeedinayay Habeenimadii xalay ee Arbacadii Maraykanka. Afhayeen Madaxweynaha Maraykanka, George W. Bush, Mr. Ari Fleischer oo arrintaa ka hadlayaana, wuxuu yidhi; "Dadku maqlimaayaan wakhtiga loo qabtay kama dambaysta weerarka, ma maqli doonaan qaraarka dagaalka."
Mr. Fleischer, waxa kale oo uu sheegay maalintii shalay, in qaraar cusub oo Qaramada Midoobay ay ku fasaxayso tallaabo milateri oo lagu qaado Ciraaq inuu yahay arrin loo baahan yahay, laakiin maaha amarka arrintaa lala sugayo.
Afhayeenka Madaxweyne Bush, waxa kale oo doonayaa in si fagaare ah dhawaan ay Dawladda Maraykanku u soo bandhigto in Ciraaq ay qarsanayso hubka halista ah.
Weriyaha BBC-da, Steve Schifferes, ayaa ku soo waramay in ereyada afhayeenka Maamulka Maraykanka Mr. Fleischer uu mowqifka hadda ee arrinta Ciraaq uu ka qabo Maraykanku ay u muuqdaan guul uu gaadhay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo doonayay iyadoon la helin taageero diblomaasiyeed in Maraykanku uu qaado talaabo milateri.
Warkani, waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ay ka muuqato inuu ka dhaqaaqo mowqifkiisa dhinaca talaabada laga qaadayo Ciraaq, taas oo ah arrin muhiima marka la eego awooda Veto ee uu Ruushku ku leeyahay xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka go’aanadooda.
Jack Straw, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, ayaa isna ka yidhi arrintaa; "Fursadii xurgufta Ciraaq sida nabadgelyada ah loogu dhammayn lahaa way soo afjarantay, waxaa dhameeyay diidmada Ciraaq ee aan la rumeysan karayn." Sidaa wuxuu sheegay Jack Straw, maalintii shalay.
Ra’iisal Wasaare K/xigeenka Ciraaq, Taariq Casiis, ayaa isagu ku adkaystay in dalkaasi uu iskaashi waxqabad kula hawlgalay kormeerayaashii hubka halista ah ee Qaramada Midoobay ee ka hawlgalay dalkiisa, waxaanu Taariq Casiis meesha ka saarin in Ciraaq ay weerari karto Kuweyt, haddii uu Maraykanku ka dhigto Saldhig milateri oo uu kaga duulo Ciraaq. Sidaas wuxuu ku sheegay Taariq Casiis, wareysi uu siiyay TV ku yaal Kanada.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee leh diidmada Veto ee Faransiiska iyo Shiinaha, ayaa iyagu weli ku adkaysanaya in xal nabadeed lagu xaliyo arrinta Ciraaq, wuxuuse Shiinuhu ugu baaqay maalintii shalay dalka Ciraaq in ay aad iskaashi iyo wada shaqayn ay isula garab taagaan hawlaha Qaramada Midoobay.
Maanta ayuu Golaha Ammaanku ka yeelanayaa fadhi ay albaabadu u xidhan yihiin arrinta Ciraaq magaalada New York. Kormeerayaasha Hubka Halista ah ka baadhaya Ciraaq, ayaa iyagana warbixin kale laga sugayaa 14-ka February.
Top
Agaasimaha Baanka Ganacsiga Ee Kiiniya Oo Mushaharkiisu Ka Badan Yahay Ka Madaxweyne Bush |
Sub-Sahara Informer (Addis Ababa)
Madaxa fulinta ee baanka ganacsiga ee Kiiniya Mr. Garoth George’s ayaa la sheegay in mushaharkiisu uu ka qaato shaqadaa inuu yahay mid ka badan ka uu qaato madaxweynaha maraykanku.
Inta lagu qoray buugaagta ilaa horaantii sagaashameeyadii mushaharka madaxweynaha dalka dunida u dhaqaalaha badan ee maraykanku waxa uu ahaa sida buugaag qoreen (US$150,000) boqol iyo konton $, laakiin banka Kiiniya ee loo yaqaan Kenya Commercial Bank oo ku yaala mid ka mida dalalka dunida ugu liita xaga horumarka ee dalalka soo koraya, wuxuu bixiyaa mid ka mida mushaharada dunida ugu sareeya, taas oo ah mid aan la filayn in lacag intaa leeg mushahar looga qaato sida mushaharka uu qaato Mr. George taas oo keentay su’aal dhinaca dhaqaalaha ee dalka Kiiniya, warkani wuxuu muujinayaa in Agaasimaha fulinta ee Bankaasi uu mushahar ahaan u helo lacag dhan 300,000 saddex boqol oo kun oo gini halka mushaharka madaxweynaha maraykanku lagu qiyaasay 150,000$ oo dollarka maraykanka ah.
Waxaa kale oo ka baxsan mushaharka cashuurta oo laga dhaafay mushaharkiisa ka gu’i lahayd iyo gunooyin kale oo uu helo, waxaa kale oo uu leeyahay gaadhi Mercendes ah oo uu kharashkiisa bixiyo bankaasi.
Nelson Mandela ayaa isaga la sheegay in uu mushaharkiisu uu yahay (17,000) bishii. Marka la eego mushaharkan Agaasimaha banka CEO’s ayay dadka qaar u arkaan mid ka mida musuqmaasuq ka jira dalka Kiiniya ee dhinaca maamulka.
Top
Maah-Maahdu Waa Qaybaha Muhiimka Ah Ee Suugaanta Soomaalida
Maah-maahyada
Maah maahdu waxay ka mid tahay qaybaha muhiimka ah ee suugaanta Soomaalida, maah-maahdu waxa weeye tix ama tuduc hadal ah oo kooban, laakiin xikmad iyo macno wayn xambaarsan, waana hal abuur ka yimaada dadka xikmada leh.
Sidaa darteed waa maah-maahyadu waa xikmado iska daba yimid oo jiilba jiil ka dhaxlay. Maah-maahdu waa hadal kooban oo micno balaadhan xambaarsan waxaana si kooban loogu sheegaa ujeedo laga hadlayo taasoo uu ka hadalkeedu ereyo badan kaa qaadan lahaa.
Mawduucan aanu kaga hadalno arrimaha suugaanta iyo dhaqanka waxaanu maanta idiinku soo gudbinaynaa maah-maahyo kala duwan oo qayb ka ah barnaamij suugaaneed ay soo ururiyeen niman dhalinyaro ah oo la yidhaahdo Ilma Axmed Shunuf (Maxamuud, Maxamed iyo C/Raxmaan), kuwaas oo daraasad dheer ku qaatay ururinta suugaanta Soomaalida gaar ahaan Somaliland, iyadoo macluumaadkii ay ururiyeen had iyo goor laga dheehdo website-ka la yidhaahdo Shunuuf.tripod.com, kaas oo ay dad badan oo dunida ahi booqdaan, ka dibna ay ka helaan macluumaad aad u xiiso badan oo isugu jira sooyaalkii taariikheed ee suugaanta, taariikhii abwaanadii iyo waliba fanaaniintii ka qayb qaatay suugaanta. Sidoo kalena waxay ururiyeen kumanaan gabayo, heeso, maah-maahyo iwm. Laakiin maanta bal nala dheehda maah-maahyadan hoos ku qoran. Oo ka kooban guud ahaan maahmaahyada Soomaalida oo dhan.
Maah-Maahyo
1. Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
3. Aar qoyey dacawo la mood.
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
8. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey.
13. Adduun i khatal.
14. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
18. Adhi magantii ma barriiyo.
19. Adhi shidho laga daayo.
20. Adhi-jiri ma kala abaal weydo.
21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw.
24. Af aamusani marti ma sedo.
25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
27. Af aanad lahayn lama qabto.
28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.
29. Af daboolan dahab.
30. Af Daboolan, Dahab waaye.
31. Af hadlaaba aamus.
32. Af jabtay sideedii ma noqoto.
33. Af jooga looma adeego.
34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa
38. Af wax cunay xishoo.
39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
42. Af-ka nool abooto mudac.
43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
45. Afkii dab yiri ma guban.
46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
49. Alla aamin ma iisho.
50. Alle watow wehel uma baahna.
51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
56. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
61. Aqal libaax lafo lagam waayo.
62. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan.
63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
65. Aroos lagama raago, lagumana raago.
66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
67. Arrimo rag waa mudacyo afkood.
68. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
70. Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
71. Arrin xumo abaar ka daran
72. Atoorku intiisuu guun ku yahay.
73. Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
74. Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
75. Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
76. Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.
77. Ayax teg eedna reeb
78. Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi.
Top
Cali Duul-Duul Iyo Suugaantiisa Casriga Ah |
Abwaan Cali Ismaaciil Carab (Cali Duul-duul) suugaantiisa gabayada maadaysta ah oo toddobaad kasta maalinta arbacada ah aynu qayb kastoo qaadano toddobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa gabay layidhaahdo KALA-KAAN, waana kan gabaygii:
Kurdi iyo Afgaanistaaniyiin, kuuri iyo taywaan,
Kaanboojiyiin iyo hindoo, kuman jabaaniisa,
Toban kenediyaaniyo, dhaj iyo noocyo kala kaana,
Kabiila iyo qoladuu xukumo koongo gudaheeda,
Kuuriya iyo kiiniyaan odaya kaanuu ah,
Kabtoon nimanka dega iyo ilaa kooban iyo heegan,
Kabajii guruub wada kab-kab ah kuuba iyo ruushan,
Kaasa falanga qaar jooga iyo kolanyo reer shaam ah,
Reer kolombiyiyo seerbiyiyo koosafiyo saylar,
Kambaliyo kinshaashiyo kuwii tegayay kaakuuni,
Kuwa koofi anan soo diroo koonka lagu yaacshay,
Darkartuumo lagu keenay iyo kiishash iyo haamo,
Kaargooga qaar uu dhigoo wada kadlaynaaya,
Kabti wile gorayiyo biciid koronkor yaacaysa,
Kalluumaysatiyo doonyaleey kiro lasoo siiyay, kabaala xunta igu ururtay,
Iyo kaba noocaalayda, kun qoloo isgalay oo ka badan kaynta dooga ahe,
Kufri iyo islaam uumiyahan laygu keliyeeyay,
Sow inaan kabriid subax qaban kaafka kuma taalo.
Top
Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga |
-
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
-
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay Muuse Shoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale
Q: 76aad
Mingistu: Anigu waxaan iswaydiinayey ama ka fekerayey arin ah sida aanu u samayn karno xisbi bulsho oo ku meelgaadh ah, taasina waxay ka dambaysay markii aanu aasaasnay guddiga ku meelgaadhka ah oo aanu samaynay markii ay burbureen guddi uu Xayle Salaase magacaabay oo loo xil-saaray inay distoor sameeyaan, laakiin guddigii ku meelgaadhka ahaa ee aanu aasaasnay ayaa isna burburay, ka dibna waxaanu sharciyeynay wakaaladdii la odhan jiray "Wakaaladda dib-udhiska iyo dhiirigelinta ee ku meelgaadhka ah". Sidoo kale waxaanu samaynay hayad kale oo ay ujeedada aanu u samaynay ahayd inay dadka rayidka ah fahamsiiyaan aqoonta siyaasadda iyo sida loogu dhaqmo siyaasadda, isla markaana waxaanu qorshaha ku daray inay dadka arimaha siyaasadda aqoonta u leh ama dhaqankeeda wax ka yaqaan fagaaraha u soo baxaan oo ay aqoontooda dhinaca siyaasadda ku kordhiyaan dadka rayidka ah iyo sidoo kale in dadka la fahamsiiyo kacaanku waxa uu yahay, halgamadu waxa ay yihiin, imbiryaaliyaddu waxa ay tahay, isbedel inuu yimaado ujeedadaa laga leeyahay ama waxa looga jeedo IWM.
Waxa la soo jeediyey in la soo bandhigo qoraalo ku saabsan waqtiyada ay dawladdu hawlaha wado inay dadka shicibka ahi isu soo ururaan oo ay danahooda iyo hawlaha ay dawladdu u qabanayso ka wada hadlaan. Isla markaana ay weriyayaashu gudbiyaan aaraahda dadweynaha, taas oo aanu uga jeednay si ay shicibka aqoontiisa iyo maskaxdoodu u kobocdo ama u balaadhato.
Waxa kale oo intaa dheeraa xubno kormeerayaal ah oo loo diri jiray gobolada si ay dadka shicibka ah u soo baraan siyaasaddu waxa ay tahay, isla markaana ay dadka abaabulaan si ay kacaanka u xoojiyaana, iyadoo ay waxyaalaha laga dhaadhicinayey ka mid ahaayeen qorshihii ahaa in dhul la siiyo dadka xoogsatada ah iyo weliba sidii ay dadku uga shaqayn lahaayeen ama u sugi lahaayeen xoojinta iyo jiritaanka kacaanka.
Sida la ogyahay Itoobiya afarta kooneba waa laga hareereeyey, mana jirin cid qudha oo doonaysay wanaagayaga iyo jiritaankayaga hadii aanu si kasta samayno. Sidoo kalena cadawgayagu waxay doonayeen inay dagaal aad u balaadhan nagu soo qaadaan.
Waxa la sameeyey xisbi la odhan jiray "Libaaxii Yuhuudda" iyo xisbiyo kale oo badan, waxaana abaabulo laga sameeyey meelo ay ka mid yihiin Lastaa, Goondar iyo goojam oo ay iska abaabuleen xubno ay ka mid yihiin Mar’id Biru iyo Qayn Asmaaj, Mangashaa Siyuum, Cali Mire iyo xubno kale, waxayna waxaas oo dhami ahaayeen kuwo tartamaya, sidaa darteed arimaha la eego waxaan inaanu sidaa yeelo ahayn maanu samayn karayn. Laakiin waxa jiray qolooyin aanu fekradahayagii u soo bandhignay, kuwaas oo aanu si taxader leh u dooranay, isla markaana ahaa kooxo dhaqdhaqaaqyadii ay ardaydu sameeyeen gacan weyn ka geystay, aqoon fogna niman leh ayey ahaayeen. Markaa nimankaasi wixii ay hordhaca ka soo dhigeen waxa uu ahaa "wax walba waanu ogolahay, laakiin barnaamijka siyaasadeed su’aal ayaanu ka qabnaa."
Dhinaca kale marka mawqifkayagu yahay isbedel ilaa gun iyo baar ah inaanu samayno, waxay taasi ahayd mid ka duwan nidaamkii hantigoosiga ee Itoobiya ka jiray, sidaa darteed mawqifkayaga caynkaas ahi waxa uu noqonayaa mid ajnebi ah. Laakiin quwadaha horu socodka ahi maadaama ay gacan na siin karayeen, balse waxa loo baahnaa barnaamij sax ah , waxay na tuseen ama nagu yidhaahdeen ra’yi ah "Masarkan aad afka iska saarteen iska qaada oo is cadeeya oo arintiina shaaca ka qaada"...
La soco cadadka dambe.
Top
Yaabka Dunida Maxaad Ka Ogtahay |
M. M. Muuse
-
Koonfurta dalka Fiyatnam waxa ku dhaqan qoomiyad la yidhaahdo Mantanyaard, qoomiyadaas marka uu ilmo yari dhasho waxay u bixiyaan magac, laakiin hadana marka uu qofkaasi guursado ayey magac kale u bixiyaan, sidoo kale marka uu qofkaasi ilmo yar dhalo ayaa hadana magac saddexaad loo bixiyaa, sidoo kale marka uu qofkaa ilmihiisa curad qof dhalo waxa hadana loo bixiyaa magac afraad oo ah magaca ugu dambeeya.
-
Waxa jira kaluun ay gaaladu ugu yeedho Lampre, kaluunkaasi marka uu gaadho xiliga dhalmadiisa waxa uu bilaabaa inuu guri dhisto, waxayna kaluumadda dhalaysaa gurigaa ka dhisataa dhagxaan, iyadoo marka ay dhagxaanta ay guriga ku dhisanayso soo urursanayso afka ku soo qaad-qaadda, ka dibna marka ay aqalkaa dhiskiisa dhamaysato ayey xabadiiba dhashaa 236,000 xabbo oo beed ah, laakiin marka ay beedakaa dhasho ayey isla markiiba dhimataa.
-
Hindidii dalka Maraykanka deganayd waxay cuntada ku karsan jireen saanta Lo’da ama jidhifta geedka, ka dibna marka ay cuntada karsanayaan inta ay dheriga hareeraha qoryo lagaga xidho ayaa biyo lagu shubaa, dabadeedna inta ay dab meel kale oo aan dheriga hoostiisa ahayn ku soo shidaan ayey dhagxaan diir-diirran oo ay dabkaa ku soo diiriyeen soo qaadaan, ka dibna dheriga ayey ku dhex-ridaan si ay marka biyuhu u kululaadaan wax ugu karsadaan, sidaas ayeyna dadkaasi wax u karsan jireen.
Top
Ku Gor-Gortanka Maayarada Iyo Dhibaatada Ku Xeeran
Nidaamka dimuqraadiga oo awoodu gacanta ugu jirto shacbiga hogaamintiisa, waxa hogaamiya nidaamka rabitaanka shacbiga waana nidaamka ugu horumarsan saddexda nidaam ee ka jira dunida oo kala ah, nidaamka dimuqraadiga, nidaamka boqortooyada, iyo nidaamka kalidii taliyaha.
Haddaba saamayn intee leeg buu ku yeeshay nidaamkan dimuqraadiyada wadamada dunida saddexaad?
Sideedaba wadamada dunida saddexaad oo aad moodo inay imika uun dhadhansadeen nidaamka dimuqraadiga ahna ka ka kaliyaata ee lagaga gudbin karo (clan bases) nidaam ku salaysan qabiil qabiil dalkeena jamhuuriyadda somalilaand oo ay ka dhacday doorashadii ugu horeysay ee ku salaysan nidaamka asaxaabta oo aynu ku guulaysanay doorashooyinkii golaha deegaanka oo ka dhacay dalkeena 15/12/02.
Tan iyo maalintii shan iyo labaatanka qof ee ka kala yimid xisbiyadii kala duwanaa waxay isla meel dhigi la’yihiin kumaa noqon doona maayar. Iyadoon loo eegayn saddexda xisbii kuu ka soo jeedo ee loo eegayo aqoonta uu u leeyahay khibrada uu u leeyahay shaqadan oo ah shaqo culus. Shan iyo labaatankan xubnood iyadoo awood u leh inay doortaan kii noqon doona maayar iyo xubnaha kale ee (capital city) caasimaada gudaheeda kana qaadi kara.
Maaha inay shan iyo labaatankan xubnood inay ku gorgortamaan sidii ay u noqon lahaayeen xubno sare dhamaantood ee waa inay u eegaan khibradiisa, aqoontiisa iyo waa inuu ahaadaa nin dhibaatadan culus ee ku xeeran caasimada naga saari kara. Xashiish u daran bilicda magaalada iyo hareeraheeda iyo meelaha biyo mareenada ah.
Nidaamkan dimuqraadiyada ee aynu qaadanay waa inay sidiisa u fulinaa qodobada ugu muhiimsana waxa ka mida:
-
madaxbanaanida ra’yiga dadka, madaxbanaanida qalabka warbaahinta.
-
ku xalinta khilaafaadka siyaasadeed hab nabadeed iyo dood furan (open dabete)
-
aqbalaada iyo hogaansanaanta codka intiisa badan
-
dhawrista sharciga iyo qawaaniinta iyo u baahinta shacbiga
guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay waa inay shacbiga reer Somaliland u hogaansanaadaan nidaamkan dimuqraadiga oo aanay canjilin ee ay sidiisa u qaataan.
Mustafe Cabdi Maxamed (Cusbo)
Hargeysa
Top
Muuqaalkii Gabiley Madigaan Laga Waaye, Maxaa Keenay Maqnaanshaha? |
Maqaalkan ku hal qabsanaya su’aasha la yaabka leh waa mid u baahan fahan iyo u fiirsi gaar ah si aad u hesho hawraarta jawaabta su’aashan oo sax ah, waxaa kale oo iyaduna isweydiin u baahan "Maxaa umadda deegaan ku nool ku dhalin kara tabasho noocan oo kale ah? Ama ay ku dhalin karta?
Si aan haddaba su’aasha maqaalkan jawaab ugu helno waa in aynu ka jawaabnaa su’aasha tabashada leh si aynu u helno albaabka maqaalkan.
Sida aanu wada ogsoonahay waxaa ummad tabasho ku dhalin karaa waa marka ay waydo wixii ay filaysay ama la duudsiyo waxay xaqa u lahayd, sidaa daraadeed beeshani waa mid dhib iyo dheefba garab iyo gaashaan la wadaagaysay waxii awoodeeda ah waxa ay taas marwalbana wixii awoodeeda ah waxa ay taas u yeelayeena ay ahayd waajibka iyo mudnaanta walaaltinimo eela kala mudan yahay balse waxaa taa hal bacaad lagu lisay ka dhigay ciddii ay walaaltinimada bidayeen markii loo adeegsaday si ay khayaano ku jirto taas oo ah in marka deegaan guud wax lagu doonayo loo isticmaalo kalmadda ah isku mid baynu nahay ee maxaynu kala nahay marka waxii degaan si gaar ahna loo qaybsanayo aad noqoto beel gaar ah.
Haddaba haddii aan hadalka nuxurkaygan hoos ugu daadago beesha maddigaan waa beesha saddexaad ee soo raacda degmada Gebiley ku wareegsan haddana aan ka helin mansabka iyo mudnaantii ay ku lahaayeen saamiga degmada iyadoo had iyo jeer la sheego in nidaamkan cusubi ku dhisanyahay nidaamka xisbiyada badan.
Balse markastaba ifafaalaha soo baxayaa waxa uu muujinayaa nidaam aan ka gadisnayn nidaamkii qabiilka taas oo ay cadayn ahaan ay kuugu filantahay doorashadii golaha deegaanka ee la qabtay 15/12/02 natiijooyinkii ka soo baxday degmada Gebiley oo degmo ahaan ku jirta darajada A waxay heshay 21 mudane oo golaha deegaanka ah doorashadaasi oo ay si cadaalad darro ah ay u maamuleen maamulka xisbiyada dagmaddu tusaale ahaan 21-ka mudane ee ka soo baxay degmada waxay ku koobnaayeen laba beelood oo kali ah Jibriil Abokor 17 xubnood iyo Cabdalla Abokor 4 xubnood ah halkaas waxaa inooga muuqata in aan la waafajin nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee dadka loo soo bandhigay taas oo macnaheedu yahay waxba nama dheera sidaa daraadeed waxaan talo ahaan ku soo jeedinayaan in maamulku noqdo mid ay ka wada muuqdaan beelaha wada dagan.
Ismaaciil Maxamed Axmed (Gaagaale)
Hargeysa
Top
Kenenisa Oo Ku Guulaystay Orodada Dhaadheer Isagoon La Jebin Rikoodhkiisii Hore
Horyaalka ciyaaraha Orodada dhaadheer ee dunida Kenenisa Bekele oo 2 biladood oo dahaba hore ugu guuleystay, haystana horyaalka dunida ee orodada dhaadheer, ayaa ku guulaystay orodka caalamiga ah ee De Italica oo laga ordo magaalada Seville ee dalka Spain. Orodkan oo ah 10,000m.
Kenenisa, wuxuu horyaalnimada orodkan ku guulaystay maalintii Axadii ee toddobaadkan. Waxaa orodkaa tartankiisa ka qaybqaatay Charles Kamathi iyo Albert Chepkururi oo reer Kiiniya ah, wuxuu orodka la bilaabay tartankan uu ka guulaystay Kenenisa, orodyahanada reer Kiiniya, Alberto Garcia oo Spain u dhashay, Tadesse oo Eleteriya u dhashay iyo Jaouad Gharbi oo Marooko u dhashay. Markii ay marayeen kiloomitirka saddexaad ee orodkaa, ayuu Kenenisa ka goostay orodyahanadii kale, xawaaraha uu kaga dheereeyay ee uu ka soo horeeyay Ragii la tartamayay waxa uu ahaa sideed ilbidhiqsi. Kiiloomitirkii 8aad ee orodkaas, ayuu sii kordhiyay xawaarihii orodkiisa, waxaanu Kenenisa ka horeeyay 20 ilbidhiqsi, isagoo ku guulaystay orodkaa oo la ordayay 10,800m wakhti ah 31:31, waxaana ku xigay Tadesse oo degan Spain, laakiin u dhashay dalka Erateriya. Garcia oo reer Spain ah, kuna guulaystay orodada ragga ee Spain, ayaa isagu orodkaa ku dhamaystay wakhti ah 31:51. guushaasina waxay sii waday horyaalnimada orodkaa ee Kenenisa tan iyo bishii march 2001, markii uu Kenenisa Bekele uu guulo badan ka soo hooyay tartamo ciyaareeed oo uu kaga qaybgalay Yurub. Kenenisa, waxa uu ku soo noqday dalkiisa Itoobiya, isagoo tegay Bekojji oo ku taala koonfurta dhexe ee Itoobiya ee Gobolka Oromada. Halkaas oo ay degantahay Kenenisa Hooyadii.
Dhinaca tartanka Orodada ee Gabdhaha, waxaa guul ka soo hooysay Merima Deboba oo ka adkaatay Edith Masai oo reer Kiiniya ah iyo Eluan Abeyla Gesse oo ah gabadh reer Turkiya ah, laakiin ku dhalatay Itoobiya.
Top
Joseph Yobo Oo Heshiis La Galaya Everton |
Ciyaaryahanka da’da yar ee ka ciyaara weerarka Joseph Yobo oo u dhashay dalka Nayjeeriya, ayaa ku guda jira sidii uu heshiis afar sannadood ah uu ula geli lahaa kooxda Everton.
Yobo oo ahaa ciyaaryahan difaaca uga ciyaarayay kooxda dalkiisa Nayjeeriya koobkii Adduunka, waxa uu heshiis ergiso ah kaga soo wareegay kooxda Faransiiska ah ee Marseille, waxaanu ciyaaro wanaagsan ka muujiyay dhammaan ciyaarihii uu saftay, isagoo ay raaligelisay tababaraha kooxdiisa iyo taageerayaasha kooxda Everton, sidii uu si rasmi ah ugu soo wareegi lahaa kooxda Everton, iyadoo ay jirtay waxoogaa carqalad ah, laakiin wuxuu sheegay Yobo inuu u diyaar yahay inuu saxeexo afar sannadood oo ah heshiis uu la galo kooxda Everton.
Isagoo taa ka hadlayana, waxa uu yidhi Yobo; "Waxaa noo socda wada hadalo aanu ku saxeexayno heshiis cusub, waxaanan rajaynayaa inuu heshiiskan cusubi hirgalo ka hor dhammaadka wakhtiga kala wareega ciyaartoyda ee bishan ku eg."
Joseph Yobo, waxa kale oo uu sheegay in dib u dhaca u wareegiisan kooxda ee rasmiga ah ay u sabab ahayd, kadib markii uu bedelay wakiilkiisii hore oo uu samaystay wakiil cusub oo wakiil uga noqon doona amuurihiisa dhinac kasta.
Top
Van Gaal Oo Markii Labaad Laga Eryey Barcelona |
Ka hor xataa ciyaartii ay maalintii Axadii kooxda Barcelona kula kulantay Celta Vigo, waxaa dulsaarnayd birta iyo cadho kaga imanaysay tababaraha kooxda Barcelona taageerayaasha kooxdaas, kadib markii ay kooxdaasi la kulantay guuldarooyin ay ugu dambeysay tii Axadii ay baday Celta Vigo. Guuldaradaa oo geysay kooxda Barcelona oo xaga hore kaga jirtay tartanada Spain iyo kuwa Yurub in ay tagto kaalinta 12aad ee tartankaas oo ay 20 dhibcood ka dambeyso kooxda Real Sociedad e hogaaminaysa hadda horyaalka Spain (La Liga Spain), waxaanay Saddex dhibcood oo qudha ka sareysaa Barcelona heerka ay kooxuhu dib ugu noqdaan heerka labaad ee Naadiyada Spain (Serie B).
Guuldaradan ugu dambeysay ee kooxda Barcelona, ayaa ahayd sababta ugu dambaysay ee go’a u tuurtay tababaraha kooxdaas Van Gaal oo ah nin u dhashay Holland (Dutch) oo 51 jir ah, waxa uu si cad u sheegay inuu gaadhay go’aan uu kaga baxayo heshiiskii uu ugu shaqaynayay kooxdaas, waxaanu sheegay markii ay is arkeen madaxa kooxda Barcelona in ay ku heshiiyeen in ay wadada kala qaadaan oo uu Van Gaal iskaga tago kooxdaas, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi Van Gaal; "Anigu dhab ahaantii tababare ahaan aad baan uga xanaaqay uma nooli rabitaanka iyo rajada taageerayaasha Barcelona."
Ramon Salabert oo Barcelona u qaabilsan arrimaha Maaliyadda, ayaa sheegay in ka tegista Van Gaal ee Barcelona ay ku keeni doonto Naadigooda khasaare dhan in ay bixiyaan 4 milyan oo ah lacagta Yurub (Euro).
Top
Masar Oo Ku
Guulaysatay Koobkii Dhallinyarada Afrika |
Kooxda heerka dhalinyarada ee qaranka dalka Masar ayaa ku guulaystay horyaalnimada tartanka 20aad ee dhalinyarada Afrika, ka dib markii uu 4-3 kaga adkaaday kooxda Ivory Coast ciyaartii kama dambaysta ahayd ee tartankaas oo lagu daray waqti dheeraada si loo kala badiyo.
Ciyaarta waxaa maalinta ahaa xidiga garoonka Ibraahim Emad oo u ciyaarayay kooxda Masar, waxaanu Ibraahim dhaliyay 2 ka mida goolasha ay kooxda Dalka Masar guusha ku haleeshay.
Goolasha uu dhaliyay Ibraahim waxay ahaayeen goolkii ugu horeeyay ay ciyaartaas dhaliso kooxda Masar iyo Goolkii ugu dambeeyay ee ay guushu ku raacday.
Markii ay ciyaartaas socotay saddex daqiiqadood oo kaliya qaybtii hore ee ciyaarta ayuu Ibraahim Emad goolkii u horeeyay u dhaliyay kooxda Masar, (6) daqiiqadood ka dib goolkaa ayuu Christain Romarie isna u dhaliyay goolkii barbaraha ahaa kooxda Ivory Coast. Taya Toure ayaa goolkii labaad u dhaliyay kooxda Ivory Coast markaa oo hogaanka u qabatay ciyaarta ka dib markii ay gool ka hormartay kooxda Masar daqiiqadii 22aad, laakiin daqiiqadii 29aad ee ciyaarta ayaa kooxda Masar la simantay kooxda Ivory Coast ka dib markii uu Axmed Fathy gool labaad u dhaliyay, (4) daqiiqadood ka dibna goolkii saddexaad ayay dhalisay kooxda Masar, waxaan u dhaliyay Habdel Rabbuh, kooxda Ivory Coast ayaa iyana dhalisay goolkii barbaraynta dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaartan.
(90) daqiiqadood ee ciyaarta loogu talo galay ayaa ku dhamaaday 3-3 ay barbaro ku yihiin kooxaha Masar iyo Ivory Coast waxaana lagu daray waqti dheeraada si ay u kala badiyaan. (8) daqiiqadood markii ay socotay ciyaartu qaybtii hore ee waqtigan lagu daray ciyaarta ayuu Ibraahim Emad u dhaliyay kooxda Masar goolka dahabka ah ee kooxda ku horeysa ay guulaysato.
Halkaasna waxay kooxda dhalinyarada qaranka Masar ku qaadatay koobkii 3aad ee ay ku guulaysato tartanka kubadda cagta ee dhalinyarada Afrika, waxaa kooxaha ka soo baxay tartanka dhalinyarada Afrika ay isreeb reeb u ahayd cida Afrika uga qayb gali doonta koobka dhalinyarada adduunka ee sanadkan ka dhici doona dalka Imaaraadka Carabta. (UAE)
Top
|